Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,455
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Machadka Daraasaadka Heritage ayaa waxaa uu soo saaray warbixin cusub oo xoogga saareysa Shaqo La’aanta Dhalinyada Amniga Soomaaliya Mudnaansiinta Shaq abuurka si loo gaaro Xasillooni iyada oo sharaxaad ka bixisay caqabadaha heysta dhalinyarada ee xagga shaqada, shaqo la’aanta iyo amni darrada iyo sida haweenka ay si gaar ah arrimahasi uga dhib qabaan.

    Daraasaddan oo ay Heritage Institute ka sameysay Muqdisho, Garoowe, Baydhabo, Kismaayo, baladweyn, Boosaaso iyo Galkacyo ayaa waxaa ka qeyb galay 990.

    Qoraal ay daabacday Heritage ayaa sidoo kale lagu xusay in warbixinta la sameeyey Bishii Oktoober ilaa iyo Nofember 2021-kii, iyada oo tirade dadka ka qeyb galay ay ahaayeen: Muqdisho waxa ka qaybqaatay 391 qof, Garoowe waxa ka qaybqaatay 103, Baydhabo iyo Kismaayo waxa ka qaybqaatay 101, Baladweyn waxa ka qaybqaatay 100, halka Boosaaso iyo Gaalkacayo ay ka qaybqaateen 97 qof

    Warbixinta waxaa ku jiray, tirakoob dhawaan lagu sameeyay suuqa shaqada ayaa hoosta ka xarriiqaya saamaynta ay leedahay dhibaatada shaqo la’aanta dhalliyarada dalku. Sida ay sheegayso, daraasad 2019-kii lagu sameeyay shaqaalaha xoogsatada ah ee Soomaaliya, oo ay wadarta guud ee dhallinyaradu ahayd 1,896,039, waxa ka shaqaynayey 264,607 qof oo kaliya, taas oo xaddiga dhalliyarada ee aan shaqaynin ka dhigaysa boqolkiiba 86.20 Si kastaba ha ahaatee, waxa laga yaabaa in aanay saxnimada xogtaasi dhammaystirnayn, maxaa yeelay sahankeedu waxa uu ka duulayay qiyaastii tirada dadwaynaha ee la sameeyay 2014-kii.

    Xogtu waxa ay muujinaysaa in shaqo la’aantu ku badan tahay dhallinyarada da’doodu u dhaxayso 15-19 sano, sida ka muuqata shaxanka 2-aad, oo qiyaastii ka dhigaya boqolkiiba 95. Shaqo la’aanta hablaha dhallinyarada ah ee da’doodu u dhaxayso 15- 19 sano, ayaa noqday 58.3 boqolkiiba, marka la barbardhigo wiilasha oo noqday 41.7 boqolkiiba. Xaddiga shaqo la’aanta xad dhaafka ah, waxa sababay la’aanta fursado dhaqaale, koboca dhaqaalaha Soomaaliya oo ah mid gaabis ah, una nugul carqaladaha,taanisa waxa ay keentay in shaqo abuurku adkaado

    Warbixintan ayaa soo qaadatay Caqabada Dhalinyarada Ka Heysta Suuqa Shaqada iyada Dhallinyarada daraasadda lagu sameeyay ay sheegeen in ay caqabado badan kala kulmaan helitaanka shaqo raadinta, iyaga oo xusay in aanay jirin fursado shaqo oo macno leh, xirfad la’aan shaqo, aragtiyo taban oo ay ka haystaan shaqooyinka qaar, qaraabokiil, arrimo nabadgalyo iyo takoor jinsi. Sida ku cad jaantuska 9-naad, eexda iyo la’aanta fursado

    Caqabadaha warbixinta ku qoran ayaa lagu bilaabay  “Sannadihii u danbeeyay, Soomaaliya waxa ay ka soo kabanaysay burburkii dhaqaale ee ku dhacay, iyada oo dhaqaalaheedu kor u soo kacay 2.9 ilaa 3.2 boqolkiiba. Balse tani waxba kamay tarin kor u qaadista shaqo abuurka dhallinyarada. Sannadihii 2020 iyo 2021-kii, Soomaaliya waxa ku kulmay afar masiibo: abaar, fatahaado, xaalufin ayax iyo cudurka Karoonaha. Natiijooyinkii ka dhashay xannibaadaha Karoonaha waxa ka mid ah xayiraadaha isu socodka, xannibaadaha jaranjarada dalabka maciishadda, taas oo keentay in boqolkiiba 0.4 uu hoos u dhaco wax-soosaarka dalka gudihiisu sannadkii 2021-kii, halka uu sannadkii 2020-kii hoos u dhigay boqolkiiba 1.5.

    Warbixinta oo caqabada sii dul istaageysa ayaa qortay “Waayadii hore, beeruhu waxa ay ahaan jireen ilaha ugu waawayn ee shaqada, balse waayadan danbe waxa ku yimid hoos u dhac ay sababeen xasiloonidarrada dabadheeraatay ee ka jirta deegaannadii beeraha, waddo xumada iyo in ay yihiin kuwo aad ugu nugul abaaraha iyo fatahaadaha.

    Warbarashada ayey ku sheegtay inay keento shaqo la’aan: Nidaamka waxbarashada Soomaaliya ayaa inta badan sabab u ah shaqo la’aanta haysata dhallinyarada dalka. Waxaa loo qorsheeyay in dadka la baro xirfad ay xafiis uun kaga shaqeeyaan , iyada oo muhiimadda ugu yar la siinayo xirfadaha farsamada gacanta iyo hal-abuurka shaqada.

    Ugu dambeyntii, caqabada shaqo la’aanta waxay ay warbixinta ku sheegtay in ay qeyb ka yihiin maamul xumida iyada oo qortay “Maamul xumada joogtada ah ayaa caqabad kale oo wayn ku ah suuqa shaqada ee dhallinyarada Soomaaliyeed. Xaaladda dhaqan-dhaqaale ee dalka oo haatan quus taagan ayaa loo aanaynayaa musuqmaasuqa ay wadaan siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta dawladdu.

    Shaqao La’aanta Dhalinyarada iyo Amni darrada: Marka loo eego daraasadaha sugan iyo aragtiyaha ku salaysan colaadaha, saboolnimada iyo shaqo la’aanta ayaa in badan loo arkaa in ay yihiin waxyaabaha ugu waawayn ee keena colaadaha. Aragtidan ayaa dabayaaqadii 1990-naadkii noqotay mid cusub oo hanatay dhegaha dadwaynaha, waxaana bogaadinteeda leh Paul Collier oo ay qayb ka ahayd tijaabo daraasadeed oo uu ka sameeyay wajiyada kala duwan ee dhaqaaluhu ku leeyahay colaadaha. Aragtidan ayaa ku doodaysa in xiriir toos ah, oo ixtimaalkiisu aad u heer sarreeyaa ka dhaxeeyo shaqo la’aanta dhallinyarada iyo rabshadaha colaadaha wata.

    Dooddan ayaa xiriir toos ah, oo ixtimaalkeedu aad u sarreeyo ka dhaxaysiinaysa bulshada ay ku badan yihiin ragga dhallinyaarada ah ee aan haysan fursado shaqo oo dakhligoodu fiican yahay iyo rabshadaha dagaallada wata , gaar ahaan meelaha ay ka jiraan xaalado nabadgalyo oo liitaa. Collier, dooddiisu waxa ay hoosta ka xarriiqaysaa in shaqo la’aantu tahay isha cuqdadda iyo rabshadaha- iyada oo dhallinyarada bilaa shaqada ah ku riixda in ay ka qaybqaataan rabshadaha iyo in ay ku biiraan kooxaha hubaysan. Shaqo la’aantu waxa ay sii hurisaa kacdoonnada, waxaanay dhallinyarada ku dhiirrigalisaa in ay ku biiraan kooxaha rabshadaha wada, iyada oo u horseedda xag-jirnimo, taasina waa sababta keenta rabshadaha iyo amni-darrada.

    Natiijada  Warbixinta waxaa ka mid ahaa:  Marka loo eego natiijada daraasaddan, aad buu u sarreeyaa heerka shaqo la’aanta dhallinyaradu, waxaanu muujinayaa walwal aad u badan. Xogta daraasaddu waxa ay ina tusaysaa in dhallinyaradii la sahamiyay boqolkiiba 69.4 ay ahaayeen bilaa shaqo marka lala barbar dhigo kuwa shaqeeya (Jaantuska 4-aad). Inkasta oo Soomaalida lagu majeerto dad ganacsiga ku fiican, haddana boqolkiiba 8.7 kaliya ayaa ku hawlan arrimaha ganacsiga. In ka badan saddex-meelood laba meelood ayaa dhallinyarada la soo xushay bilaa shaqo ahaa, taas oo muujinaysa in fursadaha shaqo ee xaddidan lagu tilmaami karo arrin khatar ku ah dhallinyarada Soomaaliyeed, una nuglaynaysa in ay ku biiraan kooxaha dagaal oogeyaasha ah, gaar ahaan,kuwa xagjirka ah.

    Dhanka Haweenka waxaa la qoray:  Haweenka dhallinyarada ahi si guud ayey ugu dhibban yihiin xaaladda shaqada suuqa ee cakiran, gaar ahaan waxa sii haysta caqabado ay kala kulmaan helitaanka shaqada. Arrintani waxyaabaha ay salka ku hayso waxa ka mid ah dhaqanka bulshada oo inta badan dumarka u jaangooya hawlaha guriga. Daryeelka iyo masuuliyadaha qoyska oo aan lahayn mushaar haweenka lagu siiyo ayaa ka mid ah caqabadaha qotadadheer ee haweenka ka hortaagan in ay shaqo ka helaan suuqa shaqada ee fadhiidka ah. Dumarku waxa ay inta badan ku hawllan yihiin daryeelka qoyska oo ah hawlo shaqo oo aan mushaar lahayn. Taasina waxa ay caqabad ku tahay in ay haweenku ka qaybgalaan shaqooyinka rasmiga ah iyo kuwa mushaarka fiican leh. Marka la is barbardhigo, suuqa shaqo ee ragga iyo dumarka, shaqooyinka rasmiga ah waxa loo doorbidaa ragga.

    Warbixinta oo Dhameystiran halkan ka akhriso:

    Click to access Youth-Unemployment-Report-Final-Somali-.pdf

    Source: goobjoog.com


  2. FB_IMG_16498526645817483.jpg?resize=720%

    Rasaas ayaa maanta laga maqlay gudaha jeelka weyn ee magaalada Hargeysa, kadib markii sida la sheegay ay gadoodeen qeyb ka mid ah maxaabiista hallaas ku xiran.

    Ciidamada Booliska, Asluubta, RRU-da iyo Milateiga Somaliland ayaa gaaray jeelka oo ku yaalla bartamaha magaalada Hargeysa, waxayna xireen wadooyinka soo gala jeelka.

    Wararka qaar ayaa sheegaya in maxaabiista gadootay ay yihiin kuwo u xirnaa falal argagixiso, uuna jiro khasaare soo gaaray maxaabiista iyo ciidmada kala duwan ee Somaliland.

    Balse ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo maamulka Somaliland ka soo saaray rasaasta laga maqlay jeelka weyn ee Hargeysa iyo khasaaraha ka dhashay.

    PhotoCollage_20220413_151356276.jpg?resi

    Dhanka kale maamulka Somaliland ayaa xiray ilaa 6 wariye oo warar ka tabiyay rasaasta jeelka, kuwaas oo kala ah Xasan Galeydh, Maxamed Ilig, Axmed Maxamuud Yuusuf, Sagal Mustafe, Naciima Cabdi Axmed iyo Axmed Samraawi.

    PUNTLAND POST

    The post Somaliland: Rasaas laga maqlay jeelka Hargeysa iyo weriyeyaal la xiray appeared first on Puntland Post.


  3. (SLT-Hargeysa)-Wariyeyaasha kala Sagal Mustafe iyo Niciima Cabdi Axmed ayaa iyagana hadda la sheegayaa in la xidhay.

    Wariye Samraawi oo ka tirsan BulshoTv ayaa isna ka mid ah wariyeyaasha lagu xidhay Agagaarka Jeelka Wayn ee Hargeysa.

    Maxaabiista jeelka wayn gudihiisa ka mudaharaaday ayaa codsaday in la raaciyo Maxaabiis gaadhaysa Sideed Boqol oo maxbuus.


    kuwaas oo cafis madaxwayne loo fidinayo islanmarkaana ah gobolada dalka oodhan.
    Hada xaalada ayaa ah mid degan iyada oo la adkeeyay wadooyinka hore mara jeelka wayn.

    Wararku waxa ay sheegayaan inay dhaawacmeen ilaa 9 askari


    Xaaladda jeelka weyn ee Hargeysa ayaa hadda degen.

    La soco wixii warar ka soo kordha

    Source


  4. Wararka naga soo gaarayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in gudaha xabsiga wayn ee Hargeysa ay ka socoto israsaaseyn xooggan.

    Israsaaseynta ayaa timid kadib markii xabsiga ay ka baxsadeen qaar kamid ah maxaabiista, illa iyo hadda macadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay israsaaseynta.

    Ciidamada booliiska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay tira wariyayaal ah kuwaas oo ku howlanaa soo gudbinta israsaaseyn ka dhacday gudaha xabsiga Hargeysa.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  5. Ciidamada Somaliland Oo Xabsiga utaxaabay weriyeyaal Baahinayay Xaaladda ka taagan Jeelka Weyn Ee Hargeysa

    wariyeyaal-1536x864-1024x576.png

    Ciidammada Somaliland ayaa hadda xabsiga u taxaabay wariyeyaasha kala ah Maxamed Cabdi Sheekh guddoomiyaha telefishanka MMTV iyo Wariye Axmed Maxamuud Yuusuf.

    Maxamed Cabdi Sheekh Ilig ayaa isaga si toos ah u soo tabinayay xaaladda jeelka weyn ee magaalada Hargeysa oo ka kacsan ka dib markii ay gadood sameeyeen qaar ka mid ah maxaabiista ku xidhan halkaasi.

    Wariye Xasan Gallaydh ayaa isaguna ku sugnaa agagaarka jeelka weyn ee Hargeysa oo ay xaaladi ka taagan tahay.

    Daawo sida Weriyahan loo qabtay isagoo war tebinaya:-

    Wariye Axmed Maxamuud Yuusuf ayaa isna la xidhay, xilli uu tabin toos ah kaga jira  agagaarka Jeelka weyn ee Hargeysa.

    Wariyeyaasha kala ah Sagal Mustafe iyo Niciima Cabdi Axmed ayaa iyagana hadda la sheegayaa in la xidhay.

    weriye-1024x542.jpg

    Wariye Samraawi oo ka tirsan BulshoTv ayaa isna ka mid ah wariyeyaasha lagu xidhay Agagaarka Jeelka Wayn ee Hargeysa

    Qaran News


  6. (SLT-Hargeysa)-Ciidammada Somaliland ayaa hadda xabsiga u taxaabay wariyeyaasha kala ah Maxamed Cabdi Sheekh guddoomiyaha telefishanka MMTV, wariye Xasan Gallaydh iyo Wariye Axmed Maxamuud Yuusuf.

    Maxamed Cabdi Sheekh Ilig ayaa isaga si toos ah u soo tabinayay xaaladda jeelka weyn ee magaalada Hargeysa oo ka kacsan ka dib markii ay gadood sameeyeen qaar ka mid ah maxaabiista ku xidhan halkaasi.

    Wariye Xasan Gallaydh ayaa isaguna ku sugnaa agagaarka jeelka weyn ee Hargeysa oo ay xaaladi ka taagan tahay.

    Wariye Axmed Maxamuud Yuusuf ayaa isna la xidhay, xilli uu tabin toos ah kaga jira  agagaarka Jeelka weyn ee Hargeysa.

    Wariyeyaasha kala Sagal Mustafe iyo Niciima Cabdi Axmed ayaa iyagana hadda la sheegayaa in la xidhay

    Source


  7. Khasaaraha Ka Dhashay Is Rasaasayn Xoggaan oo Ka Dhacday Gudaha Jeelka Weyn Hargeysa

     

    jeelka-1.jpg

    Xabsiga dhexe ee magaalada Hargaysa ayaa rasaas xooggani ka dhex bilaabmatay waxaana halkaasi ku dhaawacmay midka mid ah saraakiisha Xabsiga oo la yidhaado Kabtan Cabdi Tiyooto oo Luqunta dhaawac ka soo gaadhey. Waxaa kale oo jira dhaawacyo loo gaystay laba Askari oo ka mid ahaa ciidanka xabsiga.

    Maxaabiistan ayaa ciidanka u isticmaalay dhagxaan.

    Ciidamada RRU-da ayaa gurmad ahaan u yimid jeelka waxaa kaloo hadda ku sugan ciidan iyo Saraakiil kala duwan oo ka tirsan ciidamada kala duwan ee wadanka. Lama oga sababta rasmiga ah ee maxaabiistu u gadooday.

    Qaran News


  8. (SLT-Hargeysa)-Xabsiga dhexe ee magaalada Hargaysa ayaa rasaas xooggani ka dhex bilaabmatay waxaana halkaasi ku dhaawacmay midka mid ah saraakiisha Xabsiga oo la yidhaado Kabtan Cabdi Tiyooto oo Luqunta dhaawac ka soo gaadhey. Waxaa kale oo jira dhaawacyo loo gaystay laba Askari oo ka mid ahaa ciidanka xabsiga.

    Maxaabiistan ayaa ciidanka u isticmaalay dhagxaan.

    Ciidamada RRU-da ayaa gurmad ahaan u yimid jeelka waxaa kaloo hadda ku sugan ciidan iyo Saraakiil kala duwan oo ka tirsan ciidamada kala duwan ee wadanka. Lama oga sababta rasmiga ah ee maxaabiistu u gadooday.

    Wixii faahfaahin ah ee soo kordha kala soco halkan

    Source


  9. Ganacsadihii Warkiisi hadal lagama keenin  halka Gabadhii caawa jeelka loo taxaabay

    Ma taqaan, Sharciga Wadhatada Ganaaxa?

    FB_IMG_1649810720965.jpg?resize=708%2C64Mulkiilaha World-remit wuxuu sheegay Deeq agab ah oo uu dadka ugu deeqay in Askartu dadka dib uga iibisay oo ka guratay laaluush $40 ah. Markalena wuxuu sheegay in xiligii Covid-19, Face-mask uu keenay dadka dib looga iibiyey.

    Gabadhan yarina iyana waxay sheegtay in Askartu dib uga iibisay Dalaayadihii Cadceeda ee loogu deeqay wadhatada Suuqii Waaheen ee haatan Dooxa Hargeisa wadhan! oo halkii xabo $10 Askartu ku iibinayso.
    Gabadhu waxay warkeeda ku dartay (Waa inoo Doorashada) oo ka dhigan codkayga ayaan ku ciilbixi doonaa!

    Ganacsadihii warkiisi hadal lagama keenin, halka Gabadhii caawa jeelka loo taxaabay.

    Labada qofba run bay sheegeen laakiin waxay ku kala duwan yihiin midna weedhiisa ayaa itaal daran oo waa sabool, midna waa ganacsade oo xataa haduu khaldamo khaladkiisa cudur-daar baa loo hayaa!

    Dadka qaar ayaa qaba in gabadha halka laga raacay ay tahay kalmada ah (Idiin caban maynee waa inoo doorashada). Soo hadalqaadka doorashada ayaa ah wax Madaxweyne Biixi xiligan dhegaha looga ilaaliyo oo aanu jeclayn cid soo hadalqaada.

    Qaran News


  10. Khamiista ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu dhaariyo xildhibaannada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, taasi oo si rasmi ah meesha uga saari doonta baarlamaankii 10-aad, bog cusubna u fureysa baarlamaan cusub ee 11-aad oo rasmi ah ay yeelato jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya.

    Dhaarinta kadib, sidee ayey noqon doonaa hey’adaha kala duwan ee dowladda federaalka ah iyo sharciyadda uu sheegto Farmaajo, waxaan su’aashaas hordhigtay khubaro falanqeeya arrimaha siyaasadda.

    Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Nabada iyo Cadaaladda Nuur Bocor Jeele oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxaa uu sheegay in dhaarinta xildhibaannada federaalka ah ay tahay tallaabo horay loo qaaday, isaga oo intaa araaciyey in xildhibaan uu si rasmi ah jagadaasi ugu shaqeyn karo, xildhibaanna u noqon karo marka uu dhaarto.

    Nuur Bocor waxaa uu qabaa in dhaarinta kadib si dhaqso ah loo gudagalo doorashada guddoomiye KMG si isagana uu hawlaha aqalka usii dhameystiro oo ah doorashada guddoon rasmi ah oo labada aqal yeeshaan, kuwaas oo iyaguna sii ambaqaadi doona doorashada madaxweynaha 10-aad Jmhuuriyadda.

    Dhanka kale, Maxamed Maxamuud Cadde oo ah falanqeeyey siyaasadeed  oo isna dhaarinta iyo wax aka dambeeya kala hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dhaarinta xildhibaannada iyo doorashada guddoonka ay soo dedejineyso in dalka uu ka baxo jaho-wareerka iyada oo guddoomiyaha golaha shacabka ee la doorto uu dalka sii hoggaamin doono inta madaxweyne laga dooranayo.

    “Doorashada ma sii jiitamesyo, dhaarinta kadib waa in sida ugu dhaqsiyaha badan laga doortaa guddoonka labada aqal, isaga guddoomiyaha uu muddo bil gudaheed ah uu kusoo gabagabeeyo doorashada madaxweynaha, oo ay dooran doonaan baarlamaanka labada aqal”” ayuu intaa raaciyey Cadde.

    Dalka ayaa isbadal rasmi ah waxaa uu geli doonaa doorashada guddoon rasmi ah kadib, iyada oo guddoomiyaha golaha shacabka laga rabo inuu hoggaamiyo muddada ka horeysa doorashada madaxweynaha 10-aad halka madaxweynaha hadda waqtigiisu dhamaaday uu musharax noqon doono.

    Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad, waxaa uu muddo bil ah u heystaa inuu ku dhiso guddi doorashada madaxweyne, kaas oo dhankiisa soo dhajinaya, qabanaya isla markaana maareynaya jadwalka doorashada madaxweynaha jamhuuriyadda.

    Waayidda Farmaajo ee sharciyadda uu sheegto, keliya masoo dedejineyso isbadal dalka ka dhaca, ee waxaa ay horseedi doontaa inuu go’aan ka qaato noloshiisa, oo ilaa hadda aan la ogeyn inuu msharax yahay ama in kale.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in rasaas culus laga dhex maqlayo gudaha xabsiga weyn ee magaalada.

    Rasaasta oo si weyn looga maqlayo gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxaa kasoo baxayo warar kala duwan.

    Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka tirsan maxaabiista xabsiga ay gadoodeen, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen hub iyo rasaas taasina ay keentay is-rasaaseyn dhex-mareysa ayaga iyo ilaalada xabsiga.

    Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa booliska Somaliland ay isku hareereeyeen dhammaan jidadka kasoo baxa xabsiga dhexe si looga fogaado inay baxsadaan qaar ka tirsan maxaabiista.

    Booliska ayaa joojiyey isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee jidadka u dhow xabsiga dhexe, illaa haddana si rasmi ah looma oga waxa ka socda gudaha xabsiga.

    Waxaa sidoo kale goordhow gaaray xabsiga cidamada RRU, ciidamada Booliska iyo Ciidanka asluubta. Sidoo kale Waxa goobta ku sugan wasiirka arrimaha guddaha Somaliland waxaana la adkeeyay ammaanka saldhigga weyn

    Ma jirto cid ama xaabiis ah oo ilaa hadda jeelka ka baxsatay.

    Wixii kusoo kordha waxaan idinkugu soo gudbin doonaa wararkeena dambe Inshaa Allah.

    The post DEG DEG: Rasaas laga maqlayo xabsiga dhexe ee… appeared first on Caasimada Online.


  12. Maxkamadda sare ayaa warqad ay u dirtay Garyaqaanka guud ee dowladda ku sheegtay in ay hal maalin dib u dhigtay dacwad uu Fahad Yasin u gudbiyay maxkamadda sare oo ka dhan ah guddiga doorashooyinka FEIT.
    Qoraal ka soo baxay maxkamadda sare ee dalka ayaa lagu sheegay in lagu wargelinayo garyaqaanka guud ee dowladda ay maalin dheeraad ah ay ku dartay waqtiga jawaab celinta kiiska Fahad.

    Sikastaba Fahad ayaa dul hoganaya eedo ka dhan ah oo la xiriira xuquuqda bini’aadanimada iyo ku takri fal awoodeed intii uu joogay xukunka Farmaajo.

    278237391_531529315090061_42481187645480

    Source: goobjoog.com


  13. War Deg Dega : Rasaas goos goos ah oo ka socota Jeelka Weyn ee magaalada Hargeysa
     degdeg.jpg

    Is rasaasayn ayaa ka socda gudaha jeelka weyn Hargeysa, iyada oo dhawaqa rasaas laga maqlayo meelo kala duwan oo magaalada ah.

    Ciidamo badan ayaa soo gaadhay jeelka waxaana la xidhay waddooyinka mara agagaarka jeelka weyn.

    Halkan Ka Daawo Muqaalka Warka:-

    Mudaharaad ayaa hada ka dhex socda jeelka weyn ee Hargeysa .Maxaabiista ayaa la sheegay inay mudaharaadkaas sameynayaan .
    Ciidamo boolis & Asluubta ayaa hadda soo gaadhay Jeelka weyn
    Waxaa kaloo Gudaha Jeelka weyn galay wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin & Taliyaha Ciidanka asluubta Somaliland
    Ku darsoo dadweyne Tiro badan ayaa isagu soo ururay Jidadka soo gala & Daafaha Xabsiga weyn ee Hargeysa

    Qaran News


  14. (SLT-Hargeysa)-Is rasaasayn ayaa ka socda gudaha jeelka weyn Hargeysa, iyada oo dhawaqa rasaas laga maqlayo meelo kala duwan oo magaalada ah.

    Ciidamo badan ayaa soo gaadhay jeelka waxaana la xidhay waddooyinka mara agagaarka jeelka weyn.

    wararka aanu helayno ayaa sheegaya in Maxaabiista Jeelka qaarkood ay gadood sameeyeen.

    Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa goobta gaadhay.

    Wixii warar ah ka soo kordha halkan kala socda

    Source


  15. IMG-20220413-WA0034.jpg?resize=396%2C512Mayor of Hargeisa Abdikarim Ahmed Mogeh chairs an ad hoc committee for the reconstruction of Waaheen market.

    Hargeisa (PP News Desk) — One week after a massive fire swept through the eponymous Waaheen market in Hargeisa, efforts to rebuild it faces political obstacles. Three days after the fire, a rift had emerged between Hargeisa municipality and Somaliland government over the management of reconstruction funds. The Federal Government of Somalia donated 11 million dollars to the reconstruction efforts. Somaliland Planning Minister Omar Abdullahi Bade described the donation as funds that the Federal Government had withheld from Somaliland administration in the first place.

    The Federal Government wired the money to a committee tasked with the market reconstruction project. President Muse Bihi of Somaliland Administration acknowledged the support from Mogadishu.

    20220413_133314.jpg?resize=301%2C360&ssl

    Somaliland Administration wrote to the international community in the hope of raising two billion dollars to rebuild Waaheen market and recapitalize small business owners whose livelihoods were destroyed by the fire.

    Written urgently and without painstaking attention to detail, the letter reflects a desire to take over the reconstruction initiative from the ad hoc committee that Hargeisa Mayor Abdikarim Ahmed Mogeh chairs. “Two sentences have grabbed my attention: 1- ‘In this regard, we are launching for a combined US$ 2 billion to urgently deliver humanitarian and livelihood support to an estimated 5,000 small, medium and large family businesses’ 2- ‘Together and united, we could redress alleviating the suffering of this population’” a postwar reconstruction and development expert in Hargeisa told Puntland Post.

    20220413_133329.jpg?resize=353%2C529&ssl

    Somaliland Administration aims to run the reconstruction project, with the Ministry of Housing and Public Works as the lead ministry. “We have concerns about the way Somaliland Government is politicizing the market reconstruction initiative. We heard that the government intends to influence the list of potential beneficiaries of grants for business owners. Traders know who traded at the market. That is why the market committees have drawn up plans to identify traders on the basis of a strict and verifiable criteria” said Ali Adan, a trader.

    The political tension intensified after Hargeisa local government tax collectors attempted to collect unauthorized taxes from destitute traders at Waaheen market. “I commend the Mayor of Hargeisa for brining to book tax collectors who tried to collect illegal tax from women who had received donations” tweeted Ismail Ahmed, the founder of WorldRemit.

    Meanwhile, Ilhan Omar, the US Congresswoman, has joined efforts to support victims of Hargeisa market fire.

    © Puntland Post, 2022

    The post Political Disputes Hamper Reconstruction of Waaheen Market in Hargeisa appeared first on Puntland Post.


  16. Siyaasi Putin saaxiib dhow la ah oo Ukraine Gacanta ku dhigtay

    Handout photo by Ukraine's security service SBU purportedly showing Viktor Medvedchuk in handcuffs
    Laamaha amaanka ee Ukraine ayaa soo bandhigay sawir lagu tilmaamay Viktor Medvedchuk oo gacmaha ka xidhan

    Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in xabsiga loo taxaabay siyaasi u dhashay dalkaas oo xulafo la ah dowladda Ruushka, kaas oo baxsad ahaa in muddo ah.

    Viktor Medvedchuk, ayaa loo arkayay saaxiibka ugu dhow madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ee ku sugan gudaha Ukraine.

    Taliska laanta amniga Ukraine ee magaceeda loo soo gaabiyo SBU ayaa shaaciyay sawirka qof lagu tilmaamay inuu yahay Mr Medvedchuk oo gacmaha ka katiinadaysan, kuna labisan dirayska ciidanka militeriga Ukraine.

    Ninkan ayaa markii hore ku jiray xabsi guri ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Kyiv isagoo lagu tuhunsanaa khiyaano qaran – balse waxa uu baxsaday islamarkii uu Ruushku dagaalka ku qaaday Ukraine, 24-kii bishii February.

    Hase yeeshee Mr Medvedchuk, oo 67 jir ah, waxa uu beeniyay in uu wax khalad ah sameeyay.

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, oo khudbaddiisa habeenlaha ah u jeedinayay qaranka ku sheegay in uu oggol yahay in Mr Medvedchuk ay ku baddashaan wiilasha iyo gabdhaha reer Ukraine ee hadda gacanta ugu jira Ruushka”.

    Goor sii horraysay waxa uu Facebook kusoo qoray in Mr Medvedchuk lagu xiray “howlgal khaas ah” oo ay sameeyeen ciidamada waaxda amniga ee magaceeda loo soo gaabiyo SBU.

    A photo purportedly showing arrested Viktor Medvedchuk

    Taliska laanta amniga ayaa bayaan uu soo saaray ku yidhi: “Waad noqon kartaa siyaasi taageersan Ruushka waadna u shaqeyn kartaa dowladda gardarrada wadda muddo sannado ah. Waad iska qarin kartaa caddaaladda muddo. Xitaa waad xiran kartaa labiska militeriga Ukraine, adigoo isqarinaya.

    “Balse taasi miyay kaa caawin kartaa inaad ciqaabta ka baxsato? Waa maya!! Katiinad ayaa ku sugaysa adiga iyo kuwa khiyaanada qaran ku sameeyay Ukraine ee kula midka ah.”

    Mr Medvedchuk, oo sheega in Madaxweyne Putin uu garab u yahay gabadhiisa, ayaa ah ganacsade maalqabeen ah oo hoggaamiya kooxda mucaaradka dowladda Ukraine ee taageersan Ruushka – oo lagu magacaabo Xisbiga Nolosha.

    Marar badan ayuu eedeymaha isaga ka dhanka ah ku tilmaamay “Arrimo la siyaasadeeyay”.

    Dagaalka Ukraine

    Muddo sannado ah ayaa Mr Medvedchuk loogu dulqaadanayay gudaha Ukraine isagoo ku lug lahaa siyaasadda, maadaama loo arkayay qof muhiim ah oo dowladda Ukraine u ah waddada ay u marto wadahadallada ay la yeelato madaxtooyada Ruushka ee Kremlin.

    Hase yeeshee bishii May ee sanadkii 2021-kii ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan khiyaano qaran.

    Ruushka ayaa sheegay Talaadadii in uu hubinayo wararka ku saabsan xarigga siyaasigaas.

    Afhayeenka Mr Putin, oo lagu magacaabo Dmitry Peskov, ayaa sheegay in sababtu ay tahay “maadaama ay warar badan oo been abuur ah kasoo baxaan dhinaca Ukraine” oo “haddana wax walba ay u baahan yihiin in la xaqiijiyo”.

    Qaran News


  17. Khudbadda Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday 7dii Febraayo 2021 Maxamed Cabdullaahi Farmajo uu ka jeediyay dabaaldegga Sannad Guurada 62 ee Asaaska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya (CXDS) oo ku beegan 12ka Abrile 2022 ayaa taarikhda Soomaaliya u qaybisay saddex waqti: 30 sano oo wadannimo ah ( 1960-1991), 27 sano oo qabiilnimo ah ( 1991-2016) iyo 5 sano oo wadannimo ah (2017-2022) oo asagu ahaa Madaxweynaha Soomaaliya. Ma ogi in la helayo hal shakhsi oo farmajo la qaba aragtidaas, mana hubo inuu isku dayay inuu raadiyo qof la qaba. Wuxuu marar badan ku celceliyay wadannimo si dadweynaha Soomaaliyeed u rumeystaan inuu waddani yahay madaama uu sheeganayo.

    Dadweynaha Soomaaliyeed iyo ajnabi badan waxay aad ula yaabanayaan, isweydiinayeen sababaha farmajo ugu mashquulsanaa bilihii la soo dhaafay qabanqaabada xafladda dabaaldegga Sannad guurada 62 ee asaaska CXDS asagoo ogsoon in sannadihii la soo dhaafay aan la qaban xaflad, isla markaana dalka ku jiro marxalad kala guur ah.

    Waxaa baraha bulshada qabsaday in Farmajo doonayo inqilaab uu xukunka dalka ku haysto, taaso u muuqatay qar iska tuur, haseyeeshe aad uga walaacisay Beesha Caalamka ilaa Xoghayaha Guud ee QM laga codsaday inuu farmajo u sheego inuusan carqaladeyn dhammeystirka doorashada muddada dheer socotay ee gabogabada mareysa.

    Waxaa aad looga walaacay heerka damqasho iyo xilkasnimo ee Farmajo oo aad ugu mashquulay qabanqaabada xafladda maalinta asaaska CXDS ee 12ka Abrile asagoo ogsoon dhibaatooyinka iyo khataraha dalka ka jira:

    1. Dalka oo aysan ka talin Dowlad haysata sharciyad ah;

    2. Cudurka COVID-19 oo dalka ka jira;

    3. Abaarta ba’an oo muwaadiniin badan ku xoolo beeleen, kuna barakaceen;

    4. Khadka cagaaran ee dhex yaala Madaxtooyada JFS una dhexeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaday Farmajo iyo RW Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed X. Roble, isla markaana ATMIS kala ilaalineyso;

    5. Ciidammada Ajnabi ah ee ilaalinaya Farmajo;

    6. Sicir bararka iyo dhaqaale xumida haysta shacabka Soomaaliya iyo adduunka oo dhan;

    7. Halista ururka argagixisada Al Shabab oo NISA shaacisay in nin la yiraahdo Mahir oo ka tirsan Al Shabab uu dilayo Farmajo iyo Roble;

    8. Ballanta 14ka Abrile 2022 loo qabtay dhaarinta Xildhibannada doorashadooda socotay muddada sagaalka bilood ah;

    9. Dhammaadka muddo xileedkiisa iyo wixii dhacay 25 ka Abrile 2021 markii lagu qasbay inuu ka noqdo muddo kororsiga 2da sano ah ee uu ku dhawaaqay 12ka Abrile 2021;

    10. Dhibaatada shacabka Muqdisho ka soo gaareysa joojinta dhammaan dhaqdhaqaaqa muddo maalmo ah;

    11. Khilaafka iyo kacsanaanta dalka ka taagan ee uu ka dhalan karo dagaal hubeysan;

    12. Muuqaalka xun iyo sumcad xumida ka dhalan karta Ciidammada Soomaaliya lahaan jirtay iyo Ciidammada maanta u dabaaldegaya sannad guurada 62 ee CXDS ee lagu qabanayo Wasaaradda Gaashaandhigga gudaheeda.

    Xafladda waxay daaha ka qaaday in farmajo lumiyay haybadda xilka Madaxweynaha JFS madaama aysan xafladda ka soo qayb gelin hoggaankii iyo mas’uuliintii Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Waxaa wax laga calool xumaada ah in Farmajo uusan garan dhaawaca gaaraya garaadkiisa iyo dowladnimada Soomaaliya marka uu xafladda dabaaldegga Sannad guurada CXDS ku martiqaaday RW hore Cali Maxamed Ghedi si uu uga hadlo ayadoo dalka uu ka talinayo Golaha Wasiirrada uu madax u yahay RW Roble. Waxaase ka daran in RW hore Cali Maxamed Ghedi uusan ka cudurdaaran ka hadalka xafladda, kana jeediyay khudbad ka baxsan munaasabadda iyo dhaqanka wanaagsan ee dowladnimada.

    Soomaaliya waxay u baahan tahay waayeel damiir wanaagsan leh, karti u leh ilaalinta karaamada Ummadda Soomaaliyeed iyo kobcinta dhaqanka wanaagsan ee nidaamka dowladda dimoqradiga ah ee la higsanayo.

    Ilaalinta anshaxa wanaagsan ee dowladnimada waa asaaska dowlad haybad ah ee shacabka Soomaaliyeed ku faani karo.

    WQ/ Dr. Maxamuud Culusoow

    Source: goobjoog.com


  18. Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga hirhelinta doorashooyinka FEIT Muuse Geelle Yuusuf ayaa maanta gaaray maagalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana halkaas kusoo dhoweeyay xubno ka tirsan maamulkaas.

    Guddiga ayaa u gaaray maagaalada sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya maamulka iyo guddiga ee ku aadan xildhibaannada laga soo doortay deegaannadaas oo aan wali qaadan Shahaadada xildhibaannimo, iyadoo saacado qura naga xigaan 14-ka bisha oo ah maalinta loo asteeyay dhaarintooda.

    Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad laga soo doortay deegaannada Koonfur Galbeed ayaa in ka badan 70 mudane waxaa aysan qaadan shaahaadada xildhibaannimo iyo kaararka aqoonsiga ah, waxaana jirtay in horay Baydhabo ugu sugnaayeen wafdi kale uu ka mid ahaa madaxweyne Qoorqoor.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  19. Washington (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika David Satterfield ayaa xilka ka tagaya kahor bisha June, sida ay Talaadadii sheegeen ilo-wareedyo arrintan la socday, kadib markii uu xilkaas la wareegay wax ka yar lix bilood, iyadoo xilligan uu qalalaase siyaasadeed gobolka ka taagan yahay.

    Ku xigeenka ergeyga gaarka ah Payton Knopf ayaa xilka si kumeel gaar ah ula wareegi doona, sida ay tilmaameen ilo-wareedyadu, iyagoo intaas ku daray in bixitaanka Satterfield aysan ahayn mid degdeg ah.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa wax yar kahor ku dhawaaqday in Satterfield iyo Knopf lagu wado inay yimaadaan Itoobiya Arbacadan, si ay kulamo ula yeeshaan saraakiisha dowladda Itoobiya, wakiillada ururada samafalka, iyo saaxiibada diblomaasiyadeed.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaan wax faallo ah ka bixin markii wax laga waydiiyay tegitaanka Satterfield.

    Warka ku saabsan bixitaanka Satterfield ee la filayo, oo ay markii ugu horreysay soo warisay majaladda Foreign Policy, ayaa kusoo beegantay xilli ay dhibaatooyin badan ka dhaceen gobolka.

    Colaad in ka badan hal sano ka socotay dalka Itoobiya ayaa dhalisay eedeymo ku saabsan gabood-fallo ka dhan ah labada dhinac, halka Suudaan ay ka jirto qalalaase dhaqaale iyo mid siyaasadeed, kadib afgambigii bishii Oktoobar ka dhacay dalkaas.

    Isbeddelka joogtada ah ee Ergayga Mareykanka ee Geeska Africa ayaa sidoo kale keenaya su’aalo ku saabsan ka go’naanta maamulka Biden ee arrimaha gobolka, gaar ahaan marka ay la tacaaleyso qalalaasaha siyaasadeed ee meelo kale ee dibadda ah, oo ay ugu horreeyaan duulaanka Ruushka ee Ukraine.

    Satterfield, ah diblomaasi muddo tobannaan sano ah kusoo jiray shaqada diblomaasiyadda ayaa beddelay Jeffrey Feltman, oo ahaa diblamaasi kale oo Maraykan ah oo ruug-caddaa, kas oo shaqada ka tagay dhammaadkii sannadkii hore kadib qiyaastii sagaal bilood oo uu ahaa Egayga Mareykanka ee Geeska Africa.

    Voa + Reuters.

    The post Ergayga Mareykanka u qaabilsan Geeska Africa oo is-casilaya appeared first on Caasimada Online.