Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,986
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beledweyne (HOL) - The governor of the Hiiraan region and commander of the 5th brigade of the 27th division of the Somali National Army have strongly criticized the AMISOM forces operating in the area. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online)- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya diiday dhex-dhexaadin ku saabsan muranka xuduudda badda ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Wasiirka ayaa sheegay in arrintaan dhex-dhaxaadinta ah uu isku deyey ururka Midowga Afrika, balse dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin inay gorgirtan ka gasho taako dhuleed oo ay xaq u leedahay. Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in dhex-dhaxaadinta dhanka xuduuda ah ee Midowga Afrika uu soo jeediyey ay salka ku heyso arrinta badda, balse mowqifka Soomaaliya uu yahay in lagu dhaqmo go’aanka ay ka soo saari doonto Maxkamadda ICJ oo qaaday dacwadda badda. “Arrinta xuduudaha ee u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya waxay salka ku heysaa arrinta badda, kiiska badana waxa uu yaallaa maxkamad, umana furna Midowga Afrika iyo cid kale toona, Soomaaliyana ma aqbaleyso, ilaa sanadkaan gudihiisana waxaan maxkamadda ka sugeynaa jawaab rasmi ah,” ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdirisaaq. Dhanka kale wasiirka oo ka hadlay halka uu marayo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in hadda dib loo furay labadii safaaradood, isla markaana ay iska dhamaa doonaan waxyaabaha la kala tabanayo. “Waa jiraan waxyaabo badan oo Kenya aan ka tabanay oo ugu dambeyn nagu kalifay inaan xiriirka u jarno, hadda Kenya waan wadahadalnay kulamo badana waan isugu tagnay, waxaana ku heshiinay in waxyaabihii keenay in xiriirku go’o si run ah oo qota dheer loo galo, arrintaasna si fiican ayey noogu socotaa, labadii safaaradoodna waa la furay hadda,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. Hoos ka dhageyso codka wasiirka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/08/wasiirka.mp3 The post Soomaaliya oo diiday arrin ay soo jeediyeen Midowga Afrika oo la xiriirta kiiska badda appeared first on Caasimada Online.
  3. Mogadishu (HOL) - Somali Upper House Speaker, Abdi Hashi Abdullahi, has rejected a proposal from Prime Minister Mohamed Hussein Roble. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare Rooble ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray xubnaha guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi, kuwaas oo khilaaf xoog leh uu ka dhaxeeyo, sidoo kalena ay kala hoggaaminayaan laba guddoon oo midba gaar uu u doortay. Warqad ka soo baxday xafiiska wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa lagu soo gudbiyey dalabka kulankaan. “Xafiiska ra’iisul wasaaraha JFS waxa uu idin farayaa inaad ka soo qeyb gashaan kulan muhiim ah oo uu idinkugu yeeray ra’iisul wasaaraha, kana dhacaya xafiiskiisa, saacadu markii ay tahay 11:00 AM,” ayaa lagu yiri qoraalkan uu ku saxiixan yahay wasiiru dowlaha xafiiska RW Rooble Cabdixakiin Ashkir. Dhanka kale Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble uu maanta soo gabagabeeyey la tashiyadii uu la lahaa guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, kuwaas oo mudooyinkii dambe uu ka dhex taagnaa khilaaf salka ku haya guddiga doorashada gobollada waqooyi. “Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble markii uu tix-geliyey in doorashada kuraasta Aqalka Sare ee gobollada waqooyi ay bilaabato, waxa uu go’aan ku gaaray in la guda galo doorashada, waxuuna ra’iisul wasaaruhu kulan deg deg ah berri isugu yeeray xubnaha guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi ee SEIT,” ayuu yiri Macalimuu. Hoos ka daawo Afhayeenka The post Rooble oo go’aan gaaray, kulan deg deg ahna isugu yeeray gudiyada doorashada gobollada waqooyi + Video appeared first on Caasimada Online.
  5. MOGADISHU (HOL) - South West state in Somalia today elected the first five senators joining Jubbaland which elected four senators last Thursday. Source: Hiiraan Online
  6. MOGADISHU (HOL) - Lawmakers in South West State elected the first five senators, following Jubaland, which elected its senators last Thursday. Source: Hiiraan Online
  7. Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed lagu doortay 5 Senator oo kamid aha Xubnaha Aqalka Sare ka imaanaya maamulkaas, kuwaasi oo hore ugu soo baxay liis uu soo saaray madaxweyne Lafta-gareen. Doorashada maanta oo aheyd middii labaad ee doorashada Aqalka Sare, ayaa waxaa kusoo baxay 5 Senator, halka ay ku tartamayeen 10-xubnood, ayada oo qaar kamid ah soo bixistooda hore loo ogaa. Kursiga 1-aad ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Zamzam Ibraahim Cali iyo Shariifo Xaji Cismaan, waxayna guusha kursigaas raacday Zamzam Ibraahim Cali oo heshay 81 cod, halka Shariifo ay heshay 4 cod oo keli ah. Zamzam ayaa kaso jeeda beesha Jiido. Kursiga 2-aad ayaa asagna waxaa ku tartamay Ayaan Aadan Cabdullaahi iyo Farxiyo Nuur Aadan, waxaana doorashada codadka ugu badan kasoo hoysay Ayaan Aadan oo heshay 79 cod, halka ay Farxiyo heshay 8 cod oo keliya, waxaana sidaas ku raacday guusha kursigaas Ayaan Aadan Cabdullaahi. Ayaan kasoo jeeda beesha Hariin. Kursiga 3-aad ayaa waxaa ku tartamay Aadan Cabdinaasir Maxamed iyo Maxamed Xasan Aadan, waxaana 80 cod ku guuleystay Aadan Cabdinaasir, halka Maxamed uu helay 6 cod. Aadan Cabdinaasir Maxamed oo ah Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisinta xukuumadda xilgaarsiinta ee Ra’iisal wasaare Rooble ayaa hore loo sii ogaa soo bixistiisa, wuxuu beddelayaa Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo kursigan ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhoofay, kana tirsan xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh. Aadan ayaa kasoo jeeda beesha Hadamo. Kursiga 4-aad ayaa sidoo kale waxaa ku tartamay Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabey) iyo Nuur Baabul Cadow, waxaana kursigaan ku guuleystay Maxamuud Garabey oo helay 76 cod, halak uu Nuur Baabul uu helay 9 cod. Maxamuud ayaa kasoo jeeda beesha Geeladle. Kursiga 5-aad oo ah midka u dambeeyay ee maanta lagu doortay Baydhabo ayaa waxaa ku tartamay Xuseen Maxamed Daahir iyo Xasan Maxamed Nuur, waxayna guusha ku raacday Xuseen Maxamed Daahir oo helay 71 cod, halka uu Xasan helay 7 cod oo keliya. Xuseen ayaa kasoo jeeda beesha Boqole Hore. Doorashada maanta oo aheyd mid indhaha lagu hayey ayaa waxaa inta badan ku soo baxay xubno hore loo sii ogaa soo bixistooda, kuwaasi oo lala xiriirinayo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed. The post Shanta Senator ee maanta la doortay iyo beelaha ay kasoo jeedaan (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
  8. Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa qoraal ku soo bandhigay sida xal looga gaari karo khilaafka doorashada gobolada Waqooyi. Cabdi Xaashi oo qoraalka maanta u gudbiyay Ra’iisul wasaare Rooble wuxuu soo jeediyay in isaga iyo Mahdi Guuleed ay noqdaan hoggaanka wadajirka ah ee haga doorashooyinka xildhibaannada Somaliland. Wuxuu kaloo soo jeediyay in dib u mideynta lagu sameeyo guddiga doorashooyinka gobollada Waqooyi, iyadoo dib loo dooranayo guddoon aysan qeyb ka ahayn 3-da xubnood ee xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble laga soo magacaabay. Sidoo kale Cabdi Xaashi wuxuu soo jeediyey in doorashada xildhibaannada Somaliland lagu qabto hargarka ciidanka cirka ee Xalane, amnigeedana ay sugaan Booliska Soomaaliya iyo AMISOM. Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland garabka uu hoggaamiyo Cabdi Xaashi ayaa aaminsan in Ra’iisul Wasaare Rooble uusan dhexdhexaad ka ahayn doorashada gobollada Waqooyi. Ra’iisul Wasaare Rooble oo dhow jeer kulamo la qaatay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa weli ku guuleysan xal u helida khilaafka ka taagan doorashooyinka gobollada Waqooyi ee u dhexeeya labada garab ee siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland. PUNTLAND POST The post Muxuu yahay qoraalka uu Cabdi Xaashi u gudbiyay Rooble? appeared first on Puntland Post.
  9. Waxaa lasoo gabagabeeyey kursiga Aqalka sare ee ay ku tartamayaan Dr. Xuseen Maxamed Daahir iyo Xasan Maxamed Nuur, waxaa kusoo baxay Dr. Xuseen. Waa Kuma Dr. Xuseen Maxamed Daahir? Dr. Xuseen Maxamed Daahir waxaa uu ku dhashay Baydhabo isaga oo dugsi hoose ku qaatay Shalanbood ee shabeelada hoose halka uu ka baxay dugsi sare Imaamu Shaafici ee Muqdisho. 2010-2016, waxaa uu dhiganayey ee uu dhameeyey Jaamacadda Banaadir isaga oo ka bartay General medicine, waxaa uuna ka shaqeeyey isbitaal Madiina October 2017 waxaa uu ka shaqeeyey Isbitaal Bay ee Koonfur Galbeed. 10 septemper 2019 agaasimaha wasaaradda cafimaadka Koofurgalbeed. Kursigan uu kusoo baxay waxaa laga qaaday Senator Timiro Maxamed Cali, waxaan leh beesha Mirifle, Yeeladle. Source: goobjoog.com
  10. PRESS RELEASE Former U.S. Secretary of Interior Ryan Zinke to Enhance U.S.-Africa Relations at African Energy Week in Cape Town Leading a delegation of American businesses, independent producers, and financiers to African Energy Week in Cape Town, Ryan Zinke will drive inter-continental partnerships and investment into emerging African markets JOHANNESBURG, South Africa, August 2, 2021/ — The African Energy Chamber (AEC) (www.EnergyChamber.org) is proud to announce that Ryan Zinke, former U.S. Secretary of Interior under former-President Donald Trump, has confirmed his attendance and participation at African Energy Week (AEW) 2021, taking place in Cape Town on the 9th-12th of November 2021. Zinke will lead a delegation of American businesses, independent producers, and financiers to Cape Town, capitalizing on the expanding prospects present in emerging African markets, and introducing a wide network of stakeholders to African natural resource opportunities. In his previous position, Zinke was responsible for all oil and gas licenses in the U.S., and was committed to natural resource expansion through the opening up of federal lands for oil, natural gas and mineral exploration and extraction. Zinke has maintained a strong position for the increased exploitation of fossil fuels. As he announced in the Interior Department’s 2018-2022 strategic plan, “our mandate is multiple-use of public lands, and multiple-use also includes the development of natural resources as we seek to leverage American energy for American strength.” A strong advocate for using oil and gas development as a catalyst for wider economic growth, Zinke will drive a discussion on how Africa can fully utilize its significant resource base – driven by productive U.S.-Africa partnerships – to initiate long-term socio-economic growth. Meanwhile, Zinke continues to drive a discussion on the role of natural gas as a cleaner-burning fossil fuel. Unopposed to fossil fuel extraction, and yet acknowledging the carbon consequences, Zinke is advocating for the increased development of natural gas, explicating the value of the resource in addressing rising energy demand worldwide. In line with AEW 2021’s agenda regarding the role of natural gas in the energy transition, Zinke is expected to initiate a constructive dialogue on natural gas management, monetization and development, whilst introducing American financiers to African projects. “Secretary Ryan Zinke coming to Cape Town is HUGE. He played an important role alongside President Donald J. Trump, in ensuring that the US becomes the world’s largest producer of Oil and natural gas. He cut a lot of red tape and reduce bureaucracy, created an enabling environment for American businesses to thrive in the energy sector. African leaders, businesses and our energy industry will have a good opportunity in Cape Town to interact firsthand with Secretary Zinke and benefit from his network that could help us in our goal to Make Energy Poverty History.” stated NJ Ayuk, Executive Chairman, the AEC. Under the Trump administration, Zinke was a strong advocate for the ‘American first energy plan’ – an economic, strategic, and foreign policy goal that aimed to exploit the American landscape and establish American energy dominance. In addition to developing U.S. domestic resources, Zinke is committed to promoting energy sector collaboration and continues to be focused on establishing long-term partnerships with various oil and gas stakeholders. Notably, while in office, Zinke emphasized the value of forming partnerships between the Interior department and Oil Corporations, promoting growth through integration. Accordingly, Zinke has also recognized the value of international partnerships, and leading a delegation of stakeholders from the U.S. to Cape Town, is eager to establish investment deals and sustainable partnership agreements between U.S. companies and African markets. “American businesses, independent producers, and financiers are coming to African Energy Week in Cape Town, and we thank Secretary Zinke for his resolve in supporting Africa fight energy poverty and for being a voice for why energy matters to Africa. Africa stands to significantly benefit from U.S. partnerships, investment and Secretary Zinke’s delegation will drive deal-making, investment, and collaboration across Africa. By promoting the role of oil and gas in not only Africa’s energy future, but the entire globes, Zinke recognizes these resources value in fast tracking economic growth and driving industrialization worldwide,” Concluded Ayuk. Distributed by APO Group on behalf of African Energy Chamber SOURCE African Energy Chamber Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi ayaa ku gacan seyray dalab uga yimida Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, si uu ula wareego gacan ku haynta doorashada kuraasta gobolada Waqooyi ee Somaliland. Cabdi Xaashi ayaa sheegay in xal aysan u noqoneyn tabashada ay qabaan in talada iyo maamulka doorashada loo gacan geliyo Rooble, islamarkaana loo baahan yahay in la xaliyo khilaafka labo garab u kala jebiyay guddiga doorashada Somaliland. Waxa uu sheegay in marnaba aan la wareejin karin masiir umaddeed, ayna xaq Dastuuri ah u leeyihiin dadka reer Waqooyi inay ka tashadaan aayahooda iyo hubinta madax-banaanida doorashadooda. “Golaha Siyaasiyiinta Somaliland wuxuu kugu wargelinaya (Ra’iisal wasaare) in aan masiir umadeed la wareejin karin ee ay dadka reer Waqooyi xaq dastuuri ah u leeyihiin ka tashiga aayahooda iyo hubinta madax-banaanida Doorashada 57-da kursi ee ay leeyihiin labada Gole,” ayaa lagu yiri waraaq uu soo saaray Cabdi Xaashi. Qoraalka kasoo baxay Cabdi Xaashi oo ahaa labo bogg ayaa waxa uu si toos ah ugu socday Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, wuxuna kusoo jeediyay 3 QODDOB oo uu sheegay inay fure u noqon karaan xal ka gaarista xiisada. Saddexda soo jeedin ee uu Cabdi Xaashi u gudbiyey Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa waxay kala yihiin; Dhismaha jiheynta doorashada: In Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ay noqdaan hogaan wada-jir ah oo haga maamulka doorashada. Dib u mideynta labada garab ee guddiga: ayada oo labada dhinac si cadaalad ah loogu qeybinayo guddoonka guddiga. Goobta doorashada iyo amnigeeda: In ay doorashada ka qabsoomto gudaha Xalane iyo inay amnigeeda sugaan ciidamada booliska Soomaaliya iyo AMISOM. Hoos ka aqriso qoraalka uu soo saaray Cabdi Xaashi oo dhameystiran The post DEG DEG: Cabdi Xaashi oo ku gacan seyray dalab uga yimid Rooble, soona saaray 3 qodob appeared first on Caasimada Online.
  12. Senator Maxamuud Maxamed Cabdinuur ayaa goor dhaw ku soo baxday doorashada Aqalka ssre isagoo helay codadkii la dhiibtay 76 , halka Nuur Baabul Caddow uu helay cod 9 cod. Mar uu ka hor hadlay baarlamaanka Koonfur Galbeed waxaa uu khibradda shaqo ku sheegay in 40 sano ka shaqeynayey dowladda hoose, ka noqday agaasime, xogheyaha iyo jagooyinka kale, waxaa uuna codsaday kalsoonida Xildhibaannada halka ninka tartamay ee Nuur Baabul Cadow uu isna ilaa dugsi sare Baydhabo ku dhameeyey. Kursiga waxaa laga qaaday oo horay ugu fadhiyey Senator Cabdullahi Cabdi Garuun, waxaa leh beesha Mirifle, Geeladle. Source: goobjoog.com
  13. Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada Kursigii Afaraad ee sanaterada aqalka sare iyadoo kursiga ay ku tartameen Labada musharax ee kala ah : 1: Maxamuud Maxamed Cabdinuur 2: Nuur Baabul Caddow Senator Maxamuud Maxamed Cabdinuur ayaa ku soo baxay doorashada isago helay codadkii la dhiibtay 76 , halka Nuur Baabul Caddow uu helay cod 9 cod. Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada kursiga Afaraad. Source: goobjoog.com
  14. It was an honor for me to serve, to the best of my ability, the Somali people in general, and the people of the South West in particular. My people elected me four years ago with 91 votes, the highest vote for a Senator in Somalia. During my tenure, I believe that I did all in my power for my country and my people and I defended everything I saw as the interest of the nation and the region I represented, but this undoubtedly bothered the oppressors, who always put their own interests ahead of nation and their constituencies. Somalia is divided into clans and regions and I was elected to the Upper House to represent a region as well as a clan but everyone is well aware of what transpired lately. I thank the Somali people in general, and the people of the Southwest in particular who reacted strongly to the unjust actions of the South West Administration. Finally, I promise the people of Somalia and the people of the South West that we will stand up for the democracy, sovereignty and development of Somalia. -END- Ilyas Ali Hassan The post Senator Ilyas statement on Upper House elections appeared first on Caasimada Online.
  15. Baydhabo (Caasimada Online) – Doorashada kuraasta Aqalka Sare ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta si habsami leh uga socota magaalada Baydhabo, waxaana goordhoweyd lagu doortay Senator-kii saddexaad. Kursiga 3-aad ee Aqalka Sare ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku guuleystay Aadan Cabdinaasir Maxamed oo ah Wasiiur-dowlaha arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisinta xukuumadda xilgaarsiinta ee Ra’iisal wasaare Rooble. Aadan Cabdinaasir oo hore loo soo sii ogaa soo bixistiisa ayaa waxa uu helay codad gaaraya 80 cod, halka Musharaxa kale la tartamayay oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Aadan uu helay 6 cod oo keliya. Wasiiru-dowlaha ayaa u muuqda mid si fudud kusoo baxay, maadama uu xiriir dhow la leeyahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed uu xulafo dhow la yahay, sida la rumeysan yahay. Aadan Cabdinaasir Maxamed ayaa noqonaya Senator-kii Saddexaad ee maanta lagu doorto magaalada Baydhabo, ayada oo goor sii horeysay lagu doortay labada Senator ee kala ah Zamzam Ibraahim Cali iyo Ayaan Aadan Cabdullaahi oo kusoo baxay codad aqlabiyad ah. The post Wasiir ka tirsan xukuumada Rooble oo loo doortay Senator appeared first on Caasimada Online.
  16. Waxaa xafiiska Puntland Post la soo xiriirtay murashax Xildhibaan Yaasmiin Axmed Salaad oo ku sugan magaallada London ee dalka Midowga Boqortooyada Ingiriiska, Murashaxa ayaa markii hore bogaadin iyo hambalyo ku aaddan munaasabadda 23aad ee ka soo wareegtay aasaaskii dowlad goboleedka Puntland u dirtay guud ahaan shacabka, madax-lweynaha iyo xukuumadda Puntland, waxayna u rajaysay iyadoo Alle uga baryeysa inay gaaraan guul iyo horumar dhan kasta ah. Marwo Yaasmiin ayaa shacabka Puntland ugu baaqday inay ilaashadaan midnimadooda, iyo nabadda uu Eebbe siiyay ayna garab istaagaan madaxweynaha iyo xukuumadooda siiba xiiligan adag ee jaha-wareerka siyaasadeed lagu jiro. Yaasmiin ayaa waxay baaq nabadeed u dirtay dadka walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaanka Saax-Maygaag iyo agagaarkiisa iyadoo ka codsanayasa in si degdeg ah ay dagaalka u joojiyaan, waxayna dowladda Puntland, odayaasha iyo wax-garadka bulshada ugu baaqday inay gacan ka geystaan qaboojinta iyo nabadeynta colaaddaas. Murashax Yaasmiin ayaa intii muddo ahaydba ku nooleyd dalkaas kana mid ahayd dadka u adeega danta guud ee mujtamaca qurbo joogta ah ee dalkaas ku dhaqan. Murashax Yaasmiin ayaa sidooo kale ahayd qof dadaal badan ku bixisay inay hooyooyin, dhallin-yaro iyo qoysas Soomaaliyeed ka caawiso talooyinka la xiriira arrimaha bulshada iyo guud ahaan dhaqanka dalkaas. Sidaas oo kale Murashax Xildhibaan, Yaasmiin, waxay kaalin mug leh ka qaadatay hawlaha arrimaha bulshada iyo horumarintooda ee degmmada Boocame iyo deegaannada balaaran ee hoose yimaada. Waxaa iyana xusid mudan in sanadkii 2016kii ay odayaasha iyo wax-garadka deegaannadaas ay guddoonsiiyeen abaal marin ay ku mudatay kaalintii muuqatay ee ay ka qaadatay hawlihii lagu horumarinayay mujtamaca. Hasa yeeshee, murashaxa ayaa hadda waxay isu soo taagtay inay u tartanto inay ka mid noqoto xildhibaannada Soomaaliyeed iyadoo sida ay sheegtay rumaysan ujeeddadeeduna tahay sidii ay gacan uga geysan lahayd in is-bedel siyaasadeed oo dhab ah lagu sameeyo nidaamka siyaasadeed ee dalka, kaasoo ku imaanaya wacyi gelinta dad-weynaha Soomaaliyeed isla markaasna lagu dhisayo fikradahooda iyo dhaqanka ummadda leedahay. Yaasmiin ayaa muujisay in haddii la doorto ay rajo weyn ka qabto inay dardar gelin ku samayn karayso, si wax ku ool ahna gacan weyn uga geysan karto in xildhibaannada cusub ay la yimaadaan wax-qabad iyo wax looga bedelayo habacsanaanta gashay qaranimmadii iyo dowladnimmadii Soomaaliyeed “…Anigu Qaran-Doon baan ahay, waxaana ii muuqda in qaranimmadeenii iyo karaammadii umadaba ay u baahanyihiin maanta xildhibaano wadaniyiin ah oo dib u soo nooleeya qaranimmada dadkooda iyo dalkooda!…” ayeey tiri Yaasmiin, waxayna iyadoo sii hadlaysa ku celcelisay inay aad ugu rajo weyntahay xildhibaannada soo socda ee barlamanka 11aad inaan lagu xaman doonin inay dalkooda gateen ama laaluush qaateen. PUNTLAND POST The post Murashax Yaasmiin A. Salaad: Anigu Qaran-Doon baan ahay appeared first on Puntland Post.
  17. Waxaa xafiiska Puntland Post la soo xiriirtay murashax Xildhibaan Yaasmiin Axmed Salaad oo ku sugan magaallada London ee dalka Midowga Boqortooyada Ingiriiska, Murashaxa ayaa markii hore bogaadin iyo hambalyo ku aaddan munaasabadda 23aad ee ka soo wareegtay aasaaskii dowlad goboleedka Puntland u dirtay guud ahaan shacabka, madax-lweynaha iyo xukuumadda Puntland, waxayna u rajaysay iyadoo Alle uga baryeysa inay gaaraan guul iyo horumar dhan kasta ah. Marwo Yaasmiin ayaa shacabka Puntland ugu baaqday inay ilaashadaan midnimadooda, iyo nabadda uu Eebbe siiyay ayna garab istaagaan madaxweynaha iyo xukuumadooda siiba xiiligan adag ee jaha-wareerka siyaasadeed lagu jiro. Yaasmiin ayaa waxay baaq nabadeed u dirtay dadka walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaanka Saax-Maygaag iyo agagaarkiisa iyadoo ka codsanayasa in si degdeg ah ay dagaalka u joojiyaan, waxayna dowladda Puntland, odayaasha iyo wax-garadka bulshada ugu baaqday inay gacan ka geystaan qaboojinta iyo nabadeynta colaaddaas. Murashax Yaasmiin ayaa intii muddo ahaydba ku nooleyd dalkaas kana mid ahayd dadka u adeega danta guud ee mujtamaca qurbo joogta ah ee dalkaas ku dhaqan. Murashax Yaasmiin ayaa sidooo kale ahayd qof dadaal badan ku bixisay inay hooyooyin, dhallin-yaro iyo qoysas Soomaaliyeed ka caawiso talooyinka la xiriira arrimaha bulshada iyo guud ahaan dhaqanka dalkaas. Sidaas oo kale Murashax Xildhibaan, Yaasmiin, waxay kaalin mug leh ka qaadatay hawlaha arrimaha bulshada iyo horumarintooda ee degmmada Boocame iyo deegaannada balaaran ee hoose yimaada. Waxaa iyana xusid mudan in sanadkii 2016kii ay odayaasha iyo wax-garadka deegaannadaas ay guddoonsiiyeen abaal marin ay ku mudatay kaalintii muuqatay ee ay ka qaadatay hawlihii lagu horumarinayay mujtamaca. Hasa yeeshee, murashaxa ayaa hadda waxay isu soo taagtay inay u tartanto inay ka mid noqoto xildhibaannada Soomaaliyeed iyadoo sida ay sheegtay rumaysan ujeeddadeeduna tahay sidii ay gacan uga geysan lahayd in is-bedel siyaasadeed oo dhab ah lagu sameeyo nidaamka siyaasadeed ee dalka, kaasoo ku imaanaya wacyi gelinta dad-weynaha Soomaaliyeed isla markaasna lagu dhisayo fikradahooda iyo dhaqanka ummadda leedahay. Yaasmiin ayaa muujisay in haddii la doorto ay rajo weyn ka qabto inay dardar gelin ku samayn karayso, si wax ku ool ahna gacan weyn uga geysan karto in xildhibaannada cusub ay la yimaadaan wax-qabad iyo wax looga bedelayo habacsanaanta gashay qaranimmadii iyo dowladnimmadii Soomaaliyeed “…Anigu Qaran-Doon baan ahay, waxaana ii muuqda in qaranimmadeenii iyo karaammadii umadaba ay u baahanyihiin maanta xildhibaano wadaniyiin ah oo dib u soo nooleeya qaranimmada dadkooda iyo dalkooda!…” ayeey tiri Yaasmiin, waxayna iyadoo sii hadlaysa ku celcelisay inay aad ugu rajo weyntahay xildhibaannada soo socda ee barlamanka 11aad inaan lagu xaman doonin inay dalkooda gateen ama laaluush qaateen. PUNTLAND POST The post Murashax Yaasmiin A. Salaad: Anigu Qaran-Doon baan ahay appeared first on Puntland Post.
  18. Aadan Cabdinadir Maxamed waxaa uu ku dhashey caasimadda Muqdisho, isaga oo ka qabtay iskuullada Cabdullahi Ciise ee Xamar iyo Model ee Baydhabo halka jaamacadda uu ku qaatay Jamacadda Golis ee Hargeisa. Dhanka shaqada 2015-tii waxaa uu noqday guddoomiyaha gudigii xulusta baarlamaankii koowaad ee Koonfur Galbeed. 2017 Waxaa uu ahaa xubin ka tirsan gudigii hirgalinta doorashadii dadbanayd FEIT. 2019-kii waxaa uu noqday madaxa hab maamuuska madaxtooyada Koofur Galbeed. 2020: Gudoomiyaha ku xigeenkii gudiga madaxa banana ee doorashada qaranka NIEC. 2021-ka, hadda waa wasiiru dawlaha arimaha gudaha ee dowladda federaalka ah. Kursiga uu kusoo baxay waxaa laga xoogay Senator Xuseen Sheekh Maxamuud, waxaa leh kursiga Mirifle, Hadamo. Goobjoog News Source: goobjoog.com