Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. PRESS RELEASE Coronavirus: WHO affirms support for COVID-19 traditional medicine research It will also continue to provide technical assistance to the TCAM department, National Institute of Pharmaceutical Research and Development (NIPRD) and NAFDAC in improving the quality of medicinal products ABUJA, Nigeria, September 17, 2021/ — The World Health Organization (WHO) has reiterated its continuous support to the the Government of Nigeria in its goal of achieving self-sufficiency in the local production of traditional medicine. Speaking at the commemoration of the 2021 Traditional Medicine Day held at the Federal Ministry of Health in Abuja on 13 September, Dr Kofi Boateng said WHO remains committed to continue with the support to the Government of Nigeria in its goal of achieving self-sufficiency in the local production of pharmaceuticals (including Vaccines), traditional medicine and other health products. Emphasising the importance of African Traditional Medicine in the development of the health sector, Dr Boateng, representing the WHO Country Representative, Dr Walter Kazadi Mulombo said that Africa has a long history of traditional medicines and practitioners that play an important role in providing care to populations over centuries. The theme of 2021 commemoration is “The potential contribution of Traditional Medicine to COVID-19 Response.” Dr Boateng said Nigeria’s listing of 14 herbal medicinal products by NAFDAC against COVID-19 and ongoing clinical trials on them, is in line with the Regional Expert Committee on COVID-19 aim of elevating the standards of clinical trials of traditional medicine for COVID-19. “The ongoing scientific research projects in the National Institute for Pharmaceutical Research & Development and other higher institutions, highlights the interest of the Government of Nigeria to develop and promote African Traditional Medicines. These are in line with the theme of this year commemoration; The potential contribution of Traditional Medicine to COVID-19 Response. WHO Nigeria has taken it up to support the ministry and in particular the department of Traditional, Complementary and Alternative Medicines, Complimentary in the review of the Traditional Medicines Policy 2007, review of the Nigeria Pharmacopoeia 2008 and the development of a 5-year strategic plan to implement the new policy and the revised pharmacopoeia. It will also continue to provide technical assistance to the TCAM department, National Institute of Pharmaceutical Research and Development (NIPRD) and NAFDAC in improving the quality of medicinal products and ensure the listing of these products in the National Essential Medicines List, he said Meanwhile, the Minister of State for Health Dr Adeleke Mamora at the media briefing said the Federal government will not relent in its efforts to develop local content as a means to finding a homegrown solution to ailment affecting Nigerians. Dr Mamora said one of the tasked assigned to the National Institute for Pharmaceutical Research & Development (NIPRD)and National Agency for Food and Drug Administration & Control(NAFDAC) is to scale up their activities towards the search for a local solution to the pandemic. He further stated that “FMoH has inaugurated an expert committee as a protocol of evaluation of herbal medicinal products as a way of promoting research and a database of traditional medicine practitioners has been developed for ease of collaboration, research and promotion of traditional medicine in Nigeria.” “The federal government is also working on a traditional medicine policy and a committee to set up a traditional medicine institute which was triggered by the COVID-19 pandemic.” SOURCE World Health Organization (WHO) – Nigeria Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha amniga Soomaaliya ayaa ku amray diyaaradaha caalamiga ah inaysan Muqdisho keeni karin agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo hadda ku xayiran Jabuuti, waxaa sidaas sheegay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Hay’adaha amniga ayaa ku eedeeyey Fahad inuu Muqdisho ka waday abaabul ciidan iyo inuu khalkhal geliyo ammaanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Garoonka Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu arkay ciidan ka tirsan Nabad-Sugidda, oo sida la sheegay taageersan Fahad, taasi oo dhalisay shakiga ku saabsan imaatinka Fahad, kuna qasabtay hay’adaha amniga inay bixiyaan amarka ah inaan lasoo qaadi karin Fahad. Fahad Yaasiin, oo ay la socdeen 40 qof, ayaa lagu xayiray Jabuuti kadib markii diyaaradda Turkish Airlines ay heshay amarka ah inaysan rakaabkaasi iman karin Muqdisho. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa.” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.” Si kastaba, sarkaal u hadlay Dowladda Jabuuti ayaa VOA u sheegay inaysan u ogolaan karin Fahad iyo wafdigiisa inay Muqdisho u safraan, maadaama uu amar kasoo baxay dowladda Soomaaliya. Sarkaal oo diiday in magaciisa la sheego sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay in haddii Fahad iyo wafdiga la socda aysan u safri karin Muqdisho ay ku celin doonaa halkii uu asal ahaan safarkiisu kasoo bilowdya oo ah magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. The post Hay’adaha Amniga DF oo amray diyaaradaha inaysan Fahad keeni karin Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  3. DJIBOUTI (HOL) - Somalia’s former intelligence boss who was recently picked by President Mohamed Farmaajo as his National Security Advisor was Friday arrested in Djibouti. Source: Hiiraan Online
  4. Madaxweynihii hore oo Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa usoo saaray war qoraal ah oo uu ku sheegayo inuu ka xunyahay xannibaad Jabuuti loogu gaystay Agaasimhii hore ee NISA, Fahad Yaasiin. “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa” Ayuu yiri afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya. Waxa sidoo kale lagu sheegay warka kaso baxay Villa Somali in Fahad uu berri ka qeyb geli lahaa Shirka amniga qaranka oo Farmaajo kal hore uu ku baaqay in la qabto 18 septemper. Barqanimadii maanta waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada JABUTI ku hakatay, diyaaradaha Turkish Airline oo kasoo kicintintay magaalada istanbul iyadoo ku socotay caasimadda Soomaaliya ee Mogadishu, waxaana soo baxayay warar sheegaya in masuuliyiinta Jaabuuti ay diyaardaas kala dageen Fahad Yasiin oo galdacwadeed kaga furanyahay Maxkmadda CQS ee soomaaliya. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa goordhow xaqiijisay in agaasimihii hore ee Nabad-Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin, oo hadda ah la-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmajao, lagu xannibay garoonka diyaraadaha Jabuuti. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa.” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.” “La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin wuxa uu ka qayb galayaa shirka Amniga Qaranka oo barri oo ay taariikhdu tahay 18-ka Sebteembar, 2021 lagu qaban doono magaalada Muqdisho.” Arrintan ayaa imaneysa ayada oo maanta uu baaqday duuliimaadkii ay diyaaradda Turkish Airlines ku imaan laheyd magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, taasi oo ku hakatay Jabuuti. Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa saaka lagu arkay ciidamo badan oo ka tirsan Nabad-Sugidda, waxayna taas keentay shaki ku aadan in diyaaradda Turkish Airlines uu saaran yahay agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo saraakiisha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa sheegaya in Shirkadda Turkish Airlines ay ka cabsatay inuu khalalaase ka dhasho duulimaadkeeda, sidaas darteedna ay u baajisay. The post FAHAD oo lagu xannibay garoonka JABUUTI iyo Villa Somalia oo war kasoo saartay appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta ku geeriyooday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ganacsadaha caanka ahaa ee Bashiir Raage Shiiraar oo aad looga yaqaan caasimadda iyo guud ahaan Soomaaliya. Bashiir Raage ayaa la sheegay inuu geeriyooday kadib markii uu wadnaha istaagay, waxaana geeridiisa xaqiijiyey qaar ka tirsan eheladiisa. Bashiir Raage Shiiraar, waxaa uu ku dhashay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho labo sano kadib xorriyaddii, waa sanadkii 1962-dii. Bashiir, waxaa uu wax ka bartey dugsiga hoose/dhexe Wardhiigley halka dugsi sare sanadkii 1979-kii ka dhameeyay dugsiga sare ee 15 May. Bashiir Raage, waxaa uu muddo dheer ahaa ganacsade, shaqooyinkii ugu muhiimsanaa waxaa uu sheegayaa iney tahay inuu ahaa ganacsade isagoo ahaa aasaasaha iyo milkiilaha shirkadda Kamel Logistics, waxaa kaloo uu dhisey muddadii dagaallada sokeeye garoonka diyaaradaha Cisiley oo dhanka waqooyi ka xiga magaalada Muqdisho. Bashiir Raage Shiiraar, waxaa uu ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedkii la dagaaley Maxaakiimta Islaamiga, waxaa uu noqday 2016-kii musharax madaxweyne Soomaaliya. The post Baashiir Raage Shiiraar oo geeriyooday (Taariikh kooban) appeared first on Caasimada Online.
  7. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Jimce ah ka shiraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho. Kulankan oo Albaabadu u xiran yihiin ayaa si gaar ah looga hadlayaa khilaafka u dhexeeya madaxwweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble kaas oo ka dhashay kiiska gabadhii la waayay ee Ikraan Tahliil. Halkaan ka daawo warbixinta PUNTLAND POST The post Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo maanta ka shiraya khilaafka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta baaqday duuliimaadkii ay diyaaradda Turkish Ailine ku imaan laheyd Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Warar kala duwan ayaa kasoo baxayo sababta keentay in diyaaradda ay Maanta baaqato iyadoo ku hakatay dalka Jabuuti. Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa saaka lagu arkay ciidamo badan oo ka tirsan Nabadsugidda, waxayna taas keentay shaki ku aadan in Diyaaradda Turkish Ailine uu saaran yahay Agaasimihii xilka laga qaaday ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kaasoo ay dacwad ka taalo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida. Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo saraakiisha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa sheegaya in Shirkadda Turkish Ailine ay ka cabsatay inuu khalalaaso ka dhasho duulimaadkeeda Maanta oo la rumeysan yahay inuu saaran yahay Fahad Yaasiin. Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa sidoo kale soo gaaray ciidamo kale oo loo maleenayo inay kasoo horjeedaan in Fahad Yaasiin uu yimaado Muqdisho taasoo cabsi ku abuurtay Shirkadda Turkish Airline. Sababta diyaaradda Turkish ugu hakatay Garoonka Jabuuti ayaa lagu sheegay qalalaase laga cabsi qabo inuu garoonka ka dhaco, markii Maamulka Shirkadda Turkish iyagana ogaadeen ciidanka soo galay gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Sida ay ogaatay Caasimadda Online, Fahad Yaasiin Xaaj Dahir ayaa qorsheenayo inuu soo raaco Diyaaradda Qatar Airweys oo gelinka dambe ee Maanta imaaneyso Magaalada Muqdisho. Fahad Yaasiin ayaa la sheegay inuu Maanta Muqdisho u imaanayo si uu Berri uga qeybgalo shir la qorsheenayo inuu yeesho golaha Amniga Qaranka taasoo lagu sheegay in lagu soo bandhigayo Kiiska Ikraan Tahliil. Wixii kusoo kordha xiisadda ka taagan garoonka Aadan Cadde kala soco wararkeena dambe Inshaa Allah. The post Duulimaadkii Turkish Airline oo baaqday iyo ciidan badan oo lagu arkay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde appeared first on Caasimada Online.
  9. Waxaa maanta ku geeriyooday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ganacsadaha caanka ahaa iyo hoggaamiye kooxeedkii hore Bashiir Raage Shiiraar kaas oo la sheegay inuu wadnaha istaagay. Haddaba, Bashiir Raage Shiraar waxaa uu horay taariikh nololeedkiisa oo dhameystiran uga waramay qoraaga Cabdicaziz Axmed Gurbiye. Bashiir Raage Shiiraar, waxaa uu ku dhashay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho labo sano kadib xorriyaddii, waa sanadkii 1962-dii. Bashiir, waxaa uu wax ka bartey dugsiga hoose/dhexe Wardhiigley halka dugsi sare sanadkii 1979-kii ka dhameeyay dugsiga sare ee 15 May. Bashiir Raage, waxaa uu muddo dheer ahaa ganacsade, shaqooyinkii ugu muhiimsanaa waxaa uu sheegayaa iney tahay inuu ahaa ganacsade isagoo ahaa aasaasaha iyo milkiilaha shirkadda Kamel Logistics, waxaa kaloo uu dhisey muddadii dagaallada sokeeye Airportiga Cisiley oo dhanka waqooyi ka xiga magaalada Muqdisho. Bashiir Raage Shiiraar, waxaa uu ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedkii la dagaaley Maxaakiimta Islaamiga, waxaa uu noqday 2016-kii musharax madaxweyne Soomaaliya. Mar uu Gurbiye weydiiyey sababta waxaa uu sheegay inuu rajo-weyn ka qabo in uu doonayo in uu madaxweyne noqdo qof sita Baasaboor Soomaali ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho ( Caasimada Online) – War kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta ayaa looga hadlay Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan go’aanka Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku sheegay in uu hakiyay awoodda Ra’iisul Wasaaraha XFS. Golaha Midowga Musharixiinta ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid kahor imaaneysa Dastuurka Dalka isla markaana xad gudub ku ah howlaha shaqo ee Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble. “Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu dalka u horseeday Xasarad siyaasadeed & Qalalaase amni oo halis gelin kara Xasiloonida Soomaaliya, qoraalka uu soo saaray waxa uu muujinayaa in uusan ka tanaasulin damicii ahaa muddo kororsiga” ayaa lagu yiri Xaanshida kasoo baxday Golaha Midowga Musharixiinta. Golaha ayaa si jeediyay in beesha Caalamku ay u aqoonsato Farmaajo iyo lataliyaashiisa “Qaswadayaal” waxa ayna ka dalbadeen shacabka Soomaaliyeed in la garan istaago Ra’isul wasaaraha. Midowga Musharixiinta ayaa sheegay inay go’aankii kasoo baxay Farmaajo u arkaan: 1- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhammaaday uu si bareer ah ugu tuntay Dastuurka dalka, kana beensheegay qodobbadiisa. taasoo ka marqaati kacaysa in uusan ka soo bixin mas’uuliyaddiisa ilaalinta Dastuurka unna muuqdo shakhsi aan degenaansho siyaasadeed lahayn oo aan lagu aamini karin xilka ugu sarreeya ee dalka. 2- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu xagal daacinayo caddaalad u helidda kiska Ikraan Tahliil, gabbaadna siinayo eedaysanayaasha ku lug leh kiska, isla markaana carqaladeynayo habsami u socodka hawlaha doorashooyinka, gaar ahaan kuwa xildhibaannada gobollada waqooyi ee Somaliland iyo beelaha Banaadiriga oo labaduba ka dhacaya magaalada Muqdisho. 3-In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu si joogta ah u jebiyo heshiiskii la gaaray 27ka Maajo, wiiqana awoodda Raysal- wasaaraha, isla markaana awood gaar ah siiyo shabakado qarsoon oo barbar socda hawlaha Raysal-wasaaraha, kuwaasoo loo gorsheeyey in ay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday u boobaan doorashooyinka. Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay sidoo kale soo saareen todobo qodob oo badankood ay ku muujinayaan inay garab taagan yihiin Ra’iisul Wasaaraha, kuwaas oo kala ah. 1- In Raysal-wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta uu dardargeliyo hawlaha doorashooyinka, iyo caddaalad u helidda kiiska lkraan Tahliil. 2- In Golaha Wadatshiga Qaran uu shir deg-deg ah isugu yimaado si loo hawlgeliyo qorshaha doorashooyinka, dalkana looga saaro xaaladda kala guurka ah iyo khalkhalka siyaasadeed. 3- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday loo aqoonsado isaga iyo la taliyayaashiisa qaswadeyaal liddi ku ah xasilloonida dalka. 4- In Ciidanka Qalabka-sida ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda sida uu qabo qoddobka 127 ee Dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 Maajo. 5-In shacabka Soomaaliyeed, Dawlad-goboleedyada iyo beesha caalamkaba ku garab istaagaan Raysal-wasaaraha sidii u uu cadaalad ugu heli lahaa Kiiska Ikraan Tahliil iyo sidi deg-deg loogu qaban lahaa doorasho la isku raacsan yahay oo jawi xasillooni iyo nabad leh ku dhacda. 6- In laga fogaado wax kasta oo xasarad iyo dhillo colaadeed abuuri kara, meelna looga soo wada jeesto cid kasta oo isku dayda in ay dalka qalalaase amni ka abuurto. 7- Goluhu wuxuu markasta diyaar u yahay tallaabo kasta oo lagu xoojinaayo amniga iyo xasilloonida dalka. Halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka oo dhameytiran The post Midowga musharixiinta:- Farmaajo waa in loo aqoonsada Qaswade! appeared first on Caasimada Online.
  11. Golaha Midawga Mudharixiinta ayaa soo saaray war qoraal ah ay kaga jawaabayaan wareegtadii 16 septemper kasi baxday Villa Somalia taa oo lagu sheegay in lagu dhimay Awoodaha Ra’iisul Wasaaraha. Midawga Musharixiinta waxa ay gaashaanka udaruureen, awood dhimista Rooble iyagoo ku eedeyay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday in ku tumanayo shruucda Dalka uyaalla si uu U xagal-daaciyo cadaalad kiiska ikraan Tahliil. Ugu dambeyn Golaha aya si jeediyay in beesha Caalamku ay u aqoonsato Farmaajo iyo lataliyaashiisa “Qaswadayaal” waxa ayna ka dalbadeen shacabka Soomaaliyeed in la garan istaago Ra’isul wasaaraha. Source: goobjoog.com
  12. Kursi Laaluush iyo nacalada Allah lagu kasbaday lagama filayn in lagu helo tawfiiq, wadajir iyo horumar. Yaa gardaran Farmaajo iyo Rooble? 1- Farmaajo wuxuu khasaariyey 4 sano oo loo igmaday inuu: – Dhamaystiro dastuurka qabyada ah. – Inuu dhiso maxkamadda dastuurka si aysan u dhicin qalaalasaha siyaasaddaa dalkeena ragaadiyey. – In dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo codkiisa. – Inuu si fiican uga fiirsado qofka uu u magaacabayo Ra’iisal Wasaare, isagoo eegaya aqoontiisa, waayo aragnimadiisa iyo daacadnnimadiisa. – Madaxwaynaha waa inuu yahay hoggaamiye deggan oo sabur leh, fahmi kara sida looga dabaasho xiliyada adag isagoo u turaya dalka iyo dadka.. Hadaba, maxaa xal ah? Jaalle Madaxwayne, adigaa inoo keenay Khayre iyo Rooble, sidaa awgeed, waxay bi’yaan adaa masuul ka ah..blame yourself. Jaalle Madaxwayne, madal markhaati leh ayaad Rooble ku wareejisay awoodihii dawladda..Pay your price! Jaalle Madaxwayne, Qadiyadda murugsan ee Ikraan Tahliil waxa mas’uul ka ah kooxdaada, Rooble “Suudaanta” ma keenin. Jaalle Madaxwayne, waxaad lumisay kalsoonidii shacabka madaama aad fulinwaysay balamadii aad qaadatay, garabkaaga waxa ka baxay qaybtii fulinta ee dawladda, qaybtii garsoorka, maamul goboleeyada, murashaxiinta, ururada bulshada, culimada, iyo beesha caalamka. Jaalle Madaxwayne, waad ogtahay in aad magacaabi karto ra’iisal wasaare laakin aadan lahayn awood dastuuri ah aad ku ceeriso ama awoodda rai’sal wasaaraha aad ku xakamayso. Jaalle Madaxwayne, waxaad ogtahay in waqtigii laguu igmada kaa dhammaaday, fadlan madaxaaga ka cesho ciidda, islamarkaana dalka iyo dadka badbaadi. Ugu dambayn, Jaalle madaxwayne, waxaa kuu soo jeedinayaa inaad raacdo qaabkii uu ku tanaasulay madaxwayne Cabduallahi Yuusuf (Aun). A markhaati ka noqo inaan walaalkay, Jaalle Farmaajo, u naseexeeyey. Alloow Somaali tawfiiqda iyo tubta toosan waafaji. Aamiin W/Q: Xaaji Maxamed Yaasiin Cabdixakiin Cilmi Xasan Nairobi, Kenya AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Xaaji Maxamed Yaasiin: Cudur la filayey loo ma xauunsado appeared first on Caasimada Online.
  13. Ra’isul wasaare Maxamed Rooble ayaa waxaa wada hadal la yeeshay madaxda dowlad goboleedyada iyada oo laga wada hadlay xaaladda dalka, doorashada, khilaaf fulinta ee federaalka, kiiska Ikraan iyo arrimo kale. Waxayna ku balameen shir ka dhacaya Garoowe 23-ka bisha Akhriso: War Murtiyeedka. Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland, Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Hirshabelle; Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa caawa waxay khadka telefoonka uga wada hadleen xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya. Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah waxay ka xun yihiin khilaafka soo noq noqonaya ee hay’adaha Federaalka Soomaaliya oo ah mid aan u adeegeyn danta Qaranka, horseedina kara xasilooni darro amni iyo dib u dhac dowladnimada Dalka Soomaaliya ee xiliga kala guurka ah. Sidaa darteed, Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah waxay soo jeedinayaan qodobada soo socda: 1. In dhammaan wixii khilaafaad ah lagu xaliyo tubta wada hadalka, lana joojiyo qoraalada sii fogeynaya xal u helista khilaafka. Sidoo kalena, la tixgeliyo ku dhaqanka Dastuurka Kumeel gaarka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 2. In la ixtiraamo, laguna dhaqmo heshiisyadii ay horey u gaareen Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee 17 September 2020, 27 May 2021 iyo 22 August 2021. Lana sii xoojiyo wada shaqeyntii guulaha lagu gaarey ee u dhaxeysa Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee lagu fududeynayo qabsoomidda doorashada Dalka. 3. In Xaaladda baaritaanka Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax loo maro hannaanka Qaanuunka Dalka, iyadoo loo madax banaynayo hay’adaha ku shaqada leh. 4. Madaxweynayaashu waxay ugu baaqayaan Guddiyada Farsamo ee hirgelinta doorashada ee labada heer (FEIET iyo SIEIT) in ay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashada ee la saxiixay 22 August 2021. 5. Madaxweynayaashu waxay Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan ugu baaqayaan in laga wada qayb qaato xasiloonida iyo in Dalka ay ka dhacdo doorasho hufan oo nabad ah si Dalku u helo horumar dhinac kasta ah. 6. Madaxweynayaashu waxay Beesha Caalamka ka codsanayaan in ay dadajiyaan taageerada farsamo iyo dhaqaale ee hirgelinta doorashada. 7. Ugu dambeyn, Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay shir isugu imaanayaan Magaalada Garowe 21 – 23 September 2021 si ay uga arrinsadaan dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Dalka. Source: goobjoog.com
  14. Golaha Midowga Musharrixiinta Muqdisho, ayaa si adag u cambaareeyay Qoraalkii ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo, ee ku saabsanaa Hakinta Awoodaha Ra’iisul wasaaraha. War-murtiyeed uu soo saaray Golaha ayaa lagu sheegay in Madaxweyne, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dalka ku sii wado xasarad iyo qalalaase siyaasadeed, islamarkaana uusan weli ka quusan damaciisi mudda kororsiga. Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka oo dhan Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu si kulul u cambaaraynayaa qoraalkii Dastuurka baalmarsanaa ee 16/09/21 kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday, Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, kaasoo dalka u horseedaya xasarad siyaasadeed iyo qalaalase amni, islamarkaana halis gelinaya qarannimada Soomaaliya. Wuxuu kaloo qoraalkaasi caddayn u yahay in Madaxweynaha muddo-xileedkiisa idlaaday uusan weli ka quusan damiciisii ahaa in uu helo muddo-kororsi sharci-darro ah. Sida ku cad Dastuurka dalka, Madaxweyne muddo-xileed buuxa leh ayaan awood u lahayn in uu xil ka qaado, ama shaqo joojin ku sameeyo Raysal- wasaare, kuma sii jiro mid xileedkiisu dhammaaday. Madaxweynaha Muddo-xileedkiisu dhammaaday wuxuu si ulakac ah u jebiyey Dastuurka, kamana run sheegin qodobbada Dastuurka 87 iyo 90 ee uu qoraalkiisa ku daliishaday, kuwaasoo meelna kaga qorneyn xil joojin ama xil ka qaadis Raysal-wasaare. Haddaba, Goluhu wuxuu caddaynayaa mowqifkiisa ku aaddan qoraalkii kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday, wuxuuna u arkaa: 1- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhammaaday uu si bareer ah ugu tuntay Dastuurka dalka, kana beensheegay qodobbadiisa. taasoo ka marqaati kacaysa in uusan ka soo bixin mas’uuliyaddiisa ilaalinta Dastuurka unna muuqdo shakhsi aan degenaansho siyaasadeed lahayn oo aan lagu aamini karin xilka ugu sarreeya ee dalka. 2- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu xagal daacinayo caddaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil, gabbaadna 1 siinayo eedaysanayaasha ku lug leh kiiska, isla markaana carqaladeynayo habsami u socodka hawlaha doorashooyinka, gaar ahaan kuwa xildhibaannada gobollada waqooyi ee Somaliland iyo beelaha Banaadiriga oo labaduba ka dhacaya magaalada Muqdisho. 3- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu si joogta ah u jebiyo heshiiskii la gaaray 27ka Maajo, wiiqana awoodda Raysal- wasaaraha, isla markaana awood gaar ah siiyo shabakado qarsoon oo barbar socda hawlaha Raysal-wasaaraha, kuwaasoo loo qorsheeyey in ay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday u boobaan doorashooyinka. Goluhu isagoo ka duulaya qoddobka 103aad iyo qodobka 34aad ee Dastuurka iyo heshiiskii 27 Maajo ee doorashooyinka, ayuu soo jeedinayaa qodobbada hoos ku xusan: 1- In Raysal-wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta uu dardargeliyo hawlaha doorashooyinka, iyo caddaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil. 2- In Golaha Wadatshiga Qaran uu shir deg-deg ah isugu yimaado si loo hawlgeliyo qorshaha doorashooyinka, dalkana looga saaro xaaladda kala guurka ah iyo khalkhalka siyaasadeed. 3- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday loo aqoonsado isaga iyo la taliyayaashiisa qaswadeyaal liddi ku ah xasilloonida dalka. 4- In Ciidanka Qalabka-sida ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda sida uu qabo qoddobka 127 ee Dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 Maajo. 5- In shacabka Soomaaliyeed, Dawlad-goboleedyada iyo beesha caalamkaba ku garab istaagaan Raysal-wasaaraha sidii u uu cadaalad ugu heli lahaa Kiiska Ikraan Tahliil iyo sidii deg-deg loogu qaban lahaa doorasho la isku raacsan yahay oo jawi xasillooni iyo nabad leh ku dhacda. 6- In laga fogaado wax kasta oo xasarad iyo dhiillo colaadeed abuuri kara, meelna looga soo wada jeesto cid kasta oo isku dayda in ay dalka qalalaase amni ka abuurto. 7- Goluhu wuxuu markasta diyaar u yahay tallaabo kasta oo lagu xoojinaayo amniga iyo xasilloonida dalka. PUNTLAND POST The post Midowga Musharrixiinta oo si adag u cambaareeyay Qoraalkii Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  15. Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka u dhaxeeyo Ra’isulwasaare Xukuumadda Soomaaliya iyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Laftagareen oo ugu horeyn ka hadlay dhex-dhexaadintii ay ka dhex wadeyn Ra’isulwasaaraha iyo madaxweynaha, wuxuuna sheegay inay weli ku rajo weyn yihiin in wax kasta lagu dhameeyo wada-hadal iyo isfaham. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xusay in khilaafka u dhaxeeyo labada mas’uul ee dalka ugu sarreeyo uu dib u dhac u keeni karo dalka iyo doorashadii la filayey inay Soomaaliya ka dhacdo. Wuxuu sheegay in si looga hortago inuu dalka galo xaalad hubanti la’aan ah ay sii wadi doonaan dhex-dhexaadintii ay ka dhex wadeyn madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha. Hadalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu xoogeystay khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, isla markaana ay soo saareen qoraalo iska soo horjeeda. Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal u Shalay soo saaray ku sheegay inuu awood dhimis ku sameeyey Ra’isuwlasaare Maxamed Xussen Rooble oo uu horey ugu wareejiyey qabashada doorashada iyo qorsheynta amniga. Halka Ra’isulwasaare Rooble uu qoraalkaas ku tilmaamay mid baalmarsan dastuurka dalka isla markaasna uusan u hoggaansami doonin. The post Laftagareen oo ka hadlay khilaafka Farmaajo & Rooble appeared first on Caasimada Online.
  16. Ilhan Omar, 23, a recent college graduate, aspiring social worker and daughter of Somali refugees, was concerned by how many people in her San Diego immigrant community seemed to have difficulty accessing appropriate medical care. Source: Hiiraan Online
  17. “Somali Excellence”: That’s the term used to describe the September 4 Somali Diaspora Conference that took place in the Sheraton Bloomington Hotel where over 500 young Somalis from around the globe took part in a two-day conference centered around culture and self-development. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Warqaddii shalay kasoo baxday madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee uu ku sheegay inuu ku hakiyey awoodaha ra’iisul wasaare Rooble waxay xog weyn ka bixisay halka uu marayo dagaalkooda. Waxaa warqadda ku jirta jumlad uu Farmaajo ku muujiyey in dagaalka looga adkaanayo, welibana halka ugu muhiimsan oo ah maamulka dhaqaalaha dowladda. Farmaajo ayaa jumladdaas ku yiri “Markuu arkay in Wasiirka Koowaad uu sameynayo isku day ku xadgudub xuquuqda iyo mushaaraadka Ciidamada Qalabka sida iyo awood si khaldan u isticmaalid hay’adaha qaarkood.” Sida ay ogaatay Caasimada Online, qeylo dhaanta Farmaajo ayaa la xiriirta xog aan saaka hore daabacnay oo aheyd in wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle uu maamulka maaliyadda hay’adda NISA ku wareejiyey agaasimaha uu ra’iisul wasaare Rooble magacaabay, Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe”. Ayada oo xilka agaasinka NISA ay ku loolamayeen Bashiir Goobe iyo Yaasiin Farey oo uu magacaabay Farmaajo, ayaa u gacan-gelinta maamulka maaliyadda hay’adda ee Bashiir Goobe waxay ka dhigan tahay in loolanka uu isaga ku adkaaday. Waxay tani sidoo kale keeni doontaa in ciidamada Duufaan ee NISA oo Farmaajo taageersan aysan helin mushahar haddii aysan soo raacin ciidanka kale, si la mid ahna saraakiisha sare iyo hoggaanka ciidanka hay’adda. Halka uu Farmaajo ku leeyahay “awood si khaldan u isticmaalid hay’adaha qaarkood,” waxaa sida aan ogaanay loola jeedaa hay’adaha maaliyadda dalka sida wasaaradda maaliyadda iyo bankiga dhexe oo ayagana taabacsan ra’iisul wasaaraha. Rooble ayaa toddobaadkii tegay soo saaray amar uu hay’adahaas ku faray in lacag uusan isaga saxiixin aan la bixin karin, taasi oo ay u hoggaansameen maalin kadib markii uu kulan la yeeshay. Sidaas darteed, Jumladdaas ku jirtay qoraalka Farmaajo, waxay muujisay in Rooble uu gacanta ku dhigay maamulka dhaqaalaha dowladda, waana taas sababta Farmaajo u carooday ee uu warqad kale oo wiifto ah usoo saaray. The post Qoraalka Farmaajo oo ay ku jirto jumlad uu ku qiranayo in looga adkaaday dagaalka appeared first on Caasimada Online.
  19. Somali Journalists Syndicate (SJS), Somali Media Association (SOMA), and Robert F. Kennedy Human Rights welcome the opinion of the United Nations Working Group on Arbitrary Detention (UNWGAD) declaring the arrest and detention of our client, journalist Mohamed Abdiwahab Nuur (“Abuuja”), in Somalia arbitrary and in violation of international law. Source: Hiiraan Online
  20. A leading member of the local Somali community who was found with €160,000 in undeclared cash at the airport has pleaded not guilty to money laundering. Source: Hiiraan Online
  21. Qoraallo Weerar & Weerar-celina oo ay isdhaafsadeen Farmaajo & Rooble DARDARGELINTA DOORASHOOYINKA IYO HAKINTA AWOODAHA WASIIRKA KOOWAAD pic.twitter.com/22lXIkguYK — Villa Somalia (@TheVillaSomalia) September 16, 2021 Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo si adag uga jawaabay Wareegtadii ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo bayaan ka soo saaray qoraalkii baal marsanaa dastuurka dalka ee ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha. Kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ka arkay Warbaahinta Warqad baalmarsan Shuruucda dalka oo ka soo baxday Xafiiska Madaxwaynaha, wuxuu soo saaray; A- Ku xadgudubka sharciga 1- Warqadda ka soo baxday Madaxwaynaha ee cinwaankeedu ahaa hakinta Awoodaha Wasiirka koowaad iyo dardargalinta Doorashada dalku, waa mid si cad u hareer marsan Dastuurka KMG ah ee Qaranka wuxuuna si cad ugu been abuurtay qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka oo aan meelna looga xusin in uu Madaxwaynuhu faragalinkaro Awoodaha Dastuuriga ah ee Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa. 2- Madaxwaynuhu wuxuu si ku talo gal ah ugu tuntay Qodobka 99-aad ee Dastuurka Xarfihiisa {A} {B} {C} {D} {E} {F} {G} {H} kuwaas oo dhamaantood qeexaya in Xukuumaddu awood buuxda uleedahahay dajinta siyaasadda Guud ee Xukuumadda iyo dhaqangalinteeda, Ogolaanshaha iyo Fulinta Xeerarka Maamulka, Diyaarinta Miisaaniyad Sanadeedka iyo Xisaabxirkeeda, Dhaqangalinta Shuruucda, Sugidda Nabadgalyada Dalka, Ilaalinta Danaha Dawladda, Magacaabista iyo xil ka qaadista Saraakiisha sarsare ee Dowladda, wuxuu sidoo kale Madaxwaynuhu jabiyay qodobka 100-aad oo Ra’iisul Wasaaraha awood u siinaya Magacaabista iyo Xil ka qaadista golaha Wasiirrada. 3- Madaxwaynuhu wuxuu jabiyay Qodobka 103-aad ee Dastuurka KMG ah oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa Xaq u siinaya in ay hayaan awoodda fulinta ee dalka inta u dhaxaysa taariikhda Doorashada Guud iyo marka la dhaariyo Ra’iisul Wasaare cusub iyagoo waajibaadkooda u fulinaya si caadi ah. 4- Madaxwaynuhu wuxuu iska indhatirayaa Qodobka 91-aad ee Dastuurka oo qeexaya mudada xil-haynta Madaxwaynaha oo ah Afar Sano oo ka bilaabata maalinta Xilka loo dhaariyo kuna ekayd 8-Feebaraayo ee Sanadkaan isagoo isku dayaya in uu faragaliyo Awoodaha Dastuuriga ah ee Xukuumadda si uu u abuuro fowdo iyo deganaasho la’aan. 5- Haddaba iyadoo laga duulayo sarraynta Sharciga, Ra’iisul Wasaaruhu isaga oo xiganaya Qodobka 4-aad Faqradiisa koowaad ee Dastuurka KMG oo qeexeysa in Xukuumaddu u hoggaansameyso oo kaliya Go’aannada waafaqsan Dastuurka wuxuu cadaynayaa in aanay waxba ka jirin Warqadda Sharci darrada ah ee ka soo baxday Madaxwaynaha loona hoggaansamaynin. B- Carqaladaynta Doorashooyinka iyo Siyaasadaynta Nabadgalyada iyo Dhaqaalaha Dawladda. 1- Madaxwaynaha oo Mas’uuliyadiisu ay ahayd in uu dalka ku hago Doorashooyin daahfuran oo dimuquraadi ah ayaa ku guul daraystay in uu fuliyo waajibaadkaas Dastuuriga ah taas oo keentay in la gaaro heshiiskii 17-kii September 2020 oo Ra’iisul Wasaaraha loogu igmaday in uu fuliyo heshiiskaas si ay dalka uga dhacdo Doorashadii lagu heshiiyay. 2- Nasiib darro, Madaxwaynuhu isagoo isticmaalaya qaar ka mid ah Hay’adaha Amniga iyo Xafiiskiisa wuxuu maalmo gudahood bilaabay in uu ku dhaqaaqo falal uu ku fashilinayo Doorashada, jabinaya Heshiiskii la gaaray, waxyeelaynaya Awoodda Ra’iisul Wasaaraha isla markaana abuuray Khilaaf baahsan taas oo ugu danbayn uu Madaxwaynuhu qaaday isku daygii dhiigu ku daatay ee Muddo korarsiga ahaa oo aanu wali ka tanaasulin Madaxwaynuhu. 3- Madaxwaynuhu wuxuu bilihii la soo dhaafay qaadayay talaabooyin uu ku carqaladaynayo awoodihii Dastuuriga ahaa ee uu Baarlamaanka hortiisa dib ugu celiyay Ra’iisul Wasaaraha, ee hoggaaminta Amniga iyo Doorashooyinka Dalka, wuxuu sidaas oo kale isku dayay burinta heshiiskii 27-May 2021 oo lagu soo afjaray qalalaasihii ka dhashay Go’aankii muddo kororsiga ee Madaxwaynaha ee 12-April 2021. 4- Si la mid ah xasaradihii uu abuuray Madaxwaynuhu 25-kii Bishii April ee keenay kala jabkii Ciidanka Qaranka iyo barakicii Dadweynaha Muqdisho, Warqadda Sharci darrada ah ee uu soo saaray Madaxwaynuhu waxay daliil ut ahay in aanu wali ka tanaasulin damaciisii ahaa in uu dalka ku celiyo Colaad Sokeeye ama si aan Sharciga waafaqsanayn ku joogo xafiiska Dalka ugu sarreeya. C- Dardargalin howlaha Hay’adaha Dowladda iyo Doorashooyinka. 1- Si waafaqsan qodobada 99-aad, 100-aad iyo 103 ee Dastuurka, Ra’iisul Wasaaruhu, wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha Dowladdu in ay si caadi ah u gutaan waajibaadkooda Shaqo ee u adeegista Shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta Danaha Qaranka. 2- Si waafaqsan heshiisyadii 17-September 2020, 27-kii May 2021, iyo 22-kii August 2021 ee uu gaaray Golaha Wadatashiga Qaranka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu farayaa dhammaan Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed in ay dardargeliyaan dhameystirka Doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka iyagoo ilaalinaya jadwalka guud ee doorashooyinka Dalka. 3- Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku boorrinayaa Madaxwaynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah in ay u fududeeyaan Guddiyada Doorashooyinka gudashada waajibaadkooda shaqo si loo dhammeystiro Doorashooyinka Dalka. 4- Si waafaqsan Qodobka 127-aad Faqradihiisa {B} {C} {E} ee Dastuurka Qaranka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu farayaa Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida in aanay ku milmin arrimaha Siyaasadda, dhawraan Talinta Sharciga ee Hay’daha Dimuquraadiga ah iyo ilaalinta Dastuurka, isla markaana sii wataan waajibaadka ka saaran ilaalinta Nabadgalyada Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Xasiloonida guud ee Qaranka. 5- Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu qaybaha kala duwan ee Ciidammada Qaranka ku bogaadinayaa sida geesinimada iyo naf-hurista leh ee ay ugu adeegayaan dalkooda, wuxuuna u xaqiijinayaa in xukuumadda ay ka go’antahay joogteynta Xuquuqda Ciidamada iyo qaadista tallaabo kasta oo garab -istaag u ah Geesiyaasha u taagan Difaaca Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed. 6- Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in aan la aqbali karin in Miisaaniyadda qaybo ka mid ah Hay’adaha dowladda loo isticmaalo si ka baxsan nidaamka hufnaanta maaliyadda ee Dalka waana in hay’adaha Maaliyaddu ku taagnaataa u hoggaansanaanta Wareegtadii Ra’iisul Wasaaraha ee soo baxday 09-kii Bishaan oo ku salaysnayd isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta. Baaq. 1- Sida uu qabo Qodobka 3-aad ee Dastuurka KMG ah, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusuusinayaa Madaxwaynaha in uu ilaaliyo mabaadi’da aas-aasiga ah ee kala soocnaanta Awoodaha hay’adaha Dowladda, joojiyaanna faraglinta uu ku hayo xukuumadda iyo Garsoorka oo tusaale ay u tahay sida uu isugu dayayo in uu hor-istaago Caddaalad u helista Ikraan Tahliil Faarax 2- Ra’iisul Wasaaruhu isagoo ilaalinaya Danta Guud ee Qaranka iyo nidaamka Dawlad-nimada, wuxuu ugu naseexaynayaa Madaxwaynaha in uu joojiyo ku xad-gudubka Dastuurka Qaranka, Jabinta Heshiisyadii Doorashooyinka, Carqaladaynta hawlaha Xukuumadda, abuurista Xasiloonidarrada iyo isku dayga sadbursiga Doorashooyinka oo ay tahay in ay usinaadaan dhamaan Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxwaynaha. 3- Ra’iisul Wasaaruhu, wuxuu ugu baaqayaa Shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan daganaasho, ilaaliyaan Nabadgalyada, kuna garab-istaagaan Xukuumadda in ay dhamaystirto Doorashooyinka Dalka oo ah waddada kaliya ee furan si aan uga baaqsano dib unoqosho. 4- Ra’iisul Wasaaruhu, isagoo uga mahadcelinaya doorkooda, wuxuu ugu baaqayaa beesha Caalamka in ay ku gacansiiyaan Xukuumadda dhamaystirka Doorashooyinka iyo ka hortagga isku day kasta oo lagu carqaladaynayo Doorashooyinka, wuxuuna si gaar ah u xusuusinaynaa in il gaar ah lagu hayo shaqsiyaadka ku hawlan fashilinta Doorashooyinka iyo abuurista Xasiloonidarro Siyaasadeed iyo mid Amni. Balanqaad. Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxeey ubalanqaadaysaa Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka in ay xoogga saarayso dhamaystirka Doorashooyinka, Ilaalinta Nabadgalyada, iyo dhawrista Nidaamka Dawladnimada si hugaanka dalku loogula kala wareego si nabadgalyo ah. Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan Soomaaliya ayaaka fal-celiyey wareegtadii shalay ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Farmaajo ee ku sheegay in uu hakiyey awoodihii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble. Haddaba waa kuwan siyaasiyiinta ka hadlay iyo qoraalladooda. Cabdullaahi Goodax Barre: Waxaan aad uga xumahay xaaladda cakiran iyo jahwareerka uu dalka geliyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday. Waa sharci darro wuxuu maanta sameeyay, mana jirto meel ay uga qoran tahay Dastuurka KMG inuu shaqada ka joojin karo Ra’isul Wasaaraha XFS. Cabdi Faarax Juxa: Madaxweyne Farmajo: “Aniga ama waxba”. Qalinka Farmajo khad sharciyadeed ma laha, warkiisuna wuxuu keli ah ka dhigan yahay aan is-dillo. Xilligan cidda keli ah oo haysata heshiis siyaasadeed oo ay u dhan yihiin Dawlad-goboleedyada iyo mid sharci oo ah xilgaarsiin waa Xukuumadda R/W Rooble. R/W Rooble ayey xilliga kala guurka ah saaran tahay amaanada iyo kalsoonida Soomaaliduba. Awood-dhimis R/W waa erey cusub oo Farmajo kusoo kordhiyey luuqadda siyaasadda Soomaalida. Dawlad-goboleedyada, shacabka Soomaalida iyo Beesha Caalamkuba waa inay is-garab taagaan R/W Rooble si uu dalka doorasho u gaarsiiyo. Taabit Cabdi Maxamed: Ninkii geedka tab looga dago garan waayay ee ka soo dhacay, baa laga hayaa “Dagashadaba ka Fudud.” Villa Somalia oo markii horeba qaaday waddo dhammaadkeedu cirif tahay, ayaa maanta cirifkii iska tuurtay, waana meesha uu damaca dhukan iyo ku tagrifal awood ku idlaado. Madaxweyne sharciyad ku jooga ayaanan laheyn awood dastuuri ah ee uu ku hakin karo ama xil uga qaadi karo Raisulwasaare, iskaba daayee isaga oo muddo xilleedkiisii dhammaaday. Qoraalka Villa Somalia waa in R/W Rooble laga weeciyo hawlihiisa dastuuriga ah ee dardar gelinta doorashada, sugidda amniga, ilaallinta dhaqaalaha ummadda xilligan kala guurka iyo hor-istaag caddaalad u raadinta #IkraanTahliil iyo qoyskeeda. Waxaan shacabka Somaaliyeed & dunida saaxiibka la ah Soomaaliya ugu baaqayaa in si buuxda loo garab istaago sharciga, caddaaladda iyo hannaanka doorasho ee RW Rooble hormuudka u yahay. Xasan Maxamed Muungaab: Tallaabada uu maanta qaaday Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo, waa sharci darro, mana jirto meel ay Dastuurka KMG ah uga qoran tahay inuu Madaxweyne shaqada ka joojin karo Ra’iisal Wasaaraha. Warqadda uu soo saaray Farmaajo waa is-miidaamin siyaasadeed, falaad iyo foori diiran, sii hurin khilaafkii siyaasadda iyo abuurista jawi keena qalalaase amni. Ra’iisal Wasaaraha iyo Xukuumadda markay waayaan kalsoonida Baarlamaanka JFS kaliya ayuu Madaxweynuhu xilka ka qaadaa sidda ku cad qodobka 90-aad, Xarafka (d) ee Dastuurka KMG ah. Ujeedada ugu weyn ee uu ka leeyahay waa inuu ku hor istaago dadaalada lagu doonayo in Kiiska Ikraan Tahliil laga gaaro caddaalad, lana caddeeyo ciddii mas’uulka ka ahayd. Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baqayaa in ay garab istaagaan dadaalada uu wado Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee lagu doonayo in Dalka ay ka dhacdo Doorasho hufan iyo in Ikraan Tahliil ay hesho Caddaalad. Wasiir KhadiijaMaxamed Diiriye: “Dastuurka KMG ah qodobadiisa waa cad yihiin xarfihiisa T J X KH D R yaan la isku marin habaabin. Haddaan mid kaliya ka soo qaato, madaxweynaha awoodiisa Dastuurka ugu qoran waa mid kaliya oo ah hebel hebel ama fulaan fulaan ayaan u magacaabay Ra’iisul Wasaare, laakiin qofka uu magacaabo kuma noqon karo Ra’iisul Wasaare magacaabista madaxweynaha kaliya oo taasi awoodiisa kama mid aha, waa laga diidi karaa qofkaas ama wuxuu heli karaa xasaanada Golaha Shacabka”. The post Falcelin weyn oo ka dhalatay wareegtadii yaabka laheyd ee kasoo baxday Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  23. Wiilka ka mida carruurta Cusama Bin Laden muxuu ka yidhi ‘jihaadka’ uu aabbihii ku jiray? Wiilkii ugu yaraa caruurtii uu dhalay hoggaamiyihii Al-qaacifda Osama bin Laden ayaa sheegay inuu ka yaxyaxo kana naxo falkii uu sameeyay ururka uu mar hoggaamiyaha ka ahaa aabihiis ee ka dambeeyay weerarkii 11 -kii September sanadkii 2001 -dii. “Way igu adkayd inaan rumeysto inuu leeyahay awood uu ku abaabulo wax caynkan oo kale ah. Maalintaas waxay beddeshay nolosheena, aad bayna u adkeyd inaan sii noolaano wixii ka dambeeyay markaa ,” ayuu yiri Cumar Bin Laden oo 40 jir ah oo wareysi bixiyay toddobaadkii hore.Wuxuu sheegay inuu dareemay “ceeb iyo argagax” falalka aabihiis uu ku kacay dartood.Farshaxaniistahan oo 40 jir ah kuna nool magaalada Normandy ee dalka Faransiiska ayaa sheegay inuu dadaal ugu jiro sidii uu u qaban lahaa booska aabihiis oo ah hoggaamiyaha Al Qaacida balse uusan awoodin. Cumar bin Laden ayaa wareysi siiyay wakaaladda wararka ee AP xili uu ku sugnaa magaalada Qaahira ee dalka Masar, wuxuuna shaaca ka qaaday in qaar badan oo ka mid ah carruurtii aabbihiis la joogay Afgaanistaan ay u baxsadeen Iiraan ka dib duulaankii Maraykanku hoggaaminayey sanadkii 2001, welina ay ku wada jiraan xayndaab ay ilaaliso Iiraan. Wuxuu sheegay in falalka Al-qaacidda sameysay ay nolashiisa saameyeen. Cumar Bin Laden ayaa wuxuu sheegay inuu jeclaan lahaa inuu helo fursad uu ku booqdo Israa’iil iyo Mareykanka.Wuxuu yiri:”Waan ogahay inay yihiin waddamo qurux badan, dad badan oo ku noolna waxay rabaan inay nabadda kala shaqeyaanFalastiiniyiinta,” .Cumar bin Laden wuxuu sheegay in loo soo bandhigay fursado uu casharro ku saabsan nabadda kaga bixiyo jaamacadaha dalalkaas uu kor ku soo sheegay. “Waa dal quruxsan, dad badanna waxay doonayaan inay nabad la yeeshaan Falastiiniyiinta”, ayuu yiri isagoo ka hadlyay Israa;iliyiinta. Omar bin Laden hooyadii ayaa ka soo jeeda yuhuud, waxaana laga dalbaday marar badan inuu khudbada ku saabsan nabadda ka jeediya jaamacada ku yaalla Israa’iil, sida uu ku sheegay wareysiga. Qaran News