Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Turkish police have arrested 46 people over the explosion in central Istanbul that left at least six people dead and 81 others wounded, Istanbul police have said. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa markii u horeysay ka hadlay barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod ee khilaafka siyaasadeed ka abuuray Puntland. Danjire Cawad oo wareysi siiyay idaacada Daljir ayaa waxa uu sheegay in xiligaan ay Puntland ka dhici karin doorashooyinka qof iyo cod, maadama uu ku dooday in maamulka uusan buuxin shuruudaha aas-aasiga u ah doorashada noocaasi ah. “Si loo qabto doorashooyin qof iyo cod ah, waa in ay heshiis ku yihiin oo isku raacsan yihiin dhamaan dadka ku nool meesha laga qabanayo,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad. “Waa in dadka dalka jooga oo dhan ay xor u yihiin inay ka qayb-geli karaan doorashooyinka qof iyo cod waa Universal suffrage, cid kasta ayaa xaq u leh. Waa in aysan maamulin xukuumadda markaas jirta oo waxa la yiraahdaa level playing field dadka oo dhan waa in ay dhex u tahay, dadkaa iska leh.” Sidoo kale waxa uu tilmaamay in doorashada qof iyo cod ay u baahan tahay madax-banaanida guddiga qabanaya doorashooyinka, haddii kale loo adeegsan karo musuq maasuq iyo keligii-talisnimo. “Waa in uu jiraa census wax la yiraahdo oo tira-koob waa in uu jiraa, oo dhammaan dadku tira-kooban yihiin, si loo hirgeliyo doorashooyinka qof iyo cod,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. “Doorashada noocan ah waxaa kale oo muhiim u ah madax-banaanida guddiga qabanaya doorashooyinka iyo inay jirto maxkamad dastuuri ah (constitutional court) oo xallisa haddii muran ka dhasho.” Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “hadddii laga weeciyo mabaadi’da aas-aasiga ah u ah doorashooyinka dunida ee doorashada qof iyo cod waxaa loo adeegsan kara musuq-maasuq iyo keligii-talisnimo, sida marar badan ka dhacday Ruushka.” Danjire Cawad ayaa ugu dambeyntiin tusaale u soo qaatay dalka Ruushka oo sida uu sheegay markasta laga qabto doorasooyin qof iyo cod ah, haddana uu mar kasta uu ku soo baxo madaxweyne Vladimir Putin. The post Cawad: Doorasho qof iyo cod ah kama dhici karto Puntland appeared first on Caasimada Online.
  3. Istanbul (Caasimada Online) – Turkey ayaa maanta ku eedeysay haweeney u dhalatay dalka Syria inay talaashay qaraxii lixda qof ku dilay magaalada Istanbul Axaddii, ayada oo ku eedeysay kooxda Kurdish-ka ee PKK inay fulisay weerarka. Laba gabdhood oo da’doodu aheyd sagaal iyo 15 jir, ayaa ka mid ahaa dadka lagu dilay qaraxa oo ka dhacay waddada Istiklal Avenue. In ka badan 80 qof oo kale ayaa lagu dhaawacay. “Qofka talaalay bamka waa la xiray,” ayuu wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu ku yiri bayaan uu soo saaray oo ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah Anadolu Agency. “Sida ay muujinayaan xogaha aan helnay, ururka argagixisada ee PKK ayaa ka mas’uul ah,” ayuu yiri Soylu. PKK, oo ah urur argagixiso oo liiska madow ay ku dareen Ankara iyo xulufadeeda Reer Galbeedka, ayaa muqaawamo dhimasho leh ka wadday gobolka iskiis isku maamul ee Kurdish-ka ee koonfurta bari ee Turkey tan iyo sideetamaadkii. Booliska, oo uu soo xigtay taleefishinka gaarka loo leeyahay ee NTV, ayaa sheegay in qofka ugu weyn ee la tuhunsan yahay ay tahay haweeney Suuriyaan ah oo u shaqeysa mintidiinta Kurdish-ka. Waxaa guud ahaan la xiray 46 qof, sida ay booliska sheegeen. Muuqaallo ay booliska la wadaageen warbaahinta Turkey ayaa muujinaya haweeney da’ yar oo xiran funaanad midab buluug-guduud ah oo booliska ay ku xirayaan dhisme ku yaalla Istanbul. FOOTAGE: Police raid to Istanbul bomber’s residence. There is a gun, lots of cash and some gold pic.twitter.com/d5BsJ0cfku — Ragıp Soylu (@ragipsoylu) November 14, 2022 Booliska, oo ay soo xigteen NTV, ayaa magaceeda ku sheegay Alham Albashir, waxayna sheegeen in abaare 02:50 am lagu xiray duleedka Istanbul. Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay inay tababareen sirdoonka PKK. Taleefishinka NTV ayaa sidoo kale muujiyey muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka ammaanka oo muujinaya haweeneyd xiran surwaal iyo qamaar madow oo ka carareysa goobta qaraxa. Wasiirka cadaaladda Bekir Bozdag ayaa taleefishinka A Haber u sheegay in haweeneyd ay 40 daqiiqo fadhisay goobta, “kadibna istaagtay”, ayada oo ka tagtay bac. “Hal ama laba daqiiqo kadib, waxaa dhacay qaraxa,” ayuu yiri. Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. AFP, VOA The post Daawo: Haweeney lagu tuhmayo qaraxii Istanbul oo la xiray + Dalka ay u dhalatay appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo maanta kooxo hubeysan ay ka geysteen magaalada Muqdisho, kuwaas oo kadib goobta isaga baxsatay. Dilka oo ka dhacay agagaarka Ex-Control Afgooye, gaar ahaan dhanka Haanta Dheer oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa waxaa loo geystay nin oday ahaa ioo lagu magacaabi jiray Macalin Cabdullaahi Cabdiraxmaan, kaas oo caan ka ahaa deegaanka. Marxuumka ayaa xilliga la dilayey ka soo baxay Salaaddii Subax, ayada oo rag hubeysan ay toogasho ku dileen, mana illaa iyo hadda sababta ka dambeysa dhacdadaan. Allaha u naxariistee Macalin Cabdullaahi Cabdiraxmaan ayaa Imaam ka ahaa masaajid ku yaalla halkaas, waxaana dilkiisa ka dambeysay burcad ah taleefoon ka dhaceysay. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano kooban sameeyey, balse ma jirto faaahfaahin dheeraad ah oo ay ka bixiyeen dhacdadaas iyo haddii ay jiraan inay dad usoo qab qabteen dilka. Waa Imaamnkii labaad oo todobaadkan gudihiisa lagu dilayo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayada oo Jimcihii la soo dhaafay Dharkenley lagu dilay Sheekh Cabdicasiis Axmed Xirsi oo ahaa Imaamka Masaajidka dabaqeynka oo ku yaal degmadaasi. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyey wajaheysay xaalad amni oo daran, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab culeys xoogan soo saartay gudaha caasimada, iyada oo kaga jawaabeyso dagaallada uga furan gobollada dalka. Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay maalmo kahor soo saartay digniin ku saabsan weeraro ay Al-Shabaab la damacsan tahay Muqdisho. The post Macallin C/llaahi C/raxmaan oo lagu dilay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  5. Marka aad eegto tirsiga xabaalaha qaarkood waxaad arkaysaa in dhimashadu korodhay 100% ama 2 jeer. Tusaale ahaan bilihii ka horreeyay July ilaa August xabaalaha Baqiic iyo Haleeya waxa lagu aasi jiray celcelis ahaan 3 qof maalintiiba. Halka 20kii cisho ee u danbeeyay xabaalaha Baqiic oo kaliya lagu aasay ilaa 116 qof oo noqonaysa celcelis ahaan 6 qof maalintii. Xabaalaha Halaya waa la mid oo celcelis ahaan waa 6 qof maalintii waayo 2dii toddobaad ee u danbeeyay waxa lagu aasay ilaa 84 ruux. Muddadii uu xanuunku socday waxa Baqiic oo kaliya lagu aasay ilaa 400 ruux, ka waran xabaalaha kalena? Sida Somaliland Chronicle qoray dhakhaatiir magacooda qariyay ayaa qiray in dhimashadu ka badan tahay intii xanuunka laga filayay sababo la xidhiidha gaabis ka yimi dhanka wasaaradda Caafimaadka. Wasaaraddu ma ay samayn wacyigelin haboon iyo warbixino daahfuran oo tusaya heerka cudurka iyo dhimashada!! Source
  6. Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa markii u horraysay wareysi uu bixiyay kaga hadlay barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod ee khilaafka siyaasadeed ka abuuray Puntland. Danjire Axmed Ciise Cawad, oo u warray idaacadda DALJIR ayaa sheegay in Puntland aysan hadda ka dhici karin doorashooyinka qof iyo cod, waxaana uu faahfaahin cilmiyeysan ka bixiyay sida aysan ku hirgeli karin. Waxa uu soo bandhigay mabaadi’ as-saasi u ah doorashooyinka qof iyo cod ee dunida, balse aysan midna buuxin doorashada lagu muransan yahay ee laga hadal-hayo gudaha Puntland. “ Si loo qabto doorashooyin qof iyo cod ah, waa in ay heshiis ku yihiin oo isku raacsan yihiin dhammaan dadka ku nool meesha laga qabanayo” ayuu qodobka kowaad ka dhigay. “ Waa in dadka dalka jooga oo dhan ay xor u yihiin in ay ka qayb-geli karaan doorashooyinka qof iyo cod waa Universal suffrage, cid kasta ayaa xaq u leh” ayuu raaciyay danjire Cawad. “ Waa in aysan maamulin xukuumadda markaas jirta oo waxa la yiraahdaa level playing field dadka oo dhan waa in ay dhex u tahay, dadkaa iska leh” “ Waa in uu jiraa census wax la yiraahdo.Tira-koob waa in uu jiraa, oo dhammaan dadku tira-kooban yihiin, si loo hirgeliyo doorashooyinka qof iyo cod” ayuu sii raaciyay. Qodobada uu sidoo kale ka hadlay; waxaa kamid ah madax-bannaanida guddiga qabanaya doorashooyinka iyo in ay jirto maxkamad dastuuri ah (constitutional court) oo xallisa haddii muran ka dhasho. Dhinaca kale, wuxu sheegay in doorashooyinka qof iyo cod loo adeegsan karo musuq maasuq iyo keligii-talisnimo, hadddii laga weeciyo mabaadi’da as-aasiga ah u ah doorashooyinka dunida. Waxa uu tusaale u soo qaatay dalka Ruushka, oo sida uu sheegay mar kasta laga qabto doorasooyin qof iyo cod ah, haddana mar kasta uu ku soo baxo madaxweyne Vladimir Putin. PUNTLAND POST The post Danjire Axmed Ciise Cawad “Puntland kama dhici karto doorasho qof iyo cod ah” appeared first on Puntland Post.
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab rasmi ah kasoo saartay go’aanka kasoo baxay xisbiyada mucaaradka ee Wadani & UCID oo xalay shaaciyey in Muuse Biixi aysan u aqoonsaneyn madaxweyne, kadib 13-ka November oo shalay aheyd. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo u warramay Wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in hadalka kasoo yeeray mucaaradka uu meel ka dhac weyn ku yahay qaranimada Somaliland, ayna sidoo kale tahay arrin ayaan darro ah. “Waxaa ayaan darro ah in dadkii dalkaan ka doonayay in ay xukumaan ee Ummadda codka ka doonayay ay yiraahdaan dalkaan doorasho kama jirto, Xisbiyadu waxa ay Mucaarad ku yihiin Qaranka Somaliland” ayuu yiri Wasiir Maxamed Kaahin Axmed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in go’aanka ay ku dhowaaqeen xubnaha mucaaradka uu yahay wax laga xumaado, islamarkaana dhaawacaya dimuquraadiyadda Somaliland. Kaahin ayaa sidoo kale ku eedeeyey xisbiyada Wadani iyo UCID in ay wadaan abaabulka kacdoon bulsho, si loo kico dadweynaha reer Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale taliyaha Booliska Somaliland, Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa ka hadlay xiisadda kacsan ee Somaliland, isaga oo digniin adag u diray hoggaanka xisbiyada mucaaradka maamulkaasi iyo sidoo kale taageerayaashooda. Dabagale ayaa wacad ku maray in ay ka hortegi doonaan rabshado ka dhaca Somaliland, islamarkaana ay adeegsan doonaan awood ciidan, haddii mucaaradku tallaabo qaado. “Booliisku waxa ay isu yimaadaan qofka shuruucda dalka kahor yimaada, Dadka faraha la gala amni darro, Dadka wixii soo baxa ee khaladaad nooca uu doono ha ahaado sameeyo way is arkaan, Dadka kale wuu ilaaliyaa, Qof wailibow gurigaaga ku jir, Qof walibow shaqadaada qabso oo Amniga garab istaag” ayuu yiri Sarreeye Guuto Maxamed Aadan. Somaliland ayaa wajaheysa xaalad hubanti la’aan ah, taas oo ka dhalatay go’aanka kasoo baxay mucaaradka oo iska diiday muddo kordhintii dhowaan loo sameeyey madaxweyne Muuse Biixi, iyaga oo shaaciyey inay qabsan doonaan doorashooyin xor iyo xalaal ah. The post Xukuumadda Somaliland oo jawaab ka bixisay go’aankii ay qaateen Mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
  8. U.S. intelligence officials have compiled a classified report detailing extensive efforts to manipulate the American political system by the United Arab Emirates, an influential, oil-rich nation in the Persian Gulf long considered a close and trusted partner. Source: Hiiraan Online
  9. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgallo qorsheysan ka sameeyeen deegaano waqooyiga ka xiga magaallo xeebeedka Kismaayo. Howlgalka oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab ayaa ciidamadu waxa ay ku gaareen deegaanada kala ah:- Dheycabdi, Mayoonde, Qudhac Madoobe, Koban, Araare iyo Bandarjadiid oo dhammaantood ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu aysan la kulmin wax iska hor imaad, islamarkaana ay deegaanadaas kula wareegeen si nabad doon. Saraakiil u hadashay Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee ciidanka Danab oo howlgalladan sameeyey inay deegaanada ay qabsadeen laga soo abuubuli jiray weerarada Al-Shabaab, sidoo kalena ay burburiyeen saldhiga iyo xarumo kale oo ku lahaayeen halkaasi. Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay ka hortageen weeraro qaraxyo, islamarkaana ay ku guuleystaan inay soo saaraan sagaal miino oo ay Al-Shabaab ku aaseen waddooyinka muhiim ah oo ay isticmaalaan dadka shacabka iyo gadiidka isaga kala goosha gobolkaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemaya agagaarka magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland. Tallaabadan ay qaadeen ciidamada Danaba ee ku sugan Jubbooyinka ayaa qayb ka ah howlgallo la doonayo in lagu qaado Al-Shabaabka ku sugan gobolladaasi. The post Ciidamada DANAB oo ka hortegay weeraro qaraxyo ah kadib… appeared first on Caasimada Online.
  10. Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qarax galabnimadii shalay ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaas oo ay ku dhinteen dad fara badan. Inta la xaqiijiyay dhimashada ayaa gaaraysa illa iyo lix qof, halka tirada dadka dhaawaca ah ay hadda mareyso 81 qof, kuwaas oo waxyeello kala duwan ka soo gaartay qaraxa. Sida uu sheegay guddoomiyaha Istanbul Ali Yerlikaya, qaraxa ayaa dhacay 4:20pm, xilliga Turkiga, waxaana la sheegay in bomka qarxay ay qarxisay haweeneey. Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa shir jaraa’id uu qabtay ka hor inta aanu u bixin shir madaxeedka 17-aad ee G20, oo ka dhacaya dalka Indonesia. “Dadaallo lagu doonayo in lagu qabto maamulka Turkiga iyo qaranka Turkiga iyadoo loo marayo argagixisanimo wax natiijo ah kama soo baxayso,” ayuu yiri madaxweynaha. Dhinaca kale madaxda caalamka iyo dowladaha saaxiibka la ah Turkiga ayaa cambaareeyay weerarka ka dhacay magaalada Istanbul. Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in ay dowladdiisa ka xuntahay qaraxa ka dhacay Istanbul. “Dowladda iyo shacabka Pakistan waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan shacabka walaalaha ah ee ku dhaqan magaalada Istanbul ee Turkiga ee ku dhintay qaraxii dhacay, waxayna u dirayaan inta ku dhaawacantay inuu caafimaad degdeg ah eebbe siiyo,” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif . Madaxweynaha Asarbayjaan Ilham Aliyev ayaa hadal uu soo saaray ku sheegay in Asarbayjaan ay aad uga naxday warkaas, wuxuuna intaas ku daray: “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa idinka, qoysaska iyo ehelada dadkii lagu laayay, iyo shacabka walaalaha ah ee Turkiga, waxaanan u rajeeyay soo kabashada deg-deg ah.” Ra’iisul wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa si weyn dhankiisa uga hadlay qaraxa ka dhacay magaalada Istanbula waxa uuna yiri” “Fikradeenu waxay la jirtaa dhibanayaasha, iyo dhammaan kuwa eheladooda waayay, waxaan garab taagannahay Turkiga,” . Dhankiisa, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray inuu aad uga xun yahay warkan, wuxuuna tacsi u diray dadkii ku dhintay qaraxa, wuxuuna u rajeeyay caafimaad degdeg ah kuwa dhaawacmay. “Xanuunka dadka Turkiga ee saaxiibka ah waa xanuunkayaga,” ayuu yiri madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy. Madaxweynaha Seerbiya Aleksandar Vucic ayaa sheegay in dhacdadani aysan gilgilin oo kaliya dadka degan Istanbul, balse ay gilgishay dhamaan caalamka. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in ay ka xun yihiin wixii dhacay. “Maalintan oo kale oo astaan ​​u ah qarankeena, iyadoo aan ka fikireyno dhibbanayaashii ku dhintay 13-kii November, 2015, dadka Turkiga waxaa ku dhacay weerar . Turkiga: Waxaan idinla wadaageynaa xanuunkaaga, waan garab taagannahay. waxaad ku jirtaa la dagaalanka argagixisada,” ayuu yiri Macron. Madaxweynaha Kosovo Vjosa Osmani iyo Ra’iisul Wasaare Albin Kurti ayaa sidoo kale diray fariintooda tacsida ah. Waxaa sidoo kale dhambaal tacsi ah diray madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell, guddoomiyaha golaha Yurub Charles Michel, madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter Steinmeier iyo ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni. Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa yiri: “Sawirro naxdin leh oo laga soo qaaday Istanbul. Waxaan u tacsiyeynayaa dhammaan dadka ay dhibaatadu saameysey & shacabka Turkiga. Dhanka kale, Mareykanka ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka. “Maraykanku waxa uu si adag u cambaaraynayaa falkii rabshadaha ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga,” ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo ay soo saartay xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karine Jean-Pierre. Golaha iskaashiga khaliijka iyo madaxweynaha Bosnia iyo Herzegovina ee jamhuuriyadda Srpska, Milorad Dodik, ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka. Madaxweynaha Senegal iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Macky Sall “si adag” ayaa u cambaareeyay dhankooda weerarka, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweyne Erdogan iyo shacabka Turkiga. Madaxweynaha Burundi Evariste Ndayishimiye ayaa sidoo kale cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay “weerar argagaxiso oo argagax leh.” “Waxaan rabaa inaan tacsi tiiraanyo leh u diro Madaxweyne Erdogan iyo shacabka Turkiga xilligan murugada leh. Waa inaan dib u soo celinaa dadaalkeena wadajirka ah ee dagaalka lagula jiro argagixisada,” ayuu yiri Ndayishimiye. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar uu cambaareeyey weerarkaas waxa uu yiri: “Fikirkeena iyo ducadeena waxaan la garab taagannahay dhibanayaasha, shacabka iyo dowladda Turkiga. Turkiga waa saaxiib qiimo nagu leh oo ku wajahan amniga iyo horumarka Soomaaliya. Xafiiska madaxweynaha Congo ayaa sheegay in madaxweyne Felix Tshisekedi uu si aad ah uga xumaaday weerarka lagu dilay, waxaana uu ku celiyay sida ay uga go’an tahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee ka barbar socda Turkiga. Tshisekedi ayaa muujiyay taageerada uu u hayo Madaxweyne Erdogan, shacabka Turkiga iyo ehelada dhibanayaasha. Dhammaan madaxda caalamka ayaa si adag uga hadashay weerarka ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB Gaar ahaan Ururka 5aad Guutada 16 aad ayaa Howlgal Qorshaysan ka sameeyay Waqooyiga Magaalada Kismaanyo ee xarunta KMG ah ee Jubaland. Howlgalka ayaa Ciidamada ka sameeyeen degaannada kala ah Dheycabdi, mayoonde, Qudhac Madoobe, Koban, Araare iyo bandarjadiid oo kawada tirsan Gobolka Jubbada Hoose. Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ee DANAB ayaa sheegay inay howlgalka ku burburiyeen Saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen Waqooyiga Kismaayo, isla markaana weerarada ay kasoo abaabuli jireen. Sarakiishu waxa ay sidoo kale sheegeen in inta howlgalka socday lagu soo saaray miinooyin kooxaha Al-shabaab ku aaseen degaannadaas. PUNTLAND POST The post Kumaandooska Danab oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay Gobolka Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.
  12. Xukuumadda Somaliland ayaa dhankeeda ka hadashay go’aanka ka soo yeeray xisbiyada Mucaaradka ee WADANI iyo UCID, kaas oo ay ku cadeeyeen mowqifkooda ka dhanka ah dhamaadka xilhaynta madaxweyanaha waqtiga uu ka dhamaaday Muuse Biixi Cabdi. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin, ayaa xisbiyada ku eedeyay in ay ka soo horjeedaan horumarka iyo hana qaadka Somaliland. “Waxaa ayaan-daro ah in Dadkii Dalkaan ka doonayay in ay Xukumaan ee Ummadda codka ka doonayay ay yiraahdaan Dalkaan Doorasho kama jirto, Xisbiyadu waxa ay Mucaarad ku yihiin Qaranka Somaliland” Wasiir Kaahin. Dhinaca kale taliyaha ciidamada Booliiska Somaliland ayaa dhankiisa sheegay in aysan booliiska aqbali doonin in banaanbaxyo laga dhigo deegannada Somaliland. “Booliisku waxa ay isu yimaadaan Qofka shuruucda dalka kahor yimaada, Dadka faraha la gala Amni darro, Dadka wixii soo baxa ee khaladaad nooca uu doono ha ahaado sameeyo way is arkaan, Dadka kale wuu ilaaliyaa, Qof webilow gurigaaga ku jir, Qof welibow Shaqadaada qabso oo Amniga garab istaag” S/Guuto Maxamed Aadan Saqadhi. Hadalkan ka soo yeeray mas’uuliyiinta ayaa ku soo aaday xilli xisbiyada UCID iyo WADANI ay sheegeen in aysan aqoonsaneen nidaamka uu waqtiga ka dhamaaday ee Muuse Biixi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Garoowe (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rasaas xalay saq-dhexe ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, taas oo lagu furay guri uu magaaladaasi ka dagan yahayn taliyaha CID gobolka Mudug Mahad Cabdi Jaamac. Wararka ayaa sheegaya in falkan ay ka dambeysay koox cabtoy ah oo weerar ku qaaday guriga taliyaha, kadibna goobta isaga baxsatay. Ugu yaraan hal askari oo ka mid ah ilaalada taliyaha ayaa falkan ku dhaawacmay, sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka ee magaalada Garoowe. Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi ku dareen in haatan ay wadaan baaris dheeraad ah, islamarkaana ay ku daba jiraan kooxihii ka dambeeyey dhacdadaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in la doonayey in falkan lagu khaarijiyo taliyaha CID ee gobolka Mudug, balse uu ka badbaaday isku daygaasi dilka ah. Garoowe oo ah xarunta Nugaal iyo caasimada Puntland ayaa kamid ah magaalooyinka ugu xasiloon dhanka amniga, walow mararka qaar ay shaqaaqooyin ka dhacaan. Si kastaba, deegaanada maamulka Puntland ayaa waxaa ku badan ka dhacay iska horimaadyo u dhexeeya ciidamada ammaanka iyo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha, ayada horey taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho loogu dilay dagaal ciidamada amaanka maamulkaas ay la galeen koox cabtoy ah oo sidoo kale ka ganacsatada Qamriga. The post Taliyaha CID-da ee gobolka Mudug oo isku day dil ka badbaaday appeared first on Caasimada Online.
  14. Hoggaanka xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland ayaa cadeeyay moowqifkooda ka dhanka ah mudda kororsiga madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday Muuse Biixi. Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay si wadajir ah ugu sheegeen in aysan aqoonsaneyn xilhaynta uu xafiiska ku sii joogo Muuse Biixi, kadib markii ay u dhamaatay mudadiisi dastuuriga ahayd. “Maanta laga bilaabo Muuse Biixi iyo xukuumadiisa uma aqoonsanin qaar sharci ku fadhiya, sii socoshada xukunkiisu waxay ku suntantahay xoog ku haysasho iyo kalidii talisnimo, inta la helayo heshiis siyaasi ah oo layska ogolyahay oo lagaga baxo khilaafka ” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro. Source: goobjoog.com
  15. A prime suspect in the murder of a reveller at a Kitengela bar has been arrested by DCI detectives. Source: Hiiraan Online
  16. RIYADH: The King Salman Humanitarian Aid and Relief Center (KSRelief) is continuing its aid efforts in Yemen, Somalia and Jordan with the provision of food and medical services to needy individuals and families. Source: Hiiraan Online
  17. Kigali (Caasimada Online) – Shir gaar ah oo ay yeesheen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Kigali ee caasimada dalka Rwanda, kaas oo ay ka dhasheen su’aallo iyo sidoo kale hadal-heyn xoogan. Shirka ayaa ku saabsanaa wada xaajoodka shuruucda muhiimka u ah arrimaha maaliyada dalka, geedi socodka hannaanka deyn cafinta iyo sidoo kale diyaarinta iyo turxaanbixinta miisaaniyadda dalka ee sanadka 2023 kaasoo maalimihii la soo dhaafay ka socday Kigali. Waxaa shirka ku sugnaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshir iyo xildhibaano badan oo ka tirsan guddiyada baarlamaanka. Abshirow oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay ka go’an tahay sidii dadka iyo dalka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa isku filnaansho dhaqaale. Haddaba sidee looga falceliyey shirkan la geeyey magaalada caasimada ah ee Kigali? Qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticaamla baraha bulshada ayaa aad uga hadlay arrintaan, iyaga su’aallo ka keenay sababta keentay in shir noocaan oo kale ah oo ay ka qayb-galayaan xildhibaano Soomaaliyeed loo doortay in lagu qabto dalka dibaddiisa. Inta badan dadweynaha ka falceliyey shirka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in lagu qabto Kigali, waxayna ku doodeen in lagu shiri karay dalka gudihiisa, ayada oo laga fakirayo dhaqaalaha. “Shir intan oo dad ah ka qeyb galayaan sababta Kigali loogu qabtay ayaa la yaabay intaan oo xildhibaan mid kasto Tikid ayuu goostay safarkiisa qarash ayaa ku baxay. Maxaa diidayo in qarshkaas la Save gareeyo shirkan Xamar lagu qabto?,” ayuu yiri Maxamed Jiinow. “Waa nasiib daro wayn in dalka dibaddiisa lagu qabto shir noocaan ah aqligiina ha shaqeeyo,” ayuu yiri Maxamuud Maxamed. “Shirarka maa lagu qabto dalka maxaa dal shisheey la gala doonaa?” ayey iyaduna tiri Maryan Jaamac Cali. “Intaan oo masuul hotel ay ku shiraan miyay ka waayeen Xamar iyo dalkiiba?” ayuu isna yiri Yuusuf Balayax. “Maxaa diidaya shirarka Soomaalida in lugu qabto wadanka gudahiisa?. Kigali, Kampala & Nairobi ayaa dhaqaalihi Soomaalida la galiyey” ayuu yiri Cabdisamad Cabdullahi. The post Su’aallo ka dhashay shir ay xildhibaano ka tirsan BF ku yeesheen KIGALI + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  18. (SLT-Burco)- Inta la ogyahay 3 dhalinyaro ah iyo 4 askari ayaa ku dhaawacmay isku dhac dhexmaray booliska magaalada Burco iyo dhalinyaro dhigayay bannaanbax ay ku taageerayaan go’aamada mucaaradka Somaliland. Ciidamada amaanka ee magaalada Burco ayaa ka hortagay bannaanbaxyo rabshado wata, oo ay xalay xilli danbe magaalada Burco ka bilaabeen dhalinyaro la dhacsan go’aamada kasoo yeedhay mucaaradka Somaliland, taasi oo sababtay in isku dhac dhexmaro booliska iyo bannaanbaxayaasha. Taliyaha Booliiska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, oo hadalka mucaaradka kadib warbaahinta la hadlay, ayaa balan qaaday in uu amaanka sugayo, isaga oo sheegay in cidkasta oo fal amni daro ah ku kacda ay booliiska is arki doonaan. Mucaaradku xalay sidii la filayay kumay dhawaaqin wax mudaharaado ah, taa badal keeda waxay shacabka ku booriyeen in ay nabada ilaaliyaan, iyaga oo sheegay in aanay dhibaato wadin lakiin ay rabaan in wada-hadal khilaafka lagu dhammeeyo. Source
  19. (SLT-Istanbul)-Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay 53 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay goob mashquul badan oo ku taalla badhtamaha magaalada Istanbul, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalka Turkiga. Qaraxa ayaa ka dhacay waddo laga dukaameysto oo ku taalla fagaaraha Taksim, sida uu sheegay badhasaabka magaalada Cali Yerlikaya. Ma cadda waxa sababay qaraxan ay dadka ku dhinteen. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dambiilayaasha la ciqaabi doono. Source
  20. Dowladda Itoobiya iyo ciidammada Tigreega ayaa kala saxiixday heshiis dejinaya qorshaha hir-gelinta heshiiskii nabadeed ee labada dhinac ay ku gaadheen waddanka Koonfur Afrika bishan. Wakiillo ka kala socda dowladda Itoobiya iyo Jabhadda TPLF ayaa tan iyo Isniintii ku shirsanaa magaalada Nairobi, si ay heshiis uga gaadhaan dhinacyo kala duwan oo la xidhiidha dhaqangelinta heshiiskii nabadeed ee lagu saxeexay magaalada Pretoria. Ku dhawaaqidda heshiiskan ee ayaa la filayaa inay sare u qaaddo dadaallada ay wadaan dhexdhexaadiyeyaasha Midowga Afrika ee lagu xallinayo colaadda labada sanno ka socotay Itoobiya, taas oo ay ku dhinteen kumannaan qof, malaayiin kalena ku barakiciyeen. Saraakiisha ciidammada Itoobiya iyo kooxda TPLF ayaa heshiis ka gaadhay hub ka dhigista dagaalyahanada TPLF iyo soo gelitaanka ciidamada Itoobiya ee magaalada Mekele ee xarunta gobolka Tigreega, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda federaalka ah ee Itoobiya heshiiskan kadib. Hub ka-dhigistu waxay bilaaban doontaa maalinta salaasada ah ee 15-ka November oo barri ah, sida lagu sheegay bayaankan, oo nuqul ka mid ah ay aragtay Reuters. Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in doorka Eritrea oo aan ka qeyb galin wadahadaladan uu yahay mid weli walaac ka jiro. Ciidammada Eritrea ayaa dagaalka kala qeybgalay kuwa Itoobiya. Iyadoo aan si gaar ah loo magacaabin cid ka tirsan ciidammada shisheeye, ayaa bayaanka la saxiixay Sabtidii lagu sheegay in “hubka ka dhigista hubka culus ay dhici doonto marka laga saaro ciidamada shisheeye iyo kuwa aan militariga Itoobiya ahayn ee ku sugan gobolka.” Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Meskel ayaan markiiba ka jawaabin inuu ka hadlo arrintan. General Tadesse Werede oo ka mid ah wakiillada TPLF ayaa sheegay in ku dhawaaqista fulinta heshiiskan ay rajo galisay inay soo afjari doonto dhibaatada heysata shacabka Tigrayga. Reuters Source