Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga maamulka doorashada kuraasta labada Aqal ee Somaliland ayaa soo saaray jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee gobollada waqooyi, taas oo la guda gelayo maalinta Khamiista ah ee 23-ka bishaan, sida ku cad jadwalka. 23-ka bishaan oo ku beegan maalinta Khamiista ah ee soo socota waxaa la diiwaan gelinayaa musharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland, waxayna diiwaan gelintu socaneysaa ilaa maalinka Sabtida ah ee 25-ka bishan. Axadda 26-ka Septembar waxaa tababar loo furayaa ergada soo dooraneysa senatorrada Aqalka Sare ee gobollada waqooyi, halka maalinka xiga ee 27-ka la dhageysan doono hadal jeedinta musharaxiinta. Maalinka Talaadada ah ee 28-ka bishan ayaa loo qorsheeyey inay bilaabato doorashada Aqalka Sare ee xubnaha metelaya Somaliland, waxayna ku egtahay 30-ka bishaan September. Seddax maalmood oo kala ah, 28-ka, 29-ka iyo 30-ka bishaan ayey Muqdisho ka dhaceysaa doorashada 11-ka kursi ee Somaliland ku metesha golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, jadwalkana laguma cadeyn tirada kuraasta maalinkii la dooranayo. Jadwalkaan uu soo saaray guddiga maamulaya doorashada labada Aqalka ee xildhibaanada Somaliland waxuu ku soo aaday saacado kadib markii guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ay R/Wasaare Rooble u gudbiyeen liiska musharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare. Hoo ka eeg jadwalka The post Maalmaha ay dhaceyso doorashada Aqalka Sare ee Somaliland oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
  2. Hashi decided to have no a co-contestant Mogadishu (Commentary) — The Chairman of the Somalia Upper House Abdi Hashi will probably be selected as a senator without a political best man (malxiis siyaasadeed) competing with him. The political best man is a new addition to the Somali political lexicon. The electoral agreement grants Federal Member States the privilege to oversee the selection of Senators by Federal Member State Parliaments. This agreement gives Somaliland political leaders in Mogadishu an opportunity to exercise a similar authority during the selection process. Since Hashi even dispensed with the practice of selecting a make-believe co-contestant. Hashi, the co-chairman of Somaliland political leadership in Mogadishu, has handpicked 40% of the people who will cast their votes to select Somalialand Senators in Mogadishu. Professor Abdi Samatar seeks to join a legislature he derides The other surprising development is the inclusion of Professor Abdi Ismail Samatar, a vocal critic of the incumbent Somalia President, in the list of candidates. Only last week the BBC Somali Service interviewed him as an analyst on account of his past academic work on Somalia. He said that clan militias in Mogadishu may be revived if President Mohamed Abdullahi Mohamed “does not change his way”. Who thought the Minnesota University Professor of Geography will become a torchbearer for warlordism? Samatar is contesting one of the two seats allocated for Awdal. In April Professor Samatar called for clan militias in Mogadishu to kick out the United Nations Mission. The would-be senator from Awadal requires a political induction course on what to say and what not to say when political tensions rise. By Adan M. Dawad The post Somalia Upper House Chairman Needs Neither a Competitor nor a Political Best Man appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya waan-waanta laga dhex-wado Farmaajo iyo Rooble ayaa sheegaya inay weji cusub galeen caawa, ayada oo Farmaajo uu soo bandhigay laba qodob oo uu heshiis ku qaadan karo. Dadaalladan ayaa waxaa wada guddoomiyaha golaha shacabka ee waqtigu ka dhacay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo ay wehliyaan wasiiro ka tirsan xukuumadda. Xog cusub oo aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweyne Farmaajo uu caawa la kulmay madaxweyne Qoor Qoor, wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Carab iyo wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Farmaajo uu soo bandhigay laba qodob oo kala ah: 1- In Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur loo wareejiyo wasaaradda arrimaha gudaha, islamarkaana wasaaradda amniga loo magacaabo shaqsi ka imanaya dhankiisa. 2- In Bashiir Goobe, oo uu Rooble u magacaabay taliyaha NISA, la geeyo meel kale oo aan aheyn Taliska NISA, oo uu Farmaajo keensado qof uu u soo magacaabo isaga. Sida ka muuqata labadan shuruud ee uu soo bandhigay, Farmaajo ayaa aad u daneynaya inuu gacanta ku dhigo hay’adaha amniga, taasi oo haddii Rooble uu aqbalo u suurta-gelin karta inuu mar kale si qaldan u adeegsado ciidamada. Ma cadda in Rooble aqbali doono labadan shuruud, balse waxaa maanta jiray warar sheegaya in Rooble lagu cadaadinayo inuu isaga tanaasule, kadib markii Farmaajo uu diiday inuu tanaasulo, sida uu sheegay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur. “Waxaa boggaadin mudan waanwaan kasta oo xiisada lagu dejinayo, waxaanse ka xumahay in qoladii waanwaanta ku jirtay ay ka soo quusteen Farmaajo oo ay Rooble ku cadaadinayaan in uu tanaasulo. Tanaasul iyo gorgortan lagama geli karo xagal daacinta caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil, iyo gabbaad siinta eedeysanayaasha kiiska, iyo in R/W uu hoggaamiyo amniga iyo doorashooyinka dalka,” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur qoraal uu soo dhigay bariisa Facebook. Sida ka muuqata labada shuruud ee uu wato Farmaajo, in xal laga gaaro wada-hadalladan ayaa weli fari ka qodneyn, mana muuqata in Rooble uu aqbali doono arrimahan, sida ay saadaaliyeen xubno ku dhow. The post Xog: Farmaajo oo la yimid laba shuruud iyo wararkii ugu dambeeyey dhex-dhexaadinta appeared first on Caasimada Online.
  4. Guddiga hirgelinta doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada Aqalka sare ee Somaliland. Jadwalka ayaa lagu sheegay in shaahado bixinta iyo diiwaan gelinta musharixiinta ay dhici doobto maalmaha Khamiista iyo Sabtida ee soo aaddan. Jadwalkan ay soo saareen guddiga ayaa sidoo kale lagu shaaciyay in maalinta Axadda ah ee todobaadka soo socda Tababar la siin doono Ergada senatorada dooraneysa halka Isniinta ay musharixiinta Aqalka sare . Musharixiintaan oo kor u dhaafaya 20-musharax ayaa ku tartamaya 11- kursi oo Somaliland Aqalka sare ay ku leedahay. Doorashada Kuraastaan ayaa qabsoomi doonto Maalmaga Talaadada, Arbacada iyo Khamiista ee todobaadka soo socda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Sudan’s PM Abdalla Hamdok says people involved in coup attempt were ‘arrested for the first time’, adding that previous attempts were made. Source: Hiiraan Online
  6. Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa eedeymo dhowr ah oo culus u jeediyay ururka uu hoggaamiye madaxweyne Deni ee Kaah. War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Mideeye ayaa lagu sheegay in ururka Kaah uu ku ololaynayo deeqaha hay’adaha safamafalka iyo waxqabadka dowladda ee loo siman yahay. “Kaararka quudinta dadka danyarta ah oo ay hay’adaha samafalku ugu talagaleen in lagu badbaadiyo noloshooda ayaa loogu hanjabay in dowladdu ka wareejin doonto, ciddii u coddeyn wayda ururka Kaah” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Mideeye. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay Kaah in uu codbixiyeyaasha kaararka qaatay uu kula gorgortamay lacag, kuna dirqinayo in ay u codeeyaan. Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland u jeediyay in ay u kuurgalaan arrimahaas. Puntland Post oo xubno ka tirsan ururka Kaah wax ka weydiisay eedeymaha loo jeediyay, waxay ka gaabsadeen in ay jawaab bixiyaan. PUNTLAND POST The post Puntland: Kaah oo lagu eedeeyay in uu ku ololaynayo kaalmada hay’adaha Samafalka appeared first on Puntland Post.
  7. Mogadishu (HOL) - Somalia's Federal Minister of Internal Security Abdullahi Mohamed Nur received Qali Mohamud Guhaad, the mother of Ikraan Tahliil Farah and other members of Ikraan Tahliil's family in his office in Mogadishu on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Guriga uu Madaxtooyada Soomaaliya ka degan yahay Agaasimihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa waxaa hadda ka socda shir xasaasi ah oo taliyeyaasha ciidamada uu la leeyahay Fahad Yaasiin. Ilo-wareedyo ku dhaw shirkaan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in guriga Fahad Yaasiin ee Madaxtooyada ku dhex yaalla uu shir uga socdo Fahad iyo taliyeyaasha Booliska Jeneraal Xijaar, Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, ku simaha NISA uu u magacaabay Madaxweyne Farmaajo Yaasiin Farey iyo saraakiil kale. Lama oga qorshaha ka dambeeya shirkaan caawa u socoda Fahad Yaasiin iyo taliyayaasha ciidamada, balse waxaa muuqato in Fahad weli uu saameyn weyn ku dhex leeyahay taliyeyaasha ciidamada, islamarkaana imaatinkiisa Muqdisho uu xaaladda iyo loolanka siyaasadeed ee dalka wax ka beddeli karo. Fahad Yaasiin ayaa saakay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib maalmo uu ku xayirnaa dalka Turkiga, ayada oo wararka ay sheegayaan inuu ku yimid diyaarad khaas ah. Maqnaanshaha Fahad ayaa loo arkay inay qeyb ka aheyd guul-darrooyinka siyaasadeed ee uu toddobaadyadii dhowaa wajahayey Farmaajo, oo warbaahintii iyo dhaqaalaha dowladda uu kala wareegay Rooble. Kulankaan oo hadda ka socda gudaha Villa Somalia waxuu ku soo aadayaa, iyadoo maanta ay dhaceen kulamo dhowr ah oo ku saabsan waan waanta laga dhex wado Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble. Guddiyo ay hoggaaminayaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Guddoomiyaha golihii waqtigu ka dhamaaday ee shacabka Maxamed Mursal ayaa dhawaan isku howlay inay xaliyaan khilaafka Farmaajo iyo Rooble, balse illaa hadda ma jirto wax horumar ah oo laga gaaray wadahadalladii dhacay, inta la ogyahay. The post Xog: Shir xasaasi ah oo hadda u socda Fahad Yaasiin iyo taliyeyaal ciidan appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Onine) – Wasiirka cusub ee Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qaaday tallaabo weyn oo la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil Faarax kadib markii uu xafiiskiisa ku qaabilay hooyada Ikraan, Qaali Maxamuud Guhaad. Wasiirka Amniga oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qoyska Ikraan Tahliil ay wasaaradda Amniga ka dalbadeyn inay magaalada Muqdisho ka dhigtaan banaanbax nabadeed oo ay caddaalad ugu raadinayaan Ikraan, kaasi oo dhowr mar laga hor-istaagay. Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradda oo cuksaneyso dastuurka dalka ay qoyska Ikraan Tahliil Faarax u ogolaatay inay qabsadaan banaanbax nabadeed taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid dastuuri ah. “Qoyska oo ay ugu horeyso maamada waxay iga dalbadeyn codsi ku aadan banaanbax nabadeed oo ay ku dalbanayaan xuquuqdii aan u raadinayey walaasheen Ikraan Tahliil Faarax, waxaan rabaa inaan qoyska iyo bulshada Soomaaliyeed u xaqiijiyo in wasaaradda amniga ay siineyso fasax ku aadan banaanbaxaas,” ayuu yiri Wasiirka Amniga. “Dastuurka dalka qodobkiisa 20-aad ayaa qeexaya in muwaadin kasta uu xaq u leeyahay inuu aragtidiisa usoo bandhigo si xor ah, haddii ay ahaan laheyd isku imaatin, dibadbax nabadeed iyo haddii uu si shakhsi ah warbaahinta ula hadlayo,” ayuu sii raaciyey. Wasiir Cabdullaahi ayaa ugu baaqay dadka kasoo qeybgalayo banaanbaxaas inaysan ku xad gudbin xuquuqda dadka kale iyo dalkaba oo aysan dhibaato u geysan laamiyada iyo ganacsiyada isla markaasna uu banaanbaxooda noqdo mid nabadeed. Sidoo kale, wasiirka ayaa hey’adaha Amniga faray inay sugaan amniga muwaadiniintaas, sida sharciga ah usoo dalbaday inay dhigaan banaanbax nabadeed. “Waxaan u arkeynaa ciddii banaanbaxaas ka hor timaado ama qashqashaado inay kaalmeenayaan ciddii dhibaatadaan geysatay, waa xaq dastuuri ah oo ay leeyihiin ma dhici karto in la qashqashaado sidii marar badan dhici jirtay mana aqbaleyno,” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi. Ugu dambeyntii Wasiir Cabdullaahi ayaa qoyska Ikraan Tahliil u ballan qaaday inaan lagu dulmin doonin hey’adaha amniga ee hoos yimaado wasaaradiisa. Qoyska Ikraan ayaa waxaa dhowr mar dibad-baxyo ay ku dhigan lahaayeen Muqdisho ka hor-istaagay ciidamada ammaanka, intii uu dalka wasiirka amniga ka ahaa Xasan Xundubey, oo xilkaas uu markii dambe ka qaaday ra’iisul wasaare Rooble. The post Wasiirka cusub ee amniga oo ogolaaday arrin muddo laga hortaagnaa qoyska Ikraan appeared first on Caasimada Online.
  10. Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa khudbad hore loo duubay ka jeedin doona shirweynaha 76-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Madaxweyne Farmaajo ayaa hadal-jeedintiisaa duuban ee shirweynaha Qaramada Midoobay ee magaalada New York kaga hadli doona arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka Soomaalia, xaaladda Covid-19 iyo ilaalinta deegaanka iyo isbeddellada cimilada adduunka. Madaxweyne Farmaajo iyo madax kale ayaa caawa khudbado hore loo duubay ka jeedin doona shirweynaha, sida lagu sheegay bogga inetnet-ka ee Qaramada Midoobay . PUNTLAND POST The post Farmaajo oo caawa khudbad duuban ka jeedin doona shirweynaha Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa mar kale dib u bilowday dilalkii toogashada ahaa oo ay ka fulin jirtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayada oo sida ay sheegtay dishay laba sarkaal oo ka tirsan ciidamada booliska. Dilalkan ayey Al-Shabaab ka fulisay degmooyinka Dharkeynleey iyo Hodan. Dabley hubaysan ayaa maanta duhurkii agagaarka saldhig Galbeed ee degmada Dharkeynleey ku dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada booliska dowladda Federaalka, oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Bariise, wuxuuna ahaa laba xidigle. Weerar kale oo isna ka dhacay xaafadda Saybiyaano ee degmada Hodon ayaa lagu dilay sarkaal ciidan oo magaciisa lagusoo gaabiyay Qoobeey, sida ay sheegatay Al-Shabaab. Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxaha dilka geystay ay u suurtagashay inay sarkaalka ay ku toogteen Hodan ay ka qaataan qori noociisa ahaa AK47. Sidoo kale, weerar ay Al-Shabaab xalay ku qaadeen xaafadda Gubta, gaar ahaan Ciise Cabdi, ayaa sababay dhimashada sarkaal ka tirsanaa maamulka degmada Dayniile, sida ay ku sheegteen qoraal ay soo dhigeen warbaahintooda. Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxay ka nasatay falalkii dilalka qorsheysan ahaa oo ay kooxda Al-Shabaab ka fulin jirtay magaalada kadib markii ay hey’adaha amniga dhowr jeer toogteen kooxo dilal fuliyey. The post Al-Shabaab oo war kasoo saartay dilalkii Cabdi Bariise iyo Qoobey iyo sarkaal kale appeared first on Caasimada Online.
  12. Kooxda Kubadcag yaraha Halgan ee ka dhisan degmada Hodan ayaa dhiirigelisay ciyaartooyda iyo macallimiinteeda, waxaana xafladan dhiirigelinta kooxda Halgan ka soo qeyb galay madax ka socotay Xiriirka kubadcag yaraha Soomaaliya,mas’uuliyeenta kooxaha Minifootboolka iyo sidoo kale madax ka socotay shirkadaha ganacsiga Magaalada Muqdisho. “Waxay Diyaar u nahay garabsiinta kooxaha iyo Xulka Qaranka Kubadcag yaraha Soomaaliya” ayuu isna munaasabadda ka sheegay Cali Ismaaciil oo ah Guddoomiye ku xigeenka ahna madaxa suuq-geynta shirkadda Rakaab “Kooxda Halgan ee kubadcag yaraha waxaa loo aas-aasay in ay kaalin weyn ka qaadato nabadda iyo horomarka Soomaaliya” ayuu saxaafadda u sheegay Muxsin Cabdirashiid Qoran oo ah macallinka kooxda Halgan Minifootboolka oo ka mid ah kooxaha heerka kowaad ee kubadcag yaraha Soomaaliya. “Waa Muhiim in ganacsatada ay garabsiiyaan ciyaartooyda Kooxaha iyo Xulka Qaranka Minifootboolka Soomaaliya“ ayuu sheegay Maxamed Cabdiraxmaan Warsame oo ah falanqeeye ciyaaraha gudaha sidoo kalna ah xubin isboortigii hore “Ciyaartooyda Xulka Qaranka Minifootboolka waxay ka imaanayaan 24-koox ee kubadcag yaraha Soomaaliya” ayuu isna sheegay Saacid Xuseen Cabdi oo ah Guddoomiyaha Tartamada Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka , sidoo kalane ah Guddoomiyaha isboortiga Degmada Warta Nabadda. “Ciyaartooyda Qurbajoogta iyo kuwa gudaha si siman ayay u heli-doonaan fursada Xulka Qaranka Kubadcag yaraha Soomaaliya“ ayuu balan qaaday Xoghayaha Guud ee Xiriirka Soomaaliyeed mudane Daa’uud Shire Daawo Warbixin Ku Saabsan Kooxda Halgan Sidoo Kale Daawo Warar Ku Saabsan SOMFA Guddoomiye Abuukar Xasan “Waxaan Guul Ka Gaarnay Dalka iyo dibadda” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  13. PRESS RELEASE U.S. Travel Restrictions Lifted; Move Welcomed by Energy Industry The United States will reopen to vaccinated travelers from November and will implement vaccine-based screening for U.S. citizens HOUSTON, United States of America, September 21, 2021/ — The United States will lift restrictions on air travelers from 33 countries from November, the White House announced on Monday. Energy Capital & Power (ECP) (www.EnergyCapitalPower.com), organizer of the U.S.-Africa Energy Forum (USAEF), and the African Energy Chamber, host of the African Energy Week in Cape Town, welcome the news. Current bans on travel from South Africa, the UK, Ireland, the EU Schengen zone, Iran, China, Brazil and India for non-US citizens will be replaced with a new policy requiring vaccination for non-citizens. Testing requirements for unvaccinated Americans will also be introduced. Full details of the policy are still being developed, White House coronavirus response coordinator Jeff Zients stated, noting that the new system will be in place from ‘early November’. “We know vaccines are effective, including against the delta variant, and vaccines are the best line of defense against [Covid-19], so this vaccination requirement deploys the best tool we have in our arsenal to keep people safe and prevent the spread of the virus,” said Zients on Monday, according to Reuters. Shares in European airlines saw an immediate uptick upon the announcement, including British Airways’ parent company IAG, which gained 11.2%. The move will be welcomed by African energy businesses with offices and headquarters in South Africa, Europe and the UK. On 9-10 December 2021, ECP and its partners will host the U.S.-Africa Energy Forum in Houston (www.usafricaenergy.com). The re-opening of U.S. air travel to vaccinated travelers will allow South African delegations and African private companies to participate in the forum and secure new funding and technology partners from the United States. ECP is excited to reunite Africa’s and the United States’ energy leaders in Houston. The USAEF is held with the support of the African Energy Chamber, City of Houston, Texas-West Africa Chamber of Commerce, Rystad Energy and other partners. On 9-12 November 2021 the African Energy Chamber brings African, European and American investors and delegations to Cape Town for African Energy Week (www.aew2021.com). The meeting represents the safest, most innovative and most comprehensive energy sector gathering on the African continent in 2021. The new U.S. rules, if implemented on time, could provide a boost to attendance and will demonstrate a move to a more pragmatic travel regime for energy businesses. The lifting of the U.S. travel ban from South Africa follows Germany’s decision on Sunday to remove South Africa from its list of ‘high risk’ countries. The UK maintains its restrictions on travel from South Africa and many other African countries but removes Egypt and Kenya from its ‘red list’ starting on Wednesday and will introduce a new travel regime in October. Distributed by APO Group on behalf of Energy Capital & Power. SOURCE Energy Capital & Power Qaran News
  14. PRESS RELEASE Unlocking Investments into Africa’s Renewable Energy Market The session will be oriented on how to get more energy projects from the drawing board to the grid NAIROBI, Kenya, September 21, 2021/ — The African Energy Guarantee Facility (AEGF) is launching a virtual roadshow of free webinars allowing a deeper understanding of risk issues for renewable energy projects on the continent, and conversations around risk mitigation solutions. The first webinar will take place on Thursday, 23 September from 14:30-16:00 hrs. EAT. Please click here (https://bit.ly/3CyCtgo) to register for the event. The session will be oriented on how to get more energy projects from the drawing board to the grid. While the energy demand in African economies is expected to nearly double by 2040, and although the potential for renewable energy is 1,000 times larger than the demand, only 2GW out of almost 180GW of this new renewable power were added on the African continent. Clearly not good enough! To improve the situation within the next two decades, new solutions need to be implemented urgently. De-risking and promoting private sector investments will play a crucial part of it. In this 90-min interactive session, AEGF partners: the European Investment Bank (EIB), KfW Development Bank, Munich Re and the African Trade Insurance Agency (ATI) will share their experience and provide valuable insights on how they were able to come together and design practical solutions for investors and financiers of green energy projects in Africa aligned with SDG7 objectives. Across Africa, the complexity of renewable energy projects and their long tenors hold back crucial energy investment. Tailored to the specific needs and risk profiles of sustain­able energy projects, AEGF will tackle the investment challenge by providing underwriting expertise and capacity tailored to market needs. The AEGF will significantly boost private investment in sustainable energy projects, both expanding access to clean energy and contribute to achieving UN Sustainable Development Goals. The scheme supports new private sector investment in eligible renewable energy, energy efficiency and energy access projects in sub-Saharan Africa. Distributed by APO Group on behalf of African Trade Insurance Agency (ATI). SOURCE African Trade Insurance Agency (ATI) Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Liiska musharaxiinta xildhibaanada Aqalka Sare ee goboladda Waqooyi ee loo yaqaano Somaliland oo maanta la shaaciyey, ayaa waxa kursiga 1-aad loo xiray Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi. Toban ka mid ah kuraasta ayaa waxaa ku tartami doona laba illaa saddex musharax, halka Kursiga 1-aad uu musharax u yahay kaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, midaasi oo hadal hayn badan dhalisay. Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee u dhow Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Guddoomiyaha lagu maamusay kursigaas. Waxa uu sheegay in la waayey cid la tartanta, kadib markii ay dadka la leh kursiga uu ku fadhiyo ee Aqalka Sare ay go’aansadeen in aan lagula tartamin, isagana uu iska diiday musharax maqaar saar ah oo lala qoro, sida hore u sameeyen musharaxiin badan. “Sharaf iyo karaamo ayey u tahay Gudoomiye Cabdi Xaashi in dadka la leh kursiga uu ku fadhiyo (Aqalka Sare) ee Gobolka Waqooyi Galbeed si Volunteer ah u go’aansadaan in aanay Kursiga kula tartamin oo uu yahay National icon lama taabtaan ah, isla markaana Gudoomiyuhu diiday fikir ay dad ula yimaadeen oo ahaa in loo keeno qof waraabe utaag u noqda,” ayuu ku yiri Maareeye qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Maareeye oo saaxiib dhow la ah Cabdi Xaashi, ayaa xusay in Cabdi Xaashi uu yahay Astaan Qaran, halka uu sheegay in loo gartay in kursigaas uu noqdo lama taabtan, waana odayga uga da’da weyn ee siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Waqooyi. Liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare, oo tiradooda dhan tahay 24 musharax ayaa waxaa maanta Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ka guddoomay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Musharaxiinta ay soo gudbiyeen Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ayaa waxay u tartami doonaan 11 Kursi oo Aqalka Sare ay ku leeyihiin gobolada Waqooyi ee hadda loo yaqaano Somaliland. The post Sababta rasmiga ah ee aan loogu tartameyn kursiga Cabdi Xaashi ee Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
  16. Ahmed Hussen has won the riding of York South-Weston for the Liberals. The vote secures a third term for Hussen, who has served in cabinet.... Source: Hiiraan Online
  17. Orod-yahan Soomaaliya oo ku guuleystay tartan balse loo diiday Koobkii Guusha+ Sababta Cumar Axmed waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee gaadhay xariiqda guusha maalintii Axadda, balse waa loo diiday guusha Ninkii ku guuleystay tartanka orodka kalabarka ah ayaa loo diiday guusha maadaama looga baahnaa oo keliya in uu ordo masaafe dhan 10k. Tartanka lagu magacaabo “Bristol half marathon” oo la ordo 22km, ayaa dhacay xilli uu socday tartanka kale ee “Bristol 10k” oo qeyb ka ahaa munaasabadda orordka Great Bristol oo qabsoomay maalintii Axadda. Cumar Axmed, ayaa markii hore isu diiwaan geliyay inuu ordo orodka 10k, balse waxa uu si khaldan uga qayb galay – kuna guuleystay – tartanka orodka kalabarka ah, kaasoo ku dhammeystiray 63 daqiiqo oo keliya. Wiilkan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa meel khaldan ka baxay markii uu gaaray goobta ay ku kala baxaan labada masaafe. Maamulka tartanka ayaa go’aanka dambe ee ay soo saareen ku sheegay in qofka tartanka sida saxda ah ugu guuleystay uu ku dhammeystiray 67 daqiiqo. Bayaanka lasoo saaray ayaa lagu sharraxay in Cumar uu meesha u yimid ka qayb galka tartanka 10k, loogana baahneyn tartanka kale, sidaas awgeedna ay “nasiib darro” ka qaadeen guusha uu gaaray. Waxa ay qireen in Cumar Axmed “uu bandhig cajiib ah sameeyay”, hase yeeshee ay cabasho ka heleen tartameyaashii kale, kaddibna la sameeyay baaritaan ay natiijadan ka dhalatay. Labo tartan ayaa isku mar dhacayay Paul Foster, oo ah madaxa shirkadda tartanka qabaneysay, ayaa intaas ku daray: “Sharciyadu mar walba waa meeshooda, isma baddalaan, kiiskanina waxay sheegeen inaan ku khasban nahay in Cumar loo diido guusha. “Waxaan la dhacnay bandhiggiisa, waxaana lagu martiqaaday inuu ka qayb galo tartanka dhici doona isbuuca dambe, oo lagu qabanayo magaalada Great Manchester. “Dabcan waxaan sugeynaa inaan dib mar kale ugu soo dhaweyno tartanka Bristol ee dhici doona 2022-ka.” Tartanka Bristol 10k ayaa sida caadiga ah la qabtaa xilliga guga, tartanka kalabarka ahna waxaa la qabtaa dabayaaqada xagaaga, balse sanadkii lasoo dhaafay ayay labada tartanba u baaqdeen cudurka Covid-19 awgiis. Sanadkan ayay orod yahannadu ku tartamayeen qaybaha kala duwan ee bartamaha magaalada Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Ayuub Ismaciil Yuusuf oo ka tirsan xubnaha Aqalka Sare ee muddo xileedkooda uu dhamaaday ee kasoo jeeda gobolada Waqooyi, gaar ahaan gobolka Awdal ayaa laga reebay liiskii musharaxiinta ay shaaciyeen Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi. Senator Ayuub ayaa si weyn u taageera hogaaminta madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo xilligii uu taagna khilaafka culus ee kuraasta Somaliland uu la safnaa Mahdi Guuleed. Ma cadda haddii Ayuub looga reebay liiska khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, iyo haddii uu go’aansaday inuuu wareego Golaha Shacabka ee BFS, kadib muddo sanado ah oo uu ka tirsana Aqalka Sare. Ayuub ayaa ka hadlin liiska Musharaxiinta xildhibaanada Aqalka Sare ee goboladda Waqooyi ee loo yaqaano Somaliland, marka laga reebo in barihiisa bulshada uu ku faafiyay waraaqaha liiska, taasi oo ka dhigan in uusan tabasho ka qabin liiskaas, uuna ka war qabay. Musharaxiinta inta badan hunguriyeynaysa Aqalka Sare ee laga reebo liiska, ayaa badankooda waxay ka siman yihiin inay ka keenaan cabasho ama dood sababta loogu soo dari waayey liisaska musharaxiinta. Liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Somaliland, oo tiradooda dhan tahay 24 musharax ayaa waxaa Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ka guddoomay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Musharaxiinta ay soo gudbiyeen Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ayaa waxay u tartami doonaan 11 Kursi oo Aqalka Sare ay ku leeyihiin gobolada Waqooyi ee hadda loo yaqaano Somaliland. Toban ka mid ah kuraasta ayaa waxaa ku tartami doona laba illaa saddex musharax, halka Kursiga 1-aad uu musharax u yahay kaliya guddoomiyaha Aqalka Sare ee iminka Cabdi Xaashi Cabdullaahi. The post Senator si weyn u taageera Farmaajo oo laga reebay liiska musharaxiinta Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
  19. MOGADISHU (HOL) - The State Indirect Elections Team (SIET) for Somaliland has released the list of candidates who will contest for the senate race. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday garoon diyaaradeed oo laga sameeyey degmada Dayniile, balse aan shaqeyn, sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogeyaal. Al-Shabaab ayaa weerarkan oo la sheegay inay kasoo qaadeen dhanka xaafadda Gubta waxay ku gubeen konteenaro yaallay halkaas, xafiisyo iyo agab kale, kadibna isaga tagay. Markii uu weerarka dhacayey ayaanay cidna joogin garoonka, mana la kulmin kooxdan wax iska caabin ah, sida aan xogta ku helnay. Lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarka. Garoonka Dayniile ayaa laga dhisay dhul ay leeyihiin dad shacab ah oo la boobay, waxaana marar badan fashilmay isku day la doonayey in dowladda federaalka ay ku ogolaato inuu shaqeeyo, sababo la xiriira in dhulkaas yahay dhul shacab leeyahay. Dhinaca kale, weerar ay Al-Shabaab xalay ku qaadeen xaafadda Gubta, gaar ahaan Ciise Cabdi, ayaa sababay dhimashada sarkaal ka tirsanaa maamulka degmada Dayniile, sida ay ku sheegteen qoraal ay soo dhigeen warbaahintooda. Dowladda Soomaaliya iyo maamulka degmada Dayniile ayaan weli ka hadal weeraradan xalay dhacay. The post Al-Shabaab oo weerar ku qaaday garoonka Dayniile appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble cadaadis xoogan lagu saarayo sidii uu ugu tanaasuli lahaa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in xubnihii waan-waanta ka dhex waday labada mas’uul ay ka quusteen Farmaajo, islamarkaana ay hadda xal bideen in Rooble culeys ku saaran inuu tanaasulo, si xiisada xoogan ee labada dhinac xal looga gaaro. “Waxaa boggaadin mudan waanwaan kasta oo xiisada lagu dejinayo, waxaanse ka xumahay in qoladii waanwaanta ku jirtay ay ka soo quusteen Farmaajo oo ay Rooble ku cadaadinayaan in uu tanaasulo. Tanaasul iyo gorgortan lagama geli karo xagal daacinta caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil, iyo gabbaad siinta eedeysanayaasha kiiska, iyo in RW uu hoggaamiyo amniga iyo doorashooyinka dalka,” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur qoraal uu soo dhigay bariisa Facebook. Dhex-dhexaadinta laga dhex-wado madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul Rooble ayaa xalay dib u billaabmatay, ayada oo la isku dayayo in heshiis la dhex dhigo labada nin, sida ay ogaatay Caasimada Online. Dadaalladan ayaa waxaa wada guddoomiyaha golaha shacabka ee waqtigu ka dhacay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo ay wehliyaan shan wasiir iyo laba wasiir ku-xigeen, oo ka tirsan dowladda federaalka. Ilo-wareedyo ku dhow wasiirada qeybta ka ah waan-waanta ayaa sheegaya in howsha dhex-dhexaadinta iyo u kala dab-qaadida Farmaajo iyo Rooble ay tahay mid bilow ah, oo aysan fileyn in si deg deg ah guulo looga gaaro, waxaa sidoo kale yar rajada laga qabo in heshiis la gaaro. Qodobada la isku hayo ayaa ah kuwo aanu dhinacna ka tanaasuli karin, isaga oo aan u muuqan inaan laga adkaaday, waxaana si gaar ah aad u adag in ra’iisul wasaare Rooble uu ka tanaasulo kiiska Ikraan Tahiil Faarax, oo Farmaajo uu doonayo in la baabi’iyo. Sidoo kale ma cadda, sida Rooble uga tanaasuli karo xubnihii uu magacaabay sida wasiirka amniga iyo taliyaha NISA, oo hadda si toos ah u shaqeeya, ugana sii daray xiisada kala dhaxeysa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday. The post Rooble ‘oo lagu cadaadinayo’ inuu u tanaasulo Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  22. Former Prime Minister: Omar A. A. Sharmarke admitted that Norway drafted the MoU and that Kenya hoodwinked Somalia Mogadishu (PP News Desk) — Dr Abdi Ulusso, the former Somalia Foreign Ministry Director General, claimed that he had been fired for submitting the Memorandum of Understanding signed with Kenya in 2009 to the Somali Transitional Federal Parliament. Ulusso described the memo as a treason. “Sadly, though the same people who signed MOU, fired me and put Somalia’s sea waters in dispute want to come back. What, shame!” tweeted Ulusso. Former President Sharif Sheikh Ahmed distanced himself from the MoU The International Court of Justice is to pass a judgment on the maritime dispute between Somalia and Kenya in October 2021. In 2009 the former Somalia Minister of Planning and International Relations Abdirahman Abdishakur Warsame signed the MoU on behalf of Somalia. The MoU accepted Kenya’s claim that “the delimitation of the continental shelf between the Republic of Kenya and the Somali Republic (hereinafter collectively referred to as “the two coastal States”) has not yet been settled. This unresolved delimitation issue between the two coastal States is to be considered as a “maritime dispute”. Abdirahman Abdishakur said “the buck stops with the President and Prime Minister Omar A. A. Sharmarke.” “The Court might deliver a judgement that emphasises an out of court settlement since Somalia has in the first place accepted Kenya’s argument that questions the maritime rights of Somalia. The man who signed MoU and his boss, Sharif Sheikh Ahmed, are Presidential Candidates close to Kenya and its allies” said a Somali lawyer based in Mogadishu. © Puntland Post, 2021 The post Former Somalia Foreign Ministry Director General Accuses Presidential Candidates of Treason appeared first on Puntland Post.