-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa manta magaalad Muqdisho kulan kula qaatay saaxibadda beesha caalamka ee daneeya dalka Soomaaliya. Kulankaasi waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wakiillada Beesha Caalamka ay halkaasi isku dhaafsadeen aragtiyo ku aaddan habka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha jira, qabsoomidda doorasho si nabad ah ku dhacda & dhowrista xasilloonida guud ee dalka. “Waxaan Wakiillada Beesha Caalamka la yeeshay kulan ku saabsan dooda ka taagan arrimaha doorashooyinka. Waxaan is dhaafsannay aragtiyo ku aaddan habka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha jira, qabsoomidda doorasho si nabad ah ku dhacda & dhowrista xasilloonida guud ee dalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wakiillada beesha caalamka ee Soomaaliya, ee isku dayaya inay xal u helaan muranka ka taagan doorashada Soomaaliya. Qoraal kooban oo lagu baahiyey barta twitterka ra’iisul wasaare ayaa lagu sheegay in kulankaas looga hadlay laba qodob oo muhiim u ah Soomaaliya. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in labadaas qodob ay kala yihiin: 1- Ka gudbista caqabadaha hor-taagan xal u heliadda is-mari waaga ka taagan doorashada Soomaaliya. 2 – Iyo dhowrista xasiloonida guud ee dalka, kadib rabshadihii ka dhacay Muqdisho. “Waxaan Wakiillada Beesha Caalamka la yeeshay kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka. Waxaan is dhaafsannay aragtiyo ku aaddan habka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha jira, qabsoomidda doorasho si nabad ah ku dhacda & dhowrista xasilloonida guud ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyey twitterka Rooble. Wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira turxaan bixinta khilaafka madaxda Soomaalida oo ku heshii waayey doorashooyinka dalka, waxayna caqabadda ugu weyn ka taagan tahay sidii la isugu keeni lahaa. Madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa si cad u diiday inay ka soo qeyb galaan shirka uu gogoshiisa Muqdisho dhigay Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxayna shuruudo adag ku xireen ka qeyb galka shir dambe oo looga hadlayo doorashada dalka.
-
Qaxooti ka kooban Soomaali iyo Yemenyihiin, oo ka soo cararay colaadda ka aloosan waddanka Yemen, ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland. Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha, ayaa Boosaaso ku qaabilay doonnida siday Qaxootigaas oo gaaraya 164 Qoys, kuwaas oo u badan Haween iyo Carruur, sida lagu sheegay Qoraaal ka soo baxay Wasaaradda. Qaxootiga ka soo carara dalka Yemen, oo isu’gu jira Soomaali iyo Yemeniyiin, ayaa lagu diiwaan-geliya xarun qaabilsan Qaxootiga oo ku taalla gudaha Boosaaso, ka hor inta aan dib u dejin loo samayn. PUNTLAND POST The post Puntland oo qaabishay in ka badan 160 Qoys oo Qaxooti ka soo cararay Yemen appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay wafdi ka socda Beesha Caalamka. Kulanka ayaa looga hadlay xal u helidda muranka arrimaha doorashooyinka iyo dhowrista xasilloonida guud ee dalka. “Waxaan Wakiillada Beesha Caalamka la yeeshay kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka. Waxaan is dhaafsannay aragtiyo ku aaddan habka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha jira, qabsoomidda doorasho si nabad ah ku dhacda iyo dhowrista xasilloonida guud ee dalka” ayuu ku yiri Rooble bayaan uu ka soo saaray kulanka. Wafdi Beesha Caalamka ee la kulmay Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa hoggaaminayay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan. Sidaan oo kale wafdi Beesha Caalamka ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la qaatay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, iyagoo kala hadlay xal u helidda muranka doorashooyinka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Maxay kawada hadleen Rooble iyo Beesha Caalamka? appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Ankara)-Qof lagu tuhunsan yahay in uu ka tirsan yahay Al Shabaab ayaa maanta oo Arbaca ah lagu xidhay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga. Sida lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee Anadolu, oo soo xigatay ilo wareedyo amni ayaa sheegtay in qof la qabtay la ogaaday inuu kooxdaas u qaabilsanaa dalka Kenya. Waxaa kale oo la sheegay in hawlgalka lagu qabtay ninkaan ay iska kaashadeen booliska dalka Turkiga iyo hay’adda sirdoonka dalkaas (MIT). Inkastoo hay’adaha amniga ay magaciisa kusoo koobeen A.B. hadana wuxuu heystaa dhalashooyinka dalalka Jarmalka iyo Talyaaniga, waxaana lasoo xidhay kadib markii booliska ay warqad kasoo qaateen maxkamadda. Kooxda AL-Shabaab ee ku xooggan gudaha Soomaaliya ayaa gacan saar la leh ururka AL-Qaacida, waxa ayna mar walba weeraro ka fuliyaan Koonfurta iyo Badhtama Soomaaliya, sidoo kalana qeybo ka mid ah wadamada dariska ah sida Kenya. Source
-
The Somalian government on Tuesday banned protests in the capital Mogadishu due to rising COVID-19 cases and security threats in the Horn of Africa country. “Any protests in Mogadishu, whether anti-government or pro-government, are illegal and will not be allowed,” Internal Security Minister Hassan Hundubey Jima’le said in a news conference in Mogadishu. The announcement comes after the opposition presidential candidates, led by former President Sharif Sheikh Ahmed, said they will continue to hold protests and called a fresh anti-government rally on Friday. “This is a political issue that needs political discussion. They are now dangerously using the public for the sake of a political agenda. This is dangerous and has to stop immediately,” said Jawahir Mohamud Jama, chairperson of Banadir Women Organization. View the full article
-
Dawlada Turkiga ayaa ku dhawaaqday inay joojisay Dal-ku-galka (Visa) ay siin jirtay Soomaalida u safraya dalkeeda+Sababta Dawlada Turkiga ayaa ku dhawaaqday in ay joojisey bixinta Dal ku galkeeda (VISAHA) muwaadiniinta Soomaaliyeed awgeed. Sababta ay sidaas Xukuumada Ankara usameysay ayaa ah in ay kordheen cabsida laga qabo dadka cudurka Covid 19 soo ridanayo gudaha Soomaaliya. Waxaa Sanadihii dambe aad u kordhayey dadka codsada dal ku galka (Viisaha) Dalka Turkiga,iyadoo ilaa amar dambe la sheegay in la joojiyey Bixinta Visaha. Soomaali badan ayaa waxay Waxbarasho,Dalxiis iyo Caafimaad u tagaan dalkaa Turkiga,qaar waxaa jira Tahriib ka sii aada oo Giriiga sii mara,iyadoo Covid 19 Awgeed loo joojiyey Visaha dalkaasi lagu geli jiray. Qaran News
-
Mogadishu (HOL) - A nephew of Ugas Hassan Ugas Khalif has confirmed that the Ugas died of complications from the COVID virus. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - A nephew of Ugas Hassan Ugas Khalif has confirmed that the Ugas died of complications from the COVID virus. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - An uncle of Ugas Hassan Ugas Khalif has confirmed that the Ugas died of complications from the COVID virus. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (HOL) - Somalia has suspended applications and issuance of passports following the resurgence of the COVID-19 pandemic. Source: Hiiraan Online
-
Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan jiida hore ee magaalada Bacaadweyne, kaddib markii uu xiriiro lasoo sameeyay ciidanka Guutada 13-aad, qeybta 21-aad ee ka howl-gala deegaanada maamulka Galmudug. Cabdulle Xuseen Maxamuud, oo loogu yeeri jiray (Cabdiqani) ayaa sheegay in uu Al-Shabaab u iskaga soo baxay, uuna isku soo dhiibay ciidamadda Xooga dalka. Sidoo kale Cabdiqani ayaa sheegay in uu kasoo dagaallamay gobollo badan oo ka tirsan Soomaaliya, wuxuuna Al-Shabaab u qaabbilsanaa hoggaaminta qayb ka mid ah jabhaadka geysta weerarada ay fuliyaan dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab. Sarkaal u hadlay ciidanka Xoooga dalka ayaa sheegay in Cabdiqani uu xiriir la soo sameeyay ciidanka, sidaasna ay ugu suurta gashay in uu isku soo dhiibo. View the full article
-
Siciid Cabdullahi Axmed oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda ammaan dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Siyaasiga Siciid Cabdullahi oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa sheegay in amniga yahay mid guud oo loo baahan yahay in laga wada-shaqeeyo Sidoo kale wuxuu ugu baaqay muxaafad, mucaarad iyo shacabkaba, in loo wada istaago ka shaqeynta amniga, si loogu garab siiyo ciidamada ammaanka. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo dalku ku jiro xaalad kala guur ah, islamarkaana magaalada Muqdisho ay wajaheyso xaalad adag oo dhanka amniga ah, waxaana muddooyinkii dambe sii kordhayey falalka ammaan ee dari ee ka dhacaya caasimadda. View the full article
-
War qoraal ah oo maanta ka soo baxay hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda ayaa gebi ahaan si kumeel gaar ah loogu hakiyay qabashada codsiyada baasaboorka. Qoraal kooban oo kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo la ogeysiiyay dhammaan shacabka ayaa sababta go’aankaas lagu sheegay khatarta Coronavirus. “Khatarta Caabuqa COVID19 oo sii kordheysa awgeed, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu, waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa, in laga bilaabo maalinimada Sabtida ah, taariikhduna tahey Febaraayo 27, 2021 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe aya lagu yiri” Qoraalka Hay’adda. Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay si tartiib tartiib ah u qaadeysay tallaabooyin looga hortagayo faafitanka cudurka COVID-19 oo kiisas badan laga helay Soomaaliya dad badan oo Caan ahaana ugu geeriyoodeen Magaalada Muqdisho. View the full article
-
Booliskeenu waa Geesiyaal u taagan Ilaalinta Amaanka Dalkeena, Askarigii Shacbiga ku gefaana wuxuu ku gefay sumcada Booliska, waana waajib in ciqaab adag la mariyo. Arrimaha gudaha iyo sarkaal aafo cid u geysta Ina hebel ninkii u garanayaa aayar buu heliye Isma weydadaysaanu nahay oodda wada taalle Arlo kala fog kuma noolin iyo Eeshiyoo kale Haddii uu Abgaal igu khaldamo ama Ibrahiimba Abasguul inaan raadsadaa waa aqoon xumo (Abwaan Deyrwaa). Asalaamu Calaykum Waxa dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ay warbaahinta kala duwani ay baahinaysay qaylo-dhaan iyo tacadiyo laga soo sheegayo in Askar joogta Rugta Booliska ee Qudhac-dheer ay kula kaceen dad shacab ah ay ugu danbaysay Wariye Hoodo Garays iyo Hooyadeed sida ay Warbaahinta u sheegeen. Hadaba marka koowaad waxaan soo jeedinayaa in baadhis buuxda oo gun iyo baar ah lagu sameeyo dhacdadaas foosha xun, talaabo aad u adagna laga qaado ciddii ay ku cadaato in ay fal-dambiyeedka dhacay ay ku kaceen. Sidoo kale waxaan usoo jeedinayaa Dadweynaha reer Somaliland in ay ogaadaan in hal Askari iyo Toban Askari oo sharci jebin ku kacay aan marnaba loo nisbayn karin loona eedayn karin Ciidamadeena Booliska ah ee habeen iyo maalinba Qorraxda iyo Qabowga u taagan si aynu ugu noolaano Nabadgelyo. Waxaa waajib ah in ay Dadweynuhu ogaadaan in Booliskeena iyo Ciidamada kala duwan ee Dalkeenu ay yihiin Jirridaha uu Qarankeenu ku taagan yahay ee inoo suurto geliyay Amniga iyo Dawladnimada aynu haysano, iyaga oo duruufo adag ku jirana ay goor iyo ayaan heeggan u yihiin ilaalinta Nabada iyo Horumarka Dalkeena. Haddii aan hoos ugu soo dego arrinta Saldhiga Booliska xaafada Qudhac-dheer ee imika ay cabashadu ay ka soo yeedhayso, waxa Taliye ka ahaa, ilaa imikana aan filyaa inuu weli xukumo saldhigaas Dhamme Maxamed Yuusuf Cabdi Oday oo loo yaqaan Lugay/Cadnaan oo ah sarkaalka hoose ka muuqda ee aan shahaadada guddoonsiinayo, waxaan u aqaanaa inuu yahay Taliye hawl-kar ah, oo la jecel yahay oo xaafadiisii jooga. Taliyaha saldhigaasi waxa uu ahaa hawlkar ay xaafadu aad u jeclayd oo had iyo goor dedaal dheeraad ah muujin jiray, waana sababta ay dhalinyarada xaafadu ay ugu maamuuseen shahaadada aan gudoonsiinayay, waxa kale oo aan jecalahay in aan xuso in Taliye Maxamed Yusuf uu yahay nin xaafada u dhashay oo aabihii uu ahaa Geesigii Muj Yuusuf Cabdi Oday oo ahaa Kornayl ka tirsanaa ciidanka Boliska iyo Hormuudkii SNM Allah ha u naxariistee. Waxaa markaas waajib ah in Dadweynaha xaafada deggeni ay ogaadaan in Booliska saldhigaas joogaa ay yihiin Booliskoodii iyo Madaxdoodii oo xaafadoodii ay u dhasheen ka shaqaynaya, balse aanay ahayn dad cir ka soo dhac ah, sidaas daraadeed ay ka fogaadaan wixii fidno iyo shar wada ee kala fogaynaya Booliska iyo Shacbigooda ay u adeegayaan. Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in baadhis buuxda lagu samayn doono arrintan dhacday, isla markaas talaabo adag laga qaadi doono ciddii ay ku cadaato inay dhibta u geysteen Wariye Hoodo Garay iyo Hooyadeed, waxaanan usoo jeedinayaa in laga war sugo madaxda sare ee Boliska oo arrinkan gacanta ku haya. Ugu danbayn haddii aad la kulanto Askari Boolis ah oo qof shicib ah ku gefaya, taas macnaheedu maaha in Booliska oo dhami uu xun yahay, waxaa loo baahan yahay in Askariga khalad ku kaca loo gudbiyo Madaxdiisa sare lagana fogaado warbaahintan lagu ordayo. Mahadsanidin Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Bristol. UK Qaran News
-
Somalia on Wednesday confirmed 198 new positive Covid-19 cases, bringing the total number of confirmed cases in the country to 6,444. Source: Hiiraan Online
-
Maalqabeen maalin qudha ku waayay kaalinta koowaad ee Taajirnimada caalamka Mulkiilaha shirkadda Tesla Elon Musk, ayaa lumiyey kaalinti koobaad ee uu uga jiray maalqabeennada adduunka, kadib markii dhawaan uu hoos u dhac ku yimid saamiga shirkadda samaysa gaadiidka isticmaala korontada, oo ahayd halka uu ka helay hantida ugu badan. Saamiga Tesla ayaa hoos u dhacay in ka badan 20% tan iyo markii uu horraantii January gaaray in ka badan 880 dollar saamigiiba. Waxay aad hoos ugu dheceen toddobaadkan kadib markii shirkadda ay dhawaan lacag ka badan 15 bilyan oo dollar ay ku lumisay lacagta Bitcoin loo yaqaan. Hoos u dhaca ku yimid ganacsiga Elon Musk ayaa waxa uu u horseedday Jeff Bezos inuu markale noqdo qofka ugu taajirsan dunida oo uu hogaanka u qabto liiska maal-qabeennada. Khatarta lala xiriirinayo isbedalka Bitcoin oo maalmihii dambe hoos u sii dhacayay ayaa sare u qaaday suuragalnimada ah in qaar ka mid ah maalgashatada shirkadda Tesla ay iibiyaan saamigooda xitaa haddii aysan shirkadda dhaawac u geysan hoos u dhacan, sida uu sheegay Dan Ives oo ah falanqeeya dhanka amniga ah. Hoos u dhaca ku yimid Bitcoin 48-dii saacadood ee la soo dhaafay ayaa qaar ka mid ah maalgashatada ku qasbay inay iibiyaan saamigooda. Maxaa sababaya in saamiga Bitcoin la iska iibiyo? Qiimaha Bitcoin ayaa 50% sare u kaacy toddobaadyo kadib markii Telsa ay shaaca ka qaadday inay iibsatay saami qiimihiisu gaarayo 1.5 bilyan oo dollar ay aqbashay in ay bixiso lacagtaasi. Hase yeeshe Bitcoin ayaa 20% hoos u dhacay wixii ka dambeeyay Axaddii, taasi oo weli ka sarreysa markii uu ay Telsa iibsatay saamigeeda. Musk oo ka dambeeyay sare u kaca Bitcion ayaa sidoo kale nafsaddiisa isku eedeynaya inuu ka dambeeyay hoos u dhacaan dhawaan ku yimid Bitcoin. Dhammaadkii todobadkii hore ayaa Musk ku baahiyay barta Twitter in qiimaha Bitcoin uu sare u kacay. Sidoo kale xoghayaha Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka Janet Yellen ayaa sheegtay in lacago si xawli loo baxayo, taasi oo uu muuqatay inay u digeyso Bitcoin. Maxaa kale oo samaynaya shirkadda? Maalgashiga Musk ee Bitcoin ayaa ku soo beegmay iyadoo shirkadda Telsa ay wajahyso caqabado kale. Shirkadda ayaa dhawaan hakisay iibinta gaawaarida nooca Y SUV, taasi oo Musk uu kaga gol lahaa inuu hormariyo xilliyada u dhaxeeya iibinta noocyada kala duwan ee gawaarida. Bilowgii bishan, sharci-dejiyaasha Shiinaha ayaa u yeeray shirkadda. Wuxuu booska ugu sarreeya ee taajirnimada ka saaray milkiilaha suuqa online-ka ee Amazon, Jeff Bezos, kaasoo caalamka maalqabeennimada ku hoggaaminayay ilaa sanadkii 2017. Shirkadda gawaarida korintada sameysa ee uu leeyahay Elon Musk ee Tesla, ayaa qiimo aad u sarreeya yeelatay sanadkan, wuxuuna qiimaheeda suuqa gaaray 700 oo bilyan oo dollar markii ugu horreysay maalintii Arbacada ee shalay. Mr Bezos ayaa sidoo kale dhaqaale badan ka faa’iiday xayiraadihii Fayraska Korona, maadaama ay shirkaddiisa Amazon ee internet-ka wax ku iibisa lacago badan ka soo xareysay dadka iyagoo guryahooda jooga wax iibsanaya. Hase yeeshee 4% ka mid ah ganacsigiisa ayuu siiyay xaaskiisii hore, MacKenzie Scott, kaddib markii ay kala tageen, taasoo Musk ka caawisay in uu kala wareego booska taajirnimad Intii lagu jiray sanadkii dhammaaday ee 2020, lacag dhan $140 bilyan oo dollar ayaa ku darsantay hantida Elon Musk. Sida ay shaacisay warbaahinta Bloomberg, dhaqaalaha uu maalqabeenkan heysto wuxuu maalintii Isniinta ee la soo dhaafay ahaa $167 bilyan oo dollar. Bishii November wuxuu ka sare maray Bill Gates, isagoo sidaas ku noqday qofka labaad ee ugu taajirsan adduunka. Sida uu xusay wargeyska qiimeeya dhaqaalaha ay dadka sameeyaan ee Forbes, wuxuu Musk noqday qofkii hantida ugu badan sameeyay hal sano gudaheed, intii uu wargeyskaas waday qiimeynta. Qaran News
-
Guddiga Amniga Gobolka Bari, oo maanta kulan deg deg ah ka yeeshay xaaladda magaalada Boosaaso, ayaa gebi ahaanba mamnuucay in la sameeyo wax isu-imaatin dadweyne ah iyo nooc kasta oo bannaanbax. War ka soo baxay Guddiga, oo uu saxaafadda u akhriyay Taliye ku xigeenka Qaybta Gobolka Bari Yuusuf Cabdi Cartan, ayaa lagu go’aamiyay in ay mamnuuc yihiin isu-imaatinnada dadweynaha iyo dhammaan nooc kasta oo bannaan bax ah. Guddiga ayaa sheegay in go’aanka uu la xiriiro sugidda Amniga Boosaaso iyo ka hortagga in fowda laga sameeyo gudaha magaalada, waxaana go’aankaas ku soo beegmay xillli la hadal-hayo bannaanbaxyo Jimcaha qorshaysan. Hoos ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Puntland: waa mamnuuc isu-imaatin dadweyne iyo nooc kasta oo bannaanbax appeared first on Puntland Post.
-
Qof lagu tuhunsan yahay inuu Xarakada Al-shabaab ka tirsan yahay oo lagu qabtay Turkiga Qof lagu tuhunsan yahay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab ayaa maanta oo Arbaco ah lagu xidhay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee Anadolu, oo soo xigatay ilo wareedyo amni. Ruuxa la qabtay, oo la ogaaday in uu ka howl-gali jiray Kenya, ayaa lagu qabtay howl-gal ay iska kaashadeen booliska Turkiga iyo hayadda sirdoonka dalkaas (MIT). Tallaabadan ayaa timid kaddib markii warqad lagu soo xidhayo qofkaas laga soo qaatay maxkamadda. La tuhunsanaha ayaa heysta dhalashada dalalka Jarmalka iyo Talyaaniga, waxaana magaciisa lagu soo koobay A.B. oo kaliya. Al-Sabaab oo fadhigeedu yahay Soomaaliya ayaa ah urur gacan saar la leh shabakadda Al-Qaacidda, waxayna weerarro badan ka fuliyeen Soomaaliya iyo dalal kale oo daris la ah, sida Kenya oo xad la wadaagta Soomaaliya. Qaran News
-
The last time Somali government soldiers fired on peaceful Mogadishu demonstrators was on Friday, the 14th of July 1989, setting off a civil war. On another Friday, 31 years later, Farmaajo repeated this ugly history on the streets of Mogadishu and risks another civil war. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kooban oo goordhow ka soo baxay hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in la hakiyey codsiyadii dalbashada baasaboorka Soomaaliya. Qoraalkan oo ah mid war-gelin ah ayaa lagu sheegay in wixii ka dambeeya maalinka Sabtiga ah ee soo socota aan la qaba doonin codsi la xariira dalbasho baasaboor. Go’aankaan ayaa loo sababeeyey ka hor tagga faafitaanka cudurka Coronavirus, lagumana shaacin goorta dib loo bilaabayo qabashada codsiyada dalbashada baasaboorka. “Khatarta Caabuqa COVID19 oo sii kordheysa awgeed, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu, waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa, in laga bilaabo maalinimada Sabtida ah, taariikhduna tahey Febaraayo 27, 2021 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe,” ayaa lagu yiri qoraalka. Cudurka Coronavirus oo hadda ku soo laba kacleeyey Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyey galaaftay nolosha dad badan oo qaarkood caan ka ahaa bulshada dhexdeeda. Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyey laga diiwaan geliyey kiisaska ugu badan ee cudurkaas, waxaana aad u hooseyda feejignaanta ay qabaan dadku, waxaana sidii caadiga aheyd u socota oo aysan waxaba iska bedelin habdhaqanka nolosha maalin laha ah ee bulshada, taas oo sida la aaminsan yahay fududeyneysa inuu aad u faafo cudurkan.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Duhur-2422021.mp3 View the full article
