Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somalia’s Minister of Petroleum and Mineral Resources, H.E. Abdirashid Mohamed Ahmed, has confirmed his participation at African Energy Week (AEW) in Cape Town, where he will invite interested companies to enter into negotiations regarding the country’s significant exploration opportunities. Representing the last true frontier market for African exploration, Somalia’s geological positioning, unexplored offshore reserves, and reformed regulatory and fiscal environment have elevated the country as a notable hydrocarbon attraction, which will be promoted at AEW 2021 in Cape Town. Source: Hiiraan Online
  2. Madaxweynaha waddankaTurkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel oo ku wada xiriiray khadka Telefoon-ka ayaa ka wada hadlay xaaladda Afgaanistaan. Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa sheegay in talaabooyin dheeri ah la qaado si wax looga qabto qulqulka Qaxoontiga Afgaanistaan maadaama Turkiga hore u qaabilay shan milyan oo magalgelyo doon ah ayna ku adag tahay inuu wajaho xaaladda magangelyo doonka Cusub. Bayaan kooban oo kasoo baxay Agaasimka isgaarsiinta Madaxweynaha Turkiga ayaa lagu yiri “ Yurub waxa ay leedahay waajibaadyo muhiim ah si looga hortago socdaalka aan joogtada ahayn inuu isu beddelo dhibaato.” Erdogan iyo Merkel ayaa ku heshiiyeen inay si dhow u wada shaqeeyaan si ay u taageeraan shaqada hay’adaha caalamiga ah ee Afgaanistaan ​​iyo dalalka deriska la ah. PUNTLAND POST The post Turkiga iyo Jarmalka oo ka wada-hadlay Qaxootiga Afgaanistaan appeared first on Puntland Post.
  3. Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa qirtay in askar ka tirsan Ciidamada Uganda ee AMISOM ay dad rayid ah ku dileen degaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose. War-saxaafadeed kasoo baxay AMISOM, ayaa waxaa lagu sheegay in AMISOM ay ka go’aan tahay baaritaanka kiiska, kaas oo la soo geba-gabeyn doono lixda BISHA September ee soo socota, ayna baaritaanka kala Shaqeyn doonaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. “ Si loo baaro dhacdadan halista ah lagana taliyo tallaabooyinka dabagalka ah. AMISOM waxay sameysay Guddi Baaritaan oo ka kooban toddoba xubnood, kuwaasoo isla markiiba bilaabay shaqadooda. Baaritaankan sharciga ah waxaa hoggaaminaya sarkaal sare iyo laba xubnood oo ka socda Guddiga Midowga Afrika ee Addis Ababa. Xubnaha kale waxaa ku jira sarkaal sare ooka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliva aya sidoo kale lagu yiri” Qoraalka ka soo baxay AMISOM. Warka AMISOM ayaa ku soo beegmay, xilli dowladda Soomaaliya ay guddi heer wasiiro ah u saartay dhacdadan, islamarkaana lagu wado in guddigaas maanta kulamo la yeesho saraakiisha ugu sarraysa Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. PUNTLAND POST The post AMISOM oo qirtay in ay dad rayid ah ku laayeen degaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.
  4. KHARTOUM, Aug. 20 (Xinhua) -- Sudan on Friday vowed to support the efforts to achieve peace and stability in Somalia in cooperation with all Somali parties and the regional and international partners. Source: Hiiraan Online
  5. Guddi heer wasiiro ah oo Ra’iisul wasaare Rooble u magacaabay baaritaanka dad rayid ah oo lagu laayay degaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa lagu wadaa in ay maanta la kulmaan saraakiisha AMISOM. Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dhacdada lagu laayay dadka rayidka ah. Guddiga ayaa ka kooban Wasiirka Amniga, Wasiirka Arrimaha gudaha, Wasiirka Difaaca iyo Wasiirka Caddaaladda. Ra’iisul wasaare Rooble oo shalay la kulmay safiirka Uganda islamarkaana kala hadlay dhacdadan ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay dilka lagula kacay dadkaas rayidka ah. PUNTLAND POST The post Guddi loo saaray dhacdadii Golweyn oo maanta la kulmaya saraakiisha AMISOM appeared first on Puntland Post.
  6. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in xalay magaaladaas ay mar kale weerar madaafiic ah ku qaadeen dagaal-yahano loo maleynayo inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab. Madaafiicda oo u muuqday kuwo magaalada bannaankeeda laga soo tuuraayay ayaa baqdin ku dhaliyay dadka deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in inta badan madaafiicda loo ganay dhanka Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur, halkaasoo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM. Dadka deegaanka ayaa sheegay in madaafiicda ka dib ay rasaas xoogan ka dhacday aagga garoonkaasi, isla-markaana ay rasaastu u muuqatay mid ay labada dhinac isweydaarsanayeen. Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga. Sidoo kale, kooxda Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin. Al-Shabaab ayaa marar badan horey u weerartay garoonka diyaaradaha Dhuusomareeb, ayada bishii Novermber ee sanadkii hore duqeysay diyaarad uu la socday Madaxweyne Qoor Qoor, taasoo ka kacday garoonka Dhuusamareeb inkastoo aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay. Tan iyo markii uu madaxweyne noqday Qoor Qoor, islamarkaana meesha laga saaray Ahlu-Sunna, kooxda Al-Shabaab ayaa kusoo xooogeysaneysay Galmudug, ayada oo Qoor Qoor uu noqday madaxweyne inta badan ku sugan Muqdisho, oo ka shaqeeya danaha Villa Somalia. The post Weerar culus oo xalay markale lagu qaaday Dhuusomareeb appeared first on Caasimada Online.
  7. Golaha Barlamaanka Dowlad Gobbledka Jubaland ayaa manta yeeshay kalafadhigii sadexaad fadhigiisa todobaad kaas oo uu ahaa Ajanduhu ka doodista iyo wax ka badalida xeerka qoondada miisaaniyadda ee wasaaradda maaliyada Jubbaland maadama ay soo kordheen wasaaraddo cusub oo ku soo biiray wasaaradihii hore. Kulanka Golaha Barlamaanka Jubbaland ayaa waxaa manta soo xaadiray 49 xildhibaan. Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Jubbaland Xusen Xirsi Axmed oo Golaha ka hor hadlay ayaa sheegay in wasiirka maaliyada uu awood u leeyahay 10% oo kaliya wax-ka badalka xeerka maaliyadda balse hadda loo bahan yahay in dib eegis uu baarlamaanka Jubbaland ku sameeyo xeerka qoondada maaliyada. Golaha baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xeerka qoondada miisaaniyada ee wax laga badalay, waxaana ogolaatey xeerka 48 xildhibaan halka hal xildhibaana uu ka aamusay. PUNTLAND POST The post Golaha BarlamaankaJubbaland oo ansixiyay Qoondada Miisaaniyadda appeared first on Puntland Post.
  8. Israa’iil ayaa duqeymo dhanka cirka ah ku qaaday Gaza kadib isku dhacyo dhex maray ciidamada dalkasasi iyo dad reer falastiin ah oo dhigayey bannaanbax lagu xusayay gubitaankii Masjidka Al-Aqsa ee 52-sano ka hor. Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in askarta Israa;iil ay dhaawacyo u geysteen tobaneeyo qof oo uu ku jiro wiil 13-sano jir ah oo madaxa laga toogtay,halka laba kale la tilmaamay in ay aad u liidato xaalaooda caafimaad. Bayaan ay soo saareen milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in ay duqeeyeen afar goobood oo hubka lagu kaydiyo ,isla markaana ay leeyihiin kooxda Xamaas oo maamusha dhulka Falastiin ee go’doonsan. Weerarka ciidamada Israa’iil ayaa yimid xilli dad badan oo dhalinyaro Falastiiniyiin ah ay isugu soo baxeen xayndaabka kala qeybiya Gaza iyo Israel. PUNTLAND POST The post Dad badan oo wax ku noqday weerar Israa’iil ay ka fulisay Qaza appeared first on Puntland Post.
  9. Warsaxafadeed ka soo baxay Wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland, ayaa lagu sheegay in ay baadhis galinayso Dugsiga Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo oo dadka qaar ku eedeyeen in maamulkoodu ka shaqeeyo Arrimo diinta Islaamka khilaafsan. Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta ayaa sheegtay in madaama oo ay soo baxayaan tuhunno la xidhiidha Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso , oo ah in maamulaha Jaamacaddaasi ay tahay Baadariyad faafinaysa Diinta Kiristanka ay wasaaradaha waxbarashada iyo diintu baadhi donaan waxa ka run ah tuhunada. “Wasaaradda Diinta iyo Awaaafta oo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, waxa ay baadhayaan oo ay gacanta ku hayaan tuhunnadaasi soo baxaya. Sidaa daraadeed, dadweynaha waxaa laga codsanayaa in ay dhawraan natiijada baadhitaanka ee arrintani” ayaa lagu yidhi warsaxafadeedka. Qaran News
  10. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku hadlaaya magaciisa, kan Shacabka Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland Abshir Aw-yuusuf Ciise oo ku geeriyooday dalka Maraykanka. “Waxaan ummada Soomaaliyeed, Shacabweynaha Puntland iyo Bahda Aqoontaba, uga tacsiyeeynaya geerida alle ha u naxariistee Abshir Aw-yuusuf Ciise Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland.” Abshir wuxuu waxbadan kasoo shaqeeyay horumarinta Waxbarashada xiliyadii kala duwanaa ee dalku soo maray, isagoo ka mid ahaa macalimiinta Soomaaliyeed ee fara ku tiris-ka ahaa ee dalka laga yaqaanay. “Aniga geeridiisu si gaar ah ayeey ii taabanaysaa oo wuxuu ii ahaa macalimkaygii maadada Physics-ka oo uu ku caanbaxay, markii danbena loogu magac daray, wuxuu ahaa barre siweyn dalka looga yaqaanay soona saaray Bulsho balaaran oo nooc walba leh Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Ganacsato, Dhakhaatiir, Culimo , Dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Markii danbe oo uu Qurbaha aaday, AHUN Abshir wuxuu halkiisii kasii waday halgankii Waxbarasho, isagoo waxbaray Soomaalidii u guurtay dalka Maraykanka” ayuu yiri madaxweyne Deni. Marxuumku wuxu soo noqday Wasiirkii Waxbarashada Puntland isagoo doorkiisa ka qaatay, shaqada wanaagsan iyo horumarka Waxbarasho ee Puntland kajira.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Madaxweynaha ayaa alle uga baryay marxuumka inuu janadii fardowsa geeyo, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan kasiiyo. Aamiin. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay geerida Wasiirkii hore Waxbarashada Puntland appeared first on Puntland Post.
  11. Kabul (Caasimada Online) – Hoggaamiye Taalibaan ah oo ay baad-goobayaan Mareykanka iyo Qaramada Midoobay isla markaasna madaxiisa la dul dhigay $5 Malyan oo Dollar ayaa si lama filaan ah looga arkay magaalada Kabul ee Caasimadda dalka Afghanistan. Hogaamiyahaan oo lagu magacaabo Khalil Haqqani, isla markaasna ka tirsan kooxda Haqqani ayaa la sheegay inuu Magaalada Kabul u imaaday inuu ka qeybgalo wada-hadallada lagu dhisayo dowlad cusub oo dalka Afgaanistaan uu yeesho. Khalil Haqqani ayaa la sawiray isagoo ku dhex jira dad badan oo ku sugnaa caasimada Afgaanistaan ​​Jimcihii, waxaana hareerihiisa taagnaa rag hubeysan oo ku labisan dareeska ciidamada Militariga. Hoggaamiyahaan ayaa marka sawirada laga qaadayey wuxuu ku sugnaa Masaajid, wuxuuna khudbad u jeedinayey ciidamo ka tirsan kuwa Taalibaan iyo dad shacab ah oo ku sugnaa Masjidka. Horraantii toddobaadkan, Abdullah Abdullah – oo ah madaxa Golaha Sare ee Dib -u -heshiisiinta Qaranka ee Afghanistan – ayaa soo bandhigay sawirro kulan uu la yeeshay Haqqani iyo wafdigiisa Taliban, iyo sidoo kale madaxweynihii hore ee Afghanistan Xamiid Karzai. Kooxda Haqqani ayey khubarada qaar aaminsan yihiin inay tahay kooxdii dalka Afgaanistaan ka bilowday isqarxinta, waxaana lagu eedeeyay dhowr weerar oo waaweyn oo ka dhacay Afgaanistaan. Weerarada kooxdaan lagu eedeeyey waxaa kamid ah weerar lagu qaaday hotelkii ugu sarreeyey ee Kabul, isku day dil oo lala damacsanaa madaxweynihii xilligaas Xamiid Karzai iyo weerar is-miidaamin ah oo lagu qaaday Safaaradda Hindiya. The post Hoggaamiye uu Mareykanka madaxiisa dul dhigay $5 milyan oo lagu arkay Kabul appeared first on Caasimada Online.
  12. Diblumaasiyiinta Maraykanka ee la soo shaqeeyay Madaxweyneyaashii kala dambeeyay ee dalkaasi, ayaa Dawladda Joe Biden iyo Ururka Midowga Afrika culays ku saaraya inay aqoonsadaan Madax-banaanida Somaliland. Rebort O’brein oo mar ahaa La Taliyihii Amniga Qaranka Maraykanka ee Dawladdii Doland Trump, ayaa soo jeediyey in Maraykanku uu aqoonsado Somaliland. Rebort O’brein ayaa sheegay in aqoonsi uu Maraykanku siiyo Somaliland ay tahay sida keliya looga hor-tagi karo isballaadhinta Shiinaha ee Afrika. Soo jeedinta Rebort O’brein ee ku aaddan Somaliland, waxa soo dhaweeyay Tibor nagy oo mar ahaa ku-xigeenka xoghayaha Arrimaha Afrika u qaabilsan Maraykanka, sidoo kalena noqday Safiirkii Maraykanka u fadhiyey Dalalka Itoobiya iyo Guinea. Tibor nagy, ayaa qoraal uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka, ayaa soo dhaweeyay soo jeedinta Rebort O’brein ee ah in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu arrintaasi ku tilmaamay mid ahmiyaddeeda leh, maaddaama oo la dhaafay xillgii Munaafaqadda Caalamiga ah. Tibor nagy ayaa qoraalka uu ku baahiyey Twitter-ka wuxuu ku yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa O’brein oo bixiyey Faallooyin wanaagsan oo ku saabsan Somaliland, waxaan jeclaan lahaa in Midowga Afrika ay samayso wax sax ah oo ay aqoonsato in Qarankan Somaliland oo ka waxqabadka iyo maamul wanaagsan, ka xasilloon, kana dimoqraadiyad badan Dalalka xubnaha ka ah (Midowga Afrika).. Tibor nagy waxa kale oo uu sheegay “Waa wakhtigii la soo afjari lahaa munaafaqnimada Caalamiga ah ee ku waajahan Somaliland..” ayuu yidhi. Warqaad Qaran News
  13. CAIRO — Egypt, as part of its effort to win more support from regional countries, hosted Somali Prime Minister Mohamed Roble this week. He arrived in Cairo on Aug. 16 for the first time since taking over in September 2020, at the invitation of Egyptian President Abdel Fattah al-Sisi. Roble met several Egyptian officials, including Prime Minister Mustafa Madbouly on Aug.17, who told Roble the Egyptian government hopes to enhance economic and trade ties with Somalia. Madbouli said he has directives from Sisi to offer all types of support to Somalia. Roble also met Egyptian Foreign Minister Sameh Shoukry, who expressed hope that Somalia can get over its political problems and hold successful parliamentary and presidential elections. The presidential election is set for Oct. 10, while parliamentary elections keep getting posponed. Roble’s visit to Cairo came a week after he met with Egypt’s ambassador to Somalia, Mohamed Nasr. It also came at a time when is Egypt working hard to strengthen its presence in the Horn of Africa, an area Cairo had long neglected. This neglect, analysts said, jeopardized Egypt’s interests in the region, including its rights to Nile River water, now at the center of a dispute with Ethiopia, which has been building the Mustafa Madbouli on the Blue Nile, the main tributary of the Nile River, which sends Egypt most of its annual water share. Egypt took a series of measures in the past years to strengthen its relations with regional states and expand its influence in the region as part of an effort to protect Cairo’s interests. “The Horn of Africa is of extreme importance for Egypt with some of its countries, especially those overlooking the Red Sea, suffering unrest and hosting some foreign military bases,” Tarek Fahmi, a political science professor at Cairo University, told Al-Monitor. “Some regional states are also members of the Nile Basin, which gives the region special importance for Cairo.” Egypt has been working to cultivate warm relations with the countries of the region, including with Kenya, also locked in a water dispute with Ethiopia. In April, Shoukry met Kenyan President Uhuru Kenyatta in Nairobi and handed him a message from Sisi. Almost a month later, Egypt signed a defense cooperation pact with Kenya. A short time later, Sisi paid a visit to Djibouti, the first by an Egyptian president. Deep under these nascent alliances with Horn of Africa states are Egypt’s fears concerning the Grand Ethiopian Renaissance Dam, analysts said. Egypt had negotiated with Ethiopia and Sudan over the multibillion-dollar hydroelectric dam for over a decade, but with no satisfactory results. Cairo says it wants to secure its Nile water flow by signing a legally binding deal with Addis Ababa over the filling and the operation of the dam. The United States, the African Union and the UN Security Council have been involved in attempts to convince Ethiopia to sign the deal. Nevertheless, none of these players succeeded in achieving the Egyptian goal. Cairo is now trying to get Ethiopia’s prime allies, including China, to put pressure on Addis Ababa to sign the deal. Some analysts said Cairo essentially turned its back to the continent following an attempt on the life of Egyptian President Hosni Mubarak in Addis Ababa in 1995. Mubarak had just landed in the Ethiopian capital to attend an African Union summit when gunmen opened fire on his motorcade. He narrowly escaped with his life, but stopped attending African Union summits until his overthrow in 2011. Mubarak died at 91 in 2020. “Egypt’s absence from the continent was very costly to it,” Fahmi said. “This absence gave the chance for Egypt’s rivals to occupy its place at all economic and political levels.” Sisi has been working to reverse this policy, having paid a huge number of visits to African capitals. He is also bringing interest in Africa to the heart of the Egyptian capital, having turned Cairo into a mecca for Africans through a large number of trade and investment fairs and conferences. Somalia has been at the center of this interest. The Horn of Africa nation is of special importance to Egypt, given the effect security conditions in it have on navigation in the Red Sea and consequently the Suez Canal, security analysts said. “Security conditions in Somalia are a matter of deep concern for Egypt,” retired Egyptian army Maj. Gen. Nasr Salem told Al-Monitor. “These conditions have their effect on security in the Red Sea and the Suez Canal.” The Suez Canal is viewed by Sisi’s administration as a present and future nerve center of the Egyptian economy. Egypt is apparently also employing soft power through Al-Azhar, the Cairo-based mosque and university that is seen as the world’s highest seat of Sunni Islamic learning, to draw Somalia into its orbit. The grand imam of Al-Azhar, Sheikh Ahmed al-Tayyeb, met Roble on Aug.17 and said Al-Azhar would offer whatever support needed by Somalia. At present, 873 Somali students are enrolled in the various colleges of Al-Azhar University. Al-Azhar also sends aid and preachers to Somalia to spread its moderate brand of Islam in it. The Egyptian prime minister told Roble that his government would consider raising scholarships offered Somali students at Egyptian universities to 400 annually, instead of 200 at present. Somalia also has specified a plot of land for the construction of an Egyptian embassy in Mogadishu. In February, Somalia appointed a new envoy to Cairo. Somalia’s previous ambassador to Egypt and the Arab League, Mohamed Wa’ays, died of COVID-19 in May 2020. Still, the road to better relations between the two countries is far from an easy one, Somali analysts said. Egypt will face intense competition from regional rivals Qatar and Turkey as it tries to gain a foothold in Somalia. Qatar and Turkey are investing heavily in the Horn of Africa state, including at the economic and security levels. “Both countries have presence in Somalia already, having offered Mogadishu a lot of support in the recent past,” Somali researcher Hudayfi Abdirahman told Al-Monitor. Source: Al-Monitor The post Egypt pledges support to Somalia, eyeing Horn of Africa influence appeared first on Caasimada Online.
  14. Mogadishu (HOL) - PM Mohamed Hussein Roble chaired the National Consultative Council with the heads of Somalia's regional governments on Saturday. Source: Hiiraan Online
  15. More than 70 scholars, legal experts and political scientists ended a three-day outreach forum in Mogadishu on Thursday evening to galvanize support for the adoption of a new constitution of Somalia. Source: Hiiraan Online
  16. Mogadishu (HOL) - AMISOM has concluded that seven people killed by their forces a little over a week ago in Lower Shabelle were not Al-Shabaab fighters. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa la filayaa inuu liiska musharaxiinta Aqalka Sare kusoo daro Senator Muuse Suudi Yalaxow, kadib markii uu iska caabiyey cadaadisyo xooggan, sida ay ogaatay Caasimada Online. Sida aan xogta ku helnay, madaxweyne Guudlaawe ayaa ku gacan seeray dalab kaga yimid Villa Somalia, oo ku aadana in liiska laga saaro Xaaji Muuse, oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda madaxweyne Farmaajo, islamarkaana ka mid ah hoggaamiyeyaashii hagayey ciidankii Badbaado Qaran ee soo galay Muqdisho. “Lagama yaabo in Muuse Suudi iyo cid kasta oo maqaam ku dhex leh beesha Mudulood aan ka reebo liiska,” waxaa sidaas xaqiijiyey Cali Guudlaawe, sida ay Caasimada Online u sheegeen siyaasiyiin ka tirsan beesha oo uu la hadlay. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in liiska lagu soo dari doono Senator Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle iyo Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, oo ka mid ah Senatorada beesha Mudulood. Dhaqanka beesha Mudulood oo aad u xooggan, iyo magaca ay siyaasiyiinta ku leeyihiin beesha dhexdeeda ayaa la rumeysan yahay in darteed uu madaxweyne Guudlaawe u diiday inuu u hoggaansamo cadaadiska Villa Somalia. Madaxweynaha HirShabelle ayaa sidoo kale diiday isku day kale oo ay Villa Somalia ku dooneysay in liiska lagu daro siyaasiyiin tartan adag gelin kara xubnahan. Si kastaba, Guudlaawe ayaa laga yaabaa inuu Villa Somalia ku qanciyo inuu liiska ugu daro dhowr qof oo la siinayo kuraasta beelaha kale ee Senataradooda lagu dooranayo HirShabeelle, oo Guudlaawe uusan cadaadis badan kala kulmi doonin. Maamulka HirrShabeelle ayaa ah kan kaliya ee aan illaa hadda soo magacaabin liiska musharaxiinta Aqalka Sare, waxaana la filayaa in madaxweyne Guudlaawe uu liiska soo saaro kadib dhammaadka shirka wada-tashiga qaran ee ka furmay Muqdisho. The post Xog: Guudlaawe oo go’aan ka gaaray kursiga Xaaji Muuse Suudi ee liiska Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
  18. Somalia on Saturday launched the COVID-19 vaccination exercise for its civil servants. Source: Hiiraan Online
  19. Jigjiga (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Ururka ONLF Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi Maadey ayaa wareysi uu bixiyey waxa uga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin, dagaalka ka socda gobolka Siti ee Canfarta iyo Soomaalida, arrimaha doorashada deegaanka iyo guud ahaan xaaladda dalka Itoobiya iyo tan deegaanka Soomaali Galbeed. Guddoomiye Maadey ayaa wareysigaan uu siiyey TV-ga Somali State waxa uu ku sheegay in dagaalka gobolka Sitti ee Soomaalida iyo Canfarta uu yahay mid siyaasadeysan, oo lagu gumaadayo shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in shacabka Canfarta aysan shaqo ku lahayn dagaalka, oo Canfarta iyo Soomaalidu ay yihiin dad walaalo ah, dagaalka socdana uu yahay mid dano siyaasadeed laga leeyahay, isagoo wacad ku maray in shacabka Soomaaliyeed ee la xasuuqayo aysan marnaba raali ka noqa doonin, ONLF-na ay difaaci doonto dadka Soomaaliyeed. “Shacabku waa inay diyaar garoobaan, is hubeeyaan oo hub gataan, sida shacabka Axmaarada loo yiri hub ha gateen, idinkuna waa inaad hub gadataan oo qoryihiina qaadataan, anigu malihi dad kale ku duula, laakiin waxaan leeyahay is difaaca oo degaankiina haddii la idinku yimaado iska difaaca cadawga, haddii ay timaado dawladnimo wadajir ahna waan ka qayb galaynaa, haddii nin walba uu degaankiisa ku ekaadana inaan is difaaci karno waa-lagama maarmaan,” ayuu yiri guddoomiyaha ONLF Cabdiraxmaan Maaday. Mar uu si guud uga hadlayey xaaladda uu ku sugan yahay dalka Itoobiya, gaar ahaan dagaalada ka socda gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas ayaa waxa uu sheegay in xalku ila muuqdo inuu ku jiro wadahadal dhex-mara xukuumadda iyo TPLF, isagoo sheegay in dagaal aan lagu gaareyn wax natiijo ah. Sidoo kale hoggaamiyaha ONLF waxa uu wareysigaan uga hadlay doorashada bisha soo socota lagu wado inay ka dhacdo deegaanka Soomaalida, taas oo uu sheegay inay eegayaan waxa ay la yimaadaan guddiga doorashada. Guddoomiyaha ayaa guddiga doorashada ku eedeeyey in aysan dhex-dhaxaad aheyn, sidoo kalena ay muhiim tahay in la bedelo kaararkii cod-bixinta ee horay muranku uga dhashay. Cabdiraxmaan Maadey hoggaamiyaha xisbi siyaasadeedka ONLF waxa uu carabka ku adkeeyey in hadii aan la keenin dad dhex-dhexaad ah aysan doorasho ka dhaci doonin deegaanka, isla markaana ay go’aan ka qaadan doonaan, iyagoo kaashanaya shacabka deegaanka, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiyaha ONLF waxa uu maamulka madaxweyne Mustafe Cagjar ku eedeeyey in ururkiisa uu burburinayo, isla markaana marar badan laga xiray xafiisyada ay ku leedyihiin magaalada Jigjiga oo calanka ONLF la jeex-jeexay. Mar uu soo hadal qaaday khilaaf ka dhex-taagan ONLF ayuu sheegay guddoomiyuhu in xubnihii horay looga saaray ururka ay hadda soo dhawaynayaan, albaabaduna u furan yihiin, isla markaana ay rajo weyn ka qabaan inay ururka ku soo laabtaan. Hoos ka daawo wareysiga The post Hoggaamiyaha ONLF oo ku baaqay in Soomaalida ay hubka qaataan xilli xiisadda dagaal ay ka dartay (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
  20. Nairobian are the verge of experiencing flying taxis after the national carrier and Brazilian aircraft manufacturer Embraer signed an agreement that would spearhead this innovation in the market. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay ka hadlay falkii ay ciidamo ka tirsan AMISOM dil wadareed ugu geysteen dad shacab ah oo degaan magaalada Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose 10-kii bishan. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa maanta u yeeray safiirka dowladda Uganda u joogay Soomaaliya iyo taliska ciidanka AMISOM, waxuuna kala hadlay dhacdadii xanuunka badneyd ee dadka rayidka ah ay ku laayeen, kuwaas oo aan weli meydadkooda la’aasin. Rooble oo kulankii uu xubnahaas la yeeshay kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in guddi heer wasiirro ah uu u xil-saaray baaritaanka dhacdadaas xanuunka leh ee ciidanka AMISOM ay u geysteen shacabka reer Golweyn. “Waa arrin foolxun oo aan aad uga damqanay, waxaa maanta tacsi iigu yimid safiirka Uganda iyo taliska AMISOM, cid aan ka aqbaleyno ma jirto in dhib loo geysto shacabka Soomaaliyeed, waa lama taabtaan shacabkeenu, waxaan diyaar u nahay oo naloo igmaday inaan u istaagno oo xaqooda aan u soo dhicino, sidaas darteed waalidiinta Soomaaliyeed ee dadkoodii la dilay waxaan leeyahay samir Allaha naga siiyo dadkaas,” ayuu yiri R/Wasaare Rooble. Waxa uu sheegay in guddi uu u saaray baaritaanka qaabkii loo dilay dadkaas, isla markaana ay sida ugu dhaqsaha badan bulshada ula soo wadaagi doonaan wixii kasoo baxa baaritaankaas. “Waxaan magacaabay guddi wasiirro ah oo kala ah, wasiir amniga, wasiirka cadaaladda, wasiirka gaashaandhigga iyo wasiirka arrimaha gudaha oo berri la kulmi doona safiirka Uganda iyo taliska AMISOM, arrintaas ayey ka hadli doonaan, safiirka iyo saraakiishu waxay ii xaqiijiyeen in ciidankii dhibkaas geystay gacanta lagu hayo oo maxkamad lasoo taagi doono, anagana waan ku daba geleynaa, wixii kasoo baxana gadaal ayaan idinkala soo wadaagi doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray ra’iisul wasaare Rooble. Tan iyo 10-kii bishaan ehellada dadkii lagu dilay Golweyn waxay dalbanayeen in cadaalad ay helaan oo ciidanka AMISOM ay qirtaan dhibka ay geysteen, iyagoo sheegay in kulamo ay la qaateen saraakiisha AMISOM ay ka meer-meereen qirashada gabood falkaas, waxayna ehelladu wacad ku mareen in meydadka dadkaas oo juwaano ku jira aan la aasi doonin, illaa inta ay ka helayaan cid qaadata mas’uuliyadda dilkooda. Banaanbaxyo waaweyn ayey ka dhigeen magaalooyinka Muqdisho, Golweyn iyo magaalooyin kale oo ka kala tirsan labada Shabeelle, waxayna cod dheer ku sheegeen in AMSIOM ay tix-gelin ka waayeen, taasna aysan aqbali doonin. AMSIOM ayaa 10-kii bishaan hal goob ku dishay 7-qof oo ku sugnaa deegaanka Golweyn, waxayna markii ay toogteen kadib ku qarxiyeen miino, taas oo jirkoodii ka dhigtay mid goo-go’ay oo juwaano lagu guray, illaa hadana waxa uu ku jiraan qaboojiye, sida ay sheegeen ehellada dadkii la laayey. Hoos ka daawo Rooble The post Daawo: ROOBLE oo qaaday tallaabo jawaab u ah falkii ay ku kaceen ciidanka Amisom appeared first on Caasimada Online.
  22. Kabul (Caasimada Online) – Askarta Mareykanka ee ku sugan garoonka diyaaradaha Hamid Karzai ee magaalada Kabul ayaa cunto uu ku jiro hilibka doofaarka u qeybinaya kumanaanka shacab ee reer Afghanistan ee ay halkaas ka daad-gureynayaan. Ciidamada Mareykanka ayaa isku dayaya inay Afghanistan ka saaraan ku dhowaad 60,000 oo qof oo Afghans ah, kuwaas oo isugu jira dad la shaqeyn jiray ciidamada Mareykanka iyo ehelladooda. Hase yeeshee qaar ka mid ah dadkan ayaa ka war helay in cunto doofaar lagu siinayo garoonka, taasi oo diintooda wax u dhimeysa, sida laga soo xigtay xubno ka mid ah. Haweeney ka mid ah dadkan, oo ayada iyo ninkeeda iyo gabadheeda ay sugayaan in halkaas laga qaado, ayaa barta Instagram-ka soo dhigtay sawirrada cuno baakadeysan oo hilibka doofaar uu ku jiro. “Waxay nagu quudinayaan doofaar, oo aaney diinteena ogoleyn. 95% dadka halkan ku sugan ma aqrin karaa English,” ayey haweeneydan ku tiri qoraal ay soo raacisay sawirka ay soo dhigtay Instagram. “Cunada nama siiyaan ee meel fog fog ayey ayada oo baakadyesan kasoo tuurayaan,” ayey tiri. Diinta Islaamka ayaa si adag u mamnuuceysa in Muslimiinta ay cunaan hilib doofaar. Haweeneydan ayaa sidoo kale ka hadashay xaaladda liidata ee ay kumanaanka qof ee reer Afghanistan ku wajahayaan garoonka diyaaradaha Kabul, oo ay sugayaan in laga daad-gureeyo. Waxay sheegtay inay dul seexanayaan dhagxaan iyo qashin, xilli qabow darran uu jiro, xilli ciidamada Mareykanka ay qoryo ku qabayaan. “Ma haysano wax hub ah, waxaan isku dayeynaa kaliya inaan halkan ka baxno,” ayey tiri. Kumanaan qof oo shacab Afghanistan ah ayaa garoonka diyaaradaha u cararay kadib markii Taalibaan ay la wareegtay gacan ku haynta Afghanistan, ayaga oo ka cabsi qaba in kooxdaas ay beegsato. The post Shacabka Afghanistan ee Mareykanka uu ka qaadayo Kabul oo la kulmay arrimo diintooda wax u dhimaya appeared first on Caasimada Online.
  23. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland, Ayaa Sheegtay In Ay Baadhistaan Ku Samaynayso Tuhunnada Ka Taagan Jaamacadda Barwaaqo Iyo Iskuulka Abaarso. War-Saxaafaddeed Ka Soo Baxay Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Ayaa Lagu Yidhi, Sidan “Sida Aad La Wada Socotaan, Waxaa Maalmahan Soo Baxaya Tuhunno La Xidhiidha Jaamacadda Barwaaqo Iyo Iskuulka Abaarso , Iyada Oo La Sheegayo In Maamulaha Jaamacaddaasi Ay Tahay Baadariyad Faafinaysa Diinta Kiristanka. Haddaba, Wasaaradda Diinta Iyo Awaaafta Oo Kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada Iyo Sayniska, Waxa Ay Baadhayaan Oo Ay Gacanta Ku Hayaan Tuhunnadaasi Soo Baxaya. Sidaa Daraadeed, Dadweynaha Waxaa Laga Codsanayaa In Ay Dhawraan Natiijada Baadhitaanka Ee Arrintani.” Allaa Mahad Leh. Source