-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
“Waligay ma arag, mana maqal hogaan dal leeyahay oo aad moodo in uu ku leeeyahay ma kolbay soo dhaafayaan daantooda. Ma ogyahay in waddankaasi yahay qaran saaqiday; marka aanad xishoonayn ma kala jeclid in aad fashilantay oo aad hoggaaminayso waddan qaybsan iyo in kale! Waxaas agtiisa ma samaynayaan wax macno ah! Waa barta u hoosaysa ee qayru masuulnimada!” Prof-Abdi Ali Jamac Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waalidiinta wiilashooda ay ku maqan yihiin dalka Eritrea oo tababr ay ugu qaaday dowladdii uu hoggaaminayey madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weli rejo ka qaba in dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ay dalka dib ugu soo celiso. Mid kamid ah Waalidiinta wiilashooda ay ku maqan yihiin Eritrea oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay inay rejaynayso in dib ula kulanto wiilkeeda oo sanado badan tababar ugu maqan dalkaas, balse mar ay dhowaan la hadashay aanu u sheegin in lasoo celinayo dhowaan. “Markii u horeysay ee uu baxay Eritrea la geyna nalama dhihin, waxbarasho Qatar ah ayaa naloo sheegay. Waan naxay markii lagu murmayay inay Eritrea jiraan, markii dambe hal sano iyo toddoba bil isaga oo maqan ayaa aqbaar ka helay,” ayey tiri Hooyadaan oo kamid ah Waalidiinta ay ka maqan yihiin wiilashooda. “Asbuucii hore Talaadada ayuu isoo wacay oo dhib ma sheegin, tababarka mar hore ayuu noo dhamaaday ayuu i dhahay, waqti ay soo baxayaan ma ii sheegin laakiin rejo Ilaahay ayaa ka leenahay.” Sidoo kale waxay ka dalbatay madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda kasoo laabtay magaalada Asmara ee caasimada Eritrea in wiilashaas maqan ee wiilkeedu ku jiro uu dib ugu soo celiyo dalka. “Madaxweynaha waxaa ka codsan laheyn in si deg deg ah inoogu keeno Ilmaheena, waa u xiisnay Ilmaheena oo aad iyo aad ayaa u rabna, inaga oo nabad qabna in aan aragno koley waqtiga uu qofka bini’aadamka uu noolaanayo Allahu-aclam.” Waxay sii raacisay hadalkeeda “Wax ma ka qabi in (Wiilkeygu) wadankiisa u shaqeeyo oo difaacdo waa rajeynaya, in asaga isbedelo ma ogiye aniga dhib kuma qabo.” Dhalinyaradaan oo dalka Eritrea tababar ugu maqan mudo ku dhow afar sano, ayaa waxaa shalay soo kormeeray xeryaha ay ku jiraan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kahor inta aanu kasoo laabay Asmara. Waa markii labaad oo madaxweyne Xasan Sheekh uu dhalinyaradaan ku booqdo xeryaha lagu tababaro, waxaana socda qorshe la doonayo in ciidankaan dalka loogu soo celiyo oo dowladda Soomaaliya ay wado, laakiin ilaa hadda dowladdu ma shaacin waqtiga kama dambeysta ah ee ciidankaan dalka lagu soo celinayo. The post Waalidiinta askarta Eritrea ku maqan oo shaaciyey xog ay la wadaageen wiilashooda appeared first on Caasimada Online.
-
Warka caawa laga baahiyey Bulsho TV waa been abuur. Waxaan shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u cadeynayaa in aanay jirin ergo xisbiga WADDANI uu u diray Madaxweynaha muddo xileedkiisii berito 13 November 2022 dhammaanayo. Maxamuud Aadan Jaamac “Galaal” Xoghayaha Warfaafinta – xisbiga WADDANI Qaran News
-
Amesterdam (Caasimada Online) – Wasiiradii hore ee Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka dowladda federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin ayaa shir jaraaíd oo ku qabatay agaalada Alphen aan den Rijn, ee dalka Netherlands waxey ku faah-faahisay dacwad kala dhexeysay nin Soomaali ah oo deggan dalka Holland, oo ay ku dacweysay Maxkamad ku taal magaalada Den Heeg. Deeqa ayaa ninka ay dacweysay sheegtay inuu abaalmarin lacageed u ballan-qaaday cid kasta oo soo disha Deeqa Yaasiin oo xilligaasi aheyd wasiiradda haweenka iyo xuquuqda insaanka. Wasiirka ayaa sheegtay in dacwada ay ninkan kusoo oogtay ay aheyd mid dambi, ee aanay aheyn mid rayid ah, maadaama uu nafteeda halis geliyey, ayada oo intaas ku dartay in eedeysanaha uu yahay nin deggan dalka Netherlands. Deeqa ayaa sheegtay in ninka ay dacwadda kala dhaxeysay, ee yiri “ha la isoo idlo” uu ka careysnaa oo uu daba socday sharciga jinsiga Soomaaliya ee sida ay sheegtay dad badan ay khalad u fahmeen. Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee Deeqa Yaasiin. The post Daawo: Wasiir Deeqa Yaasiin oo dacwad kaga adkaatay ninkii yiri ‘ha la ii soo dilo’ appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidankii dhowaan kooxda Al-Shabaab ka xoreeyey deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa la sheegay in galabta ay dib uga soo baxeen deegaankaas, kadib markii uu soo kala dhex galay khilaaf culus. Taliyihii hore ee ciidanka Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik oo ka mid ah masuuliyiinta hoggaamineysay ciidanka xoreeyey Wabxo ayaa xaqiijiyey inay dib uga soo baxeen deegaanka, kadib markii ay difaacyada soo baneeyeen ciidankii Danab ee qeybta ka ahaa howlgalka. Ismaaciil Cabdimaalik ayaa sheegay in ciidanka Danab ay isaga soo baxeen deegaanka iyagoo aan shaacin sababta, taas oo keentay inay ayaguna ka soo baxaan Wabxo. Wuxuu sheegay in sababta Danab looga saaray howlgalka uusan garaneyn, balse uu jiro qalad weyn oo ka jira dhanka taliska ciidanka xoogga dalka. “Waxaa muuqata in fursad la siinayo cadowga, qaladaadkaan marar badan ayey dhaceen, maanta fursad ayaa jirta, laakiin qaladkaan soo noqnoqonaya waa in lagula xisaabtamo, wax kasta sabab ayey leeyihiin, waana in la is weydiiyaa sababta,” ayuu yiri G/le Ismaaciil Cabdimaalik. Sarkaalkaan ayaa sheegay in ciidamada ay u diyaarinayeen howgallo hor leh oo lagu xoreynayo ilaa degmada Ceelbuur, balse ay dib u soo baxeen ciidanka Danab oo muhiim u ahaa howlgalkaan. “Caawa waxaan isaga soo baxnay Wabxo iyo degaanada hoos yimaada, kadib markii ciidamada dowladda lagu amray inay soo faarujiyaan dhammaan furimaha dagaalka,” ayuu yiri G/le Ismaaciil Cabdimaalik. Sarkaalkaan ayaa muujiyey tuhun uu ka qabo taliska ciidanka xoogga dalka, isagoo madaxda sare ka dalbaday in deg deg loo baaro qaladaadka ciidan ee soo noqnoqonaya. Hoos ka dhageyso wareysi uu bixiyey Ismaaciil Cabdimaalik. The post Dhageyso: Sarkaal shaaciyey in ciidankii ay caawa dib uga soo baxeen Wabxo appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo deegaanka Wabxo ee bariga gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa isaga baxay deegaanka oo ay la wareegeen maalin ka hor. Warar kale duwan ayaa kasoo baxayo sababaha ka dambeeyay in ciidanka ay isaga soo baxaan Wabxo, Al-shabaab ayaa dib u qabsaday deegaanka oo ay ku sugnaayeen dhowr iyo tobankii sano lasoo dhaafay. Taliyaha hoggaaminaayay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin ayaa sheegay in sababaha keenay ay tahay inuu jiro khilaaf soo kala dhexgalay taliska ciidanka qeybihiisa. Ciidanka dowladda ayaan la fileyn in ay isaga soo baxayaan deegaan, maadaama ay sheegeen in ay ku sugnaanayaan oo ay ku wajahan yihiin deegaannada kale ee gobolka kaga sugan yihiin Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kooxo hubeysan ayaa caawa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ku dishay Nabaddoon caan ka ahaa degmada iyo guud ahaan caasimadda magaalada Muqdisho. Nabaddoon la dilaya ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Cali Ebakar, waxaana l;a sheegayaa in muddooyinkii dambe uu ku howlanaa dhedhexaadinta dagaal ka dhacay Cadale. Kooxii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday ciidanka dowladda oo gaaray halka ay wax ka dhaceen ayaa iyagoo sameeyay baaritaanno mana jiro cid la sheegay in lagu qabtay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta kormeeray xerada ay tababarka ku qaadanayaan ciidanka badda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Eritrea. Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay Taliyeyaasha ciidanka badda Soomaaliya ee tababarka u jooga dalka Eritrea iyo sida ay diyaarka ugu yihiin difaaca iyo xoreynta dalka. “Madaxwaynaha Jamhuuriyada ayaa ku bogaadiyey ciidankan dadaalka, aqoonta iyo kartida ay muujiyeen, inta ay tababarka ku jireen, waxa uuna u sheegay in ay yahiin tilmaamihii lagu yaqaanno Ciidanka Badda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ay madaxtooyada Soomaaliya ka soo saartay kormeerkaas. Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa booqashada kadib waxaa uu dib ugu soo laabtay dalka, isagoo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalka Eritrea soo dhaweynta iyo qaabilaadda wanaagsan oo ay u muujiyeen. Dhalinyaradaan ayaa dalka Eritrea tababar ugu maqan mudo ku dhow afar sano, waana markii labaad oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku booqday xeryaha lagu tababaro. Waxaa socda qorshe la doonayo in ciidankaan dalka loogu soo celiyo oo dowladda Soomaaliya ay wado, laakiin ilaa hadda dowladdu ma shaacin waqtiga kama dambeysta ah ee ciidankaan dalka lagu soo celinayo. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo kormeeray ciidanka tababarka u jooga Eritrea, kadibna … appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa maanta degmada Afgooye, ku qabtay mooto Bajaaj siday ugu yeraan labo nooc oo waxyaabaha qaraxa ah, sida uu sheegay afhayeenka booliska Soomaaliya. Sadiiq Aadan Cali oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in qeybta la dagaalanka qaraxyada ee booliska ay Afgooye ku qabteen laba nin oo qaraxa ku siday mooto Bajaaj-ta. “Argagixisada ayaa dhagartaan la damacsanaa inay ku wax yeelaayaan shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, halkaas ayey ciidanku uga hortageen dhagartaan, waxaana gacanta lagu hayaa laba dhagarqabe iyo mootadii ay argagixisadu isticmaali jirtay, cadaaladda ayaana hor keeni doonaa,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe. Afhayeenka ayaa soo bandhigay sawirrada mootada iyo qaraxyada, isagoo faahfaahiyey nooca qaraxyadii ay mootada ku siteen raggaan labada ah ee gacanta lagu dhigay maanta. Kooxda Al-Shabaab oo guul darrooyin culus ka wajaheysa dagaallada uga furan furimaha gobollada dalka, waxaana muuqata in kooxdu ay wado iskuday ah inay fuliso qaraxyo iyo weerarro hor leh. Hoos ka daawo afhayeenka The post Daawo: Booliska oo soo bandhigay qaraxyo iyo raggii watay oo la qabtay appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu sii dhamaanayo ee Muuse Biixi Cabdi ayaa caawa qaaday tallaabo u muuqata isku-deygii u dambeeyay ee uu ku rabay baajinta dibadbaxyada berri loo balansan yahay. Muuse Biixi ayaa goor sii horeysay oo caawa ah ergo u dirsaday guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Waddani, oo ah hogaamiyaha mucaaridka ku hogaaminaya dibadbaxyada looga soo horjeedo Muuse Biixi. Sida ay ogaatay Caasimada Online, ergada uu Biixi u dirsaday Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro ayaa kala ahaa siyaasiyiinta Cali Warancade iyo Maxamed Caraale Duur. Siyaasiyiintan ergada ka ahaa Muuse Biixi oo gurigiisa ugu tagay guddoomiye Cirro ayaa kala kulmay waji gabax, isaga oo gebi ahaanba ku gacan seyray. Isku-deygii u dambeeyay ee Muuse Biixi uu ku rabay inuu ku baajiyo dibadbaxyada berri ayaa fashil wajahaya, waxaana kasii dareysa xiisada taagan ee ka dhalatay muddo xileedka madaxweynaha. Mucaaridka ayaa hore u sheegay in Muuse Biixi aysan wada-hadal la fureyn, kadib markii ay ku eedeeyen in uu waxba ka maqli waayay ergo dhowr ah oo isku xilqaantay wax ka qabashada xiisada siyaasadeed ee Somaliland uu galiyay. Muuse Biixi oo muddooyinkii dambe ku doodayay in uu haysto sharciyad weli uu kusii fadhiyo xilka u sareeya Somaliland, kadib markii ay Golaha Guurtida u sameeyeen muddo kororsi laba sanno ah ayaa u muuqata inay wax iska badaleen qorshihiisa, inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn. Xisbiyada mucaaridka oo iyagu ka biyo diidan damaca muddo kororsi ee Biixi ayaa qorsheeyay in maalinta berri ah guud ahaan Somaliland ka dhigaan dibadbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo Muuse Biixi. Sidoo kale waxay hore u shaaciyeen in Muuse Biixi aysan berri iyo wixii ka dambeeya u aqoonsaneyn madaxweynaha Somaliland, ayna ka shaqeyn doonaan sidii ay u dhici laheyd doorasho. Dhinaca kale, Xukuumadda Biixi oo si dhow ula socota dhaq-dhaqaaqyada mucaaridku abaabulayaan ayaa waxay heegan buuxa galisay ciidamada kala duwan, ayada oo ciidamo hor leh dul dhigtay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Waxaa laga cabsi qabaa in xiisada taagan ay isku badasho rabashado hor leh, sida kal hore dhacday markii ay mucaaridka soo abaabuleen dibadbaxyo looga soo horjeedo Muuse Biixi. Sidoo kale walaaca ay qabaan qaar kamid ah bulshada reer Somaliland ayaa sii xoogeystay saacadihii u dambeeyay, kuwaasi oo bilaabay inay bank-yada iyo adeegyada lacagaha mobile-ka ay kala soo baxaan lacagtooda oo kaash ah. Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online The post XOG: Muuse Biixi oo caawa sameeyay isku-deygii u dambeeyay iyo xiisada oo kasii dareysa appeared first on Caasimada Online.
-
Berlin (Caasimada Online) – Wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya Khadiija Al-Makhzoumi ayaa guul weyn usoo hoyisay Soomaaliya kadib markii ay ku guuleystay in mid ka mid ah dalalkii deynta ku laha auu ka cafiyo. Wasiirka Wasaaradda iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta ee dowladda Jarmalka Mdne Jochen Flasbarth ayaa maanta ku dhawaaqay inta lagu guda jiray madal ka tirsan Shirka Isbeddelka Cimilada ee COP27 intii ay Soomaaliya ka cafiyeen deymihii lagu lahaa. Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa goobjoog Ka aheed madasha looga dhawaaqay deyn cafinta Jarmalka, iyada oo halkaas kula kulantayWasiir ka Maalgashiga Norway iyo Sabarina Dhowre oo ah Danjiraha Hey’adda IFAD. “Soomaaliya way ka mahadcelinaysaa taageeradaan miisaanka leh, runtii tani waa guul weyn oo laga gaaray deyn cafinta, Soomaaliya waxay hiigsaneysaa inay gaarto heer ay soo gabagabeyso barnaamijika deyn cafinta,” ayey tiri wasiir Khadiija Sida ay ogaatay Caasimada Online, wasiirka Khadiija ayaa dadaalka deyn cafinta Soomaaliya ee dhanka Jarmalka wadday wixii ka dambeeyey shirka QM ee September, halkaasi oo ay kula soo kulantay wasiirka arrimaha dibedda Jarmalka Annalena Baerbock. Wadamo ka tirsan Yurub ayaa horay ugu dhawaaqay inay Soomaaliya ka cafiyeen deymihii ay ku lahaayeen, kadib markii ay ku qanceen nidaamka hufnaanta maaliyadda dalka. Dowladaha iyo hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya ka taageera Miisaaniyadda, horumarinta dhaqaalaha iyo mashaariicda kale ee horumarineed ayaa bogaadiyay doorka dib-u-habaynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaalada barnaamijka Deyn Cafinta ee Wasaaradda Maaliyadda. Waxay sidoo kale ballanqaadeen in ay sii wadi doonaan taageerada iyo garab istaagooda ku aadan arrimaha dib-u-habeynta iyo soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya. Great News: Germany’s Federal Ministry for Economic Cooperation & Development @Jochen Flasbarth, the State Secretary, announced today that the German Government cleared Somalia's debt to @IFAD during the panel at #COP27 session taking place in Sharm El-Sheikh, Egypt. pic.twitter.com/cHDY520JBN — Khadija Mohamed Al-Makhzoumi (@KhadijaMakhzumi) November 12, 2022 The post Sawirro: Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo guul weyn usoo hoyisay SOOMAALIYA appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa la wareegay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhaxe, halkaas oo dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen Al-shabaab, ciidanka ayaa howlgallo ka wada deegaanka lagu xaqiijinayo amniga iyo miino baaris. Gaashaanle Cali Yuusuf Macalim oo ka mid ah saraakiisha hoggaaimneysay howlgalka lagula wareegay deegaanka Ceelbaraf ayaa sheegay in Al-shabaab uu deegaankaan uu u ahaa marrin muhim u ah oo isaga kala gooshaan gobolla ada dariska ah ee Hiiraan ,Shabeellaha Dhaxe iyo Shabeellaha Hoose. Al-shabaab ayaa laga saaray deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe, tan iyo markii bishii tagtay ee October ay ciidanka dowladda ka bilaabeen howlgallada gobolka, waxaana ay sheegeen in ay ku wajahan yihiin degmada Aadan Yabaal iyo sidoo kale Ruunirgood. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa saacadihii u dambeeyay ka taagneyd gudaha Somaliland, xilli ay saacado kooban ka harsan tahay muddo xileedka sharciga ah ee madaxweyne Muuse Biixi. Madaxweyne Muuse Biixi oo ku guuleystay doorashadii qabsoomtay 13-kii November ee 2017-kii ayaa waxaa kasoo idlaaneysa saacado kadib 5 sanno ah oo uu hogaaminayay Somaliland. Mucaaridka ayaa ka biyo diidan in uu dhaqan-gashado muddo kororsiga ay dhawaan Golaha Wakiilada Somaliland u sameeyeen Muuse Biixi, taasi oo dhalisay xiisad hor leh oo ka taagan gudaha Somaliland. Waxaa gebi ahaanba fashilmay isku dayo la rabay in xal looga gaaro xiisada taagan ee u dhaxeysa mucaaridka iyo xukuumadda uu hogaamiyo Muuse Biixi. Haddaba, Berri maxaa ka dhacaya gudaha Somaliland? Sida ay ku dhawaaqeen mucaaridka Somaliland waxaa berri guud ahaan Somaliland ka bilaaban doona dibadbaxyo waaweyn oo maalmihii dambe ay abaabulayeen siyaasiyiinta mucaaridka, taasi oo looga soo horjeedo Muuse Biixi. Mucaaridka ayaa shaaciyay in Muuse Biixi aysan berri iyo wixii ka dambeeya u aqoonsaneyn madaxweynaha Somaliland, ayna ka shaqeyn doonaan sidii ay u dhici laheyd doorasho. Xukuumadda Biixi oo si dhow ula socota dhaq-dhaqaaqyada mucaaridku abaabulayaan ayaa waxay heegan buux galisay ciidamada kala duwan, ayada oo ciidamo hor leh dul dhigtay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Waxaa laga cabsi qabaa in xiisada taagan ay isku badasho rabashado hor leh, sida kal hore dhacday markii ay mucaaridka soo abaabuleen dibadbaxyo looga soo horjeedo Muuse Biixi. Sidoo kale walaaca ay qabaan qaar kamid ah bulshada reer Somaliland ayaa sii xoogeystay saacadihii u dambeeyay, kuwaasi oo bilaabay inay bank-yada iyo adeegyada lacagaha mobile-ka ay kala soo baxaan lacagtooda oo kaash ah. Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online The post Xiisad kacsanaan ah oo ka taagan Somaliland – Maxaa dhacaya berri? appeared first on Caasimada Online.
-
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho loogu geystay Imaam Masaajid oo caanka ahaa gudaha caasimada. Dilka ayaa ka dhacay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, waxaana loo geystay Sheekh Cabdicasiis Axmed Xirsi oo ahaa Imaamka Masaajidka dabaqeynka oo ku yaalla degmadaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen marxuumka, kadibna ay goobta ka baxsadeen. Waa dilkii labaad ee muddo 24 saac gudahood la dhacaya Muqdisho, waxaana xalay Dayniile lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu magacaabi jiray, General Cabdullahi Xuseen Warsame (Waran) kaas oo ay toogteen rag ku hubeysnaa bastoolado kadibna goobta ka baxsaday. Source
-
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay inay ka mamnuucday 200 oo qof oo Maraykan ah inay soo galaan Ruushka. Dadka la shaaciyey waxaa ku jira saddex qof oo la dhalatay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, kuwaas oo kala ah Valerie Biden Owens, James Brian Biden iyo Francis William Biden. Sidoo kale waxaa ku jira liiska cunaqabateyntan la saaray xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karine Jean-Pierre. Cunaqabateyntan ayaa jawaab u ah mid hore oo Washington ay kusoo rogtay shakhsiyaad Ruush ah. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa shaaciyay inay dowladda xirtay in ka badan 500 oo akoon oo kooxda ay u isticmaali jirtay faafinta aragtideeda xagjirka. Al-Cadaala ayaa sheegay in akoonada ay dowladda ku guuleysatay inay xirto ay isugu jiraan kuwo ka furna baraha kala duwan ee Facebook, Twitter, Tiktok iyo Telegram. “Waxaa ku guuleysanay ilihii lagu yaqaanay ee mudada badan ay kala hadli jireen dadka taageersan ama kuwa sida kale wax u faafiya in la xiro, welina howsha waa sii socota,” ayuu yiri. “Laba nooc ayey isugu jiraan kuwa la beegsaday oo qeybo waa fadhiyo iyaga lagu yaqaan oo noocyo warbaahinood rasmi ah ayna isticmaali jireen, waa kuwa la yaqaano sidooda ayaa u xirnay. Waxa kale oo jiray boqolaal akoono oo lagu furtay magacyo shaqsiyaad kala duwan oo iyagana lagu faafiyo fariimaha argagixisada iyo cabsi galinta.” Sidoo kale waxa uu xusay inay dowladda ka shaqeynayso sidii ay mareegaha warbaahineed ee Al-Shabaab ay gebi ahaanba u xiri laheyd, maadama ay xiligaan kaliya ka xiran yihiin gudaha dalka oo laga booqan karo dalka dibadiisa. “Magacyada waa la sameysan karaa, cida dhibta ku qabta in maalin kasta magac cusub abuurto waa iyaga ee inaga ma aha. Meel kasta oo lagu faafiyo farriinta argagixisada waa inoo il iyo aragti oo waa xireyna meeshii aan aragno.” Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Website-yada gudaha waa ka xirnay banaankana waxaa ka wadna qorshe iyo dadaal oo website-yada waa ka duwan yihiin sida ay u shaqeeyaan baraha kale, iyagana shaqo ayaa ka hayna. Argagixiso gudaha iyo dibadda midna dalkeena awood uma yeelan doono.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inaysan arrimahaan ka laheyn ujeedo caburin ama inay shacabka ka hor istaagan xuquuqda helitaanka wararka iyo xogaha, hase yeeshe ay la-dagaalsan yihiin faafinta fikrada xagjirka ah iyo fariimaha cabsi galinta. The post DF oo shaacisay tirada iyo xogta akoonada maaliyadeed ee laga xiray Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa go’aan hoose ka gaaray muranka ka taagan soohdimaynta degmooyinka sida ay xogo hoose sheegayaan. Guddiga TPEC ayaa go’aamiyay in beelaha ka caraysan soohdimaynta muranka dhalisay ee degmooyinka reer kasta lagu qoro degmadii uu rabo in uu raaco sida ay xaqiijinayso xogtan. Guddiga ayaa sidoo kale isla gartay in sida ugu dhakhsaha badan loo shaaciyo seejooyinka cod-bixinta degmooyinka oo saaka loo baajiyay muranka taagan. Tallaabadan cusub ee ah in reer kasta meeshii uu sheegto loo qoro ayaa abuur karta khilaaf horleh maadaama degaannada qaarkood ay ka jiraan khilaafaad dhuleed. PUNTLAND POST The post Puntland: Guddiga TPEC oo go’aan hoose ka qaatay muranka soohdimaynta degmooyinka appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne Joe Biden aysan u qorsheysneyn inuu la kulmo dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga marka uu furmo shirka dalalka warshadaha ku horumaray ee G20 ee ka dhacaya Indonesia. La-taliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan ayaa Jimcihii hadalkan u sheegay warfidiyeenka xilli uu Biden kasoo baxay shirka isbedelka cimilada ee Qaramada Midoobay ee COP27 oo socda waddanka Masar. Xiriirka Biden iyo Maxamed bin Salmaan ayaa sii xummaaday horraantii October markii Sacuudiga iyo ururka OPEC+ ee uu xubinta ka yahay go’aasadeen inay dhimmaan wax soo-saarka shidaalka, xilli Mareykanka uu diidanaa arrintaas, taasi oo dhabar jab ku noqotay dadaalka maamulka Biden ee lagu xakameynayo qiimaha gaaska gudaha iyo sicir bararka Mareykanka. Madaxweyne Joe Biden ayaa kadib wacad ku maray “Inuu jiri doono cawaaqib” ku yimaada xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga go’aankii OPEC+. Kooxda OPEC+ oo ka kooban dalalka shidaalka dhoofiya iyo Russia ayaa ku dhowaaqay inay dhimayaan bartilmaameedkooda wax soo-saar kadib toddobaadyo uu Mareykanka waday qalqaalo ah inaysan sidaas sameyn. Mareykanka ayaa xilligaas ku eedeeyey Sacuudi Carabiya inay isu dhiibtay Ruushka oo kasoo horjeeda in dalalka Reer Galbeedka ay xaddidaan qiimaha shidaalka Ruushka ayaga oo uga jawaabaya duulaanka ay Moscow ku qaaday Ukraine. Saraakiisha Mareykanka ayaa si qarsoodi ah isugu dayayey inay ka dhaadhiciyaan saaxiibadooda Carabta inay ka tanaasulaan fikradda dhimista soo-saarka, hase yeeshee Amiirka sida aan rasmiga aheyn u xukuma Sacuudi Carabiya ee Maxamed bin Salmaan ayaa laga dhaadhicin waayey. Bin Salman iyo Biden ayaa intii lagu guda jiray booqasho uu Biden ku tegay Jeddah bishii July waxay isugu dhaceen dhimashadii 2018 ee suxufigii Sacuudiga ee wax ku qori jiray Washington Post Jamaal Khaashuqji. The post Biden oo qaatay go’aan kasii daraya xiisadda Maxamed bin Salman kala dhaxeysa appeared first on Caasimada Online.
-
Taliye ku xigeenka Qeybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle sare Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle ayaa maanta soo saaray digniino la xariira qaraxyo waa weyn, oo uu sheegay in Al-shabaab ay la damacsan yihiin magaalooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan. Taliye Cali Dhuux ayaa Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay in Al-shabaab ay qorsheysay qaraxyo waaweyn, oo ay doonayaan in ay ka fuliyaan magaalooyinka Baledweyne, Jalalaqsi iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan. “Dhammaan dadweynaha somaliyeed gaar ahaan reer b.weyne b/burto iyo jalalaq waa inay galaan feejignaan abni oo dheeraada oo looga hor tegayo shirqoolo ay kooxda as ku qorsheynayaan qaraxyo waaweyn oo ay ku gummaadaan deegaanadaas asbuucaan gudihiisa sida aan ka heleyno ilo lagu kalsoon yahay” ayuu yiri G/sare Cali Dhuux. Digniintan Taliye ku xigeenka Qeybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir ayaa ku soo beegan tahay, xilli shalay dowladda Soomaaliya ay dadweynaha fartay in ay muujiyaan feejignaan inta ay socdaan Hawlgallada lagu saarayo Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Shacabka Gobolka Hiiraan oo looga digay Qaraxyo la sheegay in ay diyaariyeen Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne Joe Biden aysan u qorsheysneyn inuu la kulmo dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga marka uu furmo shirka dalalka warshadaha ku horumaray ee G20, kaas oo ka dhacaya waddanka Indoesia. Lataliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan ayaa Jimcihii sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uusan qorsheyneynin inuu kulan la yeesho Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Sullivan ayaa hadalkan u sheegay warfidiyeenka xilli uu Biden kasoo baxay shirka isbedelka cimilada ee Qaramada Midoobay ee COP27 oo socda waddanka Masar. Biden ayaa la kulmay amiirka leh dhaxalka Sacuudiga bishii Luulyo, laakiin ururka OPEC+ ee uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa bilo kadib jaray wax soo saarkii shidaalka, taas oo dhabar jab ku noqotay dadaalka maamulka Biden ee lagu xakameynayo qiimaha gaaska gudaha iyo sicir bararka Mareykanka. PUNTLAND POST The post Aqalka Cad oo sheegay in aysan kulmayn Madaxweyne Biden iyo Maxamed Bin Salmaan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay amar qabasho oo lagu soo xirayo guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee deegaanka Garasbaaleey, Guuleed Cabdi Xuseen. Maxkamadda ayaa amartay Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir in uu 24 saacadood gudahood uu kusoo qabto guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee deegaanka Garasbaaleey. “Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, oo warqadaan sida tooska ah ugu socoto waxaa la farayaa in uu horkeeno Maxkamadda gobolka Banaadir eedaysane Guuleed Cabdi Xuseen oo ku magacaaban Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada deegaanka Garasbaaleey, kaasi oo is-hortaag shaqo iyo handadaad ku sameeyay Maxkamadda gobolka Banaadir, Maxkamadda Racfaanka gobolka iyo Maxkamadda Sare ee dalka,” ayaa lagu yiri warqada kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir. Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee deegaanka Garasbaaleey ayaa waxa lagu eedeynaya in uu awoodiisa u adeegsaday is-hortaaga shaqada Garsoorka oo booqday dhul ku yaalla Garasbaaleey iyo ku-xadgudubka qoddobada kala ah: 267, 265, 269, 263, 250, 25 XCS. Warqada qabashada guddoomiyaha ee maanta kasoo baxday maxkamadda ayaa sidoo kale waxa kala socda Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. The post Maxkamadda G/Banaadir oo amartay in lasoo xiro guddoomiye Guuleed Cabdi appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa soo jeediyey in la baaro xiriir uu sheegay inuu ka dhaxeeyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kooxda Al-Shabaab. Cabdullaahi Goodax ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in Farmaajo uu weligiis diidanaa la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab, haddana uu ku howlan yahay fashilinta dagaalka ka dhanka ah kooxdaas ee ka socda qeybo ka mid ah dalka. “Inta aan ka aqaan Farmaajo, marnaba raalli kama ahayn la dagaalanka khawaarijta UGUS, taa waxaa u dheereyd isir nacaybka gobollada iyo beelaha qaar uu ku bartilmaameedsanaayay muddadii uu xilka hayay,” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre. Waxa uu intaas ku daray “Waa ayaandarro iyo nasiib xumo weyn in isagoo Ankara jooga uu ku hawlanyahay fashilinta la dagaalanka UGUS. Hay’adaha Amniga waxaa ku waajibay in ay baaraan wadashaqaynta Shabaab iyo Madaxweynihii hore, cid kasta oo haysa macluumaad ku saabsan arrintan hala wadaagaan hay’adaha amniga.” Cabdullaahi Goodax ayaa sidoo kale ku baaqay in codad laga duubo Farmaajo, si loo caddeeyo tuhunka ku jira, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan ku boorinayaa qof kasta oo uu soo waco Madaxweynihii hore in laga duubo codka si bulshada Soomaaliyeed iyo hay’adaha amniga loola wadaago dhagartiisa iyo jaa’ifada uu dalka iyo dadkaba ku haayo,” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre. Cabdullaahi Goodax sooma bandhigin wax acddeymo ah oo muujinaya eedaha uu u jeediyey madaxweynihii hore. Dhanka kale, Farmaajo weli kama jawaabin eedahan. Dowladdii Farmaajo ayaa aheyd dowladdii ugu xumeyd ee soo marta Soomaaliya marka ay noqoto dagaalka Al-Shabaab, ayada oo shanti sano ee uu dalka hoggaaminayey aan kooxdaas laga saarin xitaa hal degmo. Dagaalka hadda ka socda Soomaaliya ee ay iska kaashanayaan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh iyo shacabka, ayaa muddo shan bilood ah Al-Shabaab looga xoreeyey dhul aad uga badan kii laga saaray shantii sano ee Farmaajo uu madaxweynaha ahaa. The post Goodax oo soo jeediyey in la baaro ‘wadashaqeynta’ Farmaajo iyo Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
