-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaaraha XukuumaddaFederaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala hadlay ganacsatada Soomaaliyeed in aysan shacabka ku qaaliyeyn maciishadda iyo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha bulshada xilligan dalku wajahayo laba kacleynta xanuunka COVID-19, dowladduna u sameyneyso canshuur dhaaf badeecooyinka daruuriga ah. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Cali Gabeyre, ayaa sheegay in ganacsatadu ay diyaar u yihiin in ay dowladda kala shaqeeyaan xakameynta xanuunkan, dowladduna uga mahadceliyay u heellanaanta codsiyadii ganacsatada ee la xiriiray in badeecooyinka qaar canshuur dhaaf loo sameeyo. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaal Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in sheegay in kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay ganacsatada la iskula afgartay in ganacsatadu doorkooda ka qaataan la tacaalidda xanuunka COVID-19. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo Ganacsatada la qaatay kulan ku saabsan COVID-19 appeared first on Puntland Post.
-
DEMONSTRATIONS IN MOGADISHU – FRIDAY, FEBRUARY 19, 2021 Demonstration Alert: U.S. Embassy Mogadishu (February 17, 2021) Location: Mogadishu, Somalia Event: Demonstrations are expected to take place on Friday, February 19, 2021, from 8:00 a.m. to 2:00 p.m. at the Daljirka Dahsoon monument in Mogadishu. Somalia’s opposition presidential candidates have called for protests against President of Somalia Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmaajo” and delays to the country’s electoral process. Given the risk of violent crime and civil unrest, U.S. citizens should avoid these demonstrations and any demonstration-related activities. Actions to Take: Avoid the area. Monitor local media for updates. Avoid crowds. Keep a low profile. Have travel documents up to date and easily accessible. Have evacuation plans that do not rely on U.S. government assistance. Assistance: U.S. Embassy Nairobi, Kenya United Nations Avenue, Gigiri Nairobi, Kenya +254 (0) 20 363 6451 +254 (0) 20 363 6170 (after hours) Kenya_ACS@state.gov U.S. State Department – Consular Affairs 1-888-407-4747 from U.S. or Canada 1-202-501-4444 from overseas (Somalia) Somalia Country Information Enroll in Smart Traveler Enrollment Program (STEP) to receive security updates Follow us on Facebook and Twitter By U.S. Embassy in Somalia | 17 February, 2021 | Topics: Alert The post Demonstration Alert: U.S. Embassy Mogadishu appeared first on . Source
-
Shirkii Wadatashiga Arimaha Doorashada ayaa aakhirkii la isku raacay in Muqdisho lagu qabto, maalinka beri ah ayaana la filayaan in Wafuuda u horaysa ay yimaadaan Muqdisho. Shirkii Baydhabo kusoo dhamaadey ayaa gogoldhig u ahaa Shirka Madaxda Sare isugu imaanayaan, Puntlandi.com The post Shirkii Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo Muqdisho ka dhacaya appeared first on . Source
-
Farmaajo oo shir deg deg ah isugu yeeray madax goboleedyada
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, shirkaasi oo berri ka furmi doona magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia. Shirkan ayaa la filayaa in lagu saxiixo heshiis kama dambeys ah oo laga gaaro arrimaha doorashada, kadib markii guddigii farsamo ee ku shira Baydhaba ay heshiis ka gaareen qodobadkii la isku hayey. Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Villa Somalia. Madaxweyne Farmaajo oo shir isugu yeeray Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo G/ Banaadir Muqdisho, Febaraayo 17, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaanta siinaya dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii Sebteembar ee doorashooyinka dalka iyo si ambaqaadida talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo intii u dhaxaysay 14-16kii bishan Febaraayo waxaa uu soo saaray go’aanadan: 1- Madaxweynuhu waxa uu shir iskugu yeerayaa Madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir. 2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. 3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 18-19 bishan Febraayo 2021. 4- Shirkan wadatashiga ah waxaa saldhig u ah talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa dadaalka ay bixiyeen Xubnaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka oo Magaalada Baydhabo ku lafa guray caqabadaha fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar, dhabbaha u xaaray qabsoomidda doorasho ka tarjumeysa hor u socodka dimuqraadiyadeed ee dalka. DHAMMAAD -
Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha Midowg Mushaxiinta oo caawa mar kale shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa digniin u diray saraakiisha iyo ciidamada dowladda, iyagoo uga digay inay ku dhex milmaan howlaha siyaasadeed ee dalka, waxayna ka dalbadeen in aysan wax is hor-taag ah ku sameyn banaanbaxa ay qabanayaan Jimcaha. Afhayeenka golaha Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta kula hadlay Hotel Jaziira ayaa yiri, “Saraakiisha ciidanka waxaan ka dalbanaa inay ciidanka ka ilaaliyaan oo dhexdhaxaad ka noqdo dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee dalka ka socda, hadii ciidanka siyaasadda la geliyo, culeyska ka yimaada saraakiisha ayaa qaadeysa.” Sidoo kale afhayeenka guddiga badbaadada doorashooyinka oo ay magacaawdeen xubnaha golaha midowga musharaxiinta ayaa sheegay in wax kasta ay u diyaariyeen dadka banaanbaxa ka qeyb gelaya maalinta Jimcaha ah ee soo socota. “Xarumaha midowga musharaxiinta waxaa ka socda abaabul aad u balaaran, waxaana ku tala galnay in tiro xoog leh oo dad ah ay isusoo baxaan, anagoo og khatarta jirta ee cudurka Corona, waxaan mudaharaadayaasha u diyaarinay, fara-dhaq, waji xirad ku filan oo qof kasta aan sii doono, gaadiid lagu qaado dadka hadii ay dhacaan wax aan loogu tala gelin iyo dhakhaatiir,” ayuu yiri afhayeenku. Isagoo sii hadlaayey ayuu sheegay in qorshuhu yahay in salaadda Jimcaha lagu dukan doono fagaaraha Daljirka Daahsoon, isla markaana ay dadka u diyaariyeen cabitaano, ciidan ilaaliya ammaankooda iyo wax kasta oo adeeg ah. “Xaafad kasta oo ka tirsan Muqdisho waxaa lagu diyaari doonaa gaadiid soo qaadi doona dadka, hadda abaabulku meel fiican ayuu noo marayaa, marka waxaan rajeyneynaa in maalinta Jimcaha ah ay noqon doonto maalin taariikhi ah,” ayuu yiri afhayeenka guddiga badbaadada doorashooyinka golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya. Hoos ka daawo
-
Hotel Naasahablood oo u dhow Daljirka Dahsoon waxaa lagu wareejiyey Ciidamo farabadan oo Gaadiid Dagaal wata, Shacabka Deegaankaas ayaa aad isu waydiinayay sababta Ciidamadaan ula wareegeen Amaanka Hotelka. Waxyar kadib waxaa la ogaadey in Ciidamadu ay yihiin Ilaalada Gaarka ah ee Laba Madaxweyne hore Xasan Sheikh iyo Shariif Sheikh Axmed oo caawa u soo guuray Hotel Naasohablood. Waxaa muuqata in labada Madaxweyne ay hada barkintooda sii dhigteen Daljirkadahsoon oo ah goobta lagu balansan yahay Mudaharaadka la sheegay in lagu macadalaameynayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xogtaan oo Puntlandi.com ka helay Dad aad ugu dhow labada Madaxweyne, waxaa isna la socda Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aaden. The post Madaxweynayaal hore Xasan iyo Shariif oo u guuray caawa Hotel ku dhow goobta Jamcada lagu balansan yahay, appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii xalay magaalada Baydhaba lagu soo gaba-gabeeyey shirkii guddiyada farsamo ee kala metelayey dowladda federaalka, dowlad goboledyda iyo gobolka Banaadir ayaa waxaa soo baxaya shaki badan oo laga qabo her-gelinta qodobadii ay uga heshiiyeen is mari-waagii ka taagnaa arrimaha doorashooyinka dalka. Xubnaha guddiga oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhaba ayaa sheegay inay diiradda saareen dhiraan-dhirinta farsamada iyo xal u helidda qodobada kala ah: 1 –Cabadashada laga muujiyey in qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Doorashooyinka aysan waafaqsanayn habraacyada iyo shuruudaha xubinnimo ee Guddiga Doorashooyinka ee lagu qeexay heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020, gaar ahaan in ay jiraan xubno ka tirsan Shaqaalaha Rayidka ah iyo Hay’adaha Amniga. 2 –Xal u helidda Guddiga Doorashada kuraasta Somaliland. 3 –Xaaladda Gobolka Gedo oo la xalliyey. 4 –Adkaynta Qoondada Haweenka 5 –Jadwalka qabsoomidda doorashada. Qodobadan ayaa loo gudbinayaa madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed si ay u ogolaadaan, waxaana war-murtiyeedkii guddiga lagu iclaamiyey shir aan la shaacin goobta uu ka dhacayo, kaas oo furmaya 18-ka bishan oo ku beegan Khamiista berri ah. Sida muuqata heshiiskaas ayaa wajahaya caqabadii koowaad oo ah in madaxdu aysan u diyaarsaneyn inay shirkaas isugu yimaadaan berri oo Khamiis ah, waxayna ku kala suganyihiin magaalooyinka ay maamulaan ee caasimadda iyo gobollada dalka. Haddaba heshiiska ay guddigan farasamadu gaareen maxay uga dhigantahay siyaasaddii cakirneyd ee Soomaaliya? Mase ka fulayaa madaxdii markii hore ku guul dareysatay inay heshiiyaan oo ay xubnaha gudiggan kala metelayaan? Khaalid Maxamuud Maclalin waa macalin wax ka dhiga mid ka mid ah jaamacadaha Muqdisho, waxuuna ka faaloodaa arrimaha siyaasadda Soomaaliya, isagoo la hadlaayey VOA ayaa la weydiiyey su’aashaas iyo kuwo kale oo ku geedaaman khilaafka ka taagan doorashada iyo heshiiskan cusub ee Baydhaba lagu gaaray. Khaalid Maxamuud waxa uu qabaa in guddigan loo soo xulay si looga baaqsado waji gabax kale oo sababa in madaxdu heshii waayaan oo mar kale kala tagaan, sidii ka dhacday Dhuusamareeb, taasna aysan ka dhigneyn in sidooda ay u hir-gelayaan qodobada ay soo saareen guddigu. “Muhiimadu waa fulinta qodobadaas, sababtoo ah heshiiskii 17-kii September fulintiisa ayey caqabadu ka timid, tan kale heshiiskan cusub faahfaahin dheeri ah lagama bixin si aan u ogaano cidda tanaasushay… markii aad fiiriso qodobadii ay soo saareen waxaa ka muuqata inay wax isla fahmeen oo madaxda ka sareysa ay u gudbinayaan,” ayuu yiri Khaalid Maxamuud oo ka faalooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya. In guddiyadaas la isu diro oo loo xil saaro inay ka soo tala bixiyaan qodobadii la isku hayey ayuu ku tilmaamay tallaabo wanaagsan, “Intii madaxdu warqadda ku dul gorgortami lahaayeen waa tallaabo wanaagsan in nin kasta guddi soo dirsado oo daaha gadaashiisa uu ka gorgortamo,” ayuu yiri. Hoos ka dhageyso wareysiga Khaalid https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/02/Khaalid-Macalin.mp3
-
(SLT-Hargeysa)- Cabdirisaaq Catoosh oo ka mid ahaa Weriyeyaasha muddada ka hawl-galayey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa shaqada ka tagay Toddobaadkan. Weriye Catoosh oo ka hawl-galayey Xarunta BBC-da ee Magaalada Nairobi, ayaa si rasmiya shaqada uga tagay Toddobaadkan, ka dib markii Maamulka sare ee Idaacaddaasi uu shaqada ka joojiyey sida la sheegay. Lama oga sababta Maamulka sare ee Idaacadda BBC-du uu shaqada uga eryey Weriye Catoosh, balse ilo-wareedyo ayaa sheegay in dad badan ay Maamulka Idaacadda uga soo cawdeen Catoosh, taasina aakhirkii sababtay in Maamulku uu go’aan ku qaato inay cadhiyaan Weriyaha. Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Bar___Qubanaha-1722021.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga fal-celiyey hadalkii galabta ka soo yeeray wasiirro iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka, kuwaas oo dal-baday in shacabku aysan sameynin wax isku imaatin ah, cabsi laga qabo Coronavirus awgeed. Xasan Sheekh, oo taageerayaashiisa kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay in wax kasta hadii ay dhacaan aysan ka baaqan doonin banaanbaxa ay iclaamiyeen Jimcaha soo socda, isagoo sheegay in banaanbaxaas oo ah mid nabadeed looga soo hor jeedo sifaha uu Farmaajo weli ku sii joogo xafiiska iyo shuruucda uu saxiixayo xiligan. Waxuu tusaale u soo qaatay saxiixyada guddiyada la dagaalanka musuq maasuqa iyo kan adeega garsoorka garsoorka oo uu sheegay in laga bedelay taariikhda saxiixa oo waqti hore lagu qoray, sida uu hadalka u dhigay. “Nimankan dhaqanka dowladnimada ayey ku dheeleen maanta waxay nasoo hor taajiyeen taliyeyaashii ciidamada oo leh Corona ha la iska jiro, war taliye ciidanow maxaa corona kaa galay? Ila meereyso ayey wadaan, tan iyo markii uu Farmaajo xafiiska tegay hal tuulo galama saarin Al-Shabaab, kaaga darane magaalada ayey maalin kasta dadka ku gablaminayaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo sii hadlaayey ayaa tallaabo lama huraan ah ku tilmaamay banaanbaxa ay iclaamiyeen Jimcaha soo socda, isagoo shacabka u balan qaaday inay hor kici doonaan. “Hadaadan codkaaga ku dhihi karin, kan waan diidanahay, kana waan ogolahay, maxaad xaq u leedahay? Farmaajo iyo wiilasha ku xeeran, waxaa waajib ku ah in dadka isugu soo baxaya banaanbaxa ay ammaankooda sugaan oo jidadka u furaan, waa dembi in la yiraahdo banaanbax dhici mayo,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Waxa sheegay in qof kasta uu soo qaadan doono qalabka wajiga lagu xirto, iyaguna ay u diyaari doono, xatta faradhaq, meel kastana ay uga hor marayaan shacabka. “Waan tageyna fagaaraha, anagaa idinka horeyna oo meesha tegayna, warkood dheg jalaq cid u sii doonta malahan, dadka ma ixtiraamaan, warkoodana qof yeeleysa malahan, la dhageysan maayo, xuquuq dambe oo lagu tumanaayana ma yeeleyno, dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaan leeyahay maalinta Jimcaha ah barxadda Daljirka Daahsoon ayaa noo balan ah, maalintaas horteed cidna Ilaahey ma dilo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynihii hore xasan Sheekh Maxamuud. Hoos Daawo
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala hadlay ganacsatada Soomaaliyeed in aysan shacabka ku qaaliyeyn maciishadda iyo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha bulshada xilligan dalku wajahayo laba kacleynta xanuunka COVID-19, dowladduna u sameyneyso canshuur dhaaf badeecooyinka daruuriga ah. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Cali Gabeyre, ayaa sheegay in ganacsatadu ay diyaar u yihiin in ay dowladda kala shaqeeyaan xakameynta xanuunkan, dowladduna uga mahadceliyay u heellanaanta codsiyadii ganacsatada ee la xiriiray in badeecooyinka qaar canshuur dhaaf loo sameeyo. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda JFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in sheegay in kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay ganacsatada la iskula afgartay in ganacsatadu doorkooda ka qaataan la tacaalidda xanuunka COVID-19. Halkan hoose ka daawo Sawirada:- View the full article
-
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 127 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 9 qof ayaana u geeriyootay. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (126) iyo Hirshabeelle (1) qof, 73 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 54-na ay yihiin haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 5,500 waxaa bogsootay 3,750 Ruux. guud ahaan 172 ruux oo kale ayaa u geeriyootay. Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay markale inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19. View the full article
-
Information Minister Abukar Osman said civil servants will work from home, with the exception of personnel operating in essential offices. Speaking at a press conference with the security minister, Dubbe announced that the government has suspended all public meetings to contain the spread of Covid-19. The government order will affect mosques, educational institutions, and sports facilities. protecting the safety of the community. Minister of Health Fowsiyo Abikar Nur noted that in the past 24 hours, 15 people have died of the disease and another 50 have been admitted to government hospitals, indicating that the risk of the disease has increased. View the full article
-
Somalia announced that all public gatherings would be banned indefinitely beginning Wednesday, as it experiences a spike in coronavirus cases and deaths in recent weeks. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-habeen-1722021.mp3 View the full article
-
Somalia instructed all government employees to work from home Wednesday following a surge in coronavirus infections. Source: Hiiraan Online
-
A heavy battle between Al-Shabaab fighters and armed residents broke out in central Somalia on Wednesday. At least 2 people dead and three others hurt in the fighting that took place in Jiic-dheere near Ba’adwayn, the latest in series of clashes in Mudug region between the two sides. The combat came after Al-Shabaab attacked the location. Troops from SNA’s 21st division joined the local residents in the battle against Al-Shabaab with reports indicating that five militants were killed in the gunfight. The situation was calm on Wednesday afternoon after the Al-Shabaab attack has been repulsed by the army. View the full article
-
Somalia’s international partners welcome the 16 February announcement that the Technical Committee representing the Federal Government and the Federal Member States has identified technical solutions to issues that have delayed implementation of the 17 September electoral model, and that these have been submitted to the National Consultative Council. The partners further welcome the Technical Committee’s call for the Federal Government and Federal Member State leaders to meet on 18 February and urge these leaders to do so in order to conclude the Committee’s work, so that the elections can be organized as a matter of priority. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta maamulka Jubaland, Aadan Ibraahim Xirsi ayaa markii u horeysay ka hadlay banaanbaxa weyn ee ay iclaamiyeen Midwoga Musharaxiinta Mucaaradka, kaasi oo maalinta Jimcaha ka dhacaya magaalada Muqdisho. Aadan Aw-Xirsi ayaa ugu horeyntii sheegay in banaanbaxaas xaq u leeyihiin inay qabtaan mucaaradka, islamarkaana ay waajib ka saaran tahay ciidamada dowladda iyo kuwa nabad-sugida inay ka qeyb kaa qaateen xaqiijinta amniga goobta shacabku iskugu soo baxayaan. Aw-Xirsi ayaa sidoo kale waxa uu dowladda federaalka usoo jeediyay inay tallaabo nabdoon u raadiso joojinta banaanbaxaas, ayada oo laga cabsi qabo inuu ka dhaco iska hor-imaad dhex-marka dadweynaha isku soo baxa dhigaya iyo ciidamada dowladda. Waxa uu ku taliyay in Wasaaradda Caafimaadka ay codsi u dirto Midowga Musharaxiinta si loo baajiyo banaanbaxaas, maadama uu dalka kusoo labo kacleeyay cudurka Coronavirus, wuxuuna xusay in haddii ay ku gacan-seyraan mucaaridka aqbalaada codsigaas ay xaq u leeyihiin qabashada banaanbaxas. “Waa laga codsan karaa, ayada oo la marayo Wasaarada caafimaadka oo waxaa la dhihi karaa ‘walaalayaalow waxa jira xanuunkaan, ee naga dhima’, haddii ay diidaan wey mudaharaadayaan xaq dastuuri ah ayey u leeyihiin, booliskuna waa inuu waardiyeeyaan, nabad-sugidda waa inay geedaha fuulaan oo ay dhowraan, waa inay sugaan in mudaaharadkaas ku dhammaado si nabad ah, mas’uuliyadda dowladda waayey taas,” ayuu yiri Aadan Aw-Xirsi. Musharaxiinta mucaaradka ayaa Axadii toddobaadkan ku dhawaaqay banaanbaxaas oo ka dhacaya Taalaada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, iyagoo sheegay inay hor-kici doonaan, kaasi oo ay uga soo horjeedan madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday, islamarkaana ay ku dalbanayaan in dalka ka dhacdo doorasho dhaqso ah oo wada-ogol ah.
-
Shir Jaraa’id oo uu qabtay Cusmaan Dubbe oo ah wasiirka warfaafinta oo la joogeen wasiirka caafimaadka iyo qaar ka tirsan hey’adaha amniga ayaa lagu mamnuucay isu imaatinka iyo dibaxyada xilli jimcaha lagu waday in mucaaradka dhintaan bannaanbax. Shir ay isugu yimaadeen hey’adaha arrimaha CoVID 19, oo warbixin looga dhageystay wasiirka caafimaadka, lana tixgeliyey baaqyada kasoo baxaya qeybaha kala duwan ee bulshada sida culimada, ganacsatada, bahda waxbarashada, aqoonyahanada, in dheer garadka, haweenka iyo dhalinyarada isla markaana ay la tashteen Madaxweynaha waxay xukuumadda soo saartay; 1. In la fasaxay shaqaalihii rayidka ahaa ee dalka, marka laga reebo shaqalaha ma huraanka ah ilaa amar dambe. 2. In gebi ahaanba la joojiyey isu imaatinnada iyo is ururka bulshada, 3. Iney waajib tahay dadka ka shaqeeya meelaha aan looga maarmi karin ay qaataan afsaar. 4. In la joogteeyo kala fogaamta masaafada dadka sida gaadiidka iyo Maqaayadaha 5. In la yareeyo Safaradda laga maarmi karo 6. In Masaajidda lagu dadaalo kala fogaan, afdabool iyo nadaafadda 7. In ciidamada u xil saaran yihiin dhaqan gelinta go’aamadan 8. Goobaha Waxbarshada iyo cayaaraha waxaa loo xakameyn doonaa si khaas ah GoobJoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo rogtay amaawiir adag oo looga hortagayo inuu sii fido cudurka Coronavirus oo markale kusoo laba-kacleeyay dalka, kadib shir ay maanta iskugu yimaadeen Wasaaraddaha qaabilsan ka hortagga iyo xakamaynta cudurka Covid-19. Shirkaasi oo uu shir-guddoomiyey ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiina, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa lagu go’aamiyay in la xakameeyo dhaq-dhaqaaqyada bulshada, ayada oo xooga la saarayo in meesha laga saaro isku-imaatinka dadka badan. Awaamiirta kasoo baxay shirkan ayaa waxa lagu fasaxay shaqaalihii Rayidka ahaa ee dalka marka laga reebo shaqaalaha mahuraanka ah ee aan laga maarmi karin illaa amar dambe, waxaana gebi ahaanba la’ joojiyey isu imaatinada iyo isu ururka bulshada. Sidoo kale waxay xukuumaddu waajibisay in dadka ka shaqeeya meelaha aan looga maarmi karin ay qaataan Afsaar ama Mask, ayada oo la joogteynayo kala fogaanta masaafo aan ka yarayn Hal mitir illaa laba mitir. Waxa xusid mudan in awaamiirtan aan si faah-faahsan loogu sheegin waxa laga yeelayo Goobaha waxbarashada iyo gaadiidka dadweynaha oo ah meelaha kulmiya dad tiro badan, waxaana qoraalka lagu yiri “Goobaha Waxbarashada, gaadiidka dadweynaha iyo goobaha ciyaaraha waxa loo xakamayn doonaa si gaar ah”. Awaamiirtan cusub ayaa waxa laga talo-geliyay madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kaasi oo ku raacay in la dhaqan-geliyo, waxayna kusoo aadayaan xili uu caasimada ka socdo abaabulka banaanbax ay iclaamiyeen Musharaxiinta Mucaaradka. Si dhab ah uma cada in xukuumadda Rooble ay is-hortaagi doonto banaanbaxaas, hase yeeshe awaamiirtan cusub ayaa meesha ka saaraya in caasimada iyo guud ahaan dalka laga qabto isku imaatinada kulminaya dadka badan. Hoos ka aqriso awaamiirta ay xukuumadda soo saartay; In la fasaxay shaqaalihii Rayidka ahaa ee dalka marka laga reebo shaqaalaha mahuraanka ah ee aan laga maarmi karin illaa amar dambe. In gebi ahaanba la’ joojiyey isu imaatinada iyo isu ururka bulshada. In ay waajib tahay in dadka ka shaqeeya meelaha aan looga maarmi karin ay qaataan Afsaar ama Mask. In la joogteeyo kala fogaanta masaafo aan ka yarayn Hal mitir illaa laba mitir In la yareeyo isu socodka gobolada iyo safarada laga maarmi karo In masaajidada oo ah goobo cibaado bulshaduna si joogto ah isugu timaaddo lagu dedaalo kala fogaan, af dabool iyo nadaafadda oo kor loo sii qaado. In Ciidamada amnigu ay u xilsaaran yihiin dhaqan gelinta go’aamadan. Goobaha Waxbarashada, gaadiidka dadweynaha iyo goobaha ciyaaraha waxa loo xakamayn doonaa si gaar ah.
-
Mogadishu— 17/2/2021-Puntlandi.com.. Somalia’s international partners today addressed the situation in Somalia, issuing the following statement Mogadishu – Somalia’s international partners* welcome the 16 February announcement that the Technical Committee representing the Federal Government and Federal Member States has identified technical solutions to issues that have delayed implementation of the 17 September electoral model, and that these have been submitted to the National Consultative Council. The partners further welcome the Technical Committee’s call for the Federal Government and Federal Member State leaders to meet on 18 February, and urge these leaders to do so in order to conclude the Committee’s work, so that the elections can be organized as a matter of priority. The post Somalia’s international partners issue brief press release on Baidoa agreement appeared first on . Source
-
Madaxweynihii hore ee Dawlada Federaalka Somaaliyeed ayaa maanta Bulsha-weynta Somaaliyeed ee ku dhaqan Caasimada Muqdisho u sheegay in uu hor kici doona Banaanbaxa weyn ee loo balansan yahay inuu ka dhaco magaalada Muqdishu Jimacaha 19 Febraayo 2021. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hadlaayey Afka Golaha Mudowga Musharixiinta Somaaliyeed ayaa shir jaraa’id oo Warbaahinta u qabtay ku sheegay in Banaanbaxa ay ku baaqeen maalinta Jimcaha uu yahay mid xaq oo waafqsan Dastuurka Dalka isla markaana aanay jir cid ka hor istaagi karta. Hadalka Madune Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo aaday daqiiqado ka dib markii Xubno Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadii Wakhtigeedu dhamaaday ay soo saareen go’aano iyo amaro siyaasadeed oo ay uga hortagayaan Banaanbaxyada Golaha Midowga Musharixiintu ku baqeen iyagoo ku gabanaaya oo cudur-daar ka dhiganaaya ka hortaga faafidaanka cudurka Corona. Halkan ka daawo shirka Jaraa’id ee Mudane Xasan Sheekh : The post Breaking News Ex-M/weyne Xasan Sheekh : – ” Waa inoo Jimcaha 19 Feberaayo iyo Dal-jirka dahsoon, cid naga baajin kartaana ma jirto “ appeared first on . Source
-
Shir jaraa’id oo galabta ay Muqdisho ku qabteen wasiirada caafimaadka, warfaafinta iyo amniga oo ay hareer joogeen taliyaasha ciidamada xoogga iyo Booliska ayaa lagu sheegay in dawladda oo ka duulaysa xaaladda faafista cudurka COVID-19 iyo talooyinka ay bixiyeen madaxda sare iyo khuburada caafimaadka ay soo saartay amarro cusub oo lagu xakamaynayo cudurka. Wasiirka warfaafinta xukuumadda FS mudane Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in la fasaxay shaqaalaha dawladda, marka laga reebo shaqaalaha ka hawlgala meelaha muhiimka ah ee aan adeeg bixinta dawladda looga maarim, lana joojiyey dhammaan kulamada bulshada. Dawladdu waxay bulshada ku adkaysay in la dhaqangaliyo dhammaan talooyinka caafimaad ee la xiriira ka hortagga cudurka COVID-19, oo ay ku jirto in la kala fogaado af-xirkana la qaato, waxaana masaajidda, goobaha waxbarashada iyo cayaaraha loo samaynayaa hab nidaamin gaar ah oo lagu ilaalinayo badqabka bulshada. Wasiirka caafimaadka xukuumadda FS marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa xustay in 24-tii saac ee la soo dhaafay ay cudurka u geeriyoodeen ilaa 15-qof 50-kalena ay u jiifaan Isbitaalada dawladda, sidoo kalena ay jiraan dad cudurka u geeriyooday oo aan la diiwaan galin, taas oo muujinaysa in khatarta cudurku sare u kacday. Waxay sheegtay inay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO la kaashanayaan baaritaanka cudurka COVID-19, si loo ogaado nuuc cusub inuu yahay iyo in kale, iyadoo tallaaka cudurka uu soo gaari doono, kaas oo xakamayntiisa qayb wayn ka qaadanaya. Wasiirka amniga xukuumadda FS Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa isna sheegay in dawladda ay mas’uuliyad ka saarantahay badbaada bulshada, sidaa darteedna go’aanadan lagu saleeyey aqoon caafimaad iyo xog ogaalnimada xaaladda dalka, waxaana uu intaa ku daray in ciidamadu u xilsaaranyihiin dhaqangalinta go’aanada dawladda ka soo baxay. Wasiirka oo la weydiiyey banaanbaxa ay musharixiinta xilka madaxweynaha qaarkood ku baaqeen ayaa xusay inuusan jirin ogeysiin rasmi ah oo dawladda soo gaaray, inkastoo muwaadiniinta uu sharciga dalku siinayo xaq ay fikirkooda ku soo bandhigi karaan, balse aan la ogolayn kulan dadweyne si cudurka looga digtoonaado. View the full article
