Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,347
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Iyadoo maalinta berito ah lagu balan-sanaa in dhageysiga kiiska dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya ay ka bilaabato magaalada Hague ayaa dowladda Kenya ku dhawaaqday in ay isaga baxday kiiskaasi. Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Kihara Kariuki ayaa warqad uu u gudbiyay maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ ku sheegay in maxkamadda ay ogeysineyso dowladda Kenya in ay ka sii mid ahaaneynin kiiska dacwadda ee Soomaaliya kala dhexeysa. Kenya ayaa sheegtay in aysan diyaar u aheyn ka qeyb galka dacwadda, haddii ay ku socoto dhageysiga dacwadda jadwalka horay ay maxkamadda u qorsheeysay oo maalinta berito ah ku beegan. Sidoo kale Kenya ayaa ku doodeysa in diyaar garow sare aysan u galin kiiska Soomaaliya kala dhexeeya, sababo la xiriira cudurka safmarka ee Coronavirus, sidaas darteedna ay u baahan-tahay in qareeno cusub ay diyaarsato, taasina aysan waqti u helin. Si kastaba ha’ahaatee bishii la soo dhaafay ayaa maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ waxay gaashaanka u daruurtay isku day xukuumadda Nairobi ay dib ugu dhigeysay dhageysiga dacwadda badda, balse maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in jadwalka dacawadda sida loo qorsheeyay uu ku socon doono. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa ku wargelisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda Adduunka in aysan ka qeyb geli doonin dhgeysiga dacwadda badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya. Dowladda Kenya ee muranka galisay Badda Soomaaliya ayaa tabaneysa cadalaad darro ka jirta maxkamadda ICJ, taasoo diiday in dib loo dhigo kiiska markii afaraad, waxeyna marmarsiyo ka dhigatay xanuunka COVID-19. “Kenya waxa ay jeceshahay in ay ku wargaliso maxkamada, iyada oo u sii marineysa Diiwaanhayaha, in aysan ka qeyb galeynin dhageysiga kiiska halkaan ku xusan, hadii ay u socoto si isku mid ah laga bilaabo Maarso 15, 2021, sida hada loo qorsheeyay” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Paul Kihara Kariuki. Warqadaan waxaa la gaarsiiyay maxkamadda cadaaladda adduunka ee Holland ku talla taariikhdu markey aheyd March 11 taas oo uu u qoray Phillippe Gautier, diiwaan hayaha maxkamada. Iyadoo ay taasi jirto ayey Kenya ku doodaysaa waxa ay ku sheegtay in ay cadaalad daro ka tirsanayso maxkamada iyo in uu garsoorayaasha xubin ka yahay madaxweynihii hore ee ICJ Cabdiqawi Axmed Yuusuf oo ah muwaadin Soomaaliya. QODOBADA AY KENYA KU DOODEYSO: Maxay yihii qodobada Kenya ku doodayso in maxkamadda dib loogu dhigo 1 – Kenya waxa ay ku doodaysaa in ay maxkamadda cadaallada aysan labada dhinac u sinayn, oo ay u xaglineyso Soomaaliya. 2 – In ICJ diiday dalabkii Kenya ee dib loogu dhigi lahaa kiis dhagaysiga. 3- In faafitaanka cudurka COVID-19 dartiis aysan Kenya awood u yeelan inay sidii loo baahnaa ugu diyaar garowdo kiiska. 4 – Kenya ayaa ku dooday cudurka COVID-19 dartiis, miisaaniyaddii dalka ay gaartay waxyeelo weyn, taasi oo saameyn ku yeelatay u diyaargarowga Kenya ee ah inay kiiska iska difaacdo, sida qoraalka lagu yiri 5 – Kenya ayaa sheegtay in kiiskeeda uu ku dhisan yahay inay qaab sawir ahaan wax u muujiso, sidaas darteedna aan fulin karo video. 6 – In garsoore Abdulqawi Ahmed Yuusuf oo ah Soomaali, uu qeyb ka yahay garsoorayaasha kiiska, ayada oo ay sheegtay in ka qeyb-galkiisa “aysan Kenya siineyn kalsooni.” In kasta oo ay Kenya ka laabatay, haddana Maxkamadda ICJ waxa ay sii wadi kartaa dacwadda oo waxay samayn kartaa xukun iyada oo adeegsanaysa doodihii ay Kenya horay u gudbisay.
  3. The Ethiopian government on Saturday rejected US allegations of ethnic cleansing in the northern Tigray regional state as "completely unfounded". Source: Hiiraan Online
  4. Kenya has announced it will no longer participate in the international maritime boundary dispute case with Somalia, in protest at “perceived bias and unwillingness of the court to accommodate requests for the delaying the hearings as a result of the COVID-19 pandemic.” As reported by The Sunday Nation, Kenya’s Attorney-General Kihara Kariuki communicated the decision to the International Court of Justice (ICJ), saying “Kenya wishes to inform the court, through the registrar, that it shall not be participating in the hearings in the case herein, should the same proceed from March 15 2021, as presently scheduled.” The letter further states that the COVID-19 pandemic means that Kenya has not been able to prepare adequately as it struck “just around the time that Kenya had recruited a new legal team.” “The consequence of this is that Kenya and its legal team were deprived of the opportunity of having necessary preparatory meetings and engagements,” the Attorney-General said. The ICJ is from Monday, March 15th to Wednesday March 24th 2021 set to hold public hearings in the case concerning Maritime Delimitation in the Indian Ocean (Somalia v. Kenya) at the Peace Palace in the Hague, the seat of the Court. Somalia’s envoy led by Federal Government of Somalia Deputy Prime Minister Mahdi Mohammed Gulaid on Monday proceeded to The Hague-based International Court of Justice (ICJ) to attend the public hearing of the Maritime dispute case. The dispute between Kenya and Somalia is over which direction the two countries’ border extends into the Indian Ocean. Somalia argues that the maritime boundary should continue on in the same direction as the land border’s southeasterly path. While Kenya insists that the border should take a roughly 45-degree turn at the shoreline and run in a latitudinal line. (With input from the Sunday Nation)
  5. Xilli todobaadkan lagu wado in qeybaha Soomaalida shir loogu qabto Afisyooni ayaa waxaa muuqato qodobbo badan oo ismariwaa ah oo qaarkood horay u jireen iyo qaar cusub oo hadda soo ifbaxay. Qodobbada Horay u Jiray: Ismariwaaga siyaasadeed ee doorasho: Shan bil heshiiskii September 17 kadib iyo 35 cisho oo kasoo wareegtay muddo xileedka madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu ismariwaa ka jiraa doorashada taas oo keentay in loo baahdo faragelinta beesha caalamka iyo iney gogol dhigto Hey’adaha la doorto ee dowladda oo uu ka dhamaaday xilligii dastuuriga ahaa: Baarlamaanka federaalka waxaa uu muddo xileedkiisu dhammaaday December 17, 2020 halka madaxweynaha uu muddo xilkeedkiisu ku ekaa February 8, 2021, sidaasi ay tahay lama diyaarin ciddii badali aleyd hey’adahaasi, oo waxaa iska wataan shaqadooda, taasi oo muran dhalisay. Hirgelinta heshiika September 17 oo Fashilmay: Heshiiskaas ayaa dhigayey in la magacaabo saddex guddi oo doorasho oo ay ku jiraan labada heer dowladda iyi midka khilaafaadka, in xildhibaanka doortaan ergo 101 ah, in maamul kasta uu labo magaalo doorasho ku qabto iyo qorshe doorasho oo fulintiisu bilaaban laheyd November.Heshiiska waxaa uu fashilmay kadib markii maamul Farmaajo uu magacaabay guddi doorasho oo askar iyo shaqaale dowlad u badan. Fashilka Dhuusamareeb 4: Fadhi ay dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyadu ku lahaayeen caasimadda Galmudug ayaa burburay February 6. Shirkan oo loo yaqaanay Dhuusamareeb 4 waxaa uu burburay kadib markii uu madaxweynihii xilligaas Farmaajo uu Gedo uga tanaasuli waayey maamulka Jubbaland, qodobada kale ee la iskumari waayey waxaa ka mid ahaa guddiyada lagu muransan yahay ee doorashada iyo xulista matalayaasha Somaliland. Haddaba, shirka todobaadkan lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho, lagama bilaabi doono halkii lagu kala tagay Dhuusamareeb 4 ee ahaa: Gedo, guddiyo doorasho iyo Somaliland ee maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo xataa midowga musharaxiinta waxaa ay wataan qodobbo kale oo cusub waxaana ka mid ah: 1. In Farmaajo uu Wareejiyo Awoodaha: Arrinta ugu muhiimsan ee miiska saaran, waa in uu Farmaajo ku saxiixo teendhada Afisyooni in aanu isticmaali karin awoodaha dastuuriga, ee uu yahay madaxweyne hore, musharax ah, sidaasina waxaa horay u sameeyey Xasan Sheekh. 2. Muranka ku aadan shir guddoominta: Waxaa qodobbada miiska saaran ka mid ah shir guddoominta shirka Afisyooni iyada oo Puntland, Jubbaland iyo musharaxiinta ay ku doodayaan in Farmaajo laga wareejiyo shir guddoominta mar haddii uu dhamaaday muddo xileedkiisa. 3. In Musharaxiinta Ka Qeybgalaan: Waxaa miiska saaran in saamileyda siyaasadda ay shirka tagaan, gaar ahaan musharaxiinta madaxweynaha. 4. Xil ka qaadista Taliyeyaasha: Waxaa miiska saaran in xilka laga qaadayo taliyeyaasha ku lug lahaa weerarkii February 19 iyo kuwa laga shakinsan yahay inuu maamulka Farmaajo adeegsan karo xilliga doorashada. 5. In Amniga Doorashada Lagu Wareejiyo Booliiskii hore: Puntland, Jubbaland iyo midowga musharaxiinta waxaa ay qabaan in amniga doorashada laga reebo Haramcad, oo lagu kobo booliiskii hore iyo AMISOM. 6. Baarista Dhacdadii February 19: Waxaa kale oo qodobada ka mid ah in la baaro rasaaseyntii February 19 oo ka dhan aheyd midowga musharaxiinta. 7. Dhismaha Gole Xilliga Kala-guurka: Waxaa miiska wada hadalka ee Afisyooni saaran in la magacaabo gole oo ay ku jiraan guddoonka baarlamaanka, xukuumadda iyo maamulka goboleedyada si ay mas’uul uga ahaadaan marxaladda kala guurka. 8. Dhanka kale, Bulshada Rayidka ayaa beesha caalamka oo ah cidda martigelineyso ka dalbatay ka qeyb shirka Afisyooni, si ay korjoogto uga noqdaan, arrintan ayaa timid kadib fashil ay kala kulmeen dhexdhexaadinta. 9. Mowqifka Dowladda: Dowladda federaalka ah ayaa muuqato mid ku adkeysaneyso in Afisyooni lagu saxiixo heshiiskii guddiyada farsamo ee Baydhabo February 16, inuu shir guddoon sii ahaado, inuu doorashada maamulo iyo in aan laga qaadin awoodihiisa dastuuriga ah. 10. Mowqifka Beesha Caalamka: Beesha caalamka oo gogosha dhigtay shirkan Afisyooni waxa ay mar walbo ku celisaa in aan la qaban doorasho hal dhinac, isbarbar socda ama in laga fogaado qalalaaso. Haddaba, sida muuqato xalku waa mid adag, xaaladduna waa mid gacanta ka baxday, waxaase rajo weyn laga qabaa sida beesha caalamka ay kaalin hoggaamineed uga qaadan karto guuleysiga shirka, una cadaadin karto qeybaha Soomaalida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 24-kii August 2014 qaatay go’aan taariikhi ah, ayada oo Soomaaliya ay si rasmi ah ugu gudbisay maxkamadda ICJ dacwad ka dhan ah Kenya, oo isku dayeysa inay qaadato qeyb ka mid ah dhul-badeedka Soomaaliya. Go’aanka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilligaas laga bixiyey aragtiyo kala duwan, ayada oo dadka qaar ay u arkeen habka kaliya ee Soomaaliya ay dhul-badeedkeeda ku difaacan karto, halka kuwa kalena ay u arkeen halis maadaama aan la ogeyn waxa uu noqon karo go’aanka maxkamadda. Hase yeeshee, madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu go’aankiisa ku saleeyey talooyinka sharci-yaqaanadda badda, oo ogaa in Kenya aysan haysan dood xooggan oo meel kasta oo sharciga laga eego aysan qiil u heli karin inay qaadato badda Soomaaliya. Waqti badan ma qaadan in Kenya ay muujiso wixii ay tuhmayeen sharci-yaqaanada, waxayna durba diiday inay kiiska ka qeyb-gasho, ayada oo maxkamadda ka furtay diidmo horudhac ah, oo ay ku sheegeysay in maxkamadda aysan sharciyad u lahayn inay kiiska qaado, taasi oo looga adkaaday lana guda galay kiiska. Hase yeeshee wixii markaas ka dambeeyey, Kenya waa lagu kari waayey inay maxkamadda soo joogsato, ayada oo marba marka ka dambeysay codsaneysay dib u dhigis ay mid kale ku xigto, taasi oo maxkamadda ay laba goor aqbashay balse ku gacan seertay markii saddexaad. Ugu dambeyntii, Kenya ayaa 11-kii bishan si rasmi ah u muujisay tuhunkii muddo laga qabay ee ahaa inaysan diyaar u aheyn in lagu kala baxo maxakamadda cadaaladda, wuxayna si rasmi ah uga baxday gebi ahaan kiiska, ayada oo dhowr cudur daar oo lagu qoslo adeegsaneysa. Go’aanka Kenya wuxuu guul weyn u yahay Soomaaliya, wuxuuna ayidayaa go’aankii madaxweyne Xasan Sheekh uu Kenya ku geeyey Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ICJ, si uu uga difaaco baddeena. Waxa kaliya ee Maxkamadda hadda laga doonayo ayaa ah inaysan u dhego nuglaan go’aanka Kenya ay uga baxday kiiska, oo ujeedkiisu yahay in lagu qasbo dib u dhigis kale, ayada oo xaqiiq ay tahay in Kenya haddii sidaas loo yeelo, ay marka xiga haddana sidan oo kale la iman doonto qiil cusub. Maxkamadda waa inay qaadataa go’aanka saxda ee ah inay kiiska dhageysato ayada oo Kenya ay ka maqan tahay, kadibna ay gaarto go’aanka laga filayo ee ah in badda ay sheegeneyso Kenya ay tahay midda Soomaaliya. Tani waxay soo geba-gebeyn doontaa sugitaankii lixda sano ka badan qaatay ee shacabka Soomaaliyeed, waxayna taariikhda dalkeena meel sare uga qori doontaa go’aankii dhiiranaanta lahaa ee madaxweyne Xasan Sheekh uu Kenya ku geeyey maxkamadda ICJ.
  7. Golaha Wakiillada, ayaa dhaq-dhaqaajiyey qorshe wax ka beddel iyo kaabis ku samaynaya Xeer Lr. 14, Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Asxaabta Siyaasadda, kaas oo muddo Horyaalay Golahaasi. Kaabista iyo Wax ka beddelka Xeer 14, oo ka mid ah Ajandaha Kal-fadhigooda 45-aad ee Golahaasi, ahna Kal-fadhigii u dambeeyey ee ay yeelanayaan Mudaneyaasha wakhtigoodu sii dhammaanayo, ayaa waxa ay doonayaan in ay waxyaabaha ay qabanayaan ee ay ku soo geba gebanayaan 15-kii sanno ee ay kuraasta fadhiyeen in ay ka dhigaan, wax ka beddelka iyo kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Asxaabta Siyaasadda, kaas oo noqon kara mid saameyn ku yeesha siyaasadda dalka iyo ta Xisbiyada imika jiraba. Muxuu yahay Xeer Lr. 14.? Xeerkan horyaalla Golaha Wakiillada oo horena wax ka beddel iyo kaabis loogu sameeyey sannadkii 2011-ka, wakhtigaas oo la isu diyaarinayey furashadii Ururrada Siyaasadda ayaa la yidhaahdaa Xeerka Nidaamka Ururrada iyo asxaabta Siyaasadda, kaas oo ogolaanayey in muwaadiniintu furan karaan Ururro siyaasaddeed, isla markaana ay tahay xaq distuuri ah oo qof kasta xaq u leeyahay. Waxa kale oo uu Xeerkani liisan sharci ah oo muddo 10 sanno ah siinayey Ururrada ka soo gudba ururnimada ee noqda Xisbiyada qaranka, gaar ahaan saddexdii Urur ee ugu codka badnaa wakhtigaasi, kuwaas oo noqday Kulmiye, Waddani iyo UCID. Waa Maxay Ujeeddada Imika Laga Leeyahay Xeerkan Goluhu u dhaqdhaqaajiyeen? Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, markii Kal-fadhigoodu bilaabmayba, waxa muuqatay in markii Ajandaha Golaha la hor keenay laga doodayey in Mudaneyaasha qaarkood soo jeediyeen in wax ka beddelka iyo kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Qaranka ee Xeer 14, in loogu soo horreysiiyo ajandaha fadhiga si ay uga dooddaan Mudaneyaashu, taas oo ku tusaysay sida ay u danaynayaan in ay wax ka beddel ku sameeyaan inta aanay kuraasta bannaynin. Danayntani waxa ay keentay in 13 bisha oo shalay ku beegnayd in Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu uu magacaabo guddi ka soo talo bixisa, wax ka beddelka iyo kaabista Xeerkan, kuwaas oo isugu jiray Mudaneyaal ka tirsan Golaha Wakiillada iyo la taliyeyaal dhinaca sharciga ah. Guddidan, waxa la siiyey muddo toddobaad ah in ay ku soo dhamaystiraan hawsha loo xil saaray. Ujeeddada ugu weyn ee ay leeyihiin Mudaneyaasha golaha Wakiillada, ayaa ah in ay wax ka beddel ku sameeyaan xeerkan inta aanay xilka ka tegin. Waa Maxay Wax Ka Beddelka Iyo Kaabista Ay Ku Samayn Karaan Xeerka ee Laga Filan Karo iyo Qodobada Ay Danayn Karaan. Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa doonaya in ay kaabis iyo wax ka beddel ku sameeyaan Xeerkan, iyada oo lagu salayn doono talo soo jeedinta iyo hawsha laga sugayo Guddidan ee ay Golaha la wadaagi doonaan marka ay soo dhamaystiraan wakhtiga la siiyey. Qodobada, ugu muhiimsan ee ay diirada saari doonaan, isla markaana ay wax iska weydiin doonaan wax ka mid ah wax laga yeelayo muddo xileedka Xisbiyada oo gabaabsi u dhow, madaama oo wakhtigii Liisanka Xisbinimo la siiyey ee 10 sanno ahayd ay ku eeg tahay sannadka dambe ee 2022-ka. Qodobka kale, ee ay wax ka beddelka ku samayn karaa ayaa noqon kara, madaama oo Ururrada ay ka soo bixi jireen Doorashada goleyaasha Deegaanka, isla markaana doorashadii wakhtigii Ururrada la furi lahaa ay ka soo horumartay, qaab kale ee lagu furi karo Ururrada Siyaasadda, oo Xeerkan dhigayey in 10 sanno hal mar la furo. Qodobkan waa ka ugu muhiimsan ee laga sugayo wax ay ka beddelaan Mudaneyaasha Golaha Wakiilladu Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso, oo Wargeyska Saxansaxo wax ka weydiiyey suurta galnimada qodobka furista Ururrada siyaasadda, ayaa hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in ururrada la furo, xaq distuurku siiyey muwaadiniinta ay tahay. Waxa uu intaasi ku daray in ay dhici karo doorasho la kala dooranayo Ururro Siyaasaddeed oo keliya oo shacabku u codaynayaan Ururro Siyaasaddeed oo is diiwaan geliya, si loo helo Saddex Xisbi Qaran oo shacabku doorteen, isaga oo xusay in ay meesha ka bixi karo Ururradii ku soo bixi jiray codadka Xildhibaannada reeruhu wataan. Source
  8. Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, ayaa maanta oo Axad ah si rasmiya u shaaciyay wakhtiga la bilaabi doono diiwaan-gelinta codbixiyaasha saddex degmo, oo laga qaban doono Doorashooyinka Golayaasha Degaanka oo hordhac ah. War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga ayaa lagu go’aamiyay in diiwaan-gelinta Codbixiyaasha degmooyinkaa la bilaabo 16-ka bisha May ee sannadkan 2021, islamarkaana ay socoto ilaa 29-ka bishaas May. Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn oo ka kala tirsan Karkaar, Nugaal iyo Bari ayaa la doonayaa in laga qabto Doorashooyinka Golayaasha Degaanka Puntland oo tijaabo ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Guddiga. Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Puntland: Jadwalka diiwaan-gelinta Codbixiyaasha oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  9. Hargeisa (PP News Desk) — The Secretary of Waddani, the main opposition party of Somaliland, Mr Khadar Hussein Abdi said that Waddani supports “Somalia’s maritime dispute case.” In a session with Somaliland youth groups on Clubhouse, the invitation-only audio-chat app, Khadar urged Somalis to support Somalia’s legal maritime claim. “We oppose any attempts to claim Somalia’s maritime territory. This is a common ground for all Somalis” Khadar added. Khadar Hussein Abdi: “Waddani supports Somalia’s legal maritime case”. Waddani is the first political party in Somaliland to express its position on the maritime dispute between Somalia and Kenya. In April 2009, the former Somali Transitional Federal Government of Somalia signed a Memorandum of Understanding that granted Kenya the right to claim the Somali maritime territory. In 2014 the permanent Federal Government of Somalia led by President Hassan Sheikh Mohamud sumbitted the maritime dispute case to the International Court of Justice for adjudication. Kenya has reportedly notified the International Court of Justice that it will not be participating in the hearing slated to take place on March 15th 2021. © Puntland Post, 2021 The post Somaliland Opposition Party Supports Somalia’s Maritime Case appeared first on Puntland Post.
  10. Ciidanka Suudaan ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub si sharci darro lagu soo gelinaayay dalka. Bayaan kasoo baxay ciidanka Suudaan ayaa lagu sheegay in hubka la qabtay laga soo tahriibiyay mid ka mid ah wadamda deris la ah Suudaan, inkasta oo an la magacaabin waddankaas Bayaanka ayaa intaas ku daray in ciidamadu heleen macluumaad sirdoon ah oo ku saabsan tahriibinta hubkaan sharci darada ah. Ciidamada ayaa soo bandhigay sawiro iyo muuqaal muujinaaya hubka lasoo qabtay. 7dii bishaan Maarso, ciidanka Suudaan ayaa sheegay inay qabteen hub laga soo tahriibiyay dalka Itoobiya. PUNTLAND POST The post Ciidanka Suudaan oo gacanta ku dhigay hub badan oo sharci-darro ah appeared first on Puntland Post.
  11. Dowladda Kenya ayaa isaga baxday dhageysiga kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen ilo ka tirsan xafiiska xeer ilaaliyaha dalka Kenya. Sida ay warbaahinta Kenya ku warantay dowladda Kenya ayaa sabab uga dhigtay arrintan inay ka cabanayso in maxkamadda aysan si xaq ah ula dhaqmin Kenya iyo in maxkamadda aysan doonayn in ay tixgaliso codsiga Kenya ee ah in dib loo dhigo dhageysiga kiiska iyada oo sabab looga dhigayo feyriska Corona. Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya Kihara Kariuki ayaa go’aanka dowladda maxkamada ICJ u gudbiyay isbuucii la soo dhaafay xilli maalmo uun ay ka dhinayd bilaabashada dhageysiga kiiska. “Kenya waxay rajeynaysaa inay maxkamadda ku wargaliso in aysan ka qeyb galayn dhageysiga kiiska ee bilaabanaya 15 March,” waxaa sidaasi lagu sheegay warqad uu xeer ilaaliyaha guud Kenya u diray maxkamadda. Tallaabadan lama filaanka ah ayaa imanaysa iyada oo maalinta berrito ah loo ballansan yahay in maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaalada ay billowdo dhageysiga dacwadda muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya. Waxaa uu sidoo kale go’aanka ku soo beegmayaa xilli uu aad u xumaaday xiriirka dublamasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal. Qoraalka ay dowladda Kenya u gudbisay maxkamada ICJ ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ka qeybgalka dhageysiga kiiska ee garsoore, Cabdulqawi Axmed Yusuf, oo dhalashadiisu Somaali tahay ay tahay mid shaki galinaysa kalsoonida lagu qabi karo in maxkamada ay dhexdhexaad noqonayso. Mr Kariuki, ayaa ku dooday in kiiska dhanka Kenya uu inta badan gundhigiisu yahay waxyaabo ay qareenada sharxayaan iyaga oo tusaale adeegsanaya islamarkana aan taasi lagu sameyn karin qaab maqal iyo muuqaal ah. Kenya ayaa ka cabanaysa in dhageysiga loo qabto qaab maqal iyo muuqaal ah taasi oo Mr Kariuki uu sheegay “in aysan ku haboonayn in kiis sidan u culus una muhimsan lagu qaado qaab maqal iyo muuqaal ah”. Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya ayaa sidoo kale qoraalka uu maxkamadda u gudbiyay ku sheegay in Kenya ay qareeno cusub qoratay islamarkana kulamo aysan yeelan maadama uu jiro feyriska Corona sidaasi daraadeed-na Kenya aysan si wanaagsan ugu diyaar garoobin kiiska. Dowladda Kenya ayaa shaqada ka ceyrisay qareenadii uga qeybgalay dhageysigii 2019 waxa ayna ku dhaliisha tayada qaabkii ay dacwadooda u soo bandhigeen. Maxkamadda ayaa inta badan go’aanada ay gaarto fulintooda waxay ku tashataa oo ay isku haleysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey si loo xaqiijiyo in la xushmeeyo oo loona hogaansamo go’aanadeeda. Xigasho: BBC Somali PUNTLAND POST The post Maxay Kenya sida lama filaanka ah uga baxday dhageysiga dacwadda badda? appeared first on Puntland Post.
  12. Saaka waxaa Xalane ka dhacay kulan dhexmaray, Musharixiinta , Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe. Musharixiinta waxaa kamid ahaa Xasan Sheikh, Shariif Sheikh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xasan Cali Kheyre iyo Musharixiin kale. The post Daawo Sawirada Shir Xalane ku dhexmaray Puntland, Jubbaland iyo Musharixiinta appeared first on . Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka midowga musharraxiinta mucaaradka, Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). Geelle ayaa shaaca ka qaaday inuu Farmaajo ka yaqaano xabbad la rido, xinjiro la qubo iyo xukun leysku dhajiyo, kuwaas oo dilay kalsoonidii dalka, sida uu hadalka u dhigay. “Xabbad la rido xinjiro la qubo iyo xukun leysku dhajiyo wax aan ahayn kuma ogi, kumana aqaan walaalkeey Farmaajo, saddexdaana waa waxa kalsoonidii dilay” ayuu yiri. Daahir Maxamuud Geelle oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay muhiim tahay in khilaafka siyaasadeed ee jira lagu dhameeyo miiska wada-hadalka, si xal loo gaaro. “Maanta waxaa nala siman wada hadal nabad ah iyo heshiis ku dhammaada doorasho xor iyo xalaal ah ee walaalow diidmada miiska wadahadalka, iyo carqaladaynta geedi socodka nabadda jooji,” ayuu markale ku yiti qoraalkiisa musharrax Daahir Geelle. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqat in ka musharraxiin ahaan ay doonayaan in tartanka doorashada uu noqdo mid hufan oo la’isku haleyn karo. “Annaga waxaan rabnaa inaan qayb ka noqonno dadaal hufan iyo tartan doorasho oo laysku halayn karo leh jiheeye akhlaaqeed (moral compass),” ayuu sii raaciyety. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo ay fashil kusoo dhammaadeen wada-hadalladii dowladda, gaar ahaan xukuumadda & midowga musharraxiinta mucaaradka.
  14. Kulan saaka dhex maray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi , Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Mudharixiinta ayay ugawada tashadeen Xaalada Siyaasadeed ee Dalka iyo qaabka loo wajahayo Wadahadalada la la sugayo inay dhacaan iyo sida kaga yeelayo, wax walba io soo kordha. Kulanka ayaa diirada lagu daaray Xaalada Amaan ee Dalku wajahay, Doorashada iyo Abaaraha ka jira qaybo kamida Dalka. Wali war cad kama soo bixin kulanka laakiin Sida Puntlandi.com ay xogta ku hayaan kulanka oo Madaxweyne Deni Dalbadey wuxuu ejeedkiisu ahaa in Labadaan Madaxweyne ay la tashadaan Mudharixiinta ayna dhagaystaan Mowqifkooda. Warar waxaa jira sheegaya in lagawada hadlay Talaabada ay qaadayaan hadii lagu guul daraysto Shirka la filayo inuu dhex maro Villa Soomaaliya iyo Maamulada Dalka. Hoos ka daawo Sawirada The post Sawiro, Puntland, Jubbaland iyo Musharixiinta oo ka wadatashaday Xaalada Siyaasadeed ee Dalka appeared first on . Source
  15. Hague (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hague ee dalka Holland ayaa sheegaya inuu haatan kulan gaar ah u socdo guddiga Soomaaliya u qaabilsan dhageysiga dacwadda badda ee hortaalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ. Wafdiga ka socda dowladda federaalka oo ku sugan Hauge ayaa ka doodayo arrinta soo korortay, gaar ahaan dhawaqa kasoo yeeray Kenya oo shaacisay inay isaga baxday dacwadda badda oo loo balansanaa in la gudo-galo 15-ka bishan oo beri ku beegan. Guddiga ka socda Soomaaliya ayaa la filayaa in kulankan ay ku soo bandhigan go’aankooda ku aadan hortegitaanka waqtiga balanta ee maxkmadda ICJ. Kiiska badda oo marar kala duwan dib u dhacay ayaa si weyn isha loogu hayaa, iyada oo haatan laga war-dhowrayo go’aanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya & midka maxkamadda cadaaladda aduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano ICJ. Kenya ayaa u sababeysa go’aankeeda cudurka Covid-19, maxkamadda oo u xaglineyso Soomaaliya & dood ay ka keentay garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo ah Soomaali. Si kastabna wafdiga Soomaaliya metalaya waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Xeer ilaaliyaha Qaranka, Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Erygayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka & sidoo kale wakiilo kala duwan oo Soomaaliya ka socda.
  16. Dawladda Kenya ayaa la sheegayaa in aanay ka qayb galahayn dhagaysiga dacwadda badda ee ka dhaxaysa dalka Soomaaliya, sida ay saaka ku warameen qaar ka mid ah warbaahita Kenya. Wargayska ugu wayn Kenya ee Nation ayaa saaka daabacay in xukuumadda Nairobi ay ka baxday kiiska badda, ka hor maalinta Isniinta oo la dhagaysan lahaa sheegashooyinka labada dhinac. Kenya ayaa la sheegayaa in ay rabto in dib loo dhigo dacwadda taasina ay tahay sababta ugu wayn ee dacwadda ay uga baxday. Waxa sidoo kale wararka qaar ay sheegayaan in Uhuru Kenyatta uu rabo in inta uu xafiiska joogo aan la xukumin kiiska badda, taas oo hadii Soomaaliya loo xukumo ku noqonaysa bar madaw. Source
  17. (SLT-Hargeysa)- Xubno ka tirsan Machadka Nabadda iyo Daraasaadka Khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa ayaa la sheegay inay ku soo bandhigeen xasuuqyadii hore ka dhacay dalka, shir caalami ah oo loo qabtay xuska xasuuqyadii hore caalamka uga soo dhacay, isla markaana lagu baranayey hanaanka looga hortago dembiyada waxashnimada. Kulanka oo ka dhacay caasimada Dhaka ee dalka Bangaladesh, loona adeegsaday habka muuqaal-araga-fog, kana hadleen 75 marti-sharaf oo wadamadda caalamka ka socday ayaa la sheegay in Aqoonyahano ka socday Somaliland ka qeybgaleen, isla markaana warbixino la xidhiidha mowduuca xasuuqa ka jeediyeen. Shirkan oo Jimcahii shalay la qabtay, soona qaban qaabiyeen Matxafka Dagaalkii Xoreynta (LWM), ee Dhaka, ayaa Paulo Casaca, gudoomiyaha Hay’adda Dimoqraadiga Koonfurta Aasiya, kaga hadlay ‘Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee Bangladesh; hanaan, muhiim u ah isla xisaabtanka, halka Dr. Siegfried O. Wolf, agaasimaha Cilmi-baadhistu ka hadlay ‘dagaalka xoreynta Bangladesh iyo doorka jilayaasha caalamiga ah, sida lagu sheegay mareegta SADF. Shirka oo aqoonyahano ka socday Machadka Nabadda iyo Daraasaadka Khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa ka qeybgaleen ayey ku soo bandhigeen warbixino la xidhiidha xasuuqyadii hore ka dhacay dalka ka jeediyeen. Aqoonyahanadda Maxamed Cabdillahi Ducaale, iyo Maxamed Barwaani oo metalayey Machadka Nabadda ayaa la sheegay inay kaga hadleen warbixin ku saabsan “Marka Dawladdu disho Muwaadiniinteeda: Dacwadda Dawladda Milatariga ee Soomaaliya ee ka dhanka ah dadka reer Somaliland” sida uu ku sheegay fariin ku baahiyey bartiisa twitter Maxamed Ducaale shalay. Safiirka JSL u jooga dalka Taiwan Maxamed Xaaji oo ka hadlay ayaa bogaadiyey qabanqaabiyeyaasha iyo xubnaha ka qeybgalay, isla markaana sheegay in hore xasuuq fool xun uga dhacay Somaliland, waxaanu fariin ku sheegay ‘Waad ku mahadsan tihiin kuwii soo abaabulay iyo kuwii ka soo qeyb galay “Shirka Caalamiga ah ee Xusuusta xasuuqyadii hore iyo barashada kahortaga dambiyada waxashnimada ah. Somaliland, in ka badan 200,000 oo qof ayaa la xasuuqay – oo ah falkii ugu xumaa ee xasuuqa taariikhda aadanaha.” Source
  18. Madaxweeynayaasha dowlad gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa la filaya in saacadaha soo socda ee maanta ay kulan la qaatan Midawga Musharixiinta . Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho iyo Axmed Madoobe ayaa lagu wada in kulan looga hadlo xaaladda siyaasadeed ee dalka si gaar ah Arrimaha dooorashooyinka . Madaxweeynaha Jubbaland oo maalmihii la soo dhaafay dhankiisa ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa kulama la qaadanayay mas’uuliyiin kala duwan. labada madaxweeyne ayaa waxa ay dagan yihiin hooy ku yaal Airport-ka magaalada Muqdisho . Source: goobjoog.com
  19. Iyadoo maalinta berri lagu wado in Maxkamadda ICJ ay bilowdo dhageysiga dacwadda Badda ayaa waxaa soo baxaya in Kenya ay qorsheyneyso inay ka baaqato dhageysiga dacwadda. Kenya ayaa waligeed diidaneyd in dacwada badda lagu dhammeeyo Maxkmadda horteeda, waxaana taa bedelkeed ay rabtay in wadahadal iyo meelo kale lagu xalliyo. Hase ahaatee dowladda Soomaaliya oo dacwada gudbisay sanadkii 2014 ayaa diiday isku day kasta oo ay Kenya ku dooneyso arrintaas iyo in la aado meel ka baxsan Maxkamadda Haddaba waxaa halkan ku soo koobeynaa shan qodob oo ka mid ah isku dayadii Kenya: 1. Billowgii waxa ay ku doodday in maxkamadda ICJ ayaan awood sharciyadeed u lahayd kiiska. -ICJ ayaa xukmisay in ay awood u leedahay kiiska, ayna qaadayso 2. Waxa ay ku doodday in dacwada lagu xalliyo hab diblomaasiyadeed -Soomaaliya ayaa ka diidday oo sheegtay in isku daygii diblomaasiyaddu uu fashilmay. 3. Dhowr jeer ayay codsatay in dib loo dhigo dhagaysiga dacwada iyo ballamo kale oo muddaysnaa – Waa laga yeelay marka laga reebo codsigeedii ugu dambeeyay oo ay maxkamaddu diidday. 4. Waxa ay isku dayday in dacwada ay galaan Midowga Afrika ayadoo ajandaha gaysay golaha ammaanka ee Midowga Afrika, Soomaaliya ayaa diidday, goluhuna waa uu joojiyay arrintaas. 5. Hadda waxaa la soo sheegayaa in ay ka baaqanayso dhagaysiga kama dambaysta ah ee berri ka dhacaya The Hague. -Ma filayo in loo joojin doono, mana ahan markii ugu horreysay ee dhinac ka mid ah dowlado ay dacwo ka dhaxaysay ay ka baaqdaan dhagaysi ama Xataa xukunka maxkamadda. Kenya waxa uu hadafkeedu ahaa in ay waqti badan socoto maxkamaddu -taas oo soo jiitantay 7 sano- ayada oo doorbidaysay in dacwada lagu xalliyo hab diblomaasiyadeed. Sidaas darteed wax lala yaabo ma ahan in ay marmarsiyo cusub la timaado. Baddaas Waxaa iska leh Soomaaliya. Waxaana rajaynayaa in ay maxkamaddu caddayso dhawaan. Waxaa qoray: Yuusuf Sheekh Ciise Source
  20. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, oo ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa maanta kulan gaar ah la yeelan doona Midowga Murashixiinta Mucaaradsan Villa Somalia. Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, ayaa xaqiijiyay in Kulanka labad dhinac looga wada-hadli doono xallinta muranka ka taagan Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya. Wararku waxay sheegayaan, in dhinacyada maanta shirsan ay doonayaan in ay mowqif midaysan ka qaataan marxaladda siyaasadeed ee wakhtigan dalku marayo. Sidoo kale, waxay wadaan worshe hoose oo ku jihaysan, sidii meesha looga saari lahaa Madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulankan gaarka ah ayaa ku soo beegmaya, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda uu Muqdisho ka furmo shir ku saabsan xallinta muranka Arrimaha Doorashooyinka dalka. PUNTLAND POST The post Deni, Axmed Madoobe iyo Midowga Mucaaradka oo maanta u shirsan Farmaajo appeared first on Puntland Post.