Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,356
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Somaliland: Leading by Exampleq

    There are no shortages of references, including academic research papers, how-to-books or philosophical concepts describing the qualities of an effective leadership; however, there is one very important piece of the puzzle that is often over-looked which complements and completes the leadership qualities of an effective leader, that is “honesty”.

    A community can be mobilized through voluntarism principles by their leaders when they are shown that the end results of their deeds are for the good of their own and that of the general population.

    On July 8, 2021, we have all witnessed a unique phenomenon unfold in the middle of “Dooxa Hargeisa” or the dry creek of Hargeisa when the public heeded the calling of an honest, strong, patriotic and caring leader, Abdikarim Ahmed Mooge; the new Hargeisa Mayor.
    He led the way with his gloves and his yellow vest on, cleaning and removing the garbage with his own hands. He made this a priority and is first order of business before putting his feet up on his new office-desk and self-congratulate on his victory lap.

    This was an effort to solve an environmental and health concerns including to bring back the beauty of the cite to its original looks where children could enjoy and play their new clean riverbed.

    Voluntarism is not a new phenomenon to Somalilanders, they did their share during the former dictator, Siad Bare. Sadly, their reward was devastating death and destruction of lives and property.

    The Hargeisa self-help phenomenon was different, people showed up before dawn, after Fajr prayer, filled with happiness and joy looking forward for the task ahead and to stand side-by-side with their new mayor, Abdikarim Ahmed Mooge.

    It was a day that brought the young, the elderly, boys and girls and mothers who were feeding them on the side while they were engaged in cleaning their environment. It was a day that will remain in Somaliland history forever.

    Abdikarim’s calling to challenge his constituents was an exemplary for all other leaders in public offices to follow his foot-steps and make their priorities the needs of the public they serve, not their own self-interest.

    Well-done Mr. Mayor, your future is bright. Who knows, you might be called Mr. President in the near future.

    By Mohamed Adan Samatar
    Former State of Arizona Government Management, BSc, MS Agriculture. madan.samatar01@gmail.com

    Qaran News


  2. Rag diyaariyay Shirqool afgembi oo ka dhan ahaa Boqor Cabdalla oo xukun adag lagu riday

     shirqool.jpg

    Maxkamad amni oo kutaala dalka Jordan ayaa xukun xabsi sanado badan ah ku riday labo sargaal oo lagu helay in ay maleegeen shirqool afgembi oo ka dhan ahaa Boqor Cabdallaha Labaad ee dalka Jordan.

    Maxkamada ayaa min 15-sabo oo xabsi ah ku riday Bassem Awadallah, oo haysta dhalashada Mareykanka, sidoo kalena kaaliye sare u ahaan jiray boqor Cabdalla, iyo Sharif Hassanbin Zaid, oo ah xubin ka tirsan qoyska boqortooyada Jordan.

    Labadan sargaal oo horey uala soo shaqeeyay Boqorka ayaa lagu eedeeyay in ay maleegeen shirqool afgembi oo ka dhan ahaa Boqor Cabdalla sidoo kale kale ku kaceen  qiyaano qaran iyo hurin rabshado halis keeni karay.

    Ragan xukunka adag ee xabsiga ah lagu riday ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana qareenada difaacayay labadan sargaal hore sheegeen in ay racfaan ka qaadan doonaan xukunka lagu riday.

    Bassem Awadallah oo dowlada Urdun kasoo noqday Wasiir iyo sidoo kale madaxa Maxkamada Boqortooyada ayaa heesta dhalashada Sacuudiga iyo Mareykanka, waxaana qareenada ninkan difaacaya sheegeen in lagu jirdilay xabsiga lagana been abuurtay.

    Ragan xukunka xabsiga ah lagu riday ayaa waxa ay isku dhawaayeen Boqor Cabdalla Walaalkiis Amiir Hamzah, oo la sheegay in qeyb ka ahaa qorshaha afgembiga, hasa ahaatee arinta Amiirka ayaa loo xaliyay qaab qoys ahaan

    Qaran News


  3. Monday 12 July 2021

    PRESS RELEASE

    New Funding to Support Education in Somalia

    USAID today, July 8, 2021, announced a new $15 million contribution to the UK-supported Adolescent Girls Education in Somalia (AGES) programme. Operating in Banadir and in Hirshabelle, Jubaland and South West states, the programme is focused on improving access to quality education for young Somali women and girls.

    With $17.6 million in UK Aid, AGES is currently supporting 42,000 marginalised adolescent girls to access primary school, accelerated basic education and non‐formal courses tailored to their needs.

    With the additional USAID funding, nearly 40,000 more marginalised adolescent girls and young women aged 15‐24 who have never attended school will get the chance to improve their lives through the 11‐month non-formal education course. The joint funding will also provide support to young women to engage in income-generating activities and civic education, in addition to providing linkages to other development opportunities.

    The announcement comes ahead of the July 28-29 Global Education Summit. Along with Kenya, the UK will be co-hosting this event, aimed at raising $5 billion to ensure that all children, particularly those in developing countries including Somalia, have equitable access to quality education.

    British Ambassador to Somalia Kate Foster said:

    “The UK-funded Adolescent Girls Education in Somalia programme has made significant contributions to the lives of tens of thousands of young Somali women. With this new USAID funding, we are expanding our approach to reach even more marginalised households and communities. It will build their resilience by providing young Somali women basic financial, literacy, numeracy and life skills.”

    USAID Somalia Mission Director Patrick Diskin said:

    “USAID is very excited to contribute to this successful UK-led initiative in order to provide more young Somali women with a foundational education they lack, yet so rightly deserve. These skills will provide women with increased livelihood and civic opportunities, which are critical for advancing Somalia’s economic and social development.”

    Access to primary education remains a major challenge in Somalia, particularly for girls. According to the 2020 Somali Health and Demographic Survey, only 27 percent of primary school‐aged children are receiving primary education, and only 25 percent of them girls. Sixty-five percent of young women aged 20‐24 have not attended school at all or have only some primary education, compared to 53 percent of young men of the same age.

    Multiple barriers affect access to education for adolescent girls in Somalia. The combination of the COVID‐19 outbreak and economic conditions has further worsened the exclusion of the most vulnerable adolescent girls and young women from education opportunities.

    Qaran News


  4. Tiro Muwaadiniin Soomaaliya oo lagu dilay rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika

     dil-1.jpg

    Waxaa sii xoogeesanaya rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika ay dhigayaan taageerayaasha Madaxweynihii hore ee dalkaasi Jocob Zuma oo dhawaan xabsi la dhigay kadib markii lagu xukumay 15-bilood oo xabsi ah,

    Rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika gaar ahaan gobolka Kwazulu Natal ayaa galaaftay nolosha muwaadiniin Soomaaliyeed oo halkaasi kunoolaa halka kuwa kalana lagu dhaawacay maanta kaliya.

    Inta la xaqiijiyay afar wiil oo Soomaali ah ayaa maanta lagu dilay weerar lagu qaaday gaadhi ay la socdeen xili ay kasoo baxsanayeen deegaan ay ku go’doonsanaayeen, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay afar muwaadin kale oo isbitaal la dhigay.

    Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan khasaaraha nafeed ee Soomaalida kasoo gaadhaya rabshadaha ka bilowday qeybo kamid ah dalka Koonfur Afrika oo goobaha ganacsi lagu boobayo sidoo kale dadka lagu dilayo.

    Soomaali badan ayaa iska xidhtay goobahooda ganacsi iyagoona u cararay goobo ay uga bad baadi karaan rabshadaha socda, waxaana laga cabsi qabaa in rabshadaha hada socda kusii faafaan goobo kale oo hada xasiloon.

     

    Qaran News


  5. China oo wacad ku martay inay ka aargudan doonto tallaabo uu qaaday Mareykanka

    Chinese and U.S. flags
    Chinese and U.S. flags

    China ayaa maanta wacad ku martay inay aargudan doonto, waxayna sheegtay inay “si xooggan uga soo horjeeddo” in 23 shirkadood oo dalkaas laga leeyahay lagu daro liiska madow ee dhaqaalaha ee Mareykanka, sababo la xiriira tuhunno xadgudubyo xuquuqda aadanaha iyo xiriiro militari.

    Wasaaradda Ganacsiga Shiinaha ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ku daritaanka hay’adahan ee liiska “ay tahay xadgudub weyn oo lagu sameeyey xeerarka caalamiga ah ee ganacsiga iyo dhaqaalaha” iyo “caburin aan sabab laheyn” oo lagu sameeyey shirkadaha Shiinaha.

    Beijing “waxay qaadi doontaa tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u ilaaliso xuquuqda sharciga ah iyo danaha Shiinaha,” ayey tiri wasaaradda, sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay.

    Wasaaradda Ganacsiga Mareykanka ayaa Jimcihii 14 shirkadood iyo hay’ado kale ku dartay liiska madow ee dhaqaalaha, ayada oo sheegtay “inay ku lug leeyihiin xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, iyo fulinta ololaha Shiinaha ee caburinta, wadar xabiska iyo ilaalo ka haynta qowmiyadaha Uyghurs, Kazakhs iyo xubnaha kale ee muslimiinta laga tirada badan yahay ee gobolka Xinjiang.”

    Beijing waa ay beenisay eedeymahan xadgudubyo.

    Shirkadaha lagu daro liiska madow ayaa badanaa waxaa looga baahan yahay inay ruqsad weydiistaan Wasaaradda Ganacsiga, waxayna wajahaan baaritaan dheer marka ay doonayaan fasax ay qalab kaga iibsadaan shirkadaha Mareykanka.

    Washington ayaa sidoo kale liiskan ku dartay shan hay’adood oo ay sheegtay inay si toos ah u taageeraan barnaamijyada casriyeynta ee militariga Shiinaha.

    Qaran News


  6. Ra’iisul Wasaaraha UK oo cambaareeyay falal cunsurimo ah oo lagu kala kacay ciyaartooyda madowga ah

    rusjford.jpg
    Sancho iyo Rashford

    Ra’iisul Wasaaraha UK iyo xiriirka kubadda Cagta Ingiriiska ayaa cambaareeyay falal cunsurinimo ah oo la kula kacay ciyaartooyda kala ah Jadon Sancho, Marcus Rashford iyo Bukayo Saka kadib guuldarradii ay xaley uu xulka Ingiriiska kala kulmay ciyaarta kama dambeysta ee koobka Yurub.

    Talyaaniga ayaa 3-2 rigooreyaal ah kaga badiyay Ingiriiska.

    Saddex kamid ah ciyaartooyda Ingiriiska ayaa ku guuldareystay inay dhaliyaan rigoorayaasha.

    Ra’iisul Wasaare Boris Johnson wuxuu ku tilmaamay cunsurinimada la kula kacay ciyaartooydan mid walaaceeda leh oo laga naxo.

    “Ciyaartooyda xulka Ingiriiska waxay mudan yihiin in loogu yeero halyeey balse ma ahan in cunsurinimo lagula kaco iyadoo loo maraya baraha bulshada” ayuu yirii Ra’iisul Wasaaraha.

    Dhanka kale xiriirka kubadda Cagta Ingiriiska ayaa sheegay inay garab taagan yihiin ciyaartooyda dhibaatada loo geystay isla markaana waxay ku baaqeen in tallaabo adag laga qaado dadka suurtagalka ay tahay inay ka dambeeyeen arrintaas.

    Booliska London waxay sheegeen inay baarayaan falalka cunsurinimada ah ee lagula kacay ciyaartooyda.

    Waxay sheegeen ‘In aanan loo duul qaadan doonin falalka noocaas ah”

    Qaran News


  7. “Md Madaxweyne, Shaqo Qaran waxay badbadisay dhalinyaro badan oo baddaha ku dhiman lahayd” Taliyaha C Qaranka S/Gaas Nuux I. Taani

    Hargeysa- Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ku amaanay bilowga Sahqo Qaran Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi, oo uu sheegay inay dhalinyaro badan ka badbaadisay inay baddaha ku dhintaan.

    Taliye Nuux oo shalay ka hadlay qalinjebinta dufcadii saddexaad ee dhalinyarada shaqo Qaran ayaa ugu duceeyey inuu Ilaahay SW nasiibkooda wanaajiyo, isla markaana garansiiyo waddankooda.

    Waxuu u sheegay Taliye Nuux in shaqo Qaran hore u jiri jirtay, balse wadankeena markii Madaxweynaha JSL ka bilaabay dhalinyaro badan nabadgelisay, waxaanu yidhi,

    “Madaxweyne Md Muuse, Shaqo Qaran markaad wadanka ka bilowday waxay nabadgelisay dhalinyaro badan oo baddaha ku dhiman lahayd, ama suuqa warwareegi lahayd.”

    Taliye Nuux ayaa sheegay in dhaqaalaha oo inna dabraya awgeed aanay xukuumadu wada kafayn Karin in dhamaan dhalinyarada jaamacadaha ka baxa la wada qaato, waxaanu isagoo ka ahdlaya muhiimadeeda sheegay,

    “Shaqo Qaran waxay leedahay oo ugu horeeya in qofku edeb (discipline) yeesho, oo waxa ugu wanaagsan ah. Madaxweynayaasha Caalamka ugu waaweyn intooda badan Shaqo Qaran ama ciidan way soo mareen, taasoo keenaysa inuu qofku is-hagi karo.

    Taliyaha Ciidanka Qaranka S/Gaas Nuux Taani ayaa sheegay in markii ay xerada soo galeen ardayda iyo maanta oo ay qalin jebinayaan kala duwan yihiin oo nidaam ay barteen nafahooda ku hagaan, waxaanu yidhi,

    “Magaalo qofka way dhistaa, tababarka ciidankuna qofka wuu dhisaa oo hagaajiyaa, una nidaamiyaa wakhtiyadooda.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyey, “Waxaan u mahadcelinayaa macalimiintii wax barayey iyo Gudoomiyaha Shaqo Qaran Mr Maxamed Xuseen (Mu’adinka) oo bilowgii shaqo qaran, ilaa wakhtigan isbedelo muujiyey, taasoo tilmaamaysa horumarka qaranku maalinba maalinta ka dambaysa ku talaabsanayo.

    Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa gebagebadii kula dardaarmay ardaydii Shaqo Qaran dhamaysatay inay diyaar u ahaadaan daafaca dalkooda iyo dadkooda.


    Mohamoud Ali Walaaleye
    Freelance Reporter
    http://www.funca.info/
    Hargeisa- Somaliland

    Qaran News


  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay khilaafka cusub ee ka dhex qarxay garabyada guddiga doorashooyinka Somaliland.

    Maareeye oo kamid ah garabka Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi ayaa waxa uu sheegay in kala jabkii guddiga Somaliland uu ka dambeeyay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal.

    Waxa kale oo uu ku eedeyay Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada federaalka inuu hareer maray nidaamkii Heshiiskii doorashada ee uu gar-wadeenka ka ahaa ra’iisal wasaare Rooble.

    “Heshiiski 27-kii May waxaa ku qornaa in ra’iisal wasaaraha uu hagayo doorashada Somaliland isaga oo la tashanaya guddoomiyaha aqalka sarre iyo ra’iisal wasaare ku-xigeenka, balse uu Ciro labo jeer isku dayey in doorasho u qabtaan guddiga Somaliland, ayada oo doorasho hal dhinac ah uu 10-kii bisha u qabtay dhinicii ay dowladda keentay ee uu soo magacaabay Mahdi Guuleed,” ayuu yiri Maareeye.

    “Arrintaas ayaa keentay in guddigii kalena uu doorto guddoon oo ilaa hadda saas u kala jaban yihiin, labada guddi waxaa la joogay xubno kamid ah guddiga qaran, taasi oo cadeynaysa in Ciro uusan hanan karin guddigiisa, si cadaalad ahna u qaban karin howl.”

    Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya ayaa ugu dambeyntiina sheegay in khilaafka iyo kala jabka Guddiga doorashada Somaliland la isku afgartay in kulamo laga yeesho, ayada oo bogaga guddiga qaran laga saarayo in guddoon la doortay, taasi oo aan weli dhicin sida uu sheegay.

    The post MAAREEYE oo shaaciyey cidda ka dambeysay kala jabkii guddiga doorashada xildhibaanada waqooyi appeared first on Caasimada Online.


  9. Guddiga doorashada dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa maanta magaalada Muqdisho ku doortay guddoonka SIET-ka.

    Guddoomiyaha guddiga doorashada hirshabeelle ee SIET ayaa loo doortay Axmed Xasan Diini, oo ka mid ah guddiga halka ku-xigeenka guddoomiyaha guddiga doorashada dowlad gobaleedka Hirshabeelle loo doortay Xaliima Maxamed Cismaan.

    Doorashada guddiga doorashooyinka Hirshabeelle ayaa noqoneysa middii ugu dambeysay ee la doorto xilli horay loo doortay gudoomiyahayaasha dhammaan guddiga doorashada dowlad gobaleedyada dalka, Banaadir iyo Somaliland.

    Guddiyada SIET-ka ee Horay Loo Doortay: 

    Somaliland: 

    Garabka Mahdi Guuleed, oo ahaa  7 xubnood  ahaa ayaa axaddii shalay aheyd Khadar Xariir Xuseen u doortay xilka guddoomiyaha guddiga, halka Najiib Xuseen Samaale ay u doorteen   guddoomiye ku xigeenka guddiga.

    Tallaabo lagu tilmaamay mid jawaab u ah isla shalay galab, saacado kadib, doorasho ay qabsadeen SIET-ka Somaliland garabka Guddoomiye Xaashi ayaa loo doortay guddoomiye Suleymaan Caydiid Cismaan halka ku xigeen loo doortay Cabdishakuur Abiib Xayir.

    Jubbaland:

    10-ki bishan July waxaa magaalada Muqdisho lagu doortay hoggaanka guddiga doorashada dowlad gobaleedka Jubbaland ee SIET-ka.

    Guddoomiyaha guddiga doorashada dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa loo doortay  Siyaad Maxamed Mursal, halka gudoomiye ku xigeen loo doortay Cabdiqadir Maxamed Maxamed( Jeylani).
    Banaadiriga:
    7-dii bishan July waxaa isla magaalada Muqdisho lagu doortay guddoonka guddiga doorashada SIET ee Banaadiriga kadib kulan ay muqdisho ku yeesheen xubnaha guddigaas.
    Sacdiyo Aweys Cali Boolay ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga doorashada banaadiriga, halka Gudomiye ku xigeen loogu doortay Maxamed Xaaji Maye.
    Puntland :
    6-dii bishan July waxaa magaalada Muqdisho lagu doortay guddoonka guddiga doorashada Puntland kadib kulan ay Muqdisho ku yeesheen xubnaha guddigaas.
    Guddiga ayaa guddoomiyaha guddiga doorasha SIET u doortay Cabdikariim Muse Maxamed, halka caynaanshe yuusuf Maxamed loo doortay gudoomiye ku xigeenka Guddiga.
    Koonfur Galbeed:
    5-tii bishan July guddiga doorashada Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku doorteen guddoomiyaha guddiga iyo ku xigeenkiisa.
    Guddiga ayaa guddoomiyaha guddiga doorasha u doortay Nuuradiin Ibraahim Aadan  halka Cabdulahi Cabdu Mudalib Ibraahim loo doortay ku xigeenka guddoomiyaha.
    Galmudug: 
    Isla maalintaas 5-tii bishan Juuly waxaa magaalada Muqdisho lagu doortay guddoonka guddiga doorashada SIET, ee  Galmudug kadib kulan ay Muqdisho ku yeesheen xubnaha guddigaas.
    Maxamed Dahir Guuleed, ayaa noqday Gudoomiyaha cusub ee Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad goboleed Galmudug, Halka Saacid Aadan Jaamac, uu noqday Gudoomiye ku-xigeenka guddiga.
    Guddiyada ayey doorashadoodu soo gabagabowday xilli ay doorashada aqalka sare ka dhiman tahay 13 maalin uun, lamana oga sida guddiyagan ay horay u guda geli karaan iyo in doorashada dib ugu dhici doonto xilliga loogu talo-galay.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  10. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa gaaray heshiis cusub, kaasi oo wax ka taraya dhanka amaanka, islamarkaana culeys hor leh saaraya kooxda Al-Shabaab ay labada maamul kula jiraan dagaal.

    Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in maamulada Galmudug iyo Puntland ay sameeysanayaan iskaashi dhinaca Amniga ah, si ay si-wadajir ah ula dagaalamaan ururka Al-Shabaab.

    Heshiiska cusub ee labada ee dhanka amaanka ayaa waxa uu kusoo aadaya xili ay dhawaan dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen kooxda Al-Shabaab deegaano ka tirsan Koonfurta gobolka Mudug.

    Sidoo kale waxay labada maamul bilaabi doonaan howl-galo ay si-wadajir ah u fulinayaan ciidamada Puntland iyo Galmudug, si wiiqo awooda kooxaha argagixisada ah, sida uu sheegay wasiirka amniga Puntland.

    Cabdisamad Maxamed Gallan, Wasiirka amniga Puntland ayaa asaguna sheegay in Puntland ay ku biireyso dagaalka adag ee Galmudug kula jirto Al-Shabaab, isagoona xusay in marnaba maamulkooda uu kala tashan doonin dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

    Si kastaba, Ma aha markii u horeysay ee maamulada Puntland iyo Galmudug ay heshiis ku gaaran iskaashiga dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, hase yeeshe waxa uu midkaan noqonaya midkii ugu cuslaa ee ciidamada labada maamul si wada-jir ah u fuliyaan.

    The post PUNTLAND iyo GALMUDUG oo gaaray heshiis cusub appeared first on Caasimada Online.


  11. Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buule Gareed oo maanta warbaahinta kula hadlayey degmada Garbahaarey ayaa soo saaray baaq deg-deg ah oo uu ku dalbanayo in la joojiyo dagaal xoogan oo ka dhashay xiisad u dhaxeysay labo beelood.

    Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya degaanka Bohol-Garas inay si deg-deg ah u joojiyaan dagaalka, ayna ku xaliyaan xiisada ka dhaxeysay miiska wada-hadalka si xal kama dambeys ah looga gaaro dagaalkaas.

    Waxa uu carabka ku adkeeyay in dagaalka ay dad ku dhintaan maahine uusan waxba soo kordhineyn, wuxuuna ugu baaqay odayaasha dhaqanka degmada Doolow inay u kala dab-qaadan oo kala dhex-galaan dhinacyada dagaalamaya.

    Hadalka Guddoomiyaha ayaa imanaya ayada oo saacadihii la soo dhaafay uu dagaal Beeleed ka dhacay degaanka Bohol-Garas oo hoostaga degmada Doolow.

    Si kastaba, waxaa xiligan degan xaalada guud ee deegaanka Bohol-Garas ee degmada Doolow oo uu ka dhacay dagaalka u dhaxeeya labada beelood, hase yeeshe waxaa walaac laga muujinaya in mar labaad uu dib u istaadhmo, maadama ay weli taagan tahay xiisada u dhaxeysay beelahaas.

    The post Guddoomiyaha Gedo oo soo saaray baaq deg-deg ah iyo xiisad xooggan oo taagan appeared first on Caasimada Online.


  12. Booliska Heyti ayaa sheegay inay xireen dhaqtar ay rumeysan yihiin inuu yahay eedeysane muhiim ah oo la tilmaamay in uu ka dambeeyay abaabulka dilkii todobaadkii hore loo geystay Madaxweyne Jovenel Moïse.

    Boliiska ayaa sheegeen in Christian Emmanuel Sanon, oo ah 63 jir u dhashay Haiti, uu ku soo galay dalka diyaarad Jet ah horraantii Juun, isagoo leh ujeeddooyin siyaasadeed oo gaar ah.

    Dakhtarka la xiray ayaa la sheegay in uu ahaa nin dhaliila siyaasadda madaxda dowladda Heyti,waxaana uu deganaa oo uu xarun ku lahaa magaalada Florida ee dalka Mareykanka.

    Madaxweynihii Heyti oo ahaa 53 jir ayaa lagu dilay gurigiisa 7dii July, waxaana dilkiisa ka dambeeyay 28 qof oo calooshood u shaqeystayaal ajnabi ah, sida ay ku warameen ciidamada Boliiska.

    Xaaska madaxweynhihii hore ee Heyti ayaa ku dhaawacantay falkaasi lagu khaarajiyay Jovenel Moïse,waxaana daaweyn loola cararay dalka Mareykanka.

    PUNTLAND POST

    The post Dhaqtar loo xiray dilka madaxweynihii hore ee Haiti appeared first on Puntland Post.


  13. 1.jpeg?resize=720%2C540&ssl=1

    Doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga maamulaya doorashada heer Dowlad goboleed ee maamulka Hirshabeelle ayaa maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

    Xilka guddoomiyaha guddiga doorashada waxaa ku tartamayay Maxamed Xasan Diini iyo Aamino Cabdullaahi Cusmaan, waxaana codeyn dhacday ka dib, guddoomiyaha guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ku guuleystay Axmed Xasan Diini, halka guddoomiye ku-xigeen loo doortay Xalliimo Maxamed Cismaan.

    Munaasabadda Doorashada waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka Heer Federal iyo heer maamul Goboleedyada.

    PUNTLAND POST

    The post Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle oo doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen appeared first on Puntland Post.


  14. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa dhawaan hirgelin doonta sharci baneynaya xariga iyo tacadiyada ka dhan ah muwaadiniinteeda qaata calanka Soomaaliya ama ku soo bandhiga meel fagaare ah ee gudaha deegaanadeeda.

    Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa shaaciyey in sharcigaas lasoo saari doono, kaasi oo dambi ka dhigaya in gudaha deegaanada Somaliland lagu qaato calanka Soomaaliya.

    “Sharci baa la soo saaraya, qofkii lagu arko in uu sito calanka Soomaaliya dambigeeda waa la qoraya, xeer baa laga soo saaraya, oo waxaa la horgeyn doona golaha cusub,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeedinayey munaasibad ka dhacday Boorama.

    Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay soo saari doonto xeer tallaabo sharci ah looga qaadayo dadka jeediya hadallada xanafta leh ee colaada horseedaya.

    Hadalka Faysal Cali Waraabe ayaa imanaya xili dhawaan dhalinyaro badan ay calanka Soomaaliya ku dhex qaateen deegaanada Somaliland, gaar ahaan magaalada Boorama, kuwaasi oo badankooda xabsiga loo taxaabay xiligii lagu jirey dabaal-degyada maalmaha xoriyada.

    Somaliland oo ayadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, ayaa haddana inta badan waxay qaada tallaabooyin lagu beegsanayo qof kasta oo taageero u muujiya Soomaaliya ama kasoo horjeesta fikirkeeda gooni-goosadka ah ee mudada badan ay ku raadineysay aqoonsiga.

    The post SOMALILAND oo sharci yaab leh dhowaan kasoo saareysa calanka Somalia (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.


  15. Kismaayo (Caasimada Online)  – Iyada oo ugu magaalada Muqdisho uu dib ugu soo laabtay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aadan socdaalkiisii Kismaayo iyo Garbahaarey.

    Axmed Ismaaciil oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Jubbaland ayaa wareysi uu siiyey Radio Mustaqbal ku shaaciyey xog ku aadan socdaalka ra’iisul wasaare Rooble ee deegaanada maamulkaasi, wuxuuna xildhibaanku sheegay inuu ahaa mid natiijo la’aana.

    Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wada-hadalladii dhex-maray Rooble iyo hoggaanka Jubbaland iyo waan-waantii socotay aysan u dhicin sidii la rabay.

    Xildhibaanka ayaa sidoo kale shaaciyey in qodobada la’isuku hayo ay yihiin arrinta dib u heshiisinta iyo sidii loo qaadi lahaa ciidamada ay dowladdu geysay gobolka Gedo.

    Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay kala hadleen ra’iisul wasaaraha sidii wax looga qaban saraakiisha nabad sugida ee gobolka ku sugan, kuwaas oo uu tilmaamay in dadka qorayaan, isla-markaana ay u bandhigeen ra’iisul wasaaraha, balse la’isku fahmi waayey.

    “Dhibaatada taagan ee u baahan in xalka loo helo waa in dib u heshiisiin la sameeyo, in la qaado ciidanka dowladda federaalka ay geysatay gobolka Gedo, in ciidamada nabad sugidda ee dadka qoraya in uu wax ka qabto, ra’iisul wasaaraha waan u sheegtay balse ma suuragelin,” ayuu wareysigan ku yiri Xildhibaanka u hadlay maamulka Jubbaland.

    Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan si rasmi ah loo guda-galiyo doorashooyinka dalka, ra’iisul wasaarahana uu shaaciyey in maamulka doorashada ee gobollada Gedo iyo Jubbooyinka looga dambeynayo dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

    Si kastaba maamulka Axmed Madoobe ayaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay wuxuu khilaaf xoog-leh kala dhexeeyey dowladda dhexe ee federaalka, waxaana la’isku qabtay dib u doorashadiisa iyo sidoo kale ciidamada ay dowladdu geysay gudaha gobolka Gedo.

    The post JUBBALAND oo shaacisay qodobadii ay R/W ROOBLE isku fahmi waayeen (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.


  16. Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay dood cilmiyeed ay si wadajir ah u soo agaasimeen EISA iyo Goobjoog News ayaa looga hadlay kor uqaadista hufnaanta hanaanka doorashada iyo khilaafadyada dhaca xilliyada doorashada.

    Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Marti Sharaf ay ka mid yihiin Xildhibaan Fowziya Xaaji Adan, Cabdi Axmed Maxmed Baafo wasiirkii hore ee beeraha soomaaliya, Marwa Sahra Maxamed Axmed oo ka socota ururada haweenka, Maandeeq Xaaji Cilmi oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka iyo Prof Xasan Sheikh Cali oo ka mid ah aqoon yahanada Soomaaliyeed.

    Xildhibaanad Fowziyo xaaji adan oo ugu horeyntii madasha ka hadashay ayaa sheegtay in dalka ay mudda dheer ugu dambeysay doorasho xor iyo xalaal ah, cabsida iyo khilaafadka jira ay sal u tahay doorashada dad ban ee dalka ka dhaceyso.

    “Soomaaliya horta waxaa doorasho sax ah oo qof iyo cod ah ugu dambeysay mudda dheer, 50 sanadood in ku siman, mudadii hadda doorashada la qabanaayay laga soo bilaabo waqtigii sheikh shariif illa manta waxaa lagu jiray doorasho dadban, khilaafaadka la hadal hayo ee mar walba laga walwalsan yahay iyo walaac waxaas oo dhanna waxaa sal u ah doorashadaan dadban”ayeey tiri xildhibaanada fowziyo xaaji aadan.

    Xildhibaanad Fowziyo ayaa sidoo kale hadalkeeda intaas ku sii dartay in dadka loo baahan yahay in ay siyaasad ahaan qaan gaaran, dalkana laga qabto doorasho qof iyo cod ah.

    “Doorashada qof iyo codka ah ee aan rabno waa doorashada laga qabto dalalka ay dagaalada ka dhacaan, loomana baahna in ay dalka oo dhan ka dhacaan” ayeey tiri xildhibaanada fowziyo xaaji aadan.

    Dhanka kale Wasiirkii hore ee beeraha soomaaliya Axmed Maxamed Baafo oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay sanadkaan rajeynayaan in madaxweynaha la doorto dalka uu gaarsiin doono doorosho qof iyo cod ah si dadka ay u helaan xaqqooda muwaadininimo.

    “Waxaan Rajaynayaa In doorahada Afsiyooni ka dhaceysa  uu ku soo baxo Madaxweyne dalka gaarsiiya Qof Cod ah”.ayuu yiri Wasiirkii hore ee beeraha soomaaliya Axmed Maxamed Baafo.

    Wasiir Baafo ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in caqabada badan ay hortaagan yihiin guddiga doorashooyinka loona baahan yahay in ay madax banaanadaan.

    “Marka la fiiriyo qabadaha uu ku shaqeynayo guddiga doorashada ma muuqato weji uu ku madax banaanaan karo”, ayuu yiri Wasiirkii hore ee beeraha soomaaliya Axmed Maxamed Baafo.

    Dhinaca kale Maandeeq Xaaji Cilmi oo ka socotay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sheegtay in doorashooyinka dalka ka dhaca ay kulduman yihiin haweenka Soomaaliyeed, xilli ay xustay in dhaqan Soomaalida uusan muhiim gaar ah siinin dumarka.

    ” Waaqaca aan ku noolnahay gabdha muhiim uma ahan, dhaqan ahaan iyo dhaqaale ahaan”, ayeey tiri Maandeeq Xaaji Cilmi oo ka socotay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka.

    Maandeeq ayaa intaas hadalkeeda raacisay in loo baahan yahay cadaalad “Soomaalida oo dhan waxaa deeqda Cadaalad haddii ay u arkaan system-ka ay ku shaqeynayaan in uu yahay mid cadaalad ah” ayeey tiri Maandeeq Xaaji Cilmi oo ka socotay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka.

    Marwa Sahra Maxamed Axmed oo iyadu ka socotay ururada Haweenka ayaa sheegtay in caqabada fara badan ay horay uga heysteen in ay gabdhaha siyaasadda iyo howlaha bulshada wax ka qabtan balse markii ay dhalinyarada wax baratay ay fududaatay in ay ay caqabadihii ka yaraadan.

    “ Annaga ka Urur bulsho ahaan caqabada badan oo inaheeysan jiray ayaa naga dagay, taasna waxaa keenay dhalinyarada Soomaaliyeed ee waxbaratay” Marwa Sahra Maxamed Axmed.

    Sahra ayaa sidoo kale sheegtay in gabdhaha Soomaaliyeed aysan niyadda iska dillin oo xaqooda loo soo dhinicinayo mar walba.

    “ Gabdhaha Soomaliyeed yeeysan niyadda iska dilin, lacagta ayeey ka qeyliyeen boqolkiiba 50% ayaa looga dhigay, kuraastooda ayaa ragga looga celiyay” Marwa Sahra Maxamed Axmed oo iyadu ka socotay ururada Haweenka.

    Ugu dambeyn Prof Xasan Sheikh Cali oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo hogaan wanaagsan si marxaladda adag looga gudbo.

     “Doorashadaan Haddii aan la helin hoggaan wanaagsan waxa laga yaaba in ay qaaddo waddo qaldan”ayuu yiri Prof Xasan Sheikh Cali.

    Aqoonyahan Xasan Sheikh ayaa sidoo kale sheegay in doorashadii 2016 dadka soomaaliyeed ay ka dhuntay fursad balse la rabo in ay hadda ka faa’ideystaan.

    “Shacabka Soomaaliyeed waxaa ka luntay afar sanno,waan in ay doortaan Madaxweyne Is badal ku sameeya Dowlanimada dalka”. Ayuu yiri “Shacabka Soomaaliyeed waxaa ka luntay afar sanno,waan in ay doortaan Madaxweyne Is badal ku sameeya Dowlanimada dalka”.

    Goobjoog News

    Halkaan Ka Daawo Barnaamijka oo Dhameeystiran 

    Source: goobjoog.com


  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa hareeyey caqabado cusub kadib markii guddiga doorashada gobollada waqooyi ay laba u kala jabeeen, kuwaasi oo kala taabacsan Rai’isul wasaara ku-xigeenka Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

    Dhinacyada kala taabacsan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa labadaba ku dhawaaqay in ay qabteen doorasho lagu soo doortay gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa. Arrintaas o durba dad badan ku qeexeen khilaaf hor leh.

    Faysal Rooble oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika ayaa BBC u sheegay in khilaafkan kasoo dhex ifbaxay guddiyada doorashada gobollada waqooyi uu saameyn ku yeelan karo heshiiskii la gaaray arrimaha doorashada maadama mid kamid ah qodobada haatan uu khilaaf hareeyay.

    “Khilaafkan saameyn wuu ku yeelan karaa heshiiska doorashada waxyeello weyn wuu u keeni karaa, haddii la rabo in doorashada ay xaq noqoto waa in heshiiskaa hore gacan rimis laga ilaaliyo”

    Dhinaca Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegeen in Xubnaha Guddiga Maamulaya kuraasta labada aqal ee Somaliland ay doorteen shir gudoon cusub, islamarkana gudoomiye loo doortay Khadar Xariir Xuseen.

    Warqad shalay uu shaaciyay xafiiska guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in ‘liiska kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare ku xigeenka uu yahay mid hal dhinac u xaglinaya oo aanan caddaalad aheyn”

    Waxay ku baaqeen in xubnaha qaar laga saaro maadama ay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin shaaqalaha dowladda iyo ciidanka.

    “Arrinta waqooyiga waa arrinta hadda lagu baratamayo oo kooxda kali ah ee la rabo in lagu kala badiyo ama dhinac ay raacaan waa kooxda waqooyiga iyo kuraasyadooda oo hadda aanan u muuqan in cid ay heysato, ciddii si uun ku hesha gobollada waqooyi waxaad mooddaa in dhinac ay wax u dheelitiri doonaan natiijada soo bixi doonta,” ayuu yiri Faysal Rooble.

    “Waxaa umadda Soomaaliyeed u fiican in tan waqooyigana laga heshiiyo wixii hore ee lagu heshiiyay lagu daayo”

    Faysal Rooble wuxuu qabaa in guddoomiyaha guddiyada doorashada ay saameyn weyn ku leeyihiin natiijada sidaas darteedna cid kasta ay ku qasban tahay in ay dhankeeda loollanka ka gasho.

    “Guddoomiyaha kooxdan iyo guddiyada doorashada kormeerka ka ah waxay aad iyo aad waxyeello ugu yeelan doontaa sida loo weecin karo natiijooyinka qaarkood laakin waxa saameyn ah ayuu leeyahay qofkii noqonaya guddoomiyaha guddiyada doorashada.”

    “Loolanka waxaa weeye ma aha shakhsiga ee waxaa weeye culeyska iyo gacanta culus uu yeelanayo xafiiska shakshiga noqon doono guddoomiyaha..hasa ahaatee waxaa fiican in axdiyo lagu xiro in qodobo loo dejiyo si loo xakameeyo awoooda uu leeyahay guddoomiyaha si aanu dhinac uga eexan,” ayuu yiri Faysal Rooble.

    Waxaa socday muddooyinkii u danbeeyey dedaallo dhawr ahr oo lagu xallinayo khilaaf dhanka xulista xubnaha waqooyiga oo u dhaxeeyey Raysalwasaare Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi, kuwaas oo ay markii ay labadooduba soo wada magacaabeen guddidan u muuqatay mid la xalliyey oo laga gudbay. Khilaafkan se cusub ayaa u muuqda in xaalka weli halkii taagan yahay.

    The post Khilaafyo iyo caqabado hor leh oo hareeyey doorashada Somalia, dibna u dhigi karta appeared first on Caasimada Online.


  18. (SLT-Dubai)-Saraakiisha Imaaraadka waxa ay sheegeen inay maalinta arbacada ee soo socota si rasmi ahaan Safaaradooda uga furan doonaan Caasimadda Israel ee Telviv.

    Madaxweynaha Israa’iil, Isaak Herzog ayaa la sheegay inuu goobjoog ka noqon doono Munaasabadaasi.

    Ergada Diplomaasiyiinta Israel waxay tan iyo bishii January ee sannadkan ka hawl-galayeen dalka Imaaraadka, iyadoo isbuucii hore la furay dhismaha Safaraadda Israel ku leedahay Imaaraadka Carabta.

    Wasiirka Arrimaha Dibedda Israel, Yair Lapid waxa uu dabayaaqadii bishii hore ee June socdaal ku tegay dalka Imaaraadka, isagoo goobjoog ka noqday Furitaanka Qunsulliyada Guud ee Israa’iil ee magaalada Dubai.

    Dabayaaqadii sannadkii hore, Dowladaha Imaaraadka, Moroko iyo Sudan waxay xiriir Diplomaasiyadeed la saxiixdeen Israel, kadib, markii uu Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump Galaangal u galay Heshiiskii the Abraham Accords si loo caadiyeyn lahaa Xidhiidhka Israa’iil iyo dalalka Carabta.

    Source


  19. Allaw alle

    Walee caawoo kale uun. Buu geeraar ii egyahay

    Qisaba qisay keentaaye

    Beribaa reero meel yaal. Col galay waxay xoolo

    Geel iyo gamaanba haysteen waxba lagama. Tegin

    Beesha abaan duulaheedii ayaa kasamri waayey faras. Aad u qiimo badnaa oolaga dhacay

    Faraska waxaa saami u. Helay. Abaan. Duulihii

    Colkii wax. Dhacay. Oo il. Waxka. Qabay

    Loona yaqaanay. Ilaw

    Farasku. Fardaha. Wuu ka. Tilmaanaa

    Odaygii. Ilaawe. Habeenkii. Kolkuu seexday

    Intuu. Koorihii. Kafuray. Buu. Barkaday

    Faraskiina. Wuu. Dooday

    Faraskii habeenkii. Buu. Baxsaday

     Faraskii. Alle wuu soo nabad. Geliyey

    Isagoo. Xadhigii. Jiidanaya wuxuuna. Ugalay.

    Qabiil. Yar. Oo. Aan. Badnayn

    .abaanduulihii.faraska.lahaa.ayaa.loo sheegay

    Faraskiisii. Isagoo. Kuxidhan.duleedka

    Ninkii.uu.ugalay.farasku

    Si.hawl.yar ayuu. Faraskiisii ugu. Yimi degdeg. Buu. Jaraha.u. Geliyey oo. Qoofalkii. Ka furay

    Kolkaas. Wuxuu tiriyey  GeerarkanCaanka. Noqday

    .

    Isaga. Oo. Aad. Ugu. Farxay faraskiisii

    Oo. Dhib. Yaraan. Ugu. Soo. noqday

     Ilaahii odaygii. Isha goofa. Lahaa

    Agabtaw. Barkiyoow

      Ilaahii. Bali. Wayn. Mariyee oomanaha. Kaduwoow

    Axmed kaan. Kadhashiyo. Ninkastoo.

    Amarwayn waysku. Eedilahayne

    Ilaahii. Odala ugashaw. Adigaa. Mahadaa leh

    Haatan. Caawa. Way ii ahaatay. Inaan. Geeraaro

    Cirku. Haduu. Doono inuu curto. Laftaa. Badisa

    Saaxiibkay. Biixi. In. Wakhtigu. Kajanjeedho

    Waxaad. Kugarataa

    Labdii. Inagoogaar. Ee. Iyaga. Oo. Aan

    Dawladii waxba. Laqaban. Xildhibaanadoodii

    Lasoo. Baxay. Waa cali. Mareexaan. Iyo

    Xildhibaan. Ibraahin. Caraale

    Ee. Anagana. Culayska. Naguhayey

     Marhaduu. Yidhi. Hawsha. Faraha. Ugaqaada

    Qoladaan. Ubixiyey hargamadhan. Sidayaal

    Ee hal xildhibaan lasoo. Bixiwaayey. Iyagoo. Wasiiro. Ah. Ilaahow adigaa mahadaa. Leh

    Ma. Caawaanu. Labaatan. Xildhibaan. Haynin

     Oo. Ay.. Ooda. Soo jebiyeyeen xildhibaanadii. Kulmiye ku. Wii. Mucaaradka. Iskadaayoo

    Ma. Caawaan. Ku. Geeraarayaa

    Waxaan. Uubateeyaba tokay. Ooda. Soojebiye

    Source


  20. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Soomaaliya, wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa gaadhi nooca raaxada ah u dirtay Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, oo ka mid noqday Golaha Wakiillada ee Somaliland.

    Xildhibaan Barkhad ayaa gaadhigiisa iibiyay intii uu socday olalahiisa doorashada, isaga oo lacagtii kasoo baxday siiyey shaqsiyaadkii sida naf hurka ah ugu coddeeyay 31-kii May, gaar ahaan haweenay ayadoo ku jirta safkii codeynta si ay ugu codeyso ku umushay

    Sidoo kale xoggo ay baahinayaan warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Muqdisho oo ay Somalilandtoday ka soo xigatay warkan ayaa tilmaameysa in Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ay Xildhibaan Barkhad u soo dirtay lacag ka badan 15 kun oo dollar si uu iskaga bixiyo lacag deyn ah oo ku baxday olalahiisa doorashada.

    Wasiirka gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye oo ay isku beel yihiin Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun ayaa Muqdisho dhowr jeer ku qabatay xaflado ay ugu dabaal dageyso guusha Xildhibaan Barqad.

    Khadiija iyo Barqad ayaa labaduba kasoo jeeda beelaha ay Soomaalida takoorto, waxaana guusha Barkhad aad usoo dhoweeyey Soomaali badan oo rumeysan in dadku wada siman yihiin.

    Source


  21. (SLT- South Africa)-Dibadbaxyo rabshado iyo bililiqo wata ayaa waxa ay ka dillaaceen laba Gobal oo ka tirsan dalkaasi, oo looga soo horjeedo xabsiga lagu xukumay Madaxweynihii hore, Jakob Zuma.

    Taageerayaashiisa waxay jidgooyo ku xanibeen Waddooyinka, iyagoo boobaya goobaha Ganacsiga.

    Dibadbaxyada waxay ka bilowdeen Gobalka KuwaZulu Natal, kadibna waxay ku fideen Gobalka kale ee Gauteng oo ay qeyb ka tahay magaalada ugu weyn dalkaasi ee Johannesburg.

    Dhinaca kale, Boliska dalkaasi waxay sheegeen inay ugu yaraan 62 qof u soo xidheen Rabshadaha iyo Boobka ka socda Goballada ay ku badan yihiin Taageerayaasha Madaxweynihii hore, Jakob Zuuma oo ay u bilaabantay Xabsi 15 bilood ah.

    Maydka Nin 40 jir ah oo gubtay ayaa laga dhex helay goobtiisa Ganacsiga, waxayna Boliska baadhayaan sababaha ku gedaaman dilkaasi.

    Sidoo kale, ugu yaraan 3 Saraakiil Bolis ayaa la dhaawacay oo mid ka mid ah la dhigay cisbitaalka, xilli ay Ciiddanka doonayeen inay ka hortagaan falalka Bililiqada.

    Source


  22. Washington (Caasimada Online) – Wargeyska Caalamiga ah ee Foreign Policy oo wax ka qora siyaasadda Arrimaha dibedda ee dalalka Adduunka, ayaa baahiyey warbixin dheer oo Weriye wax ka qorta Siyaasadda Arrimaha dibeddu ay kaga faallootay dedaallada Ictiraaf-raadineed ee Somaliland.

    Lynsey Chutel oo ah haweenay Weriye ah oo wax ka qorta siyaasadda Arrimaha dibedda, fadhigeeduna yahay Magaalada Johannesburg ee Caasimadda dalka Koonfur Afrika, ayaa maqaal dheer oo ay ku baahisay Wargeyska Foreign Policy, waxay ku sheegtay in Somaliland muddo 30 sanadood ah dunida ugu baaqaysay inay Ictiraafaan Madax-banaanideeda, iyadoo soo bandhigaysa waxqabadyo ay ka mid yihiin doorashooyin tilmaan u ah hanaanka dimuqraadiyadeed ee ay hirgelisay.

    “Muddo 30 sano ah, Somaliland waxay ku baaqeysay madax-bannaanideeda, iyadoo ah sida Qaran Madax-banaan,” ayay sheegtay Lynsey Chutel, waxayna intaa ku dartay in xilli Soomaaliya waajahday dhibaato dimuqraadiyadeed la’aan, halka ay Somaliland soo bandhigtay waxqabad muhiim ah, kaasi oo ah ballaadhinta Dekedda Berbera oo ku taalla meel istaraatiiji ah “Hadda, iyadoo Soomaaliya ay waajahday dhibaatooyinkii Dimuqraadiyad la’aaneed, Somaliland waxay soo bandhigtay Qaybta Koontiinnarrada ee Dekedda Berbera oo ku taalla meel istaraatiiji ah.”

    Waxay Warbixintu sheegtay in Somaliland u aragto Doorashooyinka ay qabatay ee Baarlamaanka iyo Goleyaasha deegaanka wax Beesha Caalamka u muujin kara awooddeeda dhaqaale isla-markaana ay mudan tahay in Beesha Caalamku ictiraafto.

    Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka Bashiir Good oo Warbixinta uu Wargeysku qoray lagu soo qaatay ayaa sheegay in Somaliland aanay halkii loo baahnaa gaadhin, balse ay aamisan tahay inay jidkii saxda ahaa hayso “Ma lihin waanu wada wanaagsan nahay, balse waxaanu leenahay waxaan ku soconaa waddada saxda ah,” ayuu yidhi Bashiir Goth, waxaanu intaa ku daray in doorashadu hawlaha Somaliland qabatay ay qayb uun ka tahay, balse ay jiraan meelo kale oo ay Somaliland wax fiican ka qabatay “Doorashadu waa hal shay, laakiin waxaa jira meelo aanu si fiican uga shaqaynay, sida Amniga iyo waxyaabo kale, sidaasi darteed waxaanu rajeyneynaa inaanu Beesha Caalamka ka helo Aqoonsi, Waayo? markaa waxaanu awood u yeelan doonaa inaan noqono xubin wanaagsan oo ka tirsan bulshada caalamka..”

    Wargeyska ayaa sidoo kale ka hadlay waxa Aqoonsi raadinta Somaliland uu yeeli karo Aragtida Dalalka Midowga Afrika qaarkood qabaan ee ah haddii Somaliland la aqoonsado inay jiri karaan dalal Afrikaan ah oo Gobollo ka mid ahi Madax-banaani dalban karaan.

    “Sannadkii 1991-kii, hoggaamiyeyaashii Somaliland waxay go’aansadeen inay Madax-banaanidooda kala baxaan Soomaaliya, waxayna samaysteen siyaasad leh dhammaan astaamaha dawladnimo, lacag, baasaboor, iyo Madaxweyne u gaar ah. Waxay leedahay maalin qaran oo sannad kasta loo dabbaal-dego go’aankii Gooni isku taagga..” ayuu sheegay Wargeysku, waxaanu intaa ku daray in Aqoonsi Somaliland hesho ay dib u dhigayaan Dawladaha reer Galbeedka qaarkood.

    Warbixinta uu Wargeysku daabacay oo sii socota, ayaa intaa ku dartay in Somaliland sii waddo dedaalkeeda Ictiraaf-raadinta, laakiin dalal ay ka mid yihiin Maraykanka iyo kuwo kale ee Reer Galbeedku ay arrinta Somaliland dib u dhigayaan, Midowga Afrikana aanu go’aan ka gaadhin.

    The post Foreign Policy: Mareykanka ayaa diidan in Somaliland ay aqoonsi hesho + Sababta appeared first on Caasimada Online.