Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,796
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shaaciyay in xukuumadda ay baaris ku sameysay halka uu ka jiro xalka dhibaatada gooni goosadka. Waxa uu sheegay in gooni goosadka uu halis ku yahay jiritaanka dalkeenna, ayna xalkiisa ka raadinayaan dadka wax bartay ee aqoonyahanka, si xal waara looga gaaro dhibaatadan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabadda qalin jabinta arday dhameysatay barnaamijka daraasaadka sare ee Jaamacadda Muqdisho, oo xalay ka dhacday magaalada Muqdisho. Xamza ayaa tilmaamay in xukuumadda Dan-Qaran ay waddo qorshayaal lagu horumarinayo waxbarashada dalka, si ay ubadka Soomaaliyeed u helaan tacliin tayo sare leh, loona helo jiil aqoon iyo xirfad sare leh oo door muhiim ah ka qaata dib-u-dhiska iyo horumarka dalka. “Xukuumaddu waxay baaris ku samaysay kadibna ay oggaatay in waxyaabaha waaweyn ee halista galiyey jiritaanka dalkeenna ay ka mid tahay argagixisada oo dhibaato ku ah amniga, nafta iyo maalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa kale oo ka mid ah dhibaatooyinka jira aragtida gooni u goosatada, maadaama ay tahay mid gurracan oo halis galinaysa jiritaanka dalkeenna, iyo nugaylka dowladnimadda, waxaannu isla qaadanay in xalka laga raadiyo dadka wax-bartay oo aad qeyb ka tihiin.” Mudane Xamsa, ayaa ugu hambalyeeyay ardayda qalin-jabisay dadaalka ay sameeyeen iyo guusha ay gaareen maanta, wuxuunna ku dhiirrigeliyay in ay aqoontooda ugu adeeggaan dalkooda, kuna dadaallaan hal-abuur cusub, isaga oo ku boorriyay in ay noqdaan kuwo kaalin mug leh ka geysta horumarka dalka iyo bulshada Soomaaliyeed. Hoos ka daawo muuqaalka
  2. Dowladda Puntland ayaa markii u horraysay faahfaahin ka bixisay xogta ku saabsan dukumemtiyo sir ah oo laga helay talisyo ciidamadu ka qabsadeen kooxaha Argagixisada ah ee Daacish. Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire iyo Taliyaha Hawlgelinta Ciidanka PMPF S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac ayaa si wadajir ah uga warbixiyay xogta ku qoran dukumentiyo sir ah oo laga helay saldhigyadii laga saaray mileeshiyaadka Argagixisada ah ee Daacish. S/Guuto Muumin Cabdi oo faahfaahiyay dukumentiyada Sirta ah ee laga helay xarumihii kooxda Daacish ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay liisas ay ku qoran yihiin dhammaan lacagihii ay qaadi jireen iyo shirkad kasta oo lacag u dirtay iyo sidoo kale akoonnadii lagu shubi jiray lacagaha baadda ah. “Waxaan helnay dukumentiyo caddaynaya liisaska dhammaan lacagihii ay qaadi jireen iyo shirkad kasta oo lacag u dirtay iyo sidoo kale akoonnadii ay ku diri jireen iyo akoon kasta lacagta ku dhacday” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire oo ka warbixinayay dukumentiyo sir ah oo laga helay saldhigyadii Daacish. Gen. Muumin ayaa sidoo kale tilmaamay in dukumentiyada Sirta ah ay ku jiraan kuwa muujinaya in Daacish lacago been-abuur ah samaysay, islamarkaana macdanta ka guran jirtay buuraha Calmiskaad, waxaana uu intaasi ku daray in sida dukumentiyada ku qoran ay tacaddi ku samayn jireen haweenka, halka xayawaannada ay ugaarsan jireen. Taliyaha Hawlgelinta Ciidanka PMPF S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac ayaa dhankiisa sheegay in dukumentiyada la helay ay ku jiraan baasaboorro iyo kaarar banki oo ay lee yihiin ajaanib Carab ah oo ku soo duulay dalka, isagoo sii raaciyay in gacanta lagu dhigay khariirado muujinaya dhammaan degmooyinka Soomaaliya iyo masaafooyinka u dhexeeya. PUNTLAND POST The post Puntland oo heshay dukumentiyo Sir ah iyo khariiraddii dagaalka ee Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
  3. Hargeysa (Caasimada Online) – Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa rumaysan in Maraykanka, marka uu muddo xileedkiisa cusub la wareego Donald Trump, uu noqon doono dalkii u horreeyey ee u aqoonsada dal ahaan Somaliland. Somaliland ayaa ku dhawaaqay madaxbannaanideeda 33 sano ka hor ka dib markii Soomaaliya ay ku burburtay dagaal sokeeye – tan iyo markaasna, siyaabo badan, waxa ay ahaayeen sidii waddan madax-bannaan “Donald waa badbaadiyahayaga. Waa nin caqli badan oo la isku hallayn karo. Ilaahay ha barakeeyo Mareykanka,” ayay tidhi Caasha Ismaaciil oo ah ardayad jaamacadeed, aadna u faraxsanayd markii ay ka warramaysay waxa ay naawilayaan. Waxay igala hadlaysaa iyada oo ku sugan Hargeysa, caasimadda Somaliland – magaalo u jirta 850 kiilomitir (530 mayl) waqooyina ka xigta Muqdisho, oo ah xarunta dowladda Soomaaliya. Dadka ku sugan Muqdisho, Somaliland waxa ay u tahay qayb aan ka go’i karin oo ka mid ah Soomaaliya. “Waxaa shaki ku jiraa in Donald Trump uu og yahay waxa Somaliland tahay, iska daa inuu garanayo meesha ay ku taallo e,” ayuu yidhi Cabdi Maxamuud, oo ah falanqeeye dhanka xogta ah oo ku sugan Muqdisho, xilli uu aad u cadhaysnaa “Waan xanaaqsanahay,” ayuu sii raaciyay, isagoo ka cadhaysan rejada weyn ee ay qabto Caasha Ismaaciil, taas oo aan ahayn riyo aan suurtagalnimadeedu adkayn, ugu yaraan marka loo eego mustaqbalka fog. Xubno awood leh oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, oo uu ka mid yahay Xubinta Koonagareeska ee Scott Perry, ayaa sida oo kale u ololeynaya arrintan, iyada oo bishii hore uu soo bandhigay xeer soo jeedinaya in Mareykanku si rasmi ah u aqoonsado Somaliland. Arrintan ayaa daba socotay buug qorsheed-kii soo baxay bishii Abriil 2023 loona bixiyey Qorshaha 2025, oo ah khariidad cusub oo loogu talagalay madaxweynenimada marka labaad ee Trump, taas oo ay diyaariyeen hay’adda caanka ah ee garabka midig ee Heritage Foundation iyo in ka badan 100 hay’adood oo kale oo conservative-ka ah. Dukumentigan waxaa qaybta lagaga hadlayo Afrikada saxaraha ka hoosaysa lagu xusay laba deegaan oo keliya – Somaliland iyo Jabuuti – waxaana lagu soo jeediyey “in la aqoonsado madax-bannaanida Somaliland si looga hortago hoos u dhaca booskii Mareykanka ee Jabuuti”. Si kastaba ha ahaatee, xaqiiqda ah in Afrikada ka hooseysa Saxaraha ay ku leedahay wax ka yar laba bog oo ka mid ah qorshahan ka kooban 900 oo bog ayaa muujinaysa in qaaraddu ay dhanka mudnaanta ku jirto liiska ugu hooseeya. Sidoo kale, ma jirto damaanad ah in xukuumadda soo socota ay raaci doonto qorshahan, oo qaarkood Trump uu horeyba u diiday. Laakiin hal arrin ayaa cad: Mareykanka wuxuu durba bilaabay inuu beddelo mowqifkiisa ku aaddan Somaliland, isagoo ka sii fogaaday aragtida Muqdisho ku wajahan ee loo yaqaan siyaasadda ku dhisan ‘ Soomaaliya hal waddo ah’. Tan iyo sagaashamaadkii, Maraykanka waxa Soomaaliya kaga baxayey dhaqaale laxaad leh, agab, iyo dad ba. Taageeradaa dawlad ayaana daba socotay markii meydadka 18 askari oo Mareykan ah la jiid jiiday waddooyinka Muqdisho ka dib markii diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka ay soo rideen malleeshiyaad qabiil oo Soomaali ahi. Dagaalkaas, oo loo yaqaan “Black Hawk Down,” wuxuu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Mareykanka ka soo gaadha dagaal tan iyo dagaalkii Vietnam. “Tallaabo kasta oo ku aaddan aqoonsiga madaxbannaanida Somaliland keliya kama hor imanayso madaxbannaanida Soomaliya ee waa caqabad hor leh oo gobolka ah,” ayuu yidhi Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar. Midowga Afrika iyo awoodaha kale ee caalamka waxay aaminsan yihiin in xuduud dhuleedku yahay lama-taabtaan. Aqoonsiga Somaliland ayaana horseedi kara silsilad jawaab-celin ah oo dadka gooni u goosadka ah ee dunida oo dhan ay dalbadaan aqoonsi dhuleed. Cumar wuxuu sidoo kale muujiyay walaacyo ku saabsan suurtagalnimada in xukuumadda Trump ee cusub ay ku dhaqaaqdo go’aan la mid ah tii hore ee la bixidda inta badan ciidammada Mareykanka ee Soomaaliya, kuwaas oo la dagaallamayay kooxda al-Shabaab – oo si joogto ah loogu tilmaamo kooxaha xidhiidhka la leh al-Qaacida kuwa ugu guulaha badan. Xilligan Joe Biden madaxweyne yahay, qiyaastii 500 oo askari Mareykan ah ayaa ku sugan Soomaaliya – iyagoo fuliya howlgallo gaar ah iyo tababaridda ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya, Danab, kuwaas oo dhawr jeer muujiyey in ay ka waxtar badan yihiin ciidanka caadiga ah ee Soomaaliya marka loo eego la dagaallaankooda Al-Shabaab. Mareykanku wuxuu saldhig ciidan ku leeyahay Ballidoogle, waqooyi-galbeed Muqdisho, waxayna si joogto ah u fuliyaan duqeymo cirka ah oo ka dhan ah fallaagadan Islaamiyiinta ah. “Ka bixitaanku wuxuu abuuri doonaa firaaq weyn oo amni, isagoo dhiirrigelinaya in kooxaha argagixisada ah ay halis geliyaan xasilloonida Soomaaliya iyo sida oo kale guud ahaan Geeska Afrika,” ayuu Cumar ka digay. Erayada wasiirku waxay la mid yihiin kuwa Soomaaliya kaga jawaabtay heshiiskii dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo lagu sheegay in aqoonsi la siin doono haddii ay bixiyaan marin badeed. Dad ayaa iga soo wacay habeekii heshiiskaasi soo baxay ku nool Soomaaliya oo sheegay inay seexan kari waayeen sababo la xidhiidha, heshiiskaas muranka leh. Wasiirkii Deegaanka ee xilligaas ee Soomaaliya, Aden Ibrahim Aw Hirsi, ayaa igu yidhi waqtigaas: “Mar walba waxaad baahisaa warar ‘bombooyin siyaasadeed’ ah warbixinahaaga” “Halkan waa Muqdisho e dadku waxa ay aad uga hadlayaan xaalad dhulgariir siyaasadeed. Ah” Tan iyo markaas, Turkiga ayaa dhex-dhexaadin ka sameeyay xallinta khilaafkaas. Halka dhan kale ay Soomaaliya dhawaan saxiixday heshiis $600,000 (492,000 ginni) sanadkii ah oo ay la galeen shirkadda galaangalka ka shaqaysa ee Washington ee BGR Group, kaas oo muujinaysa in ay ka walwalsan yihiin xidhiidh dhex mara maamulka Trump ee soo socda iyo Somaliland. Mareykanku wuxuu bishii hore ka aamusey codbixinta go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsanaa maalgelinta qorshihii u danbeeyey ee faragelinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. Mid ka mid ah naqshadeeyayaasha muhiimka ah ee fikirka Afrika ee xisbiga Jamhuuriga, gaar ahaan marka la eego arrimaha Soomaaliya, waa Joshua Meservey, oo dhawaan ka tegay Heritage Foundation una wareegay Hudson Institute oo garabka midig ku jihaysan. “Kiiska Somaliland ee Mareykanka waa mid aad u xoogan,” ayuu ku doodayaa. “Waxaan u maleynayaa in su’aasha aqoonsiga si dhab ah loo wada hadli doono, in kastoo xiddigta waqooyigu marka meelo badan laga eego ay tahay meel u fiican danta Maraykanka.” Sida Jamhuuriyaal badan oo Mareykan ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Abdirahman Dahir Adan ayaa xidhiidhkan u arka mid faa’iido leh. “Haddii heshiisku noo fiican yahay, waan qaadaneynaa. Haddii Mareykanku ka rabo saldhig milateri halkan, waan siinaynaa,” ayuu yidhi. Dadka u ololeeya aqoonsiga Somaliland waxay ku doodayaan in Somaliland ay ku taallo goob muhiim ah oo kulmisay danaha Mareykanka ee dhinacyada dhaqaale, milateri iyo istiraatijiyadeed. Joshua Meservey wuxuu intaa ku darayaa in gobolkaas la “abaal-mariyo” maadaama uu ku dhagan yahay mabaadi’da dimoqraadiyadda, uusan ku tiirsanayn gargaarka shisheeye, islamarkaana uu leeyahay dowlad yar oo koraysa. Xeebta dheer ee Somaliland waxay ku dheggan tahay mid ka mid ah marin-biyoodyada ugu mashquulka badan caalamka. Inkastoo fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen oo ay taageeraan Iran ay hadda beddeleen budjcad-badeedka Soomaaliyeed oo ahaa caqabad weyn oo saameyn ku leh ganacsiga caalamiga ah, haddana weeraradu waxay sii kordhinayaan xiisadda gobolka ee ku dhow dagaalka Bariga Dhexe. Loolanka saldhigyada shisheeye ee xeebaha Geeska Afrika wuxuu welwel ku hayaa Mareykanka, kaas oo 2002 ka aasaasay saldhiggiisa ugu weyn ee qaaradda Afrika, dalka Djibouti. Ruushka ayaa isha ku haya dekedda Port Sudan; Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa isticmaalay saldhigga Eritrea ee Assab si uu ula dagaallamo Xuutiyiinta, halka Djibouti ay buux dhaafieen xoogag shisheeye, oo ay ku jiraan Shiinaha, kuwaas oo aan kaliya haysan saldhig milatari oo muhiim ah, balse sidoo kale maamula deked weyn. Saldhigga ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay dal shisheeye wuxuu ku fidsan yahay xeebta Soomaaliya, koonfurta Muqdisho. Xiisadda Mareykanka ee la xdhiidha kor u kaca Shiinaha ayaa Trump ka dhigaysa inuu xoogga saaro gobolka. Mareykanka wuxuu Shiinaha ku eedeeyay inuu faragelin ku sameeyay howlahooda Djibouti, isagoo xitaa shucaaca laser-ka ku beegsaday indhaha duuliyeyaashiisa. Dekedda Berbera ee Badda Cas, haddii lagu arko inay qayb ka tahay Somaliland ama Soomaaliya, waxay bixisaa beddel weyn. Somaliland waxa 2020 la samaysay xidhiidh Taiwan, taas oo Shiinaha ka cadhaysiisay. Imaraadka Carabta, oo ah xulufada muhiimka ah ee Mareykanka, ayaa maamula dekedda dhawaan la ballaadhiyay ee Berbera, iyaga oo rajeynaya inay Djibouti kula tartamaan. Intii lagu jiray maamulka Biden, saraakiil Mareykan ah oo uu ku jiro taliyaha Africom, ayaa booqday Berbera, oo leh jidad diyaarad ah oo 4km ah, kuwaasoo markii hore ay dhistay Midowgii Soofiyeeti intii lagu jiray Dagaalkii Qaboobaa. Sannadkii 2022, sharci loo yaqaan National Defence Authorisation Act ayaa wax laga beddelay si Somaliland loogu daro, taas oo xoojisay wada-shaqeynta amniga isla markaana abuurtay waddo loo maro xidhiidho diblomaasiyadeed iyo dhaqaale oo xooggan. Jamhuuriga taageersan aqoonsiga Somaliland waxay rabaan in ay usoo bandhigaan kiiskan sidii fursad ganacsi, iyagoo rajeynaya inay ka faa’iideystaan habka Trump uu uga helo heshiisyada noocan ah. Diblomaasi Somaliland u dhashay oo ku sugan Mareykanka ayaa sheegay: “In ay ku xidhan tahay sida ay ugu gadaab isaga. Waa inay ka dhigaan mid soo jiidasho leh; waa inay isku dayaan inay qanciyaan.” Geeska Afrika waa inuu is diyaariyo isbeddel xooggan oo ku iman kara. Isha: BBC Somali
  4. Xiisaddii Colaadeed ee dhawaanahan ka taagnayd magaalada Ceerigaabo ayaa xoogaysatay saacadihii u danbeeyay, waxaana baraha bulshada laga arkay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo dhinacyadu samaynayaan. Ciidamada Somaliland, oo ay weheliyaan mileeshiyaad hubaysan ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo ka wada magaalada Ceerigaabo, oo dhawaan lagu kala qaxay, kaddib markii dagaal qabiil ka dhacay iyo sidoo kale degaanno ka tirsan Gobolka Sanaag oo u dhaw Ceerigaabo. Sidoo kale, Ciidamada SSC-khaatumo oo ku sugan degaanno ka baxsan Ceerigaabo ayaa la soo sheegaya in ay samaynayaan dhaq dhaqaaqyo oo ka horjeeda Somaliland, waxaana muuqata in labada dhinac ku jiraan diyaar-garow dagaal, xilli aysan jirin wax waan-waan nabadeed ah oo lagu qaboojinayo xiisadda taagan. Dhinaca kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in guddoomiye magac-u-yaal ah oo Somaliland ugu qornaa magaalada Badhan, oo ay u aqoosan yihiin gobol gaar ah uu kala goostay laba baabuur, islamarkaana ula soo baxsaday dhinaca degaannada Puntland. PUNTLAND POST The post Ceerigaabo oo qarka u saaran in dagaal dib uga qarxo iyo gaadiid laga la goostay Somaliland appeared first on Puntland Post.
  5. Mogadishu (HOL) – Somali Prime Minister Hamse Abdi Barre has renewed his appeal for national unity in the fight against Al-Shabaab and ISIS, emphasizing their significant threat to the security, lives, and property of Somali citizens. Source: Hiiraan Online
  6. Hargeisa (HOL) – Officials from Somaliland and Ethiopia met in Hargeisa on Thursday to discuss enhancing military and security cooperation between the two sides. Source: Hiiraan Online
  7. VIDEO: Real Madrid 5–2 Celta Vigo, Copa Del Rey 2024–25 Source: Hiiraan Online
  8. South Sudan's government delegation will arrive in Nairobi, Kenya's capital, on Saturday to resume negotiations aimed at achieving lasting peace and stability in the world's youngest nation. Source: Hiiraan Online
  9. Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo lagu Ansixiyey Oddoroska Miisaaniyadda. Fadhigii 006aad ee shirka golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo wehelinaayo Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL. Ajandaha maanta la horkeenay Golaha Wasiirrada ayaa keliya ku koobnaa soo jeedinta Oddoroska Miisaaniyadda Qaranka ee Sannadka 2025-ka. Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha Wasiirrada ka horjeediyey faah-faahin la xidhiidha qaab-dhismeedka Miisaaniyada 2025-ka. Miisaaniyadda Sannadka 2025-ka waxay ka kooban tahay Afar Qaybood oo kala ah: 1. Miisaaniyadda Dawladda Dhexe 2. Miisaaniyadda Hay’addaha Madaxa-bannaan 3. Miisaaniyadda Dawladaha Hoose iyo 4. Mashaariicda ay Qaadhaan Bixiyeyaashu inagu caawiyaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Golaha Wasiirrada u sheegay in Wasaaradda Maaliyada gacan laga siiyo Ururinta Cashuuraha iyo Kobcinta dakhliga Dalkeena, Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu Golaha Wasiirrada u sheegay in Wasaarad kasta iyo Hay’ad kasta oo ka mid ah Hay’adaha Qaranka oo iyagu qabta Dakhli, la farayo in ay si toosa Dakhligaa ugu wareejiyaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dalka. Dood iyo falan-qayn dheer oo la xidhiidha Oddoroska Miisaaniyadda 2025ka ka bacdi Madaxweynuhu waxa uu Golaha Wasiirrada u soo jeediyey in loo Codeeyo soo jeedinta Oddoroska Miisaaniyada Sannadka 2025-ka. Fadhigii Golaha Wasiirrada oo ay fadhiyeen 43 Xubnood, waxay dhammaantood si kalsooni leh ugu codeeyeen Ansixinta Oddoroska Miisaaniyadda 2025-ka, iyadoo aanay cidina diidin, cidina ka aamusin. Intaa, Oddoroska Miisaaniyadda 2025-ka Waxa loo gudbin doono Golaha Wakiilladda Jamhuuriyadda Somaliland si ay uga gutaan waajibaadkooda Sharci. ALLAA MAHA DLEH Xuseen Aadan Cige (Deyr) Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. PRESS RELEASE Somaliland Cabinet Approves the 2025 Budget Proposal Hargeisa – January 16, 2025 – The 6th meeting of the Cabinet of the Unity and Progress Government, chaired by the President of the Republic of Somaliland, H.E. Abdirahman Mohamed Abdillahi (Irro), and attended by the Vice President, H.E. Mohamed Ali Aw Abdi, was held today at the Presidential Palace in Hargeisa. The sole agenda for the meeting was the presentation and discussion of the 2025 National Budget Proposal. The Minister of Finance and Economic Development provided the Cabinet with a detailed breakdown of the proposed 2025 budget structure, which is divided into four main components: 1. Central Government Budget 2. Budgets of Independent Agencies 3. Local Government Budgets 4. Donor-Funded Development Projects During the meeting, President Abdirahman emphasized the importance of supporting the Ministry of Finance in enhancing tax collection and boosting national revenue. He further directed all revenue-generating ministries and national agencies to transfer their revenues directly to the Ministry of Finance and Economic Development to ensure efficiency and transparency. Following an in-depth discussion and analysis of the budget proposal, the President called on the Cabinet to vote. All 43 Cabinet members in attendance unanimously approved the 2025 National Budget Proposal, with no objections or abstentions. The approved budget will now be submitted to the House of Representatives of the Republic of Somaliland for further legislative review and final approval. Hussein Aden Egeh (Deyr) Spokesman for the President of Republic of Somaliland Qaran News
  10. Uasin Gishu- A family in Maili Nne, Eldoret, can now breathe a sigh of relief after learning that their relative, a Kenya Defence Forces officer Abdullahi Issa Ibrahim, who was presumed dead nine years ago, is alive. Source: Hiiraan Online
  11. The African Union, Somalia and South Africa welcomed a cease-fire agreement between Israel and the Palestinian Hamas resistance group. Source: Hiiraan Online
  12. On December 12th 2024, a bill for the recognition of Somalia’s breakaway enclave of Somaliland was sent to the US House of Representatives. On the same day it was referred to the House Committee on Foreign Affairs by Republicans who see the idea of an independent sovereign Somaliland as an attractive proposition worth exploring to its logical conclusion in line with changing US interests in the Horn of Africa. Somaliland which declared its independence in 1991 is generally not recognised by the rest of world which still regards it as part of Somalia, a country which has been riven and weakened by decades of civil war and an Islamist insurgency by al-Shabaab. After a 33-year snub by much of the world, it appears that Somaliland is on the cusp of earning a big break with the international community. The prize for its patient waiting game with some of the world’s leading powers may pay off sooner than expected. The United States of all big power is on course for a diplomatic recognition of the territory as a sovereign state. US politicians of the Republican stripes in the world’s most powerful and influential nation are already examining the bill which supports growing calls among Trump allies ”to recognise Somaliland of the Federal Republic of Somalia as a separate, independent country”. The bill correlates with a Trump election re-run blueprint entitled ”Mandate for Leadership, the conservative promise” outlining new ways of tackling various threats to US interests in the world including in Africa where Chinese and Russian influences have been growing steadily in recent decades. It espouses pursuing an aggressive expansionists policy to contain China’s growing influence in East Africa where it is fast replacing the United States as the most dominant foreign player to the alarm of Republicans who want a more head-on approach toward reversing the dwindling US hegemony in the Horn. According to the blueprint, ”While the Biden Administration correctly identified China as America’s only competitor with both the intent to reshape the international order and, increasingly, the economic, diplomatic, military, and technological power to do it, it folded in the face of political correctness and sent the message that liberal sensitivities outweighed bringing justice to threats from China”. Meanwhile its authors expect the incoming Trump administration to effect a foreign policy shift with respect to Somaliland which is seen by Republicans as a plausible alternative to former close ally Djibouti, a small maritime nation in the Horn of Africa with strong links to China. A recognised independent Somaliland would act as a buffer against Washington’s dwindling influence in Djibouti, they reason. With a 740km coastline, Somaliland could seamlessly supplant Djibouti as a staging post to protect US trade from pirates from Yemen’s Houthi rebels and a bulwark for its greater geopolitical interests against Chinese expansionism in the region. US recognition of Somaliland as a separate independent country from the rest of Somalia may happen just shy of five years since the territory pulled off a relatively modest and sparsely referenced diplomatic breakthrough with Taiwan with which it established official relations in 2020. Somaliland shares a lot in common with Taiwan, with both of them regarded by their ‘parent nations’, Somalia and China respectively as renegade provinces which should be brought back under their wings. Both Somaliland and Taiwan’s non-official statehood status had resulted from devastating civil wars when the central governments in Mogadishu and Beijing were weak to exert command and control. While the US foreign policy toward Taiwan has been ambivalent at best thanks to China’s growing status as a world power in recent times, Washington’s attitude towards Somaliland may be about to change with the incoming Donald Trump administration. This territory, officially a unitary republic of over 6 million inhabitants and a land area of 176,120 square kilometres boasts of all the trappings of an independent country such as its own president elected every five years, It also has a reputation for stability and holds regular democratic election, which some pro-independent Republicans in the US senate say presents a compelling case for the territory’s recognition which would be of economic, security and strategic significance. It occupies a strategic hub for international shipping on the Red Sea. The strongest indication yet that Washington may veer towards recognising Somaliland independence is that Dr Peter Pham, a strong advocate of the territory’s sovereign claim is being floated as a possible official on African affairs in the incoming Trump administration. Dr Pham is an avowed supporter of Somaliland as a sovereign nation and his writings stating the case for this have been very well documented, casting serious doubt on Somalia’s ability to leave its civil war ghost in the past and chart a new way forward. In his opinion despite decades of US effort to normalise the situation, Somalia’s reputation is that of a failed state incapable of turning a corner while enumerating Somaliland’s achievements as a de facto independent nation. Pam, a former special envoy for the Sahel and the Great Lakes Region during the Trump White House between 2016 and 2020 wrote on X (formerly Twitter) in November “The status quo of ‘faith-based’ support for Mogadishu is unsustainable.” As the The Bill to recognise Somaliland as a sovereign nation may reflect a slow US policy shift in Somalia, the involvement with which recent US administrations saw as resource-guzzling and somewhat low on returns in tune with Washington’s strategic interests in a region replete with new players gaining a foothold. Washington’s “one-track” policy to further the normalisation of the security situation in Somalia will be under threat of folding up into oblivion once Washington’s tones down its involvement. As Trump takes over the White House, some 500 US troops are in Somalia for specialised missions against al-Shabaab and their affiliates in al-Qaeda and building an elite brigade of the Somali military to protect the central government. The US airbase in Baledogle, outside Mogadishu has been pivotal in the pursuit of the insurgents who still retain their capacity for ambushes and sporadic suicide attacks targeting the capital. Both Somaliland and Somalia are keeping track of the Republican bill with keen interest as both entertain hope for different outcomes. Somalilanders say if the US finally buck the international trend by recognising their statehood, this would be a long overdue and ‘well deserved’ recognition which comes with its own justifiable cost for what would become the world’s newest independent nation. When opposition leader Abdirahman Mohamed Abdillahi won the Somaliland presidency with 60 percent of the vote in November last year, he pledged to push for international recognition of the territory as a country. Today this hopeful declaration is turning into genuine expectation with the vibes issuing out of Washington ahead of Donald Trump’s inauguration. For Somalia however, Somaliland’s future as a sovereign nation is a ”non-negotiable non-starter” because this would represent a violation of the indivisibility of the country which successive regimes in Mogadishu since the fall of Siad Barrie uncompromisingly hold to be inviolable. Mogadishu’s sensitivity toward Somaliland and any suggestion of its independence came to the fore after landlocked Ethiopia sealed a controversial MoU with Somaliland to allow it trade access to the Red Sea in exchange for recognition. Somalia saw this as an affront to its territorial sovereignty. Reflecting this same position, Somalia’s foreign minister Mohamed Ali Omar issued a warning in the direction of the United States about the implications of recognition for Somaliland. Recognising Somaliland’s independence while flying in the face of Somalia’s territorial integrity also runs the risk of leaving a dangerous precedent for other enclaves in Africa and around the world demanding their own statehood. He also said it would lead to more instability in Somalia which would set off a dangerous domino effect on its neighbours in the region. WN/as/APA Qaran News
  13. XILALKA HADHSAN EE MADAXWEYNAHA QARANKU AANU ILAA HADA MAGCAABIN:- 1. Hanti dhawraha guud 2- Garyaqaanka guud 4- Xeer ilaaliyaha guud 5. Gudoomiyaha qandarasyada qaranka 6. Ku-xigeen Gudida Qandaraasyada Qaranka. 7.Agaasimaha Gudida Qandaraas yada Qaranka . 8. Komishanka xuquuqul insaanka . 9 .Gudoomiyaha Komishanka aydhiska iyo kuxigeenkiisa iyo agaasimaha 10. Maareeyaha Haayada kaydka raashinka 11 .Maareeyaha dekeda 12.Ku-xigeenka Mareeyaha Dekada Berbara 13. Komishanka maamul wanaaga 14. Maareyaha Madbacada qaranka 15. Ku – Xigeenka Madbacada Qaranka 16. Maareyaha haayada wadooyinka 17. Maareeyaha wakaalada biyaha hargeisa 18. Gudoomiyaha haayada tayada 19. Gudomiye Ku xigeen Haayada dhawrista Tayada 20. Agaasimaha Haayada Dhawarista Tayada 21- Taliyaha ciidanka qaranka 22- Taliyaha ciidanka police ka 23- Taliyaha immigration ka 24. Taliya asluubta 25. Taliya ciidanka bada 26. – Taliyaha ciidanka dabdamisk 27. Gudoomiyaha Komshin ka xuquuqul insaan ka . 28. Ku- Xigeenka Hanti dhawaraha Guud 29. Ku- Xigeenka Garyqaanka Guud Qaran News
  14. Garowe (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir mar kale weeraray afka ah ku qaaday dowladda federaalka, isagoo si gaar ah u dhaliilay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, wuxuuna u sheegay in kaalintiisa uu ka soo baxo ama faraha kala baxo arrimaha Puntland. Wasiir Caydiid ayaa ka jawaabay hadalkii uu Ra’iisul Wasaare Xamse ku bogaadiyay ciidamada Puntland ee la dagaallamaya aragixisada Daacish, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahnaa taageero militeri iyo mid dhaqaale, wax ay ka heleena aysan jirin. “Xamse waxay aheyd inuu yiraahdo waxaan soo dirnay gaadiid dagaal, hub, dhaqaale, daawo iyo inuu fasaxo mashaariicda Puntland ka xayiran, maadaama dalku dagaal ku jiro, balse hadalkiisa waxaba ma tarayo ciidamada uu hambalyada u diray dalka iyo dadka Puntland ayaa iska leh,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid. Wuxuu ku faanay in reer Puntland ay isaga filan yihiin Daacish, “Taariikhda lama sheegin meel argagixisadu hal mar u dirtay 12 nin oo is qarxineysa, marka Ra’iisul Wasaaraha waxaa looga fadhiyaa taageerada dastuuriga ah ee dadka reer Puntland ay ku leeyihiin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiirka Warfaafinta Puntland. Sidoo kale wasiirka ayaa ka hadlay howlgallada ciidaankooda ay ka wadaan degaanada buuralayda ah ee ku yaalla gobolka Bari, halkaasi oo oo maalmihii u dambeeyay ay dagaal kula galeen maleeshiyada kooxda Daacish oo isugu jira ajnabi iyo Soomaali. Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo horey uga jawaabay eeddan oo kale oo Puntalnd ay u soo jeedisay ayaa sheegay in dowladda federalka aysan Puntland ka xannibin wax mashaariic ah, balse cidda is-hortaagtay wadashaqeynta hay’adaha federaalka ay tahay xukuumadda ka jirta Puntland. Wuxuu ugu baaqay madaxda Puntland in aysan marin habaabin shacabka, oo ay mashaariicda dalka ka socota qeybta ay ku leeyihiin ay u fasaxaan, maadaama dowladda federaalka ay diyaar ula tahay.
  15. Beledweyne (Caasimada Online) – Dadaalladii nabadeynta iyo dib u heshiisiinta ahaa ee maalmihii la soo dhaafay ka socday gobalka Hiiraan ayaa laga gaaray natiijo wax ku ool ah oo ay dad badan rajo ka qabaan inay billow u noqon karto xal u helidda xaaladaha amni iyo kuwa siyaasadeed ee gobalka. Sida aan ka soo xigannay dad xogogaal ah, horumarka hadda laga gaaray arrinta gobalka Hiiraan ayaa loo sababaynayaa kaalinta hoggaamineed ee ay qaateen masuuliyiinta ka soo jeedda gobalkaas oo Taliyaha NISA Cabdullaahi Sanbalooshe uu ugu horreeyo. Sanbalooshe oo muddo 10 maalmood ah ku sugnaa Hiiraan ayaa maanta soo gabagabeeyay safarkiisa, waxaana arrimaha uu xalka ka gaaray ka mid ahaa: 1 – In dowladnimada lagu soo celiyo garabka Hiiraan State oo ku sugnaa Feerfeer Itoobiya oo uu hoggaaminayay nin lagu magacaabo Cabdullahi Ganey. 2 – In si nabad ah gacanta dowladda loogu soo celiyo xaruntii gobolka Hiiraan, kadib markii la qanciyay garabka Hiiraan State ee uu horkacayay nin lagu magacaabo Colow oo heystay xarunta gobolka. 3 – In dib loo abaabulo, safafka halgamayaashii deegaanka ee Macawiisleyda oo la mideeyay cududooda, si mar kale loo dardargaliyo dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab. 4 – In la xaliyay xiisaddii ka dhalatay askartii lagu laayay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe, iyadoo xalkaas ay si weyn uga baxeen buubabka dhaqanka Mudullood uu hoggaaminayay Imaam Daahir Imaam Maxamuud. 5 – In la qaaday isbaaroyinkii yaalay gudaha Beledweyne oo sabab u ahaa sicir-barar dhanka maciishadda ah oo dadka deegaanka iyo safareydu ay ku dhib qabeen. Taliyaha NISA Cabdullahi Sanbalooshe oo arrintaan xalka Hiiraan lagu raadinayo hoggaaminayey ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku soo celiyey xogta wixii u qabsoomay iyo culeysaadka soo noqday. Maanta muuqaal laga soo duubay ciidamada deegaanka ee dib loo abaabulay ayaa muujinayey in dadka deegaanku ogolaadeen maamulkii ay ka tirsanaayeen ee HirShabeelle, waxayna ku dhawaaqayeen “HirShabeelle ha guuleysato, Soomaaliya ha is raacdo.”
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Saldhigyadii kooxda Daacish ay ka saareen ciidamada Puntland ee buuraha Calmiskaad ayaa laga helay Baasaboorka nin Sacuudiyaan ah oo kamid ahaa kooxdii laga qabsaday saldhigaas maanta. Baasaboorka waxaa saaran Fiisaha ama dal ku galka Masar iyo Itoobiya oo ah halka uu soo maray, taas oo muujinaysa in ninkan argagixisada ah uu Puntland ka soo galay dhinaca Itoobiya, labo todobaad ka hor. Tani ayaa sii xoojineysaa warbixino horay u soo baxay oo ahaa in argagixisada ajaanibta Daacish ee ku dhuumaaleysanaya dhulka buuraleyda Puntland ay kasoo kala jeedaan dalal badan. Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay guulo ka gaaray howlgalka ciribtirka Argagixisada, iyagoo u daatay saldhigyo ay kooxda u yaaleen agabyo kala duwan cagta la mariyay. Ciidamada ayaa maanta soo bandhigay sawirka baasaboorka uu ka cararay ninkaas kasoo jeeda Sacuudiga ee soomaray Masar iyo Itoobiya, horay waxay u soo bandhigeen diyaaradaha wax basaasa, hub iyo meydadka xubno ajaanib ah oo lagu dilay dagaalka. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska howlgalka ciribtirka argagixisada Puntland waxaa maanta ciidamada ay la wareegeen talisyo waa waayn oo ay kooxda ku lahayd buuraha hoostooda, sidoo kalena laga qabsaday shidaal iyo saanad kale oo muhiim ah. “Allaahu Akbar, ciidanku wuxuu la wareegay talisyo waa weyn Shidaal, Hub iyo Agab kale” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska howlgalka ciribtirka argagixisada Puntland. Horay ciidamada Puntland ayaa inta uu socday howlgalka ku burburiyay ugu yaraan sideed talis oo Khawaarijta Daacish ay ku lahaayeen dhulka Buuraleyda ah ee gobolka Bari, gaar ahaan aagga Togga Il-cameyro ee buuralayda Cal-miskaad , sida ay sheegtay Puntland oo qoraal soo saartay. “Ciidamada difaaca Puntland ayaa in ka badan 8 Talis iyo Saldhigyo ka burburiyey Argagixisada daacish, kuwaas oo ay ku lahaayeen buuraleyda Calmiskaad ee G. Bari, gaar ahaan togagga Lugele, Dhabanacado, il iyo Camayra, Hoobato, Taagtaag iyo buurta Baal-gorey” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada PMPF. Hoos ka eeg sawirada baasaboorka
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa muddo kadib soo bandhigtay muuqaalka askari Kenyan ah oo ka tirsanaa ciidanka difaaca Kenya (KDF), kaasi oo u gacan galay 2016-kii. Nuinkan oo magaciisa ku sheegay Cabdullaahi Ciise Ibraahim ayaa waxay kooxda ku qabatay weerarkii Ceel Cadde ee 15-kii January, 2016-kii. Weerarkaasi ayaa sababay dhimashada boqolaal askari iyo dhaawac tiro kale oo badan. Cabdullaahi ayaa kasoo muuqday muuqaalka ay baahisay kooxda isaga oo xiran dharka ciidanka difaaca Kenya, wallow aysan ka muuqan darajadiisa, halka ay ku qorneyn magaca dharka uu xiran yahay, taas oo caadiyan lagu yaqaano ciidanka KDF. Ninkan oo sanado ku jira gacanta kooxda Al-Shabaab sida uu sheegay ayaa waxa uu ka codsaday dowladda Kenya inay dadaal ku bixiso sii deyntiisa, isagoo sheegay in muddo 8 sano ah oo uu ku jiray gacanta kooxda ay aheyd xilli aad u dhib badan. Sidoo kale waxa uu muuqaalka dhexdiisa ku sheegay in mudaddii uu maxbuuska ahaa aysan jirin wax xiriir ah oo ka yimid dowladda Kenya. “Waxaan ku dashay Wajeer 1963-kii, waxaana ku biiray KDF sanadkii 1986-dii. Waxaana ka tirsanaa cutubka 9-aad [oo fadhigiisu yahay Eldoret] waxaana yimid Somalia 2016-kii, 15 maalmood un keliya kahor intii aanan gacanta u gelin Al-Shabaab,” ayuu yiri. Waxa uu intaas kusii daray “Dowladda Kenya marnaba wax xiriir ah nagama samaynin aayahayaga. Muddo dheerna ma arkin xaaskeyga iyo qoyskeyga, waxaan ku noolahay xaalad adag oo gacanta kooxda Al-Shabaab ah.” Weerarkii Ceel Cadde ayaa ahaa midkii ugu khasaaraa badnaa ee soo gaara ciidanka KDF tan iyo markii ay Soomaaliya usoo direen ciidamo nabad ilaalin ah, kaasi oo askar badan looga dilay, halka nolol lagu qabtay kuwa kale oo aan illa hadda la aqoon ay ku dambeeyeen.
  18. Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah ee Puntland ayaa shaaciyay in ay kooxaha Argagixisada ah ee Daacish ka qabsadeen 4 Talis, oo ay ku jiraan Keydadkii Saadka, Geerashyadii gaadiidka iyo xarumo lagu farsameeyo Qaraxyada. Warbixin uu soo saaray Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah ee Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidamadu mileeshiyaadka Daacish ka qabsadeen 4 Talis, oo ay ku jiraan Keydadkii Saadka, Geerashyadii gaadiidka iyo xarumo lagu farsameeyo Qaraxyada. Ciidamada difaaca Puntland ayaa sidoo kale sheegay in guud ahaan intii uu socday Hawlgalka Burburinta Kooxaha Daacish ay Ciidamadu ka qabsadeen ilaa 48 goobood oo muhiim ah, oo ay ku jiraan Talisyadii ugu waaweynaa ee Digaale iyo Al-Barako iyo sidoo kale dhammaan saldhigyada hoostaga Hadi-dharin iyo Hadi-xanaan ee buuralayda Calmiskaad ee G. Bari. “Ciidamada Difaaca Puntland ayaa maanta Argagixisada Daacish ka qabsaday 4-Talis oo waaweyn, Kaydad Saad, Geerashyada gawaarida iyo kuwa lagu farsameeyo qaraxyada, kuwaasi oo ka dhigaya tirade guud ee Talisyada iyo Saldhigyada ay Ciidamada DPL ka qabsadeen Daacish intii hawlgalku socdey 48-goobod oo muhiim u ahaa.” “Talisyada waaweyn ee ay Ciidamadu ka qabsadeen Argagixisada Daacish waxaa ka mid ah Taliska Al-Barako, Taliska Digaale iyo dhammaan saldhigyada hoostaga Hadi-dharin iyo Hadi-xanaan ee buuralayda Calmiskaad ee G. Bari” ayaa lagu yiri Warbixinta uu soo saaray Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah ee Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay in ay 48 saldhig oo ku yaalla Calmiskaad ka qabsatay mileeshiyaadka Daacish appeared first on Puntland Post.
  19. Wareegto Madaxweyne Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 16/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-036 /012025 uu ku magacaabay Agaasimeyaal Guud oo Cusub. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markii aan arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda; Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ay u leeyihiin u adeegidda dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhismaha Qaranka; Markii aan ku qancay: In ay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan; Markii aan sameeyey: La-tashi; Waxa aan go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo mas’uuliyiinta hoos ku xusan: 1. Muniir Axmed Cigaal Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland. 2. Cabdishakuur Ismaaciil Xuseen Kaahin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland. 3. Cabdirisaaq Axmed Gaas Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland 4. Cabdalla Maxamed Yuusuf Cabdi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland. 5. Dr Axmed Maxamuud Jaamac (Zaki) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland. 6. Cabdiraxmaan Xuseen Xaaji Xirsi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland 7. Axmed Cismaan Jaamac Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland. 8. Siciid Muuse Xoosh Coofle (Rooble) Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland. 9. Aadan Jaamac Ducaale Barre Agaasimaha Guud ee Komishinka Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland. Allaa Mahad Leh _______________________________________ Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News
  20. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in aan dowlad wanaag laga shaqeyn karin oo musuqmaasuq la ciribtiri karin, haddii aan la helin hannaan garsoor oo lagu wada kalsoon yahay. Ra’iisul Wasaaraha, oo ka hadlayay xiritaanka Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka dalka, ayaa xusay in Xukuumaddu ay xoogga saartay sidii dib-u-habeyn loogu sameyn lahaa garsoorka dalka, si dib loogu soo celiyo kalsoonidii ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay casriyeynta garsoorka dalka oo kaalin wanaagsan ka qaadanaya hufnaanta caddaaladda. “Waxaa marqaati ka tihiin in isbeddel muuqda lagu sameeyey hannaanka garsoorka dalka, taas oo soo celisay kalsoonidii ay dadka Soomaaliyeed ku qabeen nidaamka caddaaladda dalkeenna, tani oo ku timid dadaalkiinna”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in dowladdu ay ilaalinayso madax-bannaanida garsoorka, isla markaana ay la garab taaggan tahay wax walba oo ay u baahan yihiin, isaga oo kula dardaarmay in la tayeeyo shuruucda iyo xeerarka kala duwan ee ay ku shaqeeyaan garsoorka dalka, meeshana laga saaro wax walba oo aan la jaanqaaddi karin dastuurka iyo shareecada Islaamka. Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bayaan kasoo saaray heshiiska xabbad-joojinta Gaza, kaasi oo ay gaareen Xamaas iyo Israel. Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay heshiiskan, isaga oo bogaadiyay dadaallada ay sameeyeen dalalka Qatar, Masar, iyo Mareykanka si loo xaqiijiyo heshiiskan. Mudane Xasan ayaa ku baaqay in la isku keeno dadaallada caalamiga ah iyo kuwa gobolka si loo adkeeyo heshiiska xabbad-joojinta, islamarkaana loo dedejiyo gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee degdegga ah ee shacabka ku nool Gaza, si loo yareeyo xaaladdooda adag ee bini’aadantinimo. Sidoo kale wuxuu sheegay in Soomaaliya ay had iyo jeer taageersan tahay nabadda, isaga oo ku baaqay in la helo xal cadaalad waara ah oo lagu dhisayo dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, si waafaqsan mabda’a laba dowladood. Shalay ayey aheyd markii ay dowladda Qatar ku dhowaaqday in Israel iyo Xamaas ay ku heshiiyeen heshiis xabad-joojin ah oo ka kooban saddex weji, kaddib 15 bilood oo colaad ah. Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa bartiisa bulshada ku shaaciyay: “Waxaan heshiis u helnay dadka afduubka loo haysto ee Bariga Dhexe. Dhawaan ayaa la sii deyn doonaa.” Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa Arbacadii heshiiska la wadaagay wargeyska Middle East Eye. Qoraalka heshiiska ayaa lagu sheegay in wejiga koowaad ee xabad-joojinta uu ku lug yeelan doono is-dhaafsiga maxaabiista iyo ku soo noqoshada “xasillooni waarta”, iyadoo ujeedadu tahay in la gaaro xabad-joojin rasmi ah.
  22. Kismayo (HOL) — Puntland has rejected comments made by Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre, who recently praised Puntland’s military forces for their operations in the Bari region as they are engaged in combat against ISIS. Source: Hiiraan Online
  23. Kismayo (HOL) — A Kismayo woman was arrested by police for allegedly poisoning her ex-husband, Abdullahi Abdirahman Abukar, with a toxic substance. The murder occurred in the Farjano neighbourhood of Kismayo, where Abdullahi died after consuming a drink laced with poison. Source: Hiiraan Online
  24. Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada oo maanta lagu qabtay magaalada Boosaaso kaasi oo looga hadlay Amniga Guud, Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, Guulaha Ciidanku gaaray, garab istaaga Ciidanka iyo Gargaar bani’aadanimo in la gaarsiiyo dadka ku nool iyo kuwa kasoo barakacay degaannada hawlgalku ka socdo ee buuralayda Cal-miskaad ee Gobolka Bari. Kulanka waxa kale oo looga hadlay xaaladda Waddooyinka Boosaaso, iyadoo ay Dowladda hoose ee Boosaaso iyo dowladda dhexe ee Puntland iska kaashanayaan dib-u-furida Wadooyinka Boosaaso si kor loogu qaado bilicda iyo Amniga magaalada, sidoo kale waxaa Golaha kasoo baxay in la dardargeliyo shaqooyinka hore u socday ee dhismaha, dayactirka iyo dib-u-habeynta waddooyinka gobolada Puntland. Kaddib markii uu Shirka soo dhammaaday waxaa Qodobadii ka soo baxay si wadajir ah uga hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cabdi Faarax Siciid Juxaa, Wasiirka Warfaafinta mudane Maxamuud Caydiid Dirir iyo Wasiirka Gargaarka marwo Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi, waxaana ay ka warbixiyeen Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, Guulaha Ciidanku gaaray, garab istaaga Ciidanka iyo Gargaar bani’aadanimo in la gaarsiiyo dadka ku nool iyo kuwa kasoo barakacay degaannada hawlgalku ka socdo ee buuralayda Cal-miskaad ee Gobolka Bari. Wasiirka Warfaafinta Eng. Maxamuud Caydiid ayaa sheegay in Ciidamada difaaca dowladda Puntland guula waaweyn ka gaareen Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish, islamarkaana la wareegeen inta badan Saldhigyadii Kooxahaasi ku lahaayeen buuraha Calmiskaad, waxaana uu tilmaamay in Hawlgalkani uu sida muuqata qaadan doono wakhti ka yar intii lagu tala-galay, isagoo bogaadiyay Ciidamada kala duwan ee ka qayb-qaadanaya Hawlgalkaasi. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Siciid Juxaa iyo Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa dhankooda ku baaqay in gurmad bini’aadanimo oo deg deg ah lala garab istaago shacabka ka soo bara-kacay degaannada uu ka socdo Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Daacish, waxaana ay si gaar ah baaq ugu jeediyeen deeq-bixiyaasha Caalamiga ah oo ay ka dalbadeen in ay gargaar bini’aadanimo u fidiyaan shacabka soo bara-kacay. Halkaan ka daawo Muuqaalka Wasiirada PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo deeq bixiyaasha Caalamiga ah ka dalbatay Gurmad bini’aadanimo oo deg deg ah appeared first on Puntland Post.
  25. Mogadishu (HOL) — The Australian High Commission in Kenya has issued an open call for arts and creative organizations in East Africa to collaborate on cultural projects that strengthen ties with Australia’s vibrant creative sector. The partnership program targets organizations in Kenya, Tanzania, Somalia, Rwanda, Uganda, and Burundi, with projects set to run between February and July 2025. Source: Hiiraan Online