Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka ka imaanaya dalka Djibouti ayaa sheegaya in markii 5-aad uu madaxweynnimada dalkaasi ku guuleystay madaxweyne Cismaaciil Cumar Geelle. 215,000 muwaadin oo isku diiwaan geliyey doorashada ayey 98% codkooda siiyeen Geelle halka waxyar u codeeyeen ganacsade waxyar laga yaqaano. Madaxweyne Cismaaciil Geelle oo 73 jir waxaa uu dalkaasi madaxweyne ka yahay tan iyo 1999-kii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal cusub oo ka soo baxay maamulka Puntland ayaa waxaa looga hadlay shirka arrimaha doorashooyinka ee Afisyoone, kaas oo uu fashil ku yimid todobaadkii hore, sida ay shaacisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Afhaayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Daparani oo war kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ugu baaqay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday inuu kusoo laabto shirka Afisyoone, si loo sii amba-qaado wada-hadallada ku aadan doorashooyinka dalka. Jaamac Daparani ayaa tilmaamay in Puntland ay weli diyaar u tahay inay sii socdaan dadaallada xalka looga gaarayo muranka hareeyey doorashooyinka 2021-ka. Sidoo kale afhayeenka ayaa intaasi ku daray in weli ay fadhiyaan gogosha, wuxuuna ka dalbaday Farmaajo in uusan fashilin wada-hadallada doorashooyinka dalka. “Waxa aan ugu baaqeyna Madaxweyne Farmaajo in uu gogosha kusoo laabto oo uusan fashilin Shirka Afisyooni, Anagu weli gogosha ayaan fadhinaa, wadahadalka ha fashilin ee kusoo laabo mudane miiska wadahadalka,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Puntland. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, xilli lagu kala kacay shirkii gogol xaarka u ahaa wada-hadallada doorashooyinka ee Afisyoone, kadib markii madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland ay isku fahmi waayee qodobada qaar ee miiska saaran, kuna aadan sida loo wajahayo shirka guud.
  3. Norwegian police have fined Prime Minister Erna Solberg for breaking social distancing rules. Norwegian police say they have fined Prime Minister Erna Solberg for breaking COVID-19 social distancing rules when organising a family gathering to celebrate her birthday. Source: Hiiraan Online
  4. COLUMBUS, Ohio (WSYX) — Ohio Secretary of State Frank LaRose visited Polaris Fashion Place Friday to highlight a women-owned business. Source: Hiiraan Online
  5. Somali National Army (SNA) officers and soldiers have been promoted for facing off with Al-Shabaab militants. Source: Hiiraan Online
  6. GENEVA - The fate of hundreds of thousands of refugees in Kenya hangs in the balance as U.N. officials try to dissuade Kenyan authorities from closing two camps that many have called home for the past three decades. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ee waqtigeeda dhamaaday tan iyo markii la doortay qorshaheeda koowaad inuu ahaa in la kala dhantaalo dowladdaha xubnaha ka ah federaalka damaceeda dhabta ahna uu ahaa in la burburiyo maamulada jira. Deni oo wareysi siiyey Dalsan TV ayaa ku amaanay dowladdii hore ee Xasan Sheekh heshiisyadii iyo qodobada ku saleysan federaalisimka inay hirgelisay, balse cunaha la qabtay, wuxuuna tilmaamay in Xasan Sheekh uu ku guuleystay in guud ahaan maamulada dalka dhiso, marka laga reebo Somaliland oo gaar ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdii Xasan Sheekh ee KMG-nimada dalka ka saartay kana shaqeysay in kheyraadka dalka la qeybsado. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha murugsan ee doorashada iyo shirarkii maalmihii lasoo dhaafay ugu socday Muqdisho madaxda maamulada iyo madaxweynaha mudu xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa faah-faahiyay laba qodob oo dowladda federaalka aysan jecleysan islamarkaana keentay sababta ay u shaacisay inuu fashilmay shirkaasi, labadaasi sabab oo maamul ahaan u arkaan inay noqon doonaan daawo dhayeyso booggaha jira iyo shakiga ay qabaan. labadaasi qodob ayuu ku sheegay in ay kala yihiin in dowladdu ay shar u aragtay in shirka looga hadlayo doorashada lagu casuumo madaxdii hore ee dalka gaar ahaan Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh iyo qodobka kale ee ah in beesha caalamka goob joog ka ahaado furitaanka shirka, waxaana raaca qodob kale oo qeexaya sugitaanka amniga doorashada maadaama uu sheegay inaysan jirin kalsooni shaki badana uu jiro kadib dhacdadii 19-kii Febraayo. “Qodobka ugu cuslaa ee dowladdu diiday waxay tahay in maalmaha furitaanka shirka lagu casuumo dad Soomaaliyeed oo saameyn ku leh dalka iyo dadka, inay madaxda Soomaaliyeed kala qeyb galaan shirka si ay bulshada Soomaaliyeed ugu tebiyaan in doorashadaani tahay mid xalaal ah oo jawi fiican ku dhacda. Si gaar ah waxay u diidanaayeen labadii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed oo ka tirsan golaha murashaxiinta, in ay yimaadaan oo la dhageysto maadaama ay qabaan tabasho iyo xadgudubyadii 19-kii Febraayo dowladdu kula kacday madaxdaasi, imaatinkoodana wuxuu daawo u noqon lahaa in la dhageysto. Iyo qodobka kale oo ah in beesha caalamka oo Soomaalida ku dhex wareertay, oo dowladdu diiday inay kulamada kasoo qeybgalaan, sababtana ma garan karo,” ayuu yiri Deni oo tilmaamay in beesha caalamka gacan weyn ku leeyihiin doorashada oo dhaqaale ay ku bixinayaan. “Waayeel caanaha hortiisa ayaa lagu barxaa,” ayuu yiri Saciid Deni oo dalbaday in dowladdu ee waqtigeeda dhamaaday wax badan qarineyso, isagoo ku adkeystay in shirka uusan fashilmin, heshiis buuxa oo dadka Soomaaliyeed iyo dalka maslaxadiisa ku jirta in lagu gaari doono. Madaxweynaha Puntland wuxuu kaloo wareysigiisa uu ku difaacay dadaallada iyo dhex-dhexaadinta beesha caalamka ka wado arrimaha doorashada lagu murunsan yahay, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay xubnaha UN-ka, door weyna ay ku laheedahay arrimaha Soomaaliya iyo dadka kala aragtida duwan. “Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego in UN-ka iyo Midowga Africa ma ahan dal shisheeye, Soomaaliya xubin ayay ka tahay Qaramada Midoobay iyo AU marka caalamkaa ka tirsanahay, ma nihin dad caalamka ka baxsan, shaqada ay gudanayaanna waa shaqadoodii ay annaga noo hayeen, laakin siyaasadda marar badan la alifaayo dadka lagu marin habaabinaayo laga dhigaayo in shisheeye gacanta nala soo galay, arrintaasi arrin jirta ma ahan dadkana in lagu marin habaabiyo ma ahan, dad faquuqan ama bulsho meel gaar ah degan ma nihin, maantana anagaa ugu fakhri badan caalamka,” ayuu yiri Saciid Deni. Saciid Deni ayaa beeniyay in magaalada Muqdisho uu ku joogo culeys iyo amar beesha caalamka saartay inuusan bixi karin ilaa heshiis ay gaaraan madaxda Soomaalida. “Anigaa Muqdisho imid, waxaana u imid danta ummadda Soomaaliyeed, waana u joogayaa ilaa ay ka dhamaaneyso, cid i fartayna ma jirto, cid aan ugu tegaayo danta iyo shaqada aan leeyahay ma jirto meelnana uma socdo, markeey ii dhamaatana meeshii aan shaqada ka lahaa iyo xafiiskeyga ayaa ku noqonayaa,” ayuu yiri Saciid Deni. Madaxweyne Deni ayaa carabka ku adkeeyay in aysan jirin cid gaar ah oo is hayso balse laga wada hadlaayo danta qaranka oo aysan jirin cid gaar ah oo danta qaranka leh, ujeedadiisana ay tahay “Sidee dalka Soomaaliyeed jiho loogu yeelaa aan hadhow hurgumo iyo is-qabqabsi ka imaan nidaamkii lagu heshiiyayna weesac ay ku jirto.”
  8. Mogadishu (HOL) - Somalia's federal government released a statement on Friday seeking to reassure the international community that it is actively seeking a resolution to the country's electoral impasse while simultaneously warning external actors not to interfere with Somalia's internal affairs. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasiimada Online) – Wasiir kux-igeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in fasiraado khaldan laga bixiyay warkii ay Dowladda Federaalka ku sheegtay inuu burburay shirkii Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Wasiir Kuxigeenka ayaa sheegay in hadafka Dowladda Federaalka uu ahaa inay ummadda Soomaaliyeed ku wargeliso in wadahadalada ay curyaamiyeen Madaxda Puntland iyo Jubbaland. “Fasiraado badan oo khaldan ayaa laga bixiyay warkii ay Dowladda Soomaaliyeed sii deysay. Warka dowladda ay sii deysay wuxuu ahaa dadka Soomaaliyeed dowladda waxay ka suggayeen in ay dalka doorasho u dirto, oo dalka uu doorasho aado iyo dowladaha xubnaha ka ah. Waqti badan ayuu qaatay, jahwareer badan ayaa abuurmay, waxaan ka fursan weynay oo ku khasbanaanay in dadka Soomaaliyeed aan u sheegno meesha ay caqabaddu ka jirto, oo ah Jubaland iyo Puntland madaxdoodii inay diidan yihiin,” ayuu yiir Wasiir Alcadaala oo ka qayb qaadanayay dood ka baxday BBC Somali. Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubaland, Xirsi Jaamac Jaani oo doodda ku wehlinayay Wasiir Alcadaala ayaa dhankiisa sheegay inay Dowladda Federaalka tahay midda diidan in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka ee dalka. “Shalay ayadoo la yiri hala soo wada tashto, sidii laba maalmood markuu shirka socdayba loo yiri ayuu Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday jeediyay, ka dibna intii aanba guryaha la tagin ayaa waxaa soo baxay cajalad la shiday, oo ah inuu shirkii burburay,” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubaland. Waxa kaloo uu sheegay in ujeedada shirka loo burburinaya ay tahay Villa Somalia oo dooneyso inay sameyso muddo kordhin aan sharci ahayn. “Meesha ay shirka u burburinayaan iyo danta ay ka leeyihiin, waxaa meeshaan yaala oo calaamado waaweyn u yihiin inay raadinayaan muddo kororsi, oo ummadda Soomaaliyeed inay qalqalgeliyaan, amniga intii yareyd ee lagu soo dhaqmay iyo intii yareyd ee dhismaha dowladnimada la soo saan saaray inay u jeedaan, waxaana cadayn u ah inay taa doonayaan intii shirkaasi socday Baarlamaanka mar walba la kulminayay, oo cadaadiska laga dhigayay muusan kulmin, marka waxay rabaan in muddo kordhin la taggo, wax sharciyada lahayn.” Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa ku guuldareystay inay dalka ka qabtaan doorasho wada ogol ah, waana xilli uu dhammaaday muddo xileedka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, doorashadana ay muddo dhaaftay.
  10. MOGADISHU, April 9 (Xinhua) -- Somali National Army (SNA) said Friday its forces have launched a major security operation against al-Shabab in Galgaduud region in the central part of the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
  11. As part of the ‘anti-separatism’ bill, the French Senate has voted for outlawing the headscarf for minors in public. Source: Hiiraan Online
  12. 'Thank you for your trust, thank you Djibouti. Let's continue together,' Guelleh writes on Twitter after results announced Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha uu kasoo jeedo Guddoomiyihii degmada Hodon Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) oo bishii Janaayo lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa dalbatay cadaalad, iyadoo baaq culus u dirtay madaxda dowladda. Shir ka dhacay magaalada Muqdisho ayay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Beesha Ceyr ee Habargidir ku caddeeyeen in muddo saddex bilood ah kadib dilkii guddoomiyihii degmada Hodon aanu wax cadaalad ah helin, dadkii loo qabtayna qaarkood la sii daayey. Odayaasha ayaa sheegay in ay la kulmen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha oo ay dalbadeen cadaalad, laakiin aan kiiskan waxba laga qaban, iyadoo mas’uuulka la dilay aanay cid kale dilin ee laba taliye saldhig boolis iyo ciidamo ay wateen dilkiisa ka dambeeyeen. Waxay sheegeen in marxuum Cabdixakiim uu waayey cadaalad, beeshuna shireyso, ayna doonayaan cadaalad degdeg ah, iyagoo diray digniin culus oo ay ku sheegeen in si kas ah loo dilay, kuna dhintay fagaare, dilkiisuna ahaa qorshe ayna dileen laba taliye saldhig Hay’adaha amniga ayaa dilka guddoomiye Cabdixakiin u xiray taliyeyasha saldhigyada booliiska degmooyinka Howlwadaag, Gaashaanle Shucayb Cabdi Maxamuud iyo Waaberi, Gaashaanle Maxamed Cabduqaadir Mooshin, waxaa kaloo loo xiray 7 askari oo ku sugnaa bartii lagu dilay guddoomiyaha. Warbixin lasoo dusiyey ayaa lagu sheegay in guddigii baarayay kiiska dilkii Cabdixakiin Dhagajuun ay kiiska ka dhigeen inuu ahaa mid shil ah, islamarkaana ay eeda ka saareen taliyaha saldhigga Waaberi iyo laba ka tirsan ilaaladiisa oo degdeg loo sii daayey, halka ay ku eedeeyeen taliyihii saldhiga Howlwadaag iyo 7 askari oo kale. Guddiga kiiskan baaray ee ka kala yimid xeer illaalinta ciidamada, booliska iyo NISA ayaa warbixintooda ay abuurtay xaalad kale iyo shaki ku saabsan xaqiiqada waxa dhacay iyo dilka guddoomiyihii degmada Hodon. Kiiskan ayaa ka mida mas’uuliyiin ku maqan gacanta ciidamada dowladda oo ana weli cadaalad helin. Beesha uu kasoo jeedo Marxuum Cabdixakiin Dhegajuun ayaan ka harin kiiskan oo digniintan soo saartay. Hoos ka daawo go’aanka beesha Xigasho: Goobjooge.net
  14. Farmaajo oo jaray Lacag & Gunno ay qaadan jireen Laba madaxweyne oo ka horeeyay Xog ay heshay Warbaahintu ayaa xaqiijineysa in qeyb ka mid ah laga jartay lacago gunno ah oo ay qaadan jireen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, taasi oo ay bixin jirtay dowladda dhexe. Lacagtan ayaa aheyd mid labada madaxweyne ama madaxweyne kasta oo xilka ka dega uu dastuurka u ogolanayo, balse waxaa lacagtaas hadda qeyb kamid ah ka jaray Villa Somalia, sida ay xaqiijiyeen xubno ku dhow. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale wareysi uu bixiyay maalmo ka hor, waxa uu ku sheegay in laga jaray qeyb kamid ah lacago ay xaq u lahaayeen islamarkaana ay qaadan jireen sanado ka hor. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in lacagta gunnooyinka ah laga jatay ciidankii la socday isaga iyo madaxweyne Sheekh Shariif. Arrintaan ayuu ku micneeyay cunaqabatayn ka dhan ah madaxdii hore iyo sidoo kale in ay tahay daan-daansi ka dhan labadaan masuul oo dalka usoo shaqeeyay xili adag. Wali Xukumada farmaajo kama aysan hadlin eedeymaha loo soo jeediyay oo ah kuwa culus maadaama uu cadeeyay mid kamid ah madaxdii hore. Dowladda ayaa horey u qaaday tallaabooyin ka dhan ah labadan madaxweyne, waxaana ka mid ahaa in lagu xayiray garoonka Aadan Cadde, sidoo kalena 19-kii Febraayo lagu weeraray hotelka Maa’ida ee Muqdisho, taasi oo uu Xasan Sheekh ku macneeyey “shirqool lagu dili rabay.” Qaran News
  15. Ismaaciil Cumar Geelle oo markii 5aad ku guuleystay Kursiga Madaxtooyada Dalka Jabuuti Ismael Omar Guelleh Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad ku guuleysatay madaxtinimada wadankaas, kaddib markii uu helay 89.41% codadkii dadweynaha reer Jabuuti doorashadii shalay. Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadan Hadal kooban oo uu shalay jeediyay Madaxweyne Geelle, kaddib markii uu dhiibtay codkiisa ayuu sheegay inay doorashadu ay si nabad ah ku dhacday, isla markaana uu sugayo natiijada doorashada. Madaxweyne Geelle, waxaa la tartamay ganacasade Zakariye Ismaaciil Faarax oo 57-jir ah, wuxuuna helay 1.59% tirada guud ee doorashadan. Zakariye oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Jabuuti ayaa musharraxnimadiisa baraha bulshada ku shaaciyay bishii Janaayo ee sanadkan. Qaran News
  16. Nin cajiib ahaa oo noloshiisuna ay cajiib ahayd Marka la joogo meelaha fagaareyaasha ah, Prince Philip mar walba wuxuu ku jiray kaalinta labaad Wuxuu kasoo haray ku dhawaad dhammaan dadkii yaqaannay oo laga yaabi lahaa inay sharraxaad ka bixiyaan noloshiisa. Sidaas darteed waxaa noo soo haray oo kaliya labadiisa dhinac ee mid uu ahaa qof kaftan badan iyo mid uu ahaa qof sheegay hadallo siyaasadeed oo khaldan. Maadaama uu geeriyooday waxay dad badan dib u eegi doonaan noloshiisa. Sababtoo ah wuxuu ahaa nin cajiib ah oo noloshiisuna ay ahayd cajiib. Wuxuu noloshiisa inteedii badneyd kusoo qaatay qarnigii 20-aad ee lasoo maray isku dhacyada iyo jahawareerka badan. Wuxuu ahaa nin ay adag tahay in la fahmo, caqli badan, gudahana ka ahaa qof madaale ah. Hooyadiis iyo aabihiis waxay ku kulmeen aaskii Boqorad Victoria oo dhacay 1901. Xilligaas oo dalalka Yurub dhammaan marka laga reebo afar waddan ay boqortooyo ahaayeen, qaraabadiisu waxay ku kala firirsanaayeen boqortooyooyinka Yurub. Qaar ka mid ah boqortooyooyinkaas waxaa tirtiray Dagaalkii Koowaad ee Adduunka; laakiin dunidii uu ku dhashay Philip waxay ahayd mel ay wali boqortooyo caadi ka ahayd. Awowgiis wuxuu ahaa boqorkii Giriigga; hooyadiisna waxay ahayd gabadha ay ayeeyada u tahay Boqorad Victoria. Afartiisa walaalo ee gabdhaha ah oo ka wada weynaa waxaa dhammaantood guursaday rag Jarmal ah. Markii uu Philip u dagaallamayay ciidamada badda ee Britain, saddex ka mid ah gabdhaha walaalihiis ah waxay taageerayeen Naasigii Jarmalka; midna laguma casuumin guurkiisii. Markii nabadda la helay, dhaqaalihiina uu soo kabsaday, Philip wuxuu qayb ka noqday dib u dhiskii Britain, isagoo waddanka ku boorrinayay inuu la qabsado habab seyniska la xiriira, wuxuuna la yimid fikradaha warshadaha, qorsheynta, waxbarashada iyo tababarka. Markii uu jiray 18 bilood, qoyskiisa waxaa lagu khasbay inay dalkooda ka cararaan Carruurnimadiisii ayuu si deg deg ah ugu bartay in uu kaligiis isku tiirsanaado Wuxuu cashirro badan ka qaatay tobankii sano ee ugu horreysay noloshiisa kaddibna wuxuu kusii adkaaday iskuulka. Sannadihii ugu horreeyay noloshiisa waxaa ku taagnaa su’aalo badan, maadaama dalkii uu u dhashay laga soo eryay. Qoyskiisa waxay ku noolaayeen waddanka dibaddiisa, waligiisna ma uusan fursad u helin inuu la noolaado. Isagoo hal sano jira ayaay kala burbureen qoyskiisa, waxaana loo qaaday Talyaaniga kaddib markii aabihiis lagu xukumay ciqaab dhimasho ah. Mid ka mid ah safarradii ugu horreeyay ee caalami ah wuxuu Philip ku qaatay sagxadda tareen ka qaaday magaalo ku taalla Talyaaniga. Markii uu ku sugnaa magaalada Paris wuxuu la noolaa qoys ay qaraabo yihiin; balse halkaas uma aysan noqonin hoygiisa mustaqbalka. Hal sano uun kaddib, isagoo ku jira iskuul ku yaalla Britain, waxaa sii xumaaday xaaladda dhimirka ee hooyadiis oo magangalyo u joogtay halkaas. Aabihiis, Prince Andrew wuxuu aaday Monte Carlo si uu ula noolaado haweeney saaxiibaddiis ahyad. Gabdhihii walaalihiis ahaana waxaa lagu guursaday oo ay ku noolaayeen Jarmalka. Toban sano gudahood wuxuu ka gudbay darajadii ahayd Amiirka Grigiigga wuxuuna noqday wiil aan waxba ka war qabin oo hoy la’aan ah, cid xannaaneysana aan heysanin. “Uma maleynayo inuu qofna ku fikiri jiray inaan aabbe leeyahay,” ayuu mar yidhi isagoo la wareysanayo. Andrew wuxuu geeriyooday intii uu dagaalka socday. Philip wuxuu tagay magaalada Monte Carlo si uu uga soo qaato alaabtii aabbihiis kaddib markii Jarmalka laga saaray Faransiiska. Halkaas waxa uguma uusan tagin marka laga reebo dhowr sheey oo dhar ah. Kaddib waxaa la geeyay iskuul uu jecleystay casharrada nolosha ee uu ka qaatay, inkastoo wiilkiisa Charles uu marka dambe iskuulkaas aad u nacay. Prince Philip wuxuu ka mid noqday labo xiddig;leyaashii ugu da’da yaraa ee uu yeeshay ciidanka badda Britain Laakiin wuxuu ku khasbanaa inuu xirfaddiisa ka tago si uu u garab istaago boqoradda Amiirka Edinburgh carruurtiisa looma oggolaanin inay qaataan magaca qoyskiisa, Mountbatten Mid ka mid ah mowduucyada ugu waaweyn ee ku saabsan noloshiisa waxaa ka mid ah in Amiirka Edinburgh carruurtiisa loo oggolaanin inay qaataan magaca qoyskiisa, Mountbatten Arrintaas ayaa laga yaabaa inay saameynta ugu badan ku yeelatay fikirka Philip ee nolosha iyo sida uu doonayay inay noqoto noloshiisa. Waxaa laga dheehanayay khudbadihii uu waayadii dambe jeediyay. Sidaasoo ay tahay, wuxuu kaalinta koowaad uga jiray ciidanka badda ee Britain, markii dmabena wuxuu ahaa qofka ugu muhiimsan boqortooyada, marka laga soo tago boqoradda. Shaqada ciidanka badda waxay xiriir qota dheer la lahayd qoyska Philip. Shaqada ciidanka badda waxay xiriir qota dheer la lahayd qoyska Philip. Markan wuxuu ku sawiran yahay markab uu ku xiran yahay qalabka nucliyeerka oo lagu magacaabi jiray HMS Churchill Prince Philip wuxuu sanad walba bixin jiray inta u dhaxeysa 60 ilaa 80 khudbadood Ayeeyadiis dhinaca hooyada ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee darajada ugu sarreysa ka gaaray ciidanka badda. Phlip markii hore wuxuu doonayay in uu ku biiro Ciidamada Cirka ee Boqortooyada laakiin qoyska hooyadiis ayaa lahaa dhaqan ku safridda badda ah sidaas awgeedna wuxuu tababar ka billaabay macadka ciidamada badda Britain ee Britannia Royal Naval, oo ku yaalla Dartmouth. Isagoo ku sugan Dartmouth sanadkii 1939-kii, xilli uu dagaalka aad usii xoogeystay, ciidanka badda ayuu ku hamminayay. Badda lafteeda ayuu jacayl u qaaday. “Baddu waa wax aad jeclaan karto oo qayrul-caadi ah,” ayuu yidhi mar. Markii uu boqro George VI booqday dugsiga tababarka ciidanka badda, isagoo uu wehlinayay Philip abtigiis, wuxuu waardiye uga dhigay gabadhiisa Princess Elizabeth. Sida laga soo xigtay goob jooge, Amiir Philib si wanaagsan ayuu uga soo baxay shaqadiisa. Laakiin kulankaas wuxuu aad u cajabiyay Amiirad Elizabeth oo ahayd 13 jir. Philip si dhakhso ah ayuu u caddeeyay in mustaqbalkiisa uu aad u wanaagsan yahay, wuxuuna heerka ugu sarreeya ka galay fasalkiisa bishii January ee sanadkii 1940-kii, wuxuuna markii ugu horreysay nasiib u yeeshay in uu ficil militari ku arko Badweynha Hindiya. Prince Philip iyo abitigiis, Earl Mountbatten, oo ku sugan xarunta ciidanka badda boqortooyada sanadkii 1965 Boqoradda oo la sheekeysaneysa Prince Philip oo ciyaaraya Faraanti galiskooda wuxuu dhacay July 1947 Miyuu ogaa in aysan isku meel gali karin shaqadiisa iyo jacaylkiisa? Oo aysan suuragal ahayn in badda iyo haweeneyda quruxda badan uu isku wada helo? In muddo ah, arooskooda kaddib sanadkii 1978-kii, wuu isku heystay labadaba. Iyagoo aroos cusub ah ayay isla joogeen Jasiiradda Malta. Laakiin xanuunkii iyo dhimashadii xigtay ee Boqor George VI ayaa soo afjartay riyadiisii ahayd inuu isku haysto baddii uu jeclaa iyo xaaskiisa. Prince Philip wuxuu fuliyay boqollaal mashruuc oo khuseeyay dhalinyarada iyo ciyaaraha Prince Philip wuxuu gacan ka geystay in boqortooyadu ay taagnaato Wuu ogaa sida ay xaaladdu noqoneysay islamarkii geerida loo soo sheegayba. Iyagoo ku sugan hoteel ku yaalla Kenya, xilli ay booqasho ku marayeen Afrika, ayuu Philip xaaskiisa Princess Elizabeth ku wargaliyay geerida aabbeheed, taasoo iyada ka dhigeysay boqoradda. Dunidiisii waxay isbaddashay maalintaas wixii ka dambeeyay. Qof saaxiib la ah ayaa goor dambe marxaladdaas ku qeexay in Amiir Philip uu u muuqday Qof dusha laga saaray “kala bar ka mid ah adduunka”. lixdankii sano ee xigay ilaa hadda wuxuu garab taagnaa boqoradda oo uu taageero buuxda siinayay. Intii uu howlaha boqortooyada hayay wuxuu fuliyay boqollaal mashruuc oo diiradda lagu saarayay horumarka dhalinyarada iyo ciyaaraha kala duwan. Wuxuu sidoo kale ka qayb qaadanayay maamulka gudaha ee qoyska boqortooyada iyo qasrigooda. His relationship with his eldest son improved in later years Prince Philip (10 June 1921 – April 2021) Taariikh nololeedka Prince Philip, Amiirka Edinburgh Prince Philip oo geeriyooday isagoo 99 jir ah Madaxda Caalamka oo ka fal celiyay geerida Prince Philip Amiir Philip, Amiirka Edinburgh, waxa uu ahaa nin fikirkiisu awood lahaa oo madaxbannaanaa, waxa uuna bartanka uga dhex jiray bulshada reer Britain. Waxa uu ahaa hoggaamiye dabiici ah oo doorkiisu uu mar walba ku khasbayay inuu qaato booska labaad; wuxuuna ahaa nin dabeecaddiisu ay adkeyd balse ku guuleystay in uu dadaal adag kaddib meel la fariisto waxyaabaha xasaasiga ahaa ee ku saabsanaa doorkiisa. Qaran News
  17. Djibouti’s veteran ruler Ismail Omar Guelleh was re-elected for a fifth term as president with more than 98 percent of the vote, according to provisional results announced early Saturday, after the election in the tiny but strategically important country was boycotted by the main opposition. Around 215,000 citizens were registered to vote in the ballot pitting Guelleh, 73, against a little-known businessman widely seen as posing scant threat to the strongman, who has been in power since 1999. Counting started shortly after polling stations closed around 7:00 pm in the Horn of Africa nation, which overlooks one of the world’s busiest trade routes at the crossroads between Africa and the Arabian Peninsula. “President Ismail Omar Guelleh obtained 167,535 votes, which is 98.58 percent,” Interior Minister Moumin Ahmed Cheick told public broadcaster RTD early Saturday, adding that confirmed results would be released soon by the Constitutional Council. Independent election observers said the process went smoothly, with no reports of misconduct. Earlier, after voting in the capital where most of Djibouti’s one million people reside, Guelleh praised the trouble-free conduct of the electoral exercise. Dressed in immaculate white traditional robes, he said he was “very, very confident” of victory, after placing his vote in a transparent ballot box. – ‘My vote is useless’ – Guelleh was the handpicked successor to his relative Hassan Gouled Aptidon, the country’s first president after independence from France in 1977. He faced just one challenger — political newcomer Zakaria Ismail Farah — after Djibouti’s main opposition parties boycotted the election. Farah, a 56-year-old cleaning products importer, ended up with under 5,000 votes, according to the provisional results. Farah cast doubt on the transparency of the voting process, saying his delegates were not present at polling stations. “My vote is of no use, nor are the votes of 80 percent of the Djiboutian people,” the opposition candidate told AFP in a text message. Ahmed Tidiane Souare, the head of an African Union (AU) observer mission, said all candidates were free to send their officials to any polling station. Farah, who had styled himself as the “flag bearer of poor Djiboutians”, had alleged unfair treatment during the election campaign, including that he was not provided security at his rallies. Guelleh, and his extended family, have controlled Djibouti with an iron fist since he was handed power. A rare wave of opposition protests in 2020 were brutally suppressed. His predicted fifth term will be his last, under a 2010 constitutional reform that scrapped term limits while introducing an age limit of 75, which would lock him out of future elections. Guelleh has clinched at least 75 percent of the vote in every presidential election he has contested. “I am with President Ismail. I voted for him, I love him,” said 64-year-old Ahmed Abdillah Hadi after casting his ballot. The vote proceeded despite a surge in Covid-19 cases and infection rates, and few wore face masks as they cheered Guelleh at a crowded final rally this week. – Stable and strategic – Under Guelleh, the country has exploited its geographical advantage, investing heavily in ports and logistics infrastructure. In 2018, seeking to become a trade and logistics hub, the country launched the first phase of what will be Africa’s biggest free-trade zone, financed by China. Flanked by Somalia and opposite Yemen, Djibouti has remained stable in a volatile neighbourhood, drawing foreign military powers such as former colonial ruler France, the United States and China to establish bases there. But the country has also seen an erosion of press freedom and a crackdown on dissent as it has courted foreign interest. The country’s economy shrank by one percent in 2020, but is expected to grow seven percent this year, according to the International Monetary Fund. Djibouti’s GDP per capita income is about $3,500, higher than much of sub-Saharan Africa, but around 20 percent of the population lives in extreme poverty and 26 percent are unemployed, according to the World Bank.
  18. Gudoomiyaha Wanaag farista Oo Bulshada U Diray Fariimo Ku Saabsan Bisha Ramadaan Sheekh Muuse Jaamac Cabdi gudoomiyaha guddida wanaagfarista Somaliland wuxuu dadweynaha u soo jeediyay inay u diyaar garoobaan bisha Ramadaan ee khayr ka leh ee inagu soo foolka leh, waxaanuu u soo jeediyay inay bishaan ku dadaalaan kor u qaadida cibaadda bishaan, oo ah mid bilaha kale ka khayr badan. Ugu dambayn gudoomiyaha guddi wanaagfaritsa iyo xumaan reebista Sheekh Muuse Jaamac wuxuu bulashada u soo jeediyay inay bisha barakaysan ee Ramadaan ay caawiyaan dadka aan waxba haysan ee danyarta, arrintaas oo ah mid cidii bishaas wax tarta bulshada jilicsan ay ugu jiraan khayr, maadaama diinteenu ay dhiiri gelisay in la is caawiyo, waxaanuu xusay in dadka bishan oo kale ganacsi ka dhigta in ay kariyaan cunto xaaraan ah ay ka waan toobaan Qaran News
  19. Xildhibaan la Gole Yimi “Guddoomiyaha Xisbi Ee Musharrax Madaxweyne Doonayaa Waa Inuu 6 Bilood Ka Hor Iska Casilaa Xilka Guddoomiyaha Xisbiga” Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo ka qayb-qaadanayey dooddii Xildhibaanada Golaha Wakiillada ee xeerka ururrada iyo axsaabta ee wax ka baddelka iyo kaabista lagu sameeyey, ayaa soo jeediyey in loo baahan yahay in Guddoomiyayaasha Xisbiyadu ay iska casilaan xilka Guddoomiyenimo lixd bibood ka hor shir weynaha Xisbiga, isla markaana uu Xisbiga dhex-diisa ku tartamo Musharrax Madaxweynaha ee Xisbiga, balse isagoo Guddoomiye ah oo awood leh inuu Musharrax Madaxweyne Xisbiga gudihiisa ku tartamaa ay dhawacayso dimuqraaddiyadii Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa waxa kamid ahaa haddaladisii kuwan :-“ Musharraxa Madaxweyne ee Xisbi u tartamaya waxa looga baahan yahay inuu isaga oo shaadhkii Guddoomiyenimada xidhan oo awooddii Guddoomiyenimada haysta inuu yidhaa waan la tartamayaa, yaa ila tartamaya oo uu soo fadhiisto halkan waa laga qurux baddan yahay dimuqraadiyaddiina wey ku baaba’aysaa dadkii kale ee musharraxiinta noqon lahaa ee xisbiga ka tirsanaa cagta ayaa la saarayaa, cid dooranaysa iyo cid Gole Dhexe ah oo u codaynaysaa midna ma jirto.”Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa. Xildhibaan Buubaa oo haddalkiisa sii wataa waxa uu intaasi ku daray: “Markaa waxa aan halkan kusoo dari lahaa Musharrax xisbiga guddihiisa u tartamaya inuu noqdo Musharrax Xisbiga ee Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa in xilka Guddoomiyenimada lix bilood ka hor uu ka tago maalinta la qabanayo shirweynaha Xisbiga ee lagu dooranayo Musharax Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa .”ayuu yidhi Dhanka kale Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa ku teliyey in doorashada Musharrax Madaxweyne ee Xisbiyadu ay noqoto mid Tageerayaasha Xisbiyadu ay cod ku kala saaraaan Musharraxiinta u tartamayaa Madaxweynaha iyo ku-xigeenka ee xisbiga “Waxa kale oo aan soo kordhin lahaa marka musharraxa la xulayo maaha in Gole dhexe oo keli ahi ay xulaan, cidda tartamaysa ee Xisbiga dhexdiisa ku tartamaysa waa inay doorasho Xisbiga gudihiisa ah qabtaan oo lixda gobol ay soo maraan oo tartan furan lagu kala saaraa, tageerayaasha Xisbiga iyo kaadiriinta Xisbigu ay ku kala saaraan Musharraxa u noqonaya Xisbiga Musharrax Madaxweyne” ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo wakiilada ahi Qaran News
  20. Djibouti: (Caasimadda) Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad ku guuleystay tartankii doorashada Jimcihii shalay, waxaana kula tartamayay doorashada ganacsade Sakariya Ismaaciil Faarax. Cododkii la dhiibtay oo dhamaa 5421 ayaa 5221 cod oo u dhiganta 96% waxay u coddeeyeen Ismaaciil Cumar Geelle halka 4% oo ah tirada soo hartay 200 qof ay codkooda siiyeen Sakariya Ismaaciil Faarax. Murashaxa la tartamayay Mr Geelle ayaa diiday jimcihii inuu codkiisa dhiibto isagoo ka cabanayay qaabka kooxda doorashada qaabilsan ula dhaqmeen. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa doorashaddiii ugu horeysay ee Jabuuti ku guuleystay 1999 iyadoo xiligaasina aysan jirin cid kula tartantay, wuxuuna xukunka madaxtinnimada kala wareegay madaxweynihii ugu horeeyay ee Jabuuti Xasan Guulleed Abtidoon oo abti ahaan ugu aadan Ismaaciil Cumar Geelle. Mucaaradka iyo shacabka Jabuuti ayaa ku eedeeya Ismaaciil Cumar Geelle hoggaamiye aan ogoleyn nidaamka xisbiyada badan ee doorashada iyadoo dadku ka cabtaan caburin iyo xarig sharciga aan waafaqsaneyn.
  21. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixisay sheegashadii dhawaan kasoo yeertay maamulka Puntland, ee ku shaacisay in maamulkooda uu maalmo gudahood gacantooda kusoo celinayaan magaalooyin ay isku hayaan Somaliland. PWasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhaban-cad oo barta maqal dhageysiga Clubhouse kula hadlayay jaaliyadda Puntland ayaa wuxuu sheegay inay wadaan maamul ahaan nidaam iyo qorshe ay dib ugu qabsanayaan gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo Somaliland qeybo badan ay ka haysato. Wasiirka arrimaha bulshada Somaliland, Mustafe Godane oo daba socda hadalka Wasiir Dhabancad ayaa sheegay inuu waxba kama jiraan yahay sheegashada Puntland, islamarkaana ay xukuumadda Somaliland gacanta ku hayso deegaanada gobolka Sool iyo Sanaag. “Wasiirka leh Sool baan qabaneynaa, ciidamada Somaliland waxay xafiiskiisa u jiraan wax ka yar 19 km, haddii uu daaqadiisa furo oo uu eego wuu arkayaa, cid ka hor joogtana ma jirto ee Somaliland iyada ayaa masuuliyadeeda u dhawraysa wax badan,” ayuu yiri wasiirka Wasaarada shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada Somailand Mustafe Maxamuud Cali. Magaalada Laascaanood ayaa maamulka Somaliland xoog kula wareegay sanadkii 2007-kii, halkaasi oo dagaal xoog badan uu ku dhex maray labada maamul.
  22. Madaxweynaha waddanka, Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad loo doortay madaxtinimada dalkaas. Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh oo ku dhawaaqay natiijada doorashadan ayaa si rasmiya u shaaciyay in mudane Geelle mar kale loo doortay madaxweynaha Jabuuti. Hadal kooban oo uu shalay jeediyay Madaxweyne Geelle, kaddib markii uu dhiibtay codkiisa ayuu sheegay inay doorashadu ay si nabad ah ku dhacday, isla markaana uu sugayo natiijada doorashada. Madaxweyne Geelle, waxaa la tartamay ganacasade Zakariye Ismaaciil Faarax oo 57-jir ah, wuxuuna helay 1.59% tirada guud ee doorashadan. Zakariye oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Jabuuti ayaa musharraxnimadiisa baraha bulshada ku shaaciyay bishii Janaayo ee sanadkan. PUNTLAND POST The post Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad loo doortay madaxweynaha dalka Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  23. Mogadishu (PP News Desk) — Puntland State President Said Abdul Deni has said he is “sanguine about an electoral deal to be struck soon”. President Deni told a reporter from Dalsan Television that Puntland did not demand the inclusion of non-signatories in the electoral talks. “We have proposed that some dignitaries be invited to the first and the last sessions of the consultative conference. We know that 17 September signatories are the stakeholders” said President Deni. President Deni: Talks haven’t broken down. Puntland President’s remarks clarify what many people viewed as delaying tactics due statements on the agendas of the conference as expressed by Puntland and Jubaland through tweets and press releases. “We propose that members of the civil society be invited to the conference. There is trust deficit owing to wilful misrepresentation from the Federal Government of Somalia on previous summits” added President Deni. President Deni lashed out at the claim that any role for International Community in the talks was tantamount to interference in Somalia’s internal affairs. “The Federal Government of Somalia is undermining the federal system” said President Deni. Last month, Puntland and Jubaland Presidents called on Somalia’s International Partners to play a guarantor’s role in the electoral talks. “We don’t think that talks had broken down. A deal on elections will be struck by stakeholders in the interest of our country” said President Deni. © Puntland Post, 2021 The post Puntland President Sounds Hopeful of Somalia Electoral Agreement appeared first on Puntland Post.
  24. Annaga oo tixraacayna warsaxafadeedkii soo baxay 31 March 2021 ee ka soo baxay Madaxweynaha xilka ka dagaya ee Golaha Amaanka Marwa Linda Thomas, dowladda Soomaaliya waxay tixgalin iyo qadarin u haysa kaalinta Golaha Amaanka iyo taageerada waqtiga dheer ee xubnaha golaha la garab taagnaayeen Horumarka iyo xasiloonida Soomaaliya iyo xushmadda gobonimada Soomaaliya, sharafka dhuleed, midnimadeeda iyo madax banaanideeda siyaasadeed. Taariikhda dhowaanahan Soomaaliya waxay wajahaysay xaalado adag iyo caqabada siwalba ha ahaata waxaan awoodnay in aan annaga oo wadajirna qaran ahaan uga wada hadalno waxa na dhexyaala, isku tanaasulno lana imaano hal abuur aan ku xalino. Deganaanshaha siyaasadeed wuxuu sal u yahay dhammaan dadaalada horumarineed ee aan qorsheyneyno inaan ku hirgalino Soomaaliya, sidaas darteed, waxaan ka simanahay golaha amaanka, heshiisna ku nahay danta dadka Soomaaliyeed ee ah qabashada doorasho loo dhan yahay sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan. Sidaa darteed. waxaan jeclaan lahayn inaan hoosta ka xariiqno mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee waxyaabaha soo socda: A: Doorashooyinka qaran ee Soomaaliya, sida ummadaha kale ee madaxbanaan u leeyihiin aaya ka talinta Qarankooda ayay hay’adaha dalkeeni go’aan uga gaarayaan arrimaha horyaala, sida ku cad sharciga Lr. 30 ee ay meel mariyeen Baarlamanka. Sidaa darteed, waxaan ka mahadcelineynaa taageerada hagar la’aanta ah ee UNSC ee gobonimada Soomaaliya, sharafka dhuleed, midnimada iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Soomaaliya. B: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay u arkaysaa faragalin kasta oo hannaanka doorashooyinka qaranka ku sameeyaan xubna dibadda ah in ay tahay faragelin toos ah oo lagu sameeyay arrimaheena gudaha iyo jabin la jabiyay shuruucda Golaha Amniga ee Qaramada midoobe iyo qaanuunka Caalamiga ah. C: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay u aragtaa heshiiskii 17-kii Sebtember inuu saldhig u yahay Geedi socodka doorashada iyo talooyinka ay soo jeediyeen guddigii Farsamada Baydhabo ee 16ka Febraayo iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhin. D: Iyada oo laga jawaabayo walaacyada la xiriira amniga doorashada, waxaan halkan ku xoojinaynaa in Guddi amaan oo Doorashooyinka Qaranka uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha ay noqon doonaan kuwa farsaama ahaan wajaha arrimaha amaanka ee la xiriira doorashooyinka. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyada oo ka faa’iidaysanaysa fursadaan waxa qiraysa doorka iyo qiimaha golaha Amaanka ee Qaramada midoobe waxayna siinaysa tixgalin midda ugu saraysa. Hoos ka akhriso Qoraalka oo English ah PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo Qoraal u dirtay Golaha Amnniga Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.