Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1.  koox Laf-dhuun gashay ku noqotay Taliban & Reer galbeedka

    Hool aroos ka dhacayay oo 2019-kii lagu qarxiyay magaalada Kaabuul
    Hool aroos ka dhacayay oo 2019-kii lagu qarxiyay magaalada Kaabuul

    Ururka la baxay Dowladda Islaamka Khorasan (IS-K), ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kabul.

    Qaraxaas waxaa ku dhintay ugu yaraan 90 qof, waxaana ku dhaawacmay 150 kale.

    Taliban waxay sheegtay in 28 ka mid ah dagaalyahannadeeda ay ku jiraan kuwii ku dhintay qaraxyada, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Sarkaal aan la magacaabin oo Taliban ah ayaa yiri: “Waxaa inaga dhintay tiro ka badan midda Mareykanka”.

    Iyadoo taasi ay jirto, haddana Taliban waxay ku adkeysanayaan in Mareykanka uusan dhaafin wakhtiga kama dambeysta ee loo qabtay in dalkaas uu uga baxo.

    Ugu yaraan 13 askeri oo Ameerikaan ah ayaa ka mid ah 90-ka qof ee ku dhimatay qaraxyada ka dhacay garoonka Kabul, xalay fiidkii.

    Kooxda xiriirka la leh Ururka IS ayaa sheegtay in weerarkaas ay qaaday.

    Haddaba, maxay tahay kooxda, maxayna yihiin ujeedooyiinkeeda?

    Isis -K – ama Gobolka Khorasan ee ururka la baxay Dawladda Islaamiga ah (ISKP)- waa urur-goboleed ka tirsan kooxda Isis (ama kooxda la magacbaxday Dowladda Islaamka) oo ka hawlgala Afghanistan iyo Pakistan.

    Waa ururka ugu xag-jirsan marka laga hadlayo dhammaan kooxaha jihaad doonka ah ee dalka Afghanistan.

    Waxaa la aasaasay bishii Janaayo 2015-kii oo ahayd xilligii ay IS haysatay awoodda ugu sarraysa ee Ciraaq iyo Suuriya, ka hor intii aanay kooxda jebinin isbahaysigii uu Maraykanku hoggaaminayay.

    Waxay shaqaaleysiisaa jihaadiyiinta Afghanistan ​​iyo Pakistan, gaar ahaan kuwa ka goosta Taalibaan-ka Afghanistan ​​oo aan u arkin ururkooda inuu yahay mid fulinaya wixii ay rabeen.

    Maleeshiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Dowladda Islaamka ayaa lagu qabtay gobolka Nangarhar, Afghanistan.
    Maleeshiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Dowladda Islaamka ayaa lagu qabtay gobolka Nangarhar, Afghanistan.

    Isis-K ayaa lagu eedeeyay qaar ka mid ah gabood-falladii ugu xumaa sanadadii la soo dhaafay, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday dugsiyada gabdhaha,Cusbitaallada iyo xitaa qeybta dhalmada halkaas oo sida la sheegay ay ku toogteen haween uur leh iyo kalkaaliyeyaal.

    Si ka duwan Taliban, oo ujeedkoodu ku kooban yahay Afghanistan, kooxda Isis-K ayaa qayb ka ah shabakadda IS ee caalamiga ah oo doonaysa inay weerarro ku qaado bartilmaameedyada reer galbeedka, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa bani’aadamnimada, meel kasta oo ay gaari karaan.

    Xagee saldhigooda uu ku yaallaa?

    Isis-K waxaa saldhig u ah gobolka bari ee Nangarhar, oo u dhow waddooyinka mukhaadaraadka iyo kuwa dadka tahriibiya ee gudaha iyo dibadda Pakistan.

    Tirada kooxda waxaa lagu qiyaasaa ilaa 3,000 oo dagaalyahan – balse waxaa soo gaaray khasaare aad u weyn markii ay isku dhaceen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Afghanistan, iyo sidoo kale Taliban.

    Ma waxay xidhiidh la leeyihiin Taliban?

    Si guud ahaan ah, way dhici kartaa in uu xiriir ka dhexeeyo, iyada oo u maraysa dhinac saddexaad, oo ah shabakadda Xaqqani.Sida ay cilmi-baarayaashu sheegeen, waxaa jiro xidhiidh xooggan oo ka dhexeeya Isis-K iyo shabakadda Xaqqani, oo iyaduna xidhiidh dhow la leh Taliban.

    Ninka hadda mas’uulka ka ah ammaanka Kabul waa Khalil Xaqqani oo madaxiisa la dul dhigay $ 5m oo doolar.

     

    Dr Sajjan Gohel oo ka socda hay’adda Aasiya Pacific Foundation, ayaa sanado badan kormeerayay shabakadaha mintidiinta ee Afghanistan.

    Wuxuu yiri: “Dhowr weerar oo waaweyn oo dhacay intii u dhaxeysay 2019-kii iyo 2021, waxaa ku lug lahaa iskaashi dhex maray Isis-K, shabakadda Xaqqani ee Taliban iyo kooxaha kale ee argagixisada ah ee fadhigoodu yahay Pakistan”.

    Markii Taliban ay qabsatay Kabul 15kii Ogoosto, kooxda waxay xabsiga Pul-e-Charki ka sii daysay maxaabiis aad u badan, oo la sheegay inay ku jiraan IS iyo mintidiinta al-Qaacida. Dadkan ayaana haatan baxsad ah.

    Balse ISIS-K way ka aragti duwan yihiinTaliban oo waxay ku eedeynayaan in ay ka tageen Jihaadka iyo goobta dagaalka iyagoo doorbidaya heshiis nabadeed oo looga wada xaajooday “hoteellada raaxada ah” ee magaalada Doxa, dalka Qatar.

    Dagaalyahannada IS ayaa hadda ah caqabad weyn oo xagga amniga ah oo ay Taalibaan wajaheyso, arrintaas oo hoggaanka Taliban ay wadaagaan hay’adaha sirdoonka ee reer galbeedka.

    Qaran News


  2. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudg, Axmed Shire Falagle oo la hadlay idaacada Kulmiye ayaa beeniyey in dagaal-yahanada Al-Shabaab ay la wareegen deegaanada Camaara iyo Bacaadweyne, xilli shalay ay kooxdaas qabsatay labada magaalo.

    Wasiir Falagle ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamada xoogga iyo daraawiishta Galmudug ay isaga baxeen furumihii hore ee koonfurta gobolka Mudug, midaasi oo la rumeysan yahay inay keentay in Al-Shabaab la wareegto deegaanadaas.

    “Furimaha iyo deegaanadaas (Camaara iyo Bacaadweyne) anaga ayaa joogna oo goobuhu waa sidoodii, waxba kama jiraan oo ciidamadeena waxay joogaan Camaara dusheeda, Bacaadweyne waa kasii shisheeyaan iyo Shabeellow,” ayuu yiri Wasiir Falagle.

    “Ciidamo meel ka baxay majiro, dagaalkana waa ku wada jirnaa ciidamada dowlad goboleedka iyo dowladda federaalka, hadalladaasna waa boron-bogaado.”

    Wasiirka ayaa gebi ahaanba diiday inay jiraan deegaano ay ka baxeen ciidamada xoogga iyo daraawiishta Galmudug iyo in deegaano laga qabsaday, xili ay soo baxeen in shalay dagaal-yahanada Shabaab dib u qabsadeen deegaano dhowr ah oo ka mid ah gobolka Mudug, oo ay ka mid yihiin Bacaadweyne iyo Camaara.

    Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Al-Shabaab ay qabsashadan u suurta-gashay kadib markii deegaanadaas ay ka baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Galmudug.

    Dadka deegaanka ayaa sheegaya in halkaas ay halkaas ku sugan yihiin maleeshiyo badan oo aad u hubeysan oo kooxdan ka tirsan.

    Al-Shabaab ayaa shalay war ay soo saartay ku sheegatay in deeganada ay qabsadeen aysan ku koobneyn oo kaliya Bacaadweyne iyo Camaara, balse ay sidoo kale la wareegeen gacan ku haynta deegaanada Qaycad, Shabeellow, Sabeena, Gowraca, Gaadaay iyo Laas Gacamaye.

    Deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara ayaa toddobaadyadii tegay waxaa dagaallo dhowr ah ay ku dhexmareen ciidamada qaranka iyo maleeshiyada Al-Shabaab, ayada oo dhowr jeer gacan ku hayntooda ay ku kala wareegtay labada dhinac.

    Dagaalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Camaara Talaadadii, ayey dowladdu sheegtay in Al-Shabaab looga dilay 90 maleeshiyo oo duqeymo lala beegsaday, halka Al-Shabaab ay sheegatay inay ku qabsatay 14 baabuurta

    The post Galmudug oo war yaab leh kasoo saartay ‘qabsashada’ Al-Shabaab ee Camaara iyo Bacaadweyne appeared first on Caasimada Online.


    • FB_IMG_16300643393109027.jpg?resize=720%Booyad bannaanka Garowe ku daadinaysa kiimiko

    Duqa caasimadda Puntland Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa sheegay in maanta laamiga weyn ee bartamaha Garowe ay ku daadatay kiimiko, taas oo dad waxyeelaysay.

    Kiimikada ayuu sheegay in ay ka daadahay gaari booyada oo ka soo qaaday warshada isbuuyada ee Tabaarak ee Gaorwe, wuxuuna intaas ku daray in ciidanka amniga ay booyadii iyo darawalkii waday gacanta kuu soo dhigeen.

    • FB_IMG_16300643614772454.jpg?resize=720%Haweenay ka mid ah dadkii ku sumooday kiimikada

    Ilaa iyo saddex qof oo mid ka mid ah xaaladiisu culustahay ayaa ku sumooday kiimikada, kadib markii ay neefta waayeen, waxaana hadda lagu tacaalayaa isbitaalka guud ee Garowe.

    Duqa Garowe ayaa tilmaamay in ciidanka Booliska, dabdamiska iyo hawlwadeenadda degmada ay nadiifin iyo barxid kiimiko hadda kuwaan aaggii kiimikadu ku daadatay.

    Axmed Bare ayaa warkan ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, isagoo dadweynaha uga digay arrintan.

    FB_IMG_16300635710658677.jpg?resize=720% FB_IMG_16300635532664341.jpg?resize=720% FB_IMG_16300635424111990.jpg?resize=720% FB_IMG_16300635250449156.jpg?resize=720% FB_IMG_16300635484272854-1.jpg?resize=72

    PUNTLAND POST

    The post Kiimiko ku daadatay Garowe oo waxyoolo geysatay appeared first on Puntland Post.


  3. Addis Ababa (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa toddobaadkii tegay 150 qof ku dilay galbeedka dalka Ethiopia, taasi oo dhalisay weeraro aargudasho oo dhimasho badan, sida uu maanta sheegay Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ethiopia ee EHRC.

    “Dadka degan halka weerarka uu ka dhacay ayaa guddiga u sheegay in dableyda ay dileen 150 qof,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray guddiga EHRC.

    Weerarkan ayaa 18-kii bishan dhacay kadib markii ciidamada ammaanka Ethiopia ay kasoo baxeen qeybo ka mid ah gobolka Oromia ee galbeedka Ethiopia oo xasillooni darro ay ka jirto, sida uu sheegay guddiga. 

    Goobjoogeyaal ayaa u sheegay guddig EHRC in kooxda weerarka fulisay ay ka tirsan yihiin Ciidamada Xoreynta Oromada ee Oromo Liberation Army (OLA), oo horey loogu eedeeeyey rabshadaha ka socda galbeedka iyo koonfurta Ethiopia. 

    Dilalkan ayaa dhaliyey barakac xooggan oo ay sameeyeen dadka deegaanka, gaar ahaan haweenka iyo caruurta, kuwaas oo u cararay deeegaanada deriska la ah.

    Guddiga EHRC ayaa sheegay in kadib weerarka uu dhacay weerar aargudasho ah oo isir ku saleysan kaasi oo lagu dilay 60 qof, taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 210.

    Kooxda OLA oo la rumeysan yihiin inay yihiin maleeshiyo ka kooban dhowr kun, ayaa ka go’ay Jabhadda Xoreynta Oromada ee Oromo Liberation Front (OLF). 

    Dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku eedeysay OLA inay fulisay dhowr xasuuq oo dhowaanahan lagu beegsaday qowmiyadda Amxaarada, oo ah tan labaad ee ugu badan dalka, inkasta oo OLA ay beenisay eedeymahaas.

    The post Weeraro lagu dilay 210 qof oo Ethiopia ka dhacay iyo xaaladda oo kasii dareysa appeared first on Caasimada Online.


  4. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi, iyaga oo beegsaday dad beeraley ah oo ku sugnaa duleedka Beledweyne.

    Maleeshiyaadka ka dambeeyey weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay goobta ka baxsadeen, kadib dhacdadaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

    Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan oo ka dhacay deegaanka Banka ku dhintay ugu yaraan 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen labo kale, kuwaas oo dhammaantood ah dad shacab ah.

    Sidoo kale dadka dhaawacyada ah ayaa waxaa loo soo qaaday dhinaca magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaas, si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.

    Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in weerarkan salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo weli ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ee HirShabelle.

    Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi, balse waxaa haatan socda howl-gallo lagu baadi goobayo maleeshiyaadkii ka dambeeyey weerarkaasi, kuwaas oo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

    Inta badan waxaa gobollada dhexe ee dalka kusoo noq-noqda weerarada iyo dilalka salka ku haya aanada Qabiil ee ka dhaca Hiiraan, Galgaduud, Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

    The post Weerar lagu dilay dad badan oo ka dhacay gobolka Hiiraan appeared first on Caasimada Online.


  5. Gaarisa (Caasimada Online) – Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ayaa waxaa haatan fara ba’an ku haya cudurka saf-marka ah ee Covid-19, kaas oo markale ka dilaacay dalka Kenya, waxaana sii kordhaya dadka uu soo ridanayo xanuunka & kuwa u dhimanayo.

    Saraakiisha caasimaadka ee gobolka jooga ayaa shaaca ka qaaday in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay dhimashadu gaartay ku dhowaad 100 ruux oo u geeriyooay cudurka Covid-19, kuwaas oo ay ku jiraan caruur iyo dad da’ ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha caafimaadku.

    Sidoo kale bukaano uu haleelay cudurka ayaa la dhigay goobaha caafimaadka ee magaalada Gaarisa, kuwaas oo haatan wajahayo xaalado adag.

    Wasiirka caafimaadka ee is-maamulka wuxuu sheegay in aanay jirin feejignaan dheeri ah iyo dadaal ay dowladda Kenya ku bixineyso ka hortagga cudurka Coronavirus, taas oo uga sii dareyso xaaladda jirta, isla-markaana kor usii qaadi karto saameynta cudurka Covid-19.

    Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shalay oo kaliya la baaray illaa 16,938-ruux, isla-markaana xanuunka laga helay 1846 qof, kuwaas oo la dhigay goobaha caafimaadka.

    Maamulka Gaarisa ayaa dhinaca kale baaq deg-deg ah u diray xukuumadda Nairobi, iyaga oo ka dalbaday inay u soo gurmato, maadaama Gaarisa ay noqotay meesha ugu daran ee cudurka, loona baahan-yahay in la qaado tallaabooyin lagu badbaadinayo shacabka.

    Si kastaba Kenya ayaa wajaheysa xaalad adag oo dhanka caafimaadka ah, maadaama nuuca cusub oo Covid-19 ah laga diiwaan-geliyay magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi.

    The post Ku dhowaad 100 qof oo ku geeriyootay dalka KENYA appeared first on Caasimada Online.


  6. By 1957, the responsibilities of the domestic affairs of the Trust Territory, had been transferred to the Somali government, established in 1956 (Law No. 1 of May 7, 1956); the trusteeship regime retaining only foreign and defense related affairs. This piece aims to shed some light on the mistakes, irregularities and abuses which have characterized the first election, 1958, conducted entirely under the Somali control. The irregularities committed in that election, set a bad example with negative impact on all subsequent local and political elections, during the parliamentary regime, culminating in the disastrous elections of 1969.

    Source: Hiiraan Online


  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xuseen Macalin Maxamuud oo hadda ah madaxa Hay’adda Cilmi baarista ee Hiraal ayaa walaac badan ka muujiyey in amniga Soomaaliya uu kasii dari karo, haddii ay baxaan ciidamada Midowga Afrika ee ku howl-gala magaca AMISOM.

    Xuseen Macalin ayaa ku doodaya in ciidamada Soomaaliyeed aysan wax badan ka tarin dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana ilaa hadda ay ku sugan yihiin keliya inta ay qabteen ciidamada AMISOM.

    “Magaaladaan (Muqdisho) amniga ay ku joogto ee asalka ah waa amni go’aanadeeda laga soo gaaray New York iyo Addis Ababa, oo na lagu keenay nimankaan loo yaqaano AMISOM, dabcan nimankaas waa kuwa la biilo oo go’aanadooda laga keeno meelo kale, laakiin waa cida ugu gacanta weyn oo lagu kala cabsado,” ayuu yiri Xuseen Macalin.

    “Tobankii sano ee ugu dambeysay Shabaab inta ay ka qabsadeen waa intii ay qabteen (AMISOM), hal magaalo oo dowladda Soomaaliyeed ay kala wareegtay ma jirto, haddii ay dhacdana waa kuwo ay dib ula wareegtay.”

    Sidoo kale waxa uu ku baaqay in wax laga bedelo nidaamka dowladeed iyo ciidamada, si looga maarmo ciidamada shisheeye, islamarkaana howsha badankeeda ay qabsadaan umadda Soomaaliyeed.

    Hadalka Xuseen Macalin ayaa imanaya xili uu soo baxayo walaac laga qabo in Soomaaliya ay ka dhacdo wixii dhawaan ka dhacay Afghanistan, kadib marka ay ciidamada shisheeye ka baxaan dalkeena.

    The post Xuseen Macallin: Amniga Muqdisho waxaa lagu gaaraa New York iyo Addis Ababa appeared first on Caasimada Online.


  8. Falagle.jpg?resize=660%2C440&ssl=1

    Dowlad goboleedka Galmudug, ayaa beeniyay in Al-shabaab dib u qabsadeen degaannada Bacaadweyne iyo Cammaara oo ka tirsan Koonfurta Mudug.

    Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo wareysi siiyay BBC-da, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in Al-shabaab dib u qabsadeen labadaas degaan.

    Wasiir Falagle ayaa sheegay in aysan jirin sabab ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalku uga baxaan dhulka laga qabsaday Al-shabaab, islamarkaasna ay farisimahoodii ku sugan yihiin.

    Saacaddaha soo socda, waxaan ummadda la wadaagi doonnaa meelaha ay ciidamadu ku sugan yihiin iyo howlgallada aynu wadno. Waxaan idiin xaqiijijinaynaa in aanay jirin hal ceel oo cadowgu naga qabsaday,” ayuu yiri wasiirka.

    Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab si looga saaro dhammaan degaannada ay ka joogaa koonfurta Gobolka Mudug.

    PUNTLAND POST

    The post Galmudug oo beenisay in Al-shabaab dib u qabsatay Bacaadweyne iyo Cammaara appeared first on Puntland Post.


  9. William Ruto’s push for the Kenyan presidency got a boost, and he has the Court of Appeal to thank.

    The judges threw out President Uhuru Kenyatta’s proposed constitutional amendments, including reintroducing executive positions such as a prime minister and deputies that many saw as a way to reward future alliance partners. They are also seen as a veneer to keep Ruto from ascending to the top job after next year’s elections.

    The reforms were backed by opposition leader Raila Odinga, with whom Kenyatta has recently allied with. That partnership sidelined Ruto, the deputy president who had expected that 2022 would be his year in exchange for supporting the president in the last two votes. The relationship between the two leaders has since soured.

    1x-1-1.jpg?resize=1000%2C647&ssl=1Uhuru Kenyatta, Kenya’s president, left, and William Ruto in 2013.

    Kenyatta and Odinga argue that the proposals, if implemented, would end the ethnic violence that’s plagued Kenyan politics for decades, by sharing ruling positions more equitably. While Kenyatta can’t run again, he could have had more influence over the choice of his successor — most likely Odinga.

    Ruto lauded the ruling as a win for the ordinary Kenyan against the elite. Kenyatta is the son of the former British colony’s first president and Odinga is the offspring of the first vice president. 

    While that may strike a chord in a nation where the top positions have been closely guarded by a small ruling class, Ruto himself is one of the country’s richest people. 

    Still, with Kenyatta and Odinga losing their trump card — the offer of executive positions to smaller political groups — Ruto can build his own political formation.

    The race is far from decided, but Ruto is once again on track.

    Source: Bloomberg 

    The post Next Africa: An open race in Kenya appeared first on Puntland Post.


  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Soomaaliyeed ayaa markii u horeysay ka hadlay habraacyada doorashada ee ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka, oo dhaliyey khilaaf siyaasadeed oo hor leh.

    Sheekh Soomow oo warbaahinta ka hor aqriyay bayaan kasoo baxay Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay inay culimada ay go’aansadeen inay taageeraan oo ay ayidaan baaqii Salaadiinta Soomaaliyeed ee lagu samatabixinayo dalka, si loo gaaro doorasho xasiloon, kaasi oo looga horyimid habraaca doorashada.

    “Waxaa ugu baaqeyna Ra’iisul wasaaraha, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hadda ayagu mas’uul ka ah doorashooyinka inay dhageystaan oo ay qaatan tallada Salaadiinta, oo lagu tixgeliyo waxa ay xaqa u leeyihiin,” ayuu yiri Sheekh Soomow.

    “Doorashada dalka waxay weli ku socota 4.5, maadama weli qabiil la dhex dabaalanayo waxaa u baahanahay in dadka kuligiis la qanciyo, waxaan leenahay hala dhageysto oo ha la qaato tallada Salaadiinta, gacana ha lagu siiyo gudashada waajibkooda.”

    Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay Sheekh Soomow oo ku hadlayey afka Culimada Soomaaliyeed in madaxda ka fogaadaan waxkasta oo musuq-maasuq iyo kala shaki keeni kara, taasi oo keeni in doorashada lagu kalsoonaan.

    “Waxaa rabnaa haddaa nahay Culimada Soomaaliyeed in doorashada noqoto mid xalaal ah oo hufan oo lagu kalsoonaan karo, taasina waxa uu waajib ka saaran yahay madaxda dowlad goboleedyada, guddiga iyo ergada soo xuleysa.”

    Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in meesha laga saaro lacagaha la siinayo ergada soo xuleysa mudaneyaasha Golaha Shacabka, si ay u xulaan shaqsiyaad gaar ah, taasi oo qeyb ka ah musuq-maasuq, sida uu sheegay.

    The post Daawo: Mowqifka Culimada ee habraaca doorashada appeared first on Caasimada Online.


  11. Wasiirka-waxbarashada-Puntland.jpg?resiz

    Wasiirka Waxbarashada dowladda Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa si adag u dhaliilay hannaanka uu Hanti-dhawrka Puntland u maray baarista wasaaradda Waxbarashada.

    Wasiir Cabdullaahi, ayaa sheegay in Hanti-dhawrka Puntland aysan waddo sax ah u marin xannibidda Akoonada Wasaaradda iyo shaqa-joojinta lagu sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaraddaas.

    Wasiirka ayaa walaac ka muujiyay in wasaaradda Waxbarashada lagu shaabadeeyo wax is-daba-marin, iyadoo aan la soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya, haddii musuq maasuq ka dhacay gudaha wasaaradda.

    Wuxu sheegay in tallaabadaas ay dhaawac u keenayso kalsoonida ay wasaaradda ku qabaan hay’adaha kala duwan ee kala shaqeeya horumarinta Arrimaha Waxbarashada.

    Wasiirka ayaa tilmaamay in laga yaabo hay’adaha qaarkood, in ay joojiyaan dhaqaalihii ay ku taageeri jireen wasaaradda Waxbarashada Puntland, kadib tallaabada Hanti-dhawrku qaaday.

    Hanti-dhawrka Puntland maalmo ka hor shaqada ka joojiyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Puntland, oo sida ay sheegeen ku eedaysan lunsasho hanti dadweyne.

    Sidoo kale, Hanti-dhawrka ayaa xannibaad saaray dhammaan Akoonada wasaaradda Waxbarashada Puntland, waxaana ay sheegeen in baaris ku socoto Wasaaraddaas.

    PUNTLAND POST

    The post Wasiirka Waxbarashada Puntland oo si adag u dhaliilay Hanti-dhawrka Puntland appeared first on Puntland Post.


  12. Muqdisho (Caasimada Online) -Ciidamada ammaanka ee Booliska Soomaaliyeed iyo maamulka degmada Yaaqshiid oo iskaashanaya ayaa xalay howl-gal qorsheysan ka sameeyey xaafado ka tirsan degmadaasi, kaas oo lagu xaqiijinayey amniga Yaaqshiid.

    Saraakiisha horkaceysay howl-galka ayaa sheegay inay ku baxeen kooxo burcad ah oo cabasho ay kasoo gudbiyeen dadka deegaanka, isla-markaana ay gacanta kusoo dhigeen.

    Ragga la soo qbatay oo afar ah, isla-markaana hubeysnaa ayaa lagu raadjoogay maalmihii lasoo dhaafay, kadib cabasho ay kasoo gudbiyeen shacabka ku dhaqan halkaasi.

    Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif oo la hadlay wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in raggan ay ahaayeen burcad dhac u geysaneysay shacabka, isla-markaana ay u sii gudbin doonaan hay’adaha ku shaqada leh, si maxkamad loo soo taago.

    Sidoo kale wuuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, si looga hortego amni darrada.

    Habeenadii lasoo dhaafay ayey ciidamada ammaanka ee dowladda xoojiyeen howl-gallada ka dhanka ah burcadda, iyaga oo gacanta ku soo dhigay shaqsiyaad ka mid ah kooxaaasi.

    Howl-galladan isdaba jooga ah ayaa waxa ay jawaab u yihiin cabashada shacabka ku dhaqan caasimada oo qaati ka taagan ragga burcadda ah ee dhaca ka geysta Muqdisho.

    The post Booliska Soomaaliya oo rag hubeysan ku qabtay Xamar appeared first on Caasimada Online.


  13. Xogta Ninkii Soomaaliga ahaa ee Arbacadii weerarka ka fuliyey Safaarada Faransiisku kul leeyahay Daru-salam oo la shaaciyey

    Xogta ninkii Soomaaliga ee Arbacadii weerarka ka fuliyey Darussalam oo la shaaciyey

    Xog cusub ayaa laga helayaa nin la sheegay inuu yahay Soomaali oo Arbacadii weerar dhimasho leh ka fuliyey agagaarka safaaradda Faransiiska uu ku leeyahay magaalada Darussalam ee dalka Tanzania.

    Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay saddex sarkaal oo boolis ah iyo askari ilaalo gaar ahaa, kahor inta aanay ciidamada ammaanka toogasho ku dilin ninka weerarka soo qaaday.

    Ilo-wareedyo amni ayaa maanta bixiyey xog ku saabsan ninka weerarka soo qaaday, waxaana magaciisa ay ku sheegeen Xamza Xasan Maxamed, oo ahaa 29 jir dhashay November 17, 1991-kii.

    Xamza ayaa la sheegay inuu la dhashay sarkaal horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo bartamaha Soomaaliya lagu dilay dhowr sano kahor. 

    “Booliska ayaa muddo ninka isha ku hayey ayaga oo tuhun weyn ka qaba, waxaana suurta-gal ah in carada uu ka qaaday korjoogteynta lagu hayey uu weerarka u fuliyey,” ayuu yiri il-wareed amni.

    Xogta ayaa intaas ku dareysa in Xamza uu mar tegay Soomaaliya, intii uu walaalkiisa ka dagaalamayey halkaas, kahor inta aan lagu dilin magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

    Warar kale ayaa sheegaya in laba wiil oo la dhalatay Xamza iyo hooyadiis ay mar ciidamada ammaanka Tanzania ku xireen magaalo ku taalla xuduudda Tanzania iyo Zambia, oo ay ku noolaayeen.

    Dambi-baaraha guud ee Tanzania Simon Sirro ayaa horey u sheegay in weerarka ay suurta-gal tahay inuu xiriir la leeyahay dagaalka jihaadka ah ee ka socda dalka deriska la ah Tanzania ee Mozambique, halkaasi oo dalal badan oo African ah ay ku biirayaan isku dayga looga adkaanayo kooxda dalkaas ka dhisan ee la baxday Al-Shabaab.

    Iska hor-imaadka ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn goobtii ay ka dhaceen qaraxyadii bishii August 1998-kii lagu weeraray safaaradda Mareykanka ee Darussalam.

    Qaran News


  14. Labadii Qarax ee gilgilay Garoonka Diyaaradaha Kabul+Dhimashada Tirada Askarta Maraykanka ee ku dhimatay Qaraxyada oo Korodhay

     

    517E2FA7-9892-4461-AE47-ADD144DE9BCC_w10

    Ugu yaraan 60 qof oo shacab ah iyo 12 askari oo Mareykan ah ayaa la dilay, kadib markiii laba qarax oo is-miidaamin ah lagu soo weeraray garoonka diyaaradaha Hamid Karzai ee magaalada Kabul, sida ay sheegeen saraakiisha Afghanistan iyo Mareykanka.

    Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in 11 ka mid ah ciidamada badda iyo hal qof oo ka tirsanaa shaqaalaha caafimaadka ee ciidamada badda ay ka mid yihiin dadka dhintay.

    Waxa ay sheegeen in 12 kale oo ka tirsan ciidanka Mareykanka ay dhaawacmeen, iyagoo sheegay in tiradu intaas ka badnaan karto.

    Sidoo kale in ka badan 140 qof oo reer Afghanistan ah ayaa dhaawacmay, sida uu sheegay sarkaal Afganistan ah.

    Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in la rumeysanyahay inay weerarkan geysteen kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

    Garabka ISIS ee Afghanistan ayaa aad uga xagjirsan Taalibaan, oo dhawaan la wareegay gacan ku haynta Afghanistan, iyaga oo cambaareeyay weerarka.

    Saraakiisha reer Galbeedka ee ku sugan Kabul ayaa hore uga digay weerar culus, iyagoo dadka ku boorriyay inaysan imaan agagaarka garoonka dayuuradaha, laakiin talooyinkaasi dhag-jalaq uma siin dadka reer Afghanistan oo aad u doonayey inay dalka ka baxaan dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, isla markaana qeyb ka noqdaan dadka ay daad-gureynayaan xulufada Mareykanku hoggaaminayo kahor inta uusan Mareykanku si rasmi ah u soo afjarin joogitaankiisii 20-ka sano bishan Agoosto 31-keeda.

     

     

    kan-1.jpegkan-1.jpgkan-2.jpegkan-2.jpgkan-3.jpgkan-4.jpgkan-5.jpg kan-7-scaled.jpgEDITORS NOTE: Graphic content / Medical staff bring an injured man to a hospital in an ambulance after two powerful explosions, which killed at least six people, outside the airport in Kabul on August 26, 2021. (Photo by Wakil KOHSAR / AFP) (Photo by WAKIL KOHSAR/AFP via Getty Images) kan-8.jpgkan-9.jpg

     

    Qaran News


  15. Addis Ababa (Caasimada Online) – Biyo-xireenka weyn ee Ethiopia ay ka sameysay Nile-ka Bulugga ah ayaan sanadkan wax saameyn ah ku yeelan qulqulka biyaha ee Sudan, waxaa sidaas sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Sudan.

    Ethiopia ayaa sanado badan ku bixisay wada-hadallo xasaasi ah oo biyo-xireenka oo ay ku kacday $5 bilyan kala gashay Masar iyo Sudan, oo labaduba uu webiga maro, kana cabsi qaba inay yaaradaan biyaha soo gaara.

    Hase yeeshee wada-hadallada ayaan ku guuleysan in heshiis lagu gaaro, waxaana weli biyo-xireenka uu xuddun u yahya xiisad ka dhex oogan saddexda dal.

    Sudan ayaa sheegtay inay suurta-gal tahay in biyo-xireenka uu saameyn togan ku yeelan karo qulqulka biyaha ee xilli roobaadka, ayna rajeyneysay inay ka faa’iideysato korontada laga dhalinayo, hase yeeshee waxay ashtako ka muujisay akhbaarta la xiriirta holwgalka biyo-xireenka oo aysan ka helin Ethiopia.

    “Inkasta oo go’aan hal dhinac ah lagu buuxiyey biyo-xireenka..haddana wax saameyn ah kuma yeelan qulqulka biyaha ee sanadkan, hase yeeshee xogta aynan helin kahor buuxinta biyo-xireenka ayaa Sudan lacag badan ay uga luntay inay kasii taxadarto saameynta ka iman kartay,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Waraabka Sudan Yasir Abbas oo qoraal soo dhigay Twitter-ka.

    Ethiopia ayaa biyo-xireenka u aragta inuu muhiim u yahay rajooyinkeeda ku aadan soo saarista awood koronto oo badan iyo horumarkeeda, waxayna ay maanta ku hayneyso danaha dalalka kale uu maro marka ay howl-gelienyso.

    REUTERS+VOA

    The post Saameynta biyo-xireenka Webiga NILE ee Ethiopia oo aan noqon sidii la filayey appeared first on Caasimada Online.


  16. Masaajid ay Hindiya dumisay Pakistan-na ka cadhootay

    Burburka Masaajidka Bilal ee ku yaalla Haryana

    Wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa si kulul u cambaareysay burburinta lagula kacaya masaajidka Bilaal Haryana ee ku yillay xaafadda Aravalli ee magaalada Faridabad.

    Pakistan burburka “Masaajidka Bilaal” loo geystay waxay ku tilmaantay xadgudub loo geystay xuquuqda aadanaha dadka laga tirada badan yahay gaar ahaan muslimiinta.

    Aafhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan Asim Iftikhar Ahmed bartiisa Twitter-ka wuxuu ku soo qoray ” Pakistan iney si kulul u cambaareyneyso burburinta uu maamulka Hindiya ee Haryaana uu u geystay masaajidka Bilaal.” 

    Farriinta eedda uu afhayeenku Twitter-kiisa soo dhigay wuxuu ku sheegay “Doorki garsoorka uu lahaa iney wiiqantay inta uu hoggaanka dalka Hindiya qabtay xisbiga BJP-RSS.”

    Pakistan strongly condemns unjust demolition of Bilal Mosque in Haryana by Indian authorities in consort with pliant judiciary under BJP-RSS regime and continues to urge int’l community to hold India accountable for systematic human rights violations of minorities, esp. Muslims.

    — Spokesperson 🇵🇰 MoFA (@ForeignOfficePk) August 24, 2021

    Wuxuuna beesha caalamka ugu baaqay iney dhinac uga soo wadajeesato xadgudubka ay u geysato xuquuqda ay leeyihiin dadka laga tirada badan yahay, gaar ahaanna Muslimiinta.

     

    Dowladda Hindiya inkasta oo eedda uga timid afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ay ka jawaabin haddana shacabka ayaa siyaabo kala duwan farriinta Twiiter-ka uu Axmed uu soo dhigay uga falceliyey.

    Maxaa arrintan keenay?

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa dowladda Hindiya ku eedeysay masaajidka lagu dumiyey Feridabad, ee la sheegay inuu si sharci darra ah uu uga dhisnaa tuulada Khodi ee deegaanka Aravalli.

    Masaajidka Bilaal dowladda hoose ee magaaladaasi waxay dumisay 17-kii August.

     

    Yashpal Yadav oo dowladda hoose ee Fariddbad ka tirsan oo BBC u warramay wuxuu sheegay iney masaajidka ku dumiyeen amar maxkamadda sare ka soo baxay masaajidka kelina ay dumine ay dumiyeen gooba kale oo lagu cibaadeysto.

    Sawirka masaajidka Bilaal ka hor inta aan la duminin

    “Inta aan goobaha lagu cibaadeysto uu ka midka yahay msaajidka la dumininna shacabka digniino ayaa la gaarsiiyey” ayuu yiri.

    Dadka deegaanku maxay ka yirahdeen?

    Siraj Axmed wuxuu sheegay masaajidka xilliga la dumiyey iney taariikhdu ku beegneyd 17-ka bisha August. Wuxuuna sheegay in xilligaa isagana guri uu lahaa laga dumiyey oo uu haatana guri kira ah uu ku nool yahay.

    Kailash Gathwal oo isaguna ka mid ah dadka magaaladan ku nool wuxuu sheegay maamulka dowladda hoose iney dumiyeen tobaneyo macbad, 6 masaajid iyo kaniisad.

     

    “Arrintan haba yaraatee diin wax xiriir ah lama laha mana ah in lala xiriiriyo waxaana taa caddeyn ugu filan waxaa la dumiyey macbadyo kala duwan oo ay diimo kala duwan leeyihiin waxa loo dumiyeyna waxay tahay dhismayaashaasi oo goobo sharci darra ah ku yaallay tallaabbo sharci ahna laga qaaday.” ayuu yiri Kailash.

    Mid ka mid masaajidda kale ee la dumiyey

    Tallaabbo noocee la qaaday?

    Maamulka dowladda hoose ee Faridabad waxay sheegeen iyaga oo ka duulayo rusqo maxkamadeed oo ay haysteen iney dumiyeen in ka badan 6,500 oo guri oo si sharci darra ah looga dhisay agagaaraha xaafadda Aravalli.

    Howlaha burburinta dhismayaasha sharci darrada ahna dowladda hoose ee Faridabad waxay ku soo gabagabeysay 32 maalmood.

    Khilaafka Pakistan iyo Hindiya u dhaxeeya mid soo jireen ah oo in mudda ah soo taagnaa haddana arrintan haba yaraatee diin wax xirii ah lama laha.

     

    Balse arrinta Masajidka Bilaal iyo masaajidda kale ee ay burburisay dowladda hoose ee Faridabad oo ay Pakistan ka carootay wax naceyb ama faquuq diineed oo diin gaar ah loola danleeyahay iney ahayn ayay ku adkeysanayaan laamaha dowliga ah ee dalkaasi Hindiya gaar ahaanna kuwa gobolka Haryana.

    Qaran News


  17. Koox Hubeysan oo Xashiishadda Ka Ganacsada Magaalada Berbera Oo Rasaas Kala Hor Yimid Ciidanka Booliiska Somaliland+Khasaaraha Ka Dhashay

     budhcad.jpg

    Koox hubaysan oo Xashiishadda ka ganacsada Magaaladda Berbera ayaa Rasaas nool kala horyimid Ciidanka booliiska Somaliland kuwaasi oo dhaawac Culus gaadhsiiyay Taliye Ku Xigeenkii Dekedda Berbera Axmed Cawaale kaasi oo dhaawiciisa lagu dabiibayo Cisbitaalka weyn ee Hargeysa.

    Sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka tirsan saraakiisha Ciidanka Booliiska Somaliland iyo dad goob joog ahaa oo ku sugan Magaalada Berbera, waxa habeen hore Magaalada Berbera ka dhacday dhacdo cajiib oo argagax ku riday dadka shacabka ah iyo guud ahaan Reer Berbera. Taliye ku xigeenka Dekedda Berbera Axmed Cawaale iyo Ciidan uu hogaaminayo ayaa loo soo sheegay koox Xashiishadda ka ganacsada, oo sida la sheegay ka agdhawaa, isagoo markiiba Ciidan kaxaystay islamarkiibana abaaray halka ay ku sugnaayeen.

    Wararkan ayaa intaasi ku daray in Taliyaha oo habeen hore Heeganka Gobolka u lahaa iyo Ciidankiisu ay baacsadeen kooxdaasi Xashiishada ka ganacsada kuwaasi oo isku dayay markii ay Ciidanka arkeen inay ka baxsadaan, balse markii ay Ciidanku woxogaa baacsanayeen, sida uu warkani nagu soo gaadhay,waxay galeen meel Kharaabad ah  ama dhisme dunsan, kaasi oo ay gabood ka dhigteen, balse Ciidanku kama hadhin ee waxay isku dayeen inay kadaba galaan, nasiib daro waxay kala hor yimaadeen Rasaas nool, waxaanay halkaasi dhaawac culus ugu gaysteen taliye ku xigeenkii ciidanka watay Axmed Cawaale, kaasi oo dhaawaciisa loola soo cararay Dhinaca magaalada Hargeysa.

    Sida uu Warkani sheegayo, waxa ay  rasaastu ka haleeshay ama kaga dhacday Taliyaha, Bawdada iyo Badhida, waxaana sida la noo sheegay, dhex fadhiisatay mid ka mid ah rasaastii kaga dhacday Bawdada, taasi oo shalay qaliin lagu sameeyay Cisbitaal Hargeysa si looga soo saaro Rasaasta dhex fadhiistay. Wararkii u dambeeyay ayaa noo sheegay in Xaaladda Taliyuhu aad u wanaagsan tahay oo ay kasoo raynayso, halka raggii Xashiishadda watay ee Taliyaha dhaawacayna ay Ciidanku xabsiga dhigeen.

    Dhacdadan ayaa noqonaysa mid ugub ku ah oo ku cusub gayiga Somaliland, waana markii u horaysay ee ay Koox Xashiishadda ka ganacsataa rasaas nool u adeegsato Ciidanka Nabadgalyada Somaliland. Sidoo kale waxay dhacdadani daba socotaa, walaac wayn oo ay Shacabka Somaliland mudooyinkii u dambeeyay ka qabeen Maandooriyaha Xashiishada oo isticmaalkeedu aad ugu soo badanayso Somaliland.

    Sidoo kale, Waxay dhacdadani ku soo beegmaysaa iyadoo dhawaan uu Madaxweyne Biixi Khudbaddii Ciiddal Firidii uu si adag ugaga hadlay Geedka Xashishada iyo Maandooriyaha oo aad ugu soo badanaya Somaliland. Waxay Ciidanka Nabadgalyada Somaliland kor u qaadeen dadaalka ay  ugu jiraan dagaalka iyo dabagalka ay ku hayaan kooxaha Xashiishada soo galiya Somaliland iyo dadka Isticmaalaba.

    Qaran News


  18. Garoowe (Caasimada Onlne) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland, Mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan oo wariyeyaasha kula hadlay Garoowe ayaa kasoo horjeestay tallaabadii uu qaaday hanti-dhawrka maamulkaasi oo xanibaad ku soo rogay akoonada wasaaradaas, sidoo kalena shaqa joojinta ku sameeyey mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada.

    Wasiir Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa marka si weyn u dhaliilay hannaanka uu hanti-dhawrka dowlad goboleedka Puntland u maray baarista ee wasaaradda waxbarashada maamulkaas, wuxuuna sheegay in uusan u marin waddo sax ah, sida uu hadalka u dhigay

    Sidoo kale wuxuu tilmaamay in si gaar ah loo beegsanayo wasaaraddiisa, isla-markaana lagu shaabadeynayo wax is-daba-marin, iyadoo aan loo heyn wax caddeyn ah.

    Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in tallaabada uu qaaday xafiiska hanti-dhawrka ay keeneyso aaminaad la’aan ay wasaaraddu ka qaadi karaan hay’adaha caalamiga ah ee ka taageero horumarinta arrimaha waxbarashada.

    Hadalka wasiir Cabdullaahi Maxamed ayaa sare u sii qaadi kara xiisada kala dhexeysa hanti-dhawrka oo wasaaraddiisa ku eedeeyey inuu ka dhex-jiro musuq-maasuq, waxaana haatan socda baaritaan dheeraad ah oo lagu hayo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaraddaasi.

    Ma cadda tallaabada xigta ee uu qaado doono hanti-dhawrka oo dabagal ku haya eedaha loo jeediyey mas’uuliyiinta waxbarashada Puntland, waxaase uu u muuqdaa mid sii xoogeysanayo dagaalka u dhexeeyo 2 xafiiis.

    Si kastaba tallaabada hanti-dhawrka qaaday ee uu maalmo ka hore ku xanibay dhammaan akoonada wasaaradda waxbarashada ayaa dhaliyey shaki weyn iyo tuhun, mana jirto illaa iyo hadda war rasmi ah oo kasoo baxay Puntland, waxaase weli socda baaritaan dheeri ah.

    The post Wasiirka waxbarashada Puntland oo ka horyimid talaabadii hanti-dhawrka appeared first on Caasimada Online.