-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
France striker Karim Benzema is out of the 2022 World Cup in Qatar after he sustained a thigh injury in training. Source: Hiiraan Online
-
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Isaaq Maxamuud Mursal ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya,Amb. Mohammed El-Amine Souef. Wasiir ku-xigeenka ayaa ugu hambalyeeyay wakiilka cusub xilka loo magacaabay ee ah Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga (SRCC) iyo Madaxa Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), isagoona u rajeeyay guul muddada uu xafiiska joogo. H.E. Isaaq Mursal, ayaa isagoo ku hadlaya magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya u jooga Nabad Ilaalinta. Wasiir ku xigeenka iyo wakiilka, ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab loo baahan yahay in la sii laba jibaaro, islamarkaana la dardar geliyo sidii guud ahaan dalka looga xorayn lahaa kooxdaas. PUNTLAND POST The post Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhoweeyay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Ethiopia has started exporting electricity to neighboring Kenya following a week of testing of a new transmission line, Ethiopian Electric Power said. Source: Hiiraan Online
-
(CNN) - Former US President Donald Trump’s Twitter account has been reinstated on the platform. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale” ayaa qoraal uu soo saaray shalay ku magacaabay saddax guddoomiye degmo, kuwaasoo dhamaantood ah dhallinyaro aad ugu taageeri jiray baraha bulshada madaxweyne Xasan Sheekh. Guddoomiyaha degmada Boondheere oo horay ay ugu fadhisay Marwo Seynab Yuusuf Wehliye ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Cabdullaahi Cumar “Deeyoo” oo si weyn baraha bulshada looga yaqaan, islamarkaana ka mid ah taageerayaasha Xasan Sheekh. Deeyoo ayaa waxaa aad loogu xusuustaa inuu dagaal weyn ka wadi jiray baraha bulshada xiligii dowladdii Farmaajo iyo kacdoonkii la magac baxay Badbaado Qaran, isaga oo madaxweynaha ka difaaci jiray aflagaadada iyo weerarka CBB-da Farmaajo. Sidoo kale Yuusuf Madaale ayaa magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Waaberi oo laga dhigay Maxamed Sayid Cali, waxaana xilkaasi horay ugu fadhiyay Sugaal Cali Ayaanle. Halka Guddoomiyaha degmada Hodan loo magacaabay Cali Axmed Faarax, waxaana xilkaasi laga qaaday Cabdifitaax Xayir Ciise. Mas’uuliyiintaan cusub ee Madaale magacaabay ayaa dhamaantood ka mid ah dhallinyaradii sida weyn qeybta ugu qaatay dhaliilihii madaxdii hore iyo dowladdii hore, islamarkaana taageerayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble. Baraha bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa magacaabista guddoomiyaha cusub ee Boondheere, Maxamed Deeyoo oo taageerayaal badan ku leh Facebook, kaasoo ku caan baxay dhaliilaha madaxweynihii hore, wuxuuna bartiisa Facebook saacado ka hor sawirka Agaasimaha cusub ee NISA Mahad Salaad oo geel guddoon siinaya ciidamadii Badbaado Qaran ee Farmaajo la dagaalamay, sawirkaasi oo uu ku muujinaayo in maanta qasriga dalka uu ka talinaayo nin shan sano ka hor jidadka laga xirtay, waa sida uu hadalka u dhigay, taasoo macnaheedu yahay in nin walba uu hadda guranaayo mirihii halgankiisa. The post Madaale oo abaal-mariyey taageerayaasha XASAN appeared first on Caasimada Online.
-
sidee dalkan yar ee Qatar uga mid noqday wadamada ugu qanisan caalamka? Magaalada Doxa ee caasimadda Qadar, waxaa soo baxayay sanadkan 2022 muuqaallo xiiso leh oo isugu jira garoomo, waddooyiin iyo dhismooyiin qurux badan. Tan iyo markii dalka Qadar ay ku guuleysteen martigalinta Koobka Kubadda Cagta Adduunka, waxaa isa soo tarayay muuqaalada xiisaha leh ee ka imanaya dalkan yar. Qarni ka hor, 1922, dalkan yar ee Khaliijka oo ay ku nool yihiin saddex milyan islamarkana dhulka uu ku fadhiyo uu dhan yahay 12,000 oo kilomitir oo laba jibbaaran wuxuu ahaa dhul lama deggaan ah, . Waxaa dalka Qadar dadka ku nool ay ahaayeen kalluumaysato iyo reer guuraa ka yimid saxaraha fog ee badda Carabta. Dad yar oo dad’dooda ay 90 jir tahay ayaa maanta xasuusan kara duruufihii dhaqaale ee adkaa ee ay ku noolaayeen 1930-kii iyo 1940-meeyadii, waxaa dadka dalka Qadar ay shaqo u raadsan jireen meelo kale sida Japan. Qarnigaas, Qadar waxay lumisay ilaa 30% dadkeedii ka tagay si ay fursado dibadda ah u raadsadaan. Toban sano ka dib, 1950, waxay lahayd dad aan ka badnayn 24,000 sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Laakiin wakhtigaas dhaqaalaha Qadar waxa uu ku jiray xilli isbedel uu ku socday. Waxay heshay wax lagu tilmaamay mucjiso, taasi oo ahayd markii la helay kaydka shidaal ee ugu weyn adduunka. Hadda Qatar waxay leedahay dhismayaal dhaadheer iyo kuwo waaweyn oo aad u qurux badan, jasiirado macmal ah iyo garoomo kubbadda cagta oo casri ah. hadaba waxaan halkan idinkula wadaagaynaa oo aan falanqeyneynaa seddex isbedel. 1. Helitaanka Shidaalka Qadar markii ay heshay dahabkeeda madow, (Shidaalka) weli ma noqon qaran madax-banaan, waxayna ku jirtay gacanta Ingiriiska, oo qabsaday dhulkaas 1916-kii. Sahan dhawr sano ah ka dib, kaydkii ugu horreeyay ee shidaal ayaa laga helay gobolka Dukhan 1939-kii, oo ku taal xeebta galbeed ee dalka oo 80 kiiloomitir u jirta Doha. Waxay ay Qadar soo jiidatay warshadaha , halka maalgashadayaasha ay bilaabeen inay yimaadaan Qadar, halkaasi oo koriinka dalka uu ka bilaabmay. Sannadkii 1950-kii Qadar waxa degganaa in ka yar 25,000 laakiin 1970kii waxa ku noolaa in ka badan 100,000 oo qof. Waddankii dadkiisu ku tiirsanaayeen kalluumaysiga 1970-kii Qadar waxaa u bilaabmay in uu kobco wax soo saarka guud (GDP) oo gaaray in ka badan 300 milyan oo doolarka Mareykanka ah. Sanad ka dib, Qadar ayaa lagu dhawaaqay in ay tahay waddan madax-bannaan ka dib markii ay isga baxeen Ingiriiska. Waa cusub ayaa u baryay kaasi oo isna la yimid hal-abuur labaad oo dalkan qani ka dhigay. Helitaanka Gaaska dabiiciga ah Intii lagu guda jiray sahanka, 1971 injineeradu waxay heleen kayd gaas ah oo ku yaal dhanka waqooyi, ee xeebta Qadar. Shirkadda Qatargas, oo soo saarta gaaska dabiciga ah ee adduunka – ayaa ka mdi ah qaybaha ugu muhiimsan ee gacan ka geystay kobaca dhaqaalaha Qadar. Laakiin si la mid ah Shidaalka, faa’iidada weyn ee iibka gaaska ayaa si tartiib tartiib ah u kordheysay tan iyo xilligaasi. Kacaankii 1995 ka dhacay ee Boqortooyada Kobaca dhaqaale ee Qadar wuxuu kor u kacay bilawgii qarnigii 21aad. Intii u dhaxaysay 2003 iyo 2004, Waxsoosaarka Guud ee Gudaha, wuxuu sare u kacay 3.7% ilaa 19.2%. Laba sano ka dib, 2006, dhaqaaluhu wuxuu kordhay 26.2%. Kobaca dhaqaalaha waxaa saldhig u ahaa xasiloonida Qadar sanadihii la soo dhaafay. Dib-u-habayntan dhaqaale waxay dhacday ka dib markii Hamad bin Khalifa al Thani, oo ah aabaha amiirka hadda ee Tamim bin Hamad Al Thani, uu xukunka la wareegay 1995-tii, taas oo dadka qaar u ahayd dhacdo adag, sababtoo ah sida ay u dhacday. Wax soo saarka guud ee dalka Qadar wuxuu ahaa $61,276 sanadka 2020. Haddii aan sidoo kale eegno arrinta awoodda wax iibsiga, waxaa uu gaaray $ 93,521 sida uu sheegay Bangiga Adduunka, taasi oo ah heerka ugu sarreeya adduunka. Intaa waxaa dheer, dalka Qadar ayaa bixiya mushahar sare, iyo sidoo dalka oo leh waxbarasho wanaagsan iyo nidaamyada caafimaad oo aad u horumarsan. Caqabadda dhaqaala ee la soo darsay Qadar Si kastaba ha ahaatee, kobaca wanaagsan ee dhaqaalaha Qadar ayaa waxaa la soo gudboonaaday caqabado sanadihii ugu dambeeyay. Waxa ka mid caqabadaha ay la kulmi doonto mustaqbalka, arrinta tamarta shidaalka, oo laga digay saameynta ay keentay gaar ahaan saamaynta ay ku leedahay isbeddelka cimilada. Waxaa intaa dheer , cunaqabateynta ay Qadar ku soo rogeen intii u dhaxeysay 2017 iyo 2021 Sacuudi Carabiya, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar ka dib xurguf diblomaasiyadeed oo dhexmartay. Cunaqabateyntaasi waxaa ay banaanka soo dhigtay awoodda iyo adkeysiga dhaqaalaha Qadar. Dhaqaalaha Qatar ayaa imika muuqda ka dib markii ay in ka badan 200,000 oo milyan oo dollar oo ay ku maal-gelisay Koobka Adduunka,. Waana lacagtii ugu badnayd ee ku baxda koobka aduunka waxaana lacagtan loo isticmaalay – dhismaha 8 garoon, garoon diyaaradeed, iyo waddooyiin. Su’aalaha ay dad badan oo caalamka ah is weydiinayaan ayaa waxaa ka mid ah sida loo soo agaasimay ciyaaraha, iyadoo ay jiraan cabashooyin ka imaanaya hay’adaha xuquuqul insaanka oo ku aaddan xaaladda shaqaalaha ku howlan dhismaha oo intooda badan ka yimid dalal ay ka mid yihiin Nepal, India iyo Bangladesh. Waxaa sidoo kale jira, eedeymo musuqmaasuq iyo laaluush ah oo ka dhan ah Qadar iyo xiriirka caalamiga ah ee kubada cagta (FIFA) markii la soo xulayay dalka martigalinaya Koobka aduunka 2010. Marka laga soo tago eedeymahaas, waxaa cad in tani ay ka badan tahay Koobka Adduunka ee dal yar oo waqti yar gudaheed qani ku noqday, haatanna doonaya in uu muujiyo kaalintiisa ah in uu yahay juqraafi ahaan dal muhiim oo hormarsan. Qaran News
-
Booliska Puntland ayaa ka hadlay howlgal ka dhacay Garoowe oo lagu qaaday rag hubaysan oo la sheegay in ay ka ganacsanayeen maandooriyaha khamriga. Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada amniga ay caawa howlgal qorsheysan ku qaadeen koox cabtooy ah oo qeyb ka ahaa kooxo muddooyinkii la soo dhaafay amni daro ku hayay ammaanka magaalo madaxda Puntland ee Garoowe. Hawlgalka waxaa lagu qabtay saddex ka tirsan kooxaha cabtooyda oo labo ka mid ah dhaawacyo soo gaareen, hub iyo gaari khamri lagu waday, sida uu sheegay Booliska. Sidoo kale hawlgalka waxaa ku dhaawacmay qof rayid ah oo haweenay ah iyo askari ka tirsan ciidamada Booliska, waxaana iminka lagu dabiibayaa qaar ka mid ah goobaha caafimaadka magaalada Garoowe. Booliska Puntland wuxuu sheegay in howlgallada noocaan ah ay si xiriir ah habeen iyo maalin uga socon doonaan magaalada Garoowe inta laga soo afjarayo cid kasta oo ku lug leh falalka amni darro iyo ganacsiga daroogada. PUNTLAND POST The post Booliska Puntland oo ka hadlay howlgal ka dhacay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Perhaps you are aware of the current political tension in Somaliland where the opposition parties have rejected President Muse Bihi’s term extension. Source: Hiiraan Online
-
As Al-Shabaab and Islamic State expand in Somalia, a growing artisanal gold mining practice has become a key target for their Zakaawat (taxation) operations in Northeastern Somalia. Thousands of Artisanal miners in the Golis mountains population center of Milxo have become their target for a new revenue stream, creating armed conflict in the area. Since early 2008, the Golis mountain ranges have been an area of insurgency featuring the Puntland State Government of Somalia and the Al Qaeda affiliate, Harakatul Shabaab Mujahideen (HSM), commonly known as Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
-
Somali media group concerned about alleged government moves
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MOGADISHU, SOMALIA — A media watchdog in Somalia says the government is pressuring one of its leaders to stop criticizing authorities. Source: Hiiraan Online -
MOGADISHU (Xinhua) -- Somali National Army (SNA) said its forces foiled an attack in the capital, Mogadishu early Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar galinaya howlgalada dalka socda ee ka dhanka ah Al-shabaab ayaa gaaray magaalada Baxdo ee gobolka Galguduud oo ka mid ah deeganada laf dhabarta u ah halganka socda ee ka dhanka ah, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Wasiirro, Xildhibaanno iyo shacabka deegaanka. Madaxweynaha jamhuuriyadda oo boqolaalka ka mid ah bulshada magaalada Baxdo kula hadlay fagaaraha Masjika Al-nuur oo ah saldhigga halganka diiniga ah ee hortagga figirka guracan iyo gumaadka Khawaarijta Al-shabaab ayaa ku bogaadiyay sida naf hurnimada ah ee ay ugu guntadeen difaaca dhulkooda, waxa uuna adkeeyay muhiimadda in waqti kooban lagu xoreeyo deegaanada Galmudug. Madaxweynaha oo xusay geesinimada iyo nafhurnimada ay muujiyeen bulshada magaalada Baxdo ayaa tilmaamay in dowladdu ay diyaarisay qorshe adeegyada dowladnimada lagu gaarsiinayo dagmooyinka dadkoodu iska dulqaadeen Al-shabaab, iyadoo la xasuusto in deegaanka lagu dilay 72 ka tirsan Al-shabaab sida ay sheegeen dadka deegaanka oo dagaal kula galay degmada iyagoo taageero ka helaya ciidanka xoogga dalka. “Dadka ree Baxdo, waqti munaasib ah ayeey qaateen go’aan dhaxal gal ah, kaasi oo horseeday in maanta ay si nabad iyo xorriyad ah ugu noolaadaan deegaankooda iyaga oo aan cabsi ka qabin amarada qaldan iyo addoonsiga Khawaarijta isla markaana difaacday naftooda, maalkooda, sharafkooda iyo diintooda. Geeddiga dabar goynta Khawaarijtu waa billowday, waa in aan dhaqso ku rumeyno riyada halyeeyadii naga shahiiday iyaga oo difaacaya deegaankan oo aan cadowga uga daba tagno meelaha uu weli ku dhibaateynayo dadkeenna.” ayuu yiri xilli uu la hadlayay bulshada degmada Baxdo. Madaxweynaha oo sii wata kormeerkiisa abaabulka dagaalka oo kormeeraya fariisimaha ciidanka ayaa waxaa uu safarkiisa ugu ambabaxay magaalada Wisil ee gobolka Mudug, waxaana madaxweynuhu ugu baaqay shacabka Galmudug in ay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta u baxay kormeer uu ku tegayo furimaha dagaalka ayaa gaaray magaalada Baxdo ee gobolka Galguduud oo kamid ah deegaanada laf dhabarta u ah halganka socda ee ka dhanka ah Argagixisada. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Wasiirro, Xildhibaanno iyo shacabka deegaanka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal kamid ah bulshada magaalada Baxdo kula hadlay fagaaraha Masjika Al-Nuur oo ah saldhiga halganka diiniga ah ee ka hortaga fikirka guracan iyo gumaadka Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku bogaadiyay sida naf hurnimada ah ee ay ugu guntadeen difaaca dhulkooda. Waxa uu ku adkeeyay madaxweynuhu muhiimada in waqti kooban lagu xoreeyo deegaanada Galmudug ee ku haray gacanta cadowga, isaga oo xusayna geesinimada iyo nafhurnimada ay muujiyeen bulshada magaalada Baxdo. “Dadka ree Baxdo, waqti munaasib ah ayeey qaateen go’aan dhaxal gal ah, kaasi oo horseeday in maanta ay si nabad iyo xorriyad ah ugu noolaadaan deegaankooda iyaga oo aan cabsi ka qabin amarada qaldan iyo addoonsiga Khawaarijta isla markaana difaacday naftooda, maalkooda, sharafkooda iyo diintooda.” Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladdu ay diyaarisay qorshe adeegyada dowladnimada lagu gaarsiinayo dagmooyinka dadkoodu iska dulqaadeen heeryada Argagixisada. “Geeddiga dabar-goynta Khawaarijtu waa billowday, waa in aan dhaqso ku rumeyno riyada halyeeyadii naga shahiiday iyaga oo difaacaya deegaankan oo aan cadowga uga daba tagno meelaha uu weli ku dhibaateynayo dadkeenna.” Madaxweynaha oo sii wata kormeerkiisa abaabulka dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab ayaa u safray magaalada Wisil ee gobolka Mudug, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada. The post Sawirro: Muxuu madaxweyne Xasan kaga dhowaaqay BAXDO? appeared first on Caasimada Online.
-
Muddo fog oo aan yarayn ayaan ku fooganaa weyddiinta ah xiriir noocee ah ayaa ka dhexeeya dhaqanka iyo horumarka. Sida labada erey ka muuqato ereyga ‘Horumar’ waxa uu tilmaamayaa qof ama bulsho meel taagnayd ka dibna ka aag bedelatay ama isbedel ku samaysay oo tilaab togan hore u qaaday. Halka ereyga ‘Dhaqan’ uu muujinayo caado ay bulshaddu leedahay oo mararka qaar noqon kara ab’ogaa. Erayga dhaqan luuqadda ingiriisiga waxa uu ku noqonayaa ‘culture’ asalka eraygani waxa uu ka soo jeedaa eray laatiini ah, oo la dhaho “colore”, eraygaas oo macnihiisu yahay ‘beerid.” Beerta marka laga waramayo waxa ay martaa maraaxil kala duwan, midaas oo kale ayuu dhaqankuna maraa maraaxil lamida midda beerta. Dhaqanku waa abuurmaa, koraa, cudud iyo awoodna yeeshaa, ka dibna abaadaa oo hagaasamaa sida uu sheegay Mufakirkii weynaa ee Maalik Ibnu Nabi. Dhaqanku waxa uu leeyahay wax yaabo uu ka askumo ama uu ka abuurmo, waxaana la xusaa inay jiraan labo arrimood oo isla falgalay inuu dhaqanku ka abuurmo, waa midda koowaade; deeggaanka (dhulka), ay bulshaddu ku nooshahay; labo, is-maamulka bulshadda. Labadaan arrimood ayaa qaabeeya nooca dhaqan ee ay bulshadu yeelanayso, deeggaanku waxa uu saameyn ku leeyahay bulshada, is-maamulkuna waxa uu door weyn ku yeelanayaa, nooca dhaqan ee ay bulshadu qaadanayso. Dhaqanku waxa uu leeyahay qeexitaano kala duwan cid walbana waxa jira si ay u qeexdo; tusaale ahaan, Elman Service oo ah Khabiir Mareykan ah oo ku takhasusay cilmiga isir-raaca basharka kawarama ee loo yaqaano (anthropology), marka uu dhaqanka qeexayo waxa uu ku qeexaa; ” Nidaam nololeed ay bulsho leedahay ama kooxi kuwada xidhiidhaan, ama wadaagaan. Nidaamkaasi waxa uu ka kooban yahay tiirar kala duwan, tiir walbina waxa uu leeyahay kaalin ka duwan midka kale, tiirarkaas waxa kamida; caadooyinka, diinta, lebiska, cuntadda, luuqada, suuggaanta iwm. Sida oo kale qolyaha cilmiga bulshadda kawarama (Sociology), dhaqanka marka ay qeexayaan waxa ay ku qeexaan “deegaanka aan dabiiciga ahayn ee aadamuhu uu ku noolyahay.” Dhinaca kale, Qaammuuska afka Soomaaliga ee ay qoreen Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur, wuxuu kelmeda ‘dhaqan’ ku macneeyey: “Isu geynta nolosha maaddiga, ruuxiga, iyo bulsho ee ay ummadi leedahay, soona maray isbedello taariikheed, kaas oo ka kooban fikrado, caadooyin, fan, farshaxan ay [samaysteen] ama ay wadaagaan mujtamac gaar ahi.” Dhaqanku wuxuu kaalin weyn ka qaataa midnimadda iyo isku soo dhawaanshaha bulshadda. Dhaqanku waxa uu ka kooban yahay labbo waxyaabood, oo isutagay, kow; waxyaabaha ay bulshaddu qiimeyso (values), labo; caadooyinka soo jireenka ah ee ay bulshadu qadariso (norms), labbadan ayaa sal gooya ama gundhig u ah dhaqanka ummadeed. Bulsho walba oo dunida ku nool, waxa ay leedahay dhaqan u gaar ah oo ay kaga duwan tahay ummadaha inteeda kale. Dhaqanku waxa uu saamayn ku leeyahay horumarka iyo ilbaxnimadda bulsho, sida oo kale waxa uu caqabad ku noqdaa xasilloonidda iyo wada-noolaanshiyaha bulshadda, dhaqamadu way isbedelaan had iyo goorna waxa uu ku xiran yahay is-bedelkoodu, duruufta dhaqaale iyo mida deeggaan ee bulshadda ka jirta, sida uu sheegay Kenneth J. Guest oo ah xeeldheere ku takhasusay cilmiyadda kala ah (Sociology & Anthropology). Sidaa awgeed, bulsho walba oo horumartay waxa la xusaa in horumarkooda koowaad uu ka bilaabmo, marka dib u eegid iyo horumarin lagu sameeyo nooca dhaqan ee ay bulshadu leedahay. Dhanka kale waxa jira su’aal ay is-weydiiyaan culimadda cilmiga bulshadda (sociology) midaas oo u dhigan sidatan; ma jiraa dhaqan ka wanaagsan, dhaqan kale. Su’aasha jawaabteedu waxa ay noqotay; Haa; dhaqan walba oo oggol in horumar iyo wax ka bedel lagu sameeyo, wuu ka wanaagsan yahay dhaqanka aan diyaarka u ahayn, in isbedel lagu sameeyo. Xidhiidh aad u dhumuc wayn ayaa ka dhexeeya dhaqanka iyo horumarka; ummad walba oo dib dhacda, waxa loo sababeeyaa inta badan dhaqanka ad-adag ee aan ogolayn in la horumariyo. Dhaqanka oo isbedel lagu sameeyo waxa lagu tilmaamaa waddada horumarka iyo ilbaxnimadda, tusaale ahaan; waddanka Shiinaha waxa ka dhacay kacaan isbeddel dhaqan midkaas oo ay taariikhyahannadu ugu yeeraan; kacaankii isbeddel dhaqan ee Shiinaha (China cultural revolution), inta aysan dhicin tawraddan, waddanka Shiinaha waxa ka jirey dhaqan xirxiran oo aan oggolayn in lagu sameeyo wax isbeddel iyo horumarin ah, midkaas oo sababay in la damco dhulkooda, dhaqaalahooda iyo siyaasaddooda. Horumarka iyo ilbaxnimadda maanta laga arko, dhulweynaha Shiinaha waxa ay inta badan taariikhyahanadu u sababeeyaan in ay salka ku hayso, markii dib-u eegis iyo wax ka beddel lagu sameeyey dhaqankii silloonaa ee ay haysteen, bulshada Shiinuhu. Dhaqanka la rabbo in wax ka bedel iyo horumarin lagu sameeyo waa midka silloon (xun), ee ay bulshaddu leedahay. Tusaale ahaan midka Soomalidda oo kale; midkaa oo ku suntan, is-yasid, eex, cadaaladdarro, fawdo, qabyaaladd, nin jeclaysi, boob, iwm. Midkan oo kale weeye kan la rabbo in wax laga bedelo. Maalik Ibn Nabi buuggiisa (شروط النهضة), horumarka marka uu kawaramayo, waxayabaha horumarka kamida, salna u ah; waxa uu ku tilmaamay in dhaqanka bulshadu haysato isbeddel lagu sameeyo. Ibn Khalduun buuggiisa “Muqadima”, marka uu ka sheekaynayo, meelaha u baahan in horumar laga sameeyo waxa uu ku daray “dhaqanka ay bulshadu leedahay.” Sidoo kale burburka dawladnimadda waxa uu calaamad uga dhigay “dhaqanka bulshaddu leedahay oo xumaadda.” Cali Shariicati waxa uu ku tagay in “dhaqanka silloon ee ay bulshadu leedahay labeddelo.” Cabdiwahaab Masiiri, waxa uu ku doodaa; in dhaqanka midkiisa xun labefdelo, Sooyaalka bulshadana la dhawro. Dhanka kale; Daniel Etounga wuxuu ku sheegay maqaal uu ku qorey buugga “culture matters”, in Afrika u baahan tahay kacaan isbeddel dhaqan oo taabanaya, afar meelood, kow; waxbarashada, labo; siyaasadda, saddex; dhaqaalaha, afar; nolosha ummadda. Qoraa Maxamad Afrax isana waxa uu ku doodaa in qaranimo aysan Soomaaliya ku soo noqonayn illaa laga helo mooyaanne ” dhaq-dhaqaaq maskax furan. Buugga ‘culture matter; How values shape human progress’ Ee ay wada qoreen, L. Harrison iyo S. Huntington, waxay ku sheeggeen in; sababta koowaad iyo tan labaad ee horumarka iyo burburka keentaa ay tahay dhaqanka bulsho leedahay oo isbeddela.” Sh. Mustafe wuxuu qabaa in; horumarka bulsho uu ka bilaabmo kacaan isbaddel dhaqan (cultural revolution). Quraanku marka uu ka waramayo horumarka waxa uu xusay wax uu ugu yeeray [isbaddel / التغيُر] isbaddelka waxa ka mid ah dhaqanka silloon (xun), ee ay nafta qofka iyo midda bulshadu leedahay ba la baddelo. [إِنَّ اللّهَ لاَ يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّى يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنْفُسِهِمْ]. Haddaba dhaqanka Soomaliyeed waxa uu caqabad ku yahay horumarka iyo dhismaha nidaamka dawladnimo ee tooska ah (formal institution). Dhaqanka ay bulshadda Soomaliyeed leeyahay waa mid ku salaysan reernimo. Nidaamka reeruhuna waxa uu u dhisan yahay sidii dawlad gaar ah, oo leh awood dawladnimo, sida uu sheegay Qoraa sarre Cabdiqaadir Oromo; tusaale ahaan: Ugaasku waxa uu ahaa Madaxweyne, Cuqaashu waxay ahaayeen Wasiiro, gaashaan qaadku waxay ahaayeen milateri, Haweenku waxay ahaayeen wax-soosaar, Culumadu waxay ahaayeen Maxaakiim, Calanka reerku waxa uu ahaa sumadda geela. Nidaam sidan u taxan oo hadana kala hooseeya kalana sareeyaa ayuu ahaa is-maamulka qabiilka Soomaaliyeed. Nidaamka noocan ahi waxa uu caqabad ku yahay qaranimada la rabo in laga askumo, geyiga ay Soomaalidu degto; tusaale ahaan, aqoon-yahan, cilmi-baare, suugaan-dhaadhi, dhaqan-yaqaan—Rashiid Sheekh Cabdillaahi “Gadhweyne” waxa uu mareegta Wardheer-news, ku faafiyey taariikhdu marka ay ahayd, Nofember 18, 2015. Maqaal uu ugu magacdaray “Qabiil iyo Qaran Waa Labo aan israacin, Saamaynta Taban ee Dhaqanka Qabiilku ku leeyahay Qaranka.” Rashiid waxa uu si cilmiyeysan oo uu ruux walba fahmi karo, u soo gudbinayaa in dhaqanka qabiilka ku salaysan iyo nidaamka dawladnimadda casriga ahi ay yihiin labbo shay oon is qaadan karin, waxa uuna xusay in haddii qaran la rabbo, laga tago nidaamka qabaliga ah ee ay Soomali ka dhigatay muqadaska, waxa kale oo uu sheegay, in haddii la rabbo in lagu noolaado; noloshii baadiyaha ee uu ku tilmaamay Thomas Hobbes, xaalad dabiiciya (state of nature), in laga tago nimaadka dawladnimada casriga ah. Rashiid Sheekh Cabdillaahi, waxa uu tilmaamay in dhaqanka Soomaliyeed, uu yahay mid taageera qabiilka awoodda badan. Waa dhaqan ku salaysan midab-takoor, waa dhaqan dulmiya dadka tiradda yar, waa dhaqan caruurta iyo haweenka isku si u arka; waxaadna ka garan kartaa maahmaahyadda ay Soomaalidu ku liido haweenka, waxana kamida mid oranaysa; “dumar waa caruur cag weyn.” Waa dhaqan laysu tixgaliyo sida loo kala awood iyo dad badan yahay, waa dhaqan qofka wax booba, dhaca, dila, loo yaqaan geesi, fariid iwm. Waa dhaqan qofka dambi gala lagu koobo dhammaan reerka uu qofku ka dhashay, waa dhaqan aan kala soocin, qofka dambiga galay iyo reerka!. Waa dhaqan qofku cidda uu ku kalsoonyahay ay tahay, qabiilka uu ka dhashay, waa dhaqan dhiirigaliya dagaalka iyo gacan ka hadalka waxaana kuu muujinaya maahmaahyadooda mid kamida oo tiraahda; “nabadi wax ku ma yeeshee colaad u toog hay” Waxay ku maahmaaheen: “dagaal gondahaaguu ka dhashaa.” Waxay ina tusaysaa sida fudud ee dagaalku uga dhex dhici jirey bulshadda Soomaliyeed. Dhaqanka Soomaalidu waxa uu ceeb u yaqanaa ashkatadda iyo inuu qofku cawdo, waxa uuna ku oranaya ruuxa Soomaaliga ahi “miyaan ka baqayaa.” Waa dhaqan aan kala sooci kareyn ashkatada iyo baqdinta, waa dhaqan xooggu yahay shayga kaliya ee laysku qiimeeyo tixgalintana leh, tusaale waxaad maqashay maahmaah oranaysan; “buur ahaw ama buur ku tiir sanow” ama “Gobonnimo xoogga ayey saarrayd, xoog la’aantii waa lagu gumoomayaa.” Waa dhaqan lamidda midka ka jira kaynta, oo kaynta waxa noolaan kara uun ruuxa, awoodd leh. Waa sidan oo kale dhaqanka Soomaaliddu, qofka qabiil xoog leh ka dhashay ayaa noolaan kara, waayo? Qabiilka xooggale nidaamka dawladnimo ee Soomaliya ka jira ma qabto, tusaale ahaan; marka qof la xiro, waxa aad maqlaysaa dadku iyagoo leh, maxaa loo xirey hebel miyuusan qabiil ka dhalan, malaha qabiil yar buu ka dhasahay iwm. Hadalkan inta badan waad ka maqashay baraha bulshadda iyo goobaha ay dad weynuhu ku kulmaan, waa hadal tilmaamaya in qofka reer awood leh ka dashay uusan xeerku qaban karin. Dhaqan Soomaaligu waa mid aan sharciga tixgalin, dhiirigaliyana gacan ka hadalka iyo dagaalka waxana cadaynaya maahmaahda oranaysa; “nimaan shantaadu kaa reebin, sharci kaama reebo.” Gunaanadkii haddii la rabo, nidaam dawladnimo oo qurux badan in uu geyigga ay Soomaali degto ka hana qaado, waa in wax ka beddel iyo dib u eegis lagu sameeyaa waxyaabaha silloon, ee ku jira dhaqanka Soomaaliyeed. Midna in la oggsoonaado waa muhiim, nidaamka qabaliga ah ee ay Soomaalidu leedahay iyo nidaamka dawladnimo ee dunida ka jira waa labbo shay oon is qaadan karin, waxana tusaale kuugu filan, dawladda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, oo wali nidaamka xisbiyadda badan (political parties system) uu yahay mid ku salaysan, hab qabiil. Waana halka horumarka Somaliland ka hana qaadi la’yahay. Sidoo kale cilmi baaris ay samaysay, xarunta akaademiyadda nabadda iyo horumarka ee ka hawl gasha geyiga Somaliland ee loo soo gaabiyo (APD), waxa ay sheegtay in dhaqanka Soomaliyeed uu yahay caqabada hortaagan horumarka dawladnimo ee Somaliland. Ba’eenu waa dhaqankeena!. WQ/ Abshir Maxamed Tifow Warbixintan kama turjumeyso aragtida Goobjoog News, waxa ay gaar u tahay qoraaga ku saxiixan. Source: goobjoog.com
-
Dambi baarayaasha dowladda Maraykanka ayaa xabsiga u taxabaay Yuusuf Cabdi Cali oo kamid ahaa saraakiishii ciidamada xoogga ee dowladda Kacaanka. Yuusuf oo ku magic dheeraa Tuke ayaa xabsiga loo taxaabay ayadoo lagu eedeyay in uu ka qayb galay tacadiyo ka baxsan xuquuqda aadanaha oo ka dhacay gudaha Soomaaliya intii lagu gudajiray 1980-meeyadii. Tukeh waxa uu ahaa Taliyaha Guutada Shanaad ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya (Somaliland), intii u dhaxeysay qiyaastii May 1987 ilaa Luulyo 1988-kii ee dowladddii Maxamed Siyaad Barre. “Iyadoo qabashada Yuusuf Cabdi Cali aysan soo celin karin dhibaatooyinkii uu geystay, haddana waxaan rajeynayaa inaan aragno isagoo ka jawaabaya kaalintii muuqatay ee uu ku lahaa dambiyadaas foosha xun, ayuu yiri Derek W. Gordon, oo ah ku-simaha ergeyga gaarka ah ee hay’adda amniga gudaha Maraykanka. Gaashaanle Yuusuf Cabdi Cali Tuke ayaa daganaa gobalka Virgina ee dalka Maraykanka, waxaana sanadkii 2019-kii lagu xukumay in uu bixiyo $500,000 dolar, taas oo uu magdhaw ahaan u siinayo Farxaan Maxamuud Warfaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta dib uga qaaday xayiraada socdaal ee ay hore u saartay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macallin Xasan. Qoraal kasoo baxay Maxkamadda gobolka Banaadir oo ku socday Taliyaha Saldhiga Booliska Garoonka Aadan Cadde iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa waxay ku sheegtay in maareyaha uu horyimid oo uu la wadaagay warbixintii ay ka dooneysay. Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay fulinta go’aankii kiiska hore loogu haystay Mareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, kaasi oo la xiriiray gal dacwadeed ay kasoo gudbisay gabar lagu magacaabo Fatxi Xasan Daahir. “Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waa inay siiso Fatxi mushaarkii ka baaqday 1-January-2021 illaa 1-September-2022, oo gaaraya marka laga jaro canshuurta $50,033.4 (Konton kun, sodon & sadex iyo afar sinti oo doolar) ayna sii wado bixinta mushaarkeeda saafiga ah oo dhan $2,051.67 (Laba kun, konton iyo kow & lixdan iyo toddobo sinti oo doolar) illaa ay ka helayso gunada guddiga maamulka hay’adda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Maxkamadda gobolka Banaadir. Waxa sidoo kale lagu yiri qoraalka “Markay Maxkamadda aragtay in Mareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed uu horyimid maanta oo ay taariikhdu ahay 19/11/2022 una hogaansamay uyeerista Maxkmadda, lana wadaagay warbixintii ay ka dooneysay. Sidaas darteed waxaa la farayaa Taliyaha Saldhiga Booliska garoonka Aadan Cadde iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha in aad ka qaadan xayiraada safar ka joojin Axmed Macalin Xasan – Mareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.” Saddex maalmood ka hor unbey aheyd markii ay Maxkamadda gobolka Banaadir ay soo saartay go’aanka xayiraada socdaal ee Axmed Macalin, kaasi oo taliyaha Taliyaha Saldhigga Boliiska Garoonka Aadan Cadde iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka lagu faray in maareeyaha aanu ka dhoofi karin garoonka Aadan Cadde. Hoos ka arag warqadda kasoo baxday maxkamadda The post Maxkamadda G/B oo go’aan cusub kasoo saartay kiiska Maareeyaha Hay’ada Duulista appeared first on Caasimada Online.
-
Xaquuq-da sharci talow ma guddida fulinta ee Xisbiga Kulmiye ayaa bixisa? Guddida Falinta ee xisbiga Kulmiye oo saaka shir deg deg ah iskugu yimid isla markaana uu gudoomiyey Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku dhawaaqey go,aamo ka dhan ah xisbiyada qaranka . Guddida fulinta Kulmiye waxaa ay ku dhawaaqeen in xisbiyada mucaaridku aaney gabi ahaan-ba dalka ku laheyn wax xaquuq sharci ah . Qaran News
