-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si weyn u bogaadiyay xoreynta degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, isaga oo dowladda u direy baaq deg deg ah. Xildhibaan Ayuub ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay adeegyada dadweyne si dhakhso ah u gaarsiiso degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal iyo dhamaan deegaanada laga xoreeyo argagixisada Al-Shabaab. “Waxaan hambalyo u dirayaa geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada dadka deegaanka ee soo hoyey guushan weyn. Waxay mudan yihiin ammaan iyo gacansiin si loo xoojiyo dedaalada dalka looga xoraynayo Khawaarijta Alshabaab,” ayuu yiri Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf. Waxa uu sii raaciyay “Soomaaliya waxa ay ku jirtaa dagaal qaran oo dalka looga xoraynayo cadawga arxanka daran ee argagaxisada Alshabaab oo in ka badan 15 sano afduub u haysta waddankeenna. Dadka Soomaaliyeed iyo dawladdooda waa in ay iska kaashadaan ciribtirka cadawgan oo hortaagan nabadda, horumarka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.” Xildhibaanka ayaa sidoo kale soo jeediyay in la xejisto dhamaan guulaha laga gaaray howl-galka dagaal ee socda, islamaarkaan maamul daadajin loo sameeyo dhulka la xoreeyo. Ugu dambeyntiina waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku bogaadiyay sida wanaagsan ee u hoggaaminayo hawl-galka dagaal ee dalka looga sifaynayo Khawaarijta Al-Shabaab. “Dhammaanteen waa in aan Madaxweynaha iyo maamulkiisa ku gacansiinnaa hawshan qaran. Soomaaliya waa ka guuleysanaysaa cadawga gudaha iyo kan dibadda insha Allaah. Soomaaliya ha noolaato.” The post Xildhibaan baaq deg deg ah soo saaray kadib qabsashada Aadan Yabaal appeared first on Caasimada Online.
-
Cadho ka dhalatay wasiir soo jeediyay in la xakameeyo barashada Qur’aanka Masaajiddo badan iyo ururo islaami ah oo ka jira dalka Holland ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah Dennis Wiersma oo ah wasiirka waxbarashada dalkaaa, kaas oo la sheegay inuu doonayo inuu xakameeyo barashada Qur’aanka kariimka ah oo inta badan carruurtu dhigtaan dhamaadka todobaadka, isaga oo ku eedeeyay Muslimiinta “takoor iyo ku xadgudubka dastuurka”. Ururka Rijmond Union of Islamic (SPIOR), oo ay ku mideysanyihiin ilaa 300 oo masaajid iyo ururo Islaami ah ee gobolka Rotterdam, ayaa ku eedeeyay wasiir Wiersma “inuu ku kicinayo qayb bulshada ka mid ah una gaysanayo bahdil, nacayb iyo takoor”. Sida laga soo xigtay warbaahinta Nederlaan, Wasiir Wiersma ayaa ku adkaysanaya in la xakameeyo cashirrada Qur’aanka kariimka ah ee maalmaha fasaxa ah, kuwaas oo aanay dawladdu maalgelin, isla markaana aan lahayn awood rasmi ah. Waraaq uu u diray golaha wakiilada bishii hore ayuu wasiirku kaga hadlay cilmi baarisyo ay sameeyeen hay’ado warbaahineed oo magacayadooda loo soo gaabiyo NOS iyo NRC, ayna ku sameeyeen masaajidda iyo barashada qur’aanka Kariimka ah . Daraasaddan , ayaa lagu sheegay in “Koorsooyinka dhammaadka toddobaadka lagu qabto masaajidyada lagu baro carruurtadiintooda Islamaka isla markaana looga wacyi galiyo dhaqamada iyo wxayaabaha liddiga ku ah diinta Islaamka, taas oo wasiirku u arko in ay tahay xagjireen carruurta loo gaysanayo ,iyadoo laga jeedinayo dhaqanka dalka Holland. Wasiir Wiersma ayaa ku nuuxnuuxsaday in koorsooyinkan ay tahay in la xakameeyo. Masuuliyiinta Wasaaradda: Ku xad-gudubka xorriyadda hadalka Wiersma ayaa sheegay in “ay tahay wax laga xumaado sida uu hadalka u dhigay in wax ka hor imaanaya dimuquraadiyadda lagu baro in ka badan 1,000 carruur ah ugu yaraan 50 xaruumood oo ay mamaulaan bulshada Islamaka ah oo ku yaalla dalka Nederland.” Isagoo muujinaya walaaciisa ku saabsan arrintaan ayuu sheegay inuu qaadi doono tallaabo ka dhan ah xagjirnimada waxbarashada aan tooska ahayn, iyadoon loo eegin aragtida. Dennis Wiersma waxa kale oo uu soo jeediyay in wax laga beddelo sharciga si loo siiyo kormeerayaasha waxbarashada xulashooyin ku saabsan xakameeynta duruusta Qur’aanka ee toddobadaka. Dhinaca kale,mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda ayaa sheegay in soo jeedinta wasiir Wiersma ay tahay mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka, sidaas darteedna ay adag tahay in la fuliyo. Howl-wadeennada wasaarada ayaa carabka ku adkeeyay in soo jeedinta Wiersma ay la macno tahay in la isku dayo in la go’aamiyo sida waalidku u koriyaan caruurtooda, waxayna sheegeen in tani ay xad gudub ku tahay qaar ka mid ah xuquuqaha aasaasiga ah sida xoriyada hadalka. Si kastaba ha ahaatee, wasiirka waxbarashada ee Nederland, Wiersma, ayaan ka laaban hindisahan. Taas beddelkeedana, wuxuu ku dooday in xakamayntu ay lagama maarmaan tahay ” hadalkaan ayaa ah fikradaha dadka xagjirka ah lagu yaqaan”. Wiersma ayaa tilmaamay in ay tahay in sidoo kale la dhaqan geliyo shuruudo “mamnuucaya buugaagta ka soo horjeeda dimoqraadiyadda,” Wakiilada masaajida iyo ururada islaamiga ah ayaa sheegay in ku adkaysiga wasiir Wiersma ee hadalkiisa lidiga ku ah Muslimiinta iyo barashada Qur’aanka kariimka ah ay la macno tahay xad gudub dastuuri ah waxayna ku dhawaaqeen inay gudbiyeen dacwad ka dhan ah oo ay ku tilmaamen inuu jabiyay “dastuurka”. Afhayeen u hadlay SPIOR ayaa ku dooday in qorshaha uu soo jeediyay Wiersma uu meel ka dhac ku yahay xorriyadda caqiidada, “Ma soo saari kartid hindise siyaasadeed oo aan dastuuri ahayn”. Qaran News
-
Arrintani Waa khiyaano Qaran Xukuumadda Biixi shacabka JSL waxay u aragtaa dad dhego la’ oo wixii loo sheegaba Iska qaadan kara!! Waa Khiyaano Qaran in maanta Somalia Mashaariic ka fulinayso Caasimaddii Qaranka JSL Hargeysa, inagoo soo taagan oo xay ah Xukuumaddeenniina ogolaatay!!! Waa khinaayo Qaran Khiyaano Qaran waa khiyaano Qaran. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa gabal-dhicii Isniinta dib ugu soo laabtey caasimada maamulka Puntland ee Garoowe. Deni oo kasoo laabtay Muqdisho ayaa waxa uu safarkiisi qaatay wax ku siman 30 saac oo kaliya, taasi oo safarkaasi ka dhigeysa midkii ugu gaabnaa abid ee ugu baxo meel ka baxsan Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa intii uu ku sugna magaalada Muqdisho waxa uu kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo looga wada-hadlay mad-madow soo kala dhex-galay labada masuul iyo dalabaad uu watay Deni. Wararka laga helayo kulanka Saciid Deni iyo Xasan Sheekh oo qaatay ku dhawaad 4 saac ayaa waxay sheegayaan in aan kulanka wax is faham ah ka soo bixin, taasi oo kaliftey in madaxweynaha Puntland uu si deg-deg ah uga soo baxo magaalada Muqdisho. Khilaafkan ayaa salka ku haya magacaabidda saraakiil hogaamin lahayd amniga ciidamada dowladda federaalka oo ka soo jeeda Puntland, waxaana Deni uu ku doodayaa in la qaato kuwa isagu ku taliyo, intii dowladda federaalka ay Puntland ka xulan laheyd cidda ay doonto. Ma cadda waxa madaxweyne Deni uu ka helaayo taliyeyaal amniga loo magacaabayo oo aan siyaasadda ku jirin. Dhinaca kale, Deni ayaa saacadihii koobna ee uu ku sugna magaalada Muqdisho waxa uu kulan la qaatey safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Mr Larry André. Kulankaasi ayaa waxay labada masuul uga wada-hadleen xaalada maamulka Puntland iyo arrimo kale oo la xiriira amniga. Illo-wareedyo ka agdhawaa kulankaasi ayaa soo warinaya in madaxweynaha Puntland lagu canaantey qaabkii uu u dhaqmey markii ay saraakiisha Ameerikaanku dib ugu laabteen magaalada Gaalkacyo, waxayna dhinacyadu isla qaateen sida loo sii wada shaqeyn karo. The post Xog: Muxuu DENI kala soo noqdey safarkiisi Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
-
Dhawr Qodob ayaa bud-dhig u ah dagaalka aan wax iskula-hadhka lahayn ee ay Cirro ku hayaan siyaasiyiinta deegaankiisa kasoo jeeda kuwaas oo ku jiray siyaasadda , intuu ku jiray in ka badan iyagu intay ku jiray , haddana ilaa hadda aan damac ka galin halkuu ka gaadhay iyo mansabyaduu soo qabtay iyagoo haystay fursado aad uga badan kuwa uu isagu helay, waxa ay liqi’la’yihiin Siduu ku fantay figaha dalkan iyo dawladnimadan ugu sarraysa isagoo hadda u taagan bar-dhamaadka meel la gaadho oo ah Madaxweyne. Alliance-gii uu ka koobnaa xusbigii udub wuxuu ka koobnaa saddex deegaan , Midi waxa uu haystay Madaxweynaa 8sanno, halka deegaanka kale ay haysteen ku-xigeenka ,balse waxa Cajab iyo cajaa’ib ahaa , in deegaanka saddexaad ragga ku metelayey ay iyagu qaneeco buuxda ku qabeen wasiirnimo iyo Xoghaye , iyagoo lahaa :MAXAA LOOGA GUDBAA? Cirro markuu dalka yimi iyadoo aanay jirin magac hore oo uu siyaasadda kulahaa ,markii uu ku guulaystay Xildhibaannimadii golaha wakiilada, wuxuu uga gudbay damaca Gudoomiyaha oo ahaa awoodii saddexaad ee Dalka iyo tii ugu sarraysay ee Dawladnimada . Md.Siilaanyo oo aaminsanaa inuu cirro kasoo jeedo deegaamada Udub laga taageero wuxuu isku dayey inuu Faysal ku qanciyo inuu kasoo beddelo oo uu keensado xataa mid isaga la jifo ah balse Faysal waa ku adkaystay in cirro uu u rabo gudoomiyaa oo aanay doodi ka furnayn Siilaanyo oo islahaa Golaha wuu kaa muxaafidin doonaa oo ilmaadeeradii ayuu la heshiin , Cirro wuxuu noqday nin qiyam leh oo aamisan mucaaridadii Kursiga lagu saaray taas oo sababtay Udub inay talaabo ka qaadi waydo golaha wakiillada ilaa heer laysla gaadhay in la qufulo. Isla maalintaa uu Gudoomiyaha doonaayey raggii diidanaa ,ayaa ilaa maanta diidan oo leh : Annagaa cirro in aanu madaxweyne noqon hor istaagayna ” waxa ay se ugu guuldarraysan doonaan siday 2005-tii ugu hungoobeen. Bal waa iga su’aale wakhtigaa iyagu si fudud ayey u noqon karayeen Gudoomiyaha xusbiga, murashax iyo mansab kaste oo dalka ah ,haddii han jiro balse fursadaa dahabiga inay waayaan Eeddeeda waxa aan saarayaa Inangumeedkaa Hanka la yidhaa oo Odayada ka dhacay . 12sano oo golaha wakiillada ah ,Gudoomiye/murashax madaxweyne , doorashadii koowaad oo uu helay 40% , tii haddda Dalka ka dhacday oo uu ku guulaystay labadii doorashaba, intaas oo guulo ah ayuu isu-raaciyey ragg iyagu mabdi’yan aaminsan aragti ah :WAXARA WAXARAYSIGAA LAGU DHARGAA ,SIDA WARAABAA “ Kaaga darane, waxaas oo dagaal ah ,isagu halmar xagooda ma eegayo, taas oo iyaduna ah” W/Q: Haldoor Shaam Suldaan. Source
-
Qaran News
-
Mashruuc ku kacaya 150 Million oo dollarka Mareykanka ah oo ah lacag dayn ah oo Baanka Adduunku amaahiyey Dawladda Federaalka ah ee Somalia, ayaa Somaliland ka heshay Mashruucaas 50 Million oo Dollar oo lagu maal gelinayo Kaabayaasha Korontada ee Somaliland, si ay dadweynuhu u helaan laydh jaban. Shalay ayaa mashruucan qaybtii Somaliland la daah-furay, halka ka Muqdisho 26-kii Bishii October. • Mashruucan waxa fulinaya Wasaaraddaha Maaliyadda, Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland iyo Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Tamarta ee Dawladda Federaalka ee Somalia. Muxuu ka tari doonaa Mashruucan Laydhka qaaliga ah ee Somaliland? Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo waddanka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadal jeedintiisa diiradda ku saaray guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay dalka iyo qabashada degmada Aadan Yabaal. Ugu horreyn wuxuu boggaadiyey ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka adag kula jira kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inay garab taagan tahay dowladda. Madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in maanta ay xor tahay degmada Aadan Yabaal, wuxuuna xaqiijiyey in ciidamadu ay si nabdoon kula wareegeen degmadaas. “Saaka ciidamada waxa ay joogaan degmada Aadan Yabaal Al-Shabaab xittaa kuma dagaalamin nimanku waa nimankaas, Hirshabeelle waxaa ka dhiman Runirgood,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in Al-Shabaab ay burburiyeen ceelashii biyaya ee ku yaallay degmadaasi, islamarkaana ay horay usii afduubteen shacabkii deganaa halkaasi. “Aadan Yabaal waxay ka siibteen labadii Ceel ku tiilay bambooyinkii biyaha shacabkiina inta afduubeen ayey kaxeysteen,” ayuu markale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Dadka qaarkii ogaal la’aan ayey Al-Shabaab ugu shaqeeyaan, Soomaaliya xaalad caadi ah kuma jirto, Al-Shabaab masoo laabanayaan” Ugu dambeyn madaxweynaha Soomaaliya ayaa farriin u diray shacbaka Soomaaliyeed, wuxuuna ka dalbaday in Shabaab kadib ay u diyaar garoobaan dib u dhiska dalka. “Dadka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa ha diyaar garoobaaano sida Shabaab aan ugu kacnay, kadib ha isku diyaariyaano sidii loo dhisi lahaa dalka Shabaab waa tegay” ayuu yiri. The post MW Xasan Sheeh oo sheegay inay Shabaab afduubteen shacabkii Aadan Yabaal + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Afrika ee ATMIS ayaa ugu hambalyeeyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qabsashada degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe. War-saxaafadeed kasoo baxay howl-galka ATMIS ayaa waxa lagu sheegay in degmada Aadan Yabaal aheyd xarun muhiim u ah argagixisada, qabsashadeedana ay muujineyso in howl-galada socda ay awood u leeyihiin ciribtirka Al-Shabaab. “Waxa aan bogaadineynaa geesiyaasheenna ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada oo howl-gallada milatari ee soconaya ku muujyey in ay awood u leeyihiin in jab culus oo aan soo kabasho lahayn ay Al-Shabaab ku gaarsiiyaan godadkooda,” ayuu yiri Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika Danjire Maxamed Al-Amiin Seyf. Sidoo kale waxa lagu sheegay bayaanka kasoo baxay ATMIS in ay sii wadi doonaan kala shaqeynta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalkooda ka dhanka ah argagixisada, si amni iyo xasilooni loogu soo dabaalo guud ahaan dalka. “Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ATMIS ee Taliska Koowaad ayaa ku taageerayey duqeymaha cirka ee aadka loogu baahnaa iyo daad-gureynta dhaawacyada, intii howl-galladaan socdeen oo dhan, si ay u taageeraan ciidamada xooga dalka ee dhulka ka dagaalamaya,” ayuu yiri Taliyaha KMG ee ATMIS, Sareeye Guuto Keith Katungi. Taliyaha ayaa hadalkiisa sii raaciyey “Si wadajir ah, ayaan u jabin doonnaa ugana adkaan doonnaa Al-Shabaab.” Ciidamada huwanta ah ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya Aadan Yabaal, waxaana lagu waramayaa in uusan wax dagaal ah ka dhicin magaalada kadib markii ay ka carareen Al-Shabaab. The post Midowga Afrika oo bayaan deg deg ah kasoo saaray xoreynta Aadan Yabaal appeared first on Caasimada Online.
-
Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika Danjire Maxamed Al-Amiin Seyf, ayaa ugu hambalyeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed xoreynta Aadan Yabaal, magaalo dhacda Gobolka Shabeellada Dhexe oo kooxaha argagixisada u ahayd xarun ay ku tababartaan. “Waxa aan bogaadineynaa geesiyaasheenna ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada oo howlgallada milatari ee soconaya ku muujyey in ay awood u leeyihiin in jab culus oo aan soo kabasho lahayn ay Al-Shabaab ku gaarsiiyaan godadkooda,” ayuu yiri Danjire Seyf. Howlgalka ATMIS waxa uu sii wadi doonaa in uu kala shaqeeyo Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalkooda ka dhanka ah argagixisada iyo in ay amni iyo xasillooni ku soo dabbaalaan dalkooda”, ayuu carrabka ku adkeeyay. Taliyaha KMG ah ee Ciidanka ATMIS Sarreeye Guuto Keith Katungi, ayaa sheegay in ATMIS ay taageero la garab taagnayd. “Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ATMIS ee Taliska Koowaad ayaa ku taageerayey duqeymaha cirka ee aadka loogu baahnaa iyo daad-gureynta dhaawacyada, intii ay howlgalladan socdeen oo dhan, si ay u taageeraan Ciidanka Xoogga Dalka ee dhulka ka dagaallamaya.” Waxa uu intaa raaciyey: “Si wadajir ah, ayaan u jabin doonnaa ugana adkaan doonnaa Al-Shabaab”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka iyo ah ayaa Al-shabaab ka saaray degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana dowladdu ay sheegtay in si buuxda ay ula wareegtay degmada, kadib howlgallo qaatay in 48 saac oo ay wadeen ciidanka huwanta ah ee ee gulufka ku qaaday Aadan Yabaal oo muddo ay maamulayeen. Degmadaan oo ku taalla xadka gobolka Shabeellaha dhexe uu la wadaago gobolka Hiiraan ayaa waxaahowlgallada socda ay u leedahay muhiimad weyn, iyadoo la oran karo waa degmadii ugu dambeysay oo Al-shabaab ay kaga sugnaayeen gobolka Shabeellaha dhexe, maadaama ay ku taallo halka ay isaga xirmaan gobollada Shabeellaha, Hiiraan iyo Galgaduud. Marka laga anboqaado in ciidamada ku sugan Hiiraan ee howlgallada ka wada ay ku sugan yihiin deegaanka Mubaax oo ku yaalla xadka gobolka, waxaan jirin Al-shabaab ku sugan degmooyinka deegaannada Hirshabeelle, marka laga reebo tiro ay kaga sugan yihiin deegaannada dhaca galbeedka gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedka Hirshabeelle. Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa hadda ku sugan degmada Matabaan oo ku taalla xadka gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, waxaa kale oo dowladda gacanteeda ku jira degamada Balcad oo ah ku taalla xadka gobollada Shabeellaha dhexe Hiiraan iyo gobolka Banaadir, taas oo ka dhigan in Al-shabaab laga saaray Hirshabeelle waxyar mooye. Degmadaan oo qiyaastii 220km u jirta caasimadda ayaa ayaa qabsashadeeda waxaa ay dowladda u sahleysaa in Galmudug sida ugu dhaqsiyaha badan looga saaro Al-shabaab, madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dhowaan booqday Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa sheegay in labadaan maamul sida ugu dhaqsiyaha badan Al-shabaab looga saarayo. Ciidanka degmada la wareegay oo isugu jira Kumaandooska Danab, Gorgor iyo kuwa deegaanka ayaa horay ula wareegay deegaannada Masaajidka Caliguduud iyo Nuurdugle, waxaana howlgalka gobolka Shabeellaha dhexe xudun u ahaa Cadale oo ah saldhiggii ay ka duulayeen ciidanka, iyagoo Al-shabaab dhowr jeer kula dagaalamay gobolka. Al-shabaab ayaa hadda degmooyin muhiim ah kaga suga gobollada Mudug iyo Galgaduud ee deegaannada Galmudug oo deegaanno dhowr ah horay looga saaray, degmooyinka Ceelbuur iyo Xaradheere oo Galgaduud iyo Mudug in laga saaro ayaa ka dhigi doonta in Al-shabaab ay ku adkaato in ay joogaan deegaannada labadaan Maamul. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa markii la doortay waxaa uu sheegay in Al-shabaab laba sano uu kaga saarayo dalka, muddo lix bilood ah uu xafiiska joogay ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa Alshabaab ka saaray deegaanno badan ka kala tirsan Hirshabeelle iyo Galgaduud. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Midowga Afrika ayaa Ciidamada Soomaaliya ugu hambalyeeyay xoraynta degmada Aaden Yabaal ee Gobolka Shabeellada dhexe. Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa Ciidamada dowladda iyo saaxiibadooda ku bogaadiyay xoraynta degmada Aaden Yabaal. “Waxa aan bogaadineynaa geesiyaasheenna ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada oo howlgallada milatari ee soconaya ku muujyey in ay awood u leeyihiin in jab culus oo aan soo kabasho lahayn ay Al-Shabaab ku gaarsiiyaan godadkooda” ayui yiri Seyf. Warka Midowga Afrika ayaa soo baxay wax yar kadib markii dowladda Soomaaaliya si rasmi ah u shaacisay in Al-shabaab laga xoreeyay degmada Aaden Yabaal islamarkaana ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada dowladda. PUNTLAND POST The post Midowga Afrika oo Ciidamada Soomaaliya ku bogaadiyay xoraynta degmada Aadan Yabaal appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee Isniintii ay xubno ka tirsan Al-Shabaab weerar khasaare kala duwan ka fuliyeen deegaan hoostaga magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari. Wararka ayaa sheegaya in dabley hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay waddada u galeen kolonyo ka tirsan ciidamada difaaca Kenya, kadibna ay weerar ku qaadeen. Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay qoriga Zabanka ku dhufteen gaari ay wateen ciidanka Kenya, kaas marayay inta u dhaxeysa deegaanada Weelmareer iyo Yunbis, waxaana soo gaaray burbur, iyadoo waxyeelo ay soo gaartay ciidankii la socday. Sidoo kale ciidamada ayaa sameeyay iska caabin, waxaana meesha ka dhacay iska hor imaad hubeysan, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Kooxda Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan ayaa shaacisay inay khasaare ku gaarsiisay ciidamada Kenya, balse dowladda ayaa sheegtay inay ciidamadu fashiliyeen weerarkaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Kenya ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen agagaarka magaalada Gaarisa ee dalkaasi. Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ka fuliya xadka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo uu khasaare kasoo gaaro ciidamada Kenya iyo rayidka. The post AL-SHABAAB oo weerar culus ka fulisay KENYA appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmiya u shaacisay in Al-shabaab laga xoreeyay degmada Aaden Yabaal ee Gobolka Shabeellada dhexe. Af-hayeenka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya S/Guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay Al-shabaab kala wareegeen degmadaas. Degmada istiraatiijiga ah ee Aaden Yabaal ayaa la sheegay in ay ahayd xarunta ugu weyn ee Al-shabaab ku leeyihiin Gobolka Shabeellada dhexe. Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ayaa horay Al-shabaab uga saaray degaanno kala duwan oo ka tirsan Gobolkaas Shabeellada dhexe. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah u shaacisay in Al-shabaab laga saaray degmada Aaden Yabaal appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda dalka Jabuuti. Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu ka qayb-galayo xiritaanka Shirka Heritage ee haatan ka socdo caasimadda waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti. Sidoo kale madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaas kulamo la qaaday dhiggiisa, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wadahadli doonaan arrimo dhowr ah. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey u tegay dalka Jabuuti, kadib dib u doorashadiisii, isaga oo wahadallo la yeeshay madaxweynaha waddankaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxweynaha dowladda federaalka uu usii gudbi doono dhanka daklka Mareykanka oo uu ka dhacayo shirka Afrika iyo Mareykanka, kaas looga hadlayo arrimaha ganacsiga iyo kaashiga ka dhaxeeya labada dhinac. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in madaxweynaha uu khudbad ka jeedin doono madasha, isaga oo kusoo bandhigi doono fursadaha ka jira Soomaaliya. Waxaa kale oo uu kulamo doceedyo la yeelan doonaa madaxda iyo hay’adaha kala duwan ee ka soo qaybgalaya shirka Afrika iyo Mareykanka oo ah mid muhiim ah. Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii ay wax ula qaybsan laheyd caalamka intiisa kale, waxaase caqabad ku ah Al-Shabaab oo weli halis ku ah amniga guud ee dalka. The post XOG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo u baxayo safar dibadeed + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filaya in uu gaaro magaalada Jabuti ee dalka Djabuti. Socdaalka madaxweynaha ayaa salka ku haayo soo xiritaanka shirka machadka daraasaadka siyaasadda ee HERITAGE, kaas oo labadii maalin ee la soo dhaafay ka socday dalka Jabuti. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad ka jeedin doona munaasibadda xiritaanka shirka Heritage, waxaana ay soo wada xiri doonaan madaxweynaha dalka Jabuti Ismacil Cumar Geelle. Shirka ayaa sanadkaan looga hadlayay isbaddalka cimilada iyo saameynta ka dhalatay, waxaana shirka Jabuti ka furay Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac iyo wasiirka cimilada ee dalka Jabuti Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kulan gaar ah oo shalay Madaxtooyada Muqdisho ku dhexmaray Xasan Sheekh iyo Siciid Deni ayaa sida la xaqiijiyay natiijo la’aan ku dhammaaday. Xogo hoose ayaa sheegaya in kulanka labada madaxweyne oo aysan cidna ku wehelin uu fashil ku dhammaaday kadib markii la isku fahmi waayay. Labada dhinac ayaa inta badan ka wada-hadlay dano gaar ah marka laga reebo qodob ku saabsanaa Koonfur Galbeed. Siciid Deni ayaa u sheegay Xasan Sheekh in aan la aqbali karin fara-gelinta Villa Somalia ku hayso Koonfur Galbeed sida ay tilmaameen ilo wareedyo madax-bannaan. Xogta ayaa intaas ku daraysa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka carooday hadalka Siciid Deni ee la xiriira Koonfur Galbeed islamarkaana uu weydiiyay bal in Koonfur Galbeed dal kale ku taallo si loo fara-geliyo. Taag-taag dheer kadib shirka ayaa dhammaaday waxaana wararku sheegayaan in aysan jirin wax is faham ah oo ay gaareen labada dhinac. PUNTLAND POST The post XOG: Kulankii Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo ku dhammaaday natiijo la’aan appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa sheegay in ururada siyaasada ee cusubi ay Somaliland burburinayaan. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in nidaamka furista ururada ee uu madaxweynaha Somaliland hor kacayaa uu uu Somaliland burbur u horseedi doono. “Waxad maqasheen anoo leh mashruuca uu wado Muuse Biixi waa burburka Somaliland, macnaheedu maaha ana burburinaya, lakiin waa habkay u burburaysay” ayuu yidhi Guddoomiye Waraabe. “Bal Muuse waxad waydiisan, wuxuu leeyahay sharci baan ilaalinayaa oo uu gaalada u sheegay, anagaaba ku ixtiraamaynee intu soo fadhiisto sharciga uu ilaalinayo ha sheego sharciga odhanaya jilib kastaaba urur ha furto” ayuu yidhi Guddoomiye Waraabe. Xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaan wali ka heshiin ta soo horaynaysa doorashooyinka ururada siyaasada iyo madaxtooyada. Source
-
Warbixin uu daabacay wargeyska caaanka ah ee Washington Post ayaa muujinaysa in ciidamo Itoobiya ah oo ilaalinayey maxaabiis iyo dadka shicib ah oo ku sugan qaar ka mida magaalooyinka yaryar ee Itoobiya inay bishii November ee sannadkii hore inay laayeen illaa 83 maxbuus oo ka soo jeeda qowmiyadda Tigrayga, kuwaas oo lagu hayey xero ku taalla dhinaca Koonfureed ee dalka Itoobiya. Warbixinta ayaa dhacdadan ku tilmaantay inay ahayd mid ka mida dilalkii ugu dhimashada badnaa ee loo geysto qaar ka mida maxaabiista ciidamada Tigrayga, tan iyo intii ay colaaduhu ka bilaabmeen dalkaas. Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in dilalkan oo aan hore loo shaacin in la geystay bishii November 21-keedii ee sannadkii 2021, waxaana dilalkaasi ay ka dhaceen xero u dhow magaalada Mirab Abaya, halkaas oo lagu hayey in ka badan 2000 oo askari oo Tigray ah oo la soo xidhay. Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay wargeyska Washington Post, in 16 illaa 18 ka mid ah ilaalada xeradaasi inay rasaas ku fureen maxaabiista, gelinkii dambe ee maalintaas, taasoo keentay in qaar badani ay u cararaan dhinaca duurka ama kaymaha, waxaana eryaday ciidamada dalka Itoobiya. Warbixinta la daabacay ayaa intaas ku dartay, in ka dib markii ay carareen maxaabiistu muddo ku dhow saacad, inay is heleen qaar ka mida dadka deegaanka, iyaga oo ka baryay inay caawiyaan, hase ahaatee, halkii ay filayeen in la caawiyo, waxaa weerar ku soo qaaday koox hubaysan oo ka kooban illaa 150 qof, kuwaas oo watay baangado, ulo iyo dhagxaan, waxayna weerar ku qaadeen maxaabiistii soo baxsatay ee Tigreega ahayd. Goobjoogayaasha ayaa sheegay in maleeshiyaadka weerarka geystay in si khaldan loogu sheegay in maxaabiistan Tigreegu inay yihiin maxaabiis dagaal oo ka masuul ahayd geerida, saraakiil ciidan oo laga laayey bulshada deegaankaas. Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in askarta la laayey, inaanu midkoodna ka qaybgelin dagaalada looga soo horjeeday ciidamada Itoobiya. Weeraradan ayaa dhacay xilli ciidamada Tigreegu ay ku sii siqayeen caasimadda Addis Ababa ee dalka Ethiopia. Maxaabiista sheekada lagu wareystay ayaa ku qiyaasey in weerarrada ay ka dhasheen cabsi ama rabitaan aargoosi. Meydadka 83-ka qof ee Tigrayga ah ayaa lagu aasay xabaal wadareed ka baxsan xerada xabsiga, sida ay sheegeen goobjoogayaashu. “Waxa la isu dulsaaray sidii qoryo oo kale,” ayuu yidhi mid ka goobjoogayaashu. Wargeyska ayaa sheegay inay waraysteen in ka badan labaataneeyo qof oo ay ku jiraan qaar ka mida maxaabiista, shaqaale caafimaad, saraakiil ciidan iyo qaraabo ka soo jeeda deegaanka, ka hor intii aan warbixintan la daabicin maalintii Isniinta. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xalay fuliyay amarkii kasoo baxay Duqa magaalada Muqdisho ee ahaa in maamullada degmooyinka ay bilaabaan howlgallo lagula dagaalamayo kooxaha ciyaal weerada, kuwa ganacsada maandooriyaha iyo burcadda. Maamulka degmada Kaxda oo kaashanaya saraakiisha ammaanka ee degmadaasi ayaa xalay howlgallo ka sameeyay xaafadaha Kaxda, kaas oo dad badan lagu soo qabqabtay. GuddoomiyeCaabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo ka warbixiyey ujeedka howlgalka ayaa sheegay in iyaga oo fulinayo amarka kasoo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir ay howlgalkaas sameeyeen, islamarkaana looga hortagayey ciyaal weerada & maandooriyaha. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka maamul ahaan la socdaan dhibaatada kooxaha ciyaal weerada ku hayaan degmada, islamarkaana ay wax ka qaban doonaan. Ciidamada ammaanka ayaa intii uu socday howlgalka gacanta kusoo dhigay dad tuhmanayaal ah, kuwaas oo haatan su’aallo ay weydiinayaan laamaha amniga Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socdo howlgallo ballaaran oo ay iska kaashanayaan Booliska iyo Nabad Sugidda, hadana waxaa weli kasii dhacaya falal amni darro ah. Kooxda Al-Shabaab oo lagu jabiyay dadaallada ka socdo gobollada ayaa dhankeeda culeys soo saartay caasimada oo maalmihii u dambeeyay ka fulisay weeraro khasaare geystay. The post Guddoomiyaha KAXDA oo fuliyay amarkii Duqa Muqdisho kadibna sameeyay… appeared first on Caasimada Online.
-
Isbaheysiga Dimoqraadiyad doonka ah ee ciidanka Xorriyadda iyo kooxda kale ee Change -ama isbedel ayaa saxeexay heshiis bilow ah oo ay la galeen millatariga si loo soo celiyo xukunkii rayidka ahaa ka dib afgambigii dhacay sannadkii hore. Heshiiskan ayaa oggolaanaya xukun ku meel gaadh ah oo middo laba sanno lagu gaadho doorashooyin. Laakiin bannaanbaxyo lagaga horjeedo heshiiska ayaa ka billaamay caasimadda , Khartoum kuwo kale ayaa Iyana lagu wadaa dalka oo dhan in ay ka dhacaaan , iyadoo dadku ugu baaqayaan in kuwa afgambiga hoggaaminayey lala xisaabtamo. Sudan ayaa la kulantay afar sanno oo degenaansho la’aan siyaasadeed Ka dib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore Cumar Al -Bashir markii ay dhaceen bannaanbaxyo waaweyn. Midowga Afrika , dowladaha Carabta iyo kuwa reer Galbeedka ayaa ka dambeeyey wada xaajood dhexmaray millatariga iyo rayidka si deggenaanshihii loo soo celiyo loona joojiyo bannaanbaxyada loona badbaadiyo dhaqaalaha Sudan ee burburaya. Source
-
Interior CS Kithure Kindiki on Monday hosted Garissa leaders for talks around the security situation in the county. Source: Hiiraan Online
