-
Content Count
212,796 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee XJFS, halkaas oo uu kulammo miro-dhal ah kula qaatay taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Nabad Sugidda. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, si loo ciribtiro Shabaab. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka dhageystay hoggaanka Ciidamada Qaranka warbixinno la xiriira xaaladda guud ee amniga. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey ciidamada dadaallada naf-hurnimada leh ee ay u hayaan difaaca dalka iyo xasilloonida shacabka. Waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo guul waarta oo laga gaaro la dagaallanka argagixisada. Madaxweynuhu wuxuu mar kale caddeeyey in dowladdu ka go’an tahay ciribtirka khatar kasta oo lid ku ah amniga iyo xasilloonida qaranka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
The Governor of Nugaal Abdirahman Abshir Farah. Garowe (PP News Desk) — Nugaal Police yesterday arrested several people suspected of being members of a terrorist organisation. The Governor of Nugaal, Abdirahman Abshir Farah, told the media that “suspects believed to be members of Al-shabaab were arrested at checkpoints. during security inspection.” The Governor said that investigations will determine whether a suspect will be charged for terrorism. Nugaal Police Division are conducting enhanced searches at checkpoints following a directive from Puntland State government to raise preparedness for response to terrorist plans during the counterterrorism operations against ISIS in Calmiskaad mountains. © Puntland Post, 2025 The post Terror Suspects Arrested at Garoowe Checkpoints appeared first on Puntland Post.
-
Wasiir Ubax Cabdirashiid Maxamed Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Puntland marwo, Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Boosaaso ayaa si adag u cambaareysay tallaabo ay qaadday dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku tilmaantay in ay shakhsi ku sugan Muqdisho deeq Raashin ah u soo marisay degaannada Puntland. Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ee SoDMA ayaa shalay sheegtay in ay deeq Raashin ah oo loo qorsheeyay saddex kun oo Qoys ku wareejisay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigaato) oo laga soo doorto Puntland, si uu u gaarsiiyo dadka abaaraha iyo Colaaduhu saameeyeen ee ku sugan degaannada Puntland. Haddaba, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Puntland marwo, Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo ka jawaabaysa Warka hay’adda SoDMA ayaa caddaysay in aysan degaannada Puntland soo geli karin deeq aan la soo marin dowladda, waxaana ay Cambaareysay Tallaabada dowladda Federaalku deeqdaasi ugu wareejisay qof siyaasi ah oo ku sugan Muqdisho. “Puntland waxay si cad u sheegaysa wax gargaar ah, oo aan la soo marin Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Puntland, kama soo degi karaan Badaha, Xuduudaha iyo Hawada Puntland midna, waxaan aqbali karno maahan, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ee SoDMA aad ayaan ugu cambaareynayaa Tallabaadaasi” ayay tiri Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Puntland marwo, Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi. Wasiir Ubax ayaa sidoo kale sheegtay in aysan wax Xiriir ah lahayn Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Puntland iyo hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ee SoDMA, waxaana ay beenisay in horay dowladda Soomaaliya wax gargaar bini’aadanimo ah u soo gaarsiisay degaannada Puntland. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo iska diiday Raashin ay ugu deeqday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Howlgalada lagu soo qabqabanayo iyo masaafurinta muhaajiriinta ugu nool Mareykanka sida sharci -darada ah ayaa lagu wadaa inay bilaabato maalinta ugu horeysa ee uu si buuxda xukunka ula wareego madaxwaynaha cusub Donold Trump, sida ay ku warantay warbaahinta Mareykanka. Hawlgalada – uu ku hanjabay Donald Trump oo loogu magacaabo “tsarka ” Tom Homan – ayaa laga yaabaa inay ka bilaabmaan galinka hore ee Talaadada magaalada Chicago, oo ah magaalo ay ku nool yihiin muhaajiriin badan, , waxaa sidaas qoray wargeysyada New York Times iyo Wall Street Journal. Trump ayaa sheegay in uu dusha kala socon doono barnaamijka masaafurintii ugu weynayd taariikhda Mareykanka. Wareysi uu siiyay Fox News toddobaadkan, Homan wuxuu ballan qaaday “howlgal weyn”oo laga fulin doono dalka oo dhan. Waxa uu hore u sheegay in Chicago ay noqon doonto meesha ay ka dhici doonto xuddunta musaafurinta ugu badan. Hay’adda Socdaalka iyo Kastamku (ICE) waxay tarxiishaa soogalootiga sharci-darrada ee Mareykanka ku sugan. Si kastaba ha ahaatee, howlgalka la filayo in uu bilaabmo ka dib caleema-saarka Trump ee isniinta ayaa la filayaa in lagu bartilmaameedsado waxa loogu yeero “magaalooyinka ” aan la yeelan wada-shaqeynta saraakiisha socdaalka ee federaalka. Magaalooyiinka Chicago, New York City iyo Los Angeles waxay ka mid yihiin goobaha magaalooyinka Mareykanka ee qaatay siyaasadaha “inay ka hor yimaadaan go’aanka federaalka”. “Janaayo 21-keeda, waxaad magaaladaada ku arki doontaa wakiillo badan oo ka socda laanta socdaalka ee ICE oo ku raad-jooga dambiilayaal iyo xubno burcad ah, . “Ku xisaabtan tani way dhici doontaa,” Homan ayaa sidaa ku sheegay shir Jamhuuriga ay yeesheen oo ka dhacay Chicago bishii hore. New York, Los Angeles, Denver iyo Miami ayaa sidoo kale lagu wadaa in lala beegsado howlgaladan, sida uu baahiyay wargayska Wall Street Journal , isagoo xiganaya ilo aan la magacaabin oo aqoon u leh qorshahani. Intii uu xilka hayay Madaxweynaha Dimuqraadiga ah Joe Biden, waaxda socdaalka guud ahaan waxay mudnaan siisay qabashada soogalootiga sharci darrada ah kuwaas oo ahaa dambiilayaal halis ah, kana soo gudbay xadka dhawaan ama khatar ku ahaa amniga qaranka. Halka kooxda Trump ay ka dhawaajisay in ay ka bilaaban doonto muhaajiriinta dambiyada galay, dhammaan muhaajiriinta sharci darrada ah – oo ay ku jiraan kuwa ku noolaa oo ka shaqeynayay Mareykanka sannado badan oo aan lahayn taariikh dembi – waxay u badan tahay in la xiro oo la tarxiilo. Howlgalka ay fulinayaan saraakiisha socdaalka ee goobaha dhismayaasha ee inta badan ay ka shaqeeyaan muhaajiriinta aan sharciga lahayn ayaa sidoo kale la filayaa inay dib u bilaabmaan, ka dib markii uu joojiyay maamulka Biden, sida uu sheegay CBS News, oo ay bah-wadaag yihiin BBC. Kahor adkeynta la filayo ee siyaasadda Mareykanka, shaqaale badan oo ka shaqeeya beeraha ayaa raadinaya talo ku saabsan la macaamilka saraakiisha socdaalka iyo u xilsaaridda cid u daryeesha caruurtooda si kumeel-gaar ah. “Maamulka weli lama dhaarin, laakiin dadku mar hore ayay baqeen,” waxaa sidaasi u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters Sarait Martinez, oo ah agaasimaha fulinta ee Centro Binacional para el Desarrollo Indígena Oaxaqueño, oo taageerta shaqaalaha beeraha Mexico ee California. Sidoo kale ballan qaadka ah in la tarxiilo malaayiin muhaajiriin sharci darro ah iyo hanjabaad howlgalada goobaha shaqada, ayaa hadana dhanka kale warbixinnada qaar ay soo jeedinaya in Trump uu sidoo kale meesha ka saari karo siyaasadda soo jireenka ah ee ku saabsan in saraakiisha socdaalka aysan gali karin kaniisadaha. Si kastaba ha ahaatee, howlgalada soo socdaa waxay u badan tahay inay dhibaato weyn ku keeni karaan saraakiisha – iyadoo ay xaddidan tahay meel lagu hayn karo dadka la soo qabto. Isla mar ahaantaana, sharciga Laken Riley – oo loogu magac daray arday jaamacadeed oo sannadkii hore lagu dilay Georgia dilkaasina uu geystay nin u dhashay Venezuela – ayaa la filayaa inay ansixiyaan sharci-dajiyayaasha Mareykanka toddobaadka soo socda. Sharciga la soo jeediyay ayaa ku waajibin doona dowladda federaalka in ay xirto muhaajiriinta ugu nool Mareykanka si sharci darro ah islamarkana looga shakiyo fal-dembiyeed – xitaa haddii aan lagu soo oogin wax dambi ah. Qaran News
-
Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa Saaka deggan, kaddib markii xalay si weyn loo xakameeyay xiisad laga dareemay xaafadaha Garsoor iyo Wadajir, taasi oo salka ku haysay colaadda ka taagan galbeedka Gobolka Mudug. Mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug oo is kaashanaya ayaa ku guulaystay in ay xakameeyaan xiisaddii xalay laga dareemay Xaafadaha Garsoor iyo Wadajir ee Gaalkacyo, kaddib markii ay dadaal xooggan ku bixiyeen dejinta xaaladda, islamarkaana si wadajir ah ciidamo loo geeyay inta u dhexaysa labada xaafadood. Xiisadda Gaalkacyo ayaa bilaabatay, kaddib markii xalay dabley hubaysan oo ka soo jeeda dhinaca Puntland ay rasaas huwiyeen xaafadda Wadajir ee dhinaca Galmudug, taasi oo la sheegay in ay salka ku haysay colaad beeleed soo noq-noqotay oo dhawaanahan ka aloosan degaannada galbeedka Gobolka Mudug. Xakamaynta Xiisaddii laga dareemay Gaalkacyo ayaa muujisay heerka bisaylka Shacabka labada dhinac ee Gaalkacyo oo si aad ah u ilaashanayaan nabadda iyo xasiloonida magaalada iyo sidoo kale dadaalka labada maamul oo si wadajir ah iska kaashanaya nabadda. PUNTLAND POST The post Xiisaddii xalay laga dareemay magaalada Gaalkacyo oo si wadajir ah loo xakameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Xabbad-joojinta ay ka shaqeeyeen dalalka Qatar,Mareykanka, iyo Masar ayaa maanta oo Axad ah ka dhaqan-gelaysa marinka Qaza, ka dib 15 bilood oo dagaal lagu hoobtay uu ka socday halkaas. Dhexdhaxaadiyaasha ayaa ku guulaystay in labada dhinac ee Xamaas iyo Israa’iil ay isku afgartaan heshiis isugu jira Xabbad-joojin iyo maxaabiis is dhaafsi, kaas oo lagu tilmaamay tillaabo xagga nabadda gobolka. Heshiiskan ayaa dhaqan-gelaya xilli ay in ka badan 40 kun oo Falastiiniyiin ahi ay ku naf waayeen dagaal nooc kasta oo hub ah ay Israa’iil u adeegsatay, kaas oo billowday maalmo yar ka dib duullaankii duufaanta Aqsa ee 7-dii bishii Oktoobar sanadkii 2023 ay Xamaas ku qaaday hubka la haysto. Heshiiskan ayaa muujinaya in Israa’iil ay ku guul-darraysatay xaqiijinta yoolkii ay duullaanka dhulka ah ugu qaaday Qasa, kaas oo ay ku sheegtay ciribtirka kooxda Xamaas, balse 15 bilood ka dib qodobada Heshiiskan waxaa kamid ah in Ciidamada Israa’iil ay jw baxaan Qasa, ayadoo awoodda Xamaas aan wax weyni isku badelin. Source: goobjoog.com
-
TikTok shuts down in the United States hours ahead of a ban
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
TikTok went offline in the United States Saturday night, less than two hours before a ban was slated to go into effect. The extraordinary blackout prevents access to one of the world’s most popular social media apps – one that had been used by 170 million Americans. Source: Hiiraan Online -
Xukuumadda Puntland ayaa diiwaangelin ku bilowday dhammaan Kalluumeysatada ku dhaqan degmooyinka iyo degaannada xeebaha, sida laga soo xigtay wasaaradda Kalluumeysiga Kheyraadka Badda Puntland. Farriin kooban oo lagu faafiyay Warbaahinta ayay ku sheegtay wasaaradda Kalluumeysiga Puntland in ay bilowday diiwaangelin ku bilowday dhammaan Kalluumeysatada ku dhaqan degmooyinka iyo degaannada xeebaha, si loo siiyo Kaarka Aqoonsiga Kalluumeysiga. “Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, waxay bilowday diiwaangelinta Kalluumeystada Xeebaha Puntland iyo dhammaan Agabka ay ku shaqaystaan, si loo siiyo Kaarka Aqoonsiga Kalluumeysiga” ayaa lagu yiri Farriin kooban ee wasaaradda Kalluumeysiga Kheyraadka Badda Puntland. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in diiwaangelinta kaddib Kalluumeysatada xeebaha Puntland laga caawin doono horumarinta Wax-soosaarkooda, lana siin doono Tababarro kor loogu qaadayo Xirfadooda Wax-soosaar iyo Agabkooda. PUNTLAND POST The post Puntland oo diiwaangelin ku bilowday Kalluumeysatada Xeebaha si loo siiyo Kaar Aqoonsi appeared first on Puntland Post.
-
Xabad-joojinti ay ku heshiiyeen Israa’iil iyo Xamaas ayaa lagu wadaa in saaka 8:30 subaxnimo xilliga Bariga Dhexe ay ka dhaqan gasho guud ahaan Marinka Gaza, sidaasi waxaa Sabtidi shalay magaalada Doha kaga dhawaaqay dhexdhexaadiyaasha wadahadallada. Gudaha Isra’il, qoysaska ay ka maqan yihiin dadka lagu hayo Gaza ayaa sugayo liiska magac-yada ugu horreeysa ee la heystayaasha gacanta ugu jira Xamaas, halka Falastiiniyiinta ay isu diyaarinayaan soo dhaweynta boqollaal laga soo sii deyn doono xabsiyada Isra’il. Laakin khudbad xalay laga sii daayay telafishannada Isra’il, ayuu ra’isulwasaare Benjamin Netanyahu ku sheegay, in Isra’il ay xabbad joojintani uga dhignaan doonto kumeel gaar. Wuxuu kaloo sheegtay in uu xaq u leeyahay in uu dagaalka si wado haddii loo baahdo, isla markaana uu heysto taageerada madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump. Xabad joojinta ayaa haddii ay dhaqan gasho soo afjari doonta, 15 bilood oo xiriir ah oo uu dagaal lagu hoobtay ka dhacayay Marinka Gaza. Dagaalka oo u dhaxeeyay Isra’il iyo Xamaas ayaa khasaaraha ugu badani uu kasoo gaaray rayidka reer Gaza, halkaas oo la sheegay in lagu dilay in ka badan 47 kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur. Source: goobjoog.com
-
Ciidamada booliska ee maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa ka hortagay kooxo hubaysan oo la sheegay inay qalqal amni ka abuuri rabeen magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca Koonfureed. Kooxaha hubaysan ayaa rasaas ku furay dad shacab ah, taasoo keentay in ciidamada amniga ay si degdeg ah uga jawaabaan. Saraakiisha ammaanka iyo mas’uuliyiinta degmada ayaa si wadajir ah ugu sugan goobaha ay israsaasayntu ka dhacday, iyagoo xaqiijiyay in hadda xaaladdu degan tahay. Xalay ayay ciidamada ammaanku fuliyeen howlgallo lagu bartilmaameedsaday kooxaha amniga khalkhal-gelinaya, si loo sugo xasilloonida magaalada. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Gaalkacyo. Waxaa la filayaa in maamulka gobolka iyo laamaha amniga ay warbixin rasmi ah ka soo saaraan dhacdadan. Kooxda Hubeysan ahaa la sheegay in ay doonaayeen In magaalada ay usoo raraan dagaal beeleedyada ka socda dhanka Miyiga. Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU, Somalia – The Somali government remains firm in its determination to implement a one-person, one-vote election system despite fierce resistance from various political factions in the historically turbulent Horn of Africa nation. Justice and Constitutional Affairs Minister Hassan Moalim has declared the plan unstoppable, signaling the potential for a heated political clash as the country navigates its path toward democratic reform. During a recent event in Mogadishu, Moalim, a prominent member of President Hassan Sheikh Mohamud’s administration, dismissed the opposition to the proposal. He described the shift to a direct voting system as inevitable, emphasizing its potential to empower citizens and promote government accountability. “Introducing one-person, one-vote elections in this country is an idea whose time has come, and no one can stand in its way,” Moalim stated emphatically. Direct elections: A divisive proposal The proposed direct voting system dramatically shifts from Somalia’s current indirect electoral process. Under the existing 4.5 model, clan elders select delegates who then elect members of parliament, who, in turn, choose the president. The government considers this change necessary, asserting it aligns with the provisional constitution. However, the plan has met significant opposition from political rivals and some federal member states. Critics argue that the nation’s fragile security and political landscape make it ill-equipped to hold nationwide direct elections. Opposition and warnings of instability Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, a former president and a key opposition leader who may run in the next presidential election, has warned that pursuing direct elections could destabilize the country further. Ahmed, who led the Transitional Federal Government between 2009 and 2012, recently voiced his concerns, saying, “Unfortunately, there is talk of a one-person, one-vote election while the unity of the country is at risk.” He also pointed out the absence of key stakeholders—namely Puntland and Jubaland—from critical national discussions, as well as the separate status of Somaliland. This region declared independence in 1991 but remains unrecognized internationally. The administrations of Puntland and Jubaland have consistently opposed the federal government’s electoral strategy. Leaders of both states—Said Abdullahi Deni of Puntland and Ahmed Mohamed Islam, commonly known as Ahmed Madobe of Jubaland—have advocated for the continuation of the clan-based system, at least temporarily. Both states have clashed with the federal government, reflecting deeper political tensions. Meanwhile, Somaliland, a self-declared independent region, remains entirely outside Somalia’s political framework. Somalia’s ongoing struggle for democracy Since gaining independence in 1960, Somalia has faced immense challenges in establishing a stable democratic system. Its history is marred by military rule, civil war, and the persistent threat of Al-Shabaab, a militant group linked to Al-Qaeda. The last direct elections in the country took place in 1969, shortly before a coup ushered in the regime of dictator Siad Barre. Critics of the proposed one-person, one-vote model cite significant security and logistical hurdles. Al-Shabaab maintains control over large portions of southern and central Somalia, raising doubts about the feasibility of conducting elections in those areas—furthermore, the absence of a reliable voter registry and the lack of necessary infrastructure compound the challenges. As Somalia attempts to navigate a delicate political transition and build a more stable democratic future, the debate over its electoral system remains a pivotal issue. While international partners, including the United Nations, broadly support the idea of direct elections, they emphasize the importance of achieving consensus among Somali stakeholders.
-
Ciidanka Xoogga Dalka oo ka duulaya Xogo ay shacabaka ka heleen ayaa howgal ka dhacay deegaanada Baar- dheere ee Gobalka Hiiraan ku soo qabtay gaari saanad ciidan u weday kooxda Al-shabaab. Taliska guutada 5aad qaybta 27aad ee CXD ayaa lagu Soo bandhigay Gaari ZakZuki ah iyo 13 Qori oo ah AK-47, Howgalkan ayaana si gaara kaga dhacay duleedka deegaanka Baar-dheere oo ka tirsan Gobalka Hiiraan. Ciidanka oo la sheegay inay heleen xogta gaarigan ayaa gacanta ku dhigay saanaddan ciidan iyo eedeysanihii weday, kaas oo hadda ku jira gacanta laamaha nabad-gelyada. Taliyaha guutada 5aad ee qeybta 27 aad Ciidanka XDS Col maxamuud Hasan iybrahim (Bakay) oo warbahinta kula hadlay magalada baladweyn ayaa umahad ciliyay ciidanka XDS ee gacanta kusoo dhigay wadaha gaariga hubka u siday kooxda Al-shabaab. Source: goobjoog.com
-
Chicago (Caasimada Online) – Howlgallada lagu soo qabqabanayo iyo masaafurinta muhaajiriinta ugu nool Mareykanka sida sharci darrada ah ayaa lagu wadaa inay bilaabato maalinta ugu horeysa ee uu si buuxda xukunka ula wareego madaxwaynaha cusub Donold Trump, sida ay ku warantay warbaahinta Mareykanka. Hawlgalada uu ku hanjabay Donald Trump oo loogu magacaabo “tsarka ” Tom Homan – ayaa laga yaabaa inay ka bilaabmaan galinka hore ee Talaadada magaalada Chicago, oo ah magaalo ay ku nool yihiin muhaajiriin badan, , waxaa sidaas qoray wargeysyada New York Times iyo Wall Street Journal. Trump ayaa sheegay in uu dusha kala socon doono barnaamijka masaafurintii ugu weynayd taariikhda Mareykanka. Wareysi uu siiyay Fox News toddobaadkan, Homan wuxuu ballan qaaday “howlgal weyn”oo laga fulin doono dalka oo dhan. Waxa uu horay u sheegay in Chicago ay noqon doonto meesha ay ka dhici doonto xuddunta musaafurinta ugu badan. Hay’adda Socdaalka iyo Kastamku (ICE) waxay tarxiishaa soogalootiga sharci-darrada ee Mareykanka ku sugan. Si kastaba ha ahaatee, howlgalka la filayo in uu bilaabmo ka dib caleema-saarka Trump ee isniinta ayaa la filayaa in lagu bartilmaameedsado waxa loogu yeero “magaalooyinka ” aan la yeelan wada-shaqeynta saraakiisha socdaalka ee federaalka. Magaalooyiinka Chicago, New York City iyo Los Angeles waxay ka mid yihiin goobaha magaalooyinka Mareykanka ee qaatay siyaasadaha “inay ka hor yimaadaan go’aanka federaalka”. “Janaayo 21-keeda, waxaad magaaladaada ku arki doontaa wakiillo badan oo ka socda laanta socdaalka ee ICE oo ku raad-jooga dambiilayaal iyo xubno burcad ah, . “Ku xisaabtan tani way dhici doontaa,” Homan ayaa sidaa ku sheegay shir Jamhuuriga ay yeesheen oo ka dhacay Chicago bishii hore. New York, Los Angeles, Denver iyo Miami ayaa sidoo kale lagu wadaa in lala beegsado howlgaladan, sida uu baahiyay wargayska Wall Street Journal , isagoo xiganaya ilo aan la magacaabin oo aqoon u leh qorshahani. Intii uu xilka hayay Madaxweynaha Dimuqraadiga ah Joe Biden, waaxda socdaalka guud ahaan waxay mudnaan siisay qabashada soogalootiga sharci darrada ah kuwaas oo ahaa dambiilayaal halis ah, kana soo gudbay xadka dhawaan ama khatar ku ahaa amniga qaranka. Halka kooxda Trump ay ka dhawaajisay in ay ka bilaaban doonto muhaajiriinta dambiyada galay, dhammaan muhaajiriinta sharci darrada ah – oo ay ku jiraan kuwa ku noolaa oo ka shaqeynayay Mareykanka sannado badan oo aan lahayn taariikh dembi – waxay u badan tahay in la xiro oo la tarxiilo. Howlgalka ay fulinayaan saraakiisha socdaalka ee goobaha dhismayaasha ee inta badan ay ka shaqeeyaan muhaajiriinta aan sharciga lahayn ayaa sidoo kale la filayaa inay dib u bilaabmaan, ka dib markii uu joojiyay maamulka Biden, sida uu sheegay CBS News. Ka hor adkeynta la filayo ee siyaasadda Mareykanka, shaqaale badan oo ka shaqeeya beeraha ayaa raadinaya talo ku saabsan la macaamilka saraakiisha socdaalka iyo u xilsaaridda cid u daryeesha caruurtooda si kumeel-gaar ah. “Maamulka weli lama dhaarin, laakiin dadku mar hore ayay baqeen,” waxaa sidaasi u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters Sarait Martinez, oo ah agaasimaha fulinta ee Centro Binacional para el Desarrollo Indígena Oaxaqueño, oo taageerta shaqaalaha beeraha Mexico ee California. Sidoo kale ballan qaadka ah in la tarxiilo malaayiin muhaajiriin sharci darro ah iyo hanjabaad howlgalada goobaha shaqada, ayaa hadana dhanka kale warbixinnada qaar ay soo jeedinaya in Trump uu sidoo kale meesha ka saari karo siyaasadda soo jireenka ah ee ku saabsan in saraakiisha socdaalka aysan gali karin kaniisadaha. Si kastaba ha ahaatee, howlgalada soo socdaa waxay u badan tahay inay dhibaato weyn ku keeni karaan saraakiisha – iyadoo ay xaddidan tahay meel lagu hayn karo dadka la soo qabto. Isla mar ahaantaana, sharciga Laken Riley – oo loogu magac daray arday jaamacadeed oo sannadkii hore lagu dilay Georgia dilkaasina uu geystay nin u dhashay Venezuela – ayaa la filayaa inay ansixiyaan sharci-dajiyayaasha Mareykanka toddobaadka soo socda. Sharciga la soo jeediyay ayaa ku waajibin doona dowladda federaalka in ay xirto muhaajiriinta ugu nool Mareykanka si sharci darro ah islamarkana looga shakiyo fal-dembiyeed – xitaa haddii aan lagu soo oogin wax dambi ah. BBC
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa si adag ugu jawaabay labo xildhibaan oo ku heyb ah, kuwaas oo ku weeraray qoraalo ay ku baahiyeen barta Facebook, labada Xildhibaan ayaa kala ah, Maxamed Xasan Murjaan oo dhowaan siyaasadda soo galay iyo Xildhibaan Xasan Cabdinuur oo Aadan Madoobe kula tartamay kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Xildhibaanadaas ayaa Wasiir Jaamac ku dhaliilay isku soo bax lagu taageeray doorasho qof iyo cod ah oo shalay uu ku qabtay Hoolka Sahal ee magaalada Muqdisho, kulankaas ayaa la isugu keenay dhallinyarada Digil iyo Mirif ee Raxanweyn. Qoraalka Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Jaamac ayaa u dhignaa: “Labada nin ee caayda siyaasad u heysata kana daalin min kalmad ayaan warkooda ku soo koobayaa.” “Murjaanow Cabduqaadir Kumaandooskii Kuunyo Barrow geed hoostiisa kaa soo qaadey oo ku soo koriyey weli Khawaarijtii ayuu jiraa mana ka imaanin, intaas kuu dhaafi maayo.” “Xassan Cabdinuuroow weli tareelihii aad dareewal ka ahayd darewal laan waaye, deentii shilalkii aad gasheyna waa lagu leeyahay fadlan halkaas weli fursad baa kaaga banaan.” “Dalkaan doorasho qof iyo cod ayaa ka dhaceyso golayaasheena sharafta leh ee aad iska dhex joogtaana waa ansixiyeen ineydnaan ka warqabin ayaa laga yaabaaye.” Qoraalka Xildhibaan Xasan Cabdinuur ayaa u dhignaa, “Madax Jebis iyo Adigoo Shaley ahaa ******** Diimeed Inaad Maanta Doorasha Ka Hadashaa Masiibo kaweyn Masoo marin Dalkaan!” Dhankiisa, Xildhibaan Maxamed Xasan Murjaan ayaa soo dhigay qoraal dheer bartiisa Facebook, wuxuuna ciwaan uga dhigay, “Nin aduunyo joogow Maxaa aragti kuu laaban.” Waxaan daawaday Wasiir madaxa na furan oo soo ururiyey dhalinyaro kooban oo ka soo jeeda Digil iyo Mirifle kuna hadaaqaya doorasho qof iyo cod ayaan qabanaynaa… Waxaan is waydiiyey damiirka shakhsigu markaanu shaqaynayn, sariigasho uu ka tegay, doqonimona u dheertahay waa sidan oo kale.. Xagee ayuu ku ogaa Digil iyo Mirifle markii lagu tilmaamayey garacyo xabashiyi dhashay? Damiirkiisu xaguu ku maqnaa, markii uu argagixisada ka tirsanaa ee uu gumaadayey dhalinta, wax garadka iyo waayeelka Digil iyo Mirifle? Xaguu geeyey Wasaaradii iyo Ciidankii loo dhiibay ee Kenya iska dhiibay, welina aan lagula xisaabtamin? Ma is waydiiyey raashinkii ciidanka ee uu musuqay? Mukhalasnimadii uu dowladaha shishiyee ugu shaqaynayey miyuu dowladnimo u haystaa? Jaajuusnimadii Turkey ma iska dhaafay? Lacagtii Imaaraadka laga dhacay ma soo celiyey? Falalkii argagixiso ma ka waantoobay? Burburku ciidanka u gaystay ma faan bu moodayaaa? Intaas oo suaala markaan jawaab u waayey, Waxa iisoo baxday, in Madaxa na furan yahay shakhsi ku astaysan calooshiisa la ciyaar, Soomali aan dan ka lahayn, Digil iyo Mirifle aan dan ka lahayn, dadnimo aan dan ka lahayn, diin aan dan ka lahayn. Markaa waa gartii in markii Soomali maxkamad ku saari wayday dembiyada uu dalkan iyo dadkan ka galay in uu isla soo taago doorasho qof iyo cod ah baan qabanaynaa, asagoo u marxabaynaya hogaamiyihiisa la halaabay dowladninda…Ugu dambayn Digil iyo Mirifle waa ka aragti dheeryahay beenta Madaxa na Furan.
-
Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaasi Caawa Rasaas laba dhinac ah laga maqlay jidka kala qeybiya Xaafadaha Garsoor iyo Wadajir. Mileeshiyaad ka soo kala jeeda labada xaafadood ayaa lagu soo warramaya in ay Rasaasta is weydaarsanayaan islamarkaana Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu ka dhashay is rasaasayntaasi labada dhinac. Warar madax bannaan ayaa sidoo kale tilmaamaya in xiisadda labada dhinac salka ku hayso dagaal beeleed waayadan ka socday galbeedka Gobolka Mudug gaar ahaanna inta u dhexaysa degaannada Saax-qurun iyo Jiicboor. Ilaa iyo hadda mas’uuliyiinta Amniga Puntland iyo Galmudug midna weli kama hadlin xiisadda laga soo sheegayo Gaalkacyo iyo rasaasta labada dhinac ah ee laga maqlayo jidka kala qeybiya xaafadaha Garsoor iyo Wadajir ee magaalada. PUNTLAND POST The post Iska hor imaad laba dhinac ah oo Caawa ka socda magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Tehran (Caasimada Online) – Sida ay ku warantay warbaahinta dowladda Iran, waxaa maanta gudaha maxkamadda sare ee dalkaas lagu dhex toogtay labo garsoore oo sare, kuwaas oo muhiim u ahaa dowladda Iran. Bogga garsoorka Iran (Mizan), ayaa lagu shaaciyey in garsooreyaashii kala ahaa Ali Razini iyo Mohammad Moghiseh la dilay, kadib markii nin hubeysan uu maanta gudaha u galay maxkamadda. Waa Maxkamadda ugu sareysa dalka Iran, waxayna ku taallaa caasimadda dalkaas ee Tehran. Kuwa weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay is dileen, kadib markii ay howlgalka fuliyeen, isla markaana xaqiijiyeen in aysan baxsa karin. Mid kamid ah ilaaladii garsoorayaasha la dilay ayaa sidoo kale la sheegay inuu weerarka ku dhaawacmay. Si rasmi ah looma oga ujeeddada ka dambeysa weerarkaas, balse labada garsoore ayaa la sheegay inay door ka ciyaareen xukunka iyo dilka dadkii reer Iran ee kasoo horjeeday taliska Islaamiga ah ee dalkaas ka jira. Waxay shaqadaan soo bilaabeen sanadihii 1980-kii iyo 1990-kii, mid ka mid ah garsooreyaasha, Razini, ayaa isku day dil ka badbaaday sanadkii 1998-kii. Midka kale, Moghiseh, Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogay sanadkii 2019-kii. Moghiseh wuxuu sidoo kale ka mid ahaa 7 garsoore oo reer Iran ah oo dowladda Canada ay cunaqabateyn kusoo rogtay sanadkii 2023-kii, sababo la xiriira doorkooda tacaddiga xuquuqda aadanaha ee Iran ay ka wadaan. Dalka Iiraan waxaa lagu maamulaa xukun adag oo shuuci ah, waxaana sanad kasta la daldalaa boqolaal qof oo ku eedeysan inay ka soo horjeesteen xukunka rajiimka heysta Iran. Hoos ka eeg sawirka garsoorayaasha weerarka lagu toogtay
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cadaaladda iyo dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa ku dhawaaqay go’aan xasaasi ah oo la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay wado Villa Soomaaliya. Xasan Macallin oo weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan qorshaha dowladda ayaa sheegay in aysan cidna hor joogsan karin doorashada qof iyo codka ah ee lagu wado in ay ka dhacdo Soomaaliya. Wasiirka ayaa ku dooday in fikirka qof iyo cod uu ku yimid waqtigiisa, isla markaana aanu jiri karin cid ama ciidan awood u leh in ay hor istaagto hannaanka dimoqraadiyadda dalka. “Doorasho qof iyo cod ah oo dalka laga qabto, waa fikrad waqtigeeda timid, cid hor istaagi kartana malahan.” ayuu yiri wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo jawi doorasho oo xor iyo xalaal ah, lana taageero qorshaha dowladda ee awoodda dib loogu celinayo shacabka. Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu dhowaan jeediyay Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh oo shaaciyay in xilligan aanu dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah. “Waa nasiib darro in laga hadlayo doorasho qof iyo cod ah iyadoo ay halis ku jirto midnimada dalka miiska lagu go’aaminayo masiirka ummadana ay ka maqanyihiin Puntland, Jubbaland iyo Somaliland oo iyadu horey u maqnayd” ayuu yiri Sheekh Shariif. Si kastaba, maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si weyn uga biyo diidan hannaanka ay Villa Soomaaliya ku wajaheyso doorashooyinka soo socda.