Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka naga soo gaarayo deegaanada hoostaga gobalka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay ururka al-shabaab kala wareegeen deegaanka Shabeeloow oo hoostaga gobalka Mudug. Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale la sheegay ay burburiyeen fariisimo ururka Al-shabaab ay ku lahaayeen deeganka . Deegaanka Shabeeloow oo dhaca koonfurta gobalak Mudug ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhafay ku sugna xubno ka tirsan ururka al-shabaab. Sikastaba deeganada galmudug ayaa waxaa ka socda dagaallo al-shabaab laga saarayo deeganada ay maamulkaasi kaga sugan yihiin Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Kabul (Caasimada Online) – Ururka Taalibaan ayaa sheegay iney dooneyn talada dalka Afghanistan iney xoog ku marookistaan, waxayna carrabka ku dhufteen iney marnaba suuragalayn nabad dalkaasi ka hanaqaado ilaa dowlad ku meel gaar ah la dhiso madaxweyne Ashraf Ghani-na xilka laga qaado. Afhayeenka Ururka Taalibaan Suhail Shaheen oo wakaaladda wararka ee AP wareysi siiyey ayaa sharraxaad ka bixiyey mowqifka ururka Taalibaan ee ku aaddan mustaqbalka dalka Afghanistan. Suhail Shaheen ayaa sida oo kale ka mid ahaa ergooyinka ururka Taalibaan ka socda oo waddama badan wadaxaajoodyo ka dhacay ururka Taalibaan ku matalay. Kaddib marki ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa xulafada NATO ay billaabeen iney dalka Afghanistaan ka baxaan ururka Taalibaan ayaa gacanta ku dhagay qayba badan oo dalkaasi ka mid ah. Mark Miller oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka oo ka hadlay war-saxaafadeed lagu qabtay Pentagon wuxuu sheegay Ururka Taalibaan inuu leeyahay bartilmaameed uu ku socdo. General Mark Milley ma uusan inkirin Taalibaan inuu awood u lahaa Afghanistan oo dhan inuu la wareego xataa inti ay ciidamadoodu dalkaasi howlgalka ku joogeen. “Wadahadallo kaddib Kabul marka laga dhiso dowlad ay dhinacyada oo dhan raalli ku wada yihiin, Dowladda Ashraf Ghani-na meesha ay ka baxdo markaas ayuu Ururka Taalibaan Hubka dhigayaa” ayuu yiri Suhail Shaheen oo u warramay wakaaladda wararka ee AP. “Waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo inaanan dooneyn inaan talada dalka Afghanistan xoog ku qabsanno sababta oo ah dowladaha waxay marar badan isku dayeen in awoodda dalka la qaybsado balse dadaalladoodi hal bacaad lagu lisay ay noqdeen.” Suhail Shaheen wuxuu sida oo kale uu soo hadal qaaday dowladihi fashilmay uu Taalibaan maamulayey. Wuxuuna caddeeyey inuu ururkiisa dooneyn inuu markale uu qaato qaacidadii khaldaneyd uu horay ugu soo fashilmay. Balse ururka Taalibaan wuxuu markale caddeeyey in arrinta Madaxweyne Ashraf Ghani aan wax tanaasul ah laga sameyneynin. Talaadadi khudbad uu Madaxweyne Ashraf Ghani uu ka jeediyey munaasabadda Bakrid wuxuu ku weeraray ururka Taalibaan. Ururka Talibaan oo hadalka Ghani ka jawaabayana waxay Ashraf Ghani ku tilmaameen nin dagaalka ka ganacsada. Suhail Shaheen wuxuu sheegay madaxweyne Ashraf Ghani inuu farahiisa ka baxay xuquuqdi uu u lahaa inuu dalka Afghanistan uu hoggaamiyo. Waxayna Taalibaan madaxweyne Ghani ku eedeeyeen doorashadi 2019-ka inuu hab musuqmaasuq ah uu ugu guuleystay. The post Taalibaan oo shuruud adag ku xirtay nabad laga helo Afghanistan appeared first on Caasimada Online.
  3. Waxaa fashil uu ku yimid qaar ka mid ah jadwalkii doorashooyinka dalka, xilli maanta ay ku beegan tahay maalinti loo asteeyay in ay bilaabato doorashada doorashada Aqalka sare ee dalka. Illaa iyo hadda madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada dalka ayaanan soo gudbin liiska xubnaha musharixiinta ee u tartamaya kuraasta Aqalka sare ee dalka. Dib u dhaca ku yimid doorashada Aqalka sare ee maanta ayaa sidoo kale la filaya in ay dib u dhac ku keento jadwalka doorashada golaha shacabka iyo tan madaxweynaha oo dhamaantood loo asteyay in ay ku dhacaan labada bilood ee soo aaddan. Maamulka Jubbaland ayaa maalmihi la soo dhaafay ay ka socdaan diyaargarowga doorashada Aqalka sare xilli maamulada kale aan laga dareemeynin wax dhaq-dhaqaaq doorasho ah. Axmed Madoobe madaxweynaha Jubballand ayaa saacadaha soo socda la filaya in uu shaaciyo liiska xubnaha musharixiinta Aqalka sare ee deganada maamulkaas, xilli Kismaayo ay ku sugan yihiin hogaanka guddiga doorashooyinka dalka. Dhanka kale waxaa aan weli xal rasmi ah laga gaarin arrinta Somaliland, ra’iisul wasaare rooble oo dhawaan la kulmay Cabdi Xaashi Cabdullahi Guddoomiyaha Aqalka sare ee dalka iyo Mahdi Guleed ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa faray in ay heshiis ka gaaran arrinta Somaliland. Labada mas’uul ayaanan weli dhankooda soo saarin hogaan guddi doorasho oo ay ku mideysan yihiin, kadib markii laba doorasho ay kala qabsadeen guddiyadi ay magacaabeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Jigjiga)-Ciidamada amniga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Magaalada Jigjiga ku xidhxidhay 28 xubnood, oo lagu eedeeyay inay taageero maaliyadeed siinayeen Ururka TPLF ee ka dagaalama Gobolka Tigray. Taliyaha Guud ee Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida, General Maxamed Cali Xasan ayaa dadkan ku eedeeyay in ay dhaqaale ku taageerayeen TPLF oo dowladda dalkaasi ay u aqoonsatay urur argagixiso. “Dagaalka TPLF ay wadaan wuxuu ka dhan yahay dhammaan qowmiyadaha Itoobiya, waayo waxay rabaan inay soo celiyaan dhibaatooyinkii 27-kii sano ay dalka ku hayeen,” ayuu yidhi Taliyaha. Taliyaha ayaa sheegay in laysla gartay in laga hortaggo dadka dhaqaalaha siiya jabhadda TPLF. “Nimankan TPLF meel kasta oo dalka ah way jooggaan, oo waad ogsoon tihiin 27-kii sano ee wadanka haysteen meel kasta way ku baaheen, dhaqaalo ayayna ku sameysteen, dad-na way ku sameysteen. Sidaa darteed waxaa la’isla gartay cidda xidhiidhka la leh ee hantida u direysa, weliba kuwa dagaalka ku jira ee hantidooda dagaalka uga shaqaynaya in laga hortagga. Ninka dagaalka ku jira ee dalka inuu burburiyo doonaya ee hantidiisana ay halkan taalo dee waa khasab in laga hortaggo,” ayuu yidhi Taliyaha. Taliyaha ayaa yidhi “Sidaa darteed anagu waxaan qabanay 28 xubnood, gawaadhi badan oo iyagana aan qabanay way jiraan, kuwo badan oo hadda dabagal ku haynana oo qaban doonnaa jira.” Ayuu yidhi Taliyaha oo intaa ku daray “Hantida noocaas ah runtii waan diiwaangelinaa iminka.” Source
  5. (SLT-Muqdisho)-Waxaa maanta oo taariikhda ku beegan tahay 25-ka bisha July, 2021 lagu waday in dalka Soomaaliya ay ka bilaabato doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid markii saddexaad doorashadaasi. Madaxda maamul Goboleedyada ayaa la filayay inay shalay soo gudbiyaan Liiska kama dambaysta ah ee Musharraxiinta u tartameysa Aqalka Sare, si Maanta ay u bilaabato doorashada, sida ku qoran Jadwalka doorashada ee lasoo saaray. Sidoo kale Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad Goboleedyada ayaan weli soo magacaabin Guddiyada maamuli lahaa doorashada Aqalka Sare, waxaana magacaabay oo kaliya maamulka Jubbaland. Waxaa xusid mudan in Baarlamaanka Galmudug uu fasax ku maqan yahay, iyaga oo la sheegay inay isku imaan doonaan 1-da bisha soo socota ee Augusto 2021, isla markaana ma jiro weli diyaar garoow ku aadan qabashada doorashada oo socda. Guddiga dooraahada heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa dhawaan sheegay in doorashada Xubnaha Aqalka sare ku qabanayaan waqtigii loo qorsheeyay oo ahayd 25-ka bishan oo maanta ku beegan, hayeeshee ma jirto doorashada halkaas ka dhaceysa maanta. Dib u dhaca ku yimid doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay sidoo kale dib usii riixaysaa Jadwalka guud ee doorashooyinka Soomaaliya, xilli laga heshiiyay khilaaf muddo ku dhow sannad ka taagnaa doorashada dalka Soomaaliya. Source
  6. (SLT- Afghanistan)-Ururka Taalibaan ayaa sheegay inay dooneyn in tallada dalka Afghanistan ay xoog ku maroojistaan, waxayna carrabka ku dhufteen in ayna marnaba ka suuragalayn nabad dalkaasi ka hanaqaado ilaa dowlad ku meel gaadh ah la dhiso madaxweyne Ashraf Ghani-na xilka laga qaado. Afhayeenka Ururka Taalibaan Suhail Shaheen oo wakaaladda wararka ee AP wareysi siiyey ayaa sharraxaad ka bixiyey mowqifka ururka Taalibaan ee ku aaddan mustaqbalka dalka Afghanistan. Suhail Shaheen ayaa sida oo kale ka mid ahaa ergooyinka ururka Taalibaan ka socda oo waddama badan wadaxaajoodyo ka dhacay ururka Taalibaan ku matalay. Kaddib marki ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa xulafada NATO ay billaabeen iney dalka Afghanistaan ka baxaan ururka Taalibaan ayaa gacanta ku dhagay qayba badan oo dalkaasi ka mid ah. Mark Miller oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka oo ka hadlay war-saxaafadeed lagu qabtay Pentagon wuxuu sheegay Ururka Taalibaan inuu leeyahay bartilmaameed uu ku socdo. General Mark Milley ma inkirin Taalibaan inuu awood u lahaa Afghanistan oo dhan inuu la wareego xataa intii ay ciidamadoodu dalkaasi howlgalka ku joogeen. “Wadahadallo kaddib Kabul marka laga dhiso dowlad ay dhinacyada oo dhan raalli ku wada yihiin, Dowladda Ashraf Ghani-na meesha ay ka baxdo markaas ayuu Ururka Taalibaan Hubka dhigayaa” ayuu yiri Suhail Shaheen oo u warramay wakaaladda wararka ee AP. “Waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo inaanan dooneyn inaan talada dalka Afghanistan xoog ku qabsanno sababta oo ah dowladaha waxa ay marar badan isku dayeen in awoodda dalka la qaybsado balse dadaalladoodi hal bacaad lagu lisay ay noqdeen.” Suhail Shaheen wuxuu sida oo kale uu soo hadal qaaday dowladihi fashilmay uu Taalibaan maamulayey. Wuxuuna caddeeyey inuu ururkiisa dooneyn inuu markale uu qaato qaacidadii khaldaneyd uu hore ugu soo fashilmay. Balse ururka Taalibaan wuxuu markale caddeeyey in arrinta Madaxweyne Ashraf Ghani aan wax tanaasul ah laga sameyneynin. Salaasadii khudbad uu Madaxweyne Ashraf Ghani uu jeediyey wuxuu ku weeraray ururka Taalibaan. Ururka Talibaan oo hadalka Ghani ka jawaabayana waxay Ashraf Ghani ku tilmaameen nin dagaalka ka ganacsada. Suhail Shaheen wuxuu sheegay madaxweyne Ashraf Ghani inuu farahiisa ka baxay xuquuqdi uu u lahaa inuu dalka Afghanistan uu hoggaamiyo. Waxayna Taalibaan madaxweyne Ghani ku eedeeyeen doorashadi 2019-ka inuu hab musuqmaasuq ah uu ugu guuleystay. Kaddib doorashadi ugu dambeeysay ee dalkaasi ka dhacday Asharaf Ghani iyo ninki la loollamayey Cabdalla Cabdalla waxay labadooduba ku doodayeen iney doorashada ku guuleysteen. Inkasta oo marki dambe labada dhinac uu heshiis dhexmaray oo Cabdalla Cabdalla la siiyey kaalinta labaad ee guusha doorashada loona magacaabay madaxa guddiga dib u heshiisiinta qaran. Xoghayaha arrimaha saxaafadda ee aqalka cad Jen Psaki oo Jimcihi AP u warrantay waxay sheegtay madaxweyne Biden inuu taageerayo Madaxweyne Ashraf Ghani xilliga uu ururka Taalibaan uu dalbanayo in xilka uu ka dago. Source
  7. The Turkish Red Crescent Society distributed meat to needy people on Thursday for the Muslim holiday of Eid al-Adha. Source: Hiiraan Online
  8. Reports from Gulf media indicate concern that the US signaling a withdrawal from Afghanistan and troop personnel reductions in Iraq, could be part of a larger post-American power vacuum in the Middle East if things continue in this direction. Source: Hiiraan Online
  9. Maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Garoowe, ayaa xukuntay shabakad ka kooban 9 nin oo lagu helay in ay khamriga soo gelin jireen gudaha Puntland. Raggan ayaa Booliiska Gobolka Nugaal ku soo qabtay hawlgal ay ka sameeyeen tuulada Magacley, oo ka tirsan degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal. Sagaalkaas nin ayaa lagu xukumay min lix sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $1000 Dollar, sida ku cad war ka soo baxay maxkamadda. Sidoo kale, maxkamaddu waxay sheegtay in xorriyaddiisa dib loogu celiyay eedaysane kale oo lagu waayay wax danbi ah. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Garoowe oo xukuntay shabakad ka kooban sagaal nin appeared first on Puntland Post.
  10. Kismaayo (Caasimada Online) – Baarlamaanka Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo ku began 25-ka July 2021 dooranaya Senatarada Aqalka Sare BFS sida uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dowlad-Goboleedkaas & Guddiga kale ee Baarlamaankaas uu magacaabay. Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee DG Jubbaland waxaa ka socda diyaargarowga doorashada 8-da Senatar ee Dowlad-Goboleedkaas ku metalaya Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka. Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa Shalay gaaray Kismaayo si ay goobjoog uga noqdaan doorashada Maanta lagu wado in ay dhacdo. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu soo saaro liiska Musharixiinta doonaya inay u tartamaan Xildhibaannada Aqalka Sare. Axmed Madoobe ayaa Maanta waxaa uu la kulmayaa Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo uu horkacayo Guddoomiyaha Guddiga, kuwaas oo shalay gaaray Kismaayo si ay Axmed Madoobe kala wareegaan liiska Musharixiinta Aqalka Sare qeybta Jubbaland. Sidoo kale Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa waxaa ay la kulmi doonaan musharixiinta Aqalka Sare ee loo soo gudbiyo si ay ugala hadlaan qabsoomida doorashada Aqalka Sare. Ammaanka Magaalo Xeebeedka Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waddooyinka waxaa la dhigay Ciidamo dheeraad ah oo ah Nabadsugidda, Booliiska iyo askar ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Jubbaland haddii ay ku guuleysato qabsoomidda Doorashada 8-da kursi ee Aqalka sare waxa ay noqoneysaa Dowlad-Goboleedkii ugu horeeyay ee soo gudbiya Senatarada ku metalaya Federaalka 2021. The post Wararkii ugu dambeeyey Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo magacaabayo liiska Musharixiinta Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
  11. U.S. Secretary of Defense Lloyd Austin said Saturday that U.S. airstrikes targeting al-Shabab in Somalia over the past few days were undertaken because Somali forces are intensifying their offensive against the al-Qaida-affiliated terror group. Source: Hiiraan Online
  12. Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Cali Saciid Faqi ayaa Magacabey Xubnaha Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Qabashada Doorashada Aqalka Sare. PUNTLAND POST The post Koonfur Galbeed oo magacowday gudiga doorashada aqalka sare appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka faa’ideysanaya tabashooyinka ay qabaan beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone ee Harti-Abgaal, ayaa sameeyay isku dayo uu kuraasta uga weecinayo beelaha Agoonyar Gaabe iyo Owbokar Gaabane. Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu xildhibaanada Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Maxamed Abuukar Islow Ducaale u arko mucaarad weyn, islamarkaana uu qarash badan ku bixinayo in mid ka mid ah kuraastooda sanadkaan loo weeciyo beelaha tabashooyinka qaba ee Cabdalla iyo Nugaale oo ay isku yihiin Suul Harti kana dhaxeeyo kuraasta ay ku fadhiyaan labadaan Xildhibaan. Rabitaanka Madaxweyne Farmaajo iyo cabashada beelahaan oo Muqdisho ku qabtay shirar badan ayaa abuuray xiisad ka taagan Jowhar iyo cabsi soo foodsaartay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow. Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Villa Somalia ay u adeegsatay shaqsiyaad kasoo jeeda beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone, oo ay isku dhow yihiin, inay kiciyaan beelahaas. Sidoo kale, warbaahin aad ugu xiran Villa Somalia ayaa loo adeegsaday inay huriso xiisadda ka dhex-oogan beelahan, ayada oo si aad ah u weerartay Shariif Sheeekh Axmed iyo Imaam Maxamed Yuusuf, oo ay beelaha ay ku eedeeyeen inay weeciyeen kuraastooda. Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, sidoo kalane ah murashaxiin beelahaas ka soo jeeda, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulay abaabulka Madaxweyne Farmaajo ayaa safar deg deg ah ugu baxay Cadale, kaas oo ilaa hadda ay ku joogaan magaalo xeebeedka Cadale ee gobalka Shabeelada Dhexe. Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa xoogooda isugu geeyay sidii loo xalin lahaa tabashooyinka beelahaan inkastoo uu jiro culeysyo badan oo wali heesta. Ilo kala duwan ayaa sheegaya in kalamada ka socda Cadale laga dareemayo farogelinta Villa Somalia. Safarka Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa Cadale ku qaadanaya waqti iyo kulamo muhiim ah, kuwaasoo rajooyin badan ay ka qabaan dadka degaanka iyo guud ahaan maamulka HirShabeelle. The post Xog: Sidee FARMAAJO uga faa’iideysanayaa xiisadda beelaha HARTI-ABGAAL? appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo shalay ka qeyb galay kulan duco ah oo xarunta dowladda hoose ee Xamar loogu sameeyey mas’uuliyiintii laba sano ka hor, 24-kii July 2019-kii lagu qarxiyey xaruntaas, ayaa sheegay in xilligaas kadib la qabtay dad kale oo doonayey inay isaga isku qarxiyaan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in markii uu yimid xafiiska, si looga badbaado dhibaatadii hore oo kale shaqaalaha dhan la marsiiyey baaritaan, taas oo sida uu sheegay uu kala kulmay dhaleeceyn badan, balse uu ku adkeystay. “Markii la isoo magacaabay, balse aana weli xafiiska fariisan waxaa la ii sheegay in la qabtay dad kale oo loo qorsheeyey inay isku key qarxiyaan, kadib markii aan xafiiska imid dad kale ayaa la qabtay, hey’adaha ammaanka iyo garsoorka ayaana kiiskooda u deynay, dadkeenii waxaa laayey cadaw, welina waa sii wataan howshooda, waxaa la sheegaa in qofkii is qarxiyey uu ka mid ahaa maamulka gobolka, weliba agaasimayaashii xiligaas uu ka tirsanaa,” ayuu yiri Cumar Filish. Sidoo kale Guddoomiye Cumar ayaa sheegay inay ku dadaaleen in dadka inta hartay cadawga laga badbaadiyo, isla markaana ay dib u diiwaan geliyeen shaqaalaha maamulka. “Intii dhimatay Allaha u naxariisto waxaan ku dadaalnay, inta nool dadka sidii aan u ceymin laheyn, waxaan qaadanay go’aan ah dhamaan shaqaalaha gobolka Banaadir in dib loo diiwaan geliyo oo qof macluumaadkiisa oo dhan la soo ogaado, kadibna damaanad loo sameeyo oo bal qofka la aqoonsado,” ayuu yiri. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish waxa uu sheegay in diidmo iyo dhaleeceyn badan uu kala kulmay in baaritaan heerkaas ah lagu sameeyo shaqaalaha, “Maanta qof kasta oo ka mid ah shaqaalaha gobolka Banaadir macluumaadkiisa dowladda heysa.” Ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay intii uu xafiiska joogay inuu soo iibiyey qalab iskaan ah oo aad u baara dadka soo gelaaya xarunta dowladda hoose ee Xamar, sidoo kalena uu sameynay ciidamo nabad sugid ah oo dadka ku dhex jira, kuwaas oo aan la wada aqoon, dad badana soo qabtay, sida uu sheegay. Hoos ka daawo The post Daawo: Cumar Filish oo faah-faahin ka bixiyey isku dayo la doonayey in lagu dilo appeared first on Caasimada Online.
  15. Doorashada Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo maanta oo ku beegan 25-ka July, 2021. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaan weli soo gudbin liiska xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto degaannada Puntland. Sidoo kale, Baarlamanka Puntland ayaan isna magacaabin guddigii qaban lahaa doorashada Aqalka sare, taas oo keentay dib u dhac ku yimid wakhtiga loo qorsheeyay in ay qabsoonto doorashada. PUNTLAND POST The post Puntland: Dib u dhac ku yimid jadwalka doorashada Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Xallinta Khilaafaaadka doorashada dadban ka dhaceysa ayaa soo saaray habraaca xallinta khilaafaadka doorashada Senatorrada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo maalmaha soo socda ay doorashadoodu ka bilaabaneyso xarumaha dowlad goboleedyada dalka. “Guddigu wuxuu la wadaagayaa Musharaxiinta iyo Codbixiyaasha Aqalka Sare Habraaca Xallinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka. Guddiga ayaa qoraalkaan ku soo bandhigay cidda ay cabashadooda qaabilayaan iyo shuruudaha looga baahan yahay, waxayna ku soo koobeen afar qodob oo kala ah: 1- Musharax soo buuxiyay shuruudaha musharaxnimada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ee ku xusan Qodobka 58 aad ee Dastuurka ku-meel gaarka ah ee dalka iyo Sharciyada kale ee Hagaya Doorashada Dadban ee 2020/2021, loona diiwaan galiyay u tartamida Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya. 2- Waxaa kaloo cabasho u soo gudbin kara Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban Xildhibaanada dowlad goboleedyada iyo xubnaha Ergada loo xulay in ay u codeeyaan tartamayaasha Aqalka Sare ee Somaliland oo ay si toos ah u saamayso xad-gudubyada ka dhasha maamulka doorashada. 3- Waa in uu codsi qoraal ah u soo gudbiyaa Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban, soona buuxiyaa foomka diiwaan galinta cabashada xallinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka Sare. 4- Waa in uu bixiyaa lacagta diiwaan galinta cabashada oo dhan 3,000 oo dollar (sedex kun oo dollar) kuna soo lifaaqaa galkiisa cabashada waraaqda cadeyneysa in uu ku shubay lacagta xisaabta bangiga loo asteeyay. “Haddaba intaas oo shuruud ah haddii uu soo buuxiyo qofka cabanaya, Guddigu wuxuu qadanayaa go’aan uu ugu garnaqayo cabashadaas muddo 7 malmood gudahood ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaan ka soo baxay Guddiga Xallinta Khilaafaaadka doorashada dadban. The post 4 qodob oo lagu xalin doono khilaafaadyada doorashada Aqalka Sare oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
  17. Ciidamada amniga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Magaalada Jigjiga ku xirxiray 28 xubnood, oo lagu eedeeyay inay taageero maaliyadeed siinayeen Ururka TPLF ee ka dagaalama Gobolka Tigray. Taliyaha Guud ee Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida, General Maxamed Cali Xasan ayaa dadkan ku eedeeyay in ay dhaqaale ku taageerayeen TPLF oo dowladda dalkaasi ay u aqoonsatay urur argagixiso. “Dagaalka TPLF ay wadaan wuxuu ka dhan yahay dhammaan qowmiyadaha Itoobiya, waayo waxay rabaan inay soo celiyaan dhibaatooyinkii 27-kii sano ay dalka ku hayeen,” ayuu yiri Taliyaha. Taliyaha ayaa sheegay in leesla gartay in laga hortaggo dadka dhaqaalaha siiya jabhadda TPLF. “Nimankan TPLF meel kasta oo dalka ah way jooggaan, oo waad ogsoon tihiin 27-kii sano ee wadanka haysteen meel kasta way ku baaheen, dhaqaalo ayayna ku sameysteen, dad-na way ku sameysteen. Sidaa darteed waxaa la’isla gartay cidda xiriirka la leh ee hantida u direysa, weliba kuwa dagaalka ku jira ee hantidooda dagaalka uga shaqaynaya in laga hortagga. Ninka dagaalka ku jira ee dalka inuu burburiyo doonaya ee hantidiisana ay halkan taalo dee waa khasab in laga hortaggo,” ayuu yiri Taliyaha. Taliyaha ayaa yiri “Sidaa darteed anagu waxaan qabanay 28 xubnood, gawaari badan oo iyagana aan qabanay way jiraan, kuwo badan oo hadda dabagal ku haynana oo qaban doonnaa jira.” Ayuu yiri Taliyaha oo intaa ku daray “Hantida noocaas ah runtii waan diiwaangelinaa iminka.” General Maxamed Cali Xasan ayaa dhanka kale sheegay inaanay iyagu beegsan doonin kuwa nabadgelyada ku joogga deegaanadooda, isla-markaana aan dhaqaalaha siinin TPLF. “Nimanka dagaalka ku jira kuwo dagaal ku jiro weeyaan, kuwa nabadgelyada ku joogga ee cidna biilin, kuwaas kuma jiraan,” ayuu yiri jananku. Toddobaadyadii la soo dhaafay ayay ahayd, markii hay’adaha ammaanka ee dalka Itoobiya ay Magaalada Addis Ababa ku xirxireen xubno lagu tuhmay inay gacansaar la leeyihiin Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadkaan xili habeen ah weerar ku qaaday guriga guddoomiyaha degmada Shangaani ee maamulka gobalka Banaadir, waxaana la sheegay in isaga iyo qoyskiisa loo geestay hanjabaad iyo cabsi gelin xoog leh. Falkaan ayaa dhacay saddex habeen ka hor waxa uuna ka dhacay guriga guddoomiyaha oo ku yaalla isla degmadaas sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin kuwa ammaanka ah, oo codsaday inaan la magacaabin. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaamaysa in guddoomiyaha la weeraray uu waday abaabulka qeybinta raashin gargaar ah oo loogu talagalay dadka danyarta ah ee degan degmadaas, waxaana mar qura ku yimid ciidamo ka tirsan kuwa NISA oo loo yaqaano Duufaan. Aweys Camuudi oo ah guddoomiyaha degmada ayaa la weydiiyay su’aalo ay ka mid ah ahaayeen cida u wakiilatay qeybinta raashinka, halka uu ka keenay iyo haddii uu heysto fasax hay’adaha ammaanka ah, iyadoo kadibna loogu hanjabay in la xiri doono haddii uu sii wado howshaan. Guddoomiye Aweys oo ay ciidanka ammaanka hareereeyeen gurigiisa islamarkaana loogu hanjabay in uu joojiyo barnaamijkii samafalka ee ka socday degmadiisa ayaa la sheegay in uu qaatay amarkaas, waxaana la sheegay in uu saacado galay qalqal isaga iyo qoyskiisaba. Si rasmi ah looma oga sababta loo diiday bixinta gargaarkaan hase yeeshee waxaa soo baxaya in ay ka dambeeyaan shaqsiyaad katirsan mas’uuliyiinta ammaanka oo doonaya in ay wax ka helaan raashinka la bixinayo ama in la siiyo lacag caddaan ah. Inta badan Muqdisho iyo gobalada qaar ee Soomaaliya markii la bixinayo raashin gargaar ah amaba la qabanayo adeegyo dheeraad ah oo bulsho ama maamul waxaa lacag ama agabyo kale oo dheeraad laga siiyo mas’uuliyiinta a’maanka ee gobalka ama degmada, waxaana la aaminsan-yahay in sababtaas loo weeraray guddoomiye Aweys Camuudi oo nin dhalinyaro ah, oo la magacaabay 02 December 2019. The post Guddoomiyaha degmada Shangaani oo gurigiisa lagu go’doomiyay xilli saqdhexe ah appeared first on Caasimada Online.
  19. Xoggo Muhiima oo ku saabsan Diyaaradda madaxweynaha Mareykanka “Air Force One” Diyaradda Airforce One Sida uu yahay qorshaha dowladda Mareykanka marka la gaaro sanadka 2024 waxaa lagu wadaa in lasoo saaro diyaarad cusub oo nooca Airforce One ah oo qaada madaxweyne Joe Biden. Diyaaradda hadda uu raaca waa nooca Boeing 747 oo lamid ah midda lasoo saari doono inkasta midda cusub ay ka weynaan doonto dhanka dheererka iyo ballaca diyaaradihii hore ee madaxweyneyaasha Mareykanka. Hadda su’aasha waxay tahay maxaa looga cabsadaa diyaaradda Airforce One? 1. Waxay u adkeysan kartaa qaraxa ka dhasha hubka Nukliyeerka Diyaaradda waxaa loo sameeyay sida diyaaradaha dagaalka ee militeriga, waxay awood u leedahay inay iska caabiso dhibaatada ka dhalan karta qaraxa ka dhasha Nukliyeerka, haddii diyaaradda lagu weeraro bambaano wax dhibaato ah masoo gaarayo madaxweynaha Mareykanka. Diyaaradda gudaheeda ayaa laga hagi karaa istaraatiijiyadda iyo qaababka dagaalka maadama diyaaradda uusan waxbo u dhimeyn qaraxa. Daaqadda diyaaradda waxaa ku wareegsan xarggo ka hortaggaya saameynta ka dhalata shucaaca, biriqda, kuleylka iyo dabka. 2. Diyaaradda iyada oo hawada mareyso ayaa shidaal lagu shubi karaa Waa teknooloojiyad casri ah oo ay leedahay diyaaradda Airforce One gaar ahaan haddii shidaalka ka dhammaado iyada oo mareysa hawada sare in lagu shubi karo shidaal. Waxaa sharddi ah in marka diyaaradda lagu shubayo shidaalka, waa in la helaa diyaarad kale iyo booyad shidaal. Waxaa arrintan loogu magac daray howlgalka ‘Boom’ , shidaalka lagu shubayo diyaaradda waxaa si taxaddar leh ula soconaya duuliyaha. 3. Waxay leedahay jaraanjar iyo qalab kale oo lagu qaado alaabta gudaheeda Diyaaradda qaadda madaxweynaha Mareykanka, waxaa gudaheeda lagu sameeyay adeeg kasta oo fududeynayo howsha. Waxay leedahay jaraanjar u gaar ah, diyaaradda uma baahna jaraanjarada la hordhigo diyaaradaha marka ay ka caga dhigayaan garoomada. Sidoo kale diyaaradda waxaa gudaheeda ku yaalla qalab qaada badeecadaha xamuulka ah si diyaaradda looga ilaaliyo in la saaro badeecado aanan la ogeyn waxa ay yihiin. Airforce One 4. Waxay leedahay qalab amniga sugayo iyo mid ogaado dabka Iyadoo diyaaradda qaab militeri ahaan loo sameeyay, waxaa lagu sameeyay qalab teknooloojiyad ah oo amniga xaqiijinayo. Diyaaradda waxaa lagu qalabeeyay aalado casri ah oo la socon karo dhaqdhaqaaqa cadowga iyo raadarada. Diyaaradda waxay iska difaaci kartaa madaafiicda ay soo tuuraan cadowga. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump xilli uu ku sugnaa gudaha diyaaradda Airforce One 5. Waxay leedahay qalab qarsoon oo carqaladeyn kara isgaarsiinta Isgaarsiinta ayaa ah waxaa sida fudud lagu beegsan karaa xilliyada weerarka. Si loo ilaaliyo amniga isla markaana loo xaqiijiyo in aanan la carqaladeyn isgaarsiinta, diyaaradda Airforce One waxay awood u leedahay inay xaqiijiso in dhammaan isgaarsiinta aysan wax dhibaato ah soo gaarin. Digniinada ka imaanayo qalabka casriga ah ee qarsoon wuxuu horseedaya in si fudud loo ogaado halka ay ka timid xogta lasoo gudbiyay ee ku saleysan isgaarsiinta. 6. Qolka isgaarsiinta iyo xiriirka Diyaaradda Airforce One waxay leedahay qeyb dhan oo qaabilsan isgaarsiinta taas oo madaxweynaha u fududeyneyso in si wanaagsan uu xiriir u sameeyo inta uu hawada ku jiro. Madaxweynaha wuxuu marka uu saaran yahay diyaaradda ka qeybgeli karaa shirar dhanka muuqaalka ah, wicitaanka muuqaalka ama in dadweynaha uu diyaaradda kala soo hadlo. Haddii madaxweynaha uu saacado badan ku qaata safarka wuxuu shaqadiisa qaranka ka qabsan karaa halkaas. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Obama oo ku sugan gudaha Airforce One 7. Qolka daweynta Diyaaradda waxay leedahay xarumo qaabilsan bixinta adeegyada caafimaadka, waxaana ku sugan dhakhaatiir si loola tacaalo xanuunada. Waxaa diyaaradda saaran dhakhtarka gaarka ah ee madaxweynaha iyo wasiirada. Marka ay timaaddo qorshaha caafimaadka diyaaradda waa mid si weyn ugu qalabeysan oo qaabili karta dhibaatada caafimaadka. 8. Waxay leedahay qalab casri ah aysan indhahaagu qaban karin Diyaaradda Airforce One waxay leedahay qalab casri ah oo aysan qaban karin isha banii’aadanka. Sidoo kale waxaa adag in militeriga ay ogaadaan qalabka casriga ah maadama lagu magacaabo Airforce One- waana mid kamid ah diyaaradaha sida weyn looga cabsado adduunka. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Obama xilli uu shir diyaaradda Airforce One gudaheed kula lahaa saraakiisha dowladda 9. Aqalka Cad oo hawada sare la geeyay Dad badan oo ku nool Mareykanka waxay aad u xiiseeyaan marka ay diyaaradda hawada gasho xilligga ay sido madaxweynaha isla markaana ay tageyso dalal kala duwan. Dad badan waxay ku tilmaamaan ‘in Aqalka Cad ‘ loo raray hawada sare maadama xafiiska Madaxweynaha, xafiisyada shirarka iyo golaha wasiirada ay halkaas ku yaallaan. Qaran News
  20. Ciyaartooy carabeed oo diiday in uu ka hortago ciyaartooy u dhashay Dalka Israa’iil+Sababta Fatxi Nuureyn oo u dhashay dalka Algeria kana qeybgalaya tartanka ciyaaraha Olimbikada ee ka furmay Tokyo ayaa isaga hadhay tartanka kadib markii uu diiday in uu ka hortaggo ciyaartooy kale oo u dhashay Israa’iil. Nuureyn oo 30 jir ah ayaa Isniinta lagu waday in uu la ciyaaro Maxamed Cabdirasuul oo u dhashay Suudaan xilli uu bilaabmayo wareegga koowaad ee tartanka qaadidda 73 Kiilo. Haddii uu ku guuleysan lahaa tartankaas, waxay ka dhigneyd in wareeggga labaad uu la ciyaari lahaa Tohar Butbul oo u dhashay Israa’iil. Isaga oo la hadlayay teleefishinka dowladda wuxuu sheegay in uusan ‘dooneyn in gacmahiisa uu iska wasakheeyo’. Wuxuu intaas ku daray in taageerada uu hayo Falastinin darteed uusan u wajahi karin ninkaas u dhashay Israa’iil. “Waxaan dadaal adag gelinayay sidii aan usoo gaarin laheyn tartankan Olimbikada balse waxan oo dhan waxaa ka weyn qadiyadda Falastiin” ayuu yiri Nuureyn. Nuureyn wuxuu sanadkii 2019 isaga haray taratankii Olimbikada ee lagu qabtay Tokyo xilli la filayay in uu la ciyaaro ciyaartooygan u dhashay Israa’iil ee lagu magacaabo Butbul. “Waxaa nasiib darro ah in aan isaga baxo tartanka, waxaan wajahi laheyn Israa’iil, waana sababta aan isaga haray tartanka, waxaan qaadanay go’aankii ugu habboonaa” ayuu yiri macalinka Nuureyn, Amar Ben Yaklif oo la hadlayay warbaahinta Algeria. Nuureyn wuxuu isaga haray tartanka saacado yar uun kadib markii kooxdiisa ay ku biirtay xafladda furitaanka tartanka Olimbikada. Xiriirka tartankan ee IJF ayaa sheegay in ciyaartooyga iyo macalinkiisa shaqada laga hakiyay isla markaana baaritaan lagu sameynayo tallaabadaas. Xiriirka wuxuu intaa ku daray in guddiga olimbikada Algeria tallaabo laga qaadi dooni gaar ahaan suurtagalnimada ah in cunaqabateyn lagu soo rogo. Xiisadda Israa’iil iyo Falastiin ayaa cirka isku shareertay sanadkan xilli dagaallo u dhexeeyay labada dhinac ay ka dhaceen halkaas. Ciyaartooyda ka kala soo jeedo Iran iyo Masar ayaa horey u diiday inay la tartamaan ciyaartooyda kale ee kasoo jeeda Israa’iil. Iran ayaa muddo afar sano ah laga mamnuucay inay ka qeybgalaan ciyaaraha fudud ee IJF kadib markii ciyaartooy uga qeybgalayay tartankii ka dhacay Japan 2019 ay ku amartay in uu isaga haro tartankaas. Qaran News
  21. Jigjiga (Caasimada Online) – Ciidamada amniga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Magaalada Jigjiga ku xirxiray 28 xubnood, oo lagu eedeeyay inay taageero maaliyadeed siinayeen Ururka TPLF ee ka dagaalama Gobolka Tigray. Taliyaha Guud ee Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida, General Maxamed Cali Xasan ayaa dadkan ku eedeeyay in ay dhaqaale ku taageerayeen TPLF oo dowladda dalkaasi ay u aqoonsatay urur argagixiso. “Dagaalka TPLF ay wadaan wuxuu ka dhan yahay dhammaan qowmiyadaha Itoobiya, waayo waxay rabaan inay soo celiyaan dhibaatooyinkii 27-kii sano ay dalka ku hayeen,” ayuu yiri Taliyaha. Taliyaha ayaa sheegay in leesla gartay in laga hortaggo dadka dhaqaalaha siiya jabhadda TPLF. “Nimankan TPLF meel kasta oo dalka ah way jooggaan, oo waad ogsoon tihiin 27-kii sano ee wadanka haysteen meel kasta way ku baaheen, dhaqaalo ayayna ku sameysteen, dad-na way ku sameysteen. Sidaa darteed waxaa la’isla gartay cidda xiriirka la leh ee hantida u direysa, weliba kuwa dagaalka ku jira ee hantidooda dagaalka uga shaqaynaya in laga hortagga. Ninka dagaalka ku jira ee dalka inuu burburiyo doonaya ee hantidiisana ay halkan taalo dee waa khasab in laga hortaggo,” ayuu yiri Taliyaha. Taliyaha ayaa yiri “Sidaa darteed anagu waxaan qabanay 28 xubnood, gawaari badan oo iyagana aan qabanay way jiraan, kuwo badan oo hadda dabagal ku haynana oo qaban doonnaa jira.” Ayuu yiri Taliyaha oo intaa ku daray “Hantida noocaas ah runtii waan diiwaangelinaa iminka.” General Maxamed Cali Xasan ayaa dhanka kale sheegay inaanay iyagu beegsan doonin kuwa nabadgelyada ku joogga deegaanadooda, isla-markaana aan dhaqaalaha siinin TPLF. “Nimanka dagaalka ku jira kuwo dagaal ku jiro weeyaan, kuwa nabadgelyada ku joogga ee cidna biilin, kuwaas kuma jiraan,” ayuu yiri jananku. Toddobaadyadii la soo dhaafay ayay ahayd, markii hay’adaha ammaanka ee dalka Itoobiya ay Magaalada Addis Ababa ku xirxireen xubno lagu tuhmay inay gacansaar la leeyihiin TPLF. The post Jeneral Maxamed Cali oo sheegay in la xiray ganacsato dhaqaale siinayey TPLF appeared first on Caasimada Online.
  22. Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban ee 2020/2021 ayaa soo saaray shuruudaha cabashooyinka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Guddiga wuxuu sheegay in ay cabasho u soo gudbin karaan murashax soo buuxiyay shuruudaha musharaxnimada Aqalka Sare, xildhibaannada dowlad goboleedyada iyo xubnaha ergada loo xulay in ay u codeeyaan tartamayaasha Aqalka sare ee Somaliland. Sidoo kale waxaa shuruudaha cabashooyinka Aqalka Sare ka mid ah lacag diiwaangelin cabasho oo dhan 3,000 oo dollar (saddex kun oo dollar). Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada wuxuu tilmaamay in qofkii cabanaya ee soo buuxiyo shuruudaha cabashada loogu garnaqayo muddo 7 malmood gudahooda. PUNTLAND POST The post Maxay yihiin shuruudaha cabashooyinka Aqalka Sare? appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya oo war ka soo saaray dagaalkii saakay ka dhacay isgoyska Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay xogta khasaarihii ka dhashay iyo cidda ay u dhaxeysay is-rasaaseyntaas. Ku xigeenka afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Cali Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay soo qabteen koox burcad ah oo uu tilmaamay inay is-rasaaseeyeen, kadib markii ay ku heshii waayeen lacag baad ah oo ay dadka ka aruursanayeen. “Saakay aroortii Ex Control Afgooye waxaa ka dhacday shaqaaqo is-rasaaseyn ah dhex-martay maleeshiyaad qowleysato ah oo dhacayey dadka aaggaas ku nool, intii ay dadka dhacayeen ayey dhexdooda ka tafantay oo dhexdooda ka bilaabatay israsaaseyn sababtay in dad rayid ah ay halkaas ku dhintaan, ilaa afar qof oo shacab ah ayaa goobtaas ku geeriyootay, seddax kalena dhawacyo ayaa soo gaaray,” ayuu yiri sarkaalkaan oo caawa la hadlay warbaahinta. Afhayeenka ayaa sheegay in xiligaas ay booliska u suurta geli weysay in ragaas la soo qabto, balse garabta ay ku guuleysteen inay weeraraan halkii ay ku dhuumaaleysanayeen ragii isku rasaaseeyey Ex Control, isla markaana ay gacanta ku soo dhigeen inta badan kooxdaas, qaar kalena weli lagu daba joogo. “Xooraan iyo daba-gal kadib, ciidanka booliska gobolka Banaadir waxay galabta weerareen goob ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadkii saakay dhaca iyo dilka u geystay dadkii ay ku dul dagaalameen, waxayna gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah ragaas iyo hubkii ay wateen, waxaana hor geyn doonaa cadaaladda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray afhayeenkan u hadlay booliska Soomaaliya. Ragaan lasoo qabtay oo gaaraya sagaal nin ayaa seddax kamid ah waxaa is-rasaaseyntii saakay kasoo gaaray dhaawacyo, sida uu warbaahinta u sheegay ku xigeenka afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Cali Xasan. Hoos ka daawo The post Daawo: Booliska oo soo bandhigay sagaal ka mid ah raggii maanta ku dagaalamay Muqdisho iyo hub appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu ayaa sheegay in todobadii bilood ee lasoo dhaafay uu xabsi guri ugu jiray Agaasimihii hore ee Shaqaalaha NISA Cabdullahi Kullane, waxuuna dalbanayaa in Kullane cadaaladda la hor keeno. Macalimuu oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn sheegay in dhammaan siyaasiyiintii iyo odayaashii laga hor taagnaa inay u safraan gobolka Gedo ay u mahad celinayaan Ra’iisul wasaare Rooble oo xilkii ka qaaday ninkii ay ka cabanayeen oo xabsiga ay ugu jireen. “Sidii aad la socoteen waxaa la jebiyey amarkii Ra’iisul wasaaraha, waxaana jebiyey ninkii Taliye ku xigeenka Nabad sugidda ahaa, ninkaas waxa uu bartay in dunuubta uu galo aan lagu ciqaabin, laakiin hadda waxaa laga qaaday tallaabo, waxay ila tahay dadka dunuubta gala hadii aan sharciga la hor keenin dembiyada ayey iska sii gelayaan, Kullane dhibaatooyinkii uu Gedo ka geystay maxkamad ha lagu saaro,” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo. Cismaan Nuur Xaaji oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Intii uu Kullane dembiyada ka galay, aniga ayaa ugu dhib yaraa, anigana 7-bilood ayuu xabsi igu heystay, anigoo masuul soo shaqeeyey ah oo aan dad dhibaato u geysan, ayuu intaas i hor taagnaa, dembiyada kale ee uu geystay wax sahlan maaha, waxaan maqlaayey gabar NISA ku maqan oo gaarigiisa lagu qaaday, arrintaas ma ahan in madaxda dowlad goboleedyada iyo musharaxiintu ka aamusaan.” Sidoo kale Macalimuu ayaa sheegay badbaada Cabdullahi Kullane ay ku jirto in maanta maxkamad lasoo taago, “Hadii aan la maxkamadeyn waa la dilayaa, in la dilana waxaa ka roon, in dembiga uu leeyahay lagu qaado, hadii lagu waayana la iska daayo,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in amarro uu bixiyey Kullane dhibaatooyin xoog leh gobolka Gedo looga geystay, isagoo dadka dhibanayaasha ah u soo jeeduyey inay soo bandhigaan tacadiyada uu u geystay ninkaas, si wax looga qabto. “Markii hore waxaan u heysanay in gobolka Gedo aan dowlad geynay, laakiin Balaayo ayaan geynay xaqiiqdii, dhibka dowlada laga tabanayo waxaa geystay Kullane Jiis, waxaana u wakiishay dadkii meesha u dirsaday,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo. Hoos ka Daawo The post Macalimuu: Gedo waxaan geynay balaayo, Kullane Jiis in la maxkamadeeyo ayuu ku badbaadi karaa (Video) appeared first on Caasimada Online.