-
Content Count
212,155 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa bixiyey xog iyo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qaraxyadii xalay ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne, kuwaas oo mid ka mid ah lagu khaarijiyey xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.
Sanbaloolshe oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa shaaciyey in qaraxa koowaad oo lala beegsaday Aamino uu ahaa mid siyaasadeysan oo lasoo qorsheeyey, si loogu khaarijiyo.
“Qaraxa Aamino lala beegsaday waxa uu mid loogu talogalay in lagu khaarijiyo Aamino oo ahaa mid siyaasadeysan,” ayuu yiri siyaasiga caanka ah Sanbaloolshe.
Sidoo kale wuxuu sheegay in ujeedka qaraxyadan laga lahaa ay ahaayean in lagu qal-qal geliyo amniga doorashada ka socota magaalada Beledweyne ee xarunta Hiiraan oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxa ay yihiin qaraxyada kuwo lagu abuurayo qalqal doorashooyinka ka socda Beledweyne dib u dhac uga yimaada ama dadka qaarkii sida ay jeclaayeen aysan wax u socon oo niyad jab uu hayo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdullaahi Maxamed Cali.
Siyaasigan oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ah ayaa ku sugan Beledweyne, isaga oo u tegay ka qayb-galka doorashada, wuxuuna sheegay in weli xaaladdu ay qasan tahay.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo su’aallo badan iyo shaki uu ka dhashay qaraxyadan oo mas’uuliyiin ay xildhibaano ay ku jiraan ay ku eedeeyeen Villa Soomaaliya.
The post Sanbaloolshe oo shaaciyey ujeed laga lahaa qaraxyadii ka dhacay BELEDWEYNE appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa weli ka taagan xaalad murugsan oo ka dhalatay qaraxyadii xooganaa ee xalay gilgilay magaaladaasi, kuwaas oo saameyn ku reebay Beledweyne.
Wararka ayaa sheegaya in khasaaraha uu sii kordhay, isla-markaana ay badatay tirada dhimashada oo gaareysa illaa 20 qof, halka dhaawacuna uu yahay 30 ruux.
Sidoo kale qaraxyadan ayaa geystay saameyn xoogan, waxaana ku burburay dhismayaal dhowr ah oo uu ku jiro isbitaalka guud ee magaaladaasi.
Ku simaha taliyaha saldhigga Booliska Beledweyne oo saaka Wariyeyaasha kula hadlay goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen ayaa shaaca ka qaaday in aysan weli hayn tirakoob sax ah oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadaasi, wuxuuna sheegay inay ku reebeen shacabka Beledweyne xaalad murugo badan oo bedashay jawigooda.
“Qaraxa hadda ka dhacay meesha aan taaganahay isbitaalka hortiisa oo inta ku dhimatay tirakoobkooda aanan heyn illaa iyo hadda oo dad aad u fara badan ay ku dhammaadeen,” ayuu yiri ku simaha taliyaha saldhigga Booliska ee magaalada Beledweyne.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Qaybta siliga ee iridda oo iyadana qarax kale uu ka dhacay oo ismiidaamis ah oo qof jaakad xiran ah marka illaa iyo hadda masoo koobi karno dhimashada inta ay tahay,”.
Dadka ku dhintay qaraxyadaan ayaa waxaa ka mid aheyd xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo si weyn loogu xasuusto kiiskii Ikraan Tahliil iyo dad kale oo ay ku jiraan askar.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraradan oo ku soo aaday, xilli ay doorasho ka socoto magaalada Beledweyne oo ah deegaan doorashada labaad ee HirShabelle.
The post Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda BELEDWEYNE iyo khasaaraha oo kordhay appeared first on Caasimada Online.
-
A former Mandera County Government driver who was ferrying two Cuban doctors that were abducted in 2019 and taken to Somalia has been jailed for life. Mr Issack Robow appeared before Milimani Senior Principal Magistrate Martha Nanzushi yesterday. He was found guilty of participating in a conspiracy to kidnap doctors Assel Herrera and Landy Hernandez. Ms Nanzushi said: "The acts of terrorism have hurt society and are a threat to global peace." Mr Robow will serve a life sentence for commissioning the terrorist act that led to the death of police officer Mutundo Katambo. He was attached to the Critical Infrastructure Protection Unit in Mandera East Sub-County. The late Katambo had been deployed on escort duties of the two Cuban doctors who had been seconded to the Mandera county referral hospital. He will serve 40 years in jail and an additional 25 for kidnapping and taking the Cuban doctors hostage. Mr Robow was sentenced to 15 years for aiding and abetting a terrorist act, Ms Nanzushi said. The accused is married to a Kenyan woman and together they have 11 children. In mitigation, through his lawyer Chacha Mwita, Mr Robow said he was remorseful. The prosecution, while urging the court to give a maximum sentence, said the police officer who survived has never recovered from the terrorist attack. "The officer saw his colleague being shot at and the Cuban doctors being taken away," the prosecution said, adding that the officer is contemplating leaving his job as he does not feel safe. The officer who was killed in the incident left behind a widow and a three-year-old child. At the time of his death, his young wife was pregnant. The prosecution said following the incident, no more foreign workers are willing to work in Mandera County. Mr Mwita said the accused was a first-time offender and asked the court to grant him a non-custodial sentence. Mr Robow was also slapped with an additional six months in jail for carrying a Kenyan national ID card when he is a Somali national. He was found to be in the country illegally. Mr Nanzushi said Mr Robow had worked and resided in Mandera county for more than 15 years and that he had supplied the abductors with all information regarding the doctors and the police officers. "The abductors were well aware of the targets from the information you supplied them with."
-
A former Mandera County Government driver who was ferrying two Cuban doctors that were abducted in 2019 and taken to Somalia has been jailed for life.
-
Mogadishu (PP News Desk) — Stolen aid is not uncommon in Somalia. In its extreme form embezzlers develop camps for internally displaced persons to distribute a portion of the aid earmarked for IDPs. It easier to identify embezzled humanitarian aid when the donor’s flag features on donations.
Aid diversion: Porters carrying boxes containing humanitarian aid from the UAE government.
A photo of porters carrying boxes emblazoned with the flag of the United Arab Emirates has been widely shared in the microblogging site, Twitter. Although Puntland Post cannot confirm the authenticity of the photo, a trader in Bakara market told our correspondent that only a donor’s aid bears the flag of the country that supplied the aid.
“A large amount of humanitarian aid in a store in Bakaara market could be evidence of aid diversion. I think a lot of UAE humanitarian aid has ended up in the Bakaara market under the pretext that it was distributed in camps for IDPs” said the trader.
In January the United Arab Emirates government donated food and medicine to Somalia.
© Puntland Post, 2022
The post UAE humanitarian aid “ends up in Bakaara market” in Mogadishu appeared first on Puntland Post.
-
At least 10 people, including one member of parliament, were reported dead on Wednesday after Islamist suicide bombers detonated their explosives in the regional capital of Beledweyne in central Somalia.
-
On Wednesday, Al Shabaab conducted an attack against Halane camp near Aden Adde International Airport in Mogadishu.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Khudbad ay horay u jeedisay Allah ha u naxariistee marxuumad xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi oo qarax ismiidaamin ah lagu dilay xalay ayaa u muuqatay mid ogeyd in nolosheyda loo soo socday.
Xildhibaan Aamina ayaa khudbaddaas uga hadashay dilkii Ikraan Tahliil oo ka mid aheyd shaqaalaha NISA, taasi oo la waayey bishii June ee 2021.
Xildhibaan Aamina ayaa hadalladeeda laga dareemi karay inay ahaayeen kuwo si toos ah ugu socday madaxweynaha xilkiisa dhamaaday, Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Fareey iyo xubnaha kale ee NISA ka tirsan.
“Haddaan maalinkaas cabsan lahaa, hadalladaa kusoo qoray Facebookeyga, waa ley soo wacay waxaa ley dhahay arrintaan faraha kala bax shuqul kuma lihid, ma i cabsi gelineyso wax kasto oo ley sheego, iyo aan ugu tanaasulaayana arrinta Ikraan ma jirto, mansab kasto, maal, magac wax kastoo ley sheego Ikraan uguma tanaasulaayo,” ayey tiri marxuumad Aamina Maxamed.
Marxuumad Aamina oo ka hadleysay madal ay u dhamaayeen qeybaha bulshada kala duwan, ayaa xilligaas sheegtay in caddaalad u raadinta Ikraan ay kursi iyo mansab midna ku raadineyn, matalaadda baarlamaankana mudane kale uu ku matalo, kaasi oo ka mid ah dadkii aamusin waayay sida ay sheegtay, balse tan soo kicisay ay tahay damiirka bini’aadanimo iyo in ay tahay qof dumar ah oo u baahan in cid kasta ay u kacdo sidii ay caddaalad u heli laheyd.
“Haddeey ummadda Soomaaliyeed ka cabsanayaan Fahad Yaasiin, Yaasiin Fareey ama Farmaajo oo xilkiisii dhamaaday kuwa u aamusan inuu xil siiyo darteed, waad gabteen mas’uuliyadiinii, waad gabteen mas’uuliyadiiniii iyo wixii la idiin abuuray oo ah bini’aadanimada, culumada Soomaaliyeed ha ogaadaan wixii Ikraan ku dhacay ayaa qof kasta ku dhacaaya, idinkaana inaad culumo u tihiin dadkaan Soomaaliyeed ama dad gaar ah ayaa meeshaan nooga kala cadaaneyso,” ayey ku hor tiri bulshadii kasoo qeybgashay madashaasi oo looga hadlayay arrinta Ikraan Tahliil.
Marka dib loo eego hadalada marxuumadda iyo xiliga dilkeeda kusoo beegmay iyadoo madaxtooyada ay ka hor istaagtay inay kusoo baxdo xilka ay ku guuleysatay waa arrin u baahan dib u eegis iyo baaritaan caalami ah.
The post Daawo: Hadalkii dareenka lahaa ee xildhibaan Aamina iyo hanjabaadii ay la kulantay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal tacsi ah oo xafiiska warfaafinta madaxtooyada soo dhigtay barta Facebook iyo Twitter-ka ee Villa Somalia, oo ku saabsanaa dilka xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, ayaa dhaliyey falcelin caro leh oo ka timid shacabka.
Qoraalka ayaa dadweynaha Soomaaliyeed ee falcelinta ka dhiibtay waxay si isku mid ah u muujiyeen naceybka ay u qabaan Farmaajo ayaga oo ku eedeeyey inuu isaga ka danbeeyay dilka marxuumad Aamina.
Xildhibaan Aamina ayaa doorkeedii koowaad ahaa caddaalad u raadinta marxuumad Ikraan Tahliil, ayada oo maalmo ka horna la isku dayay in kursigii ay u tartameysay la boobo, waxayna hormuud u aheyd shaqsiyaadka fara ku tiriska ee Farmaajo iyo kooxdiisa si aan gambasho laheyn ugu eedeyn jirtay inay ka danbeeyeen dilka Ikraan Tahliil.
Dadweynaha Soomaaliyeed ee ka fikrad dhiibtay iyo kuwii ka falceliyay qoraalka Farmaajo ayaa intaba si isku mid ah comment-yadooda ahaayeen in xildhibaanad Aamina uu dilay, isla isagana uu ka tacsiyadeeynaayo, inkasta oo aan la caddeyn karin cidda dishay.
Waxaan haalkaan hoose idiin kula wadaageynaa qaar ka mid ah falcelinta iyo carada ay u qabaan shacabka madaxweynaha xilka ka dhamaaday ee xafiiska sii jooga.
Haddaba waa kuwan qaar ka mid ah dadkii fikirka ka dhiibtay qoraalka Farmaajo
Maryan Muhiyadin Mohamud: Munaafaqnimada iska daa ina Farmaajow, akhira war waa jiraa, waad ka rumeysen warkiini idinkaase ku dhib qaba, adduunyada awalba waa laga tagi lahaa waxaase sharaf ugu tagtay maama Aamina iyo intii kale ee aad gowracateen.
Abdrizak Yusuf Dhagacade: Dhiigyo cab aan arxan laheyn ayaa tahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa lagu xisaabin adduun iyo aakhiraba Insha’Allaah.
Samia Mahmet: Aakhiro ayey su’aal jirtaa waxbadan aad aduunka ku bi’iseen waa la idin ka xisaabin doona.
Ibrahim Ahmed: Farmaajo waxba ha tacsiyeeyn gabdhaas adiga ayey kugu maqan tahay sida ay Ikraan kuugu maqan tahay!
Umulkheyr Moalin Mohamed: Al-Shabaab been ha ka sheegin adaa sabab u ahaa dilkeeda. Farmaajow beenaale inta dishaa tacsiyeyne, Alle waa ku arkaa, dadkuna wey ku fahmeen, Allaha ha naga kaa qabto adiga balaayo Soomaali loo soo diraa tahay wallaahi. Maama Amina Alle weyne ha kuu naxariisto janada hooygaadu noqoy, Insha’Allah.
Cajab Cumar: Dadkaan dil laguma dhameyn karo maafiyadaan kugu hareereysan inteysan adiga ku haligin, Allow yaa ku dhaha maalmahaaga sii dhamaanaya cadeyn la’aan ku dhameyso waa iga talo. Oohinta yaxaaska.
Ikhlaas Dhaqane Ahmed: Bin’aadamka saa rabtid iskaga dhaadhici, qofka aan wax ka qarsooneyn waa Allah. Alle ha u naxaristo maama Aamina Maxamed Cabdi.
Abdinaasir Diiriye: Waddankaan kuuma baahne iskaga tag, xildhibanad Aamino Allah u naxariiste sharaf ayey ku dhimatay halganekeedina wuu sii socon doona Insha’Allah.
Sulxa Bintu Sulxa: Farmaajow dhagar qabe, inaa umadda dishaan ayaa haddana u tacsiyeyneysaan. Falalkan wuxuushnimada ah ee dalka ka dhaafa iyo umada Soomaliyeed. Abdiaziiz Afrika Allah ha u naxariistee Villa Somalia midaas kama tacsiyeen. Anagoo og xildhibaan Amina ilaah ha u naxariisto qabriga ilaah ha u waasiciyo.
Abdifatah Mohmud Mohamed: Munaafaqnimo haddaad maqasho waa team-ka Farmaajo iyo Fahad xoog iyo xeelad iyo hanti waxaad ku bixiseen inaad kursiga ka hor istaagtaan markaad ku guul dareysateen ayaad nafta dhaafiseen, tacsi faruuryaha aan dhaafsiisneyna waad soo qoreysaan, Allah umada ha idinka qabto.
Ibrahim Abdullahi: Aad ayaan uga xumahay damiirkaaga dhintay. Ummadan Ilaahay ha ku dhaafiyo, waxaad dhaqan ka dhigatay dilka dadka kaa aragtida duwan. Ilaahay ha u naxriisto xaq u dirir Aamino.
The post Caro xoogan oo ka dhalatay qoraal uu Farmaajo kasoo saaray dilka xildhibaan Amina appeared first on Caasimada Online.
-
-
NATO oo shaacisay Tirada Askarta Ruushka kaga dhimatay dagaalka Ukraine
Inta u dhaxaysa 7,000 ilaa 15,000 oo askari oo Ruush ah ayaa ku dhintay hal bil ka dib duulaankii Ukraine, Waxa sidaasi wakaalada wararka ee AP u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Nato.
Sarkaalka ayaa intaa ku daray in 30,000 ilaa 40,000 oo Ruush ah loo malaynayo in lagu dilay ama lagu dhaawacay dagaalka.
Ruushka ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee dhimashada tan iyo 2-dii Maarso, markaasoo ay sheegtay in 500 oo ciidamadeeda ah ay dhinteen.
Marka loo barbar dhigo duullaankii uu Ruushka ku qabsaday Afqaanistaan islamarkana socday 10 sano ayaa waxa kaga dhintay ilaa 15,000 oo askari .
Ukraine ayaa sidoo kale aan dhankooda caddayn tirada dagaalka kaga dhimatay, iyadoo madaxweynaha Ukraine uu sheegay laba toddobaad ka hor in 1,300 oo askari oo Ukraine ah ay dhinteen.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ukraine ayaa Arbacadii u sheegtay Reuters in Ukraine ay adeegsanaysa software-ka aqoonsiga wajiga si ay u aqoonsato meydadka askarta Ruushka ee dhintay si ay ugu wargeliyaan qoysaskooda.
Mykhailo Fedorov, ayaa sheegtay in waddanku uu isticmaalayo tignoolajiyada ay bixisay shirkadda Clearview AI ee fadhigeedu yahay New York.
Dhanka kale hogaamiyayaasha Nato ayaa ansixin doona kordhinta ciidamadooda ku sugan bariga Yurub ka dib shir degdeg ah oo loo ballansan yahay, sida uu shegay xoghayaha guud ee Nato.
Jens Stoltenberg ayaa sheegay in afar kooxood oo cusub loo diri doono Slovakia, Hungary, Bulgaria iyo Romania.
Nato ayaa sidoo kale ku heshiin doonta taageero dheeri ah oo la siiyo Ukraine, oo ay ku jirto ka ilaalin isticmaalka hubka kiimikada, bayoolojiga iyo nukliyeerka.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, oo jeedinayey khudbado muuqaal ah xilli habeenimo ah tan iyo bilowgii dagaalka, ayaa ugu baaqay dadka adduunka oo dhan inay si cad u mudaaharaadaan maalinta Khamiista oo bishii labaad laga joogo duulaanka Ruushka.
“Dagaalka Ruushku ma aha oo kaliya dagaal ka dhanka ah Ukraine, macnuhu aad buu u ballaaran yahay,” ayuu yiri Zelensky.
“Ruushka wuxuu bilaabay dagaalka ka dhanka ah xorriyadda,” ayuu sii raaciyay, isagoo raaciyay: “Tani waxay bilow u tahay Ruushka.
-
Xildhibaanad dilkeeda lagu xidhiidhiyey M/weyne Farmaajo
Siyaasiyiin waaweyn ayaa ka soo hadlay geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo caawa lagu dilay Beledweyne, waxayna ka mideysan yihiin tuhunka ay gelinayaan in dilka Aamino ay soo maleegtay kooxda Farmaajo.
Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si toos ah Villa Somalia farta ugu fiiqay, sidoo xildhibaanada kala ah, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Mahad Salaad, Axmed Macalin Fiqi, Macalimuu iyo bulsho kale oo aad u badan ayaa qoraalo ka soo saaray geerida Marxuum Aamino.
Ugu horeyn Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku yiri, “Waxaa caadi ah miyaa in dadka dhaliila Villa Somalia ay dilaan Al-Shabaab. Miyaan aqbalnaa oo horey u soconaa? Hadda yaa ah Al-Shabaab. Khaarijintaan waxaa fuliyey Villa Somalia, wax kale ma jiraan. Allah ha u naxariisto xildhibaan Aamina.”
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri, “Aamino waxay aheyd shakhsi dulmiga diiday, caddaaladda u hiilliyay una taagnaa difaaca xuquuqda muwaadinka, taasina waxay ka dhigtay geesiyad ku nool damiirka shacabka Soomaaliyeed. Maanta ayaan ka digay weerarrada abaabulan ee lagu beegsanayo dadka dulmiga diiday ee difaacayay xuquuqda muwaadiniinta, si loo cabsi geliyo inta aamusan, ama ku fekeraysa in doorashada soo socota ay isbeddel ka u hiiliyaan.”
Qoraalka Cabdiraxmaan ayaa intaas ku sii daray, “Mar kale ayaan ku celinayaa, Raysalwasaare Rooble iyo xukuumaddiisa waa in ay qaadaan tallaabooyin masuuliyadda amniga looga saarayo gacanta kuwa argagexisada la shaqaynaya ama ku hawlan fulinta ajandayaasha shakhsiga ah. Haddii aydaan qaadi karin, fadlan dadka yaan la hoosaasin oo u caddeeya in aadan awoodin.”
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa yiri, “Ikraan Tahliil way marjiyeen, Aamino way isku miidaamiyeen, shaki maleh inay laba Shabaab wada shaqeeyaan.”
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa isna yiri, “Aamina ka sokow in ay aheyd haweeney aqoonyahan ah , dhiirran, u taagneyd Difaaca iyo u qareemidda gabdhaha hadane waxa ay aheyd Macalin iyo barbaariso. 10 sano ka hor wareysi aan ka qaaday waxa ay dhiirrigalineysay waxbarashada gabdhaha. Waa in si dhab ah loo baaraa ,loona soo helaa dhagar qabayaashii ka danbeeyay dilka Xildhibaanadda.”
Xildhibaan Aamino oo qof naftiisa haligay uu isku qarxiyey ayaa mar kale lagu beegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaas oo lagu dhuftay gaari lagu siday meydadka iyo dhaawacyada Xildhibaan Aamino iyo askartii ilaalineysay, halkaas waxaa ku dhintay dad uu ku jiro Xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul oo hadda ahaa musharax xildhibaan, sidoo kale waxaa la xaqiijiyey dhaawaca wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, oo lagu dilay dad ay ku jirtay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.
Qaraxa koowaad, oo uu geystay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay gudaha xerada Lamagalaay gaar ahaan afaafka xarunta madaxtooyada HirShabeelle, waxaana ku geeriyooday xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo qaar ka mid ah ilaaladeeda.
Qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay banaanka xerada, halkaas oo lagu beegsaday ciidamo iyo saraakiil, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Kooxda Al-Shabaab ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan, sida ay faafisay warbaahinta taageerta kooxdan.
Al-Shabaab ayaa sheegatay in qaraxyada ku dishay dhowr iyo toban qof oo isugu jira siyaasiyiin u sharraxnaa xildhibaanimo, mas’uuliyiin ka tirsan DF iyo kuwa HirShabelle, askar iyo shacab kale. Lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah
Sheegashada Al-Shabaab ayaa imaneysa ayada oo siyaasiyiin badan iyo shacab ay ku eedeeyeen Villa Somalia inay ka dambeysay dilka xildhibaan Aamina oo aheyd gabar aad ugu ololeysay inay cadaalad hesho Ikraan Tahliil.
Villa Somalia ayaa toddobaadyadii tegay wadday olole lagu doonayey in xildhibaan Aamina looga saaro liiska musharaxiinta kursigii ay ku fadhisay.
The post Al-Shabaab oo war kasoo saartay qaraxii lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed appeared first on Caasimada Online.
-
Tuulo yar oo hor joogsatay qorsheyaashii Dagaalka M/weyne Putin
Waxay ka mid ahayd goobaha dagaalka ee ugu muhiimsan ilaa hadda – loollan adag oo labo maalmood socday ayaa loo galay sidii gacanta loogu dhigi lahaa magaalada beeraha leh ee Voznesensk iyo buundadeeda muhuumka u ah dagaalka.
Haddii guul laga soo hoyiyo waxay militeriga Ruushka u noqon lahayd waddo u fureysa in ay si xowli ah cagta u mariyaan deegaannada dhinaca galbeed ee ku teedsan xeebta Badda Madow ilaa magaalada weyn ee dekedda leh ee Odesa iyo waliba warshad aad u weyn oo nuclear-ka lagu farsameeyo.
Balse ciidamada Ukraine, oo gacan ka helaya dagaalyahanno maxalli ah oo is xilqaamay, ayaa hor istaagay qorsheyaashii Ruushka. Markii ugu horreysay waxay qarxiyeen buundadii loo soo mari lahaa, kaddibna waxay dib u riixeen ciidamadii Ruushka ee kusoo socday, kuwaasoo ay geeyeen masaafe dhan 100km oo dhinaca bariga ah.
“Way adag tahay in la sharraxo sida aan arrintaas ku sameynay. Waxaa sabab u ah dagaalka geesinnimada leh ee ay sameynayaan dadka deegaanka iyo militeriga Ukraine oo ay ka go’an tahay inay dagaallamaan,” ayuu yidhi duqa magaalada Voznesensk, Yevheni Velichko, oo 32 jir ah. Isaga qudhiisa, oo dharka qafilan ee ciidanka xiran ayaa ku jira dagaalka.
Balse ku dhawaad saddex isbuuc kaddib dagaalkaas, duqa magaalada ayaa ka digay in uu kusoo dhaw yahay weerar kale oo ay ciidamada Ruushka kusoo qaadayaan magaalada, ciidanka difaacayana aysan heysanin hub ku filan oo ay mar labaad ku baacsadaan.
“Meeshan aad bay istiraatiiji u tahay. Waxa aan difaaceyno magaalada kaliya ma aha, balse waxaa kale oo aan difaaceynaa dhulka ka dambeeya, mana haysanno hubka culus ee ay cadawgeennu haystaan,” ayuu yidhi.
Maadaama ay furimo badan oo dagaalka Ukraine ka mid ah Britain u qaybisay gantaallada lidka taangiyada, waxay taas sababtay in jilibka loo dhigto gawaarida gaashaaman ee Ciidamada Ruushka ay kusoo weerareen magaalada Voznesensk, waxaana halkaas hadda qashin ahaan u yaalla ilaa 30 taangi, gawaarida gaashaaman iyo xitaa diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah.
“Taas sababteeda waxaa iska leh oo kaliya hubkaas noo suurtageliyay inaan ka adkaanno cadawgeenna. Waxaana uga mahad celineynaa saaxiibbadeen caawinaadda ay na siiyeen. Balse wax dheeraad ah ayaan u baahan nahay. Kolonyada cadowgu way soo socdaan wali,” ayuu yidhi Mr Velichko.
Muhiimadda dagaal ee ay leedahay magaalada Voznesensk waxay caddaatay durbadiiba kaddib markii ciidamada Ruushka ay ku guul darreysteen in ay qabsadaan buundo taas kasii weyn, oo dhanka koonfureed xigta, taasoo dul marta wabiga ugu weyn Ukraine ee lagu magacaabo Southern Buh.
Maanta, Voznesensk ma aha magaalo reer aakhiraad oo ay si joogto ah uga yeeraan dhawaaqyada digniinta weerarrada xagga cirka. Balse kumannaan qof ayaa isbuucyadii ugu dambeeyay ka qaxay iyagoo adeegsanaya tareenno ama gawaaridooda ku maraya waddooyinka burburay.
In badan oo ka mid ah dadka go’aansaday in ay joogaan waxay wali u muuqdaan in ay diyaar u yihiin in ay ka hadlaan guushooda taariikhiga ah.
“Wuxuu ahaa dadaal wada jir ah oo ay sameysay magaalada oo idil,” ayuu yidhi Alexander, oo ah dukaanle maxalli ah, oo muuqaal iska duubay isagoo furinta dagaalka jooga oo ku hubeysan qori AK47 ah, xilli uu ku qaylinayay “Soo socda gabdhaheyga quruxda badan!” markaasoo qof kale oo dadka is xilqaamay ah uu ridayay gantaal ku wajahnaa goobaha ay joogeen ciidamada Ruushka.
“Waxaan isticmaalnay qoryaha ugaarsiga, dadku waxay tuurayeen dhagaxyada bulukeetiga ah iyo dhalooyin. Dumar waayeel ah ayaa carro ka buuxinayay jawaanno, si dhufeys looga dhigto.
“Ciidamada Ruushku ma aysan garaneynin meel ay iska fiiriyaan in meesha uu uga imaanayo weerarka xiga. Waligay ma arkin bulshada oo sidaas u mideysan,” ayuu yidhi, isagoo taagan meel ka mid ah buundada ay ciidamada Ukraine saacado gudahood ku burburiyeen markii uu billowday weerarka Ruushka.
Raadka taangiyada faraha badan ee Ruushka ayaa lagu arkayaa daaradda Svetlana Nikolaevna ee gurigeeda ku yaalla xaafadda Rakove, oo xigta cirifka koonfureed ee magaalada Voznesensk, halkaas oo dagaalka ugu culus uu ka dhacay.
Waxaa goobtaas yaalla faashado dhiig leh iyo kartoomada ay raashinka ku wateen ciidamada Ruushka. Haweeneydan 59 jirka ah waxay farta ku fiiqday mundulka ninkeeda, iyadoo sharraxyesa sida labo askari oo reer Ukraine ah halkaas loogu hayay, markii la dili rabayna ay ku badbaadeen dagaalka soo gaaray goobtaas.
“Fiiri dhiigga ku yaalla albaabkeyga,” ayay tidhi, iyadoo dadka soo booqday ku soo dhaweyneysa mundulkeeda.
Markii ay iyada iyo qoyskeeda aadeen meel gabbaad ah, ciidamada Ruushka ayaa gurigeeda ka dhigtay isbitaal ku meel gaar ah.
“Maalintii labaad ayaan soo noqday si aan xoogaa dhar ah u qaato. Dad dhaawac ah ayaa meel kasta yaallay. Toban ka mid ah, siday ila tahay, ayaan ka dhaqan dhiigga,” ayay tidhi.
“Si deg deg ah ayay ku baxeen, hal habeen. Wax walba way ka tageen – kabo buud ah, sharabaaddo, qalabka jirka lagu qafilo, koofiyadaha badbaadada – kaliya waxay gawaarida saarteen meydadkooda iyo dhaawacyadooda, wayna carareen.”
Waxay howsha ku wareegtay agaasimaha aaska ee magaalada, Mykhailo Sokurenko, oo markaas billaabay aruurinta meydadka askarta Ruushka ee laga tagay.
“Uma aqoonsani in ay yihiin bani’aadan [kaddib wixii ay halkan ka sameeyeen]. Balse waa khalad in looga tago bannaankaas, iyagoo meyd ah xitaa waxay wali cabsi gelinayaan dadka deegaanka,” ayuu yidhi.
“Ruushkan waxay ka xanuunsan yihiin madaxa, marka waa inaan heegan ku jirno. Balse guushu way imaan doontaa, ciidamada Ruushkana waan ka saari doonnaa dhulkeenna.”
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dilkii xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ee loogu geystay iridka hoyga ay deganeyd oo aan ka fogeyn madaxtooyada HirShabeelle ee Baladweyne iyo weerarkii ka dhacay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisho aysan aheyn dhacdooyin caadi ah, isla markaana lagu tilmaami karin dhacdooyin argagixiso.
Xasan Sheekh ayaa dalbaday in dilka xildhibaanad Aamina iyo weerarkii garoonka diyaaraddaha qeybta Mirana Gate labaduba in lagu sameeyo baaris heer caalami ah oo ay ka qeyb qaataan khuburo madax bannaan, wuxuuna ka codsaday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka shaqeeyo inay baaris caalami ah uu helo shilka lagu dilay xildhibaan Aamino.
Sidoo kale, wuxuu Xasan Sheekh tilmaamay in ujeeddada dilka marxuumada uu ahaa in la aamusiyo cid kasta oo xaqa u dooda iyo cid kasta oo muujiso caddaalad raadinta.
Wuxuu kaloo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in xiligaan kala guurka ah ee dalku marayo inaan wadada laga leexin, waxyaabaha qaar hadda dhacay iyo kuwo kale oo maalmaha soo socda dhici karaan in la rabo in wadada looga leexiyo, loogana dan leeyahay in carqalad la abuuro iyo in doorashada dib u dhac ku yimaada, Ummada Soomaaliyeedna ay waajib ku tahay inay talada dalka iyo masiirkooda go’aan ka gaaraan.
“Waxaan leeyahay kuwa beenaalayaasha ah, bilaa xeetayaasha ah, dhiiga iyo xumaha inay ku naaxayaan ama ku guuleysanayaan ama sharaf iyo karaamo ku gaaraya aaminsan, waxna ku gaari meysaan, dadka Soomaaliyeed waa ka dheg nugul yihiin waxaad sameyneysaan dad fahmi waayay ma ahan,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo shacabka mar kale ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii ay go’aan ugu gaari lahaayeen masiirkooda iyo dowladnimadooda.
Cambaareynta iyo eedeymaha loo jeedinaayo madaxda Villa Somalia ee ah inay ku lug leeyihiin weerarkii ka dhacay garoonka diyaaraddaha Muqdisho iyo dilkii xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi ayaa isa soo taraya, iyadoo arrintaani ay tahay mid gilgishay guud ahaan Soomaalida.
The post Daawo: Xasan Sheekh oo dalab culus soo saaray kadib dilkii xildhibaan AAMINA appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Qaraxyadii saacadihii u danbeeyay ka dhacay Muqdisho iyo Beledweyne ay yihiin kuwa abaabulan oo xiriirsan, islamarkaana lagu carqaladaynayo doorashooyinka dalka.
Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday aagga xerada Afisyooni ee u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo qaraxii Baladweyne ee xalay lagu dilay Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ay yihiin kuwo isku xiran oo abaabulan, marka la eego goobaha la beegsaday, shakhsiyaadka la bartilmaameedsaday iyo xilliga lagu soo aaddiyay.
“Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa uu shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in falalka fulaynimo ee noocan ahi aysan marnaba ka horjoogsan doonin xaqiijinta in ay dalka ka dhacdo doorasho sida ugu dhaqsiyaha badan, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ku boorrinayaa feejignaan dheeri ah iyo in ay gacan ku siiyaan hirgelinta doorashada iyo in dalku yeesho hoggaan cusub oo ka samata bixiya xaaladda adag ee amni, siyaasad, dhaqaale iyo bani’aadminimo” ayuu yiri Rooble.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Alle ha u naxariistee Xildhibaan, Aamina Maxamed Cabdi ay door ku lahayd caddaalad u raadinta marxuumad Ikraan Tahliil, sidaas darteedna maalmo ka hor la isku dayay in la boobo Kursigeeda Golaha Shacabka, kadibna xalay qarax lagu dilay, si aan caddaaladdu u guuleysan, loona niyad jabiyo cid kasta oo xaqa ku fara adeygta.
“Xildhibaan Aamino oo la wada ogyahay doorkeedii caddaalad u raadinta marxuumad Ikraan Tahaliil, maalmo ka horna la isku dayay in kursigii ay u tartameysay la boobo, waxaa caawa loo dilay si aan caddaaladdu u guuleysan iyo in la niyad jabiyo cid kasta oo xaqa ku fara adeygta”
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay in doorashada dalku ku soo gabagebowda sida ugu dhaqsaha badan, isla markaana lala xisaabtamo oo caddaaladda la horkeeno dambiileyaasha nooc kasta oo ay yihiin goor ay noqotaba, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay u garab taagan yihiin caddaaladda iyo dowladnimada.
PUNTLAND POST
The post Rooble: Xildhibaan Aamina waxa loo dilay si aysan u guulaysan caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa dib ugu yeeray xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee laga soo doortay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.
Sida xogta aan helnay sheegeyso, madaxweyne Qoor Qoor ayaa doonaya inuu xildhibaanada la yeesho kulamo kala duwan, isla markaana magaalada Dhuusamareeb lagu qabto xaflado kala duwan oo uu soo agaasimay madaxweyne Qoor Qoor.
Wararka qaar ee la helayo ayaa sheega in madaxweynaha Galmudug uu doonayo inuu xildhibaanada ku qanciyo inay ka shaqeeyaan sidii dib loogu soo dooran lahaa madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la rumeysan yahay inuu ka shaqeenayo sidii uu u noqon lahaa Ra’isul wasaare, wuxuuna Farmaajo u arkaa cidda kaliya ee rumeyn karta riyadiisa maadaama ay labada Mas’uul horey isku dhaafsadeen dano siyaasadeed, inkastoo Farmaajo uu wajahayo culeys badan oo kaga imaanayo musharixiinta mucaaradka.
Qoorqoor ayaa tilaabadan qaaday kadib markii todobaadkan ay madaxweyneyaasha Puntland iyo Koonfur Galbeed la hadleen xildhibaannada laga soo doortay maamuladooda, iyaga oo ku kala duwanaa danaha ay ka lahaayeen.
Madaxweynaha Puntland oo dhawaan isugu yeeray xildhibaanada laga soo doortay Boosaaso iyo Garoowe ayaa kaga faa’ideystay ku dhawaaqista inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa isna fursadaas kaga faa’ideystay soo bandhigista faan la xiriira inuu doorashada u qabtay qaab cadaalad ah iyo inuu doorashada kusoo gabagabeeyey waqtigii lagu heshiiyey.
The post Xog: Qoor Qoor oo u yeeray xildhibaanada GALMUDUG laga soo doortay + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in saraakiil ka tirsan ciidamada Ruushka ay danbiyo dagaal ka galeen dalka Ukraine.
Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in xubno ka tirsan ciidamada Ruushka ay danbiya dagaal ka geysteen Ukraine.
Blinken wuxuu intaa ku daray in go’aan gaarista Washington ay ku saleysan tahay qiimeyn taxaddar leh oo lagu sameeyay xogta laga heli karo dadweynaha iyo kuwa sirdoonka.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in warbixino lagu kalsoonaan karo ay xaqiijinayaan in ciidamada Ruushku weeraro aan loo meel dayin ku beegsadeen dadka rayidka ah ee Ukraine.
Ruushka ayaa isagu beeniyay inuu beegsaday dad rayid ah.
PUNTLAND POST
The post Maraykanka oo sheegay in Ciidamada Ruushku danbiya dagaal ka geysteen dalka Ukraine appeared first on Puntland Post.
-
Aamina Maxamed Cabdi oo 10-kii sano ee u dambeeyay ka tirsanayd Galaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay fiidkii lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Aamina waxay ahayd xubin firfircoon oo Golaha Shacabka ku soo biidhay 2012, haddana waxay doonaysay in ay u tartanto kursiga ay ku fadhiday ee Hop#135 oo dood adag ka jirto doorashadiisa.
Aamina waxay ahayd 40 sano jir ku adag dhaqanka iyo diinta, waxayna inta aysan siyaasadda soo gelin ku jirtay bahda waxbarashada, iyadoo soo noqotay macallin dugsi Quraan iyo mid iskuul.
Aamina waxay ka tirsanayd Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ee hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaan Aamina waxaa lagu xasuustaa doorkeedii xaq u dirirka ee kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ay ku eedeysan yihiin saraakiishii hore ee NISA oo hadda ka mid noqday Baarlamaanka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxa uu sheegay in Aamina ay tusaale u ahayd matalaadda shacabka iyo u doodista caddaaladda & xuquuqda muwaadiniinta.
“Xildhibaan Aamino oo la wada ogyahay doorkeedii caddaalad u raadinta marxuumad Ikraan Tahaliil, maalmo ka horna la isku dayay in kursigii ay u tartameysay la boobo, waxaa caawa loo dilay si aan caddaaladdu u guuleysan iyo in la niyad jabiyo cid kasta oo xaqa ku fara adeygta” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay weerarka lagu dilay Aamina.
Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxyada Beledweyne, waxayna sheegeen in ay labo qarax ka fuliyeen xerada Lama Galaay oo ay joogeen siyaasiyiin u sharaxnaa xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowadda Federaalka iyo Hirshabeelle.
PUNTLAND POST
The post Maxay tusaale u ahayd xildhibaan Aamina? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaca ka qaaday in xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi loo dilay inaanu guuleysan cadaaladda loo raadinayo kiiska Ikraan Tahliil.
Rooble oo soo saaray war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in sidoo kale dilka xildhibaan Aamina iyo weerarkii xerada Xalane iyo garoonka Aadan Cadde ay wada xiriiraan
Hoos ka aqriso qoraalka Rooble
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu si adag u cambaareynayaa kana xun yahay falalkii argagixiso ee maanta ka dhacay Muqdisho iyo Baladweyne oo ah kuwo looga gol leeyahay in lagu carqaladeeyo doorashada laguna cabsi geliyo shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u arkaa in weerarkii maanta lagu qaaday aagga xerada Afisyooni ee u dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho iyo qaraxii Baladweyne ee caawa lagu dilay Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed ay yihiin kuwo isku xiran oo abaabulan, marka la eego goobaha la beegsaday, shakhsiyaadka la bartilmaameedsaday iyo xilliga lagu soo aaddiyay.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo tusaale u ahayd matalaadda shacabka iyo u doodista caddaaladda iyo xuquuqda muwaadiniinta.
“Xildhibaan Aamino oo la wada ogyahay doorkeedii caddaalad u raadinta marxuumad Ikraan Tahaliil, maalmo ka horna la isku dayay in kursigii ay u tartameysay la boobo, waxaa caawa loo dilay si aan caddaaladdu u guuleysan iyo in la niyad jabiyo cid kasta oo xaqa ku fara adeygta”.
Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa uu shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in falalka fulaynimo ee noocan ahi aysan marnaba ka horjoogsan doonin xaqiijinta in ay dalka ka dhacdo doorasho sida ugu dhaqsiyaha badan, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ku boorrinayaa feejignaan dheeri ah iyo in ay gacan ku siiyaan hirgelinta doorashada iyo in dalku yeesho hoggaan cusub oo ka samata bixiya xaaladda adag ee amni, siyaasad, dhaqaale iyo bani’aadminimo.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay in doorashada dalku ku soo gabagebowda sida ugu dhaqsaha badan, isla markaana lala xisaabtamo oo caddaaladda la horkeeno dambiileyaasha nooc kasta oo ay yihiin goor ay noqotaba, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaa sida ay u garab taagan yihiin caddaaladda iyo dowladnimada.
The post DEG DEG: Rooble oo shaaciyey in xildhibaan Aamina loo dilay kiiska Ikraan Tahliil dartiis appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin waaweyn ayaa ka soo hadlay geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo caawa lagu dilay Beledweyne, waxayna ka mideysan yihiin tuhunka ay gelinayaan in dilka Aamino ay soo maleegtay kooxda Farmaajo.
Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si toos ah Villa Somalia farta ugu fiiqay, sidoo xildhibaanada kala ah, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Mahad Salaad, Axmed Macalin Fiqi, Macalimuu iyo bulsho kale oo aad u badan ayaa qoraalo ka soo saaray geerida Marxuum Aamino.
Ugu horeyn Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku yiri, “Waxaa caadi ah miyaa in dadka dhaliila Villa Somalia ay dilaan Al-Shabaab. Miyaan aqbalnaa oo horey u soconaa? Hadda yaa ah Al-Shabaab. Khaarijintaan waxaa fuliyey Villa Somalia, wax kale ma jiraan. Allah ha u naxariisto xildhibaan Aamina.”
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri, “Aamino waxay aheyd shakhsi dulmiga diiday, caddaaladda u hiilliyay una taagnaa difaaca xuquuqda muwaadinka, taasina waxay ka dhigtay geesiyad ku nool damiirka shacabka Soomaaliyeed. Maanta ayaan ka digay weerarrada abaabulan ee lagu beegsanayo dadka dulmiga diiday ee difaacayay xuquuqda muwaadiniinta, si loo cabsi geliyo inta aamusan, ama ku fekeraysa in doorashada soo socota ay isbeddel ka u hiiliyaan.”
Qoraalka Cabdiraxmaan ayaa intaas ku sii daray, “Mar kale ayaan ku celinayaa, Raysalwasaare Rooble iyo xukuumaddiisa waa in ay qaadaan tallaabooyin masuuliyadda amniga looga saarayo gacanta kuwa argagexisada la shaqaynaya ama ku hawlan fulinta ajandayaasha shakhsiga ah. Haddii aydaan qaadi karin, fadlan dadka yaan la hoosaasin oo u caddeeya in aadan awoodin.”
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa yiri, “Ikraan Tahliil way marjiyeen, Aamino way isku miidaamiyeen, shaki maleh inay laba Shabaab wada shaqeeyaan.”
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa isna yiri, “Aamina ka sokow in ay aheyd haweeney aqoonyahan ah , dhiirran, u taagneyd Difaaca iyo u qareemidda gabdhaha hadane waxa ay aheyd Macalin iyo barbaariso. 10 sano ka hor wareysi aan ka qaaday waxa ay dhiirrigalineysay waxbarashada gabdhaha. Waa in si dhab ah loo baaraa ,loona soo helaa dhagar qabayaashii ka danbeeyay dilka Xildhibaanadda.”
Xildhibaan Aamino oo qof naftiisa haligay uu isku qarxiyey ayaa mar kale lagu beegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaas oo lagu dhuftay gaari lagu siday meydadka iyo dhaawacyada Xildhibaan Aamino iyo askartii ilaalineysay, halkaas waxaa ku dhintay dad uu ku jiro Xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul oo hadda ahaa musharax xildhibaan, sidoo kale waxaa la xaqiijiyey dhaawaca wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.
The post Dilka Xildhibaan Aamino Maxamed oo lagu eedeeyey Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU (HOL) - At least three people were killed, more than three others injured when two simultaneous explosions rocked Beledweyne, the capital of Hiiraan region tonight.
-
Ra’iisalwasaaraha xukuumadda federalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyey geerida allah unaxariistee Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi oo lagu dilay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana qoraal kooban uu soo dhigay baraha bulshada uu ku yiri.Halkaan Ka AkhrisoWaxaan erayada ugu adag ku cambaareynayaa falkii argagixiso ee caawa lala beegsaday Allaha u naxariistee xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo lagu dilay Baladweyne.Waxaan murugada la qeybsanayaa ugana tacsiyeynayaa qoyskeedii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed geerida Xildhibaan Aamina.Waxaan farayaa hay’adaha amniga ee ku shaqada leh in ay baaritaan waafi ah ku sameeyaan sidii uu u dhacay falkan waxshinimo ee lagu dilay xildhibaanadda.Xildhibaan Aamina oo tusaale u ahayd matalaadda shacabka iyo baadi doonka caddaaladda, waxay dadkeeda iyo dalkeeda ugu soo shaqeysay sida ugu wanaagsan ee karaankeeda ah.Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu jannadii Firdows ugu deeqo, ehelkeeda iyo ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.Goobjoog News -
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo war ka soo saaray geerida Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ayaa amray in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo qaabkii loo dilay Xildhibaanka.
Rooble ayaa qoraal uu soo saaray waxuu ku sheegay in Xildhibaan Aamino ay tusaale u ahayd matalaadda shacabka iyo baadi doonka caddaaladda.
“Waxaan farayaa hay’adaha amniga ee ku shaqada leh in ay baaritaan waafi ah ku sameeyaan sidii uu u dhacay falkan waxshinimo ee lagu dilay xildhibaanadda. Xildhibaan Aamina oo tusaale u ahayd matalaadda shacabka iyo baadi doonka caddaaladda, waxay dadkeeda iyo dalkeeda ugu soo shaqeysay sida ugu wanaagsan ee karaankeeda ah,” ayuu yiri Rooble.
Qoraalka Rooble ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan erayada ugu adag ku cambaareynayaa falkii argagixiso ee caawa lala beegsaday Allaha u naxariistee xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo lagu dilay Baladweyne. Waxaan murugada la qeybsanayaa ugana tacsiyeynayaa qoyskeedii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed geerida Xildhibaan Aamina.”
Dhankiisa Farmaajo ayaa qoraal uu ka soo saaray geerida Xildhibaan Aamino waxuu ku yiri, “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ay caawa argagixisadu cadowga ku ah nolosha iyo jiritaanka ummadda ay ku dishay magaalada Beledweyne. Qoyskeeda, Qaranka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed waxa aan uga tacsiyeynayaa geeridaa tiiraanyada badan leh.”
Xildhibaan Aamino oo qof naftiisa haligay uu isku qarxiyey ayaa mar kale lagu beegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaas oo lagu dhuftay gaari lagu siday meydadka iyo dhaawacyada Xildhibaan Aamino iyo askartii ilaalineysa, halkaas waxaa ku dhintay dad uu ku jiro Xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul oo hadda ahaa musharax xildhibaan, sidoo kale waxaa la xaqiijiyey dhaawaca wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.
The post Rooble iyo Farmaajo oo ka hadlay dilka Xildhibaan Aamino iyo amar ka soo baxay … appeared first on Caasimada Online.
Meydka AUN marxuumad Aamino Maxamed Cabdi oo la keenayo MUQDISHO
in News - Wararka
Posted
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saacadaha soo socda la filaya in magaalada Muqdisho la keeno Maydka Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo xalay ku geeriyootay qarax ismiidaamin ahaa oo lagula beegsaday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Sida uu xaqiijiyey xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo lagu soo doortay Beledweyne marxuumadda ayaa waxaa lagu aasi doonaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Jeesow oo ka hadlayey geerida ku timid marxuumadda ayaa sheegay inay aheyd xildhibaanad ka dhex muuqatay reer Hiiraan.
“Aamino waxay aheed xildhibaanad ka dhex muuqato, gobolka Hiiraan, iyo guud ahaan umadda soomaaliyeed. Ilaahey ha u naxariisto, sabar iyo iimaan allaha naga wada siiyo,” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Qaban qaabada aaska ayaa haatan si weyn looga dareemayaa caasimada, waxaana geerida Aamino Maxamed ay si weyn u taabatay Ummadda Soomaaliyeed, iyada oo lagu xasuusto kiiskii Ikraan Tahliil Faarax oo dartiis loogu magac daray Hooyadii Cadaaladda.
Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ayaa Beledweyne u tagtay inay u tartanto kursiga beesheeda oo horey ay ugu fadhisay, waxaana dilkeeda hareeyey shaki badan, maadaama ay u takanowday kiiska Ikraan oo si hagar la’aan ah ay ugu doodi jirtay.
Inkastoo Al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda dilka xildhibaanada, haddane siyaasiyiin iyo shacab ayaa waxa ay ku eedeeyeen Villa Soomaaliya oo toddobaadyadii tegay wadday olole la doonayey in Aamino looga saaro liiska musharixiinta kursigii ay horey ugu fadhisay.
The post Meydka AUN marxuumad Aamino Maxamed Cabdi oo la keenayo MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.