-
Content Count
211,337 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararka ka imanaya maamulka Puntland ayaa sheegaya in ay socdaan wadahadallo u dhexeeya wakiil ka socda markab kalluumeysi oo Shiinees ah iyo odayaasha deegaanka ee wakiilka ka ah koox burcad badeed ah oo afduubtay markabkaas. Wakaaladda AP ayaa xaqiijisay in kooxda burcad-badeedda ah ay dalbatay $10 milyan si loo sii daayo 18 shaqaale oo ku jira markabka aan magaciisa la shaacin. Saraakiil ka tirsan booliska Puntland ayaa sheegay 10 maalmood ka hor in ay rumaysan yihiin in markabku la afduubtay dhammaadkii bishii Nofeembar. Waxa kale oo ay sheegeen in burcad badeeddu markabka ay geeyeen meelo kala duwan si ay uga dhuuntaan ciidanka ilaalada xeebaha. Markabka oo la sheegay in uu diiwaangashan yahay Taiwan, ayaa haystay shati kalluumeysi oo ay bixisay dowlad goboleedka Puntland, balse shatigaas ayaa la sheegay inuu dhacay. Wararka kale ayaa sheegaya in ilaalada gudaha markabka joogay ay ku lug yeesheen afduubka. Howlgalka Atalanta ee Midowga Yurub ayaa warbixin uu ka soo saaray dhacdadan sheegay inay baarayaan kiiska oo markii hore loo aqoonsaday afduub, balse markii dambe loo beddelay tuugo hubeysan maadaama markabku ku sugnaa biyaha Soomaaliya. Atalanta ayaa sheegtay in ay diiwaan gelisay 20 weerar sanadkan 2024 oo ay ku jiraan kuwa fashilmay. Si kastaba ha ahaatee, waxa ay sheegeen in ay jiraan dhacdooyin kale oo aan la soo sheegin oo ay ku lug leeyihiin doonyaha yaryar. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay aqoonyahannada, cilmi-baarayaasha iyo mas’uuliyiinta ka qeyb-galay Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah Daraasaadka Soomaaliyeed oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho. Shirkan oo markii ugu dambeysay la qabtay 35 sano ka hor ayaa sanadkan lagu soo bandhigay daraasaad muhiim ah oo ku saabsan dib-u-dhiska dowladnimada, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey ka qeyb-galayaasha doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan horumarinta cilmi-baarista iyo xal-u-helidda caqabadaha jira, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la hirgeliyo talooyinkii iyo daraasaadkii kasoo baxay shirkan, si loo xaqiijiyo horumar waara oo lagu gaari karo isku filnaansho bulsho iyo mid dhaqaale. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka qeyb-galayaasha ku dhiirrigeliyey doorkooda iyo dadaalkooda ku aaddan horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan ayaa horey u dul istaagay ahmiyadda ay dowlad-dhiska iyo sookabashada Qaranka Soomaaliyeed ay u leedahay, in hab cilmiyeysan loo darso caqabadaha ku gudban horumarka dowladnimo, dhaqaale iyo aqoon ee Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in ay dowladda ka go’an tahay, garab istaagga Aqoonyahannada iyo cilmi baarayaasha Soomaaliyeed, si xal waara loogu helo mushkiladaha hortaagan isku filnaanshaha dadka Soomaaliyeed. “Halganka dowlad-dhiska ee aan kusoo jirnay tan iyo burburkii, mar waliba waxaan dareemeynay maqnaanshaha kaalinta mufakiriinta Soomaaliyeed ee si dhab ah u darsilahaa mushkiladaha na haysta, nasiib wanaag Shirkan, waxa uu kusoo aaday waqtigii ugu mudnaa oo ay tahay in aan uga faa’iideysanno si dhaqsi leh”. Shirweynaha meertada 15-aad ee Ururka caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliyeed, oo markiisii ugu horreysay la qabtay sanadkii 1979-kii ayaa sanadkan waxaa ka qayb galay, in ka badan 400 oo ergo ah, kuwaasi oo isugu jira aqoonyahanno Soomaaliyeed, cilmi baarayaal caalami ah iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha Geeska Afrika.
-
Prince Amir Bin Abdullahaziz Al Saud, in a post he posted on X, suggested that Somaliland be recognized. His text was as mentioned below. Recognizing Somaliland as an independent state could offer several strategic benefits for the United States: Geopolitical Advantages Countering Chinese Influence Recognition would allow the U.S. to build a partnership with Somaliland, providing a hedge against China’s growing influence in the region, particularly in Djibouti. Somaliland has demonstrated willingness to defy Beijing, as evidenced by its diplomatic ties with Taiwan. Strategic Location Somaliland’s position along the Red Sea and Gulf of Aden offers significant strategic value for U.S. interests. The Berbera Port and airfield could provide new military basing opportunities for the U.S., enhancing its ability to project power and conduct operations in the region. Regional Security Counterterrorism Partner Somaliland has maintained relative stability and avoided the terrorism and piracy issues plaguing Somalia, making it a potential valuable ally in regional security efforts. Recognition could strengthen Somaliland’s capacity to combat extremism and piracy in the Red Sea region. Maritime Security Somaliland’s strategic location could help ensure freedom of navigation in crucial maritime routes, including the Bab el-Mandeb Strait. Diplomatic Gains Support for Democracy Recognizing Somaliland would affirm U.S. support for democracy by rewarding the territory’s 30-year-old homegrown democratic efforts. It could serve as a model for other countries in the region, demonstrating the benefits of democratic governance. Taiwan Relations An independent Somaliland could provide Taiwan with another diplomatic ally, indirectly supporting U.S. interests in the Taiwan-China dynamic. Economic Opportunities Trade and Investment Recognition would enable Somaliland to access international financial institutions and attract foreign investment, potentially opening new economic opportunities for U.S. businesses. Somaliland’s modernized Berbera Port could become a significant regional trade hub. Strategic Flexibility Diversification from Djibouti Recognition would allow the U.S. to diversify its regional presence away from Djibouti, where Chinese influence has been growing. This could provide the U.S. with more options and leverage in the strategically important Horn of Africa region. Conclusion Recognizing Somaliland could enhance U.S. strategic positioning in the Horn of Africa, provide a new partner in counterterrorism and regional security efforts, support democratic values, and open new economic opportunities. However, this decision would need to be carefully weighed against potential diplomatic and regional stability risks. Qaran News
-
Mas’uuliyiinta Gobolka Karkaar, oo ay weheliyaan odayaal nabadoono ah ayaa 250 oo ari ah ku wareejiyay ciidamada difaaca dowladda Puntland ee ku sugan degmada Carmo ee Gobolka Bari. Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan iyo Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Karkaar G/sare Xuseen Cali Maxamuud, oo ay weheliyaan Duqa Degmada Bandar-Bayla, iyo Nabadoono ayaa xoolahan ku wareejiyay ciidamada difaaca Puntland. Xoolaha waxaa mas’uuliyiintaasi kala wareegay Wasiirka Amniga Puntland Xaaji Baakiin, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Puntland Yuusuf Maxamed Wacays, iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Puntland, Cabdirisaaq Cabaade. Madaxda ayaa uga mahadceliyay degmooyinka Qardho, Shaxda, iyo Bandar-Bayla oo ku taageeray ciidamada difaaca Puntland xoolahan. Sidoo kale, waxay ka codsadeen degmooyinka kale in ay garab istaagaan ciidankooda. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiinta Gobolka Karkaar oo xoolo ku wareejiyay Ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Carmo appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Jimcaha berri ah u safri doona dalka Jabuuti, halkaasi oo uu Kulan Casho ah kula yeelan doono ciidamada Faransiiska ee ku sugan saldhigga Jabuuti, ka hor inta aanu u gudbin Itoobiya, waxaa sidaas sheegtay madaxtooyada Faransiiska. Madaxweyne Macron ayaa sidoo kale halkaasi kula kulmi doonaa dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo uu kala hadli doono xaaladda Badda Cas iyo Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya oo ay ka jiraan colaado iyo weeraro kala duwan oo ay geysanayaan Islaamiyiinta xagjirka ah iyo weliba dalka Suudaan, oo ay halakeeyeen in ka badan sanad iyo bar dagaal sokeeye ah. Saldhigga Faransiiska ee Jabuuti, oo ay ku sugan yihiin 1,500 oo askari, ayaa ah ciidamada ugu badan ee Faransiiska dibadda ka jooga, waana kan keliya ee aanay saamayn ku yeelan dhimista baaxadda taariikhiga ah leh ee loo qorsheeyay ciidamada Faransiiska ee qaaradda Afrika, ka dib dib-u-dhacyo isdaba joog ah oo Faransiiska ku qabsaday gobolka Saaxil sannadihii u dambeeyay. Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa Sabtida u duuli doona magaalada Addis Ababa, halkaasi oo uu kula kulmi doono Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Waxay daah-furi doonaan Qasriga Qaranka oo ah dhisme taariikhi ah oo ahaa gurigii ugu dambeeyay ee ku noolaa Boqor Xayle Salaase-ha 1-aad, kaasi oo la afgambiyay 1974-kii. PUNTLAND POST The post Madaxweynayaasha Faransiiska iyo Jabuuti oo ka wada-hadlayaa Xaaladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Mahadaay (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maata ciidamada Xooggga dalka ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi, kaas oo jab culus lagu gaarsiiyay kooxda. Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay aagga degmada Mahadaay, waxaana ciidamada ay ku beegsadeen goob ay isku aruursanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa sheegay in ay gaareen deegaano ay kamid yihiin Diinlaawe iyo Hurwaa oo galbeed ka xiga degmada Mahadaay, halkaas oo ay si dhuumaaleysi ah ku joogeen xubnaha Khawaarijta. Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in wax iska hor imaad ah aysan la kulmin inta ay wadeen howlgallada ay ku gaareen deegaannadaas oo weeraro ay kasoo abaabuli jireen Al-Shabaab. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guusha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Mahadaay oo howlgallo ay kasii wadaan ciidamada dowladda. Shabeelaha Dhexe oo hoostaga dowlad goboleedka HirShabelle ayaa waxaa weli guluf ka dhan ah Al-Shabaab ka wada ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.
-
Sirdoonka Ruushka ayaa gacanta ku dhigay nin lagu magacaabo , Kurbonov Akhmajon oo ah 29 jir u dhashay dalka Uzbekistan, kaasoo ay ku sheegeen inuu ka qeybqaatay howlgalka lagu dilay sarkaalkii u sarreeyay militariga Ruushka qeybta kiimikada iyo ka hortagga shucaaca nukliyeerka ee Jen. Igor Kirillov oo dilkiisa loo adeegsaday walxaha qarxa oo lagu qarxiyay albaabka dhisme ku yaalla Moscow. Hay’adda FSB, oo ah hay’adda lagu beddelay KGB markii uu burburay suufiyeetkii , ayaa warbixinta ka soo baxday waxaa lagu sheegay ninka la qabtay inuu howlgalka ku qaatay Boqol kun oo dollar ($100,000) iyo baasaboor dal Yurub ah oo aan la magacaabin , balse waxaa la qabtay inta uusan baxsan, wallow aan la soo bandhigin sharraxaad intaa ka badan. Dilka sarkaalkan sare ee Ruushka oo dhacay Talaadadii , ayaa si dhaqso ah waxaa u sheegtay sirdoonka Ukraine oo ka hor inta aan dilkan la geysan 24 saac ka hor ku eedeyay inuu bixiyay amarka howlgallo loo adeegsaday hubka kiimikada oo ka dhacay gudaha dhulka Ukraine, iyagoo markaa ku sheegaya dambiila wajahaya cawaaqibka weerarrada uu ka geystay Ukraine. PUNTLAND POST The post Sirdoonka Ruushka oo qabtay nin ku eedaysan dilkii Jeneraal Igor Kirillov appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa casho sharaf ku maamuusay aqoonyahannada, cilmi-baarayaasha iyo mas’uuliyiinta ka qeyb-galay Shirweynaha 15-aad ee Ururka Caalamiga ah Daraasaadka Soomaaliyeed oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho. Shirkan oo markii ugu dambeysay la qabtay 35 sano ka hor ayaa sanadkan lagu soo bandhigay daraasaad muhiim ah oo ku saabsan dib-u-dhiska dowladnimada, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey ka qeyb-galayaasha doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan horumarinta cilmi-baarista iyo xal-u-helidda caqabadaha jira, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la hirgeliyo talooyinkii iyo daraasaadkii kasoo baxay shirkan, si loo xaqiijiyo horumar waara oo lagu gaari karo isku filnaansho bulsho iyo mid dhaqaale. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka qeyb-galayaasha ku dhiirrigeliyey doorkooda iyo dadaalkooda ku aaddan horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Dhibaatooyin ay sababtay cunaqabateynta ay dowladdu saartay Jubbaland ayaa ka taagan magaalada Kismaayo, waxaana suurtagal ah in caqabadahaas ayaa sababaan inuu is casilo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, sida ay saadaalinayaan xubno ka faallooda siyaasadda gobolka. Afar caqabadood oo culus ayey sababtay cunaqabateynta ay dowladda Soomaaliya saartay maamulka Jubbaland, kuwaas oo laga dareemay magaalada Kismaayo, wixii ka dambeeyey markii uu qarxay khilaafka maamulkaas kala dhexeeya dowladda federaalka. Dhibaatooyinka ka taagan Jubbaland oo salka ku haaya dhaqaale la’aan ka dhalatay cunaqabateynta dowladda federaalka ayaa saameeyey maamulka Jubbaland, shacabka ku nool magaalada Kismaayo iyo guud ahaan reer Jubbaland, hoggaamiyaha maamulkaas ayaa maalin kasta raadiya dhaqaale uu shaqada ku kala furdaamiyo. Afar dhinac oo dowladda federaalka ay cunaqabateyn ka saartay maamulka Jubbaland ayey dhibaatooyinkaan ka imaanayaan, waxaana la xaqiijiyey in si rasmi ah ay arrintaan u saameysay hoggaamiyaha maamulkaas, ilaha dhaqaale ee Axmed Madoobe laga daariyey ayaa kala ah: 1-Dhaqaalihii ka imaa jiray dowladda Federaalka, waa caqabadda 1-aad ee uu wajahay Axmed Madoobe, waxaa laga jartay lacag malaayiin doollar ah oo dowladda federaalka ay ku kabto sanad kasta miisaaniyadda dowlad goboleedyada. 2-Dhibaatada labaad waa qaadkii laga keeni jiray Kenya ee ka degi jiray Kismaayo, dowladda federaalka ayaa joojisay diyaaradihii qaadka ee tegi jiray maalin kasta Jubbaland, tallaabadaan ayaa si weyn u saameysay shacabka Kismaayo iyo magaalooyinka kale, sidoo kale Jubbaland ayaa kumanaan dollar oo dul-saar ah ka heli jirtay qaadka. 3-Shaqadii Dekedda Kismaayo ayaa xirmi rabta, waxaa saameeyey sicir bararka baahsan ee ku dhuftay Kismaayo iyo guud ahaan Jubbaland ee ka dhashay cunaqabateynta dowladda federaalka, halkaas Axmed Madoobe wuxuu ku waayey dhaqaale badan oo uga soo xaroo jiray. 4-Waxaa go’ay dhaqaalihii Jubbaland kasoo geli jiray duullimaadyada tooska ah ee ka deji jiray magaalada Kismaayo, arrintaan ayaa uga sii dartay sicir-bararka daran ee ka jira Jubbaland, waxaana go’ay dhaqaale badan oo Axmed Madoobe ka soo geli jiray duulimaadka tooska ah. Afartaan dhinac ee dhaqaaluhu kasoo geli jiray Jubbaland ayey dowladda federaalku la beegsatay cunaqabateyn adag, waxaana la sheegay in Axmed Madoobe uu maalin kasta raadiyo dhaqaale deyn ah oo shaqada socota uu ku kala wado, siyaasiyiinta qaar waxay saadaalinayaan in cunaqabateyntaan ay sababto in Axmed Madoobe is casilo.
-
Calls to the United Nations Security Council to reinstate an arms embargo on Somalia are increasing. Mogadishu (PP Commentary) — For six days now, the discourse across television, radio, and social media has centred on the arms embargo, with calls to the United Nations Security Council to reinstate it in Somalia. The flow of illegal weapons has been rising, sparking widespread concern. Reports have surfaced of trucks carrying legal weapons ending up in civilian hands in Abudwaq, Galmudug. Yet, despite this alarming development, no one has been held accountable for the influx of illegal arms into the country. Even more troubling is the role of the Somali government, which is accused of enabling weapons to fall into the hands of clan militias. These militias, embroiled in frequent clashes, leave a trail of death and injury, often involving innocent civilians. Trust in the government’s ability to manage this crisis is virtually non-existent. The situation has deteriorated further with reports of arms making their way to Jubaland and even into Kenya following the surrender of Somali forces. Security experts have long argued that the Somali government lacks the capacity to control the weapons in its possession. This only strengthens the call for the United Nations to reimpose the embargo. The open arms markets in Mogadishu, the rising demand for weapons among civilians and clan militias and the persistent threat posed by Al-Shabaab serve as stark evidence of the gravity of the problem. Moreover, the Federal Government of Somalia stands accused of using the country’s armed forces for political purposes, such as deploying drones against Jubaland’s local forces—a practice widely deemed unacceptable. Concerns are growing that lifting the embargo would empower the Somali government to deploy heavy weaponry against regional administrations that resist its authority. The international community must take these warnings seriously, for the consequences of inaction could be dire. The calls for decisive intervention are not just urgent—they are a matter of ensuring stability and preventing further conflict in Somalia. © Puntland Post, 2024 The post Calls Mount for UN to Reinstate Arms Embargo on Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Stocholm (Caasimada Online) – Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Nimco Bashiir Daa’uud oo 28 jir ah ayaa lagu dilay dalka Sweden, xilli ay ku sii jeedday gurigeeda, waxaana la sheegay in uu dilku ka dhacay meel kayn ah oo ku taalla xaafadda Märsta ee magaalada Stocholm. Saaxiibteed ay aad isugu dhawaayeen oo lagu magacaabo Saynab Xasan, ayaa sheegtay in ay maqashay qayladeedii ugu dambeysay, xilli ay qadka taleefanka kula hadleysay. “Waxay bilowday inay magacayga ku dhawaaqdo, kadibna ay qayliso”, ayey tiri Seynab oo ka warbixisay dilka saaxiibteed Nimco. Seynab ayaa intaas ku sii dartay, “Ma jirin wax cusub ama ku soo kordhay oo ay ii sheegeysay, sideennii caadiga ahayd ayaan axwaasha iskaga wareysaneynay, waxaan sidoo kale ka wada hadalnay xilligii aan is arki lahayn si aan uga sheekeysanno qorsheyaasheenna.” Seynab sidoo kale sheegtay in saaxiibadeed Nimco ay ka codsatay in aysan qaadin waddadaas, maadama ay tahay dhul kayn ah oo hadanna buur ah, waxay Nimco iigu jawaabtay “Wadadaan ayaa ii fudud oo xaafadda u dhow”. Waxay intaas ku sii dartay “intii aan la hadlaayey waxa aan maqlay buuq iyo qaylo aad u sareysay waxaan iri halow halow, kadibna shanqar oo dhan ayaan waayay oo Nimco wey aamustay.” Hibo Daa’uud oo ah walaasha ka yar Nimco, ayaa tiri “Ma ahayn walaashay oo keliya, waxay ahayd saaxiibtayda aan qoyska isugu dhownahay.” Booliska ayaa sheegay inay qabteen qof looga shakisan yahay dilka Nimco, Ninka loo xiray dilka Nimco ayaa la sheegay in uu yahay nin 38 jir ah.
-
Somali Secondary School students going to the rural areas for the literacy campaign during 1970s. I participated in the Somali Studies International Association (SSIA) conference held in Mogadishu from December 15 to 18, 2024. The conference was hosted by Somali National University and the Federal Ministry of Education and Higher Education. During the event, I received a copy of the new book titled “Macallinkeen Allow Kaal,” authored by Dr. Abdinur Sheikh Mohamed, who is the former Minister of Education in Somalia. This timely and well-written book has revitalized my understanding of the history of education in Somalia, a journey I experienced as part of the living generation during the country’s educational revolution and literacy campaign. It has inspired me to reflect once more on my own educational journey, tracing the path that has shaped my life from Quranic school to the present day. A rare sight caught my attention when a plane took off from the airstrip in the Jiriban district, Mudug region of central Somalia. At the moment, I did not fully grasp the significance of that local flight. Later, I learned that my sick father, who had served as the first judge of the primary court in the district, was on board. He had been flown to Mogadishu for further treatment and was admitted to Digfer Hospital, which at that time was the state-of-the-art medical facility in the new republic. Unfortunately, he did not survive for long and passed away sometime in 1968. The hospital was constructed in the 1960th by Italian engineers. The name originates from the Italian construction company DigFer (Degola and Ferretti), which was later altered to Digfer or Digfeer. It played a significant historical role in Somalia’s capital. His death was announced on Radio Mogadishu. My mother and older brother rushed to the village to confirm the news, as we were living outside the village at that time. Being too young to grasp the situation, I remained unaware of the gravity of what had happened. Before his death, my father made a will stating that my two younger brothers and I, the sons of Asha Haji Mohamoud, would be taken care of by our older brother, Isak Haji Warsame. At that time, Isak was studying in Egypt, where he was training to become a senior judge, following in our father’s footsteps. He was in his final year at the prestigious University of Cairo and had planned to surprise our father by graduating at the top of his class. However, his sudden death dashed that hope. Upon his return to the country, he was appointed as the head of the Appeal Court in the North Western region, settling in Hargeisa. Once he got settled into his new role, he took three of us to Hargeisa, where I was enrolled in the Quranic school at Beerta-xorriyadda. This marked the beginning of my education, which was expected to last two years. During this time, we would learn not only the Quran but also Arabic and basic arithmetic. At that time, Somali was an unwritten language, and Arabic served as the medium of instruction for the first four years of primary school. My teacher, Sh. Hussein, was very fond of me because my brother was generous with him, paying more than the basic school fee. As a result, Sh. Hussein took special care to help me learn the Quran quickly and to achieve basic proficiency in Arabic. I quickly mastered reading and writing every Arabic phrase although I didn’t fully understand their meaning. My older brother, Isak, has taken on full responsibility for our family, and without his commitment to this role, I wouldn’t be where I am today. I am forever grateful for his generosity and dedication in filling the void left by our father, often at his own expense and comfort. During my childhood, I didn’t feel the absence of my father and it was only later, during my adolescence, that I began to notice my friends with their fathers hand-in-hand at public gatherings and in marketplaces. Without our father’s wishes and Isak’s unwavering support, we wouldn’t have survived for long. After completing the standard two years at the Quranic school, I was enrolled at Sh. Bashir Primary School sometime in 1972. My brother and my teacher, Sh. Hussein were both present on the enrollment day. We gathered in a circle in the main open area of the school, and one by one, we were called to the examination room accompanied by two policemen. Upon entering the room, I noticed three examiners present. I was asked to read a surah from the Quran and write down several Arabic words. After completing these tasks, I was pleased to learn that I had passed the entry exam. It was truly my day. I was soon furnished with a new dress and some books. The curriculum was based on the Arabic language and we started with a book called “ Nahnu-naqra’u”. I was very good at reading Arabic and even understood basic sentences. In those days, Hargeisa, the country’s second-largest city, was a vibrant metropolitan hub with bustling commercial areas, public facilities, playgrounds, basic social services, and the best weather year-round. One aspect that stood out was that my brother Isak was not fond of chewing Qat (Khat). After finishing his daily work at the court, he would head home instead of participating in the local social scene. He was also well-known for his integrity, which was a refreshing quality among local civil servants at that time. This strong moral character can be attributed to his upbringing in the household of a grand sheikh, jurist, and public servant—truly a case of “like father, like son.” My brother Isak, a fluent Arabic speaker, used to take me to the cultural centre of the United Arab Republic of Egypt in Hargeisa. They showcased black-and-white Arabic-speaking Egyptian movies every Wednesday or Thursday. Although I couldn’t fully understand the dialogue, I enjoyed following the stories. He also used to bring home several Arabic newspapers that he used to receive regularly which in turn I would read after him even though I rarely understood or grasped the content. Soon after, we received the news that the Somali language would be introduced into the education system as our medium of instruction. The proposed Latin alphabet was new and strange to us. A Land Rover station wagon equipped with powerful speakers, owned by the Ministry of Information, would drive around the city broadcasting the newly developed alphabet. We would run after the vehicle, repeating the same letters: B, T, J, X, and so on, joining in a kind of fanfare that featured a well-known song: “Waa Illaah mahadiyee, Ii keen abwaanka, Aan ka barano, Af-Soomaaliyeed, B, T, J, X, KH …..” “Praise be to God, Bring us the poet, So we can learn, The Somali language, B, T, J, X, KH …..” The youth in the city started to chase after the car which was continuously broadcasting the same letters of the alphabet, day and night. As a result, we quickly memorized the letters, even before they were officially taught in school. The excitement of learning to write the Somali language using the Latin alphabet became the norm. Consequently, new textbooks for primary schools were developed and distributed during the 1972-1973 academic year. In March 1974, a literacy campaign was launched to promote reading and writing in rural areas. This time, we approached the challenge of rural illiteracy with great intensity, making it essential to eliminate it in these communities. Young students, like myself, were given a year off from school to allow older students to fully engage in the campaign. Before the campaign began, only 5% of the population could read and write. However, after the mass literacy campaign—both urban and rural—over 60% of people became literate in their native language. Although we enjoyed our time away from school, we did not understand the significant impact of this mass campaign. The education was made free and accessible. At that time, Somalia was seen as a promising land and that was not far from reality. That history of education in Somalia has had a lasting impact on me. Ever since I attended my first class in Sh. Bashir Primary School, I have struggled to overcome the consequences of the systemic destruction of the country’s educational system, which was carried out by those who were supposed to protect it. Somalia has not only lost its educational institutions, ranging from primary schools to tertiary education but also the rich history of education that spanned over 100 years, including the periods before independence. It is crucial for the younger generation to be properly informed about this trajectory so that they can understand its costs and consequences, and avoid repeating the painful chapters of our history. The book “Macallinkeen Allow Kaal” by Dr. Abdinur Sh. Mohamed provides a timely historical perspective on that period. It serves as a reminder of the successful initiatives such as the mass education campaign, the focus on literacy, and the provision of free education for all. It also highlights the challenges and mistakes following the civil war and the re-establishment of the third republic, offering insights to prevent repeating those mistakes. The post LESSONS FROM CHILDHOOD IN THE HISTORY OF EDUCATION IN SOMALIA: A PERSONAL PERSPECTIVE appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga oo kaashaneysa Midowga Yurub iyo hay’adda socdaalka adduunka ee IOM, ayaa soo dhaweysay 147 tahriibayaal Soomaali ah oo dib loogu soo celiyay dalka. Muwaadiniintan ayaa laga soo celiyay dalka Liibiya, iyadoo la raacayo hindise loogu magac daray dib u celinta bini’aadantinimada ee Voluntary Humanitarian Return (VHR). Diyaaradda ayaa markii hore ku degtay magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay ka soo degeen 31 tahriibayaal ah, ka hor inta aysan u sii gudbin Muqdisho oo ay keentay 116 tahriibayaal ah. Dadka soo laabtay ayaa waxaa si heer sare ah u soo dhaweeyay wasiirka caafimaadka Soomaaliya, agaasimaha waaxda Yurub iyo Ameerika Danjire Yoonis Xaashi oo wakiil ka ah wasiirka arrimaha dibadda oo ay wehliyaan safiirka Soomaaliya ee Liibiya Cabdi Aadan. Sidoo kale waxaa munaasabadda soo dhaweynta muwaadiniintan qeyb ka ahaa ergeyga faarka ah ee socdaalka iyo qaxootiga ee Madaxweynaha Soomaaliya Marwo Maryam Yaasiin, safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson iyo ku-xigeenka madaxa IOM ee Soomaaliya Prestage Murima. Danjire Yunis Xaashi oo ku hadlayay magaca wasiirka arrimaha dibadda ayaa yiri: “Dowladda federaalka Soomaaliya oo gacan ka heleysa Midowga Yurub iyo IOM waxay xaqiijineysaa in muwaadiniinteenu ay si sharaf leh dalkooda ugu soo laabtaan iyo taageerada loo baahan yahay si dib loogu dhiso noloshooda”. Duulimaadkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee VHR ee muddo laba bilood gudahood ah, taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee muhaajiriinta Soomaalida ah ee lasoo celiyay 844 ee mashruuca MPRR-SSA, oo ay maalgelisay Midowga Yurub, ayna maamusho IOM. Soo-galootiga soo laabanaya waxay helayaan taageero deg-deg ah, oo ay ku jiraan deeqo lacageed, gargaar caafimaad iyo gaadiid, oo ay weheliso barnaamijyo shaqa abuur ah, si ay noloshooda u maareeyaan. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta sharafta iyo wanaagga dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dibadda.
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa sheegay in loo baahan yahay maamul loo dhan yahay oo ka hirgala dalka Suuriya kadib markii xilka laga tuuray madaxweyne Bashaar Al-Asad. Erdogan ayaa ugu baaqay Midowga Yurub in ay taageeraan dib u soo celinta dadka Suuriyaanka ah ee ka qaxay dagaalada sokeeye ee dalkaas ka socda 13-kii sano ee la soo dhaafay. Hadalkan ayuu ka sheegey shir jaraa’id oo ay wada qabteen isaga iyo guddoomiyaha guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen oo ku sugan magaalada Ankara. Dowladaha reer galbeedka ayaa si tartiib tartiib ah u furaya wadiiqada maamulka cusub ee Dimishiq ee ay hogaaminayaan kooxda Islaamiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS), inkastoo ay sii wadaan inay u aqoonsadaan koox argagixiso ah. Erdogan ayaa sheegay in gobolka aysan ka jirin meel ay ku sugan yihiin waxa uu ugu yeeray ururada argagaxisada, isagoo si gaar ah ula jeeday kooxda Daacish iyo kooxaha Kurdiyiinta. Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa horay u muujiyay muhiimadda ay leedahay geedi-socod isbedel oo loo dhan yahay oo ka dhaca dalka Suuriya. “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta ku dhawaaqo in 1 bilyan oo Euro oo dheeri ah sanadkan 2024 lagu biirin doono kaalmada qaxootiha Suuriyaanka ah iyo sidii looga gargaari lahaa arrimaha caafimaadka, waxbarashada qaxootiga jooga Turkiga ee reer Syria,” ayry tiri Von der Leyen. Erdogan ayaa sidoo kale ugu baaqay Midowga Yurub in ay taageeraan sidii ay dib ugu laaban lahaayeen dadka Suuriyaanka ah ee ka soo qaxay dagaalka, kuwaas oo malaayiin ka mid ah ay tageen Turkiga. Von der Leyen ayaa sheegay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageerada Suuriya isagoo diiradda saaraya dib u dhiska iyo in wadahadalka cunaqabateynta looga qaadayo Dimishiq uu billaaban karo marka “horumar dhab ah laga gaaro kala-guur nabadeed,” lagu arko dhulka. Waxa ay intaas uu ku darey in 1 bilyan oo Euro oo dheeraad ah la siin doono si loogu taageero soo noqoshada iskood ah ee Suuriyaanka, iyo in Turkiga laga caawiyo maamulka xuduudaha iyo socdaalka.
-
Guutada Saraayaa Al-Qudus oo kamida xoogagga wax iska caabinta falastiiniyiinta marinka Qasa ayaa sheegtay inay dagaalamayaashoodu qabsadeen diyaarad ay leedahay Israa’iil oo howlo basaasnimo ku jirtay. Saraaya Al-quddus waxay sheegtay inay diyaaraddaas ku qabteen magaalada Rafax ee koonfurta Qasa, balse wax faahfaahin ah oo intaas dhaafsiisan kama bixin sidii ay arrintaasi ugu suurta-gashay iyo haddii ay jiraan dad diyaaraddaas saarnaa. Tillaabadan ayaa imaanaysa xilli dagaalka marinka Qasa uu socdo sanadkii labaad, islamarkaana Israa’iil ay si maalinle ah u gumaadayso dadka rayidka ah ee ku nool marinka go’doonsan ee dhawr mar lagu tilmamay Jahanamada adduunka markii la lala fajacay xasuuqa sida joogtada ah uga socda iyo xayiraadda saaran. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb-galay xil wareejinta agaasimaha cusub ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Mustaf Sheekh Cali (Dhuxuloow). Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in hoggaanka cusub ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda looga fadhiyo sidii baasaboorka Soomaaliga uu u noqon lahaa mid la tartama baasaboorrada kale ee casriga ah ee dunida. “Agaasimaha cusub ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, waxaa horyaalla shaqooyin badan oo ay kamid tahay hufnaanta hay’adda, maadaama ay tahay mid kamid ah hay’adaha ugu sarreeya ee bixiya adeegga bulshada,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Waxa uu intaas kusii daray ra’iisul wadaafaha oo ka hadlayey munaasabaf uu xilka kula wareegayay agaasime Mustaf Dhuxuloow, “Hay’adda waa halka ay cid walba ka eegayso adeegga ay dowladdu u hayso shacabka Soomaaliyeed, waana mid looga fadhiyo inay sameysi horumar ballaaran.” Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey agaasimihii hore ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda shaqadii muhiimka ahayd ee uu dalka u soo qabtay muddadii uu xilka hayey. Sidoo kale wuxuu agaasimaha cusub ee xilka la wareegay kula dardaarmay in uu dadaalkiisa galiyo horumarinta iyo tayeynta adeegga ay hay’addu bixiso, gaar ahaan sidii baasaboorka Soomaaliga uu u noqon lahaa mid la tartama baasaboorrada kale ee casriga ah ee dunida. Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo ah hay’ad muhiim ah ayaa kal hore noqotay xudunta musuq-maasuqa, iyadoo xukuumadda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza ay tan iyo markaas dadaal badan ku bixineyso sidii hay’addan u noqon laheyd mid muraayad u noqota dalka.
-
AQMzqSbLhU8ENfpeH7NN_P00QObLNkF7PXdVRc8ev0tmzvA78iGji4Ru-dy5hA-_Lcc3yLeZJSK015Z0t9Ut3dOD (1) Qaran News
-
Nurse Nimo Bashir Daud stabbed to death in Stockholm suburb
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
STOCKHOLM, Sweden (HOL) — Twenty-eight-year-old assistant nurse Nimo Bashir Daud had nearly finished her day when she boarded a bus home late Sunday, just as she had done countless times before. On this night, only a short walk through a wooded path separated her from her apartment in a quiet suburb north of Stockholm. Source: Hiiraan Online -
Shir ku saabsan amniga gobolka Mudug oo ay ka qayb galeen xubnaha guddiga amniga gobolka Mudug ayaa maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo. Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa sheegay in Shirka looga hadlay xaalada guud ee ammaanka Gobolka sida argagixisada, faragalinta Dowlada Federaalka ah ay ku haysa Shacabka gobolka Mudug, tuugada, dhaca gaadiidka, isu socodka dadka iyo gaadiidka u kala goosha xaduudaha iyo dalka intiisa kale, tahriibta iyo dib u heshiisiinta. “Waxaa aad loogu dheeraaday dib u heshiisiinta beelaha Gobolka ayadoo laga warbixiyay meesha ay marayaan wadahalada socda iyo kala waxaa kaloo ayadana aad loogu dheeraaday hoos u dhaca tuugada iyo sidii loo baa bi’in lahaa inta ka hartay sidoo kale waxaa la isla qaatay qorshe lagu xakamaynayo gaadiidka ka baxa soona gala guud ahaan gobolka sidii loo koontarooli lahaa waxa ay wadaan dad iyo duunyaba” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug. “Shirka ayaa la isla qaatay in laga digtoonaado farafaraynta ay Dowlada Federaalka ah ku hayso gobolka Mudug ayadoo hub iyo agab ciidan kusoo guraysa gobolka si ay u huriso colaad beeleedyo hor leh una dhantaasha midnimada shacabka reer Puntland ayadoo adeegsanayo xeelado iyo lacago la isaga horkeenayo shacabka reer Puntland.” “Guddiga amniga gobolka ayaa shacab ka reer Puntland gaar ahaan kuwa gobolka mudug uga digaya hagardaamooyinka ay dawlada fardaraalku ku wiiqayso midnimadooda cid walba oo ku gacansiisa Dowlada Federaalka ah iska horkeenka shacabka gobolka Mudug waxaa laga qaadayaa talaabo sharci ah oo shacab iyo dawladba aan ku midaysanahay.” “Sidoo kale Dowlada Ferderaalka ayaa doonaysa inay dhabarjabin ku samayso dadaalada looga hortagayo argagixisada gobolka Bari ayna doonayso inay furima hor leh ka furto gudaha Putlanad gaarahaan gobolka Mudug” ayuu sii raaciyay guddoomiyaha Gobolka Mudug. Guddoomiyaha ayaa intaasi raaciyay in Shirka uu kusoo dhamaaday si wanaagsan laguna heshiiyay in hay’addaha amaanku iska kaashadaan sidii ay uga wadajiri lahaayeen shaqada amniga dadka iyo dalkana loogu adeegi lahaa si daacad ah. PUNTLAND POST The post Puntland oo Villa Somalia ku eedaysay in ay furin dagaal ka furayso degaanno ka tirsan Puntland appeared first on Puntland Post.