-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT- Hague)-Maxkamadda cadaaladda Adduunka ee marka magaceeda loo soo gaabiyo loo yaqaan ICJ ayaa shaacisay jadwal ku aadan dhageysiga dacwadda badda eedhexeysa waddamada Soomaaliya iyo Kenya. Qoraal kasoo baxay maxkamaddda ayaa lagu sheegay in dhageysiga dacwadda uu si toos ah u bilaaban doono 15-ka bishan March, waxaana dooda ku horreyn Soomaaliya. Sidoo kale ICJ ayaa shaaca ka qaaday in wareega koowaad ee dhageysiga dacwadda uu socon doono 15-ka illaa 19-ka bishan March ee sannadka 2021-ka. Jadwalka ayaa sidoo kale lagu muujiyey in wareera labaad ee dacwadda dib la’isugu soo noqon doono 22-ka, islamarkaana ay doodo socon doonto illaa 24-ka bishan March. Wareega Koowaad Monday 15 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Somalia) Tuesday 16 March 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Somalia) Thursday 18 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya) Friday 19 March 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Kenya). Wareega Labaad Monday 22 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Somalia) Wednesday 24 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya). Si kastaba Soomaaliya ayaa dirsatay guddiga gaar ah oo u qaabilsan dhageysiga dacwadda, kuwaas oo haatan ku sugan magaalada Hague, waxaana hoggaaminayo sii-hayaha ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed. Source
-
Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Puntland Siciid Axmed Jaamac ayaa Qoraal uu soo saaray Gobolkaas kaga mamnuucay Hubka aan ahayn kan dowladda. Guddoomiyuhu wuxu sidoo kale sheegay in Gobolka Sanaag laga mamnuucay dhammaan Gaadiidka aan wadan Taargada Puntland. Sidoo kale wuxu sheegay in degmada Badhan ay 15 bishan ka bilaaban doonto qaadista Canshuurta dowladda hoose. Guddoomiye Siciid wuxu ku hanjabay in qofkii bixin waaya canshuurta laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan. PUNTLAND POST The post Puntland oo Gobolka Sanaag ka mamnuucday Hubka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha cusub ee machadaka darasaadka siyaasada ee HERITAGE Prof Afyare Cabdi Cilmi oo u warramay BBC-da ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan shirka dowladda & dowlad goboleedyada. Prof Afyare ayaa shaaca ka qaaday in wax laga xumaado ay tahay in gacan saddexaad ay dhex-dhexaadiso madaxda Soomaaliyeed, si heshiis looga gaaro doorashooyinka. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dib u dhac weyn ay tahay in la’is aamini waayo, kadibna la’isugu tago xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho. “Waa dib u dhac weyn in dib loogu laabto wadahadalka la gar-wadeynayo, runtii si tartiib-tartiib ah ayay Siyaasiyiinta Soomaalida toos dhexdooda u wadahadlayeen, balse maanta waxa ay ka fursan waayeen in la kala dhexgalo oo la kala aamin baxo, in Xalane la tago waa dib u dhac kale,” ayuu yiri Agaasimaha cusub ee machadaka HERITAGE. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda Soomaaliyeed inay ka dhabeeyaan wada-hadalladooda, islamarkaana ay xal waara ka gaaraan muranka ka taagan doorashada. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalmaha soo socda Teendhada Afisyooni uu ka dhacayo shirweyne ay garwadeen ka tahay beesha caalamka, una dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlayo doorashada.
-
Mogadishu (HOL) - The International Court of Justice has announced on Tuesday that it will begin hearing the maritime delimitation dispute between Somalia and Kenya at 3 p.m. on Monday, March 15, at the Peace Palace in The Hague, Netherlands. The hearings will continue through March 24. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-1032021.mp3 View the full article
-
Madaxweeynaha Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa la filaya in saacadaha soo socdo uu soo gaaro magaalada Muqdisho . qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Puntland oo la hadlay GoobJoog News ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in Saciid Cabdullahi Deni uu maanta gelinka hore imaan doono magaalada Muqdisho. Madaxweeyne Deni ayaa lagu wadaa in uu Muqdisho kaga qeyb galo shirka arrimaha doorashooyinka dalka oo la filayo in uu ka dhaco xarunta ciidamada Cirka ee Afisiyooni. Source: goobjoog.com
-
Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa war ka soo saaray tiro Hoobiyayaal ah oo shalay lagu garaacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho . Qoraal ka soo baxay Xafiiska QM ee Muqdisho ayaa lagu cambaareyay weerarkii lagu qaaday Xalane , iyadoo dadkii ku dhaawacmay loo rajeyay in ay soo caafimaadan . Ergayga Xoghaya Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in aysan weerarada noocan oo kale ah marnaba aysan joojin karin taageerada ay siiyaan Shacabka Soomaaliyeed Hoos Ka Akhriso Qoraalka Ka Soo baxay QM Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weerarkii maanta ee lix madfac ay kusoo dheceen gudaha xeyndaabka Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Ma jiraan xarumo ay leedahay Qaramada Midoobey oo waxyeelo kasoo gaartay mana jiraan shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku wax-yeeloobay hoobiyaasha. “Waxaan cambaareynayaa weerarkan madaafiicda hoobiyeyaasha ah ee al-Shabaab ee ka dhacay xarunta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Md. Swan. “Soo kabasho degdeg ah ayaan u rajeynayaa dadkii ku dhawaacmay goobaha kale ee garoonka diyaaradaha. In kasta oo ay jiraan falal rabshado wata oo noocaas oo kale ah, hadana saaxiibbada Soomaaliya ee caalamka waxaa ka go’an inay garab istaagaan dadka Soomaaliyeed, ayna sii wadaan taageerada ay u fidiyaan horumarka dalka. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay kulan la qaatay Wakiilka gaar ka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan. Kulankan oo ka dhacay hoyiga uu Madaxweynahu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay khilaafaadka ka jira arrimaha Doorashada iyo sidii xal looga gaari lahaa. Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid sidi uu uga qeyb gali lahaa shirka arrimaha doorashooyinka dalka oo maanta lagu wado in uu Muqdisho ka furmo Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda ICJ ayaa si rasmi ah u soo saartay Jadwalka dhageeysiga dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya . ICJ ayaa sheegtay iyada oo la tixgelinayo Caabuqa safmarka Corona Virus ay dhageysiga dacwadda isugu jiri doonta hab isku dhafan Oo Fogaan arag iyo xubna Hoolka soo xaadira isugu jiri doona . Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in dhageeysiga oo ah laba qaab uu socon doono 15-ka illaa iyo 24-ka bishan. Hoos Ka Akhriso Jadwalka ICJ ee Dhageysiga Dacwadda 1- Wareega Koowaad Isniinta 15 Maarso 2021 3 pm-6 pm (Soomaaliya) Talaado 16ka Maarso 2021 3 galabnimo-4.30 galabnimo (Soomaaliya) Khamiista 18 Maarso 2021 3 pm-6 pm (Kenya) Jimco 19 Maarso 2021 3 galabnimo-4.30 galabnimo (Kenya) 2- Wareega Labaad. Isniinta 22 Maarso 2021 3 pm-6 pm (Soomaaliya) Arbaco 24 Maarso 2021 3 pm-6 pm (Kenya) Source: goobjoog.com
-
Armed conflict remains major concern in Horn of Africa country, says UN office Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Somalia - A new batch of Somali soldiers Tuesday departed for Turkey to get military training. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay uga hadashay ujeedka laga lahaa weerarkii hoobiyeyaasha ahaa ee shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen xerada Xalane ee ay degan yihiin hay’adaha caalamiga ah iyo safaaradaha. “Weerarkan fuleynimada ah waa isku day la doonayo in lagu wiiqo taageerada muuqata ee bulshada caalamka iyo dadaalkooda ku aaddan dhismaha nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda. Qoraalka ayaa intaas ku daray “Weerarkan hoobiyeyaasha ah ayaa cadeynaya iskudayada taagta daran ee argagixisada oo miciin biday in ay beegsadaan samafaleyaasha u yimid dalka si ay u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada gargaarka binu aadantinimo, kadib markii ay u midoobeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay dalka uga sifeyn lahaayeen argagaxisadaas.” Dowladda ayaa sheegtay in weerarkaas aanu ka weecin doonin qorsheyaasha mideysan ee lagu wajahayo argagixisada, sida lagu yiri qoraalka. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay inay sare u qaadday feejignaanta amni, islamarkaana ay baaritaan dhammeystiran ku sameyn doonto weerarkan hoobiyayaasha ah. Weerarka ayaa yimid ayada oo la filayo in dhowaan xerada Xalane ay marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay beesha caalamka oo dhex-mari doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya. Waxaa shalay magaalada Muqdisho soo gaaray madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo ka mid ah madaxda kulankaas ka qeyb galeysa.
-
Wakiilka QM ee Somalia James Swan oo war kasoo saaray weerarkii Xalane iyo khasaaraha ka dhashay Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar hoobiyeyaal ah oo kooxda Al-Shabaab ay maanta ku qaadeen xerada Xalane ee Muqdisho, oo ay degan yihiin hay’adaha caalamiga ah. Swan, oo qoraalka uu soo saaray ku cambaareeyey weerarka, ayaa xaqiijiyey in illaa lix hoobiye ay kusoo dhacene Xalane. Waxa uu sheegay inaysan jirin wax hanti QM ah oo waxyeelo ay kasoo gaartay weerarka, iyo khasaare nafeed oo kasoo gaaray shaqaalaha QM ee ku sugan Xalane. Si kastaba, danjire James Swan ayaa sheegay inuu jiro khasaare weerarka kasoo gaaray dad aan aheyn shaqaalaha QM oo ka shaqeeya qeybaha kale ee garoonka Aadan Cadde, oo xerada Xalane ay ku jirto xeendaabkiisa. “Waxaan cambaareynayaa weerarka hoobiye ee Al-Shabaab ay kusoo qaadeen aagga garoonka Muqdisho. Waxaan soo kabasho deg deg ah u rajeynayaa dadka ku dhaawacmay weerarka ee ku sugnaa qeybaha kale ee garoonka,” ayuu yiri James Swan. “Inkasta oo ay jiraan ficilladan rabshadaha ah, saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxaa ka go’an inay garab istaagaan shacabka Soomaaliyeed, ayna sii wadaan taageeridda horumarinta waddanka,” ayuu yiri. Dhinaca kale, taliska Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war-saxaafadeed uu kasoo saaray weerarka ku sheegay ay ku dhaawacmeen seddax qof oo ka tirsanaa shaqaalada AMISOM. “Saacaddu markay ahayd 13:15hrs, Al-Shabaab waxay dhowr hoobiye ku weerartay xerada Xalane, halkaas oo ay deggan yihiin AMISOM, UN iyo hay’ado kale oo caalami ah oo ay ka go’an tahay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed. Seddex ka mid ah shaqaalaha AMISOM ayuu dhaawac fudud soo gaaray, waxayna heleen daaweyn. Xaaladda markii dambe waa la xakameeyay. Tallaabooyin taxaddar ah oo lagama maarmaan ah ayaa loo qaaday si loo hubiyo amniga iyo nabadgelyada shaqaalaheenna,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas ay u adeegsadeen hoobiyeyaasha, mana shaacin wax khasaare ah. Xerada ayaa la filayaa inay dhowaan marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay beesha caalamka oo dhex-mari doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya. Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray ilaalada madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo isna la filayo inuu saacadaha soo socdo soo gaari doono magaalada, si uu uga qeyb galo shirkaas. Qaran News
-
A mortar attack targeted the offices of UN and African Union peacekeeping mission in the Somali capital Mogadishu on Tuesday. The offices are located inside the heavily protected Adan Adde International Airport and the compound houses several western diplomatic missions in Somalia. Security sources told Anadolu Agency by phone that at least three explosions hit the compound. However, eyewitnesses at the airport told Anadolu Agency by phone they heard over five explosions in and around the airport. Somali-based terror group al-Shabaab claimed responsibility for the attack. The group had targeted the UN compound several times in the recent past. Meanwhile, the UN condemned the attack in which six mortar rounds landed within the airport premises. No UN facilities were affected and no personnel was injured in the attack, the UN said in a statement. “I condemn this al-Shabaab mortar attack on the airport facility in Mogadishu,” said James Swan, UN secretary-general’s special representative for Somalia. “We wish a speedy recovery to those injured elsewhere at the airport. Despite such acts of violence, Somalia’s international partners remain committed to stand by the people of Somalia, and continue supporting the advancement of the country,” the UN official said. Source: Anadolu
-
Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, ayaa soo saartay jadwalka rasmiga ah dhegaysiga dacwadda ku saabsan kiiska badda Soomaaliya iyo kenya. Maxkamadda ayaa sheegtay in dhegaysiga dacwadda uu bilaaban doono 15 bishan March 2021, oo ku beegan maalin Isniin ah, islamarkaana uu socon doono ilaa 24 March oo ku beegan maalin Arbaco ah. Wareega kowaad ee dhegaysiga dacwadda, wuxu ka bilaaban Isniinta 15 bishaan March, wuxuuna socon doonaa mudda afar maalmood ah oo ku eg maalinta Jimcaha ee 19 March, sida ku cad Qoraal ka soo baxay ICJ. Wareega labaad ee dhegaysiga dacwaddaas ayaa isna bilaaban doona maalin isniin ah oo ku aaddan 22 March 2021,wuxuuna soo geba-gaboobin 24 March oo Arbaco ah. Maalin kasta oo kamid ah labadaas wareeg waxa dacwadda la dhegaysan doonaa 3 p.m.-6p.m. Galabnimo, sida ku xusan warka ay soo saartay Maxkamadda. PUNTLAND POST Qaran News
-
Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodad ee Amnesty International ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Puntland ay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan xorriyadda warbaahinta iyagoo cabsi geliya, dhibaateeya isla markaana si aan macquul ahayn u xira suxufiyiinta. Amnesty International ayaa qoraal ay soo saartay maanta ku sheegtay in afar weriye si aan macquul ahayn loogu xiray Garowe iyo Bosaaso labadii bilood iyo badhkii la soo dhaafay, taas oo walaac ku abuureysa xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya, iyadoo dalku u jihaysan yahay doorashooyin dib u dhacay. “Kordhinta xadhiga suxufiyiinta Puntland waxay muujineysaa cadaadiska sii kordhaya ee lagu hayo xorriyadda warbaahinta. Xarigyadan waxay saameyn xun ku yeelan doonaan shaqada suxufiyiinta ka hor doorashada, inta lagu jiro iyo kadib,” ayuu yiri Deprose Muchena, oo ah Agaasimaha Bariga iyo Koonfurta qaarada Afrika ee Amnesty International. Amnesty International waxay sheegtay in Puntland ay joojiso eedeymaha been abuurka ah ee loo haysto wariye Kilwe Aadan Faarax, isla markaana si deg deg ah oo shuruud la’aan ah lagu sii daayo. “Maamulka Puntland waa inuu joojiyaa dhamaan eedeymaha aan salka laheyn ee ka dhanka ah Kilwe Aadan Faarax isla markaana si deg deg ah oo shuruud la’aan ah looga sii daayo xabsiga. Sidoo kale waa inay joojiyaan dhibaateynta iyo cagajugleynta suxufiyiinta kale, oo ay ka mid tahay in la marsiiyo maxkamad militari taasoo ka hor imaaneysa sharciga caalamiga ee xuquuqda aadanaha, ”ayuu yiri Deprose Muchena. Amnesty International waxay ugu baaqday mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer federaal ee Soomaaliya inay oggolaadaan in suxufiyiintu shaqadooda ku qabsadaan xayiraad la’aan, maaddaama uu dalku isu diyaarinayo doorashooyinka. Qaran News
-
Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, ayaa soo saartay jadwalka rasmiga ah dhegaysiga dacwadda ku saabsan kiiska badda Soomaaliya iyo kenya. Maxkamadda ayaa sheegtay in dhegaysiga dacwadda uu bilaaban doono 15 bishan March 2021, oo ku beegan maalin Isniin ah, islamarkaana uu socon doono ilaa 24 March oo ku beegan maalin Arbaco ah. Wareega kowaad ee dhegaysiga dacwadda, wuxu ka bilaaban Isniinta 15 bishaan March, wuxuuna socon doonaa mudda afar maalmood ah oo ku eg maalinta Jimcaha ee 19 March, sida ku cad Qoraal ka soo baxay ICJ. Wareega labaad ee dhegaysiga dacwaddaas ayaa isna bilaaban doona maalin isniin ah oo ku aaddan 22 March 2021,wuxuuna soo geba-gaboobin 24 March oo Arbaco ah. Maalin kasta oo kamid ah labadaas wareeg waxa dacwadda la dhegaysan doonaa 3 p.m.-6p.m. Galabnimo, sida ku xusan warka ay soo saartay Maxkamadda. PUNTLAND POST The post Maxkamada ICJ oo soo saartay jadwalka rasmiga ah ee dhegaysiga dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Booliiska Koonfurta Suudaan ayaa laga soo xigtay in hal askari uu ku dhintay, darewal Soomaali ahna ku dhaawacmay weerar jid-gal ah oo todobaadkan ka dhacay Gobolka Cueibet ee dalkaas. Taliye ku xigeenka Booliiska degmada Cueibet ee caasimadda Gobolkaas G/sare Machar Muorwel, ayaa u sheegay Idaacadda maxalliga ah ee Radio Tamazuj in weerarka uu Axaddii ka dhacay nawaaxiga degaanka Kabur. “ Waxaan hadda joogaa tuulo fog oo ka baxsan degmada Cueibet, waxaanse maqlay in weerarka lagu dilay hal askari, islamarkaana lagu dhaawacay darewal Soomaali ah.” Ayuu yiri G/sare Machar Muorwel. Sidoo kale, wuxu sheegay in uu amar ku bixiyay in Booliisku hawlgal roondayn ah ka sameeyaan wadada dheer ee xiriirisa degmooyinka Cueibet iyo Rumbek. Maydka askari oo ka tirsan Ciidamada Koonfurta Suudaan iyo dhaawaca darewalka Soomaaliga ah ayaa la geeyay isbitaalka degmada Rumbek. Kooxdii weerarka fuliyay, oo goobta ka baxsaday ayaan weli gacanta lagu dhigin, sida laga soo xigtay Booliiska. PUNTLAND POST The post Nin Soomaali ah oo ku dhaawacmay weerar ka dhacay Koonfurta Suudaan appeared first on Puntland Post.
