Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Khudbad-Sannadeedka Dastuuriga ah Ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane,Muuse Biixi Cabdi Isniin, 08 March 2021  Shir-guddoonka Golaha Baarlamaanka JSL,  Mudanayaasha Golaha Barlamaanka ee Sharafta Leh,  Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,  Xubnaha Golaha Wasiirada,  Taliyayaasha Ciidammada Qalabka-sida,  Shacabka JSL meel kasta oo ay joogaan, Dhammaantiin, Asalaamku CalaykumWarax-matulaahi, Wabarakaatuh. Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxa sharaf iyo xurmo ii ah inaan maanta hor imaado Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, oo aan ka jeediyo Khudbad Sannadeedka Dastuuriga ah ee 2021. Sannadkii dhammaaday ee 2020-ku waxa uu ahaa sannad la kowsaday xanuuno aafeeyey adduunka, isla markaana beddelay qaab nololeedkii bulshooyinka Caalamka. Waxa uu Xanuunka Covid-19 dilay in ka badan 2.5 Milyan.Waxa uu ku dhacay malaayiin ku nool daafaha adduunka. Hase yeeshee, waxa uu ahaa sannad harraati qabow oo ku dhammaaday guulo waaweyn oo ay aadamuhu ka gaadheen dhinaca Sayniska iyo tallaal u helidda xanuunkan. Somaliland waxa uu u ahaa sannad nabad-gelyo, sannad aynu gaadhay guulo siyaasiyaasadeed iyo diblomaasiyadeed, oo aynu qaddiyadeena u helnay fagaarayaal caalami ah oo aynu ku soo bandhigno. Sannadkii tagay, Mandaqadda aynu ku nool nahay ee Geeska Afrika iyo guud ahaan adduunkaba, waxa ka dhacay isbeddel dhaqan-dhaqaale, millitari iyo is-xulafaysi siyaasadeed, oo dhalan-rogay wajigii siyaasadeed iyo Ciidan ee Caalamka ka jiray. Waxa ay colaado iyo dagaalo lagu riiqday ka dhaceen meelo badan oo adduunka ah. Waxa xusid mudan in dagaaladaasi soo bandhigeen in awoodda Tiknoolajiyadda casriga ihi ay wax ka beddeshay tabihii iyo xeeladihii dagaalka. Waxa uu ahaa sannad ay ka dhacday Maraykanka doorasho aad u xannaf badan, taas oo ahayd tijaabadii iyo mixnaddii ugu weynayd ee soo marta Dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Reer Galbeedku hor kacayaan. Somaliland waxa uu u ahaa sannad ay gaadhay daganaansho siyaasadeed oo buuxa. Xukuumadda,Axsaabta Qaranka, Komishanka, Baarlamaanka iyo Shacabka Somaliland-na ay gacmaha isku qabsadeen sidii loo qaban lahaa doorashooyinka Isku-Sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka. 1. Dhaqaalaha Marka la eegayo kala horrayntadhaqaalaha dalalka adduunka, Somaliland waxa lagu tiriyaa wadammada aanu dhaqaalahoodubuurnayn. Iyadoo ay taasi jirto,haddanadhaqaalaheenu sannadba tallaabuu hore u qaadayey. Korodhkaasina wuxuu ku yimaadaadadaalkii xukuumadihii kala danbeeyey ay u galeen kobcinta dhaqaalaha dalka. Baayac-mushtarkeena oo maalgashi sameeyey. Xukuumaddan aan gadh-wadeenka ka ahay, waxa ay ugu jirtaa dadaal adag sidii dhaqaalaha dalka loo horumarin lahaa. Dhaqaalaha dalkeena waxa udub-dhexaad u ah Afar Tiir oo kala ah: • Dakhliga Hayadaha maaliyadeed ee Dawladdau soo xerooda; • Baayac-mushtarka oo dhaqaalaha intiisa badan haya; maalgashiga iyo hadba koboca dhaqaale ee ay sameeyaan; • Taageerada dad-ban iyo maalgashiga ay Dalka ku soo kordhiyaan Qurbe-jooga Somaliland; • Maal-geshiga Shisheeye iyoDeeqaha dibaddalaga helo. Dakhliga iyo Miisaaniyadda Dawladda ee ay Golaha Wakiilladu ansixiyaan inteeda badan (51.67%) waxa lagu bixiyaaAmniga Gudaha, Difaaca Dalka iyo Mushaharka Shaqaalaha Dawladda. Inta soo hadhay Miisaaniyadda waxa lagu fuliyaa adeegyadda aas-aasiga ah iyo hawl-socod-siinta Dawladda (Ictiraaf-raadin, Shaqo-abuur, Mashaariic Horumarineed, Dhisid Kaabayaal Dhaqaale, Waxbarasho, Caafimaadka iyoHelitaanka Biyo la cabi karo IWM). Deeqaha dibadeed eela innagu caawiyo waxa ay u badan yihiinGar-gaarka Deg-degga ahiyo mashaariic horumarineed oo tijaabo ah. Marxaladda siyaasadeed ee dalkeenu ku jiro, ee Xukuumadaha Xamar lugta jiidayaan, ayaa carqalad ku ah in Deeqaha Dibedda laga maal-galiyo mashaariic waaweyn oo raandhiis leh. Walaalayaal, Dastuurkeenu waxa uu qeexay nidaamka iyo haykalka maamul ee dhaqaalaha dalkeenu yeelanayo. Qodobka 11aad ee Dastuurku waxa uu si cad u qeexayaa in Dawladdu dejinayso Siyaasadda guud ee dhaqaalaha, oo ku salaysan mabaadi’da suuqa xorta ah iyo is-garabsiga hantida gaar ahaaneed,hantida wadareed, hantida Qaranka iyo maalgashiga shisheeyaha. Waxa kale oo Dastuurku waajibiyey in Nidaamka Dhaqaalaha ee Dalku aanu horseedin in Barwaaqada iyo ladnaantu aanay ku koobnaan ama ku ururin koox ama dad tiro yar, si aanay u dhallan dabaqado dhaqaale oo u qaybiya dadka kuwo hodan ah iyo kuwo aan waxba haysan. Sidoo kale, Qodobka 12aad ee Dastuurku waxa uu qeexayaa in dhulku yahay Hanti guud oo ka dhaxaysa ummadda, masuuliyaddiisana ay leedahay Dawladdu. Haddaba, si aynu uga baxno dhibaatooyinka dhaqaale ee ay ka mid tahay shaqo la’aanta, loona horumariyo Kaabayaasha Dhaqaalaha; Xukuumaddu waxay fulinaysaa shuruucda dalka si loo gaadho hiraalka iyo hiigsiga ay tilmaamayaan Qodobbada Dastuurka ee kor ku xusan. Tan iyo intii aan dib ula soo noqonay xorriyadeena, nidaamka cashuuraha ee dalkeenu waxa uu ku tiirsanaa Kastamada iyo badeecahaha lagu cashuuro. Waa nidaam cashuureed oo duug ah, isku halayntiisuna ay aad u hoosayso. Haddana sidaas oo ay tahay 78% Miisaaniyadda dalkeenu waxa ay ku tiirsan tahay Dakhliga Cashuuraha Kastamada, halka Dakhliga Cashuuraha Barriga ee Miisaaniyaddu tahay 22% kaliya.Si aynu Qaran ahaan u kordhinno isku-filnaanshaha, Xukuumaddu waxa ay ku hawlan tahay in laga guuroNidaamkii hore. Waxaynu nahay bulsho aan dakhli badan lahayn, tashiilkuna ku yar yahay. Walaalayaal, Sannadkii inna dhaafay, waxa dalkeena la soo gudboonaaday carqalado waaweyn oo saameyn taban ku yeeshay dhaqaalaha dalkeena oo ay ka kow ahaayeen: – Xanuunka COVID-19 oo galaaftay nolosha Malaayin qof Caalamka oo dhan ah; – Joojinta Dhoofkii Xoolaha; – Iyo Ayaxii duullaanka ahaa ee ku habsaday dalaggii la beertay, Haddaba, iyadoo ay jiraan dhibaatooyinkaas aan kor ku soo sheegay, ayey haddana Xukuumaddu xoogga saartay kobcinta iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka:  Miisaaniyadda Qaranka ee sannadkii tagay waxa laga maal-geliyey 106 Mashruuc, oo qiimahoodu gaadhayo 173 Bilyan oo SL.Shillin ah, oo dhammaantood maray Qandaraasyada Qaranka iyo Tartan furan.  Miisaaniyadda Sannadka 2021-ka waxa la oddorosayaa in laga maal-geliyo Mashaariic Qiimahoodu gaadhayo 273 Bilyan oo SL.Shillin ah.  Deeqaha Dibedda aynu ka helno waxa ay dalka ka fuliyeen sannadkii tagay mashaariic horumarineed oo qiimahoodu dhan yahay 164.6 Bilyan oo SL.Shillin ah.Waan uga mahad-celinaynaa Saaxiibada Somaliland taageeradaa, waxaanse u sheegayaa in Marxaladda ay Somaliland ku jirto ay u baahan tahay taageero intaa ka badan.  Waxa lagu kordhiyey Shaqaalaha Dawladda 10% sannadkii tagay, taas oo ka dhigaysa in saddexdii sanno ee la soo dhaafay la kordhiyey tirada Shaqaalaha Dawladda5,150 qof, una dhiganta in guud ahaan Shaqaalaha Dawladda la kordhiyey26%.  Walow Xukuumaddu tirada intaa leeg oo shaqaale ah ay qaadatay, haddana dadka shaqo la’aantu hayso waxa ay ka noqonaysaa tiro aad u yar.  Marka la eego Dakhliga Guud ee dalka (GDP), Xukuumaddu waxa ay ka maamushaa in ka yar 10%. Waxaana ka muuqata Miisaaniyadda Xukuumadda in aanay culayska shaqo la’aanta iyo yaraynta faqriga aanay kaligeed dabooli karin. Sidaa darteed, waa hubaal in Shaqo-abuurka iyo horumarka dalka xil weyni ka saaran yahay suuqa xorta ah ee dastuurkeenu jideeyey.  Qiimaha Shillinka Somaliland waxa lagu ilaaliyay 8,500 halkii Doollar ba, Sicir-bararkuna 3.5 % ayuu hoos ugu dhacay sannadkii tagay. waana heerkii ugu hooseeyay ee muddooyinkii ugu dambeeyey oo dhan uu gaadho.  Somaliland waxa ka jira afar Baank oo gaar loo leeyahay. Lacagta ay Shacabka Somaliland dhigteen waa200 Milyan oo Doollar oo dhigaal ah. Sannadkii la soo dhaafay, afartaa Baank waxa ay dayn ku bixiyeen70 Milyan oo Doollar. Taas oo macnaheedu yahay in ay Qasnadaha ku hayeen lacag dhan 130 Milyan oo Doollar oo aan samayn wax dhaq-dhaqaaq maaliyadeed ah. Waxaay noqonaysaa in lacagtaasi fadhidaa ka qayb qaadanin wareega maaliyadeed ee dalka. Haddii Lacagtaasi ay wareeg maaliyadeed geli lahayd, waxa ay abuuri lahayd Wershado, Waxay dhisi kari lahayd Cisbitaallo casri ah, waxaanay u abuuri lahayd dadkeena shaqooyin badan.  Haddaba, maadaama ay wali yihiin Baananka kaliya ee dalka ka hawl-gala, walina ayna iman Baanan Caalami ah, Baanankeena, walow ay duruufo gaar ah qabaan, waxaannu ku boorinaynaa in ay hiigsadaan sida ay u shaqeeyaan Baananka Caalamku, kuwaas oo wareeg maaliyadeed galiya inta badan ee dhigaalka lacageed ee macaamiishooda.  Waxa la aas-aasay Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha, kaas oo ujeeddadiisa ugu weyni tahay in uu horseed ka noqdo casriyeynta iyo horumarinta nidaamka wax-beerista iyo waraabka ee dalkeena, si loo hiigsan karo isku-filnaansho dhinaca wax-soo-saarka beeraha ah.  Waxa aynu hore u ogayn in ay dalkeena ka dabar-go’day shinnidii asalka ahayd. Sidaa awgeed, waxa dib loo soo celiyey 23 nooc oo ah Shinnidii asalka ahayd ee Dalagyadii Waddaniga ahaa ee dalkan caanka ku ahaa, waxaanu qorshuhu yahay in la abuuro Kaydkii Shinnida Qaranka (National Seed Bank).  Waxa la tallaalay Xoolo tiradoodu gaadhayso 3,000,000 oo neef, waxaana ka faa’iidaystay in kabadan 81,000 qoys oo xoolo dhaqato ah.  Waxa la bilaabay Dhismaha Dekedda Kalluumaysiga ee Maydh oo ay ku baxayso lacag gaadhaysa 5 Milyan oo Doollar.  Waxa 100% dhammaaday Wajigii Koowaad ee dhismaha Dekedda Berbera oo dhan 400 Mitir, waxaanay Dekeddeenu awood u yeelan doontaa in ay rogto 450 Kun oo Kontayner sannadkii, halka ay hadda ka rogi karto 150 Kun oo Kontayner sannadkii. Taas oo ka dhigan in 67% la kordhiyey awoodda Dekedda Berbera. Waxaynu beegsanaynaa in casriyeyntaasi u horseedo Dekedda Berbera in ay u adeegto dhammaan Dalalka Gobolka.  Waxa laga dhigayaa Madaarka Berbera, Madaar Caalami ah, oo u adeega dhammaan badeecadaha iyo Shucuubta Gobolka, waxaanu hawl-galayaa sannadkan, Insha Alla.  Dhismihii Waddada Berbera Corridor, walow uu wakhtigiisii ka habsaamay, duruufo jiray awgeed, haddase waxa uu u socdaa si xawli ah.  Waxa aan ugu bushaaraynayaa Shacabka Somaliland in WaddadiiBurco – Ceerigaabo dhawaan la dhammaystiri doono, oo ay hadhsan tahay 32 KM oo kaliya. Waxaana hadda dhammaaday 242 KM.  Waxa la bilaabay dhismahaWaddada Oodweyne-Burco oo ka kooban 53 KM, waxaanay ku dhammaan doontaa muddo kooban, Insha Alla.  Waxa la bilaabay sahaminta (Survey) Waddada isku xidha Lawyacaddo – Boorama, Waddadaas oo uu innaga Caawiyey Baanka Horumarinta Africa, waxaana la bilaabi doonaa marka ay dhammaato sahamintu Insha Alla.  Waxa la dhisay Waddo Laami ah oo isku xidha Magaalada iyo Madaarka Laascaanood. Mudanayaal iyo Marwooyin, Somaliland waa dal hodan ah oo gaadhi kara isku-filnaansho dhaqaale, haddii aynu gacmaha is qabsano. Haddii ay Dawladdu tahay Amni suge; Haddii ay Dawladdu tahay Shaqo-bixiyaha ugu weyn; Haddii ay Dawladdu tahay Adeeg-bixiyaha ugu weyn; Haddana, wali waxa jirta shaqo la’aan iyo baahi adeeg bulsho oo badan, oo Qaran ahaan innooga baahan dadaal dheeraad ah. 2. Adeegyada Bulshada:  Dhinaca Waxbarashada, waxa la dhisay 76 Dugsi oo cusub, waxa tababar u dhammaaday400 oo Macallin, waxaanu u socdaa wali 670 kale.  Dhinaca Caafimaadka, waxa la tallaalay 589 Kun oo Caruur ah.  Waxa xarumaha Caafimaadka ee Dawladda lagu daweeyey 1.5 Milyan oo Bukaanah, oo ka badan sannadkii hore 12%.  Waxa dalkeena ku soo kordhaya Xanuunnada Dhimirka, Macaanka, Dhiig-karka, Wadne-xanuunka, Kansarka, Kalyo-xanuunka oo hore innoogu yaraa. Taas oo ay keenayso is-beddelka ku yimi cimillada, qaab-nololeedka iyo dhaqan-dhaqaalaha bulshadeena.  Sannadkii tagay, marka la isku daro bukaanka Wasaaradda Caafimaadku xaqiijisay iyo cel-celiska bukaanka aan soo marin Wasaaradda Caafimaadka ee Dalalka Dibedda u tagay arrin Caafimaad, waxa ay gaadhayaan 5,600 ooqof, taas oo qofkiiba ugu yaraan cel-celis ahaan ay ku baxday, 10 Kunoo Doollar. Taas oo ka dhigan in sannadkii tagay ay bulshadeenu ku bixisay caafimaad Dibadeed in ka badan 56 Milyan oo Doollar.Lacagtaasi, haddii ay bulshadeenu iskaashato, waxa ay innoo dhisi kartaa Cisbitaallo Casri ah. Arrintaasi waxa ay dhiig bax ku tahay dhaqaalihii awalba yaraa ee dalkeena, waxayna u baahan tahay in Qaranka iyo Shacabka Somaliland-ba talo ka yeeshaan arrintaa.  Waxa la qoday 42 Ceel oo dhaadheer oo cusub, waxaana laga qoday 38 Degmo oo ku kala yaal Gobollada, waxaana la dayactiray 16 Ceel oo hore.  Waxa la qoday 81 Ceel oo gaa-gaaban, waxaana laga qoday Gobollada dalka.  Waxa la qoday 13 Dhaam oo waaweyn. 3. Amniga Dunidda aynu maanta joogno, Nabad-gelyada waxa loo qaybiyaa dhawr qaybood oo waaweyn oo ay ka mid yihiin – Difaaca Nabad-gelyada ku dhisan qori iyo xoog iyo Amniga iyo degenaanshaha Bulshada. – Difaaca Nabad-gelyada Waxa Illaahay mahaddii ah in maanta Somaliland ay leedahay awood Ciidan oo aan la dhayal-san karin iyo Ciidan Bir-lab ah, Geesiyaal ah, Waayo-arag ah, Naftood hurayaal iyo Sooma-jeestayaal ah, oo ah Ciidanka maanta Nabad-gelyada iyo Degennaansha dhuleed ee Somaliland sugay. Dawlad iyo Shacabba waxa laga midaysan yahay in hay’ad kasta laga hormariyo Hay’adaha Amniga. Shacabka Somaliland-na waxa uu u hayaa abaal aan duugoobayn. – Amniga iyo degenaanshaha Bulshada Amniga oo ah degenaanshaha bulshada waxa lagu gaadhi karaa – Kor u qaadidda garaadka iyo aqoonta dadka. Marka la helo garaad horumarsan iyo aqoon sare, bulshadu waxa ay yeelataa hal-abuur ay falkiso sida loo maaraynayo dhibaatooyinka horyaalla; Waxay midaysaa cududdeeda iyo caqligeeda; Waxa ay ku tallaabsataa horumar dhaqaale oo xoog ah; Waxa ayna dhisataa maamul hufan oo hirgaliya shuruucda iyo jidka maamul ee ay ku heshiiso. Xukuumaddu waxa ay ku dadaalaysaa in ay Degenaanshaha Bulshada ku hirgaliso jidka aqoonta iyo kor u qaadista garaadka bulshada. Waxase ka go’an in ay cudud ciidan ku sugto Degenaanshaha Bulshada marka ay lagama maar-maan noqoto.  Amniga iyo Degenaanshaha Bulshada waxa ugu horreeya in Bulshadu wax wada yeelato, iskaashato, isna aaminto. Taana waxa tiir-dhexaad u ah hawlaha culus ee ay innoo hayaan Hay’adaha Garsoorka. Waxa hubaal ah in Waaxda Garsoorku tahayXabagta isku haysa Shacabka.Sidaa darteed, Waaxda Garsoorku waxay mudnaanta siisay: • Ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo u sinnaanta sharciga, • U gar-sooridda bulshada dhexdeeda, • U gar-sooridda Bulshada iyo Xukuumadda, • iyo Tafsiirka Muranka Sharci ee ka dhex dhaca Hay’adaha Dawladda.  Degenaanshaha Bulshada waxa lagu sugi karaa in loo sinnaado Fursadaha Shaqada, dhaqaalaha, fursadaha Waxbarashada iyo in la taageero bulshada qaybaha nuqul. Sidaa darteed, Xukuumaddu waxa ay abuurtay Barnaamijka Shaqo Qaran oo fursad siman siiya dhallinyarada Somaliland. Waxa kale oo aannu Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ku adkaynay in ay fursadaha shaqo ee ka soo baxa Hay’adaha Dawladda si daah-furan oo xalaal ah loogu tartamo, si aan la isku tuhmin, wada jirka ummaddana wax loo yeelin.  Iyadda oo mudnaanta la siiyo in la caawiyo qaybaha nugul ee bulshada: • Waxadeeq dhaqaale lagu taageeray 32,000 oo qoys, kuwaas oo ku kala nool Gobollada Dalka. • Waxa 18,976 oo hablood loo sameeyey xirfado ay ku shaqaysan karaan iyo maal-gelinta ganacsiyo yar-yar. • Waxa in ka badan 70,000 oo qoys oo Barakacayaal ah loo qaybiyay raashin iyo alaabooyin kala duwan. • Waxa 4,500 qoys oo Barakacayaal ah loo qaybiyey lacag dhan $320,000.  Maamul Wanaagga – Waxa aannu aaminsannahay in Maamul-wanaaggu ka mid yahay tiirarka waaweyn ee lagu beegsan karo Amni Bulsho iyo Horumar ummadeed, laguna heli karo maamul suuban oo laf-dhabar u noqda Dawladnimada.Waxa kale oo uu ka qayb-qaadan karaa kobcinta qaab-dhismeedka iyo hufnaanta shaqada Dawladdi u hayso Shacabkeeda. Sidaa darteed: • Waxa dib-u-habayn ballaadhan lagu sameeyey nidaamka uu ku shaqeeyo Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka. • Waxa meel adag la iska taagay Xatooyada Xoolaha Ummadda, waxaana Baadhis Xisaabeed iyo Baadhis Maamul lagu sameeyey 72 Hay’adood oo Dawli ah, waxaana la soo eedeeyey31 Masuul Dawladeed ah oo dacwad sugayaal ah. • Waxa Qasnadda Dawladda lagu soo celiyey lacag dhan 5 Bilyan oo SL. Shillin ah oo laga lunsaday Qaranka. • Waxa la adkeeyey ku-dhaqanka Shuruucda, Baadhista Dambiyada laga galo Maaliyadda iyo Maamulka. Mudanayaal iyo Marwooyin; In kasta oo ay Xukuumaddu dadaal badan galisay in hoos loo dhigo fal-dambiyeedyada kala duwan ee ka dhacadalka, taasinaay keentay in fal-dambiyeedyada qaarkood ay hoos u dhacaan, haddana wali maynaan gaadhin halkii aynudoonaynay. – Tusaale ahaan, waxa Maxkamadaha soo galay 4,824 dacwadood ama fal-dambiyeed. – Maxaabiista jeelasha ku jiraa waxa ay gaadhayaan 2,904 Maxbuus.Intooda badan waa DHALLINYARO. – Waxa la diiwaan-galiyey 377 Dacwadood oo la xidhiidha Tuugnimo. – Waxa la diiwaan-geliyey 142 Kiis oo KUFSI ah. – Waxa la diiwaan-galiyey 535 Fal-dambiyeed la xidhiidha ka ganacsiga Maandooriyayaasha kala duwan. – Waxa la diiwaan-geliyey 302 Dacwadood oo la xidhiidha Shilalka Gaadiidka. Haddaba, Xukuumaddu markii ay aragtay baaxadda dhibaatada, isla markaana daristay sababaha keenaya dambiyadan, waxa ay u aragtaa in lagu yarayn karo: – Saboolnimada oo hoos loo dhigo. – Dadka aqoonta leh oo sameeya wacyi-gelin ka dhan ah dambiyada. – Xukuumaddu waxa ay xoogga saaraysaa adkaynta sharciyadda lagu xakamayn karo dambiyada, sida; Shilalka Gaadiidka iyo Maandooriyayaasha. – Xukuumaddu waxa ay dagaal la galaysaa dambiyada kala ah Dilka, Maandooriyaha iyo Kufsiga. 4. Doorashooyinka Mudanayaal iyo Marwooyin, Somaliland waxa lagu majeertaa dimuqraadiyadda iyo degenaanshaha. Labadaas oo dalal Gobolka ku yaallaa aanay nasiib u helin. Doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah ee hal qof iyo hal Cod oo aynu ku dhaqmaynay muddo 19 sanno ah, waxay Somaliland u horseeday sumcad wanaagsan iyo qadarin. Waxa Illaahay Mahaddii ah in doorashooyinkii isku-sidkanaa ee muddada dheer la sugayey ee Golaha Wakiillada iyo Deegaanka la diyaariyey in ay qabsoomaan muddo maanta laga joogo 83 maalmood.Saxal-qaaddii fooraha doorashaduna waxa ay ka dhacaysaa dhammaan dacallada Gobollada Somaliland. Waxaan u mahad-celinayaaGolahaBaarlamaanka, Axsaabta Qaranka, Komishanka Doorashooyinka, Ciidammada Amniga, Murashixiinta iyo Shacabka Somaliland oo isla qaatay doorasho hal cod iyo hal qof ah, isla markaana ka midaysan in ay doorashadu innoogu qabsoonto, oo innoogu dhammaato si nabad-gelyo buuxda ah. Taasi waxa ay muujinaysaa qaan-gaadhnimada siyaasadeed ee ay Somaliland gaadhay. Xukuumaddu waxa ay ku tala-gashay, oo diyaarisay Miisaaniyaddii Diiwaan-gelinta iyo Doorashooyinka oo dhan 132.6 Bilyan ooSL. Shillin ah. Markii hawsha doorashada aynu bilownay, waxa inna soo gaadhay ballan-qaad maaliyadeed oo saaxiibada Somaliland innagu caawiyeen. Taas oo ay ku taageerayeen doorashooyinka Somaliland. Taageeradaasi la innoo ballan-qaaday, hor-dhaceediina inna soo gaadhay, waxa ay dhan tahay 50.1 Bilyan oo SL. Shillin ah. Lacagtaasi 33.1BilyanooSL.Shillinoo ka mid ah waxa bixiyey ama ballan-qaaday Dalalka UK, Sweden, iyo Midowga Yurub. Halka 17 Bilyan oo SL.Shillin ah ay bixisayTaiwan. Dawladda Somaliland waxa ay go’aansatay in doorashada aynu qabsanno, oo aan la innoo qaban. Sababtoo ah doorashooyinku waa masiirkii siyaasadeed ee ummadda, waana masuuliyad innoo gaar ah. Mudanayaal iyo Marwooyin; Murashixiinta u taagan doorashooyinka isku-sidkan waa 993 Murashax. Dhammaantood waxa la soo mariyey jaran-jar sharci oo lagu hubinayo aqoontooda, kartidooda iyo xil-kasnimadooda. Ammaan, qadarin iyo ixtiraam baan u haynaa. Dadka Kubadda ciyaaraa waxa ay yidhaahdaan, ‘Kubaddu Waa Bar Cad iyo Bar Madow’. Siyaasaddana warqadda Codbixintu waa Haa iyo Maya. 331 Murashax ayaa helaya waraaqda Haa. Walaalayaal, Maanta oo ay doorashada innaga xigto 83 maalmood, tirada murashixiinta guulaysanaysa waynu garanaynaa. Waxa kaliya oo innaga qarsoon magacyadooda iyo wajiyadooda. Waxaan leeyahay tirada natiijada guulaystayaasha ee aan sii arkayno, marka Komishanku magacyadooda ku dhawaaqo, aynu ka ilaalino bulaan iyo sawaxan. 5. Siyaasadda Arrimaha Dibedda Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland mabdi’iyan waxa ay ku dhisan tahay daris-wanaag, nabad-gelyo iyo iskaashi dhex-mara dalalka Caalamka oo dhan. Sannadkii dhammaaday waxa uu ahaa sannad hoodo u leh Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland. Waa sannad Somaliland Safaro ku gaalaa bixisay dalal badan oo Afrika ah, sidoo kale aybooqasho innoogu yimaadeen wufuudka kala yimi Caalamka. 30 sanno oo aynu Ictiraafka raadinaynay, cid walba waxa ay innagula talisay, arrinta Somaliland Afrika ayey taallaa, ee Midowga Afrika arrintiina soo mariya. Iyada oo taa laga duulayo, Xukuumaddu waxa ay ku dadaashay in ay la xidhiidho dhammaan dalalka Midowga Afrika. Taasina waxa ay keentay in dalal badan oo Afrikaan ahi Qadiyaddii Somaliland qaarkood ka garaabeen, qaarkoodna taageereen. Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Xukuumadda Somaliland oo ay ka go’an tahay xaqiijinta madax-bannaanida Somaliland, culays kasta oo ay ku kacayso, waxa ay goosatay in ay fagaare walba iyo cid kasta oo ay danta Somaliland gasho, in ay waajahdo. Sidaa darteed, waxa aannu ogolaanay in la amba-qaado wada-hadalladii innaga iyo Soomaaliya ka dhex socday ee taagnaa muddada dheer. Sida aad ka war-qabteen, waxa la iskugu yimi Shir-Madaxeedkii ka qabsoomay dalka Jabuuti. Xog-ogaal baad u tihiin in uu ahaa fagaare caalami ah oo weftigii aan hoggaaminayey si kalsooni leh, oo badheedh ah u soo bandhigay qadiyaddeena. Madaxweynaha Jabuuti waxaannu uga mahad-celinaynaa in uu ku hoggaamiyey shirkaasi waayo-aragnimo, xog-ogaalnimo iyo dhex-dhexaadnimo milgo leh. Mudanayaal iyo Marwooyin, Shirkaa waxa ku xigay Marti-qaadkii Madaxweynaha Kenya, Mudane Madaxweyne Uhuru Kenyatta, uu innagu casuumay Dalkiisa. Waad wada og-tihiin hab-maamuuskii iyo karaamadii uu ku qaabilay weftigii aan hoggaaminayey. Waad wada aragteen War-murtiyeedkii labada Dawladood soo wada saareen ee la baahiyey. Waad ka dharagsan tihiin colaaddii iyo calool xumadii ka soo butaacday Xukuumaddii maalintaa Xamar ka talinaysay iyo go’aankii ay soo saartay. Go’aankaasi umuu jeedin Dawladda Kenya, balse waxa uu qeexayey heerka naca iyo cadaawadda ee ay Dawladdaasi u qabtay Shacabka iyo Qarannimada Somaliland. Waxa ka horraysay iyana, in ay kula kacday nac iyo colaad taas oo kale ah dalka Gini oo innagu marti-galiyey dalkiisa. Waxa aan uga mahad-celinayaa Madaxweynayaasha Dalalka Kenya iyo Gini sidii milgaha lahayd ee ay innoo soo dhaweeyeen iyo go’aankii geesinnimada lahaa ee ay qaateen. Walaalayaal, Halkaa waxa innooga cad heerka ay gaadhsiisan tahay cadaawadda la innoo qabo. Balse dhammaan safaraddii iyo wada-hadalladii aynu galnay sannadkii tagay waxa Somaliland uga soo go’ay midho la taaban karo oo ah in Qadiyadda Somaliland tahay Qadiyad Caalami ah oo aan la dhayalsan karin. Waxa kale oo aynu kasbannay Saaxiibo hor leh oo aan ku yeelanay Afrika iyo Adduunkaba. Qaramada Midoobay (United Nations) Dhismaha Qaramada Midoobay waxa saldhig u ah Dhawrista Xuquuqda Aadamaha iyo Xaqa Ummadi u leedahay Aaya-ka-tashigeeda. Waxa Shacabka Somaliland ka xun yahay in Qaramada Midoobay marnaba ixtiraamin Mabaadiida Saldhiga u ah Dhismaha Qaramada Midoobay, marka loo eego sida ay indhaha uga lalisayRabitaanka iyo go’aammadii masiiriga ahaaee Shacabka Somaliland gaadhay 18-kii May 1991. Shacabka Somaliland, markii ay bur-burtay Dawladdii lagu midoobay, waxa ay go’aansadeen, iyaga oo isku dhan, in ay ka baxaan midowgaasi. Waxa ay qaateen in ay dhistaan Dawladda Somaliland. Somaliland waxa ay qaadday jidka nabadda, Dawlad dhiska, Dimuqraadiyadda, Doorashooyin qof iyo cod ah, Is-beddelka hoggaanka dalka oo u dhaca si nabad ah. Balse Qaramada Midoobay marna kamay hadal, kamanay garaabin, qadarintii iyo ixtiraamkii ay ka mudnaydna ka may helin Somaliland. Waxa yaab leh in Dawladaha qaarkood ay aqoonsi iyo taageero Maaliyadeedba ay siiyaan Soomaaliya, oo qaadatay jidkii bur-burka, Fawdada, qaska siyaasadda iyo jah-wareerka. Saw lama odhan karo Dawladaha hubka iyo dhaqaalaha ku dal-dalaya Soomaaliya waxa ay ka leeyihiin dano guracan oo kollayba ka fog kuwo dan u ah Shacabka Soomaaliya. Maanta waad og-tihiinoo Dawlad wakhtigeedii dhammaaday, oo aan sharci u kordhin ayaa ka-talisa Muqdisho, doorashana uma jeeddo, waliba sida Warbaahintu sheegayso, Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Xamarwali mawqifka ay ka qabaan Dawladdaa wakhtigeedii dhammaaday ma cadda. Waxa intaa dheer, oo Somaliland gar-darro ku ah, in Qodobbada la isku haysto ay ka mid tahay wax loogu yeedhay Xubnaha Baarlamaanka Muqdisho ee Gobollada Waqooyi. Somaliland aad bay uga xun tahay in loogu yeedho Gobollada Waqooyi. Somaliland gar-darro cad bay u aragtaa in la yidhaahdo Xubno Baarlamaan oo lagu sheego in ay matalayaan Somaliland ayaa fadhiya Xamar. Shacabka Soomaaliya waxa aan leeyahay, yaanu aayihiinna ka talin nin dalkiisii fakad ka ah, idinkana aan idiin tudhayn. Xubnaha Somaliland u dhashay ee hawshaa ku foogan waxaan u sheegayaa in Shuruucdii lagula dhaqmi jiray aad loo adkaynayo, waayo waxa inoo fududaatay in la yidhaahdo waa hebel oo waa nin weynoo dalkiisii kusoo noqdaye halla saamaxo, kii la saamaxay baa noqday oo imika ka taliya meeshii, dee caqli ma aha oo qarannimaday meel kaga dhacay, laakiin sharcigii adkaa ee aad meelmariseen ee ahaa illaa maxkamad la mariyo lama saamixi karo, ayaa lagu dhaqayaa haku talo galaan. Gebo-gebo: Mudanayaal iyo Marwooyin, Hillaadinta iyo u-diyaar-garowga Mustaqbalku aqoon ahaan iyo dhaqaale ahaan, waxa uu muhiim u yahay wanaajinta nolosha iyo horumarka dadkeena. Dhibaatooyinka maanta innoo muuqda waxa ka mid ah: – Dhibaatooyinka Dadku abuuray, sida (Khilaafka badan, Dhuxulaysiga oo abaaraha horseeda, ceshiimooyinka iyo dhul-boobka magaalooyinka). – Is-beddelka Cimillada adduunka, – Tiknoolajiga casriga ahi in kastuu wax-tar badan leeyahay, haddana haddimadiisuu leeyahay. – Dhibaatooyinka Fiditaanka Magaalooyinka iyo Korodhka Qul-qulka dadka Miyiga ka soo guuraya. Dhibaatooyinkaa aan soo sheegnay,waxa ay inna tusaysaa in ay innoo taallo qabyo badan, waxaanay innagu waajibinaysaa inteenna maanta nool ee xilka haysa Dawlad, aqoon-yahan, Baayac-mushtar, Culimo iyo Wax-garadka guud ahaanba in aan fadhiga ka kacno, oo tacab galno, oo dhito iyo taariikh wanaagsan uga tagno Jiilalka soo socda. Somaliland maxay doonaysaa 10-ka sanno ee soo socda? Somaliland iyada oo cuskanaysa Hiraalka Horumarinta Somaliland ee 2030,waxa ay doonaysaa in ay noqoto dal dimuqraadi ah oo sharci lagu dhaqmo, nabad-gelyo ah, barwaaqo ah, dadkiisu ku nool yihiin hodan-tinimo loo dhan yahay, oo aan in yar ladnaantu ku koobnayn, iyo in ay noqoto iftiinka aqoonta iyo ilbaxnimada ee ka dhex muuqda Afrika. Walaalayaal, Hiraalkaa wanaagsan lagu gaadhi mayo fadhi iyo kala qoqob, balse waxa lagu gaadhayaa Iskaashi, Isku-duubni, midnimo iyo walaalnimo aan sal-guurayn oo shacabkeena oo dhan gacmaha isku qabsado sidii aan u gaadhi lahayn hammigaa iyo hiraalkaa inooga muuqda hirka fog. Ugu dambeyn, Shacab-weynaha JSL waxaan u rajaynayaa Guul waarta, barwaaqo iyo nabad-gelyo. Waxa aan mar kale ammaan iyo bogaadin u dirayaa Golayaasha dhawaan xilka wareejin doona. Waxaan soo dhawaynayaa Golayaasha xilka qaban doona. Waxaan Illaahay ka baryayaa in doorashadu noqoto mid khayr leh oo horumar iyo nabad-gelyo innoo horseeda. Jamhuuriyadda Somaliland Ha Waarto, Shacabka Somaliland Ha Guulaysto. Mahadsanidin. Eebbaa Mahad Leh Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa qoraal ay ku sheegeen “inay kula socod siinayaan xaaladda adag ee is-mari waaga siyaasadeed ee halista ku ah qarannimada Soomaaliya” u diray qaar ka mid ah madaxda ururada caalamiga ah iyo wasiiro arrimo dibadeedyada dhowr dal. Qoraalkan ayey 15-ka musharax ee golahan u direen Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony J. Blinken, Wakiilada sare ee Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga Josep Borrell, xoghayaha arrimada dibedda Britain Dominic Raab, Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlüt Çavuşoğlu, guddoomiyaha Midowga Afrika Felix-Antoine Tshisekedi Tshilombo, Xoghayaha ururka iskaashiga dalalka Islaamka Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman Al-Othaimeen iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-Gheit. Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa qoraalkooda ku sheegay, in xubnaha ay u direen ay doonayaan inay gacan ka gaystaan, in si deg deg ah loo fuliyo hanaan doorasho oo xaqiijinaya doorashooyin baarlaman iyo mid madaxweyne. “Tan iyo markii uu dhammaaday muddo xileeka xafiiska ee madaxweynihii hore ee Farmaajo, 7-dii Febraayo, Soomaaliya ma lahyen dowlad sharci ah oo dastuur ku dhisan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxa ay sheegeen “in doodda ku dhisan danta shakhsi ee madaxweynihii hore ee ah inuu xafiiska sii joogayo inta laga doorto cid beddesha ay tahay mid aan sax aheyn, sababtoo ah isagaa ay ah sababta ugu weyn ee dib u dhigtay hanaankii doorasho.” Golaha Midowga Musharaxiinta waxay sheegeen inay tahay wax laga xumaado in Farmaajo iyo xulafdiisa maamulka ay weli diidan yihiin inay awoodda wareejiyaan, islamarkaana saamileyda kala shaqeeyaan fududeynta doorasho xor iyo xalala ah, sida qoraalka loo dhigay. Waxay intaas ku dareen inay rumeysan yihiin in Farmaajo uusan si iskiis ah talada u wareejin doonin, islamarkaana “uu si wadi doono inuu arbusho dadaallada lagu fulinayo hanaan doorasho oo dimoqraadi ah.” Waxa ku eedeeyeen Farmaajo in ficalladiisa ay helis gelinayaan xasiloonida Soomaaliya, islmarkaana uu weli diidan yahay inuu si daacad ah ula xaajoodo madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, sida qoraalka loo dhigay Waxa kale oo ay sheegeen in xoriyadda hadalka caburin lagu hayo islamarkaana uu Farmaajo diiday dibad-bax nabdoon oo lagu damaanad qaaday dastuurka dalka, ayada oo loo adeegsanayo ciidamada militariga. Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale ururada iyo dalalka qoraalka loo diray ku wargeliyey in ciidamada ay maal-geliyeen ee Soomaaliya laga soo weeciyey dagaalkii Al-Shabaab, loona adeegsanayo caburinta dibad-baxayaal nabadeed. Ciidamada ay xuseen waxaa ka mid ah Gorgor iyo Haramcad, oo Turkish-ka ay tababareen iyo Waran oo ay tababareen Mareykanka. Qoraalka ayey ugu dambeyn Golaha Midowga Musharaxiinta ku dalbadeen: 1 – In Farmaajo uu mas’uuliyadda amniga iyo arrmiha doorashada ku wareejiyo ra’iisul wasaaraha. 2 – Inuu xilalka ka qaado taliyayaasha ciidamada ee ku lugta leh weerarka shacab si nabdoon u dibad-baxayey iyo hoggaamiyayaasha mucaaradka, uuna ka joojiyo ciidamada inay siyaasad ku lug yeeshaan. 3 – Inuu ballaariyo saaxada siyaasadda, sidaas darteedna kulamada, dibad-baxyada iyo dhaq-dhaqaaqyada kale ee nabadeed la qaban karo ayada oo wax xanibaad ah aysan saarin dowladda. Madaxtooyada Soomaaliya si deg deg ah ugama aysan jawaabin qoraalkan. VOA
  3. Somalia’s opposition group on Tuesday accused President Mohamed Abdullahi Farmaajo of undermining reconciliation after his office invited election stakeholders for dialogue, but excluded his rivals. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha xilka Ra’iisal wasaare ku-xigeenka oo horkacaya wafdi culus oo dowladda u dirtay dalka Netherland, gaar ahaan magaalada Hague, si ay u gudbiyaan gal-dacwadeedka Badda ee haatan horyaalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa ka hadlay kiiska Badda ee kala dhaxeeya Kenya. Mahdi Guuleed ayaa muujiyey rajo wanaagsan oo uu ka qabo inay Soomaaliya guul kasoo hoyn doonto dacwadaas oo marxalado kala duwan soo martay tan iyo markii la gudbiyey dacwadaan, ayada oo dib u dhacyo badan wajahday. “15-ka Maarso 2021 ayay bilaaban doontaa in dacwadda la dhageyso, rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa in aan guul ka gaarno halganka badda oo maraaxil kala duwan soo maray, kalsooni wayn baan qabnaa, 2019-kii dabayaaqadkeeda ayay ahayd in la isugu yimaado dhageysiga dacwadda balse sababo jiro awgeed & cudurka Covid-19, hadda diyaar ayaan u nahay,” ayuu yiri. Mahdi ayaa horkacaya wafdi u badan wasiiro oo ay qeyb ka yihiin xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo diblumaasiyiin ka qaybg-alaya dacwadda Badda ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya, kuwaasi oo ka qeyb-galaya dhageysiga dacwada oo dhaceysa toddobaad kadib. Sidoo kale Xeer ilaaliyaha qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay ‘in u halganka badda uu qayb ka yahay xorriyadda waddanka’, islamarkaana Soomaalida guud ahaan mas’uuliyad ka saaran tahay sidii loo garab istaagi lahaa qareennada difaacaya Badda Soomaaliya. “Kenya marar kala duwan ayay codsiyo u dirtay maxkamadda ICJ si dib loogu dhigo dacwadda, badda Soomaaliya waa qayb kamid ah xorriyadda & awoodda Dalka, dastuurka dalka ayaa dhigaya in aan la aqbali karin in taako kamid ah dhulka, badda & cirka Soomaaliya lagu soo xad-gudbo, ujeedkii Soomaaliya ay ugu biirtay ICJ 1963-dii waxa ay ahayd in sidaan oo kale si nabadgalyo ah ugu gudbiso dacwadaha tan lamid ah,” ayuu yiria. Dhaq-dhaqaaqa socda ee dacwadda Badda ayaa kusoo aadaya, iyadoo ay Kenya marar badan isku dayday inay dib u dhigto kiiskan, balse ay ku gacan seertay Maxkamadda ICJ. Si kastaba, dhageysiga dacwaddan ayaa toos loo guda-geli doono 15-ka bishan March oo ku beegan Isniinta soo socota, iyada oo dowladaha Soomaliya iyo Kenya ay heystaan qareeno ajaanib ah iyo sidoo kale khubaro sare oo u kala doodaya labada dhinac.
  5. Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, Mudane Maxamed Maxamud Cali, ayaa hambalyo ku aaddan Maalinka Caalamiga Haweenka ee 8-da Maarso u diray dhammaan haweenka Soomaaliyeed. Haweenka Soomaaliyeed waxaa ay door muuqda ka ciyaarayaan, isla markaana ay laf dhabar u yihiin dadaallada dib u soo kabashada ee dalkeenna ka jira. “Waxaan ugu hambalyaynaya dhammaan Haweenka Soomaaliyeed munaasabadda Maalinka Caalamiga Haweenka awgeed. Hal adeegga ay muujiyeen sidii loo horumarin lahaa bulshada iyo hay’adaheenna dowliga ah, waa mid mudan bogaadin iyo in la sii xoojiyo” ayuu yiri Hanti dhowraha Guud Qaranka Maxamed Maxamud Cali. Maalinka Caalamiga ee Haweenka ayaa ah munaasabad kor loogu qaado, isla markaana lagu aqoonsado dadaallada kartidu ay ku dheehantahay ee ay haweenka dunidu ay u hayaan bulshooyinkooda. View the full article
  6. Haweenay intay iska furtay Ninkii ugu taajirsanaa dunida Guursatey Macallin Ciyaalkeeda u dhiga Maadada Sayniska MacKenzie Scott, oo ahayd xaaskii hore ee Jeff Bezos oo mar ahaa ninka ugu taajirsan adduunka ayaa guursatay macallin saynis ka dhiga iskuulka ay carruurteeda dhigtaan. Ms Scott ayaa ka mid ah haweenka dunida ugu taajirsan waxayna bixisay in ka badan $ 4bn (£ 2.9bn) hantideeda. Wararka la xiriira guurkeeda iyo Dan Jewett ayaa lagu shaaciyay website-ka hay’adda samafalka ee Giving Pledge. “Dan waa nin aad u wanaagsan, waana ku faraxsanahay guurkooda,” ayuu Mr Bezos ku yiri hadal uu soo saaray. Ms Scott, oo hantideeda lagu qiyaaso $ 53bn sida ku cad Forbes, ayaa sheegtay inay dooneyso inay bixiso inta badan. Tan iyo markii ay kala tageen iyada iyo seygeedii hore waxay bixisay lacag dhan 1.7 bilyan oo doollar oo kaalma ah. Lacagahan ayay sheegtay in ay ku bixisay arrimo ay kamid yihiin goobo waxbarasho, wax ka qabashada isbadelka cimilada iyo arrimaha caafimmaadka. Haweeneydan ayaa waxay is-guursadeen Bezos kahor inta aanu asaasin Amazon, waxayna mar kamid ahayd shaqaalaha shirkadda Amazon, haseyeeshee markii ay kala tageen ayaa waxay heshay boqolkiiba afar hantida shirkadda. Boggeeda qoraaga Amazon ayey ku sheegtay inay “ku nooshahay Seattle iyada iyo afarteeda carruur ah iyo seygeeda Dan.” Wuxuu wax ka dhigaa iskuulka ay dhigtaan caruurteeda. MacKenzie Scott and Dan Jewett. Haweeneydan ayaa markii ay dalbatay furriinka waxay heshay hanti dhan 35.6bn bilyan oo doollaar, waxayna taas keentay in ay kamid noqoto haweenka adduunka ugu taajirsan iyadoo aanan wax dhib ah u marin helidda hantidaas. 35.6 bilyan waa lacagta keliya ee ay ka heshay asaasaha shirkadda Amazon oo ay kala tageen, waxaase la qiyaasayaa in lacag intaas ka badan ay leedahay. Haweeneydan ayaa afar caruur ah u heysa madaxa shirkadda Amazon, waxayna aqal galeen sanadkii 1993. Ms Scott waxay hada ku jirtaa kaalinta 22-aad ee qofka ugu taajirsan dunida halka Mr Bezos uu kaalinta koowaad ku jiro hantidiisa $ 177bn. Waxyar kadib markii ay kala tageen Bezos, waxaa ay ku biirtay olole ballan qaad oo la sameynayay, kaas oo ay qeyb ka ahaayeen maalqabeeno sheegay in ay doonayaan in qeyb kamid ah hantidooda ay rabaan inay bixiyaan. Website-ka The Giving Pledge waxaa loo sameeyay dadka bilyaneerada ah ee ballanqaada inay hantidooda qaar ka mid ah ugu deeqayaan hay’adaha samafalka.. Lacagtan ay bixisay 12 kii bilood ee lasoo dhaafay ayaa timid xilli dunida ay la daala dhaceyso saameynta ka dhalatay waxyeelada cudurka corona. Qaran News
  7. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-832021.mp3 View the full article
  8. Garowe (PP News Desk) — Shortly after Covid-19 was declared a global pandemic, experts had recommended face-covering as one of the preventive measures against the novel coronavirus. In Puntland the price of imported, disposable face-coverings have climbed. Puntland tailors in Garowe have stepped in to meet the demand for reusable face-coverings. A Puntland Post reporter visited Garowe market yesterday to see how tailors have found ways to design and tailor reusable face-coverings. Ruqiya has bought a face-covering made in Garowe “I have bought the face-covering I am wearing from a tailor in this marker. It was made from a clean fabric. I have more confidence in face-coverings manufactured here than those imported from foreign countries. ” said Ruqiya, a small business owner in Garowe. Ruqiya urged citizens to go to local tailors and order custom-made face-coverings to prevent the spread of Covid-19! Abdirahman: As tailors we are doing our bit to prevent the spread of COVID-19, and make affordable and reusable face-coverings “We are doing our bit to prevent the sprad of COVID-19. Consumers cannot afford to buy face-coverings sold at pharmacies. That’s why I have begun to make reusable face-coverings at affordable prices” said Abdirahman Boobsiiye, a tailor in Garowe, the administrative capital of Puntland State. Abdirahman said that he was exploring to make more types of the face-coverings. Puntland State Government is looking into making face-covering mandatory in public spaces. “Puntland Government should commission local tailors to make face-coverings to be distributed to the poor families free of charge” suggested Mohamud Ali, a teacher in Garowe. © Puntland Post, 2021 The post Puntland Tailors Meet Surging Demand for Face-coverings to Prevent Spread of Covid-19 appeared first on Puntland Post.
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta baarlamaanka maamulkaasi ka jeediyey khudbadiisa sanad-laha ah ayaa wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay xaaladda adag ee Soomaaliya. Muuse Biixi ayaa shaaca ka qaaday in shacabka ku dhaqan Muqdisho ‘ay yihiin dad afduuban’ islamarkaana laga yeesho sida la rabo, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha Somaliland ayaa xusay in madaxda talada heysa ay sidoo kale qaadaan tallaabooyin cadaawad ah oo dadka Soomaaliyeed sii kala fogeneysa. “Shacbiga Muqdisho iyagaaba afduuban, dadka talada u hayaana waxay qaadaan tallaabooyin cadaawad ah oo dadka kala fogeynaya,” ayuu yiri madaxweyne Biixi. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday marxaladda kala guurka ah ee ay haatan ku jirto Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu xafiiska sii joogo, isaga oo aan heysan sharci ama muddo kordhin heshiis lagu yahay. “Maanta Muqdisho dowladdii hore wakhtigeedii wuu dhammaaday dawlad cusubna lama dooran sharcigana uma kordhin haddana wuu fadhiyaa waana maamulayaa, ”ayuu yiri. Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale khudbaddiisa diirada ku saaray arrimaha Somaliland, gaar ahaan doorashooyinka, dhaqaalaha, amniga iyo horumarada la gaaray. Si kastaba ma’ahan markii ugu horreysay ee ay Somaliland ka hadasho arrimaha Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka iyo xaaladda kala guurka ah ee lagu jiro.
  10. Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka baxay guddiga Dowladda Soomaaliya u xil saartay dhageysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Wafdi uu hogaaminayo Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa saacad ka hor u ambabaxay magaalada Hague ee dalka Holland, wafdiga waxaa qeyb ka ah xeer ilaaliyaha Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud iyo xubno kale oo ku xeel arrimaha sharciga. Mahdi Guuleed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay ka qeybgalka dhageysiga dacwadda oo looga qeybgalayo labo qaab oo kala ah dad maxkmadda jooga iyo kuwo Online uga qeybgalaya. Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda ICJ ayaa dhawaan ku gacan sayrtay dalab uga yimid Kenya oo ay ku dooneysay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda kala dhaxeysa Soomaaliya. Dhageysiga dacwadda badda ayaa furmaya 15-ka bishan, wuxuuna ku egyahay 19 bishan Maarso 2021. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo wafdi ka qeybgalaya dhageysiga dacwadda badda u dirtay Hague appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsade Ciise Xaaji Cabdulle oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu leeyahay gaari noociisu yahay Surf sumadiisuna tahay AH 2737, kaas oo ay dhowaan UN-ku shaaciyeen in laga yaabo in maalmaha soo socda uu isku qarxiyo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Ganacsade Ciise Xaaji Cabdulle oo kasoo muuqday warbaahinta ayaa beeniyey digniinta kasoo baxday UN-ka, wuxuuna soo bandhigay gaariga oo uu sheegay in uu isagu leeyahay, islamarkaana ay been abuur yihiin wararka la faafiyey ee ah inuu qarax sido. Sidoo kale ganacsadahan ayaa shaaca ka qaaday in qatar la galiyey naftiisa iyo maalkiisa, wuxuuna UN-ka ka dalbaday inay magdhow ka bixiyaan arrintaasi. Ciise Xaaji Cabdulle oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in gaariga uu geeyey xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da, kadibna la baaray, sida uu hadalka u dhigay. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca UN-ka oo horey shaaciyey digniinta la xariirta in gaarigan uu sido walxaha qarxa. Si kastaba muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa soo baxayey digniino kala duwan oo la xiriiro weeraro ay abaabuleyso kooxda, kadib markii ay bateen qaraxyada Muqdisho.
  12. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa shir jaraa’id uu qabtay waxa uu amray bulshada Caasimadda in ay u dhaga nuglaadaan fariimaha caafimaad iyo wacyigalinta uu wado maamulka gobolka Banaadir ee loogu hortagayo faafitaanka caabuqa COVID-19. Duqa magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ciqaab la kulmi doonnan cidii fulin weyso awaamiirta ay soo saartay wasaarada Caafimaadka ee la xariirta cudurka Coronavirus. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay jiraan dad aan weli qaadan amarrada looga hortagayo xanuunka oo ay soo rogtay dowladda . Cumar Filish ayaa yiri ” Marka hore waxaa la yiri goobaha ganacsiga halaga illaaliyo dadka ka adeeganaya Afxir la’aan in ay galaan oo ay ka adeegtaan , suuqyada waa sidoo kale, dadka goobta ganacsiga wax ku iibinayana iyagana waa sidoo kale ay afka xirtaan oo aanay isku dhawaan, oo gacmaha la dhaqdo , wacyi gelintu intaas ayeey aheyd.” “Waa sii badate dadkii laga helaayay waxaa la xiray markaas Jaamacadihii iyo Iskuulladii waxaa la joojiyay dhamaan goobahii la isugu imaanayay sida Aroosyada iyo meel kasta oo ay bulshada isugu imaaneysay , haddii ay qatartu ay sii socoto waxaa la xiri doonaa Duulimaadyada laakiin illa hadda dowladdu go’aan ma qaadan lagu xiraayo duulimaadyada maxaa yeelay waxaa la raejeeynaya in ay dadku u dhega nuglaadan wacyi gelinta iyo tallooyinka caafimaad ee la bixinayo” ayaa intaas raaciyay Ugudambeyntii Gudoomiyaha Gobalka Ayaa u digay goobaha Waxbarashada ee Welli furan isagoo yiri “Welli waxaa jira Iskuulladii la yiri hala xiro qaar furan ayaa jiro , waxaa jira dadkii la yiri markii aad wada mareysaan ama BL ama Bajaaj aad raaceysaan ha idiin xirnaado Afsaab(Face Mask), weli uma xirna , een goobihi isu imaatinka qaar baa weli la isugu yimaadaa “. “Haddii intaas aan soo sheegnay weli ay sii taagan yihiin maxaa la sameyna sadar muuqda su’aal ka dhan waa in la ciiqaaba , ciqaabtu maxeey noqoneysa Ganaaxa ku imaanaya , ayaan dhaweyn 1 March markii aan arrintaan ka hadleynay waxaan irri Isbuuc kadib ayaa ganaax bilaaban doonna , haddana amarkii madaxda dowladda tiri Isbuuc kadib ayaa ganaaxu Bilaaban doonna , marka 15 bisha ayuu bilaabmi doona Ganaaxa “. Source: goobjoog.com
  13. 48 Arday oo ku Dhaawacmay Dab ka Kacay Dugsi ku yaal Hargeysa Sideed iyo afartan qof ayaa ku dhaawacmay Dab weyn oo ka kacay machadka culuumta diinta ee Dacwa. Ciidanka Dab-demiska oo goobta ka hawlgalay ayaa soo samatabixiyey dhammaan dadkii, iyadoo la gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee Hargeysa. afartan dumar ah iyo sideed rag ah ayaa ku dhaawacmay , sida oo kale waxa uu dhaawac soo gaadhay askari ka tirsan Ciidanka Dab-demiska kaasi oo samatabixinaayay dadka ku jiray dhismaha uu dabku ka kacay. Taliyaha ciidanka dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, Duqa Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed ayaa ka hadlay dhacdadan, waxaanay guud ahaan wacyigelin ujeediyeen bulshadu inay dhismayaasha u sameeyaan meelo laga baxo hadii dab ka dhaco, waxaanay bogaadiyeen shaqada ciidanka Dab-demiska Somaliland u hayo bulshada. Machadkan ayaa waxaa dhiganayay boqolaal arday gaadhayayna 250 arday, kuwaasi oo ku baranayay culuumta diinta, waxaana ciidanku badbaadiyay dhammaan ardaydaas oo ku jiray Dhisme ka koobnaa laba dabaq oo kala ahaa 20 qol iyo masaajid,Ardayda dhaawacu soo gaadhay ayaa dhaawacadu sababay daadgurayntii ay ka soo daadanayeen dabaqa sare, ka hor intii aanuu ciidanka Dab-demisku soo gaadhin goobtaas, sidoo kale ardayda ayaa ku neefqabatoobday qiiqii Dabkaa ka dhashay. Qaran News
  14. Beledxaawo (Caasimada Online) – Magaalooyinka Beladxaawo iyo Doolow oo ku yaalla xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa ahaa magaalooyin ay dhaqaale xoog leh ka soo gali jireenmaamulka Jubaland, kuwaas oo laga qabsaday sanad ka hor. Kumanaan lacag ayaa maalin walba laga qabtaa labadaas magaalo oo ay midiiba maraan ama ay soo galaan gaadiid ku dhow 60 gaari oo xamuul iyo adeegyo kale wada waana sababta ay muhiim u yihiin labadaan magaalo. “Gobalka Waqooyi bari ee dalka Kenya adeegyada gala ee ganacsiga waa weyn ah waxaa laga soo qaadaa Suuqa-Bakaaraha ee Soomaaliya, loogama keeno Mambasa ama meelo kale oo Kenya ah, maalintii ugu yaraan 30 gaari ayaa ka gudubta xadka Soomaaliya oo qaarkood laga qaado $500 waa magaalo muhiim ah, Doolow ayaa la mid ah,” ayuu yiri xildhibaan kamid ah baarlamaanka maamulka Jubaland oo Gedo laga soo doorto, kaas oo la hadlay Caasimada Online. “Doolow iyo Beladxaawo lacagta uu Axmed ka heli jiray waxay ku dhow yihiinmida uu ka helo Dekada iyo Airport-ka Kismaayo, waa magaalooyin muhiim ah Axmed iyo Wasiir Janaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaankaan oo aan qarinay magaciisa. Xildhibaankaan ka tirsan baarlamaanka Jubaland islamarkaana baarlamaanka ka soo gala Beladxaawo ayaa Caasimada Online u sheegay in hada lacagta kumanaanka kun ah ee laga helo magaalooyinkaas lagu shubo Banki ay leedahay dowladda Soomaaliya islamarkaana ay maamusho wasaaradda maaliyadda Soomaaliya. Wasiirka amniga maamulka Jubaland Cabdirashiid Janaan ayaa dhowr jeer weeraray magaalada Beladxaawo iyadoo ay dagaaladaas ku dhinteen tobanaan qof, kumana guuleysan inuu dib ugala wareego ciidanka dowladda.
  15. INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJUCUUN. Allaah ha u naxariistee waxaa saaka oo ah Isniin 08.03.2021 ku geeriyooday magaalada Muqdisho Pilot Maxamuud Xaaji Cilmi Cabdille Dirir( Xaaji Dhagax) Marxuum Pilot Xaaji Dhagax ayaa ka mid ahaa kooxdii ugu horeysay ee lagu aasaaso Ciidankii Cirka ee Somaaliya, isagoo license duuliyenimo qaatay sannadii 1955. Marxuum Pilot Maxamuud Xaaji Cilmi ayaa mudo dheer oo ku sugan 1965 ilaa 1991 duuliye ka ahaa Shirkadii Diyaaradaha Somaaliyeed ee ( Somali Airlines ) isagoo ahaa duuliyihii waday Diyaaradii Somali Airlines ee loo afduubay dalka Ethiopia sannadkii 1984. Maamulka iyo Hawlwadeenada Shabkada Puntlandi waxay iyagoo ka tiiranyeysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid Marxuum Duuliye sare Maxamuud Xaaji Cilmi Cabdille ( Xaaji Dhagax ) Tacsi u dirayaan Dhamaan Qoyskii, Ehelkii, Asxaabtii iyo guud ahaan Shacbiga Somaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku. Source
  16. MOGADISHU (HOL) - Somalia has dispatched its team to the Hague for the maritime case with Kenya which is set to resume on March 15. Source: Hiiraan Online
  17. (SLT-Hargeysa)-Madaweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo Isniin ah Fadhiga wada jirka ah ee Golaha Baarlamanka Somaliland (Guurtida & Wakiillada) ka jeedinayaa Khudbad-sannadeeddii Dastuuriga ahayd oo markii Afraad uu Golahan ka jeedin doono Muddo Xileedkiisa, tan iyo Bishii November 2017 oo uu ku sugan yahay qasriga looga arrimiyo Somaliland. Shacabka Somaliland waxa ay khudbadda Madaxweynaha ka filaan in uu ku soo qaado arrimaha waaweyn ee u qabsoomay muddoda u dhaxaysa labada khudbadood ee uu sannad kasta horraantiisa ka jeediyo golahan iyo sidoo kale in uu ka warbixiyo xaaladda dalka ee wakhtigaasi taagan, inkasta oo dadka khudbadaha Madaxweynaha dhaliilaa ku tilmaamaan kuwo gole ka fuul ah oo sheeko dheer u badan oo aan qodobaysnayn. Khudbaddiisa Afraad ee sannadkan 2021 ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa wakhti aanay wali waxba iska baddalin Nolosha shacabka iyo guud ahaan xaaladda dalku muddadii u talada dalka hayayna Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aanay wax muuqda oo la taaban karo xukuumaddiisu ka qaban waddanka marka dib loo milicsado Toddobadii Tiir ee uu ololaha Doorashada Madaxtooyada ku galay sannadkii 2017 oo ah kuwo qabyo ah ama aan intooda badan waxba laga qaban. Maxay ahaayeen 7-da tiir ee Madaxweynuhu ololaha doorashada ku galay 2017? Waxa ay ahaayeen 7-tiir oo guud kuwaasi oo ay ka farcamaan qaybo faahfaahsani, waxaanay tiiraarkaasi kala ahaayeen: Tiirka Arrimaha Bulshada, Tiirka Amniga iyo Nabadda, Tiirka Dhaqaalaha, Tiirka Garsoorka iyo Caddaaladda, Tiirka Siyaasadda Arrimaha Dibedda, Tiirka Horumarinta maamul-wanaagga iyo la dagaalanka Musuqa Tiirka Deegaanka iyo Is-beddelka Cimilada. Tiirka Arrimaha Bulshada oo ay hoos yimaaddaan arrimo kala duwan sida Waxbarashada, Caafimaadka, Waddooyinka, Biyaha iyo wixii la mid ah waxa muuqata in Shacabka Somaliland wali dhibaato weyn ka qabanaan oo iska daa Gobolada iyo degmooyinka dalka’e wali Hargeysa oo caasimadda ahi wax ka yar 20% ay helaan biyo nadiif ah. Waxa ay shacabku is waydiinayaan maxay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka qabatay muddo xileedkiisa xaaladahan? Waana arrin la dhawrayo bal waxa uu maanta ka yidhaa. Tiirkaasi waxa ballanqaadyada KULMIYE ee aan wali soo muuqan wax ka qabshadoodu ka mid ah xaaladda caafimaad ee dalka oo ah mid liidata, tayada waxbarasho ee dugsiyada xukuumadda oo wali ah mid tabcaan ah. Waddooyinkii ay ballan qaaday in ay dhamayso xukuumadda KULMIYE oo aan wali faro ka qodnayn sida Jidka Ceerigaabo, Jidka Oodweyne illaa Hargeysa, Jidka Sallaxlay-Hargeysa, Jidka Balligubadle-Hargeysa, iyo jidadka kale oo dhan. Xaaladda Dhaqaale ee dalka ayaa inkasta oo uu sarrifka lacagaha qalaad sugan yahay oo aanu muddo dheer halkiisa dhaafin haddana khubarada dhaqaaluhu sida ay sheegaan waxa dalku ku jiraa xaalad dhaqaale oo qallafsan iyada oo nolosha shacabku cidhiidhi tahay, sicir bararka maciishadda quutal daruuriga ahina halkeedii ka sii socoto. Ganacsigana hoos u dhac weyni ku habsaday sannadihii ugu dambeeyey. Dhinaca kale Garsoorka iyo Caddaaladda oo madaxweynuhu wakhtigii ololaha ballan qaaday in uu wax ka qaban doono ayaa wali shacabku ka qaylinayaa iyada oo warbixinnihii ugu dambeeyey ee hay’adaha waddaniga ah ee xuquuqal Insaanku ka dayrinayaan xadhiga muwaadiniinta ee aan loo marin sifaha sharciga ah, qofka oo muddo dheer xukun la’aan xabsiyada ugu jira mar walbana la rummaan gareeyo, xeerarka gaboobay ee wali ka shaqaynaya maxkamadaha dalka iyo arrimo kale oo ku aaddan dhinaca caddaaladda oo taagan. Dhinaca maamul wanaagga wali adeegyada xafiisyada dawladaha Hoose iyo Kuwa dawladda dhexeba (Public Services) ayaa ah kuwo liita oo shacabku cabasho badan ka muujiyaan oo aanay waxba iska baddalin. Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo galaangalka Somaliland ee Beesha caalamka ayaa Iyana aad loogu dhaliilaa xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi halka tiirka ugu dambeeya ee deegaanka iyo is baddalka cimilada adduunka aanay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi dadaal dheeraad ah waxba kaga baddalin Nolosha shacabka. Xaalado biyo la’aaneed ayaa qaylo dhaanteeda kulankii ugu dambeeyey ee Golaha Wasiirrada lagaga hadlayay, cunto yaraan iyo xaalufinta deegaanka ayaa ah kuwo halkii taagan oo aan marnaba hoos u dhicin. Isku soo wada duuboo intaasi iyo in ka badanba shacabku waxa ay ka dhawrayaan waxa uu maanta ka yidhaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo khudbaddiisa dastuuriga ah ka jeedin doona fadhiga wada jirka ah ee Golah Baarlamanka. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Ilka Case oo kamid ah muddanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in Dowladda Somaliya ay dagaal dhanka Hawada ah ku hayso Somaliland, isla markaana ay mararka qaar Hawada ka saaraan Taawarka laga haggo diyaaradda ee Madaarka Hargeysa ku yaal,taas oo sababta in diyaaraddo kusoo jeeday Somaliland marka ay xidhiidh waayaan inay dib u noqdaan Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan (Ilkacase) ayaa sidaas ka sheegay mar uu haddal ka jeedinayey xarunta Golaha Guurtida Somaliland,waxaanu haddalkiisa ku bilaabay sidan:-“Waxa kale oo aan arkaynaa oo caqabad baddani ay kusoo kordhayaan,iyadoo ay markii horeba ay iska laan-gadhaynaysay arrimihii Hawada,Somaaliya taawaradii wey la wareegtay,wax-baddan oo qarsoon oo aynaan xog ka haynina wey jiraa,xogta soo baxaysa waxa kamid ah in Taawarka Hargeysa yaal uu ka Xamar yaallaa ka awood baddan yahay oo saacad ale saacada ay doonto ay ka bakhtiiso ka Somaliland yaalla,debeetana Diyaaradii Somaliland kusoo socotay haddii ay ilbidhiqsi keliya ay ka weydo Hawadda Taawarkii ay la xidhiidhaysay khalkhal amni ayaa imanaya iyo baqasho baddan,waxaynu soo jeedinaynaa bal Hay’adda duulista in aynu cid uga yeedh-no si aynu xog uga helno arrimahaasi waa arrimo soo xoggeysanaya.” Geesta kalena waxa uu sheegay in maamulka Xamar ay bilaabeen in diyaaradda aan ruqsad ka haysan iyaga in aanay kasoo deign Madaarada Somaliland,waxaanu ku baaqay inay Golaha Guurtidu u yeedhaan Mareeyaha Hay’adda Duulista iyo Hawada Somaliland si wax looga weydiiyo arrimahaas soo kordhay “Waxa kale oo ku jira oo iminka ay bilabeen wax ale wixii duulimaadyo wadankii Somaaliya la isku odhan jiray imanayey inay diiwaangeliso Dowladda Xamar oo ay calankii ku dhejiso oo diyaarad aan halkaa laga diiwaangelini meel ay kusoo degi kartaa aanay jirin ,taasina waxa an filayaa caqabad ayey inagu noqon doontaa ,markay wax dhacaan ayeynu qaylinaa waxaad moodaa inta hore in aynu ka hurudno ,waxaynu u baahanay in arrinkaa wax la iska weydiiyo oo aynu u yeedh-no Mareeyaha Hay’adda Duulista”. Ayuu yidhi Xil Maxamed Ilkacase Source