-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadii shalay aheyd sheegtay inay dib u biilaabeyso kaalmadii dhaqaale ee ay siin jirtay dadka reer Falastiin, iyadoo ku dhawaaqday 235 Milyan oo dollar oo iskugu jirta taageero bini’aadanimo, dhaqaale iyo horumarineed. Mareykanku wuxuu sheegay inuu ka noqday go’ankii maamulkii Donald Trump ee taageerada dhaqaale looga jaray Falastiin. Inta badan dhaqaalahan ayaa Mareykanku marsiin doonaa hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka Xaqootiga Falastiin ee UNRWA, taas oo lagu wareejin doono 150 milyan oo dollar, halka 75 milyan oo kale uu mareykanku ku maalgalin doono mashaariicda horumarinta dhaqaaha Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza. Hey’adda USIAD ayaa iyana sidoo kale maamuli doonta 10 milyan oo dollar oo lagu kobcinayo barnaamijyada nabadda iyo amniga. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo dib u billaabay kaalmadii uu siin jiray Falastiiniyiinta appeared first on Puntland Post.
-
Dawladda Imaaraadka Carabta oo ka soo jawaabtay Codsi Xukumadda S/land u Dirtay Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa deeq raashin ah ka koobaan shan iyo soddon tan soo gaadhsiisay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland . Safiirka dawladda Imaaraadka u fadhiya magaalada Hargeysa ee Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland, Danjire Abdulla Alnaqbi ayaa sheegay in xilliga oo ay soo gelayso bisha barakaysan ee ramaadaan ay garteen in deeqdan ay soo gaadhsiiyaan xukuumadda si loo gaadhsiiya dadka danyarta ee aan haysan awood ay raashin ku iibsadaan. Guddoomiyaha ha’yadda u diyaar garowyga afooyinka iyo kaydka raashinka , Faysal Cali Sheekh oo ka guddoomay dawladda imaaraadka kaalmadan ayaa sheegay in dawladda imaaraadka ay Somaliland la tahay saaxiib dhaw islamarkaana ay deeqada sida uga haboon u gaadhsiinayaan dadka danyarta ah . Faysal Cali sheekh ayaa sheegay in kaalmadan ay ku timid codsi ay ha’yadda afooyinka iyo kaydka raashinku u gudbisay xukuumadda Imaaraadka, waxaanu xusay in dalka ay ka jiraa abaaro ba’an “dalka waxa ka jira abaaro ba’an oo dhul faro badan ayey baahi ka jirtaa oo dad badan ayey haysaa , kaalmadan waa mid koobaan oo shan iyo soddon tan ah waxaanan gaadhsiin doona dadka baahan haddii alle idmo ” ayuu yidhi Qaran News
-
Khartoum (Caasimadda Online) – Dowladda Sudan ayaa ka dalbatay dowladda Soomaaliya iney caddeyso go’aankeeda ku aadan lacagaha loo daabacay ee yaalla dalkaasi, oo muddo sanado ah halkaas yaalla. Dowladda Sudan ayaa sheegtay in culeys badan u arkeyso lacagaha Shilinka Soomaaliga ah oo ay daabacday iney sii hayaan, waxeyna waloocooda la wadaageen wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, ayaga oo ka sugaya jawaab. Warbaahinta Sudan ayaa sheegtay in dowladda Sudan ay ku hanjabtay iney ka taqalusi doonto lacagtaas, haddii aysan wax jawaab ka helin dhinaca dowladda Soomaaliya. Madaxweynihii hore ee Sudan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa 2018-kii usoo diray Soomaaliya Wakiilka Wasaaradda Arrimaha dibada Cabdidaaim si uu fariin u soo gaarsiiyo Safaarada Sudan ee Muqdisho taas oo ku saabsaneyd in Soomaaliya ay faah-faahin ka bixiso lacagaha loogu daabacay Sudan iyo waxa laga yeelayo. Safaarada Sudan ee Soomaaliya oo warqadaasi ka falcelisay ayaa sheegtay in wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxman Ducale Beyl uu isla xiligaas sheegay in wasaaradiisa ay qorsheenayso in meelo kale ay kasoo daabacanayan Lacagta Shilinka Soomaaliga iyadoo loo marayo ama taagero laga helayo sanduuqa lacagta aduunka iyo bankiga aduunka ayna wasaarada arrintaasi kala shaqeenayso khubaro Soomaali ah ama ajaaniib. Wasiirka ayaa waqtigaas cadeeyay in lacagahaasi daabacadoodi ay kaga bixi doonto 41M oo dollarka Mareykanka ah. Sidaas ay jirto xukuumada Sudan ayaa tilmaamtay inay daabacday lacagta shilinka Soomaliga kadib heshiis dhex maray xukuumada Muqdisho iyo Khartum kaa oo ku kacayay 17 milyan oo dollarka Mareykanka. Lacagaha loo daabacay Soomaaliya ayaa wali ku xayiran xarunta shirkadda lacagta u samaysa dowladda Sudan tan iyo sanadkii 2013-kii.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesoow oo ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka 10-aad ee muddo xileedkiisu dhamaaday ayaa si xun u weeraray Senator Cabdiraxmaan Faroole oo eedeymo u jeediyay Farmaajo iyo maamulada taabacsan. Faroole ayaa dhawaan dhaleeceyay saddexda maamul goboleed ee taabacsan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, kuwaasi oo ku tilmaamay mas’uuliyiin dhulkooda intiisa badan la heysto, islamarkaana ku tiirsan Muqdisho ciidan iyo dhaqaale intaba. Xildhibaan Jeesow oo hadalka Senatorka si kulul uga jawaabay, ayaa waxa uu ugu hanjabay in lasoo qaban doono haddii uu kusii taagnado wax uu ku sheegay ‘dowlad naceybka’. “Labo lee ayay mid ka tahay inaad tahay Nin lalaway oo da’ ah iyo inaad dowlad naceyb ku dhimaneyso, ciidamada dowladda Burtinle ayay soo marayaan, waana lagu soo qabanayaa,” ayuu yiri. “Ilaahay ka cabso Faroole, Senator ayaa tahay, haddii xildhibaan Puntland aad tahay kuuma jawaabeen ee run haddaa sheegayso Puntland madaxweyne uga dhig C/risaaq Jurrile”. Sidoo kale waxa uu wax lag xumaado ku tilmaamay taageerada uu Faroole u muujiyey madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo si weyn isku hayaan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday oo uu taageersan yahay xildhibaanku. Xildhibaan Daahir Jeesoow ayaa kamid ah mas’uuliyiinta sida indho la’aanta ah u taageersan dowladda uu waqtigeedu dhamaaday, wuxuuna ku caan baxay mucaaradnimada maamulka Axmed Madoobe. Jeesow ayaa hore ugu baaqay in lasoo xiro Axmed Madoobe oo xiligan ku sugan magaalada Muqdisho, xiligaas oo uu ku dooday inuu cadaalad darro ku haysto kursiga u sareeya Jubbaland, loona haysato dacwado dil, sida uu sheegay. “Mudane madaxweyne waxaan ahay xildhibaan kula soo shaqeeyay afartii sanno ee aad dalka xukumeysay, jecelna dalka wanaagiisa ii tix-geli codsiga, intaan meesha fadhisa Axmed Madoobe xabsiga ha u hoydo.” Si kastaba, dowladda waqtigeedu dhamaaday ee uu hogaanka u hayo Farmaajo ayaa inta badan ka caroota eedeymaha loo jeediyo, waxaana la fahamsan yahay in siyaasiyiinta taabacsan ay dhabarka uga taabato si ay u difaacan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay howl-galo ay ciidamka xooga dalka ka wado deegaano ka tirsan maamulka Galmudug, oo muddooyinkii dambe laga deyrinayay xaaladooda amaan. Sii-hayaha Wasiirka Gaashaandhiga, Xasan Xuseen Xaaji ayaa bogaadiyey guulo uu sheegay inay soo hooyeen ciidamada qaranka, oo uu ku amaanay gacanta ay ka geeysteen xoreynta dalka. Waxa uu shaaciyey in ciidamada dowladda ay saaka howl-galo kula wareegen deegaano hor leh oo ka tirsan Galgaduud ee maamulka Galmudug, kuwaasi oo hore gacanta ugu jiray dagaal-yahanada Al-Shabaab. “Geesiyaasha naftood hurayaasha ah ee qarankeena waxay saaka la wareegeen deegaano hor leh oo ka tirsan Galgaduud, maamulka, shacabka iyo mas’uuliyiintii gacanta ka geestay xoreynta goobahaas waa ku mahadsanyihiin,” ayuu yiri “Waxaan Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ka codsanayaa in ciidamada xooga dalka ay ku garab istaagaan ciribtirka argagixisadda.” Ciidamada xooga dalka ayaa howl-galo ay sameeyen saaka kula wareegay deegaanada Labi-dulle iyo Dhabana –dhulkuheys oo ka tirsan gobolka Galgaduud oo ay hore uga talin jirtay Al-Shabaab. Maamulka Galmudug ayaa culeys dhanka amaanka ah wajahaya, waxaana socda dadaalo lagu doonayo in dib loo xoreeyo deegaano badan oo ay gacanta ku hayaan Shabaabku.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+ ayaa caawa xarunta UN-ka ee Xalane shir gaar ah kula yeeshay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada taabacsan dowladda federaalka ee Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed. Sida aan xogta ku helnay shirkaas ayaa looga wadahadlay sidii loo badbaadin lahaa fashilka ku yimid wadahadalladii loogu gogol xaarayey shirweynaha wadatashiga ee xalka looga gaarayo khilaafka doorashada. Ilo ku dhow shirkaas ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Madaxweynayaasha Galmudug, Hirsharbelle iyo Koonfur Galbeed ay fashilkii ku yimid shirka ku eedeeyeen madaxda Jubbaland iyo Puntland, iyagoo wakiillada Beesha Caalamka, ka codsaday in la fasaxo si dib ay ugu laabtaan deegaanadooda.. Wararku waxay intaas ku darayaan xubnaha Beesha Caalamka ay ka diideen madaxda seddaxdaas maamul goboleed dalabkooda ahaa in la fasaxo, waxaana lagu war-geliyay in garabkii shirka ka baxa loo aqoonsan doono qas-wade. Maalinta Khamiista ah ee berri ayaa la filayaa in wakiillada beesha caalamka ee Soomaaliya ay la kulmaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo dowladda federaalku ay ku eedeysay inay fashiliyeen shirkan, in kastoo ay iska difaaceen eedahaas. Waxaa maanta natiijo la’aan ku dhammaaday shirkii Teendhada Afisyooni uga socday madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxayna markii lagu kala tegay xukuumaddu shaacisay in Jubbaland iyo Puntland ay shirka fashiliyeen, isla markaana ay diideen wax kasta oo xal ah. Haseyeeshee war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Jubbaland iyo Puntland waxay ku sheegeen in aysan ka warqabin shir fashilmay, balse kaliya ay ka war hayaan in madaxweyne Farmaajo uu maanta dalbaday in latashiyo uu soo sameeyo maalmo aan la cayimin. Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland waxay sidoo kale cadeeyeen inay diyaar u yihiin ka qeyb galka iyo sii socoshada shirarka xalka loogu raadinayo khilaafka doorashada. Ilo ku dhaw shirka caawa dhex-maray xubnaha beesha caalamka iyo madaxda maamullada taabacsan dowladda federaalka ayaa Caasimada Online u sheegay in beesha caalamku ay culeys ku saartay madaxda seddaxda maamul goboleed in aysan shirka ka bixin, maadaama ay mar kasta u hoggaansamaan go’aanka uu qaato Madaxweyne Farmaajo. Waxaa haatan bilaawday dadaalo ay wado beesha caalamka oo lagu doonayo in shirarka hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ay sii socdaan, illa xal laga gaaro khillaafka doorashooyinka dalka. Labada dhinac ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo khilaafka dhamba uu dhex yaallo ayaa hadda midba midka kale waxa uu ku eedeynayaa inuu fashiliyey wadahadalladii Afisyooni ee gogol xaarka u ahaa shirweynaha wadatashiga.
-
Muqdisho (Casimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo soo saaray war-saxaafadeed ka kooban todoba qodob ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in carqaladeyn joogto ah uu ku hayo wadahadallada lagu baadi goobayo doorasho wadar ogol ah oo si nabad ah dalkan uga dhacda. Guluhu waxa uu qoraalkan ku sheegay in ujeedada uu madaxweyne Farmaajo ka leeyahay carqaladeyntaas ay tahay, inuu sameysto muddo kororsi khilaafsan dastuurka, tallaabadaas oo halis ku ah xasiloonida dalka. “Ujeedkiisu waxa uu ahaa in shirka u dhexeeya madaxda dawlad goboleedyada iyo dowladda federaalka uusan miro dhalin. Waxaana caddayn u ah in wasiirkiisa warfaafinta uu farriin maalmo ka hor la duubay ku eedeeyey fashilka shirka madaxda dawlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qodobada ay madaxweyne Farmaajo ku eedeeyeen waxaa kaloo ka mid ah, Inuu carqaladeeyey in ay natiijo ka soo baxdo shirar hor dhac ah oo ay dawlad goboleedyada shanta ah uga heshiin lahaayeen ajandaha shirka iyo dadaallo ay wadeen xubnaha beesha caalamka oo lagu kulansiin lahaa ra’iisal waasaraaha xukuumadda xil-gaarsiinta iyo madaxda dawlad goboleedyada. Sidoo kale golaha qoraalkan soo saaray ee Midowga Musharaxiinta ayaa madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ku eedeeyey. Inuu amray in mas’uuliyadda amniga garoonka diyaaradaha laga wareejiyo Booliska kastamka oo weligiis gacanta ku hayn jiray, laguna wareejiyo ciidanka Haramcad, si uu khalkhal u geliyo amniga wafuudda madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, loogana hor istaago kulammada ay la yeelanayaan siyaasiyiinta, xildhibaannada iyo qaybaha kale ee bulshada. “Goluhu wuxuu ku ammaanayaa madaxda dawlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo muddo bil ah ku sugnaa magaalada Muqdisho, dhabar adayga iyo sabarka ay muujiyeen, welina ay diyaar u yihiin in shirku sii socdo, si loo helo doorasho wadar-oggol ah oo si nabad ah ku dhacda, halka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu ku dhawaaqay in shirkii burburay,” ayaa lagu yiri qoralka midowga musharaxiinta. Ugu danbeyntii Golaha oo bogaadiyey dadaalka ay beesha caalarnku ugu jirto in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, ayaa ugu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu shirka dib ugu laabto, si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorasho wadar ogol ah, oo si nabad ah ku dhacda. Hadii aysan taasi dhicina ay umadda Soornaaliyeed iyo beesha caalamka u caddaynayaan in madaxweyne Farmaajo uu qaadayo mas’uuliyadda fashlika ku yimaada shirka, tahayna in lagula xisaabtamo.
-
Kadib Dhacdadii maanta ay Fowlada Federaalku ku sheegeen in Shirkii Afisyooni uu fashilmay Xili Shirku uu socdo ayaa waxaa Warsaxaafadeed kasoo saaray falkaas Midowga Musharixiinta. Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegey in Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey uu Carqaladeynayo Geedi socodka Xiliga kala guurka. Hoos ka alhriso Warsaxaafadeedka oo dhamaystiran The post Warsaxaafadeed Mudawga Musharixiinta” Farmaajo Dalka wuu Carqaladaynayaa” appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa galabta si lama filaan ah shir jaraa’id ugu sheegay inuu fashilmay shirkii Afisyoone, xilli weli madaxdii ay ku sugan yihiin teendhada Afsiyoone, taasi oo ka yaabisay dhinacyadii kale ee shirka ka qeyb-galayey. Dubbe ayaa aqriyey qoraal dheer oo ka sheekeynayey sooyaalka shirarka doorashada iyo “tanaasulaad” uu sheegay inuu sameeyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Farmaajo. Wuxuu qoraalka kusoo xiray “Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn.” Hase yeeshee waxaa durba soo baxay caddeymo muujinaya in dowladda ay ka shaqeysay in si iskeed ah ay shirka u fashiliso, kuna sii talo-gashay arrintaas, xitaa inta aan maanta loo fariisan shirkii ugu dambeeyey kadib laba maalmood oo hakad u uku jiray, waxaana caddeymahaas ka mid ah Qoraallo sii diyaarsanaa: Qoraalka dheer uu aqriyey Dubbe, muuqaalka deg degta loo soo tuuray, iyo qoraal English ah oo watay sawirro (graphics), oo uu twitter ku baahiyey agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdirashiid Duqa, waxay dhammaantood muujiyeen inay ahaayeen wax laga shaqeynayey maalmo oo diyaarsanaa. Ma jiri karto haba yaraatee in howshaas loogu qaban karay muddo 30 daqiiqo, oo ah inta u dhaxeysay waqtiga lasii daayey, iyo marka uu soo baxay warka ku saabsan fashilka shirka, oo isla dhinaca dowladda ka dusay. Puntland iyo Jubaland oo weli diyaar ah: Maamullada Puntland iyo Jubaland waxay labaduba caddeeyeen inaysan ka war-hayn shir fashilmay, islamarkaana ayaga oo u ballansan kulan kale berri ay ka war-heleen qoraallada iyo muuqaallada ay baahisay dowladda ee lagu sheegay in shirku fashilmay. Waxay kale oo ay sheegeen inay diyaar u yihiin in wada-hadalladu ay sii socdaan. Haddii Puntland iyo Jubaland ay leeyihiin shirka ma fashilmin, maxay dowladda si iskeed ah ugu sheegeysaa fashilka. Xitaa haddii Puntland iyo Jubaland aysan daacad ka aheyn sheegashadooda, maxaysan dowladda u dooran inay si kale ugu eedeyso in caqabad ku yihiin heshiis la gaaro, maxay u dooratay inay tiraahdo shirka waa fashilmay, oo ay si toos ah albaabka wada-hadallada ugu xireysaa. Hadda oo ay leeyihiin, waxaan diyaar u nahay in shirka uu sii socdo, aaway jawaabtii dowladda? Laba Dubbe: Waxaa soo baxday in Cusmaan Dubbe uu ku sugnaa xarunta Afisyoone oo uu watay dhar aan aheyn kuwa uu ku duubay muuqaalka shirka jaraa’id, taasi oo caddeyn u ah in muuqaalka shirka lagu fashiliyey horey loo sii duubay, taasi oo iyana caddeyn u ah in markii horeba madaxweyne Farmaajo uu tegay shirka isaga oo aan diyaar u aheyn in heshiis la gaaro. Saciid Deni oo wareysi uu siiyey VOA uga hadlay arrintan ayaa yiri “Wasiir Dubbe waa uu nala joogay maanta, marka dharka uu isaga duubay muuqaalka kii uu watay maaha, marka wax sii diyaarsanaa oo loogu tala galay in bulshada lagu marin habaabiyo ayuu ahaa warkii galabta ka soo yeeray dowladda federaalka.” “Tanaasulkii” saaka: Dowladda waxay saaka dusisay in Farmaajo “ka tanaasulay” qodobkii ahaa in la ballaariyo ka qeyb-galayaasha shirka, warkaas oo ay aad u qaateen warbaahinta, oo ay Caasimada Online ku jirto. Waxaa kadib baraha bulshada qabsaday ammaanta Farmaajo ee taageerayaashiisa. Hase yeeshee waxaa hadda muuqata inay aheyd xeelad loogu muujinayo Farmaajo inuu ka tanaasulay qodobada qaar, si marka dowladda fashiliso shirka, sida ay galabta sameysay, eedda loogu leexiyo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni. Dhammaan qodoban waxay caddeyn u yihiin in fashilka shirka uu sii diyaarsanaa inta aanu madaxweyne Farmaajo soo fariisan teendhada Afisyoone 3-dii April.
-
Midawga musharixiinta ayaa war ka soo saaray wadahadalada Dowladda Federaalka ay sheegtay in ay fashilmeen. Xubnaha midawga musharixiinta ayaa sheegay in ay ka Walacaasan yihiin isku dayada Farmaajo uu ku doonayo in uu ku fashiliyo wadahadalada doorashada. xubnaha musharixiinta ayaana Farmaajo ku eedeyay in uu marba marka ka dambeysa uu carqaladeynayo geddi socodka doorashada . Hoos Ka Akhriso Warka Midawga Musharixiinta. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (PP News Desk) — The Federal Minister for Information Osman Dubbe accused Puntland and Jubaland Presidents of derailing the electoral talks finalise the 17 September 2020 and Baidoa Recommendations. The Federal Information Minister Osman Dubbe: “Puntland and Jubaland Presidents are not committed to elections.” “Jubaland and Puntland President are not committed to elections based on 17 September Agreement. They demanded that the Federal Parliament should cease functioning as a legislative body and that President of Somalia should transfer his constitutional powers” said Dubbe. Puntland Information Minister: “The electoral talks have broken down”. Puntland Information Minister Abdullahi Ali Hersi held a press conference in Mogadishu earlier in the afternoon and rejected the claim that “the talks have failed”. “Puntland and Jubaland are believe the talks have not failed” said Hersi. President Deni: “Talks have broken down over the conference agenda.” Puntland President Said Abdullahi Deni told VOA Somali Service that “the talks broke down over the agenda of the conference”. Puntland and Jubaland are seeking an unprecedented wider participation in the talks for politicians who are not classed as stakeholders and were not a party to the electoral agreement. Hirshabelle, Galmudug, and South West Presidents, and Banadir Governor insisted on the obligation to honour the 17 September Agreement to finalise agreement on the electoral model in line with Baidoa Recommendations. The International Crisis Group called for a third party mediation despite the Federal Government of Somalia making concessions to Puntland and Jubaland after the two Federal Member States demanded abrogation of the Electoral Law to return to indirect elections agreement in place of one person, one vote elections. © Puntland Post, 2021 The post Somalia Electoral Talks Break Down appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa lagu sheegay in labadaas maamul aysan ka warheyn fashilka ay dowladda federaalku ka sheegtay shirarkii ka socday Afisyoone, islamarkaana ay diyaar u yihiin in wada-hadallada ay sii socdaan. Puntland iyo Jubaland waxay qoraalkooda ku cadeeyeen in umadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ay la wadaagayaan in mudo bil ah ay u Muqdisho u joogaan sidii uu ku qabsoomi lahaa shirkii wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee lagu balamay, balse hadda ay u muuqato in garabka dowladda federaalka ay howshu ka socon la’dahay. “Waxaa muddo 3 maalmood ah socday shir hordhac u ah shirkii lagu balansanaa, kaas oo looga wadahadlayey sii la iskula meel dhigi lahaa ajendayaasha iyo habka qabsoomidda shirka wadatashiga, waxaase nasiib darro ah in Masuuliyiinta Dowladda Federaalka ee muddo xileedkoodii dharnmaaday ay ku dhawaaqeen in shirkii fashilmay, taas oo ah mid ayaga gaar ku ah,” ayaa lagu yiri warkan oo wadajir ay u soo saareen Puntland iyo Jubaland. Sida lagu sheegay qoraalkaan qorshahaan ayaa la mid ah kii madaxweyne Farmaajo uu uga soo tegay shirkii Dhuusamareeb-4, iyadoo dhammaan madaxda maamul goboleedyada ay wada joogaan halkaas, isla markaan aan la gaarin wax heshiis ah. “Ummadda Soomaaliyeed waxay waxay wada ogtahay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shirkii Dhuusamareeb 4 isaga soo tagay, iyadoo dhexda looga jiro si go’aan mideysan looga gaaro xal u helidda qodobada caqabadaha ku ahaa hirgelinta heshiiskii 17 September 2020, xiligaas oo muddo xileedkiisa ay ka harsanayd labo maalmood kaliya. Sidoo kale Farmaajo waxuu 19 February 2021, Magaalada Muqdisho ka abuuray khalkhal amni, isagoo weerar ku qaaday Madaxweynayaashii hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, xubno ka tirsan Murashaxiinta iyo shacab dhigayey mudaharaad nabadeed,” ayaa lagu qoraalkaan. Labada maamul goboleed ayaa sidoo kale madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inuu fashiliyey shir lagu balansanaa inuu magaalada Muqdisho ka dhaco oo go’aan wadajir ah looga gaaro soo jeedinadii Guddiyadii Farsamada ee Baydhaba ku shiray, kadib markii uu ka caga jiiday in la guda galo shirkii uu iclaamiyey ee ka qeyb galkiisa ay Muqdisho u yimaadeen madaxda Jubaland iyo Puntland. Sidoo kale waxay sheegeen in markii uu diiday Farmaajo in laga wadahadlo ee ajendaha iyo qaabka loo qabanayo shirka guud ay Beesha Caalamku soo jeedisay in la bilaabo shirar hor dhac u ah shirweynaha wadatashiga ee lagu gaarayo xalka kama dambeysta ah. “Maxamed Farmaajo ayaa mar walba oo isu soo dhawaansho yimaado dhankiisa ayuu ka carqaladeeyaa, asagoo ugu dembeyntii maanta soo jeediyey in kala tashi la soo yeesho, dibna laysugu soo noqdo shir kale,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka Jubaland iyo Puntland, “Waxaa nasiib darro ah in Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka uu baahiyey war-saxaafadeed u muuqda mid horay loo sii diyaariyey, sheegayna in shirkii fashilmay, arrinkaas oo aan u aragno marmarsiinyo loogu gogol xaarayo in si sharci darro ah kuraasta loogu sii fadhiyo.” Waxaa lagu sheegay qoraalkan in labada maamul aysan waxba kala socon shir fashilmay iyo sababta fashilisay, isla markaana ay diyaar u yihiin in laga heshiiyo qabsoomidda shirkii lagu balansanaa. “Waxaan diyaar u nahay in si joogto ah aan uga qayb qaadano xal u helidda sidii dalka ay uga qabsoorni lahayd doorasho nabad iyo wada oggol ah, kuna dhisan heshiiskii 17 September 2020,” ayey qoraalkooda ku yiraahdeen Puntland iyo Jubaland.
-
Madaxda dowlad gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland oo maanta ay horay dowladda Federaalka ah ugu eedeysay in ay ka dambeeyen Fashilla wadahadalada doorashada ayaa sheegay in aysan jiriin meel ay ku fashilmeen wadahadalada . War-saxaafadeed wada jir ah oo ay soo saareen madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu sheegay in Fashilka dowladda ay sheegtay uu yahay mid madaxeeeynaha waqtigiisa dhamaaday uu ugu gogol xaarayo mudda kororsi. Labadan maamul ayaasidoo kale sheegay in Farmaajo uu diidan yahay in wadahadal lagu lagu heshiiyo. Hoos Ka Akhriso War-saxaafadeedka Puntland Iyo Jubbaland . Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa eedeyntii ugu timid dowladda federaalka ku tilmaamay mar-marsiiyo ay horay tuhunkeeda u qabeen, balse mas’uuliyadda burburka ku yimid shirkaas aysan cidna la wadaageyn madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Deni waxa uu sheegay in muuqaalkii ay maanta xukuumaddu sii deysay ee wasiir Dubbe uu ku sheegay in Puntland iyo Jubbaland uu shirku ka socon waayey uu yahay mid horay loo sii diyaarsaday, islamarkaana ay dowladda federaalku horay ugu sii tala gashay fashilinta shirarka Afisyooni. “Waxaa la yaab leh maanta iyo maalmihii horeba waan shireynay, balse waxaa noo cadaatay in qoraalka iyo muuqaalka ay galabta dowladdu sii deysay ay ahaayeen wax horay u diyaarsanaa, waxaa cad dowaldda federaalku in aysan rabin inuu dhaco shir looga wadahadlayo dalka, marka nasiib daradaas waa inay dadka Soomaaliyeed ogaadaan,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland. Sidoo kale Saciid Deni ayaa sheegay in wasiir Dubbe uu maanta ku sugnaa Afisyooni oo madaxdu ay isugu tageen, balse dharka uu watay markii uu ka soo muuqday shirka jaraa’id ee eedeynta loogu jeediyey Puntland iyo Jubalnd uusan wadan, sida uu sheegay. “Wasiir Dubbe waa uu nala joogay maanta, marka dharka uu isaga duubay muuqaalka kii uu watay maaha, marka wax sii diyaarsanaa oo loogu tala galay in bulshada lagu marin habaabiyo ayuu ahaa warkii galabta ka soo yeeray dowladda federaalka,” ayuu yiri Deni. Hoos ka dhageyso wareysi uu siiyey VOA https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/04/5ca36608-fb52-4ce6-a800-40a77ec79833_16k.mp3
-
Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.com ah heleen, Baarlamaanka Puntland ayaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni usoo jeediyay inuu Dalka kadib ugusoo laabto si deg deg ah. Fariinta Madaxweyneha ay Baarlamaanku u direen ayay ku sheegeen in uu wadatashi ugusoo laabto Puntland. Qaar kamida Xildhibaanada Puntland ayaa tilmaamay in Puntland ay intii karaankeeda isku dayday in Dalka laga badbaadiyo Burbur iyo Kaligii Taliye dib loosoo cesho. Hadalka hada kasoo yeeray Baarlamaanka Puntland ayaa kusoo aadaya Xili ay Maanta Dowlada Federaalka ka dhuunteen Shirkii Arimaha Doorashada oo socda. Puntlandi.com Garowe The post Breaking News— Madaxweyne Deni oo Garowe looga yeeray appeared first on . Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde , ayaa sharci-daro ku tilmaamay in la soo koobo muddada jiritaanka Axsaabta, xilli Goluhu ka tirsan yahay uu hor yaallo Xeerka furista Urur Siyaasadeedka oo wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyay, waxaanu tilmaamay inay soo baxayaan tuhuno muujinaya in la rabo dib u dhac ku yimaadda Doorashada Madaxtooyada. Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde wuxuu yidhi isagoo ka hadlay arintan “Bishii afraad ee sannadkan ayeynu ku jirnaa, sanadkana siddeed bilood ayaa ka hadhay, sannad kalena ku dar, waa sannad iyo siddeed bilood, falaadh inagu taagan oo la leeyahay iska siiba ma fadhiisan kartaana ma jirto, Doorashada Madaxweynaha waxaa ka dambaysa mudada ruqsadda Asxaabta, bil bay ka dambaysaa, ka hor dhici mayso, durba waxaa jira dareeno dhashay oo la leeyahay waxaa loo gogol xaadhayaa in Doorashada Madaxweynaha in dib loo dhigo, haddii ay taasi dhacdana Labada Xisbiba way ka dhammaanaysaa ruqsaddii, kama qayb gali karaan Doorashada Madaxweynaha, Rag badan baa qaba waxaa loo ham iyo dig leeyahay in Axsaabtani aanay ka qayb-galin Doorashada Madaxweynaha, haddii aanay jaran-jarada ka boodin, Saddexda Xisbi intay ka dhammaanayso waa Axsaab qaran, uma baahna in la yidhaahdo waxaad tihiin Axsaab ku meel gaadh ah, iyagu sideedooda ayey ahaanaayeen, ee lixda bilood ee ka horeeysa waxaa la bilaabaya abaabulkii Ururada iyaga wax u taala maaha, markaas si alaale si loo soo gaabin karo tobankaas sanno ee axsaabta u furan ama daaqad ha laga soo galo ama dhulka hoostiisa ha laga soo fuuree ma jirto, lama yarayn karo, yaan la isku ceebaysanin saraaxada” Dhanka kale, wuxuu ku taliyey in maadaama wakhti koobani u hadhay Golaha Wakiillada inay gabi ahaanba Xeerkan faraha ka qaadaan oo Golaha ka dambeeya ay u daayaan. Halkan hoose ka DAAWO Source
-
SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Beesha Bariga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, ayaa ka hadlay abaaraha iyo biyo yaraanta deeganada dalka qaarkood ka jira, xanuunka Koronaha iyo Doorashooyinka. Suldaanka guud ee Beesha Barriga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Wax walba oo adduunka korkiisa ka dhacaya ALLE wuu og yahay waanu sii qoray, ee ALLE waxaynu ka baryeynaa inuu inaga hayo masiibooyinka, balaayooyinka, xanuunada iyo abaaraha, haddana Abaarta adag, biyo yaraanta iyo xanuunkan koronahaba ALLE ha inaga dulqaado, oo khayr ha inoogu beddelo, waana ducaynayaa, waxaana ku ducaynayaa inuu mar walba ALLE inoo naxariisto, inuu mar walba ALLE khayrka ina waafajiyo, inuu ALLE mar walba xaqa ina waafajiyo, inuu ALLE adduunka iyo akhiraba ina wanaajiyo, ee dadkeena abaaruhu sida gaarka u taabteen iyaga iyo inteena kaleba waxaan ALLE inooga baryayaa inuu roob khayr badan inoogu beddelo, ee dadkeenaas ha la ogaado, oo qof walba wuxuu u tari karo ha u taro, xanuunkan koronahana waxaan ALLE inooga baryayaa inuu ka caafiyo dadkeena u jiifa, waxaana ALLE ka baryayaa inuu inaga dulqaado xanuunkan iyo walib xanuunada kale ee jira..”. Mar wuu ka hadlaayey nabadda ayuu yidhi “Nabadda ayey cid walba wax ku tahay, nabada iyo faa’iidada ay leedahay cida aan haysan ayaa garanaysa, iimaanka iyo nabadana nabada ayaa la horeeysiyey ee mar walba nabadgalyada aad ha loo ilaaliyo, oo ha laga dheeraado wax walba oo nabadgalyada dhib ku ah”. Mar wuu ka hadlayey Doorashooyinka ayuu yidhi “Dabcan dalkeena Doorashooyin ayaa ku soo fool leh, ee ALLE ha inooga dhigo Doorashooyinkan Doorashooyin inoogu dhaca si wanaagsan oo nadiifa, insha allaahna waxay inoo noqon doonaan Doorashooyinkani Doorashooyin lagu wada farxo”. Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay Suldaanka guud ee Beesha Bariga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse curashada bisha ramadaan oo Maalmo ka hadhsan yihiin, waxaanu ku taliyey in mar walba la ogaado dadka masaakiinta ah ee aan wax haysan. Source
-
Tanzania’s new president announced plans to appoint a panel of experts to advise her on how best to curb the spread of the coronavirus, reversing her predecessor’s denialism of the pandemic. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Dubai)-Imaaradka Carabta ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee Carab ah oo howlgeliyo warshad laga dhaliyo tamarta Nukliyeerka. Mas’uuliyiinta waxay sheegeen in warshadda tamarta Nukliyeerka ee Barakah ay dalkaas ka haqabtiri doonto baahida korontada. Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al Maktuum oo ah madaxweyne ku xigeenka ahna Raysal Wasaaraha Imaaraadka ayaa tallaabada ku tilmaamay mid taariikhi ah kadib markii ay noqdeen dalkii ugu horreeyay ee Carab ah oo ku tallaabsado in uu isticmaalo korontada laga dhaliyo tamarta Nukliyeerka. Waddanka oo soo saara shidaal badan ayaa rajaynaya inuu ku guulaysto qorshaha in uu dheeli tiro baahida dhaqaalaha iyo mida deegaanka marka la gaadho sanadka 2050. Imaaraadka Carabta ayaa leh tamar qorax oo badan waxayna doonaysaa inay dhinto isticmaalka shidaalka saliida. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wasirka amniga dowlad goboleeedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay sababta loogu cadaalad doonto dagaalyahanada Al-Shabaab, wuxuuna si gaar ah u xusay waaxda garsorka. Axmed Macalin Fiqi ayaa tusaale usoo qaatay dacwadii la joojiyay wasiirkii hore amniga Jubaland Cabdirashiid Janan kaas oo dacwadiisa ay soo xireen xeer ilaalinta iyo makamadda gobolka Banaadir oo wadajir ah. Janan oo dhawaan isku soo dhiibay dowladda Federaalka ah ayaa gal dacwadeedkiisii la laabay, wuxuuna Fiqi sheegay in garsoorka Soomaaliya oo liita darteed loo cadaalad doontay Al-Shabaab. “Waa sababta dadweynaha ay safafka dhaadheer ugu jiraan maxkamadaha kooxda argagixisada, waana nasiib darro,” ayuu yiri Axmed Fiqi oo soo qaatay waraaqahii kasoo baxay xeer ilaalinta iyo maxkamadda gobolka banaadir. Arintaan waxey timid kadib markii dowladda Federaalka ay heshiis la gaartay C/rashiid Janan kaas oo xil ka qaadis lagu sameeyay, waxaana lagu soo dhaweeyay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo.