Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Saraakiisha caafimaadka Hindiya ayaa ku dhawaaqay daah furka xaalado cusub oo fayraska corona ah, kaasi oo markii ugu horreysay la sheegay in laga helay Koonfur Afrika iyo Brazil. In ka badan 150 qof ayaa waxaa horay ugu dhacay cudur kale oo la sheegay in uu ka soo ifbaxay Boqortooyada Ingiriiska. Dad kabadan 100 qof oo uu haleelay xanuunkan cusub ayaa laga helay magaalada Bengaluru ee koonfurta Hindiya. Xaalada kale ayaa sidoo kale laga diiwaan galiyay dhowr gobol oo ka tirsan Hindiya sida Maharashtra iyo magaalada Mumbai, ee caasimada dalkaas. Hindiya oo ah dalka labaad ee ay ku noolyahiin dadka ugu tirade badan Dunida, ayaa diiwaan gelisay tiro cusub oo cudurkan ah, tirooyinkan cusub ee uu soo ritay xanuunkan ayaa la sheegayaa in ay ku sii fidayaan gudaha Hindiya. PUNTLAND POST The post Hindiya oo laga helay nooc cusub oo fayraska Corona ah appeared first on Puntland Post.
  2. President Joe Biden intends to “recalibrate” the U.S. relationship with Saudi Arabia and will emphasize outreach to King Salman, in a move that signals a downgrade in ties with Crown Prince Mohammed Bin Salman, the country’s de facto ruler. Source: Hiiraan Online
  3. Washington (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Badda ee Mareykanka ayaa waxaa faah faahin dheeri ah looga bixiyey hub sharci darro ah oo uu Markabka USS Winston S. Churchill ku qabtay xeebaha dalka Soomaaliya. Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada Badda Mareykanka ay gacanta ku dhigeen labo doon oo lagu soo raray hub fara badan, xilli ay marayeen meel ku dhow xeebaha Badweynta Hindiya ee Soomaaliya. Ciidamada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in doonyahan ay sideen hub kala duwan, islamarkaana ay ku soo wajahnaayeen gudaha Soomaaliya. Sidoo kale saraakiisha Markabka USS Winston S. Churchill ayaa waxaa hoosta ay ka xariiqeen inay gacanta ku digeen dadkii la socday doonyahaasi siday hubka. Mareykanka ma xusin halka ay ka soo shiraacdeen doonyaha la qabtay iyo cidda ay u sideen hubka gacanta lagu dhigay oo ay ka mid yihiin qoryaha nooca Kalashnikov ee AK 47, qoryaha Boobayaasha Fudud, qoryaha culus ee Shiishka leh, Gantaalada Garabka laga gano ee RPG ama 7 iyo hubka ay ku hawl-galaan ciiddanka Lugta (Crew-served weapons operated by infantry). Video ay sii daayeen ciidamada Mareykanka ee gacanta ku dhigay hubkaasi ayaa sidoo kale waxaa la arkayey ciidamada oo baaris ku haya doonyahaasi. Si kastaba arrintan ayaa kusoo aadeyso, xilli ay Soomaaliya haatan ku jirto marxalad adag oo kala guur ah, islamarkaana laga cabsi qabo in dalka uu galo fowdo, waxaana sidoo kale jirta in l-Shabaab ay muddooyinkii dambe dhankeeda kordhisay weerarada ay fuliso.
  4. Mogadishu (HOL) - A Nairobi-based forum has written to the United Nations Secretary-General pleading for his intervention in deferring the Somalia-Kenya maritime dispute at the International Court of Justice (ICJ). Source: Hiiraan Online
  5. Waxaa saaka magaalada Muqdisho COVID 19 ugu geeriyoodey caalimkii weynaa Sheekh Nuur Baaruud Gurxan. Sheekh Nuur Baaruud, waxaa uu ka tirsanaa culimada Soomaaliyeed, gaar ahaan Ikhwaanka garabka Damu Jadiid, Waxaa uu ku jiray Culimada ugu saameynta badan Soomaaliya. Sheekha Nuur, waxaa uu ku dhashay Magaalada Qoroxey ee deegaanka Kilinka Shanaad sanadkii 1950-kii, waxaa uu ahaa reer Miyi ari jir ah, ilaa indhaha xanuunaan. Sheekh Baaruud Eedadiis ayaa xanuunka Indhaha dartii ugu soo waday Magaalada Muqdishu 1959-kii xuriyaddii Soomaaliya ka hor, kadib waxay degeen Baydhabo oo qur’aanka ku bartay, 5 sanana ku noola, isaga u soo gudbay kilinka Shanaad oo 3 sano kale uu ku noolaa, Sheekh Nuur waxaa Xamar kusoo laabtay sanadkii 1965-tii, isagoo bilaabay in mar kale uu Qu’aanka dib u xifdiyo. Kutubka Akhrinta waxaa uu bilaabay 1968-dii, Sanadkii 1970-dii waxaa uu ku biiray Iskuul Islaami ah oo Dugsi sare ahaa, Iskuulka waxaa la oran jiray Tadaamun, iyada oo lagu imtixaamay Tafsiirka, Fiqiga, Caqiidada iyo wixii la mid ah, waxaa uu Iskuulkaas dhigaanayey labo sano. Sheekh Nuur Baaruud, Labadii sano ee dugsiga sare ugu dambeysay, Waxaa uu dhigtay dugsi Masaari ay la hey doo hoos tagi jiray Azhar oo la oran jiray Machad Muqdishu. Machadkaas kadib, Sheekh Nur Baaruud, Waxaa qaaday Wasaaradda Diinta iyo Garsoorka halkaas uu Waacid ka noqday xagga Diinta sanadkii September 1, 1974-tii. Sheekh Nuur isagoo Wasaaradda u shaqeeya ayuu furay Dugsi Gabdhaha Xijaabka sita u gaar ah, ilaa 90 Guri ayuu ka furay magaalada Muqdishu. Waxaa u wacay Sheekh Nur Wasiirka isagoo u sheegay in uu joojiyo Nashaadka uu wado, arintaas uu sheekha ku gacan seyray, taas oo keentay in Sheekha la xiro. Sheekh Nur Baaruud Waxaa uu xirnaa 2 sano iyo Bar, Waxaa la xiray May 18, 1976-October 26, 1978-dii, Sheekha waxaa loo xiray qaabka “ii hay” oo ah dadka in la iskaga xiro Eedeyn la’aan. Sheekh Nuur Baaruud Gurxan markii lasoo daayey, Waxaa uu dib u bilaabay Nashaadkii uu hayey, taas oo keentay in mar labaad la xiro 1986-dii, Waxa uu ka mid ahaa 9 qof oo dil lagu xukumay. Bishii May 5, 1986 ayaa Sheekha iyo sideed kale la xiray, Waxaa lagu xiray guriga Nabad sugidda Mama Khadiijo halkaas uu 9 bil ku jiray. Xabsiga Dhimashada ayaa markii dambe loo gudbiyay Sheekha, Xabsiga waxaa uu Sheekh Nur ka sheegay xabsi aad u dhib badan sida Kuleel, 10 qof oo lagu xiro qol 2 loogu talo galay, Musqulaha oo qaab wadareed loo galo, 4 Bil ayey Sheekh iyo 8-dii kale halkaas ku jireen, oo ay sugayeen in la toogto. Sheekada waxaa soo faragaliyay Dalka Sacuudiga oo horay u diidanaa Wadaado 75-tii uu Maxamed Siyaad toogtay, Dilkii waxaa loogu badalay Xabsi daa’in, labo sano kale ayuu sii xirnaa Sheekha kadibna isaga iyo raggii kale waxaa lagu sii daayey Cafis gaar ah. Culimada Sheekha la xirnaa waxaa ka mid ah: Sheekh Xasan Dahir Aweys, Sheekh Cabdicasis Farax Maxamed, Sheekh Xaashi Colhaye Kaliil, Sheekh Yusuf Gaab, Sheekh Maxamed Cusmaan Siidow, Sheekh Maxamud Sheekh Farax iyo Sheekh Aweys Maxamed Ibrahim. Sheekh Nuur Baaruud Gurax, Waxaa uu galay Jaamacad, Waxaa uu dagaalkii ku dhacay isagoo ku jira sanadkii ugu dambeeyay, kadib waxaa ka dhacay dagaaladii Sokeeye, Waxaa uu u qaxay Kilinka Shanaad, halaas uu ku maqnaa ilaa 1998-dii. Sheekh Nuur Baaruud Waxaa uu ka mid ahaa Ikhwaanka Soomaaliya, Burburkii kadib, Waxaa ay Ikhwaanka is tuseen ilaa 6 qodob sida in laga shaqeeyo sida dib u heshiisiinta, gargaarka umadda, waxbarashada iyo qodobo kale, waxaa uu sheegay in kooxdooda aanay ka qeyb qaaday dagaaladii Sokkeye, waxaa uu kalsoo sheegay in kooxdan ay dalka ka bilowday Waxbarasho heer sare ah, sida Dugisyada Umu Qura iyo Axmed Guray iyo Jaamacadda Muqdishu. Sheekh Nuur Baaruud, Waxaa uu Tafsiir ka akhriyay Masjidka Macmacaanka ee degmada Dharkeyley, Waxaa kaloo Masjidka Cumar Bin Khadaab ee Zoobe uu ka akhriyay Siiro iyo qaar ka mid ah warbaahinta dalka. Sheekh Nuur Baaruud, Waxaa uu magaalada Muqdishu ka furay Macaahid aad u tiro badan oo gabdhaha Muslimaadka ah, wax lagu baro. Sheekh Nuur Baaruud Guraxan Waxaa uu ka qeyb galay Ololeyaal dhowr ah oo loogu gurmanayo dadka iyo dalka, Waxaa ka mid ahaa Abaaro dalka ka dhacay 2006-dii sida Abaaro Gedo ka dhacay iyo Daadad ku dhuftay Koofurta iyo Jubbooyinka, waxaa uu ka mid ahaa cilimada ka soo horjeeday joogista Itoobiya ee Soomaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Cabdi Xaashi Cabdullahi gudoomiyaha Aqalka Sare BJFS ayaa war ka soo saaray khilaafka arimaha soo xulista guddiga doorashada xildhibaanada Somaliland. Gudoomiyaha Aqalka sare ayaa sheegay in aysan jirin is afgarad laga gaaray arinta soo xulista guddiga doorashooyinka xildhibaanada Baarlamaanka ka soo galaya Somaliland. Qoraal ka soo baxay xafiiska Cabdi Xaashi Cabdillahi, ayaa waxaa Sii-hayaha madaxweeynaha lagu eedeyay in ay isaga iyo xukuumaddiisa ay dadaal dheer ku bixiyeen sidii shirarka doorashooyinka aysan cid ka socota Somaliland qeeyb uga noqon lahaayeen. Hoos Ka Akhriso Qoraalka Cabdi Xaashi Cabdillahi Source: goobjoog.com
  7. Due to racism, language barriers, high cost of living and expensive education in most developed countries, Hyderabad has in fact become the go-to option for many Somali. Source: Hiiraan Online
  8. (ERGO) – Sadiyo Qasem Mohamoud and her family of five have been sleeping rough under a temporary shelter for the past two weeks after their home in the coastal village of Dhinowda in central Somalia’s Mudug region was buried by sand. Source: Hiiraan Online
  9. MOGADISHU (HOL) - Prominent cleric Sheikh Nuur Baruud has died in Mogadishu following admission at De Martini Hospital. Source: Hiiraan Online
  10. a resolution for negotiated vaccine ceasefires. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah midogwga Musharraxiinta ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka 2021-ka iyo sidoo kale soo labo kacleynta cudurka Coronavirus. Ugu horreyn Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay siyaasadeyneyso kiisaska cudurka Covid-19, islamarkaana ay damacsan tahay inay ku dhacdo doorashada dalka 2021-k, isaga oo si adag uga digay arrintaasi. Musharraxa ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay muhiim tahay in la raaco talooyinka caafimaadka, islamarkaana si guud looga taxadaro faafista xanuunka Coronavirus. “Xaaladda Covid-19 waa mid guud ahaan dadka looga baahan yahay in ay ka taxadaraan, waxaana qabnaa shaki la xiriira in ay Dowladdu siyaasadeyso kiisaska xannuunka iyada oo qorshaheedu yahay in lagu dhaco Doorashooyinka lagu heshiiyay in ay dalka ka dhacaan,” ayuu shirkiisa jaraa’id ku yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta ku aadan dibad-baxa ay musharraxiintu ka abaabulayaan magaalada Muqdisho, wuxuuna shaaciyey inuu dhacayo banaan-baxaasi. “Mudaharaadku waa mid dastuuri ah, waxa uu ka dhashay doorashooyinka dalka oo aan qabsoomin, Dowladdu qudheeda waxa ay dadka isugu soo bixisaa marka la taageerayo guulaheeda, halka ay diido kan lagu muujinayo gaabiskeeda, haddaba maxaa xalaaleeyay kan Dowladda oo kan mucaaradka xaaraantimeeyay,” ayuu sii raaciyey. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo weli xaaladda dalka ay isku cakiran tahay, islamarkaana isha lagu wada-hayo shirka ay leeyihiin madaxda dowlada federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee looga hadlayo doorashooyinka 2021-ka.
  12. (SLT-Riyadh)-Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay laga bilaabo sannadka 2024 ayna wax qandaraas ah siin doonin shirkaddaha Shisheeye ee aan fadhigooda hay’an waddanka Sacuudiga. Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in laga bilaabo 1 Janaayo 2024 qandaraasyada dowlada ay siin doonto oo kaliya shirkadda Shisheeye ee xaruntooda gobalka ka sameysta gudaha waddanka Sacuudiga. Arrintan ayay dowlada Sacuudiga uga danleedahay inay ku cadaadiso shirkaddaha caalamiga ah ee Qandaraaska ka qaata hay’adaha dowlada Sacuudiga ay xaruntooda Gobalka ka dhigtaan gudaha wadankaasi. Go’aankan ayaa la doonayaa in lagu abuuro shaqooyin cusub oo ay helaan shacabka Sacuudiga, isla markaana laga hortago lacagta adag iyo dhaqaalaha ka baxaya wadanka Sacuudiga. Sacuudiga ayaa sidoo kale doonaya in uu ku khasbo shirkaddaha waaweyn ee caalamka inay xarumahooda gobalka Barigga Dhexe ay ka dhigtaan Sacuudiga oo aysan fadhiisin ka dhigan dalalka kale ee Khaliijka. Dhawaan ayay sheegeen 24 shirkadood oo calaami ah inay qorsheenayaan in xarumahooda gobalka ay ka sameystaan waddanka Sacuudiga. Qorshahan ayaa qeyb ka ah Mashruuca 2030 ee uu hoggaanka u hayo Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo doonaya in la sameeyo shaqo abuuro isla markaana dowlada Sacuudiga hoos u dhigto dakhliga ay hada ku tiirsan tahay ee laga helo batroolka. Source
  13. (SLT-Addis Ababa)-Saraakiisha dowladda Itoobiya ee ku sugan gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas ayaa shacabka uga digay in ay gabaad siiyaan qof walba oo isku dayaya in uu gobolka xasiloonidiisa wax u dhimo. Iyadoo ay iska muuqato in loola jeedo xubnaha xoogagga xisbiga tigray (TPLF) ee ay millatarigu la dagaallamayeen tan iyo bishii November, waxaa shacabka reer Tigray lagu boorriyay in qofkii ay arkaan ay dowladda kusoo wareejiyaan ama ay iska fogeeyaan si aan laftooda loo bartilmaameedsanin. Waxaa kale oo dadweynaha loogu baaqay in ay taageeraan maamulka gobolka loo sameeyay kaddib markii la afgambiyay maamulkii TPLF. Wariyeyaasha ku sugan gobolka ayaa soo tabinaya in shacabka reer Tigray ay aad uga careysan yihiin go’aanka ay dowladda federaalku saraakiisheeda ugu magacowday xilalkii gobolka. Isbuucii lasoo dhaafay waxaa soo baxay warar sheegayay in ay mudaharaadyo ka dhaceen magaalooyin dhowr ah xilli ay booqanayeen wafdi nabadeed oo ka kooban hoggaamiye diimeedyo iyo orodyahanka caanka ah ee Itoobiya, Haile Gebrselassie. Source
  14. Wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Shiinaha siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga labo geesoodka. Wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda Soomaaliya Balal Maxamed Cusmaan, ayaa ku qaabilay hoyga uu ka deganyahay Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Qin Jian, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashi wadaagga. Kulankani oo uu goobjoog ka ahaa Xog-hayaha Joogtada ee Wasaaradda, Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji,ayaa diiradda lagu saaray horumarada la sameeyay, iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinac kastaba leh, iyadoo sidoo kale lagu fallanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida inteeda kale ee taabanayay danaha guud ee labada Dal. View the full article
  15. Waxaa soo gaba gaboobay shir labo maalin magaalada Beydhabo uga socday guddiga farsamada arimaha doorashooyinka dalka . Guddigan oo ka koobnaa 14-xubnood oo ka kala socda maamul gobaleedyada dalka,gobalka Banaadir iyo DFS ayaa war murtiyeed ka soo saaray shirka ay ku yeesheen magaalada Beydhabo ee xarunta kumeel gaarka maamulka Koonfur Galbeed. Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in hordhac ah laga gaaray Qodobadii muranka uu ka taagna, sida Arinta Gobalka Gedo. War-saxaafadeedka ka soo baxay Guddiga ayaa sidoo kale loogu baaqay in ay madaxda Dowlad gobaleedyada iyo Dowladda Federaalka Berri oo Khamiis ah ay isugu yimaadaan Shir lagu dhameystirayo heshiiska doorashooyinka , iyadoo guddiga aysan cadeeynin goobta uu shirka uu ka dhacayo. Hoos Ka Akhriso War-saxaafadeedka Guddiga Farsamada Arimaha Doorashooyinka Source: goobjoog.com
  16. (SLT-Muqdisho)-Allaha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa culumada Soomaalida kuwooda ugu caansan ayaa ku geeriyooday cisbitaalka Martini ee magaalada Muqdisho. Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa maalmihii la soo dhaafay xanuunsanayay waxaana uu ku geeriyooday cisbitaalka Martini oo ka mid ah cisbitaalada magaalada Muqdisho balse si gaar ah dadka uu soo rito cudurka Covid 19 lagu daweeyo. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay cisbitaalka ama dowladda ee xaqiijinaya in Sheekhu uu u geeriyooday Covid 19 oo hadda ka soo cusboonaaday Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya. Geerida Sheekh Nuur Baaruud ayaa waxaa ka tacsiyeeyay madaxda dalka Soomaaliya iyo weliba culumaa’udiinka. Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka weli ka taagan doorashooyinka 2021-ka. Cabdi Xaashi ayaa marka hore baaq u diray madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, wuxuuna ka dalbaday in loo madax baneeyo arrinta soo xulida xildhibaanada gobollada waqooyi oo ka mid ah qodobada sida weyn la’isuhu hayo. Guddoomiyaha aqalka sare ayaa sidoo kale xusay in aan lagu tix-gelin shirarkii ka dhacay Dhuusamareeb iyo Muqdisho ee looga hadlayey doorashooyinka dalka. Wuxuu meesha ka saaray in aan heshiis rasmi ah laga gaaray arrinta gobollada waqooyi, kadib markii lagu shaaciyey war-murtiyeedkii kasoo baxay shirka guddiga farsamada. “Mudanayaal waxaan idinla socod siineysaa inaanu jirin wax heshiis ah oo laga gaaray arrimaha aan kor kusoo xusnay , sidoo kale aaney jirin laba dhinac oo reer Waqooyi ah oo isku haya doorashada, balse mushkiladu tahay qorshaha iyo damaca lagu raadinayo dib u soo noqoshada madaxweynaha taas oo sitoos ah uga hor-imaaneysa rabitaanka Guud ee ah in dadka Reer Waqooyi si madax bannaan u maamushaan doorashada sida Gobolada kale ee dalka,” ayuu ku yiri qoraalkiisa Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Ugu dambeyn wuxuu soo bandhigay 4 qodob oo muhiim u ah arrimaha doorashooyinka xildhibaannada labada aqal ee gobolada Waqooyi , kuwaas oo kala ah:- 1: In ay si madax banaan u maamulaan Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi habsami u socodka nidaamka doorashooyinka labada Aqal ee Gobolada Waqooyi si waafaqsan heshiiskii 17-kii September 2020. 2: Dejinta habraacyada gaarka u ah doorashada xubnaha labada Aqal ee Gobolada Waqooyi gaar ahaan kuwa Aqalka Sare. 3: Dhismaha Guddiga doorashooyinka & hubinta hirgelinta howlaha doorashooyinka heer waagaqsan nidaamka Guud ee doorashooyinka dalka . 4: Xulashada Goobta ay ka qabsoomeyso doorashada , hubinta amaankeeda iyo xaqiijinta in ay soo geli karaan dhamaan ergooyinka iyo musharixiinta tartamaya, Warbaahinta & Goobjoogayaasha.
  18. (SLT-Baydhabo)-Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in guddigii farsamo ee ka kala socday dowlad goboledyada, dowladda Soomaaliya iyo gobolka Banaadir ay xal ka gaadheen khilaafkii doorashada Soomaliya. War qoraal ah oo ay soo saareen guddigii ka koobnaa dhinacyadaas ayay ku sheegeen in kullamadii dhacay maalmihii lasoo dhaafay diiradda lagu saaray xal u helidda arrimaha kala ah cabashada laga muujiyay xubnaha guddiga doorashooyinka, xal u helidda guddiga doorashooyinka kuraasta Somaliland, xaaladda gobolka Gedo, qoondada dumarka iyo jadwalka qabsoomidda doorashada. Waxaa kale oo ay sheegeen in xal farsamo laga gaadhay dhammaan arrimihii khilaafkii ka taagnaa, waxayna intaa raaciyeen in qoddobadaas ay u gudbiyeen madaxda dowladda Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, six ay u meelmariyaan. Guddiga ayaa 18-ka bishan ugu baaqay madaxwaynaha, raiisulwasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada inay isugu yimaadaan kullan lagu saxeexayo wixii lagu heshiiyay. Inkastoo guddiga aanu fahfaahin ka bixinin wixii laga heshiiyay, gaar ahaan arrimihii ugu darnaa oo ay kamid tahay arrinta Gedo ayaa haddana dhankale waxaa muuqata in xalka la gaaray uu soo afjari doonaa culeyskii ka taagnaa qabsoomidda doorashada Soomaaliya oo xilligii ay ahayd inay dhacdo ka dib dhacday. Arrintan ayaa timid kadib markii ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble uu magacaabay guddi farsamo oo ka shaqeeya qabanqaabada Shirka golaha wadatashiga qaranka, six al looga gaaro khilaafka harreeyay doorashada. Kullankii qaar kamid ah dowlad goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya ku dhexmaray magaalada Samareeb ee Galmudug toddobaadyo kahor ayaa fashil ku dhamaaday kadib markii la isku mari waayay qoddobo ay kamid tahay sida doorashada ay uga dhaceyso gobolka Gedo, maadaama uu maamul ahaan katirsan yahay Jubaland balse ay gacanta ku heyso dowladda federaalka. Haddase waxaa muuqata in wadahadaladan guddigu ay sheegeen in uu mira-dhalay loo wajahay si ka duwan sidii hore, maadaama kullamadii hore ay isa soo hor farriisan jireen madaxda labada dhinac. Dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe cadaadis iyo baaqya kala kulmayay beesha caalamka iyo gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo ah inay ka wadahadlaan khilaafka ka taagan doorashooyinka, dalkana ay ka dhacdo doorashada wada ogol ah. Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto. Source
  19. Midawga Musharixiinta ayaa markale wax ka soo saaray Banaanbaxa ay ku baaqeen in uu Daljirka Dahsoon ka dhici doono Jimcaha soo socda. Musharixiinta ayaa sheegay in uu meel wanaagsan marayo abaabulka banaanbaxa jimcaha , kaas oo ay ka qeeyb gali doonaan xubanaha midawga musharixiinta . Afhayeenka Midawga musharixiinta Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah musharixiinta ayaa sheegay in ay Jawaab ka waayeen hay’adaha amaanka oo fariimo ay u direen . Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa yiri ” Mudaharaadka Qaban qaabadiisa weey socotaa meel aad u wanaagsan ayeey mareysa, waan ka xunnahay Shirkaan jaraa’id shirkii ka horeeyay waxaan fariin u diray Taliyayaasha Nabad galyada, hay’adaha amniga xakumo, booliiks baan u diray , militeriga baan u diray, Nabad sugidda baan u diray , Asluubta baan u diray in aanay ka soo jawaabin oo anay dhihin waajibaadkeenni baan qabsaneyna aad iyo aad baan uga xunnahay “. “Laakiin waajibka ineey ka aamusaan uga dhici maayo , Mas’uuliyaduna uga harimeyso , waxaan rabnaa oo markale ku celina mudaharaadka Amnigiisa , Illaalada Murashixiinta hay’adaha nabad galyada madaxdooda in ay ka shiraan baan rabnaa “. Hadalka Midawga musharixiinta ayaa ku soo adaya xilli Farmaajo habeenkii 9 aad, Villa Soomaaliya ku hoyanayo kadib markii uu dhamaaday mudda xileedkiisa. Source: goobjoog.com
  20. BAIDOA (HOL) - It’s a deal, a technical committee meeting in Baidoa has announced and called for an urgent meeting between federal and state leaders to finalise the agagreementreement and pave way for elections. Source: Hiiraan Online
  21. Xukuumada Wakhtigeedu dhamaaday ayaa maalmihii lasoo dhaafay uu walwal ku hayay guuxa Musharixiinta ay ku bootaynayaan Abaabulka Mudaharaad loogasoo hor jeedo Madaxweyne Farmaajo. Xukuumadu waxay shalay soo saareen Digniin la xiriirta Covid19 Laakiin Dadka ku xeel dheer Arimaha Caafimaadka waxay Digniintaas ku macneeyeen Hub looga hortagayo Mudaharaadka Jamcada. Waxaa hada muuqata in Hubkaas uu shaqayn waayay oo waxay Xukuunadu hada kaalmo lagu baajinayo Mudaharaadka ay Waydiisteen Beesha Caalamka. Warar Dublamaasiyadeed ayaa sheegaya in Wasiirada Caafimaadka ee Xukuumada Wakhtigeedu dhamaadey Fowsiya Abiikar Nuur iyo Wasiirka Amniga ay Beesha Caalamka ka codsadeen in Musharixiinta Cadaadis lagu saaro in ay baajiyaan Mudahaaradka, Xukuumadu waxay qiil ka dhiganayaan Cudurka Corona Virus iyo Xogo la xiriira Qaraxyo la maloogay oo ay sheegtay Wasaarada Amnigu inay heshay. Macada in Beesha Caalamka ee Xalane Degan ay ka gadmayso ama rumaysanayaan Walwalka ay Xukuumadu sheegayso. Shalay Xiriir dhex maray Musharixiinta iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka waxaa la isla soo qaadey Mudaharaadka laakiin Musharixiintu waxay muujiyeen in ay walwal ka qabaan laamaha Amaanka inay carqaladeeyaan Mudaharaadayaasha, ama ay isku dayaan falal laga dhigayo inay Mudharixiinta iyo dibad baxayaashu ay rabshado sameynayaan iyadoo la adeegdanayo taageerayaasha Xukuumada oo iskadhigaya ama isu ekaysiinaya Mudaharaadayaasha Mucaaradka. Puntlandi.com The post Villa Soomaaliya oo Xalane ka dalbatay in Cadaadis lagu Baajinayo Mudaharaadka la saaro Musharixiinta appeared first on . Source
  22. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyey kooxda Al-Shabaab iyo dadka deegaanka uu ka dhacay deegaanka Jiic-dheere oo ku yaalla koofurta gobolkaasi oo dhaca bartamaha Soomaaliya. Dagaalka oo qaatay saacado badan ayaa waxaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu yimid, ka gadaal markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerareen deegaankaasi oo hoostaga Bacaadweyn. Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Ciidamada Xoogga dalka qeybtooda 21-aad ayaa sidoo kale la sheegay inay dagaalka markii dambe ka qeyb-qaateen, iyaga oo gurmad ahaan ugu tegay dadka deegaanka. Saraakiil u hadashay taliska Xoogga dalka ayaa sidoo kale shaaciyey in dagaalkaasi lagu dilay ugu yaraan 5 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwa kalena lagu dhaawacay. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, iyada oo ciidamada dowladda ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug.
  23. Wasiir Durran Axmed Faarax Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku wargelisay dhammaan Shaqaalaha kala duwan ee dowladda, in aysan soo xaadirin Shaqada, islamarkaana ku shaqeeyaan Guryahooda, si looga gaashaanto faafidda xanuunka COVID-19. Wasaaradda ayaa ku amartay dhammaan Shaqaalaha dowladda, in ay yareeyaan isu-imaatinnada dhexdooda ah, kuna shaqeeyaan Guryahooda, iyagoo adeegsanaya Barahooda mareegta Internet-ka, si looga taxaddaro caabuqa Coronavirus. Waxaase Wasaaraddu sheegtay in Agaasimayaasha iyo dadka muhiimka ah, oo aan shaqada looga maarmin ay imaan karaan Xafiisyada iyo Goobaha Shaqada, iyagoo raacaya talooyinka caafimaadka ee la xiriira ka hortagga COVID-19. PUNTLAND POST The post Dhammaan Shaqaalaha dowladda Soomaaliya oo amar la duldhigay appeared first on Puntland Post.
  24. Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada XFS oo hakisay xaadirinta shaqaalaha dowladda . Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa lagu sheegay in la hakiyay xaadirinta shaqaalaha dowladda si looga hortago faafitaanka covid-19 oo markale kasoo labo kacleeyay gudaha dalka. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  25. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyska iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Caalimkii weynaa ee Soomaaliyeed Sheikh Nuur Baaruud Gurxan oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Sheikh Nuur Baaruud oo ka mid ahaa culimada diinta Islaamka ee ugu magaca dheer Soomaaliya iyo geeska Afrika, waxa uu cimrigiisa oo dhan u huray fidinta iyo barista dadka ee diinta, isagoo aan waligii ka gabban caddeynta xaqa xaalad kasta oo uu ku jiro. Sheikh Nuur waxa uu kaalin mug leh oo lama illaawaan ah ku lahaa dhismaha nabadda, dib-u heshiisiinta, xoojinta dowladnimada iyo bayaaminta afkaaraha qalloocan ee kooxaha xagjirka ah. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo Sheikh Nuur Baaruud, Eheladiisa, Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Islaamka ahna samir iyo iiman Allaha ka siiyo. View the full article