Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Somaaliya ayaa sheegtay in maraakiib kuwa badda xaalufiya ah oo laga leeyahay dalka Masar ay si sharci darro ah uga kalluumaysanayaan xeebaha Soomaaliya. War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ayaa lagu sheegay in muddadii u dhaxaysay bilihii October ilaa December 2020-ka ay 37 markab oo wata calanka Masar lagu arkay iyagoo si sharci darro ah uga kalluumaysanaya xeebaha Soomaaliya. Muuqaallo ay soo duubeen ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa muujinaya maraakiibta Masar oo ka kalluumaysanaya xeebaha Soomaaliya iyaga oo sita shabaagaha badda xaalaufiya, ka dibna kalluunka u diyaarainaya sidii loo iibin lahaa, ayey sheegtay dowladda Soomaaliya. Marka la raaco sharciga waddanka, biyaha xeebta Soomaaliya ee dhererkiisu yahay 24 nautical miles (nm) oo ah halbeegga lagu cabbiro dhererka badda ayaa loo qayday maraakiibta Soomaalida ee kalluumaysiga, halka 12 nautical miles loo reebay kalluumaysatada yaryar ee degaannada ku teedsan xeebaha, sida lagu sheegay war saxaafadeedka. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in labada xayndaab ee biyaha badda ee loo qayday kalluumaysata Soomaalida lagu arkay maraakiibta Masar oo ka kalluumaysanaya. Waxa ay dowladda Soomaaliya sheegtay in maraakiibta badda xaalufiya ay manuuc ka yihiin biyaha Soomaaliya sababtoo ah waxay dhaawacayaan bay’ada kalluunka uu ku tarmo. Ogaanshaha maraakiibka Masar ee ka kalluumaysanaya xeebaha Soomaaliya ayaa imanaysa bilo uun kadib markii sidan oo kale dowladda Soomaaliya ay sheegtay in aalad meel fog lagala socdo maraakiibta kalluumaysanaysa ay tusisay in ugu yaraan 112 doomo kalluumaysi oo Iran laga leeyahay ay sharci-darroo uga kalluumaysanayaan biyaha Soomaaliya gaar ahaan aagga dhaqaalaha. Soomaaliya waxay sheegtay in maraakiibta lagu arkay inay sharci darro uga kalluumaysanayaan midkoodna uusan liisan ama oggolaansho ka haysan dowlada federaalka Soomaaliya. Hannaanka liisan bixinta oo la hirgeliyey sannadii 2018-kii ayaa sheegaya in Wasaarada Kalluumaysiga Soomaaliya ay mas’uul ka tahay gacan ku haynta dhammaan wixii dhaqdhaqaaq kalluumaysi ah ee biyaha Soomaaliya. Waxay sheegtay dawladda Soomaaliya in liisanka la siiyo maraakiibta wadata calanka shisheeye loo maamulo qaab daah furnaan leh iyadoo dhaqaalahana lala wadaagayo dhammaan lixda maamul goboleed iyo gobolka Banaadir. Wixii shati ah ee ka baxsan nidaamkaas sharci ma aha, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya waxay ugu baaqday maraakiibta wadata calanka Masar in ay oggoaansho u helaan ka kalluumaysiga biyaha Soomaaliya. Waxay sheegtay inaysan dhaqangal noqon doonin heshiisyada aan sharciga ahayn ama aan rasmi ahayn oo hay’ado ama shabakado sharci-darro ah ay la galaan maraakiibtaas. Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa ku baaqay in mas’uuliyinta Masar ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah. Waxa uu sheegay in maraakiibtaas aan laga doonayn Soomaaliya, kalluumaysiga sharci-darrada ahna uu dhaawacayo dalka Soomaaliya iyadoo kalluunkii waddankana la xadayo. Soomaaliya waxay ugu baaqday Masar inay gacan siiso baadhitaanka dowladda Soomaaliya iyadoo bixinaysa liiska maraakiibta lagu ogyahay inay ka kalluumaysanayaan xeebaha Soomaaliya, bixinaya nuqul ka mid ah dhammaan shatiyada ay wataan maraakiibta sita calanka Masar iyo shaqaalahooda, xaqiijiyaan in maraakiibtaas sita calanka Masar loo oggolaaday inay kan kalluumaystaan meel ka baxsan biyaha Masar, sidoo kalena keenaan nuqulka heshiisyada la xiriira shatiyada la bixiyey. Waxay sidoo kale Wasaaradda Kalluumaysiga Soomaaliya ka dalbatay Masar inay gacanta ku dhigaan maraakiibtooda kalluumaysi ayna xaqiijiyaan in markab kasta oo sharci darro ah uu degdeg uga baxo biyaha Soomaaliya. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in maraakiib Masar laga leeyahay xaaluf ba’an ku hayaa xeebaha dalka appeared first on Puntland Post.
  2. Kulankii Barlamaanka Somalia oo lagu kala dareeray+Sababta Kulan ay maanta isu’gu yimaadeen Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu kala dareeray ka dib markii uu buuq ka dhashay furitaanka fadhiga. Mudanayaasha ayaa horay loogu sheegay in xubnaha Golaha Shacabku ay fadhi ka yeelan doonaan xanuunka Covid-19. Waxaase buuq iyo sawaxan keenay kadib markii xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka ay shaki ka muujiyeen in ajandayaal kale oo siyaasadeed lagu dhex qarinaayo kulanka. Kulankii maanta ayaa ku dhammaaday buuq ,Sawaxan & Faro-taag-taag sida laga arkayay shaashadaha telefishannada. Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka wakhtigiisa dhamaaday ayaa si adag uga hadlay wixii ka dhacay maanta xarunta golaha shacabka. Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii diidanaa in kalfadhiga laga furo ajande aan aheyn midkii loo sheegay xildhibaanada, ayada oo uu jiray qorshe muddo kororsi oo uu waday Mursal, sida ay sheegeen xildhibaanada qaar. Xildhibaanka ayaa sheegay iney horey uga war heleen in ajandaha kulanka uu yahay muddo kororsi, inta aysan xarunta soo gaarin, balse markii ay yimaadeen xarunta ay ugu yimaadeen ciidamo uu maleeshiyaad ku tilmaamay, kuna sheegay iney kasoo goosteen Al-Shabaab, isagoo siiyay sifo ah iney yahiin kuwa loo tababaray kaliya iney dadka dilaan. Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in gudoomiye Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uu ku hanjabay inuu berri keeni doono askar intaas ka badan, islamarkaana ay muuqato iney ka shaqeynayaan muddo kororsi aan geed loogu soo gamban, oo qasab ah. Cabdullaahi Maxamed Nuur oo warbaahinta kula hadlay xarunta baarlamanka ayaa yiri “Sidaad arkeysaan maanta waxa Baarlamaanka ka dhacaya waa wax fowdo ah, ujeedka maanta kalfadhiga loo furayayna waxey aheyd in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday loo sameeyo muddo kororsi laba sano ah.” “Horay waan u ogeyn balse waxey xaqiiqo noo noqotay markaan saakay barlamaanka ugu nimiday 200 maleeshiyaad ah oo intooda badan yahay kuwa asalkooda kasoo goostay Al-Shabaab, muddana ku jiray xerada Sarrindi oo hubeysan” “Gudoomiyaha golaha shacabka waxaan weydiinay waxa ay yahiin askarta meesha ku jira, wuxuuna noo xaqiijiyay inuu askartaan uu isaga dalbaday, suurtagalna maahan ayadoo Covid19 laga hadlaayo in 200 askari oo hubeysan oo ah waliba kuwii loo tababaray dadka iney dilaan ah in halkaan lagu soo xareeyo,” ayuu yiri. “Waxaan u sheegnay Gudoomiyaha in askartaan uu meesha ka saaro iyadoo aan ognahay waxa ay yahiin, wuxuuna noo sheegay inuu berri la imaan doono askar intaas ka badan, saaxiibadey muddo kororsiga ka shaqeynaya waxaan leenahay afartiina sano iimaansada, ilaahey iimaanka ha idin galiyo.” HALKAAN AK DAAWO:
  4. Ugu yaraan 50 qof ayaa lagu diley gudaha Myanmar, kadib markii ciidamada amaanka ay rasaas ku fureen dadka mudaharaadayey, sida ay ku warantay warbaahinta gudaha dalkaasi. Dhimashada ayaa inta badan ka dhacday 13 magaalo oo ah kuwa ugu waaweeyn dalkaas, waxaana ku jira caasimada ganacsiga ee dalkaasi Yangon. Tani ayaa ku soo beegantayxilli shalay uu sheegay Janaraalka hogaamiya militariga Myanmar in la qaban doono doorasho ay dadka raali ka yahiin, ka dib afgembigii dalkasi ka dhacay bishii February. Tan iyo intii ay dibadbaxyada bilaabmeen ayaa waxaa booliiska dalkaasi lagu eedeeyay in ay awood xad-dhaaf ah u adeegsaden islamarkana ay dileen dad dibadbaxayaal ah. PUNTLAND POST The post Dibad-baxayaal lagu laayay dalka Myanmar appeared first on Puntland Post.
  5. Kulan ay maanta isu’gu yimaadeen Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu kala dareeray ka dib markii uu buuq ka dhashay furitaanka fadhiga. Mudanayaasha ayaa horay loogu sheegay in xubnaha Golaha Shacabku ay fadhi ka yeelan doonaan xanuunka Covid-19. Waxaase buuq iyo sawaxan keenay kadib markii xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka ay shaki ka muujiyeen in ajandayaal kale oo siyaasadeed lagu dhex qariyo daro kulanka. Kulankii maanta ayaa ku dhammaaday buuq sida laga arkayay shaashadaha telefishannada. PUNTLAND POST The post Kulankii Baarlamanka Soomaaliya oo buuq la furmi waayay appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka wakhtigiisa dhamaaday ayaa sheegay in gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uu qorshe uu watay u sheegay xildhibaano u tegay. Mahad Salaad, oo ka mid ahaa xildhibaanadii Baarlamaanka ee maanta xaadiray kulankii baaqday ee buuqa uu hareeyay, ayaa bartiisa Facebook kusoo daabacay in Maxamed Mursal uu saddex arrin la wadaagay qaar ka mid ah xildhibaanada u tagay, inta uusan soo galin xarunta golaha shacabka. Mahad Salaad wuxuu sidoo kale ku baaqay in hurdada laga kaco, isla markaana Farmaajo yahay balaayo hagoogan sida uu hadalka u dhigay. HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA MAHAD SALAAD: Gudi Xildhibaano ah oo u tagay Gudoomiye Mursal maanta intii uusan soo gelin hoolka shirarka Golaha Shacabka wuxuu u sheegay: 1. Heshiiskii 17 September in uu fashilmay! 2. Muddo kordhin inuu u samaynayo Barlamaanka iyo Farmaajo! 3. Ciidamada xarunta Golaha Shacabka la keenay in uu isagu dalbaday, lana soo badinayo. Waxaa xaqiiqo ah in maanta cid waliba u cadahay meesha loo socdo. Hurdada halaga kaco ayaan idin leeyahay Farmaajo waa balaayo inoo hagoogane!
  7. (SLT-Washington)-Hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa u sheegay maamulka madaxweyne Biden in kooxda Taliban ay la wareegi karto inta badan Afghanistan laba illaa saddex sanno gudahood waa haddii ciidammada Mareykanka ay ka baxaan dalkaasi ka hor heshiis awood qeybsi oo dhexmara dhinacyada dagaalamaya. Haddii ay tani dhacdo, waxa ay u oggolaan doontaa al-Qaacidda inay mar kale saldhigato Afghanistan, wargeyska New York Times oo xiganaya saraakiil Mareykan ah oo aan magacyadooda la sheegin ayaa sidaas wariyay. Madaxweyne Joe Biden ayaa go’aan ka gaadhaya in 1-da bisha May uu qeybtii ugu dambeysay ee ciidammada Mareykanka oo gaaraya 3,500 ka soo saaro Afghanistan, taasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii Febraayo 2020 uu maamulkii Donald Trump la galay kooxda Taliban. Wargeyska New York Times ayaa ku warramaya in qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka ee doorbidaya in ciidammada Mareykanku ay sii joogaan Afghanistan ay adeegsanayaan warbixinta sirdoonka si ay ugu doodaan in ciidammadu ay dalkaasi sii joogaan ka dib waqtiga loo qabtay bixistooda ee 1-da May. Aqalka Cad ayaa diiday in uu ka hadlo warbixintan sirdoon oo la diyaariyay sannadkii hore. Biden ayaa khamiistii ka sheegay shirkiisii jaraa’id ee ugu horreeyay ee uu ku qabtay Aqalka Cad in ay adkaan doonto in la raaco waqtiga soo saarista loo qabtay, oo sidoo kale u baahan in lagu saaro ilaa 7,000 oo askari oo ka socda ciidammada isbahaysiga. Laakin waxa kale oo uu sheegay “in aanu sawiran karin” in ciidamada Mareykanku ay dalkaasi sii joogaan sannadka danbe. Taliban ayaa Jimcihii sheegtay in ay dib u bilaabi doonto dagaallada ka dhanka ah ciidamada shisheeye haddii ay ciidamadu sii joogaan ka dib waqtiga loo qabtay in dalkaasi looga saaro. Source
  8. Wasiirada maaliyadda iyo qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka wada hadlay ahmiyadda ay leedahay mudnaansiinta maalgelinta barnaamijka horumarinta qorshaha qaranka ee 9-aad. Wasiirka maaliyadda Dr. Beyle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ka go’an tahay ka hor tagga dhibaatooyinka bulshada ka hor imaan kara sidoo kalena loo baahan yahay in shaqooyin loo abuuro dhalinyarada. “Maanta waxaa la kulmay wasiirka qorsheynta mudane Jamaal Maxamed Xasa waxa aan ka wada hadalnay mudnaanta maalgelinta ee uu leeyahay barnaamijka horumarinta qorshaha qaranka ee 9- aad. (UDP9)” ayuu yiri wasiir Beyle. View the full article
  9. Kulan ballaaran oo ay maanta lahaayeen xildhibaanada golaha shacabka ayaa natiijo la’aan kusoo dhammaaday, kadib buuq hareeyey hoolka baarlamaanka. Ajandaha kulankan ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa saameynta ka dhalatay Covid-19, balse xildhibaanada qaar ayaa tuhun ka muujiyey inuu socdo qorshe muddo kordhin ah. Sidoo kale xildhibaanada mucaaradka ayaa la sheegay in aysan saxiixin buugga is- xaadirinta ee xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya. Muuqaallo ay soo duubtay warbaahinta ayaa la arkayey xildhibaanada oo si aad ah buuqayo, kadib sawaxan hareeyey kulanka maanta oo ugu dambeyn baaqday. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana weli is mari-waa uu ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka dalka ee sanadkan 2021-ka. View the full article
  10. Hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa u sheegay maamulka madaxweyne Biden in kooxda Taliban ay la wareegi karto inta badan Afghanistan labo ilaa saddex sano gudahood, haddii ciidamada Mareykanka ay ka baxaan dalkaasi. Haddii ay tani dhacdo, waxa ay u oggolaan doontaa al-Qaacidda in ay markale saldhigato Afghanistan, wargeyska New York Times oo xiganaya saraakiil Mareykan ah oo aan magacyadooda la sheegin ayaa sidaas wariyay. Madaxweyne Joe Biden ayaa go’aan ka gaaraya in 1-da bisha May uu qeybtii ugu danbeysay ee ciidamada Mareykanka oo gaaraya 3,500 ka soo saaro Afghanistan, taasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii Febraayo 2020 uu maamulkii Donald Trump la galay kooxda Taliban. Wargeyska New York Times ayaa ku warramaya in qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka ee doorbidaya in ciidamada Mareykanku ay sii joogaan Afghanistan ay adeegsanayaan warbixinta sirdoonka si ay ugu doodaan in ciidamadu ay dalkaasi sii joogaan ka dib waqtiga loo qabtay bixistooda ee 1-da May. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo ka cabsi qaba in Taliban dib ula wareegto Afghanistan appeared first on Puntland Post.
  11. (SLT-Hargeysa) Warar iyo Xoggo kale duwan oo aanu hellayno ayaa sheegay in kooxda ku maxaafsata Magaca War-baahinta onlinka ah ay diyaariyay qorshe ay ku dhacaayaan lacagta ay guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ugu tallogashay wacytigelinta war-baahinta ee doorashooyinka isku sidkan iyo baahinta wararka Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ee la xidhiidha doorashooyinkaas, haseyeeshee Kooxdan oo iska dhiga inay yihiin ama isku caleemo saaray guddoonka Warbaahinta onlinka ah ee Somaliland ayaa la sheegay inay samaysteen qorshe ay ku doonnayaan inay lacagtaa ay ku dhacaan, waxaanay guddida doorashooyinka u gudbiyaan liiska Mareego ama wabsetyo aan shaqayn iyo foojarada lacagta oo been abuur ah, waxaana xusid muddan in aanay guddida doorashooyinka arrintaas dhaadanayn ilaa hadda. Kooxdan ku shaqaysta magaca mareegaha wararka ee onlinka Somaililand ayaa keliya suga inay soo shubaan guddida doorashooyinku lacagtaas oo ay muddooyinkii ugu dambeeyey waddeen kaartooyinkii ay ku dhici lahayeen, taas oo u muuqata inay hadda u suurtagashay inay farsamooyinkaas iyo liisaska been abuurka ah ay ku dhacaan dhaqaalihii komishanka doorashooyinka Somaliland ugu tallo galleen baahinta wararka iyo farriimaha wacyigelinta ah ee la xidhiidha doorashooyinka inaga soo waajahan ee golleyaasha wakiillada iyo deegaanka. Geesta Kalena Qaar ka mid ah Degellada (Website) laga daalacdo wararka ee Somaliland ayaa si weyn uga horyimid tallaabadan tuuganimada ah ee ay ku kacdaan kooxdan yar ee ku malafsata magacooda, iyadoo ay tafatireyaasha Website Internetka ayaa dhaliilo xooggan u jeediyay xubnaha komishanka doorashooyinka u qaabilsan la shaqaynta warbaahinta iyo qaabka ay u waajaheen dhacdadan foosha xun leh. Dhanka kalene Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa la sheegay inay si hufan u bixiyeen qandaraaskii wacyigelinta ee ay la galeen Tv-yadda iyo Wargeysyadda dalka, isla markaana ay uu Tv waliba ama Wargeyskastaa uu si rasmi ah u qaataya qadarkii lacageed ee lagula heshiiyeen, balse nasiib darro Lacagtii Guddida doorashooyinka ay ugu tallogeleen war-baahinta onlinka ah ayaa kooxda budhcad war-baahineeda ahi ay dhaceen, kuwaas oo samaystay liis been abuur ah iyo wabsatyo aan jirrin Magacyadood iyo warqadaha qaanshaadka oo lagu dhuftay shaanbada been abuur ah,waxaanay hadda ku guulaysteen qorshahaa, bilowgiisii hore oo ay qaateen lacagta wajigii hore, haddana ay sugayaan wajiga labaad. Wararkeena dambe waxa uu idinku soo gudbin doonaa magacyada kooxdan ku shaqaysta magaca mareegaha iyo cidda hoggaamisa, sidda oo kale waxaanu idin soo gudbin doona doorka ay xubnaha komishanka doorashooyinka u qaabilsan warbaahintu ku leeyihiin arrintan. Source
  12. Wararka naga soo gaarayo kulanka madaxda dowlad Gobaleedyada dalka uga socda gudaha Airport-ka magaalada Muqdisho ayaa shegaya in kulanka goordhaw ay ku biireen xubna ka tirsan midawga Musharixiinta dalka . Xubna ay hor kacayaan Mas’uuliyiinta sar sare ee Midawga Musharixiinta aya la sheegay in ay ku biireen Shirka Madaxda dowlad Gobaleedyada dalka uga socda Xerada Xalane . Madaxweeynayaasha Dowlada Gobaleedyada dalka iyo Xubnaha Midawga Musharixiinta ayaa kulanka kaga hadlaya Ajendaha shir weynaha Wadatashiga Arrimaha doorashooyinka dalka . Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa lagu kala dareeray kulankii golaha shacabka ay maanta ku balansanaayeen xaruntooda Villa Hargeysa kadib markii lagu kala qeybsamay inuu fadhiga furmo. Ajandaha kulanka oo xalay lagu soo daabacay barta bulshada ee golaha Baarlamaanka, sidoo kalana xildhibaanada fariin qoraaleed loogu diray ayaa lagu sheegay in looga hadlayo arrimo ku saabsan Covid19, balse waxaa yimid tuhun laga qabo inuu jiro muddo kororsi loo sameeyo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo golaha baarlamaankaba. Ka hor inta uusan furmin fadhiga, buuq ayaa hareeyay xarunta Baarlamaanka, kadib markii qaar ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ay diideen iney saxiixaan buuga lagu xaadiriyo xildhibaanada, kadibna la wareegeen minbarka laga hadlo. Xildhibaanadan ayaa lagu eedeeyay iney sameeyeen qalalaase, islamarkaana is horistaag ku sameeyeen inuu kalfadhiga furmo, iyadoo gudoomiyaha golaha shacabka ee wakhtigiisa dhamaaday uu sheegay in lasoo gudbiyo liiska xildhibaanada kiciyay buuqa si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan, sida uu qabo xeer hoosaadka Baarlamaanka. Kulankaan ayaa kusoo aadaya xilli madaxweynayaasha shanta maamul goboleed uu kulan uga socdo garoon ku yaalla xerada Xalane, iyadoo la rabo in laga arrinsado sidii shir weyne la isugu imaan lahaa maadaama Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay diideen shirkii uu ku baaqay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
  14. Waxaa goordhaw shir uga furmay magaalada Muqdisho madaxda dowladda gobaleedyada dalka, kaas oo looga arinsanayo khilaafadka ku hor gudban arrimaha doorashooyinka dalka. Madaxweeynayaasha Puntland , Jubbaland , Galmudug , Hirshabeelle iyo Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa kulankan waxaa sidoo kale looga hadlaya sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Maamulada Jubbaland iyo Puntland kala dhaxeya Dowladda Federaalka. Shirkan oo warbaahintu ay dibad joog ka tahay ayaa sidoo kale la rajeynaya in uu gogol xaar u noqdo shir weyne wadatashi oo Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda dowlad gobaleedyada dalka . Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-2732021.mp3 View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex ayaa 7 cisho oo rumaan ah u dirtay Musharax Shucayb Maxamed Muuse Shucayb Maxamed Muuse ayaa maalintii seddexaad ku xidhan Saldhiga dhexe ee magaalada Hargaysa. Xukuumadda Somaliland iyo laamaha amnigu wali si rasmi ah ugama hadlin xadhiga Shucayb Maxamed Muuse. Source
  17. Magaalada Bosaso ayaa shan Goobaha lagu bilaabay Talaalka Covid19, Munaasabad da bilowga Talaalka oo ka dhacdey Isbitaalka Waxaa kasoo qaybgalay Wasiiro iyo Masuuliyiin ka socda Gobolka. Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa horay u amray imtaxaanka lagu bilaabo Shaqaalaha Caafimaadka, Dadka Waayeelka ah iyo Dadka aan xamili karin ama iska difaaci karin Xanuunka Covid19. Wasaaradu iyadoo fulinaysa Amarkaas waxaa maanta Talaalka lagu bilaabay Waayeelka iyo Dhaqaalaha Caafimaadka. Hoos ka daawo Sawirada i The post Puntland oo Talaalka laga bilaabay 4 goobood appeared first on . Source
  18. Shir u dhexeeyo madaxda maamul goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana shirka looga hadlaya khilaafka harreeyay doorashada 2021-ka. Waxaana shirkan ka qeybgalayaa madaxweynaha madaxda dowlad goboleedyadda Koonfur Galbeed, Jubaland, Puntland, Galmudug iyo Hirshabelle. Shirkan ayaa kusoo begmayaa xilli dhawaan Muqdisho uu ka dhacay kulan u dhexeeyay madaxda dowladda, qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana kulankaas ka maqnaa madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland kuwaas oo horraan walaac ka muujiyay ammaanka goobta shirka lagu qabanayo. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya walaaca iyo tuhunka laga muujinayo kulanka ay maanta yeelanayaan xildhibaanada golaha shacabka, kaas oo ajandihiisa lagu sheegay ka doodista Covid-19. Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu socdo dhaq dhaqaaq xoog leh oo ay wadaan siyaasiyiin oo ku aadan muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha dowladda Soomaaliya. Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa si weyn uga soo horjeestay qorshahan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in muddo xileedka baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu dhammaaday, isla-markaana uusan sameyn karin muddo kordhin horleh, sida uu hadalka u dhigay “Waxaa jira dhaq dhaqaaq xooggan ay wadaan siyaasiyiin oo ku aadan muddo kororsi, gaar ahana golaha shacabka, Baarlamaanka waqtigiisa waa dhamaaday hadda muddo kordhin kuma sameyn karo muddo xileedkii hore,” ayuu yiri xildhibaanku. Sidoo kale wuxuu carabka ku goday in qorshahaani lagu doonayo muddo kordhinta uu gadaal ka riixayo madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday, islamarkaana u jeedada maanta dib loogu farayo kulanka baarlamaanka ay tahay sameynta muddo kororsi. “Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ayaa gadaal ka riixaya, waxaana kala shaqeynaya xubno ka tirsan Guddoonka Golaha Shacabka, sababaha maanta dib loogu furayo Baarlamaanka waa muddo kororsi, ”ayuusii raaciyey Xildhibaan Cabdullaahi. Si kastaba kulanka golaha shacabka ayaa saacadaha soo aadan furmi doono, waxaana haatan xarunta kusii qul-qulaya xildhibaanada baarlamaanka oo xalay lagu war-geliyey inuu jiro kula-weynahooda oo looga hadlayo saameynta ka dhalatay cudurka Covid-19.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta xerada Xalane ka furmay shir gaar u ah madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya shanta madaxweyne goboleed ee dalka, sida Axmed Madoobe, Saciid Deni, Axmed Qoor Qoor, Cabdicasiis Lafta Gareen iyo Cali Guudlaawe, wuxuuna kulankan ka billowday hotel ku yaalla garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Wararka ayaa sheegaya in kulankaasi diirada lagu saarayo is mari-waaga ka taagan furitaanka shirka wada-tashiga ee dowladda dhexe & dowlad goboleedyada, kaas oo ay si weyn uga biyo diideen hoggaamiyeyaasha labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland. Sidoo kale wararka ayaa intaasi sii raacinaya in shirkan gaarka ah ee madaxda maamul goboleedyada kusoo qaadayaan xal u helida khilaafka weli ka taagan doorashooyinka. Shirkaani ayaa dab-socdo kulamo gaar gaar ah oo ay maalmihii u dambeeyey lahaayeen madaxda dowlad goboleedyada, si is-faham waaga jira loogu dhameeyo wa-hadal. Si kastaba dhowaan ayey aheyd markii uu baaqday shir u dhexeeyey beesha caalamka & maamul goboleedyada, kadib cadaadis ka yimid dhinaca dowladda dhexe ee Somalia.
  21. Madaxweynayaasha Galmudug, Puntland,Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Jubbaland ayaa shirkoodii maalintii labaad uu ka furmay Hotel kuyaal Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. Kulanka ayaa lagu falanqaynayaa Arimaha Doorashada ee hada aad usii cakirmaya, waxaana lagu wadaa in Shirkaan uu gogol xaar u noqonayo Shirka Wadatashiga ee dhexmari doona Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, kasoo lagu wado inuu ka furmo Muqdisho. Dowlada Federaalku kuma qanacsanayn Shirkaan maadaama ay iyado bilowdey shir kale oo ka socda Afisyooni, Shirkaas waxaa ka qaybgalkiisa diidan Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland. Puntlandi.com Muqdisho The post Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada oo Furmay appeared first on . Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka laga helayo xarunta baarlamaanka Somalia ee Villa Hargeysa waxaa halkaasi lagu arkay ciidamo dhar-cad ah oo la soo dhoobay dhismaha xaruntaasi oo ay maanta kulan xasaasi ah ku leeyihiin xubnaha golaha shacabka. Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay xaaladda xarunta golaha shacabka ayaa xusay in ciidan uu ku tilmaamay maleeshiyaad lasoo dhoobay xarunta Villa Hargeysa, islamarkaana wata Bistoolado, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaanka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in ciidamo dhar-cad loo adeegsado mudanayaasha baarlamaanka, iyada oo la doonayo in lagu qal-qal geliyo, si loogu fuliyo ajando aan waafaqsaneyn shuruucda iyo dastuurka dalka, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa nasiib darro ah in xarunta baarlamaanka lasoo dhoobo maleeshiyaad Bistoolado ku hubeysan oo la doonayo in lagu qal-qal geliyo xildhibaanada, lana doonayo in lagu fuliyo ajando guracan oo baal-marsan shuruucda iyo dastuurka u yaal dalka,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay cambaareynayaan tallaabadaasi, isaga oo hoosta ka xariiqay in dalka aan lagu maamuli karin qoray caaradiisa. Si kastaba kulanka maanbta ee baarlamaanka ayaa waxaa lagu muujinayaa tuhun ah in muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, waxaana arrintan ay kusoo aadeysaa, xilli xasaasi ah oo uu dalku ku jiro marxalad adag oo kala guur ah.