-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
President Sharif: “It is illegal to issue an arrest warrant against the President of a Federal Member State and send troops to Jubaland. Such a decision can result in civil war.” Mogadishu (PP News Desk) — The former President of the Federal Republic of Somalia and the chairman of Himilo Qaran, a political party, Sharif Sheikh Ahmed, denounced the arrest warrant issued by Banadir Regional Court against the President of Jubaland State, Ahmed Mohamed Islam. “It is illegal to issue an arrest warrant against the President of a Federal Member State and send troops to Jubaland. Such a decision can result in civil war,” said Sharif, who held a press conference at his headquarters in Mogadishu on Saturday. The former President defended the electoral autonomy of Jubaland State and congratulated the incumbent Jubaland president for winning the presidential election held in Kismaayo last week. President Sharif congratulated Jubaland President for winning the presidential election held in Kismaayo last week. Sharif called for a transparent investigation into the case of Hassan Abdi Ismail, a Federal MP from Jubaland, who has been accused of assaulting a police officer on the premises of the Lower House. Several ministers and MPs visited the police officer in hospital, in what one politician described “as an attempt to politicise the incident at the parliament headquarters in Mogadishu”. Hassan opposed the Federal Government of Somalia’s “hostility towards Jubaland” and the total control of the bicameral legislature by Villa Somalia, the presidency in Mogadishu. The Federal Government of Somalia sent contingents of troops to Ras Kambooni in Jubaland to overthrow Jubaland President Ahmed Mohamed Islam, who rejected the unilateral move by Villa Somalia to hold a “one person, one vote” elections without political consensus across Somalia. Sharif Ahmed called for a consensus on the presidential elections for 2026 © Puntland Post, 2024 The post Former Somalia President Denounces Arrest Warrant Against Jubaland President appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi ahayn iyo hadal heyn xooggan ayaa ka dhalatay tallaabo uu xalay qaaday madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu Marwo Hani Cabdi Gaas u magacaabay in ay la-taliye uga noqoto Arrimaha Dhallinyarada iyo Cayaaraha. Marwo Hani Cabdi Gaas oo khibrad, aqoon iyo xirfad durugsan u leh arrimaha dhallinyarada ayaa muddo dheer ka soo shaqeysay hay’ado caalami ah iyo kuwo maxali ah. Sidoo kale Hani ayaa u xil saaran in dhallinyarada Soomaaliyeed ku matashay fagaareyaal kala duwan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeeyey Lataliyaha Arrimaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Hani Cabdi Gaas in ay khibraddeeda dhanka horumarinta bulshada ay uga faa’iideyso dhallinyarada Soomaaliya oo maanta u taagan difaaca iyo horumarka dalkooda. Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh? Cabdulqaadir Xasan Duuliye “Biil ayaan u qoray maad iska dhahdid?. Intaas ayaa kaaga fudud intaad shacabka beenta u sheegi lahayd”. Cabdirsaaq Xaashi ayaa isaguna yiri “Waa gabar da’ yar waxaan leenahay allaha xilka hakuugu asturo”. Daahir Dalabey “Qaab kasta oo dhaqaale lagu cuni karo waaloo raadiyey!! Dalka ayax ayaa ku habsaday!!”. Hanad Cabdisalaan “Mushaar iska qaado aa la dhahaa alaabtan la-taliye aan la tirsan oo tiro badan muxuu magacabay Xasan Seekh?”. Axmed Cabdirisaaq “Runtii waa gabar yar oo da’yar xilka laguu idmaday alle hakuugu asturo.”. Cabdifitaax Cali Diiriye ” Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo kuxegeenkiisu maxay qabanayaan?
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo xuduudaha ayaa maanta qaaday tallaabo kale, waxayna iska dhex doorteen guddoon cusub oo ku hogaamin doono shaqooyinka loo igmaday. Xubnaha guddigan oo ka kooban illaa 18 xubnood ayaa dhawaaan waxaa meel-mariyay labada gole ee baarlamaanka, iyaga oo maanta doortay guddoomiye iyo ku xigeen cusub. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ayaa waxaa loo doortay Cabdikariin Axmed Xasan, waxaan gacan taag ugu codeeyey 17 xubnood, wuxuuna sidaas ku noqday gudoomiyaha guddiga. Sidoo kale Saadaq Abshir Garaad ayaa isna loo doortay gudoomiye ku xigeenka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo sohdimaha Gudoomiye Cabdikariin Axmed oo goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay xubnaha doortay, wuxuuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono in doorashooyinku noqdaan kuwa hufan. “Gabar iyo Wiil walba oo Soomaaliyeed waxaan gurigooda ugu geynaynaa sanduuqa codeynta waxaan ballan qaadeynaa Soomaaliya inay ka gudubto doorashadii 4.5 iyo middii dadbaneyd oo aan wada ognahay dhibaatada ay leedahay”ayuu yiri Cabdikariin Axmed. Guddigan oo uu isla maanta Xasan Sheekh kusoo saaray xeer madaxweyne ayaa ka shaqeyn doono maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalk iyo in ay hirgeliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo hufan, inkastoo ay taagan tahay dood xoogan oo ay weli qabaan xubnaha mucaaradka. Soomaaliya ayaa haatan u diyaar garoobeyso doorashooyin, waxaana qorshe la xiriira qof iyo cod la yimid madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo dhinaca kale ay ka biyo diidan yihiin maamullada Puntland, Jubbaland iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ah.
-
Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka ee dhowaan ay ansixiyeen golayaasha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay shir muhiim ah, kaas oo lagu dooranayay hoggaanka guddiga. Doorashada oo ahayd mid gacan taag ah, ayaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka loogu doortay Cabdikariin Axmed Xasan, halka Guddoomiye ku-xigeenka guddiga loo doortay Saadiq Abshir Garaad, oo horay uga mid ahaa baarlamaanka Puntland. Doorashadan ayaa timid xilli muhiim ah, iyadoo la rajeynayo in guddigu kaalin weyn ka qaato dhismaha hannaanka doorashooyinka dalka, dib-u-habaynta xuduudaha, iyo hormarinta geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya. Cabdikariin Axmed Xasan ayaa loo arkaa hoggaamiye karti leh oo khibrad u leh maamulka iyo qorsheynta, halka Saadiq Abshir Garaad uu leeyahay waayo-aragnimo siyaasadeed oo ka timid waayihiisii baarlamaanka Puntland. Labadan mas’uul ayaa la filayaa inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha dowladda si ay u fuliyaan waajibaadka guddiga. Mas’uuliyiintan cusub ayaa balan qaaday inay xoogga saari doonaan sidii loo hirgelin lahaa doorashooyin xor iyo xalaal ah, islamarkaana loo xallin lahaa caqabadaha ka jira xuduudaha dalka. Guddiga cusub ayaa wajahaya hawlo adag oo ku saabsan hannaanka doorashada 2026 iyo arrimaha xuduudaha, kuwaas oo door muhiim ah ku leh mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Balcad (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn xoogan oo xalay saq-dhexe diyaarado dagaal ay ka fuliyeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Duqeynta oo ahayd bartilmaameed ayaa si gaar ah uga dhacday inta u dhexeyso deegaanka Xawaadley iyo degmada Balcad, halkaas oo uu dhiwaan ka dhacay weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen ciidamada dowladda, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in duqeynta lala eegtay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, waxaana gaaray maleeshiyada khasaare culus. Xogta ayaa sidoo kale sheegeysa in la burburiyay saldhigyo iyo xarumo muhiim ah oo ay kooxda ku lahayd aagga ay duqeynta ka dhacday, iyada oo uu sii dheer yahay khasaare kale oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Illaa iyo hadda na jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan duqeyntaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Xawaadley oo ay horay uga baxeen ciidamada ATMIS ayaa waxaa maalmahan culeys soo saaray kooxda Al-Shabaab oo weeraro ku haysay saldhigyada ciidamada dowladda. Si kastaba, xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
-
Waxaa maanta lagu wadaa in ay magaalada Muqdisho ka qabsoonto doorashada guddoonka cusub ee guddiga doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu dhawaan ansixiyay Baarlamaanka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay in xubnaha guddiga doorashooyinka oo ka kooban 18 xubnood ay maanta dooranayaan guddoon cusub kadib markii uu dhawaan ansixiyay Baarlamaanka dalka. Xildhibaan Mahdi Guuleed ayaa sidoo kale tilmaamay in doorashada guddoonka cusub kadib uu guddiga si toos ah u bilaabayo hawlaha diyaarinta doorashooyinka qof iyo cod ee dowladda Federaalka Soomaaliya doonayso in ay hirgeliso. “Gudoonka guddiga doorashooyinka ayaa maanta la qabanayaa, si shaqadooda qabashada doorasho qof iyo cod ah ay u bilaabato” ayuu yiri Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Guddiga doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta dooranaya guddoon cusub appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — Hiiraan region Governor Muse Salad Wehliye, alongside Hirshabelle State Minister of Justice Mahad Beyle and Somali armed forces officers, successfully mediated an end to inter-clan fighting on the volatile border between the Hiiraan and Middle Shabelle regions. Source: Hiiraan Online
-
Trump oo hanjabaad adag u diray waddamada ku midoobay BRICS
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku hanjabay in uu canshuur 100% ah uu ku soo rogi doono sagaalka waddan oo ku midoobay urrurka BRICS, haddii ay soo saaraan lacag la tartami karta doolarka Mareykanka. Waddamada quwadaha dunida ugu waaweyn ee Shiinaha iyo Ruushka ayaa qeyb ka ah isbaheysiga Brics, waxaana sidoo kale wehliya dalalka Brazil, India, Koonfur Afrika, Iran, Masar, Itobiya iyo Imaaraadka Carabta. Qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee hore loo oran jiray Twitter, ayuu ku sheegay in fikradda wadamada BRICS ee ku mideysan magacaas ee isku dayaya inay ka guuraan lacagta doolarka ay wajihi doonaan canshuur 100%. Intii lagu guda jiray doorashadii Mareykanka, Trump wuxuu u ololeeyay dhaqangelinta canshuur guud oo wax ka tari doona dhaqaalaha Mareykanka. Hadalkan ugu dambeeya ee Trump ee ka dhanka ah Brics, ayaa ku soo aadaya iyadoo lagu wado inuu xafiiska la wareegi doona 20-ka bisha January 2025-ka. Dalalka Brics waxay 45% ka yihiin bulshada caalamka. Marka la isku geeyo, dhaqaalaha dalalka xubnaha ka ah wuxuu u dhigmaa in ka badan $28.5tn (£22tn). Taasi waa qiyaastii 28% dhaqaalaha caalamka. Source -
Madaxweyne Biden oo dambi culus ka cafiyay wiilka uu dhalay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Mareykanka Joe Biden ayaa xalay sheegay in uu cafis u fidiyay wiilkiisa Hunter Biden, kaas oo wajahayay fal danbiyeedyo kala duwan. Eedaha iyo fal danbiyeedyada loo heysto ina Biden ayaa waxaa ka mid ah, in uu been ka sheegay baaritaanka lagu hibiyo dadka raba in ay hub iib sadaan, in uu heystay hub sharci darro ah, iyo isaga oo qirtay fal danbiyeed la xiriira canshuurta dowladda federaalka. Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayuu Biden ku yiri, “Maanta waxaan saxiixay cafis aan u fidiyay wiilkeyga Hunter. Maalinti aan xafiiska imid, waxaan dhahay, ma faragelin doono go’aannada Waaxda Caddaaladda, hadalkeygi marna ma aanan baddalin, xitaa aniga oo arkaya wiilkeyga si gaar ah loo soocday, isla markaana loo maxkamadeynayo si aan caddaalad aheyn.” Aqalka Cad ayaa dhowr jeer oo hore ku celceliyay, in Biden uusan cafis u fidineyn wiilkiisa ama uusan dhimi doonin sannadaha ay maxkamadi ku xakunto. Wiilkiisa Hunter, oo kasoo kabanaya daroogo uu qabatimiay, ayaa bartilmaameed u noqday siyaasiyiinta Jamhuuriga, gaar ahaan madaxweynaha la doortay, Donald Trump. Hunter Biden ayaa wajahaya Arbacada xakun ku saabsan eedo hub sharci darro ah, iyo jawaabo been ah oo uu siiyay hey’adaha danbibaarista. Bishii September, wuxuu qirtay inuu galay danbi ;a xoriira in uusan bixin canshuur heer federal ah oo gaareysa $1.4 milyan oo dollar. 16-ka December ayaa la filayay in uu wajaho xakunka maxkamadda. Biden ayaa ka jareeyay shacabka Mareykanka in ay fahmi doonaan sababta uu aabe iyo madaxweyne uu u cafiyay wiil uu isagu dhalay. Dastuurka Mareykanka ayaa u ogol madaxweynaha in uu cafin karo muwaadiniinta maxkamadaha wajahaya iyo kuwa ay maxkamad xakuntay intaba. Source -
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa 6 Ruux oo isku Qoys ah oo ku Geeriyooday dalka Masar kadib markii ay ku qabintimeen Gaaska guryaha ee la adeegsado xilliyada qaboobaha oo isagoo furan ay ka seexdeen sida ay warbaahinta u sheegeen ehelada dadkaan musiibadu ku dhacday. Xasan Xirsi Xuseen oo la ehel ah dadkaan ayaa u sheegay TVga Universal in dadkaan xogtoodi ay waayeen wixii ka dambeeyay galinkii dambe Jimcihii, waxaana kadib uu sheegay inay bilaabeen inay safaarada Soomaaliya ee Qaahira la xidhiidhaan kadibna sidii lagu jabiyay albaabka Guriga ay deganaayeen. Waxa uu xusay xubno kamid ah qoyskaan inay dhowaan kasoo laabteen dalka Turkiga halka kuwa kalana ay ka tageen Soomaaliya, hadda waxa uu shaaca ka qaaday in lagu xareeyay talaagad oo ay saraakiisha caafimaadka Masar ay baarayaan. Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Dalka Masar Ismaaciil Cabdi Xuseen oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in laamaha amaanka Masar ay baaritaan ku wadaan dhacdadii ay ku geeriyoodeen 6da qof ee Soomaaliyeed oo isku qoys ka ahaa. Qunsulka waxa uu sheegay in qoyskan ay ahaayeen kuwa muddo 5 cisho uun deganaa Qaahira una yimid arrimo Caafimaad, waxaana uu xusay in saraakiisha Masaarida ay kala cadeenayaan hadii dadkaan waxay u dhinteen kaliya uu ku egyahay Gaaska ama hadii ay jiraan wax kale oo dheeri ah Source
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya HirShabellee ayaa sheegaya in maanta xaalad deganaasho ah laga dareemayo deegaannada dhaca xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo indhowaanahan ay ku dagaalamayeen laba maleeshiyo beeleed. Xiisaddan oo saameyn ku yeelatay deegaanka ayaa waxaa ku baxay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle oo uu horkacayo gudoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo dadaallo nabadeed oo dheeraad ah ka bilaabay halkaasi. Qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha aya waxaa looga hadla colaadddan iyo halka marayaan dadaallada uu sameeyay maamulka gobolka. Wehliye ayaa shaaca ka qaaday in nabaddu ay lama huraan tahay, isla markaana ay ku dadaalayaan sidii heshiis loo kala dhex dhigi lahaa labada beelood. “In nabad loo helo waa lama huraan dadka walaalaha ah ee colaadu u dhaxeyso, Nabadu waa wax bir aysan goyn karin biyane meyri karin waa in la helo dhab u heshiisin buuxdo si loo gaaro taasina maamulka Iyo saraakisha Ciidamada Qalabka Sida waa iney ku bixiyaan dadaal dheeraad ah wax kasto sidii loo heli lahaa Nabad iyo wadajirka dadka Walaalaha ah” ayuu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska maamulka gobolka Hiiraan. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ka go’an tahay xal u helista dagaal beeleedyada kusoo laablaabtay deegaanada ku yaala xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeelleha dhexe, kuwaas oo saameyn ballaaran ku yeeshay nolosha dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi. “Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu xaqiijinayaa Dadaalada dhab-u-hishiisinta si loo baajiyo Dhiiga Walaalaha soomaaliyeed si aay wadajir ugu midoobaan kooxda khawariijta ah ee isku dirayo beelaha walaalaha loogana baaqsado dagaal Beeleed dambe oo aan laheen natiijo” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka maamulka gobolka Hiiraan. Deegaannada HirShabelle ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabta dagaal beeleedyada oo la dagay hormarkii labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
-
Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu cafis u fidiyay wiilkiisa Hunter Biden, kaas oo wajahayay fal danbiyeedyo kala duwan. Eedaha iyo fal danbiyeedyada loo heysto ina Biden ayaa waxaa ka mid ah, in uu been ka sheegay baaritaanka lagu hubiyo dadka raba in ay hub iib sadaan, in uu heystay hub sharci darro ah, iyo isaga oo qirtay fal danbiyeed la xiriira canshuurta dowladda federaalka. Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayuu Biden ku yiri, “Maanta waxaan saxiixay cafis aan u fidiyay wiilkeyga Hunter. Maalinti aan xafiiska imid, waxaan dhahay, ma faragelin doono go’aannada Waaxda Caddaaladda, hadalkeygi marna ma aanan baddalin, xitaa aniga oo arkaya wiilkeyga si gaar ah loo soocday, isla markaana loo maxkamadeynayo si aan caddaalad aheyn.” Aqalka Cad ayaa dhowr jeer oo hore ku celceliyay, in Biden uusan cafis u fidineyn wiilkiisa ama uusan dhimi doonin sannadaha ay maxkamadi ku xakunto. Wiilkiisa Hunter, oo kasoo kabanaya daroogo uu qabatimiay, ayaa bartilmaameed u noqday siyaasiyiinta Jamhuuriga, gaar ahaan madaxweynaha la doortay, Donald Trump. Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne Biden oo dambi culus ka cafiyay wiilkiisa Hunter
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Washington (Caasimada Online) — Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Mareykanka Joe Biden ayaa xalay sheegay in uu cafis u fidiyay wiilkiisa Hunter Biden, kaas oo wajahayay fal danbiyeedyo kala duwan. Eedaha iyo fal danbiyeedyada loo heysto ina Biden ayaa waxaa ka mid ah, in uu been ka sheegay baaritaanka lagu hibiyo dadka raba in ay hub iib sadaan, in uu heystay hub sharci darro ah, iyo isaga oo qirtay fal danbiyeed la xiriira canshuurta dowladda federaalka. Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayuu Biden ku yiri, “Maanta waxaan saxiixay cafis aan u fidiyay wiilkeyga Hunter. Maalinti aan xafiiska imid, waxaan dhahay, ma faragelin doono go’aannada Waaxda Caddaaladda, hadalkeygi marna ma aanan baddalin, xitaa aniga oo arkaya wiilkeyga si gaar ah loo soocday, isla markaana loo maxkamadeynayo si aan caddaalad aheyn.” Aqalka Cad ayaa dhowr jeer oo hore ku celceliyay, in Biden uusan cafis u fidineyn wiilkiisa ama uusan dhimi doonin sannadaha ay maxkamadi ku xakunto. Wiilkiisa Hunter, oo kasoo kabanaya daroogo uu qabatimiay, ayaa bartilmaameed u noqday siyaasiyiinta Jamhuuriga, gaar ahaan madaxweynaha la doortay, Donald Trump. Hunter Biden ayaa wajahaya Arbacada xakun ku saabsan eedo hub sharci darro ah, iyo jawaabo been ah oo uu siiyay hey’adaha danbibaarista. Bishii September, wuxuu qirtay inuu galay danbi ;a xoriira in uusan bixin canshuur heer federal ah oo gaareysa $1.4 milyan oo dollar. 16-ka December ayaa la filayay in uu wajaho xakunka maxkamadda. Biden ayaa ka jareeyay shacabka Mareykanka in ay fahmi doonaan sababta uu aabe iyo madaxweyne uu u cafiyay wiil uu isagu dhalay. Dastuurka Mareykanka ayaa u ogol madaxweynaha in uu cafin karo muwaadiniinta maxkamadaha wajahaya iyo kuwa ay maxkamad xakuntay intaba. Isha: VOa -
Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday qoraagii weynaa ee Maxamed Cabdullaali Riiraash oo sidoo kale ahaa suugaanyahan dhaqanka iyo taariikhda Soomaalida muddo dheer aruurinayay. Maxamed Cabdullaahi Riiraash wuxuu kamid ahaa macallimiintii qaranka ee ka baxay kulliyadda Lafoole, wuxuu ahaa qoraa arrimaha Soomaalida iyo taariikhda geeska Afrika wax badan ka qoray, sidoo kale wuxuu kamid ahaa Abwaanadii ka qeyb-galay silsiladdii Siinley. Maxamed Cabdilaahi Riiraash waxa uu ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee waxbarashada iyo dhaqanka Soomalida hormariyay, waxaana lagu xasuustaa barnaamijyadii uu TV-ga Jabuuti ka qaban jirey ee kala ahaa Tixmaal, Sirta erayga, iyo dhaqanka iyo suugaanta. waxa uu sanadkii 1945-tii ku dhashay deegaanka Jameecada oo hoostaga magaalada Gabiley, isaga oo waxbarashadiisa ku qaatay dugsiyada Shiikh iyo Camuud, marki danbena wuxuu ku biiray kulliyaddii Lafoole isaga oo muddo dheer ku shaqeynayay macalinimo. Dugsi ku yaalla magaalada Baydhabo aya kamid ahaa meelihii uu macallinka ka ahaan jirey sida uu ku sheegay wareysi uu bixiyay intuu noolaa, sidoo kale wuxuu mar noqday madixii Manaahiijta Soomaaliyeed Intaas ka dib wuxuu ku biiray jaamacadda ku taalla dalka Ingiriiska, halkaas oo uu ka diyaariyay shahaadada Master-ka oo uu ku qaatay taariikhda Soomaalida iyo Sooyaalka Geeska Afrika, wuxuuna intii uu Ingiriiska joogay BBC-da ka baahin jirey barnaamijyo uu kamid ahaa taariikhda Halgamaa Axmed Gurey. Dhammaadkii 80-tameeyadii wuxuu u wareegay dalka Jabuuti, wuxuuna ka shaqo billaabay TV-ga dowladda, asagoo qaban jirey barnaamijyadii caanka ahaa ee dhaqanka, Tixmaal, iyo Sirta erayga, kuwaas oo lagu marti-qaadi jirey Abwaanada iyo Aqoonyahannada waaweyn. Barnaamijyadaas waxaa lagu wareystay Abwaanadii waaweynaa ee Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, maxamed Xaashi “Gaarriye”, Cabdilqaadir Xirsi yamyam, Cabdi qays, Miicaad miigane, Ibraahim Gadhle iyo Suugaanyahanno kale. Allaha unaxariistee Maxamed Cabdullaahi Riiraash ayaa qoray buugaag badan oo uu kamid yahay buugga Fatuuxul Xabasha oo ku saabsan taariikhdii iyo halgankii Axmed Gurey, buugga birma-gaydada, iyo kuwo kale. Sidoo kale Riiraash waxa uu curiyay aragtida miisaanka Maansada Soomaalida, oo markii dambe noqatay laan kamid ah qeybaha muhiim u ah barashada suugaanta, ayadoo asaga Abwaan gaarriye ay ugu horreeyeen aqoonyahannadii hal-abuuray aragtidaas. Abwaan Riiraash wuxuu kamid ahaa raggii silsiladdii Siinley uga qeyb-galay maansooyinkii ugu miisaanka cuslaa sida uu sheegay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, waxaana geeridiisa lagu tilmaamay Ileys ka damay geyiga Soomaaliga. Source: goobjoog.com
-
The Kenyan government has issued a flood alert following heavy rains affecting several parts of the country. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Former Somali intelligence chief Fahad Yasin has delivered a blistering critique of the country's opposition, accusing its leaders of focusing on obstruction. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Suuriya, Bashaar Al-asad, ayaa ku tilmaamay caawinta Iran iyo Ruushka inay “muhiim u tahay” dagaalka lagula jiro kooxda fallaagada ah ee duullaanka lama filaanka ah ku haysa waqooyiga Suuriya. Ruushka ayaa sii wada duqeymaha cirka ah ee ka dhanka ah fariisimaha kooxda ee Xalab iyo nawaaxigeeda. Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa kula kulmay madaxweyne Assad magaalada Dimishiq si uu ugu qanciyo taageerada iyo garab istaagga Iran, ka hor inta uusan u ambabixin dalka Turkiga oo ah dalka deriska la ah Suuriya. Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay inuu u sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken, Axadii in Ankara ay taageeri doonto tillaabooyinka “si loo yareeyo xiisadda” Suuriya. Ciidamada Turkiga taabacsan ayaa siddeedii sano ee lasoo dhaafay maamulayay qeybo kamid ah waqooyiga Suuriya. Ruushka ayaa shalay oo Axad ahayd “duqeymo isdaba joog ah oo cirka ah” ka fuliyay dalka Suuriya, xilli ay sii kordhayaan fallaagada kuwaas oo qabsaday magaalada Xalab, sida ay sheegtay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska. 12 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday isbitaal ku yaalla Xalab, halka weerar kale oo ka dhacay gudaha magaalada Idlib ee waqooyi galbeed ay ku dhinteen siddeed qof oo rayid ah ayna ku dhaawacmeen in ka badan 50 qof, sida ay hay’addu sheegtay. Diyaaradaha dagaalka ayaa sidoo kale duqeeyay qeybo ka mid ah miyiga Idlib iyo Xama halkaas oo kooxda hogaamineysa weerarka fallaagada ah “ay dhawaan la wareegeen”, sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha ee Suuriya. Dhanka kale dowladda Suuriya ayaa markii ugu horeysay waxaa gacanteeda ka baxday magaalada Xalab tan iyo markii uu dalkaasi ka bilowday dagaalka sokeeye, sida ay goobjoogayaasha u sheegeen wakaalada wararka ee AFP. Duulaanka lama filaanka ah ee ay qaadeen xoogaga mucaaradka ah, oo billowday Arbacadii, ayaa astaan u ah dagaalladii ugu muhiimsanaa ee ka dhaca Suuriya sannadihii u dambeeyay. Waxaa hogaaminayey kooxda Islaamiyiinta ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS), iyo sidoo kale kooxaha xulafada la ah ee taageerada ka helaya Turkiga. In ka badan 300 oo qof, oo ay ku jiraan ugu yaraan 20 rayid ah, ayaa ilaa hadda la dilay, sida ay sheegtay hay’adda. Ruushka ayaa sabtidii duqeymihii ugu horreeyay waxa ay ka fuliyeen magaalada Xalab tan iyo sanadkii 2016, kadib markii ay gudaha u galeen mucaaradka, magaaladaas oo ah tan labaad ee ugu wayn Suuriya, sida ay sheegeen goobjoogayaasha. Ciidamada cirka ee Ruushka ayaa kaalin mug leh ka qaatay in madaxweyne Bashaar Al-Asad uu xukunka sii hayo intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee ugu sarreeyay. Indha indheeyayaasha xuquuqda aadanaha ee Suuriya ayaa sheegay in shan duqeymo oo dhanka cirka ah ay aroornimadii Axada Ruushka ka geysatay xero qaxooti oo ku taal Idlib oo dhacda waqooyi galbeed Suuriya, magaaladaas oo ay ku badanyihiin kooxaha fallaagada ah. Xigashada Sawirka,Reuters Qoraalka sawirka,Koox mutadawaciin ah ayaa ku howlan gurmadka goobaha la duqeeyay Dagaalyahannada mucaaradka ayaa ku dhawaad dhammaan magaalada kala wareegay dowladda Axadii, marka laga reebo reebo xaafadaha ay maamulaan xoogagga Kurdiyiinta, sida ay hay’adda u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP. Dhanka kale, fallaagada ayaa weerarro ku qaaday koonfurta waxa ayna riixeen ciidankii halkaas ku sugnaa iyaga oo galay dhowr magaalo oo baadiyaha ah una dhaw magaalada afraad ee ugu weyn Suuriya. Wasaaradda difaaca ee Suuriya ayaa sheegtay in ciidammadu ay xoojiyeen difaacooda gobolka, iyaga oo wata gantaallo iyo saanad millatari oo culus. “Diyaaradaha dagaalka ee Suuriya iyo Ruushka” waxay xoojiyeen duqeymaha tooska ah ee ay ku beegsanayaan fariisimaha mucaaradka, iyagoo dilay kuna dhaawacay tobanaan kale, ayaa lagu yiri bayaan. Sidoo kale waxa ay sheegeen in ciidamadeedu ay dib u qabsadeen magaalooyin dhowr ah oo horay looga qabsaday ayna ka hor istaageen fallaagada in ay xoogaystaan. Xigashada Sawirka,EPA-EFE/REX/Shutterstock Qoraalka sawirka,Dagaalyahanada ka soo horjeeda Madaxweyne Bashaar Al-Asad ayaa qabsaday Xalab iyaga oo aan la kulmin wax iska caabin ah Sabtidii, sida ay sheegeen goobjoogayaasha Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya ayaa ka digay in xaaladda oo ka dartaa ay keeni karto khatar aad u daran oo soo foodsaarta dadka rayidka ah waxa uu sidoo kale sheegay in tani ay saamayn ku yeelan karto nabadda iyo ammaanka caalamka. Madaxweyne Assad oo sabtidii ka hadlay xaaladda ayaa wacad ku maray inuu difaaci doono xasiloonida Suuriya iyo wadajirka dhuleed, uuna ka hortagayo dhamaan kooxaha liddiga ku ah iyo taageerayaashooda. Dagaalkaan sokeeye, oo galaaftay nolosha ku dhawaad nus milyan qof, ayaa billowday sannadkii 2011-kii ka dib markii xukuumadda Asad ay ka jawaabtay mudaaharaadyada dimuqraadiga ah iyadoona lagu eedeeyay in cadaadis daran ay dadka saartay. Dagaalkii sokeeye ee xilligaas bilowday kadib waxaa dalkaas qaybo badan oo kamid ah ka huray dagaalo is dabajoog ah tan iyo markii lagu heshiiyay xabbad joojin sanadkii 2020, balse xoogagga mucaaradka ayaa gacanta ku hayay magaalada Idlib oo dhacda waqooyi galbeed dalkaas iyo in badan oo kamid ah gobolka. Bbcsomali Qaran News
-
Mogadishu (HOL) — Djibouti has assumed leadership of the African Union Peace and Security Council (PSC) for December, placing the small but strategically vital nation at the center of Africa's most pressing peace and security challenges. Ambassador Abdi Mahmoud Eybe, Djibouti's Permanent Representative to the AU, leads the council at a time of deepening instability in the Horn of Africa and unresolved continental crises. Source: Hiiraan Online
-
Hargeisa (HOL) — The Ministry of Health in Somaliland has strongly dismissed a report by Hargeisa General Hospital that suggested an alarming rise in AIDS cases over the past two decades. Health officials have called the data inaccurate, unauthorized, and potentially harmful, emphasizing that the nation's HIV prevalence remains low and is steadily declining. Source: Hiiraan Online
-
The fishermen of Erigabo, the capital of Sanag region, are reaping the benefits of a newly constructed market that has boosted their production over the past five months. This market, developed by Somaliland’s Ministry of Fisheries and Coastal Development, is equipped with large cold storage units and designated areas for daily trade. Source: Hiiraan Online
-
Ali Omar, State Minister for Foreign Affairs (left) and Thani Mohamed-Soilihi, the French State Minister for Francophonie and International Partnerships had a meeting in Paris yesterday. Mogadishu (PP News Desk) — The Federal Government of Somalia yesterday reportedly committed to repatriating Somali asylum seekers currently in Mayotte, a French overseas territory in the Indian Ocean, and in mainland France as part of a cooperation agreement signed yesterday in Paris by Ali Omar, the State Minister for Foreign Affairs, and Thani Mohamed-Soilihi, the French State Minister for Francophonie and International Partnerships. In return for agreeing to repatriate failed asylum seekers from Somalia, the Federal Government of Somalia will receive a substantial but undisclosed sum of money from France. The two-part repatriation programme will begin in Mayotte. “Human rights lawyers in Paris will not be able to challenge repatriation or deportation decisions by the French courts if the Mayotte plan succeeds,” said a lawyer in Paris. The Federal Government of Somalia has also expressed interest in collaborating with several Western countries to facilitate the return of asylum seekers whose applications have been rejected after appeals. © Puntland Post, 2024 The post The Somali Government “will facilitate the repatriation of failed asylum seekers in Mayotte” appeared first on Puntland Post.