-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa goordhoweyd soo saaray amar ku socda isbitaalada Yardameeli iyo Jaziia, kaasi oo dhigaya in muddo toddobaad gudahood ah ay kusoo wareejiyaan maamulka isbitaaladaas. Afhayeenka gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ayaga oo ku shaqeynaya dastuurka iyo shuruucda u dagsan dalka, islamarkaana la tixraacayo heshiiska ku saleysan wareejinta iyo daadajinta adeega caafimaadka ee gobolka in maamulka gobolka uu mas’uul ka yahay gacan ku haynta isbitaaladaas. “Isbitaaladaa kor ku xusan oo loogu talo-galay in bulshada gobolka Banaadir ugu shaqeeyan si lacag la’aan ah uu ka war helay maamulka gobolka in hanaankii loogu talo-galay in loogu adeego bulshada hanaan aheyn oo u muuqda mid ganacsi iyo mid gaar ahaaneed u adeegayaan isbitaaladaas,” ayuu yiri. “Wuxuu maamulka gobolka Banaadir ku wargelinayaa isbitaaada Jaziira iyo Yardameeli in muddo toddobo cisho ah gudahood ah ay kusoo wareejiyaan maamulida isbitaaladaas, islamarkaana maamulka gobolka Banaadir uu mudadaas ku magacaabi doono maamulka uu yeelanayo isbitaaladaas.” Maamulka gobolka Banaadir ayaa amarkan cusub ku sababeeyay in isbitaaladaas ay ka leexdeen hanaankii loogu talo-galay inay ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa gobolka Banaadir. Hoos ka daawo amarka maamulka The post Maamulka G/Banaadir oo amray in toddobaad gudihiis loogu soo wareejiyo laba ka mid ah isbitaallada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa la sheegay inuu muddooyinkii ugu dambeeyey uu shirar doceed-yo la lahaa Madax-dhaqameedka iyo haldoorka Beeshiisa,waxaanu u sheegay in loo baahan yahay in dib la isugu soo ururriyo taageerayaasha Xisbiga,isla markaana dib loo hawlgeliyo guddiyaddii. Siyaasi Maxamed Qarbooshe ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu kullan la yeeshay Madax-dhaqameedka iyo Siyaasiyiinta Beesha Ciise Muuse,kaas oo uu sheegay in Madaxweyne Biixi uu kala hadlay arrimahan”Kullankaas waxa la kulmay Madaxweynaha dhawr iyo toban illaa labaatan nin,kullan-kaas oo iskugu jira dhawr nooc qollada siyaasiyiinta ahi waxay ahayeen qaar rajanayey inay sannadkaa Madaxweynaha u hadhay ay kuraas ka hellaan, Madax-dhaqameedkana waxa hoggaaminayey qoladda siyaasiyiinta ah oo iyagana Madaxweynuhu u yeedhay oo uu yidhi waxaan doonnayaa in dadkii la isku soo ururriyo oo degmaddii iyo Gobolkii iyo guddiyaddii reerka iyo wax la isku soo ururriyo ” ayuu yidhi Maxamed Qarbooshe Siyaasi Qarbooshe ayaa intaas ku daray”Dadka afar sanno ka hor la kale eryey hadda wax laga soo ururriyaaa ma jiraan,dalkuna waa xisbiyo ee beelihii iyo wixii waa laga baxay,Madaxweynuhu inuu u yeedho mahaa oo uu yidhaah iisoo gurmadda oo kursiga mar labaad ha la is saaro.”ayuu yidhi Dhanka kalene Abwaan Cismaan kujare ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi shirar doceedyo uu la yeeshay Beeshiisa uu kadib madax-dhaqameedka Beeshiisa ergo ugu soo diray Beesha Habar-jeclo,kuwaas oo ku soo jihaysan “Guul-darradii iyo jabkii ka soo gaadhay Madaxweyne Biixi doorashooyinkii kadib waxa igu maqaallo ah in Madaxweyne Biixi uu u yeedhay odayaal Beeshooda ah oo uu ku yidhi raadiya dadkii macaamiisha u ahaa iyo taageerayaashii Xisbiga KULMIYE,gaar ahaan Beeshii aynu Jeegaanta isku ahayn ee aan shirkaddahoodii xidhay ,shaqaallahoodiina eryay, hudheeladoodiina xidhay .”Ayuu yidhiCismaan kujare ayaa intaas ku sii daray “Guddoomiyihii Xisbiga KULMIYE ballantii aan la galayna aan kaga baxay orda oo raadiya oo la furra wadda haddal si aynu rejadii Xisbiga KULMIYE dib ugu soo celino,mar labaadna aynu kursiga ugu soo noqono ”ayuu yidhi Gunaanadkii Abwaan Cismaan ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay in aanu soo lugoyn odayaasha,isla markaana ay arrintaas dhaaftay halkii wax laga qaban lahaa”waxaan ku odhan lahaa Madaxweyne odayaasha ha soo lugoyn arrintu halkii wax laga qaban lahaa wey dhaaftay.” Source
-
“ Dareenka iyo filashadu halkii Shalay ma joogaan. Waxay ila tahay in aanay: 1- Madaxweyne Biixi hal arrin hodin. 2- Musharrax Madaxweyne Cirro hal arrin hodin. 3- Beesha Sacad Muuse hal arrin seegin. 4- Beesha Habar-yoonis hal arrin seegin. 5- Somaliland inta kalena hal seegin. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waa in aaney hodin guushii ballaadhneyd ee uu ku haaneeday qasriga looga arrimiyo Jamhuuriyadda Somaliland 13 Nov. 2017kii, oo ku timid shan arrimood oo kala ah: 1- xukuumaddii xilligaa oo xisbiga Kulmiye hogaaminayey. 2- Beelweynta East Burco Clan oo si har la’aan ah uga abaal celineysay dhismihii Beesha Sacad Muuse dhistey Madaxweyne Siilaanyo. 3- Beelweynta Ciise Muuse oo si har la’aan ah uga abaal celineysay dhismihii Sacad Muuse dhisay Madaxweyne Cigaal Rabbi Jannatul-firdawsa ha ku galladee. 4- Beesha Sacad Muuse oo aan marna Somaliland Madaxweyne ka noqon oo lahayd waa markayagii. 5- Bulshada kale ee Somaliland oo filasho-weyn ka qabtey hoggaamin taariikhdu xusi doonto Madaxweyne Muuse Biixi. Haddaba intaas oo isbiirsatey ayaa dhalisay guushii Mar la aragteyda ahayd ee Madaxweyne Muuse Biixi talada dalka ku haaneeday. Waxayse tahay su’aashu: 1- Madaxweyne Muuse Biixi muxuu ugu abaal guday dadkii sida hagar la’aanta ah ugu maamuusay kursiga looga arrimiyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland ?!!!. 2- Ma dhabawday filashadii mugga lahayd ee reer Somaliland ka qabeen hogaaminta Madaxweyne Biixi ?!!!. 3- Maxaase keeney afar Sano ka dib in uu raadiyo taageerayaal laxaad leh oo uu geeska galiyey markuu guusha hantiyey 13 Nov. 2017kkii?!!. La soco … Qaybtii 2aad Waxa qoray Xildhibaan Sh. Axmed Dayib Aaden kucadeeye Source
-
Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa ka digtay cawaaqibka ka dhallan kara qorshaha ay Reer Galbeedka ay damacsan yihiin ee ah inay go’doomiyaan dowladda Taalibaan ay ka dhiseyo Afghanistan kadib markii ay dalkaas la wareegtay. Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar Sheekh Mohammed bin Abdulrahman ayaa ka digay in go’doominta Taalibaan ay hoggaamin doonto xasillooni darro horleh, wuxuuna ugu baaqay dalalka caalamka ugu baaqay inay la hadlaan kooxda, si wax looga qabto walaacyada amni iyo dhaqaale bulsho ee Afghanistan. Qatar oo xulufo la ah Mareykanka ayaa noqotay wada-xaajoode muhiim ah oo loo maro Taalibaan, ayada oo mart-gelineysay xafiiska siyaasadda kooxdan, tan iyo 2003. “Haddii aan isku dayeyno inaan soo rogno shuruudo, oo aan joojino la macaamilka, waxaan ka tagi doonnaa firaaq, su’aashuna waxay tahay, yaa buuxin doona firaaqaas,” ayuu yiri Sheekh Mohammed isaga oo dhinac taagan dhiggiisa Jarmalka Heiko Maas. Illaa iyo hadda ma jiro dal Taalibaan u aqoonsaday dowladda Afghanistan kadib markii ay Kabul qabsadeen 14-kii August. Dalal badan oo Reer Galbeed ah ayaa kooxdan ku booriyey inay dhisto dowlad loo dhan yahay, islamarkaana ilaaliso xuquuqda aadanaha. “Waxaan aaminsannahay in la macaamil la’aan, aynan gaari karin horumarka dhabta ah ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha bulshada,” ayuu yiri Sheikh Mohammed, isaga oo intaas ku daray in Taalibaan oo dowlad loo aqoonsado aysan muhiim aheyn. Wasiirka Arrimaha Dibedda Germany Heiko Maas ayaa weriyayaasha u sheegay in Berlin ay diyaar u tahay inay caawiso Afghanistan, hase yeeshee kaalmada caalamiga ah ay wadato shuruudo horudhac ah. Taalibaan oo wada-hadallo la yeelatay xubno ka mid ah dowladdii hore ee Afghanistan iyo bulshada rayidka ayaa sheegtay inay dhowaan ku dhowaaqi doonto gole wasiiro. Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar Sheikh Mohammed ayaa sheegay in kooxda ay muujisay inay u furan tahay fikradda ku saabsan dowlad loo dhan yahay. Taalibaan ayaa Afghanistan maamuleysa 1996-kii illaa 2001, hase yeeshee ma helin aqoonsi caalami ah. Sheikh Mohammed ayaa sheegay in go’doominta Taalibaan ee 20 sano kahor ay hoggaamisay xaaladda hadda taagan. REUTERS + VOA The post Qatar oo ka digtay qorshe ay dalalka Reer Galbeedka ka damacsan yihiin Taalibaan appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha hadda xilka haye ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa mucaarad-nimo kale hor tegay Madaxweynihii isagga xilka Guddoomiyenimada KULMIYE iyo Madaxweynenimada ku wareejiyey ee Axmed Siilaanyo,kadib markii sannadkii 2014-kii uu ka dhex qarxay murrankii Musharraxnimada Madaxweyne ee KULMIYE. Madaxweynaha hadda Xilka haye ee Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul u mucaaradi jiray Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo,taas oo uu eedaymo kale duwan u jeedin jiray,isagoo si addag ugu dhalliilay xadhigii Cabdilaahi Abokor oo ciidanka hub kale hor tegay. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa wakhtigaas waxa kale oo dagaalka Xukuumadda Siilaanyo uu kula jiray la safnaa Madax dhaqameedka iyo siyaasiyiinta Beeshiisa,kuwaas oo dhalliili jiray Xukuumadda Axmed Siilaanyo,isla markaana eedaymo u jeedin jiray Beesha Axmed Siilaanyo. Waxa kale oo wakhtiyadaas samays-may urur dhallinyaro oo Subeer Awal ah,kaas oo lagu magacaabi jiray jiidali,isla markaana fagaarayaasha ka eedayn jiray Madaxweyne Siilaanyo iyo Beesha Habar-jeclo,kuwaas oo qaarkood hadda Xisbiga KULMIYE ay xilal ka hayaan qaarna Xukuumadda Madaxweyne Biixi,waxaana xusid muddan in loo nisbayn jiray inuu dabada ka riixayo Madaxweyne Biixi oo uu isagu u samaystay Siilaanyo. Dhanka kalene qarax-yadda shaanida ayaa ahaa kuwo si joogta ah u dhici jiray,kuwaas oo amaanka lagu khal-khalin jiray,isla markaana uu Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inuu qarax-yadda shaannida ka dambeeyo Muuse Biixi Cabdi “Waxaa ayaan-darro ah, in kuwii aan ammaanka u diray iyo kuwii damaca lahaa, ee dalkan inay xukumaan doonayey, laga soo sheego waxyaalo ammaanka kulidi ah, iyo inay isku dayaan in ay qarankan khalkhal geliyaan…”ayuu yidhi Axmed Siilaanyo Madaxweyne Siilaanyo oo wejigiisa cadho laga dheehanayey, waxa uu sheegay inaanu ahayn ninkii lagu cabsi gelin lahaa Qaraxyo (Shaani) sida uu hadalka u dhigay, waxaanu sheegay inuu sharciga la tiigsan doono cid kasta oo ka dambaysay qaraxyadaas“Anigaa masuuliyada 1aad iga saarantahay, umma dulqaadanayo mana aqbalayo cidna gorgortan kala gelimaayo ammaanka iyo xasiloonida dalka. Waxaan ku qaban doonaa gacan adag, waxaan la tiigsan doonaa sharciga, aniga iyo shacbiguba ma nihin kuwii Shaanida lagu baqo gelinlahaa.” Madaxweyne Axmed-Siilaanyo Waxa kale oo uu sheegay inaanu jirin wax ballan ah oo u dhexeeyey isaga iyo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi“Arrinta Musharaxnimada madaxweynaha ee xisbiga kulmiye ma jirto balan noo dhaxaysay aniga iyo Muuse Biixi habayaraatee..”ayuu yidhi Siilaanyo Dhanka kalena Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Madaxweynaha Somaliland ee wakhtigan ayaa beeniyey xilligaas inuu ku lug lahaa qarax-yadda shaannida “waxaanu ka diidanahay oo waxa nalagu eedeeyey ee ah waxa waxaa qarxinaaya rag madaxnimo waan ka xumay in madaxweynaha afkiisa ay ka soo baxdo.” Ayuu yidhi sannadkii 2014-kii Madaxweyne Biixi Haddaba markii ay Golaha Guurtida Somalliland khilaafkii u dhaxeeyey Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi ay xalliyeen ayaa Madaxweyne Siilaanyo yidhi “waxa inoo sharaf ah in Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,halkan inala joogo, waxaan jecelahay inaan idiin sheego in Aniga iyo Gudoomiyuhu aanu wada heshiinay, Sidaasi darteed waxaa loo baahan yahay in Xukumad iyo Xisbi ahaanba aynu u wada shaqayno si niyad sami ah. Waxaanu ku wada heshiinay Go’aamadii Guurtidu ka soo saartay Khilaafkii Xisbiga Kulmiye.” ayuu yidhi Siilaanyo. Si kastaba ha-ahaatee markii heshiiskaa siyaasadeed la kala dhex dhigay Madaxweyne Siilaanyo iyo Biixi waxa markiiba joogsaday eedayntii Madax-dhaqameedka iyo Siyaasiyiinta iyo dhallinyaradii Jiidali ay ujeedin jireen Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo beesha Habar-jeclo,waxa kale oo meesha ka baxay oo joogsaday qarax-yaddii shaannida. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib loo furay waddada Kuliyada oo muddooyinkii lasoo dhaafay u xirneyd sababo amni, kadib markii cabashooyin dhowr ah loo gudbiyey maamulka gobolka Banaadir, markii uu hakad ku yimid isku socodka magaalada. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo howlo kormeer ah ku sameeyay dhismaha Waddada dheer ee degmada Deyniile oo meel wanaagsan mareysa, ayaa sidoo kale wadadaasna dib u furay. Dhismaha waddada dheer ee degmada Deyniile ayaa ayaduna muhiim u ah isku socodka caasimadda iyo dalxiiska deegaanka, waxayna mas’uuliyiinta ku sameeyeen kormeer socod ah. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay isku tashi iyo in caasimadda la hormariyo. Ugu dambeyntiina waxa uu guddoomiye Filish dib u furay goobaha Biya-mareenka ah oo ay dowlada hoose Xamar mudooyinkii u dambeysay ka waday howlo dib u habeyn ah. The post Sawirro: Waddo muhiim u ah Muqdisho oo maanta dib loo furay kadib muddo ay xirneyd appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Residents in Shaw village in the Hiiraan region say that an Al-Shabaab court sentenced a woman to death for allegedly being a soldier in the Hirshabelle Security Forces. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar ayaa Talaadadii ka digay in go’doominta Taalibaan ay hoggaamin doonto xasillooni darro horleh. Sheekh Mohammed bin Abdulrahman ayaa dalalka caalamka ugu baaqay inay la hadlaan kooxda, si wax looga qabto walaacyada amni iyo dhaqaale bulsho ee Afghanistan. Qatar oo xulufo la ah Mareykanka ayaa noqotay wada-xaajoode muhiim ah oo loo maro Taalibaan, ayada oo mart-gelineysay xafiiska siyaasadda kooxdan, tan iyo 2003. Illaa iyo hadda ma jiro dal Taalibaan u aqoonsaday dowladda Afghanistan kadib markii ay Kabul qabsadeen 14-kii August. PUNTLAND POST The post Dowlada Qatar oo ka digtay in la go’doomiyo Taalibaan appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland ahna Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed ayaa u muuqda inuu dugsanayo wax ka xun wixii uu shallay ku eedayn jiray Xukuumadda Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin. Wasiir Maxamed Kaahin oo si weyn u mucaaradi jiray Madaxweyne Daahir Riyaale ayaa marar baddan ku eedayn jiray in aanay sharciga iyo dastuurka ku dhaqmin,isla markaana wuxuu ugu baaqi jiray inay sharruucda dalka ku dhaqmaan”Waxa qudha ee Qaranka loo hawlgalaa ha noqoto in sharcigiisa la illaaliyo oo waliba ay illaaliyaan cidda sharciga maanta kursiga ku fadhida ,dastuurka iyo shuruucda ka fasirantay ha la illaaliyo.”ayuu yidhi Maxamed Kaahin wakhtigaa. Dhanka kalene Maxamed Kaahin ayaa inta baddan ka caban jiray War-baahinta Qaranku in ay caydo madax-da Xisbiyadda UCID iyo KULMIYE,waxaanu ku baaqi jiray in arrintaas la joojiyo”War-baahinta Qaranka ha laga daayo gacan maroojinta,waar tan anniga la igu caayayaa guul keeni mayso ee axsaabta lagu caayayo.”ayuu yidhi Maxamed Kaahi. Geesta kalene arrimahan uu shalay Maxamed Kaahin ku eedayn jiray Xukuumaddii Madaxwweyne Riyaale,waxa baro dheeraysay oo ka baddisay Xukuumadda uu hadda kamid yahay ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi,taas oo ficiladaas iyo qaar ka darran-ba ku kacday,isla markaana loogu baaqo in ay ku soo noqoto sharciga dalka iyo dastuurka. War-baahinta Qaranka ayaa si joogta ah mar walba hadda u weerarta Madax-da Xisbiyadda UCID iyo WADDANI,taas oo ay cabasho ka muujiyeen masuuliyiinta Xisbiyadda Mucaaradku,haseyeeshee aan dheg-jalaq loo siin,waxaanay u muuqdaan qaar ka sii darray,iyadoo ay Bulshada reer Somaliland arrintan si weyn uga biyo diideen,isla markaana ay baraha bulshada ku dhalliileen Tv-ga Qaranka iyo war-baahinta kale ee Dawladda. Si kastaba ha-ahaatee Wasiir Maxamed Kaahin Axmed ayaa u muuqda inuu yahay nin dugsanaya wax ka xun wixii uu shallay ku eedayn jiray Madaxweyne Riyaale iyo Xukuumaddiisa, Source
-
Xildhibaan Axmed-khaliif Jaamac Saalax, ayaa sheegay in xaalad caafimaad Hargeysa loo keenay Cabdimaalik Muuse Coldoon oo xanuun ka cabanayey, kaas oo laga soo qaaday Jeelka Mandheera. Xildhibaan Axmed khaliif Jaamac Saalax, oo ka hadlayey arrintan ayaa yidhi “Sida uu Ii Xaqiijiyay Daqiiqado kahor Taliyaha Ciidanka Asluubta Coldoon Saaka Wuu Xanunsanaa oo waxuu ka cabanayay Lug ,Waxaana Baadhis Caafimad Loo ageeyay Mid kamid ah Cisbitaalada Hargeisa ,Wax Dhib ah oo uu qabaana majirto,Waxaana Lagu Celiyay Jeelkii Mandheera. Waxba kama jiraan Wararka Sheegaya in Coldoon Lawaayay ,Wax hala Hubsado Ayaan leeyahay,Isha Allah Cadaalad buu heli doonaa Coldoon.” Source
-
Kulan ku saabsan dardar gelinta doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo dooranayo dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu qabtay magaalada Jowhar. Kulanka ayaa waxaa guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamnaka Hirshabeelle Xabdi Xakiin Luqmaan Xaaj Muxumed, waxaana goob-joog ka ahaa ku xigeenkiisa 1aad Siraaji Sheekh Isxaaq. Intii uu socday kulanka ayaa lagu gorfeeyay sidii looga tallaabsan lahaa caqabadah ka ka hor iman jara habsami u scodka doorashada Aqalka sare, waxaana ugu dambayn laysla gartay in doorashadu ay si caddaalad ah u qabtaan guddiyada loo igamaday taabba-gelinteeda. PUNTLAND POST The post Hirshabeelle oo dardar gelinaysa arrimaha doorashada Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
-
Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa la si weydiinayaa halka uu ku dambeeyey waxaana dad baddan ugu dambaysay wakhtigii olollaha doorashadii Madaxtooyadda sannadkii 2017-kii. Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa dadku inta baddan waxay ku xasuustaan weedhihiis ahaa waxaan oggaaday in Muuse Biixi uu Geellu iskugu kaayo jiray,balse tan iyo markii Madaxweyne Muuse Biixi xilka loo dhaariyey laguma arrag fagaarayaasha siyaasadda iyo War-baahinta isagoo ka muquurtay inuu ka hadlo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo guud ahaanba arrimaha siyaasaddeed. Haddaba dadka inta baddan ayaa is weydiinaya halkuu ku dambeeyey Jamaal Cali Xuseen, muxuu la aamusay iyo su’aale kale,haseyeeshee Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa inta baddan ku sugan Magaalada Hargeysa,kaas oo la sheegay in uu ka hawlgallo Wasaaradda Maaliyadda Somaliland,isla markaana uu dhawaan ka soo muuqday baraha bulshada isaga oo tababar siinaya qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Geesta kale sababaha uu uga haddli waayey xaaladda siyaasadda ee dalka,ayaa ah mid la xidhiidha,maddaama oo uu dalka Madaxweyne ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi oo uu Geellu isugu jirro,waxaa muuqata inuu xeeriynayo arrimahaas qayb-yaaladeed iyo kuwa kale oo dabray. Dhanka kalene Jamaal Cali Xuseen ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey qoraalo koo kooban ku baahinayey baraha Bulshada,kuwaas oo u badnaa qaar duur xul Siyaasadeed ah, haseyeeshee afartaa sanno ee uu xilka hayey Madaxweyne Biixi laguma arrag meel fagaare ah oo uu kaga hadlayo arrimo siyaasadeed,isla markaana kamuu soo dhex muuqan maddalo siyaasadeed. Source
-
Amaanka iskuulka Abaarso oo ku yaal dulleedka Magaalada Abraaso,ayaa si weyn loo adkeeyey,kaas oo la geeyey ciidamo kale duwan,kuwaas oo sugaya amaanka iskuulka iyo ardayda,waxaana la sheegay in aanay ciddi u soo dhawaanayn karrayn iskuulka. Ciidamo kale duwan ayaa la sheegay in ay amaanka iskuulka abaarso sugayaan , kuwaas oo gaadiidka ay wataan waalidiinta meel dhexe is baaro u dhigtay,isla markaana ku baadhay gaadiidka iyo dadka,kuna war gelinaya in aanay halkaas dhaafi karrin,iyadoo ay ku amrayaan in baabuurta bartaas lagu baarkin gareeyo,isla markaana maamulka iskuulka ay kula hadlaanTelefoonka oo hawlaha ay u socdaan sidaas lagu dhammaynayo wixii fudud,haddii kale oo uu maamulka iskuulku yidhaah soo daayay,waxa la sheegay inay cabaar sii lugaynayaan, maddaama oo ay kale fog tahay halka baabuurta laga dhigay iyo iskuulku . Dhanka kalene waxa la sheegay in Jaamacadda Barwaaqo oo ku taal duleedka waqooyi ee Magaalada Hargeysa in iyana amaankeeda la adkeeyey,isla markaana ciidamo la geeyey,kuwaas oo sugaya Jaamacadda amaankeeda,waxaana xusid muddan in ay billaabantay diiwaangelintii ardayda cusub ee sannadkan ay qaadanayso Jamaacaddu. Jamaacadda Barwaaqo iyo iskuulka Abaarso ayaa muddooyinkii u dambeeyey si weyn loo haddal hayey iyadoo dadka qaar ay dhalliilo ujeedinayeen, halka ay kuwo kalena ka difaacayeen,balse hadda ayaa la sheegay in amaankooda si weyn loo adkeeyey. Source
-
Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa markii xilka loo doortay ballan-qaaday shan qoddob oo mihiim,kuwaas oo ay soo dhaweeyeen shacabka reer Hargeysa,isla markaana ay u riqayeen,haseyeeshee waxay dhawrayaan hadda tallaabo kasta oo uu qaado iyo fullinta qoddobadii uu ballan-qaaday,kuwaas oo kale ahaa sidan hoose Cadaaladda iyo Sinaanta Shacabka Cabdikariin Mooge ayaa horeyntii markii la doortaykhubad uu jeediyay ku sheegay in shacabka magaalada Hargeysa ay u sinnaan doonaan, kuwii doortay iyo kuwa aan dooranba, isagoona ballan-qaaday in sinaanta iyo caddaalada uu xoojin doono, islamarkaana uu kor yeeli doono wada-noolaashaha reer Hargeysa-nimada. Qurxinta bilicda Hargeysa Cabdikariim ayaa sidoo kale ballan-qaaday inuu magaalada Hargeysa aad u qurxin doono oo uu bilicdeeda baddeli doono, taasi oo ugu yeeray magaalada cagaaran ee caasimada, wuxuuna xusay in uu hirgelin doono barnaamij dhir beeris ah, kaasi oo ah “qof iyo geed, Guri iyo geed.” Biyaha, korontada, iskuullada iyo caafimaadka Maayirka cusub ayaa waxaa ballan-qaadkiisa Saddexaad ahaa waxa ka qabashada dhibaatooyinka ka taagan biyaha iyo korontada, oo ay reer Hargeysa ku qabaan dhib weyn, wuxuuna carabka ku adkeeyay inuu ka shaqeyn doono sidii wax looga qaban lahaa. Waxa uu hoosta ka xariiqay in uu ka howl-gali doono sidii ay hooyada iyo ilmaheeda u heli lahaayeen xarun caafimaad oo aan gurigeeda ka fogeyn oo ay ka hesho caafimaadka aasaasiga ah oo bilaash ah. Ilaalinta hantida shacabka iyo ku-celintooda Cabdikariim Axmed Mooge ayaa waxa kale oo ballan-qaadyadiisa ugu weyna ilaalinta hantida shacabka, ayada oo uu sheegay inay khasab tahay in la ilaaliyo hantida dadweynaha, islamarkaana la dhageysto dhawaaqa kasoo baxaya dadweynaha oo dib loogu celiyo canshuurtooda. Kubadda cagta iyo ciyaaraha Ballan-qaadka u dambeeya ee uu sameeyay Cabdikariin Mooge ayaa si gaar ah u taabanaya baahiyaha dhalinyarada, gaar ahaan dhanka Kubadda cagta oo ay dhalinyarada reer Hargeysa ku dhiban yihiin. Waxa uu ballan-qaaday in maamulkiisa uu wax ka baddali doono garoomad Source
-
Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee HirSbabelle ayaa maalmihii u dambeeyay bilaabay dar-dar gelinta qabashada doorashada xildhibaanada Aqalka Sare, waxayna maanta magaalada Jowhar kula kulmeen Guddiga Baarlamaanka ee maamulkaas. Kulanka oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka HirShabelle ayaa gogol xaar u ahaa wada-shaqeynta Guddiga doorashooyinka Hir-Shabelle iyo Guddiga heer Baarlamaan ee qabashada doorashada Aqalka Sare, wuxuuna qeyb ka ahaa dadaalada uu guddiga ku dar-dar gelinayo qabashada doorashada. Xildhibaan Cumar Maxamed Soomane oo kamid ah Baarlamaanka HirShabelle oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in ujeedkiisa uu qeyb ka ahaa isbarasho iyo kala warqaadasho labada dhinac ah, maadama ay dhawaan bilaabanayaan doorashooyinka kuraasta Aqalka Sare ee maamulkaas. Soomane ayaa sidoo kale xusay in labada Guddi ay isla qaateen in si daah-furan looga shaqeeyo doorashada, midaasi oo ka dhigaysa mid ku dhacda xor iyo xalaal, oo lagu wada qanco, sida uu sheegay. Kulankaan ayaa imanaya xili la filayo in saacadaha soo socda uu madaxweynaha HirShabelle uu ku dhawaaqo liiska Musharaxiinta Aqalka Sare, si loo gudo galo doorashada Aqalka Sare oo loolankeedu uu ka bilowday maamulkaas. The post Doorashada Aqalka Sare ee HirShabelle oo bilaabaneysa iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaan Ka tirsan Barlamaanka S/land oo ka hadlay Sababta Coldoon Hargeysa loo keenay Xildhibaan Axmed-khaliif Jaamac Saalax, ayaa sheegay in xaalad caafimaad Hargeysa loo keenay Cabdimaalik Muuse Coldoon oo xanuun ka cabanayey, kaas oo laga soo qaaday Jeelka Mandheera. Xildhibaan Axmed khaliif Jaamac Saalax, oo ka hadlayey arrintan ayaa yidhi “Sida uu Ii Xaqiijiyay Daqiiqado kahor Taliyaha Ciidanka Asluubta Coldoon Saaka Wuu Xanunsanaa oo waxuu ka cabanayay Lug ,Waxaana Baadhis Caafimad Loo ageeyay Mid kamid ah Cisbitaalada Hargeisa ,Wax Dhib ah oo uu qabaana majirto,Waxaana Lagu Celiyay Jeelkii Mandheera. Waxba kama jiraan Wararka Sheegaya in Coldoon Lawaayay ,Wax hala Hubsado Ayaan leeyahay,Isha Allah Cadaalad buu heli doonaa Coldoon.” Like Comment Share Qaran News
-
Xisbiga Waddani oo soo saaray War cusub Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa ku dhawaaqay in uu qabsanayo shirweynihii Xisbigaasi dabayaaqada bisha soo socota ee October. Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani, Khadar Xuseen ayaa sheegay in shirkoodu qabsoomo dooni 30 illaa 31-ka bisha tobnaad ee soo socda, kaas oo ka dhici doona Magaalada Hargeysa. Shirweynahan Waddani oo ah kii labaad ee yy qabsado tan iyo markii la aasaasay 9 sanno ka hor, ayaa la filayaa in lagu doorto hoggaanka cusub ee Xisbiga Waddani, hoggaamin doona. Xubnaha Hoggaanka ee la filayo in lagu doorto Shirweynahan, waxa ka mid ah Guddoomiyaha Xisbiga Waddani,Ku-ixigeennada iyo Xoghayaha guud. Xisbiga Waddani, oo isla sannadkan qabsaday shirkiisii golaha dhexe ayaa hore u doortay murrashaxiinta Xisbiga uga qayb galaya doorashada madaxtinimada ee Novermber 2022-ka, iyada oo Cabdiraxmaan Cirro iyo Maxamed aw Cabdi loo doortay in ay noqdaan murrashaxiinta Madaxweynaha iyo kuxigeenka Qaran News
-
Taalibaan ayaa ku bogaadisay ciidamadii caalamiga ahaa ka bixitaankoodii Afghanistan. Afhayeenka guud ee Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa hadalkan sheegay saacado kadib markii diyaaraddii ugu dambeysay ee milateriga Mareykanka ay ka ambabaxday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee caasimadda Kabul. Mujaahid, mar uu warfidiyeenka kula hadlayey laamiga ay ka duulaan diyaaraduhu, wuxuu u hambalyeeyay reer Afgaanistaan, wuxuuna ku dhawaaqay ka bixitaanka milatariga shisheeye guul ay dhammaantood wada leeyihiin. Mareykanka iyo xulafadiisa reer Galbeedka waxay ku duuleen dalka Koonfurta Asia ku dhawaad 20 sano kahor, waxayna Taalibaan kala wareegeen Afghanistan. PUNTLAND POST The post Taalibaan oo war ka soo saartay bixitaanka Ciidamada Shisheeye appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee amniga ee deegaanada Maamulkaas oo Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha ayaa kulankan muhiimka ah ee amniga warbixin guud uga dhageystay saraakiisha Hay’adda amniga Hirshabeelle, iyadoo kulankaan looga hadlay amaanka deegaanada Hirshabeelle, sameynta Howlgalo qorsheysan, adkeynta Amniga musharixiinta, iyo xaqiijinta Nabad galyada Magaalooyinka Jowhar iyo Beleddweyne oo ay ka dhacayaan Doorashooyinka. Saraakiisha Hay’addaha Amniga ayaa madaxwaynaha la wadaagay howlgalo qorsheysan oo Hay’adaha Amaanka sameeyeen, is looga shaqeeyo nabad galyada Caasimada iyo Guud ahqaan Magaalooyinka Hirshabeelle. Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ugu dambeyn Saraakiisha Amniga faray inay laba laabaan howlaha shaqo ee loo igmaday adkeeyaana amniga guud gaar ahaan kan Jowhar, maadaana maalmaha soo soacda ay ka dhaceyso Doorashada Aqalka Sare. PUNTLAND POST The post Cali Guudlaawe oo la shiray Laamaha Amniga Maamulkiisa appeared first on Puntland Post.
-
Kabul (Caasimada Online) – Waxaa soo baxay sawirro muujinaya dagaalyahannada Taalibaan oo wata qalab milateri oo ay ciidammada Mareykanka kaga tageen garoonka diyaaradaha Kabul ee Hamid Karzai. Guud ahaan waa 73 diyaaradood, ku dhawaad 100 gaari iyo qalab kale oo ay ciidamada Maraykanka ka tageen markii ay ka baxeen Afghanistan waqtigii loo qabtay ee 31 Ogosto. Laakiin madaxa taliska dhexe ee Mareykanka Gen Kenneth McKenzie ayaa sheegay in dhammaan qalabkaasi laga dhigay kuwa aan la isticmaali karin. “Diyaaradahaas ma ahan kuwa dib dambe u duuli doona,” ayuu yiri. Diyaaradaha looga tagay Kaabul waxaa ka mid ah: • Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee MD-530, oo loo adeegsado sahanka iyo weerarka dhow • A-29 oo ah diyaaradaha weerarka fudud loo isticmaalo. Bishii Juun, ciidamada qalabka sida ee Afgaanistaan waxay adeegsanayeen: • 43 MD-530s, oo ay bixisay Maraykanka. • 23 A-29s Qiimaha alaabta shaqsiyeedka ma aha kuwa si toos ah loo sheegi karo laakiin qiimaha qeybta A -29 ayaa lagu sheegay inay ka badantahay $ 10 malyan oo doolar. Muuqaal uu duubay weriyaha LA Times Nabih Buulos ayaa muujinaya dagaalyahanada Taaliban oo wata helicopter nooca CH-46 Sea Knight. Waxaa adeegsaday Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka si ay shaqaalaha uga daadgureeyaan safaaradda Kabul, toddobo ka mid ah diyaaradaha ayaa la sheegay in laga dhigay kuwo aan shaqayn karin oo laga tagay. Ugu yaraan hal diyaarad oo nooca C-130 Hercules ah ayaa sidoo kale la sawiray iyadoo taalla laamiga. Sida laga soo xigtay Gen McKenzie, 70 baabuur oo ah lagu baaro miinooyinka ayaa iyagana la tagay, kadib markii laga dhigay kuwa aan geibi ahaana shaqeynayn. Qiimaha hal gaari oo noocaas ah ayaa lagu sheegay inuu gaarayo inta u dhaxeysa $ 500,000 ilaa hal milyan oo doolar. Sidoo kale waxaa Kaabuul looga tagay. • 27 baabuurta milatariga dhulka gaar ahaan kuwa nooca la yirahdo Humvee. • Tiro aan la cayimin oo ah qalabka difaaca gantaalaha iyo madaafiicda. Hase yeeshee dhanka kale ciidamada Afgaanistaan ayaa waxay ka carareen hub ay u saamixi weysay inay burburiyaan ama curyaamiyaan qalabkaasi. Sawirada dayax gacmeedku waxay tilmaamayaan in diyaarado qaar laga saaray dalka Uzbekistan, maalmo ka hor burburkii dawladda Afgaanistaan. Waxayna khubaradu tilmaamayaan in diyaaradaha qaarkood laga yaabo inay aad ugu xaddidan yihiin Taalibaan sababtoo ah ma haystaan duuliyeyaal tababaran, iyo sidoo kale u helidda dayactirkooda. Balse, in kasta oo aysan suurtogal ahayn in la sheego tirada saxda ah, haddana inta badan 167 diyaaradood, oo ay ku jiraan 33 helicopter oo ah nooca UH-60 Black Hawk, oo ay gacanta ku hayeen ciidamada qalabka sida ee Afghanistan dhammaadkii Juun, ayaa hadda loo malaynayaa inay ku jiraan gacanta Taaliban. BBC The post Taalibaan oo eedeyn culus u jeedisay Mareykanka – muxuu uga tegay? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay xukun dil toogasho ah ku fuliyey haweeney la sheegay inay ka tirsaneyd ciidamada maaamulka HirShabelle ee ka howl-gala Xerada Lama-Galaay ee Beledweyne. Fagaare ku yaalla deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan ayaa lagu toogtay haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Anfac Xuseen Muxumed, sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa goobta lagu toogtay haweeneyda ku sugnaa xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo dadweyne kala duwan oo la’isugu yeeray halkaasi. Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa ku eedeysay haweeneyda la toogtay inay ka tirsaneyd ciidanka milatariga, isla-markaana ay ka qeyb qaadatay dagaallo ka dhacay gobolka Hiiraan balse ay ugu dambeyn gacanta ku dhigeen xoogag ka tirsan kooxdaasi. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka ee Beledweyne iyo maamulka HirShabelle oo ku aadan toogashada lagu fuliyey Anfax Xuseen Muxumed. Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay sida aadka ah ugu xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu yaallo xarumo muhiim ah sida maxkamado iyo saldhigyo ciidan. Si kastaba Al-Shabaab ayaa had iyo jeer xukuno u badan dilal toogasho ah ka fuliso deegaanada ay ka arrimiso ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalkeena Soomaaliya. The post Al-Shabaab oo xukun dil toogasho ah ku fulisay Anfac Xuseen + sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa ku dhawaaqay in uu qabsanayo shirweynihii Xisbigaasi dabayaaqada bisha soo socota ee October. Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani, Khadar Xuseen ayaa sheegay in shirkoodu qabsoomo dooni 30 illaa 31-ka bisha tobnaad ee soo socda, kaas oo ka dhici doona Magaalada Hargeysa. Shirweynahan Waddani oo ah kii labaad ee yy qabsado tan iyo markii la aasaasay 9 sanno ka hor, ayaa la filayaa in lagu doorto hoggaanka cusub ee Xisbiga Waddani, hoggaamin doona. Xubnaha Hoggaanka ee la filayo in lagu doorto Shirweynahan, waxa ka mid ah Guddoomiyaha Xisbiga Waddani,Ku-ixigeennada iyo Xoghayaha guud. Xisbiga Waddani, oo isla sannadkan qabsaday shirkiisii golaha dhexe ayaa hore u doortay murrashaxiinta Xisbiga uga qayb galaya doorashada madaxtinimada ee Novermber 2022-ka, iyada oo Cabdiraxmaan Cirro iyo Maxamed aw Cabdi loo doortay in ay noqdaan murrashaxiinta Madaxweynaha iyo kuxigeenka, halkan hoose ka Daawo Source
