Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU, SOMALIA — The Somali government said it plans to reopen schools in territories recently recovered from militant group al-Shabab. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo maalmihii dambe ku sugna magaalada Muqdisho ayaa shalay booqday xarunta Aqalka Sare oo ay ku qaabileen guddoomiyaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi, guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Cali Shacbaan iyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Cabdullaahi Timacadde. Guddoomiye Cali Jeyte ayaa guddoonka Aqalka Sare uga warbixiyay halka ay marayaan howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka, gaar ahaan gobolka Hiiraan ee uu ka yimid. Jeyte ayaa waxa uu la wadaagay guddoonka muhiimada ay leedahay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada la mideeyo oo saf ballaaran laga dhigo si meel kali ah aan culayska dagaalka loo saarin, islamarkaana looga guulaysto Al-Shabaab. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa uga mahad-celiyay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan doorka muuqda ee uu ka qaatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo uu ku hogaamiyay shacabka gobolka Hiiraan oo gacan ka helaya ciidamada xoogga dalka. Guddoomiye Jeyte ayaa dhowr bilood ka hor howl-galo guuleystay ka bilaabay meelo kamid ah gobolkaas, waxayna ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ay ku guuleysteen inay deegaano badan kala wareegaan Al-Shabaab. Sidoo kale waxa uu guddoomiyaha qeyb ka yahay qorshaha la rabo in la iskugu xiro howl-galada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ay haatan ka socdaan howl-galo culus. Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo dalka, kaasi oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey kooxda argagixisada ah ee sanadaha badan ku xooganeyd deegaanadaasi. The post CALI JEYTE oo shaaciyey qorshe cusub oo dagaalka Al-Shabaab lagu wajahayo appeared first on Caasimada Online.
  3. Gobolka aynu joogno meel kasta argagixiso ayaa fatahday, Puntland ayey joogtaa, Buuraha Galgala ayey joogtaa, haddii khilaafkan dhexdeenna ah si dhakhso ah xal loo helin, argagixisadu way innagu soo fidi kartaa. Maaha oo keliya way innagu soo fidaysaaye ee inta qof keliya oo innaga mid ahi cadhoonayo oo aanu helin xal xuquuqdiisa ah, wuxuu casuumi karayaa cadow” Aadan Muuse Jibriil, Wakiilkii hore ee Somaliland u joogay Dalalka Itoobiya iyo Ingiriiska Gobolka aynu joogno meel kasta argagixiso ayaa fatahday, Puntland ayey joogtaa haddii khilaafkan dhexdeenna ah si dhakhso ah xal loo helin argagixisadu way innagu soo fidi kartaa. Qaran News
  4. Mucaaridka hadal uma yaalo. Dhawaaqoodii ayaa dhaqaajiyay dunidii oo dhan. Gaar ahaan intii Somaliland danaynaysay gurmadkoodi wuu ina hayaa. Kubbaduna waxay la taalaa Muuse waana lagu soo maqan yahay. Wax uu yeelaba.”Mujaahid Cali Guray. Qaran News
  5. Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Jubbaland ayaa maanta meel fagaare ah ku toogtay laba askari oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka, kuwaas oo horey dilal uga geystay maamulkaasi, kadibna lagu xukumay toogasho ugu dambeyn lagu fuliyey. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa raggan oo labo ah ku heshay dilal ay horey si ula kac ah u geysteen, iyada oo maanta lagu qisaasay Kismaayo. Labada nin ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Yuusuf Cabdulle Ismaaciil oo laggu helay inuu dil bareer ah u geystay Marxuum Cabdicasiis Axmed Iimaan iyo Cabdi Xasan Isaaq oo oo isna lagu soo eedeyey inuu horey si bareer ah ugu dilay Axmed Xuseen Cismaan. Sidoo kale goobta lagu toogtay raggaan oo uu mid kamida ahaa nin da’ ah m halka kan kale uu ahaa wiil dhalinyaro ah ku sugnaa mas’uuliyiinta maxkamadda iyo dadweyne. Gaashaanle Dhexe Mowliid Axmed Yaasiin oo ah xeer ilaaliya maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland oo toogashada kadib warbaahinta lahadlay ayaa shaaca ka qaaday in maxkamaddu ay gudatay waajibkeeda, islamarkaana ay sii wadi doonaan fulinta xukunada horey u rdday, si ay Ummaddau ku kala nabad-gasho, cadaaladna loo helo. Xeer ilaaliyaha ayaa dhanka kale digniin u diray askarta Jubbaland iyo kuwa dowladda ee ka howlgala deegaanada maamulkaasi, isaga oo ugu baaqay inay shacabka u turaan. Jubbaland ayaa u muuqata inay qaaday dhabihii dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo todobaadyadii ugu dambeeyey dardar-gelisay xukunnada dilka ah ee ay horey u ridday maxkamadda ciidamada qalabka sida, Somalia. The post Jubaland oo dil toogasho ah ku fulisay laba askari appeared first on Caasimada Online.
  6. Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee dowlad Goboleedyada dalka ka jira ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Technologiyada ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoobaxay Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta maamulada ayaa waxaa lagu sheegay in Wasiirka Boostada DF Jaamac Xasan Khaliif uu lumiyey xiriirkii labada heer ee Wasaaraddaha, isla markaana uu kaligiisa qaaday tallaabooyin dhowr ah Wasiirada Boostada maamulada ayaa Wasiir Jaamac ku eedeeyay inuu dhowr jeer baajiyay shirar lagu balansanaa inay labada dhinac ay yeeshaan, si wadashaqeyn loo dhan yahay looga wada yeesho siyaasadaha Isgaarsiinta iyo Technologiyada dalka. Sidoo kale Wasiirada ayaa Qoraalkooda ku xusay in Wasiirka uu si musuq-maasuq ah uu ku maamulayo mashruuca Digital Integration oo World Bank dhawaan bilaabeyso, isla markaana ay ku baxeyso lacag dhan ah 80 Milyan oo dollar. PUNTLAND POST The post Dowlad Goboleedyada oo joojiyay Wada-shaqayntii Wasaarada Isgaarsiinta heer Federaal appeared first on Puntland Post.
  7. Two Democrats who made history last week by becoming the first Somali-Americans to win seats in the state legislature say they are ready to get to work to address significant issues in Maine, such as the affordable housing crisis. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Ganacsatada Muqdisho ayaa shaaciyay inaysan weli waxba iska bedelin lacagihii canshuuraha ahaa ee Al-Shabaab ka qaadi jirtay, xili ay dowladda federaalka Soomaaliya soo saartay go’aan mamnuucaya bixinta lacagahaasi. Ganacsatada xoolaha qaarkood ayaa VOA la wadaagay dukumtiyo muujinaya in lacagihii Khawaarijta ay sidooda uga qaadan, maadama aysan weli jirin qorshe dhab ah oo dowladda ku wajaheyso arrintaan. Ganacsatada la hadashay VOA ayaa sidoo kale shaaciyay in xafiisyo ku yaalla Muqdisho gudaheeda oo qaarkood ku yaalla meelo u dhow Villa Somalia ay Al-Shabaabka lacagta uga qaadaan. “Lacagihii nagala qaadi jiray waxba iskama badalin tan iyo markii dowladda ay sheegtay in la joojiyo lacagaha la siiyo Al-Shabaab. Waxaa dhibaato kala kulana isbaaro u taalla Al-Shabaab deegaanka Buqda ee gobolka Hiiraan, haddii aan warqad ka wadan Dallada Dhoofinta Xoolaha kama gudbi karno isbaaradaas oo 40KM u jirta deegaanka Buulo-Burte,” ayuu yiri Ganacsade codkiisa iyo xogtiisa ay qarisay VOA oo la hadlay. “Neefkii waxay Al-Shabaab ka qaada $10, halka Dallada ay ka qaado $4, taasi oo ku wada qoran waraaqda Dallada ay bixiso. Waxaa intaas dheer lacagaha zakada oo ah $25 sanadkii.” Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay Dallada inay Al-Shabaab ku wargeliso haddii aysan ganacsatada bixin lacagtaas, inkasta oo arruntaas uu beeniyay masuul ka tirsan Dallada oo ay la xiriirtay. VOA. “Wax canshuur ah oo aan ururino Al-Shabaab majirto, waxay Dallada ka diiwaan-gashan tahay Rugta Ganacsiga oo waxaa sharci ka haysana Wasaarada Xoolaha iyo Wasaarada Ganacsiga. Waa waxba kama jiraan waxaasi oo canshuur aan nimankaas u aruurino majirto,” ayuu yiri guddoomiyaha Dallada Dhoofinta Xoolaha. Arrintaan ayaa sii xoojinaysa walaaca laga qabo in Al-Shabaab ay shaatiyo kala duwan u adeegsato qaadista canshuuraha ay ka qaadan Ganacsatada Soomaaliyeed. Sidoo kale waxay kusoo aadeysa xili dowladda federaalka Soomaaliya ay wali wado dadaalo ku dooneyso inay ku joojiso ama ugu yaraan ku dhinto dhaqaalaha ay Al-Shabaab ka qaadaan ganacsatada. Dowladda ayaa hore ugu tilmaamtay lacagaha laga qaado ganacsatada mid baad ah oo dhibaato loogu geysto shacabka Soomaaliyeed, ayada oo ku hanjabtay inay sharciga horgeyn doonto cidda ay ku cadaato arrintaas ee u fududeysa argagixisada. Hoos ka dhageyso warbiixnta VOA https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2022/11/Shabaab.mp3 The post Ganacsatada Muqdisho oo canshuurta Al-Shabaab looga qaado xafiisyo u dhow Villa Somalia (Dhageyso) appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in aysan suurta gal ahayn in la tiro koobo dadka Soomaaliyeed inta kooxda Al-Shabaab ka joogto. Wasiir Mukhtaar ayaa soo jeediyey in kooxda Al-Shabaab laga xoreeyo dalka inta aan la sameyn tira koob ay qorshihiisa wado wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Kulanka uu Mukhtaar Roobow hadalkaan ka sheegay ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana looga arrinsanayey sidii dadka Soomaaliyeed loogu sameyn lahaa tira koob sax ah. Sidoo kale wasiir Mukhtaar Roobow ayaa qiray in tira koob lagu sameeyo dadka Soomaaliyeed ay muhiim u tahay nabad geliyada iyo hiigsiga dowladnimo ee dalka. “Diiwaan gelinta waxaa ka horeysa in ammaanka dalkaan la sugo oo awooda la isugu geeyo, nolol ma jirto ilaa ammaan la helo, kadib ayaa diiwaan gelin howsheeda la geli doonaa,” ayuu yiri. Wasiir Mukhtaar ayaa sheegay in adduun uu aragti aan sax aheyn ka heysto tirada dadka Soomaaliyeed, “Soomaalidu waa dad badan markii la diiwaan geliyana adduunku waa la yaabi doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in wasaaradda diinta ay waajib ku tahay in wax kasta oo la sameynayo ay shareecada waafajiso, “Wax kasta oo la sameynayo waa in la hubo shareecadeena ma waafaqsan tahay, wax kasta oo diinta khilaafsan ma soca doonaan,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow. Hoos ka daawo The post Daawo: Roobow oo ka horyimid arrin la qorsheynayo in Soomaaliya laga sameeyo appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada kulan kula qaatay Sarreeye Guuto Ibraahim Jaabir Ibraahim oo ka tirsan Golaha Sare ee dalka Suudaan. Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Jeneraal Ibraahim farriin iyo dhambaal ku saabsan xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga heer gobol. Jananka ayaa fariintaan ka siday Guddoomiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Cabdulfataax Al-burhaan, iyadoo uu ku bogaadiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed tallaabooyinka wax ku-oolka ah ee ay u qaadeen nabadda, horumarka iyo wadajirka. Sidoo kale, dowladda Suudaan oo haatan ah Guddoonka Urur-Goboleedka Horumarinta Dalalka Bariga Afrika ee IGAD ayaa bogaadisay howlgallada isku-dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku xoreynayaan deegaannada ay dadka ku dhibaateynayaan kooxaha argagixisada ah. Suudaan ayaa ku faantay in door wanaagsan ay ka soo qaadatay dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey wafdigan booqashada qiimaha badan ee ay ku soo gaareen walaalahooda Soomaaliya, waxa uuna uga warbixiyey guulaha muuqda ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sida ay u soo dhaweynayso dowladda Soomaaliyeed dalalka walaalaha iyo saaxiibbada ah ee ka gacan siinaya in Gobolka laga dulqaado argagixisada curyaamisay xasilloonida iyo horumarka,” ayaa lagu yiri qoraal ay Villa Somalia ka soo saartay kulankaas. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo lasoo gaarsiiyey farriin ka timid Cabdifataax Al-burhaan appeared first on Caasimada Online.
  11. Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha ciidanka xooga Dalka Sareeyo Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Midowga Yurub iyo Sarakiil ka socda Xarunta dhexe ee Midowga Yurub. Wasiirka iyo Taliyaha ayaa kala hadlay Safiirka Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca howgallada socda iyo sidii Midowga Yurub ay uga gacan siin lahayeen La dagaallanka Khawaarijta. Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa is dhaafsaday sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo awoodda ciidanka xoogga dalka iyo dagaalka iyo howlgallada ay ciidanku ka wadaan gobollada dalka. Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub kaalinta ay ka qaadato doorka ku aadan taageeridda ay siiyan Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo dhankooda ballanqaday in ay xoojinayaan taageerada ay siinayaan ciidanka. Midowlga Yurub ayaa siyaabo kale duwan waxaa uu taageero u siiyaa ciidanka xoogga dalka, kaas oo ku aadan tabarradooda iyo qarashaadka qeyb kamid ah mushaaraadka ciidanka lagu kabo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta booqday Isbitaalka Milateriga magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo lagu daweynayo qaar ka mid ah dhaawacyadii qaraxyadii ka dhacaya Laamiyaraha Soobe 29 bishii la soo dhaafey ee October. Wasiirka oo ay wehliyeen Ku-Simaha Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, Mudane Axmed Daahir Maxamed iyo mas’uuliyiin kale ayaa warbixino ku saabsan xaaladda bukaannadaasi ka dhageystay dhakhaatiirta Isbitaalka Abu Dhabi Military Hospital. Dhakhaatiirta ayaa Wasiirka u sheegay in dhaawacyada ay si wanaagsan daweynta ugu socoto, isla markaana badankooda xaalkooda ka soo raynayo, waxaana dalkaas la geeyay qaar kamid ah dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaas oo dalka wax looga qaban waayay, iyadoo hadda ay kasoo raynayso xaaladooda caafimaad. Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daud Aweis oo xubin ka ah Guddiga Golaha Wasiirada ee Gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Soobe 2 ayaa dhaawacyada Ilaahay uga baryey inuu siiyo caafimaad buuxa, iyagoo bedqabana uu Ilaahay dib ugu celiyo dalkoodii hooyo, waxaana uu dhakhaatiirta, dowladda iyo shacabka dalka Isutagga Imaaraadka Carabta uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen walaalahooda Soomaaliyeed markii ay Khawaarijta Qaraxyo la beegsadeen dadka shacabka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa maanta heshiis is-afgarad la saxiixday madaxa shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding Mr. JZhuang Liang, kaasi oo ay shirkaddu ku maal galinayso kalluumeysiga dalka. Heshiiska oo ah is-faham laba dhinac leh oo waqtigiisu yahay muddo hal sano ah ayaa ogolaanay in Maraakiibta shirkadda Beijing Chaoliang Holiding (Group) la siiyo ruqsado ay uga kalluumeysato badda Soomaaliya. Heshiiska cusub ayaa dhigaya in shirkadda Beijing Chaoliang Holiding (Group) hirgaliso xarumo lagu hagaajiyo kalluunka dalka, inay maal-galin xoogan ku sameyso wax soo saarka kalluunka Tuunaha, kaasi oo ah kalluun xilliyeed guur-guura ayna wadaagaan dhammaan wadamada ku teedsan biyaha badweynta hindiya. Munaasabadda saxiixa heshiiskan ayaa sidoo kale waxa kasoo qeyb-galay goob joogayaal caalimi ah, khuburo kalluumeysi iyo wakiilada shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding (Group) co.ltd. Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysigu oo halkaasi ka hadlay ayaa xusay in kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka badaha dalkeenu uu ka mid yahay tiirarka ugu horreeya ee qorshaha xukuumadda Dan-Qaran iyo Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud. “Waa in si wadajir ah loola dagaalamo kalluumeysiga sharci darrada ah,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga, isaga oo dhambaal digniin ah u diray dalalka ay maraakiibtoodu sifada sharci darada ah ku soo galaan biyaha dalkeena. The post Sawirro: DF oo saxiixday heshiis kheyraadka badda loogu fasaxay shirkad shisheeye appeared first on Caasimada Online.
  14. Boqortooyada Dalka sacuudi carabiya ayaa iclaamisey in Berrito oo ah Maalin khamiisa “23 Rabiical Akhir 1444” laga tukan doono Labada Xaram “Masjid Al-xaramka Makka & Masjid Al-nebawiga Madiina” Salaada istisqada ama Roob doonta “Rain seeking Prayers”.waxaa sidaas sheegay Imaamka & Khatiibka Guud ee Xaramka Makka Sheikh Sudeysi Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa walaac horleh ka muujiyay gaabiska maalmihii dambe ku yimid dagaalka lagula jiro argagixisada Al-Shabaab. Xildhibaan Macalimuu ayaa sheegay in hakad ku yimaada dagaalka Khawaarijta ay fursad u siineyso dib usoo rogaal celinta argagixisada jabka xoogan lagu gaarsiiyay dagaalka ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka. “Hakad uu galo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxeey siineysaa fursad ay dib isugu urursadaan, kadib jabkii cuslaa ee soo gaaray. Geeso lo’aad kuleylkaa lagu gooyaa!,” ayuu yiri Xildhibaan Macalimuu. Hadalka Macalimuu ayaa imanaya ayada oo la dareemayo in uu hoos u dhac ku yimid dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, kaasi oo markii hore kasoo billowday deegaanada gobolka Hiiraan. Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale maalmihii dambe faarujiyey deegaano iyo magaalooyin ay ka qabsadeen Al-Shabaab, taasi oo dagaalka lagula jiro kooxdan ka dhigeysa mid aan dhamaad laheyn. The post Gaabis ku yimid dagaalkii Al-Shabaab iyo Macallimuu oo war kasoo saaray (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
  16. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ahmed Hassan Aaden ayaa maanta ayaa is afgarad la saxiixday madaxa shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding, Mr. JZhuang Liang. Heshiiskan oo ah isfaham laba dhinac leh, islamarkaana waqtigiisu yahay muddo hal sano ah ayaa lagu sheegay mid shirkadda Beijing Chaoliang Holiding ay ku maalgelinayso Kalluumeysiga Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirkaddu ay dalka ka hirgelinayso xarumo lagu hagaajiyo kalluunka dalka, in ay maalgelin xoogan ku samaynayso wax soosaarka kalluunka Tuunaha. Munaasabadda saxiixa Xaflada heshiiska, waxaa ku sugnaa goob joogayaal caalami ah, khuburo kalluumeysi iyo wakiilada shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding(group) co.ltd. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya iyo shirkad laga leeyahay Shiinaha oo wada saxiixday heshiis kalluumeysi appeared first on Puntland Post.
  17. Markab nooca shidaalka qaada ah oo lala xiriirinayo in uu leeyahay bilyaneer Israa’iili ah ayaa diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ah ku dhufatay gantaal xilli uu marayay xeebaha dalka Cumaan, iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda kala dhaxeysa Iran. Weerarka lagu qaaday markabka shidaalka qaada ee Pacific Zircon oo ka babanaya calanka Liberia ayaa dhacay habeenimadii talaadada meel ka baxsan xeebaha dalka Cumaan, sida uu sheegay sarkaalka difaaca ee fadhigiisu yahay Mideast. Sarkaalka ayaa ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo maadaama aysan amar u haysan in si cad looga hadlo weerarkaan. Hawlgalka Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska, oo ah urur militari oo Biritishka ah oo ku sugan gobolka, ayaa u sheegay warbaahinta in ay ka warqabaan dhacdadaan, waxa ayna xuseen in ay socdaan baaritaanno. Baasifiga Zircon waxaa maamula Singapore Shipping Bari ee Baasifigga, taas oo ah shirkad ugu dambeyntii uu leeyahay bilyaneerka Israel Idan Ofer. Bayaan ay soo saartay, Maraakiibta Bari ee Baasifiga ayaa lagu sheegay in Markabka Baasifiga ee Zircon, oo siday saliid gaas, uu “ku dhacay madfac” meel 150 mayl (240 kiiloomitir) u jirta xeebta Cumaan. “Waan wada xiriirnay markabka, mana jiraan wax war ah oo ku saabsan dhaawac ama wasakh. Dhammaan shaqaalihii markabka waa badqabaan waana la xisaabtamayaa,” ayay tiri shirkaddu. “Waxaa jira dhaawac yar oo soo gaaray qeybta markabka, laakiin ma jiraan wax daadasho ah oo xamuul ah ama biyo soo galay.” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 10-kii November isbeddel ku sameeyey Golaha Dhaqaalaha Qaranka, isaga oo kala diray xubnihii hore islamarkaana magacaabay kuwa cusub. Xubnaha Golaha hore ayaa waxaa ku jiray afar qof oo ajaaniib ah, kuwaas oo hadda lagu beddelay Soomaali, waxaana sagaalka xubnood ee golaha ay dhammaantood iminka ka kooban yihiin Soomaali. Hase yeeshee, wixii ka dambeeyey markii golaha lagu dhowaaqay, waxaa faafay warar aan sal laheyn oo ku saabsan in beelo gaar ah ay u badan yihiin golaha, gaar ahaan beesha madaxweynaha. Sidaa darteed, Caasimada Online ayaa baaritaan ay sameysay ku ogaatay in golaha lagu soo xulay nidaamka awood qeybsiga Soomaalida ee 4.5, islamarkaana aanay jirin qabiilo si gaar ah xubno looga soo xulay. Beelaha Mogadishu Clan, Daarood, Dir iyo Digil iyo Mirifle ayaa la siiyey min laba xubnood, halka beesha shanaad la siiyey hal xubin. Haddaba hoos ka aqriso magacyada iyo beelaha ay kasoo jeedaan xubnaha golaha. 1- Dr. Xasan Aadan Hoosow, La-taliye sare ee madaxweynaha, ahna agaasimaha Guud (Leysaan, Digil iyo Mirifle) 2- Dr. Kamaaludiin Axmed Sheekh, Xubin, (Murusade, Mogadishu Clan) 3- Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Xubin (Shanta Caleemo, Digil iyo Mirifle) 4- Dr. Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed, Xubin (Majeerteen, Darood) 5- Dr. Cabdullaahi Cali Cabdi, Xubin (Biyomaal, Dir) 6- Dr. Maxamed Cusmaan Maxamuud, Xubin (Surre, Dir) 7- Adam Xuseen Rooble, Xubin (Abgaal, Mogadishu Clan) 8- Drs. Maluuka Dheere Sheekh Cabdulqaadir, Xubin (Banaadiri) 9- Nimco Maxamuud Sakal, Xubin (Majeerteen, Daarood) Waxaa sidoo kale xusid mudan in lix ka mid ah sagaalka xubnood ee golaha ay haystaan shahaadada PhD, oo caddeyn u ah in aqoon ay ku yimaadeen, aanu madaxweynaha iska soo xulan dad uu si gaar ah u rabo. The post Aqriso: Beelaha ay kasoo jeedaan 9-ka xubnood ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay kulankii ay xalay yeesheen Golaha Wasiirada, isaga oo boggaadiyey tallaabada ay qaadeen Goluhu. Wasiir Jaamac ayaa marka hore soo dhoweeyey go’aanka Golaha Wasiirada ee ay ku ansixiyeem heshiisyo dhanka milatari oo ay wasaaraddiisu lasoo gaashay dalalka Suudaan iyo Uganda oo dhowaan ku tegay booqashooyin kala duwan, xilli dalka uu ku jiro dagaal. “Waxaan mahad ballaaran u dirayaa golaha wasiirada JFS oo caawa meelmariyay heshiisyo isafgarad ah oo ku saabsan iskaashiga arrimaha difaaca oo ay Wasaaradda Gaashaandhiggu horgeysay golaha sharafta leh” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga. Sidoo kale wuuxuu tilmaamay in heshiisyada la meel mariyey oo lasii marin doono Baarlamaanka ay muhiim u yihiin Soomaaliya, islamarkaana laga faa’idi doono. Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray inay ka go’an tahay dhismaha hay’ado difaac oo tayo sare leh, sida uu hadalka u dhigay. “Heshiisyadan ayaa waxa ay wasaaraddu la kala gashay dowladaha Sudan iyo Uganda. Waxaa naga go’an dhismaha hay’ado difaac oo tayo sare leh” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Cabduqaadir Maxamed Nuur. Heshiisyada la ansixiyey ayaa dhamaantood ku aadan is-kaashiga dhanka Gaashaandhigga, waxaana wasaaraddu ay shaacisay in la waafajiyey dastuurka iyo sharuucda dalka. The post Wasiirka Gaashaandhiga oo boggaadiyey tallaabo ay qaadeen Golaha Wasiirada appeared first on Caasimada Online.
  20. Xafiiska difaacaha xuquuqul insaanka Puntland ayaa heshiis wadashaqeyn la saxiixday Hay’ada Foreensig Sayniska Puntland kaas oo dhigaya ilaalinta xuquuqda aadanaha . Heshiiska ayaa ku saabsanaa xogwadaag xaddidan ee u dhaxeeya Xafiiska Difaacaha Xuququda Aadanaha Puntland iyo Hay’adda Foreensig Sayniska Puntland, waxaana si wadajir ah u wada saxiixay Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Avv. Said Mumin iyo Guddoomiyaha Hay’adda Foreensig Sayniska Puntland mudane #Cabdirashid M. Shire, waxaana sidoo kale heshiiska qayb ka ahaa garyaqaannada iyo saynisyahanada labada Xafiis. Ujeeddada heshiiska ayaa ahayd in la abuuro madal lagu wadaago xog sugan, taasoo u dhaxaysa labada xafiis oo xoojinaysa daah-furnaanta baarista kiisaska ciqaabta ah oo ka dhan`ka ah Xuquuqda Aadanaha, sidoo kale heshiiska ayaa wax tar u leh la socoshada kiisaska maxkamadaha gaaray iyo go’aannada garsoorku ka gaaray. Ugu dambeyn heshiikan wuxu xoojinayaa hellidda baaritaanno ku salaysan caddaallad oo ay helaan darafyada dhibanayaasha iyo eedaysanayaasha baaritaannada maray, isla markaana si wadajir ah xog-tooda u wadaagayaan labada xafiis, wuxuuna kor u qaadaya kalsoonida bulshadu ay ku qabaan baaritaanno caddaalad ah. PUNTLAND POST The post Xafiiska Xuquuq Insaanka iyo Hay’adda Foreensiga Puntland oo heshiis gaaray appeared first on Puntland Post.
  21. Diyaarado drone ah oo sida bambooyin ayaa weerar ku qaaday Markab sida saliid cayriin oo uu leeyahay bilyaneer Israeli ah, meel u dhow xeebaha dalka Cumaan, xilli ay xiisad xooggan Israel kala dhaxeyso Iran. Weerarka lagu qaaday markabka Pacific Zircon, oo sita calanka Liberia, ayaa dhacay habeenkii Talaadada, sida uu sarkaal ciidan oo ku sugan Bariag Dhexe u sheegay wakaaladda wararka AP. Sarkaalka ayaa codsaday inaan la magacaabin sababo la xiriira inaan loo ogoleyn inuu dhacdadan ka hadlo. Ururka Hawlgallada Ganacsiga Badda, oo ah urur ganacsi oo fadhiggiisu yahay UK, islamarkaana la socda dhaq-dhaqaaqa maraakiibta gobolka, ayaa AP u sheegay “Waan ka war haynaa dhacdadan, waana la baarayaa xilligan.” Markabka Pacific Zircon ayaa waxaa maamusha shirkadda Eastern Pacific Shipping ee fadhiggeedu yahay Singapore, waxaana iska leh bilyaneer Israeli ah oo lagu magacaabo Idan Ofer. Shirkadda Eastern Pacific Shipping ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in markabka Pacific Zircon oo siday gaas iyo saliid “lagu dhuftay gantaal” isaga oo maraya meel 240 km u jirta xeebta Cumaan. “Waxaan xiriir la sameynaynaa markabka, mana jiraan warbixino sheegaya dhaawac ama saliid qubatay. Dhammaan shaqaalaha waa badqabaan waana la tiriyey,” ayey tiri shirkadda. “Waxaa jira waxyeello yar oo soo gaartay markabka, balse ma daadan saliidda.” Wakaaladda wararka AP oo wacday safaaradda Israel ee Abu Dhabi looma jawaabin. Sidoo kale xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo wasaaradda difaaca Israel ayaa diiday inay ka hadlaan. Warka ku saabsan weerarka ayaa sare u kac yar ku sameeyey qiimaha saliidda cayriin ee caalamka, wuxuuna gaaray $94 halkii barmiil. Ayada oo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda, ayaa tuhunka weerarka wuxuu durba ku dhacay Iran. Tehran iyo Israel ayaa wxaaa sanado u dhaxeeyey dagaal dadban oo ka socda Bariga Dhexe, ayada oo diyaarado drone ah ay beegsadeen maraakiib ku xiran Israel dhowr goor. Sidoo kale Israel ayaa dhowr mar weerartay bartilmaameedyo Iran oo ku yaalla Syria. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Diyaarado Drone ah oo weeraray markab uu leeyahay bilyaneer Israeli ah appeared first on Puntland Post.