Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,346
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garowe (PP News Desk) — Transitional Puntland Electoral Commision today published the schedule for voter registration in Puntland State. Voter registration will run between 16 and 29 May 2021. TPEC will oversee the pilot local elections to be conducted in two districts — Qardho and Eyl — and one village, Ufayn. TPEC Commissioners unveiling the voter registration schedule in Garowe Ten political associations will contest the limited local government elections, the first of its kind since Puntland political stakeholders rejected the democratisation initiative proposed in 2013 by the former Puntland President Abdirahman Farole. Some political associations have reservations about the pilot local elections confined only to three local jurisdictions. “TPEC disenfranchises 80% of eligible voters in Puntland State” said Hassan Abdi, a retired civil servant. TPEC has conducted civic engagement events at the three jurisdictions it had designated as the venues for the pilot local elections. © Puntland Post, 2021 The post TPEC Publicises Voter Registration Dates in Puntland appeared first on Puntland Post.
  2. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa shaki weyn geliyey shirka Xalane, islamarkaana sheegay inay doonayaan shir ay Soomaalida dhexdeeda is-maamusho, oo ay marti geliyaan dowladda federaalka ama dowlad goboleedyada. Hadalkan ayaa waxaa caawa sheegay Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle oo wax laga weydiiyey hadii ay jiraan shuruudo ay Galmudug ku xirtay ka qeyb galka shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada lagu wado ay ku yeeshaan xerada Xalane ee beesha caalamku ka degantahay Muqdisho. Wasiir Falagle oo u waramay TV-ga Dalsan ayaa sheegay in ka Galmudug ahaan ay qabaan in Soomaalidu ay kaligeed wada-hadasho oo aan loo dhaxeyn, sidaas darteedna ay doonayaan in shirka soo socda ay marti geliso dowladda federaalka ama mid ka mid ah maamul goboleedyada. “Galmudug waxay ka aaminsantahay shirarka Soomaalida, khilaaf-yadeyda iyo howlaheeda inay iyadu xalisato, sida aad ogtihiin shirarkii ugu badnaa ee doorashada Galmudug ayaa lagu qabtay, waxna waa lagu heshiiyey, waxna waa weli, marka Soomaalidu khilaafkeeda inay iyadu xalisataa loo baahan yahay, mar kastana isku filnaashaha Soomaaliya ayaan u taaganahay,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Falagle. Waxa uu sheegay in xerada Xalane ay Soomaaliya ku taallo, laakiin Galmudug ay dooneyso in shirka looga hadlayo doorashada ay dowaldda federaalku hoggaamiso ama dowlad goboleed kale uu gogosha dhigo. Mar uu soo hadal qaaday safarka madaxweyne Qoor Qoor uu ku joogo Turkiga ayuu yiri, “Madaxweynuhu caafimaad uma tigin dalkaas, ee sida aad ogtihiin Turkigu waa dalka noogu kaalmeynta wanaagsan, marka xiriir Galmudug iyo Turkiga ah ayuu ku qotomaa safarka madaxweyne Qoor Qoor, Covid-19 wixii uu nagala qaban karo, waxbarashada iyo xaga amniga oo ciidamadii Daraawiishta Galmudug oo tababarka dhameystay ay qalab u baahan yihiin, marka shaqa guud oo Galmudug ah ayuu madaxweynuhu la wadaagayaa Turkiga,” ayuu yiri Wasiir Falagle. Hoos ka dhageyso wareysiga
  3. Laba Murrashax oo Xisbiga Kulmiye ka sharaxayey Gobolka Togdheer oo kala ahaa Cabdilahi Yuusuf oo Golaha Wakiilada u sharaxnaa iyo Suldaan Jaamac Golaha Deegaanka ee Burco u sharaxnaa ayaa u gudbiyey Xisbiga Kulmiye Warqada Iscasilaadooda. Xubnaha ayaa iska sharaxay Xisbiga Waddani Source
  4. A political giant of his time and righter of wrongs whose character and unwavering search for peace and reconciliation will be his enduring legacy. “Walaalayaal: I implore you to understand one thing: the purpose wars serve will never justify the death and destruction they cause. It is only through forgiveness and reconciliation that we can be united.” This was Ali Mahdi speaking a few months ago. It read like a valedictory speech from Somalia’s former president and an almost prescient warning for what is happening in our country today. Yet, sadly it turned out to be his last farewell. Ali Mahdi was always opposed to violence, injustice and tyranny. He did not actively seek to be a president, but the presidency chose him because he was the man of the moment and Somalia needed him. It was a remarkable feature of the man that he spent more time worrying about how to hand over power peacefully, than hang on to it. When the presidential role was thrust upon him, the duty of office weighed on him mightily. He later recalled that the responsibility was truly overwhelming. Ali Mahdi never saw himself as being destined to lead the country, but merely as a caretaker who was always waiting to hand over power to anyone chosen by the people. He was deeply mindful of the grave responsibilities of leadership and the allure of the presidency did not go to his head. In many ways, the country he inherited in 1991 experienced immense destruction and was already in the throes of a civil war. At the time, people associated government with tyranny, leading to pessimism and widespread mistrust of officialdom. Despite the difficult challenges facing him, his aim stayed just the same: bring the people together. He was an impossible-times president who was facing an imposing problem. In the midst of war, he sent delegations to every corner of the country, hoping to stop the descent into civil war. When many around him felt they had to defend themselves and take over the country by force, he refused because he understood war would unleash destruction and mayhem. He opted to defend the country instead by taking pride in his view that reconciliation was the only way to bring the country together. It meant he had to stand alone. It was what mattered to him. When his efforts did not succeed and a civil war broke out in Mogadishu that split the city into North and South across a green line of control, his aim of bringing the country together was in tatters, but his hope was undimmed. The war cost many thousands of lives and displaced millions. He was, it was said, left with huge regret at both the war itself and the failure to stop it happening. It was a turning point for him. As the country stumbled on from crisis to crisis, his determination to bring Somalis together never wavered, nor did he lose sight that which he held most valued: Somalis reconciling and deciding their own fate. He had far greater patience and tolerance for difficulties than most and his efforts eventually bore fruit. The reconciliation conferences led to transitional governments, giving birth to today’s Somalia. Ali Mahdi achieved many things, but above all it was his character that was indeed a rarity in Somali politics. It troubled him that he did not succeed in many of the things he set out to do all these years, but he knew that he did his best in the circumstances. Perhaps, his greatest strength was never giving up on the country and the people he loved. Later in his life, he did not slip into oblivion, rather took an active role in peace-making. He was a counsellor of last resort, supporting national and community initiatives at different levels. At his last public appearance, he repeated his hope for true reconciliation that will bring Somalis together again. He continued to warn us not to forget that our country’s past was always present. He wanted us to understand the dangers of slipping back into disunity, injustice and tyranny and told us that division would benefit no one. His passion for righting wrongs was as strong as ever. He stood for justice and against aggression in whatever shape it took. In these darkened times, Somalia has lost an important light for peace and reconciliation and a true leader we never knew we had. Somalia is at cross-roads today and, thirty years later, we are wiser, having seen the calibre of those that have come after him. We now appreciate the value of good government but continue to search for that leader who could deliver it. We are once again facing another test of character. Let us hope Ali Mahdi’s legacy becomes the inspiration to the politicians of today. Ali Mahdi lived for his people and died amongst them. He did his best for our country during its darkest period. For that, the people of Somalia will owe him a huge debt of gratitude. May Allah forgive him and reward him with Jannat. Aamiin. Abdi Ali can be reached at abdirahman.ali3@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
  5. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa isaga baxday dacwadda badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya, taas oo hor taalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, isla markaana Isniinta berri loo balansan yahay dhageysiga u dambeeya ee kiiskaas. Sida uu baahiyey Wargayska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya xeer ilaaliyaha guud ee dalkaas ayaa ka qaybgelid la’aanta dhageysiga kiiskaas u sababeeyey cudurka COVID-19, qareennadooda oo aan meel iskugu imaan karin cudurka dartiis, maxkamadda oo ku gacanseyrtay dalabkoodii waqti dheeraad ah oo ay isku soo diyaariyaan iyo qodobo kale. Hadaba maxaa dhici kara hadii dowladda Kenya ay go’aakeedaasi ku adkaysato oo aysan ka qeyb gelin doodaha is difaaca ah ee Isniinta laga hor jeedin doono maxkamadda? maxaase laga filan karaa maxkamadda oo go’aan ah? Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad waa mid ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ka faalooda arrimaha Geeska Afrika, waxuuna su’aalahaas uga jawaabay wareysi uu siiyey VOA. “Qodobka 53-aad ee sharciga maxkamadda addunka waxuu dhigayaa hadii mid ka mid ah labada qolo ee is heysata uu hor tegi waayo maxkamadda, kan kale waxuu fursad u heytaa inuu yiraahdo ‘anaga noo xukuma’ laakiin markii aad fiiriso qodobada kale ee sharciga maxkamaddu waxay uga baahaneysaa dalka wax loo xukumaayo cadeymo dhameystiran oo sax ah, kuwaas oo ku filan go’aan ay kiiskaas ka qaadan karto maxkamaddu,” ayuu yiri Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad. Waxa uu sheegay in berri oo Isniin ah – 15-ka Maarso ay maxkamaddu guda geli doonto howsheeda, isla markaana la dhageysanayo dooda garabka jooga ee Soomaaliya. Prof. Cabdiwahaab Sheekh ayaa sheegay in maxkamaddu ay awood u leedahay xukunka kiiskan, isagoo tusaale u soo qaatay kiis sidaan oo kale ah oo ka dhaxeeyay dowladaha Shiinaha iyo Filibiin, kaas oo Shiinaha ku kalifay inuu isaga baxo diiwaanka maxkamadda, balse ICJ markii ay dhageysatay kiiskaas ay u xukuntay Filibiin. Sidoo kale waxa uu sheegay in weli Kenya ay dooneyso in kiiskaan lagu xaliyo si derisnimo iyo walaalnimo ah, iyadoo la kaashaneysa Midowga Afrika, “Waligeed Kenya waxay ku dadaaleysay in si Afrikaanimo ah loo wada-hadlo, laakiin dowlada Soomaaliya hadii ay ka yeeleyso iyadey u taallaa,” ayuu yiri. “Hadii maxkamaddu ay kiiskaan u xukunto Soomaaliya ama Kenya laba gooraba xiisadu cirka ayey isku shareeri doontaa, waxuuna kiiskaan amuurayaa xiisad hor leh oo dhex-marta labada umadood iyo labada dowladood, marka waxay ku haboontahay inay ka wadahadlaan madaxda labada dal oo loogu heshiiyo si walaalnimo iyo derisnimo ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/03/810671f7-73ae-4265-84e3-3f5bf7cd4af1_16k.mp3
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa qoraal uu soo saaray uga warbixiyey kulan gaar ah uu maanta magaalada Muqdisho kula yeeshay madxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, kaas oo ay isaga wareysteen xaaladda guud ee dalka. Musharax Jabriil Ibraahim ayaa sheegay in kulankaas ay diiradda ku saareen arrimaha doorashooyinka, geedi socodka iyo mustaqbalka dowaldnimada Soomaaliya. “Kulanka aniga iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe na dhexmaray waxaa uu ahaa mid muhiim u ah geedi socodka dowladnimo, mustaqbalka dalka iyo shirka lagaga hadlayo arimaha doorashooyinka ee dhawaan ka dhici doona Magaalada Muqdisho, maadaama aan is weydaarsanay dhowr qodob oo xal wada jir ah keeni kara, hadana waxaa si shaqi ugu booriyay in qeyb weyn ka qaato xal u helida dhibaatooyinka ku xeeran hirgelinta doorasho la wada ogol yahay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Jabriil Ibraahim Cabdulle. Sidoo kale Jabriil ayaa sheegay in Cali Guudlaawe ay si qota dheer isaga wareysteen muhiimadda uu dalkeenna u leeyahay isu tanasulka iyo ka fogaanshaha wax kasta oo dadka sii kala fogeyn kara. “Sidoo kale waxaan si qota dheer uga sheekeysaney ahmiyadda ay leedahay tanasulaadda iyo in laga fogaado wax yaabaha kala fogaanshaha dhalin kara, iyadoo lagama maarmaan ay tahay in mar walba la hormariyo danta guud iyo jiritaanka qaran Soomaaliya,” ayuu yiri Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ah Musharax xilka Madaxweynaha Soomaaliya sanadkan 2021-ka.
  7. Minister of Interior for the Federal Government of Somalia Mukhtar Hussein Afrah, has met with the Turkish ambassador in Somalia, Mehmet Yilmaz in Mogadishu on Sunday. The two sides discussed ways to further strengthen ties between Somalia and Turkey. Turkish Ambassador to Somalia Mehmet Yilmaz tweeted, “I am pleased to meet with the Somali Minister of Interior. We have discussed bilateral relations and strengthening cooperation between the two countries.” Turkey developed close relations with Somalia in 2011 when Erdogan paid a visit to Mogadishu, becoming the first non-African leader to arrive in the country. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo muhiim ah oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay diidan yihiin shirka la qorsheeyey inuu dhaco magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadli doono muranka la xariira doorashada Soomaaliya. Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa noo sheegay in ilaa hadda ay Qoor-Qoor iyo Laftagareen ku maqan yihiin dalka Turkiga islamarkaana aysan qorshaha ugu jirin in ay soo baxaan dhowaan si ay uga qeyb galaan shirka muhiimka ah ee looga hadlayo doorashooyinka dalka. “Wali ma go’aansan inaa imaano, haddii ay dhacdana waxaan qaadan doonaa waqti si ay noo sugaan inta aan sugi jirnay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ku dhow Qoor Qoor. “Inaa muhiim nahay ayaa rabnaa inaa dareensiino beesha caalamka si aan muhiim loogu arkin oo kaliya qofkii wax diida, Deni iyo Axmed-na waxaan rabnaa inaa tusino sugitaanka dhibka ay leedahay maadaama aan waligeen annaga sugi jirnay,” ayuu yiri. Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Axmed Cabdi Kaariye ayaa muddo ka badan 10 maalmood waxay ku sugan yihiin dalka Turkiga iyadoo ay xusid mudantahay in ay ahaayeen madaxda ugu horreysa ee iska xaadiriya goobaha lagu qabanayo shirarka doorashada Soomaaliya. Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaa sidoo kale qorshaha uu yahay in xitaa marka ay yimaadaan Muqdisho ay dalbadaan in shirka uu ka dhaco Villa Somalia, oo aysan dooneyn inay uga qeyb galaan Xalane. Qorshahan ayaa waxaa gadaal ka riixaya madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Farmaajo oo dejiyey dhowr qorshe oo kala duwan oo uu ku fashilinayo shirka Xalane.
  9. The U.N. office for the coordination of humanitarian affairs, OCHA, reports an estimated 2.7 million Somalis will face severe food shortages over the coming months as drought conditions affect more areas in the country. Somalia’s decade-long drought continues to chip away at people’s ability to cope with this seemingly never-ending disaster. The worst has not yet come to pass. The U.N. reports pre-drought conditions already can be seen in parts of Somaliland, Puntland, Hirshabelle, Galmudug and Jubaland states. OCHA spokesman, Jens Laerke, says people in these areas, who have barely recovered from last year’s poor seasonal rains, are facing a similarly grim situation this year. “Tens of thousands of people in Somalia have been forced to leave their homes since November because of extreme water shortages, and forecasts now indicate that the current rainy season, which runs from March to June, will only deliver below average rainfall,” said Laerke. Relief agencies report two consecutive seasons of scant rain results in crop failure, poor livestock production, and acute food insecurity. Laerke says the hunger crisis in Somalia will be at its worst between April and June. Among the estimated 2.7 million Somalis affected he says are 840,000 children under age five. “That is an increase of more than 65 percent compared to current levels,” said Laerke. “Water shortages will also increase the risk of disease outbreaks… The loss of rain-fed pasture is threatening the survival of livestock which is the foundation of many Somalis’ livelihoods. Displaced people have told OCHA that they are moving in search of water and pasture for their animals.” The United Nations has appealed for $1 billion to provide life-saving assistance this year to four million people in Somalia affected by conflict, climate change and COVID-19. Laerke says only 2.5 percent of that funding has been received, a sum well below that needed to help Somalia cope with this emergency. View the full article
  10. Kenyan troops serving under the African Union Mission in Somalia (AMISOM) have supplied clean potable water and foodstuffs to the residents of Bura Hache and Gherille in Gedo region of Somalia, benefiting over 400 households. The area is currently experiencing an acute shortage of clean water and the intervention by AMISOM troops seeks to alleviate the hardships by ensuring that the local community has access to clean and safe water for consumption. The local administration and residents thanked AMISOM troops for their gesture and assured them of their continued collaboration in the fight against terrorism in order to restore peace and stability in Somalia. View the full article
  11. Kenya will not take part in Monday’s hearings over its maritime border dispute with Somalia at the International Court of Justice, government sources have told the BBC. Kenya accuses the ICJ of bias in the case, which concerns a 62,000 sq miles (160,000 sq km) triangle in the Indian Ocean. The area is thought to be rich in oil and gas. The dispute is at the heart of a diplomatic row between the neighbours. Kenya had asked for the case to be delayed while it briefed a new legal team, and also cited the coronavirus pandemic, but the ICJ ruled the case should be heard virtually on Monday. Kenya also objects to the presence on the ICJ panel of a Somali judge, saying he should recuse himself. Somalia brought the case in 2014, saying the maritime frontier should follow on in the same direction as the land border, while Kenya argues that it has always been taken in a horizontal line from the point where the two countries meet at the coast. Kenya’s legal team is understood to want to brief the ICJ for 30 minutes on Monday before the hearing officially starts. Somalia also accuses Kenya of interfering in its internal affairs by backing the administration of the Jubbaland region against the federal government. However, the two countries are allies against the al-Shabab Islamist group, which controls many rural parts of Somalia and has staged numerous deadly attacks in Kenya. View the full article
  12. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax, ayaa kulan la qaatay Safiirka Turkiga u Jooga Soomaaliya Mudane Mehmet Yilmaz. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xeriirka ka dhaxeeeya labada dal. Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter ku yiri “waxaan ku faraxsanahay inaan kulan la qaato wasiirka arrimaha gudaha soomaaliya, waxaan ka wadda hadalnay xariirka labo geesood ah iyo xoojinta iskaashiga labadda waddan” View the full article
  13. Affar gaari oo Land cruiser Helix ah ayaa maanta lagu wareejiyay wsaaradaha, Biyaha, Xanaanada Xoolaha, Qorsheynta Galmudug iyo Unuga hormuudka ka ah mashruuca horumarinta biyaha ee Biyoole. Munaasabad lagu qabtay xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa waxaa goobjood ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka. Gaadiidkaan ayaa loogu talo galay in uu u adeego mashruuca Biyoole, si loo gaaro degaanada ka fog magaalooyinka ee la rabo in mashruucu gaarso, sida adeegyadiisa Biyaha, Beeraha, Xanaadana xoolaha iyo horumarinta deegaanka. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa maanta si wadajir ah xarunta Xalane kulan kula yeeshay midowga musharaxiinta iyadoo wali aan laga heshiin arrimaha doorashooyinka dalka. Kulanka wuxuu ku saabsanaa mid looga hadlay xaaladaha hadda ka taagan dalka oo ay ugu weyn tahay sidii loo qaban lahaa doorasho xor oo xalaal ah, waxaana la fahamsan yahay in labadaan madaxweyne iyo midowga musharaxiinta ay aad isugu dhaw yahiin aragti ahaan. Madaxweynahii hore Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray qoraal uu ku cadeynayo ujeedada kulankii maanta ay la yeesheen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe. “Kulanka Golaha Midowga Murashaxiinta, iyo M/weynayaasha dowladaha Puntland iyo Jubaland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu qeyb kayahay dadaalka loogu jiro sidi dalka looga qaban lahaa doorasho xalaal ah, heshiis lagu wada yahay, oo si nabad ah ku dhacda,” ayaa lagu soo qoray bogga Shariif. Wadahadalkaan halka maalin ah ayaa kusoo aadaya xilli la wada sugayo in dhawaan uu shir uga qabsoomo Muqdisho madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, kaas oo la rabo in go’aan looga gaaro arrimaha doorashooyinka . “Midowga murashaxiinta ayaa kulan miradhal ah la qaatay labada madaxweyne ee dawlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Waxaan ka wada hadalnay sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho loo simanyahay, la isla ogolyahay, si nabad ah ku dhacda,” qoraalkaan waxaa bartiisa Facebook kusoo qoray hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabsiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
  15. Cumaan oo dalkeeda ka xanibtay app-ka ClubHouse Clubhouse Cumaan ayaa Axadda maanta ah xayirtay app-ka codka ah ee Mareykanka laga leeyahay ee ‘Clubhouse’ iyadoo mas’uuliyiintu ay ku sababeeyeen inuusan haysan ogolaansho sax ah. Laakiin qaar ka mid ah u dhaqdhaqaaqayaasha bulshada ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay dagaal horleh oo ka dhan ah xorriyadda hadalka ah. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in dowladdu aysan ka jawaabin codsi ah in ay faahfaahiso go’aankan. Hase ahaatee, sarkaalka u sarreeya Hay’adda Isgaarsiinta Cumaan ayaa u sheegay website-ka wararka ee WAF in app-ka loo xannibay “ruqsad-la’aan”. Hashtag-ga Oman_blocks_Clubhouse ayaa Axadda maanta ah qabsaday doodaha isticmaalayaasha baraha bulshada ee Cumaan. “Dowladda Cumaan waxa ay dowladda kali-taliska ah ee China ka dhigatay tusaale ay ku dayato. Clubhouse waa madal ay dadka reer Cumaan u adeegsadaan inay ku cabiraan ra’yigooda si xor ah oo aan lahayn faaf-reebka dowladda,” sidaasina waxaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Cumaan. Qaran News
  16. Boqortooyada Sacuudiga oo meel marisay Sharci farxad geliyey Ajaaniibta ka xoogsada Gudaha dalkaa Shaqaala ajnaabiga ee Sacuudiga ka shaqeeya Sacuudi Carabiya ayaa meel marisay sharci in badan la sugayey oo ku saabsan in meesha laga saaro nidaamka ‘Kafaala’ ama kafaala-qaadka ee shaqaalaha ajnabiga uu qof wakiil uga noqonayey. Shaqaalaha ajnabiga ee Sacuudi carabiya ku sugan waxaa horay loogu xiri jiray iney oggolaasho iyo kafaala-qaadba ay ka helaan cidda ay u shaqeynayaan. Haddii shaqaalaha iyo qofka loo shaqeynaya uu khilaaf ka dhex dhacana ay dhici jirtay in shaqaalaha kafaala-qaadka lagala noqdo taasina ay keento inuu si sharci ah dalka Sacuudiga uu uga shaqeysan karin. Bishii Novebmer ee sanadkii hore, wasaaradda shaqada iyo horumarinta bulshada ee dalkaasi waxay ku dhawaaqday iney meel marineyso qorshe ay wax kaga beddeleyso nidaamki kafaala-qaadka ee shaqaalaha ajnabiga lagu xirayey. Nidaamkaasi oo dhigayey inuu qofka shaqaalaha ah qofka ama cidda uu u shaqeeyo oo keli ah uu rusqada shaqada iyo degganaashaha Sacuudiga uu u cusbooneysiin karo ama uu ka joojin karo. Sacuudiga wuxuu sheegay inuu qaaday xayiraadihi ugu waaweynaa ee shaqaalaha ajnabiga ah ka saarnaa inuu helo sharciga shaqada iyo degganaashaha dalkaasi. Dalka Qadar ayaa horay ugu dhawaaqay inuu wax laga beddelay sharciga shaqaalaha ee Ajnabiga ah ee ka soo jeeda dalka Nigeriya, iyada oo ka duuleysay dhibaatooyinkii ka dhacay Lubnaan. Kooxaha u dooda xuquuqda shaqaalaha waxay ku doodayaan nidaamkaasi inuu shaqaalaha gaar ahaanna kuwa dhismaha ama guriyaha ka shaqeeya ee aadka u nugul iney shaqaalaha u shaqeeya ku xadgudbaan. Xadgudubyada ay u geystaanna waxay ku sheegeen iney ka mid yihiin iney baasboorrada ka qaadaan, iney saacado dheeri ah shaqeeyaan iyo iney u diidaan lacagihi ay ku shaqeeyeen. Nidaamka cusub ee ay Boqortooyada dib u habeynta ku sameysay shaqaalaha soo galootiga ah wuxuu dhigayaa shaqaalaha iney shaqooyinkooda wadan karaan ilaa uu ka dhaco heshiiska shaqo ee lala galay. Shaqaaluhu sidoo kale waxay awoodi doonaan inay wareejiyaan shaqooyinka inta uusan dhammaan qandaraaskooda shaqo haddii cidda ay u shaqeynayaan wakhtigi looga talagalay ku wargeliyaan. Shaqaaluhu sida oo kale waxay helayaan xorriyad ay ku safraan iyaga oo aan wax fasax ah uga baahan cidda ay u shaqeynayaan. Hay’adaha dowliga ee arrimahan u xilsaaran waxaa kale oo ay sheegeen in sida oo kale shaqaalaha ajnabiga ah ee aan la siinin qandaraas shaqo ama mushaaraadkooda la siinin loo diyaariyey shuruudo. Qaar ka mid ah waddamada Khaliijka ayaa sanadihi u dambeeyey isbeddello ku sameeyey nidaamka ‘kafaala’ (kafaala-qaadka) ee shaqaalaha wakiilka uga noqonaya qofka uu u shaqeeya, arrintaasi oo ahayd mid ku baahsan lixda waddan ee xubinka ka ah golaha iskaashiga khaliijka. Dadka dhaleeceeya arrintan waxay sheegaan xadgudubyada iney sii socon doonaan, ilaa iyo inta ay shaqada iyo fiisooyinka dagganaashaha ay ku xiran yihiin ‘Kafiil’ ama qofka shaqaalaha kafaala-qaada. Qaran News
  17. Sababtay Dawlada Kenya uga baxday dhageysiga dacwadda Badda ee ka dhaxaysa Somalia? Garsoorayaasha maxkamada ICJ Dowladda Kenya ayaa isaga baxday dhageysiga kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen ilo ka tirsan xafiiska xeer ilaaliyaha dalka Kenya. Sida ay warbaahinta Kenya ku warantay dowladda Kenya ayaa sabab uga dhigtay arrintan inay ka cabanayso in maxkamadda aysan si xaq ah ula dhaqmin Kenya iyo in maxkamadda aysan doonayn in ay tixgaliso codsiga Kenya ee ah in dib loo dhigo dhageysiga kiiska iyada oo sabab looga dhigayo feyriska Corona. Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya Kihara Kariuki ayaa go’aanka dowladda maxkamada ICJ u gudbiyay isbuucii la soo dhaafay xilli maalmo uun ay ka dhinayd bilaabashada dhageysiga kiiska. “Kenya waxay rajeynaysaa inay maxkamadda ku wargaliso in aysan ka qeyb galayn dhageysiga kiiska ee bilaabanaya 15 March,” waxaa sidaasi lagu sheegay warqad uu xeer ilaaliyaha guud Kenya u diray maxkamadda. Tallaabadan lama filaanka ah ayaa imanaysa iyada oo maalinta berrito ah loo ballansan yahay in maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaalada ay billowdo dhageysiga dacwadda muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya. Waxaa uu sidoo kale go’aanka ku soo beegmayaa xilli uu aad u xumaaday xiriirka dublamasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal. waxyaabaha kale ee ay Kenya ka cabanayso Qoraalka ay dowladda Kenya u gudbisay maxkamada ICJ ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ka qeybgalka dhageysiga kiiska ee garsoore, Cabdulqawi Axmed Yusuf, oo dhalashadiisu Somaali tahay ay tahay mid shaki galinaysa kalsoonida lagu qabi karo in maxkamada ay dhexdhexaad noqonayso. Mr Kariuki, ayaa ku dooday in kiiska dhanka Kenya uu inta badan gundhigiisu yahay waxyaabo ay qareenada sharxayaan iyaga oo tusaale adeegsanaya islamarkana aan taasi lagu sameyn karin qaab maqal iyo muuqaal ah. . Kenya ayaa ka cabanaysa in dhageysiga loo qabto qaab maqal iyo muuqaal ah taasi oo Mr Kariuki uu sheegay “in aysan ku haboonayn in kiis sidan u culus una muhimsan lagu qaado qaab maqal iyo muuqaal ah”. Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya ayaa sidoo kale qoraalka uu maxkamadda u gudbiyay ku sheegay in Kenya ay qareeno cusub qoratay islamarkana kulamo aysan yeelan maadama uu jiro feyriska Corona sidaasi daraadeed-na Kenya aysan si wanaagsan ugu diyaar garoobin kiiska. Dowladda Kenya ayaa shaqada ka ceyrisay qareenadii uga qeybgalay dhageysigii 2019 waxa ayna ku dhaliisha tayada qaabkii ay dacwadooda u soo bandhigeen. Maxkamadda ayaa inta badan go’aanada ay gaarto fulintooda waxay ku tashataa oo ay isku haleysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey si loo xaqiijiyo in la xushmeeyo oo loona hogaansamo go’aanadeeda. Kenya ayaa imika xubin aan joogta ahayn ka ah golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Qaran News
  18. Guddiga gurmadka abaaraha ee xukuumadda Soomaaliya u xil saartay ka jawaabista xaaladaha abaaraha ayaa sheegay in ay heleen jawaabo wax ku ool ah oo ku aadan wax u qabashada dadka ay saameeyeen abaarahaasi . Shir jaraa’id oo maanta magaalada Muqdisho ku qabteen guddoomiyaha guddiga ahna wasiirka maaliyadda, wasiirka warfaafinta iyo wasiirka gargaarka Soomaaliya ayay ku sheegeen in hey’ado iyo ururo kale oo caalamiga ah ay diyaar u yihiin ka qeybqaadashada howlaha lagu samatabixinaayo dadka maatida ah Khadiijo Maxamed Diiriye, wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa sheegtay 9.5 milyan oo Soomaali ah heysato dhibaatooyin ka dhashay isbedelka cimilada, abaaraha, fatahaadaha iyo duruufo kale. Waxay xustay in dowladdu xooga saartay sidii loo yareyn lahaa khataraha ka dhashay dhibaatooyinka is barkaday ee dadka Soomaaliyeed saameeyay. Guddoomiyaha guddiga ahna wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in hey’ado dhowr ah ka soo jawaabeen baaqii guddiga u direy, hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubaridda gargaarka aadanaha ee UNOCHA, Bankiga adduunka iyo ururka iskaashiga dalalka Islaamka ee OIC aya kamid ah dhinacyada falcelinta ka heleen. Wasiir Beyle, ayaa carrabka ku adkeeyay in dadka Soomaaliyeed ay tahay in ay ayaga isku tashtaan isla markaana ka faa’ideystaan kheyraadka Alle ku maneystay ee dhulkooda yaala. Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, mudane Cismaan Abokor Dubbe, ayaa warbaahinta ku booriyay in ay u istaagaan sidii wacyigelinta bulshada loo gaarsiin lahaa. View the full article
  19. Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cali Rooble ayaa magaalada Qaahira kaga qeyb galay shirk 31aad ee Diimaha iyo Dhaqanka. Shirkan oo ay Soo qabanqaabisay Wasaardda Awqaafta iyo Arrimha Islaamka ee Dalka Masar ayaa waxaa inta badan looga hadlayay xoojinta dhaqanka islaamka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa. Soomaaliya oo shirkan qeyb ka aheyd waxaa ku matalayay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Mudane Cumar Cali Rooble, waxaana khubad uu ka jeediyay uu ku sheegay horumaradda kala duwan ee dalka ka socda iyo sidoo kale dadaaladda ay wado Dowladda Soomaaliya. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan wasaaradda gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Qaranka, waxaa muddo ka badan 15 maalmood ay wasaarada weysan tahay lacag dhan 100 kun oo dollar, taas oo la sheegay in ay aheyd lacag loogu talagalay in gargaarkii ugu horreeyay lagu gaarsiiyo shacabka gobalka Gedo. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu u sheegay Wasiir Khadiijo in uusan heli karin lacagtaas oo uu amray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Sidoo kale Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aysan hada heli karin lacagtaas balse ay sameyn doonaan baadi goob deg deg ah. Tani ayaa muujinaysa in qasnada dowladda aysan lacag ku jirin xili ay soo baxayaan warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay maalmahan wajaheyso dhaqaalo la’aan xoog leh. Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowladda Soomaaliya laga goostay lacago badan ay ka heli jirtay dowlado iyo hay’ado caalami ah oo ka taageera dhinaca miisaaniyadda. Wararkii ugu dambeeyay ee gobalka Gedo ayaa soo sheegaya in carruur badan ay gaajo iyo harraad ugu dhinteen degmooyin ka tirsan Gobalka Gedo. Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta warbaahinta u sheegay xubnaha beesha caalamka iyo hay’adaha gargaarka ka dalbadeen in laga caawiyo abaaraha dalka ka jira waxayna arrintaas sii xaqiijineysaa in wali lacag la’aan ay heyso dowladda Soomaaliya.
  21. (SLT-Addis ababa)-Wasiirka Horumarinta Maaliyada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa la helay Cudurka halista ah ee COVID-19 ee kusoo laba kacleeyay dalkaas. Wasiir Sacad Cali ayaa waxaa uu sheegay in laga helay Cudurka COVID-19, kadib markii baadhitaano kala duwan lagu sameeyay, xili uu doonayay inuu dib ugu laabto Magaalada Hargeysa oo markii hore uu ka tegay. Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Itoobiya ay gelisay xaalad karantiil ah oo haatan uu maalmo ku jiro. Waxaa uu intaas uu kusii daray Wasiir Dr Sacad Cali Shire in xaaladiisa Caafimaad ay tahay mid wanaagsan, isla markaana uu sheegay inuu rajeynayo inuu dib ugu laabto Magaalada Hargeysa. Wasiirka Horumarinta Maaliyada Somaliland ayaa dhawaan safar shaqo ku tegay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, hayeeshee xili baadhis Caafimaad lagu sameeyay laga helay Cudurka COVID-19. Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Cumaan ayaa Axadda maanta ah xayirtay app-ka codka ah ee Mareykanka laga leeyahay ee ‘Clubhouse’ iyadoo mas’uuliyiintu ay ku sababeeyeen in aanu haysan ogolaansho sax ah. Laakiin qaar ka mid ah u dhaqdhaqaaqayaasha bulshada ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay dagaal horleh oo ka dhan ah xorriyadda hadalka ah. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in dowladdu ayna ka jawaabin codsi ah in ay faahfaahiso go’aankan. Hase ahaatee, sarkaalka u sarreeya Hay’adda Isgaadhsiinta Cumaan ayaa u sheegay website-ka wararka ee WAF in app-ka loo xannibay “ruqsad-la’aan”. Hashtag-ga Oman_blocks_Clubhouse ayaa Axadda maanta ah qabsaday doodaha isticmaalayaasha baraha bulshada ee Cumaan. “Dowladda Cumaan waxa ay dowladda kali-taliska ah ee China ka dhigatay tusaale ay ku dayato. Clubhouse waa madal ay dadka reer Cumaan u adeegsadaan inay ku cabiraan ra’yigooda si xor ah oo aan lahayn faaf-reebka dowladda,” sidaasina waxaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Cumaan. Source
  23. Iyadoo maalinta berito ah lagu balan-sanaa in dhageysiga kiiska dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya ay ka bilaabato magaalada Hague ayaa dowladda Kenya ku dhawaaqday in ay isaga baxday kiiskaasi. Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Kihara Kariuki ayaa warqad uu u gudbiyay maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ ku sheegay in maxkamadda ay ogeysineyso dowladda Kenya in ay ka sii mid ahaaneynin kiiska dacwadda ee Soomaaliya kala dhexeysa. Kenya ayaa sheegtay in aysan diyaar u aheyn ka qeyb galka dacwadda, haddii ay ku socoto dhageysiga dacwadda jadwalka horay ay maxkamadda u qorsheeysay oo maalinta berito ah ku beegan. Sidoo kale Kenya ayaa ku doodeysa in diyaar garow sare aysan u galin kiiska Soomaaliya kala dhexeeya, sababo la xiriira cudurka safmarka ee Coronavirus, sidaas darteedna ay u baahan-tahay in qareeno cusub ay diyaarsato, taasina aysan waqti u helin. Si kastaba ha’ahaatee bishii la soo dhaafay ayaa maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ waxay gaashaanka u daruurtay isku day xukuumadda Nairobi ay dib ugu dhigeysay dhageysiga dacwadda badda, balse maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in jadwalka dacawadda sida loo qorsheeyay uu ku socon doono. View the full article