Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,337
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Daah furay, Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, kaasi oo maanta Muqdisho lagu qabtay muddo 35 sanno ah kaddib. Madaxweyne Xasan ayaa dul istaagay ahmiyadda ay dowlad-dhiska iyo sookabashada Soomaaliyeed ay u leedahay, in hab cilmiyeysan loo darso caqabadaha ku gudban horumarka dowladnimo, dhaqaale iyo aqoon ee Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in ay dowladda ka go’an tahay, garab istaagga Aqoonyahannada iyo cilmi baarayaasha Soomaaliyeed, si xal waara loogu helo mushkiladaha hortaagan isku filnaanshaha dadka Soomaaliyeed. “Halganka dowlad-dhiska ee aan kusoo jirnay tan iyo burburkii, mar waliba waxaan dareemeynay maqnaanshaha kaalinta mufakiriinta Soomaaliyeed ee si dhab ah u darsilahaa mushkiladaha na haysta, nasiib wanaag Shirkan, waxa uu kusoo aaday waqtigii ugu mudnaa oo ay tahay in aan uga faa’iideysanno si dhaqsi leh”. Shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, oo markiisii ugu horreysay la qabtay sanadkii 1979-kii ayaa sanadkan waxaa ka qayb galaya, in ka badan 400 oo ergo ah, kuwaasi oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha geeska Afrika, waxaana gabagabada Shirkan laga soo saaridoona, Daraasado ku saabsan horumarinta Mujtamaca Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah furay Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Jubbaland ayaa weli ku howlan soo daabulidda ciidamadii ay dhowaan dowladda federaalka Soomaaliya gaysay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii looga adkaaday dagaalkii ka dhacay halkaasi. Qaybtii labaad ee ciidamada dowladda ayaa maanta diyaarad laga soo saaray magaalada Raaskambooni, waxayna kasoo dageen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, “Dowladda Jubbaland ayaa maanta mar kale sagoontisay qeybtii labaad ee dhalinyaradii lagu soo qabtay dagaalkii ka dhacay Raas-kaambooni, iyadoo diyaarad loogu celiyey magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri war kasoo baxay maamul goboleedka Jubbaland. Ciidamada inta aysan soo bixin ayaa waxaasoo sagootiyay saraakiil ka tirsan qaybta 43-aad ee ciidanka Xooggada dalka, waxaana Jubbaland ay sheegtay in lasoo khalday dhalinyaradan, sida ay ku sheegtay war qoraal ah oo ay maanta soo saartay. “Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Jubbaland, iyo Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga, ayaa goobjoog ka ahaa sagoontinta dhalinyarada, kuwaas oo Xasan Sheekh uu ku soo khaladay deegaanka Raas-kaambooni” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Deegaanka Raas-kaambooni ayaa 15-kii sano ee lasoo dhaafay ahaa mid nabad ah”. Xaaladda deegaanka ayaa hadda deggan, waxaana si buuxda u maamulayo ciidamada Jubbaland oo Arbacadii lasoo dhaafay dagaal ku galay magaalada Raaskambooni. Si kastaba, waxaa jira ciidamo kale oo boqolaal ah, oo u baxay dhinaca dalka Kenya, kuwaas oo lagu wado in iyagana lagu soo celiyo magaalada Muqdisho.
  3. Maamulka Jubbaland ayaa maanta diyaarad ku soo qaaday qeybtii labaad ee ciidamo horey ugu sugnaa Kismaayo, kuwaas oo lagu soo qabtay dagaalladii ka dhacay Raaskambooni. Ciidankan ayaa lagu wareejiyey dowladda Soomaaliya markii Muqdisho la keenay. waxaa ku jira Ciidamo qaba dhaawacyo kala duwan iyo kuwa caafimaadqaba. Wararka laga helayo Jubbaland ayaa sidoo kale sheegaya in dhowaan la soo qaadi doono ciidamo kale oo weli ku haray magaalada Kismaayo, kuwaas oo horey uga qeyb qaatay dagaallada Raaskambooni. Jubbaland ayaa sheegtay in aysan waxyeelo u geysan doonin Ciidanka dowladda ee lagu qabtay Raaskambooni. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa wali war kasoo saarin sax ahaanshaha Ciidanka Jubbaland ay sheegtay in ay yihiin ciidankii dowladda. Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay shirweynaha caalami ah oo muhiim ah, isla markaana ay ka qayb-galayaan inta badan aqoonyahannada Soomaaliyeed. Shirkan oo ah meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, ayaa dalka lagu qabanayaa muddo 35 sanno ah kadib ah, waxaana isugu yimid wafuud kala duwan oo ka badan ka badan 400 oo ergo oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha geeska Afrika. Inta uu socd shirkan ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa guulaha laga gaaray daraasaadka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay furitaanka ayaa sheegay in shirkaan uu muhiim u yahay Dalka, isaga oo ka qayb-galayaasha hor dhigay ka faa’iideysiga fursadaha muuqda sida Cilmi baarista iyo sare u qaadista Waxbarashada. Sidoo kale wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo madasha ka hadlay ayaa martida kusoo dhaweeyay hoolka shirka, wuxuuna sheegay in wasaaraddu ay farxad u tahay in 35 sano ay Muqdisho ku martigeliyaan Shirka Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, Soomaaliya ayaa haatan wax la qaybsaneysa aduunka intiisa kale, waxaana sanadihii u dambeysay ku tallaabsaneysay hormaro ballaaran oo ay qayb ka tahay wax la qaybsiga dalalka dhiggeeda ah.
  5. Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Jubbaland, gaar ahaan kuwa Nabad-Sugida maamulkaasi ayaa gacanta kusoo dhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo dhawaan weerar ka gaystay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ninkan oo loo soo bandhigay warbaahinta ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in bam-gamceed ku tuuray isbitaalka wayn ee magaalada Kismaayo. Eedeysanaha oo lagu magacaabo Cali Shidaad Ayuub ayaa laga qaaday wareysi uu baahiyay Telefishinka Jubbaland, wuxuuna ku sheegay inuu Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 7 sano ah, isaga oo ka qayb qaatay howlgallo iyo dagaallo ka dhacay Jubbaland. Cali Shidaad ayaa sanadkii 2018kii mar isku dhiibay maamulka Jubaland waxaana lagu xareeyay xeryaha dhaqan celinta dagaalamayasha kasoo goosta Al shabaab. Sidoo kale mar kale ayuu iku laabaatay kooxda, waxaana mar labaa lasoo qabtay 2019-kii, isaga oo loo soo xiray dhacdo noocani oo kale ah oo bam-gacmeed ah wuxuuna xirnaa sanad iyo bilooyin, iyada oo kadib la siidaayay. Eedeysanaha ayaa ku dooday in la qasbay oo isaga oo ka shaqeysanayo goomiiste ay lasoo xiriirtay kooxda, kadibna ay ugu hanjabtay dil, hadii uu fulin waayo weerarka. Si kastaba, weerarka uu ku qaaday isbitaaka Kismaayo ayaa kusoo aaday, xilliga lagu dabiibayay askar ka tirsan kuwii kusoo dhaawacmay dagaalkii ka dhacay Raaskambooni ee u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland.
  6. Las Anod (HOL — Intense clashes between Somaliland forces and SSC-Khatumo fighters in Erigavo town have continued for a second day, with residents reporting heavy casualties on both sides. Source: Hiiraan Online
  7. Kismayo (HOL) — Jubbaland intelligence forces on Saturday presented Ali Shidad Ayub, a suspected al-Shabab operative, accused of throwing a hand grenade at Kismayo Hospital. Source: Hiiraan Online
  8. Ceerigaabo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal saaka dib uga qarxay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo. Dagaalka oo ah mid xooggan ayaa galay maalintii labaad oo xiriir ah, wuxuuna soo bilowday shalay, iyada oo mar kale labada ciidan ay dib isugu laabteen saaka, taas oo uga sii dartay xiisadda ka taagan halkaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dadka shacabka ah ay bilaabeen inay ka barakacaan Ceerigaabo. Inta ka xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay dad kor u dhaafayo 15 qof oo isugu jiro dhinacyada dagaalamay iyo dad kale oo rayid ah, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha uu sii kordho, maadaama uu weli sii socdo dagaalka. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamullada SSC-Khaatumo iyo Somaliland, kuna aadan dagaalka ku dhex-maraya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan xaaladda ay faraha kasii baxeyso, isla- markaana ciidamo iyo gaadiid dagaal oo gurmad ah ay gaareen halkaasi, taas oo cabsi kusii abuurtay dadka deegaanka. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa kacsaneyd xaaladda maagaaladan, waxaana jiray dibadbaxyo ay dhigeen shacabka oo looga soo horjeeday dilal ka dhacay degmadaasi oo ay SSC ku eedeysay ciidamada Somaliland. Dagaalka ka qarxay Ceerigano ayaa kusoo aaday, iyada oo dhowaan isbeddal uu ka dhacay Somaliland, kadib markii la doortay madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, waxaase ay u muuqataa in weli xiisadda labada dhinac ay kasii socoto halkeeda.
  9. Dagaal maalintii labaad galay oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-khaatumo ayaa ka soconaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta Sanaag. Dagaalka labada dhinac ayaa shalay bilowday kadib markii ciidamada Somaliland weerar ku qaadeen daanta Ceerigaabo ay ka deggan yihiin Reer SSC-khaatumo halkaasi oo ay amnigeeda sugayeen ciidamada SSC. Inta badan xaafadaha Ceerigaabo oo dhawaanahan laga bara-kacay ayaa waxa isku hor-fadhiya ciidamada SSC-khaatumo iyo kuwa Somaliland waxaana saaka socda dagaal goos goos ah oo bilowday subaxnimadii hore. Weli tiro-koob sugan lagama hayo Khasaaraha ka dhashay dagaalka tan iyo shalay ka socda Ceerigaabo waxaana labada dhinac u yimid gurmadyo kala duwan taasi oo muujinaysa in xaaladdu ka sii dari karto. PUNTLAND POST The post Dagaalka magaalada Ceerigaabo oo maalintii labaad galay appeared first on Puntland Post.
  10. If you're wondering why this weekend's Manchester derby feels a bit, well, different, it's probably because there is so little jeopardy riding on the result. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) — Somali Deputy Prime Minister Saleh Ahmed Jama chaired a Council of Ministers meeting on Saturday night to discuss the ongoing revisions to the country's provisional constitution, focusing on Chapters 5 and 9. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay shir deg-deg ahaa ku yeeshay xafiiska ra’iisul wasaaraha, iyaga oo qaaday tallaabo kale oo la xiriirta qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan dhammeystirka dastuurka KMG ah, xilli ay dood wayn ka qabaan xubnaha mucaaradka iyo laba maamul goboleed. Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaana inta badan goobjoog ahaa xubnaha golaha wasiirada oo si buuxda uga soo qayb-galay shirka. Inta uu socday shirkan gaarka ah ayaa waxaa lagu soo bandhigay qaar kamid ah qodobbada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameynayo iyo kuwii horey loogu sameeyey. Sidoo kalw guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka iyo guddiga arrimaha dastuurka u qaabilsan baarlamaanka, ayaa golaha warbixin ka siiyey halka ay marayaan wadatashiyada ku aaddan dib-u-eegista dastuurka, gaar ahaan qodobbada 5-aad iyo 9-aad Cutubyadan ayaa hadda la bilaabay wada-tashiyadooda, iyada oo goluhu su’aallo ka weydiiyey guddiyadu, isla markaana aragtidooda ku biiriyey cutubyada la soo bandhigay ee dib-u-eegista lagu sameynayo. Qorshaha ayaa ah in kadib golaha wasiirada loo sii gudbiyo labasa gole ee baarlamaanka, si ay go’aan uga gaaraan, una meel-mariyaan. Tallaabadan ayaa la qaadayaa, iyada oo aysan ogoleen maamullada Puntland, Jubbaland iyo mucaaradka oo horay u diiday hannaanka ay wax ku wadaan madaxda dowladda dhexe. Si kastaba, Villa Soomaaliya ayaa u muuqato inay dadajineyso dhameystirka dastuurka, iyada oo sidoo kale rabta inay dalka ka qabato doorasho qof iyo cod ah oo weli la’isku fahmi la’yahay hannaanka loo wajahayo.
  13. English Premier League leader Liverpool was held to a 2-2 draw at home to Fulham on Saturday, but coach Arne Slot could well be satisfied with a point after the personality his side showed after playing for over 70 minutes with a player less. Source: Hiiraan Online
  14. Odinga emphasized the urgent need to address Africa’s historical exclusion from global decision-making processes, particularly at the UNSC, which wields significant influence over international peace and security. Source: Hiiraan Online
  15. Türkiye-brokered Ankara Declaration ushers in new era for Somalia-Ethiopia ties, says foreign relations expert Brown. Source: Hiiraan Online
  16. The international community has commended the agreement signed this week between Ethiopia and Somalia, with many hoping the deal will put an end to the tensions that have marred relations between the two countries for a full year. Source: Hiiraan Online
  17. Yoon Suk Yeol, ayaa si rasmi ah waxaa looga mamnuucay dhamaan shaqooyinkii uu ka hayay xafiiska ugu sarreeya dalkaas ka dib markii baarlamaanka dalkiisu ka xayuubiyeen xilkii madaxweynenimo ee uu u hayay dalkiisa. Xilka ayaa haatan waxaa la wareegay ra’iisul wasaaraha dalka, Han Duck-soo. Khudabadii ugu horeysay ee uu jeediyay madaxweynaha sida kumeelgaarka ah talada dalka u hayn doona ayaa waxa uu ku sheegay, in uu awoodda saari doono “sidii uu xaalka u dajin lahaa”iyo “in uu jawiga dadka sidii caadiga ah ugu soo celin lahaa”. “Ka shaqsi ahaa, isla markaana dowladda masuul ka ah, waxaan dareemayaa masuuliyad culus oo iga saaran xaalka nasiib xumada ah ee aan ku jirno, waanan ka raali galinayaa dadka reer Kuuriya,” ayuu yiri Han. Madaxweynahaan xilka sii hayn doona ayaa waxa uu sheegay in uu ka ilaalin doono dowladda “in uu firaaq dhaco” isaga oo sheegay in uu soo dhisi doonoo “haykal amni oo adag” iyo gole wasiiro oo ay diiradoodu tahay “shaqo adag oo halkeeda ku sii haysa aamniadda” ay isku qabaan wadamada Maraykanka, Japan iyo xulufada kale ee ay leeyihiin, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters. Source: goobjoog.com
  18. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay yeeshay kulan gaar ah, oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac. Kulankaan ayaa lagu soo bandhigay qaar kamid ah qodobbada Dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameynayo iyo kuwii horey loogu sameeyey. Guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka iyo guddiga arrimaha Dastuurka u qaabilsan Baarlamaanka, ayaa golaha warbixin ka siiyey halka ay marayaan wadatashiyada ku aaddan dib-u-eegista dastuurka, gaar ahaan qodobbada 5-aad iyo 9-aad oo la bilaabay wadatashiyadooda, iyada oo goluhu su’aallo ka weydiiyey, isla markaana aragtidooda ku biiriyey cutubyada la soo bandhigay ee dib-u-eegista lagu sameynayo. Golaha ayaa amray in xoogga la saaro ololaha dib u eegista dastuurka dalka. Source: goobjoog.com
  19. Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag waxaa maalmihii la soo dhaafay ka taagnayd xiisad u dhexaysay Soomaaliland iyo Khaatumo, taas oo dhawr gacan ka hadal isku badeshay, islamarkaana waxyeello dhimasho, dhaawac, iyo burburba leh horseeday. Iska hor-imaadkii ugu dambeeyay wuxuu dhacay 14-kii bishan, waxayna maamulka Khaatumo oo war saxaafadeed ka soo saaray tilmaameen in dhinaca Soomaaliland looga soo qaaday weerar, islamarkaana la burburiyay guryo ay magaaladaas ku lahaayeen dad rayid ka soo jeeda dhinaca SSC-Khaatumo. Sidoo kale wasiirka Amniga Khaatumo Ibraahim Jaamac Raygal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadoodu ay gudaha magaalada difaac uga jiraan, asagoo Soomaaliland ku eedeeyay inay diidantahay nabad ku wada noolaanshaha bulshada Ceerigaabo. Soomaaliland dhankeeda waxay sheegtay inay si degdeg ah u soo afjarayso shaqaaqooyinka ka dhacaya Ceerigaabo, wuxuuna taliska Booliska magaaladaasi dadweynaha faray inay guryohooda ku ekaadaan in ay socdaan howlgallo ay sheegeen inay ka samayn doonaan xaafadaha magaalada, gaar ahaan goobihii ay iska hor imaadyadu ka dheceen. Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaaladaasi sheegayaan in hadda xaaladdu deggantahay, balse ay socdaan dhaqdhaqaaqyo dhiillo leh oo laga dareemayo inta badan deegaannada gobolkaasi Sanaag. Si kastaba ha ahaatee Ceerigaabo ayaa bilihii la soo dhaafay gundhig u noqatay hardanka u dhexeeya Soomaaliland iyo Khaatumo, lamana oga sida ay ku dambeyn doonto xaaladda magaaladdaas oo 30-kii sanoo la soo dhaafay safka hore uga jirtat magaalooyinka ugu nabdoon geyiga Soomaalida. Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa qaaday tallaabadii ugu horeysay, wuxuuna Madaxweyne Xasan Sheekh ka xigsaday culeys weyn oo toddobaadkaan ka soo wajahay ururka Haweenka Qaranka oo wasiirka Qoyska Bashiir Goobe uu gurigooda ku qabsaday. Duqa Muqdisho Maxamed Amiir iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa maanta la kulmay xubnaha ugu sareeya ururka haweenka qaranka oo guddoomiyaha ururkaas Batuulo Gaballe ay hoggaamineyso. Guddoomiyaha aan xilka la wareegin ee gobolka Banaadir ayaa ka hor inta uusan haweenka la kulmin wuxuu la soo kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo warbixin ka siiyey sababta Ururka Haweenka Qaranka ay uga cabanayaan dowladda. Intaas kadib waxaa dhacay kulanka maanta, guddoomiyaha gobolka ayaa kulan la yeeshay haweenka careysan, wuxuuna la wadaagay labo farriin oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka sido. 1-Wuxuu u sheegay in Madaxweynuhu uusan raali ka aheyn wixii dhacay, isla markaana uu ka codsanayo inay is dejiyaan oo guryahoodii ku laabtaan, kana war sugaan dowladda, si kiiskaan xal looga gaaro. 2-Ama inay la kulmaan Madaxweynaha oo diyaar u ah inuu qaabilo, si cabashadooda ay ugu sheegtaan, waxayna qaateen tan dambe oo waxay codsadeen in loo geeyo Madaxweynaha, si ay uga dacwoodaan Bashiir Goobe. Sidoo kale, Haweenka ayaa guddoomiyaha gobolka u sheegay in hadii ay la kulmaan Madaxweynaha ay ka raali geli doonaan hadallo gef ah oo warbaahinta ay u mariyeen, sidoo kalena ay u sheegayaan sida loo dhibaateeyey. Guddoomiye Amiir ayaa ururka haweenka qaranka ka codsaday in xaaladda ay dejiyaan, isagoo ka balan qaaday in Madaxweynaha uu la kulan sii doono, isagoo u sheegay in dowladdu ay ogsoontahay in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin weyn ku leeyihiin dowladnimada iyo samatabixinta dalkaan. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale haweenka ka balan qaaday in tabashadooda aysan dowladdu ka aamusi doonin oo ay wax ka qaban doonto, isla markaana aan lagu abaaldhici doonin doorkii cajiibka ahaa ee samatabixinta Soomaaliya ay ka soo qaateen, xiliyadii adkaa ee dalku soo maray.
  21. Shir Looga Arrinsanayo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa waxa isugu yimid Dawladda Puntland iyo Bahda Tacliinta Sare. Shirka oo uu Guddoomiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, Waxaa soo Agaasintey Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare. Dood iyo falanqayn dheer ka dib, Waxaa dhinacyada Shirku isku raaceen: 1. In Dawladdu Dardargeliso Kaalinta Kaga Aaddan Horumarinta Arrimaha Tacliinta Sare. 2. In Dawladdu La Garab Istaagto Tacliinta Sare Qoondo Dhaqaale Iyo Taageero Farsamo. 3. In Laga Shaqeeyo Xoojinta Wada-Shaqaynta Bahda Tacliinta Sare Lana Mideeyo Iskaashigooda. 4. Inay Hirgeliso Wasaaradda Waxbarashadu Barnaamijka Maaraynta Xogta Tacliinta Sare ( HEMIS), Wasaaradduna ay tahay cidda maamuleysa xogta Jaamacadaha Puntland. 5. ⁠In la dedejiyo dib-u-eegista iyo waxkabeddelka lagu sameynayo siyaasadaha iyo shuruucda la xiriira tacliinta sare iyo meel marintooda si loo hirgeliyo dhismaha Guddiga Tacliinta Sare. Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo dhisaysa guddi qaabilsan Tacliinta Sare appeared first on Puntland Post.
  22. Bismillah Asc Dhamaan tiin wakhti wanaagsan. 1, Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa madaxweyne Cirro iyo dhamaan golahiisa wasiirada iyo dhamaan bulshada Somaliland. 2, Waxaan xasuusinayaa bulshada Somaliland in ay geed dheer iyo geed gaaban ba u fuulaan midnimadooda, horu marka wadankooda dhinac kasta iyo hamigooda ictiraaf raadinta. 3, Waxaan xasuusinayaa dhamaan bulshada Somaliland in ay qabyaaladu tahay cudurka ugu wayn ee dibu dhaca bulsho. 4, Waxaan xasuusinayaa bulshada Somaliland in ay boqol kiiba boqol sax tahay in la garab istaago xukuumad kasta oo raacda dariiqa guusha xataa hadii ay wasiirada xukuumadaasi isku wada raas yihiin. 5,Waxaad ogaataan in guusha lagu gaadho oo keliya wada jirka. 6, Waxaan idin kula talinayaa in aad ka dheeraataan aqbalaada nin kasta oo isu kiin soo cumaamaday (SULDAAN BEENEED) waayo, marka uu uugu SHARKA YARYAHAY WUU ISKU KIIN DURAYAA. 7, Xukuumada gaar ahaan wasaarada arimaha guduhu waa inay khadka ka saartaa nin kasta oo is cumaamaday, kana soo saartaa sharci xakamaynaaya. 8, Wasaarada war faafintu waa in ay dembi ka dhigtaa in la waraysto cid kasta oo XAALAD ABUUR iyo isku dir ka hadlaysa. 9, Waa qoraalo is daba jooga oo ku salaysan aqoon iyo waayo aragnimo oo inoo socon doona. Waxaa diyaariyay Cabdilqadir Ismaaciil Geelle Qaran News
  23. Xilli ay militariga Israa’iil maalmihii la soo dhaafay duqeymo ba’an ka wadeen gudaha Suuriya, islamarkaana duullaan dhulka ay ku galeen dalkaas ayaa arrintaas ka falceliyay maamulka cusub ee jabhadaha dhowaan xilka ka tuuray Bashaar Al-assad. Hogaamiyaha guud ee isbahaysiga jabhada Suuriya Abuu Maxamed Al-joolaani ayaa dhaleeceeyay dhul-qabsiga Israa’iil iyo weerarrada cirka ah ee ay dalkaas ku hayso, balse waxa uu sheegay in dalkiisu uu aad uga daalay colaado, taas oo u muuqata inaysan diyaar u ahayn iska hor-imaad ay la galaan Tel-aviv. Dhanka kale diblumaasiyiin sar sare oo ka kala socda 8 dal oo Carbeed, Turkiga iyo Maraykanka ayaa ku kulmay dalka Urdun si ay uga wada hadlaan mustaqbalka Suuriya, waxayna ku baaqeen isbedel siyaasadeed oo nabad ah oo loo wada dhan yahay uu dalka ka dhaco. Source: goobjoog.com
  24. Professor Mukhtar: “Speaking on behalf of the scholars who signed the Somali Studies International Association letter, I denounce the Ministry of Education’s attempt to turn the association into a political platform.” Mogadishu (PP News Desk) — Professor Mohamed Haji Mukhtar, who taught history at Savannah State University, criticised the Ministry of Education of the Federal Government of Somalia for usurping the role of the Somali Studies International Association to organise a Somali Studies conference in Mogadishu tomorrow. “Speaking on behalf of the scholars who signed the Somali Studies International Association letter, I denounce the Ministry of Education’s attempt to turn the association into a political platform. The Ministry of Education has interfered in research matters that have nothing to do with politics,” Professor Mukhtar told Kalsan TV. Earlier this week, Somali scholars who are key members of the Somali Studies International Association publicly distanced themselves from the event. “We understand that the Ministry of Education, Culture, and Higher Education is heavily involved in organizing the proposed conference in Mogadishu from December 15 to December 18, 2024. The organization’s nature is academic; therefore, while governments can support it, they should not organize the SSIA conference. Using the SSIA brand in this manner damages the scholarly integrity of the organization. We, thus, categorically state that this event has no affiliation with the Somali Studies International Association, its leadership, or its mission. The Ministry of Education, Culture, and Higher Education has different and essential functions that are different from those of SSIA, an academic and non-partisan organization. Therefore, it should not undermine the credibility and reputation of SSIA which many scholars have devoted their careers and upheld its integrity for almost half a century” reads the letter signed by the Somali scholars. The Somali Studies International Association was founded in 1978. It held its two conferences in Mogadishu in 1980 and 1989. © Puntland Post, 2024 The post Historian Denounces the Somalia Education Ministry for “Usurping the Role of the Somali Studies International Association” appeared first on Puntland Post.
  25. Recently, whispers of Somaliland’s impending recognition as an independent state have grown louder. Credible assertions are rife that the incoming administration in the US is not opposed to extending acknowledgment of this self-declared republic. Such a move, if realized, stands to reshape the dynamics in the Horn of Africa, a region long defined by its turbulent history and proxies bound in complex alliances in service of narrow geopolitical interests. But what does this mean for Somaliland, and how is it positioned to transform a distant aspiration into reality? Somaliland, nestled in the northwest corner of Somalia, unilaterally declared its independence in 1991. However, despite its stable governance and booming economy, it remains largely absent from international recognition. With roots tracing back to a colonial history distinct from the rest of Somalia, Somaliland has consistently demonstrated a more democratic and stable profile than its neighbor — a sharp contrast to the turmoil that has beleaguered Somalia for decades. This compelling narrative of stability juxtaposed against regional chaos forms the bedrock on which Somaliland stakes its claim to statehood. Recent presidential elections in Somaliland, despite periods of tension and violence leading up to the vote, have sharply elevated the argument for an independent and sovereign country. Abdirahman Mohamed Abdullahi, also known as Cirro, of the Waddani party, secured the presidency with a strong mandate, securing nearly two-thirds of the vote in a poll that highlighted the resilience of Somaliland’s democratic institutions even amid regional instability. However, international recognition, particularly from a global power such as the US, would carry significant geostrategic weight. The incoming administration in the US might view Somaliland’s stability as a strategic asset against the backdrop of a volatile neighbor and an opportunity to counter the expansion of influence in the region from Washington’s geopolitical rivals. Yet, such recognition risks igniting further unrest by exacerbating clan divisions within Somaliland and antagonizing Somalia, which has vehemently opposed Somaliland’s independence for more than three decades. These implications extend beyond the region, potentially affecting global trade routes at the vital Bab Al-Mandab Strait chokepoint, which divides the busy Red Sea and the Gulf of Aden maritime routes. Here, Somali piracy, Houthi escalations, and a semipermanent international naval presence complicate the dynamics at play where a new country is struggling to be born. Nevertheless, acknowledging Somaliland’s de facto statehood is a step that would validate its aspirations and contributions toward a more stable region. This recognition would affirm the global community’s commitment to stability and self-determination over archaic border adherence, setting a new standard for addressing similar geopolitical realities. Somaliland’s quest for recognition carries a range of potential benefits and pitfalls. On the plus side, international recognition would solidify its sovereignty, allowing for increased foreign investment and development assistance which would catalyze economic growth and improve infrastructure. Recognizing statehood would also offer Somaliland the opportunity to join international organizations, further embedding it into the global diplomatic and economic system. However, pitfalls include the risk of heightened regional instability, as recognition might prompt a severe backlash from Somalia, which considers Somaliland an integral part of its territory. Recognition could also set a precedent for other separatist movements around Africa and beyond, potentially reigniting dormant territorial disputes, which might deter some countries from supporting Somaliland’s bid. A newly independent Somaliland would realign political dynamics within the Horn of Africa. It could alter alliances and worsen existing tensions, particularly among actors who may have vested interests in either supporting or opposing Somaliland’s independence. Ethiopia, for instance, with its historical ties and strategic interests in Somaliland, might endorse such recognition, seeking to counterbalance Eritrean and Somali influences in the region. Nonetheless, the geopolitics of the Horn are precarious, and the global community must quickly determine whether recognizing Somaliland would bring more stability or further complicate a delicate balance of power. Given the potential for regional upheaval, there is an argument for establishing an international coalition to safeguard post-recognition Somaliland. Such a coalition should include key global and regional actors committed to ensuring that Somaliland’s transition to recognized statehood occurs peacefully. This coalition would provide not only diplomatic backing but also tangible support in the form of security assistance and economic aid to help buffer against any immediate retaliatory measures from neighboring states or non-state actors. Establishing such a coalition would signal to Somaliland’s opponents that the international community is serious about maintaining stability and supporting the country’s sovereignty, potentially deterring hostile actions against it. Opposition to Somaliland’s recognition is likely to be driven primarily by Somalia, which views the move as a direct challenge to its territorial integrity. Other actors who fear the precedent this sets, especially those in restive regions, may also oppose the move indirectly seeking to impose diplomatic costs for any endorsement. Ultimately, navigating this turbulence will require astute diplomacy and a clear-eyed assessment of both the risks and the long-term benefits of embracing Somaliland as the world’s newest country. However, it is unclear in current contemplations, whether the incoming US administration’s backing would be as pivotal in overcoming diplomatic inertia for Somaliland’s recognition as experts estimate. The coming months promise a flurry of maneuvering in a bid to clarify where the US stands regarding Somaliland’s independence. And, once again, the Horn of Africa will be at the center of renewed attention as a new White House administration takes the helm. • Hafed Al-Ghwell is a senior fellow and executive director of the North Africa Initiative at the Foreign Policy Institute of the Johns Hopkins University School of Advanced International Studies in Washington, DC. X: @HafedAlGhwell Lĺ Qaran News