Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,311
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. For months a spat between Somalia and Ethiopia had been creeping towards a crisis. In June Somalia threatened to expel all of Ethiopia’s troops from its territory, where they have long spearheaded the regional fight against al-Shabab, a jihadist group. Source: Hiiraan Online
  2. Qoraalka ka soo baxay Taliska guud ee Booliska Somaliland. “ Taliska guud ee Ciidanka Booliska JSL , waxa uu gacanta ku hayaa baadhista kiiska laba marxuum oo saaka laga helay maydkooda gaadhi dhexdii degmada Gacmo-dheere ee Hargeysa. Boolisku waxa uu bulshada u xaqiijiyay in baadhista kiiskaasi ay socoto , waxaana marka ay baadhitaanku dhammaado bulshada la wadaagi doonaa natiijada kiiskan. Sidoo kale, Taliska Boolisku waxa uu digniin u dirayaa dadka baraha bulshada ku faafinaya wararka beenta ah ee ku saabsan kiiskan, waxaanan faraynaa in ay ka digtoonaadaan faafinta xogaha aan xaqiiqda ahayn.” Qaran News
  3. Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Wafdiga ayaa ka kooban wasiiro, xildhibaano, iyo saraakiil ciidan oo heer sare ah. Ujeedka booqashada wafdigan ayaa la xiriira dardargelinta howlaha amniga ee gobolka Gedo, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada deegaanka, iyo qiimeynta xaaladda guud ee nabadgelyada ee magaalada Garbahaarey. Waxaa lagu wadaa in wafdigu ay kulamo muhiim ah la yeeshaan maamulka gobolka, waxgaradka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si looga wada shaqeeyo qorsheyaasha amniga iyo horumarinta gobolka. Kulamadan ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab Waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey wafdiga magaalada Garbahaarey, iyadoo shacabka iyo maamulka Degmadda muujiyeen taageerada ay u hayaan dowladda Federalka Soomaaliya Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay siihayaha safiirka safaarada dalka Suudaan Mudane Cammaar Axmed Baabakir oo u gudbiyay warbixin ku aadan xaaladda dalkaasi oo ay ka jiraan isku dhacyo sababay dagaallo, halkaas oo ay ku nool yihiin Soomaali badan. Danjire Cammaar Axmed Baabakir ayaa ugu horreyn ka warbixiyey xaaladda dalkaas, howlgallada ciidan iyo saameynta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Suudaan. Safiirka ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweeyeen muwaadiniinta reer Suudaan ee kusoo qaxay dagaallada ka socda dalkaas, isagoo tilmaamay in Soomaalidu, shacab iyo dowladba ay walaalnimo iyo farxad ku qaabileen walaalahooda reer Suudaan ee soo gaaray dalka. Sidoo kale wuxuu danjiruhu madaxweynaha la wadaagay salaan iyo farriin uu uga siday walaalkiis, Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Mudane Cabdifataax Al-Burhaan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa tilmaamay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee labada shacab, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn u hayaan dhiggooda Suudaan, kuwaas oo si mug leh uga qayb qaatay taageeridda Soomaaliya xilliyadii adkaa, gaar ahaan fursadaha waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed iyo tababarida hay’adaha amniga. Ugu dambeyntii, madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso nabadda iyo xasilloonida dalka walaalaha ah ee Suudaan, maadaama degganaanshihiisa uu muhiim u yahay gobolka oo idil. Suudaan ayaa haatan ku jirta xaalad adag oo ka dhalatay isku haysiga xukunka dalkaasi, kadib markii ay isku dhaceen labada Jeneraal ee ugu sarreeya ciidamada dalkaasi.
  5. Wasiirka Cusub Ee Madaxtooyada Oo Xilkii La Wareegay Hargeysa-19-12-2024-(Qarannews)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa xilkii si rasmi ah ugu kala wareejiyey wasiirka cusub ee Madaxtooyada, Mudane Khadar Xuseen Cabdi iyo agaasimihii guud ee hore ee Madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile. Munaasibadda xil-wareejinta oo ka qabsoontay xarunta qasriga madaxtooyada, islamarkaana ay madaxweyne-ku-xigeenka kala qaybgaleen madaxda xilka la kala wareegaysay, saraakiisha waaxaha kala duwan iyo shaqaalaha madaxtooyada, ayaa lagu soo dhaweeyey wasiirka cusub ee xilka la wareegay, laguna sagootiyey agaasimihii hore ee madaxtooyada. Ugu horray, agaasimihii hore ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday waxyaabihii uu madaxtooyada kusoo kordhiyey muddadii uu xilka hayey, isaga oo shaqaalahana uga mahadceliyey sidii hufnayd ee ay ula soo shaqeeyeen. Wasiirka cusub ee wasaaradda Madaxtooyada, mudane Khadar Xuseen Cabdi oo kelmedo kooban ka jeediyey munaasibadda, ayaa agaasimaha hore uga mahadnaqay waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu xilka hayey, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu dardargelin doono hawlaha shaqo ee madaxtooyada, shaqaalahana tayeyn doono, islamarkaana ku shaqayn doono siyaasadda madaxweynaha Qaranka ee hawshan u igmaday. Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo xilka u kala wareejiyey labada masuul, ayaa sagootiyey agaasimaha xilka wareejiyey, soona dhaweeyey wasiirka cusub ee madaxtooyada oo ku tilmaamay shaqsi firfircoon oo wax badan ka beddeli kara horumarka madaxtooyada. Wa-bilaahi Tawfiiq Qaran News
  6. Gode, Somali Region, Ethiopia – In a significant step toward addressing internal displacement, the Somali regional authorities have successfully relocated 524 households, comprising of 2,570 individuals, from the overcrowded Qoloji IDP sites to a new settlement in Bayahow, Somali Region. This milestone, achieved through a collaboration between the Somali Regional Disaster Risk Management Bureau (DRMB), the International Organization for Migration (IOM), and other partners, is part of the country’s Durable Solutions Initiative (DSI). Source: Hiiraan Online
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Madashada Hindisaha Horumarinta Muqdishada cusub iyo dhismaha Airporka cusub ee Magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegayDaahfurka Hindisaha Hirgalinta mashruuca weyn ee Muqdishada Cusub, Garoonka iyo Dekadda Casriga ah ee Caasimadda in uu sare u qaadi doono dhaqaallaha wadanka. sidoo kale waxaa uu yareyn doonnaa Ciriiriga ka jira magaalada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb noqdaan dhismaha Mashruucaan. Madaxweynaha ayaa yiri “Hooyada Soomaaliyeed waa in share ku yeelataa Muqdishada cusub,waxaana qeyb uga noqon kartaan 35 Dollar” Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in Hindisaha lagu horumarinaayo Muqdishada cusub isla markaana lagu dhisaayo Garoonka cusub ee Diyaaradaha iyo aaga dhaqaalaha dalka uu muhiimad weyn u leeyahay dalka oo idil. Mudane Amiir ayaa xusay in Hindisahaan uu yahay Rajada iyo Hiigsiga Ummada Soomaaliyeed, taasi oo abuureysa Maalgeshi Caalami ah, Xiriir ay Soomaaliya la yeelato caalamka iyo kor u qaadida dhaqaalaha dalka. Source: goobjoog.com
  8. In a library in Somaliland, Hafsa Omer presses play on a small cassette player. The sound of a Somali lute interwoven with a woman's soft singing fills the room. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa maanta shan heshiis oo muhiim U ah labada dal ku kala saxiiday magaalada Muqdisho, kadib markii markii dowladda fedetaalka ay caasimada mu marti qaaday wafdi ka socda dalkaasi. Labada dowladood ayaa ku heshiiyay iskaashi ballaaran oo ku aaddan arrimo muhiim ah, iyaga oo ka kala saxiixday shan heshiis is afgarad (MOUs) oo muhiim ah. Munaasabadda saxiixa heshiisyadan oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa noqotay mid ku muujinaysa sare u kaca xiriirka labada dal iyo wadajirka horumarka ay ka wada shaqeynayaan. Haddaba maxay yihiin 5 heshiis ee la saxiixay? 1. Iskaashiga Guud ee Arrimaha Dibadda Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Tansaaniya, Mudane Mahmoud Thabit Kombo, ayaa kala saxiixday heshiis dhigaya qaab-dhismeed lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed. Heshiiskan wuxuu xoogga saarayaa iskaashiga xasilloonida gobolka, is-dhaafsiga aqoonta, iyo dadaallada lagu taageerayo nabadda iyo horumarka caalamiga ah. 2. Iskaashiga Arrimaha Caafimaadka Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam Abubakar, iyo Wasiirka Ku-xigeenka Caafimaadka ee Tansaaniya, Dr. Godwin Oloyce Mollel, ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo nidaamyada caafimaadka ee labada dal. Heshiiskan wuxuu diiradda saarayaa la dagaallanka cudurrada faafa, is-dhaafsiga aqoonta caafimaadka guud, iyo xoojinta adeegyada caafimaad ee loo fidiyo bulshooyinka nugul. 3. Horumarinta Dalxiiska Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Da’uud Aweys Jaamac, iyo Wasiirka Dalxiiska iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Tansaaniya, Dr. Pindi Hazara Chana, ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo dalxiiska. Heshiisku wuxuu xooga saaraya is-dhaafsiga dhaqanka, ololayaasha suuq-geynta dalxiiska wadajirka ah, iyo dhiirrigelinta fursadaha maalgashiga si loogu soo bandhigo hiddaha iyo dhaqanka gaarka ah ee labada dal. 4. Iskaashiga Difaaca iyo Amniga Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo dhiggiisa Tansaaniya ayaa kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga difaaca. Heshiiskan wuxuu xoogga saaraya horumarinta awoodaha difaaca, tababarrada wadajirka ah, iyo iskaashiga amniga si loo gaaro xasillooni iyo ammaan goboleed. 5. Iskaashiga Waxbarashada Heshiis kale oo muhiim ah ayaa diiradda saaray iskaashiga dhanka waxbarashada, kaas oo ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Tansaaniya. Heshiiskan wuxuu xooga saaraya is-dhaafsiga aqoonta, bixinta deeqaha waxbarashada, iyo abuurista barnaamijyo wadajir ah oo lagu xoojinayo nidaamyada waxbarasho ee labada dal. Waxa kale oo uu dhiirrigelinayaa awood-siinta dhalinyarada iyada oo loo marayo horumarinta xirfadaha iyo is-dhaafsiga aqoonta si loo gaaro horumar waara.
  10. (ERGO) – For eight months after returning home to Somalia from a disastrous migration journey to Libya, Aweys Sadiq Mayow, jobless, faced the shame of begging in the streets to support his family. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) — The Ankara Declaration, signed on December 11, has thrown Ethiopia a lifeline in its quest for Red Sea access. For Ethiopia, landlocked since 1993, this Turkish-brokered deal with Somalia is an opportunity to rewrite its economic destiny. Yet, the agreement is already being tested by unresolved regional rivalries and fragile alliances. Source: Hiiraan Online
  12. Suldaan Cabdisalaan has opposed the SSCK administration’s claim to represent the East Sanaag Clan clan in Ceerigaabo. Badhan (PP News Desk) — Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud of the East Sanaag Clan has reportedly stated “that his clan resides in several districts of Sanaag, and therefore, it is inappropriate to fuel political conflict in Ceerigaabo. “The East Sanaag Clan clan and the Sool, Sanaag, Cayn, and Khaatumo administrations do not share a common view on any conflict occurring in Ceerigaabo. Violations, including killings and looting, have taken place in Ceerigaabo. The responsibility to protect the lives of the people living in Ceerigaabo lies with local administration [Somaliland]” said one of Suldaan Cabdisalaan’s advisors. Suldaan Cabdisalaan has opposed the SSCK administration’s claim to represent the East Sanaag Clan clan in Ceerigaabo. The Somaliland administration has yet to comment on the spate of violence that occurred in Ceerigaabo. Videos posted on social media show SSB militia from Burco claiming to have taken over homes in Ceerigaabo belonging to Suldaan Cabdisalaan’s clan. The Harti clan members have entirely been displaced from Ceerigaabo following clashes between SSCK militia and Somaliland administration forces on the outskirts of the Ceerigaabo. © Puntland Post, 2024 The post Suldaan Cabdisalaan disagrees with the SSCK administration over the situation in Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.
  13. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda, kuwa booliska oo kaashanayo ciidanka dadka deegaanka ay ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Mudug. Howlgalkan oo ka dhacay aagga degmada Wasil ayaa waxaa laga gaaray guullo waa wayn, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya. Saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku soo dhigeen laba gaari oo shidaal iyo agab kale u siday kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay heleen xogtooda, isla markaana ay ku qabeen meel dhexe, kahor inta aanay gaarin deegaanada ay ka arrimayaan Al-Shabaab. Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi kusii dareen inay la qabtay darawalladii gawaaridaas oo ay tilmaameen in haatan ku socdaan baaritaanno dheeraad ah, maadaama la tuhmayo in sahaydaan ay u wadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Mudug. Ciidamada iskaashanaya ayaa weli howlgallo culus ka sii wada aagga degmada Wasil, kuwaas oo lagu beegsanayo xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan halkaasi. Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab, si looga xoreeyo deegaannada ay kaga sugan Galgaduud iyo Mudug.
  14. Maamulka SSCK kalama tashanin Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud xaaladda Ceerigaabo. Badhan (Wararka PP) — Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud ayaa sheegay in beeshiisu ay degto dhowr degmo ka mid ah Sanaag sidaas darteedna aysan habboobeyn in colaad siyaasadeed laga abaabulo Ceerigaabo. “Beesha East Sanaag Clan iyo maamulka SSC-Khaatumo iskuma oga in colaad ay ka dhacdo Ceerigaabo. Xadgudub ayaa ka dhacay Ceerigaabo iskugu jira dil iyo boob. Maamulka degmada gacanta ku haya ayuu saaran yahay waajibka in la dhowro nafta iyo dadka ku nool Ceerigaabo” ayuu yidhi mid ka mid ah la-taliyayaasha Suldaan Cabdisalaan. Suldaan Cabdisalaan wuxuu si cad uga hor yimid in maamulka SSCK sheegto inuu metelo beesha East Sanaag Clan. Maamulka Somaliland ilaa hadda kama hadlin barikinta ka dhacday Ceerigaabo. Waxaa baraha bulshada la soo dhigay muuqaallo muujinaya miliishiyada SSB ee Burco oo sheeganaya inay la wareegeen guryo ku yaalla Ceerigaabo oo ay leeyihiin beesha Suldaan Cabdisalaan. Gebi ahaanba degmada Ceerigaabo waxaa ka qaxay dadka beesha Harti ku abtirsada kaddib markii miliishiyo ka tirsan SSCK iyo miliishiyada maamulka Somaliland uu dagaal ku dhexmaray duleedka Ceerigaabo. © Puntland Post, 2024 The post Suldaan Cabdisalaan oo maamulka SSCK kaga aragti duwanaaday xaaladda Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.
  15. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania ayaa xoojinaya iskaashigooda sii kordhaya iyagoo kala saxiixday shan heshiis oo muhiim ah (MOUs). Heshiisyadan, oo lagu saxiixay Muqdisho, ayaa ka koobnaa arrimaha dibadda, caafimaadka, dalxiiska, difaaca, iyo waxbarashada, kuwaas oo muujinaya sida labada dal ugu heellan yihiin horumarinta iskaashiga gobolka iyo horumarinta waara. Munaasabadda waxaa guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, taas oo xoojisay doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee dhinaca diblomaasiyadda iyo sida Tanzania u heellan tahay horumar wadajir ah. Heshiisyada Muhiimka ah ee la Saxiixay Iskaashiga Guud ee Arrimaha Dibadda Heshiiska ay wada galeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Sharafta leh ee Tanzania, Mudane Maxamuud Thabit Kombo, wuxuu dhisayaa qaab iskaashi oo sare u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed. Heshiiskan waxaa ka mid ah iskaashiga dhinaca xasilloonida gobolka, is-weydaarsiga aqoonta, iyo isku-dubbaridka dadaallada caalamiga ah si kor loogu qaado nabadda iyo horumarka. Iskaashiga Dhanka Caafimaadka Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan Abubakar, iyo Wasiirka Caafimaadka ee Tanzania, Mudane Godwin Oloyce Mollel, waxay saxiixeen heshiis diiradda saaraya horumarinta nidaamka caafimaadka ee labada dal. Heshiisku wuxuu xooga saarayaa xallinta cudurrada faafa, taageeridda caafimaadka guud, iyo xoojinta adeegyada caafimaadka ee dadka aan helin adeegyada ku filan. Horumarinta Dalxiiska Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Da’ud Aways Jaamac, iyo Wasiirka Dalxiiska iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Tanzania, Dr. Pindi Hazara Chana, waxay kala saxiixdeen heshiis lagu horumarinayo dalxiiska. Heshiiskan wuxuu dhiirrigelin doonaa is-dhaafsiga dhaqanka, ololayaasha suuqgeynta dalxiiska, iyo maalgashiga lagu soo bandhigayo hidaha gaarka ah ee labada dal. Iskaashiga Difaaca iyo Amniga Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Mudane Cabdulkadir Maxamed Nuur, iyo dhiggiisa Tanzania waxay si rasmi ah u saxiixeen heshiis ku saabsan xoojinta iskaashiga difaaca. Heshiiskan wuxuu xoogga saarayaa dhisidda awoodaha, barnaamijyada tababarka wadajirka ah, iyo dadaallada iskaashiga lagu horumarinayo amniga iyo xasilloonida gobolka. Iskaashiga Waxbarashada Soomaaliya iyo Tanzania waxay sidoo kale kala saxiixdeen heshiis ku saabsan iskaashiga waxbarashada, kaas oo diiradda saaraya is-dhaafsiga aqoonta tacliinta, deeqaha waxbarasho, iyo barnaamijyada iskaashiga lagu xoojinayo nidaamyada waxbarashada ee labada dal. Heshiiskan wuxuu ujeedkiisu yahay in dhallinyarada lagu dhiirrigeliyo wadaagista aqoonta iyo horumarinta awoodaha, taas oo taageereysa horumar waara ee labada waddan. Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan ka fakireysa inay ka laabato go’aan ay horay uga gaartay Itoobiya, gaar ahaan sii joogitaanka ciidamadeeda ku sugan gudaha Soomaaliya, kadib heshiiskii dhowaan ka dhacay Ankara. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay sii joogi doonaan gudaha dalka, sidoo kalena ay kamid noqon doonaan howlgalka cusub ee bilaabanaya 2025, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Dhowaan Xuseen Macallin Maxamuud oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib u qiimeyn doonto go’aankeedii hore ee ay ka qaadatay ciidamada Itoobiya, maadaama buu yiri heshiis laga gaaray xiisadda. Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna maalmo kahor ku ammaanay ciidamada Itoobiya in ay naf-hurnimo u sameeyeen xasilloonida Soomaaliya. Qorshaha kale ee ku hoos duugan ka laabashada go’aanka dowladda ayaa ah mid soo dadajinayo in Itoobiya ay burbureyso heshiiskii badda ee ay la gashay Somaliland, sida ay rumeysan quburada sida dhow ula socda xiisadda labada dal oo heerar kala duwan soo martay. Dhinaca kale isbeddalka ku yimid go’aanka dowladda ayaa dad badan u arkaan lama filaan, maadaama tan iyo horraatii sanadkan ay madaxda qaranka ku celcelinayeen inay ciidanka Itoobiya ka bixi doonaan guud ahaan Soomaaliya, isla markaana aanay ka mid noqon doonin howlgalka cusub, sabab markaas ku aadaneyd heshiiska sharci darrada ee badda. Si kastaba, lama oga sida ay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya u saameyn doonto iskaashiga milateri ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo xoogeystay wixii ka dambeeyay, markii ay kala tageen Muqdisho iyo Addis Ababa.
  17. Dhusamareb (HOL) – The Somali National Army (SNA), in coordination with Galmudug regional forces and local residents, intercepted two vehicles suspected of transporting fuel and other supplies to the al-Shabab militant group, officials confirmed Thursday. Source: Hiiraan Online
  18. Hargeisa (HOL) – The bodies of Huda Ahmed Farah and Hamse Ahmed Yusuf were discovered Thursday morning inside a luxury car in Hargeisa’s Shabab neighbourhood. Source: Hiiraan Online
  19. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Siihayaha Safaaradda dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan Mudane Cammaar Axmed Baabakir oo uga warbixiyey xaaladda dalkaas, howlgallada ciidan iyo saameynta xiriirka Labada dal. Danjire Baabakir ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweeyeen muwaadiniinta reer Suudaan ee kusoo qaxay dagaallada ka socda dalkaas, isagoo tilmaamay in Soomaalidu, shacab iyo dowladba ay walaalnimo iyo farxad ku qaabileen walaalahooda reer Suudaan ee soo gaaray dalka. Sidoo kale, sii hayaha Danjiraha ayaa u soo gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh salaan iyo farriin uu uga siday walaalkiis, Hoggaaniyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Mudane Cabdifataax Al-Burhaan. Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee labada shacab, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn u hayaan dhiggooda Suudaan, kuwaas oo si mug leh uga qayb qaatay taageeridda Soomaaliya xilliyadii adkaa, gaar ahaan fursadaha waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed iyo tababarida hay’adaha amniga. Ugu dambeyntii, Madaxweynanaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso nabadda iyo xasilloonida dalka walaalaha ah ee Suudaan, maadaama degganaanshihiisa uu muhiim u yahay gobolka oo idil. Source: goobjoog.com
  20. Hargeysa (Caaasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday gudaha magaalada Hargeysa ee caasimadd Somaliland, kadib markii maydadka laba qof laga dhex helay gaari madow oo waddada yaallay. Gaariga ayaa yaallay waddo dhacda xaafadda shacabka ee magaalada Hargaysa, waxaana laga helay maydadka labada qof oo ku jiray baabuurka oo la sheegay inay iyagu wateen. Wararka ayaa intaasi kusii daraya labada qof uu mid-kood ahaa askari ku labisan direeska ciidanka ilaalada madaxtooyada Somaliland, halka qofka kalena ay ahayd dumar. Sidoo kale goobjoogayaal indha saaray maydadka labada qof ayaa sheegay in wax dhaawac ah uusan kor kooda ka muuqan, mana cadda sababta ka dambeysa dhimashadooda. Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo isku geedaamay baabuurka, waxayna wadaan baaris ku aadan falkaas oo ay si weyn uga argagaxeen dadka deegaanka. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Somaliland, waxaana laga war sugayaa natiijada baaristooda oo illaa iyo hadda socota. Falkan oo cabsi wayn ku abuuray shacabka Hargeysa ayaa saaka si weyn loo hadal hayaa, waxaana sawirka gaariga oo maydadka ay ku dhex jiraan lagu baahiyay baraha bulshada.
  21. With US Republicans backing recognition of Somaliland, a top Chinese diplomat has visited Mogadishu to offer Beijing’s support Source: Hiiraan Online
  22. Garoowe (Caasimada Online) – Burcad-badeeda afduubatay markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa dalbanaya lacag dhan 10-milyan oo doollarka Mareykanka ah, sida uu sheegay sarkaal Soomaali ah u sheegay wakaaladda wararka ee AP. Markabkan oo ay la socdeen 18-shaqaale ah ayaa bishii hore lagu afduubtay xeebaha waqooyi bari ee Soomaaliya. Afduubayaasha ayaa sidoo kale baraha bulshada ku wadaagay sawiro muujinaya maxaabiistooda oo ay ku hareeraysan yihiin rag hubaysan oo saaran sagxada markabka. Markabkan ayaa la afduubtay dabayaaqadii bishii November ee sanadkan, waxaana la geeyey degmada Xaafuun ee maamul goboleedka Puntland, halkaasi oo ay ku jiraan maxaabiistii la qabtay. Ilaalada markabka ayaa markii dambe ku biiray ciidamada hubaysan ee ka soo jeeda gobolka xeebta. Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in markabkan ay Puntland siisay ruqsad kalluumeysi sanadkii 2020-ka, balse ay ka dhacay ruqsaddaasi. Sargaalkan wax faahfaahin ah kama bixin dalabka madax furashada ay dalbvanayaan burcad badeeda. Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda, Eunavfor Atalanta, ayaa todobaadkii hore dhacdada ku tilmaamay “fal burcadnnimo oo ka dhacay badda”. Afduubka ayaa hoosta ka xariiqaya caqabadaha joogtada ah ee amniga badda Soomaaliya xilligan ka jira. Soomaaliya ayaa muddo sanado ah waxaa badaheeda aafeeyay falla burcad badeednimo oo maraaiib lafu afduubta. Faalkan ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay sannadkii 2011-kii, markaasoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in in ka badan 160 weerar ay ak dhace xeebaha Soomaaliya. Yaa afduubtay markabka, xageese lagu hayaa? “Labo ilaa seddex qof oo markabka ilaalinayey ayaa qafaashay, waxayna u yeerteen rag hubaysan oo dhanka berriga uga yimid. Xogta aan ilaa hadda hayno waa in tobaneeyo nin oo hubaysan ay markabka gacanta ku hayaan,” ayuu u sheegay qof ka mid ah ilaha dhanka amniga ee Puntland oo magaciisa aan qarinay. Wuxuu intaa ku daray in markabka lagu hayo inta u dhaxaysa xeebaha Eyl iyo Bayla, gaar ahaan meel ku beegan deegaan lagu magacaabo Marrayo. Wuxu kaloo mas’uulkaas sheegay in inta la ogyahay ilaa hadda ay shaqaalaha markabkaas yihiin 18 qof, kuwaasoo u dhashay Shiinaha, ama badankood ah muwaadiniin Shiinees ah. Wararka qaar waxay sheegayaan in burcad badeedda ay diideen boqolaal kun oo doollar oo madax furasho ahaan ay u bixin lahayd shirkad Soomaali ah oo mas’uul ka ah markabka sida ay sheegtay hay’ad ka shaqaysa la socodka dhaqdhaqaaqa maraakiibta. Hay’adda oo soo xiganaysa dadka deegaanka ayaa tiri “Kalluumaysato deegaanka ah ayaa sheegay in doontu ay u soo dhawaatay Eyl, Soomaaliya, Jimcihii, laakinse burcad badeedda ayaa dib ugu celiyey badweynta ayagoo ka cabsi qabay ilaalada xeebaha Puntland”. Afduubka ayaa hoosta ka xariiqaya caqabadaha joogtada ah ee amniga badda Soomaaliya xilligan ka jira. Soomaaliya ayaa muddo sanado ah waxaa badaheeda aafeeyay falla burcad badeednimo oo maraaiib lafu afduubta. Faalkan ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay sannadkii 2011-kii, markaasoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in in ka badan 160 weerar ay ak dhace xeebaha Soomaaliya. Isha: BBC
  23. Tanzania has been ranked among the Top 10 African countries with the most professional police forces, according to a recent Afrobarometer report. Source: Hiiraan Online
  24. Mogadishu (HOL) – Somali federal government is set to reverse its earlier decision to exclude Ethiopian troops from the upcoming African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), according to diplomatic sources. Source: Hiiraan Online