-
Content Count
211,457 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
50 xildhibaan oo 16 ka kursi ee Gedo yaalla ay ka mid yihiin ayaa ka haray golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana muuqata in uu ka dhib dhici doono qorshihii ahaa 15-ka March 2022-ka.
Abuukate Yuusuf Cabdi Faarax oo la hadlay Goobjoog News waxaa uu qabaa in doorashada Soomaaliya ay ka duwan tahay midda caalamka oo waqti la ogyahay lagu qabto, laakin waxaa uu ku eedeeyey maamulka jira inuu ka gaabiyey shuruucdii, isla markaana ay fulin la’yihiin, oo ra’isul wasaare Rooble awoodda lala heysto.
“Iima muuqato in doorashada ku dhamaaneyso waqtiga loogu talogalay, guddigii uu u diray Gedo waa la diiday, taasi waxay caddeyn u tahay in sharaci aanu shaqeyneyn, oo PM-ka lala heysto awoodda”.
Golaha shacabka, ila iyo hadda Banaadir waxaa lagu doortay 5 Xildhibaan oo Banaadiri ah iyo 46 xildhibaan oo Somaliland ah, Puntland waxaa la doortay 31 xildhibaan, Galmudug waxaa ilaa maanta ay dhameystiri doontaa 34 xildhibaan, Hirshabelle waxaa dooran 24 xildhibaan halka ay dooran yihiin Koonfur galbeed 62 iyo Jubbaland 23 xildhibaan.
Doorashada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay socotaa 6 bil, lamana oga xilliga ay soo gabagaboobeyso, iyada oo ay nagu soo fool leedahay bisha barakeysan ee Ramadaan.
Goobjoog News
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo maanta dib loogu doortay kursiga HOP#069 ayaa guushiisa, kadib u jawaabay wasiirka warfaafinta, ahna Senatar ka tirsan xubnaha loo dooratay Golaha Aqalka Sare, Cismaan Abuukar Dubbe oo la safnaa Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo markii dambe ka tanaasulay loolanka tartanka.
Odowaa oo hadal ka jeediyey doorashadiisa ayaa sheegay in weerarka uu Dubbe ku soo qaaday intii uu ku jiray ololaha doorashada uu daba socdo dagaalkii ka dhashay is hortaagii muddo kororsigii labada sano ahaa ee dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.
“Ninka la yiraahdo saaxibkey Dubbe marar badan waad ogtihiin waxa nasoo dhex-maray Dubbe gacaankii nimankii aan la dirirsanaa ayuu ka tirsanaa shantii sano ee lasoo dhaafay afhayeenkeedii ayuu u ahaa marka culeys halkaas ka yimid aan u maleynayaa duulaanka uu Dubbe soo qaaday mid hadda nidaamka uu la socdo niyadeeda ah ma’aha,” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waxaan rabaa inaan u sheego Dubbe cadka ina Odowaa cad fudud in uusan aheyn, cadka reer Mudugna in uusan cad fudud aheyn,”.
Intaas kuma ekaan Odowaa, wwuxuuna jawaabtiisa sii raaciyey in Dubbe uu haatan malxiis ka yahay Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaan ogahay inuu malxiis ka yahay Aqalka Sare, malxiisnimada ruuxeeda saa uga shaqeyn lahaa ayaan ka shaqeynayaa saacadaan wixii laga bilaabo” ayuu sii raaciyey.
Ugu dambeyn wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa si ballaaran ugu mahadceliyey ergada dooratay iyo dhammaan taageerayaashiisa.
“Waxaan rabaa inaan idin mahadceliyo meel kasta oo aad adduunka ka joogtaan daafihiisa kursigana waxaan damaanad qaadayaa inaan ugu adeego dadka iyo deegaanka,”.
Odowaa oo ka mid ahaa xubnaha mucaaradka ee ku jiray baarlamaankii 10-aad ayaa markale ka mid noqday xubnaha dib loogu doortay Golaha Shacabka Soomaaliya.
The post Cabdiraxmaan Odowaa oo u jawaabay Dubbe – “Wuxuu malxiis ka yahay Aqalka Sare” appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia’s parliamentary elections are still dragging on, a few days to the deadline of March 15.
-
Azerbaijan`s Minister of Foreign Affairs Jeyhun Bayramov has met with Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia Abdisaid Muse Ali on the sidelines of the Antalya Diplomacy Forum.
-
Gobanimo!
Madaxweynaha Kenya ayaa ku dhawaaqay inuu taageerayo in Raila Odinga uu noqdo Madaxweynaha Kenya ee isaga bedelaya dhawaan. Labadan nin oo ka soo kala jeeda laba Qabiil oo kala duwan, colaadina ay dhex martay reerahooda doorasho hore oo ay ku tartameen, ayaa arrintan Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku dhawaaqay ay wax weyn ka taraysaa Midnimada Dadkooda.
Madaxweyne Uhuro wuu heli karayay inuu dhiso Madaxweyne ku xigeenkiisa oo u haliilayay inuu isaga bedelo, balse waxa uu xeeriyay danta dadkiisa oo ay ku jirto in xukunka la wada yeesho, isla markaana uu taageero in ninkii uu doorashada hore uga helay uu imika taageero.
Odinga waxa uu saaxiib la yahay Shacbiga reer Somaliland, waxaanuu marar badan ku baaqay in Somaliland la aqoonsado.
Raila Odinga oo Madaxweyne ka noqda Wadanka Kenya waxay noqon doontaa guul usoo hoyatay Jamhuuriyada Somaliland.
Waxa is weydiin mudan in Dalka Somaliland ay arrintan oo kale ka dhici karto oo Madaxweyne Xilka hayaa uu taageeri karo Murashax uu hore uga guulaystay oo Xisbi kale ahaa isaga oo Midnimada dadkiisa eegaya ?
Dabcan waxaan suurto gal noqon karini kuma jiraan Siyaasada !
Waxa keliya ee aan odhan karaa in Madaxweyne Muuse Biixi uu yahay nin ku dhac leh oo aan gabanin, go’aan kastana gaadhi kara oo isku kalsoon, si fiicana u fahamsan waaqaca dhabta ah ee Dalka ka jira oo haddii aanu isagu is sharraxayn odhan kara ku daba fayla Murashaxa uu u arko in danta dalku ay ku jirto.
W/Q wasiir ku-xigeenkii hore ee wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Kaysar Maxamed Cabdillaahi
-
-
Ciraaq (Caasimada Online) – Weerar gantaallo ah ayaa lagu qaaday Qunsuliyadda uu Mareykanka ku leeyahay magaalada Irbil oo ah caasimadda gobolka Kurdistan ee waqooyiga magaalada Ciraaq, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee dowladda dalkaas.
Dadka magaalada ayaa kusoo toosay qaraxyada ka dhashay gantaallada. Sawirro laga qaaday qaraxyada ayaa sidoo kale lagu shaaciyay baraha bulshada.
Saraakiisha laamaha ammaanka ee Ciraaq ayaa Wakaaladda Wararka ee Associated Press u sheegay in ugu yaraan 6 gantaal lagu tuuray qunsuliyadda Mareyknaka ee Irbil.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa cambaareeyay weerarkan, isagoo sheegay in uusan jirin wax khasaare ah oo Mareykanka kasoo gaadhay waxa ka dhacay Ciraaq.
Dhowr iyo toban gantaal oo nooca ridda dheer ah, oo laga soo tuuray meel ka baxsan Ciraaq, ayaa ku dhacay magaalada, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee Reuters.
Mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in uusan jirin wax khasare ah oo ka dhashay madaafiicdaas, hase yeeshee warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya halka laga soo tuuray.
Irbil waxaa ku yaalla sarumo ay leeyihiin Mareykanka ku sugan dalka Ciraaq. Sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in weerarkaas gantaallada ah uu ka yimid dhinaca waddanka Iiraan.
Mas’uulkan oo qariyay magaciisa ayaan bixinin wax faahfaahin ah oo intaas kasii badan. Ma jirto cid si deg deg ah u sheegatay mas’uuliyadda, mana jiraan warar rasmi ah oo xogta ku saabsan.
Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa dhacdadan ku tilmaamay “weerar cadho xooggan kiciyay” balse waxa uu sheegay in aan wax burbur ah loo geysanin xarumaha ay dowladda Mareykanka ku leedahay magaalada Irbil.
Telefishinka ku hadla afka dowladda Ciraaq ayaa soo xigtay saraakiil ka tirsan waaxda la dagaallanka argagixisada ee gobolka Kurdistan oo sheegaya in 12 gantaal oo laga soo tuuray dibadda ay ku dhaceen magaalada Irbil.
Ciidamada Mareykanka ee ku sugan sladhigga ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Irbil ayaa horay ula kulmay weerarro gantaallo ah iyo duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn, kuwaasoo ay saraakiisha Mareykanka mas’uuliyaddooda ku eedeeyeen kooxo taabacsan dowladda Iiraan, hase ahaatee weerarrada noocan ah ma aysan dhicin in muddo ah.
BBC
The post Qunsuliyadda Mareykanka ee Ciraaq oo Gantaallo lagu weeraray appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne Biixi, oo shalay socdaal ugu baxay Maraykanka ayaa la kulmi doona mas’uulliyiin ka tirsan dawladda Maraykanka, Xildhibaano ka tirsan golaha Koongarayska, Tijaarta waddankaasi iyo weliba Bulshada Rayidka ah.
Xogtan waxa shaaciyay xoghaya gaarka ah ee madaxweyne Biixi.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa markale dib loogu doortay xubnimada Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Gaalkacyo.
Cabdiraxmaan Odowaa oo kursiga si gaar ah loogu xiray ayaa helay 97 cod, kadib codeyn gacan taag oo loo qaaday.
Guddiga SEIT ee Galmudug oo war kasoo saaray doorashadan ayaa shaaciyey in wasiirkii hore ee arrimaha gudaha uu ku soo baxay kursiga HOP#069 ee baarlamaanka Soomaaliya.
“Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#069 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Gaalkacyo. Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa ku guuleystay 97 cod oo ah kooramka ergada fadhisay,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga doorashada ee HirShabelle.
Kursigan ayaa ka mid ahaa kuwa sida aadka ah isha loogu hayey, balse isbeddal ayaa ku yimid saacadihii u dmabeeyey, kadib markii uu tanaasulay Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo haatan ah wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federalka Somalia.
Odowaa oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ee ku jiray baarlamaankii hore ayaa markale ka mid noqonaya xildhibaanada dib loogu doortay Golaha Shacabka Soomaaliya.
Doorashadan ayaa ku soo aaday, xilli lagu sii dhowaanayo waqtiga loo qabtay in Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo 15-ka bishan aynu ku jirno March ee sanadka 2022-ka.
The post Sawirro: ODOWAA oo dib loogu doortay Golaha Shacabka appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa mar kale kusoo baxay matalaadda kursiga a #HOP069 kadib doorasho goordhow ka dhacday magaalada Galkacyo ee xarunta Mudug.
Cabdiraxmaan Odowaa ayaa ka mid noqonaya xildhibaannada baarlamaanka federaalka ah 11-aad ee kasoo galay maamul goboleedka Galmudug.
Goobjoog News
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Magaalada Garbahaarey waxaa weli ka taagan dood xoogan oo hareysay doorashada 16-ka kursi ee taalla gudaha magaaladaasi oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.
Aqoonyahan Maxamed Cabdullaahi Kooshin oo si weyn uga faallooda arrimaha siyaasadda dalka ayaa ka hadlay muranka hareeyey doorashada Garbahaarey iyo sida laga yeelayo, maadaama uu dhamaad yahay waqtigii lagu heshiiyey in la soo gabagabeeyo doorashada.
Kooshin ayaa marka hore si weyn u dhaliilay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo, wuxuuna sheegay inay aheyd inay muujiyaan biseyl siyaasadeed iyo dabacsanaan.
“Anigu waxaan qabaa arrintu inay soo dhawaan laheyd, haddii dareenka maamulka gobolka Gedo uu hadda muujinayo akhlaaqiyan aan wanaagsaneyn ama siyaasiyan aan wanaagsaneyn hadallada ay ku hadlayaan haddii ay dabci lahaayeen magaalada Garbahaareyna ay muujin laheyd biseyl siyaasadeed,” ayuu yiri Maxamad C/llaahi Kooshin.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Jubbaland ay mas’uul ka tahay doorashada Garbahaarey, si la mid ah maamul goboleedyada, balse la’isku diidan-yahay siyaasad ahaan.
“Waayo Problem-ka ugu weyn ee jira waxaa weeye waxaan la kala sooceyn tabashada Axmed Madoobe iyo sidoo kale qaddiyada doorashada oo ah mid la wada leeyahay, waayo nidaamka Jubbaland ayaa mas’uul ka ah Election-ka ka dhacaayo Garbahaarey, si la mid ah State-yada kale,” ayuu markale yiri Kooshin oo u warramay Telefishinka Universal.
Waxa kale oo uu intaas sii raaciyey “Waxa ay aheyd maamulka inuu la yimaado istaraatiijiyad ka duwan Axmed Madoobe ma rabno, guddiyadiisa ma rabno, xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaan ka shakisanahay waxay aheyd inay muujiyaan biseyl siyaasadeed,”
Ugu dambeyn Kooshin ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan doodo iska horjeedo oo ku aadan sida loo wajahayo 16-ka kursi ee taalla magaalada Garbahaarey oo ay horey dowlad goboleedka Jubbaland u shaacisay inay doorasho ku qaban karin gudaha magaaladaasi.
“Haddii ay sidan xaaladdu sii ahaato oo is-beddal imaan waayo inta la oran lahaa Garbahaarey doorasho laguma qaban karo ama Kismaayo kuraasta lala aadi lahaa waxaan ku qanacsanahay in 16-kii kursi xildhibaanadii ku fadhiyey ay horey ugu fadhiyaan, bacdal doorashana deegaan doorashada lagu doorto, inkastoo ay tahay dood daciid ah,” ayuu yiri.
Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa haatan gabagabo ku dhow, walow markale uu muuqanayo dib u dhac ku aadan in lagu soo idleeyo 15-ka March.
The post Maxaa laga yeelayaa 16-ka kursi ee taal Garbahaarey? appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa maanta oo Axad ah lagu wadaa in magaalada Galkacyo ay ka dhacdo doorashada 3 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka.
Kuraasta maanta la dooranayo ayaa kala ah HOP#069, HOP#038 iyo HOP#095.
Waxaa baarlamaankii 10-aad ku matalayay dadka reer galkacyo kuraastaan xildhibaanada kala ah :-
HOP#038: Axmed Macalin Fiqi
HOP#069: Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa
HOP095: Cabdikariin Khaliif Dhalac
Waxaa hadda u tartamaya kuraastaan musharixiinta kala ah :-
HOP#038: Waxaa u taratamaya musharixiinta kala ah Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan, Maxamed Cabdi Aadan, Adan Warsame Cilmi, Maxamed Cabdi Faarax iyo Saciid Daahir Sheekh.
HOP#069: Waxaa u taratamaya musharixiinta kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, iyo Musharax Maxamed Axmed Maxamed.
HOP095: Waxaa u taratamaya musharixiinta kala ah Cabdikarin Khaliif cabdi-dhalac, Maxamuud kudun Xiimaa, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud iyo Maxamed Saciid Faarax.
Goobjoog News
-
Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Koonfur galbeed ayaa shaaciyay liiska odayaasha dhaqanka todobo kursi oo dhawaan lagu dooranayo magaalada Baydhabo.
Kuraasta odyaashooda la shaaciyay ayaa kala HOP#047, HOP#164, HOP#172, HOP#179, HOP#181, HOP#197 iyo HOP#204.
1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#204 waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Macallin Cali Aadan.
2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#197 waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Cabdifitaax Maxamed Ibraahim.
3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#179 waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed Garweyne .
4: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#181waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Maryan Macalin Isaaq .5: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#172 waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Cali Caddow Maxamed.
6: Kursiga tirsigiisu ayahay HOP#047 waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade.
7: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#164 waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Maxamed Isaaq Cismaan Fanax.
-
(SLT-Hargeysa)-Qiimaha shidaalka gaar ahaan noociisa Petrolka ayaa mar kale cirka isku shareeray guud ahaan Somaliland
Saaka magaalada Hargeysa 1 Litir ee petrol ah ayaa waxa lagu iibinaya 9,200 oo shillinka Somaliland ah halkii uu hore uga ahaa 8,500 oo shillin.
Dhawaan qaar ka mid ah ganacsada soo dejisa shidaal ayaa sheegay inay dalka keeni doonaan shidaal qiimihiisu jaban yahay balse arrintan waxba kama suuro-gelin sida muuqata.
-
(SLT-Nairobi)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku taageeray ninka ay hore u wada tartamayeen ee xilka ugu sarreeya dalkaasi, toddobaadyo ka dib markii xisbiyadooda ay midoobeen ka hor doorashooyinka madaxtinimo iyo tan baarlamaanka ee bisha Augusto.
“Waxaan u dooranay Raila Odinga in uu noqdo madaxweynaha shanaad ee Kenya”ayuu yidhi Kenyatta.
Raila Odinga oo ah saaxiib weyn oo ay Somaliland leedahay ayaa la filayaa in uu Madaxweyne ka noqdo dalka Kenya sannadkan 2022-ka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay duqeyn Sabtidii ka dhacday qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka, gaar ahaan deegaanka Hareeri-Gubadle oo qiyaastii 20 KM dhanka Bari uga beegan Wabxo.
Weerarkan dhanka cirka ah ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyey ciidamada Xoogga dalka iyo diyaaradaha dagaalka Mareykanka, iyada oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.
Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu laayey illaa 200 oo ka tirsanaa Xoogaga Al-Shabaab, isla-markaana ay ku jiraan saraakiil sar sare, sida lagu shaaciyey bayaanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.
Ma shaacin dowladdu xogta ragga lagu dilay weerarkaasi, magacyadooda iyo waxa ay u qaabilsanaayeen Al-Shabaab.
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in duqeymahan lagu burburiyey saldhigyo ay kooxdu ku laheyd halkaasi, isla-markaana lagu gaarsiiyey jab xoogan.
Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay Mareykanka, gaar ahaan taliska AFRICOM oo ku aadan duqeymahaasi laga fuliyey Galmudug.
Al-Shabaab sidoo kale kama hadlin weerarkaasi cirka ah ee ay dowladda Soomaaliya shaacisay in looga dilay xubno badan iyo saraakiil sar sare.
Mareykanka ayaa dhowaan dib u bilaabay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya, kuwaas oo lagu beegsado xoogaga Al-Shabaab oo weli dagaal ka wada gudaha dalka.
The post DF oo shaacisay in duqeyn ‘lagu lagu laayey 200’ oo ka tirsanaa Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa farriin muhiim ah u diray taageerayaasha xisbiga WADDANI isaga oo ugu baaqay inay ka qayb-galaan soo dhawaynta waftiga Madaxweynaha Somaliland hoggaaminayo ee safar ku tagay dalka Maraykanka.
Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yidhi sida tan:
“Salaamu Calaykum.
Salaan qiimo badan ka dib, Xisbiga Waddani wuxuu mar kasta u taagan yahay qarannimada iyo xaqiijinta himilada bulshada Somaliland. Waxaannu aamminsannahay sarraynta sharciga, ilaalinta mabaadi’da guud iyo dhawrista qiyamka oo shareecadu saldhig u tahay. Cid kasta oo intaa ka hor timaaddaa kuma metesho Xisbiga Waddani.
Taageerayaasha xisbiga waxaan u sheegayaa in weftiyada Somaliland heer kasta oo ay yihiin la soo dhaweeyo, mana jirto cid wakhtigan nagu meteli karta in safarka Madaxweynaha la carqaladeeyo, marka loo baahdo mudaharaad waxaynu ku qaban doonnaa gudaha dalka sharciga ayaana inoo oggolaaday. Ilaalinta Qarannimada ayaa inoo ballana, waanad mahadsan tihiin.”
-
(SLT-Lamu)-Shan qof oo uu ku jiro qof u dhashay dalka Shiinaha ayaa lagu dilay, saddex kalena waa lagu dhaawacay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday goob dhisme uu ka socday oo ku taalla gobolka xeebta Kenya, sida ay sheegeen booliska.
Weerarkan ayaa Jimcihii ka dhacay Lamu, oo ku dhow xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.
Shaqaalaha la weeraray ee ayaa dhisayay buundada waddo dekedda Lamu ku xidha South Sudan iyo Itoobiya, markii weerarka lagu soo qaaday, waxaana dhintay afar ka mid ah sida lagu sheegay warbixinta booliska.
Qof kale oo waddada marayey oo saarnaa mooto ayay sidoo kale xabadda haleeshay oo dhintay, ayey warbixinta intaas ku dartay.
Mas’uuliyadda weerarka ayaa waxa sheegtay xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya, oo khasaaraha dhimashada ku sheegtay lix qof oo Kenyan ah iyo qof Shiinees ah.
“Ciidammada Mujaahidiinta ayaa weerar ay ka fuliyeen gobolka Lamu ku dilay 6 qof gaalo Kenyaan ah iyo qof Shiinays ah,” ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay Al-Shabaab.
Gobolka Lamu oo ka mid ah meelaha dalxiiska caanka ku ah ee Kenya ayaa waxaa marar badan ka dhacay weeraro iyo qaraxyo ay fulisay kooxda Al-Shabaab.
-
Lafogorayo gravel road is one of the most treacherous roads in Puntland State of Somalia.
Boosaaso (PP News Desk) — Lafogorayo gravel road in Gardafuu is one of the most treacherous roads in Puntland. Seasonal rains result in further damages to the road used by people in Gardafuu to travel to other parts of Puntland.
In 2019 $ 350, 000 years was raised to upgrade the road. Puntland government reportedly pledged a match funding of $200, 000.
Civil society members in Gardafuu yesterday told Puntland Post that “we are not sure if the money raised in the name of Lafogorayo project still remains in a bank account”. They are skeptical about the pledge made by Puntland government to contribute to Lafogorayo road construction budget.
“Puntland government has neither honoured its pledge nor has it given the construction project the green light” Gardafuu civil society members added. Puntland government officials were not available to comment on the shelved project.
The committee tasked with overseeing the construction of Lafogorayo road has not met since the first phase of raising the money for the project. Puntland government is aware of a bank account into which project money was deposited.
© Puntland Post, 2022
The post Puntland Government Criticised for “Shelving Lafogorayo Road Project” appeared first on Puntland Post.
-
Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa xalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Kulanka oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Garoowe ayaa sida wararku sheegayaan looga hadlay Arrinta Kursiga Golaha Shacabka ee Hop#029 oo laga soo doorto magaalada Kismaayo.
Isimada ayaa Madaxweyne Deni u sheegay in aysan aqbali doonin fara-gelin lagu sameeyo kursiga Hop#029 oo horay suldaan Siciid Maxamed Garaase ugu asteeyay jifada uu ka dhashay musharrax xildhibaan Duni Maxamed Guulato.
Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu dhankiisa soo dhoweeyay hadalka Isimada islamarkaana u sheegay in aysan jirin cid fara-gelin ku haysa kursigaas.
PUNTLAND POST
The post Suldaan Siciid iyo Islaan Ciise oo xalay kulan la yeeshay Madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.
-
Hagrasho: Lafogorayo waa waddo halis-badan. Lacagtii lagu dhisi lahaa qaarkeed waxay ku jirtay xisaab bangiyeedyo gaar ah oo ay dowladda Puntland og tahay.
Gardafuu (Wararka PP) — Roobab da’ay bishii November 2019kii ayaa sababay in ay go’do waddada Lafogorayo oo halbowlaha u ah gobolka Gardafuu. Lafogorayo waxay ka mid tahay waddooyinka aad ugu khatarta badan degaannada Punrland.
Ma jirto wax shaqo ah oo laga qabtay waddada tan iyo markii ay burburtay. Waxaa jiray dhaqaale ay dad Soomaaliyeed ku yabooheen si wax looga qabto waddada, hase ahaatee ilaa iyo hadda ma jirto wax laga qabtay waddada.
Waddada ayaa loo uruuriyay dhaqaale gaaraya $350,000 oo lagu ogaa guddi ay magacowday dowladda Puntland, sidoo kale waxaa jirtay ballan-qaad dowladeed oo dhan $200,000, kaas oo ilaa hadda aysan dowladdu fulin.
Qaar ka mid dadka degaanka, oo dhibaato ku qaba isticmaalka waddadan, ayaa u sheegay Puntland Post in sanadkii 2020 dowladda Puntland hakisay qorshe lagu billaabi lahaa dhisidda waddada. Waxay muujiyeen tuhun ah in la lunsaday lacagtii loo uruuriyay Lafogorayo.
Dhanka kale mas’uuliyiin, Puntland Post wax ka weydiisay arrinta waddada Lafagoroyo, ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan sababta dowladdu uga gaabisay hirgelinta mashruuca lagu dhisi lahaa Lafogorayo.
Waddada Lafogorayo oo hadda lagu maro si dirqi ah, waxaa cabsi weyn laga qabaa waxyeelo middii hore ka weyn ay gaarto xilli roobaadka, taasina ay saameyso bedqabka dadka waddada ku safra haddii aan si deg deh ah wax looga qaban xaaladda waddada ku sugan tahay.
© Puntland Post, 2022
The post Dadka Gardafuu oo ka cabanaya “is hortaag lagu sameeyay dhisidda waddada Lafogorayo” appeared first on Puntland Post.
-
Five people were killed and three others, including a Chinese national, were wounded when “bandits” ambushed a construction site in a coastal region of Kenya, police said. The attack took place on Friday in Lamu County which lies close to the Somalia border. Workers had been constructing a bridge on the Lamu Port, South Sudan, Ethiopia Transport Corridor (LAPSSET) when they came under attack. “Four people were shot fatally,” a police report seen by AFP said. A motorcycle rider who was caught in the crossfire was also killed, the report said, adding that the anti-terror police unit was investigating the incident. The attack was claimed by the Al-Shabab Islamist militant group. The Lamu region, which includes the popular tourist beach destination of Lamu Island, has suffered frequent attacks, often carried out with roadside bombs. Al-Shabab fighters have staged several raids inside Kenya in retaliation for Nairobi sending troops into Somalia in 2011 as part of an African Union force to oust the jihadists.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Ra’iisul Wasaare Rooble waxay noqdeen Wasiiradii u horreeyay ee xilliga kala guurka maareyn waayay kuna guuldareystay inay kuraas Xildhibaan ka soo helaan deegaanadii ay ka soo jeedeen.
Labadii jeer ee xilligii kala guurka sanadihii 2012 iyo 2017 Golaha Wasiirada ayaa udub dhexaad u ahaa sida Xukuumaddihii C/Weli Gaas iyo Cumar C/rashiid, Wasiiro badan ee Xukuumadahaas ka tirsanaa ayaa soo helay kuraas Xildhibaan.
Xukuumaddii C/weli Gaas waxaa Xildhibaan soo helay oo fursadii ay xilligaas heysteen ka faa’ideystaan soo xulidii Odayaashii dhaqanka ee 135 Oday. Labadii Ra’iisul Wasaare kuxigeen Xuseen Carab Ciise, C/wahaab Ugaas Khaliif, Wasiiradii Arrimaha Gudaha, Dastuurka, Qorsheynta iyo kuwa kale.
Sidoo kale Xukuumaddii Cumar C/rashiid Wasiiradii xilligaas joogay ayaa badi Xildhibaano ka soo qaatay doorashadii Ergooyinka ee xarumaha dowlad goboleedyada, waxaana xubnahaas ka mid ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Amniga, Dhalinyarada, Shaqada iyo Shaqaalaha, Warfaafinta, Boostada Isgaarsiinta iyo kuwa kale.
Hadda oo Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble hoggaamineyso hannaanka doorashada inta badan Wasiiradeedii ayaa ka soo waayay kuraas deegaanada ay ka soo jeedeen marka laga reebo Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi Bidhaan, Wasiirka Biyaha, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Dhalinyarada , Wasiir kuxigeenka Cadaaladda oo Xildhibaan soo qaatay, balse Wasiirada soo hungoobay ayaa waxaa ka mid ah: Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka Maaliyadda, Duulista Hawada, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wwasaaraha, Wasiirka Beeraha, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta iyo Wasiirkii Gaashaandhigga C/qaadir Jaamac oo isna kursi uu muddo ku taamayay ku guuldareystay inuu soo helo, kaasoo loo xiray Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.
The post Sidee ayey golaha wasiirada Rooble ugu fashilmeen isku daygoodii xildhibaannimo? appeared first on Caasimada Online.
-
Abdi Muse Maahaay has a laundry list of ideas to improve the country he was born and raised in. The Rochester resident is running for President of Somalia with hopes of bringing change to the country.
Ruushka oo duqeeyay Xarun Milateri Ajaaniba ka hawlgalayeen oo ku taala Gudaha Ukraine
in News - Wararka
Posted
Ruushka oo duqeeyay Xarun Milateri Ajaaniba ka hawlgalayeen oo ku taala Gudaha Ukraine
Wasiirka difaaca Ukraine Oleksii Reznikov ayaa sheegay in uu Ruushka duqeeyay saldhig milatari oo ay Macalimiin ajnabi ah ka howlgalaan.
Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in sideed gantaal ay Ruushka ku garaaceen xarunta caalamiga ah ee nabad ilaalinta , oo 10km (6 mayl) u jirta xuduudka Poland.
Ciidamada Ruushka ayaa Axadda maanta ah duqeeyay saldhig militari oo ku yaal galbeedka Ukraine, iyagoo weerarkoodu kusoo dhawaaday xadka dalka Poland, iyada oo diblomaasi sare oo Ruush ah uu ka digay in Moscow ay u tixgelineyso qalabka milatariga ee Ukraine uga imanaya dadlka kale “bartilmaameed sharciga ah.”
Siddeed gantaal ayaa lagu garaacay saldhigga ciidamada Yavoriv, oo 30 KM dhanka Waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Lviv, sida uu sheegay maamulka gobolka oo aan faah-faahin dheraad ah ka bixin khasaaraha ka dhashay weerarkan, waxaana magaaladani ay 35 kilo mitir u jirta xudduudda Ukraine ay la wadaagto Poland.
Maraykanka iyo NATO ayaa si joogto ah tababareyaal militari ugu dira Xarunta Nabadaynta iyo Amniga Caalamiga ah, si ay u tababaraan shaqaalaha milatariga Ukraine. Xaruntan ayaa sidoo kale martigelisay dhoolatusyada caalamiga ah ee NATO.
Ciidamada Ruushka ayaa sidoo kale rasaas ku furay garoonka diyaaradaha ee Ivano-Frankivsk, oo ah magaalo ku taal galbeedka Ukraine oo 250 kilomitir u jirta xadka Ukraine ay la wadaagto Slovakia iyo Hungary.
Duqa magaalada Ruslan Martsinkiv ayaa sheegay in hadafka Ruushka uu ahaa “in la beero argagax iyo cabsi.”
Sabtidii, Ruushka ayaa duqeymo ka geystay magaalooyin ku yaalla dalka Ukraine, isagoo duqeymo xooggan u geystay Mariupol oo ku taalla koonfurta dalkaas, iyadoo duqeymo ka geystay duleedka caasimadda dalkaas ee Kyiv, waxaana la fashiliyay dadaalladii ay wadeen dadka doonayay inay ka baxsadaan rabshadaha.
Sabtidii, Ruushka ayaa duqeymo xooggan ka geystay magaalada Mariupol oo ku taal koonfurta dalkaas, halka duqeymo kalena uu ka geystay duleedka caasimadda dalkaas ee Kyiv, taas oo hakisay barakaca dadka doonayay inay ka baxsadaan rabshadaha Ukraine.
ka geystay magaalooyin ku yaalla dalka Ukraine, isagoo duqeymo xooggan u geystay Mariupol oo ku taalla koonfurta dalkaas, iyadoo duqeymo ka geystay duleedka caasimadda dalkaas ee Kyiv, waxaana la fashiliyay dadaalladii ay wadeen dadka doonayay inay ka baxsadaan rabshadaha.
Qaran News