Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Netherland)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta wafti culus u diraysa dalka Netherland, gaar ahaan magaalada Hague, si ay u gudbiyaan gal-dacwadeedka Badda ee haatan horyaalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ. Wafdigan ayaa waxaa horkacayo sii-haya xilka raysal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed , iyada oo ay wehelin doonaan wasiiro, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo diblumaasiyiin ka qaybg-alaya dacwadda Badda ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya. Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnaha kale ee la socda ayaa ICJ gaarsiin doono dukumintiyo muujinaya mulkiyadda Biyaha ay haatan isku hayaan labada dal. Sidoo kale waxaa qorshuhu yahay in qareenada u dooda labada dhinac ay dooda dacwadda kaga qeyb-galaan aalada fogaan-aragga ah (Video Conference), sababo la xidhiidha cudurka saf-marka ah ee Coronavirus oo wadamo badan ku laba-kacleeyey Dhaq-dhaqaaqa socda ee dacwadda Badda ayaa kusoo aadaya, iyadoo ay Kenya marar badan isku dayday inay dib u dhigto kiiskan, balse ay ku gacan seertay ICJ. Si kastaba dhageysiga dacwaddan ayaa toos loo guda-geli doono 15-ka bishan March oo ku beegan Isniinta soo socota, iyada oo dowladaha Soomaliya iyo Kenyana ay heystaan qareeno ajaanib ah iyo sidoo kale khubaro sare oo u kala u doodayo labada dhinac. Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo ay hareero taagnaayeen wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay in la dhaqan-gelinayo go’aanada lagu xakameynayo cudurka Covid-19. Cumar Fiish ayaa shaaca ka qaaday in haista cudurka ay kusii baaheyso dalka oo dhan, islamarkaana loo baahan yahay in la qaato talooyinka lagu xakameynayo Coronavirus. Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale tilmaamay inay soo rogi doonaan ganaax culusu wixii ka dambeeyo 15-ka bishana March, si loo dhaqan-geliyo go’aannada dowladda. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in qof kasta oo aan soo qaadan af-xirka laga qaadi doono tallaabo adag, isaga oo xusay inay muhiimaddu tahay bad-baadinta shacabka. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto la dagaalanka Covid-19 oo mar labaad kusoo labo-kacleeyey Soomaaliya. Si kastaba dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey usoo saartay xiyaarado lagu xakameynayo fidista Coronavirus, iyada oo mamnuucday isu imaatinada dadweynaha.
  3. (SLT-Khartoum)-Ciidanka Dowladda Sudan waxa ay ku eedeeyeen Dowladda Itoobiya inay hubeynayaan Dhaq-dhaqaaq Fallaago ah, si ay u qabsadaan Magaaladda Kurmuk ee Gobalka Blue Nile ee Koonfur Bari ee Sudan. Ilo-Millatari oo ka tirsan Ciidanka Sudan waxa ay ku eedeeyeen Dowladda Itoobiya inay Taageero Hub, rasaas iyo qalab Milliteri siinayaan Dhaq-dhaqaaqa Falaagada ee uu hoggaamiyo Joseph Touka. Itoobiya waxay kaloo u ballan qaaday Fallaagadaasi inay Ciiddanka Itoobiya ka taageeri doonaan Duqeymaha Madaafiicda, si ay Kooxda Joseph Touka u qabsadaan magaalladda Kurmuk ee Sudan. Taageeradda Millatari ee ay Ethiopia ugu yabooheen Maleeshiyada Kooxda Joseph Touka ayaa la sheegay in la soo gaarsiiyey Gobalka Yabous ee dalka Sudan, iyadoo lagu wareejiyey Joseph Touka iyo qaar ka mid ah Taliyayaashiisa Ciiddamadda. Ilaha Millatari ee Dowladda Sudan waxay sheegeen in qorshaha Itoobiya u hubeynayso Kooxdaasi tahay sidii uu Joseph Touka u qabsan lahaa magaalada Kurmuk, iyadoo Madaafiicda Itoobiya ka taageerayaan Duullaankaasi. Bishii October ee sanadkii hore, Heshiis Nabadeed ayaa waxaa wada saxiixday Dowladda Sudan iyo Wakiillo ka kala socday Dhaqdhaqaaqyada Hubeysan ee ka tirsan Isbahaysiga Jabhadaha Kacaanka (The Revolutionary Front Alliance). Source
  4. Todobaadka soo socdo maalinta Isniinta waxaa si rasmi ah u bilaabmaya dhageysiga garmaqalka Muran badeedka Kenya iyo Soomaaliya. Maxkamadda ICJ oo dhowr mar hoore codsiya ka yimid dowladda Kenya dib ugu dhigtay ayaa go’aamisay dhamaadkii February in aan mardambe dib loo dhigi doonin dhageeysiga dacwadda labada dal. ICJ ayaa sidoo kale bilawgii bishaan March go’amisay in ay dacwadda Baddenna ee muranka galisay dowladda kenya qaadi doonto 15 March . Soomaaliya waxaa Maanta muqdisho ka amba baxaya masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya uga qayb galaaya dhagaysiga Dacwadda Arimaha Badda ee u dhaxeeysa Kenya Iyo Somalia. Waftiga oo uu hogaaminayo Ra’isul Wasaare Kuxigeenka xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) . Kiiskan oo ay dowladdii Madaxweeyne Xasan Shiikh Maxamuud u gudbisay Maxkamdda ICJ . waxaa Soomaaliya hogaaminaya Qareennada difaacaya dacwada badda 15-ka March 3 qareen, oo u kala dhashay dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska, waxaa ayna ka socdaan shirkadda Lawyarada caalamiga ah ee Foley Hoag waxa ayna kala yihiin : 1. Paul Riichler: Waa abuukaate caalami ah, oo fadhigiisu yahay Washington, D.C, kana soo baxay Harvard Law School, J.D., cum laude 1973 iyo Jaamacadda Tufts, B.A. 1969, waxaa uu ku hadlaa Spanish iyo English. 2. Prof. Philippe Sands: Waa 58 jir fadhigiisu yahay London, waxaa uu wax ka bartay Harvard Law School iyo Corpus Christi College, sidoo kale waxaa uu wax ka dhigaa University College London iyo jaamacado kale oo Mareykanka, Canada, Faransiiska iyo Australia ah. 3. Prof. Alain Pellet: Waa 72 jir, waa Abuukaate Faransiis ah, waxaa wax ka dhigaa Université de Paris Ouest – Nanterre La Défense, waxaa uu in badan lataliye u ahaa dowladda Faransiiska, waxaa uu wax ku bartay isla Paris. 3-dan qareen ee Soomaaliya u matali-doona dacwada badda, waxaa ay horay ugu guuleysteen dacwo badan, heleen abaalmarinno caaalami ah, waxaa ay caan ka yihiin maxkamadaha caalamiga, waxaa ay hubaan guusha 100%. Soomaaliya ayaa markan qabta kalsoonida ah 100% in ay ku guuleeysaneyso kiiska dacwadda , haddii ICJ ay wax ku xukmineyso caddeymo, khariidado hore, sooyaal ay ka tageen gumeystihii iyo sharciyada caalamiga ah. Source: goobjoog.com
  5. Anger over violence that UN says could amount to war crimes drives recruitment in Tigray Source: Hiiraan Online
  6. For more than 100 years, International Women’s Day has been celebrated by honoring the achievements of women globally. Source: Hiiraan Online
  7. Wararka ay GoobJoog News ka heleyso gobalka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ay carruur ku sugan deegaano hoostaga Degmada Ceelwaaq ay gaajo ugu dhinteen halkaas. Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay 3 carruur ah ayaa Haraad iyo Gaajo ugu geeriyootay gudaha Gobalka Gedo ee Maamulka Jubbaland. Deegaanka Cows Qurun oo hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa waxaa ku geeriyoday Laba carruur oo walaalo , Halka mid kalena uu ku geeriyooday Gaajo deegaan hoostaga Degmada Ceelwaaq. Deegaanada hoostaga Degmada Ceelwaaq ayaa waxaa 48 saac ee la soo dhaafay ka jirtay xaalad bini’aadanimo oo aad u liidata , iyadoo ay deegaanadaas ay gebi ahaanba ka maqan tahay Isgaarsiinta. Qaar ka mid ah dadka degan deegaan hoostaga degmada Ceelwaaq oo la hadlay GoobJoog News ayaa u sheegay in isgaarsiinta deeganada ay xaaladda adag ee dhanka bini’aadanimada ah ka jirto ay jareen ciidamo ka soo gudbay xadka Kenya . Sikastaba xaallada Bini’aadanimo ee Gobalka Gedo ayaa maalmihii la soo dhaafay aad isku soo tareysay illa iyo haddana ma jirto deeq la gaarsiiyay shacabka deeganadaas. Source: goobjoog.com
  8. Fadumo Mohamed Awale, a mother of six, has been going out every day begging from the local residents in Balli-lasole village in central Somalia’s Abudwak district, hoping to get enough to scrape together a family meal. Source: Hiiraan Online
  9. Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Kenya, ayaa farriin adag u diray Madaxweynayaasha Puntland. Sheikh Umal ayaa muuqaal uu xalay soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu ku sheegay in Madaxweynayaasha Puntland Siciid Deni iyo Jubaland Axmed Madoobe ay qayb ka yihiin mushkiladaha haysta Soomaaliya, gaar ahaanna xasaradda siyaasadeed ee ka jirta dalka. Wuxu sheegay in labadaas mas’uul ay shuruudo badan hor-dhigeen shirar kala duwan, oo la doonayay in lagu xalliyo muranka ka aloosan Arrimaha doorashada, si heshiis dhammaystiran looga gaaro murankaas. Sidoo kale, wuxu xusay in uu jiro tuhun la xiriira in labada madaxweyne ay ku xiran yihiin dalal shisheeye oo aan wax dan ah u hayn Soomaaliya, inkastoo uu ka afeeftay in isagu uusan xaqiijin Karin tuhunkaas. Hoos ka daawo Hadalka Sheikh Umal PUNTLAND POST The post Sheikh Umal: Deni iyo Axmed Madoobe waxay ka mid yihiin mushkiladaha haysta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  10. Waraka naga soo gaarayo Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in uu deb xoogan uu ka kacay Dugsi lagu barto culuumta diinta Islaamka oo ku yaallo Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland . Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay ku dhawaad 50- qof ayaa ku dhaawacantay oo ka mid ah ardaydii dugsiga wax ku baraneysay halka kuwa kale laga soo badbaadiyay . Dadka dhaawacmay ayaa waxa ay kala yihiin 40 dumar ah iyo 8 rag ah oo uu ka mid yahay Askari ka tirsan ciidamada Deb damiska Somaliland. Machadka dabka uu ka kacay ayaa waxaa dhiganayay boqolaal arday, kuwaasi oo ku baranayay culuumta diinta Islaamka. Source: goobjoog.com
  11. Dubai's airport, the world’s busiest for international travel, has introduced an iris-scanner that verifies one’s identity and eliminates the need for any human interaction when entering or leaving the country Source: Hiiraan Online
  12. Cause of blaze under investigation Source: Hiiraan Online
  13. Cutubyo aad u qalabaysan oo ka tirsan Ciidamada kala duwan ee dowladda Puntland, ayaa ku qulqulaya Buuraleyda Gobolka Bari, maalin uun kadib markii Madaxweyne Deni ku dhawaaqay guluf ciidan oo ka dhan ah Argagixisada. Ciidamada Daraawiishta iyo Kumaandooska Puntland, oo kaashanaya Qaybaha sida gaarka ah u tababaran ee PSF iyo PMPF, ayaa ku jihaysan dhanka Buuraleyda Calmadow iyo Calmiskaad ee Gobolka Bari halkaas oo ay ku dhuuntan kooxaha Al-shabaab iyo Daacish. Sidoo kale, Ciidanka Booliiska oo isna kaashanaya Laanta Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa gudaha magaalada Boosaaso ka wada hawlgal culus oo lagu ugaarsanayo kooxaha Al-shabaab iyo Daacish. Tallaabooyinkan ayaa ku soo beegmay, maalmo kadib markii la weeraray xabsiga weyn ee Boosaaso halkaas oo Al-shabaab kala baxday maxaabiis ku xirnayd, inkastoo qaarkood dib looga soo furtay. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo Guluf dagaal ka bilowday Buuraleyda Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  14. Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku dhintay, boqollaal kalena waa ku dhaawacmeen, qaraxyo xooggan saacadihii la soo dhaafay gilgilay magaalada ugu weyn waddanka Equatorial Guinea ee Bata, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin dowladeed. Bayaan kooban oo laga sii daayay Telefishinka dowladda, ayaa lagu sheegay in Qaraxyadaas ay ka dhaceen xarun milatari oo ku taalla magaalada Bata, islamarkaana ay ku dhinteen ilaa 20 ruux halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 500 oo kale. Telefishinka ayaa sidoo kale ka soo xigtay madaxweynaha dalkaas Teodoro Obiang in Qaraxyadu ay ka dhasheen dayac ka yimid maadada qaraxda ee dynamite, oo lagu isticmaalay gudaha xarunta milatari. Sidoo kale, Telefishin maxalli ah ayaa soo bandhigay kooxaha gurmadka oo maydad ka soo guraya burburka hoostiisa iyo dad ku qaylinaya in dhiig loo shubo dhaawacyada buuxiyay isbitaallada. Equatorial Guinea waa dal yar oo ku yaalla xeebta galbeed ee bartamaha Afrika, oo ay ku nool yihiin 1.4 milyan oo qof, kuwaas oo badankoodu faqiir ah, waxaana aad looga deyriyaa xarumaha iyo adeegyadiisa caafimaadka. In ka badan 42 sano waxa dalkaas ka talinayay madaxweyne Teodoro Obiang, kadib markii uu adeerkiis ka inqilaabay xilka 3 Agoosto 1979-kii. Sidoo kale, waxa madaxweyne ku xigeen iyo wasiir difaac u ah wiilkiisa Teodoro Nguema Obiang Mangue, kaas oo awood badan ku dhex leh dowladda. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise The post Qaraxyo xooggan oo gilgilay magaalada ugu weyn dalka Equatorial Guinea appeared first on Puntland Post.
  15. Somali President Farmajo Disregarded the Constitution and Embraced Dictator’s Playbook Somali patriots, including moderate Islamists are haunted by how candidate Mohamed Abdullahi “Farmajo” fooled them when they enthusiastically took to the streets of Mogadishu to celebrate his election in February 2017, and to the media chanting “please take us to Farmajo.” The public euphoria was genuine because in the six (6) years preceding 2017 election, candidate Farmajo had hit the right buttons when criticizing the incumbent Government of President Hassan Sheikh Mohamud for abuse of power and bad governance. The general perception was that candidate Farmajo was authentic, trustworthy, and experienced leader who spent years in the United States of America – the shining city on the hill for the world for democracy and good governance. He looked like being the type of leadership Somalis yearned for. During his presidential campaign, he used to talk to the people, giving interviews, issuing statements, and attending public gatherings, practices he abandoned after he was elected. His public statements and commitments included that the president must respect the constitution, the freedoms of the press and citizens, the separation of powers between legislative, executive, and judiciary branches of the federal government, and the autonomy of the federal member states (FMS). Furthermore, he promised that he will liberate the country from terrorist group Al Shabab, pay compensation to the victims of Al Shabab attacks, eradicate endemic corruption and nepotism, reform security and justice system, complete the building of federal institutions, promote accountability and integrity of government institutions, prepare and hold free and fair election on time, appoint qualified individuals to federal government positions, and end Ethiopia influence in the internal affairs of Somalia. Unfortunately, the elected Farmajo didn’t have the presumed qualities and his temperate appearance deceived the desperate Somalis. None of his promises was fulfilled. Abuse of power, use of violence, media clampdown, patronage, nepotism, branding opponents as agents of foreign countries were his method of governance. In less than a year, the majority of the Somali people realized that they made grave mistake for electing president Farmajo who turned out to be unpatriotic, incompetent, callous, and duplicitous, but they decided to honor the legitimacy of his election for four years unless the federal parliament impeaches and remove him from office. As the wolf in sheep’s clothes, President Farmajo became suspected of being a member of secret society in cahoots with terrorist group Al Shabab. His supporters are dominated by anti-democratic elements, religious personalities affiliated to Al Itisam faction, former socialist cadres, and crooks. He disregarded the Somali Constitution soon after he took the oath of office and embraced dictator’s playbook. He became admirer of President Isaias Afwerki of Eritrea and Emir of Qatar. The Somali Provisional Constitution addresses three core issues that props the stability and functionality of the Somali State. First, it defines the national identity and purpose of the Somali State which is federal, republic, founded on democracy, multiparty representative system and pursue of social justice. These words stand for values to be achieved as quickly as possible. Second, it lists the inviolable, undeniable human rights that every Somali citizens must enjoy with no restriction except in rare cases that are in line with the underlying democratic values of the constitution. Third, it dictates the laws and institutions needed to form the federal republic of Somalia. This means that the provisional constitution is a roadmap for building the democratic state of Somalia on foundation which is totally different from dictatorship. The Somali people detest authoritarianism. Respecting the constitution is necessary condition for legitimate Somali state. In the last months of 2017, members of the federal parliament (MPs) decided to impeach president Farmajo for his egregious abuses of power. Then, they had to postpone when forces of the Intelligence Services (NISA) attacked the house of Abdirahman Abdishakur Warsame, former political advisor of the Special Representative of the UN Secretary General and leader of Wadajir Party, killing five soldiers assigned to his protection, wounding others, and arresting himself. Until today, the parents of the killed soldiers are looking where the federal government buried the bodies of their loved ones. That case represents the prime face of the banditry and cruelty of President Farmajo. After few months, the social media circulated the news of the impeachment, which irritated president Farmajo who immediately ordered the dismissal of the Speaker of the parliament Mohamed Sheikh Osman Jawari for not being loyal. The Prime Minister, the first Deputy Speaker and Ministers who were also MPs joined efforts to dismiss the speaker with any way necessary. The move led to armed confrontation in the federal parliament. Speaker Jawari resigned after delivering scathing speech against the coup of the executive branch for taking over the control of the federal parliament. Again, in December 2018, Speaker Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman accepted formally an impeachment motion against president Farmajo signed by 92 MPs. The FMS leaders supported the motion. To impugn the motion, President Farmajo asked 14 of the 92 signatories of the motion, who were either ministers or allies to claim that their signatures were forged. He harassed Speaker Mursal who had to move out of his Villa Somalia residence after he feared for his life. The impeachment motion was later dropped for the absence of constitutional court responsible to review the legality of the articles of impeachment, external interventions, and dirty deals. From that date, the separation of power between the three branches of the federal government ended and the parliament became part of the executive branch. The checks and balances on the abuses of power of the president and the executive abolished for good. The concentration of power in the hands of president Farmajo constitutes major obstacle to the establishment of an accountable federal government in Somalia in the foreseeable future. The FMS went through four years of exhausting struggle to fend off the continuous attacks of the federal government to subjugate them. Somaliland has been alienated with harsh policies of isolation and strangulation. The struggle has crippled the working relationship between the federal government and FMS and the viability of the federal system. Ultimately, Galmudug, Hirshabelle, and Southwest became vassals of the federal government serving the wishes of President Farmajo. Puntland and Jubbaland maintained some kind of autonomy but didn’t escape from the harassments of the federal government. The power grab of President Farmajo had crowed out national reconciliation and the implementation of development activities planned during his tenure. After rigging successfully the elections in three FMS, president Farmajo felt confident rigging the federal election easily. But, he met stiff resistance from different political forces, particularly the Prime Minister, Puntland, Jubbaland, and opposition forces. The Prime Minister was fired on seven minutes. The resistance delayed the holding of parliamentary and president elections on schedule. Then, the term in office of President Farmajo expired on February 8, 2021, which set off a constitutional and political crisis. The Union of the Presidential Candidates (UPC) called public demonstrations on 19 February against the delayed federal election and Farmajo’s illegitimate presidency. The demonstration didn’t sit well with Farmajo and decided to stop at any cost. He ordered use of lethal force against the leaders of the demonstrators – former Presidents, Speaker, and Prime Minister – who narrowly escaped death and injury. A number of protestors were killed and wounded. As usual, President Farmajo has remained silent on the attack and the casualties and to double down on his determination to use deadly force if necessary, he withdrew large number of soldiers from the frontline of the war against Al Shabab and deployed them in Mogadishu to threaten mass causality and destruction if opposition leaders call for another demonstration. His message was simple “no demonstration against me, but yes demonstration for my support.” This is the classical dictator’s playbook. Another issue of great personal interest for president Farmajo was and continue to be the oil and gas business, a lifeline for every dictator. He ordered the signing of Oil and Gas contracts with two foreign oil companies, just days before the end of his tenure, while proper legal frame and credible institutions were not in place. Luckily, powerful, influential international actors and opposition outcry forced him to back off for the time being. This could be temporary hiatus. Loyalists are packed in the Petroleum Institutions for pressing ahead with the award of oil and gas contracts. In fairness, President Hassan Sheikh was more progressive, patriotic, and wise in dealing with international and domestic critics. With its weaknesses, Hassan’s government advanced the goals of peace and state building process. In contrast, Farmajo’s government wiped out the progress made in the past. President Farmajo became tormentor of the FMS, fierce opponent to democratic norms and accountability. Somalia was anxious to face the same tragic fate the Tigray people of Ethiopia are facing. The legacy of his tenure is deterioration of the humanitarian, terrorism, insecurity, and foreign relations situations. Somalia is on the brink of civil war unless preventive actions are taken before it’s too late. Somalia is under Chapter VII of the UN Charter and the international community has the moral responsibility to support it to achieve peaceful, sustainable self-governance with the ownership of its security and defense responsibilities as soon as possible. It has lost 4 years. The hold onto power of President Farmajo after February 7, 2021 constitutes high risk for the future of Somalia and the interests of the international partners. The only way out of current tension is to pressure Farmajo to relinquish power and leave office immediately for credible elections. A forced exit after mandate expired is a legitimate writ which saves Somalia from collapse and international community from condemnation and humiliation. Dr. Mohamud Uluso – Is Former governor of Central Bank of Somalia. – He can be reached at Mohamuduluso@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
  16. Hagreysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo sheegay inuu qorshe la’aan siyaasadeed ku hagayo xukuumaddiisa. Faysal Cali ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hogaaminta Biixi oo uu sheegay inay mareyso meeshii u liidatay, islamarkaana dib u dhigtay Somaliland oo horumar wanaagsan u bidhaamayey, sida uu sheegay. Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Somaliland ay ka jirto qorshe la’aan siyaasadeed oo dhinac xukuumadda ah, wuxuuna aaminsan yahay iney taasi dib u dhac ku keentay hormar ay xukuumadda sameyn laheyd. “Lixdankii waxa ina kharibay waxa ay ahayd Hoggaan xumo, Maantana waxa halkaa inna dhigay waa Hoggaan Xumo, Dadka waxa is dhaafayaa waa Hoggaanka, Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu hoggaan wanaagsan ina siiyo,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu dusha u saaray Muuse Biixi dhaqaalo xumada ka taagan Somaliland iyo sicir bararka aan xal laga gaarin sanadihii u dambeeyay, ayada oo ku eedeyay inuu waqtiga xukunkiisa ku lumiyay shaqsi xumeyn iyo xifaaltan siyaasadeed oo aan loo baahneyn, sida uu hadalka u dhigay. “Wasaaradaheena ma jiro Wasiir qura oo aad is leedahay Shaqadaa wuu ku habboon yahay, Qof qudha oo Wasiir ah oo hore meel Shacab ka soo shaqeeyay ma jiro, gidigood Dad aan cilmi lahayn ayaa loo dhiibay, taa waxa ka daran ma lihin Siyaasad Qaran oo uu Wasiirku ku shaqeeyo,” ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray Guddoomiye Faysal Cali Waraabe. “Nidaamka aynu qaadanay, Madaxweynuhu wuxuu la yimaaddaa qorshe siyaasadeed, siyaasadda Arrimaha dibedda, midda dhaqaalaha, tan Bulshada, tan difaaca, kuwaa midna ma lihin, sidaas baynu u meeraysanaynaa, wakhtigii ayaynu iskaga luminay, hebel xumee iyo hebel ku jiqsii,” ayuu yiri mar kale Feysal. Hadalkaan ayaa imanaya ayada oo xiisad xoogan ay ka taagan tahay gudaha Somaliland, islamarkaana diyaar garow loogu jiro doorashada golayaasha Wakiiladda iyo guurtida oo ay ka dhalatay xiisad siyaasadeed.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in muddo 10 bilood ah aysan wax mushaar ama gunno ah qaadan wasiirada xil gaarsiinta ah ee maamulka Jubaland, halka baarlamankana cusubna aysan qaadan muddo laba bilood ah. Xubnahaan wasiirada ah lacag usoo dhacdo waxaa ugu dambeysay 23-kii bishii 6-aad ee sanadkii hore waxaana kadib aysan helin xuquuqdii ay lahaayeen. Muddo intaan la eg wali mushaar kama maqnaanin Golaha wasiirada HirShabeelle waxaana suurtagal ah in aysan ka soo dhax muuqan wasiirada cusub oo ay isugu sii darsanto mushaarkii oo ka maqan, deymo tiro badan oo lagu leeyahay iyo shaqo la’aan ku dhacdo. Musuq maasuq xoog leh ayaa laga soo sheegayaa in uu ka jiro maamulkaas muddada uu dhisan yahay oo ku dhow 5-sano. Hogaanka cusub ee HirShabeelle ayaa ka kaban la’ dhibaatooyin badan oo degaanka hareeyay, oo maamulka horey u haystay. Sidoo kale maamulka HirShabelle ayaa wajahaya go’doon cusub oo dhanka Al-Shabaab ah. Magaalada Jowhar iyo degaanada Afarta Tuulo oo ka tirsan degmada Mahadaay ayaa muddo ku dhow bil hadda wax raashin ah galin kadib cuna-qabateyn ay saareen Al-Shabaab.
  18. The current election/selection impasse in Somalia between the Federal Member States and the Federal government is the symptom of a country that is deeply polarised with divergent clan interests, political ideologies, foreign interests, and pseudo-nationalistic slogans. Source: Hiiraan Online
  19. Khartoum (AFP) - Egyptian President Abdel Fattah al-Sisi warned Saturday against Ethiopia continuing to fill its Nile dam, on his first visit to Sudan since the ouster of longtime autocrat Omar al-Bashir nearly two years ago. Source: Hiiraan Online
  20. Adduunyadan xil kasta oo la qabtaa, hadduu yahay xil ummadda loo hayo iyo hadduu mid gaar aba yahay, waxa looga baahan yahay shakhsiga qabanayaa xilka in uu leeyahay lana yimaado anshax, aqoon iyo qiyam uu si habsamiya ugu guto xilka, oo aan marna la dhayalsan karin lana dhaafi karin. Haddaba shaqadu ama xilku waa kala duwan yihiin. Shaqooyinka iyo xilalka qaar ayey lagama maarmaan tahay in qofka qabanayaa uu lahaado aqoon iyo khibrad, waayo shaqooyinka iyo xillalka qaar ayaan qof waliba gudi karin haddaano u aqoon u la hayn sida loo qabto. Masalen qof aan dhakhtarnimada baranin dee dad buka dhakhtar u furan maayo, qof xisaabiye ahi, dembi baadhe looma qoran karo, qof aan afkiisa hooyo mooyee, afkale baran, dee af-qalaad ma turjumi karo. Siyaasadda iyo maamulku waa laba shaqo oo aan marna kala maarmin. Siyaasadda iyo maamulka waxa isu keena, isku xidha iskuna qobtala in ay wada shaqeeyaan, shaqo keliyana inta badan wada hayaan “maamulidda iyo maaraynta” (administration and management). Dawlad kasta shaqadeedu waa maamulid iyo maarayn. Dadka, dalka iyo duunyada, intaba waxa u xil saaran oo u egman in ay masmusho dawladda. Aragti iyo aqoon haddii aanay lahayn dadka loo doortay in ay ka shaqeeyaan daryeelidda dadweynaha, horumarinta dalka iyo abuuridda iyo hindiseyaal lagu abuuri karo shaqooyin dhaqaalaha dadka kobciya iyo shuruuc kala furfurta dadweynahan iyo dawladdan dhegeha markasta iskula jira, warareeg iyo wanjalaad ayey siyaasadda iyo maamulka dadka iyo dalku ku jirayaan. Hadday taagan tahay. Sida u qorshaysan maamulka Muuse Biixi iyo xisbiyada mucaaridka ah muddo seddex bilood ka yar ayey u dareeri doonaanbdadweynaha Somaliland doorashadii golaha wakiilada iyo kuwii deegaanka. Dadkii isu soo sharaxay labadan xil in ay kala qabtaan waxa lagu xidhay shahaadooyin qeexaya heerka waxbarashada halka ay ka gaadheen musharraxiintu. Waxa kale oo ay wasaaradda tacliintu iyo komishanka doorashooyinka ee la ogaa in uu gacan ku rimis ahaa, ay ku hanjabeen in shahaadaha ay soo qadimaan musharraxiintu ay hubin doonaan in ay bug yiin iyo inkale. Haddaba bal aan is wediino musharraxiintu xilka (shaqada) ay isu soo sharaxeen in ay u qabtaan ummadda Somaliland waxa uu yahay? Ma xil maamul iyo maarayn ku lug leh baa? Ma xil cadaalad darrada iyo cilin saarista maamul xummidda dalka iyo dadka haystaa? Ma xil daryeelka dadweynaha, dejinta shuruuc lagu kala socdo iyo distoor illaalinta ku kooban baa? Ma xil manaasib siyaasadeed ah baa? Ma xil dhaqameed baa? Shahaadaha lagu xidhay musharraxiinta waa qaar caynkeeya? Khibrada iyo aqoonta musharraxiinta xildhibaanada looga baahan yahay maxay tahay? Ma in ay mushararaxiintu xisaabta, ingiriisiga, fiisigiska, kimisteriga iwm yaqaaniin baa? Mise waa in ay yaqaanaan xalinta mashaakilka, maaraynta dhaqaalo xummida, iyo dhaqista bulshaweynta? Shahaadahu wax ma xalilaan waxna ma xumeeyaan. Caqliga iyo camalka bin’aadmiga ayaa wax xalila waxna xumeeya. Caqliga iyo aqoonta dadka Illaahay geliyo ayaa cilmiga la barto sameeya oo abuura. Dadka sameeyey sharciga shahaadaha lagu xidhay musharraxiinta xildhibaanada golayaasha waxay ku saleeyeen ee ay u cuskadeen waa in ay cadeeyaan, dadweynahana u sharaxaan. Sharci aan qodobo laga baaraandey ku fadhiyin lays kama sameeyo. Sidaynu ognahay doorashooyinku dadweynaha Somaliland waxyeelooyin ayey had iyo jeer ku hayaan. Dadkay coleysiiyaan, turxaan, godob iyo cadaawed ayey dad isku caailad ah kala dhex dhigaan. Dawladda lefteeda ayaa fara-gelin danaysinimo ku dhisan ku haysa reeraha u codka siinaya musharaxiinta. Xisbiyada qudhoodii ayaa ayaguna kala boobaya musharaxiintii. Komishan dhan walba ka madax banaan oo dalka iyo dadka u dhaarsan oo aqoon u leh sida loo kala saaro ee loo kala doorto musharaxiinta xilal siyaasadeed qaban kara laguna aamini karana malahin. Taasina waa dhib dalka haysata, cid u taagan in ay dar illaahay u gudato xilkana illaa hadda ma hayno. Sidaynu ka dhegregsanahay xilalka waxa loo doontaa in biil laga helo. Inta ku hamida dadka iyo dalku sida uu hadda yahay loona maamulo in wax ka bedel ku sameeyaan waa yar yiin, waayo siyaasaddii iyo xil raadsigii ayaa waxa uu noqday “tafaqsi iyo danaysinimo.” Waxaan ku soo gebagabeynaa mawduucan ku saabsan waxa looga baahan yahay in ay ka muuqato musharraxiinta xildhibaanada golayaasha shahaadado kum jirto kana heli meysaan ee waxa kale ha laga eeg. Shahaadadi waxma kordhiso waxna ma dhinto. Caqliga iyo aqoonta dadka ku jirta ayaa wax kordhiya waxna dhimma. Period. By: Jama Falaag Hargeysa, Somalilan jamafalaag@gmail.com Qaran News
  21. Saynab Abdikarin has ventured into an industry that was exclusively male-dominated in conservative Somalia. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka doorashooyinka dalka ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ka furmo magaalada Muqdisho, kaas oo ay gadaal ka riixayaan xubnaha beesha caalamka. Shirkaan oo dhowr jeer oo hore baaqday ayaa haatan ku dhacaya dadaal ay beesha caalamku ugu jirto sidii dhinacyada isku haya doorashada dalka ay miiska wada-hadalka iskugu imaan lahaayeen, isla markaana loo dhameystiri lahaa heshiiskii 17-kii September 2020. Xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in toddobaadkan gudihiis ay Muqdisho soo gaari doonaan qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, kuwaas oo hadda ka maqan. Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo markii hore si cad u diiday casuumaadii madaxweyne Farmaajo ayaa hadda la sheegayaa in berri iyo maalinta xigta ay soo gaari doonaan Muqdisho, shirkuna uu ka dhici doono gudaha xarunta Xalane, oo iyagu ay dalbadeen in lagu qabto. Si dhab ah weli looma oga cida sida rasmiga ah garwadeen uga noqoneysa shirkaan, maadaama maamullada Puntland iyo Jubbaland ay ku gacan seyreen shirar uu hore ugu baaqay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Beesha caalamka ayaa iyadu dadaal badan ku bixinaysa sidii ay iskugu keeni laheyd dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka. Waxaa xusid mudan in horay ay u guul-dareysteen shirar ay iskugu keentay madaxda Soomaalida, mana cada natiijada kasoo bixi doonta shirkaan. Wararka ayaa intaas kusii daraya in goobta shirka ay ka baxsanaan doonto Villa Somalia oo uu horay uga dhacay shirkii doorashada ee dowladda federaalka iyo maamulada dalka, maadama madaxda Puntland iyo Jubbaland ay ka muujiyeen shaki la xiriira ammaanka. Waxaa weli xaalad cakiran ku jirta Soomaaliya, gaar ahaan caasimada dalka oo ay ku hirdamayaan dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka, ayada oo muddooyinkii dambe laga deyrinayay xaalada ammaan ee caasimada, kadib iska hor-imaad dhamaadka bishii hore dhex-maray dowladda iyo mucaaradka.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay sababta keentay inay is khilaafaan isaga iyo madaxweynaha waqtigu ka dhamaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, taas oo keentay in Kheyre xilka laga qaado. Waxa uu sheegay in la isku qabtay ‘aan qabano doorasho xalaal ah’ oo aan ciidan iyo xildhibaano musuq lagu soo xulay aan lagu boobin. “Waxaan aad maqleysiin ee la isku heysto wax kale maaha, waa ma doorasho cadaalad ah ayaa dalka laga qabanayaa mise doorasho boob ah, anigu waxaan u taaganahay Soomaaliya oo soo ceshata sharafteedii, waxaan rabaa Soomaaliya in laga hir-geliyo axsaab siyaasadeed, si dhalinyaradu u soo doorato qofka hoggaanka u qabanaya,” ayuu yiri Kheyre. Sidoo kale waxa uu sheegay in kaliya uu ka soo hor jeedo in dalkan ay ka dhacdo doorasho aan xalaal aheyn oo la boobo. “Waxaan ka soo hor jeedaa doorasho boob ah, oo askar inta meel la geeyo ay codeeyaan ama xildhibaano xoog lagu soo xusho, anigu waxaan u taaganahay in dalka ay ka dhacdo doorasho dadka oo dhan ay isla wada ogolyihiin. 25-kii bishii July ee sanadkii 2020 ayaa Xasan Cali Kheyre xilka looga qaaday kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada golaha shacabka, kadib markii ay arrimaha doorashada isku khilaafeen isaga iyo madaxweyne Farmaajo. Hoos ka Daawo
  24. Abdi (left) competes against Mo Farah (right) in the Djibouti half marathon Somali-born Belgian long-distance runner Bashir Abdi shared glowing tributes of Olympic champion Mo Farah who beat him in the inaugural Djibouti half marathon championship at the weekend. Abdi, sponsored by the East Africa Bank and Dahabshiil Group of companies, which include Edahab mobile payment and Somtel, said he is learning so much from 37-year-old Farah as he aims to become an Olympic champion in the future. “Farah is always inspiring to every young and upcoming athlete. For us young Somali-born athletes, he is our leader and I appreciate we have support from corporates like East Africa Bank helping build sports in this part of Africa,” said Abdi. In the event attended by the President of Djibouti, Ismail Omar Guelleh, government ministers, and high-level delegations from the region, Farah opened up his Olympic season with a victory as he set his focus on defending his 10,000m title for the second time in Tokyo this summer. He won the race in 63 minutes and seven seconds. Abdi, the four-time Olympic champion’s training partner, finished four seconds behind him. This was the first time Farah had raced since winning the Antrim Coast half-marathon on 12 September in 2020. Abdi, who set a world 20km record in the same Brussels track event where Farah broke the one-hour mark was his main challenger and followed him home almost a minute clear of third-placed local athlete Moumin Bouh. Sweden’s David Nilsson (64:06) and the Djiboutian duo of Jamal Dirieh (64:22) and Mouhyadin Abdi Waisss completed the top six. Abdi is a Somali-Belgian athlete who qualified for the 2016 Olympics and won silver in 10,000 metres in the 2018 European Athletics Championships. For the Djibouti race, Abdi said he was proud to be part of the East Africa Bank team, as the bank and Dahabshiil always put its customers first. The race attracted hundreds of spectators including Ali Yusuf who appreciated the input of the event. “We are so proud international and local athletes are running in this half marathon. We are very grateful to everyone who made it possible, by doing so, such institutions show they care about the youth, sport, and development opportunities,” observed Yusuf. Nairobi news Qaran News
  25. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Habeen-732021.mp3 View the full article