-
Content Count
213,026 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur oo ka faalooda Ciyaaraha gudaha iyo dibadda ayaa waraysi uu siiyay Goobjoog Sports wuxuu kaga hadlay arimo badan,Ugu horeyn falanqeeye Cabdullahi Faarax wuxuu ka hadlay tababare Cabdi Joon oo ka tagay kooxda Raadsan oo hogaaminayay shantii bil ee la soo dhaafay. “Tababare Cabdi Joon waa mid ka mid ah macallimiinta ugu wanaagsan kubbadda cagta wuxuu soo maamulayay kooxo badan, balse dhamaan naadiyadii soo hogaamiyay wuxuu gaarsiiyay guulo waaweyn, isagoo soo saaray ciyaartooy Rayo wanaagsan” ayuu Goobjoog Sports u sheegay falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur. Dhinaca kale gorfeeyay Cabdullahi Faarax wuxuu hambalyo Guddoomiyaha cusub ee mar labaad loo doortay hogaanka Xiriirka Kubbadda Cagta Gobolka Gedo ,isagoo kula dardaarmay in uu horomariyo dhalinyarada iyo isboortiga Gobolka gedo ee Jubaland. “Mudane Guddoomiye Maxamed Cabdi Nuur waxaan kugu hambalyaynaa guusha aad mar labaad ka gaartay hogaaminta Xiriirka Kubbadda Cagta, runtii waa shaqo adaa waxaan kaa sugaynaa in aad Gobolka gaarsiiso horomar adiga oo kaashanaya bulshada iyo Maamulka Jubaland” ayuu hadalkiisa soo raaciyay Cabdullahi Faarax Daguur oo si weyn u gorfeeya Ciyaaraha. Dhawaan Magaalada Muqdisho waxaa tababar ka bilaaway Xulka Da’yarta Kubbadda Cagta Soomaaliya kuwaas oo ka aeyb galaya tartanka Da’yarta Carabta ee ka dhacaya Wadanka Marrocco, waxaana kasoo muuuqday ciyaaryahan Maxamuud Sarqaawi iyo laacibiin kale oo ka soo baxay tartankii Maamul Goboleedyada 2020. “Ciyaarahan Maxamuud Sarqaawi iyo xidigaha kale ee nasiibka u helay Xulka Da’yarta waxaana ka sugaynaa in ay la yimaadaan bandhig sare, isagoo dhalinyarada ku dardaarmay in ay ilaaliyaan aqlaaada” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur. Daawo Falanqeyee Daguur Oo Ka Hadlay Arrimo Badan Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Daguur Cabdulaahi Faarax Daguur ” Ciyaartooyda Xulka Qaranka Soomaaliya Waxay U Baahanyihiin Tababaro Joogta ah” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Dhuusamaraabe (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleedka ee Galmudug ayaa ka hadlay qabashada doorashooyinka dalka ee 2021, gaar ahaan kuraasta Golaha Aqalka Sare ee taalla magaalada Dhuusamareeb ee caasimada gobolka Galgaduud. Ugu horreyn guddiga ayaa codsi la xiriira qabashada doorashada Aqalka Sare u diray madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), si loo soo xulo kuraasta ay dowlad goboleedka Galmudug ku leedahay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Guddiga doorashada Galmudug ayaa si gaar ah uga codsaday madaxweyne Qoor Qoor inuu soo gudbiyo liiska xubnaha musharraxiinta, si loo guda-galo qabashada doorashada. “Waxaan halkan kuugu soo gudbineynaa codsi mudane madaxweyne inaad soo gudbiso liiska magacyada xubnaha musharraxiinta (Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya),” ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday guddiga doorashada Galmudug. Sidoo kale guddiga ayaa xasuusiyey madaxweynaha in haatan lagu guda jiro waqtigii doorashada, loona baahan yahay in si rasmi ah loo guda-galo doorashooyinka dalka. “Mudane madaxweyne, iyada oo lagu guda jiro waqtigii doorashada, mas’uuliyadna tahay in aan gudano howsha qaran ayaa kuugu soo dirnay codsigan,” ayuu lagu sii yiri qoraalka. Dalabkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay Jubbaland billowday qabashada doorashada Aqalka Sare, sidoo kalena Koonfur Galbeed ay shaacisay liiska musharraxiinta Aqalka Sare. Si kastaba maamullada harsan ayaa waxaa looga fadhiyaa inay dadajiyaan doorashada, gaar ahaan tan xildhibaanada labada Gole, si loo dhaqan-geliyo heshiiskii doorashada. The post Guddiga doorashada GALMUDUG oo dalab xasaasi ah u diray Qoor Qoor appeared first on Caasimada Online.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka dagaal iyo duqeyn is barbar socda ay ka dhaceen qeybo ka mid ah koonfurta Mudug, waxaana weerarkan lagu beegsaday Al-Shabaab. War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda amniga Galmudug ayaa lagu faah faahiyey weerarkaasi, waxaana lagu sheegay in si gaar ah loola bartilmaameedsaday saldhig ay kooxda Al-Shabaab ku leeyihiin inta u dhexeysa deegaanada Qaycad iyo Hareere Dheere. Sidoo kale Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada huwanta ay gudaha u galeen saldhigga la duqeeyey oo ahaa mid ay ‘ku dhuumaaleysanayeen xoogaga Al-Shabaab. “Dagaal iyo duqeyn dhanka cirka ah ayaa ka dhacday saldhig kale oo kooxda Shabaab ay ku lahaayeen aagga u dhexeeeya Qeycad iyo Hareere Dheere, iyada oo ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug ay hadda galeen saldhigga la duqeeyey,” ayaa lagu yiri qoraalka. Weerarkan dhanka cirka ah ayaa noqonaya kii saddexaad oo ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyaan koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha dalka oo ay howl-gallo ka wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dowlad goboleedka Galmuudg. “Duqeynta saakay ayaa noqoneysa tii saddexaad oo deegaanada koonfurta Mudug ka dhacda saddexdii todobaad ee la soo dhaafay, ayadoo argagixisada Shabaab ay soo waajahday xaalad adag iyo dagaal qaraar,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ah. Wasaaradda amniga Galmud warsaxaafadeedkeeda kuma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, marka laga reebo inay cagta mariyeen saldhigii Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa qeybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. The post Dagaal iyo duqeyn is barbar socda oo ka dhacay koonfurta MUDUG appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Daraawiishta Galmudug oo dhinac ah iyo dagaallamayaasha Al-shabaab ayaa ka socda Koonfurta Mudug. Dhinacyada ayaa ku dagaallamaya miyiga degaanka Qaycad oo ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug kadib markii ay halkaas weerar ku qaadeen ciidamada dowladdu. Weli faahfaahin lagama helin khasaaraha kala gaaray labada dhinac oo muddooyinkii u dambeeyay ku dagaallamayay degaanno ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug. Wararku waxay sheegayaan in duqayn dhanka cirka ah oo lagu beegsanayo Al-shabaab ay garab socoto dagaalkaas. PUNTLAND POST The post Dagaal culus iyo duqaymo ka socda Koonfurta Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa madaxweynaha galmudug ka codsaday in uu soo gudbiyo liiska musharixiinta Aqalka sare. War qoraal ah oo ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in waqtiga doorashada uu gabaabsi marayo loona baahan yahay in la qabto doorashada aqalka sare. Hoos ka akhriso guddiga ka soo baxay Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa laga dareemayaa qaban-qaabadii ugu dambeysay qabashada doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee ka imaanaya dhanka Koonfur Galbeed. Diiwaan-gelinta musharraxiinta u taagan ka mid noqoshada Golaha Aqalka Sare ee afarta sano ee soo socota ayaa maanta ka bilaabaneyso gudaha magaalada Baydhabo, sida uu shaaciyey guddiga doorashooyinka u qaabilsan dowlad goboleedka ee Koonfur Galbeed. Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in doorashada shanta kursi ee ugu horreyso Aqalka Sare ee maamulkaasi la qabanayo labada bishan August oo ku beegan maalinta beri ah. Sidoo kale liiska musharraxiinta uu soo gudbiyey madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa ah toban musharrax oo afar ka mid ah ay yihiin haween, waxayna kala yihiin:- Aadan Cabdinasir Maxamed iyo Maxamed Xasan Aadan, Dr. Xuseen Maxamed Daahir iyo Xasan Maxamed Nuur, Zamzam Ibrahim Cali iyo Shariifo Xaji Cusmaan lbraahim, Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabeey) iyo Nuur Baabul Cadow, Ayaan Aadan Cabdullahi iyo Farxiyo Nuur Aadan. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay goobaha muhiimka ah ee magaalada, gaar ahaan xarunta ay ka dhaceyso doorashada. Koonfur Galbeed ayaa noqoneyso maamulkii labaad ee qabta doorashada Aqalka Sare kadib maamulka Jubaland oo qabtay Khamiistii la soo dhaafay. Dhinaca kale maamullada kale ee Galmudug, HirShabelle iyo Puntland ayaa looga fadhiyaa inay guda-galaan qabashada doorashada Golaha Aqalka Sare, si looga faa’iideysto waqtiga yar ee ka haray qabashada doorashada 2021-ka oo soo martay marxalado kala duwan. Doorashada Aqalka Sare, kadib ayaa waxaa sidoo kale la bilaabi doonaa tan Golaha Shacabka, waxaana kusii xigi doono sida uu qorshuhu yahay tan madaxweynaha. The post Wararkii ugu dambeeyey doorashada Golaha Aqalka Sare ee Koonfur Galbeed appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Bangiga dowladda Puntland. Bangiga waxaa dhistay dowladda Puntland iyadoo uu hore u dhagax dhigay madaxweyne Deni 3-dii March 2020, sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada. Warka ayaa sidoo kale xusay in dhismaha xaruntan kharashaadka lagu fuliyay laga helay beekhaaminta dakhliga dowladda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee Bankiga dowlada appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Berbera)-Shirkadda DP WORLD ee Maamuusha Dekedda Berbera ee Somaliland, ayaa doonaysa inay u beddesho Magaalada dekeda leh ee Berbera xarunta Warshadaha, iyo Saadka ee Geeska Afrika isla-markaana laga Daabulo Xamuulka u socda dalka Itoobiya. Sidaa waxa lagu sheegay War-bixin dheer oo Warbaahinta All Africa ka qortay Horumarika ay ku socoto Dekedda Berbera, taasi oo qorshaha DP WORLD ka leedahay inay noqoto Deked Waraabisa Dalalka aan badda lahayn ee Geeska Afrika. Shirkadda DP WORLD oo kaashanaysa dawladda Somaliland, ayaa dhawaan furtay Terminal-ka cusub ee Dekedda Berbera ee Koontiinarada, iyada oo ay weli socdaan hawlo lagu sii ballaadhinayo awoodda terminal-ka. Madaxa Fulinta ee DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem, wuxuu sheegay in Dekedda Berera ay udub-dhexaad u tahay kor u qaadida tartanka ganacsiga Adduunka, isagoo intaa ku daray in kaabayaasha dhaqaaluhu ay muhiim u yihiin dib u soo kabashada dhaqaalaha Somaliland iyo Geeska Afrika, ka dib Xanuunkii Dunida sida weyn u saameeyay ee COVID-19. “Wejigii koowaad ee balaadhinta dekedda Berbera waxay bilaabantay bishii Oktoobar 2018, markii aniga iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, aanu u gogol xaadhnay si aanu u bilawno dhismaha. Kaliya laba sano iyo badh ka dib, waxaanu haysannaa hanti casri ah, oo heer caalami ah oo casri ah oo gacan ka geysanaysa hagaajinta waxqabadka iyo wax soo-saarka, si loo daboolo baahida sii kordheysa.” Ayuu yidhi Madaxa fulinta ee DP WORLD, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu sharraxay awoodda Terminaalka cusub ee Dekedda Berbera “Terminalka cusub wuxuu ka kooban yahay 400 mitir iyo saddex wiish, wuxuu awood u leeyahay inuu maareeyo maraakiibta sida Koontiinarrada ugu waaweyn ee maanta shaqeeya, wuxuu kordhinayaa awoodda dekedda oo hadda ah inay sannadkii ka soo degaan 150,000 koontiinar, inuu ka dhigo 500,000 Koontiinar sannadkii.” Madaxa Fulinta ee DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem, waxa kale oo uu sheegay in si loo kordhiyo awoodda dhaqaale ee istaraatiijiga ah ee magaalada Berbera iyo faa iidooyinka ka soo bixi doona, ay Magaalada Berbera leedahay Awooddii ay kula tacaali lahayd korodhka ku imanaya ganacsiga. Wuxuu sidoo kale, waxa in Shirkadda DP World ay si xawli ah u horumarinayso Aagga Dhaqaalaha Berbera, waxaanu sheegay in Aagga dhaqaalaha ee Berbera loo qaabeeyay sida Qaabka sida ka Dekedda Jebel Ali “Waxaa loo qaabeeyey (Aagga Dhaqaalaha Berbera) sida Jebel Ali Free Zone (Jafza), oo ah aaggayaga xorta ah ee Dubai, taasina waxay siin doontaa maalgashadayaasha maxalliga ah iyo kuwa ajaanibta jewi ku habboon oo ah tartan maalgashi iyo ganacsi..” ayuu yidhi Sultan Ahmed Bin Sulayem, isagoo intaa sii raaciyey in Aagga xorta ee dhaqaalaha oo lagu daray awoodda korodhay ee horumarinta dekedda Berbera, ay sidoo kale taageeri doonto Somaliland oo si xawli ah u koraysa iyo Itoobiya oo doonaysa nay xoojiso tartanka dhoofinta ee wax soo-saarkeeda. Source
-
(SLT-Tunisia)-Afhayeenka baarlamanka Tunisa Rashid Al-Ganushi ayaa Imnaaraadka Carabta ku eedeeyey inay ka dambeeyaan afgambiga dalkiisa, kadib markii madaxweyne Qays Saciid uu hakiyey baarlamanka, lana wareegay awoodda fulinta. Al-Ganushi ayaa u sheegay wargeyska The Times, in Imaaraadka ay ka go’neyd “inay soo geba-gebeeyaan” Guga Carabta oo ah kacdoonkii 2011 xukunka lagaga tuuray qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha dalal ka mid ah Bariga Dhexe iyo Waqooyi Afrika. “Imaaraadka Carabta waxay qaateen fikradda ah in Guga Carabta uu ka dhashay Tunisia, ayna tahay inuu ku dhinto Tunisia,” ayuu yidhi Rashid Al-Ganushi. Waxa uu intaas ku daray in Imaaraadka Carabta ay halis u arkaan Islaamka dimoqraadiga ah ee xisbigiisa Al-Nahda ay hoggaanka u hayaan. Waxa uu intaas ku daray in Tunisia aysan ka dhici doonin wax la mid ah wixii Masar ka dhacay 2013-kii, markaasi oo millatariga ay xoog kula wareegeen awoodda, ayaga oo taageero ka helaya Imaaraadka Carabta. “Tunisia ma ahan Masar. Waxaa jira xidhiidh ka duwan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda,” ayuu Al-Ganushi. “Halkan wixii ka dambeeyey kacdoonka, ciidamada waxay ilaaliyeen xoriyadda iyo coddeynta.” Qays Saciid ayaa Axaddii qaaday tallaabo lama filaan ah isaga oo xilka ka qaaday ra’iisul wasaarihii, sidoo kalena hakiyey baarlamanka, taasi oo lagu macneeyey afgambi muuqda. Tunisia ayaa ahaa dalka kaliya ee kacdoonkii Carbeed uu hoggaamiyey dimoqraadiyad, waxaana tan iyo 2011 ka jira nidaam dimoqraadi ah oo shaqeeya. Al-Ganushi ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta ay sidoo kale ka werwersan yihiin heshiiska nabadeed ee dalka Libya, kaasi oo hoggaamin kara dowlad dimoqraadi ah. “Aad ayey uga cabsadaan dimoqraadiyadda, waxaana welwelkoodu yahay inay ku baahdo gobolka Carbeed oo dhan,” ayuu yidhi. Source
-
(SLT-Laascaanood)-Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo xalay mas’uul reer Somaliland ahaa loogu geystay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Wararka ayaa sheegaya in dilka loo geystay guddoomiyihii doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sool, Cabdullaahi Laba-Go’le, kaas oo ay toogasho ku dileen kooxo hubeysan. Ilo wareedyo ayaa sheegtaya in ragga toogashada fuliyey ay goobta iskaga baxsadeen, kadib dilka marxuumka. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inay goobta gaadheen, kadibna ay howl-gallo ka sameeyeen aagga uu dilku ka dhacay. Sidoo kale illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee loo beegsaday mas’uulkaasi iyo sidoo kale cidda ka dambeysa dilkiisa. Saraakiisha ammaanka Somaliland oo ka hadlay dilka marxuum Cabdullaahi Laba-Go’le oo ahaa guddoomiyihii guddiga doorashooyinka ee gobolka Sool ayaa shaaca ka qaaday inay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyey dilka mas’uulkaasi, ayna cadaaladda horkeeni doonaan. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ahna guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka ayaa soo saaray amar ku socda musharraxiinta ka qeybgalaya doorashooyinka ka dhacaya dalka. Xijaar ayaa soo jeediyey in la baaro qof kasta oo musharrax ah iyo ergooyinka wax dooranaya, si loo ogaado inay dambi ka galeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in baaris kadib ay u gudbin doonaan ra’iisul wasaaraha oo ah mas’uulka ugu sarreeya doorashada, si uu ula wadaago golaha wada-tashiga qaranka. “Qof kasta oo musharrax ah iyo qof kasta oo ergooyinka wax dooranaya ah waxa aan soo jeedinayaa in la baaro oo la ogaado inay dambi ka galeen Ummadda Soomaaliyeed waxaana u geyneynaa ra’iisul Wasaaraha si uu ugu sii gudbiyo golaha wada-tashiga qaran” ayuu yiri. Dhinaca kale wuxuu soo hadal-qaaday eedeyn loo jeediyey taliska Booliska oo ah inuu ka horyimid musharraxiin warqadda dambi la’aanta ka dalbaday xarunta C.I.D, isaga oo qiray inay jiraan shaqsiyaad musharraxiin ah oo tegay xarunta, balse aysan jirin is hortaag lagu sameeyey. Xijaar ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in aysan jirin cid la siiyey warqadaasi, isla-markaana ay ku shaqeynayaan nidaamka u degsan dowladda Soomaaliya. “Cid aanu siinay waraaq hala soo helo, taasi waxa ay muujineysaa in aanay jirin cid aan siinay iyo kuwo aan u diidnay, C.I.D-du way tageen dad badan oo musharraxiin ah oo raba in ay tartamaan balse waxa aan ku shaqeynaa nidaamka Dowladda oo ma nihin siyaasiyiin” ayuu hadalkiisa sii raaciyey taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan ay si rasmi ah u bilaabatay doorashada Soomaaliya, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. The post Xijaar oo soo saaray amar ku socdo musharraxiinta iyo ergada wax dooraneysa appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka maamulka Koonfur galbeed ka bilaabmaya diiwaan gelinta musharixiinta Aqalka sare. Guddiga doorashooyinka ayaa kadib shaacinta liiska musharixiinta waxa ay soo saareen Jadwalka qabsoomidda 5 kursi oo ka mid ah 8 kursi ee dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ee uu ku leeyahay Aqalka Sare. Jadwalka ayaa lagu xusay in maanta oo ah 1-da bisha 8-aad ay bilaabanto bixinta shahaadooyinka musharixiinta, xilli beri lagu wado in ay dhacdo doorashada Aqalka sare. Hoos ka akhriso jadwalka iyo magacyada musharixiinta Source: goobjoog.com
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo xalay mas’uul ka tirsanaa Somaliland loogu geystay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in dilka loo geystay guddoomiyihii doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sool, Cabdullaahi Laba-Go’le, kaas oo ay toogasho ku dileen kooxo hubeysan. Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa Caasimada Online u sheegtay in ragga toogashada fuliyey ay goobta isaga baxsadeen, kadib dilka marxuumka. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inay goobta gaareen, kadibna ay howl-gallo ka sameeyeen aagga uu dilku ka dhacay. Sidoo kale illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee loo beegsaday mas’uulkaasi iyo sidoo kale cidda ka dambeysa dilkiisa. Saraakiisha ammaanka Somaliland oo ka hadlay dilka marxuum Cabdullaahi Laba-Go’le oo ahaa guddoomiyihii guddiga doorashooyinka ee gobolka Sool ayaa shaaca ka qaaday inay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyey dilka mas’uulkaasi, ayna cadaaladda horkeeni doonaan. Laascaanood oo ka mid ah magaalooyinka ee ay ka taliso Somaliland ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan, waxaana laamaha ammaanku ay ku cel-celiyaan inay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinka amni ee ka dhaca magaalaasi oo xarun u ah Sool. The post Mas’uul ka tirsanaa Somaliland oo lagu dilay Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyihii Komishanka Doorashooyinka Gobolka Sool Oo La khaarajiyey Waxa caawa Sagaalkii fiidnimo lagu dilay magaalada Laascaanood Guddoomiyihii Komishanka doorashooyinka ee Gobolka Sool Cabdilaahi Laba-go’le. Badhasaabka Sool ayaa Warbaahinta u sheegay inay Socoto baadhis iyo hawlgal ballaadhan oo lagu doonayo in lagu soo qabto ciddii dishay marxuum Cabdilaahi Laba-go’le.Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in marka baadhista laga gun gaadho Saxaafadda iyo bulshadaba loo soo bandhi doono natiijada. Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomalaiya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay tallaabadii madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee uu ku shaaciyey liiska musharraxiinta Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya iyo sidoo kale soo saarista doorashada ee xubnaha Golahaasi. Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa boggaadiyey ku dhawaaqista liiska shan ka mid ah musharaxiinta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Koonfur Galbeed Soomaaliya yo sida ay u tartami doonaan, wuxuuna sheegay in ay tahay tallaabo horey loogu qaaday doorashada. Sidoo kale waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in doorashada ka dhaceyso magaalada Baydhabo ay ku qabsoonto jawi nabdoon oo hufan, isla-markaana lagu kalsoonaan karo. “Waxaan Madaxweyne Lafta Gareen iyo guddiga doorashada Koonfur Galbeed ku bogaadinayaa soo saarista jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare iyo liiskooda, anigoo u rajeynaya in doorashadu ay ku qabsoonto jawi nabdoon oo hufan”. ayuu yiri Rooble. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale faray maamullada kale inay dadajiyaan qabashada doorashada, gaar ahaan tan soo xulista xildhibaanada labada Aqal ee Soomaaliya. Dhinaca kale diiwaan-gelinta, qabashada codsiyada iyo shubitaanka qidmooyinka ee musharaxiinta Aqalka Sare ayaa loo qoondeeyey maalinta oo ay tahay 1-da bisha August. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqon doona midkii labaad ee qabta doorashada Aqalka Sare, kadib maamulka Jubaland oo qabtay Khamiistii la soo dhaafay. Soomaaliya oo marxalado kala duwan kasoo martay doorashada ayaa haatan rajado waxay mareysaa meel wanaagsan, maadaama la guda-galay qabashada doorashada ee 2021-ka. The post Muxuu ROOBLE ka yiri tallaabadii madaxweynaha Koonfur Galbeed? appeared first on Caasimada Online.
-
Dhinacyadii maalmo ka hor ku dagaallamay degaanka SAAX-MAYGAAG ayaa weli isku horfadhiya halkaas. Labada dhinac ayaa diiddan in ay u hoggaansamaan amar ka soo baxay xukuumadda Puntland, kaas oo lagu faray in ay banneeyaan dhulkii lagu dagaallamay. Puntland ayaa sidoo kale mamnuucday degaamaynta dhul daaqsimeedka SAAXMAYGAAG iyo SANGE-JEBIY, si loo xakameeyo xiisadda colaadeed ee ka aloosan dhulkaas. Colaadda u dhexaysa labada dhinac oo ku salaysan muran dhuleed ayaa marar kala duwan dhalisay iska hor-imaadyo hubaysan. PUNTLAND POST The post Xiisad weli ka taagan degaanka SAAX-MAYGAAG appeared first on Puntland Post.
-
Maanta oo ku beegan 1-da Agoosto 2021, waxa 23 sano ka soo wareegtay markii la as’aasay dowladda Puntland 1998-dii. Puntland ayaa sannad kasta laga xusaa munaasabaddan taariikhiga ah, oo ku astaysan maalin farxadeed, islamarkaana lagu soo bandhigo guulaha ay muddadaas gaartay dowladda Puntland. Xuska 1-da Agoosto oo xambaarsan xiiso iyo xammaasad gaar ah, ayaa laga dareemaya dhammaan Gobollada Puntland, gaar ahaanna caasimadda Garoowe. Gaadiidka yar yar iyo goobaha caweyska ayaa lagu buufiyay calanka Puntland, si loo muujiyo xuska maalintan taariikhiga ah. Munaasabadda ugu weyn ee xuska ayaa sida qorshaysan Caawa ka dhacaysa xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe, waxaana ku casuman dad badan oo isaga yimid dalka iyo dibaddiisa. PUNTLAND POST The post Munaasabadda 1-da Agoosto oo Puntland laga xusayo appeared first on Puntland Post.
-
5-ta Magaalo ugu nolosha & Maciishada jaban Caalamka oo dhan,Si raaxo lehna aad ugu noolan karto? Qiimaha maciishadu waa muhiim marka aad kala dooraneyso ama aad dooneyso meel aad degto, waxa ayna kaa caawineysaa in aad si raaxo leh ugu noolaato meesha aad dooratay maadaama aad adigu go’aansanayso meesha ugu maciishadda jaban gaar ahaanna guryaha, daryeelka caafimaad, kharashyada safarka iyo cuntaduba. Waxaa jira magaalooyin ama dalal kharashka ku baxaya nolasha ay aad u sareeyo marka loo eego dakhliga soo galaya dadka intooda badan. Tusaale ahaan, magaalooyinka sida New York iyo San Francisco ee dalka Maraykanka, maciishadda ayaa ah mid aad u sarreyso marka loo eego inta badan magaalooyinka dalalka Afrika, Aasiya iyo qaar ka mid ah magaalooyinka dalalka reer Yurub. Dhanka kale waxaa jira magaalooyin maciishaddu ay aad u jaban tahay, oo waxaad ku noolaan kartaa raaxo, waxaadna qiimo aad u jaban ku heli kartaa adeegyo la tayo ah kuwa magaalooyinka maciishaddoodu sarreyso, kuwaa qiimo ahaan aad macquul u ah. Dad badan, gaar ahaan kuwa reer Yurub iyo Mareykanka iyo in yar oo ka soo jeeda waddamada qaaradda Aasiya, ayaa nolol ama booqasho u aado magaalooyinka maciishaddu ay aadka u jaban tahay. BBC-du waxay halkan kuugu soo gudbinaysaa ugu yaraan shan magaalo oo nolashoodu jaban tahay, sababtuna waa maciishadda magaalooyinkaasi oo aad u jaban. Waa magaalooyinka aad sidoo kale si fiican ugu raaxaysan karaysid marka aad hawlgabka tahay. 5. La Paz, Bolivia Bolivia waa mid ka mid ah waddamada ugu maciishadda jaban ee lagu noolaado waddamada Koonfurta Ameerika, taasi oo ka dhigaysa meel ku habboon in lagu noolaado oo la booqdo. Gaar ahaan magaalada La Paz, oo leh dhammaan adeegyada lagama maarmaanka ahi ayaa soo jiidata dad badan sababo la xiriira qiimaha jaban ee nolasha. Waxa aad magaaladaasi kiraysan kartaa guri leh wax kasta oo aad ku helayso inta u dhaxayso 500 ilaa 600 oo doolar bishiiba. Magaaladaasi La Paz, raashinka iyo cabitaankuba waa ay ka jaban yihiin oo waxaad si fudud uga heli kartaa waddooyinka, waxa aadna booqan kartaa meelaha soo jiidashada leh sida harada Titicaca iyo barxadda milixda ee dalkaasi. Gudaha Bolivia, meel kasta oo ay ku jirto magaalada La Paz safarka dhanka hawada ayaa ah mid aad u jaban oo waxaad diyaarad ku raaci kartaa wax ka yar 50 doolar. Dad badan oo dalkaasi ku nool waxay isticmaalaan diyaaradaha oo ay ku safraan waayo waa raqiis, balse haddii aad u baahatid in aad marto dhulka oo isticmaasho basaska, iyaduna waa mid kuu furan oo qiimaha basaska lagu raaco waa mid aad u jaban marka loo eego diyaaradaha. 4. Sofia, Bulgeeriya Bulgeeriya waa mid ka mid ah waddamada reer Yurub ee loo arko in uu yahay mid ka mid ah waddamada ugu wanaagsan ee lagu noolaado ama la booqdo. Dad badan ayaa eegaya waddamo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Faransiiska, Netherlands iyo kuwo kale, waxa ayna illaawaan in qiimaha jaban ee nolosha ay Bulgeeriya ka dhigayso dalka ugu wanaagsan ee lagu noolaado marka la eego waddammo badan oo reer Yurub ah. Magaalada Sofia, gaar ahaan, waxay leedahay dhammaan adeegyada lagama maarmaanka ahi, balse waxaad adeegyadaasi ku heli kartaa qiimo la mid ah kan qaaradda Afrika ama Laatin Ameerika. Wax kastaa waa raqiis, noloshuna waa ay jaban tahay. Waxaad maalintii oo dhan ku noolaan kartaa wax ka yar 20 doolar, waxa aadna heli kartaa wax walba oo aad u baahan tahay, haseyeeshee ma ahan wax fudud in tusaale ahaan lacagtaasi aad ku noolaato magaalada London. Qiimaha diyaaradaha lagu raaco Sofia ilaa magaalooyinka kale ee dalkaasi ayaa ah mid jaban oo sahlan. Dalkani wuxuu leeyahay meelo badan soo jiidasho leh oo loo dalxiis tago sida waddamada kale ee calaamka, balse haddii aad rabtid in aad ku noolaato Yurub oo kharash yar uu kugu baxo, waxaad aadeysaa magaalada Sofia ee dalka Bulgeeriya. 3. Bangkok, Thailand Dalka Thailand waxa uu mid ka mid yahay waddamada ugu caansan dunida ee loo dalxiis tago. Waa dalka kaliya ee leh dalxiisayaal aad u badan. Bangkok oo ah magaalo aad u dad badan, ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu nolasha jaban caalamka oo dhan. Magaaladaasi waxay leedahay qaybo isboorti oo badan, tusaale ahaan Mauy, oo caan ku ah ciyaarta feerka. Waxaad hal saxan oo cunno tayo leh oo isu dheeli tiran ah ku heli kartaa wax ka yar hal doolar. Thailand waa waddan caan ku ah ciyaarta feerka, dadkuna waxay jecel yihiin feerka, iyo aflaanta. Tigidhada lagu daawado ciyaarta feerka ayaa qiimahoodu ka yar yahay toban doolar, halka Mareykanka ama Ingiriiska aad halkii ciyaar oo feer ah ku daawan kartid inta u dhaxaysa 100 doolar ilaa 200 oo doolar. Meelaha qaar, haddii aad nasiib badan tahay waxaa lagaa qaadayaa 50 doolar oo aad ciyaar aan xiiso badan lahayn ku daawan kartid. 2. Qoito, Ecuador Qoito waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu soo jiidashada badan Koonfurta qaaradda Ameerika, haseyeeshee wa ay fududahay in lagu noolaado waayo waxaa aad u jaban qiimaha maciishadda. Meel kastaa waxaad ka heli kartaa wax waliba iyaga oo qiimo jaban, dhammaan adeegyada waxaa lagu heli karaa qiimo aad u yar oo raqiis ah. Waa ay fududahay in aad aado meelaha loo dalxiiska tago ee sida Amazon, Kaymaha daruuraha, buuraha dhaadheer iyo xeebaha dalkaasi iyo xitaa Jasiiradaha Galapagos, adiga oo uu kugu baxayo kharash aad u yar oo aadan maleysan karin. Qiimaha lagu raaco gaadiidka dadweynaha ee Quito ayaa ah mid aad u jaban, waxaadna baabuur ku raaci kartaa wax ka yar hal doolar, adiga oo ku tagaya meel kastaa oo aad u baahan tahay. 1. Hanoi, Vietnam Magaalada Hanoi waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay magaalada ugu nolosha jaban adduunka oo dhan. Waxay ku taal Koonfur Bari qaaradda Aasiya, waana caasimadda dalka Vietnam, oo leh taariikh soo jireen ah. Waxaa ku yaal dhismoyaal xiisaha leh, waxaana laga helaa cunnooyin badan oo dabiici ah oo meel kastaa ay fududahay in aad ka heshid. Hanoi waxad ka heli kartaa dhammaan adeegyada lagama maarmaanka ahi, waana meesha qofka doonaya nolal jaban uu ku noolaan karayo. Qiimaha lagu kireysto guryaha magaalada Hanoi wuxuu laba jibbaar ka jaban yahay kuwa waddamada reer galbeedka, in kasta oo ay jiraan guryo heerkoodu sarreeyo. Qaran News
-
Tunis (Caasimada Online) – Afhayeenka baarlamanka Tunisa Rashid Al-Ganushi ayaa Imnaaraadka Carabta ku eedeeyey inay ka dambeeyaan afgambiga dalkiisa, kadib markii madaxweyne Qays Saciid uu hakiyey baarlamanka, lana wareegay awoodda fulinta. Al-Ganushi ayaa u sheegay wargeyska The Times, in Imaaraadka ay ka go’neyd “inay soo geba-gebeeyaan” Guga Carabta oo ah kacdoonkii 2011 xukunka looga tuuray qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha dalal ka mid ah Bariga Dhexe iyo Waqooyi Afrika. “Imaaraadka Carabta waxay qaateen fikradda ah in Guga Carabta uu ka dhashay Tunisia, ayna tahay inuu ku dhinto Tunisia,” ayuu yiri Rashid Al-Ganushi. Waxa uu intaas ku daray in Imaaraadka Carabta ay halis u arkaan Islaamka dimoqraadiga ah ee xisbigiisa Al-Nahda ay hoggaanka u hayaan. Waxa uu intaas ku daray in Tunisia aysan ka dhici doonin wax la mid ah wixii Masar ka dhacay 2013-kii, markaasi oo militariga ay xoog kula wareegeen awoodda, ayaga oo taageero ka helaya Imaaraadka Carabta. “Tunisia ma ahan Masar. Waxaa jira xiriir ka duwan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda,” ayuu Al-Ganushi. “Halkan wixii ka dambeeyey kacdoonka, ciidamada waxay ilaaliyeen xoriyadda iyo codeynta.” Qays Saciid ayaa Axaddii qaaday tallaabo lama filaan ah isaga oo xilka ka qaaday ra’iisul wasaarihii, sidoo kalena hakiyey baarlamanka, taasi oo lagu macneeyey afgambi muuqda. Tunisia ayaa ahaa dalka kaliya ee kacdoonkii Carbeed uu hoggaamiyey dimoqraadiyad, waxaana tan iyo 2011 ka jira nidaam dimoqraadi ah oo shaqeeya. Al-Ganushi ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta ay sidoo kale ka welwelsan yihiin heshiiska nabadeed ee dalka Libya, kaasi oo hoggaamin kara dowlad dimoqraadi ah. “Aad ayey uga cabsadaan dimoqraadiyadda, waxaana welwelkoodu yahay inay ku baahdo gobolka Carbeed oo idil,” ayuu yiri. The post Al-Ganushi oo shaaciyey qorshaha Imaaraadka ee afgambiga ka dhacay Tunisia appeared first on Caasimada Online.
-
Abiy Axmed oo markii u horeysay ka hadlay Natiijadii Dagaalka Tigray,Hub laga dhacay oo ay soo ceshadeen & ka bixitaankii Mekelle Fallaagada Tigray ayaa dib ula wareegtay caasimadda Mekelle Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada dalkiisa ee gobolka Tigray aysan ka dhigneyn in dowladda ay ku guuldareysatay dagaalka. Wuxuu sheegay in dagaalka muddada 8 bilood ah socday lagu wiiqay ciidamada Tigray ee ay hormuud u yihiin xooggaga TPLF. Abiy oo maanta khudbad ka jeedinayay baarlamaanka ayaa sidoo kale xusay in ‘ciidamada Itoobiya ay awood u leeyihiin in dagaal kale ay qaadaan balse loo baahan yahay ilaalinta amniga si Itoobiya loo horumariyo.” Wuxuu sidoo kale sheegay in go’aanka ugu habboon uu ahaa in ciidamada lagala soo baxo Tigray maadama uu ahaa qorshe muddo bil ah soo socday. “Ka hor inta aanan xabad joojinta ku dhawaaqin, waxaa sameynayay la tashi badan, hanaanka ciidamada looga soo saaray Tigray waxay nagu qaadatay in ka badan bil” Abiy ma uusan soo hadal qaadin shuruudaha ay TPLF ku xirtay xabbad joojinta. Abiy ayaa sheegay in dowladda haatan ay soo afjartay halista maamulka TPLF isla markaana ay dib uga soo ceshatay hub ay horay ka dhaceen saldhigga militeriga ee ku yaalla Tigray. “Marka aan eegno natiijada dagaalka, kooxda sharciga ayaa la horkeenay. Hubkii ay horay u dhaceen haatan gacanta ayaan ku heynaa, ciidamada difaaca ayaana dib loo abaabulay.” Xabbad joojinta looga dhawaaqay Tigray “waa wax qof kasta uu ku fekerayay” si cashar looga barto waxa ka socda gobolka, ayuu yiri Abiy. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in howsha haatan hortaalla ay tahay dib u dejinta dadkii ka qaxay colaadda, dhameystirka mashaariicda horumarineed ee gobolka iyo wax ka qabashada cudurka Covid-19. Ciidamada TPLF oo u dabaaldegaya qabsashada Mekelle Dowladda Itoobiya ayaa gobolka Tigray uga dhawaaqday xabbad joojin – siddeed bilood kaddib markii uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu halkaas ciidamo u diray si uu hoggaanka gobolkaas meesha uga saaro. Ku dhawaaqidda arrintaas ayaa waxa ay timid xilli dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ciidammada ka soo horjeeda dowladda ay joogaan waddooyinka caasimadda gobolkaasi ee Mekelle. Dhammaan dhinacyada ayaa waxaa lagu eedeeyay inay gaysteen dilal badan iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Dagaalka u dhexeeya jabhadda ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ee TPLF iyo ciidamada dowladda ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan kumanaan kun oo qof. In ka badan laba milyan ayaa sidoo kale ka barakacay, ku dhowaad 350,000 oo kalena waxaa saameysay macluul. Dagaalka ayaa billowday bishii Nofeembar, markii fallaagada TPLF ay diideen dib-u-habeyn siyaasadeed oo ay qabsadeen saldhigyo ciidan. Ciidamada dowladda Itoobiya ayaana la wareegay magaalada Mekelle dabayaaqadii isla bishaas. Qaran News