-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo u dhexeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelah Dhexe ee HirShabelle. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin duleedka degmada Mahaaday, gaar ahaan deegaanka Buurane, waxaana xigay iska hor imaad foolka fool ah. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalkaasi ciidamada milatariga Soomaaliya looga dilay ugu yaraan illaa 2 askari, laguna dhaawacay tiro kale. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarka, kadib dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ay muddo kooban la wareegay gacan ku heynta koontaroolka uu dagaalka ka dhacay, iyaga oo markii dambe dib u gurtay, waxaana ku laabtay ciidamada dowladda. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga iyo maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay. Xaaladda ayaa haatan deggan, hayeeshee ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhaaq-dhaqaaqyo ka bilaabay gudaha iyo nawaaxiga degmada Mahadaay ee gobolkaasi. Muddooyinkii u dambeeyey dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa xoojiyey weerarada ay ka fuliyaan Shabeelooyinka, waxaana ugu dambeeyey dagaalladii lagu hoobta ee dhowaan ka dhacay degaanada Bariire iyo Awdheegle oo ka wada tirsan gobolka Sh/Hoose.
-
Meydadka labo caruur ah oo la la’aa ilaa shalay ayaa laga helay duleedka Baydhabo, sida ay weriyeyaal Goobjoog News u sheegeen waxaa lagala baxay kiliyaha. Labadan caruur ee meydkooda la helay ayaa la sheegay in uu dhalay Xildhibaan hore oo katirsanaa Baarlamaankii sagaal oo lagu magacaabo Aweys Ibraahim, isaga oo shalay ka baafiyey idaacadda Baydhabo iyo baraha bulshada. Lama oga sababta laakin waxaa aad u badan tacadiyada ka dhanka ah caruurta ee ka dhaca Baydhabo. Maamulka Degmada Baydhaba oo aan la xiriirnay yaa inoo sheegay inay wali wadaan baaritaanka dhacdadaan ugubka ah waxa ayna sheegeen inay faahfaahin dhameystiran dib ka bixin doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka aan helayno Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu Xalay Xiriir uu la sameeyay Beesha Caalamka uu ka dalbadey inay wadayeeshaan Kulan deg deg ah, Kulanka ayaa lagu wadaa inuu dhaco maanta Oo khamiis ah duhurnimada, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu wadaa inuu isna qayb ka noqdo kulanka. wararka kale aan helayno balse aan la xaqiijin waxay sheegayaan in Madaxweynihii hore Xasan Shiekh, Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Raysal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyagoo matalaya Musharixiinta ay iyana dalbadeen Kulanka Beesha Caalamka. Labadaan kulan waxay ku saabsan yihiin Falkii lagu eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu ku burburiyay Shirkii ka socdey Afisyooni. Puntlandi.com Muqdisho ???????????????????????????????????? The post Madaxweyne Deni oo kulan deg deg ah isugu yeeray Beesha Caalamka appeared first on . Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa inay howl-gallo qorsheysan si wadajir uga fuliyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya. Howl-galladan ayaa si gaar ah ciidamadu waxa ay uga sameeyeen deegaanada Koban, Araare, Lafaha-Ragga iyo Xero–Shiid ,kuwaas oo ka wada tirsan gobalka Jubbada Hoose. Guddoomiyaha deegaanka Buulo-Gaduud Mudane Mahad Mataan Buulle oo u warramay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyey howl-galladaasi iyo ujeedkooda, wuxuuna shaaca ka qaaday in lagu dilay 10 xubnood oo ka tirsanaa dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Mahad Mataan ayaa sidoo kale xusay in xubnaha lalaayey ay isugu jiraan saraakiil iyo dagaalamayaan ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa deegaanada la weeraray. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay howl-galladu sii socon doonaan, islamarkaana ujeedkooda uu yahay, sidii looga hortagi lahaa weerarada ay soo abaabusho Shabaab. Si kastaba ciidamada huwanta ayaa bilihii u dambeeyey sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Meydadka labo caruur ah oo uu dhalay xildhibaan hore Sheekh Aweys Cabdullaahi oo ka tirsanaa baarlamaankii Soomaaliya ayaa saaka laga helay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Caruurtan oo la waayey shalay, xilli loo diray Dugsi Qur’aan ayaa lagu soo warrmayaa in dib loo helay, iyaga oo meyd ah, isla-markaana loo dilay si arxan darro ah. Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in caruurtaasi oo kala ahaa gabar iyo wiil lagala baxay kilyaha iyo beerka, kadib qaliin lagu sameeyey. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhacdadani naxtinta leh ay dadka ku abuurtay wal-wal iyo walaac aad u xoogan, taas oo si aad ah looga hadal hayo magaalada Baydhabo. “Walaalayaal waxaan aad uga naxay geerida lama filaanka ah ee caruurta yar ee walaalaha ah, Arbacadii shalay waxay aadeen Dugsi Qur’aan kadib waa lawaayay, waxaa la sheegayaa in saaka aroortii hore ayagoo meyd ah laga heley hareeraha magaalada, waxaana la sheegey in qayb jirkooda kamid ah (kiliyaha/beerka) ay maqan yihiin, ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka. Dhinaca kale laamaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyey falkaasi. Waa dhacdo ugub ku ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana dadka deegaanka ay si weyn u cambaareeyeen falkaasi arxan darrada ee lagula kacay caruurtaasi.
-
(SLT-Beijing)-Magaalada Beijing ee caasimadda Shiinaha ayaa imika ah magaalada ay ku nool yihiin bilyaneerada ugu badan caalamka, sida ay qortay jariiradda Forbes’ oo soo saarta liiska sannadlaha ah ee bilyaneerada caalamka. Magaalada Beijing sannadkan waxaa tirada dadka bilyaneerada ah ku darsantay 33 bilyaneer. Tirada bilyan-neerada ku nool caasimadad Shiinaha ee Beijing ayaa imika ah 100 bilyaneer. Waxay magaaladan si dirqi ah kaga guulleysatay magaalada New York, oo bilyaneerada ku nool lagu sheegay 99 bilyaneer Magaalada New York ayaa 7-dii sanno u dambeysay ahayd magaalada bilyaneerada ugu badan ay caalamka ku nool yihiin. Shiinaha oo si degdeg ah u xakameeyay feyriska Corona, shirkadaheeda tiknoolajiyada oo sii kobcaya iyo suuqyadeeda saamiyada ayaa gacan ka geystay koradhka bilyaneerada dalkaasi. Inkastoo Beijing ay ku nool yihiin bilyanerada ugu badan caalamka ayaa hadana waxaa wali bilyaneerada New York ay ka lacag badan yihiin marka la isku daro kuwa ku nool Beijing. Ganacsadaha ugu taajirsan magaalada Beijing’ ayaa waxaa lagu magacaabo Zhang Yiming. Zhang Yiming ayaa ah ninka asaasay shirkadda muuqaalada ee TikTok. Yiming waxaa hantidiisa lagu sheegay in ay gaadhayso $35.6 bilyan. Maalqabeenka ugu taajirsan magaalada New York Michael Bloomberg, ayaa waxaa hantiisu ay gaadhaysaa $59 bilyan. 17 saacadood-ba bilyaneer Waxaa liiska bilyaneerada caalamka sannadkii aanu soo dhaafnay ku soo biiray 493 qof. Arrintan ayaa micnaheedu tahay in 17 saacadod-ba uu hal bilyaneer ku soo biirayay sida ay shaacisay jariiradda, Forbes. Dalka Hindiya ayaa kaalinta saddaxad soo galay oo noqday dalka bilyaneerada ugu badan ay caalamka ku nool yihiin. Waxa dalka Hindiya ku nool guud ahaan 140 bilyaneer. Jeff Bezos, oo ah asaasaha iyo madaxa shirkadda Amazon, ayaa wali ah ninka ugu taajirsan oo ugu maal badan caalamka. Hantidiisa ayaa waxa lagu sheegay in ay sii kobceysay oo ay imika gaadhay $64bn Source
-
(SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadii shalay ahayd sheegtay inay dib u bilaabeyso kaalmadii dhaqaale ee ay siin jirtay dadka reer Falastiin, iyadoo ku dhawaaqday 235 Milyan oo dollar oo iskugu jirta taageero bini’aadanimo, dhaqaale iyo horumarineed. Mareykanku wuxuu sheegay inuu ka noqday go’ankii maamulkii Donald Trump ee taageerada dhaqaale looga jaray Falastiin. Inta badan dhaqaalahan ayaa Mareykanku marsiin doonaa hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka Xaqootiga Falastiin ee UNRWA, taas oo lagu wareejin doono 150 milyan oo dollar, halka 75 milyan oo kale uu mareykanku ku maalgalin doono mashaariicda horumarinta dhaqaaha Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza. Hey’adda USIAD ayaa iyana sidoo kale maamuli doonta 10 milyan oo dollar oo lagu kobcinayo barnaamijyada nabadda iyo amniga. “Kaalmada Mareykanka ee dadka reer Falastiin waxay ka turjumeysaa danaha iyo qayimka muhiimka ah ee Mareykanka” ayaa lagu yiri bayaan uu ku shaaciyay dib u soo celinta gargaarka Falastiin xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Antony Blinken. Maamulkii Donald Trump ayaa sanadkii 2018 maamulka Falastiiniyiinta ka jaray 200 oo Milyan oo dolllar oo kaalmo dhaqaale oo Mareykanku siin jiray, kaddib markii ay ka soo horjeesteen go’aankii Mareykanku uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Isreal, kaddibna ugu raray safaaradda Mareykanka. Isla sanadkaas wuxuu maamulkii Trump ka noqday 300 oo milyan oo mareykanku siinayay hay’adda UNRWA. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Falastiin ee UNRWA ayaa caawisa ilaa 5.7 milyan oo Falastiiniyiin qaxooti ah oo ku kala sugan Marinka Gaza, Daanta Galbeed, Jordan, Lubnaan iyo Syria, iyadoo u fidisa adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin waxbarasho iyo daryeel caafimaad, waxaana kala noqoshada maaliyadeed ee Mareykanka ay hay’addan u horseeday dhibaatooyin dhaqaale. Agaasimaha guud ee UNRWA Philippe Lazzarini ayaa soo dhaweeyay go’aanka dowladda Mareykan ee dib u soo celinya kaalmadan, wuxuuna sheegay inay ku faraxsanyihiin, soona dhaweynayaan. “Ma jirto hay’ad kale oo qaban karta shaqada ay UNRWA hayso, waxaa naga go’an inaan ilaalino bad-qabka, caafimaadka iyo mustaqbalka malaayiin qaxooti ah oo an u adeegno, kaalmada mareykanku waxay timid xilli xaasaasi ah oo aan la daalaa-dhaceyno Covid19, waxaana ku boorinayaa dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay na caawiyaan” ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray kaddib markii lagu dhawaaqay dib u soo nooleynta kaalmadan. Danjiraha Falastiin ee Qaramada Midoobay Riyad Mansour ayaa soo dhaweeyay dib u soo celinta kaalmada Mareykanka, hase yeeshee dhiggiisa Isreal Gilad Erdan ayaa ka horyimid. Tan iyo markii la aasaasay sanaddii 1949 illaa iyo go’aankii maamulkii Trump ee 2018, Mareykanku wuxuu ahaa deeq bixiyaha ugu weyn ee UNRWA. Source
-
Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa labo bil u buuxsantay maanta iyada oo aanu sharciyad dastuuri ah ku joogin madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia. Farmaajo ayaa waxaa muddo xileedkiisa dastuuriga ah ku ekaa February 8, 2021-kii, waxaana haatan laga joogaa labo bil. Inkasta oo 60 cisho kadib muddo xileedkiisa uu weli ku sugan yahay Villada hadana waxaa uu ku guuldareystay inuu la yimaado qorshe doorasho, mana muuqato ififaalo arrintan la xiriirta. Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli Arbacii lagu kala tagay shirkii horudhaca ahaa ee Afisyooni ee saddex maalin halkaasi uga socday madaxda dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Shirkan oo ay dowladda federaalka ah dhankeeda ka baxday, waa markii 2-aad ee Farmaajo uu shir ka baxo labadii bil ee lasoo dhaafay, iyada oo uu horay uga soo cararay Dhuusamareeb 4 horraantii February. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi heleen, Beesha Caalamku waxay hayaan cadeyn in Madaxda Federaalka iyo Sadexda Maamul Goboleed ee la socdaa ay si cad uga caga jiidayaan Wadahadalada Doorashada. Sadexdaan Maamul Goboleed ayaa kulan ay Beesha Caalamku la yeesheen Xalay waxaa la hordhigay Cadeymo muujinaya in Madaxweyne Farmaajo uu qorsheeyey in Shirkii shalay la fashiliyo, iyo in Xukuumadu aysan diyaar u ahayn Doorasho, taas badalkeedana ay ku howlan yihiin Wakhti Kororsi, Maamuladaana waxaa lagu eedeeyay inay qayb ka yihiin isku dayadaas. Beesha Caalamku waxay hoosta ka xariiqdey in Sadexdaan Maamul ay noqon doonaan Qaswadayaal laba wajiile ah hadii aysan Miiska Wadahadalka kusoo laaban iyagoo Xor ka ah Madaxda Dowlada Federaalka. Warar waxaa jira sheegaya in Beesha Caalamku ay baaritaan ku sameeyeen qaabkii uu kusoo dhamaadey Shirkii Afisyooni ee Shalay oo Arbaco ahayd. Waxba kana jiraan wararka sheegaya in Madaxdaan la saaray Xanibaad Socdaalka ah Laakiin waxaa lagula taliyay oo qura inay miiska Wadahadalka iskasoo xaadiriyaan, si ay ugabadbaadaan Cunaqabatayn dhanka Beesha Caalamka uga timaada. Puntlandi.com Muqdisho The post Beesha Caalamka oo ogaatay in Qoorqoor, Laftagareen iyo Cali Guudlaase ay qayb ka yihiin Fashilinta Doorashada appeared first on . Source
-
Golaha Midowga Murashixiinta Soomaaliya, oo war-saxaafadeed wadajir ah soo saaray, ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu doonayo in uu fashiliyo dhammaan dadaallada ku saabsan xallinta muran doorashooyinka dalka. Golaha ayaa ku eedeeyay madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhammaaday, in uu mar kasta carqalad ku wado in dalka doorasho ka dhacdo, taas beddelkeedana uu doonayo mudda kororsi Dastuurka khilaafsan. War-saxafadeedka Midowga Murashixiinta, ayaa lagu sheegay in fashil kasta oo ku yimaada shirarka Arrimaha doorashooyinka aan mas’uuliyadeeda lala wadaagi doonin madaxweyne Farmaajo, waxaana loogu baaqay in uusan carqaladayn dadaalka socda. Sidoo kale, Golaha ayaa amaan u jeediyay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, oo sida ay sheegeen dadaal xooggan ku bixiyay in dalka laga qabto doorasho nabdoon oo heshiis lagu yahay. PUNTLAND POST The post Midowga Murashixiinta oo sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan doonayn in dalka doorasho ka dhacdo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdullahi Cali Xirsi Timo-Cadde oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa ka hadlay qorshaha u degsan Puntland iyo tallaabada ay qaadeyso, kadib fashilka shirkii Afisyoone. Timo-Cadde ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay diyaar u tahay in xal waara laga gaaro arrimaha doorashooyinka, isla-markaana madaxweyne Deni uu sii joogi doono Muqdisho. Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in dib la isugu soo noqo doono, si loo sii amba-qaado wada-hadallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyda. “Waan sii joogeynaa, waana joogeynaa, waana fileynaa in dib la’isugu soo laabto, tana ma’aha mid lagu kala tegi doono,” ayuu yiri wasiir Timo-Cadde. Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray in Puntland ay dooneyso in la bad-baadiyo dalka, isla-markaana ay iyadu tahay cidda sameysay tanaasulka. “Cidda tanaasul sameysaa innaga weeye cidda rabta in Soomaaliya ay badbaadiso innaga weeye labada dowlad gobaleed weeye diyaar ayaana u nahay in meel walba oo la isugu yimaada la garnaqsado,”ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey wasiir Cali Xirsi Timo-Cadde. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Puntland ay u taagan tahay ilaalinta sharciga iyo ku dhaqanka dastuurka u yaalla dalka, isaga oo ku eedeeyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ku tumaneyso shuruuda, taas oo uu tilmaamay in si weynla’isugu hayo. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda dhexe ay shaacisay inay fashil ku soo dhammaadeen wada-hadalladii maalmahan ka socday Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, iyada eeda dhabarka u saartay hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland.
-
Wakiilada Beesha Caalamka, ayaa xalay Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada taageersan Villa Somalia. Kulanka labada dhinac, waxa looga hadlay muranka iyo isfaham-waaga ka taagan qabsoomidda shirka Arrimaha doorashooyinka, kadib markii natiijo la’aan ku dhammaaday shirkii lagu diyaarin lahaa ajandaha shirka guud. Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa sida la xaqiijiyay wakiilada Beesha Caalamka u sheegay in Puntland iyo Jubaland ay fashiliyeen shirka, islamarkaana aysan doonayn in doorasho dalka ka dhacdo. Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Lafta Gareen ayaa sidoo kale codsaday, in iyagana la fasaxo si ay dib ugu laabtaan Gobolladii ay ka yimaadeeen. Ha yeeshee, wakiilada Beesha Caalamka ayaa diiday codsiga saddexdaas madax-goboleed, waxaana lagu wargeliyay in cid kasta oo shirka baxda loo aqoonsan doono Qaswade. Wakiilada Beesha Caalamka, ayaa sidoo kale la filayaa in ay maanta la kulmaan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland iyagoo ka dhegaysan doona sababa fashilka ku keenay shirkii hordhaca ahaa ee Muqdisho. Waxa weli socda Dadaalka Beesha Caalamka, oo ku jihaysan xallinta muran Arrimaha doorashooyinka inkastoo uusan weli mira-dhal noqon dadaalkaas. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo diiday codsi ay u gudbisteen Maamul Goboleedyada taageersan Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
-
A new actor is jostling in the Horn of Africa. Somaliland, a self-declared breakaway republic of northern Somalia, scaled up its foreign policy in 2020 following years of lobbying for international recognition. Emboldened by its geopolitical centrality, leaders of Somaliland embraced a new quest for regional and international allies last year. Nevertheless, President Muse Bihi Abdi’s new strategy is set to build new ties while also breaking others. The ultimate result of this brinkmanship diplomacy remains to be seen. Source: Hiiraan Online
-
Maamullada taageersan dowladda federaalka ee kala ah Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa la sheegay inay kulan la qaateen wakiilada beesha caalamka ee loo yaqaan C6+ iyagoo ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka oo meel adag mareysa. Kilanka waxaa la tilmaamay inuu qabsoomay ka dib markii uu fashil ku soo dhamaaday shirkii maalmihii la soo dhaafay u socda madaxda dowladda federalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada oo lagu daray maamulka gobalka Banaadir, waxaana Galmudug, Hirshabeelle iyo Konnfur Galbeed ay la wadaageen beesha caalamka wixii keenay inuu fashilmo shirkii Afisyooni. Wararka qaar ee la helay ayaa sheegaya in madaxda taageersan dowladda federaalka ay beesha caalamka la wadageen in fashilka shirkii Afisyooni ay ka danbeeyeen madaxda Puntland iyo Jubbaland waxa ayna sidoo kale dalbadeen in la fasaxo oo ay dib ugu laabtaan deegaannadooda. Shirkii Afisyooni ee u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa fashilmay waxa ayna xukuumaddu fashilka shirka ku eedeeyay Saciid Deni iyo Axmed Mmadoobe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Japan's Defense Ministry says members of the Japanese Self-Defense Forces on a counter-piracy mission off Somalia have been infected with the coronavirus. Source: Hiiraan Online
-
Dableey hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa saaka waaberkii weeraray askar ku sugan bar-kantarool oo ku taal degaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellad dhexe. Dagaallamayaasha Al-shabaab ayaa sida la sheegay saacado kooban kantaroolkaas waxaana ay goobta ku dileen laba askari oo ilaalo ka ahaa kantaroolka degaanka Buurane. Kooxda ayaa markii dambe iskood uga baxay barta kantarool kadib saacado ay gacanta ku hayeen sida laga soo xigtay Goob-joogayaal ku sugan degaanka. Dagaallamayaaasha Al-shabaab ayaa dhawr jeer oo hore weeraro khasaare dhaliyay ka fuliyay degmada Mahadaay iyo degaannada hoosyimaada . PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weerar ku qaaday degmada Mahadaay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya magaalada Muqdisho keentay odayaashii dhaqanka Jubaland ee dhowaan la kulmay wasiirka arrimaha gudaha Jeneral Mukhtaar Xuseen Afrax. Mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, oo uu ku jiro wasiirka ayaa maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho ka billaabay kulamo loo qabanayo odayaashan oo badankood ku beel ah madaxweyne Farmaajo. Kulan dhacay Talaadadii ayaa qoraal ay wasaaradda kasoo saartay lagu yiri “Odayaal dhaqameedka beelaha dagga Julabaland iyo siyaasiinta ka soo jeeda maamlkaas ayaa u gudbiyay Wasiirka Wasaaradda cabashooyin ku aaddan sida ay ku dhisantahay Dowlad Goboleedka Jubaland.” “Waxaa ay caddeeyeeyn in aysan ku qanacsaneyn guud ahaan Maamulka Jubaland. Isla markaana ay daneynayaan maamul lagu dhiso si wada ogal ah, damaanad qaadi kara Nabadgalyadooda iyo isku haynta wada jirkooda iyo horumarkooda, shacabka ku dhaqan maamulka Jubaland.” Odayaashaan oo la dejiyay hoteelo ayaa loo sheegay in ay ka qeyb geli doonaan kulamo kale oo looga tashanayo dhismaha Jubaland cusub, sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah odayaasha. Cabashada odayaasha oo ah, kuwa ay kasoo shaqeysay dowladda, ayaa qiil looga dhigi rabaa qorshaha dowladda ee ah inay maamul cusub oo kasoo horjeeda Axmed Madoobe ka dhisto gobolka Gedo, sida aan xogta ku helnay. Kulamada socdo ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya oo degaanka ka soo jeeda. Bisha August ayaa waxaa ku eg labada sano ee dowladda ay aqoonsatay Axmed Madoobe, waxaana qorshuhu yahay in ka hor maamul cusub looga dhowaaqo Gedo.
-
Somali National Army (SNA) said its forces have taken over several bases which were under al-Shabab areas during early Wednesday operations in Galgaduud, in the central part of Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Biden oo dib u billaabay kaalmadii uu siin jiray Falastiiniyiinta ee Trump Jaray Xoghaye Antony Blinken Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadii shalay aheyd sheegtay inay dib u biilaabeyso kaalmadii dhaqaale ee ay siin jirtay dadka reer Falastiin, iyadoo ku dhawaaqday 235 Milyan oo dollar oo iskugu jirta taageero bini’aadanimo, dhaqaale iyo horumarineed. Mareykanku wuxuu sheegay inuu ka noqday go’ankii maamulkii Donald Trump ee taageerada dhaqaale looga jaray Falastiin. Inta badan dhaqaalahan ayaa Mareykanku marsiin doonaa hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka Xaqootiga Falastiin ee UNRWA, taas oo lagu wareejin doono 150 milyan oo dollar, halka 75 milyan oo kale uu mareykanku ku maalgalin doono mashaariicda horumarinta dhaqaaha Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza. Hey’adda USIAD ayaa iyana sidoo kale maamuli doonta 10 milyan oo dollar oo lagu kobcinayo barnaamijyada nabadda iyo amniga. “Kaalmada Mareykanka ee dadka reer Falastiin waxay ka turjumeysaa danaha iyo qayimka muhiimka ah ee Mareykanka” ayaa lagu yiri bayaan uu ku shaaciyay dib u soo celinta gargaarka Falastiin xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Antony Blinken. Maamulkii Donald Trump ayaa sanadkii 2018 maamulka Falastiiniyiinta ka jaray 200 oo Milyan oo dolllar oo kaalmo dhaqaale oo Mareykanku siin jiray, kaddib markii ay ka soo horjeesteen go’aankii Mareykanku uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Isreal, kaddibna ugu raray safaaradda Mareykanka. Isla sanadkaas wuxuu maamulkii Trump ka noqday 300 oo milyan oo mareykanku siinayay hay’adda UNRWA. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Falastiin ee UNRWA ayaa caawisa ilaa 5.7 milyan oo Falastiiniyiin qaxooti ah oo ku kala sugan Marinka Gaza, Daanta Galbeed, Jordan, Lubnaan iyo Syria, iyadoo u fidisa adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin waxbarasho iyo daryeel caafimaad, waxaana kala noqoshada maaliyadeed ee Mareykanka ay hay’addan u horseeday dhibaatooyin dhaqaale. Agaasimaha guud ee UNRWA Philippe Lazzarini ayaa soo dhaweeyay go’aanka dowladda Mareykan ee dib u soo celinya kaalmadan, wuxuuna sheegay inay ku faraxsanyihiin, soona dhaweynayaan. “Ma jirto hay’ad kale oo qaban karta shaqada ay UNRWA hayso, waxaa naga go’an inaan ilaalino bad-qabka, caafimaadka iyo mustaqbalka malaayiin qaxooti ah oo an u adeegno, kaalmada mareykanku waxay timid xilli xaasaasi ah oo aan la daalaa-dhaceyno Covid19, waxaana ku boorinayaa dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay na caawiyaan” ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray kaddib markii lagu dhawaaqay dib u soo nooleynta kaalmadan. Danjiraha Falastiin ee Qaramada Midoobay Riyad Mansour ayaa soo dhaweeyay dib u soo celinta kaalmada Mareykanka, hase yeeshee dhiggiisa Isreal Gilad Erdan ayaa ka horyimid. Tan iyo markii la aasaasay sanaddii 1949 illaa iyo go’aankii maamulkii Trump ee 2018, Mareykanku wuxuu ahaa deeq bixiyaha ugu weyn ee UNRWA. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho oo la hadlayey wariyeyaasha ayaa sheegay in markii horeba dhismaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya loo maray si sharci darro ah, sida uu hadalka u dhigay. Cumar Filish ayaa shaaca ka qaaday in aan loo marin hannaanka awood qeybsiga ee 4.5. isla-markaana beelaha qaar la siiyey xubno badan, halka kuwa kalena lagu tuntay xuqooda, isagoo carabka ku dhuftay inay tahay cadaalad darro horey loo sameeyey. Sidoo kale wuxuu duqa magaalada Muqdisho tilmaamay in dad leh dano gaar ah ay Aqalkani ku dhiseen deg deg iyo boob. “Waxaay aheyd in wixii la dhisaayo oo awood qeybsi ah in 4.5 lagu qeybsado ama tirada gobolada lagu qeyb sado intaba lama sameyn, beel waxay qaadatay 8 midna 17, taas ayaa horta jirta marka beeshii 17 heysatay waxay rabtaa in ay difaacato oo aan laga qaadin waana cadaalad darro,” ayuu yiri Mudane Cumar Maxamuud Mqaxamed (Filish). Si kastaba hadalka kasoo yeeray duqa magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya, xilli gobolka Banaadir illaa 13 xubnood laga siiyey xubnaha Golaha Aqalka Sare oo ay u ansixiyeen xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.