Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. 2fb48ea3-9c01-4e57-bab7-1f9524a54b17-696

    Turkey has donated another eight Kirpi armoured personnel carriers to Somalia along with 14 Aktan military trucks.

    The vehicles were handed over to the Somali National Army in mid-August, the Turkish embassy announced, and received by General Odowaa Yusuf Rage, head of the Somali National Armed Forces.

    The vehicles will be used by Somalia’s elite Gorgor Commandos in the fight against al-Shabaab.

    At the same time as the vehicle delivery, Turkey announced that the 15th batch of the Haramcad Special Police Forces completed their training at the TURKSOM Military Training Centre. Haramcad forces are trained by Turkey’s Police Special Forces trainers.

    Turkey donated 12 Kirpi APCs to Somalia in August 2020, along with 12 Mitsubishi Triton pickup trucks, fitted with pintle mounts for machineguns.

    The Turkish Embassy in Somalia said at the time that the Kirpi is the first fully armoured vehicle to be owned by the Somali National Army.

    The Kirpi (Hedgehog) is manufactured by Turkey’s BMC and is in service with the Turkish armed forces – it has also been supplied to Libya’s Government of National Accord and ordered by Tunisia. It is based on the Israeli Hatehof (Carmor) Navigator protected vehicle. Ten soldiers and three crew can be carried. A V-shaped hull provides protection against landmines, while the armoured hull provides ballistic protection to STANAG 4569 Level 3. According to BMC, the Kirpi has a top speed of 100 km/h, range of 800 km and is powered by a Cummins diesel engine delivering 375 horsepower. Gross weight is 19 tonnes.

    Turkey has been a major source of aid to Somalia following a famine in 2011 as Ankara seeks to increase its influence in the Horn of Africa to counter Gulf rivals like Saudi Arabia and the United Arab Emirates.

    Turkish engineers are helping build roads in Somalia, and Turkish officers have trained Somali soldiers as part of efforts to build up the country’s army. Turkey has trained around a third of Somalia’s military.

    In September 2017, Turkey opened its biggest overseas military base in Somalia’s capital, cementing its ties with the volatile but strategic Muslim nation and building a presence in East Africa. At the time Turkey said more than 10 000 Somali soldiers would be trained by Turkish officers at the $50 million base.

    Turkey is also providing Somalia with training support and equipment to establish the country’s navy and coast guard.

    Source: Defence Web

    The post Turkey donates more Kirpi APCs to Somalia appeared first on Puntland Post.


  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee rasmiga ah isla markaasna soo dhisay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hor yimid habraacii doorashada Golaha Shacabka oo ay soo sareen madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

    Qoraal kasoo baxay odayaasha dhaqanka ayaa lagu sheegay in duubabka yihiin hey’adda marjaca ugu sareeya hey’adaha dowladda Soomaaliya isla markaasna loo ogolaado inay iyaga soo xulaan xubnaha Baarlamaanka sidaasna lagu doorto madaxweynaha.

    “Waxaa nasiibdarro ah oo arrin la yaab leh noqotay in si baalmarsan shuruucda iyo curfiga wadanka u yaal, si aan gabbasho iyo sariigasho toona laheyn layskugu dayo in lagu tirtiro kaalintii duubabaka oo laysku qanciyo in maanta laga tallaabsan karo,” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka Odayaasha.

    Odayaasha dhaqanka ayaa soo saaray illaa afar qodob oo kala ah:

    1- Duubabaka xaqa u leh inay soo xulaan 5-ta qof ee soo xulaya Ergada 101-da ka kooban ee dooranaya Xildhibaanada Barlamaanka ; oday dhaqameedyadaasna waa 135-kii isin ee horey loo ansixiyey saxiixayaashana ka ahad doorashooyinkii hore, intii kale oo ka mid ah odoyaasha dhaqankana ay kula mideysnaayeen.

    2- Madaama weli aan loo gudbin doorasho dadweyne “Qof iyo cod” ah oo uu hab-qeybsigu wali beeleysan yahay, awoodda soo xulista xubnaha matalaya beelaha waxaa leh madaxda dhaqanka, lug kuma yeelan karo masuul iyo maamul siyaasadeed. Ciddii isku dayda inay si hareer marsan shuruucda iyo curfiga wadanka u baalmaraan waa mid sinnaba aan looga aqbaleyn meelna gaareyn, waxayna isimadu/odayaasha dhaqanka awood u leeyihiin inay go’aan ka gaaraan.

    3- Waxaan fareynaa Madasha Wadatashiga Qaranka (MWQ) inay dhamaan dib ugu noqdaan qodobada habraacoodil, gaar ahaan kuwa dhaqaalaha lagu xukumay ergada waa xaqoodii doorasho.

    4- Waxaan kula talineynaa dhamaan dhinacyada siyaasadda in loo hogaansamo heshiiyadii hore, damac iyo dano-shaqsiyeed aan wadanka halis loo galin, oo tabtaas oo kale horey u keentay dhibtii la soo maray.

    The post ODAYAASHA rasmiga ah ee 135-ka oo 4 qodob kasoo saaray habraaca doorashada appeared first on Caasimada Online.


  3. (SLT-Hargeysa)-Koox hubaysan oo Xashiishadda ka ganacsada Magaaladda Berbera ayaa Rasaas nool kala horyimid Ciidanka booliiska Somaliland kuwaasi oo dhaawac Culus gaadhsiiyay Taliye Ku Xigeenkii Dekedda Berbera Axmed Cawaale kaasi oo dhaawiciisa lagu dabiibayo Cisbitaalka weyn ee Hargeysa.

    Sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka tirsan saraakiisha Ciidanka Booliiska Somaliland iyo dad goob joog ahaa oo ku sugan Magaalada Berbera, waxa habeen hore Magaalada Berbera ka dhacday dhacdo cajiib oo argagax ku riday dadka shacabka ah iyo guud ahaan Reer Berbera. Taliye ku xigeenka Dekedda Berbera Axmed Cawaale iyo Ciidan uu hogaaminayo ayaa loo soo sheegay koox Xashiishadda ka ganacsada, oo sida la sheegay ka agdhawaa, isagoo markiiba Ciidan kaxaystay islamarkiibana abaaray halka ay ku sugnaayeen.

    Wararkan ayaa intaasi ku daray in Taliyaha oo habeen hore Heeganka Gobolka u lahaa iyo Ciidankiisu ay baacsadeen kooxdaasi Xashiishada ka ganacsada kuwaasi oo isku dayay markii ay Ciidanka arkeen inay ka baxsadaan, balse markii ay Ciidanku woxogaa baacsanayeen, sida uu warkani nagu soo gaadhay,waxay galeen meel Kharaabad ah  ama dhisme dunsan, kaasi oo ay gabood ka dhigteen, balse Ciidanku kama hadhin ee waxay isku dayeen inay kadaba galaan, nasiib daro waxay kala hor yimaadeen Rasaas nool, waxaanay halkaasi dhaawac culus ugu gaysteen taliye ku xigeenkii ciidanka watay Axmed Cawaale, kaasi oo dhaawaciisa loola soo cararay Dhinaca magaalada Hargeysa.

    Sida uu Warkani sheegayo, waxa ay  rasaastu ka haleeshay ama kaga dhacday Taliyaha, Bawdada iyo Badhida, waxaana sida la noo sheegay, dhex fadhiisatay mid ka mid ah rasaastii kaga dhacday Bawdada, taasi oo shalay qaliin lagu sameeyay Cisbitaal Hargeysa si looga soo saaro Rasaasta dhex fadhiistay. Wararkii u dambeeyay ayaa noo sheegay in Xaaladda Taliyuhu aad u wanaagsan tahay oo ay kasoo raynayso, halka raggii Xashiishadda watay ee Taliyaha dhaawacayna ay Ciidanku xabsiga dhigeen.

    Dhacdadan ayaa noqonaysa mid ugub ku ah oo ku cusub gayiga Somaliland, waana markii u horaysay ee ay Koox Xashiishadda ka ganacsataa rasaas nool u adeegsato Ciidanka Nabadgalyada Somaliland. Sidoo kale waxay dhacdadani daba socotaa, walaac wayn oo ay Shacabka Somaliland mudooyinkii u dambeeyay ka qabeen Maandooriyaha Xashiishada oo isticmaalkeedu aad ugu soo badanayso Somaliland.

    Sidoo kale, Waxay dhacdadani ku soo beegmaysaa iyadoo dhawaan uu Madaxweyne Biixi Khudbaddii Ciiddal Firidii uu si adag ugaga hadlay Geedka Xashishada iyo Maandooriyaha oo aad ugu soo badanaya Somaliland. Waxay Ciidanka Nabadgalyada Somaliland kor u qaadeen dadaalka ay  ugu jiraan dagaalka iyo dabagalka ay ku hayaan kooxaha Xashiishada soo galiya Somaliland iyo dadka Isticmaalaba.

    Source


  4. Nin Barkadaha dhisa ayaa qandaraas ka qaatay Islaan dooneysay in Barkad loo dhiso. Kolkuu ninkii hawshii bilaabay ayaa maalintii danbe iyagoo hawshii dhexda kaga jira ay Islaantii kormeer lama filaana ku soo martay. Islaantii ayaa aragtay meeshiiyoo weli iska fool xun Oo aan sibidhkii la marin oo ay u eeg tahay qabyo fool xun. Kolkaasay Islaantii tidhi ” Waar hooy inankoow Barkadani way dumaysaa Oo Barkad ii noqon maysee maxaad ka sii wadwadaa.” Ninkii qandaraaska qaatay ayaa ku yidhi Islaantii u kaadi aan dhamaystiree. Galabtii sibidhkii Ugu danbeeyey lagu sameeyey ayaa bahal mahiigaan ahi ku dhuftay Oo dhulka la simay Barkaddii. Ninkii Qandaraaska qaatay ayaa waalan gaadhay Oo isku buuqay kolkaasaa la yidhi Waar waa qadar Ilaahaye samir hadaba ninkii qadaraaska qaatay waxa laga hayaa” Anigu qadarka Ilaahay wuu dhacayoo maan diidini, Islaantaa malaheedu rumoobay ayaan ka biyo diidanahay!”

    W/Q Jamaal Cali Xuseen

    Source


  5. (SLT-Hargeysa)-Ciidamada Ammaanka Somaliland ee Gobolka Togdheer ayaa shalay xabsiga u taxaabay nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Jibriil (Indho Khayr) kadib markii uu bartiisa Facebook soo dhigay sawir isaga oo ku jeeni qaaran Qori AK47 ah kuna soo dul qoray hal-ku dheg uu ku muujinayo in uu difaacayo diinta Islaamka.

    Ilo-wareedyo u dhuun daloola xadhiga ninkan dhallinyarada ah ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey in Maxamed Axmed Jibriil oo loo yaqaano Indho Khayr ay ciidamada ammaanku xabsiga dhigeen kadib markii laga soo qabtay isla gudaha Magaalada Burco iyada oo aan la ogayn sababta rasmiga ah ee xadhigiisa balse dad badani u aananayaan in sawir uu ninkani ku baahiyay baraha Bulshada gaar ahaan Facebook loo badinayo in ay tahay sababta xadhigiisu sidaana ay ciidamadu xabsiga ku geeyeen.

    Muuqaalka sawirkan uu ku baahiyey Facebook iyo qoraalka uu ku dul qoray oo u dhignaa sidan ayaa ahaa mid hadal hayn badan ka dhaliyey baraha Bulshada dhexdeeda oo shalay illaa xalay ay dadku si weyn uga fal celiyeen.

    Maxamed Axmed Jibriil (Idho Khayr) waxa uu bartiisa ku baahiyey sawirkiisa isaga oo degta ku sita oo jeeni qaaran Qori aakay ah (AK47) kuna dul qoray hal-ku dheg sidan u dhignaa: “Waxaan U Taaganahay Inaan Difaaco Diinta Islaamka” inkasta oo aanu faahfaahin ka bixin xaaladda difaac ee uu ninkan sheegayo iyo ciddad duullaanka ku soo qaaday Somaliland iinteena Xaniifka ah.

    Mar aanu isku daynay in aan xadhiga ninkan wax la waydiino laamana dawladda ee ay khusayso ayaanay noo suurto galin iyada oo xadhigiisu aad u saameeyey ra’yum caamka guud iyada oo dadka qaar ku dhaliileen Maxamed Axmed Jibriil (Idho Khayr) sida uu isaga oo hubaysan sawir isaga soo qaaday sidaana ugu baahiyey baraha Bulshada.

    “In qof shicib ahi qori dab leh isku soo sawirro oo aanu ruqsad u haysan kadibna sheego hadal sidaa u dhigan oo aanu faahfaahin waxa uu ka difaacayo diinta Islaamku waa arrin shaki badan leh oo cunfi iyo dagaal dhiirri galinaysa loona baahan yahay in ciidamada ammaanku baadhis qoto dheer ku sameeyaan kiiska ninkan” sidaa waxa yidhi Macallin Axmed Xasan Jaamac oo ka dareen celinayay farriintan sawirka wadata ee lagu baahiyey baraha Bulshada.

    Illaa imika Ciidamada Ammaanka ee Gobolka Togdheer gaar ahaan kuwa Magaalada Burco kama aana war bixin ama faahfaahin kama ay bixin xaaladda ninkan la sheegay in ay shalay xabsiga dhigeen.

    Sidoo kalena lama oga in ay maxkamad la tiigsan doonaan iyo in ay xabsiga ka sii dayn doonaan.

    Source


  6. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland Md. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa ka mid ahaa dadka damaanadda laga qoray ee shalay qaar ka mid ah maxaabiis muddo dheer xabsiga weyn ee Hargeysa ku jiray kuwaasi oo u xidhnaa falal argagixisanimo oo lagu eedeeyey wakhtigii xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, kuwaasi oo muddo dhawr iyo labaatan sano ah kadib shalay dib u helay xorriyadooda.

    Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland Md. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa isagu waxa uu si gaar ah u damiintay oo warqad looga saxeexay mid ka mid ah maxaabiista shalay la sii daayay oo ay isku deegaan ka soo jeedaan kaasi oo ah Jaamac Cabdi Ismaaciil (Jaamac Kuutiye) oo ka mid ahaa ragga ugu caansan ee muddoda intaasi le’eg xabsiga ku jiray kuna eedaysnaa fallakaasi argagixisanimo.

    Warqadda damaanadda ah ee Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland Md. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ku saxeexay oo lagu socodsiiyay Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Foore ayaa waxa ay u dhignayd sidan:

    “Aniga oo ah Cabdirashiid X. Ducaale Qambi Cabdalle waxaan caddaynayaa in aan anigu damiin buuxa ka ahay wixii dhib ah ee uu la yimaaddo Jaamac Cabdi Ismaaciil ina Khadiija Siciid oo ah maxbuus muddo dheer ku xidhnaa xabsiga Hargeysa.

    Sidaa darteed waxaan taliye kaa codsanayaa in ninkaas aad dammaanaddaydaas ku sii daysid”. Waxa warqaddaasi damaanadda ah markhaatiyaal ka ahaa oo ku saxeexan labada nin ee la kala yidhaa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Daahir iyo Sakariye Mustafe Maxamuud”.

    Shalay ayay ahayd markii xukuumadda Somaliland oodda ka qaaday maxaabiistaasi uu ka mid ahaa Jaamac Kuutiye oo ay sidoo kale ku jireen rag ay ka mid ahaayeen Daa’uud Saalax Iidle iyo Cabdiraxmaan Indhocadde oo dhammaantood ahaa xubno dawladdii  Daahir Rayaale ay sannadihii 2003 iyo 2004 ay ku eedaysay in ay galeen dambiyo la xidhiidha falal argagixisanimo. Maxaabiistan ayaa qaarkood dhawr iyo labaatan sano ku jireen xabsiga Hargeysa iyaga oo wakhtigii xukunkoodu dhammaaday kuna darsaday sannado kale oo dhaadheer. 14-kii November sannadkii 2005 ayaa raggan shalay la sii daayay qaarkood lagu xukumay dil toogasho ah balse markii dambe xabsi wakhti dheer ah dib loogu xukumay.

    Akhri Warqadda Damaanadda:

    p.jpg

    Source


  7. Waxaa saaka dagan xaaladda deegaanka Camaara gobalka Mudug oo 48-saac ee la soo dhaafay ay ka jireen dagaallo u dhaxeeyo ciidamada dowladda iyo Ururka Al-shabaab.

    Dagaalka ayaa bilawday kadib markii waa berigii hore ee shalay ururka ay weerar ku soo qaadeen saldhig ciidamada dowaldda ay ku lahaayeen deegaanka Camaara, Halkaas oo ay Alshabaab gacan ku heynta degmada ay kala wareegeen ciidamada dowladda saacado kooban, wallow dib Ciidamada ay u qabsadeen Camaara.

    Ururka Al-shabaab ayaa dhankooda warar ay ku baahiyeen barahooda Bulshada waxa ay ku soo bandhigeen gaadiid iyo Saanad ciidan.

    Dhanka kale waxaa magaalada Gaalkacayo lagu qabtay banaanbax ay soo abaabuuleen dadka shacabka ah iyo maamulka degmada kaas oo looga soo horjeedo ururka Al-shabaab.

    Xaaladda deegaanka Camaara ayaa saaka oo khamiis ah dagan xilli ay dib u soo laabteen isku socodka dadka iyo gaadiidka.

    Ciidamada dowladda ayaana waxa ay ka wadaan deegaanka dhaq dhaqaaqyo ay kaga hortagayaan weerarada ururka Al-shabaab.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  8. 20-kii bishan aynu ku jirno waxa Hargaysa ka soo degay siyaasi Jamaac Maxamed Qaalib oo muddo dheer aamisnaa in aanay Soomaalilaan dal noqon Karin, balse ay Soomaaliya ka mid tahay. Ilaa hadda ma jirto madal, qiraal iyo qoraal uu kaga tanaasulay mabdi’ii Soomaalilaan nacaybka ee uu ku caan-baxay. Sida muuqata haatan da’diisu waa 88 jir, waxaanu dalkiisii uu mudada dheer dagaalka kula dib ugu soo noqday si uu nabad iyo nasasho ugu helo maadaama uu ka waayey labadaaba meeshii uu dalkiisa ka jaclaaday. Dhawr qoddob ayeynu ka iftiimin doonaa dagaalkii siyaasadeed uu Jaamac Yare ku hayey dalkiisa oo uu maanta soo miciinbaday:

    = Jaamac Maxamed Qaalib wuxuu calanka u siday siyaasiyiintii diiday heshiishkii ay golaha Guurtidu ka dhexwaday dawladdii madaxweyne Cigaal iyo maleeshiyadii haystay Madaarka caasimadda Hargaysa dabayaqaaddii 1994. Wuxuu lug ku lahaa dagaalkii sokeeye ee qarxday isla sannadkaasi, waxaanan ku xusay buugga Go’aan iyo Geesinimo (2016). Colaad uu u hayey Cigaal ayuu ku lammaaneeyey dagaalkii sokeeye.  Wixii intaasi ka dambaysay dalka wuu ka baxay, ka dib markii la jebiyey maleeshiyadii uu dabada geliyey, waxaanu noqday dibad-wareeg dalka ka caagan.

    = Sannadkii 2003 ayuu si kedis ah madaarka caasimadda Hargaysa uga soo degay diyaarad uu saarnaa. Markii ay ka war heleen ciidankii ammaanku ayaa markiiba lagu xidhay isla madaarka. Safarkiisaa kumuu guulaysan inuu cagaha soo dhigo dalka aanu qaddiyadiisa aaminsanayn. Xukuumaddii Riyaale ee wakhtigaasi ayaa mastaafurisay, oo xaggaa iyo Jabuuti ayaa diyaarad loo saaray. Xadhigaasi waxa ka dhashay weerar dhimasho iyo dhaawac geystay, ka dib markii ay ciidanka ilaalada madaarka tacshiirad is-weydaarsadeen rag hubeysan oo diidan xadhiga Jaamac Yare. mastaafurintiisa ka dib waraysi uu siiyey BBC-da laanta afSoomaaliga wuxuu ku sheegay in kuwan waanu go’nay leh aanu caqli u kordhin.

    = Sannadkii 2011 ayuu mar labaad ka soo degay garoonka diyaaradaha Cigaal ee Hargaysa. Markii uu soo baxay warka inuu Jaamac Yare Hargaysa joogo, ayuu afhayeenkii dawladdii Madaxweyne Siillaanyo Cukuse u sheegay BBC-da laanta Afsoomaaliga inuu Jaamac Yare dalka cafis ku yimid oo uu ka tanaasulay mabdi’ii ahaa in Soomaalilaan aanay dal noqon Karin, sidaasina lagu cafiyey. Hasayeeshee wakhtigaasi isaga lagama maqal meel uu ku sheegay inuu fikikiisii beddelay.

    = Qoraalladiisa inta badan ku soo bixi jiray wargaysyada ku soo baxa afka Ingiriisiga wuxuu si badheedh ah ugu duri jiray jiritaanka qaddiyadda Soomaalilaan-ta maanta uu soo miciinbaday. Inta badan wuxuu wax ku qoraa afka Ingiriisiga. Waxa ka mid ahaa qoraal af Ingiriis ku qoraan oo uu ku soo qoray wargayskii ka soo bixi jiray Itoobiye ee Sub-Saharan Informer oo uu ku sheegay inuu walaac weyn ka qabo dhallinyarada badan ee ku soo badnaysa Soomaalilaan ee aan waxba ka ogeyn midnimada Soomaaliya. Haddii kuwaasi ay sii kordhaan hadhow haddiiba afti laga qaado kuwa goo’ni go’a doonaya inay foodka heli doonaan. Halkaasina lagu waayo midnimadii Soomaaliya.

    = Jaamac Yare wuxuu kaalin weyn ku lahaa shirkii dib-u-heshiinta Soomaaliya ee ka dhacay dalka Jabuuti ama shirkii Carta ee qabsoomay 2000. Wuxuu guddoomiye u ahaa guddigii diyaarinaysay axdi-qarameedkii dawladdii Carta ee Cabdiqaasim hogaaminayey. Colaadinta Soomaalilaan ayuu shirkaasi si weyn uga dhexwaday. Sidoo kale shirkii Eldooreet ee Kiiniya lagu qabtay ee loo qabtay kooxaha Soomaaliya ee lagu soo doortay C/laahi Yuusuf ayuu badhtanka kaga jiray. Waxa la yidhi” Meyd maxaa u dambeeyey iyo kaa la sii sido”. Farmaajo oo ah madaxweynaha ugu cadaawadda badan Soomaalilaan wuxuu Jaamac Yare u magacaabay guddoomiyaha guddiga Taakuleynta ciidamada. Hasayeeshee xilkaasi wuxuu uga cudurdaartay da’diisa oo weynaatay iyo inuu yahay hawlgab aan shaqo qaban Karin. Waxaanu yidhi” laba sabab ayaan u diiday. Horta ciidan qaran taakuleyntii tabarucaad laguma dhisi karo. Aniguna tamar uma hayo xil qaran oo waan ka gaboobay”. Hadalkiisaa ugu dambeeya waxa ku cad in aanu shaqadaasi u diidin inuu ka noqday mowqifkiisii Soomaalilaan diidka ahaa ee da’du u run sheegtay.

    Cali Cabdi Coomay

    Suxufi, Qoraa ah.

    Hargaysa, Soomaalilaan.

     Calicoomay@gmail.com

    Source


  9. (SLT- Dar es Salaam)-Waxaa soo baxaya faahfaahino la xidhiidha nin weeraray safaarada ay dowlada Faransiiska ku leedahay magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.

    Nin hubeysan ayaa dilay saddex askari oo boolis ah iyo waashmaan khaas ah meel ku dhow safaarada Faransiiska oo ku taalla xaafadda dublamaasiyadeed ee magaalada Dar es Salaam, ka hor inta aan toogasho lagu dilin.

    Muuqaalo internetka la soo geliyay oo ay duubaan dad ka daawanayay dhismayaasha ka soo horjeeda safaaradda Faransiiska, ayaa lagu arkayay ninka hubaysnaa oo ku jira gudaha safaarada.

    Booliisku waxay sheegeen in ninka weerarka geystay uu markii hore bastoolad ku toogtay laba askari oo boolis ah oo ku sugnaa isgoys ku yaalla degmadaas oo ay ku yaallaan dhowr xafiis oo diblomaasiyadeed. Wuxuu qori ka qaatay askartii booliiska ee uu diley, wuxuuna lug ku aaday safaaradda Faransiiska oo dhowr boqol oo mitir u jirta, isagoo si aan kala sooc lahayn u toogtay oo qabsaday halka laga waardiyeeyo safaarada.

    Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ayaa barteeda Twitter -ka ku sheegtay in qofka weerarka geystay la diley xaaladuna ay caadi tahay.

    “Waxaan tacsi u dirayaa adeegga booliska iyo qoysaska saddex boolis, iyo hal sarkaal oo ka tirsan shirkadda amniga SGA, oo naftooda ku waayey kadib markii qof hubeysan uu ku weeraray aagga Salenda ee Daarusalaam,” ayay tidhi Xasan.

    Lix qof ayaa ku dhaawacantay marka laga reebo afarta qof ee la dilay, sida uu sheegay taliyaha hawlgallada iyo tababbarka booliska Liberatus Sabas.

    Booliiska Tanzania ayaa baashaya dhacddadan oo uu gaystay nin asalkiisu yahay Soomaali. Kormeeraha Guud ee Booliska Simon Sirro ayaa u sheegay saxafiyiinta in ay tuhunsan yihiin in ninka weerarka gaystay laga yaabo in uu ka yimid gobolka Cabo Delgado ee Mozambique, laakiin ay weli baadhayaan arrintan.

    Booliiska ayaan bixin tafaasiisha la xidhiidha sababta uu ninkan hubeysan weerarka u qaaday iyo cidda uu beegsanayay.

    Source


  10. 10-5.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1

    Ururka Al-shabaab ayaa soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ka qabsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug.

    18 gaari oo nooca dagaalka ah iyo saanad ciidan oo laga qabsaday ciidamada dowladda iyo Galmudug ayaa Al-shabaab ku soo bandhigtay warbaahinta taageerta.

    Agabkan ciidan ayaa kooxdu ku qabsatay dagaal maalin ka hor ka dhacay degaanka Cammaara ee Gobolka Mudug sida ay sheegtay warbaahinta ururkaas.

    Al-shabaab ayaa Talaadadii todobaadkan weerar qaraxyo ku bilowday ku qaadday degaanka Cammaara ee koonfurta Gobolka Mudug halkaas oo ay mudda kooban la wareegtay.

    Halkaan ka eeg qaar kamid ah sawirada

    • 2-32.jpg?resize=1000%2C564&ssl=1
    • 3-25.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1
    • 4-18.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1
    • 5-10.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1
    • 6-6.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1
    • 7-4.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1
    • 8-5.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1
    • 9-5.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1
    • 10-5.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1

    PUNTLAND POST

    The post Al-shabaab oo soo bandhigtay gaadiid iyo saanad ciidan oo ay ku qabsatay dagaalkii Cammaara appeared first on Puntland Post.


  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe  ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dooda ka taagan dugsiyada Shabakada Abaarso oo lagu eedeeyey inay fidinayaan Diinta karishtaanka.

    Feysal ayaa eedeymaha loo jeedinayo dugsiyada Shabakada Abaarso ku tilmaamay inay yihiin duulaan horumarka Somaliland ka dhan ah.

    “Waad aragtaa in guushi aan gaarnay ee adduunka oo dhan inoo soo jeedsaday maanta la doonayo in la xaaraameeyo, iftiinkii inoo baxaba waxa la doonayaa in la dumiyo, waxaana la isticmaalayaa qaar inaga ah” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe oo warabaahinta la hadlay.

    Guddoomiye Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in marka laga reebo Sacuudiga ay Somaliland tahay meesha kaliya ee aan lagu arki karin gabdho timo qaawan.

    “Somaliland waa meesha kaliya ee marka Sucuudiga laga yimaado, aadan arkayn inan timo qaawan, shaleemo, tiyaatar, shiishad, waa dhul asturan, barakaysan hadana iskuulka caruurtaydu dhigato ayaa la leeyahay waa gaalo, aniga la i yiri kaniisad buu furay” ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa ku daray.

    Qaar kamida dadka baraha bulshada isticmaala ayaa dugisiga Abaarso iyo Jaamacadda hoos tagta ee Barwaaqo ku eedeeyey in macalimiintooda oo ajaanib ah ay ardayda baraan waxyaabo diinta Islaamka ka dhan ah,  taasi oo xukuumada Somaliland, madaxda Shabakadda Abaarso, ardayda iyo waalidiintuba beeniyeen.

    Iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay ay sii xoogeysanayeen eedeymaha loo jeedinayo shabakadda dugsiyada ee Abaarso Network iyo Jaamacadda Barwaaqo ayaa waxaa arrintaas ka jawaabay shabakaddan oo ka hadashay doodaha ka dhashay arrintaas, isla-markaana la isla dhex-marayey baraha bulshada.

    Shabakadda dugsiyada Abaarso ayaa soo hadal qaaday eedeymaha culus ee loo jeediyey macalimad Joy Isa, waxayna shaacisay in muuqaallada la baahiyey ay yihiin kuwa hore, islamarkaana ay aheyd xilli ay ka qeyb-qadaneysay adeegyo diimeed gudaha dalka Nigeria.

    Sidoo kale shabakadda ay ku mideysan dugsiyada Abaarso ee ku yaalla Somaliland ayaa xusay in Joy Isa ay heshiis kula shaqayneysay, isla markaana aan loo ogolayn in ay ka hadasho arrimo diimeed, sida lagu sheegay warbixinta.

    “Waxaanu dhawaan aragnay muuqaalo baraha bulshada la soo galiyay oo muujinaya Isa oo ka qayb qadanaysa adeegyo diimeed gudaha Nigeria, muuqaaladaasi waa wakhti dheer ka hor intii anaan shaqaalaysiin.. waxaanu kalsooni ku qabnaa in walba Isa in aysan jabinin heshiiskii aan la galnay iyo sharciga noo yaala” ayaa lagu yiri warbixinta.

    The post Feysal Cali Waraabe oo ka hadlay eedaha loo jeediyey dugsiyada shabakada Abaarso appeared first on Caasimada Online.


  12. Nin Somali ah oo weerar ku qaaday safaaradda France ee Tanzania oo la dilay+Khasaaruhu geystay Dhimasho 7 Dhaawac

    3b43e1a9-b3b0-4f24-8358-d5839785a44d_w10

    Nin ku hubeysnaa qori darandoori u dhaca ayaa la dilay ka dib markii uu weeraray islamarkaana ku dilay saddex askari oo booliis ah iyo nin ilaalo ahaa agagaarka safaaradda Faransiiska ee magaalada Darussalam ee caasimadda ganacsiga Tanzania, sida ay sheegtay madaxweynaha dalkaasi Samia Suluhu Hassan.

    Hassan ayaa Twitter-keeda ku qortay in “la dilay ninkii weerarka gaystay” ayna xaaladda “hadda degan tahay.”

    Booliiska Tanzania ayaa baaraya dhacddadan oo uu gaystay nin asalkiisu yahay Soomaali. Kormeeraha Guud ee Booliska Simon Sirro ayaa u sheegay saxafiyiinta in ay tuhunsan yihiin in ninka weerarka gaystay laga yaabo in uu ka yimid gobolka Cabo Delgado ee Mozambique, laakiin ay weli baarayaan arrintan.

    Booliiska ayaan bixin tafaasiisha la xiriirta sababta uu ninkan hubeysan weerarka u qaaday iyo cidda uu beegsanayay.

    Muuqaallo lagu baahiyay mareegyada oo aan si dhab ah loo xaqiijin karin ayaa muujinaya albaabada safaaradda Faransiiska ee Darussalam, nin taagan banaanka albaabka, iyadoo la maqlayo dhawaqa rasaasta.

    TV-yada Tanzania ayaa baahiyay muuqaallo muujinaya booliiska oo xiran jaakadaha aysan xabbadu karin oo isku duwaya wax u muuqday mayd yaallay banaanka safaaradda, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Qaran News


  13. 4-17.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

    Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay gudiyada hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed iyo heer federaal, guddiga xalinta khilaafadka iyo xubnaha Jubaland ku mataya guddiga la taliyayaasha farsamo ee Golaha wadatashiga qaran.

    Xubnaha Guddiyada ayaa waxaa ay warbixin la xiriirta arrimaha doorashooyinka siiyeen Madaxweynaha Jubbaland, iyaga oo sheegay in meel wanaagsan ay wax u marayaan.

    Madaxweynaha ayaa xubna Guddiga ku booriyay inay dardar galiyaan shaqooyinka muhiimka u ah Bulshada Soomaaliyeed ee ay gacanta ku hayaan.

    Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo weli ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa in uu halkaasi kasii wado kulamada looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Guddiyada qaabilsan Arrimaha doorashooyinka appeared first on Puntland Post.