Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,026
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ayaan Adan Cabdullahi waxay ku dhalatay degmada Luuq Ganaane, ee gobolka Gedo 1991-dii. Waxbarasho jaamacadda ka horeysa waxay ku qaadatay magaalada Baydhabo halka ay Jaamacad Bangladesh ay uga soo baxday Computer Engineering, waxay hey’ado maxali ah. Musharax Ayaan Aadan Cabdullaahi ayaa ku soo baxday doorashada iyado oo heshay codadkii la dhiibtay 74, halka Farxiyo Nuur Aadan ay heshay cod 8. Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada kursiga Labaad. Kursiga ay u tartantay sumadiisu waa UH2, waxaa laga reebay Senator Ilyaas Xaaan, waxaa leh beesha Mirifle, Eelaay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada Kursigii Labaad ee sanaterada aqalka sare iyadoo kursiga ay ku tartameen Labada musharax ee kala ah : 1: Ayaan Aadan Cabdullaahi 2: Farxiyo Nuur Aadan Musharax Ayaan Aadan Cabdullaahi ayaa ku soo baxday doorashada iyado oo heshay codadkii la dhiibtay 74, halka Farxiyo Nuur Aadan ay heshay cod 8. Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada kursiga Labaad. Source: goobjoog.com
  3. MOGADISHU (HOL) - Senator Zamzam Ibrahim Ali retained her seat Monday in South West state after she won by a landslide margin to become the first senator from the state. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa markale ka hadlay arrimo ku aadan xiriirka haatan soo hagaagayo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ah labo wadan oo daris ah. Maxamed Cabdirisaaq ayaa shaaca ka qaaday in hadda ay dib u soo laabtay wada shaqeynta labada dowladood, isla-markaana ay sii wadi doonaan xoojinta xiriirkooda. Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay inuu dhowaan la kulmay dhiggiisa Kenya ayna ka wada-hadleen sidii loo sii dhaqaajin lahaa xiriirka dibulmaasiyadeed ee kabada dal. “Waxa aan soo celinay xiriirka diblumaasiyadeed mar uun ma aanay laheyn cilaaqaad muddo 6-bil ah, waxaa soo laabtay wada shaqeynta, waxa aan la kulmay dhiggeyga Kenya oo aan ka wada hadalnay sidii loo sii dhaqaan lahaa,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda. Dhinaca kale waxa uu soo hadal-qaaday arrimaha ammaanka ee Soomaaliya, isagoo xusay inay ka go’an tahay in sare loo qaado awooda ciidanka, si looga adkaado argagixisada. “Waa in aan sare u qaadnaa awoodda ciidanka Soomaaliya, si ay u qabsadaan dhul badan una joogaan waana waxa aan diiradda in badan saareyno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Si kastaba Soomaaliya iyo Kenya oo mar xiriirkooda uu go’ay, kadib khilaaf soo kala dhex-galay ayaa dib u soo nooleeyey, waxaana si rasmi ah loo furay labada safaaradood. Arrimahan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan Soomaaliya ay galeyso doorasho guud oo isugu jirta tan baarlamaanka labada Aqal iyo mida madaxweynaha oo xamaasad gooniya leh. The post DF Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay xiriirka Kenya appeared first on Caasimada Online.
  5. Samsam Ibraahim Cali waxaa ay aheyd Senator ka tirsan aqalka saree e baarlamaanka 10-aad, waxaa ay aqalkaas guddoomiye ka aheyd Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta, waxaa kale oo guddoomiye ku xigeenka ururka haweenka ee baarlamaanka. Mar ay maanta la hadashay baarlamaanka Koonfur galbeed waxaa ay sheegtay in ay kasoo shaqeeyey oo taageertay dadka baahiyaha gaarka leh iyo caruurta, hadda mar kale ayaa Senator loo doortay baarlamaanka 11-aad. Musharax Zamzam Ibraahim Cali ayaa ku soo baxday doorashada iyado oo heshay codadkii la dhiibtay 81 , halka Shariifo Xaaji Cusmaan ay heshay cod 4. Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada kursiga koowaad. Kursiga xiga Samsam Ibraahim Cali waxaa la tartameyso Shariifo Xaaji Cusmaan Ibraahim, gabadha hore waa Senator hadda kusriga ku fadhisa, kursiga sumadiisa waa UH24, waxaa leh beesha Digil, jiido. Source: goobjoog.com
  6. Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada Kursigii koowaad ee sanaterada aqalka sare iyadoo kursiga ay ku tartameen Labada musharax ee kala ah : 1: Zamzam Ibraahim Cali 2:Shariifo Xaaji Cusmaan Ibraahim Musharax Zamzam Ibraahim Cali ayaa ku soo baxday doorashada iyado oo heshay codadkii la dhiibtay 81 , halka Shariifo Xaaji Cusmaan ay heshay cod 4. Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada kursiga koowaad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Dagaallo u dhexeeya ciidamada Afghanistan iyo Taalibaan ayaa ku sii fidaya gudaha dalkaasi,iyadoo saddex gobol oo ku yaal koonfurta iyo galbeedka dalkaasi ay wajahayaan xaalado qatar ah oo keeni karta amni darro iyo burbur ku habsada adeegyada bulshada. Waddanka ku yaalla Koonfurta aasiya ee Afganistaan ayaa ka sii daraya , iyadoo dagaalada u dhaxeeya Taalibaan iyo ciidamada dalkaasi , ay sii xoogeysanayaan xilli ciidamada Mareykanka iyo kuwa NATO ay doonayaan in ay soo afjaraan bixitaankooda marka la gaaro 31-ka Ogoosto, kaddib 20 sano oo ay joogeen halkaasi. Dagaallo ka dhan ah Taalibaan ayaa ka socda dalka Afganistaan oo dhan ,waxaana la filaya dhowaan in Madaxweynaha Afgaanistaan Ashraf Ghani uu la hadlo xubnaha baarlamaanka dalkaasi,kadib kolkii uu Mareykanka ku eedeeyay in colaadaha sii xoogeysanaya ay sababeen ka bixitaanka ciidamada isbaheysiga. Kooxda Taalibaan ayaa hadda isku dayaya inay qabsadaan caasimadaha gobollada, ka dib markii ay bilihii la soo dhaafay horay u qabsadeen maamulka degmooyin badan. PUNTLAND POST The post Dagaalo dhexmaraya Ciidamada AFgaanistaan iyo Taalibaan appeared first on Puntland Post.
  8. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Galmudug waxaa dhawaan ka bilaabaneysa doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu dooran doona 8 xubnood oo Aqalka Sare ah. Laba Kursi ayaa wata xamaasad iyo loolan aad u culus, mid kamid ah labadaas kursi waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Kursigaan waxaa laga leeyahay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo. Cabdi Qeybdiid oo hadda ku maqan jiidda dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ayaa mar kale u tartamaya kursigii uu ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhaafay. Dhawaan waxaa kursigaan isna isku soo sharaxay hoggamiyihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kaasoo mudadii uu joogay Galmudug muddo xileedkiisa uga dhammaaday dagaalka Villa Somalia. Xaaf wuxuu dhowr kulan la qaatay Xildhibaanada maamulka Galmudug, wuxuu shiriyey Beesha kursiga iska leh, wuxuuna musharaxnimadiisa u muujiyey si af iyo ficil labadaba ah, wuxuuna iska sii hormariyey farriin hanjabaad ah oo ku wajahan hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. Haddaba maxaa adkeenayo dagaalka kursigaan? Labada nin ee isku heysata kursiga kalama miisaan yara kalamana jeeb yara, mid wuxuu ku xooggan yahay dhinaca Qoor Qoor waana Cabdi Qeybdiid, midna wuxuu ku xooggan yahay dhinaca Xildhibaanada Galmudug waana Xaaf. Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa awood u leh inuu go’aan ka gaaro cidda ku tartameyso kursigaan, Qeybdiid waxaa la sheegay inuu rabo inaan lala qorin Xaaf oo uu isaga la yimaado musharax malxiis ah oo goobta ku tanaasula inta aysan doorashada bilaaban. Galmudug waxaa ka jirto dood ah inaan kuraasta dad gooni ah loo xirin, Dadka doodaas hor boodaya waxaa kamid ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Maxamed Nuur Gacal. Qoor Qoor ma isla qori doonaa Xaaf iyo Cabdi Qeybdiid? Marka la eego xaalka sida uu hadda yahay, Qoor Qoor waxaa ku dhow oo saaxiib la’ah, abaal badana ku leh Cabdi Qeybdiid, waxaana la sheegayaa inay ku adag tahay inuu isla qoro isaga iyo Xaaf. Haddii labada nin la isla qoro waxay badi dadka reer Galmudug qabaan inuu Xaaf ku adkaan doono kursiga. Haddii uu Qoor Qoor diido inuu isla qoro labada nin oo uu ka tago Xaaf wuxuu u diyaar garoobayaa qiimaha ay ku kici doonto falcelinta Xaaf oo loo arko dagaal-yahan siyaasadeed oo yaqaana sida lacagta loogu adeegsado jilaafooyinka siyaasadda. Dhinaca Beesha Kursiga iska leh Beesha kursigaan iska leh ee degta Koonfurta Magaalada Gaalkacyo waxay Baarlamaanka Galmudug ku leedahay 6 cod, diidmameeda ama jaceylkeeda wax badan kama tari karo cidda qaadaneyso kursiga, laakiin marka la eego eedaha beesha dhexdeeda ah ee loo heysto Cabdi Qeybdid afartii sano ee lasoo dhaafay waxaad moodaa inuu Xaaf heysto taageero dhinaca Beesha ah. Qeybdiid waxaa lagu eedeenayaa afartii sano ee lasoo dhaafay inuu kursiga ugu adeegay jufadiisa hoose marka la eego sida uu u maareeyey boosas shaqaaleysiin ah, saraakiil la dalacsiiyey iyo dad xilal loo magacaabay intaba. Galmudug waxay hadda dagaal kula jirtaa Al-Shabaab, dagaalkaan wuxuu qarxay kadib markii kooxdaan qabsatay deegaan kamid ah kuwa ay dagto beesha iska leh kursiga ay ku tartamayaan Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf. Marka la eego sida uu Cabdi Qeybdiid uga falceliyey dagaalkaas iyo shaqada uu qabtay waxaa macquul ah inay dhinaca kale ka daboosho hoos u dhicii ka dhashay sidii uu u maareeyey fursadihii ay Beesha ka heshay Dowladda Federaalka ah afartii sano ee lasoo dhaafay. Si kastaba, loolanka kursigaan waa culus yahay labada ninba waa siyaasiyiin mug leh oo aan xulashadooda la dhayalsan karin . Cabdi Qeybdid oo sanadkaan gacmaha u laabtay inuu madaxweynaha Soomaaliya u dhiso Cabdikariin Xuseen Guuleed ayey u badan tahay inuu kursiga ku soo laabto haddii uu Qoor Qoor ku adkeysto inuu u bareero halista ka imaan karta Xaaf. Faalladan oo cod ah, hoos ka dhageyso. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post DAGAALKA kursiga Aqalka Sare ee Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf oo meel adag gaaray appeared first on Caasimada Online.
  9. Dowladda Burkina Faso ayaa soo dhaweysay go’aanka dowladda Faransiiska ay kusoo musaafurineyso Francois Compaore oo ah walaalka madaxweynihii muddada dheer shaqeynayey ee dalka Burkina Faso iyadoo la keenayo dalkiisa halkaasoo loogu haysto dil loo geystay saxafi rug caddaa ah Norbert Zongo oo la dilay labaatan sano ka hor. Maxkamad ku taalla dalka Faransiiska ayaa diidday codsiyo uga yimid qareennada Compaore waxaana maxkamaddu sheegtay in dhiibistiisa loo maray nidaam iyo sharci islamarkaana aysan jirin go’aanno dastuuri ah oo diidaya in laga noqdo musaafurinta Francois Compaore oo dacwado looga haysto dalkiisa Burkina Faso. Dowladda Burkina Faso ayaa ku tilmaantay dib u soo celinta Francois Compaore “GUUL” “Waxaan ku qanacnahay sida Faransiisku u aqbalay codsigeenna,” ayuu yiri Ousseni Tamboura oo ah wasiirka isgaarsiinta iyo waliba afhayeenka dowladda Burkina Faso. Francois Compaore waa walaalka ka yar Blaise Compaore kaasoo lagu qasbay inuu iscasilo sannadkii 2014 markii ay ku kaceen dibadbaxyo waaweyn oo looga soo horjeeday inuu ku ballaarsado xukunkiisa 27 jirsday kaasoo markii hore u uku yimid afgambi. Madaxweynihii hore ee dalka Burkina Faso ayaa tan iyo markii uu xilka iska casilay qaab musaafuris ah ugu nool dalka Ivory Coast. Meydka wariye Zongo oo si xun loo gubay islamarkaana ahaa agaasimaha wargeys soo baxa usbuuciiba mar laguna magaabi jiray “L’independent” ayaa la helay bishii December ee sannadkii 1998 waxaana lala dilay saddex qof oo ay asxaab ahaayeen. Meydka ayaa laga helay gaar waddada dhinaceeda yaal magaalo madaxda dalka Burkina Faso ee Ouagadougou. Dilka kaddib dibadbaxyo waaweyn ayaa gilgilay dalka Burkina Faso waxaana ka dhashay cambaareyn calami ah. Zongo ayaa baaritaan ku hayey geerida David Auedraogo oo ahaa darawalka Francois Compaore. Baaritaan la sameeyey kaddib dilka Zongo waxaa loo soo qabtay Marcel Kafando oo ah xubin ka tirsan ilaalada madaxtooyada laakiin waa la sii daayey markii lagu waayey inuu ku lug leeyahay dilka wariye Zongo. Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa wajahaya culeys siyaasadeed aad u ballaaran oo ku aadan xulashadiisa musharaxiinta 8-da kursi ee Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Galmudug. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxweynaha maamulka Galmudug uu ka fikirayo sidii uu liiska dadka Aqalka Sare u tartamaya uga reebi lahaa saddex Senator oo kala ah, Senator Abshir Bukhaari, oo ah guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, iyo Yuusuf Geelle Ugaas. Saddexdan Senator ayaa ka mid ah xubnaha sida aadka ah u mucaaradsan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Sidoo kale, wararka aan helnay ayaa sheegaya in madaxweyne Qoor Qoor ay suurtagal tahay in uusan ku soo darin Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Samsam Daahir, taasi oo ka dhigi karta inay kuraastooda waayaan shan ka mid ah sideedda Senator ee laga soo doorto Galmudug. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale tilmaamaysa in ay suurtagal tahay in uusan ku soo darin Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo loolan adag ugu jira inuu kursiga ka beddelo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Xaaf ayaa horey uga digay dagaal ka dhaca Galmudug, haddii Qoor Qoor uusan u caddaalad falin xubnaha loolanka ugu wada jira kuraasta baarlamaan. Ma sahlano go’aan ka gaarista doorashada Aqalka Sare ee Galmudug, waxaana jira durba culeysyo badan oo soo baxaya. Guddiga doorashada SEIT ee maamulka Galmudug ayaa Axaddii Qoor Qoor ka dalbaday in uu soo gudbiyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare. Qoor Qoor ayaa la rumeysan yahay inuu cadaadis kala kulmayo Villa Somalia, oo dooneysa inuu meesha ka saaro xubnaha caanka ah ee Mogadishu Clan ee aan taageersaneyn Farmaajo. The post Qoor Qoor oo damacsan inuu siyaasiyiin miisaan culus ka reebo liiska AQALKA SARE appeared first on Caasimada Online.
  11. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka diinta iyo aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed,ayaa sheegay in xilligii qaadka la joojiyey ee Karoonaha uu gaadhigiisa iyo ka wasiirka waxbarashada lagu soo qaaday qaad oo sidaa lagu qabtay, waxaanu sheegay in ciidanka boolisku ay qabteen, isla markaana ay la wareegeen. Wasiir Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo arrintaas ka hadlaya ayaa yidhi: “Berigii dhaweyd ee aynu joojinay qaadka guddidayadii COVID-19–ku oo aanu qaadlayaasha la tashanay oo aanu nidhi waar bal ka warrama imisa ayaanu idinka joojinaa ,waxa aanu joojinay waxaan bil ahayn .” Wasiir Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Ma ogtihiin labadii wasiir ee ugu mudnaa xagga haddalka ee ugu canaanta badnaa Wasiirka diinta iyo awqaafta iyo wasiirka wax-barashada labadoodii baabuur ayey labadayadii darawal ay ku keeneen qaad oo lala wareegay, sharcigiina waanu fulinay labadii baabuur-ba waxa aanu ku wareejinay Booliska, labadiii gaadhiba illaa imika wey naga maqan yihiin oo booliska ayaa kaxaystay, dadkii kale waa loo celiyey baabuurtii laakiin labadayadii wasaaraddood looma celin waanu u hannaynay Booliska oo waxa aanu nidhi haysta, mar haddii aynu sharcigii soo saarnay.” Dhanka kalena Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa sheegay in Dawladda itoobiya ay dhibaato soo waajahday markii ay Somaliland joojisay qaadka “Lakiin waxa aan idiin sheegayaa 28-kii maal-mood ee uu qaadku taagnaa Itoobiya wey xamili kari weyday oo waxay u baahatay wax ka qaada badeecaddaa ka gubanaysa,annagana 28-kaa maalmood wax ka badan bulshadeennii way xamili weyday, waataa gaadhigii wasiirka lagu soo qaadayo ee kii ciidanka lagu soo qaadayo” ayuu yidhi Wasiir Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. Source
  12. NAIROBI (HOL) - Somalia’s state minister for finance Mohamed Hayir Ibrahim is suing a Canadian researcher and author Jay Bahadur in Kenya over claims the respondent hacked his email during an investigation on illegal fishing in Somalia. Source: Hiiraan Online
  13. “Cirro Iyo Faysal 52-kii Xildhibaan Ee U Soo Baxay Ma Waxa Ay U Haysteen Dad Wada Iimaan Leh Inay Yihiin, Miyaanay Ogeyn Inay Kuwii Bilaa Imaanka Ahaa Ku Jiraan, Miyaanay Ogeyn Inay Doqomadii Ku Jiraan….” Jaamac Shabeel (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyihii hore ee Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Garyaqaan Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa dhaliillo xooggan u soo jeediyey Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka Somaliland isaga oo ka hadlayay loollanka shir guddoonka Golaha Wakiillada waxaanu si kulul u canaantay Guddoomiyayaasha Xisbiyadda WADDANI iyo UCID, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin xubno xejisan kari waayey Xildhibaannadii xisbiyadooda ka soo baxay, isla markaana maanta qiiro qiiro geliyey isbaddelkii ay shacabku u codeyeen. Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa waxa kele oo uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye Cirro ku tilmaamay inay ka bakhaylsan yihiin Madaxweyne Biixi, isla markaana aanay aqoon sida wax loo bixiyo, madaama oo ay haysan karri wayeen Xildhibaannadii ka soo baxay Xisbiyadooda oo lacag la siiyey. Siyaasi Jaamac shabbeel oo arrintaas ka hadlaya ayaa sheegay sidan:-“Labada Xisbi shicib 52 Xildhibaan soo saaray maanta qiiro qiire ayey ku jiraan, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe oo uu muuse ka adkaanayo waa wax aanu caqligi qaadan karrin Xildhibaannadoodii oo ay arkayaan ayaa la iibsanayaa badeecad ayaa laga dhigay suuqa taalla ,waxa aan waydiinayaaa Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal 52-kii Xildhibaan ee loo soo saaray ma waxay u haysteen dad wada iimaan leh inay yihiin 52, miyaanay ogeyn inay kuwii bilaa imaanka ahaa ku jiraan miyaanay ogeyn inay doqomadii ku jiraan intiiba wey ka soo baxeen, doqonkaaga waxa lagu kaxaysanayo saw in aad ku haysato maaha oo aan lagaaga kaxaysan, ka aan iimaanka lahayn waxa lagaaga ka xaysanayo saw adigu in aad ku haysato maaha .” Waxa uu intaas ku daray “Waar waxa aan leayahay lacag la’aani idinma haysee wahaabiyad-nimo ayaad idin haysee iska bixiya bahasha, wahaabiyiintu waa bakhayliin, laakiin xagga kale qolada joogtaa waa qaadiriyo oo iyagu wey saydh-saydhaan si ay muraadkeeda ugu gaadho ayey bixisaa oo ay hurtaa qaadiriyaddu, laakiin wahaabiyaddu ma hurto, wax kale ayay iskugu sheekeeyaan oo aan la garanayn oo aad ayey u jeceshay bahasha rag iska dhiga oo fadhiga ka kaca oo jeebka iyo gacanta is bara ama bannaanka uga baxa siyaasadda .” Dhanka kalene Jaamac Shabbeel ayaa sheegay in aanay tartami karrin nin wax bixinaya iyo nin aan wax-ba bixinayn,waxaanu isbahaysiga mucaaradka ku eedeeyey in aanay wax bixinta aqoon “Nin wax bixinaya iyo nin aan wax-ba bixinayn ma tartami karayaan isumana dhawaanayaan ,hawdhawna waa calaacal iyo maroora dilaac iyo kii caynkaa ahaa sababtu waxa weeye jeebkiina iyo gacantiina ayaan is aqoonayn cida idinka soo horjeedana Muuse waa Bakhayl ayaa la lahaa,lakiin rag qaadiriyo ah ayaa daba taagan oo wax bixinayana.” ayuu yidhi Jaamac Ismaaciil Cige oo loo yaqaano Jaamac Shabeel. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyihii hore ee Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Garyaqaan Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa dhaliillo xooggan u soo jeediyey Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka Somaliland isaga oo ka hadlayay loollanka shir guddoonka Golaha Wakiillada waxaanu si kulul u canaantay Guddoomiyayaasha Xisbiyadda WADDANI iyo UCID, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin xubno xejisan kari waayey Xildhibaannadii xisbiyadooda ka soo baxay, isla markaana maanta qiiro qiiro geliyey isbaddelkii ay shacabku u codeyeen. Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa waxa kele oo uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye Cirro ku tilmaamay inay ka bakhaylsan yihiin Madaxweyne Biixi, isla markaana aanay aqoon sida wax loo bixiyo, madaama oo ay haysan karri wayeen Xildhibaannadii ka soo baxay Xisbiyadooda oo lacag la siiyey. Siyaasi Jaamac shabbeel oo arrintaas ka hadlaya ayaa sheegay sidan:-“Labada Xisbi shicib 52 Xildhibaan soo saaray maanta qiiro qiire ayey ku jiraan, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe oo uu muuse ka adkaanayo waa wax aanu caqligi qaadan karrin Xildhibaannadoodii oo ay arkayaan ayaa la iibsanayaa badeecad ayaa laga dhigay suuqa taalla ,waxa aan waydiinayaaa Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal 52-kii Xildhibaan ee loo soo saaray ma waxay u haysteen dad wada iimaan leh inay yihiin 52, miyaanay ogeyn inay kuwii bilaa imaanka ahaa ku jiraan miyaanay ogeyn inay doqomadii ku jiraan intiiba wey ka soo baxeen, doqonkaaga waxa lagu kaxaysanayo saw in aad ku haysato maaha oo aan lagaaga kaxaysan, ka aan iimaanka lahayn waxa lagaaga ka xaysanayo saw adigu in aad ku haysato maaha .” Waxa uu intaas ku daray “Waar waxa aan leayahay lacag la’aani idinma haysee wahaabiyad-nimo ayaad idin haysee iska bixiya bahasha, wahaabiyiintu waa bakhayliin, laakiin xagga kale qolada joogtaa waa qaadiriyo oo iyagu wey saydh-saydhaan si ay muraadkeeda ugu gaadho ayey bixisaa oo ay hurtaa qaadiriyaddu, laakiin wahaabiyaddu ma hurto, wax kale ayay iskugu sheekeeyaan oo aan la garanayn oo aad ayey u jeceshay bahasha rag iska dhiga oo fadhiga ka kaca oo jeebka iyo gacanta is bara ama bannaanka uga baxa siyaasadda .” Dhanka kalene Jaamac Shabbeel ayaa sheegay in aanay tartami karrin nin wax bixinaya iyo nin aan wax-ba bixinayn,waxaanu isbahaysiga mucaaradka ku eedeeyey in aanay wax bixinta aqoon “Nin wax bixinaya iyo nin aan wax-ba bixinayn ma tartami karayaan isumana dhawaanayaan ,hawdhawna waa calaacal iyo maroora dilaac iyo kii caynkaa ahaa sababtu waxa weeye jeebkiina iyo gacantiina ayaan is aqoonayn cida idinka soo horjeedana Muuse waa Bakhayl ayaa la lahaa,lakiin rag qaadiriyo ah ayaa daba taagan oo wax bixinayana.” ayuu yidhi Jaamac Ismaaciil Cige oo loo yaqaano Jaamac Shabeel. Source
  14. Wararka naga soo gaarayo dalka Jabuti ayaa sheegaya in caasimadda dalkaasi ay saacadihi la soo dhaafay ka dhaceen rabshado dad ku dhinteen oo u dhaxeeyay qowmiyahadaha Soomaalida iyo Canfarta ee wada daga dalkaas. Dowladda Jabuti ayaa dhankeeda war ka soo saartay rabshada, xillli ay sheegtay in aan rabsahadaha noocan ah aan loo dulqaadan karin. Dadka ku dhintay rabshadaha ayaa la sheegay in ay ahaayeen dad u badan shacab, iyadoo rabshadaha sidoo kale lagu bur buriyay hanti fara badan. Saciid Nuux Xasan Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Jabuti oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in la gubo guryaha dadka shacabka ah. “Maanta arrin halis ah ayaa dhacay in Aqalladii dadku lahaayen shicibku lahaayen la’ gubo arrinka aarrin ay dowladdu u dul qaadanayso maaha” ayuu yiri wasiir Saciid Nuux Xasan. Wasiirka ayaa sidoo kale hadalkiisa intaas ku daray in ay dowladdiisa si adag uga hortageyso qalalaasaha ka socda dalkeeda. “Waxaan leeyahay waalidiinta inay fidnada dhagaxtuurka ka bilaamaya oo aan carruur ku koobneyn ee lagu daba jiro,waxaan ku wargelinayaa inay carruutooda ka adkaadaan sababtoo ah dowladdu wixii manata ka dambeeya fara adag ayay ku qabanaysaa arrinka adowladdu”, ayuu yiri wasiir Saciid. Illa iyo hadda lama xaqiijin tirada dadka rasmiga ah ee ku dhintay rabshadaha saacadihi la soo dhaafay ka dhacay dalka Jabuti. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. (SLT-Jabuuti)-Dowladda Jabuuti ayaa si adag uga hadashay rabshado ka dhacay qaybo ka mid ah caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti kuwas oo u dhexeeyay Qoomiyadaha walaalaha ah ee waada daga Jabuuti oo ah Soomaalida iyo Canfarta. Wararka ayaa sheegaya in dad ku dhinteen rabshadahaas kuwa kalana ay ku dhaawacmeen inkasta oo aan illaa iyo hadda la caddeyn tirada dadka ku dhintay isku dhacyadaas. Balse dadka wax soo gaadheen ayaa la sheegaya inay shacab yihiin. Sido kale waxaa jira guryo la guubay, booliska iyo ciidammada ammaanka dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa dadka rabshadaha dhigayay ku kala eryay suntan dadka ilmada ka keenta. Dadka ayaa booliska ku tuurayay dhagaxaan iyo waxyaabo kale Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Jabuuti Saciid Nuux Xasan oo xalay fiidkii warbaahinta la hadlayayaya ayaa si adag uga jawaabay qulqulatooyinkii ka dhacay xaafado ka mid ah caasimadda isagoo sheegay in aan loo dul qaadan karin isku dhacyada ka dhacay Jabuuti. Source
  16. MOGADISHU (HOL) - Students pursuing a degree in Nursing from Mogadishu University do not have to repeat the course in the U.S since their qualifications match those of their peers in U.S universities, an international evaluation organisation in the U.S has established. Source: Hiiraan Online
  17. Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan iyo taliyaha guutada 5-aad ee qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka oo ka hadlayey howl-gallada ka socda gobolkaasi ayaa eedeyn u jeediyey ciidamada AMISOM. Ugu horreyn Cali Jeyte oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti aysan wax shaqo ah ka qaban gobolka Hiiraan, isla-markaana ay ka gaabiyeen howl-gallada ballaaran ee ka socda deegaanada gobolkaasi. Jayte ayaa sidoo kale soo jeediyey in dib u eegis lagu sameeyo ciidamada AMISOM, kuwooda ka howl-gala deegaanada maamulka HirShabelle. “Waxaan leeyahay shaqada ciidamada AMISOM dib haloo eego sababto ah ma qabtaan shaqadooda, waxay aheyd iney la dagaalaman Al-Shabaab, aniga waxan ahay guddoomiyahii gobolka waxan xaq ulaha iney i ilaaliyaan, anagoo dagaal u baxnayna way naga hareen sadax bilood ayaan ku qalqalineynay iney nala galaan howlgalada Shabaab aan kula dagaalameyno aniga iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo aan waliba ugu tagnay xarumahooda wayna naga diideen,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte Cismaan. Dhankiisa Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) oo ah taliyaha guutada 5-aad, qeybta 27-aad oo madasha ka hadlay ayaa xusay in ciidamada AMISOM aysan weli ka dhaqaaqin afar sano ka hor meeshii ay joogeen, isla-markaana aysan sameyn ilaa & hadda wax howl-gal ah. Taliyaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in xittaa aysan u ekeynba ciidamo nabad ilaalin u jooga gudaha Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. “Taangiga ciidanka AMISOM afar sano ka hor meeshii la dhigay ayuu wali ku baakiman yahay wax shaqo ah oo lagu qabtay ma jirto mudada uu dalka madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maba u maleysid iney yihiin ciidan nabad ilaalin u joogo dalka” ayuu yiri taliye Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay). Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay AMISOM oo ku aadan eedeynta uga timid taliska ciidanka Xoogga dalka iyo maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan ay howl-gallo ballaaran iyo dhaq-dhaqaaqyo milatari ay ciidanka dowladda Soomaaliya ka wadaan gobolkaas oo hoostaga HirShabelle. The post Maamulka Hiiraan iyo taliska ciidanka Xoogga oo eedeyn culus u jeediyey AMISOM appeared first on Caasimada Online.
  18. The United States military has confirmed that it carried out another airstrike against al-Shabab militants, its third in less than two weeks. Source: Hiiraan Online
  19. Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka maamulka Koonfur galbeed ayaa saaka lagu wadaa in ay ka bilaabato doorashada Aqalka sare. Guddiga doorashooyinka ayaa ku guda diyaar garowgoodii ugu dambeyay ee doorashada saaka, xilli saacadaha soo socda ay bilaaban doonto khudbadaha musharixiinta. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa maalma ka hor soo saaray liiska musharixiinta, iyadoo guddiga doorashooyinka ay maanta oo Isniin ah u asteeyen in ay qabsoonto doorashada Aqalka sare. Musharixiinta tartameysa oo gaareysa illa iyo 10 Musharax ayaa u tartamaya 5 kursi oo ka mid ah 8 kursi oo maamulka uu ku leeyahay Aqalka sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Waxaa lagu wadaa in saacada soo socda ee saaka magaalada Baydhabo ay gaaraan wafi uu hogaaminayo guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka Heer Federaal Cabdullahi Abyan Nuur. Wafdigaan ayaa goordhaw ka ambabixi doona garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka maamulka Jubbaland oo ay joogeen tan iyo markii ay bilaabatay doorashada aqalka sare ee Jubbaland. Guddiga ayaa korjoogto ka noqon doona doorashada lagu wado in maanta koonfur galbeed ay ka dhacdo, taas oo lagu doorayo 5 kursi oo ka mid ah 8 kursi ee koonfur galbeed uu ku leeyahay Aqalka sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu todobaadkan soo saaro liiska murashixiinta u tartamaya Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Wararku waxay sheegayaan, in madaxweynuhu diyaariyay liiska xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Puntland, islamarkaana uu soo saari doono maalmaha soo socda. Sidoo kale, Baarlamanka Puntland ayaa la filaya in uu todobaadkan magacaabo guddiga qabanaya doorashada xubnaha Aqalka sare, si Baarlamanku u doorto xubnahaasi. Baarlamanka oo maalmahan fasax ahaa ayaa sida qorshaysan Talaadada berri ah dib uga soo laaban doona fasaxa, si ay u guda-galaan doorashada Aqalka sare. PUNTLAND POST The post Garoowe: Wararkii u dambeeyay ee doorashada Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
  22. Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay markale kulan la qaatay sii hayaha gudoomiyaha Aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxmed Guuleed. Rooble ayaa kulanka kala hadlay labada mas’uul sidii loo xalin lahaa khilaafka ka jira arrinta Somaliland, oo ay isku hayaan sii hayaha gudoomiyaha Aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxmed Guuleed. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu sheegay in labada mas’uul laga wareystay waxyaabihii ka soo baxay heshiiskii kulanka hore. “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo uu ka sugayay xal ay heshiis ku yihiin oo ku aaddan khilaafka doorashada guddoonka Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi”. ayaa lagu yiri qoraalka Xafiiska ra’iisul wasaaraha ka soo baxay. Qoraalka ayaa sidoo kale intaas lagu sii daray in Cabdi Xaashi uu codsaday in muddo hal maalin ah la siiyo si heshiis loo gaaro. “Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo muddo hal maalin ah, codsigaas oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka aqbalay”, ayaa qoraalka lagu soo gaba gabeeyay. Sikastaba khilaafka arrinta Somaliland ee guddiyada doorashada ayaa muddo waxaa isku haysto sii hayaha gudoomiyaha Aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxmed Guuleed. sii hayaha gudoomiyaha Aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxmed Guuleed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Homegrown actioner "Escape from Mogadishu" topped South Korea's weekend box office in the first week of its release, revitalizing pandemic-hit theaters, data showed Monday. Source: Hiiraan Online
  24. Boosaaso (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Bari ee Puntland Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud (Daan) ayaa ka warbixiyey ammaanka magaalada Boosaaso, kadib khudbad uu xalay ka jeediyey munaasabad lagu xusayey sanad guurada 23-aad ee ka soo wareegtay aas aaska dowlad goboleedka Puntland ee kowda August. Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in haatan u wanaagsan-yahay amniga guud ee magaalada Boosaaso, isla-markaana uu yahay mid la’isku haleyn karo. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay xabsiga u taxaabeen askar ka tirsan ciidamada ammaanka oo rasaaseeyey dad shacab ah, walow uusan shaacin tiradooda. “Waxaa jira askar Booliska ka mid ah oo inta xabad ku rideen dad shacab ah, markii naloo sheegay lasoo qabtay maxakamadda aan gudbinay, kadibna xabsiga loo diray,” ayuu yiri Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud (Daan) oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay u taagan yihiin ilaalinta amniga dadka shacabka ah, isla-markaana ay xaq dhowrayaan. “Ma dooneyno in qof shacab ah aan u shaqeyneyno habeen iyo maalin in wax la gaarsiiyo,” ayuu sii raaciyey. Ugu dambeyn wuxuu baaqay shacabka ku dhaqan Boosaaso inay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka, si looga hortego wax kasta oo liddi ku ah amniga guud ee magaaladaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay Puntland xoojisay amniga magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi, sidoo kalena ay kordhisay howl-gallada ka socda gobolka Bari. The post Puntland oo askar badan ku xirxirtay Boosaaso + Sababta appeared first on Caasimada Online.