-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Warsaxaafadeed kasoo baxay xubnaha beesha caalamka ayaa waxaa looga hadlay shirkii guddiga farsamada ee ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay qodobada laga soo saaray shirkaas oo gogol xaar u ahaa midka wada-tashiga dowladda federaalka & dowlad goboleedyada. Halkan hoose ka aqriso:- Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay soo dhoweynayaan ku-dhawaaqistii 16kii Febraayo ee ahayd in Guddiga Farsamada ee matalaya Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay soo asteeyeen xalka farsamo ee loo helay arrimaha dib u dhigay hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember, iyo in xalkaas farsamo loo gudbiyay Golaha Wadatashiga Qaran. Saaxiibadu waxay sidoo kale soo dhoweynayaan baaqii Guddiga Farsamada ay ugu baaqeen madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada inay kulmaan 18ka Febraayo, waxayna saaxiibadu ku boorinayaan madaxda inay sidaas sameeyaan si loo soo gabagabeeyo hawsha Guddiga, loona abaabulo doorashooyinka, taas oo ah arrin hortabin leh. Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa war-saxaafadeed wadajir ah oo si deg-deg ah usoo saareen uga hadleen Heshiiska ay gaareen Guddiga farsamada arrimaha doorashada federaalka, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ku shirsanaa magaalada Baydhabo. Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa si weyn usoo dhaweeyay heshiiskii lagu gaaray shirkaas, oo xal looga gaaray xiisada Guddiga Doorashada kuraasta Somaliland, Xaaladda Gobolka Gedo, Adkaynta Qoondada Haweenka iyo Jadwalka qabsoomidda doorashada. “Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay soo dhoweynayaan ku-dhawaaqistii 16kii Febraayo ee ahayd in Guddiga Farsamada ee matalaya Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay soo asteeyeen xalka farsamo ee loo helay arrimaha dib u dhigay hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember, iyo in xalkaas farsamo loo gudbiyay Golaha Wadatashiga Qaran,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxay soo dhaweeyen baaqii uu guddiga farsamadu usoo jeediyay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka, kaasi oo ahaa inay shirweyne looga arrinsanayo doorashada ay iskugu yimaadaan maalinta berri ah. Inkasta oo ay adag tahay suurta-galnimada in kulan ay u dhan yihiin madaxda dowladda federaalka ee warigoodu dhamaaday iyo kuwa dowlad goboleedyadu iskugu imaadan shir, haddan waxay Saaxiibada beesha caalamku ku booriyeen madaxdaas inay kulmaan 18-ka Febraayo. “Saaxiibadu waxay sidoo kale soo dhoweynayaan baaqii Guddiga Farsamada ay ugu baaqeen madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada inay kulmaan 18ka Febraayo, waxayna saaxiibadu ku boorinayaan madaxda inay sidaas sameeyaan si loo soo gabagabeeyo hawsha Guddiga, loona abaabulo doorashooyinka, taas oo ah arrin hortabin leh.” Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa iyagu qaba in is-faham iyo heshiis kama dambeys ah gaari karaan madaxda hore ugu soo kala kacday shirkii Dhuusamareeb-4, waxayna ku cel-celiyeen in kulan la isugu imaado maalinta Khamiista, kaasi oo xal kama dambeys ah looga gaarayo muranka doorashada. Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashada Federaalka ayaa xalay magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeelgaarka ah ee Koonfur Galbeed uga dhawaaqay inuu guul ku soo dhammaaday shirkii dhinacyadu, islamarkaana Guddiga oo ka duulaya mabaadi’da aasaasiga ah ee wadar ogol, isu tanaasul, is qancin iyo tixgalinta xaaladda dalka uu xal ka gaaray arrimihii ugu adkaa ee la isku hayay. “Guddigu waxay xal farsamo oo gundhig u noqon kara qabsoomidda doorashada ka gaareen dhammaan qodobadaas kor kuxusan, waxayna Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran u gudbiyeen soo jeedinta guddiga si ay u meel mariyaan,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed ay guddigaas xalay soo saaree.
-
Ciidanka Xoogga Puntland ee PSF, ayaa maanta fashiliyay weerar argagixiso oo la doonayay in laga fuliyo gudaha magaalada Boosaaso. Qoraal ka soo baxay PSF, ayaa lagu sheegay in Ciidanku fashiliyay Qaraxyo Al-shabaab ku diyaarinayeen goobo ku yaal gudaha Boosaaso. “Hawlgal ay ciidamada PSF ka sameeyeen Bosaso ayaa waxay ku guulaysteen in ay kaga hortagaan qaraxyo ay Al Shabaab ku diyaarinaysay goobo ku yaal magaalada Bosaso” ayaa lagu yiri Qoraalka. Sidoo kale, PSF waxay sheegtay in ay gacanta ku dhigeen Qaraxyadii la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka magaalada Boosaaso “waxayna ciidamadu soo qabteen waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada,qaraxyadaas oo qayb ka mid ah loo qaado buuraha Cal Madow si loogu waxyeeleeyo shacabka iyo ciidamada Puntland.” PUNTLAND POST The post Puntland oo fashilisay Qaraxyo Al-shabaab ka fulin lahaayeen Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa gebi ahaanba mamnuucday dhammaan isu-soo baxyada iyo isu-imaatinnada dadweynaha, si looga gaashaanto faafidda xanuunka COVID-19. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dowladdu joojisay dhammaan isu-imaatinnada dadweynaha, si looga taxaddaro faafidda caabuqa COVID-19. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shaqaalaha kala duwan ee dowladda laga fasaxay xafiisyada, islamarkaana ay guryahooda ku shaqayn doonaan, marka laga reebo kuwa muhiimka ah oo ilaa amar dambe sii shaqayn doona. Go’aankan dowladda Soomaaliya ayaa ku soo beegma,y xilli Midowga Murashixiinta Muqdisho ay ku baaqeen in dibad-baxyo ballaaran oo ka dhan ah dowladda maalinta Jimcaha laga sameeyo magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday dhammaan isu-imaatinada dadweynaha appeared first on Puntland Post.
-
Office for Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) PRESS RELEASE UN Emergency Fund allocates $15M for Ebola response in DRC, Guinea The funding will help DRC and Guinea respond to the outbreak and support neighbouring countries to prepare NEW YORK, United States of America, February 17, 2021/ — Under-Secretary-General for Humanitarian Affairs Mark Lowcock is today announcing an initial rapid allocation of US$15 million from the UN Central Emergency Response Fund (CERF) in response to the concerning Ebola outbreaks in Guinea and the Democratic Republic of the Congo (DRC). This is the first time Ebola has been recorded in Guinea since the last outbreak ended in 2016. The outbreak in the DRC is in the same area as the 10th Ebola epidemic that claimed more than 2,200 lives from August 2018 to June 2020. “Breaking the chain of transmission is the priority so I’m releasing rapid funding for community engagement, infection prevention and control, and vaccination” said Mr. Lowcock. The funding will help DRC and Guinea respond to the outbreak and support neighbouring countries to prepare. Detailed allocation decisions will be made in the next few days as we receive more details about specific requirements, needs and risks. In Guinea to date, 10 suspected cases have been recorded. In DRC, there are four confirmed cases, including two deaths. SOURCE Office for Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) Qaran News
-
Wakiilka gaarka ah ee ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa kulan dhanka Aaladda fogaan aragga ah la qaatay xubna kamid ah Midawga musharixiinta xilka madaxweeynanimada dalka. Kulanka oo ka qabsoomay qadka Internet-ka ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka si gaar arrimaha doorashooyinka dalka. Saaxiibada taageera Soomaaliya ayaa sheegay in intii kulanka uu socday si qota dheer loogu nuux nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in si deg deg ah loo qabto doorashooyinka dalka. Kulanka ayaa James Swan waxaa sidoo kale ku wehlinayay Safiirada qaar ka mid ah dowladaha Ingiriiska , Mareykanka iyo dowlado kale . Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta waxay gaareen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay wafdigaan garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb, Wasiirka Amniga Galmudug iyo Saraakiil sar-sare oo ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, waxaana loo sii galbiyay dhanka Madaxtooyada maamulkaas. Wafdiga ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, Xasan Shuute, waxaana lagu sheegay ujeedka wafdigan uu hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga dar-dar gelinta howlaha cadaalada iyo xoojinta Amniga. Wasiirka Gaashaandhiga, Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan gaar ah Madaxtooyada Galmudug kula qaatay madaxweynaha maamulkaas, Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor, iyaga oo kala hadlay arrimo dhowr ah. Wasiir Xasan Xaaji iyo xubnaha la socda ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Dhuusamareeb waxay qiimeyn ku sameyn doonaan amniga maamulka Galmudug, sidoo kale waxa lagu wadaa inay Galmudug ka hirgeliyaan Maxkamadd u gaar ah ciidamada ka howl-gala deeganadaas. Arrintan ayaa imaneysa xili muddooyinkii dambe laga deyrinayay amaanka guud ee deeganada Galmudug, waxayna cadaadis xoogan kala kulmeysa dagaalyahanada Shabaabka, tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweynaha hadda talada haya.
-
Wakaaladda wararka Ruushka ee TASS oo soo xiganeysa laamaha Amniga Ruushka ayaa sheegtay inay xireen 19 dagaalyahan oo looga shakisan yahay inay qorsheynayeen weeraro ka dhaca Waqooyiga Caucasus. Hay’addaha amniga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen suunka loo adeegsado Qaraxyada iyo hubka darandooriga u dhaca oo ay gacanta ku hayeen tuhmanayaashan. Waxaa xusid mudan in bishii Diseembar ee sanadkii hore, maamulka ladagaallanka argagixisada ee Ruushka ay sheegeen in ugu yaraan lix xubnood oo ka tirsan ciidammada amniga ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay meel u dhow xarunta dhexe ee Amniga ee koonfurta dalkaasi Ruushka Guddiga Qaran ee La dagaallanka Argagixisada ee ayaa ku warramay in qof aan la aqoonsan uu isku dayay inuu xoog ku galo goob ay xubno ka tirsan booliska ka wadeen baaritaanno amni. Guddiga ayaa tilmaamay in qofkaasi is qarxiyay, ka dib markii uu xoog ku galay goobtii uu baritaanka ka socday. PUNTLAND POST The post Ruushka oo xiray dad looga shakiyay in ay qorsheynayeen weeraro argagixiso appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa saacadihii tagay la shaaciyey in guddiga farsamada ee dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo Banaadir ay is afgarad ka gaareen khilaafaadka jiray sida guddiyada lagu muransanaa iyo arrinta Gedo. Qoraalka ay Soo saareen guddiga, waxaa lagu sheegay in shirka uu dhacayo 18-ka oo berri ah laakin ma magacaabin meesha uu ka dhacayo. Goobjoog News ayaa ogaatay in maamulka Galmudug uu si rasmi ah u codsaday gogosha Shirka iyo inuu dhameystiro shaqada uu horay u bilaaay. Lama oga maamulka Farmaajo inuu aqbalayo iyo in kale, iyada oo uu horay Farmaajo u sheegay inuu Shirka ka dhacayo Garoowe Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd oo maanta ah magaalada Muqdisho ka dhacay dil ay dabley hubeysan u geysteen Wiil dhalinyaro ah oo xarun ganacsi ku lahaa degmada Howl-Wadaag. Wiilka oo lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Awalad Yare ayaa waxay dableyda hubeysan ee dishay ugu tagtay Studio uu kulahaa degmada Holw-Wadaag, gaar ahaan meel u dhow Hotelka Baar Bakiin, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoog ah. Cabdulqaadir AUN ayaa waxa uu ahaa Muuqaal duube (Cameraman), wuxuuna u geeriyooday xabado dhowr ah oo ay ku dhufteen kooxdii weerarka fulisay, oo markii dambe iskaga baxsaday goobta. Wararka ayaa intaas kusii daraya in wiilka dhalinyarada ah ee la dilay uu ahaa kamid ahaa Sawir-qaadayaasha Taliyaha Asluubta Soomaaliyeed, inkasta oo shaqadiisu u badneyd oo caan ku ahaa duubista aroosyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Kadib dilka waxaa goobtaasi gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaasi oo meydka qaaday, islamarkaana bilaabay howl-galo lagu baadi-goobayo dableydii ka dambeysay dilkan. Magaalada Muqdisho ayaa waxa muddooyinkii dambe kusoo badanayay dilalka qorsheysan iyo qaraxyada, xili uu marayo dalka marxalada xasaasiya, waxaana mas’uuliyadeeda weeraradaas sheegta Al-Shabaab, oo iyadu dagaal kula jirta dowladda.
-
(SLT-Hargeysa)-Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Barkhad Jaamac Batuun ayaa dhaliilay hab dhaqanka qaar ka mid ah mas’uuliyiinta xukuumadda Somaliland oo sheegay inay ehelkoodii isku xeereen dhinaca shaqada ay qaranka masuul uga yihiin. Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun ayaa qoraal kooban oo soo dhigay bartii xidhiidhka dadweynaha ee facebook ku yidhi sida tan: “Wasiirka xil Xukumaddeed loo magacaabo marku Askarigiisa Inadeerki ka dhigto, Xog-hayntiisana Inadeerki ka dhigto, Darawallkiisana Inadeerki ka dhigto, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaraddana Inadeerki ka dhigto, Ma noqoneysa Wasaaraddu Wasaarad qaran oo Wasiir qaran joogo mise waa Wasaarad qoys oo Caaqil qoys joogo? In wali fahamka dawladdeed iyo hannaanka maamul wanaag la fahmi waaya Waa arimaha hay’baddii iyo sharafti Hay’addaheena Dawladdeed laga rabay ka qaaday!” Source
-
Source
-
(SLT-Hargeysa)-Magaalooyinka Hargeysa, Wajaale, Burco iyo Garoowe ayay wararku Sheegayaan In Ganacsatadu ay hakiyeen isticmaalka $50. Lacagtan oo taariikhdeedu tahay 2013 ayay Ganacsatadu diidmadeeda u dacal Saarayaan inay tahay been Abuur. Ethiopia ayaa dhawaan xidhxidhay Rag La sheegay inay Dollar been abuur ah farsamaynayeen, kuwaas oo malaayiin ku sii daayay Suuqyadda. Waxaanse la Hubin In Lacagtaas been abuurka ah ee Ethiopia Lagu Sameeyay ay Soo Gashay suuqyadda Magaalooyinka Somaliland iyo Puntland. Source
-
Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa maanta khadka Internet-ka kulan kula yeeshay wakiillo ka socday Golaha Musharraxiinta Madaxweynaha. Qoraal ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in arrintaas, ay qayb ka tahay wada shaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin saamileyda siyaasadeed ee dalka, waxaana ay xoojisay baahida loo qabo in qof walba uu ka shaqeeyo sidii si dhaqso ah loogu qaban lahaa doorashada. “saaxiibbadu waxa ay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen sida ay tahay in loo ixtiraamo heshiiskii doorasho ee 17-kii Sebteembar oo ay wada gaareen Dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, si dhammaan musharrixiintu ay ugu tartamaan doorka hoggaamineed ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri Qoraalkaas. PUNTLAND POST The post Maxay ka wada-hadleen Beesha Caalamka iyo Midowga Murashixiinta? appeared first on Puntland Post.
-
Wefdi isugu jiro Wasaaradda Gaashaandhigga & Maxkamadda Ciidamada ayaa Howla Shaqo u tegay magaalada Dhuusamareeb Ee Xarunta Maamulka Galmudug. U jeedada Wefdiga ay Wasaaradda Gaashaandhiga ay u tegeen Galmudug ayaa la xiriirta Qiimeynta xagga Amniga Gobalka, Furista Maxkamadda U gaar ah tashigeedii u dambeeyay iyo Dar-dar gelinta Howlaha Maxkamadda Ciidamada. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Wasiirka arrimaha dibadda dalka Masar Saamix Shukri aya warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Soomaaliya u fadhin doona Masar Ilyaas Sheekh Cumar. Danjiraha Soomaaliya ee Masar, ahna wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta ayaa nuqul ka mid ah waraqadaha aqoonsiga danjirenimo ku warejiyay wasiirka wasaaradda arrimaha dibada ee dalka Masar. Ugu horreyn Danjire Ilyaas ayaa uga mahadceliyey wasiirka arrimaha dibada dowladda Masar sida wanaagsan ee uu u qaabilay, waxuuna u gudbiyey salaan iyo boggaadin uu ka waday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, isaga oo sidoo kale u rajeeyey caafimaad iyo horumar guud ahaan shacabka Masar iyo hoggaamiyahooda Cabdel Fataax Al-Sisi. Kulanka kadib ayuu safiirka Soomaaliya ee Masar sheegay in uu wax badan ku soo kordhin doona xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal. View the full article
-
Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo dadka deegaanka uu ka dhacay deegaanka Jiic-dheere ee gobolkaasi. Dagaalka oo qaatay saacado badan ayaa waxaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu yimid, ka gadaal markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerareen deegaankaasi oo hoostaga Bacaadweyn. Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Ciidamada Xoogga dalka qeybtooda 21-aad ayaa sidoo kale la sheegay inay dagaalka markii dambe ka qeyb-qaateen, iyaga oo gurmad ahaan ugu tegay dadka deegaanka. Saraakiil u hadashay taliska Xoogga dalka ayaa sidoo kale shaaciyey in dagaalkaasi lagu dilay ugu yaraan 5 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwa kalena lagu dhaawacay. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, iyada oo ciidamada dowladda ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Duhur-1722021.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha xukuumadda xilka sii heysa ee Soomaaliya ayaa soo rogtay amar hor leh iyadoo shaqaalaha dowladda ku amartay iney guryahooda joogaan. War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda waxaa lagu sheegay in shaqaalaha ay si kumeel gaar ah u hakiyaan isu imaatinka iyo xaadirintooda, waxaana sabab looga dhigay xanuunka Covid19 oo aad u saameeyay bulshada. Shaqaalaha dowladda waa la fasaxay intooda badan iyadoo la rabo in laga fogaado xanuunka safmarka ah ee COVID19, waxaana kaliya xafiisyada dowladda tagi doona madaxda iyo shaqaalaha aan shaqooyinka joogtada ah looga maarmeynin. Dhamaan Shaqaalaha dowladda ayaa waxaa la faray lix qodob oo looga hortagayo faafitanka COVID19. 1- in ay ka fogaadaan salaamida gacan-qaadka ah kuna ekaadaan salaanta Islaamka. 2- In ay xirtan Afxirka Maska. 3- In hadii ay heli karaan ay gashadaan Glovis-ka Gacmaha. 4- in ay isticmaalaan dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo ama Saabuun 5- In ay gacmahooda ka ilaaliyaan, indhaah, sanka iyo Afka inta karaankooda ah. 6- In qofkii isku arka calaamadaha Coronavirus in uu la xiriiro Goobaha caafimaad kana ilaaliyo Bulshada inteeda kale. Kiisaska la diiwaan galiyay ee Covid19 ayaa sare u kacay, waana sababta keentay in wasaaradda ay soo rogto amarkaan.
-
(SLT-Muqdisho)-Cabdiqaadir Maxamed Xasan [Awalad Yare] oo ahaa sawir qaade iyo muuqaal duube si weyn looga garanayay magaalada Muqdisho ayaa lagu soo warramayaa in koox hubeysan ku dhax dileen gudaha Studio uu ku lahaa degmada Howl-wadaag. Qof ay saaxiibo dhaw ahaayeen marxuumka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in rag hubeysan subaxnimadii hore ee saaka ugu taggeen goobtiisa shaqada kaddibna ay halkaa ku toogteen. Marxuumka ayaa caan ku ahaa duubista xafladdaha kala duwan sida Aroosyada iyo munaasabadaha kale ee leysugu yimaado, hasse ahaatee warar kale soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in uu si gaar ah u ahaa sawir qaade la shaqeeyay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya. Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay dilka marxuumka sidoo kalana wali laamaha Amniga dowladda Soomaaliya kama hadal dilka marxuun Cabdiqaadir Maxamed Xasan [Awalad Yare] Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Madasha Pan African David Matsanga ayaa u gudbiyey xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay qoraal xasaasi ah oo la xiriira dacwadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ee hortaalla maxkamadda ICJ. David Matsanga ayaa ka dalbaday Antonio Guterres inuu u hor-istaago go’aanka maxkamadda cadaaladda ICJ ee dhageysiga dacwadda badda ee labada dal. Guddoomiyaha Madasha Pan African ayaa sidoo kale ugu baaqay xoghayaha Qaramada Midoobay inuu u istaago baajinta dhageysiga dacwaddaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay habboon tahay in dib loo dhigo dacwadda ka furan ICJ, si looga fogaado wax kasta oo sababi kara inay kasii daraan qalalaasaha & xiisadda siyaasadeed ee haatan ka jira dalalka dhaca Geeska Afrika. “Mudane Xoghaye guud waxa aan aaminsanahay marwaliba go’aanka sharciga ah ee muranka xuduud badeedda, balse waa u dagaal & isku dhaca geeska waxaana weli taagan Colaadda Soomaaliya,” ayuu yiri Mr Matsanga. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo Kenya ay ku guul darreysatay dalabkeedii ahaa in dib loogu dhigo dhageysiga kiiska badda, kadib markii ay ku gacan seertay ICJ. Kenya ayaa haatan wada dadaallo xoogan oo ay ku dooneyso in dib loogu dhigo dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya, iyada dhinac kasta ka tuseysa Qaramada Midoobay.
