-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shirkii guddiga farsamada arrimaha doorashada federaalka ee ku qabsoomay magaalada Baydhaba, kaasi oo ay yeesheen wakiilo kala matalayey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, ayaa heshiis buuxa lagu gaaray, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed Shirka Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashada Federaalka ee ku qabsoomay magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeelgaarka ah ee Koonfur Galbeed 10-16-kii Febaraayo 2021 waxa uu ku soo dhammaaday guul. Guddiga oo ka duulaya mabaadi’da aasaasiga ah ee wadar ogol, isu tanaasul, is qancin iyo tixgalinta xaaladda dalka ayaa si qoto dheer uga dooday qodobbada caqabadda ku ahaa fulinta heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020 iyo duruufaha ku xeeran qabsoomidda doorashooyinka Dawladda Federaalka Soomaaliya. Guddigu waxay si gaar ah diiradda u saareen dhiraan-dhirinta farsamada iyo xal u helidda qodobbadan: Cabadashada laga muujiyey in qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Doorashooyinka aysan waafaqsanayn habraacyada iyo shuruudaha xubinnimo ee Guddiga Doorashooyinka ee lagu qeexay heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020, gaar ahaan in ay jiraan xubno ka tirsan Shaqaalaha Rayidka ah iyo Hay’adaha Amniga. Xal u helidda Guddiga Doorashada kuraasta Somaliland. Xaaladda Gobolka Gedo oo la xalliyey. Adkaynta Qoondada Haweenka Jadwalka qabsoomidda doorashada Guddigu waxay xal farsamo oo gundhig u noqon kara qabsoomidda doorashada ka gaareen dhammaan qodobadaas kor kuxusan, waxayna Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran u gudbiyeen soo jeedinta guddiga si ay u meel mariyaan. Sidoo kale, Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashadu waxay ugu baaqeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran in ay shir isgu yimaaddaan 18 Febaraayo, 2021. Guddigu waxay u mahadcelinayaan Madaxwayanaha Dawladda iyo shacabka reer Koonfur Galbeed soo dhawaynta iyo martigalinta Guddiga Farsamada. Guddigu waxay sidoo kale u mahadcelinayaan Beesha Caalamka oo dadaalka joogtada ah ugu jirta sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho loo dhanyahay. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee uu marxuumku ka qaatay arrimaha dacwada Islaamka, barbaarinta iyo baraarujinta shacabka Soomaaliyeed. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa tiirarka Culimada Soomaaliyeed ee wakhtigooda iyo noloshoodaba u hibeeyey faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.” Madaxweyne Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu kabaxay. View the full article
-
Allaah u naxariiste waxaa xalay Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa Culumada Soomaaliyeed . Sheekha ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu la xanuun sanayay feyriska Corona taas oo ugu danbeeyntii keentay in uu xalay ugu geeriyoodo Isbitaalka Martiini. Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta dowladda iyo Midawga musharixiinta xubna ka tirsan ayaa tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaah U naxariisto Sheekh Nuur Baaruud Gurxan . Hadaba Sheekh Nuur Baaruud Gurxan Kumuu Ahaa? Sheekh Nuur Baaruud Gurxan waxa uu sanadihii 1950-meeyadii ku dhashay deegan hoostaga gobalka Qorexeey ee DDS, isagoo waxbarashadiisi dugsiga Qur’aanka ku soo qaatay halkaas. Sheekha waxa uu markii uu soo weynaaday bartay culumuudta diidta Islaamka, isaga oo muddo 30, ka badan ka mid ahaay Culumada Soomaaliyeed. Sheekh Nuur waxa uu sidoo kale ka mid ahaa Aas Aasayaashii Hay’adda Culimada Soomaaliyeed , isagoo hadda ahaa ku-xigeenka gudoomiyaha Hay’adda iyo Afhayeenka hay’adda . Qaar ka mid ah mas’uuliyiin horay xilal kala duwan uga soo qabatay dalka ayaa ka tacsiyadeyay geerida Sheekh Nuur Baaruud Gurxan. Hogaamiyayaasha Maamul Gobaleedyada ayaa dhankooda ka tacsiyadeeyay geerida Sheekha, iyagoo alle uga baryey Sheekh Nuur Baaruud Gurxan in uu Janada ka waraabiyo. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Subax-1722021.mp3 View the full article
-
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Cabdi Xaashi cabdullaahi ayaa Goor dhowayd Qoraal ka soo saaray khilaafka ka taagan arrinta Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka ee Gobolada ee Waqooyi (Somaliland). Qoraal kasoo baxay Xafiiska guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa lagu sheegay in aysan jirin cid dadka kasoo jeeda Somaliland uga qeyb galay shirarkii Madaxda ee looga hadlaayay arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya, sidoo kalena uusan jirin heshiis laga gaaray arrintaan. Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumadda ayuu ku eedeeyay Cabdi Xaashi inay dadaal adeg u galeen in aan laga hadlin arrimaha doorashada ee Xildhibaanada Gobolada Waqooyi, isla markaana faafiyeen warar been abuur ah oo aan waxba ka jirin. Dowlad Goboleedyada dalka iyo dadka kale ee ku jira xal u helida doorashada Soomaaliya ayaa u Guddoomiye Cabdi Xaashi u caddeeyay in dadka kasoo jeeda Somaliland ay doonayaan in iyagu ay u madax banaanadan maamulida doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi, iyadoo la marayo hanaan Guddi sare. PUNTLAND POST The post Cabdi Xaashi oo war ka soo saaray Guddiga Gobolada Waqooyi ee Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
For Halima Aden, the decision to walk away from a career as the world's first supermodel to wear a hijab was fairly clear cut. She's felt used for so long, she says — by the modeling industry and by UNICEF, the organization she was photographed by as a child in a refugee camp in Kenya and later served as an ambassador for. Source: Hiiraan Online
-
'We are like captives': life in Britain's quarantine hotels
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
LONDON (Reuters) - Mohamed Noor faces 10 days in COVID-19 quarantine in a hotel room near London’s Heathrow Airport after falling foul of new border controls because of a flight delay. Source: Hiiraan Online -
Horn of Africa country reports 9 more deaths, 100 new coronavirus infections Source: Hiiraan Online
-
DUBAI, United Arab Emirates - The U.S. Navy seized a large cache of weapons being smuggled by two small ships off the coast of Somalia, it announced Tuesday, amid the grinding war in nearby Yemen. Source: Hiiraan Online
-
Dawlada Sacuudiga oo dil Qoor-goyna ku xukuntay Haweeney u dhalatay dalkeeda oo lagu helay….. Maxkamad ku taalla Sacuudiga ayaa dil ku xukuntay haweeney u dhalatay dalkaas ka dib markii lagu helay iney dil badheeh ah kula kacday haweeney shaqaale u aheyd. Ayesha al-Jizani ayaa wajahaysa dil qoor goyn ah markii ay dil u geysatay gabar reer Bangladesh ah oo la odhan jiray Abiron Begum bishii Maarso 2019 sida ay sheegtay warbaahinta Sacuudiga Kooxaha u dooda xuquuqda xuquuqul insaanka waxay sheegeen in talaabadani uu qaaday Sacuudiga ay tahay mid naadir ah. “In loo shaqeeye lagu helo loona ciqaabo dambi ah inuu ku xadgudbay shaqaale muhaajiriin ah oo ku sugan waddan ka ka tirsan Bariga Dhexe waa arrin naadir” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay heyadaha xuquuqda aadanaha oo talaabadan soo dhoweeyey. Abiron Begum. Marxuumada la dilay Dilkii Abiron Begum loo geystay bishii Maarso 2019 ayaa soo afjaray labo sano oo ay wadamada khaliijka u soo aaday shaqo ay fileysay in mushaharkeeda fiican yahay, balse ay ku weyday nafteedii Ehelada Begum waxay ku booriyeen dowlada Bangaladhesh inay talaabo ka qaado dilaaliin ay sheegeen iney sireen Begum, oo 40 jir aheyd si ay uga soo shaqeystaan dalka sacuudiga. “Waxay rabtay inay aado dibedda si ay lacag badan u hesho una caawiso waalidkeed oo da’ ‘ah,” ayuu yiri Ayub Ali oo ka tirsan qoyska Begum xili uu a hadlayey Reuters. “Waxay bilaabeen inay jirdilaan laba toddobaad ka dib markay tagtay. Way na soo wici jirtay oo ay ooyi jirtay, waxaan ka codsannay dillaaliinta dhoofiyey inay soo celiyaan, laakiin cidina nama dhageysan” ayuu intaas ku daray Ayub Ali. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana qeyb ka ah musharaxiinta mucaaradka ah ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in xubnaha beesha caalamka ay soo faro-geliyeen banaanabaxa la filayo in maalinta Jimcaha uu ka dhaco Muqdisho. Wararka aan ka helnay xubnahaan ayaa sheegayaa in beesha caalamka ay la hadleen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, iyo ra’iisul wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo hogaamiyaal ay xubnaha beesha caalamka, islamarkaana ay ka dalbadeen in ay yeeshaan kulan fogaan arag ah oo ku saabsan xaaladda dalka “Waxaan filaynaa in dhowaan uu dhaco kulan gaar ah oo mucaaradka iyo beesha caalamka ah islamarkaana laga wadahadlo banaanbaxa oo ay beesha caalamka dalbtay in la joojiyo,” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan mucaaradka oo la hadlay Caasimada Online. Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ka walaacsan xaaladda dalka Soomaaliya gaar ahaan banaanbaxyada la filayo in ay dhacaan waxayna qabaan aragti ah in dalka ay gelin karaan fowdo iyo qal qal amni. Cabsida ugu weyn ayaa ah inay isku dhacaan ciidanka dowladda iyo dibad-baxayaasha kadibna uu horseedo kacdoon shacab oo kadib isku beddeli karaa dagaal, sida ay qabaan xubnaha beesha caalamka qaarkood. Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa todobaadkaan sheegay in ay qaban doonaan banaanbax looga soo horjeedo inuu kursiga sii fadhiyo Madaxweynaha uu waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laguna dalbanayo qabashada doorasho xor ah.
-
Ciidamada Maraykanka oo qabtay hub qarsoodi loo soo gelineyay Somalia+Sawirro Ciidamada Maraykanka ee la socda Markabka USS Winston S. Churchill ee xambaara gantaalaha wax burburiya (DDG-81) ayaa sheegay in iyagoo raacaya xeerka caalamiga ah ay qabteen hub fara badan oo loo tahriibinayey Somalia. Markabkan oo ka mid ah raxanta 5-aad ayaa ku jirey roondo joogto ah oo uu ku hubinayo amaanka xeebaha aan cidina ilaalin ee Somalia sida lagu sheegay qoraal ay soo saareen taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka. Doonida la qabtay ayaa siddey hub noocyo kala duwan leh oo ay ka mid yihiin qoryaha boobaha ee Soomaalidu u taqaan Dabajeexa ama PKM iyo gantaal tuuraha RBG 7, sidoo kale waxaa ka mid ahaa qoryaha darandooriga u dhaca ee AK-47 iyo saanad kale. Ciidamada Maraykanka ayaa markii ay kala wareegeen hubkii ay siday sii daayey doonta iyo shaqaalaha la socday, iyagoo siiyey biyo, lamana oga illaa hadda sababta au u fasaxeen. Hubkan oo jawaanno lagu soo qariyey ayaan la sheegin illaa dalka laga keenay iyo cida rasmi ahaan loo waday, ciidamada maraykanka ayaana marar badan oo hore qabtay hub loo soo waday Somalia. Markabka Winston S. Churchill wuxuu ka ambabaxay Norfolk, Virginia, 10kii Agoosto si loo ilaaliyo amniga badaha loona hubiyo xorriyadda marinka marinnada biyo mareenka ee muhiimka ah ee Somalia, Maraakiibta Mareykanka raxanta 5aad, oo xarunteedu tahay magaalada dekeda ah ee Manama ee dalka Bahrain, waxay qabataa hawlgallo wadajir iyo mid badeed si loo taageero xulafada gobolka iyo la-hawlgalayaasha iyo danaha amniga qaranka Mareykanka ee Bariga Dhexe. Qaran News
-
Madaxweyne Haweenay Geeriyootay oo uu tacsiyadeeyay ugu yeedhay inay u Madaxtooyada timaado+Maxaa khaldan? Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa wariyeyaasha waddankiisa ka yaabiyay kaddib markii uu shaaca ka qaaday filayay inay madaxtooyada imaato haweeney horay u geeriyootay oo uu dhimashadeedana ka tacsiyeeyay xilligaas. Museveni ayaa hilmaamay in haweeneydaas aysan nooleyn, wuxuuna moodayay in ay kasoo qeyb gali doonto munaasabad xus ah oo loo qabanayay seygeeda, Janani Luwum, oo ahaa baadari. Munaasabadda ayaa lagu xusayay 44 guuradii kasoo wareegtay geeridii baadarigaas oo ahaan jiray hoggaamiye diimeed caan ah. Pres.Museveni says he doesn’t know that Luwum’s wife Mary died, he expected her to be at State House. But yet, Mary Luwum died in August 2019, & Museveni sent a message, read by the Prime Minister, describing her as a courageous woman whose legacy will be remembered by many. — #CanaryReports (@CanaryMugume) February 16, 2021 Mr Museveni ayaa sheegay in uusan ogeyn in Mary Luwum ay dhimatay, sidaas darteedna uu aaminsanaa in ay xafladda soo xaadiri doonto. Warbaahinta maxalliga ah ayaa tabisay in Mr Museveni uu labo sano ka hor tacsi ka diray geerida Mrs Luwum, isagoo markaas sheegay in ay ahayd haweeney ku dayasho mudan. Baadari Luwum ayaa saameyn weyn ku lahaa Uganda intii u dhaxeysay 1974-kii ilaa 1977-kii. Wuxuu horseed ka ahaa dhaliilaha loo jeedin jiray kalitaliskii hore ee dalkaas, Idi Amin, oo la sheegay in uu amar ku bixiyay dilkiisa. Uganda ayaa sanadkii 2015-kii maalin fasax ah u aasaastay si loogu maamuuso baadarigaas. Qaran News
-
Guddiga Farsamada ee dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir oo ku shirsanaa magaalada Baydhabo, ayaa xal rasmiya ka gaaray Qodobadii lagu muransanaa ee Arrimaha hirgelinta doorashooyinka. Guddiga ayaa shaaciyay in xal dhammaystiran laga gaaray ilaa shan qodob oo ku saabsan hirgelinta doorashooyinka, kuwaas la isku-hayay, waxaana Qodobaas kamid ah Arrinta Somaliland, Guddiga doorashooyinka iyo xaaladda Gobolka Gedo. Guddigu faahfaahin kama bixin Qaabka looga heshiiyay Qodobadaas, balse waxay sheegeen in Madaxda sare ay ku wargeliyay, islamarkaana la isku raacay. Sidoo kale, Guddigu waxay ku baaqeen in 18-ka bishan oo ku beegan Khamiista ay shir isu’gu yimaadaan dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post Guddiga Farsamada oo shaaciyay in xal rasmiya laga gaaray muranka doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
-
Amiirad Latifa oo shaaca ka qaaday dhibaatada ay kala kulmeyso guri lagu xiray Amiirad Latifa oo soo duubtay muuqaal qarsoodi ah Gabadh uu dhalay Amiirka Dubai Latifa Al Maktoum oo sanadkii 2018-kii isku dayday inay ka cararto dalkeeda ayaa muuqaal qarsoodi ah u dirtay asxaabteeda, waxay ku eedeysay aabaheed ‘in uu guri ku xiray’ oo ay noqotay ‘laheyste’ isla markaana ay u baqeyso nolosheeda. Muuqaal lala wadaagay barnaamijka BBC ee Panaroma, Amiirad Latifa Al Maktoum ayaa sheegtay in ciidamada koomaandooska ay xoog kaga soo saareen dooni ay saarneyd xilli ay dooneysay inay baxsato ayna xireen. Saaxibadeed ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobey in xaaladda ay faraha lasoo gasho. Maamulka Dubai iyo Imaaraatka Carabta ayaa horraan sheegay in gabadha ay xaaladdeedu wanaagsantahay ayna heleyso daryeel. Mary Robinson oo ah ergeygii hore ee gaarka ah ee Qaramada Midoobey arrimaha xuquuqul insaanka iyo madaxweynihii hore Ireland oo horraan ku tilmaantay xaaladda gabadha “Gabadha da’yar oo dhibaateysan’ kadib markii ay la kulantay sanadkii 2018-kii ayaa haatan waxay sheegeysaa in amiiradda haatan ay khiyaaneen qoyskeeda. Waxay ku baaqday in tallaabo caalami ah la qaado si loo ogaado xaaladda iyo goobta ay ku nooshahay Latifa. “Waxaan weli kasii walaacsanahay Latifa, xaaladda wey isbaddashay, waxay ila tahay in la baaro” ayay tiri Mary Robinson. Aabaha dhalay Latifa, Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al Maktoum wuxuu kamid yahay madaxda ugu taajirsan caalamka, waana amiirka Dubai iyo madaxweyne ku xigeenka Imaaratka Carabta. Muuqaalladan soo baxay ayaa bilooyin ka hor lagu duubay teleefoon si qarsoodi ah loogu dhiibay Latifa kaddib markii la qabtay laguna celiyay Dubai, waxay muuqaalka ku duubtay iyadoo ku jirta musqusha waana goobta kaliya ah ay isku soo xiri kartay. Farrinta ayaa sidatan u dhigneyd: Waxay la dagaashay ciidamadii kasoo saaray doonta ‘iyadoo dagaallameyso oo xarbineysa” waxay qaniinyo isaga fujisay mid kamid ciidamada koomandooska oo ay gacanta ka qaniintay, weyn qeylisay. Waana la suuxiyay waxaa ka lumay dareenka, waxaana lagu soo qaaday diyaarad khaas ah, waxayna soo miirsatay markii laga soo dejiyay Dubai. Kaligeed ayaa meel lagu hayay iyadoo aanan helin adeeg caafimaad ama aysan helin qareen xilli ay ku sugneyd guri albaabadiisa iyo daaqadihiisa la xiray iyadoo ay ilaaliyeen booliska. Tiina Jauhiainen waxay Latifa ka caawisay inay baxsato Muuqaalka qarsoodiga ah ee ku saabsan qaabka loo qabtay Latifa waxaa barnaamijka BBC ee Panaroma usoo dusiyay qaar kamid ah asxaabteeda oo ay kamid yihiin Tiina Jauhiainen, Marcus Essabri iyo David Haigh kuwaas oo waday olole ku aadan sidii loo soo daayn lahaa Latifa. Waxay sheegeen inay qaateen go’aan adag oo ku aadan sidii loo baahin lahaa farrinta gabadha kadib walaac ku aadan badqabka Latifa. Waxay sheegeen in ay u suurogashay inay la xiriiraan Latifa oo lagu xiray guri ku yaalla Dubai oo albaabadiisa iyo daaqadihiisa la xiray oo ay ilaaliyaan boolis. Barnaamijka BBC ee Panorama ayaa si madaxbanaan u xaqiijiyay faahfaahinta ku saabsan halka lagu hayo Latifa. Sheekh Maxamed ayaa dhisay magaalo horumar leh balse dadka u ololeeyo xuquuqul insaanka ayaa sheegayaa in uusan wax dulqaad ah u muujineynin dadka mucaaradka ah iyo in nidaamka caddaalladda uu gacan bidxeynayo haweenka dalkaas. Wuxuu leeyahay ganacsi ku saabsan tartanka farddaha, sida ka muuqato sawirkan oo uu la galay boqoradda Ingiriiska Queen Elizabeth II. Boqoradda Ingiriiska iyo Sheekh Maxamed oo ku sugnaa Ingiriiska bishii Juun sanadkii 2019-kii Wuxuu wajahayaa dhaleeceyn xooggan oo ku saabsan arrinta amiirad Latifa iyo xaaskiisa Haya Bint Al Hussain oo iyada iyo labo carruur ah ay dhashay u carareen London sanadkii 2019-kii. Baxsadkii doonta Latifa oo haatan 35 jir ah, markii ay 16 jir aheyd ayay isku dayday inay baxsato, sanadkii 2011 waxay la xiriirtay ganacsade u dhashay Faransiiska oo la yiraahdo Herve Jaubert, waana qorshe muddo dheer socday. waxaana ka caawineysa arrintaas Ms Jauhiainen oo horraan u aheyd macalimad ka tirsan baarnaamijka tababarka ee capoeira ee laga leeyahay Brazil. 24-tii bishii Febraayo sanadkii 2018, Latifa iyo Ms Jauhiainen waxay dooni u qaateen biyaha caalamiga ah, waxaana halkaas ku sugayay Mr Jaubert oo saarnaa dooni uu ka babanayay calanka Mareykanka. Siddeed maalmood ka dib waxay ka baxeen xeebaha Hindiya, waxaana doontii soo koray ciidamada koomaadooska, Ms Jauhiainen waxay sheegtay in qori ay ku qabteen ciidamada. Latifa waxaa dib loogu soo celiyay Dubai, tan iyo xilliggaas wax war ah lagama heynin. Ms Jauhiainen iyo shaqaalihii saarnaa doonta ayaa lasoo daayay labo toddobaad oo ay ku xirnaayeen Dubai. Dowladda Hindiya weligeed kama aysan hadlin kaalinta ay ku laheyd arrintaas. Muuqaal ay Latifa soo duubtay sanadkii 2018 Balse inta aysan baxsan sanadkii 2018 Latifa waxay soo duubtay muuqaal kale oo ay soo dhigtay barta YouTube kaddib markii la qabtay, “Haddii aad daawaneyso muuqaalkan, ma ahan wax wanaagsan, waxay noqon kartaa xaaladda ah in aan dhinto ama aan ku suganahay xaalad aad u darran” ayay tiri Latifa. Waxaana arrintaas ka dhashay cadaadis xooggan oo lagu dalbanayo in lasii daayo. Imaaraatka Carabta waxaa soo food saaray cadaadis caalami ah, waxaana la qaban qaabiyay kulan ay la yeelanayaan Ms Robinson. Kulankii Robinson Waxay u duushay Dubai bishii December sanadkii 2018 kaddib codsi ay u jeedisay amiirad Haya si ay u yeeshaan kulan qado ah oo ay goob joog ka tahay Latifa. Ms Robinson waxay barnaamijka Panorama u sheegtay in iyada iyo Amiirad Haya ay gudbiyeen faahfaahinta ku saabsan xaaladda Latifa oo ku saabsan inay qabtay xanuun dhanka maskaxda ah, xaaladddaas oo aysan inaba qabin. Waxay sheegtay in Latifa aysan weyddineynim xaaladdeeda maadama aysan dooneyn inay u horseedaan inay uga sii daro welwelka heysto. Sagaal maalmood kadib qadada, wasaaradda arrimaha dibadda Imaaratka waxay soo daabacday sawirrada Ms Robinson iyo Latifa kuwaas oo ay ku sheegayaan inay caddeyn u tahay in xaaladda amiiradda ay wanaagsantahay. Ms Robinson waxay tiri “Waa la ii khiyaanay kaddib markii sawirrada la baahiyay, waa arrin gebi ahaanba argagax ah…waan yaabay” Sanadkii 2019, xiisadda ka dhex taagneyd qoyska maamulo Dubai ayaa laga hor sheegay maxkamad ku taalla Ingiriiska kaddib markii mid kamid ah xaasaska hoggaamiyaha amiirad Haya Bint Al Hussain ay u carartay UK iyada iyo labo carruur ah oo ay dhashay isla markaana magangelyo ay u raadsadeen halkaas. Amiirad Haya (Bidix) iyo qareenkeeda Fiona Shackleton oo ku sugnaa maxkamadda sare ee UK bishii Febraayo 2020 Sanadkii lasoo dhaafay maxkamadda sare waxay soo saartay go’aano ku saabsan xaqiiqada ah in Sheekh Maxamed uu amray sidoo kale qorsheeyay in si xoog ah Latifa loogu soo celiyo dalka sanadkii 2002 iyo 2018 iyo in uu sameeyay tallaabo sharci darro ah oo ku saabsan in UK uu ka afduubtay 2000 gabadhii ka weyneyd oo la yiraahdo amiirad Shamsa oo iyadu isku dayaysay inay baxsato. Maxkamadda waxay ogaatay in Sheekh Maxamed “uu wado dhaqdhaqaaq uu labadan gabdhood ee da’da yar uu kaga hor istaagayo xoriyaddooda” Saaxibada Latifa waxay ku rajo weyn yihiin in kiiskii maxkamadda ee bishii March ee sanadkii lasoo dhaafay ee ka dhanka ahaa Sheekh Maxmed aanu ‘daacad aheyn’ in loo eexdo dhinaca amiirad Haya ay caawin laheyd. Go’aanka ku saabsan baahinta farriinta, Ms Jauhiainen waxay haatan sheegeysaa in “In wakhti badan uu lumay” tan iyo markii wax xiriir ah laga waayay. Waxay sheegeysaa in ay u maleyneysay in baahinta muuqaalka uu ahaa mid adag balse waxay intaas ku dartay “Waxaan dareemayaa inay dooneyso in aan u dagaallano oo aanan is dhiibin” Qaran News
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee uu marxuumku ka qaatay arrimaha dacwada Islaamka, barbaarinta iyo baraarujinta shacabka Soomaaliyeed. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa tiirarka Culimada Soomaaliyeed ee wakhtigooda iyo noloshoodaba u hibeeyey faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.” Madaxweyne Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu kabaxay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Sheekh Nuur Baaruud appeared first on Puntland Post.
-
Ugu yaraan 8 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerar culus oo Al-shabaab xalay ka fulisay degaanka Jiicdheere oo ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug. Wararku waxay sheegayaan in Al-shabaab mudda kooban la wareegtay tuuladaas Jiicdheere oo qiyaastii 20km u jirta Bacaadweyne balse markii dambe laga saaray. Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo dadka degaanka oo is kaashanaya ayaa dib ula wareegay Jiicdheere kadib iska hor-imaad dhexmaray iyaga iyo Al-shabaab. Xaaladda degaanka ayaa saaka degan waxaana haatan ku sugan Ciidamada dowladda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weerar culus ka fuliyay koonfurta Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka hadlay banaanbaxa ay iclamiyeen golaha midowga musharaxiinta ayaa shaaciyey sababta ay u doorteen in banaanbaxaas lagu qabto fagaaraha taallada Daljirka-daahsoon. Waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan la socon xaaladda ka jirta dalka, isla markaana laga ilaaliyey inuu dhageysto Idaacad ama daawado TV, sidaas darteedna ay u doorteen in la maqashiiyo qeylada oo aad loogu dhawaado, sida uu hadalka u dhigay. Mahad Salaad ayaa ugu horeyn qoraalkiisa ku yiri, “Galabta ayaan Muqdisho ku soo laabtay si aan uga qaybgalo bannaabaxa maalinta Jimcaha Farmaajo loogu sheegayo in uusan Madaxweyne ahayn oo muddo xileedkiisii mar hore dhamaaday.” Qoraalka Mahad Salaad ayaa intaas ku sii daray, “Waxa la ii sheegay maalmahaan duqa in aan loo ogolayn in uu dhagaysto ama daawado Idaacad iyo Telefishin midna. Waxa kaliya ee warkooda uu maqlana ay yihiin Wadaad Kitaab Gaablow ah oo Afgooye laga keenay iyo Fahad oo sidii rooxaanta habeenkii saqda dhaxe u yimaada una laqima talqiinta xabaasha lkn duqu u heysto duco lagu gaaro xukun adduun in ay tahay, cid u fasirtana wali uusan helin inlee looma oggolee. Waana sababta aan u dooranay Daljirka Daahsoon si daaqada qolkiisa uu codkeena uga maqlo dharaar cad.” Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in sheekada qeybteeda ku saabsan Fahad Yaasiin aysan dadku wada fahmi karin, balse uu la sugayo fursad kale oo uu ku fahansiiyo. “F.G. Sheekada Fahad intiina badan hada ma fahmi kartaan lkn hadhow isagoo geed kale saaran markaad yaqiinsataan ayaan sidaan si ka ballaaran idinkugu iftiimin doonaa inshaa’allah,” ayuu yiri Mahad Salaad oo qoraalkaan soo dhigay bartiisa Facebook-ga. Tan iyo markii mucaaradku iclaamiyey banaanbaxaas in la qabto maalinta Jimcaha ah ee soo socota, waxaa soo xoogeysanaya hadallada siyaasiyiinta taageeraya in la qabto banaanbax nabadeed, halka madaxda dowladda federaalka lagu tuhmayo inay dejinayaan qorsheyaa looga hor tegayo banaanbax ay qabtaan mucaaradku. Marka laga soo tago labada dhinac ee dowladda iyo mucaaradka dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho ayaa ku kala aragti duwan banaanbaxa la iclaamiyey, maadaama ay kala taageersan yihiin labada dhinac. Sidoo kale qaar ka mid ah dadka ayaa ka walwalsan in xaaladdu xumaato oo gaarto gacan ka hadal, banaanbaxyaduna joogsa diidaan, taas oo aan maanta dan u aheyn dalkan ka soo kabanaya colaadaha sokeeye.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Shirkii guddiga farsamada arrimaha doorashada federaalka ee ku qabsoomay magaalada Baydhaba, kaasi oo ay yeesheen wakiilo kala matalayey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, ayaa heshiis buuxa lagu gaaray, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed. Hoos ka aqriso war-murtiyeedka. GUDDIGA FARSAMADA ARRIMAHA DOORASHADA FEDERAALKA: War-Saxaafadeed Baydhabo, Febaraayo 16, 2021; Shirka Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashada Federaalka ee ku qabsoomay magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeelgaarka ah ee Koonfur Galbeed 10-16-kii Febaraayo 2021 waxa uu ku soo dhammaaday guul. Guddiga oo ka duulaya mabaadi’da aasaasiga ah ee wadar ogol, isu tanaasul, is qancin iyo tixgalinta xaaladda dalka ayaa si qoto dheer uga dooday qodobbada caqabadda ku ahaa fulinta heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020 iyo duruufaha ku xeeran qabsoomidda doorashooyinka Dawladda Federaalka Soomaaliya. Guddigu waxay si gaar ah diiradda u saareen dhiraan-dhirinta farsamada iyo xal u helidda qodobbadan: Cabadashada laga muujiyey in qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Doorashooyinka aysan waafaqsanayn habraacyada iyo shuruudaha xubinnimo ee Guddiga Doorashooyinka ee lagu qeexay heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020, gaar ahaan in ay jiraan xubno ka tirsan Shaqaalaha Rayidka ah iyo Hay’adaha Amniga. Xal u helidda Guddiga Doorashada kuraasta Somaliland. Xaaladda Gobolka Gedo oo la xalliyey. Adkaynta Qoondada Haweenka Jadwalka qabsoomidda doorashada Guddigu waxay xal farsamo oo gundhig u noqon kara qabsoomidda doorashada ka gaareen dhammaan qodobadaas kor kuxusan, waxayna Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran u gudbiyeen soo jeedinta guddiga si ay u meel mariyaan. Sidoo kale, Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashadu waxay ugu baaqeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran in ay shir isgu yimaaddaan 18 Febaraayo, 2021. Guddigu waxay u mahadcelinayaan Madaxwayanaha Dawladda iyo shacabka reer Koonfur Galbeed soo dhawaynta iyo martigalinta Guddiga Farsamada. Guddigu waxay sidoo kale u mahadcelinayaan Beesha Caalamka oo dadaalka joogtada ah ugu jirta sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho loo dhanyahay. Dhammaad
-
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ahaa culimada Soomaaliyeed ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Sheekh Baaruud ayaa ku geeriyooday isbitlaalka Martiini oo xaalad caafimaad loo geeyay, lamana xaqiijin in uu u geeriyooday Covid-19 iyo in kale. Cudurka Covid-19 ayaa ku soo labakacleeyay Soomaaliya, kaas oo saacadihii la soo dhaafay ay u geeriyooday dad ka badan 10 qof. Geerida Sheekh Baaruud waxaa ka tasciyeeyay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Sheekh Nuur Baaruud Gurxan wuxuu kamid ahaa culimada ugu caansan Soomaalida. PUNTLAND POST The post Sheekh Baaruud oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
Source: Hiiraan Online
-
The guided-missile destroyer USS Winston S. Churchill (DDG 81), in accordance with international law, boarded a stateless dhow off of Somalia and interdicted an illicit shipment of weapons and weapon components, Feb. 12. Maritime security operations, as conducted by the U.S. 5th Fleet, entail routine patrols to determine pattern of life in the maritime environment as well as to enhance mariner-to-mariner relations. These operations reassure allies and partners and preserve freedom of navigation and free flow of commerce. View the full article
