Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Gobolka iska caabiyay Midowgoo Soofiyeeti iyo Taalibaanba

    Taliban

    Gobolka Panjshir gacanta uma uusan gelin Taliban iyadoo magaalooyinka iyo gobollada kale ee Afghanistan, oo ay ka mid tahay caasimadda Kabul, ay kooxdu qabsatay, gobolkase weli waxaa ku xooggan kooxo ka soo horjeeda Taliban.

    Gobolkan, waxaa looga adkaaday ciidamadii Ruushka ee xilligii Soofiyeetku ay qabsadeen dalkaas sanadihii 1980-meeyadii, iyo sidoo kale dagaal yahannada Taliban ee talada Afghanistan la wareegay sanadihii 1990-meeyadii.

    Panjshir waa mid ka mid ah meelaha ugu dambeeya ee ay ku xooggan yihiin kooxaha iska caabbinta wada kaddib markii Taliban ay la wareegeen talada dalkaas.

    Balse gobolkan wuxuu leeyahay taariikh u gaar ah iyadoo dadka reer Afghanistan ay muddo boqollaal sano ah ku faanayeen, sidaas darteed waa maxay taariikhdaas? sidee ayuu muddo dheer uga guuleystay kooxaha doonayay inay qabsadaan?

    Taliban

    Dooxada Shanta Libaax

    Deegaankan ayaa 130 kiilo mitir dhanka waqooyi bari kaga beegan caasimadda, Kabul, wuuxuna u dhow yahay xadka Afghanistan iyo Pakistan. Wuxuu ku fadhiyaa dhul cabbirkiisu yahay ​​3,610 kiilo mitir oo isku wareeg ah, waxaana ku nool bulsho lagu qiyaasay 173,000 oo qof, oo badankood ka soo jeeda Tajiks, isla markaana waa halka uu ka soo jeedo ninka lagu magacaabo Ahmed Masoud.

    Gobolka waxaalagu magacaabaa “Panjshir”, taas oo luuqadda Beershiya la micno ah shanta libaax. Waxaa loogu magac daray Dooxada Panjshir sababtoo ah waxaa ku hareereysan buuro.

    Magacaan, sida laga soo xigtay dad reer Afghanistan ah, waxaa laga soo minguuriyay sheeko dhacday qarnigii tobnaad, makaas oo shan walaalo ah ay u suurto gashay inay biyo-xireen ku sameeyaan biyo ku qulqulayay dooxada xilligii dowladdii Sultan Mahmud of Ghazni, sidaas darteed shanta walaalaha ayaa loogu magac daray “Shanta Libaax”.

    Gobolkan oo qof walba oo booqday uu ku tilmaamo mid buuralley ah, leh webiyo iyo qurux dabiici ah, ayaa meel muhiim ah kaga jira taariikhda dadka Afghanistan.

    In Taliban ay awoodi weyso in saldhig weyn ay ka dhisato gobolka ayaa loo aaneyn karaa in inta badan taageerayaasha dhaqdhaqaaqa ay ka soo jeedaan qowmiyadda Pashtun, sidaas darteedna, aan Taliban laga rabin gobolka.

    Dooxada Panjshir waxaa ka taagan taallada taliyihii hore ee militariga Afghanistan, Shah Massoud, oo lagu naaneyso “Libaaxa Panjshir” (Alqaacida ayaa dishay sanadkii 2001) sababo la xiriira inuu iska caabbin sameeyay.

    Qarnigii 19-aad, Britain ma aysan qabsan gobolka xilligii ay isku dayeysay inay gacanta ku dhigto Afghanistan.

    Dadka gobolka ayaa ku faana sida ay isaga caabbiyeen Taliban, Soofiyeetka, iyo kuwa kale, gobolka ayaana ahaa mid ammaankiisu uu wanaagsan yahay.

    Taliban
    Ahmed Massoud iyo aabbihiis Ahmed Shah Massoud (midig)

    Soofiyeetka marka hore, kaddibna Taliban

    Dooxada weli waxaa ku yaalla marinno iska caabbin ah, godad ah, webiyo iyo buuro dhaadheer.

    Dooxada Panjshir, xilligii maamulkii Ahmad Shah Massoud, waxay ahayd mid uusan saameyn dagaalkii tobanka sano ee Ruushka.

    Intii u dhaxeysay 1996-2001, Shah Massoud ayaa hoggaaminayay iska caabbintii Taliban, oo awoodi waayay inay xukumaan gobolka inkastoo ay gacanta ku dhigeen dalkaas oo dhan.

    Intii muddadaas lagu jiray, Shah Massoud ayaa aasaasay Isbahaysiga Waqooyiga, oo xukumayay waqooyiga iyo bariga dalkaas.

    Maanta, wiilkiisa Ahmed Masoud, ayaa doonaya inuu isla sida aabbihiis sameeyo, balse xilligan wuxuu ka soo horjeedaa Taliban iyo isagoo aan sidii aabbihiis awood u lahayn.

    Isbahaysiga Waqooyiga ee uu aasaasay Shah Massoud waxaa ku bahoobay boqolkiiba 30 bulshada dalkaas. Awoodda isbahaysiga iyo sida ay muddada dheer isaga caabiyeen Taliban ayaa soo jiidatay Mareykanka, wuxuuna kooxda ku taageeray inay la wareegaan gacan ku heynta dalka iyo in xukunka laga tuuro Taliban kaddib weerarradii September 11, ee ay fuliyeen al-Qaacida ayna ku dhinteen ilaa 3,000 oo qof oo Ameerikaan ah.

    Taliban
    Ahmed Masoud (dhexda)

    Inkastoo ay muddo dheer iska caabbin sameyneysay, Dooxada Panjshir, oo dooneysa inay maanta sidaas oo kale sameyso, waxaa ku hareereysan xoogagga Taliban. Mareykanka iyo Ruushka – labada quwadda weyn leh – ayaa lagu wadaa inaysan mar dambe faragelin ku sameyn gobolka, marka laga reebo Iiraaniyiinta qeybta ka ah iska caabbinta.

    Tani micnaheedu waa in ilaha awoodeed ee haatan uu heysto Ahmed Masoud wa ka duwan yihiin kuwii aabbihiis uu heystay xilligii Soofiyeetka iyo Taalibaantii hore.

    Ahmed Masoud wayaa maqaal uu qoray ku yiri: “Waxaynu keydinnay rasaas iyo hub aan si dulqaad leh u soo ururinnay xilligii aabbahay, sababtoo ah waynu ogeyn in maalintan ay imaan doonto, balse haddii Taliban ay qaaddo weerar militari, xoogaggeenna militariga iyo qalabkeennaba ma noqon doonaan kuwo nagu filan, si fudud ayayna ku dhammaan doonaan ilaa ay saaxiibbadeen Galbeedka ay gacan na siiyaan maahee.”

    Ilaa iyo haatan, Taliban iskuma aysan dayin inay galaan Panjshir, balse dhan walba ayay ka hareereeyeen.

    Jiilka aan weligood arkin wax aan dagaal ahayn

    Xudduudaha haatan ee Afghanistan waxaa la sameeyay dabayaaqadii qarnigii 9-aad, xilligaas oo tartanka dhulka ee u dhaxeeyay Boqortooyadii Ingiriiska iyo Ruushka uu aad u sarreeyay. Afghanistan-ta haatan waxaa saameyn ku yeeshay fakradaha siyaasadeed iyo saameynta ganacsiga.

    Bartamihii qarnigii 20-aad, Afghanistan waxaa saameyn xun ku yeeshay dagaalkii sokeeye ee ka dhashay qabsashadii Soofiyeetka laga soo bilaabo 1979-89.

    Maamulkii Afghanistan ayaa garab istaagay kooxihii Islaamiyiinta ee kacdoonka waday (1989-1992), muddo gaaban kaddibna kooxaha Mujahideen, dhaqdhaqaaqa Taliban, oo markoodii hore ka koobnaa kooxo xagjiriin diimeed ah, oo ka soo horjeeday axsaabtii dalka xukumeysay.

    Taliban ayaa xilka sii heysay muddo shan sano ah, balse sababo la xiriira weerarradii al-Qaacida iyo hoggaamiyahoodii Osama bin Laden, ayaa waxay Mareykanka ku kalliftay inuu howlgal militari oo 20 sano qaatay uu ku ekeeyo Taliban iyo al-Qaacida , balse waxay ku soo idlaatay in Mareykanka uu ciidamdiisa kala baxo Afghanistan Taalibaanna ay mar kale la wareegaan awoodda dalkaas.

    Qaran News


  2. Kabul (Caasimada Online) – Taalibaan ayaa ka digtay inuu jiri doono “cawaaqib” haddii Mareykanka iyo xulafadiisa ay baaqi kusii ahaadaan Afghanistan wax ka baxsan toddobaadka soo socda, xilli Washington ay kordhisay dadaalka ay dalkaas uga daadgureyneyeso kumanaanka qof.

    Kumanaan askari oo Mareykan ah ayaa dalkaas gaaray, si ay gacan u gaystaan daadgureynta ajaaniibta iyo Afgaaniyiinta Mareykanka la shaqeyn jiray.

    Hase yeeshee ayada oo waqtigu gabaabsi yahay, ayaa waxaa cadaadis xooggan lagu saarayaa madaxweyne Joe Biden inuu kordhiyo waqtiga kama dambeysta ee ay tahay inay dalkaas uga baxaan, oo ah 31-ka August.

    Si kastaba, Taalibaan ayaa muujineysa inaysan diyaar u aheyn inay tanaasul sameyso.

    Afhayeenka kooxdaas Suhail Shaheen ayaa u sheegay taleefishinika Sky News in joogitaan kasta oo militari shisheeye oo ka baxsan waqtiga lagu heshiiyey ay noqon doonto “dheereynta haysashada” dalka.

    “Haddii Mareykanka iyo UK ay doonayaan waqti dheeri ah oo ay kusii wadaan daadgureynta – jawaabta waa maya.. waxaa jiri doona cawaaqib,” ayuu yiri Shaheen.

    Taalibaan ayaa hadda ka shaqeyneysa dhismaha dowlad cusub, hase yeeshee laba il-wareed oo ka tirsan kooxda ayaa AFP u sheegay inaan lagu dhawaaqi doonin golaha wasiirada, illaa askariga ugu dambeeya ee Mareykanka uu ka tago Afghanistan.

    Orodka loogu jiro ka tagista Kabul ayaa garoonka diyaaradaha Hamid Karzai ka abuurtay qalaalaase iyo muuqaallo argagax leh, ayada oo ay ku dhinteen ugu yaraan sideed qof.

    AFP + VOA

    The post TAALIBAAN oo ka digtay qorshe lama filaan ah oo uu Mareykanka damacsan yahay appeared first on Caasimada Online.


  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Axaddi war-murtiyeed kasoo baxay waxaa lagu shaaciyey habraac cusub oo doorasho, kaasi oo wax ka bedel loogu sameeyay habraacii hore ee doorashada Golaha Shacabka.

    Habraaca la soo saaray ayaa dhigaya in Ergooyinka doorashada ee dooranaya Golaha Shacabka ay soo xulaan duubabka, nabadoonada ka diiwaan gashan xukuumadda iyo Bulshada rayidka, taasi oo ay hubinayaan guddiga doorashada heer Dowlad ee heer federaal.

    Sidoo kale waxa uu dhigayaa in kooramka codbixinta ergada uu ansax noqon karo marka ay joogaan ugu yaraan seddax meelood laba meel oo ergo ah, taasi oo ah in 101-da xubnood ee Ergada ah 67-qof oo ka mid ah ay soo dooran karaan xildhibaanka, iyadoo laga kaaftoomi karo 34-ka qof ee kale.

    Habraaca uu soo saaray Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dhaliyey khilaaf cusub oo doorasho, waxaana si adag uga horyimid Midowga Musharaxiinta, Ururada Bulshada Rayidka iyo Golaha Siyaasiyiinta ee garabka Cabdi Xaashi.

    Waxaa la rumeysan yahay in habraaca doorasho ee ay ku heshiiyeen Rooble iyo saaxiibadiisa dowlad goboleedyada uu markale dib u soo nooleeyay is-aamin daradii kal hore ka dhalatay khilaafkii siyaasadeed ee keentay dib u dhaca doorashooyinka dalka, taasi oo la dhayey markii hoggaanka doorashada laga wareejiyey Farmaajo

    Hase yeeshee, ayada oo aad loogu dhaliilay madaxweyne Farmaajo inuu boobayo doorashada, ayaa hadda oo uu meesha ka baxay, waxaa booskiisa buuxiyey Rooble iyo madax goboleedyada oo markooda billaabay inay doorashada afgambiyaan.

    Go’aanka ay xubnahan qaateen ayaa ka dhigan in doorashada golaha shacabka ay noqon doonto mid la mid ah tii Aqalka Sare, oo xildhibaanada ay ku iman doonaan magacaabis loo ekeysiiyey doorasho.

    Tani waxay meesha ka saareysaa rajadii laga qabay doorasho xor iyo xalaal ah, waxayna si isku mid ah shaki iyo niyad jab u gelisay shacabka, siyaasiyiinta iyo beesha caalamka, taasi oo ugu dambeyn horseedi karta khilaaf cusub oo ragaadiya, dibna usii dhiga doorashada.

    Rooble ayaa tan iyo markii uu la wareegay arrimaha doorashada iyo amaankeeda loo arkayey in meesha ka baxday is aamin daradii ka dhalatay hogaamintii Farmaajo ee arrimaha doorashada, wallow ay markale u muuqato inay dib u istaadhmatay, taasi oo dheereyn karta waqtiga doorashada

    The post Habraaca doorashada oo soo nooleeyay arrin halis ah appeared first on Caasimada Online.


  4. Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland garabka uu hoggaamiyo Cabdi Xaashi ayaa sheegay in aysan raalli ka aheyn qaabka Golaha Wadatashiga Qaran u wajaheen doorashada kuraasta labada Aqal ee Somaliland.

    Qoraal maanta ka soo baxay siyaasiyiinta Waqooyi garabka Cabdi Xaashi ayaa xusay in guddiga doorashada Somaliland uu leeyagay labo guddoon, iyadoo aan la mideyna aysan dhici karin doorashada Aqalka Sare iyo tan Golaha Shacabka.

    Waxay tilmaameen in xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu uusan xaq u la hayn in uu maamulo kuraasta Somaliand iyo Banaadiriga, si ka duwan sida uu maamulo doorashada guud ee dalka.

    Dhanka kale siyaasiyiinta ayaa soo dhaweeyay in doorashadan kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland la waafajiyay gobolada Waqooyi habraacii 2016 oo maamulkeeda iyo go’aan ka gaaristeeda loo daaayay hoggaamiyaasha siyaasadda iyo dhaqanka ee ka soo jeeda Somaliland.

    Ra’iisul Wasaare Rooble oo dhow jeer kulamo la qaatay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa weli ku guuleysan xal u helida khilaafka ka taagan guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee labada garab noqday.

    FB_IMG_16298019537538116.jpg?resize=718%

    PUNTLAND POST

    The post Siyaasiyiinta Waqooyi oo ka horyimid qaar ka mid ah habraacyada doorashada appeared first on Puntland Post.


  5. Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland garabka uu hoggaamiyo Cabdi Xaashi ayaa sheegay in aysan raalli ka aheyn qaabka Golaha Wadatashiga Qaran u wajaheen doorashada kuraasta labada Aqal ee Somaliland.

    Qoraal maanta ka soo baxay siyaasiyiinta Waqooyi garabka Cabdi Xaashi ayaa xusay in guddiga doorashada Somaliland uu leeyagay labo guddoon, iyadoo aan la mideyna aysan dhici karin doorashada Aqalka Sare iyo tan Golaha Shacabka.

    Waxay tilmaameen in xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu uusan xaq u la hayn in uu maamulo kuraasta Somaliand iyo Banaadiriga, si ka duwan sida uu maamulo doorashada guud ee dalka.

    Dhanka kale siyaasiyiinta ayaa soo dhaweeyay in doorashadan kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland la waafajiyay gobolada Waqooyi habraacii 2016 oo maamulkeeda iyo go’aan ka gaaristeeda loo daaayay hoggaamiyaasha siyaasadda iyo dhaqanka ee ka soo jeeda Somaliland.

    Ra’iisul Wasaare Rooble oo dhow jeer kulamo la qaatay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa weli ku guuleysan xal u helida khilaafka ka taagan guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee labada garab noqday.

    FB_IMG_16298019537538116.jpg?resize=718%

    PUNTLAND POST

    The post Siyaasiyiinta Waqooyi oo ka horyimid qaar ka mid ah habraacyada doorashada appeared first on Puntland Post.


  6. 1629804181845_0_IMG-20210824-WA0001-768x

     

    Maqaal lagu raali gelinaayo cidkasta oo dhibsatay hadal kii dhawaan kasoo yeedhay Maxamed Farax Caynaashe.
    Marka hore waxaan dadka u cadaynayaa in Somaliland kasoo gudubtay xiligii shaqsi odhan jiray anaa metela bulsho dhan iyo in cidi cid kasheegato deegaan Somaliland ka mid ah. Hargaisa waa caasimadii Somaliland, cid gaar ah ama qabiil sheegan karaana majiro. Somaliland waa dal kadhexeeya dhamaan dadka ilaahay ku unkay.

    Waxanu aad uga xumaanay hadal kasoo yeehday Maxamed Farax Caynaashe oo aan ahayn hadal waafiya oo xigmad ama xushmo ku dheehan tahay. Abwaan Gaariye wuxuu yidhi “Hadaan guga kuu kordhaa gabow mooyee kuu tarin garaad iyo waayo arag ilayn wax ma dhaantid geed” Oday Maxamed Farax Caynaashe waxaan kula talinaynaa in uu raali gelin ka bixiyo hadal-kaa.
    Reerka uu Maxamed Kasoo jeedaa lama wadaagaan ducfiga maxamed kasoo yeedhay ee aanu u meeldeyin. Kolay hadal shaqsi kasoo isaga ayuun buu ku kooban yahay.

    Wabilaahi towfiiq

    Yusuf  Cige Deria

    Qaran News


  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ee uu hogaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa shaaciyey mowqifkooda ku aadan habraacyada doorashada ee lagu soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, kuwaasi oo qoddobo kamid ah ka horyimaadeen.

    Qoraal kasoo baxay Garabka Cabdi Xaashi ayaa ugu horeyntii lagu soo dhaweeyay in doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland la waafajiyey habraacyadii 2016-kii, islamarkaana ka go’aan gaaristeeda loo daayey hogaamiyeyaasha siyaasada iyo dhaqanka gobolada Waqooyi.

    “Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ee uu hogaanka u yahay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi wuxuu si dhow ula socday shirarka Madasha Wadatashiga Qaranku ku leeyihiin magaalada Muqdisho iyo Habraacyadii doorashada ee kasoo baxay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Garabka Cabdi Xaashi ayaa yiri “Waxaa Madasha Wadatashiga Qaranka iyo dhamaan daneeyayaasha kale ee doorashada u caddeynaynaa in aanan raali ka aheyn qaabka ay madashu u wajahday xulista ergada iyo cidda hageysa habraacyada iyo maamulka doorashada Somaliland.”

    Garabka Cabdi Xaashi ayaa sheegay inay habraacan ku diideen saddex qodob oo ka mid ah:-

    1- Gudiga Doorashada Somaliland ee SEIT wuxuu u kala qaybsan yahay laba dhinac oo leh laba gudoon, sidaas darteed iyada oo aan la xallin oo la mideyn guddoonka Guddiga ma dhici karto doorashada Aqalka Sare iyo tan Golaha Shacabka toona.

    2- Doorashada Golaha shacabka ee Somaliland waxaa saldhig u ah odayada dhaqanka ee ku jira 135-ka oday, sida xulista ergada iyo astaynta qoondada kuraasta haweenka iyagoo la tashanaya cuqaasha iyo nabadoonada jifada kursiga iska iska leh.

    3- Sidii aan marar badan hore u caddeynay, hirgelinta habraacyada iyo maamulka doorashada waxaa hagaya hogaanka siyaasiyiinta ka soojeeda Somaliland oo isu dhan si waafaqsan habraacii doorashadii 2016 kii. Sidaa awgeed, xafiiska Ra’iisul Wasaare xaq uma lahan in uu kuraasta Somalialnd iyo kuwa Banaadiriga u maamulo si ka duwan sida uu u maamulayo doorashada guud ee Dalka.

    Ugu dambeyntiina qoraalka kasoo baxay Golaha ayaa lagu sheegay in xafiiska ra’iisul wasaaraha uu xaq u laheyn inuu kuraasta Somaliland iyo kuwa Banaadiriga u maamulo si ka duwan doorashada guud ee dalka.

    Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka

    mowqifka-Siyaasiyiinta-SL-ee-Dooashada-1

    The post Garabka Cabdi Xaashi oo caddeeyay mowqifkooda ku aadan habraaca doorashada appeared first on Caasimada Online.


  8. Wasaaradda Waxbarashada dowlad gobaleedka Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday Natiijada Imtixaanka Fasalka Sideedaad ee shahaadiga.

    Natiijada la soo saaray ayaa lagu sheegay in kaalinta Koowaad ee Imtixaanka Fasalka Sideedaad ay gashay gabar ku sugan magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

    Wasaaradda Waxbarashada ayaa soo bandhigatay ardayda kala gashay 10-ka kaalin ee ugu horeeyo Natiijada  Imtixaanka .

    Hoos ka akhriso liiska magacyada 10-ka arday ee ugu horeyso natiijada

    240510457_4932682580079782_6231137525091

    Source: goobjoog.com


  9. Camaara (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal ku bilowday qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo ka dhacay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Galmudug oo isku dhinac iyo Al-Shabaab.

    Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerarka kadib ay Al-Shabaab u suura-gashay inay muddo kooban la wareegto gacan ku heynta deegaankaas oo ah mid istaraatiiji ah.

    Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay ina qabsatay 14 gaari oo 12 ka mid ah ay yihiin Tikniko, halka labada kale ay yihiin BG xamuul ah iyo booyad, sida ay hadalka u dhigtay.

    Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda guullo ka sheegatay dagaalkan, waxaana saraakiil ka tirsan milatariga ay shaaciyeen inay khasaare gaarsiiyeen raggii weerarka qaaday.

    Wararkii ugu dambeeyey ayaa haatan ku warramaya in ciidamada huwanta oo qaaday dagaal rogaal celis ay dib ula wareegay deegaanka Camaara ee koonfurta gobolka Mudug, kadib dib loo riixay dagaalyahanada Al-Shabaab ee saaka weerar ku galay deegaankaasi.

    Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in howl-gal ay barbar socotay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyeen koonfyrta gobolka Mudug.

    Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, kaas oo soo kala gaaray labada dhinac, walow tiro aan la shaacin inta uu gaarsiisan-yahay.

    Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa koonfura gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

    Camaara ayaa xudun u noqotay howl-gallada ka socda gobolka Mudug, kuwaas oo deegaano cusub looga qabsaday dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

    The post Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Camaara iyo cida hadda gacanta ku heysa appeared first on Caasimada Online.


  10. (SLT-Hargeysa)-Dowladda Itoobiya ayaa bilowday inay horumariso barnaamijkeeda warbaahinta bulshada, si ay ula tartanto Facebook, Twitter, iyo WhatsApp, in kasta oo ayna qorsheyneynin inay hor-istaagto adeegyada dunida oo dhan laga isticmaalo, sida ay Isniintii sheegtay wakaaladda amniga isgaadhsiinta ee Itoobiya.

    Itoobiya ayaa tan iyo sannadkii hore waxaa harqiyay colaad hubaysan oo dawladda federaalka ah la gashay Jabhadda Xoreynta Tigrayga (TPLF), oo ka talisa gobolka Tigray ee woqooyiga dalkaas.

    Taageerayaasha labada dhinac ayaa dagaal afka ah oo barbar socda colaadda hubeysan iskaga hortagay baraha bulshada.

    Dawladda ayaa doonaysa in shabakadaheeda ku kooban gudaha uu “beddelo” Facebook, Twitter, Whatsapp iyo Zoom, sida uu xaqiijiyay agaasimaha guud ee Wakaaladda Amniga Shabakadda Warfaafinta (INSA ) Shumete Gizaw.

    Shumete ayaa ku eedeeyay Facebook in ay tirtirayso qoraallada iyo baraha dadka isticmaala kuwaas oo uu sheegay “in ay faafinayaan xaqiiqda dhabta ah ee ku saabsan Itoobiya”.

    Kooxaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku dhaliilay dowladda Itoobiya xidhnaansho aan la sharrixin oo lagu sameeyay adeegyada warbaahinta bulshada oo ay ku jiraan Facebook iyo WhatsApp sannadkii la soo dhaafay.

    Dowladda Itoobiya kama hadlin xidhnaanshahaas.

    Af-hayeenka Facebook ee Afrika, Kezia Anim-Addo, ayaa diiday inuu ka hadlo qorshayaasha Itoobiya, mana ka jawaabin su’aal ku saabsan eedeymaha Shumete. Twitter iyo Zoom ayaa iyaguna ka gaabsay ka hadalka arrinkan.

    Itoobiya oo dadkeedu gaadhayo 115 milyan ayaa ilaa 6 milyan oo qof isticmaalaan Facebook sida ay sheegtay shirkadda macluumaadka Internetka ee Statista.

    Laakiin bishii June, maalmo ka hor doorashooyinka qaranka, Facebook ayaa sheegtay inay ka saartay shabakad ciwaanno been abuur ah gudaha Itoobiya oo lagu bartilmaameedsaday dadka jooga gudaha waddanka, kuwaas oo ay la xidhiidhisay shaqsiyaad xidhiidh la leh INSA, oo mas’uul ka ah la socodka isgaadhsiinta iyo internetka.

    Reuters.

    Source


  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha wadatashiga qaran ayaa maanta kulan ballaaran la yeeshay safiirada beesha caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho.

    Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyada oo ay goobjoog ahaayeen madaxda maamul goboleedyada iyo duqa Muqdisho.

    Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saaray dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan mid golaha shacabka ee la filayo in dhowaan la qabto.

    Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday taageerada beesha caalamka ee ku aadan doorashooyinka, maadaama dowladdu ay raadineyso dhaqaalaha ka dhimman.

    Ilo wareedyo lagu kasloon-yahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in golaha wada-tashiga qaran iyo xubnaha beesha caalamka ay ka wada-hadleen sidii loo xalin lahaa tabashada midowga musharixiinta mucaaradka oo si weyn uga soo horjeestay habaaraca doorashada.

    Kulankan ayaa qeyb ka noqonayo wada-hadallo is-daba joog ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey caasimada, kuwaas oo diiradda lagu saarayey doorashooyinka 2021-ka, waxaana ugu dambeeyey midkii ay xalay yeesheen golaha wada-tashiga & musharixiinta.

    Si kastaba doorashada Soomaaliya oo marxalado kala duwan ayaa haatan mareysa meel xasaasi ah, iyada oo la guda-galayo mida golaha shacabka Soomaaliya.

    240659242_863875380915767_78114666743515 240346117_863875297582442_85818650239730 240405620_863875410915764_74086150906829 240411793_863875514249087_41142394419638 240472179_2953170154921724_3683874605899 240472179_2953170071588399_2083630318322

     

    The post Sawirro: Maxay ka wada-hadleen golaha wada-tashiga qaran & beesha caalamka? appeared first on Caasimada Online.


  12. Qaran.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

    Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxda shanta Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir, ayaa maanta Xarunta Afiyooni kula shirsan wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya.

    Kulanka oo uu shir-guddoominayo Ra’iisul wasaare Rooble waxa ka qayb-galaya Madaxweynayaasha Puntland Siciid Deni, Jubaland Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe, Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish.

    Shirkan waxa looga hadlaya Arrimaha Doorashooyinka dalka, gaar ahaanna Dhaqaalaha ku baxaya Doorashooyinka ee laga doonayo Beesha Caalamka, sida uu sheegay Af-hayeenka Madaxweynaha Puntland Jaamac Dabaraani.

    Madaxweyne Deni ayaa hadda ka qeybgalaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran uu la leeyahay Wakiillada Beesha Caalamka, Kulanka ayaa looga hadlaya in la helo dhaqaalihii loogu talagalay Doorashada inta aan weli la helin” ayuu yiri Dabaraani.

    PUNTLAND POST

    The post Golaha Wada-tashiga Qaran oo Muqdisho kula shirsan wakiilada Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.


  13. Qaran.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

    Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxda shanta Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir, ayaa maanta Xarunta Afiyooni kula shirsan wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya.

    Kulanka oo uu shir-guddoominayo Ra’iisul wasaare Rooble waxa ka qayb-galaya Madaxweynayaasha Puntland Siciid Deni, Jubaland Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe, Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish.

    Shirkan waxa looga hadlaya Arrimaha Doorashooyinka dalka, gaar ahaanna Dhaqaalaha ku baxaya Doorashooyinka ee laga doonayo Beesha Caalamka, sida uu sheegay Af-hayeenka Madaxweynaha Puntland Jaamac Dabaraani.

    Madaxweyne Deni ayaa hadda ka qeybgalaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran uu la leeyahay Wakiillada Beesha Caalamka, Kulanka ayaa looga hadlaya in la helo dhaqaalihii loogu talagalay Doorashada inta aan weli la helin” ayuu yiri Dabaraani.

    PUNTLAND POST

    The post Golaha Wada-tashiga Qaran oo Muqdisho kula shirsan wakiilada Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.


  14. Muqdisho (Caasimada Oline) – Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadashay dhaliilaha iyo eedeymaha loo jeedinayo shabakadda dugsiyada ee Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo oo maalmihii dambe cirka isku shareertay.

    Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland, Muane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo wariyeyaasha kula hadlay gudaha magaalada Hargeysa ayaa ka horyimid eedeymaha Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ee ka dhanka ah macalimiinta dugsiyada Abaarso iyo  jaamacadda gabdhaha ee Barwaaqo, isagoo eedeymhaas waxba kama jiraan ku tilmaamay.

    Sidoo kale wasiir Toorno ayaa xusay in cadeyn rasmi ah looga baahan yahay ciddii tiri Diin kale ayaa lagu dhigaa dugsiyada Abaarso.

    “Diinta, dalka iyo dad nimada midna iib ma galo, isku riix riix iyo isku ceebayna ma galo, isagay u taala ninkii mucaarad nimo iyo hebel ku xumee u isticmaalaya, ninka leh diin kale ayaa Somaliland lagu dhigaa isaga ayaa caddayn teedi laga rabaa” ayuu yiri wasiir Toorno.

    Wasiirka waxbarashada Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in dugsiyada Somaliland aan lagu dhigan Diin aan aheyn tan Islaanka, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay eedeymaha culus ee uu soo jeediyey Wariye Cabdimaalik Coldoon.

    “Waxan doonayaa in aan halkan bulshada uga caddeeyo dugsiyadeenu in ay yihiin meelo Diinta Islaanka lagu barto, ee anay ahayn meelo diin kale lagu barto, waxa cajiiba inan kaliya ayaa 10 kii sano ee ugu danbeeyay dugsi qudha dusha ka saarnaa” ayuu sii raaciyey.

    Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo ay Somaliland xabsiga dhigtay Wariye Coldoon oo baahiyey warbixino isdaba joog ah, isla-markaana liddi ku ah dugsiyada Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo, waxaana ka mid ah xubnaha uu eedeeyey Joy Isa oo uu sheegay inay tahay Masiixiyad howl Diimeed u timid magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

    The post Somaliland oo wax lala yaabo ku tilmaamtay eedeynta Coldoon appeared first on Caasimada Online.


  15. On a recent Saturday at the Little Jubba Central Maine Agrarian Commons, Ali Hamsa and Muhidin Libah took a break from building a fence around a goat pasture to share a laugh at the orneriest kid in their herd. “She’s aloof,” Libah explained, in English. “She doesn’t get along with the others.” Hamsa made a joke about the scruffy goat in Maay Maay, the language of the Somali Bantu people, and Libah laughed.

    Source: Hiiraan Online


  16. One-2.jpg?resize=1000%2C750&ssl=1

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland, ayaa maanta oo Talaado ah shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ee fasalka 8-aad.

    Imtixaanka Shahaadiga ah, waxa sannadkan loo diyaariyay in ay u fariistaan 12,035 Arday oo kala ahaa 7049 wiil iyo 4986 gabdhood.

    Wasaaradda ayaa sheegtay in Imtixaanka ay ku gudbeen 11, 571 oo arday halka ay ku dhaceen 364 arday, islamarkaana aysan imtixaanka gelin 100 kamid ah ardaydii loo diyaariyay.

    Waxa xusid mudan in Imtixaanka ay kaalinta kowaad gashay gabar lagu magacaabo Nawaal Mahad Siciid oo dhiganaysay dugsiga Daaru-raxma Boosaaso.

    Shaacinta natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aadka, ayaa sannadkan dib u dhacay mudda bil ah kadib duruufo kala duwan oo wasaaraddu sheegtay in ay jireen.

    Hoos ka fiiri natiijada 10-ka arday ee u sarraysa Imtixaanka

    2-29.jpg?resize=1000%2C1302&ssl=1

    PUNTLAND POST

    The post Puntland oo shaacisay natiijada Imtixaanka Shahaadiga ee fasalka 8-aad appeared first on Puntland Post.


  17. One-2.jpg?resize=1000%2C750&ssl=1

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland, ayaa maanta oo Talaado ah shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ee fasalka 8-aad.

    Imtixaanka Shahaadiga ah, waxa sannadkan loo diyaariyay in ay u fariistaan 12,035 Arday oo kala ahaa 7049 wiil iyo 4986 gabdhood.

    Wasaaradda ayaa sheegtay in Imtixaanka ay ku gudbeen 11, 571 oo arday halka ay ku dhaceen 364 arday, islamarkaana aysan imtixaanka gelin 100 kamid ah ardaydii loo diyaariyay.

    Waxa xusid mudan in Imtixaanka ay kaalinta kowaad gashay gabar lagu magacaabo Nawaal Mahad Siciid oo dhiganaysay dugsiga Daaru-raxma Boosaaso.

    Shaacinta natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aadka, ayaa sannadkan dib u dhacay mudda bil ah kadib duruufo kala duwan oo wasaaraddu sheegtay in ay jireen.

    Hoos ka fiiri natiijada 10-ka arday ee u sarraysa Imtixaanka

    2-29.jpg?resize=1000%2C1302&ssl=1

    PUNTLAND POST

    The post Puntland oo shaacisay natiijada Imtixaanka Shahaadiga ee fasalka 8-aad appeared first on Puntland Post.


  18. Ciyaartoy-waalo-ah.gif?resize=1000%2C689Cabdisalaan Dheemanka (bidix) iyo Cabdicasiis Diida (midig)

    Waxaa galabta la soo gabagabaynayaa tartanka ciyaaraha gobolada Puntlandd, waxaana ciyaarta kama-dambaysta (final-ka) dhexmari doontaa gobolada Nugaal iyo Haylaan.

    Waa ciyaar aad loo wada sugayo oo xiiso badan, gobolka Nugaal ayaa doonaya in uu markii saddexaad oo xiriiir ah qaado tartankan, halka gobolka Haylaan uu rabo in uu markii ugu horreysay ku guuleysto tartanka ciyaaraha gobolada Puntlandd.

    Labada gobolka ayaa horey isugu soo arkay heerkii bug-baxa ama guruubyada, waxaana markaas 2-0 ku adkaaday Nugaal, balse ciyaartan ayaa ka duwan tii hore, maadaam ay tahay kama-dambays.

    Waxyaabaha xiisaha leh ee laga xusi karo kalanka kama-dambaysta ciyaaraha gobolada Puntland, waxaa ka mid ah labo ciyaartooy oo walaalo ah oo u kala safan doona labada gobol.

    Cabdisalaan Cabdullaahi Salaad (Dheemanka) ayaa dhanka weerarka uga dheelaya gobolka Haylaan, halka walaalkii ka weyn Cabdicasiis Cabdullaahi Salaad (Diida) uu dhanka difaaca uga dheelayo gobolka Nugaal.

    Ciyaaryahanka Dheemanka oo ka mid ah ciyaartooyda ugu muhiisan Haylaan, ayaa markii hore kamid ahaa ciyaartooy loo soo xulay Nugaal, balse markii dambe laga reebay liiska ugu dambeeya.

    Dheemanka ayaa hadda ah ciyaartooyga ay ka cabsi qabto Nugaal in uu taabto shabaqeeda, maadaama uu yahay ciyaaryahan ciyaar yaqaana.

    PUNTLAND POST

    The post Labo ciyaartooy oo walaalo ah oo isaga hor imanaya kama-dambaysta ciyaaraha Puntland appeared first on Puntland Post.


  19. Ciyaartoy-waalo-ah.gif?resize=1000%2C689Cabdisalaan Dheemanka (bidix) iyo Cabdicasiis Diida (midig)

    Waxaa galabta la soo gabagabaynayaa tartanka ciyaaraha gobolada Puntlandd, waxaana ciyaarta kama-dambaysta (final-ka) dhexmari doontaa gobolada Nugaal iyo Haylaan.

    Waa ciyaar aad loo wada sugayo oo xiiso badan, gobolka Nugaal ayaa doonaya in uu markii saddexaad oo xiriiir ah qaado tartankan, halka gobolka Haylaan uu rabo in uu markii ugu horreysay ku guuleysto tartanka ciyaaraha gobolada Puntlandd.

    Labada gobolka ayaa horey isugu soo arkay heerkii bug-baxa ama guruubyada, waxaana markaas 2-0 ku adkaaday Nugaal, balse ciyaartan ayaa ka duwan tii hore, maadaam ay tahay kama-dambays.

    Waxyaabaha xiisaha leh ee laga xusi karo kalanka kama-dambaysta ciyaaraha gobolada Puntland, waxaa ka mid ah labo ciyaartooy oo walaalo ah oo u kala safan doona labada gobol.

    Cabdisalaan Cabdullaahi Salaad (Dheemanka) ayaa dhanka weerarka uga dheelaya gobolka Haylaan, halka walaalkii ka weyn Cabdicasiis Cabdullaahi Salaad (Diida) uu dhanka difaaca uga dheelayo gobolka Nugaal.

    Ciyaaryahanka Dheemanka oo ka mid ah ciyaartooyda ugu muhiisan Haylaan, ayaa markii hore kamid ahaa ciyaartooy loo soo xulay Nugaal, balse markii dambe laga reebay liiska ugu dambeeya.

    Dheemanka ayaa hadda ah ciyaartooyga ay ka cabsi qabto Nugaal in uu taabto shabaqeeda, maadaama uu yahay ciyaaryahan ciyaar yaqaana.

    PUNTLAND POST

    The post Labo ciyaartooy oo walaalo ah oo isaga hor imanaya kama-dambaysta ciyaaraha Puntland appeared first on Puntland Post.


  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga wadajir ah oo kala metalaya golaha wada-tashiga qaran iyo midowga musharixiinta ayaa lagu dhowaaqay, kadib markii xalay labada dhinac ay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay doorashooyinka.

    Guddigan ayaa ka kooban illaa lix xubnood oo ka kala socda labada dhinaca, waxayna kala yihiin madaxweynayaasha Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), halka musharixiinta mucaaradka ay guddiga ku metalayaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Daahir Maxamuud Geelle.

    Ujeedka loo aas aasay guddigan ayaa ah sidii turxaan bixin loogu sameyn qodobada ay cabashada ka keeneen musharixiinta ee ku jira habraaca lasoo saaray ee doorashada.

    Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la hadlay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday ayaa ka warbixiyey shaqada guddigan & kulankii u dhexeeyey labada dhinac ee qabsoomay.

    “Fariimo nooga yimid Golaha wadatashiga qaran ayaan ula fadhiisan Madaxda Dowlad-Goboleedyada, kaddib waxaa nagu soo biiray Ra’iisul Wasaaraha oo aan kawada hadalnay turxaan bixinta cabashooyinka aan ka qabnay habraaca doorashooyinka, ” ayuu yiri.

    Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa intaasi ku sii daray “Meelaha sida gaarka ah aan u tilmaamnay ee cabashadu ka taagan tahay waa qaabka xulista odayaasha dhaqanka, ergooyinka, lacagta diiwaangelinta, Bulshada rayidka kaalinta ay ka qaadanayaan, hubinta ergooyinka iyo qodobo kale oo culeys uu ka jiro”.

    Xubnaha labada dhinac ee guddiga ayaa isla maanta kulmaya, iyaga oo guda-galayo dadaallada lagu doonayo in xal looga gaaro tabashada midowga musharixiinta oo ka horjeestay qodobadkii kasoo baxay shirkii wada-tashiga ee magaalada Muqdisho.

    Si kastaba, is qab-qabsiga u dhexeeya mucaaradka iyo golaha wada-tashiga qaran ayaa ku soo beegmaya, xilli xasaasi ah oo la guda-galayo doorashada xubnaha golaha shacabka.

    The post Ujeedka iyo sida ay guddiga u kala qeybsadeen golaha wada-tashiga & mucaaradka appeared first on Caasimada Online.


  21. (SLT-Hargeysa)-Shirkada DP World Iyo Maamulka Degmada Berbera ayaa mastaafuriyey Fasil Nasrudiin oo ahaa madaxa Nabadglayada ( Safetyga) ee shirkada Shafa alnahda uu dhisaysay Dekeda Cusub ee Berbera , faasil ayaa doonayey inuu si hoose ugu wareego dhinaca shirkada DP World kadib markii uu soo buuxiyey shaqada nabadlayada ( Safety) ee shirkada DP World .

    Ninkan oo u dhashay dalka hindiya ayaa mastaafurintiisa loo isticmaalay kadib markii ay cabasho ma muujiyeen dadka muwaadiniinta ah ee uu la shaqaynayey , waxaa lagu tilaamay inuu ahaa shakhsi xaalad abuur ah oo dhibi jiray shaqaalaha reer Somaliland ee ka hawlgalayey intii uu socday mashruuca dekeda cusub sidoo kale shirkada DP World ayaa balanqaaday inay fursad siinayso dhalinyarada aqoonta leh ee reer Somaliland.

    Source