Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Minnesota Supreme Court on Wednesday overturned the third-degree murder conviction of former Minneapolis police officer Mohamed Noor in the death of Justine Ruszczyk Damond, meaning he will likely see about eight years shaved off his prison sentence. Source: Hiiraan Online
  2. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa todobaadkan beeniyey war lagu faafiyay warbaahinta, kaas oo sheegayay in uu kulan ka diiday dhiggiisa Shiinaha, Xi Jinping. “Run ma ahan,” ayuu yiri Biden markii ay wariyeyaashu weydiiyeen inuu ka xun yahay in Xi uusan doonayn inuu la kulmo La-taliyaha amniga qaranka ee Biden, Jake Sullivan, ayaa bayaan uu soo saaray isna ku sheegay in warbixintan “gabi ahaanba aysan ahayn sawirka sax ah oo ku saabsan wadahadalkii labada hoggaamiye’. Safaaradda Shiina ee Washinton ayaan ka jawaabin mar la weydiiyay jiritaanka arrintan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Maraykanka oo beeniyay war laga faafiyay appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu isaga beriyeelay in si gaar ah uu saaxiib ula yahay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo sheegay in laga faafiyey warar been abuur ah. Xildhibaanka oo aad loogu xagliyo xubnaha siyaasad ah u janjeera dhanka Farmaajo ayaa sheegay in Farmaajo iyo Rooble ay u siman yihiin oo labadaba uu saaxiib la yahay. “Kooxo aan heybtooda la aqoon ayaa waxey baraha bulshada kusoo qorayeen maalmahan inaan anigu ahay nin Rooble liddi ku ah, taas badalkeedana aan ahay nin ujanjeera dhanka Farmaajo. Waxaan caddeynayaa inaan ahay oday Soomaaliyeed. Rooble iyo Farmaajo waa rag saaxiibadey ah, waxaana naga dhaxeysa hal shaqo oo ah in qarankan si Soomaalinnimo ah ugu adeegno,” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri Xildhibaan Zakariye. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in doorka uga furan khilaafka Farmaajo iyo Rooble uu yahay in si odaytinimo ku jirto uu xalkiisa uga qeyb qaato. “Madax markeey shaqo qaranka uhayaan waxaa khasab ah ineey aragti kala duwanaasho meesha imaato, Taasna waxaa iiga furan inaan si cilmiyeysan oo odaytinnimo ahaan ah uxalliyo, Sheegana sida xalku uu yahay, laakiin igama suurtowdo in waxyaabaha la iga baahinayo ee been abuurka ah oo kale aan ku dhaqmo. WAR XUMOOW LAGU WAAAAA!” Ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi. Khilaafka Ra’isul wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa cirka isku sii shareeraya, waxaana guul-dareystay wadahadallo xal loogu raadinayey khilaafka oo ay wadeen xubno ay hor ka cayeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed. The post Xildhibaan Zakariye oo iska fogeeyey warar laga faafiyey oo la xiriira R/W ROOBLE appeared first on Caasimada Online.
  4. Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay xalay meel kamid ah dalkaas kudileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida ku Ganacsata dalkaas. Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Mahad Dheere ayaa Kooxaha Burcadda ah waxaa ay ku dileen dukaankiisa oo kuyaala Degmada Mamelodi ee hoos tagta Magaalada Pretoria ee Dalka Koonfur Afrika, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday. Ciidama ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta uu falkaasi dilka ah ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgal ay ku baadi goobayeen dableeydii ka dambeeysay dilka muwaadinka Soomaaliyeed walow ay ku guuleysan inay soo qabtaan. Mid kamid ah Soomaalida kunool dalka Koonfurka kuna sugnaa Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa uu sheegay in ka hor dilka muwaadinka ay wada murmeen kooxaha Burcadda ah iyo muwaadinka Soomaaliyeed sidaaasna uu dilka u dhacay. PUNTLAND POST The post Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada xildhibaanada Gobolada Waqooyi ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaare ku-xigeen Mahdi Maxamed Guulleed iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Cabdi Xaashi Cabdilahi inay Soo gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka sare ee Somaliland. Qoraal kasoo baxay Guddiga oo uu ku saxiixan yahay Guddoomiyaha Guddiga Khadar Xariir Xuseen ayaa waxaa lagu sheegay in iyada oo la raacayo heshiiskii doorada ee 17-September lana raacayo Shaxda doorashada ay deg deg codsigaas dirayaan. Codsiga kasoo baxay guddiga ayaa imaanayo xilli dhawaan ay Muqdisho heshiis ku wada saxiixdeen guddoomiyaha Aqalka sare iyo Ra’isulwasaare ku xigeenka. Labada mas’uul oo uu mudda ka dhaxeeyey khilaaf ayaa ku heshiiyey in si siman ay u qeybsadaan xubnaha aqalka sare ee Gobolada Waqooyi, waxaana xafladda heshiis ka qeyb galay Ra’isulwasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada gobolada waqoyi The post Mahdi iyo Cabdi Xaashi oo dalab deg deg ah loo diray appeared first on Caasimada Online.
  6. Minneapolis (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Minnesota ayaa Arbacada maanta ah laashay xukunkii dilka darajada-saddexaad ahaa ee lagu riday Maxamed Nuur, oo ahaa Somali-American ka tirsan booliska Minneapolis, kaasi oo afar sano kahor toogtay gabar soo wacday 911. Maxamed Nuur ayaa sidoo kale lagu helay dil kama’ ah oo darajada-labaad ah oo la xiriira dhimashadii Justine Ruszczyk Damond ee 15-kii July 2017, xukunkaas oo weli taagan Sarkaalkaas hore ayaa hadda dib loogu xukumi doona dilka kama’ ah oo kaliya, si ka duwan xukunku 12-ka sano iyo barka ahaa ee lagu riday 2019-kii. Maxamed ayaa hadda wajahaya xukun u dhaxeeya 41 illaa 57 bilood, sida ay sheegtay afhayeen u hadashay xeer-ilaalinta degmada Hennepin County. Haddii Maxamed lagu rido xukun afar sano oo ah dil kama’a oo darajada labaad ah, wuxuu sharci u yeelan doonaa in lasii daayo, sababtoo ah wuxuu mar hore qaatay laba meelood saddex meel xukunka, sida uu sheegay qareenkiisa racfaanka Peter Wold. Maxamed Nuur ayaa xabsiga ku jiray tan iyo 30-kii April 2019. “Maanta ayaan la hadlay Maxamed, waa farxad, farxad weyn,” ayuu Wold u sheegay taleefishinka NBC News. Maxkamadda sare ayaa xukmisay in dacwad-oogayaasha aysan caddeyn in Maxamed uu ficilka dilka sameeyey “ayada oo maskaxdiisa ay dulmi ku talo-gashay, oo aan txigelineyn noloshada aadanaha,” taasi oo loo baahan yahay si loo rido xukun dil darajada-saddexaad ah. Dacwad-oogayaasha ayaa ku dooday in Maxamed uu buuxiyey qeexitaankaas, sababtoo ah toogashadii uu ku dilay Damond, waxay sidoo kale dhaawici kartay sarkaal boolis ah oo la socday ama qof meesha marayey. Si kastaba, maxkamadda sare ayaa xukuntay inay caddeyd Maxamed Nuur uu beegsanayey kaliya haweeneyda uu dilay. Gabadha la dilay ee Damond ayaa wacday 911, xilli habeen saq-dhexe ah, ayada oo aaminsan inay maqashay haweeney ay deris yihiin oo lasoo weeraray. Markii ay Damond usoo baxday bannaaka si ay ula hadasho Maxamed iyo sarkaal la socday oo lagu magacaabo Matthew Harrity ayey cabsi gelisay. Maxamed oo argagaxay ayaa kadib toogtay Damond. The post Maxkamadda Sare ee Minnesota oo laashay xukunkii lagu riday Maxamed Nuur appeared first on Caasimada Online.
  7. FARRIINTA MUQDISHO: MA AQBALAYNO KELITALISNIMO QABIIL OO DAMBE Dawladnimadu maaha hanti gaar ah oo uu leeyahay qof, koox, ama qabiil balse waa hanti guud oo ay xuquuq ahaan ummaddu u wada leedahay una simantahay sida loogu simanyahay waajibaadka dalka. Dawladnimada ta ugu xun ee ummad ku habsata waa ta ku salaysan kelitalisnimo qabiil oo wax ummadda ka dhaxeeya lagu naaxiyo laguna koriyo qabiil gaar ah inta kalena lagu dhibaateeyo looguna geysto tacadiyo dabadeedna ay cadaawad biirtay oo ka dhalata dulmigaas qaraxdo lagana dhaxlo dagaallo sokeeye oo lagu hoobto sida kelitalisnimadii qabiilka ee Siyaad Barre. Mohamed Abdullahi Farmaajo waxaa uu markiiba ka baxay dhammaan ballanqaadyadii uu u sameeyay ummadda Somalia markii uu u tartamayay doorashada madaxweynaha dalka. Waxaa uu xukunkiisa ku bilaabay burburin maamul-goboleedyada, baarlamaanka iyo garsoorka dalka si uu u noqdo keliyaliye sida la aaminsanyahay ay kula tasheen kelitaliye Abiy Ahmed iyo kelitaliye Isaias Afwerkii oo qaybweyn ku leh maamulidda Somalia, waana sababta uu Farmaajo u horjoogo in dalka laga qabto doorasho xalaal ah oo uu ku tago. Waxaa uu bilaabay dhisidda kelitalisnimo labaad ee Mareexaan, waxaanu laalay Dastuurkii iyo dhammaan shuruucdii dalka kuna bedelay wareegto uu gacantiisa ku qoro kuna xukumo dalka sidii Taliskii Siyaad Barre. Farmaajo waxa uu samaystay koox qabiil isku bahaystay oo dejiya qorshaha kelitalisnimada qabiilka iyo koox u dhalatay Somalia siiba Muqdisho iyo koox ka timid Somaliland, NFD, Somali Galbeed iyo Jabuuti oo dadka Muqdisho u laba-dibleeya una garba-duuba si uu ugu sandulleeyo kelitalisnimada qabiilka, beeshiisana ugu naaxiyo xuquuqda dawladnimada ee ummadda ka dhaxaysa, sida uu hadaba ugu taxay jagooyinkii, derajooyinkii, ganacsigii, mashaariicdii horumarinta, safiiradii, qunsuladii ka dhaxeeyay ummadda iwm isla markaana ugu tagrifalay hantidii ummadda, hubkii dalkana gacanta u geshay beeshiisa sidii Siyaad Barre, taas oo macnaheedu tahay qabiil raba inuu ummad dhan u gumeeyo una dulleeyo kelitalisnimo qabiil. Kooxahaas oo laaluush-ku-nool, xaraan ku-naax-ah waxay buste saaraan kelitalisnimada qabiilka ku dhisan ee Farmaajo waxayna ku wacdiyaan dadka Somalinimo, wadaninimo iyo dawladnimo been ah oo ay ku qaraabtaan. Kooxahaas, oo ah calooshood-u-shaqaystayaal, dan kama laha dadka iyo dalka midna. Kooxda Mareexaan ee maanta Baraha Bulshada ka difaacda Farmaajo kana ammaanta waxay iskugu jiraan laba qaybood. Qayb da’weyn oo iyagu la yaab aan lahayn inay dulmiga ku taageeraan Farmaajo waayo waxay arkaan in marlabaad loo ilduufay oo dawladnimadii Somaliyeed ee ay hore ugu mameen, dhibaatooyin laxaad lehna ku geysteen xilligii Taliskii Siyaad Barre. Qaybta kale waa dhallinyaro dhalatay kadib rididii Taliskii Siyaad Barre oo malaha maqla waalidkood oo weli ammaana Taliskii Siyaad Barre una sheegin ubadkooda in xukunkii Siyaad Barre dad iyo dalba lagu dumay, Somali ku kala tagtay, sidaas daraadeedna aanay marnaba habboonayn in ubadka loo ammaano (To praise Siyad’s Regime and call it glorious rule) xukun kelitalis ah oo laga dhaxlo dagaal sokeeye, qax iyo burbur weyn. Waxaad moodaa in Beesha Mareexaan si fudud u ilowday cawaaqib-xumadii laga dhaxlay xukunkii Siyaad Barre oo aanay waayaha waxba ku qaadan isna qaban, oo haddii ay ku fashilmeen inay Soomaali ka qabtaan Siyaad Barre ay waajib ku ahayd inay kan maanta, Farmaajo, ka qabtaan. Mareexaan waxaa uu maanta magac iyo sharafba ku yeelanlahaa haddii inta ay isku tagaan qabtaan Farmaajo oo dhammaystay 4tiisii sano kana fujiyaan kursiga Soomaali ka dhaxeeya ee uu ku dheganyahay, dadka iyo dalkuna ka badbaadilahaa burbur labaad, iyaguna ka badbaadilahaayeen taariikh xumo tii hore ka xun oo aan dib dambe loo aamineen haddii Farmaajana dagaal dhibaato keena lagu rido. Mudadii 4ta sano ahayd ee Mohamed Abdullahi Farmaajo xukumayay dalka waxa uu madax dalal shisheeye (Itoobiya iyo Eratariya) la galay heshiisyo sharcidarro ah oo la xiriira isku darka Somalia iyo cadowgeeda Itoobiya si ay Somalia u liqdo iyo dekado uu u saxeexo cadowgaas kuwaas oo uu ka qariyay baarlamaanka dalka iyo ummadda oo xaq u lahaa inay ogaadaan kana doodaan dabadeedna diidaan ama oggolaadaan, arrintaasuna waxay lid ku tahay dawladnimada iyo qaranimada Somalia waana khiyaamo qaran. Farmaajo waxaa kale oo uu ku kacay arrimo badan, sida hoos ku qoran, oo iyaguna lid ku ah xasiloonida, nabadda, dawladnimada iyo qaranimada Somalia, horseedna u ah kelitalisnimo qabiil oo fool xun. Mohamed Farmaajo oo ay soo dhaweysay, sharaftayna Muqdisho loona dooratay madaxweyne oo la aaminay ayaa markiiba intuu ummadda iyo dalkaba ku wacad-furay noqday: 1. Nin sharaftii, xurmadii iyo maqaamkii dawladnimo tuuray oo laalay iskuna-bedelay kelitaliye, ciil-qabe cadow ah oo u haliilsan cabbudhinta iyo laynta dadkii doortay kuna bilaabay weeraro iyo dilal qorshaysan. Waxaa shacabka Muqdisho markiiba lagu bilaabay in jidadka magaalada laga xiro taas oo si joogto ah u cunaqabataysa nolosha iyo dhaqdhaqaaqa dadweynaha iyo gaadiidka ee magaalada iyada oo maamulku isku magacaabo: “NOLOL IYO NABAD.” 2. Nin go’aansaday inuu ciidamo sir ah samaysto si uu si toos ah iyo si dadbanba ugu ugaarsado una laayo birmageyda, madaxda iyo dhallinyarada isla markaana dhistay ciidan qabiil si shacabka loogu sandulleeyo kelitalisnimada qabiilka. 3. Nin cashuurta uu Muqdisho ka qaado aan waxba ugu qaban balse qayb tolkiisa iyo degaankiisa ku bixiya, qayb Facebookga ku kiraysta kooxo (CBB) qabyaalad sumaysan iyo danaystinimo isku bahaystay iyo warbaahinno si sharafta iyo milgaha dadka ay u aflagaadeeyaan una caayaan iyaga oo Diin, dhaqan iyo xeer midna dhawran, taariikh aan rabin mid xun mooyee oo wadaninimada, qaranimada iyo dawladnimada siista sandareerto xaaraan ah, Farmaajana, sidii Siyaad Barre, u miisa ammaan aanu marnaba kasban balse ah dhaqanka foosha xun ee kelitalisnimada, qaybna ku bixiya laaluush uu siiyo kaba-qaadayaal uu ku fushado danihiisa gaarka ah ee KURSI isku dhejinta iyo kelitalisnimada isla markaana iskaga-horkeena dadka si uu dullinimo iyo gunnimo wax ugu xukumo. 4. Nin hubkii dalku wada lahaa barna degaankiisa u raray barna haysta si uu dadka ugu cabburiyo uguna laayo. Nin yiri dadku iguma banaanbixikaraan oo ra’yigooda ma cabbirikaraan haddii ay isku dayaana xabbad ayaan la dhacayaa sidii dhacday 18kii, 19kii February 2021 oo lagu diligaaray madaxweynayaashii hore ee Somalia Hassan Shiikh Mohamuud, Shiikh Shariif Shiikh Ahmed, Ra’iisal wasaarihii hore, Hassan Ali Khayre, iyo musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur, shacabna kas loogu dilay, taas oo ah arrin halis ah iyo qiso ku ugub taariikhda Somalia, waa casharada ay bixiyaan kelitaliyayaasha manaxaanka ah sida Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki. 5. Nin inta la doortay ummadduna rajo weyn ka muujisay, haddana 3 sano horjoogay lana dagaalamayay in doorasho dalka laga qabto welina diidan isla markaana xagal-daaciya oo fashiliya wadahadalkasta iyo kulankasta oo doorashada lagaga hadlayo si uu Somalia xoog ugu xukumo oo ummadda iyo beesha caalamkuba la yaabanyihiin. 6. Nin si cad ugu leh dadka Muqdisho: “Ama MUQDISHO ayaan dhulka la simayaa ama xoog ayaa idinku xukumayaa idinkuna gumaynayaa oo xataa fahmila’ in sharafta dadku ka qiimo badantahay daaraha uu u dhaaranayo oo haddii ay dumaan la dhisankaro. Waxa uu fahmila’yahay in daar dheer oo qurux-badan oo qofku ugu dhex-noolaado dullinimo iyo gunnimo ay ka sharaf badan tahay in burburka xoraynteeda uu qofku ugu dhex-noolaado sharaf iyo cisi. Waxa xoraynta u baahan waa dadka iyo dhulka ee maaha daar. Magaalooyin badan oo qurux-badan ayaa dhulka lala simay maantana kuwo kasii qurux-badan ayaa dib looga dhisay dhulkoodii. 7. Nin nacaybka, xumaanta, dhagar-qabnimada, ciilqabnimada iyo macangagnimada uu qabo aan weli wax la mid ah aanay Soomaali soo marin kana tegidoona dhaxal xumo in badan oo maanta jecel ay ka qoomamayn taageeradiisa haddii dagaal xukunka looga tuuro, waana arrin taariikhda dhacda oo aan la hurin. Siyaad Barre ayaa intuu xukunkii dalka ku qabsaday afgembi 21kii October, 1969 una bixiyay KACAAN si aan loo fahmin qabyaaladiisa dabadeedna dalka ku xukumayay kelitalisnimo qabiil 21 sano, markii dambana qabiilkaasu isaga oo mindida daabkeeda haya ku duulay Isaaq, Somaalina ku kiciyay nacayb awgeed una geystay gummaad iyo burburweyn oo noqotay taariikh ma-guurto ah, kuwii cadaawadaas ka dambeeyayna ka dhaxleen taariikh xun oo aan weligood ka harayn. Maantana waxaa la rabaa in dhibaatadii loo geystay Isaaq mid la mid ah loo geysto Mogadishu Clan iyo Somalia inteeda kale, dhaxal xumaase laga qaadi. 8. Nin caqabad ku noqday cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil Faarax si uu u qariyo dembiilayaasha ka dambeeya dilkeeda ama maqnaashaheeda Farmaajo waxbadan ayaa looga digay maamulka kelitalisnimada qabiilka ee uu markiiba dalka ka bilaabay, waxbadan ayaa loo sheegay inuu dalka ku wado jid aad u khaldan, waxbadan ayaa loo qeexay in dulmiga iyo tacadiyada uu dalka ku hayo ay horseedikaraan dagaal sokeeye. Farmaajo intaba dhegaha ayuu ka furaysta. Maanta waxa Muqdisho taagantahay: Waraabe daalay, dirirtiisaa loo tagaa. #Dagaal wax lagu degdego maaha, Farmaajo iyo kooxdiisana wax la sii daawankaro maaha. Haddii aanu si deg deg ah uga tanaasulin kelitalisnimada qabiilka kana harin doorashada maadaama uu dembiyo galay mardambana aan la aaminkarayn, sharaftii ummadda Somaliyeed iyo dawladnimadiina uu dhulka ku jiiday waa in la iska xoreeyaa. Allaah (SWT) waxaa uu naftiisa ka xarrimay dulmiga, mana oggola in adoomihiisu is-dulmiyaan, sidaas ayay waajib ku tahay in dagaal lala galo Farmaajo iyo kooxdiisa oo laga xoreeyo dalka, dadka iyo dawladnimda Somalia. Taariikhda halgamada lama hayo ciidan xaq u dirir ah oo lagaga adkaado dhulkiisa oo ay taakulaynayaan dadweynihiisu, hubkastaba nacabku ha haysto, inkastaba dagaalku ha qaatee. Waxaa Somalia qabsaday kelitaliye waxa uu ku hadlo ay been tahay, waxa uu bixiyo ay laaluush tahay, waxa uu amrana ay dhagar tahay. Waa koox qawlaysato ah oo ku milantay Shabaab oo u dhaqanta sida maafiyda oo aan dawladnimo iyo qaranimo midna rabin balse danahooda shakhsiga iyo qabyaalad u burburiyay sumcadii Somalia, hantida ummadana si xun u booba. Waa koox Adduunyada iyo Aakhiraba ka dooratay dulmi iyo fasaad ay masiirka ummad Muslim ah ku geliyaan halis. Waa koox sharaftii iyo karaamadaii dadka, dalka, qaranimada iyo dawladnimada Somalia ku riday god dheer, oodana u rogtay. Muqdisho waa weyrax, way caraysantahay, waa soo jeesatay waxayna la mid “WARAABE DAALAY, DIRIRTIISAA LOO TAGAA.” Haddii xaaladdu sidan ku sii socoto, doorasho xalaal ahna ay rajo-beel noqoto, MUQDISHO waa ma hurto inuu ka bilowdo dagaal sokeeye la iskaga xoraynayo gunnimada iyo dullinimada kelitalisnimada qabiilka ee Farmaajo laguna soo celinayo sharaftii, karaamadii ummadda, dalka, qaranimada iyo dawladnimada Somalia. Muqdisho marnaba ma aqbalayso kelitalisnimo qabiil oo dambe. #Ibrahim Hassan Gagale ibrahim_hg@yahoo.com September 15, 2021 Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog la isku haleyn karo oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa inay goosteen qaar ka mid ah ciidamada Duufaan ee ka tirsan hay’adda NISA, kuwaas oo maalmahaan dhaq dhaqaaqyo ciidan ka waday qeybo ka mid ah Muqdisho. Saraakiil kala duwan oo ka tirsan Hay’ada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Askar gaareysa ugu yaraan 15 Askari oo wata hub casri ah ay goosteen dhowaan markii la geeyay aagga Habar Khadiijo ee xarunta Nabad Sugidda Soomaaliya. Ragga goostay oo markii hore ka tirsanaa Al-Shabaabkii lagu dhaqan celiyay xerada Serandi ee degmada Xamar Jajab ayaa ilaa hadda la ogeyn halka ay ku dambeeyaan. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya askartaan goosatay. Wararka qaar ayaa sheegaya in ragga goostay ay Al-Shabaab u galeen iyaga iyo hubkooda, halka warar kalane ay sheegayaan in ay joogaan xaafado ka mid ah Muqdisho, isla markaana ay hubka dhigeen kadibna ay dib ugu laabteen ehelladooda. Warkii u dambeeyay ee laga maqlo dhalinyarada goosatay ka hor inta aysan bixin ayaa ahaa “Xerada ayaa nagala soo qaaday mana naloo sheegin in dagaal naloo wado waana nala qiyaanay,” intaas kadib waxaa lagu baraarugay in dhallinyaradii ay baxsadeen. Ciidamada Duufaan ayaa u badan dhallinyaro Al-Shabaab ka tirsanaa oo lagu dhaqan celiyay Xerada Serandi iyo qaar laga keenay gobalka Gedo, waxayna toos uga amar qaataan madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin. Ciidanka Duufaan ayaa ah kuwa hadda jooga isgoyska ku dhow xarunta NISA, ee diidan in taliyaha cusub ee NISA Bashiir Goobe uu xarunta u gudbo, halka gudaha xarunta NISA ay haystaan ciidamada Waran oo taageersan ra’iisul wasaare Rooble. The post Xog: Qaar ka mid ah ciidanka Duufaan ee NISA oo goostay appeared first on Caasimada Online.
  9. Dr. Cismaan Maxamuud Dufle ayaa mar labaad loo doortay in uu ka mid noqdo xubnaha Hirshabeelle ku matala Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Dr. Dufle waxaa tartan adag la galay Raage Xasan Cismaan iyo Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, wuxuuna wareegii labaad ee doorashada 68 cod kaga guuleystay Raage Xasan. Kursiga Dufle ku guuleystay oo ahaa mid kaliya ee caawa doorashadiisu ka dhacday Jowhar ayaa noqonaya kursigii afraad Aqalka Sare ee ay doortaan xildhibaannada Hirshabeelle. Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in berri oo Khamiis ah la soo gabagabeeyo oo la doorto 4-ta kale ee kursi. Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle waxaa mid hufnaanta iyo kala aragti duwanaanta siyaasadeed kaga duwan doorashooyinkii kale Aqalka Sare ee dowlad goboleedyada. PUNTLAND POST The post Hirshabeelle: Dr. Dufle oo kursigiisii Aqalka Sare xajistay appeared first on Puntland Post.
  10. Jowhar (HOL) - Elections for the Federal Upper House of Parliament in Jowhar on Wednesday with a fourth member being elected. Source: Hiiraan Online
  11. Senatar Cismaan Maxamuud Dufle ayaa mar labaad loo doortay xilka Senatarnimo ee Aqalka Sare, kaddib markii wareeggii udambeeyay ee kala baxa ahaa uu ku guuleystay 68 cod. Musharaxa lRaage Xasan Xuuti oo wareega labaad kula tartamay ayaa helay 28 cod. Safiir Maxamuud tarsan ayaa ku haray wareega kowaad isago helay 15 cod. Source: goobjoog.com
  12. Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle oo ay ka socoto doorashada xubnaha Aqalka Sare ka soo gelaya deegaanada maamulkaas waxaa hadda lagu doortay Senator Cusmaan Maxamuud Dufle, oo ka guuleystay laba musharax oo kula tartamay kursigaas. Dr. Dufle ayaa dib ugu soo laabtay kursigaas oo afartii sano ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyey, waxuuna ku soo baxay 68-cod, halka musharax Raage Xasan Xuuti oo la tartamayey uu helay 28-cod Cusmaan Maxamuud Dufle iyo Raage Xasan Xuuti ayaa isula gudbay wareeg labaad, sidaas ayeyna guushu ku raacday Dr. Dufle, kursigaan waxaa horay loo saadaalinayey inuu ka mid yahay kuraasta wajihi doonta loolanka adag. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ahaa musharaxa seddaxaad ee kursigaas ayaa ku haray wareegii koowaad ee doorashada, waxuuna helay 19-cod, Danjire Tarsan waxaa wadatay Villa Somalia, balse wareegii koowaad sooma dhaafin. Dr. Dufle ayaa ah Senatorka afaraad ee illaa hadda lagu doortay Jowhar, waxaana hartay doorashada afar kursi oo kale, doorashada ayaana sii socon doonta illaa berri, sida qorsheeyey, si loo soo dhameystiro 8-da xubnood ee HirShabeelle ay ku leedahay golaha Aqalka Sare. The post Yaa ku adkaaday kursigii ay ku loolameen Dufle iyo Tarsan? appeared first on Caasimada Online.
  13. Nairobi (HOL) - A senior cop of Somali origin was abducted by unknown assailants along the busy Thika Super Highway on Monday, according to the officer's family. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegayo inuu ka laabtay shir jaraa’id oo uu qaban lahaa Khamiista berri ah, kaas oo horay uu u balan qaaday inuu ku soo bandhigayo waxa ay isku hayaan isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhawaan xilkii ka qaaday Xasan Xundubey, isagoo ku bedelay Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur, balse Xundubey ayaa diiday oo sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadidaas. Qoraal uu galabta soo dhigay bartiisa twitterka ayuu Xundubey ku shaaciyey inuu baajiyey shir jaraa’id oo uu ku soo bandhigi lahaa waxay Rooble isku hayaan, kadib markii sida uu sheegay ay lasoo xariireen waxgaradka beeshiisa. “OGAYSIIN! Waxa aan horay u faafiyay in aan beri oo Taariikhdu tahay 16/09/21, 5:00pm aan Muqdisho ku qaban doono SHIR-WARBAAHINEED. Haddaba, shirkaasi waa BAAQDAY. [WAAYO], waxgarad aad iigu weyn ayaa iga codsadeen in aan SHIRKAAS baajiyo. Wax-Garadkaasina waa ku mahadsanyihiin!” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xundubey. Fariintii hore ee shirkaas jaraa’id uu ku iclaamiyey ayuu ku yiri, “Galabta Khamiista ah ee soo socota, ee Taariikhdu tahay 16/09/2021, 5:00pm waxa aan Magaalada Muqdisho ku qaban doonaa I.A. SHIR-JARAA’ID, oo aan uga warbixin doono: waxyaabaha aan isku qabanay oo aan isku haysano aniga & Rooble!” Xasan Xundubey ayaa noqday wasiirka kaliya ee illaa hadda ku baxay khilaafka siyaasadeed ee Rooble iyo Farmaajo, waxaana la sheegay in Xundubey uu si weyn ugu janjeeray dhanka Farmaajo, taas oo keentay in Rooble uu ku bedelo nin aad u naqdiya siyaasadda Farmaajo. Waa wasiirka cusub ee amiga Cabdullahi Maxamed Nuur. The post XUNDUBEY oo ka laabtay qorshihi uu berri damacsanaa appeared first on Caasimada Online.
  15. The World Bank on Tuesday projected Somalia’s economy to grow at 2.4 percent in 2021, rebounding from the “triple shock” that ravaged the country in 2020 — COVID-19, flooding, and the locust infestation. In its latest Economic Update, the World Bank said this growth momentum is expected to continue in the medium term and reach pre-COVID-19 levels of 3.2 percent in 2023. “As Somalia embarks on the road to recovery from the triple shocks, policy interventions that raise productivity, create jobs and expand pro-poor programs will be key,” said Kristina Svensson, the World Bank country manager for Somalia, during the virtual launch of the report. According to the report, the economy of Somalia contracted 0.4 percent in 2020, less severe than the 1.5 percent contraction projected at the onset of the global pandemic. Higher-than-anticipated aid flows, fiscal policy measures put in place by the government to aid businesses, social protection measures to cushion vulnerable households, and higher-than-expected remittance inflows mitigated the adverse effects of the triple shock. And the disruptions stemming from COVID-19 containment measures reduced federal and state revenue collection while increasing pressure to spend more on health and disaster relief, said the report, noting large increases in external grants enabled the government to begin rebalancing public spending toward economic and social services and to provide funds for new social programs and emergency response projects to increase resilience. John Randa, World Bank senior economist, said support for the health sector is an essential component of resilient and inclusive development and investing in health sets Somalia on a path to reaping substantial demographic dividends from improvements in life expectancy and reductions in fertility. The lender said interventions to improve the investment climate and encourage the formalization of businesses to attract more private investment would include reforms focused on reducing the cost of electricity and improving on its reliability, leveling the playing field among private firms, reducing red tape, and broadening financial inclusion. Source(s): Xinhua News Agency The post World Bank forecasts Somalia’s economy to grow at 2.4 pct in 2021 appeared first on Caasimada Online.
  16. Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaasbade) iyo Cabdiweli Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo ka mid ahaa xildhibaanadii Aqalka Sare ee dhawaan lagu doortay Baydhabo ayaa hadalo is khilaafsan oo ku saabsan dhacdo la sheegay in ay ka dhacday Baydhabo ka sheegay baraha bulshada. Wasiir Xaniifa ayaa madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ku eedeysay in uu ciidan ku weeraray hooyadeed, sababtuna ay tahay kala aragtida duwanaanshaha siyaasadda. “Waxaan ka xumahay kala duwanaasha siyaasadeed ee madaxwayne Laftagareen iyo aniga in ay ku ekaan waysay siyaasadda ee loo dhacay maanta hooyaday macaan gurigeeda ciidan ka tirsan Nabadsugida Southwest tagaan, si ay u soo xiraan bilaa sabab, sidoo kale habaryertay qori lugu qabtay dilna loogu hanjabay” ayay tiri wasiir Xaniifo Xaabsade. “Madaxwayne Cabdicasiis ayaa toos mas’uuliyadaas u qaadaya wixii meeshaa ka dhaca” ayay sii raacisay Dhanla kale walaalkeed Senator Cabdiweli Xaabsade ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay madaxweynaha Koonfur Galbeed. Wuxuuna yiri “Waxan umadda Soomaaliyeed ee samaha jecel islamarkaasna isoo wacayey u xaqiijinayaa anigoo ku hadalayo magaca eeer Maxamed Ibraahim Xabsade in aysan jirin wax weerar ah oo maamulka Koonfur Galbeed uu ku qaadey qoyska reer Xabsade”. “Waxaan ka cudur daaranayaa raaligalina ka bixinayaa hadalkii xanafta lahaa ee ka soo yeerey Wasiiradda Haweenka Soomaaliya Haniifa Xaabsade, kaas oo u muuqday mid aan laga fiirsan oo aan xanbaarsanayn mas’uuliyad” ayuu raaciyay. Wasiir Xaniifa iyo Senator Cabdiweli ayaa waxaa dhalay Marxuum Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu magaca dheeraa Koonfur Galbeed. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiin walaalo ah oo hadalo is khilaafsan ka dheegay baraha bulshada appeared first on Puntland Post.
  17. According to their website, the African Union Mission in Somalia (AMISOM) is “an active, regional peacekeeping mission operated by the African Union with the approval of the United Nations.” Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda haweenka ee xukuumadda Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaniifo Xaabsade) ayaa sheegtay in ciidan ka amar qaata madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ay maanta magaalada Baydhaba ku xireen Hooyadeed, oo sida ay sheegtay ay gurigeeda ku weerareen. Wasiir Xaniifa ayaa sheegtay in xarigga loo geystay hooyadeed uu la xariiro kala aragti duwanaasho siyaasadeed oo soo kala dhex-galay iyada iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen. “Waxaan ka xumahay kala duwanaasha siyaasadeed ee madaxwayne Laftagareen iyo aniga in ay ku ekaan waysay siyaasada ee loo dhacay maanta hooyaday macaan gurigeeda ciidan isku sheega nabad sugida southwest in ay kasocdaan tagaan oo laba Abdibila ah si iyada usoo xiran bilaa sabab sidoo kale habaryer tay qori lugu qabtay dil loogu hanjabay,” ayey wasiirka haweenka Soomaaliya ku tiri qoraal ay soo saartay. Sidoo kale Wasiir Xaniifo qoraalkaan waxay ku sheegtay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu qaadan doono mas’uuliyadda dhibkii ka dhasha caburinta shacabka, sidoo kale awooda uu shacabka ku caburinayo ayey u soo jeedisay in Koonfur Galbeed uu uga xoreeyo Al-Shabaab. “Madaxwayne Abdiaziz ayaa toos masuuliyadaas u qaadaayo wixii meesha kadhaco caburinta shacabka iyo ixtiraam la aan koonfurgalbeed kajirtana haday soo afjarmaysaa insha allah. Ciidanka aad hooyoyinka koonfurgalbeed kubeeqsanaysid fadlan shabaab isaga celi oo dhamaan Koonfur Galbeed ku hareeraysan,” ayey wasiir Xaniifo ku tiri qoraalkeeda. Tan iyo markii uu Koonfur Galbeed hoggaanka u qabtay Madaxweyne Lafta Gareen waxaa iska soo daba dhaceysa cabashada shacabka iyo siyaasiyiinta oo caburin xad dhaaf ah ka tirsanaya maamulkiisa. Sidoo kale dad badan ayaa la sheegay in maamulkaas uu xabsiga u dhigay ku qanacsanaan la’aantooda hoggaaminta Lafta Gareen. The post Ciidamo ‘weeraray’ guriga hooyada wasiir ka tirsan DF appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isku dayaya inuu xilka ka qaaday guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimad Online u sheegay in qorshaha xil ka-qaadista Shuute uu qeyb ka yahay isku dayada la doonayo in lagu baabi’iyo baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa horey amray xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida inay baarto kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Si kastaba, Farmaajo ayaa kasoo horjeeda in kiiska ay Maxkamad baarto, wuxuuna magacaabay guddi soo baara, inkasta oo ay jirto in dhammaan guddiyadii ay horey dowladda ugu magacowday kiisas badan aan meel lagu sheegin. Balse Farmaajo, oo la rumeysan yahay inuu badbaadinayo shaqsiyaad ka tirsan hay’adda NISA, ayaa doonaya in kiiskan lagu baabi’iyo guddi ay caddahay inaan warkooda dib loo maqli doonin. Waxaa sidoo kale jirta in Ikraan Tahliil Faarax ay aheyd sarkaal ciidan oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, sidaas darteedna ay tahay inay baarto oo kaliya Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. Sida aan xogta ku helnay, Farmaajo ayaa weydiistay madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, oo ay xulufo yihiin inuu keensado shaqsi la isku haleyn karo oo loogu beddelo Shuute oo isku beel Hari-Abgaal ah yihiin. Farmaajo ayaa la sheegay inuu si gaar ah uga codsaday Guudlaawe inuu keeno shaqi uu hubo “inaan dhinaciisa laga soo mareynin,” oo loola jeedo inuu baabi’in doono baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil. Arrintan ayaa waxaa hadda ka war-helay odayaal ka tirsan beesha Abgaal, oo isku dayaya inay ka hortagaan isku dayga Farmaajo. Shuute ayaa caan ku ah inuu yahay garsoore caadil ah, oo aan marnaba laga soo caban, wuxuuna horey u xukumay xubno badan oo Al-Shabaab ah iyo askar ka tirsan dowladda oo dilal gaystay. The post Xog: Farmaajo oo qorsheynaya inuu xilka ka qaado Colonel Shuute appeared first on Caasimada Online.
  20. Xoghayihii hore Olomikada Soomaaliya Dr.Cali Cusmaan Cali ayaa soo dhaweeyay horomarka baaxda weyn ee ka socoda Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka, isagoo bahda isboortiga ku dhiirigeliyay in au taageeraan da’daalada iyo horomarka kala socda Xiriirka Kubadcag yaraha dalka. “Waxaan amaanaynaa da’daalada socda iyo guulaha Is daba jooga ee Xiriirka Soomaaliyeed Minifootboolka “ ayuu Goobjoog Sports u sheegay Xoghayihii hore Olomikada Soomaaliya Dr.Cali Cusmaan Cali. Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha waxaa Soomaaliya laga aas aasay sanadii 2015, balse doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu doortay Guddoomiye Xaaji Aadan Cabdule iyo madaxda kale ee shanta sanno ee soo socota “Is badal weyn ayaa ka muuqda Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha, waxaana qirayaa in doorashadii lagu doortay Guddoomiye Xaaji Aadan Cabdulle ay aheyd mid furan oo ay wada arkaan bulshada Soomaaliyeed” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Dr.Cali Cusmaan Cali. Guulaha mudadii sanadkii la soo dhaafay uu gaaray Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadcag yaraha waxaa qeyb ka ah in ay aas aaseyn kooxaha heerka kowaad iyo heerka labaad ee Kubadcag yaraha Soomaaliya, waxaana u jeedada loo aas aasay kooxahan ay yihiin in la heli ciyaartooy xirfada wanaagsan oo matasha Xulka Qaranka Kubadcag yaraha Soomaaliya. “Ma aheyn wax sahlan in mudo sanad ah lagu aas aaso 24 kooxaha oo heerka kowaad iyo heerka labaad, waxayna arintaas guul weyn u tahay bulshada Soomaaliyeed iyo bahda isboortiga dalka” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Xoghayihii hore Olombikada Soomaaliya Dr.Cali Cusmaan Cali. Khabiir isboortis Dr.Cali Cusmaan Cali wuxuu sharxaad dhinacyo badan ka bixiyay fariga u dhaxeeya Xiriirka Kubadcag yaraha iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta,isagoo labada dhinac u rajeeyay mustaqbal wanaagsan oo horomar u ah dhalinyarada Soomaaliyeed. “Xiririka Kubadcag yaraha wuxuu hoos tagaa Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada, halka Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya oo isagana qeyb ka yahay Guddiga Olomikada, balse waxaan labada Xiriir u rajaynaaa guul iyo horomar” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xoghayihii hore Guddiga Olombikada Soomaaliya Mudane Dr.Cali Cusmaan Cali. Ugu danbeyntii Dr.Cali Cusmaan wuxuu u mahadceliyay wafdigii Soomaaliya kaga qeyb galay tartankii Kubadcag yaraha Qaarada Afrika ee ku qabsoomay dalka Nigeria, wuxuuna arintaas ku tilmaamay guulaha waaweyn ay gaareen madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadcag yaraha dalka. “Hadii Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya uu san aheyn Xiriir jira, lagama qeyb gali laheyn dhacdii Minitootboolka Qaarada Afrika ee ku qabsoomay dalka Nigeria ,waxaan u mahadcelinaynaa ciyaartooydii iyo macallimiintii Soomaaliyeed ee aaday Wadanka Nigeria” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Xoghayihii hore Guddiga Olombikada Soomaaliya Mudane Dr.Cali Cusmaan Cali. Daawo Dr.Cali Cusmaan Oo La Halay Goobjoog Sports Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Guddoomiye Saacid Xuseen Cabdi “Hiigsigeenu Waa In Aan Fursad Siinaa Shan Milyan Oo Dhalinyarada Soomaaliyeed” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  21. Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Marwo Xaniifa ayaa sheegtay in ciidama ka amar qaata madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle ay weerar ku qaadeen hoy ay daganeyd hooyadeed. Qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook ayeey ku sheegtay Wasiirad Xaniifa Xaabsade in mas’uuliyadda weerarka guriga Hooyadeed uu qaadayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen. Wasiiradda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada ay dil ugu Hanjabeen Habar yarteed oo guriga ku sugneyd xilliga la weerarayay. Source: goobjoog.com
  22. Nairobi (HOL) - The family of a Somali Scholar who was kidnapped in Nairobi Central Business District (CBD) has rubbished claims that he has been found. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo dhaweeyay magacaabista Agaasimaha cusub ee Nabadsugida gobolka Banaadir, G/lle Muxidiin Mohamed Jimcaale (Warbac), oo maanta uu magacaabay Agaasimaha KMG ee NISA, Bashiir Goobe. Wasiirka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu faray in uu shacabka ugu adeego si hufan, isagoona u ballan-qaaday in hogaanka cusub ee NISA heli doonaan agab kasta oo u fudeydin lahaa howshooda. “Waxaan soo dhawaynayaa Magacaabista Taliyaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Gobalka Banaadir Mudane Muxudiin Maxamed Jimcaale (Warbac) ee uu Magacaabay Agaasimaha KMG ee Hay’ada Nabadasugigga iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac,” ayuu yiri. “Waxaa la faraya in uu shacabka ugu adeego si hufan, waxaana si buuxda ugu xaqiijinayaa guud ahaan hogaanka Hay’ada NISA in uu diyaar u yahay agab kasta oo loo adeegi lahaa bulshada waxaana u rajaynayaa horumar iyo adeeg bulsho oo hufan.” Xilka agaasimaha gobolka ee NISA, ayaa waxaa horey u hayey Yaasiin Farey, inkasta oo markii dambe Farmaajo uu sheegay inuu u magacaabay agaasimaha hay’adda NISA. Warqadda Bashiir Goobe, laguma soo hadal qaadin Yaasiin Farey. Magacaabista Warbac ayaa imaneysa xili ay weli taagan tahay xiisada ka dhalatay magacaabista Agaasimaha KMG ee NISA, kadib markii uu xilka ka qaaday Ra’iisul Wasaaraha agaasimihii hore, Fahad Yaasiin oo ay saaxiib dhow ahaayeen madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday. The post Wasiirka cusub ee amniga oo war kasoo saaray tallaabadii uu qaaday Bashiir Goobe appeared first on Caasimada Online.