-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mozambique Oo Markii Ugu Horreysay Gaas U Dhoofineysa Yurub
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Hargeysa)-Dalka Mozambique ayaa bilaabay in markii ugu horreysay uu gaaska dabiiciga ah ee dareeraha u dhoofineysaa Yurub, madaxweynaha dalkaas Felipe Nyusi ayaa ku timaamay tallaabo taariikhi ah. Waxaa gaaskan oo saartay warshad ay maamusho shirkad laga leeyahay Talyaaniga oo lagu magacaabo Eni balse shirkadda weyn ee shidaalka ee British BP ayaa ku guuleystay xuquuqda iibsiga gaaskan. Gaaskan ayaa waxaa lagu qaaday Markab xamuulka qaada oo laga leeyahay Britain kaasoo ku waajahan Yurub balse lama ogo halka si rasmi ah loo geynayo. Mozambique ayaa ku rajo weyn inay kamid noqoto dalalka adduunka ugu horreeyo dhoofinta gaaska dabiiciga ah kadib shidaal laga helay gobolka Cabo Delgabo sannadkii 2010-kii. Source -
Cabtooy hubaysan ayaa xalay saq dhexe caasimadda Garoowe ku dhaawacay hal askari sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan Booliiska. Kooxda Cabtooyda ah ayaa sida la sheegayo rasaas ku riday guri uu magaalada Garoowe ka dagan yahay Taliyaha C.I.D Gobolka Mudug oo lagu magacaabo Mahad Cabdi Jaamac. Rasaasta waxaa ku dhaawacmay hal askari oo ilaalo u ahaa Taliyaha C.I.D Gobolka Mudug sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Booliiska Garoowe. Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in la yaqaan magacyada cidda rasaasta ridday islamarkaana sharciga la hor-keeni doono. PUNTLAND POST The post Askari ku dhaawacmay rasaas xalay saq dhexe ka dhacday Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
We no longer recognise Muse Bihi and his government as the legitimate government as of right now. He will be referred to as the President whose term has expired, the President who lacks the support and will of the people, and finally the Chairman of the Kulmiye party. pic.twitter.com/zQCY8tL1P7 — Cabdiraxmaan Cirro (@Abdirahmanirro) November 13, 2022 Qaran News
-
The Ethiopian military and Tigrayan rebels have agreed to allow immediate, unhindered aid deliveries to the Tigray region, where millions of people desperately need food and medicines. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay barnaamijka Xukuumadda ee Horumarinta Dhaqaalaha Qaranka. Shirka oo ay ka soo qaybgaleen guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tiirka dhaqaalaha, ayaa warbixin faahfaahsan looga dhageystay guddiga oo ka warramay qorshaha dhinaca horumarka ee dowladdu ka sameyneyso dejinta koboc dhaqaale oo lagu baraaro. Dowladda Soomaaliya oo barnaamijkeeda deyn cafinta uu meel wanaagsan oo gabogabo ah marayo, ayaa guddigeeda dhaqaalaha lagu wadaa in toddobaadkan dhammaadkiisa ay kulan muhiim ah la yeeshaan madax sare oo ka tirsan Baanka Adduunka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo shir-gudoomiyay Kulan looga hadlayay Horumarinta Dhaqaalaha Qaranka appeared first on Puntland Post.
-
The police have arrested a 28-year-old Ethiopian man who was involved in an argument at a residence in Sannat, Gozo. Source: Hiiraan Online
-
Qaran News
-
Golaha Wakiilada iyo golayaasha degaanada ee muddo xileedyadii sharciga ahaa ku jira iyaga la iskuma haysto sharciyadooda saw maaha? Waxa la isku haystaa xukuumadda (Madaxwaynaha, ku xigeenkiisa, iyo wasiiradiisa) iyo Xildhibaanada Guurtida oo aan sharci ku fadhiyin. Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha iyo haya’daha qarankana ma saamaynayo khilaafka siyaasaddu oo iyagu hawlmaalmeedkooda way wadanayaan iyaga ayaana wasaaradihii iyo haya’dihii ka sii masuul ahaanaya inta la gaadhayo heshiis doorashooyinka ah. Dabcan Ciidanka Qaranka hadii aan si qaldan loo adeegsanin iyaguna waa lama taabtaan. Haya’daha amniga ee kale laftooda hawlahoodu waa muhiim hadii Taliyaha Ciidanka Bilaysku aanu ku xadgudbayn xuquuqda muwaadinka. Sidaa daraadeed dhinaca mucaaridka ma jiro maamuus ahaan cid ka saraysa Guddoomiyaha Wakiilada. Dabcan dhinacooda waa mawqif sax ah oo ay ka dhaqaaqi karaan hadii xaaladda khilaafka siyaasaddu halka uu gaadhay iyo meel ka sii xun uu gaadho. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaca ka qaaday in xoogag ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwo dibedda ka jooga ay iska kaashanayaan fashilinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Waare ayaa tusaale usoo qaatay ka-bixitaanka ciidamada dowladda ee deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay dib u qabsadeen dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab, iyo dagaal beeleedka ka dillaacay degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe. “Kadib ka-bixitaankii ciidamada xoogga dalka ee Wabxo, iyo kasii darista dagaal beeleedka Cadale, waa ay caddahay in xoogag qarsoon oo ku jira dowladda iyo kuwa dibedda ka ah ay waxyeeleynayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijita. Waa arrin murugo leh, waana sir furran,” ayuu yiri Waare. Madaxweynihii hore ee HirShabeelle ayaa sheegay in hadda la joogo waqtigii laga hortagi lahaa kooxda fashilineysa dagaalka ee la joojin lahaa. Waare ma uusan magacaabin kooxdan, hase yeeshee todobaadyadii dhowaa waxaa gaabis xooggan uu ku yimid dagaalka lagu jiray kooxda Al-Shabaab, taasi oo wiiqday rajada laga qabo in dagaalka uu guuleysto. Madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay aheyd inuu dagaalka hoggaamiyo, islamarkaana dhiiri-geliyo shacabka iyo ciidanka dowladda, ayaa waqtigiisa ugu badan ku bixinaya safaro dibadeed oo badankood aan wax macno iyo dan ah ugu jirin Soomaaliya. Inkasta oo safarrada qaar loo qiil dayi karo sida kii ugu dambeeyey ee Eritrea, haddana Xasan Sheekh wuxuu galayaa kuwa kale oo macno-darro ah, sidii shirkii cimilada ee magaalada Sharma Al-Shaikh ee dalka Masar, oo wasiirada dowladda ay ku filnaayeen. Si kastaba, hadda madaxweynaha aanu isbeddel deg deg ah sameyn, islamarkaana cago dhigin dalka, waa adkaan doontaa in laga adkaado Al-Shabaab. The post Xoogag ka tirsan DF iyo kuwo dibedda ah ‘oo fashilinaya’ dagaalka lagu jiro Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
“Dheriga kulaylkaa karka ka keena wasiir hore Kaahin maalin kasta ma wuxuu noqonayaa derbi lagu soo gabado, Maanta adiga iyo Muuse midna looguma yeedhaayo xilkii Qarankani shalay loogaga yeedhaayey, waayo wuu dhammaaday intii ummaddu u siisay sharciyadda, dalkana daaya fawdada oo ummadda kadaaya abaal dhaca way idin abaal mariyeene dibin daabayidii hore midkale ha ugu darina ayaan idiin soo jeedin lahaa.” Xoghayaha Amniga ee Xisbiga WADDANI Ibraahin Ducaale Boos Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka Cusub ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Axmed Jumca Al-rumeysi. Danjire Axmed Jumca ayaa sidoo kale Xasan Sheekh soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada shacab, taas oo uu ka siday Madaxweynaha dowladda Imaaraatka Maxamed Binu Saayid Aala-nahyaan. Sidoo kale, Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi, xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la rumeysan yahay in iminka ay tahay dowladda ugu saameynta badan Soomaaliya, waxayna si aad ah isugu dhow yihiin madaxweyne Xasan Sheekh, ayada kaalintaas kala wareegtay dowladda Qatar oo ay xulufo ahaayeen madaxweyne Farmaajo. Dhowaan, Caasimada Online waxay qortay in Imaaraadka Carabta iyo Masar ay Soomaaliya ka qorteen 3,000 oo ah dhallinyaro la askareynayo, kuwaas oo qaarkood lagu tababarayo Muqdisho, halka qaarna loo qaaday dalka Masar. Mashruucan ayaa waxaa maal-gelinaya Imaaraadka Carabta, halka Masaarida ay bixinayaan tababarka, ayada oo dowladda Soomaaliya ay isku dayday inay ka dhigto mid ka qarsoon shacabka iyo caalamka kaleba. Halkan ka aqrsio warbixintaas. The post Sawirro: Xasan oo qaabilay safiirka cusub ee Imaraadka oo farriin soo gaarsiiyey appeared first on Caasimada Online.
-
Sadex Dhalinyaro ah iyo afar askari ayaa ku Dhawaacmay Caawa Isku soobax Dhalinyaradu Ku taageeraysay Go, aamadii ay ku Dhawaaqeen Xisbiyada Mucaaridku Ciidanka Booliska ayaa Rasaas u adeegsaday si ay u Kala dareeriyaan dhalinyaradan taasina waxay sababtay in laba dhalinyaro ahi ku dhaawacmaan Kuwaasoo lagu daweynayo Cisbitaalkaa Guud ee Burco,halka Afar Askari oo la sheegay inay ku dhawaacmeen iyaguna lagu daweynayo Cisbitalka. Sida dhakhaatiirta Caafimaadku u Xaqiijiyeen Saabtv. Mid Ka mida Dhalinyarada dhaawacantay ayaa la sheegayaa inuu Culus yahay dhaawiciisu. Balse hada xaaladu way degan tahay’ Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa shalay soo kormeeray dhulka loogu tala-galay in laga dhiso xarunta Xogta Qaranka (National Data Center) oo ku taalla gudaha xerada Xalane, gaar ahaan halka ay Badda ka soo galaan Internet-ka dalka. Wasiirka ayaa waxaa kormeerkaan ku wehlisay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Marwo Fardowso Cismaan Cigaal, wasiir ku-xigeenka Mudane Sulub Axmed Firin iyo ku-xigeenka maareeyaha guud ee hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasin Sheekh. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif oo halkaasi ka hadlay ayaa xusay in dhulkaan la siiyey wasaaradda Isgaarsiinta, islamarkaana ay qorsheynayaan in laga dhiso kaydka xarunta Xogta Qaranka (National Data Center). “Waxaan booqday dhulka wasaaradda ku leedahay aagga Xalane, qorshaha wasaaradda waxaa ku jira in la dhiso xaruntaan oo muhiim u ah in lagu keydiyo Xogta Qaranka, waa fursad aad u weyn in dhamaan Xogta Soomaaliya iyo hay’ad walba oo macluumaad ururiso in hawada toos ugu jirto, iyada oo ammaan ah la helikaro xilli walbo oo loo baahdo,” ayuu yiri Wasiir Jaamac. Xaruntaan oo laga dhisi doono meel u dhow halka Internet-ka ka soo galo dalka, ayaa waxa looga maarmi doona in dalal kale lagu hayo xogteena, sida himika jirta. Wuxuu dal walba horumar ku gaaraa sida uu u keydsado Xogta Qarankiisa. The post Sawirro: Soomaaliya oo markii ugu horreysay yeelaneysa Xarunta Xogta Qaranka appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu, Somalia. “A catastrophe is unfolding in Somalia. The country has been blighted by the longest and most severe drought in recent history, which is expected to continue well into 2023. Entire communities are bearing the brunt of the worsening food crisis, but as is often the case, women and girls are paying an unacceptably high price.” said a statement issued on behalf of Dr Natalia Kanem, Executive Director of UNFPA, as she completed a 2-day visit to Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaradka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ay gabi ahaanba ay kalsoonidii iyo aqoonsigii kala noqdeen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kadib markii uu diiday inuu dalka doorasho geliyo. Kulan saacado badan qaatay oo u socday mucaaradka ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed dheer, waxaana warbaahinta u akhriyey hoggaamiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro. Shantii sano ee xil heynta ayaa maanta u dhamaatay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, mucaaradka ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan doorasho kasta oo aan heshiis lagu ahayn. Mucaaradka ayaa bayaankaan ku sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal kasta oo lagu gaarayo heshiis doorasho. “Maanta laga bilaabo Muuse Biixi iyo xukuumadiisa uma aqoonsanin qaar sharci ku fadhiya, sii socoshada xukunkiisu waxay ku suntantahay xoog ku haysasho iyo kalidii talisnimo, inta la helayo heshiis siyaasi ah oo layska ogolyahay oo lagaga baxo khilaafka ” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro. Waxa uu sheegay in axsaabta mucaaradku ay aqoonsanyihiin jadwalkii doorashada ee ay soo saareen guddida doorashooyinka Somaliland, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay galaan doorashooyinka oo ay ugu soo horayso doorashada madaxweynaha. Sidoo kale mucaaradka ayaa bayaankaan ku sheegay inay aqoonsanyihiin sharcinimada golayaasha sharci dajinta, dowladaha hoose iyo maamulka adeega dadweynaha. Guddoomiye Cirro ayaa shacabka ugu baaqay in nabadda ay ilaashadaan, sidoo kale wuxuu u soo jeediyey shacabka in sharci darrada uu wado Muuse Biixi aysan aqbalin, sida uu hadalkiisa u dhigay. Hoos ka akhriso bayaanka mucaaradka Somaliland The post Mucaaradka Somaliland: Maanta kadib Muuse Biixi uma aqoonsanin madaxweyne appeared first on Caasimada Online.
-
Istanbul (HOL) - Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud said that he "strongly condemns the despicable terrorist attack" on Sunday that killed six people and wounded at least 81 others. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa Gaashaanle Sare Mubarak Cabdiqani Muuse u magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo magaacaabistan ku saleeyey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa faray Taliyaha cusub in uu sii amba-qaado qorsheyaasha qaran ee dib u dhiska Ciidamada Badda Soomaaliyeed, sida lagu sheegay dikreetadaan ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha. “Madaxweynaha ayaa faray Taliyaha cusub in uu sii amba-qaado qorsheyaasha qaran ee dib u dhiska Ciidamada Badda Soomaaliyeed, si loo helo ciidan awood u leh hanashada sugidda amniga marin-badeedyada dalka iyo difaaca xeebaheenna ballaaran,” ayaa lagu yiri dikreetada. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Xeerkan Madaxweyne oo waafaqsan qodobada 80-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku dhaqan galay faafinta rasmiga ah.” Taliyihii hore ee ciidamada badda Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo khilaaf adag uu soo kala dhex galay isaga iyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu dambeysay waxaa shaqo joojin ku sameeyey madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo. 27-kii December 2021-kii ayuu Farmaajo amray taliyaha xoogga inuu shad aka joojiyo Taliyihii ciidanka badda Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir, xilligaas oo R/Wasaare Rooble uu eedeyn culus u mariyey warbaahinta. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay taliye ciidan appeared first on Caasimada Online.
-
Some of the points announced by the opposition parties tonight 1. Starting today, Moses’ government is not recognized as legitimate. 2. Muse Bihi We know him as the chairman of the Kulmiye party and the former president 3. Opposition parties recognize only legal councils such as the House of Representatives, the Supreme Court and Regional Councils. 4. Let the people reject what is illegal 5. We only allow the 9 technical months requested by the Electoral Commission Qaran News
-
Xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland oo goordhaweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya ay Muuse Biixi u aqoonsan yihiin ‘Madaxweynihii xilku ka dhamaaday’ iyo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye. Xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo Ucid waxay sheegeen in goleyaasha deegaanka, wakiillada, maxkamadaha iyo maamulka adeega dadweynaha oo kaliya ay u aqoosan yihiin sharci. 13 November 2022, oo maanta ku beegneyd waxaa ku ekee muddo xiliyeedka dastuuriga ah ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, inkastoo Golaha Guurtida Somaliland dhawaan sheegeen in ay labo sano ku kordhiyeen muddo xiliyeedka madaxweynaha. PUNTLAND POST The post Mucaaradka Somaliland: Muuse Biixi waxaan u aqoonsanahay ‘Madaxweynihii xilku ka dhamaaday’ appeared first on Puntland Post.
