Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya ay galeen degmada Aadan Yabaal, kadib maalmo ay ku sugnaayeen banaanka magaalada. Mid ka mid ah mas’uuliyiinta degaanka, oo ah guddoomiyaha degmada Maxaas oo ciidnka la socda. ayaa u sheegay idaacadda VOA inay ciidanku gudaha u galeen ayna samaynayaan miino-baaris. Kooxda Al-Shabaab ayaa habeen hore isaga baxday magaalada. Ciidamada ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya degmada, waxaana lagu warramayaa inuusan wax dagaal ah ka dhicin magaalada kadib markii ay ka carareen Al-Shabaab. Ciidanka ayaa maalmahan kaabiga ku hayey Aadan Yabaal, oo ka mid ah laba magaalo oo ka tirsan gobolkaas oo weli kusii jiray gacanta Al-Shabaab. Maalmo kahor, ciidamada ayaa qabsaday degaano dhowr ah oo ka mid ah gobolka, kuna dhow degmada Aadan Yabaal, oo ay ka mid yihiin Mabaax, Guulane iyo Daarusalaam. Goor sii horreysay oo saaka ah, ayaa qaraxyo culus ay ka dhaceen gudaha degmada Aadan Yabaal, kuwaas oo ka dhashay ‘miinooyin ay Al-Shabaab ku xireen’ waddooyinka laga soo galo degmada iyo sidoo kale xarumaha muhiimka ah kahor inta aanay ka bixin. Sidoo kale waxaa degmadan isaga barakacay shacabkii deganaa, si ay uga fogaadaan waxyeello kasoo gaarta howlgalkan oo ay barbar socoto duqeyn xoogan. Al-Shabaab ayaa Aadan Yabaal ku lahaa saldhiggooda ugu weyn ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waana meesha ugu dambeysa ee ay haatan kaga sugan yihiin gobolkaasi. The post Ciidanka dowladda oo galay degmada Aadan Yabaal appeared first on Caasimada Online.
  2. Xarunta Xuquuqal Insanka madaxa-bannaan ee Somaliland ayaa Cambaaraysay xadhiga la gula kacay Axmed Daauud. Qaran News
  3. Madaxweynaha Imaaraadka Carabta ayaa maanta billaabay booqashadii ugu horreysay ee uu ku tago Qatar tan iyo markii lasoo afjaray go’doomin socotay afar sano oo la saaray Doha, taasi oo qaboojisay xiriirka labada dal. Sheikh Mohamed bin Zayed Al-Nahyan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Doha kusoo dhoweeyay amiirka Qatar, ayada oo socdaalkiisa uu kusoo beegmay xilli dalkaas uu ka socdo Koobka Adduunka. Waa booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah oo uu dalkaas ku tago tan iyo bishii Janaayo 2021, markaasi oo lasoo geba-gebeeyey xayiraad billaabatay June 2017 oo lagu hayey dalkaas. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Imaaraadka Carabta oo gaaray dalka Qatar appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ku qaabilo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho. Labada masuul ayaa ka wada-hadli doona mad-madow badan oo soo kala dhex-galay iyo dalabaad uu wato Saciid Deni, wuxuuna kulankaan imanayaa kadib markii Xasan Sheekh uu dhawaan ka baaqdey safar uu ku tegi lahaa magaalada Boosaaso oo laga sameeyey saldhig ciidan oo Imaaraadka Carabta ay hor boodayaan. Saciid Deni oo lagu wado in safarkiisa Muqdisho uu qaato muddo laba maalmood ah ayaa waxaa uu diidan yahay in shaqsiyaad siyaasadiisa kasoo horjeeda oo deegaan ahaana kasoo jeeda Puntland xilal sare looga magacaabo dowladda federaalka. Deni ayaa markii uu kasoo baxayay Garoowe waxa uu kula dardaarmey golihiisa wasiirada inaysan jiri doonin wax wada shaqeyn ah oo ay la yeelanayaan dowladda federaalka, tan iyo inta uu wax meel la dhigaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Khilaafkan ayaa salka ku haya magacaabidda saraakiil hogaamin lahayd amniga ciidamada dowladda federaalka oo ka soo jeeda Puntland, waxaana Deni uu ku doodayaa in la qaato kuwa isagu ku taliyo, intii dowladda federaalka ay Puntland ka xulan laheyd cidda ay doonto. Ma cadda waxa madaxweyne Deni uu ka helaayo taliyeyaal amniga loo magacaabayo oo aan siyaasadda ku jirin. Madaxweyne Deni ayaa dhowr jeer ka horyimid talaabooyin ay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kale waxa uu hore si weyn uga soo horjeeday dowladdii hore ee uu hogaaminayay Farmaajo. The post Wararkii ugu dambeeyey ee kulanka dhex-maraya Xasan Sheekh iyo SACIID DENI appeared first on Caasimada Online.
  5. PRESS RELEASE Crucial replenishment meeting for the African Development Fund as it marks 50 years of supporting the continent’s low-income countries The meeting comes amid a tough global climate which has slowed down Africa’s economic growth prospects TANGIER, Morocco, December 5, 2022/ — Members of the African Development Fund are meeting in Morocco for the fourth and final pledging session on the Fund’s sixteenth replenishment. The crucial meeting will culminate in a financing package for the Fund’s next cycle covering 2023-2025. The meeting will be attended by representatives from the Fund’s donor countries and the senior management of the African Development Bank Group, led by its president Dr Akinwumi A. Adesina. The meeting comes amid a tough global climate which has slowed down Africa’s economic growth prospects. The two-day meeting is hosted by the Kingdom of Morocco, in its northern city of Tangier. Over the course of 2022, the Fund convened three times for consultations between its management and donor countries. The conversations have focused on issues such as climate and adaptation finance, sustainable debt management, post-Covid-19 recovery, as well as the policy and financial support to be provided by the ADF to assist such countries. Currently, eight of the world’s 10 poorest countries are African Development Fund-eligible. The Fund has made a significant delivery in its last cycle – ADF-15, benefiting 37 countries in Africa. To tackle the impact of the Covid-19 pandemic, the Fund provided $1.2 billion to support 25 ADF countries. The funding helped them to maintain health services, expand social protection, protect livelihoods, and provide training to health professionals. The countries are also benefitting from the African Emergency Food Production facility approved by the African Development Bank Group’s board last May. The funds are assisting countries to procure fertilizer and seeds; raise local food production by 30% and support policy reforms to address structural problems in the agricultural sector. The Fund celebrates its golden jubilee this year. Over the past 50 years, the Fund has invested more than $40 billion in more than 2,700 projects on the continent, receiving global recognition. The African Development Fund was ranked second globally on quality of official development assistance (https://bit.ly/3XU2Etk) in 2021 by Centre for Global Development and the Brookings Institution. The African Development Fund is the concessional window of the African Development Bank Group. Established in 1972, it became operational in 1974. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Axmed Macalin Fiqi ayaa markii u horeysay shaaciyay in dhawaan la bixinayo aqoonsi dadweyne (National ID). Wasiirka oo hadal ka jeediyay Shirweynaha qaran ee Barakaca Qasabka ah ayaa waxa uu sheegay in adeegaan uu muhiim u yahay xogta qofka si loo saldhigo barnaamijka xasilinta iyo in uu muwaadinku helo aqoonsi dhameystiran. “Dalka waxa uu dhowaan yeelanayaa diiwaan-gelinta madaniga oo waxaa la bixinayaa aqoonsigii dadweynaha (National ID) oo qayb weyn ka qaadaneysa in la helo xogta dhammeystiran ee Muwaadiniinta Dalka,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi. Fiqi ayaa intaas ku daray in wasaaraddu ay ka shaqeyneyso sidii maamulada qeybaha hoose bulshada loo gaarsiin lahaa si dadku ay u doortaan qofka ay xilka ku aaminayaan loogana gudbo nidaamka xulashada (Doorashada Dadban). Qoysas badan ayaa ka barakacay xaalada Abaareed ee ka jirta gobolada dalka oo dadka iyo duunyadu ay ku dhinteen, iyo colaadaha oo ah aafo kale oo sal kicisay boqolaal ruux oo doorbiday in ay ku noolaadaan meelaha ay u arkaan in ay nabadgalyo ku helayaan. Hadalkaan ayaa sidoo kale waxa uu kusoo aadaya xili walaac hor leh oo dhanka amniga ah laga muujiyay kaamamka barakacayaasha ee magaalada Muqdisho, oo ku nool yihiin dad aad u badan oo tirakoob sax ah aysan ka hayn dowladdu, islamarkaana la socon dhaq-dhaqaaqooda. The post DF oo ‘billaabeysa’ bixinta aqoonsiga muwaadinka appeared first on Caasimada Online.
  7. Beledweyne (HOL) - Fierce fighting erupted near Wartadibi Samatar and Boos Adur villages in Middle Shabelle's Adan Yabal district on Monday morning between Somali government forces - backed by local Macawisley clan militias - and Al Shabaab fighters. Source: Hiiraan Online
  8. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 17-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta akhrintii 3aad ee wax-ka-bedelka xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka Dawladda Puntland sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobada 36-aad, 37-aad, 38-aad iyo Qodobka 58-aad, farqadiisa 6-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL oo dhammaan ka hadlaya akhrinta 3-aad ee Xeerarka. Wax-ka-bedelka xeerka oo labadii cishe la soo dhaafay doodiisa soctay, ayaa ka kooban 54 Qodob, Dooda ugu badan ayaa ka dhaltay Qodobka 21-aad kaas oo ka hadlaya Xuquuqda Qoyska Hawlgabaha dhintay, sida ku cad wax-ka-bedelka Guddiga. Qodobka 21-aad – Xuquuqda Qoyska Hawlgabaha dhintay 1. Xaqa hawlgabaha dhintay waxaa lagu xannaanaynayaa qoyskii uu ka dhintay. 2. Xaqlayaasha ku xusan farqada 1-aad, waxay xaq u yeelanayaan xaqa hawlgabaha dhintay oo ku salaysan cadadka lacagta hawlgab ee uu heli jirey sida: B. Haddii hawlgabuhu dhinto isaga aan dhammaysan muddadii uu hawlgabka ku mutaysan lahaa. T. Haddii hawlgabuhu dhinto isagoo aan gaarin da’dii uu ku hawlgabi lahaa. 3. Haddii hawlgabaha xaq u lahaa uu dhinto sabab la xiriirta shaqada, waxa qoyskiisa xaq u yeelanayaa lacagtii hawlgabaha dhintay. 4. Xuquuqda hawlgabka dadka laga dhintay waxaa xaq u leh dadka laga dhintay ee xeerkan qeexayo oo kaliya. Shaqaalaha hawlgabka xaqa u leh iyo guud ahaan kuwa hawlgabay ee aan ku sifoobin helida xuquuqdaan, looma aqoonsan doono loomana magacaabi karo inay xuquuqdaan helaan. Dooda Qodobkaa ayaa Golaha isku raacay in loo yeero Culimadda kuwaa oo qeybtood horay Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Wakiillada la-tashi ugala yeesheen wax-ka-bedelka Xeerka, waxaana maanta Golaha Wakiilada hor-yimi Shiikh Dalmar Guurreeye Kaarshe, Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf iyo Shiikh Mukhtar Maxamuud Maxamed. Culimadda oo hadal ka jeediyay fadhiga Golaha ayaa sheegay in Qodobka 21-aad ee Xuquuqda qoyska hawlgabaha dhintay ay tahay dood dunida oo dhan ka jirta, iyagga oo soo jeediyey saddex arrin mid walba oo la qaato inay tahay mid bannaan oo diinta Islaamka raali ka tahay, balse waxay codsadeen in wakhti ku filan la siiyo. Intaa kadib, Dood ay Xildhibaannada ka yeesheen Qodobka 21-aad ee wax-ka-bedelka Xeerka Hawlgabka & Liiltirka shaqaalaha rayidka ayey isku raaceen in wakhti ku filan la siiyo Culimadda si ay Qodobkaa la tashiyo ugala yeeshaan Culimadda kale. Dhinaca kalen, waxaa maalinta berri ah Golaha ka bilaaban doonta Dooda wax-ka-bedelka Xeerka shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda Puntland kaas oo horay Golaha u ansixiyeen sannadkii 2018. The post Baarlamanka Puntland oo ka dooday Xeerk Hawlgabka appeared first on Puntland Post.
  9. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Daah-furay Shirka dibu-eegista Mashruuca JPLG iyo Qorshaha Sanadka 2023. Kulanka oo soconaya mudo Laba Maalmood ah yaa looga hadlayaa guulaha la taaban karo ee laga gaaray Mashruuca Maamul baahinta Puntland (JPLG,) wejigiisa Sadexaad, Caqabadaha jiray iyo Qorshaha wejiga xiga ee mashruuca. Shirka oo uu soo qaban-qaabiyey Xafiiska Maamul baahinta Puntland waxa kasoo qayb galay Wasiirada Wasaaradaha bahwadaagta la ah Mashruuca, Guddoomiyayaasha degmooyinka mashruucu ka socdo, Hay’addaha taageera Maamul baahinta iyo masuuliyiin kale. PUNTLAND POST The post Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo furay Shirka dib u-eegista Mashruuca JPLG appeared first on Puntland Post.
  10. Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed, Mudane Ilyaas Cali Nuur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa ka hadlay xaaladda guud ee maamulkaasi, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo amniga Ilyaas Cali Nuur oo marka hore u jawaabay siyaasiyiinta mucaaradka ee fadhigooda uu yahay Muqdisho ayaa ku eedeeyey inay kasoo horjeedaan horurmarka Koonfur Galbeed. Wasiirku waxa uu sheegay in siyaasiyiin mucaarad ah ay Muqdisho ka wadaan qorshe ka dhan ah maamulka, balse Koonfur Galbeed uu ka jiro nidaam iyo kala dambeyn. Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday inay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo wax u dhimeysa amniga, si looga hortego qalalaase ka dhaca deegaanada maamulkaasi. Wasiir Ilyaas Cali Nuur oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay xildhibaanada iyo shacabka Koonfur Galbeed inay ilaashadaan amniga iyo jiraanka maamulkooda. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyey magaalada Muqdisho uu ka socday dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah maamulka Lafta Gareen, kuwaas oo ay wadaan siyaasiyiin iyo xildhibaano kasoo jeeda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Arrinta la’isku hayo ayaa waxaa bud dhig u ah doorashada hoggaanka maamulkaasi, kadib markii xubnaha mucaaradka ay ka horyimaadeen muddo kororsiga madaxweyne C/casiis Lafta Gareen oo ay hal sanno oo dheeraad ah ugu dareen xildhibaannada Koonfur Galbeed. The post Daawo: Koonfur Galbeed oo shaacisay tallaabo ay ka qaadeyso mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
  11. ABUJA, Dec. 4 (Xinhua) -- The China-aided construction of the permanent headquarters of the Economic Community of West African States (ECOWAS) began on Sunday in Nigeria's capital, Abuja, to consolidate the regional bloc's operations in one complex -- a departure from operating at three different locations in Abuja. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta hakad uu yimid dhaq-dhaqaaqa guud ee ganacsiga ka jira qaybo ka mid waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Ganacsatada waddadaasi, gaar ahaan kuwa mehradaha ku leh inta u dhaxeyso isgoysyada Dabka iyo Sayidka ayaa albaabada isugu laabay gabahooda ganacsi. Qaar ka mid ah ganacstada oo la hadlay warbaahinta ayaa asheegay inay cabasho ka yihiin xirnaashaha waddadaas oo laga gebi ahaan mamnuucay gaadiidka iyo mootooyinka. Sidoo kale waxa ay ganacsatadu sheegeen inay waayeen cid wax ka iibsata, tan iyo markii la hakiyey isku socodka isgoysyada Dabka iyo Sayidka oo ku dhow madaxtooyada. “Mehradaheena waxay qarka u saaran yihiin inay xirmaan sababo la xiriira xirnaashiyaha waddada, waxaan weynay cid wax naga iibsata maadaama meel naloo soo maro aanay jirin,” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada oo ka hadlayey dhibaatada soo food saartay. Dhanka kale Ganacsatada ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay wax ka qabato cabashooda, maadaama ay yihiin Canshuur bixiyeyaal, hadane dhiban. Arrintaan waxaa ugu wacan amni darrada magaalada Muqdisho, taas oo keentay in ciidamadu ay xiraan waddadaas muhiimka ah oo ay horey qaraxyo uga dhaceen. The post Sawirro: Ganacsiga qaar ee jidka Maka Al-Mukarama oo maanta xiran + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  13. Mogadishu (HOL) - The Somali Police forces seized a large shipment of prescription drugs at the Aden Abdulle airport in Mogadishu, including Tramadol, Pethidine, Pregabalin and codeine syrup. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo muddo afar bilood ah ku jirta dagaal toos ah oo ka dhashay kacdoon shacab oo ay horkaceyso dowladda ayaa wajaheyso xaaladdii ugu adkeyd sida uu shaaca ka qaaday wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya. Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in Al-Shabaab ay guul darrooyin waa weyn ay kala kulantay dagaalka haatan ka socdo gobollada dalka. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan ay soo wajhaday xaalad kale oo halis ku ah jiritaankeeda, isaga oo tilmaamay in ay gabaabsi ka yhiin adeegyada caafimaadka, dhaqaalaha, xiriirka iyo sidoo kale isku socodka dhexdooda ah, sida uu hadalka u dhigay. “Khawaarijtu ka sakoow guuldarrooyinka Dagaalka tooska ah, waxaa gabaabsi ku ah adeegyada Caafimaadka,socodka, Xiriirka iyo Dhaqaalaha, marxalad dhinac kasta ka adag ayay ku jiraan, alle mahaddiis!,” ayuu qoraalkiisa ku yihi wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala. Dowladda Soomaaliya ayaa guullo waa weyn ka sheegatay dagaalka haatan socdo, kaas oo ay sheegtay inay ku dishay boqalaal ka tirsan Shabaab, kuna qabsadatay deegaano horleh. Howlgalladan ayaa keenay in sidoo kale go’doonka laga qaado degmooyin iyo deegaano ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle, kadib markii ay gaareen ciidamada huwanta oo haatan kusii siqaya degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe Al-Shabaab ayaa Aadan Yabaal ku lahaa saldhiggooda ugu weyn ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waana meesha ugu dambeysa ee ay haatan kaga sugan yihiin gobolkaasi. The post Halis kale oo soo wajahday Al-Shabaab kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  15. The speaker of Somalia’s lower house has vowed to “cancel any bill that violates Islamic values” ahead of the tabling of a controversial bill on sexual offences. Source: Hiiraan Online
  16. Habeenkii 26-kii November 2008, Gautam Adani, oo ahaa ninka 10-aad ee ugu taajirsan Hindiya, isagoo ka cashaynaya maqaayad ku taalla hoteelka raaxada ee Mumbai ee Taj Mahal Hotel, wuxuu arkay rag hubeysan oo gudaha u galay, oo rasaas u ridayay dhinac walba, bam-gacmeedna tuurayay. Toban dagaalyahan oo aad u hubaysan, oo dhamaantood u dhashay Pakistan, ayaa soo gaadhay badda fiidnimadaas, waxaanay u kala qaybsameen kooxo, waxay afduubteen baabuur, weerarna ku qaadeen bartilmaameedyo, oo ay ku jiraan laba hoteel oo waaweyn. Go’doominta magaalada oo socotay 60 saacadood ayaa waxaa ku dhintay 166 qof, waxaana xumaaday xidhiidhka Hindiya iyo Pakistan. Mr Adaani ayaa markii dambe u sheegay majaladda India Today in shaqaalaha hoteelka ay si degdeg ah dadkii wax ka cunayey qolka hoose ee guriga muddo dhawr saacadood ah ku xidheen, ka dibna ay u u gudbeen hool ku yaalla dabaqa sare xataa iyada oo uu dhiigu ku daadnayay banaanka. Waxaa hoolka soo galay 100 qof oo marti ah – “qaar waxay ku dhuumanayeen sariiro hoostooda, qaarna meelo qarsoodi ayay galeen” – si u duceeyeystaan. Kadib markii uu habeenkaas waaga ugu barayay gudaha hoolka, ayaa Mr Adaani iyo raggii kale laga saaray albaabka danbe ee laga soo galo, ka dib markii ay ciidamada Kumaandooska ahi galeen hotelka subaxii dambe. Qiyaastii 14 sanno ka dib habeenkaas, Mr Adani, oo 60 jir ah, waa ninka saddexaad ee adduunka ugu taajirsan – waxa ka horreeya Elon Musk iyo Jeff Bezos. Waxa uu maamulaa shirkad ballaadhan oo oo dhanka tamarta dekadaha ah oo ay hoostagaan toddobo shirkadood oo ganacis ah, 23,000 oo shaqaale iyo hanti ka badan $230 bilyan oo doollar. Waxa uu todobaadkan ku jiray wararka warbaahinta sababta oo ah waxa uu ku dhaw yahay in uu la wareego NDTV, oo ah shabakada wararka ee India loogu ixtiraam badan yahay, taas oo noqoneyso ganacsigiisii ​​ugu horreeyay ee dhanka warbaahinta ah. Ka dib markii uu iskuulka dhexda kaga tagay isaga oo 16 jir ah, Mr Cadaani waxa uu u guuray Mumbai si uu u tijaabiyo ganacsi, waxa uu bilaabay ka ganacssiga dheemanka hase yeeshee ganacsigan hore uma sii socon oo muddo laba sannadood ka dib wuxuu ku laabtay Gujarat, gobolka uu ka soo jeedo, si uu u maamulo warshad baakadaha sameysa oo uu maamulayay walaalkii. Mr Adaani, oo ka soo jeeda qoys dabaqad dhexe ah oo ka ganacsada dharka, waligii dib uma eegin ka dib markii uu furtay shirkadiisa ka ganacsiga badeecadaha sannadkii 1998. 24-kii sano ee xigay, shirkadihiisa deynta lagu bilaabay waxay u kala qaybsameen dekedo,, waddooyin tareen, kaabayaasha korontada iyo hantida ma guurtada ah taas oo ka dhigtay waxa uu falanqeeye ku tilmaamay “laga yaabo in ay yahay mid ka mid ah dadka ugu dadaal badan jiilka cusub ee Hindiya ee maalqabeenada”. Maanta, Mr Cadaani waa maalqabeenka kaabayaasha dhaqaalaha ee Hindiya. Waxa uu maamulaa shirkadda labaad ee ugu weyn Hindiya ee sibidhka, 13 dekedood – oo ay ku jirto tan ugu weyn dalka oo ku taalla magaalada xeebta galbeed ee Mundra – wuxuu sidoo kale maamulaa todoba garoon diyaaradeed. Waxa uu dhisaya Jidka aadka u dheer ee Hindiya ee isku xidha Delhi iyo Mumbai oo ah caasimadda ganacsiga dalkaas. Hase yeeshee dhanka kale, Mr Adaani waxa hadheeyay muran badan oo ah dhanka xidhiidhka dhow ee uu la leeyahay Narendra Modi. Dadka dhaleeceeya ayaa ku tilmaamay in boqortooyadiisa ganacsi ay tusaale u tahay hanti-wadaag ka dhaxeeya isaga iyo Modi. Source
  17. Madaxa ciidammada fallaagada Tigrayga ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in boqolkiiba shan iyo lixdan ka mid ah dagaalyahannadooda ay ka baxeen furimaha dagaalka. Arintaan ayaa ku soo beegmaysa bil kadib markii heshiis xabad joojin ah ay la saxeexdeen dowladda. Tadesse Werede, oo ah madaxa guud ee ciidammada Tigreega ayaa sheegay inay u dhaqaaqeen goobo cayiman. Inkastoo ay saxiixeen heshiis hub ka dhigis ah, Jabhadda Xorreynta Tigrayga ayaa sheegtay in ayna ka tanaasuli doonin hubkeeda haddii ayna ciidamada Eritrea iyo kuwa ka socda gobollada deriska la ah Itoobiya ayna ka bixin Tigrayga. Maalmihii la soo dhaafay shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in ciidammada Eritrea iyo maleeshiyaadka xulafada la ah ay sii wadeen dilalka iyo tacadiyada dadka rayidka ah ee Tigrayga. Source
  18. Midowga Yurub ayaa maanta lagu wadaa in uu dhaqangeliyo go’aan hoos loogu dhigayo qiimaha saliidda uu Ruushku dhoofiyo, arrintan oo ay si weyn ay Moscow uga hortimid. Dalalka G7, Midowga Yurub iyo Australia ayaa ku heshiiyay in dalna aanu bixin karin wax ka badan lixdan dollar ($60) fuustadiiba, si loo curyaamiyo weerarada uu Ruushka ka sii wado dalka Ukraine. Madaxa Guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen ayaa sheegtay in go’aankani uu dhaqangeli doono Isniinta maanta ah. Dhanka kale Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka looga arrimiyo ayaa sheegay inaanan la aqbali karin qiimaha sicirka hooseeye, ee ay Reer Galbeedku ku jaaangooyeen shidaalkiisa. Washington ayaa sheegtay in tallaabadani ay wiiqi doonto isha dakhliga ee ugu muhiimsan Madaxweyne Vladimir Putin. Reer Galbeedka ayaa tani u arka hub maaliyadeed oo maangal ah, caqabad weyna ku noqon karta Moscow. Duullaanka Ruushka ee Ukraine ayaa saamayn weyn ku yeeshay dhaqaalaha dunida, iyadoona sicir barar xoog leh laga dareemay suuqyada caalamka. Source
  19. Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in uu haatan ka socdo howlgalkii ugu dambeeyay oo ay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay kula wareegayaan degmada Aadan Yabaal ee isla gobolkaasi. Al-Shabaab ayaa isaga baxay degmadan oo ay sanado badan ku sugnaayeen, waxaana haatan isku hareereeyay ciidamada huwanta, sida ay innoo sheegeen ilo degaanka ah. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxyo culus ay ka dhaceen gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo ka dhashay ‘miinooyin ay Al-Shabaab ku xireen’ waddooyinka laga soo galo degmada iyo sidoo kale xarumaha muhiimka ah. Sidoo kale waxaa degmadan isaga barakacay shacabkii deganaa, si ay uga fogaadaan waxyeello kasoo gaarta howlgalkan oo ay barbar socoto duqeyn xoogan. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana saraakiisha ciidamada dowladda ay shaaciyeen in saaacadaha soo socda ay gudaha u geli doonaan degmadaasi. “Ciidamada dowladda ayaa harreeyay degmada Aadan Yabaal, miino baaris ayaana haatan socota. Al-Shabaab xaasaskoodii iyo carruurtoodii waa kala baxeen Aadan Yabaal,” ayuu yiri Labo Xidigle Abshir Wadani oo ka mid ah saraakiisha ciidamada milatariga Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa Aadan Yabaal ku lahaa saldhiggooda ugu weyn ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waana meesha ugu dambeysa ee ay haatan kaga sugan yihiin gobolkaasi. The post Qaraxyo culus oo laga maqlay degmada Aadan Yabaal iyo Wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  20. Djibouti (HOL) - The Somali think tank Heritage Institute held its sixth annual Forum for Ideas in Djibouti City, Djibouti, on Sunday, bringing together over 350 senior politicians, academics, businesspeople and civil society leaders to discuss the impact of climate change in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  21. Ciidamada jabhadda TPLF ayaa sheegay in ay ka baxeen inta badan furimihii dagaalka ay kaga jireen kadib heshiis ay la gaareen dowladda federaalka. Hoggaanka ciidamada TPLF, ayaa xaqiijiyay in 65% ay ka baxeen furimahoodii dagaalka. Tadesse Werede oo ah madaxa ciidamada jabhadda TPLF, ayaa sheegay in ay furimaha ka baxeen una guureen furimo cayiman kadib heshiiska ay la galeen dowladda Itoobiya. Heshiiska xabad joojinta ah ee gaareen labada dhinac ayaa dhigayay in hubka ay wareejiyaan TPLF, xilli ay jabhadda sheegtay in aysan go’aankaas ka tanaasuleynin inta ay ciidamada Ereteriya ay joogaan gudaha dhulkooda. Sikastaba TPLF iyo dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa dagaalamayay muddo laba sana ah, waxaana dagaaladdaas ku dhintay dad fara badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com