-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maxamed Xasan Maxmed Cirro ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal. Maaxmed Cirro ayaa wareegii labaad ee doorashada helay 14 cod, wuxuuna ka guuleystay Liibaan Axmed Xasan oo helay 10 cod. Sidoo kale guddiga ayaa guddoomiye ku xigeen u doortay Mowliid Mataan Salaad. Maxamed Xasan Cirro oo ahaa guddoomiyihii hore gudigii lagu muransanaa ee is baddelka lagu sameeyay, ayaa markale qabtay xilkan. Maxamed Xasan Cirro oo ka soo jeeda gobollada SSC ayaa shahaadada heerka koowaad ka heysta warbaahinta, wuxuuna la soo shaqeeyey FOAO, Radio Ergo, Raysmedia, Kisima Human Rights, RTD Radio and Television, Djibouti, xarunta dhaqanka Aw Jaamac ee Nairobi iyo hay’ado kale. Waxaa uu qoray buugaag ay ka mid yihiin Guurdoon rag iyo geyaan dumar, Murugo iyo The Somali civil war tragedy. PUNTLAND POST . The post Guddiga doorashooyinka heer federaal oo guddoon doortay appeared first on Puntland Post.
-
Maxamed Cirro oo horay u ahaa guddoomiyaha Guddigii lagu muransanaa ee doorashada dadban ayaa u muuqdo inuu mar kale kusoo baxay iska jagadaas. Tartan maanta uu la galay tartamayaal kale, Maxamed Xasan Cirro waxaa uu kusoo baxay guddoomiyaha FIET isaga oo helay 14 cod, waxaa ninka la tartamayey oo ah Liibaan Maxamed Xasan isna uu helay 10 cod. Cirro ayaa waxaa gadaal ka riixeysay Villa Somalia. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer Federaalka ayaa goor dhaweyd doortay guddoomiye cusub oo rasmi ah kadib codeyn Maanta ka dhacday Xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho. Tartanka guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa waxaa u tartamay illaa 5 musharax oo kala ah:1- Maxamed Xasan Cirro, 2- Liibaan Axmed Xasan (Liiban Shuluq), 3- Cabdi Xiis Aadan 4- Cabdcasiis Yuusuf, 5- Maxamed Muuse. Wareegga labaad doorashada ayaa waxaa usoo gudbay Maxamed Xasan Cirro oo helay 12 cod iyo Liibaan Axmed Xasan (Liiban shuluq) oo helay 8 cod. Wareegga labaad ee doorashada ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Xasan Cirro oo helay 14 cod halka Liibaan Shuluq uu helay 10 cod, sidaasna waxaa guddoomiye ku noqday Maxamed Xasan Cirro oo horeyna usoo noqday guddoomiyihii guddiga doorashada ee la kala diray. Maxamed Xasan Cirro ayaa xilligii uu noqday guddoomiyaha guddigii doorashada ee muranka dhaliyey ee markii dambe la kala diray waxa uu si xooggan ugu xirnaa Villa Somalia, balse ma cadda waxa hadda arrintaas iska beddelay. Dhinaca kale, Mowliid Xaaji Mataan ayaa isna ku guulaystay doorashadii gudoomiye ku-xigeynka Guddiga Hirgalinta dorashoyinka Heer Federaal. Doorashada ayaa si daah furan u dhacday, waxaana agaasinkeeda lahaa Guddiga Farsamada ee isku xirka howlaha doorashada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo si weyn loogu amaanay. The post Guddiga doorashada heer federaal oo guddoomiye cusub oo rasmi ah doortay appeared first on Caasimada Online.
-
SOMALIDA MAXAA SIYAASI XUMUHU ISUGU SOOFEYNAYAA EE AY ISUGU FOOGAN YIHIIN ? !!! Somalinimadu waa isir iyo abtirsi ee maaha siyaasad iyo dal la kala leeyahay, fahamka iyo caqliga dadka yaanu caayin siyaasi garan waayey wax uu umada ku hugaamiyo , dabadeed doodiisu gondaheena uun keenaya marwalba. Boqol iyo labaatankii sanadood ee ugu dambeeyey lama hayo soomaali oo degen oo raad iyo taariikh wanaagsan oo horumar iyo nolol ilbaxnimo abuurta ka tagay, waxa ay inoo ahayd dagaalo iyo wax iska dhicin shisheeye iyo sokeeyeba leh , ilaa maanta sidii ayaa la isugu lisayaa dadka. Qofka hogaamiyaha ahi waa in uu leeyahay hal abuur iyo himilo hogaamineed oo uu wax ku abuuri karo loo aayo, ee maaha in uu noqdo makarafoon waxii ay umadu sameysatay lagu baabiiyo ama la is yidhaahdo ku hadimeeya. Somaliland, Somalia, Djibouti, Somalida Ethiopia iyo Somalida Kenya intuba waa soomaali hadana waa kala dawlado, qofka qab iyo somalinimo ku jirtaa waa mid ku farxa horumarka walaalkii gaadhay dhibta soo gaadhana ka damqada. Waxa ay noo tahay naxdin joogto ah inta ay Muqdisho dagaal ,qarax iyo dhibaatooyin dad soomaaliyeed ku dhimanayaan ka jirto oo waanu la damqanaa oo la dareen nahay, walaalahayaga kale ee sadexda ahna sidoo kale ayaanu dhib iyo dheregba ula dareen nahay. Waxa aan la yaabanahay dadka somaliland oo hore calan iyo dawlad somaliyi wada lahayd loogu laayey oo diyaarado si arxan daran loogu duqeeyey iyada oo ay wali muuqdaan dhibaatadii oo maalin walba ay daadadku soo saaraan xabaalo boqolaal dad ah oo isku xidh-xidhan oo wadar isirkooda loogu diley in maanta dad dheel-dheelayaa dhayal wax isaga yidhaahdaan. Somaliland siyaasi wanaagsan iyo odey wanaagsan ayaa seeska u yagleelay oo aan dhiiga dadkiisa masaariifsan, gobolka ay ku taallo waa dalka ugu nabadgalyo wanaagsan, ugu dimuqaradisan ee ugu xoriyad badan xaqiiqda marka laga hadlayo. Siyaasi xumaha dalkiisa nabadeyn kari waayey, dhiiga dadkiisa ee maalinwalba qubanaya joojin kari waayey wuxuu balaga ugu lulayaa dhalinyarada Somaliland saw maaha in ay Somaliland noqoto sida koonfur oo kale oo fawdo iyo dawlad la’aan loo soo raro. Aduunka soomaalida magacyo iyo naaneyso aan wanaagsanayn ayaa uga baxay oo ay ka mid tahay qaranka fashilmay ( failed state ) hoy argagixiso ( terrorist zone) budhcad badeed ( pirates) iwm oo ay ahayd in laga dhiidhiyo oo la Iska maydho, ee maanta in Somaliland lagu mashquulo may aheyn. Caalamku wuu tagey inta aynu waxba isku haneyn laanahay, is hambalyeyn laanahay, shalay hadaynu wadajir rabnay maanta inaga oo shan ah ayeynu jiri karnaa is jeclaan karnaa wax badan is tari karnaa ee hogaamiye hal abuur leh hala raadiyo inta siyaasi xume isku keen soofeynayo. Hogaamiye ; Mohamed Dhimbiil Xisbiga Dadweynaha Somaliland. Qaran News
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ka howlgala gobollada dhexe ayaa sheegay in ay dileen 19 xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab. Saraakiisha ciidanka xoogga qeybta 21-aad ayaa sheegay in ay xubnahan ku dileen dagaal saaka ka dhacay inta u-dhaxeysa Tuula-xaayow iyo Ceel-dheere oo dhanka Koofur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Saraakiisha ciidamada ayaa tilmaamay in xubnaha ay dileen ay qorsheynayeen in ay miinooyin ku aasaan wadad isku xirta Dhuusamareeb iyo Guriceel, waxayna xaqiijiyeen in dhankooda uu dagaalka kaga dhintay hal askari. Sidoo kale waxay xaqiijiyeen in dagaalkaas uu ku dhintay hal qof oo ka tirsan dadka deegaanka. Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegay in ay weerar dhabaggal ah u dhigeen ciidamo ku socdaalayay wadada xiriirisa Guriceel iyo Dhuusamareeb, ayna dileen 8 askri oo ku jiro sarkaal lagu magacaabo Cabdulle Madax Yareey. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa dhowr deegaan oo ka tirsan Galmudug ay dagaalo ku dhexmareen ciidamada dowladda federaalka iyo Al-shabaab, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. PUNTLAND POST The post DFS iyo Al-shabaab oo guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay meel u dhow Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Guurtida oo Cod Gacan taag ah ku Aqbalay mudane u soo Gudbiyay warqadii Iscasilaada. Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa cod gacan taag ah ku aqbalay warqadii iscasilaada xildhibaan C/rashiid Xaashi Cabdi Shiil oo dhawaan maxkamada sare ee Somaliland u dhaarisay xilka iyo xubinimada golaha guurtida, kaas oo soo galay booskii ALLE haw naxariiste walaalkii Marxuun Axmed Xaashi Cabdi Shiil.Mudanuhu waxa uu sheegay in uu xilkan u banneeyay sababo isaga u gaar ah. Golaha ayaa cod gacan taag ah ku aqbalay iscasilada xildhibaan Cabdirashiid.Ku darsoo Taariikhda Golaha Guurtida waa xildhibaabkii labaad ee iska casila Golahaas. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Golaha Wakiilada dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta u codeeyay wax ka badal ay lagu sameeyay xeer-hoosadka golahaas ee ku saabsan mooshinka xil ka qaadista guddoomiyaha golaha. Xeer-beddelka la sameeyey ayaa lagu go’aamiyey in mooshinka xilka ka qaadista ay tahay inay u codeeyaan ugu yaraan 44 xildhibaam, halka markii hore ay ka aheyd 34 xildhibaan. 52 Xildhibaan oo fadhiga xaadirtay waxaa Ansixinta Xeerkaan u codeeyay 38-Xildhibaan, 10 ayaa diidan halka ay ka aamuseen 4-kale sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Ansixinta xerkaan ayaa waxay ka dhigan tahay in madaxweynaha Puntland iyo guddoomiyaha barlamaanka ay ka siman yihiijn codadka ay xilalkooda ku waayi karaan haddii mooshin lagasoo gudbiyo. Madaxweynaha ayaa markii hore codadka looga qaadi karo xilka ahaayeen 44, balse hadda waxaa sidoo kale lala soo simay guddoomiyaha baarlamanka. Codadkan waxay u dhigan yihiin labo meelood oo kamid ah tirada xildhibaanada barlamaanka Puntland oo ah 66 mudane. Wax ka badalka Xeer Hoosaadkaan waxaa soo Gudbiyay Guddiga Shuruucda & Cadaaladda ee Dowlad Goboleedka Puntland, Aqrin kadib Golaha Wakiilada ayaa loo qaybiyay ugu dambeyn maanta u codeeyay. Waa markii ugu horaysay oo barlamaanka uu wax ka bedel ku sameeyo xeerka awoodaha guddoonka barlamaanka. Waxaa la aaminsan yahay in uu xeerkaan adkayn doono in guddoomiyaha barlamaanka si fudud xilka looga qaado sida horey u dhacday. Tan iyo markii la aas-aasay maamul goboleedka Puntland, inta badan guddoomiyayaashii barlamaanada ee soo maray waxay la kulmeen mooshin xilka looga qaadayay, iyadoo loo aaneenayay inuu ka yimid dhinaca madaxweynaha markaas joogay. Waxaa ugu dambeeyay guddoomiyihii barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo-daareed, kaasoo todobadii bishii November ee sanadkii 2019 xilka looga qaaday mooshin lagasoo abaabulay madaxtooyada Puntland, sida uu isagu sheegay. The post Mooshinka xil ka qaadista guddoomiyaha baarlamanka Puntland oo lala simay kan madaxweynaha maamulka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka hadashay kulan maanta magaalada Muqdisho ay ku yeeshen Safiirkeeda u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Al-Cusmaani iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Qoraalka kooban oo kasoo baxay Safaaradda Imaaraadka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynihii hore uu Danjire Maxamed Axmed Al-Cusmaani la wadaagay mahadnaq ku aadan kaalinta uu Imaaraadka ka qaatay dib-u-dhiska dalka Soomaaliya. Madaxweynihii hore ee dalka ayaa dowladda Imaaraadka ku bogaadiyey dadaalka ay ku bixineyso dib-u-dhiska Soomaaliya, isagoona xoojiyey xiriirka labada dal iyo xiriirka shacab ee soo jireenka ah. “Waxa uu la kulmay Mudane Danjire Maxamed Axmed Al-Cusmaani , Danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo asagu mahad-naq iyo bogaadin ugu jeediyay dowladda Imaaraadka kaalinteeda taageerada dib-u-dhiska Soomaaliya, wuxuuna xoojiyey xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo shacabka walaalaha ah,” ayaa lagu yiri qoraalka. التقى سعادة/ محمد أحمد العثمان سفير الدولة لدى جمهورية الصومال الفيدرالية ، مع الرئيس الصومالي السابق حسن شيخ محمود ، واللذي قدم شكره وتقديره لدولة الإمارات على جهودها في دعم إعادة بناء الصومال، مؤكداً على العلاقات الأخوية التاريخية بين البلدين والشعبين الشقيقين. pic.twitter.com/sL3PP4hhMW — UAE Emb in Mogadishu (@UAEEmbassyMog) July 4, 2021 Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa kamid ahaa dowladihii sida adag uga horyimid muddo kororsigii fashilmay ee gadaal ka riixeysay Villa Somalia, wuxuuna hormuud u ahaa wadamo si adag u cambaareeyay falal amni daro oo kal hore ka dhacay caasimada dalka, kuwaasi oo ka dhashay khilaafkii doorashada. Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa muddooyinkii dambe mad-madow badan ka jiray, ayada oo dhowr jeer ay dowladda federaalka si adag uga hortimid qoraalo kasoo baxay Imaaraadka oo ku aadana xaalada dalka. The post IMAARAADKA oo war kasoo saaray kulan dhex-maray Xasan Sheekh iyo safiir Al-Cusmaani appeared first on Caasimada Online.
-
Somali Journalists Syndicate (SJS) is concerned about the denial of access to information by the health authorities at federal and state level, violating national and international law’s obligations on access to information and public health and derailing efforts to raise public awareness to save lives and giving opportunity to disinformation and fake news to flourish. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu todobaadkan diiradda saaray waddaniyadda, isaga oo mar weerar ku qaaday qabyaaladda sida maalintii 1-da Luulyo oo uu yiri “Dalkan waxaa isku haysta dad ma aha, labo afkaar ayaa isku haysata waddaniyadda iyo qabyaaladda” iyo sabtidii shalay uu ku sheegay madaxweyne Aadan Cadde “Inuu ku adkaa mabaadii’da ama afkaartii SYL, oo ahaa in midnimada la adkeeyo, waddaniyadda la xoojiyo, sharafka iyo karaamada ummadda inaysan gorgortan gelin, qabyaaladda laga fogaado”. Haddaba, Goobjoog News ayaa isbarbardhig ku sameysay illaa 10 mowqif oo labada madaxweyne soo maray iyo sida ay uga kala jawaabeen, waxaana kale oo aan ogaan-doonnaa in Farmaajo uu raacay raadkii madaxweyne Aadan Cadde iyo in kale. 1. Kala hadlidda: Madaxweyne Aadan Cabdulle weligii kalama hadal, waxaana lagu xusuustaa mowqif mid ah illaa uu ka geeriyooday 2007-dii, halka madaxweyne Farmaajo buuggiisa Master-ka uu madaxweyne Aadan Cadde ku tilmaamay mid u shaqeyn jiray, daacadna u ahaa Talyaaniga, isaga iyo ra’isul wasaarihiisa Cabdirarashiid Sharma’arke, isaga oo intaa raaciyey in nidaamkaas uusan isbeddelin illaa uu yimid Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal 1968-kii. 2. Halganka: Madaxweyne Aadan Cadde waxaa uu SYL ku biiray sannad kaddib markii la aasaasay, isaga oo wakiil uga ahaa Baladweyn, xorriyadda ka hor waxaa uu hoggaaminayey dhaq-dhaqaaqan 1954-1960-kii halka Madaxweyne Farmaajo aanu weligii qeyb ka noqon halgan ama dagaal ka dhan ah shisheeye ama xataa mid lagu diiddan yahay keligii talis. 3. Midnimada: Madaxweyne Aadan Cadde waxaa uu ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya iyo aabaha midnimada labada qeyb ee koonfurta iyo waqooyiga isaga oo dhidibada u taagay jamhuuriyadda halka madaxweyne Farmaajo uu 4 sano cunaqabeyn ku hayey Hargeisa sida uu todobaadkan sheegay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, waxaa intaa dheer waxaa uu ku guul-dareystay inuu dhaqaajiyo wada hadaladda labada dhinac, waxaa uu sidoo kale baabi’iyey federalism-ka. 4. Qabyaaladda: Madaxweyne Cabdulle Cismaan waxaa lagu xusuustaa inuu necbaa qabyaaladda, lana dagaalay intii uu madaxweynaha ahaa iyo kaddibba, weligiina kama qeyb qaadan hawlo qabiil, isaga oo si deggan ugu noolaa beertiisa laakiin madaxweyne Farmaajo waxaa uu Gedo oo reerkiisu deganaa darteed u sameeyey wax walba isagoo arrintaas darteed khatar u geliyey dalka iyo xataa naftiisa. 5. Itoobiya: Madaxweyne Cismaan Daar waxaa uu ahaa hoggaamiyaha billaabay dib u xoreynta dhulka Soomaali galbeed, waxaa uuna gumeystaha Itoobiyaha la galay dagaalkii 1964-tii halka Farmaajo uu 4-tiisa sano saaxiib la ahaa hoggaamiyaha Itoobiya Abiy Axmed, 4 dekad u saxiixay June 16, 2018-kii, waxaa intaa dheer sida ay todobaadkan sheegeen Mareykanka waxaa hadda gudaha Itoobiya ku sugan ciidamo Soomaali ah oo difaacaya regime-kaas. 6. Dimoqoraaddiyadda: Madaxweyne Adan Cadde waxaa uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyey Afrika ee si dimoqraaddi ah inta doorasho looga adkaaday, haddana si xor ah u wareejiya xilka halka madaxweyne Farmaajo 12-kii April ee sannadkan uu 2 sano iskiisa ugu darsaday, isaga oo bil kaddib ka laabtay markii ay ku gadoodeen ciidamada xoogga dalka iyo beelaha Xamar. 7. Dib u Heshiisiinta: Madaxweyne Aadan Cadde waxaa xiray Siyaad Barre, markii la soo daayey ma sameyn aargudasho ee wuxuu siin jiray naseexo, waxaa uuna ka mid ahaa saxiixayaashii manifesto iyo dadkii ka qeybgalay shirarkii dib u heshiisiinta Djibouti ee June iyo July ee lagu doortay madaxweyne Cali Mahdi Maxamed halka madaxweyne Farmaajo uu 6-dii bil ee tagtay uu labo jeer ka kacay shirarkii isaga iyo maamul goboleedyada, inkasta oo uu hore u dhahay waxaan noqon nabaddoon laakiin waxaa uu 4 sano ku dhammeystay xasillooni darro uu gacmihiisa ku keenay. 8. Dal Jaceyl: Madaxweyne Aadan Cadde markii uu xilka ka degay, inkasta oo lagu dhibay dalka gudahiisa, oo labo jeer uu Maxamed Siyaad xiray, qax iyo dagaallo ku dul dhaceen, haddana dalka kama bixin, oo waxaa uu ku noolaa beertiisa Jannaale halka Farmaajo oo dowladda u dirtay safaaradda Mareykanka 1985-tii si uu halkaas uga shaqeeyo uu diiday inuu Soomaaliya dib ugu soo noqdo, iskana dhiibay magangalyana weydiistay Mareykanka halkaas uu deganaa illaa uu madaxweyne ka noqday 2017-kii. 9. Xisbi: Madaxweyne Daar waxaa uu ahaa nin rumeysan nidaamka xisbiyada badan halka Farmaajo uu illaa hadda sameynsan la’yahay xisbi siyaasi ah. 10. Xasillooni La’aan Siyaasadeed: Muddadii uu madaxweynaha ahaa Aadan Cadde waxaa ay dadku ogaayeen meesha loo socdo, doorashooyin iyo qoray isu-dhiib siyaasadeed laakiin hadda oo Farmaajo aanu weli kursiga banneyn, waxaa dalka ka jira xasillooni darro siyaasi ah, lamana oga sida ay wax noqon doonaan doorashada October 10. W/Q: Cabdiaziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cusub Oo Lagu Magacaabo Cabdirashiid Xaashi Cabdi Oo Dhawaan Maxkamadda Sare Ay Dhaarisay Xilkaaa Ayaa Maanta Warqadiisi Is Casilaada Golaha Guurtida U Gudbiyay . Golaha ayaa cod gacan taag ah ku aqbalay iscasilada xildhibanka. Taariikhda Golaha Guurtida waa xildhibaabkii labaad ee iska casila Golahaas. Source
-
A Philippine Air Force plane with 92 soldiers and crew members aboard crashed on the southern island of Jolo on Sunday, officials said. At least 17 people were killed, and it was feared that the toll would climb. Source: Hiiraan Online
-
John Maxwell was right: "Everything rises and falls on leadership." And at the peak of Somalia's colossal predicaments, it is a numbing example of an appalling failure of leadership. Indeed, for more than half a century after gaining its independence, the nation appears Source: Hiiraan Online
-
Baarlamaanka Puntland ayaa maanta meelmariyay talo uu hory u soo jeediyay guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaaday Cabdixakiin Dhoobo Daareed, oo ahayd in simo awoodaha madaxda sare ee Puntland. Golaha ayaa u codeeyay in guddoonka Baarlamaanka ay ridi karaan saddex milood labo meelood (2/3) tirada xubnaha Golaha, halkii ay horay u ahayd kala bar iyo hal (1/2+1 ) tirada Golaha. 34 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland ayaa ogolaaday qaraarkan, waxaana diiday10 mudane, halka ay ka aamuseen 4 mdane. Qaraarkan ayaa sidoo kale dhigaya in eedeynta guddoonka Golaha ay ogolaadaan ugu yaraan kala bar iyo hal (1/2+1 ) tirada Golaha Intii Puntland jirtay ayaa xilka laga xayuubiyay dhowr guddoomiye Baarlamaanka, waxaana ugu dambeeyay Dhoobo Daareed. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo simay awoodahah xilka qaadis madaxda sare appeared first on Puntland Post.
-
Musharax Madaxweyne Soomaaliya Dr.Cumar Cabdukhadir Axmedfiq ayaa kulan sagootin iyo dhiirigelin caasimada Muqdisho ugu sameeyay xidigaha Xulka Qaranka Minifootboolka ee ka qeyb galaya tartanka Qaarada Afrika ee Minifootboolka,kaas oo ku qabsoomaaya Wadanka Nigeria,kulanka oo ka dhacay caasimada Muqdisho waxaa kaqeyb galay madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubad cagyaraha,ciyaartooydii hore,xidigaha Xulka Minifootboolka,la taliyaasha dhinaca isboortiga iyo dhalinyarada Musharraax Cumarfiqi iyo marti sharaf kala duwan,waxaana dhinacyadii kulanka ka qeyb galay ay guul iyo natiijo wanaagsan u rajeeyeen Xulka Qaranka Minifootboolka Soomaaliya. “Musharrax Dr.Cumar Cabdukhadir Axmedfiqi dad badan ayaa la tartamaya,balse hadii aanu nahay ciayartooyda Xulka Minifootboolka waan ku garab taaganahay,waxaana kuu rajayanayaa guul iyo horomar ” ayuu sheegay kabtanka Xulka Qaranka Minifootboolka Soomaaliya Cabdullahi Cali Shiine (Geesey). “Musharrax Cumar AxmedFiqi ,waa musharraxii ugu horeeyay ee qaabila Xulka Qaranka Minifootboolka, hadii aanu nahay laacibiintii hore Soomaaliya guul iyo horomar ayaan u rajaynayaa” ayuu yiri Axmed Muuse oo ah ciyaaryahanadii hore Kubad Kolayga Soomaaliya. “Musharraxiiinta kale ee u tartamaysa jagada madaxweyanaha dalka waxay ku mashquulsanyihiin siyaasadda iyo arrimo kale,balse Musharrax Cumar Cabdiqaadir Axmedfiqi, waan kaga mahadcelinayaa doorkiisa dhiirigelinta iyo garab istaagida Xulka Qaranka Minifootboolka Soomaaliya” ayuu yiri Maxamed Isaak Mooge oo ah garsoore heerka caalami Minifootboolka Soomaaliya. “Musharrax Cumar Cabdiqaadir Axmedfiqi waxaan ka rajaynayaa in kaalin ka geysto horomarka Xulka Qaranka Minifootboolka” ayuu munaasabada ka sheegay weriye Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar) oo ah maamulaha iyo Macallinka Kooxda Akadeemiyada Itaal ee ka dhisan magaalada Muqdisho. “Mudane Musharrax Cumar Cabdiqaadir Axmedfiqi waxaan kaa rajaynaynaa in aad joogteeso dhiirigelinta ciyaartooyda Xulka Qarnaka Minifootboolka Soomaaliya ,balse laga bilaawo maanta odayaasha isboortiga adiga ayay ku garab taaganyihiin” ayuu munaasbada ka sheegay Saciid Jaamac Qorsheel oo horay u soo noqday Wasiirka Wasaaradda Gaadiida iyo Hawada Soomaaliya,sidoo kalane u soo dheelay Xulka Qaranka iyo naadiga LLP Jeenyo. “Hadii aanu nahay Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya Musharrax Madaxweyne Soomaaliya Cumar Cabdiqaadir Axmedfiqi, waxaan u haynaa abaal iyo sharaf waxaanse u rajayanayaa in uu ku guulaysto xilka uu ugu sareeya dalka” ayuu sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubad Cagyaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle. “Waxaan garab taaganahay 100% waxqabadka iyo guulaha Xiriirka Minifootboolka iyo Xulka Qaranka kubad cagyaraha Soomaaliya ,waxaan inoo balan ah kulamo oo qiimo badan iyo guulo waaweyn oo aad ka soo hooysan tartanka Qaarada Africa ee Minifootboolka” ayuu warbaahinta u sheegay Musharrax Madaxweyne Soomaaliya Dr.Cumar Cabdukhadir Axmedfiqi. Daawo Kulankii Musharrax Fiqi iyo Xulka Qaranka Sidoo Kale Aqriso Wararka Ku Saabsan SOMFA Guddoomiye Xaaji Aadan “Waxaan Ku Shaqaynaa Khibrada Odayaasha Isboortiga Dalka” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
The Sudanese government said deeply concerned about the recent developments in the northern part of Ethiopia in Tigray and called on all parties in the neighbouring country to use peaceful means to resolve their differences. The Tigray People’s Liberation Front (TPLF) fighters retook control of the Tigray region capital Mekelle on Monday 28 June, seven months after they withdrew from the city in November 2020. Following the dramatic turn, the Ethiopian government announced a unilateral humanitarian ceasefire but the TPLF rejected the truce saying they want the Ethiopian army and allied troops out of the region. In Khartoum, following a high-level meeting involving the head of the Sovereign Council, the Prime Minister, and the Foreign Minister, the transitional government issued a statement on the ongoing armed conflict near the Sudanese eastern border. “The Sudanese government is deeply concerned about the ongoing developments in Ethiopia, which may have a negative impact on regional stability, especially on neighbouring countries,” reads a statement released by the foreign ministry after the meeting. The Sudanese government vowed to work with the Ethiopian parties to settle the conflict and enhance Ethiopia’s unity. Khartoum further said it would work with the regional and international community to achieve peace in the neighbouring country. “The Sudanese government calls upon all parties in neighbouring Ethiopia to stop fighting, join the negotiating table, and to facilitate humanitarian access to all the needy population,” stressed the statement. The conflict in Tigray Ethiopia has driven over 60,000 refugees into impoverished eastern Sudan. The United Nations agencies and aid groups struggle to evacuate them from the border and provide them with shelter. The United Nations Security Council on Friday called on the TPLF to cease hostilities after the unilateral ceasefire announced on 28 June by the federal government. In a briefing to the Council, Rosemary Dicarlo, Under-Secretary-General for Political and Peacebuilding Affairs, said that issues “plaguing the country must be addressed in a comprehensive and sustainable way”. She, also, stressed that an inclusive ceasefire should not only “facilitate the provision of humanitarian aid, but also be a starting point for political efforts to chart a way out of the crisis”. Hamdok reacts Before the meeting, Prime Minister Abdallah Hamdok issued a statement to voice his support to the call for a ceasefire in Tigray by the Security Council. “I agree with the positions that were expressed (at the meeting) especially by the African member states of the Council regarding the consolidation of a comprehensive and permanent cease-fire, ensuring the delivery of humanitarian aid to the Tigray region and a comprehensive national dialogue Which does not exclude anyone in order to maintain the unity, security and stability of Ethiopia,” said the Sudanese premier. “For our part, Sudan will provide all support and assistance to the sisterly neighbour Ethiopia to overcome its current crisis,” he added. Source: Sudan Tribune The post Sudan deeply concerned by recent development in Tigray: statement appeared first on Puntland Post.