Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. 1629902222826_0_ICRC-logo-card.gif

     

    PRESS RELEASE
    ICRC employee killed in Cameroon
    Diomède Nzobambona, a 62-year-old Canadian, was a delegate working in the fields of water and sanitation
    YAOUNDE, Cameroon, August 24, 2021/ — It is with great sadness that the International Committee of the Red Cross (ICRC) confirms that one of its staff died on August 23 following injuries sustained the day before during an attack in Bamenda in the north-west of Cameroon.

    Diomède Nzobambona, a 62-year-old Canadian, was a delegate working in the fields of water and sanitation. He had worked for the ICRC since 2003, and who had been under contract with the Canadian Red Cross between 2007 and 2012.

    Diomède was in Bamenda to provide humanitarian assistance to communities affected by armed violence in the region.

    The circumstances of his death have yet to be clarified and no information can be given at this stage. The ICRC’s priority is to support those who are most affected by this tragedy, in particular his family, relatives and colleagues.

    “Words are not enough to express our immense sadness nor to soothe the grief of his family and loved ones. We send them our sincere condolences and the expression of our deepest sympathy,” said Markus Brudermann, the head of the delegation for the ICRC in Cameroon.

    SOURCE
    International Committee of the Red Cross (ICRC)

    Qaran News


  2. PRESS RELEASE
    US Department of Justice awards FIFA Foundation USD 201 Million Compensation
    The funds will go into a newly formed World Football Remission Fund, established under the auspices of the FIFA Foundation
    ZURICH, Switzerland, August 25, 2021/ — The United States Department of Justice has awarded the sum of USD 201 million to the FIFA Foundation as compensation for the losses suffered by FIFA (www.FIFA.com), Concacaf and CONMEBOL as victims of decades of football corruption schemes. This money was seized from the bank accounts of former officials who were involved in, and then prosecuted for, years of corruption schemes in football. The funds will go into a newly formed World Football Remission Fund, established under the auspices of the FIFA Foundation to help finance football-related projects with positive community impact across the globe.

    “I am delighted to see that money which was illegally siphoned out of football is now coming back to be used for its proper purposes, as it should have been in the first place,” said FIFA President Gianni Infantino. “I want to sincerely thank the US Justice authorities for their efforts in this respect, for their fast and effective approach in bringing these matters to a conclusion, and also for their trust in general. The truth is that, thanks to their intervention back in 2015, we have been able to fundamentally change FIFA from a toxic organisation at the time, to a highly esteemed and trusted global sports governing body. Thankfully, we are well past that unfortunate period in history now and it’s great to see significant funding being put at the disposal of the FIFA Foundation, which can positively impact so many people across the football world, especially through youth and community programmes.”

    The FIFA President added: “Since 2016, FIFA and the United States Department of Justice have been in close cooperation, and I believe this decision also acknowledges the significant progress we have made in terms of good governance and transparency, all of which was discussed and presented by FIFA officials and me in meetings with the authorities. Today, they know that with the FIFA Foundation this money is in good hands and will serve the purpose it is intended for.” “On behalf of all future beneficiaries around the world, I would like to thank the US authorities for the trust placed in FIFA, and we will make sure that these funds are used properly and bring tangible benefits for people who really need it,” concluded the FIFA President. The World Football Remission Fund will be operated under the auspices of the FIFA Foundation, which is an independent foundation aimed to promote positive social change around the world through football. The Fund, which is intended to have a particular focus on youth and community programmes, will have earmarked amounts to projects within Concacaf and CONMEBOL, given that they suffered significantly as a result of the criminal activities. In addition, all projects will be submitted to strict monitoring, auditing and compliance checks to guarantee full transparency and accountability.

    Distributed by APO Group on behalf of FIFA.

    SOURCE
    FIFA

    Qaran News


  3. Beledweyn (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed Jindi oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyey in madaxweyne Farmaajo iyo kooxda Nabad iyo Nolol ay ka dambeeyaan kacdoonka ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunnta Gobolka Hiiraan.

    Magaalada Beledweyne ayaa waxaa habeenkii Axadda qabsaday koox la baxday Badbaado Hiiraan oo kasoo horjeedda maamulka HirShabeelle iyo inuu halkaas tago madaxweyne Cali Guudlaawe.

    “Ciidamada qabsaday magaalada waxaan u aragnaa inay tahay qorsho uu lugaha kula jiro Farmaajo iyo kooxda Nabad iyo Nolol kuwaas oo doonaya inay muujiyaan in Beledweyne aysan nabad aheyn, ciidamada waxaa xukuma Farmaajo waxayna ku shaqeeyaan amarkiisa,” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Jindi oo wareysi siiyey idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho.

    “Aniga, xildhibaano klae iyo taliyihii hore ee NISA waxaan Beledweyn u tagnay sidi aan xal uga gaari laheyn xiisadda Beledweyne, waxaan la kulanay qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo odayaasha dhaqanka, sidoo kalana waxaan la kulanay Ugaaska Beesheena, waxaana ka wada-hadalnay sidii xal loo gaari lahaa, iyadoo howsha meel fiican noo mareyso ayaan halmar ka war helnay ciidamo la wareegay magaalada,” ayuu yiri Xildhibaan Jindi.

    Xildhibaan Jindi ayaa sheegay in laga badbaaday in Beledweyne ay marti geliso dagaal, wuxuuna arrintaas uga mahadceliyey Ugaaska Beesha Xawaadle oo uu sheegay inuu amar ku bixiyey inaan wax dagaal ah laga sameyn gudaha Magaalada.

    Mar wax laga waydiiyey ujeedada uu Farmaajo ka leeyahay ciidamada qabsaday Beledweyn ayuu sheegay inay tahay inuu muujiyo in Beledweyne ay tahay meel aan nabad aheyn, islamarkaana uusan ka dagin madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe.

    Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in tani ay tahay qorshe cadaadis lagu saarayo Guudlaawe, si liiska musharaxiinta Aqalka Sare uga reebo xubnaha aysan rabin Villa Somalia, uguna soo daro kuwa ay wadato.

    Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Xildhibaan Jindi oo dhameystiran

    The post Kacdoonka Beledweyne oo lugaha la galay Farmaajo iyo xildhibaan sir badan shaaciyey (Dawo) appeared first on Caasimada Online.


  4. Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto degmada Kamakunji ee magaalada Nairobi, ayaa maanta saldhiga booliska ee Pangani ee caasimada Nairobi u gudbiyey dacwad uu ku doonayo in dib loo furo baaritaanka qarax uu ku dhaawacmay sanadkii 2012-kii, kadib markii uu helay xogo cusub oo qaraxaas la xariira.

    Xildhibaan Yuusuf Xasan oo la hadlay BBC ayaa sheegay inuu arkay qoraal uu  bartiisa Twitter-ka ku baahiyey guddoomiyihii hore ee caasimadda Nairobi Mike Sonko, kaas oo uu ku sheegay inuu garanayo ciddii qaraxaas ka dambaysay.

    Qaraxaas ayaa 7-dii bishii December ee sanadkii 2012-kii ka dhacay masaajid la yiraahdo Al-Hidaaya oo ku yaalla xaafadda Islii ee magaalada Narobi goor habeen ah.

    8-qof oo laba kamid ah caruur ahaayeen ayaa lagu dilay qaraxaas, waxaana ku dhaawacmay illaa 20-qof oo kale, kuwaas oo Xildhibaan Yussuf Xasan uu ku jiray.

    “Saldhigga Booliska waxaan maanta u tegay inaan dacwad ka qoro qaraxii ka dhacay masjidka Al-Hidaaya, 7-dii bishii December 2012-kii, kaas oo 8-qof ay ku geeriyoodeen, dad farabadan oo anigu aan ku jirana ay aad ugu dhaawacmeen, marka shalay guddoomiyihii hore ee magaalada Nairobi Mike Sonko ayaa Twitterkiisa ku soo qoray ninkii qaraxaas ka dambeeyey uu garanayo,” ayuu yiri.

    Xildhibaan Yuusuf Xasan oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Mike Sonko waxuu yiri qofkii qaraxaas ka dambeeyey waxa uu doonayey inuu dilo xildhibaanka laga soo doorto Kaamakunja Yuusuf Xasan, marka arrintaas naxdin badan ayey igu abuurtay, sababtoo ah maana filaneyn, in qofkii dadkaas laayey oo dambigaas galay uu noolyahay oo suuqa iska socdo.”

    Sidoo kale Xildhibaan Yuusuf Xasan waxa uu sheegay in boolisku uu kiiskaas mar hore iska xiray, maadaama aysan jirin qof loo qabtay qaraxaas, balse hadda uu ka dalbaday in dib loo furo baaritaanka kiiska.

    “Waxaan maanta ka codsaday laanta booliska u qaabilsan baaritaanka inay dacwadaas dib u furaan, maadaama uu hada soo baxay war cusub oo cadeynaya dadkii ka dambeeyey, isla markaana ninka guddoomiyaha xiligaas ka ahaa magaalada ee hadda xogtaan bixiyey lasoo wareysto, oo waxa uu ogyahay lasoo bandhigo, dadka uu sheegayana lasoo qabto oo lagu qaado hadii ay dembi yeeshaan, hadii lagu waayana la iska daayo,” ayuu yiri Xildhibaankaan ka tirsan baarlamaanka Kenya.

    Sidoo kale Xildhibaan Yuusuf ayaa intaas ku sii daray in hadalka kasoo yeeray Mike Sonko aan la yareysan karin, maadaama uu yahay masuul sare oo xiligaas guddoomiye ka ahaa caasimada Nairobi, mar Senator soo noqday, marna Xildhibaan.

    “Boolisku markii hore fursad ayey dayaceen oo howshooda kama soo bixin, dabcan qalad inuu dhacay ayaa macquul ah, hadda fursad ayaa jirta, sababtoo ah dadkii lagu dilay qaraxaas ehello ayey ka dhasheen oo cadaalad ayey sugayaan, anagana dhaawacyo iyo dhib farabadan ayaa naga soo gaaray, booliska hadda waxaa ku waajib ah in galka baaritaankaas ay dib u furaan,” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Xasan.

    The post Sagaal sano kadib ninkii isku qarxiyey Yuusuf Xasan oo la ogaaday inuu nool yahay appeared first on Caasimada Online.


  5. Baarlamaanka Carabta ayaa sheegay inuu si hoose ula socdo isbeddelka ku  yimid xiriirka diblomaaasiyaadeed ee dowaladaha Aljeeriya iyo Marooko, kadib markii Aljeeriya ku dhaawaqday inay cilaaqaadka u jartay dowladdda Marooko.

    Qoraal kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa loogu baaqay labada dowladood inay mudnaanta koowaad siiyaan xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

    Baarlamaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay Aljeeriya iyo Marooko inay khilaaf kasta oo jira ku dhameeyaan miiska wada hadalka sida ugu dhaqsiyaha badan .

    Qoraalka kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa  lagu soo gabagabeeyay in laga sugaayo madaxda labada dowladood inay adeegsaaadan xikmad si ay uga gudbaan dhibaatada taagan.

    PUNTLAND POST

    The post Baarlamaanka Carabta oo war ka soo saaray xiisadda Aljeeriya iyo Marooko appeared first on Puntland Post.


  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa shaaciyay in Ra’iisul wasaaraha xukumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble uu shaqsiyan u istaagi doono wax ka qabashada khilaafka ka jira gobolka Hiiraan.

    Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa arrintaan ka sheegay kulankii ay shalay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran iyo Beesha Caalamka, oo looga hadlayey arrimaha doorashooyinka dalka.

    Afhayeenku si faahfaahsan uma sheegin sida uu ra’iisul wasaaruhu ku xalinayo khilaafka ka jira gobolka Hiiraan, hase yeeshe waxa uu qeyb weyn ka noqonayaa dadaalo lagu xalinayo xiisadda ka taagan maamulka HirShabeelle.

    Dhinaca kale, Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay la xiriireen Ugaaska Beesha Xawaadle, iyagoo kala hadlay xaaladii cakiran ee magaalada Beladweyne.

    “Ugaaska waxa uu noo sheegay in Farmaajo iyo Rooble la soo hadleen kana dalbadeen in xaalada la qaboojiyo lana xalin doono tabashooyinka jira,” ayuu yiri Nabaddoon Cilmi Guure Hagar

    Nabadoon Hagar oo kamid ah odayaasha ugu caansan gobalka Hiiraan ayaa sheegay in xayiraadii ay ciidamada Milateriga saareen Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle laga qaaday.

    “Albaabka ayaa lagu xiray waxaana saarnaa bandow aysan qof kaga soo bixi karin Madaxtooyada qofna ku geli karin, laakiin hada waan ka qaadnay,” ayuu yiri Nabadoon Cilmi Guure Hagar oo la hadlay Warbaahinta gudaha Muqdisho.

    Si kastaba, Odoyaasha dhaqanka gobalka Hiiraan ayaa ku guuleestay in ay magaalada ka saaraan ciidamadii Janaraal Xuud, halka kuwii Milateriga dib loogu celiyay saldhigyadii ay ka soo baxeen ee gobalka Hiiraan.

    The post Xafiiska Rooble oo war kasoo saaray xiisadda Beledweyne appeared first on Caasimada Online.


  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 90 dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn xagga cirka ah oo shalay ka dhacday gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, sida uu sheegay taliska ciidamada militariga Soomaaliya.

    Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday dagaal-yahanada Al-Shabaab kadib markii ay qabsadeen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

    “Maleeshiyaadka Al-Shabaab waxay isku dayeen inay weeraraan tuulada Camaara waxayna la kulmeen qasaaro aad u badan. Galabta ayaa la qaaday duqeyn xagga cirka ah oo lala beegsaday al-Shabaab oo lagu dilay ugu yaraan 90 argagixiso ah,” ayaa lagu yiri qoraalka twitter-ka.

    Ciidanka Milatariga oo kaashanaya kuwa maamul goboleedka Galmudug ayaa tuulada ka xoreeyay kooxda Al-Shabaab bishii hore, ayada oo mar kale ay weerar qaraxyo ku billowday kusoo qaadeen.

    Al-Shabaab ayaa dhankooda kal hore sheegatay inay dagaalka ku qabsadeen 14 gaadiidka gaashamaan, waxyar un ka hor intii aan dib looga qabsan deegaanka Camaara ee koonfurta gobolka Mudug.

    Sidoo kale wararka aan ka heleyno dagaalkaas waxa ay sheegayaan in markii deegaanka laga saaray kooxda ay duleedka ku beegsadeen diyaarado dagaal oo gacan siinayey ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug, waxaana halkaas Al-Shabaab ka soo gaaray khasaare xoog leh.

    War kooban oo ka soo baxay Taliska Milatariga Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay inay qaadeen howlgal ay ugu magac-dareen “is-difaac guud” oo ka dhan ahaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Camaara, waxayna shaaciyeen in qiimeynta hor-dhaca ah ay muujineyso in duqeymihii dhacay aysan wax ku noqon dad rayid ah.

    The post Khasaaraha Al-Shabaab oo maraya 90 dhimasho iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.


  8. Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ka dhex qarxay Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya oo sii xoogeystay

    canfar.jpg

    Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey Soomaalida iyo Canfarta oo saaka markale dib uga qarxay deegaano ka tirsan gobolka City ee dowlad deegaanka Soomaalida.

    Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Canfarta ay weerar ku qaadeen shacab Soomaali ah oo ku sugnaa deegaanka Biyo Cadde oo u dhow magaalada Cadheyti, waxaana halkaas ka qarxay dagaal u dhexeeyey labada dhinac.

    Sidoo kale dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ku sii fiday tuulooyinka Shakle iyo Birta dheer, tuulada Qalacle oo ku yaalla dhinaca magaalada Candhuufa ah.

    Ujeedka weerarka ay qaadeen maleeshiyaadka Canfarta ayaa lagu sheegay inay ku doonayeen inay ku qabsadaan dhammaan deegaanadaasi, kadib markii ay horey gacanta ku dhigeen magaalooyinka Garbo-Ciise & Cadayti oo ay ku sugnaayeen Soomaalida.

    Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalka maanta ku dhintay ugu yaraan illaa 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo ka kala tirsan labada dhinac.

    Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamullada labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi dib u qarxay ee khasaaraha badan geystay.

    Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka uu sii xoogeysto, sidoo kalena uu kasii daro khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

    Qaran News


  9. Shiinaha oo ka hadlay Natiijada ka soo baxday Wadahadalladii Taalibaan dhexmaray Shalay

     baradar.jpg

    China ayaa sheegtay inay “xiriir iyo wadatashi wax ku ool ah la furtay Taalibaan,” kadib kulan dhex-maray wakiilo ka socday kooxda iyo safiirka Shiinaha ee Kabul.

    Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda China, Wang Wenbin ayaan wax faah-faahin oo intaas dheer ka bixin wada-hadallada oo Talaadadii dhexmaray ku xigeenka madaxa xafiiska siyaasadda Taalibaan Abdul Salam Hanafi iyo danjire Wang Yu.

    Hase yeeshee waxa uu sheegay in China ay Kabul u aragto “masrax iyo marin muhiim ah in labada dhinac ay kaga wada-hadlaan dhammaan arrimaha.”

    China ayaa bishii tegtay wada-hadallo ku marti-gelisay wafdi uu hoggaaminayey hoggaamiyaha Taalibaan Mullah Abdul Ghani Baradar, kahor inta aysan kooxda la wareegin Kabul.

    China ayaa sidoo kale waxaa weli u furan safaaraddeeda Kabul, waxayna sheegtay inaysan wax qorshe ah ka laheyn inay muwaadiniinteeda ka daad-gureyso Afghanistan, halka ay sidoo kale Mareykanka si joogto ah ugu cambaareyso qaska ka jira garoonka diyaaradaha Kabul.

    “Waxaan mar kasta xushmeynaa madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Afghanistan, anaga oo raadineyna siyaasad ku dhisan faro-gelin la’aanta arrimaha gudaha Afghanistan ah, una hoggaansameyna siyaasad saaxiibtinimo oo ku wajahn shacabka Afghanistan,” ayuu Wang u sheegay weriyayasha oo uu shir jar’aaid ugu qabtay Beijing.

    “China waxay ixtiraamtaa in shacabka Afghanistan ay si madax-banaan go’aan uga gaaraan mustaqbalkooda, waxayna taageertaa fulinta mabda’ ay leeyihiin oo ay hoggaamiyaan shacabka Afghanistan.”

     

    Qaran News


  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey Soomaalida iyo Canfarta oo saaka markale dib uga qarxay deegaano ka tirsan gobolka City ee dowlad deegaanka Soomaalida.

    Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Canfarta ay weerar ku qaadeen shacab Soomaali ah oo ku sugnaa deegaanka Biyo Cadde oo u dhow magaalada Cadheyti, waxaana halkaas ka qarxay dagaal u dhexeeyey labada dhinac.

    Sidoo kale dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ku sii fiday tuulooyinka Shakle iyo Birta dheer, tuulada Qalacle oo ku yaalla dhinaca magaalada Candhuufa ah.

    Ujeedka weerarka ay qaadeen maleeshiyaadka Canfarta ayaa lagu sheegay inay ku doonayeen inay ku qabsadaan dhammaan deegaanadaasi, kadib markii ay horey gacanta ku dhigeen magaalooyinka Garbo-Ciise & Cadayti oo ay ku sugnaayeen Soomaalida.

    Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalka maanta ku dhintay ugu yaraan illaa 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo ka kala tirsan labada dhinac.

    Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamullada labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi dib u qarxay ee khasaaraha badan geystay.

    Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka uu sii xoogeysto, sidoo kalena uu kasii daro khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

    The post Dagaalka Soomaalida iyo Canfarta oo sii xoogeystay + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.


  11. ILAAHAY BAA MAHAD LEH.

    [ Qoraal yara dheer, balse nuxur nafhurnimo xambaarsan].

    Qoys ahaan, maanta waxaa farxad gaar ah noo ah in Walaalkay Daauud Saalax Iidle oo muddo ku dhow 20 sanno xidhnaa uu dib u helay xorriyaddiisii. Duruuf kasta & dedaal kasta oo aanu hore u bixinnay sidii uu caddaalad u heli lahaa hore walaalkay uma uu helin, balse maanta ayaa ALLE qaddaray in uu soo baxo isaga iyo 4ka mid ah saaxiibadiisii ay muddada wada xidhnaayeen.

    Qiimo weyn bay noogu fadhidaa in Daauud xorriyaddiisii helo, waxaa nagu dhacday qoys ahaan in Daa’uud oo xidhan HOOYADAY iyo CURADKII Qoyskayaba ay ku dhinteen shil gaadhi iyaga oo booqasho ugu tagay Daauud oo ku xidhnaa berigaa Xabsiga Berbera 2007kii, sida oo kale Daa’uud oo xidhan waxaa ALLE oofsaday Aabahay oo u geeriyooday qalliin uu ku galay Manhal Hospital 2015kii, qof kasta waa uu dareemi karaa qiimaha uu nagu joogo in uu walaalkayo dibedda u soo baxo, xorriyaddiisana helo.

    Walaalkay waa shakhsiyad caan ku ah samafalka iyo wanaag fidinta, waxa uu ahaa Maamulihii Xaruntii Agoomaha Somaliland ee Alxarameyn ka hor inta aan la xidhin, qisada xadhigiisa dad badani waa ay ka dheregsan yihiin oo waxa ay la xidhiidhay falal dhacay 2004tii, laakiin kaliya waxaa waajib ahayd in marka uu xadhigiisa dhammeysto uu helo xorriyaddiisa, ku dhawaad 6 sannadood ayuu Xabsi muddo dhaaf ah ku jiray, QADDAR baa ka qornaa in halkan la isla soo gaadho, waayo dedaal kasta oo bani aadam bixiyo waanu gelinnay sii deyntiisa.

    Daa’uud sii deyntiisa marka laga yimaaddo dedaalka aanu qoys ahaan gelinnay, waxa aanu garab istaag weyn ka helnay Siyaasiyiin waaweyn, Madax dhaqameed xurmo leh, Ganacsato maalqabeen ah, Samafalayaal diranayaal ah, Culimo wax ku ool ah, Hay’ado ka shaqeeya Xuquuqal Insaanka, Saxaafad madax bannaan iyo dadyow qubane ah oo si iskood ah wax noola qabanayey.

    Waxa aan si gaar ah u xusi karaa, Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo dedaal weyn ku bixiyey sii deyntiisa, Suldaan Maxamed Xirsi Qani iyo Suldaan Cabdiraxmaan Good, Caaqil Cabdikariim Jaamac Faarax, Beeldaaji Maxamed Jaamac Daadey, Ganacsade Axmed Cabdillaahi Dalab oo inta ay ka nasteen arrinka Daauud uu yaraa, sida oo kale waxaa jiray Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo iyaguna dedaal ka bixiyey arrintan markii ay Qabiiladu ula tagtay oo uu ugu horreeyo Wasiir Siciid Sulub, ugu dambeyn waxaanan Ilaawi karin Madax dhaqameedka iyo Haldoorka Beesha aan ka soo jeedo ee West Burco Clan- Sacad Yoonis oo si nafhurnimo leh u dedaalay intii karaankoodii ahayd.

    Qofnimada Daauud dad badan oo waayaha Xabsiga ay ku walaaloobeen baa ka marag kacaya, dad badan oo ay soo wada shaqeeyeen baa qiraya, waxaa markhaati dhow kuugu filan in maxbuus kasta oo Xabsiga dhexe ee Hargeysa ay ku kulmeen walaalkay uu kaaga marag kacayo hoggaaminta iyo hayinnimada ninkaas ku jirta oo ay ila soo xidhiidhi jireen badankoodu, dad badani waxa ay igula kaftami jireen hoggaamintiina ka xabsiga ku jira, iyo kiinna dibedda joogaba ma u dhalashaa?

    Kartidiisa iyo qofnimadiisa, waxa uu waxbarashadiisa Jaamacadeed ku dhammaystay Xabsiga dhexdiisa, waxa uu mas’uulka koowaad ee Maxaabiista iyo Ciidanka asluubta u dhaxeeya, waxa uu isku xidhe ka ahaa barnaamijka waxbarasho ee ay ka fuliso Jaamacadda Beder oo iyadu hal-abuurnimada in Maxaabiista heer jaamacadeed wax loo baro dedaal weyn ku bixisay. 

    Waligey arrinkiisa baraha bulshada kuma qorin, sida oo kale waligay Tv-yada kamaannaan hadal, sababtuna waxa ay ahayd waxa aan xurmeynaynay cidda howsha nala wadday oo ahayd dadyow macno leh oo u qalma in la tashi iyo tusmaba la weydiiyo, annigu waxa aan si xooggan u rumeysnaa in uu xorriyaddiisa maalin uun heli doono, balse annaga ay na faran tahay in aaanaan ka daalin doonistaas, waayo waxa aan xoog u rumeysanahay in aan qofna dhiilada iyo dhibta ku waareyn oo maalin uun faraj helayo.

    Waxaa jira dadyow badan oo aanan rabin magacyadooda in aan xuso anniga oo ilaalinaya in dunida waayo badani danbeeyaan oo arrinkan carqalad weyn nagaga haye, dhib badana noo geystay, god kasta oo aan arrinka ninkan odayga ah aan ka saarnana u dhaqaaqayey in ay sii ribdhaan, dadkaasi waxa ay isugu jireen mas’uuliyiin iyo shacaba, balse waxaa ilaahay mahaddii ah in ay qaddarka baajin kari waayeen oo ay cadceeddu ku soo baxday iyada oo kulul, waa naga cafis waxna uma qabno maanta.

    Ugu dambeyn waxa aan u mahadnaqayaa Madaxweynaha JSL oo isagu garwaaqsaday in Daauud iyo saaxiibadiiba ay muteysteen in la sii daayo, la cafiyo isla markaana ay noloshoodii caadiga ahayd dib u bilowdaan.

    Abdulkadir Eidleh.

    Source


  12. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta Xarunta Wasaaradda Maaliyadda waxaa uu kula kumay wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika Kristina Svensson.

    Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dib-u-habeynta Maaliyadda, Mashruucayada horumarineed ee bankiga uu Soomaaliya ka wado iyo dadaalada Wasaaradda Magaalada ee sare uqaadidda Dakhliga gudaha.

    Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Bankiga Aduunka uu saaxiib muhiim u ah yahay  horumarka dhaqaalaha Soomaaliya.

    Xukuumadda Soomaaliya ayaa sanidii la soo dhaafay waxaa ay dadaal ugu jirtaa sidii dalalka deymaha ku leh Soomaaliya ay uga cafin lahaayeen halka dalalka qaarkood ay deynta cafiyeen.

    PUNTLAND POST

    The post Wasiir Beyle oo la kulmay Madax ka socota Bangiga Adduunka appeared first on Puntland Post.


  13. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ballaaran oo ay dhigeen shacabka iyo maamulka magaaladaasi, kuwaas oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee ku yaalla halkaasi.

    Dibad-baxa ayaa waxaa looga soo horjeeday kooxda Al-Shabaab, waxaana sidoo kale ka qeyb-galay maamulka degmada, wasiiro iyo saraakiil ka tirsan laamaha amniga magaalada Gaalkacyo.

    Sidoo kale dibad-baxan ayaa waxaa lagu taageerayey howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ka wadaan koonfurta Mudug.

    Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay garab taagan yihiin ciidamada huwanta ee dagaalka ka wada deegaanada maamulka Galmudug.

    Mas’uuliyiinta goobta ka hadashay ayaa dhankooda xusay in loo baahan in loo midoobo dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, kana socda gobolka Mudug ee bartamaha dalka.

    Dibad-baxan oo uu soo qaban qaabiyey maamulka degmada Gaalkacyo ayaa saameyn ku yeeshay dhaqa-dhaqaaqa iyo goobaha ganacsiga ee magaaladaas oo maanta xiran.

    Si kastaba Galmudug ayaa howl-gal culus ka wada deegaanadeeda, waxaan dagaalkii ugu dambeeyey uu shalay ka dhacay koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

    240650410_3025633167672369_8344748927451 240315817_3025632931005726_2292192075807 240332285_3025632221005797_2900091155686 240391878_3025633227672363_6245217935882 240393093_3025631921005827_2004327257465 240403609_3025631367672549_7093524964093

     

    The post Dibad-bax ka dhan ah Al-Shabaab oo maanta ka dhacay Gaalkacyo + Sawirro appeared first on Caasimada Online.


  14. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa maanta soo gaba-gabeysay dacwad ka dhan ah eedeysane Maxamed Cabdi Dhoore oo loo heesto inuu afduub iyo kufsi u geystay gabar yar oo lix sano jir ah.

    Maxkamadda ayaa shaaca ka qaaday in Dhoore uu falkan geystay 19-kii bishan August, isla-markaana uu ka dhacay  deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, waxaana la sheegay in gabadha uu falkaasi ka soo gaaray dhaawac xoog leh.

    Ugu horreyn xeer ilaalinta maxkamadda ayaa goobta ku soo bandhigtay qiraal laga qoray eedeysanaha iyo caddeymo kale oo muujinaya, sida uu falka u dhacay oo ay ka mid yihiin warqadda dhaqtarka, dharkiii gabadhu xirneyd iyo sawirrada goobta laga soo qaaday, iyada oo xeer ilaalinta ay dalbatay in loo cuskado ciqaabta la marsiinayo eedeysanaha.

    Sidoo kale qareenada difaacayey eedeysanaha oo dhankooda ka hor hadlay maxkamadda ayaa ka dalbaday in eedeysanaha loo qafiifiyo xukunka , iyadoo la eegayo qiraalkiisa.

    Intaasi ka dib garoosraha maxkamadda ayaa ku dhowaaqay xukunka kama dambeysta ah ee kiiska Maxamed Cabdi Dhoore, waxaana lagu riday xukun dhan shan sano xabsi ah iyo sidoo kale bixinta labo halaad oo maxkamadu sheegtay in ay noqonayaan dhiiga gabadha.

    Dhinaca kale ehellada gabadha yar ee dhibanaha ah ayaa soo dhoweeyey go’aanka ay maxkamadda ka gaartay kiiskan oo marxalado & doodo kala duwan soo maray.

    Si kastaba gobollada Galgaduud iyo Mudug ee Galmudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal la xiriira kufsiga, waxaana kiiskan uu ka mid noqonayaa kuwa ay guuleysteen hay’adaha amniga iyo maxkamadaha ka jira deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

    The post Galmudug oo xukun adag ku ridday nin afduub iyo kufsi u geystay gabar lix sano jir ah appeared first on Caasimada Online.


  15. (SLT-Dubai)-Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa fulin weyday qoddob kamid ah heshiiskii madaarka Berbera ee ay kal hore kala saxeexdeen xukuumadda Somaliland, sida uu shaaciyey Mareeyaha hay’adda duulista iyo madaaradda Somaliland.

    Mareeye Cumar Sayid ayaa golaha wakiiladda Somaliland ka hor sheegay in heshiiskii madaarka Berbera ee ay la galeen dowladda Imaaraadka uu dhigayay inay Madaarka Berbera ka dhigtaan Saldhig, ayna sameeyaan madaar kale oo duulimaadyada diyaaradaha rayidka ah, kaasi oo aan fulin.

    Waxa uu sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ayna sameyn madaarkii ay kula heshiiyeen, kadib markii ay xukuumadda Somaliland ku wargelisay in uu ku batay dhaqaalihii Dekedda iyo kii Waddada Berbera.

    “Madaarka Berbera waxaynu heshiis ku galnay inuu Saldhig u noqdo dowladda Imaaraadka Carabta, qorshaha waxa ku jiray inay inoo sameeyaan Madaar kale, muddo markii wada-hadalkii socday iyaguna yidhaahdeen waxa nagu batay dhaqaalihii Dekedda iyo kii Waddada, waxa la isugu ururay in Madaarka Berbera ka Jabuuti sida uu yahay (oo kale laga dhigo) inuu Saldhiggiina noqdo, Somaliland-na ka isticmaasho wixii ay ugu baahato oo ah duulimaadyadii (Rayidka), keligiina maaha ee Madaarradu intaas oo ujeeddo ayay wada qaban karaan,” ayuu yidhi Cumar Sayid.

    Mareeyaha ayaa sidoo kale sheegay in qoddobkaas ka fuli waayey heshiiskii Madaarka Berbera ay heshiis ka gaadheen Imaaraadka iyo Somaliland, islamarkaana la isla qaatay in madaarka uu noqdo Saldhig ciidan iyo mid rayid.

    Si kastaba, Imaaraadka ayaa xidhiidh wanaagsan la leh xukuumadda Somaliland, ayada oo shirkadooda DP WORLD ay si buuxda gacanta ugu hayso dekedda Berbera, oo Somaliland u aheyd il dhaqaalo oo muhiim ah.

    Source


  16. Hanti-dhawrka guud ee dowladda Puntland ayaa xannibaad saaray dhammaan AKoonnada Lacagta ee wasaaradda Waxbarashada Puntland.

    Warqad ka soo baxday Hanti-dhawrka guud ee Puntland Cabdirisaaq Cumar Faarax ayaa lagu xannibay dhammaan Akoonnada wasaaradda ilaa iyo amar dambe.

    Hnati-dhawrka ayaa sheegay in baaris ku socoto wasaaradda Waxbarashada Puntland waxaana shaqada laga joojiyay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaraddaas oo lagu eedeeyay lunsasho hanti dadweyne.

    Waxbarasho.jpg?resize=720%2C1018&ssl=1

    PUNTLAND POST

    The post Hanti-dhawrka Puntland oo xannibay akoonada Wasaaradda Waxbarashada appeared first on Puntland Post.