-
Content Count
211,244 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dagaalka gobolka Tigray ee Ethiopia ayaa xoogeystay Arbacadii kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu tusmeeyey in dowladda ay soo afjareyso xabad-joojinta, ayna ciidamada Amxaarada sheegeen inay qaadayaan weerar ka dhan ah Tigray-ga. Ciidamada Tigray-ga ee TPLF oo qabsaday inta badan dhulkii horey ay u lumiyeen, ayaa wacad ku maray inay dib u qabsan doonaan galbeedka Tigray, oo ah dhul beerashada ku wanaagsan oo ay haystaan ciidamada Amxaarada. Afhayeen u hadlay maamulka gobolka Amxaarada ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ay kicinayaan ciidamadooda si ay u qaadaan weerar ay uga hortagayaan Tigray-ga. “Maamulka gobolka wuxuu hadda ka baxay difaaca, wuxuuna qaaday weerar,” ayuu yiri afhayeenka Amxaarada Gizachew Muluneh, oo la hadlay warbaahinta Amxaarada. “Maleeshiyada Amxaarada iyo ciidamada gaarka ah waxay isku dayayeen inay is-difaacaan, hase yeeshee hadda dulqaadka waa naga dhammaaday, waxaana billownay weerar,” ayuu yiri. Sidoo kale, Dhaqaaqa Qaranka Amxaarada, oo ah xisbi siyaasadeed weyn, ayaa ugu baaqay maleeshiyada gobolka ee loo yaqaan Fano inay is-abaabulaan. Galbeedka gobolka Tigray ayaa waxa wada degan Amxaaro iyo Tigray, waxaana dagaal ka qarxa uu horseedi karaa barakac xooggan. Ciidamada Amxaraada ayaa ka dhinac dagaalamay kuwa dowladda markii ay weerarka ku qaadeen gobolka Tigray bishii November ee sanadkii tegay, ayaga oo fursaddaas uga faa’iideystay inay ku qabsadaan dhul ay tobaneeyo sano haysteen Tigray-ga. Tigrayga ayaa tan iyo markii ay 28-kii June qabsadeen caasimadda Mekelle, waxay kale oo ay gacanta ku dhigeen magaalooyin kale oo muhiim ah oo Koonfurta ku yaalla. Hase yeeshee dagaalka galbeedka Tigray ayaa noqon doona mid xooggan, halkaasi oo Amxaarada ay u arkaan dhul ay lahaayeen oo ay dib u qabsadeen, wacadna ku mareen inay difaacan doonaan. The post Amxaarada oo DAGAAL ku dhowaaqday iyo xaaladda Ethiopia oo faraha ka baxday appeared first on Caasimada Online.
-
The Kenya Defence Forces (KDF) under the African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Wednesday, July 14, 2021, announced it had killed 11 Al Shabaab militia in Kuday, Kismayo. Source: Hiiraan Online
-
Cabdi Muxumed Amiin wuxuu noloshiisa dhammeystay isagoo halgan ugu jira sidii ay Soomaaliya dhibka uga bixi laheyd! Waa kuma Cabdi Muxumed Amiin? Abwaan Cabdi Muxumed Amiin wuxuu ahaa mufakir, jilaa, fannaan iyo abwaan ku caanbaxay curinta heesaha iyo riwaayadaha waddaniga ah. Wuxuu ku dhashay magaalada Gabiley, sannadkii 1935. Wuxuu ahaa iskoris soo harjaday. Wuxuu ku soo barbaaray magaalooyiinka Jigjiga, Diridhabe iyo Muqdisho. Wuxuuna xubin ka ahaa garabkii dhallinyarada xisbigii SYL ee Horseed kaas oo riwaayado uu u curin jiray. Sannadkii 1958 ayuu fanka billaabay. Wuxuuna laf dhuungashay ku noqday dowladihii dalka soo maray, oo mar kasta wuxuu si aan ka leexleexad laheyn uga run sheegayay xaaladdii uu dalku marayay. Sababtaas ayaana xabsi loo dhigay sanadihii 1964 iyo 1989. Cabdi Muxumed iyo Dowladihii Riyadka Soomaalidu waxay aheyd dad reer guuraa ah oo aan dowladnimo fahamsaneyn. Dadkii hoggaanka u ahaa halgankii gobannimo-doonkuna waxay shacabka ku kicin jireen in wax kasta gumeystuhu ka heysto, oo barwaaqo afka lala galayo haddii xurnimo la helo. Beled iyo baadiyaba, si aan kalahar laheyn ayay Soomaalida ugu istaagtay in ay iska dulqaaddo gumeystihii. La mood, noqose waysaye; markii Soomaaliya noqotay dowlad madaxbannaan wax weyn iskama bedelin noloshii dadka. Labo sano ka dibna waxaa billowday guux lagu saluugayay Dowladdii Riyadka. Waa halkii laga kala yiri: “Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye” Axmed Diiriye Qaasim. “Bal muxuu micneeyoo i taray ministarkaan doortay?” Aadan Carab. “Good iyo abees baa is beddelay garanna maysaane” Guhaad Cabdi Gaheyr. Markaas Cabdi Muxumed wuxuu dareensanaa in hanaqaadka dowladda uu waqti qaadanayo, wuxuuna sannadkii 1962, curiyay maansada “Geeddiga wadaay” oo uu ku guubaabinayay hoggaankii dalka. Wuxuu kaalin weyn ka qaatay dagaalkii 1964, dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, oo wuxuu curiyay heeso uu ku guubaabinayay ciidankii qaranka. Geelna waa galgashaa, ragna waa is gaddiyaahe; Cabdi Muxumed wuu ka niyadjabay hoggaankii dowladda. Sannadkii 1964 ayuuna curiyay heeska ‘Kuwa daanka buuxsaday’ oo doorashadii Baarlamaanka ee 1964, uu dadweynaha ugu baaqayay in aysan dooran musharrixiintii xisbiga SYL. Sababtaas ayayna dowladdii u xirtay Cabdi Muxumed sannadkii 1964. Markii ay billowdeen ololihii doorashada Baarlamaanka ayuu mar kale, sannadkii 1968, allifay heeska “Kuwii horay i noo gubay” oo uu mar kale shacabka uga digayay in ay doortaan musharrixiintii xisbigii Leegada. Habeenkii Xurriyadda 1dii Luulyo ee 1969, Cabdi Muxumed Amiin, Saynab Cali Baxsan iyo Axmed Naaji Sacad, waxay Tiyaatarka ka qaadeen heesta “Allaahu Akbar” oo uu isagu curiyay, uuna madaxdii dalka ku xusuusinayay halgankii xurnimada loo galay, filashadii shacabka iyo sida ay ugu hungoobeen dowladda. Cabdi Muxumed iyo Dowladdii Kacaanka Markii ay askarta afgambiga ku qabsadeen dalka ee ay sheegeen in ay soo afjarayaan musuqii iyo qabyaaladdii lagu eedeyn jiray dowladihii riyadka, Cabdi Muxumed wuxuu Kacaanka u arkayay in uu yahay hayaankii Soomaaliya barwaaqada geyn lahaa. Wuxuuna tiriyay maansada “Xaaraan quutayaashii” oo uu kacaankii uga mahadcelinayay in ay afgembiyeen dowladdii uu maamul-xumada ku dhaliilayay. Sannadkii 1971, wuxuu Maxamed Siyaad Barre u sameeyay heestii “Caynaanka haay” ee ku billaabanaysay: “Waddadii caddeyd Cagta saarnayee Ku carraabiyoo Cimrigiis jiryow Caynaanka haay” Sanadihii hore waxay dowladdii kacaanku la timid waxqabad lagu bogaadiyay, balse wixii ka dambeeyay dabayaaqadii todobaatameeyadii waxaa dhaqan u noqday “musuqii iyo qabyaaladdii” lagu eedeynayay dowladihii riyadka. Candhuuftiisa ayuu dib u liqay, wuxuuna noqday kacaan-diid aan fikirkiisa la gamban. Sannadkii 1981, wuxuu sameeyay riwaayadda Muufo oo uu ku soo bandhigay baahidii shaqaalaha dowladda, uuna ku dhaliilay hoggaankii Kacaanka. Rag caddaalad waayay sidii cawsha kala yaaca waa tii la yiriye; markii ay u cuntami wayday siyaasad-xumadii Kacaanka ayuu go’aansaday in uu jabhadeyn xal ku baadigoobo. Isagoo magaalada Harar joogo ayuuna sannadkii 1981 curiray heeska ‘Caynaanka daa’ oo uu Maxamed Siyaad ugu baaqayay in uu xukunka wareejiyo. Wuxuu ku maansooday: “Waddii caddeyd Cirif dhaaftayoo Cayn kale u rogtee Cimrigiis dhacyow Caynaanka daa” Cabdi Muxumed iyo jabhadihii dagaalka Cabdi Muxumed wuxuu ku biiray jabhaddii SSDF. Wuxuuna curiyay suugaan uu ku wacyigelinayay ciidankii jabhadaha. Waxa kaliya ee jabhaduhu ka mideysnaayeen waxay aheyd in Maxamed Siyaad xukunka laga tuuro, balse uma qorsheysneyn waxa xigi doona haddii la guuleysto. Sannadkii 1983, wuxuu tiriyay heeska ‘Halgankeennu waa labo’ oo uu ku guubaabinayay jabhadaha, uuna ku aftiiminayay farqiga u dhexeeya dowladda iyo dowladnimada, uguna tilmaamayay waajibka saaran iyo himilada halganka. Jabhadihii dheg jalaq uma siinin wacdigii iyo waanadii Cabdi Muxumed, waana lagu colaadiyay. Isaga iyo labo saaxiibbadiis ah ayaana habeen Diridhabe lagu weeraray. Bartii ayaa lagu dilay Cabdiraxmaan Caydiid iyo Iikar Xaaji Maxamed Xuseen Xaamud, isagana meyd ahaan ayaa looga tagay, mase dhimanin ee wuu dhaawacmay. Markii uu bogsaday ayuu allifay heeska “Maxaan hog abeeso galay” oo uu uga warramayay niyadjabkii uu kala soo kulmay jabhadaha. Wuxuu ku heesay: “Maxaan hog abeeso galay Maxaan halaqyo ugu tagay Maxaan geerida ka haray Kuwii hiil iigu xigay Hareertey maxaan ka dayay Maxay ilmadu hibiq i tiri” Cabdi Muxumed oo Muqdisho dib ugu soo laabtay Markii uu jabhadaha naftiisa kala baxsaday wuxuu tagay magaalada Cadan ee dalka Yaman, sannadkii 1984. In uu dibadaha wareego ayaa u cuntami wayday, wuxuuna sannadkii 1986, go’aansaday in uu dalka ku soo laabto. Jabuuti ayuu Maxamed Siyaad Barre kula kulmay, wuxuuna u sheegay in uu doonayo in uu dalkiisa ku noqdo. Maxamed Siyaad wuu soo dhoweeyay, diyaaraddiisii ayuuna ku soo qaaday. Markii uu Muqdisho soo galay ayuu booqday hoteelkii Jubba. Wuxuu arkay hoteelkii ugu weynaa, uguna quruxsanaa Muqdisho oo cidlo ah oo ay deggan tahay Xaliimo Khaliif Magool oo kaliya, lana burburay maamul-xumadii jirtay. Sannadkii 1987 ayuuna curiyay heesta Jubba oo ay ku sheekeysanayaan isaga iyo Jubba oo dayac ka cabanaya. Sida uu Cabdi Muxumed ku sheegay wareysi ay BBC la yeelatay, wuxuu yimid dalka oo sicirbarar ka jiro. Muqdisho oo biyaha iyo korantaduba ciriiri ku yihiin iyo shacabka oo safaf ugu jira mucaawino dibadda laga keenay; halka ay magaaladu la ciirciiraysay gawaaridii qaaliga aheyd ee Laankaruusarka oo ay ku socdeen madaxdii dowladda iyo qoysaskoodii. Markaas ayuu sannadkii 1989, curiyay heesta Laankaruusar oo uu ku sawirayay noloshii Xamar ka jirtay. Heestaas waa laga kala cabsaday oo fannaan ku luqeeyo ayuu waayay. Maamulihii Tiyaatarka Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo hadda ah Guddoomiyaha Aqalka Sare (2016-2021), ayaa Saado Cali Warsame ku qanciyay in ay heestaas ka qaaddo xaflad sanadguuro ahayd oo ay Wasaaradda Warfaafinta ku dhiganaysay Tiyaatarka, oo uu soo xaadirayay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Saddex jeer ayay dadweynuhu codsadeen in heestaan loo biiso, wuxuuna noqday canjalkii loogu iibsiga badnaa, maadaama uu taabanayay noloshii dadweynaha. Waa heestii ku billaabanaysay: “Waa maan gurracan iyo garasho jaan Laankuruusar gado oo soo bari galley” Maxamed Siyaad wuxuu amray in la xiro Cabdi Muxumed iyo Saado Cali. Xaruntii Nabadsugidda iyo Godka-Jilicow ayayna ku kala xirnaayeen ilaa 1990. “Cabdi Muxumed wuxuu ahaa nin waddani ah oo noloshiisa u huray sidii ay umadda Soomaaliyeed uga bixi laheyd dhibaatada. Wuxuu ahaa nin aan talada ka masuugin in uu madaxda Soomaaliyeed u sheego danta umadda meesha ay ku jirto. Cabdi wuxuu taariikhdiisa ku dhammeystay isagoo halgan ugu jira sidii ay Soomaaliya dhibka uga bixi laheyd.” Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidaa yiri. Burburkii ka dib iyo Cabdi Muxumed Amiin Kalahaadkii Soomaaliya ka dib, wuxuu kaalin ka qaatay shirarkii dib-u-heshiisiinta. Wuxuuna allifay 5 album oo uu nabadda ku baadigoobayay Soomaaliya. Wuxuuna ka mid ahaa aasaaseyaashii ururka Qalinleyda Soomaaliyeed ee SomaliPen oo uu guddoomiye uga ahaa Koofurta Soomaaliya. Burburkii ka dib dalka kama tagin ee Muqdisho ayuu ku noolaa. Sannadkii 1992, isagoo joogay magaalada Moscow ee dalka Ruushka ayuu curiyay heesta ‘Dalxiis kaagama imaan’ ee ay qaaddo Faadumo Qaasim Hilowle, dhextaalkeeduna ahaa: “Dalkegow dushaadu waa barwaaqee dalkeygow Dalkeygow dabeyshaadu waa udgoon tahay dalkeygow Dalxiis kaagama imaannine dalkeygow Meel aan kugu doorsanaayaa Miyay dunidaba ku taallaa dalkegow?” Dhaxal iyo taariikh aan duugoobeyn ayuu ka tegay. Sannadkii 2006, waxaa dalka Sweden lagu daabacay buugga Diiwaanka Hilin Hayaan oo uu abwaanka ku uruuriyay suugaantiisii. Mafakir aan guulwadeynin oo aan aragtiisa la gambanin ayuu ahaa. Muddo nus qarni ah oo uu baadigoobayay dowlad u heellan danta dadkiisa iyo dadkiisa, uuna taageere u ahaa cid kaste oo uu u arkayay in ay riyadaas ka dhabeyn kartay ka dib, ayuu isagoo 73 sano jir ah, wuxuu bishii November 3, 2008, ku geeriyooday laguna aasay magaalada Nairobi. Wuxuuna ifka uga tegay 3 wiil iyo 5 gabdhood. Eebbe ha u naxariisto abwaan Cabdi Muxumed Amiin. W/Q: Xuseen Sabriye The post Abwaankii la diriray dowladihii SOOMAALIYA soo maray wixii ka horreeyay 1990-kii appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (CaasimadaOnline) – Hay’adda gargaarka OCHA ee Qaramada Midoobay ayaa ka deyrisay xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya, waxaana ay shaacisay in haatan Soomaaliya ay wajaheyso xaaladdii ugu xumeyd ee dhanka bani’aadanimada. OCHA ayaa sheegtay inay yaraadeen maal-gelintii dhanka gargaarka ee Samafalka, taasina ay uga sii dartay xaaladda adag ee ay haatan wajaheyso Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay shaacisay in aysan bartamaha sanadkan hay’adaha samafalka dabooli Karin baahiyaha aas aasiga ah ee ku dhowaad ka labar dadka Soomaaliyeed. “In kasta oo celcelis ahaan 1.52 milyan oo qof ay heleen gargaar cunno bil kasta laga bilaabo Maarso ilaa May, haddana heerarka hadda jira iyo kuwa la filayo ee kaalmada cuntada kuma filna in laga hortago dhibaatooyinka meelo badan ka jira,”ayay tiri OCHA. Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay in hoos u dhaca ugu weyn ee haatan la dareemayao ay tahay cunno yarida oo dhibaato ku heyso dadka Soomaalida. Warbixinta hay’adda gargaarka OCHA ayaa sidoo kale lagu sheegay in sannadkan, dad lagu qiyaasay 5.9 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo, kuwaas oo 2.9 milyan oo qof ay ka barakaceen guryahooda, kadib duruufo adag oo soo wajahay. Ugu dambeyn warbixinta ayaa lagu sheegay in xaaladaha bani’aadanimo ee Soomaaliya ay uga sii dareen cimilada xumaatay, abaaro, daadad iyo saameynta cudurla Covid-19. Qeylo dhaantan ayaa ku soo aadeyso, iyadoo ay Soomaaliya haatan ku jirto marxalad kala guur ah, isla-markaana la’aadayo doorashada baarlamaanka & tan madaxweynaha. The post QM oo shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay wajaheyso xaaladdii ugu xumeyd appeared first on Caasimada Online.
-
Macallin Dugsi Qur’aan oo u geeriyooday Caawa Sun ay Raashinka ugu dartay Haweenay uu qabay Cumar Macalin Muxumed oo ahaa Macalin Dugsi Qur’aan ayaa caawa u geeriyooday Sun ay siisay xaaskiisa, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyska marxuumka. Arrintaan ayaa ka dhacday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Xubno ka tirsan ehellada marxuumka ayaa sheegay in Macalin Cumar uu dhawaan guursaday haweeneyda Sumeysay caawa.Sida aan xogta ku helnay gabadha ayaa Macalinka Sunta uu u geeriyooday waxay ugu dartay Raashinka. Dadaallo caafimaad oo la sameeyey ayaan guul dareystay markii ay Suntu qabatay kadib, sidaas ayuuna ku geeriyooday caawa.Dhacdadaan ayey aad uga argagaxeen inta badan dadka ku nool magaalada Beledweyne, maadaama uu ahaa Macalin Dugsi Qur’aan oo aad looga yaqaanay degaankaas. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Sudan ayaa shaacisay Salaasadii hore inay dib u eegis ku samaynayso heshiiskii saldhiga badda ahaa ee Ruushka, midaasi oo fursad cusub siin karta Somaliland, sida lagu sheegay warbixin ay baahisay mareegta Modern Diplomacy. Warbixinta MD ayaa waxaa lagu lafa-guray is beddel ku yimid qorshihii Ruushka uu Sudan kaga dhisanayey saldhig ciidamo badeed, kadib mad-madow soo kala dhex-galay labada, taasi oo keentay in Sudan ay shaaciso inay dib u eegis ku sameynayso heshiiskaas. Suudaan ayaa qirtay in dib u eegis ku samaynayso heshiiskii sannadkii hore ee Ruushku kaga samaysan lahaa Suudaan saldhig badda ah, lagana yaabo in meesha laga saaro heshiiska. Hogaanka Guud ee ciidamada talada haya, Maxamed Cismaan Xuseen ayaa shaaciyey arrinkaas, isaga oo la hadlaya Warbaahinta, “Dhukumantiyada heshiiska qaarkood ayaa halis toos ah u soo jiidaya Suudaan”. Waxa uu sheegay in aan heshiiska sharci dajintu ansixin, islamarkaana uu heshiisku weli haysan sharci uu ku hawl-galo, wuxuuna beeniyey in go’aanka Sudan uu ku qotomo raali-gelinta Maraykanka, oo si weyn isku hayaan Ruushka. Warbixinta mareegta ayaa waxaa diirada lagu saaray suurta-galnimada sareysa ee Ruushka uu qorshihiisa Sudan ugu wareejin doono Somaliland, oo ah dal ku dooda madax-banaani. “Haddii’ba qorshaha Ruushka ee Sudan guul-darraysto, waxa hubaal ah in Ruushku ku qasbanyahay in uu aag baddasho weliba si dhakhso ah. Waxa aad loo odorosayaa in Ruushku daraaseyo faa’iidada iyo khasaaraha in uu saldhig lamid ah ka uu ka dhisan lahaa Sudan ka dhisto Somaliland. Horraantii sannadkii 2018 ayaa warar badan oo la isla dhex-marayay tilmaamayeen in Ruushku damacsanyahay in saldhig ka dhisto magaalo xeebeedda Saylac,” ayaa lagu yiri warbixintaas. Sidoo kale waxaa warbixintaas lagu xusay sida ay xiligan suuro-gal u ahayn waddamada gobolka oo Jabuuti ugu horrayso in Ruushku saldhig ka samaysto, maadama ay Jabuuti marti-galiso saldhigyo waaweyn oo caalami ah oo ay iska soo horjeedaan siyaasadda Ruushka. Ugu dambeyntiina waxaa lagu sheegay sida Ruushku dano siyaasadeed oo badan uga leedahay Itoobiya, Somaliland-na ay u tahay waddada u wanaagsan ee ku xiraysa Itoobiya, uguna istiraatijisan ee gobolka. The post Somaliland ma u gali doontaa Russia booskii Sudan si uu u hirgelo qorshihii fashilmay? appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Somaliland ayaa qoraal uu soo saaray goordhoweyd niyad jab uga muujiyey haweenay kufsi iyo dil loogu geystay xaafadda Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Haweenaydaas oo lagu magacaabi jiray Hinda Cumar, ayaa waxa lagu soo waramaya in falkaas loogu geystay xili ay saarneyd Basaska dadweynaha ee ka dhex shaqeeya magaalada Hargeysa. HRC ayaa sheegtay inay ka xuntahay kufsiga iyo dilka loo geystay Hinda Cumar oo kamid aheyd dadka ku nool magaalada Hargeysa, waxayna walaac ka muujisay falalka kufsiga ee kusoo badanaya Somaliland. Waxay sheegtay in Somaliland ay aad ugu yartahay wacyi-gelinta la xiriirta kufsiga, ayada oo xustay inaysan jirin isla xisaabtan dhab ah oo ku aadan kiisaska la xiriira tacadiyada haweenka. Somaliland oo kamid ahaa deegaanada uu ku yar-yahay falalka kufsiga ayaa xiligan si weyn ugu soo badanayaan, taasi oo loo sababeynayo gaabiska dowladda ee ku aadan la xisaabtanka ama maxkamadeynta dadka loo haysto kiisaskaa. Ilaa hadda inta la ogyahay ma jiraan dad ay Somaliland soo bandhigtay oo loo maxkamadeeyay falalka Kufsiga oo dhowr jeer ehelada gabadhahaas ay kasoo hor-muuqdeen warbaahinta. The post HRC oo war kasoo saartay haweeney ‘kufsi iyo dil’ loogu geystay magaalada Hargeysa appeared first on Caasimada Online.
-
Abwaan Weedhsame oo ka hadlay Hab-dhaqan liita oo Dadka qaar Caadeysteen Abwaan Xasan Daahir “Weedhsame” oo Kamid ah hal aburka dhalinyarada Somaliland ayaa ka hadlay Habdhaqanka dadka qaar iyo sida ay baraha bulshada ugu Baahiyaan sawir iyagoo tukana,sadaqo la baxaya amaba wax alle Loogu dhawaanaya samaynaya in ay hadana banaanka keenaan. Sidoo kale abwaan weedhsame ayaa bulshada ka waaniyay dhaqanada noocaasi isagoo qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay facebookga wuxuna udhignaa sidan; “Rabbiga Weyn baa salaadda, soonka, sadaqada iyo gudashada Xajkaba dadka ka abaal mariya. Waxa aad ilaahay dartii u Samaynayso, uma baahnid inad dadka la maragsato oo aad isku Tusto. Waxa aad arkaysaa qof isagoo Qur’aan akhrinaya sawir intuu Iska qaado facebook soo dhigaya! Waxa kale oo aad arkaysaa Mid qof baahan wax siinaya, oo video muuqaal ah iska duubaya Saxaafadana ka sheegaya!! Waxa sidoo kale la arkaa, qaar Alle dartii waxay xalay u faleen, Aroornimada Facebook kula soo kallahaya. Tusaale ahaan Qaar Soo qoraya “xalay tahajudkii aan tukanay allaha naga aqbalo” Is muujintu yaanay meel kasta innaga gelin. Ilaahay waxba lalama wadaago. Basharku maaha Allaha aad isaga dartii u Samo-falayso, balse waa addoomo kula mid ah. yeynaan Ikhlaaska ilaawin. Addoon kula mida adoo sumcad ka raadinaya, raxmaankii ku abuurtay ajarkiisa ha waayin. Allaha inna asturo if iyo aakhiraba. ABWAAN XASAN DAAHIR ISMAACIIL “WEEDHSAME” Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online ) – Dowladda Kenya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay duqeyn dhanka cirka ah oo ay diyaaradaheeda dagaalka ka fulisay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab. Agaasimaha la dagaalanka Argagaxisada iyo Amniga Qaranka kenya David Goldman ayaa shaaca ka qaaday in duqeynta ay ka dhacday jasiirada Kudhaa, isla-markaana khasaare xoog-leh lagu gaarsiiyey dagaalyano ka tirsan kooxda Al-Shabaab. David Goldman ayaa xaqiijiyey weerarkan ah cirka oo ay daba socdeen howl-gallo dhinaca dhulka ah lagu dilay ugu yaraan 11 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xilliga ay duqeynta ay dhaceysay ay dagaalyahanada Al-Shabaab wateen Kolonyo ku socdaaleysay halkaasi, isla-markaana ay weerar ku ahaayeen ciidamo ka tirsan daraawiishta Jubbaland, balse la fashiliyey qorshahooda. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ay sii laba jibaari doonaan howl-gallada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan duqeynataasi ay Kenya shaacisay inay ku gaarsiisay khasaare lixaad-leh. Weerarkan ayaa qeyb ka noqonayo howl-gallo ballaaran oo ciidamada huwanta ay ka wadaan deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Si kastaba, Al-Shabaab ayaa weli si aad ah ugu xoogan gobollada Jubbooyinka, waxaana ay gacanta ku hayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolladaasi. The post KENYA oo ‘duqeyn ku dishay’ xubno ka tirsan Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Kenya and her neighbour to the West, Somalia, have started a journey of re-building their bilateral relations after months of a public spat. Towards the end of 2020, Somalian authorities severed diplomatic ties with Kenya in the dead of night citing interference and violation of her sovereignty and territorial integrity. The two countries publicly exposed their differences to the point Somalia withdrew all its diplomats from Kenya, ordering Kenyan diplomats to leave the country within 7 days. On Wednesday, July 14, Principal Secretary in the Ministry of Foreign Affairs Ambassador Macharia Kamau met Somalia ambassador to Kenya Mohamud Ahmed Nur to discuss the two country’s ties. In the closed-door meeting, the duo explored new areas of cooperation between the two countries aiming at deepening the broken relationship. “Ambassador Macharia Kamau held bilateral talks with Amb Mohamud Ahmed Nur, Somalia Ambassador to Kenya and explored new areas of cooperation in the field of culture, trade, ICT, peace and Security. The two looked forward to deepening relations,” the Ministry of Foreign affairs tweeted. Mogadishu’s move to cut ties with Kenya came after President Uhuru Kenyatta hosted President Muse Bihi of the break-away Somaliland at State House Nairobi. Government Spokesman retired colonel Cyrus Oguna said Nairobi had constituted a committee to examine the issues causing rifts between the two neighbours. Oguna said the committee was to explore diplomatic means to resolve them which to date, has made significant progress. In June 2021, Kenya and Somalia’s Foreign Affairs Ministers agreed to speed up the re-opening of embassies in each other’s countries. Amb Raychelle Omamo and her Somalia counterpart Mohamed Abdirizak Mahamud said they arrived at the decision after a telephone conversation. The post Mending Kenya-Somalia bilateral ties appeared first on Caasimada Online.
-
Abiy Ahmed mobilised Oromo regional forces to fight alongside Amhara militias The Ethiopian government signed an agreement with the Russian government to train Ethiopian troops and modernise the army. The agreement comes in the wake of major setbacks for the Ethiopian National Defence Forces following defeat at the hands of Tigray Defence Forces. Abiy Ahmed, the Ethiopian Prime Minister who won an election his party single-handedly had organised, aims to consolidate his grip on power through a unitarist agenda. Abiy has fanned ethnic hostilities in Ethiopia. He mobilised ethnic militias against Tigray for conducting elections last year. What was hailed as a peaceful transfer of power iand a new epoch of democratisation in Ethiopia had become a return to Derg-like repression. A statement from the Ethiopian Prime Minister’s Office justifying the violation of the ceasefire. It is not only repressive policies that Abiy’s government has in common with the Derg; it shares reliance on Russians to fight multiple wars in Ethiopia. It has now become clear that Ethiopian government’s call for ceasefire was a strategy to regroup to restart the civil war in the north. Ethnic profiling and harassment of Tigrayans, and widespread destruction of the infrastructure in Tigray are compounded by traumas civilians have suffered due to a war that the Ethiopian government promoted as a campaign against one ethnicity. Abiy Ahmed has fanned ethnic hostilities in Ethiopia to stay in power. Emboldened by Russian promise to arm the Ethiopian army, Abiy Ahmed has violated the ceasefire. What is happening in Ethiopia is abomination of sovereignty: Abiy damaged the multi-ethnic fabric of Ethiopia and sided with Fano, an extremist Amhara militias that committed massacres and rapes in Tigray. The last time Ethiopia kowtowed to the former USSR, massacres and manmade famine put Ethiopia on prime time news throughout the world. The International Community should take its role to prevent the unfolding genocide from resulting in violent disintegration of Ethiopia. Abiy Ahmed must be reined in. By Adan Essa Hussein The post Ethiopia-Russia Military Training Agreement Portends Destabilsation in the Horn of Africa appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Gudoomiye Cuusb u Magacaabay degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan kaidb markii Gudoomiyihii degmadaas Shaqa jooojin lagu sameeyay. Wareegto kasoo baxday Xafgiiska Wasiir Caadle ayaa waxaa Axmed Mahad Nuur loogu Macagaabay Gudoomiyaha Degmada Buulo Burde, kaas oo bedelaya Guddoomiyihii degmadaas Feysal Haajir Aadan oo maalmo ka hor uu Shaqa joojin ku sameeyay Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed). Wareegtada ayaa sidoo kale waxaa lagu faray dhamaan Hay’adaha Amniga iyo Shacabka degmada buulo-Burde inay la Shaqeyaan Guddomiyaha Cusub ee loo soo Magacaabay si uu u guto waajibaadkiisa Shaqo. Maalmihii la soo dhaafay ayaa degmada buulo-Burde ee Goblka Hiiraan waxaa ka taagneyd xiisad ka dhalatay Shaqa joojin lagu sameeyay Guddoomiyihii degmada Buulo-Burde iyo kuxigeeniisa, iyada oo Odayaasha Dhaqanka degmada ay ku eedeeyeen Madaxda Hir-Shabeelle inay khalalaaso ka abuurayaan degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Cusub oo loo Magacaabay degmada Buulo-Burde oo muran ka jiray appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Galmudug geerida ku timid Ugaas Axmed Barre Cali oo ku geeriyoodey magaalada Caabudwaaq. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Ugaasku ahaa hormuud dhaqan oo lafdhabar u ahaa nabadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna xusay doorkii uu ka soo qaatay dadaalladii geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dib u heshiisiinta shacabka ku dhaqan deegaannada Galmudug. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Axmed Barre Cali, waxa uu ka mid ahaa hoggaanka nabadda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed ee doorka weyn ka soo qaatay dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta shacabka Soomaaliyeed ee deegaannada Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Ugaas Axmed Barre appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Cumar Macalin Muxumed oo ahaa Macalin Dugsi Qur’aan ayaa caawa u geeriyooday Sun ay siisay xaaskiisa, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyska marxuumka. Arrintaan ayaa ka dhacday xaafadda Xaawo-taako ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Xubno ka tirsan ehellada marxuumka ayaa noo sheegay in Macalin Cumar uu dhawaan guursaday haweeneyda Sumeysay caawa. Sida aan xogta ku helnay gabadha ayaa Macalinka Sunta uu u geeriyooday waxay ugu dartay Raashinka. Dadaallo caafimaad oo la sameeyey ayaan guul dareystay markii ay Suntu qabatay kadib, sidaas ayuuna ku geeriyooday caawa. Dhacdadaan ayey aad uga argagaxeen inta badan dadka ku nool xaafada Xaawo-taako ee magaalada Beledweyne, maadaama uu ahaa Macalin Dugsi Qur’aan oo aad looga yaqaanay xaafadaas. The post Haweeney Macalin Dugsi Qur’aan oo qabay caawa ku sumeysay Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada Garowe ayaa lagu soo bandhigay daraasad ka hadlaysa saddex magaalo oo taariikh hore burburay oo laga helay dooxada Nugaal. Magaalooyinka oo qiyaastii midiiba ku fadhiday dhul dhan 1-km ayaa magacyadooda lagu sheegay Xundhurgaal, Xabgaal iyo Xananley, kuwaas oo aasaartooda laga helay agagaarka Garowe. Daraasadda waxaa qoray Siciid Shidaad Xuseen oo hay’adda cilmi-baarista Puntland ee PDRC u qaabilsan daraasadaha sare ee cilmiga bulshada. Siciid Shidaad ayaa kulankii furitaanka bandhiga daraasaddan kaga hadlay magaalooyinkii burburay ee Nugaal iyo ilbaxnimadii dhul-weynaha Soomaaliya. Muuqaal: Siciid Shidaad oo ka hadlaya daraasadda saddexda magaalo. Azania (Archaeological Research in Africa) oo ka mid ah nadaamka cilmi-barista ee jaamicadda Cambridge ayaa dhawaan daabacday warbixin ay uga hadashay magaalooyinka burburay ee laga helay dooxada Nugaal, iyadoo soo xigatay cilmi-baarista Siciid Shidaad. PUNTLAND POST The post Cilmi-baaris: Magaalooyin burburay oo laga helay Nugaal appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu xiray laba dhakhtar oo ka howlgaleysay isbitaalka Dr. Adna Aadan ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo tiransid ku ahaa Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Dhakhaatiirtaan ayaa ku dhoofiyey baasaboorka Somaliland, waxaana la sheegay in looga jeex- jeexay garoonka Muqdisho, dibna loogu celiyey magaalada Hargeysa. Dr. Adna Aadan oo madax ka ah isbitaalka ay ka howl-gelayeen dhakhaatiirtaan ayaa sheegtay mudo seddax maalin ah oo dhakhaatiirtaan ay Muqdisho ku xiraayeen kadib, dib loogu soo celiyey magaalada Hargeysa. Iyadoo arrintaas ku tilmaantay aqoon darro dhanka sharciga ah oo Soomaaliya ka jirta, sida ay hadalka u dhigtay. “Waxaa si caafmaad ah Alle noogu soo celiyey saraakiishii caafimaad ee Xamar lagu afduubtay, sharci ayey ku dhoofeen oo baasaboorka Somaliland ayey wateen, fiisaha dalka ay u socdaan ayaa loogu soo dhuftay, waxay taransid ku ahaayeen garoonka Muqdisho, sharciga aduunka u degan waxa uu dhigayaa in dadka taransidka ku ah dalka aan la dhibaateyn, dalka ay u socdaan ayaa u ogolaada inay ku degaan ama u diida, inta dalka oo ay sii marayaan shaqa kuma laha waxa ay ku dhoofayaan, waa xeer aduunka u degan,” ayey tiri Dr. Adna. Dr. Adna Aadan oo sii hadleysay ayaa tiri, “Hadii Soomaaliya ay garaneyso sharciga, dad taransid ah baasaboor kama qaadeen, kamana jeex-jeexdeen, seddax maalmoodna afduub kuma heysateen, hadii sharciga aduunka ay garanayaan intaas ma sameeyeen.” Sidoo kale Dr. Adna ayaa sheegtay in dhakhaatiirtaan ay nabad qabaan, isla markaana ay mar dhow heli doonaan baasabooradii laga jeex-jeexay iyo tababarkii caafimaad ee dowladda Soomaaliya ay dhaafisay. Waxay dowladda Soomaaliya ku dhaliishay in dhakhaatiirta ay sidaan u gashay dadka ay Hargeysa ku daweeyaan ay u badan yihiin kuwo Muqdisho ka soo doonta daryeel caafimaad. “Maalin kasta dadka ay daweeyaan Xamar ayey ka yimaadaan, Garowe ayey ka yimaadaan oo Boosaaso ayey ka yimaadaan, qaar ka mid ah madaxda Soomaaliya ayaa la socotay diyaaradii ay maanta ka soo degeen dhakhaatiirtaan, mana jirto cid dhib u geysatay, sababtoo ah magan ayey noo yihiin,” ayey tiri Dr. Adna Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa. The post Video: Dhaqaatiir ka dhoofi rabay baasaboorka Somaliland oo lagu xiray garoonka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Olole Loogu Magac Daray “Burco Nadiif Ah” oo Beri Bulshadaasi u Dareerayso Bulshada ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa beri u dareeraysa Olale nafadeed oo iskaa wax u qabso ah kaasi oo laga fulinaayo sideed goobood oo magaalada gudaheeda ah. Maamulka dawladda hoose ee degmada Burco ayaa todobaadkan ku dhawaaqay olalaha oo saaka lixdii subaxnimo magaalada ka bilaabmay kaasi oo la filaayo in lasoo afjaro lixda fiidnimo ee Caawa. “goobaha laga shaqaynaayo waxa ka mid ah Ileyska Togdheer, Qunyar-dega ,Xabaalaha Xirsiga, Xero-dhiigta, Saylada Xoolaha, Kaalinta Mellateriga iyo Xaarwada. Xaafad kasta halkeeda ayey ka shaqaynaysaa” ayuu Xildhibaan Farxaan Jeesto oo ka mid ah golaha degaanka degmada. Dhalinyaro is-xilqaantay ayaa magaalada ka wadda qorshe ay ku qurxinayaan jidadka oo ay marinayaa rinji, waxaanay hadda bilaabeen in ay ku daraan hawl qabad kale oo iskaa wax u qabso ah kaasi oo qayb ka ahaan doona horumarinta degmada Burco. Dhallinyaradan oo amminsan in qashinku saamayn ku leeyahay guud ahaan bulshada caafimaad ahaan iyo bilic ahaanba Waxa ay billaabeen qorshe loogu samaynayo dariiqyada magaaladda agabka qashin qubka oo ka samaysan foostooyin nooca birta ah kuwaasi oo la dhigaayo jidadka. Golayaasha deegaanka ee Cusub ayaa u muuqda qaar ku baraarugsan shaqada ay bulshadu u diratay, waxana bilaabay tartan u dhaxeeya magaalooyinka Burco iyo Hargeysa kaasi oo salka ku haya qurxinta iyo nadiifinta magaalooyinkaasi. Qaran News
-
Salaadiin & Waxgaradka Taageeray Hawlgalo Daroogo & Khamri lagu qabtay oo Booliska Somaliland ka sameeyeen Hargeisa Salaadiinta iyo Waxgaradka Somaliland ayaa aad u bogaadiyey shaqada Ciidanka Booliisku hayaan, uguna baaqay bulshada inay garab istaagaan isla markaana ku soo wargeliyaan kuwa khamriga iyo xashiishada iyo xumaanta bulshada ku dhex faafinaya. Kulan ay magaalada Hargeysa ku yeesheen inbadan oo ka tirsan Salaadiinta iyo Waxgaradka Somaliland oo saxaafada la hadlay ayaa aad u soo dhoweeyey hawlgaladii u dambeeyey ee Ciidamada Booliisku fuliyeen, kuna ku soo qabqabteen mukhaadaraadka Khamriga iyo waxyaalaha la midka ah. Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyey shaqada ciidanka booliisku bulshada u hayaan, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa, “Halkan waxa jooga Salaadiin, Ugaasyadii iyo Waxgaradkii, Ganacsatadii reer Somaliland, gaar ahaan Gobolka Maroodi-jeex, waxa kulmiyey hawshii mucjisada lahayd ee Ciidanka Booliisku JSL iyo Janankoodu ku guulaysteen, waxaanan doonayna inaan u mahadcelino, u hambalyeyno, diyaarna u nahay inaan garab-istaagno.” Suldaan Ismaaciil Sh Cumar Xasan oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay “Innagoo og Duruufaha dhaqaale ee dalkeena iyo xaalada ciidamadeenu, ayaa haddana waxay ciidanka booliisku ku guulaysteen iyagoo iimaankooda iyo waajibaadka saaran raacaya inay soo qabtaan rag lacag kaash laaluush u keenay, waa wax lagu hambalyeeyo, looguna duceeyo.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyey, “Waxa innagu waajib ah Salaadiin, Culimadda, Ganacsatada, inaynu waxii wanaagsan is-garabtaagno oo taageerno, wax kastoo aynu ku kordhin karno ciidanka booliiska iyo ciidamada kale-na u hurno.” Ugaas Xuseen Geele Qows oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay jiraan dad marwalba TV-yada la fadhiya cayda Ciidamada, uguna baaqay dhigiisa Salaadiinta inay u midoobaan wax ka qabashadooda, waxaanu yidhi, “Dad baa jira maalin walba TV-yada u fadhiya cayda ciidamada, innagu (Salaadiin) diyaar ma u nahay wax ka qabashadooda? Ugaas Xuseen oo tixo abwaankii Qaasim lahaa soo xiganaya ayaa yidhi, “Qaan-qaabinmaysee askari giigsan baa wada.”Imika Askariga giigsan ayaa Ciidanka Booliiska hoggaamiya,” ayuu yidhi, isagoo raaciyey, “Cid kastoo ka shaqeysa wanaaga diinta iyo ummada in la taageero waa waajib. Ugaas Xuseen ayaa soo jeediyey in askartii laaluushka diiday loo geeyo Madaxweynaha JSL oo la dhiirigeliyo, waxaanu ku baaqay in dadka ciidamada sharaftooda dhaawaca meel looga soo wada jeesto. Qaran News
-
GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE EE JAMHUURIYADDA SOMALILAND OO XAFIISKIISA KU QAABILAY SAFIIRKA MIDOWGA YURUB. Gudoomiyaha Maxkamadda sare oo la kulmay Safiirka midowga Yurub 14/07/2021-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga Martinez. Kulanka oo ahaa mid booqasho, ayaa waxa uu ku bilaabmay is-xog waraysi guud, oo la xidhiidha is-kaashiga soo jireenka ah, ee ay wadaagaan dawladda Somaliland iyo Midowga Yurub, waxaanay iska xog waraysteen arrimo la xidhiidha xaalada dalka, gaar ahaan hay’adda garsoorka dalka iyo doorkii ay ka qaadatay geedi-socodka doorashada, waxaanu safiirku ku bogaadiyay garsoorka sida wanaagsan ee ay u maamuleen dacwadihii la xidhiidhay natiijadii hordhaca ahayd ee doorashada. Waxaanu xusay in Midowga Yurub xoojinayo iskaashiga ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland, geesta kale safiirka Midowga Yurub Amb. Nicolas Berlanga waxa uu Somaliland u rajeeyay in ay si hufan oo daah-furan ugu dhamaato arrimaha kale ee la xidhiidha doorashadu. Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu safiirka uga mahad-celiyay kor-u-qaadida is-kaashiga ay waddaagaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Midowga Yurub, waxaanu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in la balaadhiyo wada-shaqaynta ka dhexaysa labada dhinac. Qaran News