Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Masaajido badan iyo ururo islaami ah oo ka jira dalka Holland ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah Dennis Wiersma oo ah wasiirka waxbarashada dalkaaa, kaas oo la sheegay inuu doonayo inuu xakameeyo barashada Qur’aanka kariimka ah oo inta badan carruurtu dhigtaan dhamaadka todobaadka, isaga oo ku eedeeyay Muslimiinta “takoor iyo ku xadgudubka dastuurka”. Ururka Rijmond Union of Islamic (SPIOR), oo ay ku mideysanyihiin ilaa 300 oo masaajid iyo ururo Islaami ah ee gobolka Rotterdam, ayaa ku eedeeyay wasiir Wiersma “inuu ku kicinayo qayb bulshada ka mid ah una gaysanayo bahdil, nacayb iyo takoor”. Sida laga soo xigtay warbaahinta Nederlaan, Wasiir Wiersma ayaa ku adkaysanaya in la xakameeyo cashirrada Qur’aanka kariimka ah ee maalmaha fasaxa ah, kuwaas oo aanay dawladdu maalgelin, isla markaana aan lahayn awood rasmi ah. Waraaq uu u diray golaha wakiilada bishii hore ayuu wasiirku kaga hadlay cilmi baadhisyo ay sameeyeen hay’ado warbaahineed oo magacayadooda loo soo gaabiyo NOS iyo NRC, ayna ku sameeyeen masaajidda iyo barashada qur’aanka Kariimka ah. Daraasaddan , ayaa lagu sheegay in “Koorsooyinka dhammaadka toddobaadka lagu qabto masaajidyada lagu baro carruurtadiintooda Islamaka isla markaana looga wacyi galiyo dhaqamada iyo wxayaabaha liddiga ku ah diinta Islaamka, taas oo wasiirku u arko in ay tahay xagjirayn carruurta loo gaysanayo ,iyadoo laga jeedinayo dhaqanka dalka Holland. Wasiir Wiersma ayaa ku nuuxnuuxsaday in koorsooyinkan ay tahay in la xakameeyo. Dhinaca kale mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda ayaa sheegay in soo jeedinta wasiir Wiersma ay tahay mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka, sidaas darteedna ay adag tahay in la fuliyo. Howl-wadeennada wasaarada ayaa carabka ku adkeeyay in soo jeedinta Wiersma ay la macno tahay in la isku dayo in la go’aamiyo sida waalidku u koriyaan caruurtooda, waxayna sheegeen in tani ay xad gudub ku tahay qaar ka mid ah xuquuqaha aasaasiga ah sida xoriyada hadalka. Si kastaba ha ahaatee, wasiirka waxbarashada ee Nederland, Wiersma, ayaan ka laaban hindisahan. Taas beddelkeedana, wuxuu ku dooday in xakamayntu ay lagama maarmaan tahay Source
  2. Taliska guud ee ciidamada difaaca Puntland ayaa xaqiijiyay in la xakameeyay shaqaaqooyin la xiriira muran dhuleed oo dhowaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo. S/Gaas Abshir London oo shir jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo ayaa sheegay in lagu guulaystay xakamaynta shaqaaqooyinkaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacleh. Taliyaha ayaa bogaadiyay labada dhinac ee shaqaaqadu dhexmartay oo sida uu sheegay dadaal badan ku bixiyay arrinta Nabadaynta. Abshir London ayaa sidoo kale sheegay in Gogol Nabadeed loo dhigayo labada dhinac si loo dhammaystiro Nabadaynta. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in la xakameeyay shaqaaqooyin ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  3. Xildhibaan Somali-Finnish ah Qaran News
  4. Police in Senegal are searching for two opposition lawmakers who attacked a female MP during a brawl in parliament last week. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud met with Turkish Ambassador Mehmet Yilmaz, Norwegian chargé d’affaires Haakon Svane, Turkey's Special Representative Aykut Kumbarolu, and Norway's Special Representative, Ms. Heidi Johansen in Mogadishu on Monday. Source: Hiiraan Online
  6. The UN Children's Fund (UNICEF) on Monday launched a one-billion-U.S.-dollar emergency funding appeal to reach millions of children in the Horn of Africa region in 2023. Source: Hiiraan Online
  7. NAIROBI, KENYA — The first shipment of grain as part of Ukraine's own initiative to supply countries in need arrived Monday in Djibouti for delivery to neighboring Ethiopia amid the region's worst drought in decades. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan 30 sano meydad ku aasnaa qubuuraha Macalin Nuur ee deegaanka KM 13 ee duleedka Muqdisho ayaa lagu bilaabay in dib loo fago, iyadoo aan la ogeyn cidda fageysa iyo sababta loo burburinayo qubuurahaas. Gabar uu dhalay caalinkii weynaa Macalin Nuur oo tobanaan sano ka hor sadaqeystay dhulka ay ku yaallaan qubuurahaan ayaa warbaahinta u sheegtay in aysan garaneyn cidda ka dambeysa falkaan. Gabadhaan waxay sheegtay in reer Macalin Nuur aysan waxaba ka ogeyn falkaan, balse ay sameynayaan ‘dad uu hunguri ka galay’ dhulka ay qubuurahaan ku yaallaan. Sidoo kale waxaa halkaas tagtay koox dhalinyaro ah oo ka socda qoyska reer Macalin Nuur, waxayna warbaahinta u sheegeen inay ka hor tegi doonaan falkaan, wixii horay u dhacana ay saxayaan oo qubuuraha la qoday ee dib u aasayaan. Warbaahinta maxaliga ah ayaa soo bandhigtay burburinta lagu sameeyey qubuurahaas uu dhulkooda sadaqeystay caalimkii weynaa Macalin Nuur, iyadoo banaanka loo soo saaray meydadka dad la aasay tobanaan sano ka hor. Dad meydadka ehelkoodii geeriyooday banaanka loo soo saaray iyo kuwo garan waayey halkii ay meydka ku aasteen, kadib burburintii lagu sameyey qubuuraha ayaa warbaahinta la hadlay. Dadkaan ayaa dowladda ka codsaday inay wax ka qabato rag la garan waayey qorshaha ay damacsan yihiin oo la arkay iyagoo burburinaya oo ’Baldoos ku xaaqaya’ dhulka ay ku yaallaan qubuuraha Macalin Nuur. Qubuurahaan oo aad u baaxad weyn tobanaankii sano ee lasoo dhaafayna dadka geeriyooda lagu aasayey ayaa ku yaalla deegaanka Tareedisho oo dhaca inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Ceelasha Biyaha waxayna can ku yihiin magaca ‘Qubuuraha Macalin Nuur.’ Hoos ka daawo warbixinada The post Daawo: Koox burburin ku bilowday qubuuraha caanka ah ee Macalin Nuur appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo shirkadaha isgaarsiinta ee ka howlgala Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis sahlaya ‘isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta’ kaas oo suurta-gelinaya inay is wici karaan shabakadaha bixiya xiriirka teleefannada ee ka jira dalka. Heshiiskan ayaa dhigaya in xiriirka taleefoonada ee shirkadaha isgaarsiinta la isku furo wixii ka dambeeya 10-ka January 2023-ka, iyadoo la dhameystiri doono isku xirka dhammaan shirkadaha Febraayo 2023. War-saxaafadeed lagu shaaciyey heshiiskaan ayaa lagu sheegay in arrinka isku xirka mobilka ay tahay howl sharciyad, wadatashi iyo farasamo wadajira u baahan, sidaas darteed loo galay kulamo wadatashi waqti dheer qaatay, balse natiijo laga gaaray. Maareeyaha Hey’ada Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa sheegay in heshiiskan uu horseedayo horumarinta adeegga isgaarsiinta dalka oo saldhig u ah dhammaan kaabayaashaasha aasaasiga u ah soo kabashada Soomaaliya. “Isku-xirka shabakadaha ka sokow in uu yahay waajib sharci ah iyo xuquuq macmiil, haddana waa halbeeg muhiim u ah caafimaad qabka suuqa Isgaarsiinta iyo maalgelinta teknolojiyad iyo addeegyo cusub, waxaana rajaynaynaa in heshiiskan uu soo afjari doono wadahadal la soo bilaawday as’aaskii Isgaarsiinta dalka”. Ayuu yiri Maareeyaha Hay’adda Mustafa Yaasiin Sheekh. Tallaabadan ayaa soo gebogabeyneysa kala xanibnaanta shirkadaha taleefoonada oo mudo dheer caqabad ku ahayd dadka Soomaaliyeed iyo shirkadaha isgaarsiinta, sida uu xusay wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Jaamac Xasan Khaliif. Mas’uuliyiinta shirkadaha ee saxiixay heshiiska ayaa bogaadiyay sida loo soo dharaandhiriyay heshiiska oo is waafajiyay shuruucda dalka, baahida taagan, caqabadaha howshan ku xeeran iyo la jaanqaadidda nidaamka caalamiga ah ee isku xirka moobeelka, taas oo ka dhigeysa mid muddo kooban si fudud lagu hirgalin karo. Waa tallaabo kale oo xoojineysa heerka ay Soomaaliya kaga jirto isgaarsiinta qaaradda iyo dunidaba, fursada cusubna u abuureysa suuqa isgaarsiinta dalka, dhanka kalena sahleysa nolosha iyo isku xirka bulshada. Heshiiska oo ay wadajir u saxiixeen maareeyaha hay’ada Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasiin Sheekh iyo madaxda shirkadaha isgaarsiinta waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiinta ugu sareysa wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud. The post DF oo garwadeen ka noqotay heshiiska ‘isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta’ appeared first on Caasimada Online.
  10. Safiirada dalalka Turkiga iyo Norway u fadhiya Muqdisho ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala hadlay dib u soo celinta wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu la kulmay danjiraha dowladda Turkiga Mehmet Yılmaz, Siihayaha xilka danjiraha dowladda Norway Haakon Svane iyo wakiilada gaarka ah ee dalalka Turkiga iyo Norway, ayna ka wadahadleen dib u soo celinta wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland. Waxaa lagu xusay qoraalka in ay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qorshihiisa qeyb ka tahay xal u helidda tabashada ay qabaan Somaliland. Dhankooda, Wakiilada gaarka ah ee Turkiga Aykut Kumbaroğlu, Norway Marwo Heidi Johansen iyo diblumaasiyiinta dalalkaas ayaa qoraalka lagu sheegay in ay ku bogaadiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh sida ay uga go’an tahay wadahadalada dowladda federaalka iyo Somaliland. PUNTLAND POST The post Turkiga iyo Norway oo kala hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh wadahadallada Somaliland appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga Mehmet Yılmaz, Siihayaha Xilka Danjiraha Dowladda Norway ee Soomaaliya Haakon Svane iyo Wakiilada Gaarka ah ee dalalka Turkiga iyo Norway ayaa la wadaagay ‘sida ay uga go’an tahay’ dib u soo celinta wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Qoraal ay kulankaas ka soo saartay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu xusay doorka fududeynta iyo isu-soo dhaweynta ah ee dowladda Turkigu ay ka soo qaataday wadahadalladii Soomaaliya iyo Soomaaliland. Madaxweynaha ayaa sheegay in wadahadalladii dhacay oo bilow fiican u ahaa xal u helidda tabashooyinka jira, xaqiijinta xasilloonida iyo horumarka dadka Soomaaliyeed ay hadda u baahan yihiin In horay loo sii dhaqaajiyo. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladaha Turkiga iyo Norway sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan dib u soo celinta wada-wadahadallada DFS iyo SL, wuxuuna xusay qorshihiisa qaran ee la xiriira Soomaali Heshiis ah, taas oo ay qeyb ka tahay xal u helidda tabashada ay qabaan walaalaha Somaliland. Dhankooda, Wakiilada Gaarka ah ee Turkiga Aykut Kumbaroğlu, Norway Marwo Heidi Johansen iyo diblumaasiyiinta dalalkaas ee uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay xal u helidda caqabadaha dib u dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso colaadaha, khilaafaadka siyaasadeed iyo dib u heshiisiin la’aanta bulshada. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo soo bandhigay qorshihiisa wada-hadallada Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda ayaa jawaab deg deg ah ka bixisay cabasho maanta ka timid ganacsatada meheradaha ku yaalla wadada Maka Al-mukarama, gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoysyada Sayidka iyo Dabka, kadib banaan-baxyo halkaas ka dhacay maanta. Goobaha ganacsi ee ku yaalla inta u dhaxeysa labadaas isgoys ayaa maanta la xiray, waxayna ganacsatada iska leh iyo dadka degan aaggaas ay dhigeen dibadbaxyo ay uga cabanayeen jid gooyo halkaas ka jirtay muddo ku dhow hal bil. Hey’adaha ammaanka ayaa gaadiidka u diiday inay isgoyska Dabka u dhaafaan dhanka madaxtooyada, ilaa isgoyska Dabka, waxayna dadkaan maanta banaan-baxa sameeyey dul qaadanayeen muddo bil ku dhow oo wadadaas ay u xireyd hey’adaha amaanka. Cabashadooda kadib, galabta ayaa la isku furay labada isgoys ee Dabka iyo Sayidka, Caasimada Online ayaa maanta baahisay inay xiranyihiin goobaha ganacsiga ee aggaas, iyadoo ay banaan-baxyo dhigayaan dadkii halkaas meheradaha ku lahaa. Maalmihii u dambeeyey Muqdisho waxaa laga dareemayey culeys ay hey’adaha amnigu saarayaan shacabka, si looga hor tago weerarrada Al-Shabaab, taas oo shacabku ay dhibsanayaan, maadaama mararka qaar ay lugooyo kala kulmaan sugidda amniga. Tan iyo markii ay kooxda Al-Shabaab weerarka ka geysatay hotel aad ugu dhow Villa Somalia, cadaadis xoog leh ayaa la dareemayaa in la saaray hey’adaha amniga, kuwaas oo muujinaya feejignaan ay uga hor tegayaan weerarrada ka imaan kara kooxda Al-Shabaab. Hoos ka daawo aragtida shacabka, kadib markii loo furay wadada The post Daawo: DF oo tallaabo qaaday, kadib cabashadii ganacsatada waddada Maka Al-Mukarama appeared first on Caasimada Online.
  13. Aadan-Yabaal (Caasimda Online) – Gelinkii dambe ee maanta waxaa ciidanka dowladda iyo xoogagga deegaanka u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan oo gudaha u galaan degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe oo markii ugu horeysay ka xoroobeysa gacan ku heynta Al-Shabaab, sida uu cadeeyey guddoomiyaha ku magacaaban degmadaas. Nin sheegay inuu yahay guddoomiyaha degmada Aadan-Yabaal ee dowladda federaalka ayaa TV-ga Dalsan u sheegay inay maanta dagaal la galeen Al-Shabaab inta aysan ka qabsan Aadan-Yabaal, iyadoo dagaalkaas khasaare lagu gaarsiiyey kooxda. “Maanta waxaan dagaal kula galnay meel u dhaxeysa Guulane iyo Xagarey, waxaan halkaas uga qabsanay gaari Cabdi Bile ah iyo nin nool, waana naga carareen,” ayuu yiri Guddoomiyaha Aadan-yabaal oo magaciisa aan lagu xusin wareysigaan. Sidoo kale wuxuu sheegay in dagaalkaas kadib ay si nabad ah kula wareegeen degmada Aadan-yabaal, waxaana si nabad ah uga baxay Al-Shabaab-kii halkaas maamulayey sanadaha badan. “Kuwo tuugo ah oo Shabaab-kii Aadan-yabaal joogay ah ayaa labo ceel oo deegaanka ku tiilay waxay ka furteen bambooyinkii biyaha soo saari jiray iyo matooradii, kuwaas ayaan raacdeysanay, waxaan hadda idin kala soo hadlayaa meel bari ka xigta degmada Aadan-yabaal,” ayuu guddoomiyuhu hadalkiisa ku sii daray. Ugu dambeyntii guddoomiyaha ayaa sheegay in wax khasaare ah uusan ka soo gaarin ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka, dagaalkii ay maanta duleedka Aadan-yabaal kula galeen Al-Shabaab, sidoo kalena ay hadda gudaha degmada ka wadaan miino saar, maadaama ay kooxdu miinooyin ku aasto deegaanada laga xoreeyo. Hoos ka dhageyso wareysiga The post Guddoomiyaha Aadan-Yabaal oo sheegay inay maxaabiis iyo gaari ka furteen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  14. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta iskushaansheyn ku sameeyay golaha wasiirrada xukuumaddiisa, kadib markii dhowaan muddo kordhin loo sameeyay muddo xileedkiisa, waxaana qoraal kasoo baxay madaxtooyada Galmudug uu u qornaa sida tan. Ujeeddo: Isku shaandheyn Wasiirro, Madaxweynaha Dowladda Galmudug Markuu Arkay: Qodobka 50aad Faqradiisa 5aad ee Dastuuka Dowlad Goboleedka Galmudug; Markuu Arkay: Baahida loo qabo iskushaandheynta wasiirada; Markuu Aarkay: Muhiimadda dhameestirka Golaha Wasiirada, Markuu Latashaday: Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Galmudug. Wuxuu xeeriyay Iskushaandheyn: Wasiirro, Wasiiru-Dowlayaal iyo Wasiir-kuxigeenno. Hoos ka akhri liiska wasiirada: Qodobka 1aad. 1.Garad Yusuf Mohamud Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo khayraadka Badda 2.C/llahi Maxamed Yusuf Kulmiye Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda 3.C/llahi Cabdiraxman Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Xanaaanada Xoolaha 4.Muxiyadiin Cabdullahi Cusman, Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta 5.Abshir Cabdi Shiiqow Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dalxiiska 6.Amaal Axmed Cabdulle, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta 7.C/naasir C/llahi Cusmaan, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Garsoorka 8.Cumar Maxamed Diiriye Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha, Fedralka iyo Dib-u-heshiisiinta 9.Daahir Faarax Fiidow, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Arimaha Bulshada 10.Farxiyo Cabdi Maxamed Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada 11.Eng.MaxamedCabdullahi Moxamed, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha 12.Cali-baashi Axmed Cigaal,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Amniga Gudah 13.C/raxiin Axmed Cigaal, Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda bay’ada iyo Deegaanka 14.Axmed Maxamed Farax, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta 15.Shariif C/nuur Barre, Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha 16. Mahad Sh. Cali Cibaar,Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha 17.Maxamed Khaliif Salaad,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka 18.Khalid Cabdi Yuusuf, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeenta 19.C/raxmaan Maxamed Axmed Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga 20.C/raxman Maxamuud Maxamed Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dastuurka 21.Xasan Cabdullahi Maxamed, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Beeraha, Dhirta iyo Daaqa 22.Nuur Cali Cadow, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta 23.Xamdi Axmed Siciid, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka 24.C/nasir Axmed Cilmi,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda 25.Xuseen Xirsi Faarax, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dalxiiska 26.C/rixiin Axmed Bariise, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Owqaafta iyo Arimaha Diinta Qodobka 2aad. Xeerkaan wuxuu dhaqan galayaa markuu saxiixo Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Wuuna Saxiixay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa wasiirrada, waxaana isku dhaandheyntaan ku baxay wasiirro, wasiir xigeeno iyo wasiir dowlayaal, xubnaha uu magacaabay Qoor Qoor ayaa gaaraya 26 mudane. Lix wasiir, afar wasiiru dowle iyo 16 wasiir ku xigeen ayaa lagu magacaabay dikreetadaan ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Axmed Qoor Qoor. Golahaan cusub waxaa ku jira wasiirro cusub, waxaana meesha ka baxay kuwo dhowrkii sano ee lasoo dhaafayey la shaqeynayey Madaxweyne Qoor Qoor, lamana garanaya sababta rasmiga ah ee Qoor Qoor ku riixday inuu bedelo wasiirradiisa qaar, markii laga reebo in dikreetada lagu xusay in ‘Baahi loo qabay iskushaandheynta wasiirrada.’ Hoos ka eeg liiska wasiirrada cusub iyo wasaaradaha loo magacaabay: 1.Garad Yusuf Mohamud Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo khayraadka Badda 2.C/llahi Maxamed Yusuf Kulmiye Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda 3.C/llahi Cabdiraxman Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Xanaaanada Xoolaha 4.Muxiyadiin Cabdullahi Cusman, Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta 5.Abshir Cabdi Shiiqow Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dalxiiska 6.Amaal Axmed Cabdulle, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta 7.C/naasir C/llahi Cusmaan, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Garsoorka 8.Cumar Maxamed Diiriye Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha, Fedralka iyo Dib-u-heshiisiinta 9.Daahir Faarax Fiidow, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Arimaha Bulshada 10.Farxiyo Cabdi Maxamed Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada 11.Eng.MaxamedCabdullahi Moxamed, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha 12.Cali-baashi Axmed Cigaal,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha 13.C/raxiin Axmed Cigaal, Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda bay’ada iyo Deegaanka 14.Axmed Maxamed Farax, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta 15.Shariif C/nuur Barre, Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Mahad Sh. Cali Cibaar,Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha 17.Maxamed Khaliif Salaad,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka 18.Khalid Cabdi Yuusuf, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeenta 19.C/raxmaan Maxamed Axmed Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga 20.C/raxman Maxamuud Maxamed Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dastuurka 21.Xasan Cabdullahi Maxamed, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Beeraha, Dhirta iyo Daaqa 22.Nuur Cali Cadow, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta 23.Xamdi Axmed Siciid, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka 24.C/nasir Axmed Cilmi,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda 25.Xuseen Xirsi Faarax, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dalxiiska 26.C/rixiin Axmed Bariise, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Owqaafta iyo Arimaha Diinta The post Qoor Qoor oo magacaabay 26 wasiir oo cusub (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta furay shir looga hadlayo xal u helidda barakaca, ayaa sheegay inay muhiim tahay in wax laga qabto sababaha keena barakaca oo ay ugu horeeyaan colaadaha iyo is-beddelka cimilada. Shirkaan oo socon doona saddex maalmood, ayaa waxa uu ra’iisul wasaaruhu ka sheegay in xukuumaddiisa oo ka shaqeyneysa in la helo xalka ugu haboon ee barakaca lagu xallin karo ay go’aansatay in kooxda Al-Shabaab lala dagaalo ilaa dalka dhan laga xoreynayo. “Waxaa muhiim ah inay istaagaan sababaha ay dadku u barakacayaan annagoo taa ka duuleynaya xukuumaddu waxay qaadatay inay khawaarijta la gasho dagaal bini’aadninimo oo lagu badbaadinayo nafta, maalka iyo sharafta ummadda Somaaliyeed, si dadka ay soo barakiciyeen ee xoola dhaqatada iyo beeraleyda ah ay deegaannadoodii ugu laabtaan oo tacabkii iyo xoola dhaqashadii ay dib ugu billaabaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Shirka Qaran ee Barakacayaasha ayaa maalmaha uu socdo waxaa aad looga hadli doonaa xalka ugu habboon ee wax looga qaban karo dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed ee barakacay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay ka qeyb-galayaasha inay maskaxda shiilaan oo ay kulanka kasoo saaraan talooyin wax ku ool ah oo wax looga qabanayo aminga, bulshada iyo dhaqaalaha, sidoo kalana xal u noqon kara ku dhawaad saddexda Milyan ee gudaha dalka ku barakacsan, sidoo kalana looga hor-tegi karo barakac kale oo dheeraad ah. Warbixinnadii ugu dambeeyay ee lasoo saaray bishii October ee sannadkaan waxay caddeynayaan in rabshado, amni xumo, abaaro iyo daadad is-biirsaday ay sababeen in 2,967,500 oo ruux ay ku barakacaan gudaha dalka. The post Xamza oo dalbaday laba arrin si meesha looga saaro… appeared first on Caasimada Online.
  17. Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo shirkadaha isgaarsiinta ka howl gala dalka ayaa maanta gaaray heshiiska “isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta” oo suurtagalinaya inay is wici karaan shabakadaha teleefannada kala duwan ee ka jira dalka. Heshiiska oo ay wadajir u saxiixeen maareeyaha hay’ada Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasiin Sheekh iyo madaxda shirkadaha isgaarsiinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Mudane Jaamac Xasan Khaliif, wasiir ku xigeenka iyo Wasiirudowlaha, iyadda oo sidoo kale heshiiskan oo taladiisa ku daray Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka. Heshiiskan ayaa ah miraha kulamo wadatashi ah oo muddo dheer qaatay oo lagu go’aamiyay dhammaan waxyaabaha aasaasiga ah u ah isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta oo ay kamid tahay qiimaha mideysan ee isku xirka mobilka (Mobile Termination Rate). Isku furidda shabakadaha isgaarsiinta billaabinaya 10-ka January 2023 iyadoo la dhameystiri doono isku xirka dhammaan shirkadaha Febraayo 2023. Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa xusay in arrinka isku xirka mobilka ay tahay howl sharciyad, wadatashi iyo farasamo wadajira u baahan, sidaas darteed loo galay kulamo wadatashi waqti dheer qaatay balse natiijo laga gaaray. Sidoo kale maareeyaha ayaa sheegay in heshiiskan uu horseedayo horumarinta adeegga isgaarsiinta dalka oo saldhig u ah dhammaan kaabayaashaasha aasaasiga u ah soo kabashada Soomaaliya. “Isku-xirka shabakadaha ka sokow in uu yahay waajib sharci ah iyo xuquuq macmiil, haddana waa halbeeg muhiim u ah caafimaad qabka suuqa Isgaarsiinta iyo maalgelinta teknolojiyad iyo addeegyo cusub, waxaana rajaynaynaa in heshiiskan uu soo afjari doono wadahadal la soo bilaawday as’aaskii Isgaarsiinta dalka”. Ayuu yiri Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasiin Sheekh. Tallaabadan ayaa soo gebogabeyneysa kala xannibnaanta shirkadaha moobeelladda oo muddo dheer caqabad ku ahayd muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo shirkadaha isgaarsiinta, sida uu xusay wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Mudane Jaamac Xasan Khaliif. “Dowladdu waxa ay u taagan tahay ilaalinta xaqa muwaadinka haddii uu macaamil yahay iyo iyo haddii uu shirkad leeyahay, howsha ay hay’addu maanta soo gebo gabeysayna waa tusaale nool oo muujinaya sida ay dowladda uga go’an tahay horumarinta isgaarsiinta iyo u abuurista shirkadaha buundo sharci ku dhisan oo ay ku wada kori karaan”. Ayuu yiri wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Mudane Jaamac Xasan Khaliif. Mas’uuliyiinta shirkadaha ee saxiixay heshiiska ayaa bogaadiyay sida loo soo dharaandhiriyay heshiiska oo is waafajiyay shuruucda dalka, baahida taagan, caqabadaha howshan ku xeeran iyo la jaanqaadidda nidaamka caalamiga ah ee isku xirka moobeelka, taas oo ka dhigeysa mid muddo kooban si fudud lagu hirgalin karo, Waa tallaabo kale oo xoojineysa heerka ay Soomaaliya kaga jirto isgaarsiinta qaaradda iyo dunidaba, fursada cusubna u abuureysa suuqa isgaarsiinta dalka, dhanka kalena sahleysa nolosha iyo isku xirka bulshada, waxaana shirkaan uu ku soo aadayaa xilli dowladda federalka ay ku jirto dagaal ka dhan ah Al-shabaaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa Madaxtooyada Galmudug kula kulmay Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Wasiirka Gargaarka Galmudug Cabdiraxmaan Makkaawi, iyaga oo ka wada hadlay arrimaha Abaaraha iyo Gurmadka. Guddoomiyaha hay’adda SoDMA ayaa madaxwaynaha iyo wasiirka kaga warbixiyay shaqada hay’adda ee ku aadan ka jawaabista xaaladdaha deg degga ah iyo maareynta xaaladdaha la xariira abaaraha, sidoo kale Guddoomiyaha ayaa Madaxwaynaha la wadaagay deeq raashin ah oo dhawaan la gaarsiin doono degmada Baxdo. Madaxweynaha Galmudug ayaa hay’adda SODMA u ballanqaaday xarun ay ku shaqeeyaan oo dhawaan laga dhagax dhigi doono Magaalada Dhuusamreeb ee caasimadda Galmudug, waxaana xilligaan deegaannada Galmudug qaar kamid ah ka jira Abaar baahsan oo dadka iyo duunyada saameysay, waxaana yaraa Roobabka xilliga Deyrta ee Da’ay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Somalia’s international partners and the African Union are expected to move forward with a plan to start the transfer of the security responsibilities of Somalia to the Somali national army next year, part of a bold strategy that raises serious questions about Somalia’s forces readiness and whether they are ready to take over. The recent attacks, including a devastating double car bombing in the Somali capital and the latest one on a hotel inside the country’s presidential palace zone, have been such worrisome and embarrassing developments that cast doubt on the ability of Somali security forces to protect the public and the state institutions against the ruthless terrorist group. Somali officials insisted that the country has enough security personnel to protect institutions and the capital. Still, they expressed concerns over the lack of adequate intelligence information to prevent attacks that continue to blow the country’s battered psyche. Western and African officials assisting Somalia in training security forces have noted that corruption and nepotism within the intelligence leadership, along with recent unwarranted purges of important officers, have undermined Somalia’s intelligence capacity, but those changes appear to have made little difference. Many Somalis find it hard to reconcile such increasing attacks and the extra restrictive security measures in place. Prior to the subsequent attacks, Somali authorities said they were strengthening checkpoints and closing gaps in the perimeter around the hilltop presidential palace, protected by its high walls and heavy fortifications, to prevent attacks. President Hassan Sheikh Mohamed was evacuated to safety inside the African Union force’s base, Halane amid the ongoing siege inside Hotel Reys, located roughly 200 meters from his bedroom last week. The complex attacks lasted over 20 hours and prompted emergency evacuations across the state house. Concerns of potential attacks have grown recently, with the Somali government releasing statements calling for public assistance in preventing attacks. The statements were in response to subsequent security threat alerts widely circulated across the state institutions and social media. Last week’s attack shattered the illusions of the presidential palace as one of the few remaining safe havens and even raised concerns for the safety of Somalia’s leaders. The fallout of the latest attacks, especially the brazen one within the state house parameters, appeared to be swift amid reports of foreign diplomats and other foreigners operating in the Somali capital weighing whether they could stay on given the severity of the situation, which has become increasingly perilous for foreigners in recent months, raising fears among Somali officials that the attacks could diminish the already limited presence and roles of the international donors in Mogadishu. In the coming year, the African Union mission, known as ATMIS, will begin withdrawing troops from Somalia. Though the decrease in troop levels in the short term has been expected, their final withdrawal date remains to be determined. But, the latest security setbacks, which experts believe risk reversing security gains made in recent years, created significant doubts over whether Somali forces can stand up against still-potent Al-Shabab militants after foreign forces withdrawal and whether president Hassan Sheikh Mohamud’s government, widely criticized for politicizing the security agencies, will be up to the task. Amid a growing sense of caution surrounding the ATMIS mission, the frustrated Somali president, concerned over post-withdrawal uncertainty, has reportedly persuaded senior African Union officials to shoot down the withdrawal plans and hence offered to sign their mandate extension by four more years, according to officials privy with the matter who spoke to Caasimada Online on condition of anonymity. ATMIS officials have started speaking of ‘sound progress’ with the Somali president on the future security transition plans and mandate extension agreement, confirmed by a recent public statement by ATMIS. The Twitter post has since been deleted amid a backlash by Somalis on social media who were hoping for the withdrawal of the foreign forces next year as part of a deal signed with Somalia’s previous government. President Mohamud’s approval of the foreign forces’ withdrawal deadline by a further four years dealt a major blow to the Somalis, who see their departure as important psychologically, showing eagerness to see Somali forces in charge after 15 years of foreign forces’ presence. In the aftermath of the deadly hotel attack, one prevailing fear among Somalis and foreigners alike was figuring out how al-Shabab managed to get inside the presidential palace and slipped past multiple security checkpoints, further echoing concerns about the deteriorating situation, especially after the withdrawal of foreign troops. The post Spate of attacks cast doubt over Somali forces’ readiness to take over security appeared first on Caasimada Online.
  20. Ciidanka dowladda federalka oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaa maanta la wareegay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo labadii maalin uu ka socday howlgal ay wadeen ciidanka huwanta ah oo taageero ka helaya saaxiibada caalamiga oo duqeymo ka geystay degmada. Gudoomiyaha degmada Aadan Yabaal Maxamuud Sheikh Xasaan oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay u suurto gashay in ay la wareegaan degamada, taas oo dhowr iyo toban sano saldhig u aheyd dagaalamayaasha Al-shabaab oo laga saaray Aadan Yabaal. Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa horay Al-shabaab kala wareegay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka, tii oo ay jirto in degmadaan ay ku taallo xadka gobolka Shabeellaha dhexe ku xira gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, waxaana uu sheegay guddoomiyaha in ay sii wadayaan howlgallada socda. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2022/12/318204512_682664650097428_683437571739080824_n.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al-Nahyan ayaa maanta billaabay booqashadii ugu horreysay ee uu ku tago Qatar tan iyo markii lasoo afjaray go’doomin socotay afarta sanno oo la saaray Doha, taasi oo qaboojisay xidhiidhka labada dal. Sheikh Mohamed bin Zayed Al-Nahyan waxaa garoonka diyaaradaha Doha kusoo dhoweeyay amiirka Qatar. Madaxweynaha oo socdaalkiisa uu kusoo beegmay xilli dalkaas uu ka socdo Koobka Adduunka ee 2022. Waa booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah oo uu dalkaas ku tago tan iyo bishii January 2021, markaasi oo lasoo geba-gebeeyey xayiraad billaabatay June 2017 oo lagu hayey dalkaas. Booqashada oo ku timid casuumadda amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa dhiseysa xidhiidhka walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab. Hoggaamiyaha aan rasmiga ah ee Sacuudiga Dhaxal-suge Mohammed bin Salman ayaa hore ula kulmay amiirka Qatar kadib markii u ka qeyb-galay furitaanka Koobka Adduunka. Bishii May, amiirka Qatar ayaa Abu Dhabi uga qeyb-galay tacsida madaxweynihii hore ee Imaaraadka Sheikh Khalifa, oo ay isku aabe ahaayeen Sheikh Mohamed. Source
  22. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goordhaweyd dib ugu soo laabtay Garoowe, kaddib safar uu hal maalin ugu maqnaa magaalada Muqdisho. Madaxweyne Deni ayaa intii uu Muqdisho ku sugnaa kulan la qaatay safiirka dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Larry André, kulankaas oo looga hadlay la-dagaallanka argagixisada iyo arrimo la xiriira hay’adda PSF. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland waxa uu Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, inkastoo aan la ogayn waxa looga hadlay kulankaas. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe appeared first on Puntland Post.
  23. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada. Hoos ka akhriso liiska Golaha Wasiirada Galmudug ee la isku shaandheeyay. 1. Garaad Yuusuf Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo khayraadka Badda 2. Cabdullaahi Maxamed Yuusuf Kulmiye, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda 3. Cabdullaahi Cabdiraxman Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Xanaaanada Xoolaha 4. Muxiyadiin Cabdullaahi Cismaan, Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta 5. Abshir Cabdi Shiiqow, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dalxiiska 6. Amaal Axmed Cabdulle, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta 7. Cabdinaasir C/llahi Cusmaan, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Garsoorka 8. Cumar Maxamed Diiriye, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha, Fedralka iyo Dib-u-heshiisiinta 9. Daahir Faarax Fiidow, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Arimaha Bulshada 10. Farxiyo Cabdi Maxamed, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada 11. Eng. Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha 12. Cali Baashi Axmed Cigaal, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Amniga Gudah 13. Cabdiraxiin Axmed Cigaal, Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda bay’ada iyo Deegaanka 14. Axmed Maxamed Farax, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta 15. Shariif Cabdinuur Barre, Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha 16. Mahad Sh. Cali Cibaar, Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha 17. Maxamed Khaliif Salaad, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka 18. Khaalid Cabdi Yuusuf, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeenta 19. Cabdiraxmaan Maxamed Axmed Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga 20. Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka 21. Xasan Cabdullaahi Maxamed, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha, Dhirta iyo Daaqa 22. Nuur Cali Cadow, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta 23. Xamdi Axmed Siciid, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka 24.Cabdinaasir Axmed Cilmi, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda 25. Xuseen Xirsi Faarax, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dalxiiska 26. Cabdirixiin Axmed Bariise, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Owqaafta iyo Arimaha Diinta PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Galmudug oo lagu sameeyay isku shaandheyn appeared first on Puntland Post.