-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay ugu baaqeen dhamaan saxiixayaasha heshiiskii 17kii Sebtember inay si deg-deg ah isugu yimaadaan si loo dhamaystiro hirgelinta hannaanka doorashada, iyadoo laga amba-qaadayo howshii ay qabteen Guddiga Farsamada ee ku kulmay magaalada Baydhabo 15-16 Febraayo. “Madaxda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada waa inay sidoo kale joogteeyaan xiriir furan oo ay la yeeshaan madaxda kale ee siyaasadeed ee Soomaaliya iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo in doorashadu ay hesho taageerada ugu ballaaran ee suurtagalka ah, isla markaana guddiyada doorashooyinku ay u hawlgalaan si ka madaxbanaan dano siyaasadeed” ayaa lagu yiri war kasoo baxay. Saaxiibada caalamku waxay ka walaacsan yihiin dhacdooyinkii rabshadaha watay ee ka dhacay Muqdisho 19kii Febraayo. Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada inay is-dejiyaan oo ay is xakameeyaan si loogu oggolaado wadahadalka siyaasadeed inuu horay usii socdo. Hadda waxaa si kasii dhakhso badan sidii hore loogu baahanyahay in madaxda siyaasadeed ee Soomaaliya ay danta qaranka ka dhigaan tan koowaad, ayna ka wada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashooyin leh taageero ballaaran oo ku qabsooma sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtagalka ah, si dalka horay loogusii dhaqaajiyo. Saaxiibada caalamku waxay si firfircoon uga taageerayaan dadka Soomaaliyeed sidii ay ku gaari lahaayeen natiijadaas. View the full article
-
Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa magaalada Samareeb Guddoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee Amniga, waxaana fadhigan oo ahaa mid bulshadu ka qayb gashay ku sugnaa Saraakiisha Amniga Caasimadda, Maamulka Degmada Samareeb, Gudigga Amniga Baarlamaanka Galmudug iyo Mas’uuliyiin kale oo dhamaantood diirada saaray sida ugu haboon ee loo xoojin karo amaanka guud. Wasaarada Amniga ayaa kulankan ku shaacisay in aan la aqbali doonin soo gelinta waxyaabaha maanka dooriya ee gudaha Deegaannada Galmudug iyo in Guriyaha laga kireeyo dad aan ogolaansho ka heysan laamaha amniga, isla markaana aan marin hubinta hey’adaha qaabilsan howlahaasi. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegaya in laga helay cudurka COVID-19 Wasiirka ayaa hadalkan u sheegay telefiishanka dawladda Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay inuu ku sugan yahay dalka Burundi, oo uu kaga qaybgalayey shir, halkaasi oo uu sheegay in aanu ka bixin degaanka uu ku sugan yahay. Wasiirka ayaa hadalkan sheegay isagoo ka hadlayey in cudurka COVID-19 uu aad ugu faafay Soomaaliya. Waxa uu sheegay in ayna caqli keenayn in la yidhaahdi dibadbax ha la isku yimaado, sida uu hadalkiisa u dhigay. Mas’uuliyiinta mucaaradka ayaa sheegay inay qabanayaan bannaanbax cusub maalinta Jimacaha ee toddobaadkan. Source
-
Magaalada Muqdisho waxaa caawa ku geeriyooday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo kamid ahaa isimada dhaqanka Soomaaliyeed. Ugaaska ayaa wararku sheegayaan inuu u geeriyooday cudurka Covid-19 oo maalmihii la soo dhaafay dad badani ay ugu geeriyoodeen Soomaaliya. Geerida Ugaas waxaa ka tacsiyeeyay dhamaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. PUNTLAND POST The post Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ku geeriyooday Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday saxiixayaashii heshiiskii 17kii Sebtember inay si deg-deg ah isugu yimaadaan, si loo dhamaystiro hirgelinta hannaanka doorashada, iyadoo laga amba-qaadayo howshii ay qabteen Guddiga Farsamada ee ku kulmay magaalada Baydhabo 15-16 Febraayo. Beesha Caalamka waxay madaxda siyaasadda ee Soomaaliya ugu baaqday in ay danta qaranka ka dhigaan tan koowaad, ayna ka wada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashooyin leh taageero ballaaran oo ku qabsooma sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtagalka ah, si dalka horay loogusii dhaqaajiyo. Sidoo kale madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa Beesha Caalamka ugu baaqday in ay joogteeyaan xiriirka madaxda kale ee siyaasadda Soomaaliya iyo bulshada rayidka ah, si loo xaqiijiyo in doorashadu ay hesho taageerada ugu ballaaran ee suurtagalka ah, isla markaana guddiyada doorashooyinku ay u hawlgalaan si ka madaxbanaan dano siyaasadeed. Beesha Caalamku waxay walaac ka muujisay dhacdooyinkii rabshadaha watay ee ka dhacay Muqdisho 19kii Febraayo, waxayna ugu baaqday dhamaan dhinacyada inay is-dejiyaan oo ay is xakameeyaan. Baaqan ayay Beesha Caalamka ku sheegtay qoraal wadajir ah oo ay goordhaweyd soo saartay. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo baaq u dirtay madaxda siyaasadda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Beesha caalamka ayaa saxiixayaasha heshiiskii 17-kii September waxay ku baaqday in ay si degdeg ah isugu yimaadaan si loo dhameeyo hawlaha doorashada iyada oo laga ambaqaadayo shaqadii guddiga farsamo ee Baydhabo ku shiray 15-16 February. Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada waa iney khadka wada tashiga u furaan siyaasiyiinta kale iyo bulshada rayidka si doorashada u hesho taageero ballaaran iyo in sidoo kale guddiyada doorashada iney ka madaxbannaanaadaan kooxaha siyaasadda. Beesha caalamka waxaa ay ka welwelsan tahay qalalaasihii ka dhacay Muqdisho 19-kii February. Waxaan ugu baaqeynaa kooxaha kala duwan in la is dejiyo, la iska celiyo, laga ogolaado in wadahadallada siyaasiga ah ay mirodhalaan. Waxaa la joogaa xilligii ay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay maslaxadda qaranka hormarin lahaayeen, isla markaana ay si wadajir ah uga wada shaqeyn lahaayeen doorashada loo dhan yahay oo ku dhacda sida ugu dhaqsiyaha badan. Beesha caalamka waxaa ay Soomaaliya ku taageereysaa iney hadalkeeda ay gaarto. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Habeen-2322021-2.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa mar kale soo saartay qoraal ku aaddan is-mari waaga ka taagan doorashada Soomaaliya iyo rabshadihii ka dhacay Muqdisho ee ciidamada dowladda ay ku weerareen dibad-baxayaal iyo xubno ka tirsan musharaxiinta mucaaradka. Qoraalka ayaa markii ugu horreysay waxay beesha caalamka kaga dalbatay Madaxda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada inay joogteeyaan xiriir furan oo ay la yeeshaan madaxda kale ee siyaasadeed ee Soomaaliya iyo bulshada rayidka ah. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran Baaq Ku Aaddan Sii Socoshada Dadaallada Lagu Gaarayo Heshiis ay DFS-DGXF Ka Gaaraan Hirgelinta Doorashada Muqdisho, 23 Febraayo 2021 – Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay ugu baaqayaan dhamaan saxiixayaasha heshiiskii 17kii Sebtember inay si deg-deg ah isugu yimaadaan si loo dhamaystiro hirgelinta hannaanka doorashada, iyadoo laga amba-qaadayo howshii ay qabteen Guddiga Farsamada ee ku kulmay magaalada Baydhabo 15-16 Febraayo. Madaxda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada waa inay sidoo kale joogteeyaan xiriir furan oo ay la yeeshaan madaxda kale ee siyaasadeed ee Soomaaliya iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo in doorashadu ay hesho taageerada ugu ballaaran ee suurtagalka ah, isla markaana guddiyada doorashooyinku ay u hawlgalaan si ka madaxbanaan dano siyaasadeed. Saaxiibada caalamku waxay ka walaacsan yihiin dhacdooyinkii rabshadaha watay ee ka dhacay Muqdisho 19kii Febraayo. Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada inay is-dejiyaan oo ay is xakameeyaan si loogu oggolaado wadahadalka siyaasadeed inuu horay usii socdo. Hadda waxaa si kasii dhakhso badan sidii hore loogu baahanyahay in madaxda siyaasadeed ee Soomaaliya ay danta qaranka ka dhigaan tan koowaad, ayna ka wada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashooyin leh taageero ballaaran oo ku qabsooma sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtagalka ah, si dalka horay loogusii dhaqaajiyo. Saaxiibada caalamku waxay si firfircoon uga taageerayaan dadka Soomaaliyeed sidii ay ku gaari lahaayeen natiijadaas. * Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro oo ay wehelinayaan Hoggaanka Sare ee Xisbiga ayaa galabta ku qaabilay hoygiisa wefdi ka socda Saaxiibada Somaliland & daneeyayaasha Dimuqraadiyadda. Wefdiga ka socday Beesha Caalamka ayaa isugu jiray wufuud ka kala socda EU, UN, Britain, Sweden, Denmark, iyo Germany oo dhammaantood ah saaxiibada Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda. Xisbiga WADDANI iyo Wefdiga Beesha Caalamka ka socda ayaa isla falanqeeyey isla markaana ka wada hadlay arrimaha habsami u socodka howlaha u diyaar garowga doorashooyinka isku sidkan ee ku muddeysan in ay dhacaan 31 may 2021. Source
-
Somalia has accused the United Arab Emirates (UAE) of violating international law by belittling Somalia’s government as “interim” and seeking to sow violence. A UAE statement on Saturday on recent clashes in the country also violates bilateral fellowship, Osman Dubbe, Somalia’s information minister, told a press conference in the capital Mogadishu on Sunday. “The UAE statement is inconsistent with international diplomacy, brotherly relations between the two countries, and Arab culture,” said Dubbe. “The United Arab Emirates wants Somalia to be like Yemen and Libya and wants to create in Somalia displacement, violence, and backwardness, and that is something the Somali people are wary of,” he added. Commenting on recent clashes between Somali government forces and opposition groups, the UAE statement accused Somalia of using excessive force against civilians and called its government an “interim government.” Separately, Somalia accused opposition presidential candidates led by former President Sharif Sheikh Ahmed of pursuing “illegality” in the guise of peaceful protest. “Presidential candidates chose to circumnavigate the process in order to pursue a path of illegality and armed insurrection disguised as a peaceful demonstration guaranteed under our constitution,” said a Somali Foreign Ministry statement. It also warned unnamed foreign actors against making “misleading” statements that at times “appear to be supporting insurrection.”
-
The United Nations envoy for Somalia called on leaders in Somalia to reach an agreement on holding elections “as soon as possible”, in comments made days after gunfire broke out during an opposition demonstration in the capital, Mogadishu. In a quarterly video conference of the UN Security Council, James Swan on Monday urged “all of Somalia’s political leaders to pull back from confrontation and avoid risky winner-take-all tactics”. “Instead, this is a time to pursue dialogue and compromise to reach an inclusive and credible political agreement to hold elections as soon as possible based on the 17 September model,” he added. President Mohamed Abdullahi Mohamed – better known by his nickname Farmaajo – and regional leaders had reached an agreement on September 17 that abandoned a promised one-person, one-vote ballot but offered a common path forward for elections. But they have since been unable to resolve difference over how the polls are to be conducted. The country missed a deadline to hold an election by February 8, when Farmaajo was due to step down. Amid the constitutional crisis, a coalition of opposition candidates had said it no longer recognises Farmaajo as president and has pledged mass protests until he steps down. “I remain convinced that the consensus-based 17 September model offers the best available option to proceed quickly to an electoral process for selection of members of parliament, senators and the president,” Swan said. “The message from partners has been clear that there should be no partial elections, no parallel processes and no unilateral actions by Somali leaders. Such approaches would only lead to greater division and risk of confrontation,” the UN envoy warned. On Friday, a small group of protesters attempted to march down the main airport road in Mogadishu when shots rang out, sending them ducking for cover. It was unclear who opened fire first. The violence has subsided since, but the months-old political tensions have not eased, said Francisco Madeira, head of the African Union’s Somalia mission. He called for “restraint from acts that can escalate tension and lead to further violence.” Madeira stressed elections are “an absolute necessity” to renew and reaffirm “peoples’ trust and confidence in their leaders.” Somalia’s leaders should return to the negotiating table “guided by constructiveness, compromise and consensus”, he said. ‘Spoilers will benefit’ Rita Laranjinha, managing director of the European Union’s External Action Service, warned the failure to reach agreement on how to conduct elections “is a risk for Somalia, and if not addressed urgently will become a risk to regional security”. “If Somalia’s leaders fail to come to political arrangements, al-Shabab and other spoilers will benefit” and “the gains made to move Somalia to debt relief also risk being squandered”, said Laranjinha. “Time is therefore now for us, together, to reinforce our commitment towards a more comprehensive political and stabilization approach,” she said. In Somalia, where the al-Qaeda-linked al-Shabab armed group remains active, the fragile federal government controls only part of the territory, despite the support of the African Union force, largely funded by the European Union. The mandate of this force expires on February 28 and is expected to be renewed this weekend by the UN Security Council. Acting US Ambassador Richard Mills, who also called for elections to be held, said on Monday the United States was joining Somalia in calling for some al-Shabab leaders to be placed on a UN sanctions list. “Today we joined with the federal government of Somalia in co-nominating three senior Al-Shabab leaders, Abukar Ali Adan, Maalim Ayman and Mahad Karate, to the 751 Somalia sanctions list,” he said. These sanctions include the possibility of asset freezes and travel bans. “These designations demonstrate that the international community will hold accountable those who undermine Somalia peace, security and stability,” Mills said. SOURCE : NEWS AGENCIES
-
Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA oo u taagan ilaalinta xuquuqda saxafiyiinta waxa uu ka digayaa in saxafiyiinta lagula kaco talaabo kasta oo u ekaanaysa inay baal marsan tahay shuruucda dalka ee xoriyaadka siinaya saxfiyiinta si la siman muwaadiniinta kale ee Somaliland. Sidaa daradeed, Ururka Saxafiyiinta Somaliland waxa uu ku baaqayaa in arinka Wariye Hoodo Garays oo cabasho ka muujisay sida loogula dhaqmay Saldhiga Qudhac-dheer ay hay’adaha sharciga ee arintaasi khusaysaa ay u baadhaan si ay madaxbanaani iyo cadaaladi ku dheehan tahay si loo ogaado saxnimada dhacdadaasi. Waxaan ku baaqaynaa in la ixtiraamo xaqa iyo xuquuqaha dastuurka Somaliland u damaanad qaaday Saxafiyiinta. Sakariye Axmed Muxumed Gudoomiyaha Ururka SOLJA Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa u muuqata inay ku gacan seertay dalabkii ay musharaxiinta mucaaradka gaarsiiyeen Golaha Ammaanka QM, kaas oo ahaa in la dhiso gole hogaamin oo xilka kala wareega sii-hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qoraal ay laba maalin ka hore u direen Golaha Ammaanka, ayey Midowga musharaxiinta ku dalbadeen in la dhiso gole loo dhan yahay oo xilka sii haya isla markaana dalka ka gudbiya marxaladaan kala guurka ah. Hase yeeshee, dowladda Mareykanka ayaa taas u aragta inay dib u dhac u keeni karto Soomaaliya, islamarkaana ay haboon tahay in dowladda wakhtigeeda dhamaaday iyo maamul goboleedyada ay ka shaqeeyaan hanaanka doorashada. Sii hayaha ergayga Mareykanka u jooga Qaramada Midoobay Richard Mills ayaa khudbadii uu ka jeediyay kulankii Golaha Ammaanka QM waxa ku sheegay in waddo walba oo ka leexsan hanaankii dhawaan lagu heshiiyay ay gadaal u celin karto Soomaalida, wuxuuna diiday xukun KMG ah. “Aan idiin caddeeyo, doorasho dhinac ah, doorashooyin isbarbar socda, ama qaab kale oo hanaan doorasho ah oo uu ku jiro xukun KMG ah oo waqti qaata waxaa kaliya oo uu sii kordhin karaa xasillooni darada, wuxuuna dib u dhac ku noqonayaa Soomaaliya,” ayuu yiri Richard Mils. Dowladda Mareykanka waxey taageersan tahay si la mid ah beesha caalamka in wax lagu wado sidii lagu heshiiyay 17-kii September, markaas oo ay dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ku heshiiyeen Muqdisho. Go’aanka Mareykanka wuxuu dhabar jab ku noqonayaa midowga musharaxiinta kuwaas oo dalbaday in la dhiso gole hogaamin, maadaama ay diidan yahiin in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu yahay madaxweynaha Soomaaliya.
-
Wasiirka Amniga Xasan Jimcaale oo Shir jaraa’id qabtay ayaa hoosta ka xariiqay in la manuucay isusoobax iyo Isu imaansho aan Muhiimka ahayn. Wasiirka KMG ee Amnigu wuxuu sheegey in Mudaharaadyada la iclaamiyey aan la isugu imaan karin sidaas awgeedna aysan Xukuumadu aqbalayn in Muqdisho lagu Mudaharaado. Hadalkaan ayaa imaanaya xili ay Musharixiintu iclaamiyeen isusoo bax loogasoo hor jeedo Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Musharixiintu wali kama jawaabin hadalka Wasiirka, waxaase la filayaa inay dhowaanahaan ay jawaab ka bixiyaan. Puntlandi.com Muqdisho The post Xukuumada KM G oo markale kasoo horjeesatay Mudaharaadyada appeared first on . Source
-
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia oo uu ku dhacay Xanuunka COVID-19 kuna xaniban Dal Arikaana Mohamed Abdirizak Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegaya in laga helay cudurka COVID-19 uuna ku jiro isa soocid maalintii siddeedaad. Wasiirka ayaa hadalkan u sheegay telefiishanka dawladda Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay inuu ku sugan yahay dalka Burundi, oo uu kaga qaybgalayey shir, halkaasi oo uu sheegay inuusan ka bixin degaanka uu ku sugan yahay. Wasiirka ayaa hadalkan sheegay isagoo ka hadlayey in cudurka COVID-19 uu aad ugu faafay Soomaaliya. Waxa uu sheegay inaysan caqli keenayn in la yiraahdi dibadbax ha la isku yimaado, sida uu hadalkiisa u dhigay. Mas’uuliyiinta mucaaradka ayaa sheegay inay qabanayaan bannaanbax cusub maalinta Jimacaha 26-ka Febraayo 2021-ka Qaran News
-
Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xundubey Jimcaale oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dowladda ay markale ka digeyso in la qabto isu soo bax dadweyne, maadamaa uu dalku wajahayo xaalado cusub oo cudurka COVID-19 ah. Wasiirka oo suxufiyiinta kula hadlayay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in dowladda aysan ogolaan doonin in la qabto isu soo bax dadweyne, isla markaana ay dowladda soo jeedineyso in la yareeyo isu imaatanka dadweynaha, maadaama COVID-19 uu markale soo labo kacleeyay, isagoo intaa ku daray shirka Golaha Wasiirada lagu qabto qaab online ah. “Qatarta caafimaad ee dalka ka jirta waad ka warqabtaan, maalin kasta waad maqleysaan qeylada ambalaasta, taasi waxa ay nagu sii adkeyneysaa in la sii yareeyo isu imaatanka, in la sii yareeyo waxkasta oo dadku isu keeni kara, si qatarta caafimaadka ay u yaraato” ayuu yiri Wasiirka amniga. Mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa xusay in sidoo kale dagaalyahanada Al-Shabaab ay bilaabeen inay carqaladeeyaan amniga, oo ay tuuraan jaakad laga soo buuxiyay walxaha qarxa, isagoo xusay in ciidamada amniga ay gacanta ku soo dhigeen. “Mas’uuliyad ayaa naga saran bulshada oo ma dhihi karno meel ha isugu timaado, sida waalidka uu uga wal walo carruurtiisa ayaa anagana uga wal waleynaa in bulshada ay waxyeelo soo gaarto, banaan bax nuuc kasta ha noqdo, waa mamnuuc dowladda ma ogola, mana ogolaan doonto” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka amniga. Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda Soomaaliya ay markasta diyaar u tahay inay wada hadal la qaadato cidkasta oo qabta tabasho, si xal looga gaaro tabashadooda. View the full article
-
The last time Somali government soldiers fired on peaceful Mogadishu demonstrators was on Friday, the 14th of July 1989, setting off a civil war. On another Friday, 31 years later, Farmaajo repeated this ugly history on the streets of Mogadishu and risks another civil war. Our deepest condolences to those who lost their lives last Friday and our sympathies for those who are lying in hospital beds injured. They are once again a symbol of the fragility of what we have taken for granted: one’s constitutional right to express their political views. The flames of anarchy and civil war are easily lit and we have not yet fully extinguished the last one after thirty years. It is why our country has been too fragile and on shaky foundations for decades and indeed why, more than ever, the country needed politics of caution, rather than confrontation. However, what many of us never realised was the extent to which the country was already careering into the irreversible road of anarchy and civil war without our noticing. What happened in Mogadishu last Friday is a timely wake-up call for every Somali as another ugly historical current is being stirred. It is the first time in over 31 years a Somali president, albeit one whose constitutional term has already ended, used government soldiers to fire on peaceful demonstrators on the streets of Mogadishu. Another profoundly ugly event is once again added to Farmaajo’s inglorious long list. We now have another dictator in the making and the consequences that may follow could hardly be more atrocious. A dictator will not deliver democracy What happened in Mogadishu was not merely deeply unsettling. It was much worse than that. When a Somali president, who already lost his constitutional right to govern, resorts to using the government’s military machine to stay in power and wage war on his people, including two former presidents, a prime minster, parliamentarians and other politicians, in response to political pressure, it means an ugly chapter in our history is being re-opened. Just as was the case 31 years ago, the value and sanctity of our people’s lives are under attack and exercising one’s constitutional right to express their views is once again a matter of life and death. A person’s constitutional right to peaceful assembly should not invite hellfire of bullets and Rocket Propelled Grenades. However, when popular consent failed, violence was always Farmaajo’s default answer – a mindset that never changed. These actions are the first signs of a dictator in the making whose desperation to hold on to power is spilling Somali blood. What Farmaajo wants is to create mayhem and gain strength from fear and dread. He continues to amplify political division to create an ecosystem of tragedies so peaceful communities find new reasons to fight each other. This is already happening in many regions and towns across the country. Indulging Farmaajo is a grave mistake There are some who wrongly assumed that Farmaajo will eventually hold elections and do what is required for an orderly transition of power, just as his predecessors did peacefully in 2012 and 2017. Others try to paint a vision of doom if he were to leave office and create a vacuum. Both are mistaken. The events of Friday remind us why a dictator does not deliver democracy. The show of brutality that was on display on Mogadishu’s streets was not just another sign of desperation, it was intended to tab into the destructive veins of people’s anger and Qabyaalad in order to spark another civil war. Thankfully, on this occasion, saner heads prevailed. The people of Somalia may not be so lucky next time. The longer others continue to indulge him, including elements of the “international community”, the larger will be the scale of the damage he will do to the country and the people. Killing innocent Somalis who are expressing their constitutional right should not slide without consequences, nor can last Friday’s events be forgotten. It is important to document these atrocities so that the perpetrators, and their enablers, are brought to justice. Many of the key decision-makers in government are dual nationals and will be subject to provisions of the laws in their adopted countries, including crimes for widespread and systemic attack against peaceful civilians. Witness testimonies and evidence that is currently being collated must be preserved so that those on whose orders innocent lives were taken, were part of the collective action to implement it or continue to justify it on social media, are held accountable. Farmaajo’s actions are also creating opportunities for terrorists Farmaajo’s actions are also creating opportunities that will be easily taken by terrorists at a time when the country has been fighting an existential threat from terrorism. People’s judgment will shift if they continue to see the government soldiers as murderous tools who are being used to silence them to docility for Farmaajo’s political ends. The consequences of this are extremely dangerous indeed. The longer this goes on and government soldiers are used to kill and suppress the people, the more ordinary civilians will become convinced that government is not on their side and is on par with terrorists. Farmaajo’s actions are therefore destroying the only and most important trust pillar the government needed to defeat the scourge of terrorism in Somalia – people’s trust in the country’s armed forces which will have catastrophic consequences for the fight against terrorism. Don’t sleepwalk into another civil war Many lives have already been lost and the potential for unexpected serious violence is real. It is critically important not be blindsided about the bigger risk of another destructive civil war in Mogadishu. It is what Farmaajo and his enablers want, but it will be the people of Mogadishu, and indeed Somalia, that will pay the price for it. We must continue to stand up for the country’s constitution, democracy and the rule of law peacefully and avoid anything that will lead to another war. Farmaajo’s mask finally slipped. He is not in Villa Somalia to deliver democracy; he poses a serious threat to it. Alloow Dalkeena iy Dadkeena Badbaadi. Abdi Ali can be reached at abdirahman.ali3@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
Wakiillo ka socda saaxiibbada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Kismaayo, taas oo qeyb ka ah dadaalka socda ee lagu doonayo in la hirgeliyo heshiiskii 17-kii September lagu galay shirkii ay yeesheen madaxda heer federaal iyo heer maamul goboleed. Saraakiisha Beesha Caalamka ayaa sheegay in ay Kismaayo u tageen si ay faham dheeraad ah uga helaan arrimaha ay ka walaacsan yihiin mas’uuliyiinta Jubalanad iyo sida horay loogu sii wadi karo hannaanka doorashada. Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka baaqday shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxweynaha dowladda federaalka iyo inta badan madaxda maamul goboleedyada. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isagana ku gacan seyray shirkaas. View the full article
-
Waxaa magaalda Kismaayo ee Xarunta maamulka Jubbaland gaaray wafdi uu hogaamminayo Ergayga QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan . Wafdiga ayaa waxa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay madaxweeynaha Dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islam Madoobe iyo xubna ka tirsan maamulka Jubbaland. Kadib Soo dhaweeynta wafdiga Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Madoobe ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay wafdiga uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan, waxaa kale oo wafdigan kamid ahaa Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez iyo Safiirka Talyaaniga. James Swan ayaa madaxtooyada Jubbaland waxa uu kulan dhanka fogaan aragga ah isaga iyo Axmed madoobe kula qaateen Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Caetano Madeira. Sikastba Safarka Swan ayaa ku soo aadaya xilli maamulka Jubbaland ay shuruudo ku xireen in ay ka soo qeeyb galaan shirka Muqdisho uga socda Farmaajo iyo Maamulada taagersan . Source: goobjoog.com
-
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in aysan aqbali doonin bannaanbax dambe oo lagu qabto magaalada Muqdisho. Wasiirka Amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay in go’aankii lagu mamnuucay isu-imaatinnada uu weli sidiisi yhay. Sidoo kale, Wasiir Xundubey wuxu tilmaamay in sababa Amni iyo kuwa caafimaad loo loojiyay bannaanbaxyada, islamarkaana aysan ogolaan doonin dowladda Soomaaliya. Maalintii shalay ayaa Golaha Midowga Musharrixiintu sheegeen in ay qaban doonaan bannaanbax maalinta Jimcaha ee 26-ka Febraayo. Waxa xusid mudan, in bannaanbaxii kaas ka horreeyay uu la kulmay iska hor-imaadyo hubaysan iyo Rabshado ka dhacay Muqdisho. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ku celisay in aysan aqbali doonin bannaanbax dambe appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka wasaaradda Amniga Xassan Xundubeey Jimcaale oo goordhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda aysan marnaba aqbaleynin banaanbax ka dhaca caasimadda. Xundubey ayaa sheegay ay siyaadeyday qatarta cudurka Corana Virus oo dalka ku soo laba kacleeyay , sidaas darteedna ay dowladda aqbaleynin in la qabto banaanbax noocu doona ha ahaade. ” Sidaad ka warqabtaan banaanbax guud ahan waala joojiyay ama ha noqdo mid dowladda lagu taageerayo ama ha noqdo mid dowladda looga soo horjeedo, banaanbax dowladda waa soo saari karta dadka mucaaridka ahna waa soo saarin karaan , laakin kuligood waa sharci darro , ama dowladda lagu taageero ama dowladda looga soo horjeedo banaanbax oo dhan waa sharci darro , ciddii sameysana ayaada is xilqaantay ma ahe dowladda uma dirin , mana ogolla “. “Maagalada caasimadda ah waa ka duwan tahay gobalada waxaa jooga mas’uuliyiinti dhameyd , waxaa jooga dowladdii , waxaa jooga Safaaradihii , Hubka ugu badan baa yaalla , mudaharaad hub wata oo dad hubeysan wataan sideedaba lama ogolaan karo”. Hadalka wasiirka Amniga ayaa ku soo aadaya xilli magaalada Baladweeyne uu maanta ka dhacay banaanbax lagu taageerayo Farmaajo. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer caalami ah oo uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan. Wefdiga waxa kamid ahaa Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez iyo Safiirka Talyaaniga. Masuuliyiintan ayaa yeeshay kulamo miro dhal ah iyadoo sidoo kale hab maqal Iyo muuqaal ah ay kaga qeyb galeen Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Caetano Madeira. Kulamadan ayaa diirada lagu saaray xaaladahii u danbeeyay ee Soomaaliya iyo arrimaha Doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo kulan gaar ah la yeeshay wefdi ka socda Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay mudaharaadka ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya, isagoo shaaciyey in aysan ogolaan doonin in banaanbax lagu qabto magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay in dowladdu go’aamisay in gabi ahaanba la joojiyo isusoo baxyada iyo kulamada laga maarmi karo, go’aankuna uu sidaas ahaan doono. “Sida aad ka war-qabtaan banaanbax waa la joojiyey ha noqdo mid dowladda lagu taageerayo ama ha noqdo mid looga soo hor jeedo, labada dhinac ee dowladda iyo mucaaradka waxay xaq u leeyihiin inay banaanbax soo abaabulaan, laakiin hadda kuligood waa sharci darro, cidii sameysana iayada unbaa is xilqaantay,” ayuu yuri wasiir Xundubey. Waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho ay ka duwan tahay magaalooyinka kale ee dalka, isla markaana aysan ogolaa doonin inuu ka dhaco banaanbax ay dhigayaan dad hubeysan. “Hadii ay dhaceyso in la ogolaado banaanbax waa inay soo baxdaa qiimeyn kale, cudurka oo naga yaraada iyo amniga oo ay wax iska bedelaan, waxaa jira dad is xil-qaamay oo isku dayey inay xaliyaan arrintaas, waxaana hadda socda wadahadal, sidii uu horay u sheegay ra’iisul wasaaruhu weli waxaa furan albaabka wadahadalka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiir Xasan Xundubey. Waxa uu sheegay in la joogo xilli wax kasta la isku gaarsii karo warbaahinta, isla markaana aan loo baahneyn banaanbax, “Waxaan ugu baaqeynaa dadka banaanbaxa abaabulaya inay adeegsadaan 40-kaan kaamiro ee hadda i hor taagan, meel kasta ayaa la iga daawanayaa,” ayuu yiri. Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Isku soo bax lama ogolaa doono qof walba wixii uu qabo warbaahinta hanoo soo mariyo caburin ma jirto, wasaaradda amniga oo aan masuul ka ahay ha u soo sheegto hadii ay jirto qof la caburiyey.” Hoos ka Daawo
