-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
(SLT-Hargeysa)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Xasan Dirir oo uu dhowaan shaqada ka hakiyey Wasiirka Wasaaradaasi Maxamed Muuse Diiriye kadib markii lagu eedeeyey inuu si khalad ah U, Copy gareeyey Shaanbadii Wasiirka ayaa haatan Markale ilo Xog ogaali ahi ay tibaaxayaan in lagu hayo lunsi hantiyeed kuwaas oo ay kamid yihiin (Dhaamam)iyo Mashaariic kale oo isugu jira Laptopyo, iyo 18 Bacood oo ah kuwa baliyadda la dhigo oo ay bixisay hay,ada WHH ee jarmalka
Sidookale Agaasime Dirir ayaa la sheegay inuu isagu si gaar ah uu U,Qoondaystay Qaar kamid ah mashaariicda Kor Ku xusan oo weli Socda
Waxaanay Xoguhu intaasi ku Darayaan in Agaasimuhu uu si khaas ah uqoondaystay inuu U,leex Sado Laba Bali biyood (Dhaam) kuwaas oo uu, uqorsheeyey inay uwaraabiyaan Beer weyn oo uu isagu iibsadey intii uu ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas labadan (Dhaam Biyood ) ayaa lasheegay inay Maal gelinaysey Haayad Turki ah islamarkaas na uu Qorshuhu ahaa, inay ka faa iidaystaan Dadka ku dhaqan Deegaanada Hoosyimaada Gobolka Hawd iyo Degmada Salaxley
Xeer ilaalinta Guud iyo Haayaddaha kale ee ay khusayso Amuurtaasi ayaa lasheegay inay ku daba jiraan Eedaymaha kor ku Xusan ee lala Xidhiidhinaayo Masuulkan.
Abdiqani Baylood
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa ka codsaday, una soo jeediyey Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex in la cafiyo oo la sii daayo rag tiradooda lagu sheegay shan nin oo ku eedeysnaa in ay fidinayeen Diinta Kiristaanka.
Warkan oo uu baahiyey Telefishanka Saab Tv, oo xiganayey qoraal uu sheegay inuu helay oo Wasiirka Diinta iyo awqaaftu u diray Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa waxa uu u dhignaa sidan: “Saddex toddobaad ka hor ayey ahayd, markii Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland ay qoraal u dirtay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, taas oo ay kaga codsatay in la cafiyo, xoriyadoodana loo soo celiyo shan nin oo ku eedeysnaa in ay ku biireen Diinta Kiristaanka, isla markaana bulshada ku dhex faafinayey.
Warqadan oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo nuqul ka mid ah uu helay Telefishanka Saab Tv, ayaa u dhignayd sidan: “Guddoomiye waxa aan halkan ugu soo gudbinayaa warbixinta guddidii aan u magacaabay qancinta iyo kala xaajoodka xubnaha ku eedaysan in ay diinta Kiristaanka galeen amma faafiyeen oo kala ah shan xubnood, guddidaas oo aan shakhsi ahaan goob joog ka ahaa lix kulan oo aanu la yeelanay eedaysanayaasha iyo wada hadallo u badnaa qancin iyo dood, waxa guul noo ahayd in wada hadalladaasi ku dhamaadeen in ay qirteen Tawxiidka, kana toobad keeneen wixii ka dhacay, ee aanay u qastiyin in ay diinta kaga baxaan amma cid kale ka saaraan, sidaas ayeyna kaga toobad keeneen intii lagu tuhunsanaa in ay gaaloobeen amma cid gaalaysiiyeen.
Sidaasi awgeed, waxaan soo jeedinayaa in la cafiyo, intii ay xidhnaayeena looga dhigo edbin, ishana lagu hayo dhaq-dhaqaaqooda.”
Telefishanka Saab, waxa kale oo uu ku xusay warbixintiisan in aan la ogeyn in Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex aqbashay codsiga iyo soo jeedinta Wasiirka Diinta iyo awqaafta.
-
Nin hubeysnaa ayaa lagu dilay meel u dhow safaaradda Faransiiska ee dalka Tanzania kadib markii uu labo askari ku dilay israsaaseyn halkaas ka dhacday.
Safaaradda Mareykanka ee Tansaaniya ayaa soo saartay digniin degdeg ah ka dib markii nin hubeysan lagu dilay agagaarka Buundada Salenda oo ka baxsan safaaradda Faransiiska ee dalkaas.
Ninkan oo ku hubeysnaa qori AK 47 ah, ayaa wuxuu taagnaa bannaanka hore ee Safaaradda, isaga oo u muuqday qof hagaya gaadiidka wadada maraya.
PUNTLAND POST
The post Toogasho ka dhacday meel u dhow safaarada Faransiiska ee dalka Tanzania appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynihii hore ee dalka Chad Hissène habré, ayaa ku geeriyooday kadib muddo Todobaad ah oo uu la xanuunsanaa xanuunka Covid-19.
Hissène ayaa Corona uu ku dhacay Isbuucii hore xilli uu ku jiray xabsi ku yaallo dalka Senagal kadib markii hogaamiyahaan maxkamad ay ku xukuntay Xabsi daa’in.
2016-kii ayaa maxkamadda ay ku xukuntay xabsi xilligaas oo lagu helay in uu dambiyo dagaal iyo dhac uu ka geystay dalka intii u dhaxeysay sanadihii 1982 ilaa 1990.
Xilli uu maxkamadda ka soo hor muuqday ayuu beeniyaya Mr habré, dhamaan eedaha loosoo jeydiyay, isagoo maxkamadda ay si qasab ah xilligaas ku keenen ciidamada.
Guddi baaritaan oo lagu sameeyay Chad kadib markii xilka laga tuuray 1990 -kii ayaa sheegay in dowladiisu ay fulisay ilaa 40,000 oo dilal siyaasadeed ah iyo 200,000 oo kiis oo jirdil ah siddeedii sano ee uu xukunka hayay.
Hissène habré, ayaa dalka Chad maamulayay intii u dhaxeysay sanadihii 1982 illa iyo 1990-kii, waxa uuna hadda ku geeriyooday da’da 79 sano.
Goobjoog News
-
Camaara (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey weerar dhanka cirka ah oo ay saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen deegaanka Camaara oo dhaca koofurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Africom ayaa waxaa lagu sheegay inay haatan wadaan qiimeyn ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee duqeyntaasi kasoo gaaray xoogaga kooxda Al-Shabaab oo iyaga oo lagula beegsaday, xilli ay weerar culus ku soo qaadeen deegaankaasi.
Africom waxay sheegtay in weerarka uu ahaa mid is difaacid ah, isla-markaana ay qeyb ka ahaayeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
”Isaga oo kaashanaya dowladda federaalka Soomaaliya, taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday weerar is-difaac ah oo wadajir ah oo ka dhan ah dagaalyahannada Al-Shabaab ee dagaalka kula jira saaxiibbadayada Soomaaliya agagaarka Camaara, Soomaaliya, 24-kii August,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska Mareykanka ee Qaaradda Africa.
Sidoo kale Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay ogyihiin in aysan wax khasaare ah soo gaarin dadka dayid ah, sidoo kalena ay sii wadi doonaan duqeymaha dhanka cirka ah oo ay la beegsanayaan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya.
Shalay ayey aheyd markii uu dagaal culus ka dhacay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, kaas oo ka dhashay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday saldhug ku yaalla halkaasi.
Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaanada ka socday dhaq-dhaqaaqyo ay si wadajir ah u wadaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta ee maamulkaasi.
The post Mareykanka oo qiimeynaya khasaaraha Al-Shabaab kasoo gaaray duqeyntii Camaara appeared first on Caasimada Online.
-
At least 90 al-Shabaab terrorists were killed in an airstrike in Somalia's central province of Mudug, the country's army said on Tuesday.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa illaa hadda diidan inay soo dhameystiraan dhaqaalihii doorashada qeybtii laga sugayey, xili ay gobolada qaar soo dhameystireen doorashada Aqalka Sare, taasi oo horseedi karta dib u dhac.
Beesha caalamka ayaa bixisay kaliya 7.2 milyan oo dollar oo ka mid ah 32-ka milyan ee ku baxaya dhaqaalaha doorashada, ayada oo ka cago jiideysa lacagta kale ee harsan oo gaareysa 25 milyan oo dollar.
Beesha Caalamka oo dadaal badan ku bixisay sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho wada ogol ah, ayaa xiligan la rumeysan yahay inay rabto in taageeradeeda dhaqaale ku bixiso doorasho ay ku qanacsan yihiin saamileyda siyaasadda oo dhan.
Shirkii dhawaan magaalada Muqdisho ay ku yeeshen Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ajendihiisa qeyb ka aheyd sidii loo heli lahaa dhaqaalaha beesha caalamka ee doorashada, ayada oo maanta madaxdaas kulan la qaateen Wakiiladda beesha caalamka.
Rooble iyo saaxiibadiisa dowlad goboleedyada oo uu qeyb ka yahay maamulka gobolka Banaadir ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii beesha caalamka looga heli lahaa dhaqaalaha doorashada qeybtooda, ayada oo saaxiibada dalalka caalamka ay iska ilaalinaya ku deg-dega bixinta lacagtaas, ilaa inta saamileyda siyaasadda doorashadu si isku mid ah ugu qancayaan hanaanka doorashada.
Mid ka mid ah shuruudaha beesha caalamka ayaa ah in marka hore la dhameeyo doorashada Aqalka Sare, lana guda galo midda golaha shacabka, markaasi oo ay fasixi doonto lacagaha kale ee harsan.
Hase yeeshee, madax goboleedyada iyo dowladda ayaa ka cabsi qaba in haddii ay guda galaan doorashada golaha shacabka, laga yaabo in lacagtaas ay ka sugayaan beesha caalamka aysan iman, oo ay qasab ku noqoto inay ayaga bixiyaan.
Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa rumeysan in dhaqaalaha laga sugayo Beesha Caalamka ay sii fogeyn karto khilaafka siyaasadeed ee ka billowday habraaca uu soo saaray Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo Golahu isku dayayo hoos u dhigistiisa.
Si kastaba, Siyaasiyiinta iyo Ururada Bulshada Rayidka ayaa beesha caalamka ka dalbaday inay taageeradooda horseed u noqoto doorasho daah-furan oo lagu kalsoonaan karo, taasi oo xiligan dib u sii dhigi karta helista dhaqaalaha laga sugayo.
The post Diidmada beesha caalamka oo caqabad lama filaan ah ku noqotay doorashada dalka appeared first on Caasimada Online.
-
On August 9, the Rwandan military announced it had taken the strategically important northern Mozambican port of Mocimboa da Praia from al-Shabab militants.
-
GEEDI SOCODKA IYO TAARIIKHDA AXSAABTA IYO URURADA SIYAASADEED EE BADAN 2002 ILAA 2022 IYO MARKII SADEXAAD OO TARTANKII URURADA SIYAASADA LA ISKU DIYAARINAYO .
Somaliland markii ay u guurtay nidaamka xisbiyada badan ee dastuurka qaranka jamhuuriyadda Somaliland oo afti dadwayne 97% 31 may 2001 lagu ogolaaday , ayaa dalka waxa lagaga dhawaaqay urur siyaasadeedyo si la isugu habeeyo oo loogu diyaargaroobo doorashooyin dimuqaradi toos ah oo looga baxo madaxdii lagu soo dooranayey nidaamka shirbeeleedka waxaana la sameeyay Udub , Ucid , Sahan , Birsol , Hormood , Asad , ileys iyo Kulmiye oo ugu dambeeyay .
Ururadaasi qaar way isku biir-biireen intii doorashadii dawladaha hoose ee dhacday 15 Dec 2002 ka horaysay waxaana doorashadaasi ku tartamay 6 lix urur siyaasadeed oo kala ahaa Udub , Ucid , Hormood , Sahan , Asad iyo Kulmiye , waxaa soo baxay xisbiyo oo siyaasadeed loo aqoonsaday sadexdii xisbi ee ugu codka badnaa oo noqday Udub , Kulmiye iyo Ucid sida uu dhigayo qodobka dastuurka ee 9aad iyo Xeer lr 14/2001 , ururadii hadhay iyo xildhibaanadoodii deegaanku waxa ay ku kala biireen sadexdii xisbi qaran.
Bishii April 2003 ayaa loo dareeray doorashadii Madaxweynaha ee ugu horaysay ee dadwaynuhu codkooga si toos ah u dhiibtaan waxaana ay dhacday 14 April 2003 waxaana ku tartamay sadexda xisbi ee Udub, Kulmiye iyo Ucid madaxdii u sharaxnayd oo ahaa Daahir Rayaale Kaahin , Ahmed Mohamed Mohamoud ( Siilaanyo ) iyo Faysal Cali Xuseen ( F.C.Waraabe ) waxaana helay doorashadii xisbigii Udub iyo murashaxiisii Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin oo ahaa ku xigeenkiisa mudo xileedkooguna yahay 5 sano , halka ku xigeen Kulmiye uu ugu sharaxnaa Cabdiraxmaan Aw cali Faarax ( Tolwaa ) , Ucidna uu ahaa sida aan filayo nin dhintay oo xildhibaan golaha wakiilada ahaa 2005.
Sanadku markii uu ahaa 2005 September 29 ayaa waxa dalka jamhuuriyada Somaliland looga dareeray doorashada golaha wakiilada Somaliland si ay dadweynaha reer Somaliland markii ugu horaysay codkooga ugu soo doortaan wakiilo dadwayne oo gala golaha xeerdejinta Somaliland aqalkiisa koowaad oo ay si toos iyagu gacantooda ku doorteen mudo xileedkooguna yahay 5 sanadood.
Waxa aan dalka ka dhicin oo mudo kordhin lagu sameeyay doorashooyinkii goleyaasha Deegaanka oo ay ahayd in ay dhacaan sanadkii 2007 Dec 15 , sidaasi oo kale waxa aan dalka ka dhicin doorashadii madaxtooyada Somaliland oo mudaysnayd 14 April 2008 oo iyadana mudo kordhin lagu sameeyay hal sano ah si ay u dhacdo 14 April 2009.
Haddaba marka halkaa la Isla marayo ayaa waxaa is abaabulay siyaasiyiin ku qanci waayey sadexda xisbi qaran una arkay in sharcigu ogol yahay in ururo siyaasadeed dalka laga furan karo , iyaga oo ku doodayey in la qanciyo oo lala eego shuruucda dalka, sida Xeer 14/2001 oo intaasi oo meelood ururka/xisbiga qoraya taasina cadayn u tahay in ururo iyo axsaabi tartamayaan iyo waliba sida uu dhigayo dastuurka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 23aad faqradiisa 3 aad oo si cad u cadaynaysa in muwaadiniintu isku habayn karaan ururo siyaasadeed , waxaanay ku dhawaaqeen urur siyaasadeedkii Qaran.
Xukuumadii xiligaa joogtay ee Udub doodna way la furi kari wayday oo sharciga way ku qancin kari wayday wax kale oo ay ku hor istaagi kartana way garan wayday dabadeedna maalin ay dadkii taageersanaa la balameen in ay meel fagaare ah kala hadlaan ayaa la xidhxidhay sadexdii qof ee ururka hogaaminatey iyada oo eedo la dhoobdhoobay oo is abaabul iyo wax noocaas ah loo sameeyay laguna xukumay.
Haddana waxa axsaabta siyaasada dhexdooda ka dhacay murug komishanka doorashooyinka ah iyo in doorashada diwaan galin dadwayne la sameeyo oo lagu galo iyo waliba jiitano iyo iskhilaaf doorasho oo dhawr goor mudadooda la kordhiyey oo dalka khalkhal galiyey ka dib waxa soo dhex gashay beesha caalamka April 2009 markii ay doorashooyinkii dhici waayeen la iskuna tanaasuli waayey waxaana axsaabta qaranka ku heshiiyeen in doorashada madaxtooyada la soo horeysiiyo, gudi doorasho oo cusub la dhiso si doorashooyin dalka uga dhacaan.
Waxa iyagana la soo daayey siyaasiyiintii urur siyaasadeedka Qaran oo sokeeyahooga ugu dhow uu noqday xisbiga Kulmiye , si ay u ridaan xukuumadii Udub oo dalka dhinacwalba la hadhay marka dareenkii iyo qiimeyntii xiligaa taagnayd runta laga sheego , waxaana ay kula heshiiyeen in marka Kulmiye talada dalka qabto waxii gar ah ee sharcigu siiyo loo yeelo oo ururada siyaasada la furo oo ah albaab ay muwaadiniinta raba hogaaminta talada ka soo galaan.
Sanadkii 2010 kii bishii June 26 keedii ayaa waxa dalka jamhuuriyada Somaliland laga qabtay doorashadii labaad ee Madaxwayne shacabku gacantiisa ku soo doorto , waxaana ku tartamay sadexdii xisbi ee Udub, Ucid iyo Kulmiye oo ay madaxwayne u ordayeen isla sadexdii murashax ee doorashadii madaxtooyada ee 2003 dii oo kala ahaa Rayaale , Siilaanyo iyo Faysal halka ay ku xigeenadoodu kala ahaayeen Udub Axmed Yuusuf Yaasiin , Kulmiye Cabdiraxmaan Saylici iyo Ucid oo Alle ha u naxariisto e uu ka sharaxnaa Dr Mohamed Rashiid Sh hassan .
Waxaa ku guulaystay xisbigii ugu xooga weynaa mucaaradka oo ahaa Kulmiye waxaana Madaxwayne iyo Ku xigeen noqday Siilaanyo iyo Saylici , waxaa ay kursiga la wareegeen oo la dhaariyey 27 July 2010 , waxaa ay ahayd xili yididiilo iyo rajooyin isbadel oo badan ay qabeen dadka reer Somaliland maadaama ay ahayd markii ugu horaysay ee xisbigii mucaaradka ahaa ka guulaystay xisbigii muxaafidka ahaa intii loo guuray nidaamka dimuqaradiga ah.
Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxa uu sameeyay gudi uu u saaray ka soo talo bixinta furista ururada siyaasada oo aqoonyahanka iyo waxgaradka dalka ka kooban oo gobol walba talo bixin iyo rabitaanka bulshada soo eegta kuna soo celisa war bixin lagu go’aan qaato , ka aragtidayda ahaan waxa ay iila muuqatay in uu qancinayey xisbigiisa Kulmiye oo intooda badani aanay raali ka aheyn in ururada la furo , laakiin Siilaanyo waxa uu ahaa shaqsi macquul ah oo marwalba jeclaa dimuqaradiyada iyo rabitaanka bulshada.
Gudidii markii ay warbixintii soo celisay ayaa Madaxwayne Axmed Siilaanyo warqad u qoray wax lagaga badalayo xeerkii doorashada oo si cad loogu qeexayo in 10 kii sanoba hal mar la furo ururada siyaasada Somaliland iyaga oo tartan la gali doona sadexda xisbi qaran ee sii jiray , natiijada tartankaa ka soo baxda ayaa sadexda ugu sareeya uun ay noqon doonaan sadexda xisbi qaran oo 10 ka sanadood.
Dood dheer oo golaha wakiilada Somaliland kaga doodeen xeerka doorashada ee kaabida iyo wax ka badelka lagu sameynayo ayaa waxa loo codeeyay in kaabidaa iyo wax ka badelkaasi sax yihiin oo sidaa lagu ansixiyey Madaxwayne Siilaanyo na saxeexay oo uu xeerkaasi ku dhaqan galay sanadkii 2012.
Waxaana muwaadiniinta reer Somaliland isku abaabuleen ururo siyaasadeed oo la tartama sadexdii Xisbi qaran ee Udub , Kulmiye iyo Ucid , ururadaasi waxa ka mid ahaa Xaqsoor , Dalsan , Udhis , Waddani , Rays , Jamhuuriga , Nuur , umadda , Nasiye , Gurmad, NDP , Badbaado iyo Damal .
Doorashadii goleyaasha Deegaanka ee dhacday sanadkii 2012kii ayaa ay ka qayb galeen ururadii iyaga oo la tartamay axsaabtii hore u jirtay oo uu ka maqan yahay xisbigii Udub oo khilaaf iyo isqabsi soo kala dhex galay hogaankii xisbiga u burburay, sidaasi oo kale dhawr urur ayaa iyaguna aan galin oo ku hadhay qiimayntii; waxaana ay kala ahaayeen Nuur , Jamhuuriga , Udhis , Gurmad , NDP , Badbaado , Damal iyo Nasiye oo isagu tartanka uun ka hadhay waxaana tartamay Kulmiye , Ucid oo axsaabtii ah iyo Xaqsoor, Dalsan, Waddani, Umada , iyo Rays .
Waxaana tartankaa sadexdii ugu sareeyay loo aqoonsaday sadexda xisbi qaran ee 10 ka sanadood oo ka bilaabmayey 23 Dec 2012 oo ay maxkamdu ku dhawaaqday sadexda xisbi qaran waxa ay kala yihiin Kulmiye , Waddani iyo Ucid.
Somaliland waxa ka dhacay 31-May-2021 doorasho isku sidkan oo goleyaasha wakiilada iyo deegaanka mar la wada qabtay doorashadaasi oo laga codeeyey 2, 709 goob cod bixineed , iskuna diwaan galiyeen cod bixiyeyaal tiradoodu dhameyd 1,065,847 , waxaa u tartamayey goleyaasha deegaanka 552 murashax , iyo 246 murashax oo u tartamyey golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland, waxaana ay ka dhacday 23 degmo doorasho ee 6 gobol ee Somaliland.
Doorashadani waxa aan la socon tartankii ururada iyo axsaabta siyaasada maadaama aanay dhamaan mudo xileedyadii axsaabta qaranka oo ku eeg 23 Dec 2022 , waxaana wax ka badel iyo kaabis ay golihii wakiilada ee hore ku sameeyay Xeer lr-14 2021 si la isku waafajiyo doorashadii 31 May iyo xeerarka dalka , waxaana xeerkaasi loo gudbiyey madaxweynaha Somaliland isaga oo golaha guurtiduna ku waafaqay wax ka badelkii wakiilada.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
24-Aug-2021Email: hormood@hotmail.com
Image -
A student who defrauded the public out of £185,000 by pretending to be Royal Mail and HMRC has been jailed for almost two years.
-
-
An Olympic-size swimming pool in coastal Senegal. A military base in Somalia. And in arid Niger, a gateway to the Sahara desert, a remodeled, sprawling airport to be managed on Niger’s behalf for three decades.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa xaqiijisay in magaalada Muqdisho ay soo gaareen Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed “Jindi” kadib markii ay kusii sugnaan waayeen magaalada Beladweyne oo gashay xaalad kacdoon ah.
Xildhibaanadan kusoo laabtay Muqdisho ayaa qeyb ka ahaa siyaasiyiin reer Hiiraan ah oo Beladweyne u tagay in ay halkaas geeyaan Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, balse magaalada ay gashay xaalad cakiran.
Labadaan Xildhibaan ayaa sheegay in ay Beladweyne ku soo arkaan bulsho dhan oo isugu jira haween iyo dumar, carruur iyo ciroole oo dhamaantood diidan maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Cali Guudlaawe, sidaas darteedna ay Muqdisho ugu soo laabteen in ay ka fikiraan xaalad kale oo ay ku hagaagi karto HirShabeelle.
Xaaladda Beladweyne ayaa hadda dagan kadib fowdadii habeenkii Axadda ka dhacay xarumaha ugu muhiimsan ee maamulka, kuwaas oo ay qabsadeen ciidamada ka gadoodsan tagista Cali Guudlaawe ee Beladweyne.
Waxaa jira walaac xoog leh oo ay qabaan dadka reer Hiiraan iyo siyaasiyiin kalaba oo ku aadan sidii xal loogu heli Beladweyne oo muddo dheer wajaheysa xaalad kacdoon ah oo ka dhan ah Cali Guudlaawe.
Xaaladda ayaa waxaa uga sii daraya xildhibaano gobolka kasoo jeeda, oo saameyn xooggan leh, uuna ka mid yahay wasiirkii hore ee waxbarashada Cabdullahi Goodax Barre oo sii dhiiri-gelinaya in laga soo horjeesto Cali Guudlaawe.
The post Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo naftooda kala soo cararay Beladweyne appeared first on Caasimada Online.
-
Somali security forces recaptured the town of Amaara in the central Galmudug region after al-Shabab militants briefly took over early Tuesday following a dawn attack.
-
-
The African Union (AU) and Somalia have held talks on the likely configuration and proposed mandate of the AU's support to the country beyond December 2021, officials said on Tuesday.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ay ciidamada ammaanka Galmudug xalay ka sameeyeen koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kuwaas oo lagu soo qab qabtay tiro dad ah.
Howl-galkan ayaa intii uu socday ciidamadu waxa ay ku galeen qaar ka mid ah xaafadaha magaalada, iyaga oo baarayey gaadiidka iyo sidoo kale dadka socotada ah.
Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkaas lagu soo qab-qabtay dad looga shakisan-yahay inay ku lug leeyihiin falalka amni darrada ah ee ka dhaca gudaha magaaladaasi oo xarun u ah gobolka Mudug.
Gaalkacyo ayaa ka mid ah meelaha loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka golaha shacabka, waxaana la geeyey ciidamo dheeraad ah oo suga amniga magaaladaasi.
Dhinaca kale goobaha ganacsiga ee magaalada ayaa maanta xiran, kadib amar ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka magaaladaasi oo la dul-dhigay dadka shacabka ah.
Ujeedada ayaa waxaa lagu sheegay in shacabka iyo ganacsatada laga rabo inay kasoo qeyb-galaan dibad-bax maanta ka dhacaya halkaasi, kaas oo looga soo horjeedo Al-Shabaab, sidoo kalena lagu taageerayo howl-gallada ka socda koonfurta gobolka Mudug.
Xaaladda magaalada ayaa ah mid xir-xiran, waxaana hakad ku jira dhaq-dhaqaaqa goobaha ganacsiga iyo sidoo kale isku socodka dadka iyo gaadiidka.
Galmudug ayaa bilihii u dambeeyey laba jibaartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga saaro deegaanada ay weli kaga sugan yihiin gobollada Galgaduud iyo Mudug.
The post Howl-gal qorsheysan oo laga sameeyey Gaalkacyo iyo ganacsiyada oo xiran appeared first on Caasimada Online.
-
Liiska Wasiiro Cusub,Taliyaha Sirdoonka,Badhasaabka & Duqa Magaalada Kabul oo Talibaan Magacwday
Sida ay baahisay Wakaaladda wararka Pajhwok ee dalka Afghanistan Taliban ayaa magacawday Wasiiradii ugu horeeyey Maamulkeeda, Madaxa sirdoonka iyo Maayarka cusub ee magaalada Kabul.
Xubnaha la magacaabay oo ka kooban 8 xubnood ayaa waxay kala yihiin:-
- Sakhaullah waxaa loo magacaabay wasiirka Waxbarashada.
- Cabdul Baqi wuxuu noqonayaa madaxa tacliinta sare.
- Sadr Ibraahim waxaa loo magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha.
- Gul Agha waxaa loo magacaabay wasiirka Maaliyadda.
- Mullah Shirin ayaa noqonaya guddoomiyaha cusub ee Kabul.
- Hamdullah Nomani waxaa loo magacaabay duqa magaalada Kabul.
- Najibullah waxaa loo magacaabay madaxa sirdoonka Afghanistan.
- Mullah Abdul Qayyum Zakir waxaa laga dhigay wasiirka Difaaca
Waxaa xusid mudan in Zakir uu yahay maxbuus hore oo lagu soo xiray xabsiga Guantanamo ee Mareykanka.
Taliban oo 20 sano dagaal kula jirtay ciidamada Maraykanka iyo kuwa NATO ee dalkaas galay ayaa dhowaan qabsatay inta badan dalkaas, ayna awooda baneysay dowladii ka jirtay oo ku tiirsaneyd awooda ciidamada shisheeye.
-
Taalibaan oo dhaxashay kheyraad dhan hal Trillion oo dollar
Kooxda Taalibaan ayaa hadda haysa furayaasha kheyraad macdan oo qiimahiisa lagu qiyaasay hal trillion oo dollar, oo ku jira dalka Afghanistan oo ay dhowaan xukunkiisa la wareegeen.
Kheyraadkan, oo sanado badan ay Afghanistan la xarbineysay inay lasoo baxdo, ayaa waxaa ka mid ah kuwa muhiim u ah isku dayga ay dunida ugu wareegeyso tamarta la cusbooneysiin karo.
Taalibaan ayaa durba wajaheysa caqabado maaliyadeed, 20 sano kadib markii ay xukunka dib ula wareegeen, ayada oo dalalka deeq bixiyaasha caalamka ay badankood hakiyeen gargaarkii ay siin jireen Afghanistan.
Hase yeeshee, haddii ay maareeyaan inay lasoo baxaan kheyraadkan, Afghanistan waxay noqon doontaa mid ka mid ah dalalka ugu hodansan caalamka.
Kheyraadkan ayaa waxaa ka mid ah maarta, birta iyo lithium, oo dunida naadir ka ah, sida lagu sheegay daraasad ay bishii Janaayo soo saartay hay’adda daraaseynta dhulka ee Mareykanka ee US Geological Survey (USGS).
Maarta, oo muhiim u ah fiilooyinka, ayaa qiimaheedu sanadkan sare u kacay, oo halkii tan uu gaaray $10,000. Lithium-ka ayaa muhiim ah batariga baabuurta korontada ku shaqeeya iyo soolarka.
Dalabka Lithium-ka ee caalamka ayaa la filayaa inuu 40 jibaarmo marka la gaaro sanadkan 2040, sida ay sheegtay Hay’adda Tamarta Caalamiga ah.
“Afghanistan waxay ku fadhisaa keyd lithium oo aad u baaxad weyn, oo ilaa iyo hadda cidna aysan taaban,” waxaa sidaas yiri Guillaume Pitron oo qoray buugga “The Rare Metals War”.
Hay’adda USGS ayaa sheegtay in kheyraadka macdanta ee aan weli la taaban ee Afghanistan uu qiimihiisu dhan yahay hal trillion oo dollar, inkasta oo saraakiisha Afghanistan ay ku sheegaan saddex jibaar intaas.
Inkasta oo la wareegista Taalibaan ee Afghanistan ay gadaal u celin karto maal-gashtayaasha shisheeye, ayaa hal waddaan oo doonaya inuu kooxda ganacsi la sameeyo waxa uu yahay Shiinaha.
Dalka labaad ee ugu dhaqaalaha ballaaran caalamka ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu xiriir “saaxiibtinimo iyo wada-shaqeyn la yeesho” Taalibaan kadib markii ay galeen Kabul.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa fulin weyday qoddob kamid ah heshiiskii madaarka Berbera ee ay kal hore kala saxiixdeen xukuumadda Somaliland, sida uu shaaciyey Mareeyaha hay’adda duulista iyo maamulka madaaradda Somaliland.
Mareeye Cumar Sayid ayaa golaha wakiiladda Somaliland ka hor sheegay in heshiiskii madaarka Berbera ee ay la galeen dowladda Imaaraadka uu dhigayay inay Madaarka Berbera ka dhigtaan Saldhig, ayna sameeyaan madaar kale oo duulimaadyada diyaaradaha rayidka ah, kaasi oo aan fulin.
Waxa uu sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta aysan sameyn madaarkii ay kula heshiiyeen, kadib markii ay xukuumadda Somaliland ku wargelisay in uu ku batay dhaqaalihii Dekedda iyo kii Waddada Berbera.
“Madaarka Berbera waxaynu heshiis ku galnay inuu Saldhig u noqdo dowladda Imaaraadka Carabta, qorshaha waxa ku jiray inay inoo sameeyaan Madaar kale, muddo markii wada-hadalkii socday iyaguna yidhaahdeen waxa nagu batay dhaqaalihii Dekedda iyo kii Waddada, waxa la isugu ururay in Madaarka Berbera ka Jabuuti sida uu yahay (oo kale laga dhigo) inuu Saldhiggiina noqdo, Somaliland-na ka isticmaasho wixii ay ugu baahato oo ah duulimaadyadii (Rayidka), keligiina maaha ee Madaarradu intaas oo ujeeddo ayay wada qaban karaan,” ayuu yiri Cumar Sayid.
Mareeyaha ayaa sidoo kale sheegay in qoddobkaas ka fuli waayey heshiiskii Madaarka Berbera ay heshiis ka gaareen Imaaraadka iyo Somaliland, islamarkaana la isla qaatay in madaarka uu noqdo Saldhig ciidan iyo mid rayid.
Si kastaba, Imaaraadka ayaa xiriir wanaagsan la leh xukuumadda Somaliland, ayada oo shirkadooda DP WORLD ay si buuxda gacanta ugu hayso dekedda Berbera, oo Somaliland u aheyd il dhaqaalo oo muhiim ah.
The post IMAARAADKA oo ka baxay qeyb ka mid ah HESHIISKII uu la galay SOMALILAND appeared first on Caasimada Online.
-
Maayarka Hargeysa Oo Joojiyey Lacago Badan Oo Lagu Naas-nuujin Jiray Siyaasiyiin Waa Weyn, Madax-dhaqameed Iyo Suxufiyiin
Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa la sheegay inuu joojiyey Lacago boqolaal Milyan oo shillinka Somaliland ah, kuwaas oo ahaa qaar lagu naas-nuujin jiray oo fadhiga ay ku qaadan jireen shaqsiyaad aan kamid ahayn shaqaalaha Dawladda hoose.
Maayar Cabdikariin Axmed Mooge ayaa la sheegay inuu ka jaray oo uu joojiyey lacago ka baddan Mushaharka shaqaalaha Dawladda hoose ay qataan oo fadhiga lagu siin jiray shaqsiyaad aan kamid ahayn shaqaalaha Dawladda hoose,kuwaas oo iskugu jira siyaasiyiin Madax-dhaqameed iyo suxufiyiin iyo shaqsiyaad kale.
Dhanka kalena Lacagahan ayaa lagu sheegay inay iskugu jiraan qaar lagu naas-nuujin jiray shaqsiyaad Rag iyo Dumar-ba leh oo siyaasiyiin,Madax-dhaqameed iyo suxufiyiin ka koobnaa iyo weliba Lacago kale oo sifo sharci darro ah uga bixi jiray Dawladda Hoose oo si gaar ah loogu tasarufi jiray,kuwaas oo caddadkooda marka la isku wadda geeyo la sheegay inay ku dhaw yihiin dhowr boqol oo Milyan oo shillinka Somaliland ah.
Sidoo kalena xoggo uu Wargeyska Waaberi ka helay illo wareedyo kale duwan ayaa sheegay in qaar kamid ah shaqsiyaadkii fadhiga lagu naas-nuujin jiray ee ku maymay xoolaha ummadda ee fadhiga lagu masruufi jiray inay maal-mihii u dambeeyey ay dul meehanabayeen xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa,kuwaas oo qiil u raadinayey sidii ay ku heli lahayeen jiif oo jaqdii ay barteen.
Geesta kalene Maayar Cabdikariin Axmed Mooge oo hadda muddo laba bilood ku siman xilka Maayarnimada caasimadda haya, ayaa hore u ballan-qaaday inuu ilaalin doonno xoolaha ummadda, islamarkaana uu dhageysan doonno dhawaaqa kasoo baxaya dadweynaha oo dib loogu celinayo canshuurtooda.
Gunanadkii Maayar Cabdikariin Axmed Mooge ayaa u muuqda mid ka dhabbaynaya ballaqadkiisii ahaa inuu illaalin doonno xoolaha ummadda,isagoo hadda ummadda u bad-baadiyey oo u joojiyey Lacago dhawr Boqol oo Milyan oo shillin ah,kuwaas oo qaarkood lagu naas-nuujin jiray oo fadhiga lagu siin jiray siyaasiyiin Madax-dhaqameed iyo Suxufiyiin oo qaadan jiray Lacago ka baddan inta ay Mushaharka u qaataan shaqaalaha Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo weliba Lacago kale oo lagu tasarufi jiray oo uu joojiyey.
-
Markab xamuul ah, oo ka yimid waddanka Imaaraatiga Carbeed, kuna socday dekedda magaalada Muqdisho, ayaa dabayl xooggan ku haleeshay xeebta badweynta Hindiya ee bariga Puntland.
Markabkan ayaa dabaysha la kulmay, xilli uu marayay xeebta degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu oo ka tirsan Puntland.
Booliiska degmada Baargaal oo gurmad u sameeyay markabka, ayaa soo badbaadiyay dhammaan shaqaalihi saarnaa, kuwaas oo qaarkood ku dhaawacmeen dabaysha.
Dhaawacaha shaqaalaha ayaa haatan lagu dabiibayaa xarunta caafimaadka degmada Baargaal, waxaana dhaqaatiirtu sheegeen in ay dhaawacyo fudud qabaan.
Puntland ayaa maalmahan ka digaysay roobab dabayl wata oo ku soo wajahan xeebaha Gobollada Bari iyo Gardafuu, iyadoo ku baaqday in laga baxo xeebaha iyo dhulka godan.
PUNTLAND POST
The post Puntland oo gurmad u samaysay markab dabayl xooggan ku haleeshay xeebta degmada Baargaal appeared first on Puntland Post.
-
Wuxu Daaran yahay kulan Qarsoodiya oo dhexmaray Madaxa CIA-da Mareykanka & hoggaamiyaha Taalibaan
Waragayska Washington Post ayaa qoray warbixin la xiriirta in madaxa hay’adda CIA, William Burns, uu kulan qarsoodi ah la yeeshay Mullah Cabdul Ghani Baradar,oo ah hoggaamiye ku xigeenka dhanka siyaasadda ee Ururka Taalibaan.
Kulankan wuxuu ka dhacay caasimadda Afghanistan ee Kaabul.
Sida laga soo xigtay wargayskaan laga leeyahay dalka Mareykanka, wuxuu kulankan dhacay Isniintii oo taariikhdu ku beegneyd 23-kii bishaan Agoosto, wuxuuna ahaa shir heerkiisu sarreeyo, isla markaana dhexmara xubno ka tirsan mamaulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo hoggaamiyaasha Taalibaan, tan iyo markii kooxda ay qabsatay Kabul.
Waragayska Washington Post ayaa sheegay in CIA aysan wali ka hadlin warka ku saabsan kulanka balse saraakiil magacooda qariyay ayaa qiray in kulankaas uu dhacay.
Mullah Ghani Baradar, oo la wariyay inuu la kulmay aggaasimaha CIA-da Mareykanka, ayaa ka mid ah aas-aasayaasha ururka Taalibaan, kaas oo 11 sano ka hor lagu qabtay howgal ay si wada jira ah u sameyeen CIA-da Mareykanka iyo Pakistan, wuxuuna xabsi ku jiray sideed sano.
Mullah Cabdul Ghani Baradar, hoggaamiye ku xigeenka siyaasadda Taalibaan
Warkaan ayaa imaanaya xili ay socdaan dadaallo millitari iyo kuwo diblumaasiyadeed oo aan kala go’ lahayn oo ay wadaan wadamada reer galbeedka, oo garoonka diyaaradaha ee Kabul looga soo daad gureynayo dadka ka baxsanaya Taalibaan.
Taalibaan ayaa sheegtay in aysan ku dari doonin wakhtigii loo qabtay ciidamada shisheeye in ay kaga baxana dalkaas, kaas oo ku eg 31 bishaan Agoosto.
Sida laga soo xigtay wargeyska Washington Post, taariikhda la cayimay iyo isku dayga Mareykanka ee ah in laga daadgureeyo muwaadiniintiisa iyo shaqaalaha magaalada kabul, ayaa laga yaabaa in ay ahayd muhiimadda uu William Burns ula kulmay Mullah Cabdul Ghani Baradar.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa cadaadis kala kulmaya xulafadiisa oo weydiisanaya in ciidanka Mareykanka ay ku sii sugnaadaan Garoonka Kabul, inta daadgureynta kumannaanka qof ay socoto.
Dadka laga qaadayo halkaas waxay ka kooban yihiin kuwa Mareykan ah, reer Galbeedka kale iyo muwaadiniinta Afghanistan ee ka qaxaya maamulka Taalibaan.
Isniintii, ka hor intii uusan soo bixin kulanka sirta ah ee Taliban iyo CIA, waxaa afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Ned Price la weydiiyay sababta saraakiisha dalkaas aysan ula xiriireynin Baradar si ay ugala hadlaan daadgureynta dadka?
Wuxuu ku jawaabay: “Wadahadalladeena Taliban waa howlgallo farsameysan,” ayuu yiri.
“Waxay diiradda saarayaan howlgallada dhow iyo ujeedooyiinka gaaban… waxa ka socda garoonka Kabul … waa kuwa aan hadda diiradda saareyno,” ayuu yiri.
Joe Biden ayaa ku tilmaamay hawlgalka ka socda garoonka diyaaradaha ee Kabul mid ka mid ah kuwii ugu weynaa uguna adkaa ee taariikhda soo mara.
Biden ayaa cadaadis xooggan kala kulmaya xulafadiisa oo ay Britain ka mid tahay, si loo kordhiyo joogitaanka ciidamada Mareykanka ee garoonka diyaaradaha ee Kabul.
Goor sii horreysay, xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Anthony Blinken, ayaa isana sheegay in waddanka uu xiriir la smaeeynayo Taalibaan si ay u suurta gasho daad-gureynta muwaadiniinta Mareykanka ee garoorka Kabul.
-
Taliban oo heshay Diyaaradaha dagaalka Afghanistan Maxay ku sameyn karaan?
Sida lagu hayo warar aan la xaqiijin, qiyaastii rubuc ka mid ah ciidamada cirka ee Afghanistan ayaa loo diray dibadda
Ciidamada Afghanistan, ee dabka u saaran Taliban (gudaha Ruushka, ururkan waa ka mamnuuc waxaana loo arkaa xagjir), ayaa kooxda uga tagay hub badan iyo qalab militari.
Taliban ayaa helay gawaari gaashaaman iyo kuwa xamuulka iyo boqollaal ciidamo ah. Balse waxa ugu qaalisan ee ay helaan waa diyaaradaha dagaalka.
Ma jirto warbixin ku saabsan inta diyaaradood ay Taliban heshay. Ugu horreyn, waa macquul in ciidamada Afghanistan ay burburiyeen qaar ka mid ah diyaaradaha dagaalka. Marka xigta, waxaa la ogyahay in diyaaradaha qaar la geeyay dalalka deriska ah.
Hadda su’aasha ugu weyn waxay tahay in Taliban ay heli doonto shaqaale uga howlgala waaxda ciidamada cirka, qalab dheeri ah, iyo tan ugu muhiimsan oo ah shaqaale duullimaadka ah oo hawada u kaxeyn kara.
Qabsasho
Ciidamada Cirka Afghanistan, dhammaantood ma aha kuwo xirfad leh. Bilowgii sanadkan, waaxda ciidamada cirka waxay heysteen 50 diyaaradaha dagaalka ah: 17 diyaaradaha dagaalka oo fudud A-29 (Embraer EMB 314 Super Tucano) iyo 10 nooca AC-208 Combat Caravan, iyo 21 diyaaradaha xamuulka ah nooca C -208 Cessna Caravan iyo labo C-130 Hercules ah.
Waxaa intaas dheer, waxaa jiray ilaa 86 helikobtarro dheeraad ah: 12 helikobtarrada Ruushka lagu sameeyay ee Mi-17.
Waxaa intaa dheer, tiro ka mid ah diyaaradaha waxay qeyb ka ahaayeen waaxda cirka ee gaarka ah, balse wax xoog dheeraad ah lagama hayo diyaaradahaas.
Waaxda cirka ee Afghanistan ee haatan waxay qalabka siiyay Mareykanka, waxaan aku jira helikobtarrada Ruuska.
sawirradii ugu horreeyay ee helikobtarrada militariga Afghanistan ayaa baraha internet-ka ka soo muuqday toddobad kahor, wax yar kaddib markii Taliban ay la wareegeen gacan ku heynta saldhigyada cirka ee Kunduz, Kandahar iyo Herat.
Sawirrada iyo muuqaalladu waxay muujinayaan Mi-17, MD 530F, helikobtarrada UH-60 iyo diyaardada xamuulka ee yar C-208.
Diyaaradda fudud ee MD-530 muddo dheer hawada laguma heyn karo iyadoo sidan qalab dheeraad ah
Mid ka mid ah muuqaallada la sheegay in lagu duubay Kunduz waxaa ka muuqatay diyaaradda Ruushka lagu sameeyay ee Mi-35. Helikobtarrada noocan ah kuma jiraan liiska Mareykanka, balse sida muuqaalka ka muuqatay, lama hubo inay diyaaraddu shaqeyneyso iyo in kale maaddaama qalabka laga bixiyay.
Way adag tahay in wax laga yiraahdo inta badan qalabkii ka muuqday muuqaalladan. Diyaaradaha qaarkood ma duuli karin, waxaa ka muuqatay dhaawacyo iyo qalab laga saaray.
Si kastaba, diyaaradaha Mi-17 ayaa la sheegay in muuqaalka looga qaaday Herat.
Mid ka mid ah sawirrada, Taliban ayaa barbar taagan diyaaradda weerarka ee Super Tucano. Waxaa la sheegay in sawirka lagu qaaday Mazar-i-Sharif.
Duullimaadka
Taariikhdu markay ahayd August 16, dhowr diyaaradood ayaa u duulay Tajikistan, iyadoo ilaa boqol sarkaal oo ciidamada Afghanistan ka tirsa ay ka qaxeen dalka.
Diyaaradaha ayaa bixiyay calaamad muujineysa inay dhibaato ku sugan yihiin waxaana loo oggolaaday inay cago dhigtaan. Wargeyska New York Times ayaa sheegay in shan diyaaradood ay u duuleen Tajikistan.
Lix iyo tobankii August, wargeyska Uzbek Gazeta.uz, oo soo xiganaya waaxda warbaahinta ee Xafiiska Dacwad-oogaha Guud, ayaa ku warramay in 22 diyaaradaha militariga ah iyo 24 kuwa helikobtarka ah oo laga leeyahay Afghanistan ay dalkaasi u duuleen August 14 iyo 15. Waxaa saarnaa 585 ka tirsan ciidamada Afghanistan.
UH-60 Black Hawk ayaa Afghanistan looga adeegsan jiray siyaabo kala duwan, oo ay ku jirto qaaditaanka dhaawaca
Isla mar ahaantaas, mid ka mid ah diyaaradaha Afghanistan – EMB 314 Super Tucano – oo hawada ku jirta ayaa waxay isku dhaceen Uzbek MiG-29.
Waxaa arrintaas lagu baahiyay qeybta waaxda ee barta Telegram, balse goor dambe Xafiiska Dacwad-oogaha Guud ayaa tiray, wuuxuna ku sheegay in warkaas aan la xaqiijin.
Wixii intaas ka horreeyay, boqollaal ciidamo ah ayaa iyagoo dhulka maraya u baxsaday Tajikistan iyo Uzbekistan. Lama oga intooda ka tirsan waaxda ciidamada cirka, saldhigyada cirka iyo duuliyeyaasha.
Taliban oo diyaaradaha saaran
Markii dhaqdhaqaaqa Taliban (laga mamnuucay Ruushka loona arkay dhaqdhaqaa argagixiso) waxayba heysteen ciidamadooda u gaarka ah ee cirka.
Kaddib dhicitaankii xukuumaddii Mohammad Najibullah sanadkii 1992, Taliban ayaa dhashay haraadigii waaxda ciidamada cirka. Gacanta Taliban waxaa ku jirtay dhowr diyaarado dagaal – oo ay ka mid yihiin MiG-21MF iyo Su-22.
Waxaa intaas dheer, waxay heysteen helikobtarrada Mi-8, diyaaradaha xamuulka iyo kuwa tababarka ee L-39.
Nin aan la garaneyn oo ku hor sawiran MiG-21
Balse diyaaradahan amaba way hallaabeen sababo la xiriira daryeel la’aan, amaba waxaa lagu burburiyay weerarradii Mareykanka ee sanadkii 2001.
Ilaa iyo hadda waxaa la xusuusan yahay adeegsiga Taliban ee diyaaradaha dagaalka. Taariikhdu markay ahayd August 3, 1995, diyaarad Taliban lahayd oo nooca MiG-21MF ahayd ayaa waxay celisay diyaaradda Ruushku leeyahay ee Il-76TD.
Taliban ayaa diyaaradda iyo shaqaalaheeda heysay muddo ka badan sanad kahor inya aysan duuliyeyaasha kicin diyaaradda oo aysan duulin.
Ciidamada Cirka
Ma jirto diyaarad amaba helikobtar ay leeyihiin ciidamada cirka ee Afghanistan oo ka hortagi karta diyaarad xamuul oo culus, sida uu qabo Vasily Kashin, oo ah baare sare oo ka tirsan Machadka Far Eastern Studies.
Wuxuu rumeysan yahay in xitaa haddii Taliban ay awoodaan in diyaaradaha la qabsaday ay duuliyaan, ma awoodi doonaan inay khalkhal ku geliyaan dalalka deriska.
Maxay qarnigan 21-aad Waaxda Ciidamada Cirka ee Mareykanka ay ugu baahan yihiin diyaarad dagaal?
Mi-17 Xoogagga Cirka ee Afghanistan
“Halka ay ka jirto dagaal dhanka cirka ah, kama jirto fursad. Kuwani waa mahsiinnada aan fulin karin dagaal cirka ah amaba aan naftooda difaaci karin,” ayuu yiri Kashin.
Sida uu qabo, diyaaradahan waxay Taliban ka anfici doonaan inay howlgallo uga fuliyaan Afghanistan. Haddii ay heli karaan helikobtarrada iyo diyaaradaha inay duuli karaan, waxay u adeegsan doonaan dagaalka ay ugu jiraan hanashada awoodda.
Gudaha Afghanistan, oo intiisa badan buuralley ah, diyaaradaha xamuulka ayaa horumarin kara howlaha ciidamada, sida uu sheegay Kashin.
Joogteynta
Xitaa haddii Taliban ay awoodaan inay helaan diyaarado shaqeynaya, waxay wajihi doonaan caqabadda joogteynta.
Sida uu khabiirka militariga ee Ilya Kramnik u sheegay BBC-da, ciidamada cirka ee Afghanistan waxay keliya heystaan labo nooc oo diyaarado ah oo khubarrada Mareykanka la’aantood la joogteyn karo – waxayna kala yihiin helikobtarrada Mi-17 iyo C-208 Cessna Caravan.

Ciidamada Cirka ee Afghanistan waxay heysteen diyaaradaha dagaalka ee A-29, balse keliya maaha Afghanistan, balse sidoo kale khubarrada Mareykanka ayaa ku lug lahaa daryeelka diyaaradahaas.
Diyaaradaha Mi-17 waxaa ada loogu yaqaannay Afghanistan tan iyo malamihii ay joogeen ciidamadii Soofiyeetka.
Inta kale diyaaradaha iyo helikobtarrada, waxay khubarradu aaminsan yihiin, inaysan shaqeyneyn xilligii ay gacanta u galeen Taliban.
Kramnik wuxuu aaminsan yahay in inta badan khubarrada Afghanistan aysan la shaqyen doonin maamulka Taliban: “Raggan, ugu horreyn, waxay fekrad ahaan ka soo hor jeedaan Taliban, marka labaad, wixii ay duulin kareenna, way duuliyeen.”
Sida uu qabo Vasily Kashin, Mareykanku wuxuu isha ku heyn doonaa suuqa qalabka dheeraadka ah ee diyaaraaha Mareykanka lagu sameeyay, haddii ay suurto gal tahayna wuuxu joojin doonaa in la geeyo Afghanistan.
Kuwa soo goostay
Lama hubo diyaaradaha iyo helikobtarrada loo duuliyay Tajikistan iyo Uzbekistan.
Dhanka kale, farriinta Xafiiska Dacwad-oogaha Guud ee Uzbekistan, ee markii dambe la tiray, waxaa ku xusneyd EMB 314 Super Tucano, eeku dhacday diyaarad kale.
Waxaa sidoo kale la qiyaasi karaa in haddii tirada 585 askar ee ku baxsatay 22 diyaaradood iyo 24 helikobtar ay sax tahay, waxaa qasab ah inay jireen diyaarado rakaab ah.
Ma aha markii ugu horreysay taariikhda ee duuliyeyaal militari ay gawaaridooda geeyaan dal kale. Sanadkii 1991, dhowr diyaarado dagaal ayaa loo duuliyay dalka deriska la ah ee Iiraan.
Iiraan ayaa heysatay diyaaradahaas, qaarkoodna ilaa iyo haatan way shaqeeyaan.
Ilya Kramnik wuxuu sidoo kale aaminsna yahay in Uzbekistan aysan diyaaradaha u celin doonin Taliban, balse si shaac ah uma sameyn doonaan, ee dalalka Galbeedka iyo Ruushka ayay kala kaashan doonaan qalabka diyaaradaha.









Xildhibaan Golaha Wakiillada Oo Maanta Ansixiyaya Xeer-hoosaadka Golahaasi
in News - Wararka
Posted
(SLT-Hargeysa)-Fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa imika si rasmi ah uga furmay Xarunta Golahaas
Mudaneyaasha Golaha Wakiillada oo ansixiyey xeer-hoosaadka Golahaasi, oo ay maalmihii u dambeeyey ay ka doodayeen.
70 xildhibaan ayaa u codeeyey xeer-hoosaadka in la ansixiyo, waxa diiday 4 xildhibaan, guddoomiyuhu ma codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay xeer-hosaadka Goluhu ku shaqayn doon.
Source