-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Midowga musharaxiinta ayaa soo saaray qoraal cusub oo ay kaga hadlayaan xaalado badan oo dalka ka jira, ayna ka mid tahay arrimaha amniga, shirka la filayo inuu ka qabsoomo Muqdisho iyo xanuunka safmarka ah ee Covid-19. Qoraalka ay soo saareen oo dhinacyo badan looga hadlay, waxey qeyb ka mid ah kaga eedeeyeen madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu dalka u horseeday amni xumo isla markaana ay taasi keento in lagu kalsoonaan waayo magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxey soo dhaweeyeen shirka ay yeelanayaan dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, taasoo la rabo in xal looga gaaro arrimaha doorashooyinka. Shirka ay xubnahaas isugu imaanayaan wuxuu ka qabsoomi doonaa teendhada Afisyooni oo ah halkii lagu qabtay doorashadii uu kusoo baxay FARMAAJO, waxaana kalsooni darrada ka dhalatay wixii dhacay 19-ka February loo baahday in xubnaha beesha caalamka ay damaanad qaadaan hirgalinta wixii kasoo baxa iyo amniga goobta lagu shirayo. Dhanka kale Midowga musharaxiinta waxey hay’adaha amniga ku eedeeyeen ka gaabinta hawlahooda, dhanka tabaabushaha, falcelinta iyo baaritaanada, iyagoo tusaale usoo qaatay weerarkii lagu qaaday maqaayadda Luul Yamani dhawaan. HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA KASOO BAXAY mucaa
-
(SLT-Addis Ababa)-Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ugu baaqay dalalka Afrika inay ku taageeraan dadaallada ay waddo xukuumaddiisa ee ku aadan howlgallada sharciga iyo kala dambeynta loogu soo celinayo deegaanno ka tirsan ah dalkaas. Wuxuu ka codsaday dalalka Afrikaanka ah inay garab istaagaan Itoobiya isla markaana uu dalkiisa waajahayo olole caalami ah xilli uu doonayo in sharciga dib loogu soo celiyo deegaannada. Abiy ayaa hadalka ka sheegay xilli xaaladda gobolka Tigray uu uga warbixinayay golaha Midowga Afrika u qaabilsan amniga. Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay tageerada ay u muujiyeen Itoobiya . Ciidammada Itoobiya ayaa la wareegay Tigray kadib markii sannadkii hore howlgal millatari ku qaadeen halkaas. Waxaa sidoo kale jiraa eedeymaha in gobolka laga geystay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka, arrintaas oo ay dowladda beenisay. Source
-
Shirka ay isugu imaanayaan Madaxda Soomaaliya oo ay soo qabanqaabiyeen Beesha Caalamka ayaa lagu wadey inuu ugu dambeyn furmo maalinka Khamiista ee 11 Maarso balse dib ayuu uga dhacay maalintaas. Madaxweynaha Dowlada Puntland oo lagu wadey inuu maanta yimaado ayaa ka baaqsadey safarkiisa, tasoo keentay in Shirkana dib loogu dhigo ilaa sabtida, Waxaana hada la qorsheeyay inuu Shirku furmo maalinka Sabtida ee 13 Maarso. Howlgalada ay wadaan Ciidamada Puntland oo maalmahaan howlgalo ka dhan ah Argagixisada wadey ayaa sababay inuu Madaxweynuhu baaqdo, warar ay hayaan Howlwadeenada Puntlandi.com ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu go’aansadeen inuu dib u dhigo Safarkiisii muqdisho sababtoo ah wuxuu ku guda jiraa Barnaamijka lagu dhiiri galinayo Ciidamada Puntland oo ilaa Jamcada soconaya. Dhanka kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo isagu dhalay soo gaaray Muqdisho ayaa kulamo hordhac iyo wadatashi ah wuxuu la leeyahay Mudharixiinta Madaxweynaha oo iyagu aan qayb ka ahayn Shirka. Puntlandi.com Bosaso The post Breaking News— Shirka Madaxda Soomaaliya oo Sabtida furmaya, Sababtoo ah appeared first on . Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-1032021-.mp3 View the full article
-
Golaha Midawga Musharixiinta ayaa waxa ay walaac ka muujiyeen xaaladda Amni ee dalka , Cudurada iyo Dhibaatooyinka kale ee dalka ka jira. Midawga ayaa sidoo kale waxa ay dowladda ku eedeyeen in ay ka gaabisay wax ka qabashada xaaladaha dalka ka taagan. Qoraal ka soo baxay midawga Musharixiinta ayaa sidoo kale Bulshada loogu baaqay in ay ka taxadaraan Safmarka Corona oo dalka saameyn weyn ka geystay . Hoos Ka Akhrio Qoraalka Midawga Musharixiinta Source: goobjoog.com
-
Qoraal ay soo saareen Mudharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu muujiyay walaac ay ka qabaan Xaalada Dalku ku sugan yahay, iyagoo hadalka u oranaya sidaan ayay yiraahdeen “ Waxaan ka walaac sanahay Amaan xumada sii kordhaysa ee laga dhaxlay Dowlad xumida jirta”, Qoraalkoodiina waakan Puntlandi.com Muqdisho The post Golaha Musharixiinta “Waxaan walaac ka qabnaa dhibaatooyinka Dowlad xumada laga dhaxlayo oo sii kordhaya” appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay waxyeelo kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in qaraxan lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay ku xirnaayeen Makarafoono loogu tala-galay in dadka looga wacyi-geliyo Covid-19. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegaya in qaraxan uu ku dhintay wadihii gaariga, sidoo kalena ay dhaawacyo soo gaareen askar iyo dad kale oo la socday baabuurkaasi. Goobta uu qaraxu ka dhacay oo ku dhow garoonka kubadda cagta ee Qoob-Dooro ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Si kastaba qaraxan miino ayaa qeyb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey gudaha magaalada Muqdisho.
-
London (Wararka PP) — Waraysiga Meghan Merkle iyo saygeeda Harry siiyeen Oprah Winfrey wuxuu daboolka ka qaaday cunsuriyad Meghan kala kulantay qoyska. Intaysan umulin waxaa u yimid qaar ka mid shaqaalaha Qasriga Buckingham. “Wax hanti ah iyo xil looma qoondeyn doono ilmaha kuu dhalan doona. Waannu ka walaacsannahay inuu yeesho midabka dadka madow” buu mid ka mid ah shaqaalaha ku yiri Meghan. Harry iyo Meghan oo waraysi siinaya Oprah Winfrey Meghan hooyadeed waa madow, aabbaheedna caddaan. Waa iskadhal. Sanad ka hor ayay Meghan iyo odaygeedu u guureen Kanada, kana xiriir-furteen qoyska boqortooyada Biritayn. Meghan waxay sheegtay in cadaadisyada uga yimid qoyska boqortooyada ay ku kallifeen inay nolosha nacdo. Harry xiriirka uu la leeyahay qoyska ayaa gebi ahaanba go’ay. “Aabbahay telefoonka igama qabto, waanse jeclahay aabbahay” ayuu Oprah u sheegay. Harry wuxuu intaa ku daray inuu ku baxsaday hanti uu hooyadiis, Amiirad Diana, ka dhaxlay. “Hantidaas la’aanteed waannu dhibtoon lahayn” ayuu Harry yiri. Meghan oo Boqorad Elizabeth tusaysa Archie, inanka ay ku curatay. Hooyadeed Doria Raglad (taagan midigta Meghan), Amiir Philip (taagan midigta Amiir Harry). Lammaanuhu waxay leeyihiin wiil Archie la yiraahdo. Meghan waxay dhowaan shaacisay inay mar kale hooyo noqon doonto, oo dhaqtarradu u sheegeen inay gabar dhali doonto. Dad u kuurgala arrimmaha boqortooyada ayaa sheegay in waraysigu dhaawac weyn u geystay qoyska boqortooyada oo leh taariikh gumeysi iyo ka ganacsi dad. “Maxay gabar madow ahi reer dadka madow neceb ugu biirtay” ayuu nin Maraykan ah oo maqlay guurka Meghan iyo Harry yiri ka hor inta aroos weyn aan loogu qaban London bishii Maajo 2018kii. © Puntland Post, 2021 The post Cunsuriyadda Meghan Merkle Kala Kulantay Qoyska Boqortooyada Ingiriiska appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha waddanka Uganda Yoweri Museveni ayaa waraaqaha safiirnimo maanta ka gudoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya fadhin doona dalka Uganda Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur). Danjire Cali Cagabaruur ayaa gudoonsiiyay Madaxweyne Museveni dhambaal hambalyo ah uu ka uu usoo diray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhigiisa Uganda, middaas oo ugu hambalyeenayay munaasabadda dib loogu doortay Madaxweyne Museveni. Safiirka cusub ayaa horay usoo ahaa deblomaasi ka soo shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin, Bakistaan iyo Uganda oo uu muddo labo sano ah ka ahaa Siihayaha safaaradda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Museveni oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow oo ka tirsanaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Baydhabo. Lama xaqiijin in marxuumku uu u geeriyooday iyo kale xanuunka Covid-19 oo Soomaaliya ku soo laba kacleeeyay. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow ayaa waxa uu Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsanaa laga soo bilaabo sanadkii 2012-kii ,isagoo wasiir kasoo noqday dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed, sidoo kalena waxaa wasiiru dowlaha Wasaaradda amniga ka ahaa xukuumadii Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Marxuum Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow oo muddo dheer ku jiray siyaasadda, waxa uu dhanka kale ahaa ganacsade caan ka ah deegaanadda Koonfur Galbeed Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow. PUNTLAND POST The post Xildhibaan ka tirsan DFS oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda cadaaladda Adduunka ee marka magaceeda loo soo gaabiyo loo yaqaan ICJ ayaa shaacisay jadwal ku aadan dhageysiga dacwadda badda eedhexeysa wadamada Soomaaliya iyo Kenya. Qoraal kasoo baxay maxkamaddda ayaa lagu sheegay in dhageysiga dacwadda uu si toos ah u bilaaban doono 15-ka bishan March, waxaana dooda ku horreyn Soomaaliya. Sidoo kale ICJ ayaa shaaca ka qaaday in wareega koowaad ee dhageysiga dacwadda uu socon doono 15-ka illaa 19-ka bishan March ee sanadka 2021-ka. Jadwalka ayaa sidoo kale lagu muujiyey in wareera labaad ee dacwadda dib la’isugu soo noqon doono 22-ka, islamarkaana ay doodo socon doonto illaa 24-ka bishan March. Wareega Koowaad Monday 15 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Somalia) Tuesday 16 March 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Somalia) Thursday 18 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya) Friday 19 March 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Kenya). Wareega Labaad Monday 22 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Somalia) Wednesday 24 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya). Si kastaba Soomaaliya ayaa dirsatay guddiga gaar ah oo u qaabilsan dhageysiga dacwadda, kuwaas oo haatan ku sugan magaalada Hague, waxaana hoggaaminayo sii-hayaha ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.
-
Muddo saddex toddobaad ah, ayaa ka hadhsan wakhtiga sharci dhigayo in Saddexda Xisbi qaran ee Waddani, Kulmiye iyo UCID ay u gudbiyaan Komishanka doorashooyinka Liiska kama dambaysa ah murrashaxiinta uga qayb galaya doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka. Xeerka guud ee doorashooyinka Somaliland ee Xeer 91/2020, ayaa tilmaamaya in ay Xisbiyadu muddo 60 maalmood ka hor ah wakhtiga doorashada in ay gudbiyaan Liisaska murrashaxiintooda, kuwaas oo Komishankuna hubin ku samayn doono, marka loo gudbiyo. Qodobka 72aad, ee xeerkan oo ka hadlaya soo gudbinta Liisaska Murrashaxiinta, ayaa waxa uu tilmaamayaa sidan: “Qodobka 72aad U soo Gudbinta Komishanka liiska Musharixiinta Doorashada Golaha Wakiilada 1. Xisbi kastaa waa in uu liiska murashixiintiisa heer gobol u soo gudbiyaa Komishanka ugu yaraan ka hor 60 maalmood maalinta loo cayimay qabsoomida doorashada Golaha Wakiillada. Liiska Murashixiinta ee ku xusan qodobkan faqradiisa 1aad wuxuu noqonayaa liiska Furan waxaana ahmiyad loo kala siinayaa siday u kala horeeyaan. Liiska Musharixiinta ee ku xusan farqada 1aad waa in ay la socdaan: – a) Qoraal ay saxeexeen guddida xisbiga ugu xil saaran soo xulista iyo magacaabista musharixiinta oo ay ku cadahay in xulista iyo magacaabista murashixiintu u dhacday sida Xeerkan jideeyay; b) Cadaynta Xafiiska Cashuuraha Berriga ee Wasaarada Maaliyada ee inay dhammaan murashixiintu bixiyeen deebaajiga musharaxnimada; c) Qoraal uu Musharax kasta oo la soo xulay ku cadaynayo in uu buuxiyay shuruudihii musharaxnimada ka go’an tahay in uu noqdo musharax u taagan doorashada Golaha Wakiilada; d) Qoraal lagu cadaynayo heerka waxbarasho iyo shahaadooyinka uu haysto; e) Qoraal lagu cadaynayo in aanu jirin Xeer musharaxa ka hor istaagaya in uu u tartamo doorashada Golaha Wakiilada, Lana socdaan cadaymaha hayadaha awoodaha u leh.” Sidoo kale, Qodobka 84aad isla Xeerkan, oo ka hadlaya qaab loo gudbinayo murrashaxiinta Goleyaasha Degaanka ee Xisbiyada, ayaa tibaaxaya in 75 maalmood ka hor doorashada Liiska Murrashaxiinta loo gudbinayo Xafiisyada Komishanka ee degmooyinka, wakhtiga qodobkan sheegayo waxa ka hadhsan imika muddo kooban toddobaad ku dhow, waxaanu qodobkan u dhigan yahay sidan: “Qaabka soo Bandhigida Musharaxiinta 1. Liiska Musharixiinta Golayaasha degaanadana waa in la geeyo xafiisyada doorashada ee degmooyinka ka hor 6-da galabnimo maalinta 75aad intaanay cod-bixintu dhicin, iyadoo ay dhan yihiin lifaaqyadiisa ku tilmaaman Xeerka. 2. Liiska murashaxiinta golaha degaanka waxaa soo bandhigaya Guddiga degmada ee Ururka/xisbiga, waana in si cad loo soo muujiyaa, a) magaca murashaxa oo afaran, b) meesha uu ku dhashay iyo sannadkii uu dhashay; c) haddii ay jiraan dad isku magacyo ah waa in la sheego naanaysta (haddii ay jirto), d) Waxa kale oo la soo muujinayaa degmada laga sharaxay. Liisaska murashaxiinta ururka/xisbiga waxa kale oo la soo raacinayaa: – a) Caddeynta shaqo ka tegidda ee ku xusan Qodobka 9aad ee Xeerkan. b) 4 koobi oo saxeexan oo ay si wanaagsan uga muuqato astaantii iyo shaanbadii ururku/xisbigu. c) Caddeyn uu bixiyey musharax kasta oo uu ku muujiyey inuu ogol yahay musharaxnimada iyo inuu buuxiyey shuruudaha ku xidhan d) Rasiidhada bixinta deebaajiga murashaxnimo ee Wasaaradda Maaliyadda ee ku xusan Qodobka 83aad ee Xeerkan.” Dhinaca kale, iyada oo wakhtigan u hadhsan in la gudbiyo liisaska murrashaxiintu kooban yahay, ayaa waxa maalmihii u dambeeyey ay Xisbiyadu ku mashquulsanaayeen kala saarista iyo xulista xubnaha Murrashaxiinta u noqon doonaya, iyada oo culays badan Xisbiyada ka hayso murrashaxiin ka badan intii looga baahnaa degmo iyo gobol kasta, kuwaas oo kala reebistoodu way weli ka socoto xarumaha Xisbiyada ee gobollada iyo Degmooyinka dalka. Xisbiyada qaarkood ayaa heer gebo gebo marinaya dhamaystirka gobolladii u horreeyey ee ay kala saaraan Murrashaxiintooda, isla markaana u gudbi doona gobollada iyo degmooyinka kale ee hadhsan. Qaar ka mid ah Murrashaxiinta Xisbiyada Iska Sharaxay, ayaa qaarkood wax ay ka werwersan yihiin in ay ku hadhaan Xarumaha Xisbiyada ee ay ka socoto hawsha kala reebistu. Source
-
Wararka naga soo gaarayo degmada Kaaran ee Gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in goordhaw uu halkaasi qarax ka dhacay . Qaraxa ayaa lala eegtay mid ka mid ah gaawarida Codbaahiyaha ay ku xiran yihiin ee dadka looga wacyi geliyo Xanuunka Covid-19. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay GoobJoob ayaa u xaqiijiyay in qaraxa uu ku dhintay darawalki waday gaariga , halka seddax kalena dhaawac uu ka soo gaaray Wixii ku soo kordha warkaan kala soco GoobJoog News Source: goobjoog.com
-
“Guddidu waxa ay go’aamisay inaan ardayda laga qaadi karin lacag aan ahayn fiiga bisha” Guddidu markii ay baadhay xaalada dhacdadii ka dhacday Dugsiga wiilasha ee Nuradiin Sare 03/03/2020. Dhacdadaas oo ardaydu dugsigoodii u gaysteen khasaare aan yaran. Halka ay ahayd inay dacwad waxa ay diideen ku saabsan u gudbiyaan dugsiga, Gudiga Waalidiinta Dugsiga, Gudiga Waxbarashada Degmada Hargeysa, iyo xarumaha Wasaarada Waxbarashada ee heer degmo, gobol iyo qaran, ama heerarka kala duwan ee garsoorka. Gudigu markii ay dhuuxday nuxurka qoraalkii uu arday dugsigaa dhigtaa baraha bulshada ku baahiyay ee daarranaa inaanu dugsigaasi ku dhaqmin hab-raaca xanuunka KALA-ROORA (COVID19) ee ay sanadkii 2020 soo saartay Gudiga Qaran ee u Tooghaynta Xanuunka KALA-ROORA Guddigu markii ay la kulantay daneeyayaashaa dugsiga sida maamulka dugsiga, macallimiinta, ardayda iyo xafiisyada Wasaaradda Waxbarashada ee ay khusayso. Guddidu markii ay qiimaysay xaalada dugsiga, Waxay soo saartay go’aamada iyo talooyinka soo socda:- In laamaha denbi baadhista iyo dacwad oogista qaabilsan ee Ciidanka Booliisku baadhis qotodheer oo degdeg ah ku sameeyaan dhscdadan. Isla markaana dacwad lagu oogo cid kasta oo ku lug lahayd khasaaraha dugsiga loo geystay, si waafaqsan shuruucda dhaqangelka ee dalka. In mulkiilaha dugsigu siiyo maamulaha dugsiga madaxbannaani fulineed oo buuxda; si maamuluhu u helo awoodo maamul oo uu go’aan kaga gaadhi karo dhacdooyinka maalinlaha ah ee dugsiga una guto xilkiisa shaqo sida ku cad qodobka 103aad ee Xeerka Waxbarashada Qaranka Lr.77/2018. In waalidiinta si dhaw ula socdaan xaalada waxbarasho ee ardayda. Isla markaana ka qayb-qaataan dhismaha Guddi Waalidiinta Dugsiga oo door muuqda ku yeesha horumarinta iyo maamulka dugsiga iyo waliba hawlaha waxbarasho ee lagu kobcinayo garaadka ardayda dugsiga. Guddidu waxa ay go’aamisay inaan ardayda laga qaadi karin lacag aan ahayn feega bisha Waxa la farayaa maamulka dugsiga wiilasha ee Nuuradin iyo dugsiyada kale ee dalka in aan ardayda laga qaadi karin lacago ka baxsan feega dugsiga, haddii aan ogolaasho qoraal ah laga haysan Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. Guddidu waxay go’aamisay ina baadhis dheeraad ah lagu sameeyo Buugaagta Manhajka Qaranka oo lagu xardhay magaca Dugsiyada Nuuradiin, iyagoo aan ogolaansho laga haysan Wasaaradda Waxbarashada; isla markaana ardayda dugsiyada Nuuradiin dhigata ku qasba inay iibsadaan buugaagtaa ay Nuuradiin ku qoran tahay oo keliya. Kuwaasoo lagu iibiyo qiimo aad uga sarreeya, kaas oo xad-gudub ku ah hanaanka dhaqaale ee suuqa xorta ah. Sidoo kale guddu waxay goaamisay in dugsiga Nuuradiin joojiyo iibka buugtaa laga bilaabo marka goaankani soo baxo. In maamulka dugsigu aanu ardayda iyo waalidiinta wax talaabo ah ka qaadin ilaa inta baadhista hay’adaha nabadgelyadu soo dhammaystirmayaan. Guddida waxa u caddaatay in tirada ardayda ah fasalada dugsiga wax-ku-bartaa ay aad uga badan yihiin tirada ay waajibiyeen Siyaasada Waxbarashada Qaranka iyo Hab-raaca Xanuunka KALA-ROORA (COVID19) oo labaduba waajibiyay inuu arday waliba helo mitir laba jibaaran (Tusaale ahaan fasalka cabirkiisu 48 mitir oo laba jibaaran, waxaa markiiba wax ku fhigan kara 45 arday ugu badnaan). Sidaa awgeed, waxaa maamulka dugsiga Sare ee Nuuradiin (wiilasha) la farayaa inuu ardayda dugsigaa dhigata ku jaangooyo sharciga. Halkaasoo ardayda dugsiga Wiilsha ee Nuuradiin loo kala qaybin karo labada gelin ama in dugsigu kiraysto dhisme kale. Si dhawro haybadda goobaha waxbarasho ee nidaam sharciga waafaqsan ku shaqeeya, maanta laga bilaabo cid kasta oo ku kacda magac-gub been abuur ah oo lagula kacay goob waxbarasho waxaa lagu oogi doonaa dacwad ciqaabeed. Iyadoo wasaaraddu dhiirigelinayso in qof kasta oo goob waxbarasho dhaliilaya ama ka cabanayaa uu qoraal rasmi ah u soo gudbiyo xafiisyada Wasaaradda Waxbarashada ama ay soo wici karaan Xarunta Wicitaanka Dadwaynaha ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo lambarkeedu yahst 9666 Kaasoo laga soo wici karo dhamaan shirkadaha is-gaadhsiinta ee Somaliland ka shaqeeya. Guddidu waxa ay go’aamisay in arday kasta oo ay ku caddaato rabashadihii dugsiga ka dhacay ay wasaaraddu si gaar ah uga qaadi doonto talaabooyinkan:- 10.1. In aan loo ogolaan in uu ka qayb-qaato deeqaha waxbarasho ee gudaha iyo dibaddaba oo ay Wasaaradda Waxbarashada iyo hay’adaha kale ee dawladu bixiyaan. 10.2. In aanay ka qayb-gelin tartanada goobaha waxbarashada sida ciyaaraha, kedisyada iwm guddo iyo dibadba. Guddidu waxa ay go’aamisay in macallimiinta iyo maamulka ay ku caddaato inay ka qayb galeen ama iyagoo ka-hortagi kata joojin waayay rabashadii dugsiga ka dhacay ay wasaaraddu si gaar ah uga qaadi doonto talaabo sharciga waafaqsan In dugsiga Wiilasha ee Nuuradiin la furo Sabtida 13/03/2021. Fulinta iyo dabagalka go’aamadan waxaa masuul ka ah gudoonka Waxbarashada ee Gobolka Maroodi Jeex iyo Degmada Hargeysa. Go’aankani waxa uu soo baxay maanta oo taariikhdu tahay 10/03/2021. Xubnaha Guddida Xuseen Cabdi Cawil Guddoomiye Sucaad Maxamed Cabdi Gudd ku-xigeen. Cabdiqadir Cabdilahi Jaamac (Jeex) Xubin Yuusuf Xuseen Maxamed Xubin Cabdikarim Xasan Maxamed Xubin Aamina Casayr Magan Xubin Allah Mahad leh Source
-
2005 Doorashadii golaha wakiilada Somaliland, nin musharrax ahaa oo sitay shahaado been abuur ah ayaa guddidi komishanka ee hubinaysay shuruudaha ay weydiiyeen saddex su’aalood. sheeg afar macallin oo dugsigii sare wax kuu dhigay? sheeg toban arday oo isku fasal ahaydeen dugsigii sare? magacii maamulaha dugsiga sheeg? musharraxu weligii dugsi ma gelin, xil doonbuu ahaaye wuu soo rogan waayay, halkii ayaa lagu reebay. Hadda waxa jira dad badan oo sita shaadooyin been abuur ah, xafiiska imtixaandka qaranka, guddida tacliinta sare haddi ay si dhaba u baadhaan oo aan cid gaara dabarkaasi xidhin waxay u noqon doontaa abaal qaran. fadlan shuruudaha si dhaba hallo baadho oo yaan la soo dayn qof aan u qalmin in uu ummada hoggaamiyo ama aan buuxin shuruudaha sharcigu jideeyay. 70% musharraxinta aan haysan shahaado waa Xisbiga KULMIYE. Komishanka xil weynbaa saaran, Tooshka shacabku wuxuu ku hayaa dad badan oo sharraxan oo Maayaro ku jiraan oo aan Jaamacad ka bixin, kalsoonida ummadda si aad u heshaan ka dhabeeya go’aamada iyo shuruudaha oo ha aqbalina dadka aan buuxin shuruudaha ee hebel iyo hebel leh. haddi aad sii daysaan waanu soo bandhigi doonaa kalsoonidiina ayay dhawaacaysaa iyo doorasho xora oo xalaal ah in ay Somaliland ka dhacdo. Waxa qoray: Maxamed Siqiid dhamme Source
-
Allaah U naxariito waxaa magaaalada Beydhabo ee Xarunta Kumel gaarka ah ee maamulka Koonfur galbeed ku geeriyooday Xildhibaan Maxamud Mahamed Boonow. Xildhibaanka ayaa mudda dheer ka tirsana Baarlamaanadii dalka soo maray isagoo dowladihii kala duwanaa ka soo qabtay xilal kala gedisan isaga oo xukuumadda Xasan Kheyre ahaa wasiir dowlaha amniga. 2012 ayeey aheyd markii ugu horeysay ee loo dortay in uu ka mid noqdo Baarlamaanka Soomaaliya . AUN Maxamuud Maxamed Boonow ayaa xukuumaddii ra’iusl wasaare Farmaajo 2010 ka soo noqday Wasiirka Dastuurka Federaalka iyo dib u heshiisiinta. Source: goobjoog.com
-
Puntland ayaa gobolka Sanaag ka mamnuucday in ay ku safraan baabuurta aan wadan taarikada dowlad gobaleedka Puntland. Amar ka soo baxay Gudoomiyaha gobalka Sanaag ayaa lagu faray in aan gaadiidleyda gobalkaasi aan laga aqbali doonin in ay gudaha deeganada gobalkaas aan lagu dhex wadan karin gaari aan laheyn Taarikada Puntland . Waxaa sidoo kale warqadda ka soo baxday xafiiska gudoomiyaha Gobalka Sanaag lagu wargeliyay in dadka degan degmada Badhan ay 15-ka bisha ay bilaabmi doonto Canshuurta dowladda hoose ee degmada Badhan . Hoos Ka Akhriso Qoraalka Ka Soo Baxay Xafiiska Gudoomiyaha Badhan Source: goobjoog.com
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland Minister for Health Dr Jama Farah Hassan urged citizens to follow social distancing rules, wear a face-covering in public spaces and wash their hands regularly with soap to prevent the spread of Covid-19. “People who buy locally made face-coverings should wash the face-covering with a soap before using it” the Minister told Puntland Post. Dr Jama said that it was the mandate of the Education Ministry to ensure that schools close for two weeks as a precautionary measure if a child gets infected by COVID-19. Jama Farah Hassan: “People should follow social distancing rules, wash their hands with soap regularly and wear a face-covering.” “Puntland State Government has instructed non-essential public service employees to work from home” said Jama. The Heath Minister held a meeting with Garowe business leaders to address ways to increase oxygen supply at hospitals during the second wave of Covid-19. The Health Minister denied reports that the Ministry has yet to pay salaries of frontline health workers dealing with Covid-19 patients. © Puntland Post, 2021 The post Puntland Health Ministry Urges Citizens to Heed Preventive Measures Against Covid-19 appeared first on Puntland Post.
-
Abshir Axmed Maxamed gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha Aqalka sare ayaa sheegay in maalmihiiu danbeeyay ay soo baxeen wadaado doonaya in ay difaacan hanaanka iyo siyaasadda uu wax ku wado madaxweeynihii Hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Senator Abshir ayaa qoraal dheer uu soo dhigay bartiisa Facebook-waxa uu ku sheegay in loo baahan yahay si doodda si loo wado loo baahan yahay in Wadaada qaar laga saaro doodda. Hoos Ka Akhriso Qoraalka Gudoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare . SHACABKU WEY U BAAHAN YIHIIN DOODDA CUSUB EE WADAADADA . Wadaado asalkoodu inta badan ka soo wada jeedo ururka Al-Itixaad (oo ku dhisnaa fikirka Wahaabiga) ayaa beryahan waxaa ka dhex aloosmay dood ah taageerid, dhaliilid iyo hogatus ku saabsan sidii uu wax u maareeyey madaxweynihii-hore Maxamed Farmaajo muddo xileedkiisii dhammaaday (2017 – 2021) iyo mustaqbalkiisa siyaasada. Runtii doodan shacabka wuu u baahan yahay si ay u kala ogaadaan halka ay kala joogaan wadaadadu iyo kaalin ahaan waxa ay ugu tooran yihiin dadka iyo dalka iyo weliba sida ay ugu soo gudbinayaan shacabka dhambaalkii ay ka dhaxleen Nebi Maxamed ﷺ. Haddaba si ay doodaasi u mira dhasho waxaan soo jeedin lahaa arrimaha soo socda: 1. Dooda in laga saaro wadaadada layliga ah oo weli bawsiga ku jira loona daayo kuwa isu caqli iyo cilmi sheegan kara. 2. In ay dooda ka soo wada qaybgalaan wadaadada kale ee ku suntan suufiyada, salafiyada iyo ikhwaanka, iwk. 3. In mawduuca dooda laga dhigo mudo xileedkii dhammaaday (2017 – 2021) ee madaxweyne-hore Maxamed Farmaajo xagga Xilgudashada, Gaabiska iyo Gaboodfaladiisa. Ugu dambeyn, aniga oo huba in maankiinu noqonayo mudacyo caaraddood, haddana isu garaaba, kala garqaata adinka oo aan isu jixinjixin isagana turin runta iyo bidhaaminta xaqa oo cuskan Qur’aanka Kariimka, Sunnada Nebiga ﷺ (NNKHA), Al-Ijmaac iyo Qiyaaska. Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa saaka ku geeriyooday Allaha u naxariistee xildhibaan Eng. Maxamed Maxamuud Boonow oo ka tirsanaa mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa u geeriyooday xanuun haayey maalmihii u dambeeyey, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehalladaasi. Marxuumka ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii soo maray dalka, wuxuuna soo nqoday wasiir dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sidoo kale waxa uu golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka soo tirsanaa tan iyo sanadkiii 2012-kii. Allaha u naxariistee waxaa geerida ku timid xildhibaanka ka tacsiyeeyey ra’iisul wasaaraha xilka sii haha & guddoonka golaha shacabka Soomaaliya. Eng. Maxamed Maxamuud Boonow ka sokow siyaasadda waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya
-
At the outset let me say this: It is an inherent human right to protest and express one’s views and political belief without being subjected to suppression or harassment. However, with freedom comes responsibility. In this time of the deadly pandemic, common sense dictates that public gatherings of protest must be COVID-compliant. As a human rights activist and someone who worked in Somalia in recent years and has been in constant communication with health care workers and members of the civil societies there, I can affirm that the Somali people are struggling to manage the resurgence of the deadly second wave of COVID-19. This, unfortunately, came at an election year and at the peak of Somalia political dispute between the Central government and two of the federal states on one hand, and the Central government and the opposition on the other hand. It is the season when resources of the government and the opposition are routinely and exclusively allocated for political contention instead of putting the pandemic on top priority. Sadly, the deadly COVID-19 is becoming a political football between people who see it as an opportunity for one end or another. Other than issuing artificial statements of concern, none of these political contenders has forged a serious strategy to fight this deadly disease. In a country where an estimate of 70 percent of the population is jobless and over one million people are internally displaced people (IDPs), poverty is a glaring reality, and drought and famine are looming in some regions, the situation is very desperate, to say the least. The Federal government, regional states, and the opposition groups must collectively and urgently prioritize the protection of civilians who are desperately struggling to survive the second wave of this pandemic. This deadly virus coupled with an already crippled health care system, paves the way for a fatal consequence not only upon the Somali citizen but also on the Somali nation. Going back to the core contentious, we have two competing issues: the first and most immediate contentious issue is whether or not a peaceful demonstration against the current government could take place in Mogadishu. As I expressed in the opening lines, the answer is yes. But that yes must be handled responsibly. The second and the long-standing issue is the deadlock over the election process. This protracted deadlock is related to who wheels the power of the selection process. More specifically, the competing sides quarrel over who manages the processes of the election in the Gedo region and the Somaliland future parliamentarians and, more critically, the legitimacy of the electoral model and members of the electoral commission. Despite the September 17, 2020 election agreement signed by all sides, the Jubaland and Puntland leadership have consistently refused its implementation. On their part, the Federal government which considered the said agreement favored the federal states, has been giving it lip service, at best. With the foregoing and as someone dedicated to fairness and the cause of saving Somalia and her citizens, I strongly encourage the contending parties to exercise restraint and give wisdom and the love of the country the chance to prevail. Further, I appeal to the Central government, federal states, and the members of the opposition to consider the following: With regard to the demonstrations in the wake of the COVID-19 pandemic 1. There has to be a mechanism in place to safeguard the safety and security of the protesters 2. Spoilers, both domestic and foreign actors, must not be allowed to take advantage of the prevailing disagreement and exploit the demonstrations as a venue and as a platform to implement evil destructive intentions 3. The government’s security forces must not intervene, in any way, in a peaceful demonstration. If any such intervention is warranted, it has to be only to stop violent groups from taking advantage of this civic engagement 4. To pursue the above, it is important to form a committee comprising relevant government institutions, opposition, civil society, AMISOM to oversee peaceful demonstrations to happen 5. In addition, protesters have to be educated on the precautionary measures to prevent the spread of the COVID-19. FM radios, TVs & social media can be used to inform and encourage protesters to practice safety measures and to encourage anyone with signs of infection to stay home. 6. Arrangements must be made to provide masks, hand sanitizers to the protesters and to encourage social distancing. With regard to resolving the existing dispute and conducting free and fair elections: There is a need for a political continuity to avoid political vacuum and safeguard stability. Constitutional bodies (the executive and the legislative) need to remain until elections take place and new leadership is elected. To break the deadlock and as a compromise, an inclusive and independent body may be instituted to guide the process around the elections, including validation of the electoral commission and setting an election timetable, and resolving other outstanding disagreements. The formation and composition of this body have to be done consultatively. Last but not the least, individuals seeking presidential election including the incumbent and other candidates, will have to stay away from direct involvement in decisions affecting the outcome of the elections. The critical situation at hand tests the leadership capacity of all sides. At the end of the day what would matter is not who won or who lost, but how many lives were saved by their compromise. —————————————————– Dr. Sadia Ali Aden is a Humanitarian Activist and a Freelance Writer. Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
